-
Content Count
208,330 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku celiyey taageerada uu u hayo dalka Sucuudiga, xili ay isku soo bax lagu taageeayo barnaamijkiisa halku dhiga ay u ahayd “Make America Great Again” (MAGA) ay socod ku maryeen magaalooyin ka tirsan dalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in uu sucuudiga kula jiro wadaxaajoodyo boqortooyada lagu siinayo taageero milatari. President Donald Trump talks with reporters before boarding Marine One on the South Lawn of the White House, Friday, March 22, 2019, in Washington. (AP Photo/Evan Vucci) Intii lagu gudo jiray banaanbaxan taageerayaasha Trump ay ku mareen Green Bay, Wisconsin, ayaa Madaxweyne Trump waxa uu tilmaamay in taageerada uu u hayo dawada Sucuudigu ay sii kordhayso, taas oo uu tilmaamay in ay ugu wacan tahay Riyadh oo shirkaddaha Maraykanka wax badan ka iibsanaysa. “Wax Aan Cash ahayn ma haystaan” ayuu u sheegay jamaahiirta taageersan. “Wax badan ayay inaga iibsanayaan, $450 billion ayay wax inagaga iibsanayaan.” “Waxa jira dad doonaya inay jaraan Saudi Arabia…. Anigu ma doonayo inaan waayo iyaga” ayuu intaasi sii raaciyey Madaxweyne Donald Trump. “Waaynu waayi $4.5 billion inaynu difaacno iyaga weeyaan, waa qani,” ayuu yidhi Trump. Source
-
(SLT-Spain)-Xisbiga Raysal wasaare Pedro Sanchez ee (PSOE) oo ah “Socialist” ayaa ku guuleystay doorashadii guud ee Axadii shalay ka dhacday dalkaasi Spain, hase yeeshee xisbi xaakimka ayaan helin aqlabiyada kuraasta Baarlamaanka oo uu hada kusoo biiray xisbiga VOX oo ah xagjirka garabka midig. Xisbiga (PSOE) ayaa helay 123 kuraasta Baarlamaanka oo guud ahaan ka kooban 350 kursi. Xisbi Xaakimka ayaa ku khasbanaan doona inay isbaheysi siyaasadeed la sameystaan xisbiyada kale si ay xukuumada usoo dhisaan maadaama aysan heysan Aqlabiyada Baarlamaanka, Raysalwasaaraha ayaa u baahan 176 kursi ee Baarlamaanka si uu xukuumada usoo dhiso. Balse natiijadan ayaa guul u ah Raysalwasaaraha xilka hayey muddo sanad ah, Pedro Sanchez ayaa sheegay in guusha ay gaareen ay fariin u tahay xisbiyada xagjika ah ee cunsuriyiinta garabka midig oo uu sheegay inaysan ku guuleysan doonin inay la wareegaan awooda dalka Spain iyo waliba Midowga Yurub. Source
-
Muqdisho (SMN) – Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali ayaa loo heysta dilka wada gaari dad-weyne oo marayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Siinka Dheer iyo dhaawaca qof rayid ah oo kamid ah rakaabka gaariga, dilkaas oo dhacay 06-01-2019. 12- bishii 1-aad ee sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Kiiska Dable Boliis Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida. AUN Maxamed Ismaaciil Qaboobe ayuu ahaa wadaha gaariga, sidoo kale dhaawac culus oo qeyb ka mid ah jirkiisa uu dareen seegay ayaa gaaray Maxamed Cali Xasan oo kamid ahaa rakaabka gaariga darawalkiisa geeriyooday. kuma qorneen Ilaalada Goobta sidoo kale ka mid ma ahayn askarta ilaalada ka heysay halka lagu hubiyo gawaarida qaybahooda kala duwan ee ka baxa iyo kuwa ku soo wajahan Xarunta dalka ee Muqdisho. Baaris dheeraad ah oo ay sameeyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayay ku soo ogaadeen in Eedeysanaha uu toogtay wadaha gaariga si jees-jees ah, weliba xilliga uu dilka geysanayay uusan tix gelin gaar ah siin wadaha gaariga ee u istaagay si uu u aqbalo hubinta sharciga ee siinka dheer oo uu mari jiray badi waddadaas. 14-kii bishan sii dhammaaneysa ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda eedeysanaha, waxa ay Maxkamadda aqbasha Sideed Cisha kadib. 22-kii bishan ayaa loo fariistay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali, waxaana ay xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda horkeeneen Qiraalka Eedeysanha, dhibane kamid ah rakaabkii gaariga saarnaa oo qeyb badan oo jirkiisa kamid ah dareen seegay dhaawici gaaray dartiis, sawirka Marxuumka, warqadda dhaawac muujinta dhakhtarka. Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa u sheegay garsoorka in Eedeysane Dable Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali uu u geystay dil bareer ah wadaha gaariga, waxa uu sheegay in aysan jirin sabab qura oo uu marxuumka ku weydiin karay talaabooyin amni maadaama uusan kamid ahayn ciidamada gaarka ah ee hey’adaha amniga uga wakiilka ah bartaas. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa dhinacooda ku dooday in loo naxariisto loona fududeeyo maadaama uu iskiisa u qaatay waajibaad aan loo dirsan taasi oo ay ka dhalatay dhimashada wada gaari iyo dhaawaca rakaab kamid ah dadyowgii saarnaa gaariga. Intaas kadib ayay Maxkamadda go’aamiyeen in lagu xukumo Eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Ismaaciil Qaboobe, sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xuseen Maxamed oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Eedeysanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabaka Sida View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa weeraray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Yariisow. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir ay ka sugayaan inuu cadeeyo halka lagu bixiyo canshuurta laga qaado Shacabka magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in dadka shacabka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ay dil la kulmaan marka ciidamada ay ka qaadayaan Canshuurta, hadana aan waxba loogu qaban sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale sheegay inay sugayaan xisaab celinta canshuuraha laga qaado shacabka magaalada Muqdisho. “Guddoomiyaha Gobolka Banaadir canshuurta dadka MUQDISHO lagu dilo marka ay bixin waayaan, midda la bixiyana waxa lagu qabto aysan muuqan, waxaa laga rabaa In uu caddeeyo xisaabcelinteeda.” “Dadka Muqdisho la isuguma dari canshuur aan waxba lagu qabanayn iyo xisaab-celin la’aan” ayuu yiri xildhibaan Fiqi. Shacabka magaalada Muqdisho ayaa bixiya lacagta ugu badan ee Canshuurta dowladda Soomaaliya hesho, waxaana gobolka Banaadir uu yahay gobolka kaliya ee dhaqaalaha uu kasoo galo dowladda Soomaaliya. Wasaarada maaliyadda ayaa horey u diyaarisay qorshe lacagaha canshuurta ee laga qaado deegaanada dowlad goboleedyada loosoo gacan geliyo dowladda dhexe, balse waxaa muuqata in qorshahaasi uu ka dhaqan geli waayay deegaanada maamul goboleedyada.. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali ayaa loo heysta dilka wada gaari dad-weyne oo marayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Siinka Dheer iyo dhaawaca qof rayid ah oo kamid ah rakaabka gaariga, dilkaas oo dhacay 06-01-2019. 12- bishii 1-aad ee sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Kiiska Dable Boliis Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida. AUN Maxamed Ismaaciil Qaboobe ayuu ahaa wadaha gaariga, sidoo kale dhaawac culus oo qeyb ka mid ah jirkiisa uu dareen seegay ayaa gaaray Maxamed Cali Xasan oo kamid ahaa rakaabka gaariga darawalkiisa geeriyooday. kuma qorneen Ilaalada Goobta sidoo kale ka mid ma ahayn askarta ilaalada ka heysay halka lagu hubiyo gawaarida qaybahooda kala duwan ee ka baxa iyo kuwa ku soo wajahan Xarunta dalka ee Muqdisho. Baaris dheeraad ah oo ay sameeyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayay ku soo ogaadeen in Eedeysanaha uu toogtay wadaha gaariga si jees-jees ah, weliba xilliga uu dilka geysanayay uusan tix gelin gaar ah siin wadaha gaariga ee u istaagay si uu u aqbalo hubinta sharciga ee siinka dheer oo uu mari jiray badi waddadaas. 14-kii bishan sii dhammaaneysa ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda eedeysanaha, waxa ay Maxkamadda aqbasha Sideed Cisha kadib. 22-kii bishan ayaa loo fariistay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali, waxaana ay xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda horkeeneen Qiraalka Eedeysanha, dhibane kamid ah rakaabkii gaariga saarnaa oo qeyb badan oo jirkiisa kamid ah dareen seegay dhaawici gaaray dartiis, sawirka Marxuumka, warqadda dhaawac muujinta dhakhtarka. Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa u sheegay garsoorka in Eedeysane Dable Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali uu u geystay dil bareer ah wadaha gaariga, waxa uu sheegay in aysan jirin sabab qura oo uu marxuumka ku weydiin karay talaabooyin amni maadaama uusan kamid ahayn ciidamada gaarka ah ee hey’adaha amniga uga wakiilka ah bartaas. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa dhinacooda ku dooday in loo naxariisto loona fududeeyo maadaama uu iskiisa u qaatay waajibaad aan loo dirsan taasi oo ay ka dhalatay dhimashada wada gaari iyo dhaawaca rakaab kamid ah dadyowgii saarnaa gaariga. Intaas kadib ayay Maxkamadda go’aamiyeen in lagu xukumo Eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Ismaaciil Qaboobe, sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xuseen Maxamed oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Eedeysanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabaka Sida Source: goobjoog.com
-
At least four Somali government soldiers sustained injuries following a landmine explosion on Sunday. The roadside inland explosive device hit the military they were traveling in Weydow outskirts of the capital, Mogadishu. The injured were rushed to the hospital for further treatment. It is not immediately clear who carried out the attack but armed group al-Shabaab which is fighting to topple the internationally backed government of President Mohamed Abdullahi Farmajo and Prime Minister, Hassan Ali Khaire usually claim responsibility for attacks targeting Somali troops. Somali security agencies with support from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have stepped up security ahead of the Holy Month of Ramadan next month. The joint forces captured the strategic town of Sabiid two weeks ago from al-Shabaab which controlled the area since 2012. US airstrikes killed three fighters near Iskushuban in Puntland regional state of Somalia on Saturday. Pentagon said it would continue its air campaign in support of the federal government of Somalia and AU peacekeeping operations. View the full article
-
(SLT-London)-Todobaadkan waxaa aad loo hadal hayey guurka muranka dhaliyay ee dhex maray Idriss Elba iyo Sabriina Dhoore. Idiris iyo Sabrina Dhoore ayaa arooskoodu dhowr maalmood ka hor ka dhacay Huteelka Mandarian Hotel oo ku yaalla dalka Morocco. Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhoore waxay soo xidhatay dhar cad oo qoorta ka go’an oo ay caruusadaha xirtaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska. Bishii Nofembar ee sanadkii tegay ee 2018, waxay Soomaalida Kenya aad u hadal hayeeen guur dhex maray weriye u shaqeeya TV-ga dalka Kenya ku yaalla ee KTN iyo gabar Soomaaliyeed. Baraha bulshada ayaa aad loogaga sheekaysanayey guurka weriya Ben Kitili iyo Aamina Muudeey oo aqal galay ka dib markii ay muddo saaxiibbo ahaayeen, ilmana isu dhaleen. Waxay ku aqal galeen xaflad ay dad yar oo ah saaxiibadood iyo xubnaha qoysaskooda ka soo qayb galeen. Laakin dood xoog leh ayey baraha bulshada ka dhalisay, taas oo sababtay in dadka ay si weyn ugu kala qeyb samaan. Muddadii qarniga ahayd ee u dambaysay, Soomaalida waxaa la sheegaa in ay si tartiib ah u dhex galayeen mujtamacyada kale, guurka Ben iyo Aaminana su’aasha ugu weyn ee uu keenay ayaa ah sababta ay Soomaalidu guurarka qaarkood ugu arkaan kuwo caadi ah, halka kuwo kalena ay u arkaan in ay lid ku yihiin dhaqanka. Sahra Maxamed Cabdulmajiid oo loo yaqaanno Iimaan, ayaa ah gabadh Soomaali ah oo dharka xayeysiisa. Waxay mar ka soo muuqatay heesta ‘Remember the time ee Michael Jackson oo sidoo kalena uu ku jiray jilaaga caanka ah ee Eddie Murphy. Waxay is qabeen heesaagii geeriyooday ee Ingiriiska u Dhashay, David Bowie, 1992 – 2016. Wakhtigaas ka hor, waxay u dhaxday Spencer haywood oo ahaa cayaartoy Maraykan ah oo Kubadda kolayga cayaari jiray, kaasoo ay is qabeen 1977 – 1987. Iminka waa 63 jir, waxayna dhashay laba gabdhood. Dr Xasan Shire iyo xaaskiisa Stella Dadka magaca ku dhex leh Soomaalida ee ku faraxsan guurkooda ajaanibta waxaa ka mid ah Dr Xasan Shire Sheekh oo madax ka ah ha’yadda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika. Waxaa u dhaxda Stellah Akatukunda. Muddo ka hor ayaa labadooda magaalada Muqdisho loogu sameeyey xaflad weyn oo ay yimaadeen asxaab iyo madax ka tirsan dawladda Soomaaliya. Guursiga ajaanibta ma aha wax ku cusub nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan marka laga eego dhanka isdhexgalka mujtamacyada dega xeebaha oo ka duwan kuwa deegaannada aan xeebaha lahayn ee u badan reer guuraaga. Doodaha qaar in ay noqdaan hadal hayn weyn waxaa saamaxay baraha Bulshada oo ah meelo ay dadku ra’yigooda ku soo bandhigaan, laakin dhanka kale, waxaa yar ama meesha ka maqan tixgelinta dookha qofka, iyo in loo arko inuu isagu yahay qofka leh go’aanka noloshiisa. Source
-
Mandheera (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in cabsi xoogan ay ka taagan deegaano dhowr ah oo ka tirsan dalka Kenya, kadib markii gudaha dalkaasi ay galeen xubno ka tirsan Al Shabaab. Xubnaha ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha dalka Kenya galeen, iyaga oo kagudbay xuduuda dhanka Soomaaliya, waxaana saraakiisha amaanka ay soo saareen digniin dhanka amaanka ah. Booliska Dalka Kenya ayaa dadweynaha dalkaas weydiistay in ay gacan ka geystaan soo qabashada saddex qof oo ay sheegeen in ay halis ku yihiin amaanka Gudaha Kenya. Warbixin ay soo saareen Booliska Kenya ayey ku sheegeen in saddexda qof oo aysan magacooda shaacin ay halis ku yihiin amaanka dadweynaha. Anthony Munga, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya islamarkaana saxiixay warqadda lagu wargelinayay dadweynaha ayaa sheegay in xitaa ehelka saddexda qof ay qeyb ka qaataan soo qabashada raggaas. Waxaa uu Anthony Munga, sheegay in Dadkaasi ay gudaha Soomaaliya kasoo gudbeen, suuragalna tahay in ay gudaha Kenya kula soo laabtaan falal argagixisanimo ah. Saraakiisha amaanka ayaa dhanka kale sheegay in xubnaha Al Shabaab ay doonayaan inay afduubtaan gaadiidka gurmadka deg dega iyo daawooyin ay doonayaan inay isku daaweeyaan, maadaama sida la sheegay daawo yari ay soo wajahday. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
(SLT-Washington)-Wasiirka arimaha dibadda Iran, Mohamed Javad Zarif, ayaa socdaalka uu ku joogo Maraykanka uga faa’iidaystay inuu cid kasta oo u dheg jalaqsiisa ka dhaadhiciyo in Iran aanay doonayn in ay Maraykanka isku dhacaan, laakiin ay ka cabsi qabto in is faham la’aani arintaa taa keeni karto. Zarif oo waraysiyo siiyey warbaahinta kala duwan ee Maraykanka ayaa ku celceliyey eed uu sheegay oo ah in ay jiraan shakhsiyaad ku dhawdhaw Trump oo ku boorriya in uu tallaabo milatari kala hor tago Iran. Wasiirka ayaa tilmaamay waxa uu ku sheegay koox ka mid ah kuwaas oo si kas ah u abuuraya isaga seeg, oo uu ka mid yahay la taliyaha Madaxweyne Trump ee arimaha nabadgelyada qaranka, John Bolton, iyo rai’sal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Javad Zarif waxa uu toos u dhaliilay eedaynta maalmulka Trump ee is daba jooga ah ee ay ku sheegto in Iran fadqalallo ka waddo gobolka Bariga Dhexe, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in Iran tahay awood ka shaqsaynaysa xasiloonida guud ee gobolka oo dhan. Source
-
(SLT-Sri Lanka)-Aabbaaha dhalay ninka lagu eedeeyay in uu maleegay weerarradii bambooyibka loo adeegsaday ee Axaddii ka dhacay Sri Lanka Zahran Hashim ayay laamaha ammaanku dileen Jimcihii, sida uu booliisku sheegay. Zahran Hashim oo isku qarxiyay hoteel ku yaalla Colombo ayaa aasaasay koox lagu magacaabi NTJ oo hadda la mamnuucay. Booliiska ayaa hawgal ka fuliyay xaruntii ugu waynayd ee kooxdaas oo ku taalla magaalada Kattankudy oo ku taalla dhanka bari ee dalkaas. Madaxweynaha Sri Lankan ayaa ku dhawaaqay in la mamnuucay in wajiga la qarsado arrintaas oo loola jeedo indho shareerka dumarka Muslimka ah, arrintaas ayaana dabo socota weerarrada dhacay. Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday Kiniisado iyo hotteeello waxaana lagu dilay ugu yaraan 250 qof. Axaddii waxaa la baajiyay in kiniisadaha Siri Lanka cibaado loo aado, balse dadka caasimadda ku nool ayaa isku arruursaday bannaanka kiniisadda St Anthony oo aad ugu burburtay weerarka. Siday ku dhinteen qaraabada Hashim? Laamaha ammaanka ayaa hawlgal ka fuliyay meel u dhaw Kattankudy oo ah meesha uu ka soo jeedo Hashim maalintii Jimcaha. Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay ciidammada oo ku sii socda sida ay booliisku sheegeen, saddex nin ayaana qaraxyo gaystay iyaga galaaftay lafahoodii, lix carruur ah iyo saddex dumar ah, saddex qof oo kalana waxay ku dhinteen rasaas. Qof ka mid ah qaraabada dhaw ayaa BBC-da u xaqiijiyay in hawlgalka ay ku dhinteen Hashim aabihii iyo labo walaalladii ah. Ilo ka tirsan booliiska oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa saddexda nin ee dhimatay magacyadooda ku kala sheegay Maxamed Hashim iyo wiilashiisa oo kala ah Zainee Hashim iyo Rilwan Hashim. Saddexdaasba waxaa lagu arkay muuqaal aad la isugula wadaagay baraha bulshadu ku xidhiidho kaas oo ay ku baaqayaan in dadka oo dhan ay u istaagan dagaal ka dhan ah dadka aan tawxiidka rumaysnayn, ayay intaas ku sii dartay wakaaladda wararka ee Reuters Source
-
Somaliland: Four Men Blow Themselves Up In Tog-Wajale Wajaale,(Qaran news)-Reports are coming in from the Somaliland border town of Tog-Wajale that four men believed to be from Somalia blew themselves up in a house whilst working on a device. There has been no official statement from the Somaliland government or the Somaliland Police Force. However reliable sources, including members of the Gabiley regional council have stated that the four men, two whom were injured in the blast and another two were detained and then transferred to the capital, Hargeisa. Reports also indicate that the Somaliland Police are searching for further suspects. Tog-Wajale is on the Somaliland-Ethiopian border, and is busy trade hub. All indications are the suspects came from Mogadishu and recently rented a house in Tog-Wajale. The owners of the rental home have also been detained for questioning. There are no reports of any other casualties and the blast appears to have been rudimentary in nature. Nevertheless, Somaliland is preparing for the Holy Month of Ramadan and the celebration of the 28th anniversary of the restoration of independence on the 18th of May. Somaliland authorities have called for all citizens to remain vigilant and report any suspicious activities. Qaran News
-
(SLT-Tripoli)-Madaxda Dowladda Liibiya ee ay qaramada midoobay taageerto ayaa sheegay in Markabkaasi lagu qabtay meel ka baxsan Xeebaha magaalada Misraat ee Galbeedka dalkaasi. Markabkaasi oo lagu magacaabo Shahar E Kord waxa uu isbuucii hore ka soo shiraacday Dekedda magaalada Burgas ee dalka Bulgaria, wuxuuna ku wajahnaa Dekedda magaalladda Misraata. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Liibiya ee ay qaramada midoobay taageerto ayaa sheegtay inuu Markabkaasi waday 144 Kontaynaro ay ka buuxaan noocyadda Hubka kala duwan, oo isugu jira kuwa fudud iyo Sawaariikhda. Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka uu hoggaamiyo Khaliifa Xaftar ayaa sheegay inuu Markabkaasi hub u waday Dowladda Liibiya ee fadhigeedu yahay Tripoli. Markabkaasi oo la sheegay inay Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan leeyihiin waxaa horey cunaqabatayn ugu soo rogay Dowladaha Maraykanka iyo kuwa Midowga Europe, iyagoo ku eedeeyey inuu Markabka qeyb ka ahaa Hawlaha Barnaaamiojka Nukliyeerka Iiraan. Source
-
Muqdisho (SMN) – Wafdigaan uu hoggaaminayay Generaal Waxiid Ibraahim Khafaaji oo ah kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga Dalka Masar iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Masar ayaa Kormeeray Isbitaalka Xoogga Dalka,Kuliyadda Jaalla Siyaad iyo Xarunta ciidamada xoogga dalka ee deegaanka Bangalla ee Magaalada Muqdisho. Qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xarunta Kuliyadda Jaalla Siyaad ayey Mid mid u kormeereen Wafdigaan ka socday Dalka Masar. Taliye ku-Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan ayaa sheegay in Dowlada Masar ay diyaar u tahay Taakuleenta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga Dalka Masar General Waxiid Ibraahim Khafaaji ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo Xiriir iskaashi ee dhanka Ciidamada Labada dal ah. View the full article
-
Hargeisa, T(Qaran news)Chief– Judge of the Marodi Jeh Regional Court, Ahmed Dalmar resigned from his position, before being transferred to the Regional Appeals Court in Hargeisa. Judge Ahmed Dalmar who has gained a reputation as an independent adjudicator appears to have fallen foul of the administration of President Muse Bihi Abdi. The judge recently declined to hear a case against journalist Abdimalik Coldon who has arrested without a warrant in Burao, Togdher and transferred to Marodi Jeh to be tried. In his decision, Judge Dalmar ruled that the journalist was detained without a warrant and his case should be heard in the proper jurisdiction, which in this case is the Togdher Regional Court. That ruling was ignored by the government and the journalist, Coldon, is incarcerated in Hargeisa and currently awaiting trial. Speaking to the media, Judge Dalmar stated that he was resigning for personal reasons. Subsequently, the Chief Justice of Somaliland, Aden Haji Ali Ahmed issued a statement transferring the judge to the Marodi Jeh Regional Appeals Court. It is not clear whether the transfer will be accepted by Judge Dalmar, who promised to call a press conference in the near future. It is becoming quite clear that the administration of President Muse Bihi Abdi is exerting undue influence on the judiciary in Somaliland, and the position of the Chief Justice appears to have become politicized. Meanwhile, the moribund Somaliland legislature, which overseas all judiciary matters, appears to be incapable of asserting any authority. Qaran News
-
Mudisho (SMN) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa la filayaa in maanta akhrinta labaad ay marsiiyaan sharciga shirkadaha ganacsiga dalka, kaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warashadaha Soomaaliya. Xubnaha Baarlamaanka ayaa ka doodi doono muhiimadda uu sharcigan u leeyahay ganacsatada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Guddoomiyaha giddiga ganacsiga Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan (Beeni Beeni) oo Shabelle la hadlay ayaa sharraxay baahida loo qabo Hindise sharciyeedkaasi. Fadhigan oo ah kii sideedaad ee golaha shacabka, islamarkaana qeyb ka ah Kalfadhiga shanaad ayaa Sabtidii la soo dhaafay u baaqday Kooram la’aan. View the full article
-
Garbahaarey (SMN)-Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga ee gobolka Gedo oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay duqeymo xoogan oo ay diyaarahada Kenya ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi. Korneyl Rufle ayaa sheegay duqeymahaasi ay ka dhaceen deegaano iyo Tuulooyin hoos yimaada magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Waxaana uu carabka ku dhuftay in waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay Xoolo isugu jira Geel iyo Ari oo dad reer Mii ah ay ku dhaqanayeen halkaasi. Ciidamada Keya ee qeybta ka ah howlgallka AMISOM ee Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran ka wada K/ Soomaaliya, waxaana mararka qaar duqeymo ka dhan ah Al Shabaab oo ay waxyeelo ka soo gaarto dad rayid ah ay ka fuliyaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qabanqaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ka furmaya Muqdisho. Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirkan maanta furmayo kaas oo soconaya labo maalmood (29-30 April). Shir-weynahan ayaa diiradda lagu saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada. View the full article
-
Mandera (SMN) – Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax saacadihii la sood haafay Ciidan ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay G/ Waqooyi Bari ee dalka Kenya. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxan oo Miino ahaa lala eegtay Kolonyo ay wateen Ciidanka Kenya, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Dabaasisti iyo Buulo Laban oo hoos yimaada M/Mandera ee gobolka Waqooyi Bari. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxani ay ku gubeen gaari nuuciisu uu ahaa Motabiish, kaas oo ay lahaayeen Ciidamada dowladda Kenya. Ma shaacin Al Shabaab khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxaasi, marka laga reebo in ay gubeenGaari ay lahaayeen Ciidamadaais. Dhanka kale Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay qaraxa shalay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho. Al Shabaab ayaa baahiyay in qaraxaasi ay ku dileen illaa 3 askari, kuna gubeen Gaari Tikniko ah oo ay wateen Ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Inta badan Ciidanka dowladda iyo kuwa Kenya ayaa weeraro iyo qaraxyo lagula eegtaa waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgallo xubno ka tirsanaa Al Shabaab lagu soo qabtay oo ay ciidamada amniga sadexdii maalin ee ugu dambaysay ka sameeyeen magaalada Muqdisho. Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id u qabatay Warbaahinta ayaa waxay sheegtay in howlgal ciidamada amniga ay sameeyeen 26-kii bishan ay ku soo qabteen afar ruux oo ku eedeysan Al Shabaabnimo. Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo kaashanaya Shacabka ay gacanta ku soo dhigeen nin xogtiisa la hayay oo ay tilmaamtay in uu ka dambeeyay dil loo geystay Guddoomiye waaxeed ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir,kaas oo xilligii la qabanayay ku sugnaa degmada Xamarweyne. Isla degmada Xamarweyne,howlgal ay ciidamada amnigu ka sameeyeen waxay ku soo qabteen sadeed ruux oo ku eedeysan Al-Shabaabnimo,waxayna soo qabashadooda ka dambeysay kadib markii Shacabka ay Hay’adaha amniga ku soo wargeliyeen xogtooda. Sareeye Guuto Zakiye Xuseen Axmed ayaa tilmaantay in howlgal ay xalay saqdii dhexe ciidamada amniga ka sameeyeen deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho ku soo qabteen lixdan ruux oo ku eedeysan falal la xiriira Al Shabaab. Sidoo kale, Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay afar ruux oo burcad ah kuwaas oo dhac ka geysanayay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir. Ugu dambeyntii, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa mar labaad ka codsaday dadweynaha iney Hay’adaha amniga ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga wax dhimi kara oo ay ka shakiyaan,iyagoo Hay’adaha amniga kala xiriiri kara numbarka gaaban ee 991. View the full article
-
Dr. C/fitaax Ismaaciil Daahir oo mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga UPD oo wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ku aaddan xaaladda dalka. Ugu horreyn wuxuu ka hadlay sababtii ku kalliftay siyaasiyiin uu isaga ku jiray in ay ku shiraan dalka Kenya, islamarkaana ay halkaasi kasoo dhaleeceeyaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo. Wuxuu sheegay xildhibaanka in sababta ugu weyn ee ay Nairobi ugu shireen ay tahay, kadib markii ay DFS culeys ka dhigtay in siyaasiyiinta ku shiraan Muqdisho islamarkaana ay cabiraan dareenkooda. Sidoo kale, xukuumadda ayuu sheegay in marar badan ay hor istaagtay shirar ay qabsan lahaayeen siyaasiyiin iyo sidoo kale xisbiyo, taasi bedelkeedana ay doorbideen iney ku shiraan dalka dibaddiisa. Dhanka kale, xildhibaan C/fitaax ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag una baahan in laga samatabixiyo. Halkaan hoose ka daawo: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online)-Dhacdo si weyn loo hadal hayo ayaa ka dhacday gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda la sheegay inuu isku dhex qariyay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen. Askariga oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu la kulmay Al Shabaab wadada ku jiray, kuwaasi oo doonayay inay baaritaan ku sameeyaan gaariga, taasi oo keentay in la arko. Al Shabaab ayaa askarigaasi dilay, balse inta uusan dhicin dilka askariga waxaa la sheegay inuu rasaas ku furay Al Shabaab-kii doonayay inay baaraan gaariga uu saarnaa, halkaasina uu ku dilay hal ruux oo Al Shabaab ka tirsanaa. Waxaana kadib Al Shabaab dhankooda la sheegay inay isla goobta ku toogteen askariga doonayay inuu isku dhex qariyo Shacabka adeegsada wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar. Maamulka Hirshabeelle ayaa u muuqda mid ku fashilmay amaanka wadadaasi, waxaana horey loogu dilay xildhibaano baarlamaanka ka tirsanaa, kadib markii Al Shabaab ay wadada u galeen. Wadadaasi ayaa amaan aheyd, laakiin hadda dadka shacabka ah ayaa u muuqdo kuwa ka baqaya inay adeegsadaan. Qaar ka mid ah dadka wadadaasi isticmaala ayaa sheegay in mararka qaar ay Al-shabaab baaraan gaadiidka dadweynaha si ugala dagaan dadka ay iyagu u baahan yihiin. Al-Shabaab ayaa horay u kaxeystay gaarigii caasiga ahaa iyo darawalkii waday lama oga halka ay la aadeen. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( SMN) – Halkaan ka dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-290419.mp3 View the full article
-
Aqoonyahan Cali Saciid Maxamuud oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in siyaasiyiinta u ogolaato iney shirar ku qabsadaan magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in cid walba aragtideeda ay xor u tahay iney soo bandhigto waxa maankeeda ka guuxaya, loona baahneyn in la caburiyo. Sidoo kale, aqoonyahankan ayaa sheegay in siyaasiyiinta qudhooda laga doonayo iney ka shaqeeyaan aayaha dalka, islamarkaana iska ilaaliyaan wax walbo oo sharaf dhac keeni kara. Cali Saciid ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta ay sheegaan hadallo xanaf leh, taas bedalkeedana looga baahan yahay iney eegaan dhanka wanaagga si nabad ahna kusoo bandhigaan aragtidooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/AQOONYAHAN-Cali-siciid-maxamuud-kulane-cali-foodare-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada xooga dalka ayaa shaaciyay in dowladda Turkey aysan wax saldhig ah ku laheyn gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo sanadkii hore madaxweynaha Turkey uu xariga ka jaray saldhigaasi. Saldhigaasi ayaa la sheegaa inuu yahay saldhiga Turkey uu ka furto dalalka Africa midka ugu weyn, waxaana taliyaha ciidamada xooga dalka uu shaaciyay in saldhigaasi uusan laheyn Turkey. Taliyaha ciidamada xooga dalka Generaal Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe ayaa si cad u sheegay in xarunta ka furan deegaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho inay tahay kuliyad Turkey uu u dhisay ciidamada xooga dalka, islamarkaana aysan aheyn saldhig Turkey leeyahay. Wuxuu sheegay in isaga uu ahaa dadkii saxiixay dhismaha Kuliyadaasi, looguna talo galay in lagu tababaro ciidamada xooga dalka halkii dalka dibadiisa loo qaadi lahaa. Muddo Shan sano ah ayuu sheegay inuu heshiiska qeyb ka ahaa in lagu diyaariyo ciidamo iyo saraakiil Soomaali ah oo halkaasi tababar ka bixisa, si looga maarmo tababarayaasha u dhashay dalka Turkey. “Saldhig Turki maaha, waa Kuliyad meletari oo ciidanka xooga dalka lagu tababarayo, dalka gudahiisa marka askariga lagu tababaro wuu ka dhaqaalo yar yahay marka dibadda loo qaadayo, anigaa saxiixay markii hore in kuliyad naloo dhiso, Turkey ayaa lagula heshiiyay inay diyaariyaan macalimiin ciidamada tababarta, waana dhawdahay inaan la wareegno, laakiin saldhig meletariga maaha”ayuu yiri Indha Qarshe. Dhinaca kale taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada xooga dalka ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya. “Al Shabaab waa lala dagaalamaa, wararka dagaalada la xiriira warbaahinta lagama sheego marka ciidamada maalin iyo saacad ay san dagaal galin ma lahan, labo meelood ayay kusoo urureen Al Shabaab waana Jilib iyo Bu’aalo”ayuu hadalkiisa raaciyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ehlada dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Tanzania ayaa ka codsaday DFS in loo soo daayo dhallinyaradaasi. Dadkan oo soo booqday Goobjoog ayaa sheegay in dhallinyaradan ay aad u dhibban yihiin, ayna ka dalbanayaan DFS iney siideyntooda kaalin ka qaadato. Waxay sheegeen in siyaabo kala duwan loogu xiray dalkaasi, qaarkoodna la qabtay iyaga oo kallumeysanaya, kadibna lagu tilmaamay iney yihiin burcad badeed. Sidoo kale, dadkan ayaa inoo sheegay in dhallinyaradan badi ay aad u xanuunsan yihiin, laguna fasho beeraha, waa sidey hadalka u dhigeenne. Halkaan hoose ka dhageyso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors