Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,322
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cism,aan Yariisow ayaa waxaa amar culus la dul-dhigay Shacabka ku nool Gobolkaan Banaadir. Amarkaan oo uu Warbaahinta u Akhriyey Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku saabsan dib u Habeynta Bulaacadaha Magaalada Muqdisho iyo Naleynta Magaalada si Bilicda dib loogu soo celiyay. 1 – In cid alaala cidii si sharci darro ah u istecmaasha Bulaacadaha Magaalada Muqdisho, aan laga aqbali doonin, isla markaana u hogaansanto xeerka kasoo baxay Xafiiska Duqa ee Mamnuucaya in danta guud loo istecmaalo mid gaar ahaaneed. 2 – In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal, si Iftiinka Magaalada Muqdisho loogu wada qeyb-qaato, taasi oo muhiim u ah Howlgalada Amni, bacdamaa kooxaha dhibaatooyinka geysta ay ku dhuuntaan goobaha Mugdiga ah. 3 – Cidii xeerarkaan fulin weyda waxaa laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga taasi oo ku xusan xeerarka kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Afhayeen-Saalax-dheere.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Gaalkacyo: sawir hore 2016 Malayshiya beeleed hubaysan ayaa maanta la wareegay saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo sida ay sheegeen goobjoogayaal. Malayshiyaadka oo uu hoggaaminayo nin magaciisa lagu sheegay Dhuuhdan ayaa sida la sheegayo qabsaday saldhiga bartamaha oo ay ku shaqeeyaan ciidanka ilaalinta canshuuraha dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo. Sidoo kale qaar kamid ah ganacsatada ayaa sheegaya in malayshiyaadka halkaasi qabsaday ay tan iyo saaka ka qaadayeen canshuuro kadib markii ciidanka ilaalinta canshuura ee dowladda hoose laga qabsaday saldhiga. Sarkaalka hoggaaminaya malayshiyaadka oo lagu magacaabo Dhuuhdan ayaa hore u soo noqday madaxii baarista iyo dabagalka dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo waxaase xilka ka qaaday guddoomiyihi hore degmada Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad. Mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaan ilaa iyo haatan wax war ah ka soo saarin malayshiyaadka qabsaday saldhigaasi. PUNTLAND POST The post Malayshiyaad qabsaday saldhig ku yaalla magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  3. Wararka ka imaanayaa degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ay halkaasi ay ka aloosantay xiisad u dhexaysa ciidamada Somaliland iyo ciidamo degaanka u dhashay oo maalmihii u dambeeyay isku uruursanayey tuulooyin hoos yimaada degmadaasi. Ciidamada degaanka oo hab-beeleed u abaabulan ayaa fariisimo ka samaystay tuulooyin ay ku jiraan Gacan-maroodi iyo Shidan oo ka tirsan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag sida ay sheegayaan dadka degaanka. Taliyaha jabhaddaasi oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Jaamac ayaa maalmo ka hor hanjabaad culus u diray ciidamada Somaliland oo uu sheegay in ay ku soo duuleen degaanno nabad ah si ay dhibaato uga gesytaan. Wararkii ugu dambeeyay oo warbaahinta Puntland Post halkaasi ka helayso ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta ay rasaas is weydaarsadeen ciidamo ka tirsan Somaliland iyo kuwa jabhadda degaanka. Goobgoogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland oo xaabo wax lagu karsado guranaya ay rasaas is weydaarsadeen ciidanka degaanka balse wax khasaara lama soo werin. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo mar kale ka aloosan degmada Yubbe appeared first on Puntland Post.
  4. Booliska Oo Heegan La Galiyay Iyo Wararkii U Dambeeyay Dad Loo Xidhxidhay Bambo Ku Qaraxday Wajaale Hargeysa(Waaberi) Xildhibaan Iid Xasan Dheere oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa ka hadlay shan nin oo habeen hore guri ku yaal Magaalada Wajaale ay ku qarax-day Bombo,kuwaasi oo uu sheegay inay ahayeen kuwa maleegay shirqool oo xamar laga soo shidaaliyey, balse Ciidanka Booliska Somaliland ayaa heegan buuxa la geliyey, sida uu sheegay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan. Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay sidan: “18 May ayaa inagu soo haysa foodda illaahay waxaynu ka baryeynaa inuu nabad-gelyo inagu gaadhsiiyo nabad-gelyana inoogu dhammeeyo , waxaa la inaga rabbaa , hawl adag ayeynu gelaynaa ,waa laba qaybood ciidan amniga ka shaqayn doona iyo ciidan gaardiska mari doona, dhammaan ciidan weynaha Bilayska Somaliland waxa lagu wergelinayaa inay diyaar garoobaan illaalinta nabad-gelyada, waxa weeye waad garanaysaan calaamadaa aynu sidaanaa waa qarankii weeye waa in aad haybaddiisa iyo sharaftiisa aad ilaalisaan , iyadoo horeba la idiin faray haddana waan idinku baraarujinayaan .” Waxaanu intaasi ku daray Taliyuhu “Waxa weeyaan ujeedada aynu iskugu nimid dambiga ka hor tag iyo ka daba tag , haddii uu yahay ciidanka heeganka ah ee xeryaha la dhigayo iyo hadduu yahay ka gaaf wareegaya iyo haddii uu yahay ka suuqa wareegaya, waxa loo baahan yahay anniga oo idiinka mahadcelinaya hawsha adag ee aad qaranka u haysaan waxa la idiinka baahan yahay adkaysi badan iyo in aad dul-qaadateen.” Geesta Kalena Taliye Fadal ayaa fariin u diray Shacbiga reer Somaliland “Shacabka reer Somaliland ee xariirta ah waxaan ka codsanayaa in aad iyo aad u gashaan feejignaan oo dareenkiinu taagnaado oo aad ka jawaabi karto qofka ku dhaafay oo aad suuradin karto , ayaa loo baahan-yahay .” Dhanka kaleXildhibaan Iid Xasan Dheere oo ka tirsan golaha deegaanka ee Gabiley, ayaa ka waramay dhac-daasi habeen hore ka dhac-day wajaale , waxaanu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bogga Facbuugsiisa sidan “Illaahay iyagii ayuu inagu furtay wixii ay inala damacsanaayeen, isheenu way shaqaysay, Inkaarteenii ayaa ku qarxisay iyagii waday. Alle ayaa mahaddaasi iska leh, waxay goor dhawayd Bombo ku qaraxday shan nin oo reer Xamar ah, Goobtu waa Guri kuyaala Wajaale. Laba waa la qabtay, midi dhaawac yahay, iyo mid kale, Saddexna waa lagu raadjoogaa. Dadka reer Somaliland ha feejignaadaan, qof walba hala socdo guriga jaarkiisa cidda kujirta, maadaama ay inagu soo fool leedahay Xuskii 18-ka May. Ciidamada Booliiska halagu gacansiiyo Sugida amniga oo yaanay cid cadawgeena ahi inagu dhex dhuuman”. Geesta kalena waxa la sheegay in ninkii dhaawacmay loo soo qaaday dhanka Magaalada Hargeysa, halka labadii kalena lagu xidhay magaalada Hargeysa, waxaana xogu xuseen in qoyskii guriga ka kireeya raggaasi xabisga loo taxaabay, mana jiro wax war ah oo amuurta ku saabsan oo kasoo baxay Xukuumada illaa hadda Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda SOomaaliya ayaa sheegayo inuu kulan u socdo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sh. Axmed. Kulankaan oo ah mid alabaabada uxiran yihiin ayaa waxay labada Mas’uul ku leeyihiin Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadlayaan labada Mas’uul, haddana waxaa la rumeysan yahay in laga wada hadlayo xaaladaha Siyaasadeed ee heysato Dowladda Farmaajo oo mucaarad xooggan kala kulmeyso siyaasiyiin badan oo uu kamid yahay Sheekh Shariif Shiikh Axmed. Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli Sheekh Shariif uu shalay weerar culus ku qaaday Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay munaasabadda daah furka Xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran ayaa sheegay in uusan ka aamusi karin xaaladaha qaar ee dalka ka jira, isagoo ka dhawaajiyay in Amniga Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya uu hoos u sii dhacayo. “Amniga Muqdisho hoos ayuu u sii dhacayaa, in magaaladna xirnaato, amni uusan jirin ma ahan wax sax ah, waa in istiraatiijiyadaas dowladda wax ka qabato, dowladda labo sano ayay wax qabanayesay, illaa iyo hadda laguma qanacsana. Khudbadda Sheekh Shariif ka jeediyay munaasabadda daah furka Xisbigiisa ayaa aheyd mid dhinac badan taabaneysay oo si guud ah uga hadlay xaalada dalka, waxaana tani meesha ka saareysa hadalo badan oo Shariifka lagu xamanayay oo ahaa intii uu ka aamusnaa xaalada dalka, isla markaana Madaxdda Villa Somalia xiriir dhow kala dhaxeeyay. Fadlan la soco wixii kusoo kordha kulankaas hadda u dhaxeeyo Farmaajo iyo Sheekh Shariif. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muxuu Golaha Guurtidu Faraha Uga Laabtay Khilaafka Heerkii Ugu Sareeyay Maraya Ee Xisbiyada Siyaasadda ? Xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland waxa kala irdheeyay khilaaf riiq dheeraaday oo soo taagna 13-kii bilood ee u dambeeyay. Khilaafka waxa udub dhexaad u ah kala dirista Komishanka doorashooyinka iyo in ay noqdaan guddi xisbiyadu ku leeyihiin tiro siman. Inkasta oo ay jiraan culaysyo ka imanaya beesha Caalamka oo doonaya in xisbiyadu isu tanaasulaan, inkasta oo waxgarad, ururo bulsho iyo madaxweyne xigeennadii hore ee dalka oo mar is xil qaamay arrinta ku guuldarraysteen waxaan wali arrintan dhex gelin Golaha Guurtida Somaliland oo lagu yaqaanay marjaca Somaliland isula noqoto marka ay arrimuhu murgaan. Bishii ina dhaaftay ayey dalalka beesha caalamka ee Somaliland ka caawiya dhinaca doorashooyinka ay ku cadaadiyeen saddex-da Xisbi inay wada haddalada soo celiyaan oo ay ka heshiyaan waxay isku khilaafsan yihiin, walow ay canaantaa beesha caalamka ugu timi awgeed u bilaabeen wada haddaladii dib saddex-da Xisbi, balse maal-mo ka dib haddana wey burbureen , waxaanay sheegeen inay ku heshiin wayaan iyagoo qolaba qolo ku eedaysay inay tahay in aanay heshiiska ogolayn Geesta kalene dhawr cisho ka dib waxa war-murtiyeed iyo go’aamo soo saaray isbahaysiga Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, waxaanay soo bandhigeen qodobo ay ku heshiiyeen, iyagoo sidoo kale kullan al-baabadu u xidhanayeen ay la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland. Sidoo kale Xisbiga WADDANI ayaa heshiiska KULMIYE iyo UCID ku sheegay mid anbad ah, isla markaana aan soconayn, waxaanu yidhi Guddoomiye Cirro oo arrintaasi ka hadlaya “Waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqaya, walaalayaal xukuumaddii aynu dooranay waad aragtaan, labadii xisbina waynu aragnaa, in ay ambadeena waynu aragnaa, Aadan Carab baa tilmaamay dadka ambada oo wuxuu yidhi ‘Nin Ambaday Halkuu aaday way ula eekaatay, anigoo arkaayaan waddadii Eerigo maray’ waxaan leeyahay labada xisbi iyagoo arkayay wadadii Eerigoo Mareen. Somaliland waa la wada leeyahay, taladeeda waa la wada leeyahay, cid gaar u tashan karta ma jirto. Go’aankooda marnaba kumay xusin caqabadihii doorashada hor taagna iyo sida loo qaadayo, waxaa is waydiin leh waxay yidhaahdeen ‘Komishanku ha joogo ilaa 29-ka November’ waxay yidhaahdeen ‘Ogos baanu soo jeedinay in la magacaabo Komishankii cusba’ Maxaa u diidaya in May la magacaabo? Maxaa u diidaya in June la magacaabo? Sharciga kaa u ogolaaday muxuu kan ugu diidan yahay? Haddii doorasho la doonayo talo ha la isugu yimaaddo, doorashadii diyaar baanu u nahay, shacbiga Somaliland na waxaan ku dardaaraya maaddaama aynu aragno xukuumaddii iyo taladeedii, maaddaama aynu aragno labadii xisbi iyo taladoodii midnimadeenu waa muhiim, wada jirkeenu waa muhiim, duruufaha ina haysta ee inagu gadaaman waxaynu kaga bixi karayna midnimo, Somaliland hadday wada hadli kari waydo oo Axsaabtu wada hadli kari waydo Soomaaliya sidee bay ula hadlaysa? Bal idinku is waydiiya?..” Dhanka kalene khilaafkaa soo jiitamay ee Xisbiyada Qaranka Somaliland u dhaxeeya ayaa u muuqda hadda mid cirka isku sii shareeraya, kaasi oo ay gaas ku sii shubeen go’aamada iyo heshiis-yada ay sheegeen inay galeen labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkaasi uu dib u dhigi karro doorashada mudaysan ee ay lixda biilood ee qudhi ka hadheen. Qaar kamid ah culimada waa weyn ee magaalada Hargeysa, ayaa khudbadii saalada jimcaha kaga hadlay khilaafka saddex-da xisbi Qaran , waxaanay sheegeen in loo baahan-yahay mar haddii ay xisbiyadddii heshiin waayeen dhex-doodii in culimada iyo wax-garadka reer Somaliland ay dhex-galaan, isla markaana la xaliyo murankaas, waxaanay ugu baaqeen saddex-da xisbi inay u tudhaan shacabigood oo ay joojiyaan haddalada xanafta leh. Docda kale Golaha Guurtida Somaliland ayaa sida looga bartay ah kuwo inta badan ka shaqeeya arrimaha nabada iyo wada jirka iyo midnimada Shacbiga reer Somaliland, kuwaas oo inta badan xalliya ismaandhaafka beelaha ,muranada siyaasadeed iyo arrimo kale oo muhiim u ah Qaranka Somaliland, haseyeeshee hadda ayey u muuqdaan kuwo si toos ah uga muquurtay xallinta khilaafkan soo jiitamay mudada ee u dhaxeeya Xisbiyadda Qaranka Somaliland, waxaanay goobaha lagu faaqido siyaasada la isku weydiinayaa sababta ay odayaasha golaha guurtidu u soo dhex-geli wayeen ee ay dhinac-ayada u heshiisiin waayeen. Golaha guurtida oo xaliyey murano siyaasadeed-yo badan oo dalkan soo maray,kuwaas oo ugu dambeeyeen heshiisiintii ay ka dhex-dhaliyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyihii KULMIYE ee wakhtigaasi Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo uu dhex-maray is maandhaaf sanadkii 2014-kii, balse golaha guurtida Somaliland ayaa u guntaday, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi kala dhex-dhigay heshiis midho dhalay. Madaxweyne Biixi ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday Golaha Guurtida oo uu ku dhalliilay wakhtiga dheer ee ay fadhiyeen. Inkasta oo aanu arrintan si toos ah uga jawaabin guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa jiray xildhibaanno madaxweynaha ugu baaqay in uu ka waantoobo dhalliillidda golaha. Ugu dambeyna waxa la is waydiinaya sababta Guurtidu doorkooda uga qaadan wayday arrintan culayskeeda leh oo hadda taaggan in beesha caalamku xidhiidhka u jirto Somaliland haddii la xallin waayo khilaafkan sababna uu u noqdo dib dhac doorashada soo socota. Waxa kale oo la is waydiinaya in ay arrintan keentay Madaxweyne Biixi iyo guddoomiye Saleebaan oo aan isku san bannaanayn. Qaran News
  7. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyadda KULMIYE Iyo UCID Oo Saaka Kulan La Yeeshay Shirguddoonka Baarlamaanka Somaliland+Qodobadda Ay Isku Af Garteen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa maanta soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in si gaar ah loo isticmaalo Bulaacadaha magaalada Muqdisho. Wareegtada ka soo baxday xafiiska guddoomiye Yariisow ayaa lagu sheegay in la ganaaxi doono kun Dollar, cidii si gaar ah u isticmaasha goobaha Biyo Fadhiisidka ah, sida uu Warbaahinta sharaxay Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan. Dhinaca kale Duqa Muqdisho ayaa muddo 30 cisho ah u qabtay in dadka ku dhaqan Caasimadda ay ku naleeyaan ilinka hore ee Guryahooda. Guddoomiyaha ayaa xusay cidii aan u hoggaansamin amarkan la ganaaxi doono Lacag dhan 200 oo Dollar-ka Mareykanka ah. Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmihii dambe waday qorsheyaal guud oo lagu hormarinayo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. View the full article
  9. Hargeysa (Somalilandtoday) Xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland waxa kala irdheeyay khilaaf riiq dheeraaday oo soo taagna 13-kii bilood ee u dambeeyay. Khilaafka waxa udub dhexaad u ah kala dirista Komishanka doorashooyinka iyo in ay noqdaan guddi xisbiyadu ku leeyihiin tiro siman. Inkasta oo ay jiraan culaysyo ka imanaya beesha Caalamka oo doonaya in xisbiyadu isu tanaasulaan, inkasta oo waxgarad, ururo bulsho iyo madaxweyne xigeennadii hore ee dalka oo mar is xil qaamay arrinta ku guuldarraysteen waxaan wali arrintan dhex gelin Golaha Guurtida Somaliland oo lagu yaqaanay marjaca Somaliland isula noqoto marka ay arrimuhu murgaan. Bishii ina dhaaftay ayey dalalka beesha caalamka ee Somaliland ka caawiya dhinaca doorashooyinka ay ku cadaadiyeen saddex-da Xisbi inay wada haddalada soo celiyaan oo ay ka heshiyaan waxay isku khilaafsan yihiin, walow ay canaantaa beesha caalamka ugu timi awgeed u bilaabeen wada haddaladii dib saddex-da Xisbi, balse maal-mo ka dib haddana wey burbureen , waxaanay sheegeen inay ku heshiin wayaan iyagoo qolaba qolo ku eedaysay inay tahay in aanay heshiiska ogolayn Geesta kalene dhawr cisho ka dib waxa war-murtiyeed iyo go’aamo soo saaray isbahaysiga Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, waxaanay soo bandhigeen qodobo ay ku heshiiyeen, iyagoo sidoo kale kullan al-baabadu u xidhanayeen ay la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland. Sidoo kale Xisbiga WADDANI ayaa heshiiska KULMIYE iyo UCID ku sheegay mid anbad ah, isla markaana aan soconayn, waxaanu yidhi Guddoomiye Cirro oo arrintaasi ka hadlaya “Waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqaya, walaalayaal xukuumaddii aynu dooranay waad aragtaan, labadii xisbina waynu aragnaa, in ay ambadeena waynu aragnaa, Aadan Carab baa tilmaamay dadka ambada oo wuxuu yidhi ‘Nin Ambaday Halkuu aaday way ula eekaatay, anigoo arkaayaan waddadii Eerigo maray’ waxaan leeyahay labada xisbi iyagoo arkayay wadadii Eerigoo Mareen. Somaliland waa la wada leeyahay, taladeeda waa la wada leeyahay, cid gaar u tashan karta ma jirto. Go’aankooda marnaba kumay xusin caqabadihii doorashada hor taagna iyo sida loo qaadayo, waxaa is waydiin leh waxay yidhaahdeen ‘Komishanku ha joogo ilaa 29-ka November’ waxay yidhaahdeen ‘Ogos baanu soo jeedinay in la magacaabo Komishankii cusba’ Maxaa u diidaya in May la magacaabo? Maxaa u diidaya in June la magacaabo? Sharciga kaa u ogolaaday muxuu kan ugu diidan yahay? Haddii doorasho la doonayo talo ha la isugu yimaaddo, doorashadii diyaar baanu u nahay, shacbiga Somaliland na waxaan ku dardaaraya maaddaama aynu aragno xukuumaddii iyo taladeedii, maaddaama aynu aragno labadii xisbi iyo taladoodii midnimadeenu waa muhiim, wada jirkeenu waa muhiim, duruufaha ina haysta ee inagu gadaaman waxaynu kaga bixi karayna midnimo, Somaliland hadday wada hadli kari waydo oo Axsaabtu wada hadli kari waydo Soomaaliya sidee bay ula hadlaysa? Bal idinku is waydiiya?..” Dhanka kalene khilaafkaa soo jiitamay ee Xisbiyada Qaranka Somaliland u dhaxeeya ayaa u muuqda hadda mid cirka isku sii shareeraya, kaasi oo ay gaas ku sii shubeen go’aamada iyo heshiis-yada ay sheegeen inay galeen labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkaasi uu dib u dhigi karro doorashada mudaysan ee ay lixda biilood ee qudhi ka hadheen. Qaar kamid ah culimada waa weyn ee magaalada Hargeysa, ayaa khudbadii saalada jimcaha kaga hadlay khilaafka saddex-da xisbi Qaran , waxaanay sheegeen in loo baahan-yahay mar haddii ay xisbiyadddii heshiin waayeen dhex-doodii in culimada iyo wax-garadka reer Somaliland ay dhex-galaan, isla markaana la xaliyo murankaas, waxaanay ugu baaqeen saddex-da xisbi inay u tudhaan shacabigood oo ay joojiyaan haddalada xanafta leh. Docda kale Golaha Guurtida Somaliland ayaa sida looga bartay ah kuwo inta badan ka shaqeeya arrimaha nabada iyo wada jirka iyo midnimada Shacbiga reer Somaliland, kuwaas oo inta badan xalliya ismaandhaafka beelaha ,muranada siyaasadeed iyo arrimo kale oo muhiim u ah Qaranka Somaliland, haseyeeshee hadda ayey u muuqdaan kuwo si toos ah uga muquurtay xallinta khilaafkan soo jiitamay mudada ee u dhaxeeya Xisbiyadda Qaranka Somaliland, waxaanay goobaha lagu faaqido siyaasada la isku weydiinayaa sababta ay odayaasha golaha guurtidu u soo dhex-geli wayeen ee ay dhinac-ayada u heshiisiin waayeen. Golaha guurtida oo xaliyey murano siyaasadeed-yo badan oo dalkan soo maray,kuwaas oo ugu dambeeyeen heshiisiintii ay ka dhex-dhaliyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyihii KULMIYE ee wakhtigaasi Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo uu dhex-maray is maandhaaf sanadkii 2014-kii, balse golaha guurtida Somaliland ayaa u guntaday, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi kala dhex-dhigay heshiis midho dhalay. Madaxweyne Biixi ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday Golaha Guurtida oo uu ku dhalliilay wakhtiga dheer ee ay fadhiyeen. Inkasta oo aanu arrintan si toos ah uga jawaabin guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa jiray xildhibaanno madaxweynaha ugu baaqay in uu ka waantoobo dhalliillidda golaha. Ugu dambeyna waxa la is waydiinaya sababta Guurtidu doorkooda uga qaadan wayday arrintan culayskeeda leh oo hadda taaggan in beesha caalamku xidhiidhka u jirto Somaliland haddii la xallin waayo khilaafkan sababna uu u noqdo dib dhac doorashada soo socota. Waxa kale oo la is waydiinaya in ay arrintan keentay Madaxweyne Biixi iyo guddoomiye Saleebaan oo aan isku san bannaanayn. Source
  10. Kismaayo (SMM) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar maanta Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah labada dhinac uu ku dhexmay deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo haatan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi. Al Shabaab oo weli ku xoogan deegaanada maamulkaasi ayaa weeraro culus ka fuliya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa) Xildhibaan Iid Xasan Dheere oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley, ayaa ka hadlay shan nin oo habeen hore guri ku yaal Magaalada Wajaale ay ku qarax-day Bombo,kuwaasi oo uu sheegay inay ahayeen kuwa maleegay shirqool oo xamar laga soo shidaaliyey, balse Ciidanka Booliska Somaliland ayaa heegan buuxa la geliyey, sida uu sheegay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan. Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay sidan: “18 May ayaa inagu soo haysa foodda illaahay waxaynu ka baryeynaa inuu nabad-gelyo inagu gaadhsiiyo nabad-gelyana inoogu dhammeeyo , waxaa la inaga rabbaa , hawl adag ayeynu gelaynaa ,waa laba qaybood ciidan amniga ka shaqayn doona iyo ciidan gaardiska mari doona, dhammaan ciidan weynaha Bilayska Somaliland waxa lagu wergelinayaa inay diyaar garoobaan illaalinta nabad-gelyada, waxa weeye waad garanaysaan calaamadaa aynu sidaanaa waa qarankii weeye waa in aad haybaddiisa iyo sharaftiisa aad ilaalisaan , iyadoo horeba la idiin faray haddana waan idinku baraarujinayaan .” Waxaanu intaasi ku daray Taliyuhu “Waxa weeyaan ujeedada aynu iskugu nimid dambiga ka hor tag iyo ka daba tag , haddii uu yahay ciidanka heeganka ah ee xeryaha la dhigayo iyo hadduu yahay ka gaaf wareegaya iyo haddii uu yahay ka suuqa wareegaya, waxa loo baahan yahay anniga oo idiinka mahadcelinaya hawsha adag ee aad qaranka u haysaan waxa la idiinka baahan yahay adkaysi badan iyo in aad dul-qaadateen.” Geesta Kalena Taliye Fadal ayaa fariin u diray Shacbiga reer Somaliland “Shacabka reer Somaliland ee xariirta ah waxaan ka codsanayaa in aad iyo aad u gashaan feejignaan oo dareenkiinu taagnaado oo aad ka jawaabi karto qofka ku dhaafay oo aad suuradin karto , ayaa loo baahan-yahay .” Dhanka kaleXildhibaan Iid Xasan Dheere oo ka tirsan golaha deegaanka ee Gabiley, ayaa ka waramay dhac-daasi habeen hore ka dhac-day wajaale , waxaanu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bogga Facbuugsiisa sidan “Illaahay iyagii ayuu inagu furtay wixii ay inala damacsanaayeen, isheenu way shaqaysay, Inkaarteenii ayaa ku qarxisay iyagii waday. Alle ayaa mahaddaasi iska leh, waxay goor dhawayd Bombo ku qaraxday shan nin oo reer Xamar ah, Goobtu waa Guri kuyaala Wajaale. Laba waa la qabtay, midi dhaawac yahay, iyo mid kale, Saddexna waa lagu raadjoogaa. Dadka reer Somaliland ha feejignaadaan, qof walba hala socdo guriga jaarkiisa cidda kujirta, maadaama ay inagu soo fool leedahay Xuskii 18-ka May. Ciidamada Booliiska halagu gacansiiyo Sugida amniga oo yaanay cid cadawgeena ahi inagu dhex dhuuman”. Geesta kalena waxa la sheegay in ninkii dhaawacmay loo soo qaaday dhanka Magaalada Hargeysa, halka labadii kalena lagu xidhay magaalada Hargeysa, waxaana xogu xuseen in qoyskii guriga ka kireeya raggaasi xabisga loo taxaabay, mana jiro wax war ah oo amuurta ku saabsan oo kasoo baxay Xukuumada illaa hadda Source
  12. Hargeysa (Somalilandtoday) Bishan hadda sii dhammaanaysa iyo bishii hore ee Maaraj, waxa Madaxweyne Biixi uu qarsiga Madaxtooyadda ku qaabilay wufuud kala duwan oo ka socotay dalalka Somaliland ka taageera dhanka dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka , waxaanay inta badan ujeeda socdaalkoodu uu ahaa mid la xidhiidha qadiyada doorashada golaha Wakiilada iyo sidii ay ugu qabsoomi lahayd wakhtigeedii iyo inta badan. Madaxweyne Biixi ayaa bishii Maraj 4-dii xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee ra’iisal wasaaraha jarmalka u qaabilsan dalalka afrika, ambassador gunter noote ,waxaanay ka wada haddleen arrimo badan oo ay ugu mihiimsantahay arrinta doorashada Golaha Wakiilada inay ku qabsoonto wakhtigeedii, taasi oo uu Madaxweyne Biixi balan qaaday inay ku dhacayso wakhtigeedaas loo mudeeyey. Dhanka kale Apr 2, 2019 ayey ahayd markii ay dalka soo gaadheen wefti culus oo ka socoday Midowga Yurub, kuwaas oo ka koobnaa 18 Xubnood, waxaanay weftigan isla maalintaasi kulan la yeesheen Madaxweyne Biixi iyagoo kala hadlay ujeedii ay u socdeen oo ahayd in aan doorashada Golaha Wakiilada dib uga dhicin wakhtigii loo asteeyey ee sanadka dabayaaqadiisa iyo sidii caqabadaha ka horeeyey ay Xukuumada u xalin lahayd, haddii ay tahay xeer iyo muranka axsaabta Qaranka eeu dhaxeeya ee dhanka Komishanka Ambassador matte Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark oo kamid ahayd weftigaasi oo war-baahita la haddashay ayaa sheegtay inay wefti ahaan kulan midho dhalay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo tilmaantay inay madaxweynaha kala hadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda, islamarkaana uu madaxweynuhu u muujiyey sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda. Geesta kalene Madaxweyne Biixi ayaa bishan April 12, 2019 xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo safiirka maraykanku Ambassador Donald Yamamoto, kaasii isna ay Madaxtooyaddu sheegtay inay ugu waa weynayaan arrimaha ay ka wada hadleen Madaxweyne Biixi iyo Ambassador Donald Yamamoto dar-dargelinta arrimaha doorashooyinka Somaliland. Shirkii khamistii todobaadii hore ayey golaha Wasiiradda Somaliland kaga hadleen caqabadaha hortaagan inay doorashadaasi ku qabsoonto wakhtigeeda, “Ugu danbayn goluhu isaga oo ka duulaya dareensanna ahmiyada ay doorashooyinku u leeyihiin qaranka Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan. Gunaanadkii Madaxweyne Biixi walow uu u balan-qaaday Beesha Caalamka inay Xukuumaddiisu ka go’antahay inay doorashadaasi ku qabtaan wakhtigeeda haddana waxa muuqata qayb-yo badan, iyadoo aan weli laga heshiin saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada, isla markaana ay muuqato qayb-yo badan, taasi oo aan suurtagal noqon karayn inay marnaba ku dhammaato madaamo mudadii doorshada ay ka hadhay lix bilood oo keliya. Source
  13. Garoowe(SL-)Deg Deg Madaxweynaha Puntland Oo Farmaajo Ku Eedeeyay In Uu Carqalad Ku Yahay Puntland Source
  14. Muqdisho (SMN) – Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qabanqaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ka furmaya Muqdisho maalinta Isniinta ee berri ah. Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirka oo soconaya labada maalmood (29-30 April) , iyaga oo diiradda ku saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  15. Muqdfisho (SMN) – Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Weydow ayaa ku warramaya in barqanimadii maanta qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya. Qaraxa oo uu nuuciisu ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay mid ka mid ah kolonyo ay wateen Ciidamadaasi oo ku soo jeeday M/ Muqdisho. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, wallow aan la xaqiijin inta uu la’egyahay. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in qaraxa, kadib howlgal ballaaran Ciidamada dowladdu ay ka sameeyeen halkaasi. Baaritaanadan ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay in ka badan 100 Qof oo u badan dhilinyarada deegaanka Wedow ee duleedka magaalada Muqdisho. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa qaraxyo xoogan lagula eegtaa waddada dheer ee xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. View the full article
  16. Beledxaawo (Caasimadda Online) – Dadwayne careysan oo kusugan degmada Beled xaawo ee gobolka gedo ayaa waxa ay burburiyeen qaybo kamid ah darbiga ay Kenya ka dhistay xadka kala qaybiyo Soomaaliya iyo Kenya Sida ay qorayaan warbaahinta qaar ee dalka Kenya. Dadka degan Beled xaawo ayaa lasheegay in ay jarjareen qaar kmaid ah siligyadii xeendaabka looga dhigay darbiga iyadoona booliska Kenya ee qaabilsan ilaalinta xuduuda ay rasaas kor u rideen si ay ukala cayriyaan dadka iskugu soo xoomay darbiga. Dhisda darbiga kala qeybiyo xadka soomaaliya iyo Kenya ayaa muran badan dhaliyay iyadoona dadka ku sugan deegaanada u dhaw xadka labada dal ayaa dhawr jeer halkaasi ka dhigay dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan darbiga ay dowlada Kenya ka dhiseyso xadka kala qeebiya labada dal. Bishii la so odhaafay, Barlamaanka dalkaasi waxay ka codsadeen Baarayaasha inay dib u eegis ku sameeyaan qaabka kharaj dhan 3.4Billion oo Shillinka Kenya loo adeegsaday dhismaha 10-KM oo ka mid ah Dhismaha Derbiga Xuduudka. Dowladda Kenya waxay bishii April ee sannadkii 2015-kii ansixiyeen in Derbigaasi laga dhiso masaafo dhan 400 oo KM oo ku teedsan dhulka xuduudka ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (SMN) – Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dhawaan soo gaaray M/ Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira. Kulankan ayaa labada mas’uul waxa ay uga wada hadleen xaaladda dalka, gaar ahaan dhinaca amniga. Sidoo kale Shariif iyo Madeira ayaa ka wada arrinsaday qodobo la xariira tayeynta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa ku amaanay Midowga Africa, sida ay uga go’an tahay in la wiiqo awooda Al Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. Ciidanka AMISOM oo ka socda dhowr dal oo Africa ku yaalla ayaa Soomaaliya yimid 2007-dii, xilligaas oo uu bilowday howlgalkooda nabad ilaalinta ah. View the full article
  18. Muqdisho ( SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Duhur-28042019-ww.mp3 View the full article
  19. (SLT-Muqdisho)-Qarax miino ayaa Ciidamo ka tirsan Millateriga lagula eegtay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Weydow, iyadoo qaraxaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac. Sida wararku sheegayaan ciidamada lala eegtay qaraxa ayaa saarnaa gaadiid kuwa dagaalka ah, kaasoo ka yimid dhanka degmada Afgooye, waxaana lagu qarxiyay agagaarka deegaanka Weydow. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu khasaare ka soo gaadhay ciidamada Millateriga, waxaana la xaqiijiyay in afar askari ku dhaawacantay, kuwaasoo dhaawacooda loo soo qaaday Isbitaalada Muqdisho. Wadada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye ayaa ka dhacay qaraxyo miino oo lala eegto gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana maalmo ka hor laga soo saaray miinooyin dhulka hoostiisa la geliyay. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa warbaahinta u sheegay in uu iska casilay xilkaasi laakiin Guddoomiyaah Maxkamadda sare ayaa qoraal uu soo sheegay lagu sheegay in xilka laga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex iyo Kan degmada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Duqa degmada Garowe, Axmed Muuse Siciid (Axmed Barre), ayaa bartiisa facebook ku shaaciyay in Garowe ay soo gaareen saddex gaari oo dab damis ah, kuwaas [...] Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u qaada dhigtay xafiis dawladda Kenya ka furanayso Somaliland. Wargeysyada Kenya ayaa tilmaamay in tallaabada Kenya ku doonayso in ay Danjire Philip Mundia Githiora ugu magacowdo Somaliland tahay mid ishaaraysa in Kenya kor u qaadayso xidhiidhka Somaliland. Wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya ka soo baxa ayaa tilmaamay in Kenya ku wehelinayso Hargeysa Xafiisyada Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin. Waxa uu sheegay in hirgelinta xafiiskan iyo magacaabista masuulkani ku timid kulamo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma la yeelatay wakiilka Somaliland ee Nairobi Baashe Cawil Cumar iyo wasiir Sacad Cali Shire. Waxa uu sheegay in ay hadda bixisay amarka lagu dhisayo xafiiska Kenya ee Hargeysa. Wakiilka Somaliland ee Nairobi Amb Baashe ayaa wargeyska u sheegay in Somaliland iyo Kenya leeyihiin xidhiidh ilaa xilligii Gumaystaha “Xidhiidh dheer oo taariikhi ah ayaanu lahayn Kenya ilaa xilligii gumaystaha. Tallaabada Kenya u qaaday in ay Hargeysa Safaarad kaga furato waa mid si weyn kor ugu qaadaysa dhaqaalahayaga, horumarkayaga iyo Macaamilaadka bulshada,” Sidaas ayuu yidhi Amb Baashe Cawil. “Dadka tirada badan ee reer Kenya ee ku nool Somaliland waxay caddayn u tahay soo dhawayntayada wanaagsan,” ayuu yidhi Danjiraha oo intaasi raaciyay in xidhiidh ganacsi oo dhexmara Kenya iyo Somaliland kor u qaadayo heerka nolosha iyo dhaqalaha. Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya waxa kale oo uu dawladda Kenya ku boorriyay in ay shirkadda Kenya Airways duullimaadyo toos ah ka bilawdo Hargeysa iyo Nairobi taas oo sahlaysa isu socodka labada dal korna u qaadaysa in fursadaha labada dhinac laga wada faa’iidaysto. Somaliland ayaa hore Nairobi ugu qabatay shir ku saabsan fursadaha ganacsi ee Somaliland oo ay ugu baaqday in ganacsatada Kenya ka faa’iidaysato waxaana hore u jirtay danayn badan oo ka imanaysay gobolka qaadka Mirooga qaniga ku ah oo si weyn u danaynayay in uu suuq ka helo Somaliland. Source
  23. Former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed has commended African Union Mission In Somalia (AMISOM) for commitment to restore peace in Somalia. In 2007, AU deployed troops in Somalia to support the Transitional Federal Government at the time. The forces defeated and ousted al-Shabaab from Mogadishu city. Sheikh Sharif held talks with Francisco Madeira, head of AMISOM over the improvement achieved by the forces so far. The two leaders discussed means to enhance Somali forces’ capacity. Speaking to the media, Sheikh said AMISOM helped Somalia to defeat al-Shabaab in many areas. “AU and AMISOM troops have supported Somalia to liberate many towns and even trained Somali forces,” he said. The president said he discussed with the head of AMISOM on ways and means to intensify operations to annihilate al-Shabaab. View the full article
  24. Garoowe, April, 28, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xaqiijiyey in dowladda Puntland ay marti galinayso shir wada-tashi ay iskugu imaanayaan Madaxda [...] Source