Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,330
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure. Sidoo kale Wasiirka ayaa maareeyaha cusub ee golaha martida iyo wacyi galinta qaranka u magacaabey Maxamed Abuukar Axmed Ma’da oo ka mid ahaa wariyeyaasha warbaahinta dowladda. Xil ka qaadista Guure ayaa timid saacado un kadib markii idaacadda Kulmiye oo leeyahay ay baahisay war aan sax ahayn oo ku saabsan in madaxweyen Farmaajo uu aqbalay inuu beddelo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Warkaas ayaa waxaa beeniyey xafiisyada madaxweeynaha iyo ra’iisul wasaaraha, balse idaacadda Kulmiye waxay sheegtay inay ka xigatay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia. Caasimada Online ayaa ogaatay in warkan ay Kulmiye siiyeen xubno ku kacsan ra’iisul wasaaraha oo ku beel ah madaxweynaha, islamarkaana idaacadda Kulmiye lagu qalday, ayada oo laga lahaa ujeedo lagu abuurayo qal-qal siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Garyaqaanka guud ee dowladda federaalka, Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa sheegay in hanti-dhowrka guud ee dowladda uusan wax sharci ahayn u lahayn inuu baaris ku sameeyo xisaabaadka maamulka gobolka Banaadir. Warqad kasoo baxday garyaaqaanka oo arrintan ku saabsan, ayaa ka dambeysay kadib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalacla Muqdisho Injineer Yariisow uu talo-sharci weydiistay. Dr. Cusmana Cilmi ayaa talo soo-jeedintiisa ku sheegay in ay hanti-dhowrka Guud uu baari karo kaliya wixii dhaqaale ah ee federaalka uga yimaada maamulka gobolka Banaadir, balse uusan sharci u lahayn inuu baaro xisaabaadka kale ee maamulka gobolka, taasina ay tahay arrin u taalla hanti-dhowrka heer gobol. Waxa uu sheegay in uu Hanti-dhowrka Guud ee Qaranku ku ekaado baarista iyo dabagalka dhaqaalaha Dowladda dhexe ku kabto miisaaniyadaha maamullada gobollada oo uu ku jiro gobolka Bannaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho. Waxa uu usoo jeediyey maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho ay ku gacansiiyaan hanti-dhowrka guud ee qaranka inuu baaro daba-galna ku sameeyo dhaqaalaha lagu kabo miisaaniyaddooda oo ay ka helaan dowladda dhexe. Garyaqaanka ayaa soo jeedintiisa qiil uga dhigay in xafiiska hanti-dhowrka guud qaranku yahay hear federaal, sida ku xusan qododka 114aad ee dastuurka loona baahan yahay in dhammaan maamullada dalka oo uu ka mid yahay gobolka Banaadir ay ula dhaqmaan si isku mid ah. Waxa uu sidoo kale ku dooday In dhammaan maamullada gobolladu ay leeyihiin hanti-dhowr u gaar ah oo u qabto shaqada hanti-dhowrka heer ederaal. Hoos ka aqriso warqadda garyaqaanka guud
  3. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa dib ula wareegtay xaruntii talefoonnada casriga ah ee dalka ee ku taallay degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir. Xaruntan oo uu qalabeeyay dalka Japan aakhirkii 1980-yadii waxay ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Zaynab Maxamuud Warsame, oo mataleysay degmada ay u taallo xarunta iyo gobolkaba, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay, soona dhoweyneyso in dhismahan dib loo dayactiro, looguna adeego shacabka. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, oo uu wehliyay wasiiru-dawlaha wasaaradda ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir gacantii ay ka geysteen in dhismahan dib loogu soo celiyo Wasaaradda, iyadoo arrintan qeyb ka tahay qorshaha 2019 ee ay wasaaraddu ku soo celineyso, isla markaana ku hsaqo-gelineyso qaar ka mid ah dhismayaashii ay hore u lahayd Wasaaraddu. Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha Wasaaradda ayaa sheegay in marka dhismahan dib loo dayactiro, lana qalabeeyo, uu noqon doono meel ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigi karaan hal-abuurkooda dhinaca teknolojiyada (National ICT Innovation Center). Xaruntan oo faracyo ku yeelan doonta caasimadaha dawlad-goboleedyada ayaa loogu talo galay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee lagu dhiirri-gelinayo hal-abuurka teknolojiyada, lana doonayo inay ka wada qeyb qaataan wasaaradaha kala duwan ee dawladda. “Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan diyaarinay sharciyadii iyo siyaasadihii dhiirrigelin lahaa hal-abuurka dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Waxaan dooneynaa markan in dhallinyaradu ka faa’iideystan fursadaha ka dhalan doona tartanka suuqa furan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena” ayuu yiri wasiirka. Qabyo-qoraalka Siyaasadda & Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ay dhowaan soo bandhigtay Wasaaraddu wuxuu xoogga saarayaa in teknolojiyada loo adeegsado horumarinta qeybaha kala duwan ee nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, beeraha, xoolaha, hal-abuurka dhallinyarada, iwm. Dhinaca kale, wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ayaa horraantii bishan dalka Swizterland kula kulmay madax ka kala socotay wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee dalalka Turkiga, Talyaaniga iyo Japan, iyagoo ka wada hadlay sidii loo soo celin lahaa wada-shaqeyn laga yeesho dhinacyada boostada, isgaarsiinta, iyo teknlojiyada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  4. Taariikhdii layaabka badnayd ee Halgamaa Xalane (Q1aad) Qalinkii iyo ururintii Cabdi Cawiye Wuxuu u xusul duubayey inuu xoriyad uu ku noolaado isaga iyo dadkiisuba taasoo maanta aan macnaheedu aad u macaanayn waayo dadka soomaaliyeed iyagaaba maanta xoriyad la’aan ku yaacaya macnaha tahriibta iyo u boqoolka dibada oo ta ugu weyn ee lagala kulmaa hahay xoriyad la’aan dhinaca diinta iyo dhaqanka wanaagsan ah. Suaal waa maxay xoriyadu? What is the freedom? Afeef: wadanigu reer maaha. Qofba sibuu u yaqaanaa maanta xoriyada iyo raaxada nolosha. Xoriyadduna waa inuu qofku ka xoroobo wax kasta oo garbaduub ku ah awoodda aadanaha iyo wax-soosaarkiisa jireed iyo maskaxeed labadaba, waxaa soo galaya inuu qofku iska rogo heeryada gumaysiga , meeshana uu ka saaro cadaadiska dusha ka saaran iyo Sandulleynta uu ku jiro. Waddaniyada xoogda badnayd iyo guubaabadii wax-garadka waxaa ka dhashay dhalinyaro naftood hurayaal ah oo wax kasta oo qaali ku ah u bixinaya waddanka , wax kastana wadanku uuga muhiim sanayahay, tusaale; Xalane waxa uu ahaa halyay soomaaliyeed , waxa uu soo arkay dhibaatada gumaysigu leeyahay , neecowda xoriyadda wuu la kowsaday , bal aan isla yara eegno taariikh kooban oo uu inooga tagay Xalane oo uu ka sheekeeyey AHUN madaxweynihii Somaliya Maxamed Siyaad Barre oo ka hadlaya taariikhda Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu yiri Aan ka taariikheeyo Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu ahaa nin askari ah oo Amxaaradu ku dishey Tog-wajaale; wuxuu ka mid ahaa horay joogtey; waxay ahayd koox ay cadowga is-hor fadhiyeen, waxaa dhacday in kooxdii la laayey; saddex qof keliya baa ka haray; meesha kooxdaasu joogtey oo ay go’doonka ku noqdeen waxay ahayd meeshii calanka Soomaaliyeed uu ku mudnaa; Maxamed Cabdulle Xalane markii raggii la baabi’yey oo ay ogaadeen in ayan meeshii hayn karin, inay colkoodii weynaa ku durkaan mooyee, ayuu wuxuu diidey calankii inuu meesha kaga tago. Markaas ayuu qaatay calankii oo xariggiisii soo degsaday si uus ula tago oo uusan gacan cadow ugu dhicin; Maxamed Cabdulle Xalane way arkayeen cadowgu, markaasay ku fureen boobe naftiisii gooyey; Maxamed isaga oo calankii ku duuban oo aan sii deynin ilaa ay nafta tii u dambeysey kabaxday ayuu la soo gurguurtey; naftiina waxay kaga baxday markuu calankii ku soo ridey godkii labaad; hadalkii markii naftii ka sii baxaysay uu reebay ee lama illoobaanka ah oo da’ walba da’da ka dambeysaa ay dhaxlidoonto wuxuu ahaa: CADDOWGU BIRLAB KAMA SAMAYSANA. Maxamed wuxuu ku soo simay colkii si uusan calanku cadow gacantiisa u gelin. Inkastoo naftiisii uu waayey ceebtii waa ka soo hoyiyey calankiisii Maxamed. Xasuusta uu reebay darteed, maanta nin dhintay iyo nin nool, waa isaga keliya, nin lagu xasuustaa Billad Dahab ah Maxamed Cabdulle Xalane, tan iyo maanta dalkeenna; waxaa kaloo lagu xasuustaa Xiddigle-nimo uu ku qaatay dagaal geesinnimo ah; tan saddexaad oo lagu xasuustaa waxa lagu magacaabay Xarunta Tabbbarka Kacaanka; Xarunta Xalane. Xarunta Hargeysa ee Xalane. Iyo inHa badan xarumo Xalane loogu magac daray oo ku yaala inta badan magaalooyinka waaweyn ee soomaalida. In la idiin ka taariikheeyey mooyee xaaladdeenna iyo tan cadowgu sida ay kala ahaayeen (xagga tirada hubka iyo raashinka), cadowgaa gumeysi xoog badan dabada ku hayey ‘Soomaali in la baabi’yaana taladoodu ahayd. Kuweennu godkii ay galeen say ugu jireen baa dagaalku ku dhammaaday; saddex bilood baa korkooda ku go’day. Anigu waxaan shaahid ka ahay inaan nimankii dhalinyarada ahaa oo dharkii iyo dhidid dhawrkiiba ka dhammaadeen ugu tagay godkii; cunnadooduna bariid garcadde ah bay ahayd, dawadana daciif baan ka ahayn. Haddana uma ay suuragelin cadow dalka inuu cagta soo dhigo. Waad ogtihiin waanad maqasheen baan u malaynayaa kuwaa dhaawac ah oo xabbadi ku taal inay inta qorigoodii qaateen ka baxeen isbitaalka oo ay yiraahdeen kolleyba haddaan dhimanaynno, intaan sariir ku dhiman lahayn; aan goobta ku dhimanno oo dagaal ku galeen sidaas kuna biskoodeen; waana joogaan qaarkood haddeer. Markii aan ugu tagay godadka oo aan iri qaarkood: “waryaa waa adiga qaawane sidee ugu adkaysanaysaa qorraxda iyo dhaxanta?”, waxay igu jawaabeen: “waxaa i illowsiiyey dhaxanta iyo qorraxda sharafkayga iyo waddankayga iyo immaankayga; ma xanuunsanayo: adaa moodey inaan xanuunsanayee ha ka biqin meeshayda laga soo geli mahayo iyadoon maydkayga laga tallaabsan”. Ogow geesigu marnaba ma dhinto hadii la dila magaciisaa sii noolaada immisa qof oo aan arag ayaa maanta yaqaana halgamaa Xalane soco qaybaha dambe…. Xigasho khadar xussen Mohamed Ibrahim Shire Ururintii iyo Qalinkii Cabdi Cawiye Tell +252634115877 Qaran News
  5. Muqdisho (SMN) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in Fikirka xagjirka ah uu ku cusub yahay Soomaaliya,islamarkaana uu yahay aragti la soo dhoofiyay. Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad nabada jecel,dhex dhexaadna ah shaqana ku lahayn Fikirka Xagjirka. Sidoo kale, waxaa shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada ka hadlay mas’uuliyiin ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),kuwaas oo sheegay muhiimadda ay leedahay in nabad lagu wada noolaado. Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa xilkii gudoomiye-nimo kaa qadaya gudoomiyihii Ururkaasi Maxamuud Cabdi Jaamac ( Xuuto ) Xarunta dhexe ee Ururkaaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa waxaa saaka kulan deg deg ah iskugu yimid guddida boodhka ee Ururka SOLJA kuwaas oo ujeedkoodu aheyd inay xilka ka qaadan Gudoomiyaha isla markaana ay ku doortan masuulkii bedeli lahaa Tirrada xubnaha saaka kulanka isku yimid ayaa ahaa 9 xubnood iyada oo tirrada guud ee Guddida boodhka SOLJA ay tahay 15 xubnood , waxaana uu kooramka shirku ku furmaa 8 xubnood Hadda-ba Intii aanay xubnaha guddida SOLJA bilaabin codeyntooda ayaa waxaa xarunta si kadis ah u soo galay odayaal ka tirsan saxafiyiinta Somaliland oo ergo u ahaa Gudoomiye Xuuto , waxaana ay codsadeen in hal maalin dib loogu dhigo codeynta xil ka qaadistiisa , taas oo ay ka aqbaleen guddidii goobta fadhiday . Guddida xil kaaqadista ku wada Gudoomiye Xuuto ayaa waxaa ay ku eedeynayaan gudoomiyaha Hanti Lunsi , xisaab xidh la,aan , maamul xumo iyo taladii SOLJA oo uu isku koobay . Guddida Boodhka ee Ururka SOLJA ayaa waxaa ay yahiin kuwa xaqa u leh inay xilka ka qaadan gudoomiyaha , gudoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha . Guddidii Maanta ee Ergada u ahayd Xuuto ayaa waxaa ka mid ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mudane Mukhaar Maxamed Cali. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
  7. Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in Fikirka xagjirka ah uu ku cusub yahay Soomaaliya,islamarkaana uu yahay aragti la soo dhoofiyay. Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad nabada jecel,dhex dhexaadna ah shaqana ku lahayn Fikirka Xagjirka. Sidoo kale, waxaa shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada ka hadlay mas’uuliyiin ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),kuwaas oo sheegay muhiimadda ay leedahay in nabad lagu wada noolaado. Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  8. Abdullahi Hassan Mohamed, a member of the Somali police force was slapped with death sentence after finding him guilty of murdering a bus driver outside Mogadishu last January. According to the prosecutors, Mohamed was detained at the crime scene in Siinka Dheera area located in the outskirts of Mogadishu. The military Court said the policeman committed the crime deliberately and he killed the victim identified as Mohammed Ismail. “The Court sentenced to death the police officer after finding him guilty of killing Mohamed Ismail Qabobe, who was a bus driver on 6th January 2019,” reads the court statement. Meanwhile, the military court judge stressed that the defendant can pursue an appeal. View the full article
  9. (SLT-Ankara)-Warbaahinta dalka Turkiga ayaa tebisay in qof kamid ah rag loo xidhay inay basaas ahaayeen horraantii bishan uu isku dilay gudaha xabsiga. Turkiga waxaa uu sheegay inuu Imaaratka CarabTa kala shaqeynayo sidii macluumaad looga heli lahaa dadka u dhashay Imaaraatka ee magengelyada siyaasadeed ku joogo Turkiga. Wararka waxay sheegayaan in raggan uu ku socdo baaritaan ku aadan suurtagalnimada ah inay ku lug lahaayeen dilka weriyihii Sucuudiga u dhashay ee Jamaal Kaashuqji. Kaashuqji ayaa la dilay sannadkii lasoo dhaafay markii Sucuudiga uu koox u diray Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in ragga dilay weriyaha ay xiriir dhaw la lahaayeen dalka Imaaraatka Carabta. Source
  10. Doha (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa kulan laba dhinacle ah kula yeeshay shalay oo Axad ahayd (28 April) Magaalada Doha Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar Mudane Mohammed bin Abdulrahman Al Thani. Wasiir Axmed Ciise Cawad iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo habkii looga horrumarin lahaa dhinac waliba, waxa ay sidoo kale isla faaqideen arrimaha gobolka iyo dunida. Xiriirka saldhigan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar waa tusaale iftiin badan oo caddayn u ah xiriirka dheer ee taariikhda labada dal. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  11. Afmadow (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in maanta Ciidamada Jubbaland dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan agagaarka degmada Afmadow ee gobolkaasi. Ciidamadan oo aad u hubeysan, islamarkaana wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay isku fidiyeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay in u jeedka howlgalladani ay yihiin sidii Al Shabaab looga saari lahaa deegaanadaasi. Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa wal wal xoogan ka muujinaya in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay haatan wado Jubbaland ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay la wareegeen degmada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Subax-290419-web.mp3 View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Cali Khaliif Oo Shaaciyey Cidda Hortaagan Hirgelinta Heshiiskii Khaatumo Iyo Somaliland Wadagaleen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay shirka kalluumaysatada Soomaaliyeed oo ay kasoo qayb-galeen Wasiirada Wasaaraddaha Kaluumaysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha [...] Source
  15. Khartoum (Caasimadda Online) – Nin xabsiga Kobar kula jiro Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar AL-Bashiir ayaa sabab u noqday inay illin kasoo daadato Al-Bashiir. Sida uu qoray Wargeyska kasoo baxo Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ee lagu magacaabo Rakooba , Madaxweynihii hore ee Suudaan AL-Bashiir ayaa ooyin la dhacay kadib markii mid kamid ah Maxaabiista Xabsiga kula jirto uu ugu yeeray “Madaxwxeynihii la casilay”. Wargeyska Rakooba ayaa arrintaan ka qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay “ War Gudaha xabsiga Kobar, Albashiir oo oyin la dhacay, markii uu maqlay qof ugu yeerayo Madaxweynihii la casilay”. Wargeyska oo soo xigtay Ilo ku dhow Albashiir ayaa sheegay inuu ilmeeyey oo ay indhahiisa sidii daadka oo kale ilin ugu qubanaysay, kadib, markii uu maqlay hadalkaasi, waxaana uu rumeysan la’ yahay inuu ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee Kobar ee magaalladda Khartuum. Albashiir oo xanuunka Isku-buuqa ama Istareeska ka qaaday Xabsiga uu ku jiro waxaa isbuucii hore daaweyn loo geyeey Isbitaalka Royal Care ee ku yaalla Khartuum, kadib, markii uu ku dhacay cuddurka Istarooga oo aad u kooban iyo isagoo diiday inuu cuntada cuno. Hoggaanka Militariga ee la wareegay Maamulka Dalka Suudaan ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee dalkaas lagu booqan karo Xabsiga uu ku jiro isla markaasna ay xaaladiisa Caafimaad tahay mid aan 100% aheyn. Waxaa lagu soo warramayaa in magaalada Khartuum lagu xiray dhawr sarkaal oo sarsare oo xulafo la ah madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Xasan al-Bashiir. Wadahadallada u dhexeeyo milatariga iyo kooxaha dalbanaya in maamul rayid ah lagu wareejiyo xukunka dalka ayaa ku soo dhamaaday ballanqaada ah in maalmaha soo socda la fulinayo dalabka shacabka. Afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay cadeeyeen dalabkooda, ayna isku afgarteen in lasii wado wadahadallada, si xilwareejintu ugu dhacdo qaab nabad ah. Waxa jirtay rajo laga qabay in dabayaaqadii todobaadkan ay dallada xirfadleyaasha Suudaan oo ah kooxda hormuudka ka ahayd dibadbaxyada ay ku dhawaaqaan xukuumad isku dheelitiran, balse taasi wali ma dhicin. Waxaa sidoo kale jira warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in dhawr qof oo ka mid ah raggii ugu sarreeya dowladdii hore ee Cumar Al-Bashiir ee xukunka laga tuuray la soo xirxiray. Sidoo kale saraakiil sarsare oo ka mid ahaan jiray hay’adda sirdoonka qaranka ee dalkaasi Suudaan ayaa shaqada laga eryay. Tallaabooyinkan ayaa loo qaaday in lagu mideeyo awoodda maamulka cusub ee milatariga ah hase ahaatee sidoo kale waxay jawaab u tahay codsiyada qaar ee dibadbaxayaasha. Caasimada Online Xafiiska Khartoum Caasimada@live.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Prof. Samatar Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inay Somaliland ku guul-darraysatay 28 sanno ee ugu dambeeyay inay si dhab ah u raadiso aqoonsi caalami ah, waxaanu sheegay in aanu jirin waddan kaliya oo saaxiib la ah Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa cadaadis xoog leh kala kulmayo Xubnaha Beesha Caalamka u joogo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Wararka aan heleyno ayaa sheegayo in Beesha Caalamka ay madaxda ugu sareeyo Dowladda ku cadaadineyso sidii ay uga qeybgeli lahaayeen shirka lagu wado inuu ka furmo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland labada Bisha soo socoto ee May. Shirkaas ayaa waxaa la filayaa inay ka wada qeybgalaan dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, waxaana qaban qaabadiisa lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Wararka ayaa sheegaya in diyaar garowga shirka uu ka soo bilowday magaalada Nairobi, halkaasoo saddexda Maamul goboleed Puntland, Jubbaland iyo Galmudug kula kulmeen Wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo u gudbiyay cabasho ka dhan ah dowladda Federaalka. Xubnaha Beesha Caalamka sida Safiirka Mareykanka ayaa la sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ay ku cadaadinayaan in shirkaas ka qeyb galaan, isla markaana aanu noqon sida shirarkii horay u baaqday oo kale. Martiqaad uu Madaxweyne Farmaajo u diray Madaxda dowlad Goboleedyada inay 19-kii bishan April inay shir isugu yimaadaan magaalada Muqdisho ayaa isna qabsoomi waayay, taasoo ka dambeysay markii ay diideen qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada, isla markaana shuruudo ka xireen. Dadaalada Beesha Caalamka wado ayaa ah sidii dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada ay is faham iyo wadashaqeyn u gaari lahaayeen, iyadoo muddo sanad ku dhow aanay wax shir ah yeelan Golaha Amniga Qaranka ee ay xubnaha ka yihiin Madaxda Qaranka iyo Madaxda dowlad Goboleedyada. Lama hubo haddii Ra’isulwasaaraha iyo Madaxweynaha ay si wadajir ah uga wada qeybgeli doonaan, sidoo kalana waxaysan dowladda Soomaaliya ku qanacsaneyn hab maamuus ahaan qaabkii uu Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ugu casuumay shirka Garowe Madaxda dowladda Federaalka. Khilaafka u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ayaa xoogiisa wuxuu bilowday markii ay Dowladda Soomaaliya go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay Khilaafkii ka dhex dhashay Dowladaha Khaliijka markaas oo ay Maamul Goboleedyada la safteen Dowladda Imaaraadka Carabta oo uu Khilaaf xoog leh kala dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya. Dowladda Dhexe ayaa tan iyo markaas joojisay lacagihii ay siin jirtay Maamul Goboleedyada kadibna waxaa meel xun gaaray khilaafkaas oo sababay inay Maamulada intooda badan xiriirka u jaraan Dowladda Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Somali police said more than 70 people have been rounded up in connection with al-Shabaab during a massive security operation in Mogadishu and nearby areas. Speaking to the reporters in the capital, the deputy Somali police commander, Zakia Hussein said the operation was carried out following a tip-off from residents. She added that over 65 people have been taken into custody, including 60 who were arrested from Weydow area located in the outskirts of the Somali capital. “The security agencies arrested 69 people, an investigation is underway, those found involving in crime will be put on trial, and those who do not commit will be freed,” she said. The officer said the police arrested a man suspected to have killed a district officer. View the full article
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la yeeshay Siyaasi katirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, intii uu ku sugnaa caasimada dalka Qatar ee Doha. Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka soo laabtay socdaal gaar ah oo ku tagey dalalka Turkiga iyo Qatar, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo ay ku kulmeen magaalada Doha ee dalka Qatar. Buubaa ayaa sheegay inay ka wada-hadleen madaxweyne Farmaajo arrimo ku saabsan Mustaqbalka labada dhinaca, gaar ahaan Wada-hadaladii hakad-ka galay ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland. Siyaasi Ismaaciil Buubaa, oo ka waramaya arrimahaas ayaa wuxuu yiri “Wey ii qondeysneed inan tago dalka Qatar, laakiinse waxaa isku soo hagaagay kolkii anigu aan Qatar joogay iyo booqasho kedis ah oo u yimid Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, weyna jirtaa kolba hadduu meesha joogo in aanu arrimahaas wada eegno”. “Khaasatan arrimaha anigu u baaciyey dhinaceyga waxay aheyd maanta Somaliland dal iyo dowlad ahaanba halkey joogto, degenaanshaha ka taagan, wixii dowladii Soomaaliyeed la isku odhan jirey inaanay maanta jirin, ee labo wadan oo Somaliland iyo Somaliya oo lixdankii isku yimid, ay midba gooni u taagntahay, si wanagsana loo wada fariisto oo loo wada-hadlo, arrimaha murugsana, laga saaro murugaa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Horta dadka waa in si wanaagsan u fahmaan, xisbiga mucaaridku waa xisbi danaha qaranka ay mas’uuliyad weyni ka saarantahay, Arrimahana guud ahaan shaqadeyda ahba, waayo? Siyaasi ban ahay weliba siyaasi u dhuun daloola Geeska Afrika”. Dhinaca kale, Siyaasi Buubaa ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka xisbiyada ee doorashooyinka iyo heshiiska ay gaareen labada xisbi, isagoona ka digay fara-gelin uu sheegay inay Somaliland ku hayso dowlada Imaaraadka Carabtu, wuxuuna yiri: “Anigu waxaan u arkaa Wasiirka arrimaha dibedu ee la socday Madaxweynaha Muuse Biixi safarkii uu ku tagay Imaaradka, Hadaladii uu ku dhawaaqay iyo Wasiirka daakhiliga ee dowladu kolkii dambe isagoo la fadhiya xisbiga Mucaaridka ee Ucid isaguna aririmo ku dhawaaqay, inay arrimo faro-badan ka dhaxeeyan arimahaasi”. “Wasiirka Arrimaha dibedu wuxuu noo sheegay, arimaha lagu soo heshiiyay Imaaraadka ay kamid ahaayen, sidii loola dagaalami lahaa Argagixisada, Wasiirkii daakhiliguna markii uu la fadhiistay Ucid, wuxuu sheegay xisbiga Waddani in laga kaaftomi karo, oo xisbiga Kulmiye iyo Ucid ay kaligood qabsan karaan Doorasho”. Wuxuuna intaas kusii daray Siyaasi Buubaa “Waxaa la ogsoonyahay arrintaasi inay tahay arrin khal-khal iyo dhibaato weyn keeni karta, aniga waxay ila tahay kolka la yidhaahdo Waddani waa la janibayaa waxanan diyaar unahay, Argagixiso iyo wixii dhibaato sameeyaba shaqo ka qabano” “Dowlada Imaaraadka arrintaasa kala soo hadalnay, cidkastaba wey u cadahay cida loo jeedo iyo sidey wax yihiinba, iyada oo aynu ixtiraameyno walaaladayada carbeed ee Imaaraadka, waxaanu aad iyo aad si dheer ugu sheegayna inaba inaan u dulqaadan doonin wixii aanu aragno iney bur-burinayso geedi-socodka dimuquraadiyadeeda ee dadkayagu doortay, inuu noqdo sidaanu siyaasadeeda u maamuli laheyn”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Xukumadda Somaliland ayaa shirkada ajaanib ah ku wareejinaysa keenista shidaalka dalka. Xukumadda Somaliland ayaa wadda shirkad ajanabi ah oo lagu magacaabo Trafigura oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva, ee dalka Switzerland taas oo ay ku wareejinayso keenista shidaalka ee guud ahaan Somaliland, kaas oo ay hore u keeni jireen ganacsato muwaadiniin reer Somaliland ah, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” ayaa sheegay todobaadkan in waddanka la keento shidaal aan u fiicnayn caafimaadka bulshada, kaas oo uu ugu sii gogol-xaadhayay sidii shirkaddan ajanabiga ah loogu wareejin lahaa keenista shidaalka, Masuuliyiin ka tirsan xukumadda Somaliland oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaradda ganacsiga Mudane Saajin ayaa shirkaddan kula heshiiyay in laga siiyo Saami “Share” Wasiirka ganacsiga Somaliland ayaa ay saaxiib dhow yihiin Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyagoo heerkoodii waxbarasho meel ku soo wadda qaatay sidda uu warbaahinta u sheegay wasiirku, halka dhanka kalena ay yihiin Xidid, taas oo u fududaysay gaadhida go,aamo badan. Talaabadan Xukumaddu ku wareejinayso keenista shidaalka ayaa waxaa hoos socda heshiisyo qarsoon oo shirkaddaasi laga siinayo dad gaar ah oo ay madaxtooyada Somaliland waddato. Ganacsatada shidaalka keenta Somaliland ayaa markii ay ka war-heleen qorshahan ay xukumaddu waddo si wayn ugu cadhoodhay iyaga oo ka biyo diiday talaabadan mar kale gacanta loogu galinyo keenista shidaalka shirkad shisheeye ah ka dib markii siddeed sanno ka hor la laalay heshiiskii shirkadda Total oo ahayd shirkadd ajaanib ah oo muddo dheer kooto ugu xidhnayn keenista shidaalka dalka, Xukumadda Somaliland oo ay waajib ku tahay dhiirigalinta, Kobcinta ganacsatada waddanka ayaa taas badalkeeda ku qaaday dagaal curyaamin dhaqaale ah. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta Kulmiye ayaa meesha ka saaray in dalka doorasho ka dhacayso dhammaadka sanadkan waxaanu ku baaqay in aan dadka been lagu maaweelin. Cali Guray oo boggiisa Facebook kaga dareen celiyay kulamo Kulmiye iyo UCID maalmahan la lahaayeen Komishanka iyo shirguddoonka Wakiillada ayaa sheegay in ay meesha ka baxday dimuqraaddiyaddii Somaliland haddana aanay doorasho dhacayn. Qoraalkiisa ayaa u dhigan sidan:- HA FADHIDO FAROW Waryaa!, dalkan doorasho ka qabsoomi kartaa ma jirto eh yaan dadka been loo sheegin. Nadaamkii dimuqraadiyadda ee Somaliland ay hore u soo dhisatay talo ayaa lagu burburiyay hadda in EBER laga soo bilaabo mooyee ma jirto talo kale. WADDANI IYO KULMIYE oo iyagu leh 82 xildhibaan ee Aqalka Wakiilladu way isla ogol yihiin in aan dalka doorasho ka dhici waxana fulinta u qaabilsan xildhibaanada muxaafid iyo mucaarid isku raacsan in aan wax doorasho ahi dalka ka dhicin iyaguna kuraasida sidaa ugu fadhiyaan. Cabdiraxmaan Cirro isaga way xukumaan xubnaha hadda WADDANI ah ee wakiiladu kuwa KULMIYANA way ku raacsan yihiin oo waa isku dan. Qolada UCID oo iyaga ay daacad tahay labada kale midna isku dan maaha. Madaxwayne Muse mooyi isagana xaalkiisa waayo xaaladdan oo kale waxa ka saari kara dalka masuulka koobaad ee qaranka oo ah hadba madaxwaynaha kursiga ku fadhiya isaguna khudbad-sanadeedkiisii ugu dambeeyay xataa kuma soo qaadin doorashooyinka muddo dhaafay. Kolkaa xaalku miyaanu noqonayn ha fadhido Farow. Alleh ha u naxariisto dimuqraadiyaddii dhimatay ee Somaliland inta mid kale u dhalanayso-na ha fadhido Farow. Yaase u dhalin ma Cigaal baa nool mise Rayaale ayaa u jooga? Source
  22. A high-level delegation led by Somalia’s minister for Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Isse Awad has held a meeting with his Qatari counterpart in Doha. Minister Awad and his Qatari counterpart, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani discussed bilateral relations and means of developing them, in addition to discussing a number of issues of joint interest. The visit of minister Somali foreign minister to Doha comes two months after the countries reached a military agreement to cooperate on the defence sector. Early this year, Qatar has donated more than 67 armoured vehicles to Somalia in its efforts to help the country in the rebuilding of the army and fight against the al-Shabaab. Somalia and Qatar have developed close relations since the Federal government in Mogadishu declared a neutral stance on the Gulf diplomatic crisis began in June 2017. View the full article
  23. (SLT-Wajaale)-Boqolaal Kartoon oo alaab dhacday ah iyo noocyo kala duwan ee maandooriyaha ah oo lagu qabtay magaalo xudduudeeda Wajaale ayaa Maxkamadda Gobol/Degmo ee Wajaale ay fagaare ku gubtay, iyadoo hore xukuno ugu riday dadkii lagu soo qabtay ee doonayey inay dalka soo galiyaan. Ugu horreyna, Taliyaha Qaybta Booliska ee Degmada Wajaale ayaa faahfaahin ka bixiyey xaddiga iyo noocyada Alaabta dhacday iyo Maandooriyayaasha la gubay, waxaanu yidhi Taliye Maxamed-Case, “Waxa la gubay Alaab dhacday iyo Maandooriyeyaal kala ah Xashiishad ka kooban 19kiilo, iyo Isbiirto 177 littir, iyo Khamri dhan 72litir, iyo waliba alaab dhacday oo ah 612 kartoon”. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobol/Degmo ee Gabiley Garsoore Maxamed Cumar Dhimbiil ayaa isaguna ka warramay muddada Alaabtan iyo Maandooriyayaashan lagu soo qabtay, “Saddexdii bilood ee aan joogay Maxkamadda, waxyaalihii soo galay oo ay u badan yihiin Maandooriyeyaal, marka laga reebo alaabtaa dhacday ee halkan taala, taasoo waqtigeedu dhacay oo laga beddelayey taariikhda, cidda kale ee ku shaqada leh ee dawladda hoose ah iyo Fayo dhawrka ee alaabaha dhacay waa inay ururiyaan alaabaha dhacay markay taariikhdoodu gaadho”. Ayuu yidhi Guddoomiye Dhimbiil Sidoo kalena, Xeer ilaaliyaha Degmada Wajaale Yaxye Aw Aadan, ayaa isaguna sheegay in dadkii maandooriyayaashaasi iyo alaabtaasi dhacday ba lagu qabtay in Maxkamaddu xukuntay, sidaasi awgeedna waxa uu bulshada u soo jeediyey inay gacan siiyaan Ciidanka Booliska. Dhinaca kalena, Maayir ku xigeenka Degmada Wajaale Mudane Mursal Nuux Cismaan, ayaa isaguna sheegay halista Caafimaad iyo Nabadgelyo darro ee ka dhalan karta, “Alaabtan dhacday shaqsiyaad ayaa lagu soo qabtay doonayey inay taariikhda ka beddelaan alaabtaasi dhacday, kuwaasi oo doonayey inay halis galiyaan caafimaadka dadka reer Somaliland, waxa kale oo la doonayaa in nabadgelyada lagu khalkhal galiyo oo loo waarido Gobollada kale”. Maayir ku xigeenka Degmada Wajaale Mudane Mursal Nuux Cismaan, waxa uu digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay dalka soo galiso waxyaalaha mamnuuca ah. Ugu dambayntiina, Maandooriyayaashaa iyo Alaabtaasi dhacday ayaa si toos ah goob fagaare ah loogu gubay, sidaasi awgeed Source