-
Content Count
208,322 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Wasiirka arimaha dibadda Iran, Mohamed Javad Zarif, ayaa socdaalka uu ku joogo Maraykanka uga faa’iidaystay inuu cid kasta oo u dheg jalaqsiisa ka dhaadhiciyo in Iran aanay doonayn in ay Maraykanka isku dhacaan, laakiin ay ka cabsi qabto in is faham la’aani arintaa taa keeni karto. Zarif oo waraysiyo siiyey warbaahinta kala duwan ee Maraykanka ayaa ku celceliyey eed uu sheegay oo ah in ay jiraan shakhsiyaad ku dhawdhaw Trump oo ku boorriya in uu tallaabo milatari kala hor tago Iran. Wasiirka ayaa tilmaamay waxa uu ku sheegay koox ka mid ah kuwaas oo si kas ah u abuuraya isaga seeg, oo uu ka mid yahay la taliyaha Madaxweyne Trump ee arimaha nabadgelyada qaranka, John Bolton, iyo rai’sal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Javad Zarif waxa uu toos u dhaliilay eedaynta maalmulka Trump ee is daba jooga ah ee ay ku sheegto in Iran fadqalallo ka waddo gobolka Bariga Dhexe, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in Iran tahay awood ka shaqsaynaysa xasiloonida guud ee gobolka oo dhan. Source
-
(SLT-Sri Lanka)-Aabbaaha dhalay ninka lagu eedeeyay in uu maleegay weerarradii bambooyibka loo adeegsaday ee Axaddii ka dhacay Sri Lanka Zahran Hashim ayay laamaha ammaanku dileen Jimcihii, sida uu booliisku sheegay. Zahran Hashim oo isku qarxiyay hoteel ku yaalla Colombo ayaa aasaasay koox lagu magacaabi NTJ oo hadda la mamnuucay. Booliiska ayaa hawgal ka fuliyay xaruntii ugu waynayd ee kooxdaas oo ku taalla magaalada Kattankudy oo ku taalla dhanka bari ee dalkaas. Madaxweynaha Sri Lankan ayaa ku dhawaaqay in la mamnuucay in wajiga la qarsado arrintaas oo loola jeedo indho shareerka dumarka Muslimka ah, arrintaas ayaana dabo socota weerarrada dhacay. Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday Kiniisado iyo hotteeello waxaana lagu dilay ugu yaraan 250 qof. Axaddii waxaa la baajiyay in kiniisadaha Siri Lanka cibaado loo aado, balse dadka caasimadda ku nool ayaa isku arruursaday bannaanka kiniisadda St Anthony oo aad ugu burburtay weerarka. Siday ku dhinteen qaraabada Hashim? Laamaha ammaanka ayaa hawlgal ka fuliyay meel u dhaw Kattankudy oo ah meesha uu ka soo jeedo Hashim maalintii Jimcaha. Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay ciidammada oo ku sii socda sida ay booliisku sheegeen, saddex nin ayaana qaraxyo gaystay iyaga galaaftay lafahoodii, lix carruur ah iyo saddex dumar ah, saddex qof oo kalana waxay ku dhinteen rasaas. Qof ka mid ah qaraabada dhaw ayaa BBC-da u xaqiijiyay in hawlgalka ay ku dhinteen Hashim aabihii iyo labo walaalladii ah. Ilo ka tirsan booliiska oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa saddexda nin ee dhimatay magacyadooda ku kala sheegay Maxamed Hashim iyo wiilashiisa oo kala ah Zainee Hashim iyo Rilwan Hashim. Saddexdaasba waxaa lagu arkay muuqaal aad la isugula wadaagay baraha bulshadu ku xidhiidho kaas oo ay ku baaqayaan in dadka oo dhan ay u istaagan dagaal ka dhan ah dadka aan tawxiidka rumaysnayn, ayay intaas ku sii dartay wakaaladda wararka ee Reuters Source
-
Somaliland: Four Men Blow Themselves Up In Tog-Wajale Wajaale,(Qaran news)-Reports are coming in from the Somaliland border town of Tog-Wajale that four men believed to be from Somalia blew themselves up in a house whilst working on a device. There has been no official statement from the Somaliland government or the Somaliland Police Force. However reliable sources, including members of the Gabiley regional council have stated that the four men, two whom were injured in the blast and another two were detained and then transferred to the capital, Hargeisa. Reports also indicate that the Somaliland Police are searching for further suspects. Tog-Wajale is on the Somaliland-Ethiopian border, and is busy trade hub. All indications are the suspects came from Mogadishu and recently rented a house in Tog-Wajale. The owners of the rental home have also been detained for questioning. There are no reports of any other casualties and the blast appears to have been rudimentary in nature. Nevertheless, Somaliland is preparing for the Holy Month of Ramadan and the celebration of the 28th anniversary of the restoration of independence on the 18th of May. Somaliland authorities have called for all citizens to remain vigilant and report any suspicious activities. Qaran News
-
(SLT-Tripoli)-Madaxda Dowladda Liibiya ee ay qaramada midoobay taageerto ayaa sheegay in Markabkaasi lagu qabtay meel ka baxsan Xeebaha magaalada Misraat ee Galbeedka dalkaasi. Markabkaasi oo lagu magacaabo Shahar E Kord waxa uu isbuucii hore ka soo shiraacday Dekedda magaalada Burgas ee dalka Bulgaria, wuxuuna ku wajahnaa Dekedda magaalladda Misraata. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Liibiya ee ay qaramada midoobay taageerto ayaa sheegtay inuu Markabkaasi waday 144 Kontaynaro ay ka buuxaan noocyadda Hubka kala duwan, oo isugu jira kuwa fudud iyo Sawaariikhda. Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka uu hoggaamiyo Khaliifa Xaftar ayaa sheegay inuu Markabkaasi hub u waday Dowladda Liibiya ee fadhigeedu yahay Tripoli. Markabkaasi oo la sheegay inay Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan leeyihiin waxaa horey cunaqabatayn ugu soo rogay Dowladaha Maraykanka iyo kuwa Midowga Europe, iyagoo ku eedeeyey inuu Markabka qeyb ka ahaa Hawlaha Barnaaamiojka Nukliyeerka Iiraan. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wafdigaan uu hoggaaminayay Generaal Waxiid Ibraahim Khafaaji oo ah kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga Dalka Masar iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Masar ayaa Kormeeray Isbitaalka Xoogga Dalka,Kuliyadda Jaalla Siyaad iyo Xarunta ciidamada xoogga dalka ee deegaanka Bangalla ee Magaalada Muqdisho. Qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xarunta Kuliyadda Jaalla Siyaad ayey Mid mid u kormeereen Wafdigaan ka socday Dalka Masar. Taliye ku-Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan ayaa sheegay in Dowlada Masar ay diyaar u tahay Taakuleenta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga Dalka Masar General Waxiid Ibraahim Khafaaji ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo Xiriir iskaashi ee dhanka Ciidamada Labada dal ah. View the full article
-
Hargeisa, T(Qaran news)Chief– Judge of the Marodi Jeh Regional Court, Ahmed Dalmar resigned from his position, before being transferred to the Regional Appeals Court in Hargeisa. Judge Ahmed Dalmar who has gained a reputation as an independent adjudicator appears to have fallen foul of the administration of President Muse Bihi Abdi. The judge recently declined to hear a case against journalist Abdimalik Coldon who has arrested without a warrant in Burao, Togdher and transferred to Marodi Jeh to be tried. In his decision, Judge Dalmar ruled that the journalist was detained without a warrant and his case should be heard in the proper jurisdiction, which in this case is the Togdher Regional Court. That ruling was ignored by the government and the journalist, Coldon, is incarcerated in Hargeisa and currently awaiting trial. Speaking to the media, Judge Dalmar stated that he was resigning for personal reasons. Subsequently, the Chief Justice of Somaliland, Aden Haji Ali Ahmed issued a statement transferring the judge to the Marodi Jeh Regional Appeals Court. It is not clear whether the transfer will be accepted by Judge Dalmar, who promised to call a press conference in the near future. It is becoming quite clear that the administration of President Muse Bihi Abdi is exerting undue influence on the judiciary in Somaliland, and the position of the Chief Justice appears to have become politicized. Meanwhile, the moribund Somaliland legislature, which overseas all judiciary matters, appears to be incapable of asserting any authority. Qaran News
-
Mudisho (SMN) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa la filayaa in maanta akhrinta labaad ay marsiiyaan sharciga shirkadaha ganacsiga dalka, kaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warashadaha Soomaaliya. Xubnaha Baarlamaanka ayaa ka doodi doono muhiimadda uu sharcigan u leeyahay ganacsatada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Guddoomiyaha giddiga ganacsiga Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan (Beeni Beeni) oo Shabelle la hadlay ayaa sharraxay baahida loo qabo Hindise sharciyeedkaasi. Fadhigan oo ah kii sideedaad ee golaha shacabka, islamarkaana qeyb ka ah Kalfadhiga shanaad ayaa Sabtidii la soo dhaafay u baaqday Kooram la’aan. View the full article
-
Garbahaarey (SMN)-Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga ee gobolka Gedo oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay duqeymo xoogan oo ay diyaarahada Kenya ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Korneyl Rufle ayaa sheegay duqeymahaasi ay ka dhaceen deegaano iyo Tuulooyin hoos yimaada magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Waxaana uu carabka ku dhuftay in waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay Xoolo isugu jira Geel iyo Ari oo dad reer Mii ah ay ku dhaqanayeen halkaasi. Ciidamada Keya ee qeybta ka ah howlgallka AMISOM ee Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran ka wada K/ Soomaaliya, waxaana mararka qaar duqeymo ka dhan ah Al Shabaab oo ay waxyeelo ka soo gaarto dad rayid ah ay ka fuliyaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qabanqaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ka furmaya Muqdisho. Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirkan maanta furmayo kaas oo soconaya labo maalmood (29-30 April). Shir-weynahan ayaa diiradda lagu saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada. View the full article
-
Mandera (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax saacadihii la sood haafay Ciidan ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay G/ Waqooyi Bari ee dalka Kenya. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxan oo Miino ahaa lala eegtay Kolonyo ay wateen Ciidanka Kenya, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Dabaasisti iyo Buulo Laban oo hoos yimaada M/Mandera ee gobolka Waqooyi Bari. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxani ay ku gubeen gaari nuuciisu uu ahaa Motabiish, kaas oo ay lahaayeen Ciidamada dowladda Kenya. Ma shaacin Al Shabaab khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxaasi, marka laga reebo in ay gubeenGaari ay lahaayeen Ciidamadaais. Dhanka kale Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay qaraxa shalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho. Al Shabaab ayaa baahiyay in qaraxaasi ay ku dileen illaa 3 askari, kuna gubeen Gaari Tikniko ah oo ay wateen Ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Inta badan Ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya ayaa weeraro iyo qaraxyo lagula eegtaa waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgallo xubno ka tirsanaa Al Shabaab lagu soo qabtay oo ay ciidamada amniga sadexdii maalin ee ugu dambaysay ka sameeyeen magaalada Muqdisho. Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id u qabatay Warbaahinta ayaa waxay sheegtay in howlgal ciidamada amniga ay sameeyeen 26-kii bishan ay ku soo qabteen afar ruux oo ku eedeysan Al Shabaabnimo. Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo kaashanaya Shacabka ay gacanta ku soo dhigeen nin xogtiisa la hayay oo ay tilmaamtay in uu ka dambeeyay dil loo geystay Guddoomiye waaxeed ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo xilligii la qabanayay ku sugnaa degmada Xamarweyne. Isla degmada Xamarweyne,howlgal ay ciidamada amnigu ka sameeyeen waxay ku soo qabteen sadeed ruux oo ku eedeysan Al-Shabaabnimo,waxayna soo qabashadooda ka dambeysay kadib markii Shacabka ay Hay’adaha amniga ku soo wargeliyeen xogtooda. Sareeye Guuto Zakiye Xuseen Axmed ayaa tilmaantay in howlgal ay xalay saqdii dhexe ciidamada amniga ka sameeyeen deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho ku soo qabteen lixdan ruux oo ku eedeysan falal la xiriira Al Shabaab. Sidoo kale, Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay afar ruux oo burcad ah kuwaas oo dhac ka geysanayay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir. Ugu dambeyntii, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa mar labaad ka codsaday dadweynaha iney Hay’adaha amniga ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga wax dhimi kara oo ay ka shakiyaan,iyagoo Hay’adaha amniga kala xiriiri kara numbarka gaaban ee 991. View the full article
-
Dr. C/fitaax Ismaaciil Daahir oo mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga UPD oo wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ku aaddan xaaladda dalka. Ugu horreyn wuxuu ka hadlay sababtii ku kalliftay siyaasiyiin uu isaga ku jiray in ay ku shiraan dalka Kenya, islamarkaana ay halkaasi kasoo dhaleeceeyaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo. Wuxuu sheegay xildhibaanka in sababta ugu weyn ee ay Nairobi ugu shireen ay tahay, kadib markii ay DFS culeys ka dhigtay in siyaasiyiinta ku shiraan Muqdisho islamarkaana ay cabiraan dareenkooda. Sidoo kale, xukuumadda ayuu sheegay in marar badan ay hor istaagtay shirar ay qabsan lahaayeen siyaasiyiin iyo sidoo kale xisbiyo, taasi bedelkeedana ay doorbideen iney ku shiraan dalka dibaddiisa. Dhanka kale, xildhibaan C/fitaax ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag una baahan in laga samatabixiyo. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online)-Dhacdo si weyn loo hadal hayo ayaa ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda la sheegay inuu isku dhex qariyay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen. Askariga oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu la kulmay Al Shabaab wadada ku jiray, kuwaasi oo doonayay inay baaritaan ku sameeyaan gaariga, taasi oo keentay in la arko. Al Shabaab ayaa askarigaasi dilay, balse inta uusan dhicin dilka askariga waxaa la sheegay inuu rasaas ku furay Al Shabaab-kii doonayay inay baaraan gaariga uu saarnaa, halkaasina uu ku dilay hal ruux oo Al Shabaab ka tirsanaa. Waxaana kadib Al Shabaab dhankooda la sheegay inay isla goobta ku toogteen askariga doonayay inuu isku dhex qariyo Shacabka adeegsada wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar. Maamulka Hirshabeelle ayaa u muuqda mid ku fashilmay amaanka wadadaasi, waxaana horey loogu dilay xildhibaano baarlamaanka ka tirsanaa, kadib markii Al Shabaab ay wadada u galeen. Wadadaasi ayaa amaan aheyd, laakiin hadda dadka shacabka ah ayaa u muuqdo kuwa ka baqaya inay adeegsadaan. Qaar ka mid ah dadka wadadaasi isticmaala ayaa sheegay in mararka qaar ay Al-shabaab baaraan gaadiidka dadweynaha si ugala dagaan dadka ay iyagu u baahan yihiin. Al-Shabaab ayaa horay u kaxeystay gaarigii caasiga ahaa iyo darawalkii waday lama oga halka ay la aadeen. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-290419.mp3 View the full article
-
Aqoonyahan Cali Saciid Maxamuud oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in siyaasiyiinta u ogolaato iney shirar ku qabsadaan magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in cid walba aragtideeda ay xor u tahay iney soo bandhigto waxa maankeeda ka guuxaya, loona baahneyn in la caburiyo. Sidoo kale, aqoonyahankan ayaa sheegay in siyaasiyiinta qudhooda laga doonayo iney ka shaqeeyaan aayaha dalka, islamarkaana iska ilaaliyaan wax walbo oo sharaf dhac keeni kara. Cali Saciid ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta ay sheegaan hadallo xanaf leh, taas bedalkeedana looga baahan yahay iney eegaan dhanka wanaagga si nabad ahna kusoo bandhigaan aragtidooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/AQOONYAHAN-Cali-siciid-maxamuud-kulane-cali-foodare-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada xooga dalka ayaa shaaciyay in dowladda Turkey aysan wax saldhig ah ku laheyn gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo sanadkii hore madaxweynaha Turkey uu xariga ka jaray saldhigaasi. Saldhigaasi ayaa la sheegaa inuu yahay saldhiga Turkey uu ka furto dalalka Africa midka ugu weyn, waxaana taliyaha ciidamada xooga dalka uu shaaciyay in saldhigaasi uusan laheyn Turkey. Taliyaha ciidamada xooga dalka Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa si cad u sheegay in xarunta ka furan deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho inay tahay kuliyad Turkey uu u dhisay ciidamada xooga dalka, islamarkaana aysan aheyn saldhig Turkey leeyahay. Wuxuu sheegay in isaga uu ahaa dadkii saxiixay dhismaha Kuliyadaasi, looguna talo galay in lagu tababaro ciidamada xooga dalka halkii dalka dibadiisa loo qaadi lahaa. Muddo Shan sano ah ayuu sheegay inuu heshiiska qeyb ka ahaa in lagu diyaariyo ciidamo iyo saraakiil Soomaali ah oo halkaasi tababar ka bixisa, si looga maarmo tababarayaasha u dhashay dalka Turkey. “Saldhig Turki maaha, waa Kuliyad meletari oo ciidanka xooga dalka lagu tababarayo, dalka gudahiisa marka askariga lagu tababaro wuu ka dhaqaalo yar yahay marka dibadda loo qaadayo, anigaa saxiixay markii hore in kuliyad naloo dhiso, Turkey ayaa lagula heshiiyay inay diyaariyaan macalimiin ciidamada tababarta, waana dhawdahay inaan la wareegno, laakiin saldhig meletariga maaha”ayuu yiri Indha Qarshe. Dhinaca kale taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada xooga dalka ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya. “Al Shabaab waa lala dagaalamaa, wararka dagaalada la xiriira warbaahinta lagama sheego marka ciidamada maalin iyo saacad ay san dagaal galin ma lahan, labo meelood ayay kusoo urureen Al Shabaab waana Jilib iyo Bu’aalo”ayuu hadalkiisa raaciyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ehlada dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Tanzania ayaa ka codsaday DFS in loo soo daayo dhallinyaradaasi. Dadkan oo soo booqday Goobjoog ayaa sheegay in dhallinyaradan ay aad u dhibban yihiin, ayna ka dalbanayaan DFS iney siideyntooda kaalin ka qaadato. Waxay sheegeen in siyaabo kala duwan loogu xiray dalkaasi, qaarkoodna la qabtay iyaga oo kallumeysanaya, kadibna lagu tilmaamay iney yihiin burcad badeed. Sidoo kale, dadkan ayaa inoo sheegay in dhallinyaradan badi ay aad u xanuunsan yihiin, laguna fasho beeraha, waa sidey hadalka u dhigeenne. Halkaan hoose ka dhageyso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa haatan waxa ay wadaan diyaar garow ballaaran oo ku aaddan bisha barakeysan ee Ramadan oo maalmo qura inaga xigaan. Xarumaha ganacsiyada ee magaalada ayaa laga dareemayaa dadweyne badan oo ka adeeganaya, si ay isugu diyaariyaan bisha Soon Qaadka. Ganacsatada qaarkood ayaa inoo sheegay in bishan Ramadan ay tahay midda kaliya ay sida xowliga ah u shaqeeyaan, islamarkaana ka helaan faa’idooyin badan. Sidoo kale, waxay tilmaameen dadka ay aad u iibsadaan raahsiinka iyo sidoo kale waxyaabaha kale macmacaanka ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/CKARIIN-CALI-AADAN.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho iyo sidoo kale duleedyada magaalada. Zakiya Xuseen Axmed, taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegtay iney gacanta ku dhigeen in ka badan 60 ruux oo looga shakisan yahay Al-shabaab iyo sidoo kale burcad dadka wax u dhimayey. Waxay sheegtay Zakiya in howlgallada ay sameeyeen ay kaalin mug leh shacabka ka qaataan kadib markii ay ciidanka soo wargeliyeen. Sidoo kale, shacabka ayeey ka dalbaday iney si xooggan ula shaqeeyaan ciidamada Booliiska si looga hortago falalka amni darri. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/Taliska-Booliiska-Soomaaliya-Ayaa-Sheegay-In-Ay-Gacanta-Ku-Hayaan-Ku-Dhawaad.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay soo kordhayay qayla dhaanta iyo cabashada ka soo baxaysa ehelada Xubno ka tirsanaa Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ee ka diiwaangashan Guddiga Rayidka, taas oo ku saabsan in wasiiro ay si sharci darro ah dad u keensadeen boosas ay ka dhinteen ehelladooda. Sida caadiga ah, qofkii ka diiwaangashan Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo Guud ahaan Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada, hadii uu Geeriyoodo booskiisa waxaa dhaxla oo hela carruurtiisa, hadii la waayana waxaa helo qoyskiisa, balse arintaas ayaa u muuqata mid meesha ka sii baxaysa. Dhowr wasaaradood oo ay kamid ah Arimaha Gudaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, Cadaaladda, Warfaafinta iyo kuwa kale ayaa labadii sano ee la soo dhaafay Boosas ay ka dhinteen dad katirsanaa Wasaaradahaas lagu badalay kuwa kale oo aan Xiriir la lahayn kuwii dhintay. Dadkaan Geeriyooday ee Boosaskii ay ka dhinteen la musuq maasuqay ayaa isugu jira kuwa la dilay iyo qaar ku dhintay Qaraxyada iyo Weerarada Muqdisho. Haweeney Wiilkeeda oo ka tirsanaa Shaqaalaha Rayidka Islamarkaana lagu dilay Weerar ay Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho ayaa Caasimada Online u sheegtay in Booskii Wiilkeeda lagu badalay qof kale halka markii hore ay aheyd dhaxal Booska uu Marxuumka ka baxay. “Muddo ayaa raadinay booskii Wiilkayga markii dambe waxaan ogaanay in booskiisa Wasiirka ku badalay qof kale” ayey u sheegtay Haweeneydaan oo la hadashay Caasimada Online. Waa ka gaabsatay in aan soo xigano magaceeda, Codkeeda iyo magaca wiilkeeda dhintay sababtoo ah waxay sheegtay in uu jiro dadaalo kale oo ay wado rajo wayna aysan ka qabin. Arinta Xaqiiqada ah ee jirta ayaa ah in Dowladda Soomaaliya aysan shaqaalaysiinin hal qof tan iyo markii ay Talada dalka la wareegtay, Wasiiradana ay ku xiran yihiin daruufo badan oo ah in ay shaqaalaysiiyaan dhalinyaro kamid ah dadka ay matalaan. Atintaan ayaa qayb ka Musuq Maasuqa Soomaaliya lamana oga sida ay saameen ugu yeelan karto shaqooyinka Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ay maamulkiisa ku sameysay sadbursi kadib markii ay magacowday guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe. Saciid Deni ayaa sheegay in Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ay xaq u lahayd Puntland, maadaama guddoomiyihii xilka ka degan uu kasoo jeeday deegaanadaas, balse lagu beddelay guddoomiye cusub oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland. Siciid Deni ayaa sheegay in iyada oo hanaanka loo maray magacaabista Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ay khaldan tahay, haddana aan wax wadatashi ah lagala sameyn maamulkiisa. Deni ayaa intaas ku daray in dowladda Federaalka ah ay waddo ku tagri fal awoodeed marka loo eego habka magacaabista xilalka muhiimka ah ee talada ay ku leeyihiin dowlad Goboleedyada dalka ka jira, Ka sokow xilka guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe, Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay in Puntland ay ka cabaneyso xilal kale oo ay xaq u lahayd oo ay ka mid yihiin safiiro oo weli dowladda federaalka aysan siin. Waxaa xilalkaas ka mid ah safiiradii Washington iyo Nairobi oo ay ku kala fadhiyeen Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirka arrimaha dibedda iyo Jamaal Maxamed Xasan oo ah wasiirka qorsheynta, kuwaas oo midna aan weli la buuxin midna lagu beddelay qof aan kasoo jeedin Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay howlgal ammaanka lagu xaqiijinayey ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho. Waxay ciidankan qabteen dhallinyaro badan oo ay isugu geeyeen goob fagaare ah oo ay ku kala saarayeen, iyadoo intooda badan lasii daayey, halka qaarna weli ay ciidamada baaritaan ku hayaan. Saraakiisha ammaanka ee howlgalkaasi hoggaamineysa wax faah faahin ah kama aanay bixin, hase ahaatee howlgallada sidan oo kale ah ayeey ciidanka DFS ka wadeen degmooyinka gobolka Banaadir. Howlgallada ay ciidamada dowladda ka sameeyaan degmooyinka magaalada Muqdisho ayeey kusoo qabtaan dhallinyaro badan, iyadoo saacado badan oo la hayo dhallinyaradan hadana lasii daayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Photo-news:Sawirka Todobaadka Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa ayaa Amray in bishaan laga jiro lacag dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, wasiirka oo shalay afar saac la kulmay dhamaan Shaqaalaha ayaa u sheegay in ay Amar tahay in laga jarayo lacag qof kasta oo shaqaalaha katirsan, qofkii diidana shaqada laga joojin doono. Lacagaha ayaa loo kala qaadi doonaa Afar qayb oo kala ah Grade A, 100$ Grade B, 50$, Grade C, 30$ iyo qaybta Maamulka oo qofkiiba laga qaadi doono 300$. Lacagahaan ayuu sheegay in dib loogu dhisi doono Xarunta Wasaaradda oo ku bur burtay Weerarkii Al-Shabaab ee Sanadkaan. Dad badan oo aan qaadan lacag ku filan ayaa arintaan walaac ka muujiyay maadaama ay soo dhowdahay Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Wasiirka oo maalmo magacaaban ayaa la sheegay in shaqaalaha uu ku haayo hanjabaad iyo caga juglayn isagoo maanta caddeeyay in Shaqada laga ceyrin doono qofkii bixin waayo lacagtaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors