Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,317
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxamkamada sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa dhex rafanaya sharci jabin uu baal maray xeerarkii u yaalay Dalka ka dib markii uu waraaq xil ka qaadis ah oo uu jeebkiisa kala soo baxay xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi jeex garsoore Axmed Halac Dalmar oo ahaa gudoomiyihii loogu jeclaa ee waligeed xilkaas soo maray. Sharciga Dalka ayaa dhigaya in Cida magacaabi karta ama xilka ka qaadi karta Gudoomiyayaasha Maxkamaduhu ay yihiin Gudiga Cadaalada oo kaliya. Taasi oo Meesha ka saaraysa waraaqda uu gudoomiye Aadan soo saaray. Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland oo markii horeba xilkaas ku yimi sifo khaldan oo xilkaas loo dhiibay isaga oo aan waligii Maxkamad ka shaqayn ayaa la filyay in isaga xilka laga qaado maadaama uu imika Madaxweyne yahay Muuse Biixi oo ay isku hayb yihiin Waxa kale oo Dadweynaha reer Somaliland yaab ku noqday ficilada uu ku kacay Aadan Xaaji Cali ee uu guryaha fooqyada ah kaga dhistay taasoo uu noqday mid ku milmay qabyaalada iyo Dawlada Muuse Biixi ee imika reerka qudha isugu biyo shubatay. Waxaa laga war sugayaa Gudiga Cadaalada ee Qaranku jawaabta ay ka bixiyaan Goaanka sharci darrada ah ee uu ku kacay Aadan Xaaji Cali. Qaran News
  2. Madaxweyne Deni Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeen ka hor shaaciyay in Puntland ay marti galinayso shir wada-tashi ah oo ay iskugu iman doonaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah, kaas oo uu sheegay in 2-da bisha soo socota ee May uu ka bilaaban doono magaalada Garowe. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in shirka Garowe la isla gartay, kadib markii dood dheer ay yeesheen dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo wada tashi la la sameeyey madaxda sare ee dalka Madxaweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Muxuu yahay ajandaha shirka? Madaxweyne Deni yaa ka warbixiyey qaabka iyo qodobada looga wada hadli doono shirka Garowe, wuxuuna sheegay in uu noqon doono mid lagu jaangoon doono qaabka madaxda dowladda Federaalaka Soomaliya iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah ay u wada shaqayn lahaayeen, laguna xadido magaca uu qaadanayo habkaas oo uusan noqon kii hore oo la oran jiray “Golaha Amniga Qaranka” iyo sidii dib loogu eegi lahaa Dastuurka dalka oo uu sheegay in ay u arkaan in uu ku socdo wado khaldan. Eedeymo ka dhan ah Federaalka Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhaliilo kala duwan oo kulul u jeediyay dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre, wuxuuna sheegay in la gacan bidixaynayo Dastuurka iyo nidaamkii lagu heshiiyey, taasina ay tahay arrin khatarteeda leh. Sidoo kale arrimaha Deni ku dhaliilay Federaalka waxaa kamid ah habkii loo magacaabay, guddoomiyaha Bankiga dhex ee Soomaaliya, oo uu sheegay in lagu xad-gudbay hannaanka awood-qeybsiga beehala. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in hab aad u qaldan loo maray, magacaabista guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka, maadaama sida uu tilmaamay kolkii hore loo ekaysiiyay tartan furan, balse markii uu liiska gaaban soo baxay, haddana la magaacabay ninkii imtixaanka saxayey. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay in ay gebi ahaanba ku fashilantay amniga dalka isagoo tusaale u soo qaatay in ay sugi la’dahay amniga wadada Makka Al-mukarrama oo keliya ha hor inta aan la gaarin qeybaha kale ee magaalada Muqdisho iyo gobolada ka baxsan. Eedaymaha Deni ayaa ku soo aaday iyadoo maalmo ka hor, Xildhibaanada aqalka sare ku matala Puntland ay Federaalka u jeediyeen kuwo mid lamid ah eedeymahan. Farmaajo iyo Kheyre Hadaba iyadoo Madaxweyne Deni uu sheegay in shirka Garowe ay kala tashadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, ayaa hadana dadka fallaanqeeya arrimaha siyaasada Soomaaliya waxay qabaan in marka la eego dhaqan siyaasadeedka Farmaajo iyo Kheyre aysan ka qeybgali doonin shirkaas. Sidoo kale fallaanqeeyaasha ayaa qaba in marka la eego eedeymaha uu Deni u jeediyay Farmaajo iyo Kheyre ay iyana muujinayso in Deni dareensan yahay in shirkaas aysan ka qeyb galayn, balse waxay sheegeen in hadii ay dhacdo ay muujinayaan tanaasul siyaasadeed. Farmaajo iyo madaweynayaasha DXDFS Caleemo-saarkii Madaxweyne Deni kadib ayay ahayd markii Deni iyo Farmaajo shaaciyeen shir bishii Maarso lagu qaban lahaa Garowe, balse aan la qaban, ilaa iyo hadana aan la garanayn sababta uu u qabsoomi waayay, sidoo kale waxaa horay u jiray shirar ay Muqdisho ku yeelan lahaayeen madaxda Federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah oo fashilmay. Dooorashadii Madaxweyne Deni kadib waxaa soo baxayay aragtiyo iska soo horjeeda oo ku aadan waxa uu noqon karo xiriirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Puntland, dadka qaar ayaa qabay in xiriir wanaagsan ay yeelan doonaan Federaalka iyo Puntland, balse rajadaas ayaa god dheer ku dhacday todobaadyo kadib markii uu soo ifbaxay khilaaf cusub oo hor leh, kaas oo xaaladda cirka ku sii shareeray. Khilaafka Federaalka iyo dowladaha xubnaha ah Khilaafka iyo isfaham darada mar kasta soo kala dhexgasha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waa mid aad u qoto dheer oo soo jiitamaysay muddo ku dhow 10 sano, waxayna bilaamatay Farmoojo oo dalka Ra’iisul Wasaare ka ah, markii khilaaf soo kala dhexgalay dowladda Federaalka iyo Puntland oo ahayd dowladdii kaliya oo ka jirtay dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, waxayna arrintaasi sababtay in Puntland xiriirka u jarto dowladdii uu hogaaminayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Heshiiskii Garowe Two, 17 February, 2012 Khliaafka Puntland iyo dowladda dhexe ee hadba dhalata waxa uu salka ku hayaa aragtida laga qabo Federaaliisimka gaar ahaan awood qayb siga, madaxda dowladda dhexe marna kuma qanacsana nidaamkan, sidaas daraadeed waxa ay inta badan qaadaan tillaabooyin isku eg oo ay ugu horayso, shaki galinta iyo furfuritaanka Federaaliisimka, ayna labayso, faquuqidda iyo ciqaabista Puntland oo ay u arkaan dheeli-tiraha koobaad iyo dhardhaarka sharciyadda Federaaliisimka, saddexna ay tahay, marooqsiga iyo wiiqista awoodaha is dheeli-tira sida golayaasha xeer dajinta, garsoorka, dastuurka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe. Dhamaan dowladihii dhexe ee dalka soo maray marka laga reebo dowladdii Cabdullaahi Yuusuf waxa ay ka midaysnaayeen la dagaalanka Federaalka, inkastoo dawladdii Xasan Shiikh ay dagaal toosa iyadu la gashay nidaamkaan, haddana aakhirkii waa ay ku guulaysan waydey isku daygeedii, laakiin dagaalka dowladda Farmaajo ayaa ah mid ka gadisan kana khatar badan dagaalkii dowladdii Xasan Shiikh, dowladda Farmaajo ayaa la sheegaa in ay tahay dowladaha nooca xamaas ku dhaladka loo yaqaan. Waxaa horey u jiray heshiisyo ay wada galeen Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka fuli waayay dhanka dowladda dhexe, waxaana kamid ahaa kuwii Garowe lagu galay 2012 iyo 2016. Shirka Deni sheegay in Garowe lagu qabanayo, waxaa hadda ka harsan muddo saddex beri ah, waxaana laga war sugayaa cidda ka qeybgasha iyo wixii ka soo baxa. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Kheyre maka qeybgali doonaan shirka Garowe? appeared first on Puntland Post.
  3. Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgallo dad ka tirsanaa Al-shabab lagu soo qabtay oo ay ciidamada amniga sadexdii maalin ee ugu dambaysay ka sameeyeen magaalada Muqdisho. Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in howlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen 26-kii bishan ay ku soo qabteen afar ruux oo ku eedeysan Al-Shabaabnimo. Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo kaashanaya Shacabka ay gacanta ku soo dhigeen shabaab xogtiisa la hayay oo ka dambeeyay dil loo geystay Guddoomiye waaxeed ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo xilligii la qabanayay ku sugnaa degmada Xamarweyne. Isla degmada Xamarweyne,howlgal ay ciidamada amnigu ka sameeyeen waxay ku soo qabteen sadeed ruux oo ku eedeysan Al Shabaabnimo,waxayna soo qabashadooda ka dambeysay ka dib markii Shacabka ay Hay’adaha amniga ku soo wargeliyeen xogtooda. Sareeye Guuto Zakiye Xuseen Axmed ayaa tilmaantay in howlgal ay xalay saqdii dhexe ciidamada amniga ka sameeyeen deegaanka Weedow ee duleedka Muqdisho ku soo qabteen lixdan ruux oo ku eedeysan falal la xiriira Al-Shabaab. Ugu dambeyntii, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa mar labaad ka codsaday dadweynaha iney Hay’adaha amniga ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga wax dhimi kara oo ay ka shakiyaan. Puntland Post The post Booliska” Waxaan howlgal ku qabanay dad ka badan 70-Ruux appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Shir degdeg ah oo lagu waday inay maanta yeeshaan golaha wasiirada Soomaaliya ayaa la baajiyey kadib faro-gelin ka timid madaxweyne Farmaajo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Wasiirada ayaa goor sii horeysay oo shalay ah, waxaa loo diray farriimo qoraaleed loogu sheegay inay isugu yimaadeen shir aan caadi aheyn oo maanta oo Axad dhici lahaa, islamarkaana uu ra’iisul wasaaraha guddoomin lahaa. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu soo farageliyay in kulankaas la baajiyo, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedka. Qorshaha uu ahaa in shirka looga hadlo Sharciga iyo hanaanka doorashooyinka ka hor shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacaya Garowe 2-da bisha May. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha aysan isku fahamsaneyn qorshaha doorashada 2021, iyadoo dhowr jeer oo laga hadli lahaa dib loo dhigay, kadib markii qorshooyinka labada dhinac ay is-waafaqi waayeen. Shirkan ayaa waxaa uu hordhac u noqon lahaa ujeedkiisa ahaa ka hor shirka wadatashiga ee Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Garowe 2-da bisha May. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Shirweynaha wada-tashiga, Jihaynta Qorshayaasha iyo Baahiyaha Haweenka Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaana madasha goob joog ah Wasiiradda iyo wasiirad ku xigeenka Wasaaradda Haweenka, xildhibaanada dowladda dhexe umatalaya Puntland, Wasiiraddii Hore ee Wasaaradda Haweenka iyo haween ka kala socdo ururada haweenka Puntland, haweenka dhakhaatiirta, Ganacsatada, Qareenada, Xoolo dhaqatada, Beeralayda. Shirweynahan oo socon doona mudda 4 maalmood ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoysk Dowladda Puntland waxaan inta uu socdo looga hadli doona wada-tashiga , jihaynta Qorshayaasha iyo Baahiyaha Haweenka Puntland iyo waxqabadka u qorshaysan wasaaradda Haweenka ee 5 sano ee soo socota. Wasiirka horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Aamina Cismaan Xaaji Jaamac oo shirka furtay ayaa sheegtay in looga tashan doono 3 qodob oo kala ah; Caqabadaha iyo Tacaddiyada haysata Haweenka Puntland, sidii loo midayn lahaa codka iyo cududda Haweenka iyo sidoo kale qorshayaasha wasaaradda ee 5 sano ee soo socota. “Waxaanu doonaynaa in aynu isku xirnaano dhanka Siyaasadda, Ganacsiga, waxaanu doonaynaa in aynu dagsano qorshe cad oo sanad la ah, kana wada qayb qaadano Fulintiisa, sidoo kale aan taageerno gabadheena aqoonyahanka dhanwaliba” ayay tiri wasiirka Haweenka marwo Aamina. Drs Maryan Qaasim oo hore xillal heer Qaran ah ka soo qabatay Soomaaliya haatana ah Madaxa hay’adda UNFPA ee degaannada Puntland ayaa iyana shirka ka sheegtay in loo baahanyahay sare u qaadidda Waxbarashada gabdhaha si loo horumariyo noloshooda iyadoo xustay in gabadha waxbaratay ay fahamsantahay horumarka iyo hiigsigeeda. Wasiirkii hore ee horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland marwo Caasho Geelle Diiriye oo kamid ah dumarka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Haweenka ayaa ka qeyb-galayaasha shirka ku boorrisay in ay soo bandhigan talooyinka ka guuxaya maskaxdooda ee la xiriira horumarinta Haweenka si loogu beddelo qorshe waxqabad oo haweenka noloshooda lagu horumarinayo. Xaawo Yuusuf Aadan oo ah Madaxa Xarunta Waxbarashada Nabadda iyo Horumarinta magaalada Gaalkacyo iyo Farxiya Muumin Cali oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhankooda si weyn u bogaadiyay shirka iyagoo sheegay in uu muhiimad gaar ah leeyahay maadaama Haweenka Puntland danahooda iyo hiigsigooda kaga tashan doonaan. Halkaan ka eeg sawirada shirka PUNTLAND POST The post Shirweynaha wada-tashiga Haweenka Puntland oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.
  6. Maxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale, Ee Meeqaamkiisii Hoos U Celiyay, Ma Dano Dhaqaale, Dano Siyaasadeed Mise Dano Qabiil?. Sheekh Cabdicasiis Muxumed Samaale waxa uu Siyaasadda kasoo fantay oo uu ka mid ahaa raggii ku ababay Xisbiga Kulmiye wakhtiyaddii uu Mucaaridka weyn ahaa ee uu dalka ka talinayay Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale kaahin, waxaana lagu xasuustaa weedho aan laaqi ahayn oo uu si Jar-Iska-Xoornimo kujirto ugu miisi jiray Daahir Riyaale kaahin kuwaasi oo illaa imika ka dhex guuxa Dad weynaha ku dhaqan Gobolka Awdal oo uu Deegaan ahaa Kasoo jeeday Riyaale. Waxa uu soo noqday Gudoomiye Ku xigeenka Golaha Wakiiladda Isagoo ku matalayay Xisbiga Kulmiye, waxaanu si weyn uga dhex muuqan jiray Golaha isagoo ay caawisay Culimanimadda iyo goobaha diiniga ah ee uu kusoo hanaqaaday. Waxa uu door weyn ku lahaa duufsigii Mudanayaasha Golaha Wakiiladdu ay wakhtigaasi u shirabnaayeen Xisbiga Kulmiye waxaanu ahaa shaqsi uu Siilaanyo wakhtigaasi oo uu kursiga madaxtinimadda u ordayay oo uu mucaarid ahaa uu aad ugu kalsoonaa, Isna (Samaale) dhinaciisa waxa uu daacad u ahaa Kulmiye iyo inuu Siilaanyo Kursiga ku guulaysto. Markii Siilaanyo Talada Dalka ku guulaystay waxa uu Siilaanyo u magacaabay Xil Wasiir, waxaanu u dhiibay Wasaaraddii ugu miisaanka Cuslayd ee Maaliyadda isagoo markii uu shan sanno ku dhawaad hayay Xilkaasi iskii iskaga casilay, isalmarkaana banaanka uga Baxay Xukuumaddii Siilaanyo. Waxa Samaale ku abuurmay wakhtigaasi Han Musharax Madaxweyne waxaanu dagaal culus u galay sidii uu u banaysan lahaa Musharaxnimadda Xisbiga Kulmiye Siilaanyo dabadii, iyagoo Geesaha isgaliyay Muuse Biixi Cabdi oo isna hanka Madaxweynenimadu mar kuwad abuurantay. Iyadoo ay halkasi marayso ayaa waxa uu Muuse Hiil ka helay Qoyskii madaxweyne Siilaanyo sidaasi ayaanu ku hantay inuu noqdo Musharax aan lagula tartamin Booska kal dambe ee Musharaxnimadda Madaxweynenimada ee Xisbiga Kulmiye Gudihiisa Siilaanyo dabadii. Samaale waxa uu isku dayay inuu dibadda kala dagaalamo Muuse balse Waxa u laqimay oo cagta u dhigay Kooxo jibo Qabiil olole ugu jiray oo ka koobnayd ganacsato kuwaasi oo la sheego inay woxogaa lacag u duuduubeen Samaale. Wixii intaasi ka dambaysay waxa uu muxaafid u noqday Muuse balse dareen gaar ah ayay kuwada socdeen. Muddo ayuu Samaale saaxadda kabaxay markii uu Muuse Talada dalka ku guulaystay balse haddana dhawaan ayuu ku soo noqday Xayndaabka. Waxaana lagu dhex ararkayay Kulamada Xisbiga Kulmiye yeelanayo ama Xisbiyadda kale la yeelanayo. Arinta layaabka ku noqotay Taageerayaashii Sheekh Samaale iyo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye waxay tahay, waxa uu maalin dhawayd kasoo muuqday Shaashada isagoo uu barbar taagan yahay Ku xigeenka Xoghayaha Xisbiga UCID, Arintaasi oo ay saluugeen taageerayaashiisu islamarkaana la iswaydiiyay Xilka uu Samaale ka hayo Xisbiga Kulmiye ee aan muuqan iyo bahdilaada muuqaalkaasi iyo halka uu taagnaa oo aad loola yaabay?. Haddaba Waxay Iswadiintu Tahay Maxaa Bahdilay Cabdicasiis Samaale, Ee Meeqaamkiisii Hoos U Celiyay, Ma Dano Dhaqaale, Dano Siyaasadeed Mise Dano Qabiil?. Dad badan ayaa aaminsan inuu Samaale Lacag jecel yahay oo uu hoosta ugaga jiro Muuse islamarkaana waxa bahdilay ee meeqaamkiisii hoos u celiyay ay tahay Danno Dhaqaale, walaw warar hoose sheegayaan inuu bil walba masaariif ahaan u qoray shan kun oo dollar. Dad kale ayaa aaminsan inuu dano qabiil u gardadaduuban yahay balse arintani waxay ku tiirsanayd wakhtigii ololaha oo waa laga soo gudbay, waxaanay wax waliba iskugu aroorayaan Dano Dhaqaale. Sidoo kale danihii siyaasiga ahaa hadda ma shaqaynayo oo majoogto wax shax siyaasadeed ah oo la ciyaarayaa. Sheekh Samaale waxaa gardaduub u xidhay dano dhaqaale waxaanu ka mid yahay dadka lacagta jecel ee mar walba ka agdhawaada dhariga, sida hadda ka muuqata, waana dadka sharaftooda iyo kartidooda waydaarsada haddii ay meesha taalo lacagi waana tii uu Wasaaradda maalliyadda diiday in laga badelo ee uu iskaga casilay Wasaaradda Waxbarashada. Diblomaasi Khadar Muxumed Karaash. hantiile2000@gmail.com Qaran News
  7. Despite a national image of support to peace and development worldwide, a central agenda of Norway in Somalia for over a decade has entailed methodical maneuvering to control petroleum resources. Norwegian aid and political engagement have often masked deeper interests in offshore oil in Somali waters and in the disputed triangle bordering Kenya’s coast. The current ongoing case between Somalia and Kenya at the International Court of Justice has illuminated one aspect of this history. The now infamous Memorandum of Understanding (MOU), concluded between the Kenyan Foreign Minister and Somali Planning Minister in April 2009, and subsequently rejected by the Somali Parliament, had been drafted by Norwegian Ambassador on Special Mission, Mr. Hans Wilhelm Longva. The signing ceremony in Nairobi was witnessed by him and Ms. Rina Kistmoen from the Embassy of Norway in Nairobi. The MOU favoured Kenya’s position on the boundary line and it committed the signatories to a negotiated settlement rather than a court judgment regarding the status of the triangle, where Kenya had licensed Norway’s state-funded Statoil company (block L26). The MOU had been signed as the newly formed Transitional Federal Government (TFG) faced the outbreak of hostilities when Islamist armed groups Al-Shabaab and Hizbul Islam launched a joint offensive in Mogadishu. There had been considerable political jockeying over composition of the Government for several months in the wake of the Djibouti peace process, which established the TFG at the beginning of 2009 and which had been largely funded by Norway through the United Nations. Support to a peace process and an oil interest were inherently linked. Exploitation of a resource required clear political and security arrangements. Throughout, Norway maintained relevant political alliances in the TFG, at the time notably with then Deputy Prime Minister and Minister of Fisheries and Marines, Abdirahman Aden Ibrahin Ibbi, who oversaw TFG negotiated agreements, including the MOU. Delimitation of Somali territorial waters and the sea boundary with Kenya—and therefore the fate of Statoil’s block L26—was wrapped up with the nature of Somalia’s declaration of an Exclusive Economic Zone (EEZ) pursuant to the Law of the Sea Convention. This issue had a complicated history in Somalia, extending back to before the collapse of the state. Under the guise of development assistance, Norway pursued an agenda to force the EEZ issue. On the surface seemingly out of context, and at Norway’s insistence, the Final Communiqué of the International Contact Group on Somalia in September 2011 in Copenhagen encouraged the TFG to declare an EEZ in a paragraph on piracy. In increasingly direct language, the EEZ became a feature of such final communiqués. At the February 2012 London Conference, the Communiqué called on the TFG to adopt an EEZ for the effective use of Somali coastal waters, again in a section on piracy. At the working level, Norway and the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) lobbied Somali politicians and parliamentarians to declare an EEZ, but without success. In its 2013 report, the UN’s Monitoring Group described Norway’s conflicts of interest surrounding the EEZ. With the end of the transitional period in Somalia in 2012 and the election of President Hassan Sheikh Mohamed, Norway needed to reconstitute an alignment with the new political dispensation. It did so through the establishment in December 2012 of a Special Financing Facility (SFF) with $30 million for a President in need of direct financing. Offered by then Minister for International Development, Heikki Eidsvol Holmås, who was related to Statoil’s Vice-President of Operations, the source of the funding was soon believed by diplomats to be originating in Statoil itself. Norway would deny this, but soon scrambled to find in its development finance streams $30 million that had not been earmarked. This ultimately caused delays in disbursement of the SFF funds. In a newly emerging set of relations with Somalia, Norwegian Development Minister Holmås collaborated with Norway’s Permanent Representative at the United Nations, Geir Pedersen—appointed this year by UN Secretary-General António Guterres as his Special Envoy for Syria—and Jens Mjaugedal, the Norwegian Special Envoy for Somalia. Mjaugedal had previously been Director of International Cooperation for the Norwegian Refugee Council (NRC) and his new appointment had been supported by Pederson. His protégé and Somalia Country Director for NRC was none other than Somalia’s current Prime Minister, Hassan Khaire, a Norwegian citizen. The design of the SFF and much of its later implementation was undertaken by a private entity, the Nordic International Support Foundation (NISF), formerly headed by Jens Mjaugedal. As the SFF was in its infancy in early 2013, Mjaugedal asked President Hassan Sheikh to request the UN Secretary-General to appoint him as the Special Representative for the new UN Mission for Somalia (UNSOM) that was replacing the older political office. Hassan Sheikh quickly learnt that Britain had already secured the position in anticipation of the signing of the Soma oil deal months later in August 2013. Meanwhile, Hassan Khaire was on track to becoming a shareholder in the Soma oil deal as well. The country representative in Somalia for NISF was Abdisaid Muse Ali, today’s National Security Adviser and close associate of Hassan Khaire. Ostensibly the third party monitor for the SSF expenditures—costing a dollar in monitoring for a dollar spent—consisted of individuals from PricewaterhouseCoopers in Oslo. Due to security risks in Mogadishu, the group was incorporated separately as the company Abyrint, which would have a disgraced exit from the public financial management sector in Somalia in the years that followed. As Khaire assumed his role as Prime Minister and the lead on national oil matters, he included a number of Norwegian-Somali advisers in his office and ministers in the Cabinet including the permanent secretary to the ministry of petroleum Karar Shukri Dhoomey who was close associate to Khaire Recently, he managed to appoint a Norwegian-Somali, formerly with the NRC, to the key position of Governor of the Central Bank of Somalia. Meanwhile, NISF and NRC networks now extend into UN agencies, including the UN Development Programme (UNDP) and the UN Mine Action Service (UNMAS) in Mogadishu. At present, competition for petroleum resources in Somalia is heating up and threatens regional security. Will Norway continue to use political and development levers to secure its oil interests in the country and contribute to destabilization? To maintain alignment with the Federal Government, will it seek to influence Somalia’s upcoming elections? A troubled track record has led Norway to undertake a review of its engagement in Somalia in the last decade. It is sure to find that Norway has been far from the impartial actor it pretends to be and it has not acted in the interest of the Somali people or their neighbours.
  8. Hargeysa (Caasimada Online) ― Maalmihii u dambeeyay waxa baraha bulshada ku wada xiriiran aad u qabsaday Nin odey ah oo gacan iyo lug ka go’day, kaasi oo lagu eedeynayay inuu qarax u maleegayey Somaliland. Ninkan oo ah qof waayeela ayaa isagoo lagu daweynayo dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa ayaa inta sawir laga soo qaaday lagu baahiyay baraha bulshada, iyadoona lagu eedaynayo inuu qarax uu ku xidh-xidhayey magaalada Wajaale uu ku qarxay. Hadaba Sida xogta ku helayso Caasimada Online, ninkan odeyga ah ee dhaawacu kasoo gaaray walxaha la isku daray, ayuu Magaciisa oo dhamaystiran yahay Xasan Cali Yuusuf Xasan oo ku magac dheer Xasan Carab, wuxuuna ahaa nin ganacsade ah oo muddo badan ku noolan jirey dalka Kuweyt, kaasi oo sanadahan dambena usoo wareegay Magaalada Muqdisho oo ah halkuu asal ahaan kasoo jeedo. Aabihiina waa Cali Yuusuf Xasan oo ahaa xildhibaan hore uga tirsanaan jirey Baarlamaanka Soomaaliya, waan qoys ah Ahlu-Sunna wal-jamaaca. Xasan Carab ayaa wuxuu ahaa ganacsade ka shaqeysta macdanta sida ay Caasimada Online, usheegen qaar kamida eheladiisa iyo dad ay isku dhow-yihiin, iyagoona ku sababeeyay tagitaankiisa Wajaale arrimo ganacsi. Waxa kale oo la xiran Xasan Carab, Wiil reer Boorama ah oo dilaal ahaa iyo gabadhii laheyd guriga hawshu ka dhacday ee magaalada Wajaale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad ka ag-dhawaa goobta falku ka dhacay, iyagoona ku tilmaamay inuusan falkaasi aheyn mid argagixiso. Ciidamada amaanka Somaliland ayaa maalintii Jimcihii gacanta kusoo dhigay laba nin oo uu kamid yahay ninkan waayeelka ah iyo gabar kale, kadib markii jugta dhawaaqa walxaha ku qarxay ee ay gacanta ku hayeen laga maqlay magaalada. Si Kastaba, Qaraxan ayaa la sheegaya inuu ka dhashay aalado macdan loo maleeyay oo la furfurayey oo sida la sheegay ganacsi ahaan loo isticmaalayey, Balse weli waxa socota baaris ay arrintan ku wadaan ciidamada amaanka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  9. By: Dahaba Ali Hussen @DahabaH One contentious topic that, in my opinion, is not receiving enough consideration in the post-Brexit debate, is how EU citizens currently living in the UK will be affected by immigration. According to the government, if you’re an EU, EEA or Swiss citizen, you and your family can apply to the EU Settlement Scheme to continue living in the UK after 30 June 2021. However, there is still a chance that your application may be rejected and the fear that the criteria could change (as so much to do with Brexit has already). Having to relocate again after Brexit would be a traumatic enough experience for anyone – imagine having to leave your work, friends, the neighbourhood that you have become accustomed to and potentially even your family. But what if you had to relocate again as a former refugee? My mother fled the civil war in Somalia and came to the UK via the Netherlands through secondary immigration. This is quite common among refugees who live in more than one country before they settle. Other examples include the recent case of mostly Iranian asylum seekers crossing the English Channel from France in small boats to the UK last year. In these examples, refugees are hoping to escape from their former lives in the hopes of establishing better ones – and as we all know, human rights and protections in the UK tend to be proportionally better than in a number of developing countries. According to UK immigration law, to stay in the UK as a refugee you must be either stateless or fearing prosecution in your own country and failed to receive protection from the authorities. In the case of my mother, she was suffering from PTSD from the war and followed my father, who had promised her a better life, to the UK. When I ask about the time she spent in the Netherlands, she says she doesn’t quite remember – with fresh memories of the war looming over her, she cared simply about providing for her children. Since then, she has lived and worked in Britain for well over a decade. She has in all respects (although I personally dislike the connotations of this word) “integrated” into British society. Now my mother feels a sense of anxiety whenever Brexit is mentioned. I also hold Dutch nationality, but my fears do not run as deep as hers. She has asked me numerous times if she will be forced to move again and worries because her memory of the Netherlands is hazy due to her suffering from shock at the time. It may seem like the least of politicians’ worries at the moment, but we need to treat the mental health of these former refugees more carefully. It’s the same with other former refugees who have come to the UK via secondary immigration. Fatima* came to the UK via Sweden and is now concerned about the future of her immigration status. I spoke with her and she seemed visibly troubled as soon as I brought up the topic of Brexit. “It’s difficult because what do you do when most countries, most politicians don’t seem to care about real people’s lives,” she said. A common theme that I have observed in my community is that in most families, the men and/or fathers had already reached safety in the form of a western country (ie, Sweden) through procuring work permits. It was usually the women that were left behind in Somalia to flee the civil war and join them later. Thus, when they were reunited with their partners, the male breadwinner would decide that he wanted to move to the UK and so the women had to follow suit. Often, this meant that women were effectively debased and their agency taken away from them. Most of these women navigated these treacherous asylum routes on their own, often with small infants to settle in the UK. Only now, they fear the future of the places they’ve called home once more. This was the case with Maryam*, who would have stayed in the Netherlands had her husband not forced her to relocate to the UK. But now she says it was the best decision that she could have made. She brags about her children’s academic success and the relatively low level of racism she has encountered here in London. When we think about EU citizens, it’s important that we also factor in former refugees. It is not as simple as them returning to their country of origin. Often, those countries are war-torn and it’s unsafe for them to return. As for them returning to the countries of their nationality? Most have only lived in these countries for a few months, a few years at most, and the UK is now their home. Even the mere thought of relocating can be harrowing for some. Politicians need to address what will become of former refugees who are now EU citizens post-Brexit. It’s a lot more than geopolitics and border control; rather, it has to do with displacing innocent people and offering them no means of solace or clarity. *names have been changed Source: The Independent
  10. (SLT-London) Fanaanka caanka ah ee Sir Maxamuud Cumar Cabdi ayaa Hees Cusub Oo Uu Soo saaray ku sharxay qoomiyada Soomaalida iyo waxa la gudboon. Hoos ka DAAWO Source
  11. 6 Bishii hore ee March waxaa magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay, warbaahin cusub oo Online ah, una gaar ah qoraalka aan siyaasadda hadda taagan ahayn iyo wararka la xiriirin. Warbaahintaan, waxaa la yiraahda NETBEINS. NETBEINS, waa shirkad warbaahineed laakiin ka duwan qaabka ay warbaahintu u shaqeyso inta badan haddey tahay waxa ay wax ka qoraan oo u badan News iyo sida ay ku gudbiyaan (channel) oo u badan idaacad, TV iyo wargeys, NETBEINS intaas midna ma ahan, mana qorto dhacdooyinka maalin laha ah (News), laakiin waa suurtagal iney taxliil ka qorto dhacdo weyn haddey timaado. NETBEINS, waxey xoogga saareysaa xogaha ku saabsan arrimaha bulshada gaar ahaan kuwooda aysan warbaahintu taaban sabab kasta haku kaliftee, sida carruurta looga tago waddooyinka oo soo badanaya beryahaan, gabdhaha ilmaha iska soo rida oo iyaguna aad soo batay, kufsiga ay geysanayaan dad waaweyn oo kordhay, dawooyinka iyo cuntada dhacday ee sida hoose loogu iibiyo waddanka, furriinka tirada beelay ee aan waxa uu salka ku hayo weli la darsin. Dabcan dhammaan arrimahaas waa ay jiraan in sidii warkii keliya la yiraahdo waa ay jiraana kuma filna laakiin waxey ubaahan yihiin taxliil iyo in si hoose oo cilmiyeysan wax looga qoro si dadka go’aankooda leh ay u ogaadaan meesha cilladdu ka jirto. Sidoo kale waxyabaaha qaar waxaa suurtagal ah inaan weli wadcigu saamaxeyn ka hadalkooda. Marka laga yimaado iney NETBEINS uga hadleyso arrimahaas qaab mowduuci ah (issues), oo aysan xoogga saareyn dhacdada iyo shaqsiyaadka, waxaa kaloo jira xoga badan oo ay iyagana soo gudbin doonto NETBEINS, sida ay sheegeen, sida Taariikhda dadka iyo dalka, keydinta iyo soo gudbinta shaqsiyaadka saameeynta ku leh bulshada iyo dalka haddey noolyihiin iyo haddey dhinteen ba, qorista sheekooyinka casharada leh ee ka imanaya dadka iyo qoysaska Soomaaliyeed ee dhiiragelinta leh waxna laga baran karo, soo koobista iyo gorfeynta Buuggaagta macnaha leh. NETBEINS waxey turjumeysaa, soona koobeysaa sheekoyinka Novel ka ah iyo buuggaaagta ku qoran luuqadaha kale ee leh wax laga baran karo, sidoo kale waxaa jira warqado iyo canjalado dunida waxbadan ka baddalay oo qaarkood dagaallo huriyey, qaarkood colaado damiyey, qaarkood laga qoray buuggaag, lagana matalay filimaan, dhammaan waxaas iyagoo kooban iyo iyagoo dhammeystiran ayey soo koobeysaa NETBEINS. Magaca ah NETBEINS oo wada xarfo waaweyn ah, majirto luuqad uu ka yimid, laakiin waalagu aqrin karaa, lagu dhawaaqi karaa laguna qori karaa luuqad kasta, Soomaali ahaana dhawaqu wuxuu noqonayaa (NETbiinis). NETBEINS xeerar keeda ka mid ma ahan xayeysiis, kumana arki doonaan aqristayaashu wax xayeysiin ah nuuc kasta oo ay tahay, sidoo kale ma jiri doonaan maalgeliyayaal (sponsers) Xogteedana inta badan waxaa keliya aqrisan kara dadka rukunta ama iibsaday (Subscribers), sidaas darteed NETBEINS waxey keliya tixgalin u haysaa aqristaha iyo bulshada, waana mida ka dhigeysa iney u madax u bannaanato waxa ay ka hadleyso. Www.Netbeins.com xogta oo ku jirta oo ah dhammaan wax qofka aqoontiisa, fikirkiisa iyo caqligiisa dhisaya, si aad u aqrisato, waa inaad iska diiwan gelisaa, aadna rukumataa, oo bixisa lacag yar oo 3 bilood, ama 6 bilood ama sanadkii ah. Haddii aad haysato Card aad online ka wax uga iibsato, waadku ku rukuman kartaa Netbeins.com, haddii aad dalka joogtana waxaad ku rukumankartaa EVC ama ZAAD, weliba qaab aad u fudud. Keliya waxaad ubaahantahay inaad booqato www.netbeins.com, isagaa ku hagi doona webku.
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Muuse Biix ayaa markii u horeysay ka hadashay qorshe ay dowladda Kenya ku dooneyso inay xafiis kaga furato Somaliland. Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland Yaasiin Faratoon, ayaa isagoo ka hadlaya xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya, ayaa wuxuu ka dhawaajiyey inaysan hadda jirin xafiis ay leedahay Kenya oo laga furay gudaha Somaliland. Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadoodu ku rajo weyn nahay in la furo xafiiskaas oo Madaxweynaha Kenya-na uu saxeexo, wuxuuna yiri “Arintaasi waa arin muddo dheer laga shaqeeynayey, waana arrin fiican inaynu dalka Kenya xidhiidhka inaga dhexeeya aynu sii wanaajino oo dalkeena Xafiis ka furtaan, waana soo dhaweeynaynaa, aadna waanu uga rajo qabnaa, laakiin wali go’aan uu Madaxweynuhu ogolaaday oo uu saxeexay maaha, soo jeedin baa loo sameeyey” “Golaha Wasiiradduna hore ayey iskugu afgarteen, inuu Madaxweynuhu saxeexana waa laga rajo qabaa, nin bay magacaabeen laakiin inuu Madaxweynuhu saxeexo weeye, Madaxweynaha ayaa ka maqnaa imika, Madaxweynuhu marka uu yimaado ayey saxeexayaan”. Wasiirka Faratoon ayaa sidoo kale ka hadlay xiisadaha Beesha Caalamka ee qabsoomida Doorashada Somaliland iyo halkay mareyso Siyaasadda Arrimaha Dibaddu, wuxuuna yiri “Wax inoo cusub maaha inuu Caalamku xiiseeynayo Doorashooyinka oo inoo dhaca, Caalamkuna muddo ayuu inaga sugaayey inaynu Doorashooyinkeena qabsano, xageena ayey ka xanibnaayeen oo ay ka xidhnaayeen, laakiin imika waa kuwan go’aan la gaadhay, haddii xageena ay ka fududaato oo la isku wada afgarto inay Doorashadu inoo dhacdo, waa sida ugu wanaagsan ee Caalamkuna inaga sugaayey”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Marka hore salaam xishmad iyo qaddarin mudan ayaan u soo gudbinayaa labada Proffessor ee maqaalkani ku waajahan yahay, waa Amed Ismaciil Samater iyo Cali Khaliif Galaydh. Marka labaadna waxan labada Proffessorba ku tahniyadaynayaa go’aankoodii geesinimada lahaa ee mid waliba ka badheedhay inuu si fiican uga faraxasho midnimadii lagu hungoobay ee dadka reer Somaliland iyo Somalia, kaasoo mid walibana goonidiisa caddadis, cay iyo habaarba laabta u dhigtay si inta nolosha uga hadhay ay dhexda ugu xidhaan inay ka shaqeeyaan midnimada, walaalaynta iyo gooni isu taagga Qaranimada Somaliland. Farriintani waxay xambaarsan tahay inaan idiin soo gudbiyo sawirka bulsho-weyn ahaan aanu idinka haysanno, taasoo ah inaad tihiin 2 wiil oo ka dhashay Somaliland oo garsho iyo aqoon dheeraad ahba leh, bulshada Somalilandna idiin hanweyn tahay, ooidinku faraxsan tahay. Inaad dalkiinna iyo dadkiinna u soo noqotaanna go’aan geesinimo ah buu ahaa oo hambalyo mudan, waayo Somaalida sida badan kama dhacdo inay khalad qirtaan oo markaa dib wax u saxaan. Haddaba waxa hubaal ah oon cidna ka qarsoonayn, in muddadii Bulshadiina iyo Somalilandba aad ka soo hor-jeeddeen, in qaranku waxyeelloooyin idinka tirsanayay kuwasoo qaarkood xagal-daaco geyaysiiyay, sida mathalan qoraallada iyo muxaadarooyinka caalamiga ah ee Qaranka lidka ku ahaa ee adduunyada daafaheheeda ku faafay, waxase hubaal ah haddii badhi-taarista qarankana u soo jeesataan, garashadeed iyo kartideedba weli leedihiin. anigoo ka mid ah dadka aad u xiiseeya golayaasha aad ka hadlaysaan iyo waraysiyada aad warbaahinta siisaanba, sharafna mudan tihiin, ayaa waxa dhowaan jirtey laba hadal oo midkiinba mar ka soo yeedhay, sababayna inaan maqaalkan kooban idin soo diro. Hadalka hore oo Prof. Samater dhowaan madal ka sheegay ayaa ahaa inuu waayay war tifatiran oo uu siiyo Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Koffi Annaan mar ay kulmeen oo uu weydiistay meel uu ka dheehan karo Somaliland iyo arrimaheeda.waayo ma jirtoba ayuu yidhi Professorku, iyo hadalka labaad oo ahaa mar labada Proffesor wadajir loogu waraystay magalada Burco oo Prof. Galaydh sheegay in wada-socodkoodani haddii ay doonaan soo noolayn karaan U.S.P dii lixdanaadkii. Haddaba farriintaydu waxay tahay labada Proffessoor oo ah niman qoraal ahaan iyo hadal ahaanba Aftahanno ah “Orators”, lehna aqoon dheeri ah ama “Academic” ah, caalamkana muddo dheer uga warramayay arrimaha Somalida – maantana weli loo soo joogsan karo, maxaa ka hor jooga inay buuxiyaan kaalinta maqan ee ay qudhoodu tebayaan, had iyo goorna sheegaan inaan tallaabo hore-u-kaca la helayn inta ay maqantahay qorshe cilmiyaysan iyo qoraallo togan oo Qaddiyadda Somaliland caalamka lagaga iibin karo. Midda kale, Bulshadu waxay idinka eegaysaa inay mahadiso soo noqodkiinna, oo kaabtaan baahida aynu qaran ahaan u qabno aqoon iyo Garasho dadka caadiga wax badan dheer. Marnaba idinkama eegaynno inad soo noolaysaan aaffooyin shacabkeenna lixdamaadkii kala irdheeyay iyo xisbiyo qabyaalad ku salaysnaa qaybna ka ahaa ismiidaamintii iyo hubsiino laaantii xamar lagu tegey. Rajadu waa inad dabooshaan goldaloolladaasi iyadoon xil qaran midkiinna ku magacawnayn, iyo inaad horseed ka noqotaan in Xisbiyadan maantaa ka jira S/Land (oo u baahan in garasho cilmi ah lagu duro), aanay marnaba la mid noqonnin U.S.P iyo kuwii la midka ahaa ee waagaas jirey. waajib qof walba saaran weeye ka midho dhalinta in dalkeennu ka mid noqdo ummadaha caalamka. Gebagebadii, Magaciin ha jiro, noo ahaada kuwo Hanka iyo Meeqaamka aanu idinka filaynno noo buuxiya. Rasheed Ali Meigag Samater Guddoomiyaha Jaaliyadda Somalida W. London Source
  14. Iyadu waxay ku suntan tahay wadnneyaasha dadka Somaliland oo dhan, iyadu waa maalin qaran. Waa maalin yar iyo weynba la isku soo baxo . Farxadda iyo damaashaadkana cidna la waydiin. Hase yeeshee maanta iyo maalmaha kale ee ka danbeeya si kale haddaynu u xusi lahayn ka warrama? Waxan waydiinayaa waydiintan cidkasta oo jecel midnimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland. Waxan kale oo waydiintani ku socotaa dhammaan hawl-wadeenada loo xilsaaray maalmulidda 18ka May (Dirircawleed) Hadday yihiin mid magaalo, tuulo iyo weliba dadka Somaliland ee ku kala nool dacalada Adduunka. Haddii aynu damaashaadayno ma aha in la sameeyo xaflado qoob ka ciyaara oo waxba inoo kale soocnayn waxyeelo mooye waxtarba inoo lahayn ama inay habluhu daaqadaha gawaadhida iska soo laa-laadiyaan iyaga oo u jeedda farxadda 18ka May! Immisa lacag ayaad ku bixisaa isku diyaarinta 18ka May? Aad bay u badan tahay ugu yaraan waxad ku bixisaa 30 doollar! Ka warran haddaad soddonkaa doollar ugu shubi lahayd akawnka loo samayn doono 18ka May? Haddaan yareeyo ka soo qaad haddiiba ay ku shubi lahayeen dad dhan 300,000kun oo qof. Immisa Beerood, Ceel, Cisbitaal ayey dhisi lahaayeen? Immisa tuulood ayaa loo samayn lahaa biyo xidheenno? Wercelintu waa inbadan! Warbixinta Tirikoobkii ugu danbeeyey ee laga sameeyey magaalada Hargaysawaxay sheegtay in wadarta guud ay yihiin , Milyan iyo badh (1.5Milyan) oo qof ka soo qaad 1Milyan in aanay heli karayn 30 doollar 5ta boqol ee kale haddii ay ku shubaan akownkaasi waxay noqonaysaa sidan; (500,000 kun oo qof *30 Doollar = $15,000,000 Milyan) Shan iyo tobban milyan ayaa hal maalin oo kaliya la ururin karaa! Waa arrin aanad male-awaali karayn hadda! Balse waa la rumayn karaa riyadan haddii loo dhug yeesho maamulkeedana la helo. In dad baahan la siiyo raashin ay maalmo ku noolaadaan, way wanaagsan tahay waxase ka sii wanaag badan in loo sameeyo wax raandhiis leh sida biyo xidheenno, riigag, baraago, seerooyin, beero, xoolo loo iibiyo dadkay xooluhu ma dhammaadeen. I.W.M. sidaa darteed miyeynaan ma maarmayn gacan shisheeye oo markasta aynu leenahay,”Na soo gaadhaay!” Runta haddaan laga gabanayn waynu ka maarmaynaa. Gunnaanadka qoraalkaygan kooban waxa ila qumman in la sameeyo qoddobadan hadba siday suurto gal u tahay:- ·In la sameeyo sanduuq loo bixiyo Sanduuqa 18ka May. ·Dadka ha looga sheego warbaahinaha kala duwan tirada uu ka kooban yahay akownkani haddii laga furo Bangiga Somaliland, Dahabshiil ama Bangiga Salaama isla markaana ha loo sheego in ay iskood ugu shubi karaan iyadoo cidiba ka soo ururin. ·Sanduuqan ha la iskugu geeyo dhammaan lacagta laga soo ururiyo dadka iyada oo loo habanayo intee laga soo ururiyey sida; Wasaaradaha, Jamaacadaha, ganasadayaasha, qurbe joogta,culimada, hayadaha waddaniga ah Dugsiyada (kuwa Qaranka iyo kuwa gaarka loo leehayahayba’) ·Dhammaadka bishan ha eegaan dadka loo qoondeeyey inay maamulaan lacagtaasi. ·Lacagtan waxha loogu qabto dadka dalkan u soo halgamay iyo dadka jilicsan ee u baahan lacagtan sidoo kale ha loogu sameeyoShaqo abuur dhallinyarada tirada badan ee shaqo la’aanta baahsani la soo daristay, badahana isku guraya. ·Gudida xaafaduhu intay lacag iska ururiyaan, ha lagu soo iibiyo xoolo nool iyo cunto oo loo kariyo dadka dhimirka qaba ee jira Cisbitaalada dalka, Jeelasha iyo dadka kale ee Bukaan jiifka ah. ·Habbeenimadka lagu sameeyo xafladda Madaxtooyada inta badan dad gaara uun baa la iskugu yeedhaa, ha loo yeedho dadkii dalkan u soo halgamay iyo qoysaskooda. Ha loo muujiyo sharafta loo hayo iyaga. F.G: Waxan rajaynayaa haddiiba aanu maanta fikirkaygan meel marin in uu meel mari doono maalin maalmaha ka mid ah hadduu Alle ogolaado oo dalka iyo dadka reer Somaliland ba ay waxtar wax ku oola ka heli doonaan. Faadumo Buuni Hargaysa,Somaliland libaaxo.77@gmail.com Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Shir deg-dag ah oo saaka ay iskugu yimaadeen madaxda Xisbiga WADDANI, ayaa laga ga wada-hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka Somaliland. Shirkan oo uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha Xisbigaasi Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa ka soo qeyb-galay xubno ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo ka tirsan mudanka Xisbiga. Intii shirku socday waxa aad loogga dooday sida Xisbigu uu u sii xoojinaayo kaalintiisii Mucaaradnimo, waxa kale oo hoosta laga xariiqay in Xisbigu aanu marna ka tanaasulayn mawqifkiisii Komishanka Doorashooyinka sida oo kale waxa ay xuseen inay war-war ka qabaan xaaladda dalku maraayo. Xisbigu wuxu isla qaatay in si deg-dag ah uu shacabka ugu caddeeyo aragtidiisa ku aadan xaaladda uu galay dalku iyo dib u dhaca Doorashooyinka Somaliland. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen in ka badan 70 ruux , kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab. Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in dadkaasi Ciidanka Booliska ay kasoo xireen qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho, islamarkaana dhawaan sharciga la horkeeni doono. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in dadka lasoo qabtay ay ku jiraan dad dilal ka geystay Muqdisho gaar ahaan degmada Xamarweyne. Ciidanka Booliska ayay sheegtay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, waxaana ay shacabka ka codsatay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska. Hoos ka dhageyso Zakiya https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Taliska-C-Booliiska-oo-sheegay-in-ay-Gacanta-ku-soo-dhigeen-in-ka-badan-70-Ruux-oo-ka-tiraan-Alshaba.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasiir Ka Socda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Socdaak Ku Tagay Dekadda Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Buug Laga Qoray Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Siyaasi Cabdilaahi Geel jire, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyey in aanu bulshada dhex u ahayn ee uu dhinac yahay,isla markaana aanu dhaadanay inuu bulshada dhex yahaya, waxaanay sheegay inay ahayd inuu bulshada isku jiido oo isku soo dhaweeyo. Siyaasi Cabdilaahi Geel Jira ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan “ Madaxweyne ayaa meesha jooga oo isagu weli u dhaqmaya inuu dhinac yahay , haddii ay beel tahay beel-nimo ayuu ugu jawaabayaa , haddii ay Xisbi tahay qof nimo ayuu ugu jawaabayaa , haddii ay dumartahay wuu u jawaabayaa isagii keligii ayuu shaqaynayaa ninkii Madaxweynihii ay ahayd inuu ummada isku jiido oo sifo shaqsi ah ayaad moodaa inuu u dareen-san-yahay xilka, ahayd inuu qofka inoo dhaxeeya ee ina hoggaaminaya ee inoo tanaasulaya ee inoo odayga ah uu noqdo ayuu ahaa .” Qaran News
  20. (SLT-Hargeysa)-Ismaaciil Buubaa ayaa waxa uu ka warramay kulan uu dhawaan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo isaga oo sharraxay qodobbo ay ka wada hadleen, waxaanu ka digay fara-gelin siyaasadeed oo uu sheegay in Imaaraatku uu ku hayo Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cism,aan Yariisow ayaa waxaa amar culus la dul-dhigay Shacabka ku nool Gobolkaan Banaadir. Amarkaan oo uu Warbaahinta u Akhriyey Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku saabsan dib u Habeynta Bulaacadaha Magaalada Muqdisho iyo Naleynta Magaalada si Bilicda dib loogu soo celiyay. 1 – In cid alaala cidii si sharci darro ah u istecmaasha Bulaacadaha Magaalada Muqdisho, aan laga aqbali doonin, isla markaana u hogaansanto xeerka kasoo baxay Xafiiska Duqa ee Mamnuucaya in danta guud loo istecmaalo mid gaar ahaaneed. 2 – In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal, si Iftiinka Magaalada Muqdisho loogu wada qeyb-qaato, taasi oo muhiim u ah Howlgalada Amni, bacdamaa kooxaha dhibaatooyinka geysta ay ku dhuuntaan goobaha Mugdiga ah. 3 – Cidii xeerarkaan fulin weyda waxaa laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga taasi oo ku xusan xeerarka kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/04/Afhayeen-Saalax-dheere.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Gaalkacyo: sawir hore 2016 Malayshiya beeleed hubaysan ayaa maanta la wareegay saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo sida ay sheegeen goobjoogayaal. Malayshiyaadka oo uu hoggaaminayo nin magaciisa lagu sheegay Dhuuhdan ayaa sida la sheegayo qabsaday saldhiga bartamaha oo ay ku shaqeeyaan ciidanka ilaalinta canshuuraha dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo. Sidoo kale qaar kamid ah ganacsatada ayaa sheegaya in malayshiyaadka halkaasi qabsaday ay tan iyo saaka ka qaadayeen canshuuro kadib markii ciidanka ilaalinta canshuura ee dowladda hoose laga qabsaday saldhiga. Sarkaalka hoggaaminaya malayshiyaadka oo lagu magacaabo Dhuuhdan ayaa hore u soo noqday madaxii baarista iyo dabagalka dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo waxaase xilka ka qaaday guddoomiyihi hore degmada Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad. Mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaan ilaa iyo haatan wax war ah ka soo saarin malayshiyaadka qabsaday saldhigaasi. PUNTLAND POST The post Malayshiyaad qabsaday saldhig ku yaalla magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  23. Wararka ka imaanayaa degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ay halkaasi ay ka aloosantay xiisad u dhexaysa ciidamada Somaliland iyo ciidamo degaanka u dhashay oo maalmihii u dambeeyay isku uruursanayey tuulooyin hoos yimaada degmadaasi. Ciidamada degaanka oo hab-beeleed u abaabulan ayaa fariisimo ka samaystay tuulooyin ay ku jiraan Gacan-maroodi iyo Shidan oo ka tirsan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag sida ay sheegayaan dadka degaanka. Taliyaha jabhaddaasi oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Jaamac ayaa maalmo ka hor hanjabaad culus u diray ciidamada Somaliland oo uu sheegay in ay ku soo duuleen degaanno nabad ah si ay dhibaato uga gesytaan. Wararkii ugu dambeeyay oo warbaahinta Puntland Post halkaasi ka helayso ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta ay rasaas is weydaarsadeen ciidamo ka tirsan Somaliland iyo kuwa jabhadda degaanka. Goobgoogayaal ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland oo xaabo wax lagu karsado guranaya ay rasaas is weydaarsadeen ciidanka degaanka balse wax khasaara lama soo werin. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo mar kale ka aloosan degmada Yubbe appeared first on Puntland Post.