Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,322
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay, in saddex dab-demis iyo booyad loo soo iibiyay caasimadda Garoowe dib looga celiyay, kadib markii khilaaf ka buurmay, qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse. Duqa degmada Garoowe, ayaa qoraal uu Sabtidii daabacay ku sheegay, in ay diyaar yihiin saddex dab-demis iyo gaari booyada oo loo soo gaday caasimadda Garoowe, waxaana iska kaashaday sida uu qoraalka ku xusay dowladda hoose oo bixisay %80 lacagta ku baxday iyo shirkadda isgaarsiinta Golis oo bixisay %20 kamid ah lacagtaasi. Halkan ka akhriso Haddaba, ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in mas’uuliyiinta shirkadda Golis ay ka caroodeen qoraalka duqa degmada, maadaama sida ay sheegeen dhammaan lacagta ku baxday gaadiidkan ay bixisay shirkadda isgaarsiinta Golis, halka qoraalkiisa uu ku xusay in ay bixisay %20 kamid ah lacagta. Kadib habeenkii Sabtida, markii la akhristay qoraalka duqa degmada Garoowe, ayaa mas’uuliyiinta shirkadda Golis ay amar ku bixiyeen in dib magaalada Boosaaso loogu celiyo, gaadiidkan dab-demiska oo wakhtigaasi ku xeraysnaa, garaash ku yaalla degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal oo la doonayey in subaxnimadii Axadda Garoowe la keeno. Mas’uul ka tirsan shirkadda Golis, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in dhammaan lacagta ku baxday dab-demisyadan iyo booyadda la socota ay bixisay shirkaddooda oo ka soo iibisay dalka Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyay in aysan gebi haanba jirin cid kale oo hawshaasi ku wehelisay. Sida ay xogtu sheegayso, mas’uuliyiinta shirkadda Golis, ayaa si cad u diiday in ay dab-demisyada ku wareejiyaan duqa degmada Garoowe, iyagoo shardi ka dhigay in uu raalli-gelin buuxda ka bixiyo qoraalkiisa, islamarkaana uu bulshada horteeda ka caddeeyo, in dab-demisyada ay soo gaday shirkadda Golis oo aan dowladda hoose shuqul ku lahayn. Sidoo kale, waxaa haatan magaaalada Garoowe ka socda dadaal ay wadaan; ganacsato, waxgarad iyo mas’uuliyiin-dowladeed oo lagu xallinayo, khilaafka u dhexeeya shirkadda Golis iyo duqa degmada Garoowe oo meel fog kala taagan, si loo soo celiyo dab-demisyadii caasimadda mar kaabiga u soo jirsaday balse lagala noqday. Caasimadda Garoowe oo si xawli ah u kobcaysa, ayaa dhibaato weyni ka haysataa dhinaca dab-demisyada, waxaana marar hore dad ku dhinteen dabab ka kacay meherado ganacsi iyo dukaanno oo ku yaalla magaalada. PUNTLAND POST The post Xog: Dab-demisyo loo soo iibiyay caasimadda Garoowe oo dib loogala noqday appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Somalia ayaa dib ula wareegtay xaruntii Talefoonnada casriga ah ee Waddanka ee ku taallay degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir. Xaruntan oo uu qalabeeyay dalka Japan aakhirkii 1980-yadii waxay ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Zaynab Maxamuud Warsame, oo mataleysay degmada ay u taallo xarunta iyo gobolkaba, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay, soona dhoweyneyso in dhismahan dib loo dayactiro, looguna adeego shacabka. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdi Cashuur Xasan oo uu wehliyay wasiir-u-dawlaha wasaaradda ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir gacantii ay ka geysteen in dhismahan dib loogu soo celiyo Wasaaradda, iyadoo arrintan qayb ka tahay qorshaha 2019-ka ee ay wasaaraddu ku soo celineyso, isla markaana ku hsaqo-gelineyso qaar ka mid ah dhismayaashii ay hore u lahayd Wasaaraddu. Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha Wasaaradda ayaa sheegay in marka dhismahan dib loo dayactiro, lana qalabeeyo, uu noqon doono meel ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigi karaan hal-abuurkooda dhinaca teknolojiyada (National ICT Innovation Center). Xaruntan oo faracyo ku yeelan doonta caasimadaha dawlad-goboleedyada ayaa loogu talo galay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee lagu dhiirri-gelinayo hal-abuurka teknolojiyada, lana doonayo inay ka wada qeyb qaataan wasaaradaha kala duwan ee dawladda. “Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan diyaarinay sharciyadii iyo siyaasadihii dhiirrigelin lahaa hal-abuurka dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Waxaan dooneynaa markan in dhallinyaradu ka faa’iideystan fursadaha ka dhalan doona tartanka suuqa furan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeenna,” ayuu yiri wasiirka. Qabyo-qoraalka Siyaasadda & Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ay dhowaan soo bandhigtay Wasaaraddu wuxuu xoogga saarayaa in teknolojiyada loo adeegsado horumarinta qeybaha kala duwan ee nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, beeraha, xoolaha, hal-abuurka dhallinyarada, iwm. Ugu dambeyn, Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ayaa horraantii bishan dalka Swizterland kula kulmay madax ka kala socotay wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee dalalka Turkiga, Talyaaniga iyo Japan, iyagoo ka wada hadlay sidii loo soo celin lahaa wada-shaqeyn laga yeesho dhinacyada boostada, isgaarsiinta iyo teknlojiyada. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Boostada Dowladda Somalia oo dib ula soo Wareegtay Xaruntii Telefonnada appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kormeeray Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay dadaal muuqda gelisay dib u soo nooleynta waxbarashada dowliga ah. Farmaajo ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dugsiyada dowliga ah iyo ardayda dhigata waxa uu ka dhageystay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed, iyadoona uu faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso sidii ay ugu hirgelin lahayd dhammaan muwaadiniinteenna fursado waxbarasho oo tayo leh. “Waxbarashadu waa aasaaska qofka bini aadamka ah. Muhiimad weyn ayey noo leedahay in ubadkeenna aan u sameyno fursado waxbarasho oo tayo leh, mana ahayn maanta in aabbe iyo hooyo Soomaaliyeed ay ka walwalaan waxbarashada ubadkooda.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waqti kooban la qaatay ardayda dugsiga Wiil-waal, kuwaas oo u fadhiyey imtixaanka Hoose Dhexe, waxa uuna kula dardaarmay in ay rumeeyaan rajada qoyskooda iyo midda Qaran ee laga sugayo. Dhankooda, Ardayda uu booqday Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay in kormeer iyo qiimeyn uu ugu yimaado, waxa ayna sheegeen in dardaarankiisa iyo dhiirri gelinta uu u sameeyey ay qiimo weyn u leedahay. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kormeerkan ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo sheegay inay muhiim tahay inay ubadka Soomaaliyeed helaan Waxbarasho… appeared first on Puntland Post.
  4. Xukumadda Somaliland ayaa wadda shirkad ajanabi ah oo lagu magacaabo trafigura oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva,ee dalka Switzerland taas oo ay ku wareejinayso keenista shidaalka ee guud ahaan Somaliland, kaas oo ay hore u keeni jireen ganacsato muwaadiniin reer Somaliland ah, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” ayaa sheegay todobaadkan in waddanka la keeno shidaal aan u fiicnayn caafimaadka bulshada, kaas oo uu ugu sii gogol-xaadhayay sidii shirkaddan ajanabiga ah loogu wareejin lahaa keenista shidaalka, Masuuliyiin ka tirsan xukumadda Somaliland oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaradda ganacsiga Mudane Saajin ayaa shirkaddan kula heshiiyay in laga siiyo Saami “Share” Wasiirka ganacsiga Somaliland ayaa ay saaxiib dhow yihiin Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyagoo heerkoodii waxbarasho meel ku soo wadda qaatay sidda uu warbaahinta u sheegay wasiirku, halka dhanka kalena ay yihiin Xidid, taas oo u fududaysay gaadhida go,aamo badan. Talaabadan Xukumaddu ku wareejinayso keenista shidaalka ayaa waxaa hoos socda heshiisyo qarsoon oo shirkaddaasi laga siinayo dad gaar ah oo ay madaxtooyada Somaliland waddato. Ganacsatada shidaalka keenta Somaliland ayaa markii ay ka war-heleen qorshahan ay xukumaddu waddo si wayn ugu cadhoodhay iyaga oo ka biyo diiday talaabadan mar kale gacanta loogu galinyo keenista shidaalka shirkad shisheeye ah ka dib markii siddeed sanno ka hor la laalay heshiiskii shirkadda Total oo ahayd shirkadd ajaanib ah oo muddo dheer kooto ugu xidhnayn keenista shidaalka dalka, Xukumadda Somaliland oo ay waajib ku tahay dhiirigalinta, Kobcinta ganacsatada waddanka ayaa taas badalkeeda ku qaaday dagaal curyaamin dhaqaale ah. Qaran News
  5. (SLT-Gar-adag)-Warar hadda naga soo gaadhaya deeganka Gar-adag ee gobalka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in la dilay taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska degmada Gar-adag. Labada taliye ee la dilay ayaa la sheegay in magaalada Gar-adag kaga baxeen qaab dhuumasho ah kadib markii magaladaasi ay ka bilaabmatay mudaharaad-yo lagaga soo hor jeeda muwaadin magaaladaasi u dhashay oo shalay ku dhex dhintey xabsiga magaalada Ceerigaabo Wararka ayaa sheegaya in labadan taliye ay dileen meelishiyaad beeleed ka soo jeeda reerka uu ka soo jeedo marxuumka shalay dhintey kuwaas oo u galay deeganka Bancade oo u dhaxeeya Gar-adag iyo Magaalada OOG Source
  6. Ankara (Caasimada Online) – Maareeyihii Tiyaatarka qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ahna milkiilaha Idaacadda Kulmiye ayaa ka hadlay xil ka qaadis deg deg aheyd oo maanta lagu sameeyay. Abwaan Guure oo ku sugan dalka Turkey ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xil ka qaadista lagu sameeyay, isaga oo sheegay in xilka laga qaaday isagoo dalka ka maqan. Abwaanka ayaa sheegay in xilka uu yahay mid meerto ah, islamarkaana uu xilka uu wareejin doono marka uu kusoo laabto magaalada Muqdisho. Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka ayaa xilka laga qaaday kadib markii idaacadda Kulmiye ay baahisay warbixin la xiriirtay in madaxweynaha Soomaaliya uu aqbalay in xilka laga qaado ra’iisul wasaaraha, iyadoo warkaasina uu been abuur ahaa. “Waa ku Faraxsanahay Xilka leyga qaaday waana soo dhoweynayaa Insha Allaah markaan Dalka ku Soo laabtana waa wareejinayaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Agaasimihii hore ee Golaha Murtida iyo Madadaallada. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Idaacadda Kulmiye warkaasi been abuurka ah ay u hoos geliyeen xubno ka tirsan madaxtooyada kuwaasi oo mucaaradsan Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Waxa ayaamaha fooda inagu soo haya magaalada Hargeisa lagu soo bandhigayaa buug laga qoray madaxweynahii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Buugani oo daah furkiisa la isku arki doono waxa lagaga hadli doonaa taariikhdii Iyo waayahii uu soo maray Axmed Siilaanyo taasi oo ay aad uga dhex muuqan doonto halgankii dalka loo soo maray Iyo maalintii uu ku lahaa Iyo sidoo kale shantii sanadood la doortay ee uu madaxweynaha ka ahaa Somaliland Iyo labadii sanadood ee loo kordhoyay. La soco sheekada xafladaasi Qaran News
  8. Wasiirka wasaarada amniga dowladda Puntland Cabsisamada Galan oo warasi gaar ah siiyay warsidaha Puntlandi.com ayaa sheegay in la soo afjaray kooxihii Argagixisada ahaa ee lacagaha [...] Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa soo faragelisay Khilaafka dhanka Sharciga ah ee u dhaxeeyo Hanti Dhowraha Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka uu xaq u leeyahay inuu baaritaan ku sameeyo Dhaqaalaha ay Dowladda dhexe ku kabto Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir . Wasaaradda ayaa Madaxda Gobolka Banaadir ku amartay inay Xafiiska Hanti Dhowrka u ogolaadaan Baaritaankaas isla markaasna lagu garab siiyo. Waraaqda kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kusoo aadeyso xilli Xafiiska Hanti Dhowraha Qaranka uu xayiraad kusoo rogay Dhammaan Akoonada Maamulka Gobolka Banaadir. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku doodayey inuusan Xafiiska Hanti Dhowraha awood u laheyn inuu baari dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee Maamulkaas. Sababta uu Maamulka Gobolka Banaadir u diiday in lala xisaabtamo ayaa lagu sheegay kadib markii lixdii bilood ee ka horeysaan lixdaan bil lagu helay Musuq maasuq xooggan iyo lacago badan oo la lunsaday isla markaasna ay haddana ka cabsanayaan in lasoo bandhigo musuq maasuqa ka jiro Maamulka Gobolka Banaadir. Waxaa maamulkA Gobolka Banaadir lagu eedeeyay iney ku maqantahay $16milion oo dollar, oo la waayay cida qaadatay iyo meesha lagu bixiyay sida ay isku raaceen guddiga Maaliyada ee Baarlamaanka iyo Hanti-dhowrka guud. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Waraaqda kasoo baxay Wasaaradda Arirmaha Gudaha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Garoowe 29, April, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madxatooyada Puntland ee Garoowe ku Qaabiley wafti balaadhan oo uu hogaaminayo safiirka [...] Source
  11. Ankara (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inuu xabsiga isku dilay basaas u dhashay dalka Imaaraadka Carabta oo dhowaan dalkaas lagu qabtay. Ninkan iyo nin kale oo lala qabtay ayaa sidoo kale looga shakisnaa inay ku lug lahaayeen dilkii Wariye Jamaal oo u dhashay dalka Sacuudiga, kaasoo lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay baarayaan sida uu ninkan u awooday inuu is-dilo, maadaama lagu hayey xabsi gooni ah oo cidna aysan la wadaagin. Waxaa la tuhmayaa inuu adeegsaday dharkiisa, gaar ahaan dharka jiifka si uu isku dilo. Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in ninkan xabsiga ay ku dileen dad laga yaabo inaysan dooneyn inuu sir bixiyo maadaama la qabtay. Dhawaan ayey aheyd markii Turkiga uu sheegay inuu Imaaratka Carabta kala shaqeynayo sidii macluumaad looga heli lahaa dadka u dhashay Imaaraatka ee magengelyada siyaasadeed ku joogo Turkiga. Kaashuqji ayaa la dilay sannadkii lasoo dhaafay markii Sucuudiga uu koox u diray Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in ragga dilay weriyaha ay xiriir dhaw la lahaayeen dalka Imaaraatka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  12. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilkii ka qaaday Agaasimaha golaha murtida iyo madadaalada qaranka Soomaaliya Abwaan Cabdullaahi Cismaan Guure. Wasiir Daahir Gelle ayaa xilkaasi u magacaabay Maxamed Abuukar Ma’da oo kamid ah wariyaasha warbaahinta dowlada. Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in sababta xilka loo qaaday Guure ay tahay kadib war maanta ka baxay idaacad uu milki ahaan u leeyayay ee Muqdisho oo ku aadanaa in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay in xilka laga qaado Ra’isilwasaare Kheyre. Baraha bulshada ayaa si aad ah looga hadal hayaa warkaasi maanta ay baahisay idaacad maxali ah oo ku taalo Muqdisho. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa beeniyay warkaasi uu ku sheegay in uu yahay mid aan waxba ka jirin. Puntland Post The post Maariiyihii tiyaatarka qaranka oo xilkii laga qaaday appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Ambassador Shamsudin Axmed, kadib markii safiirku uu booqasho ku tagay xafiiska wasiirka arimaha dibada Somaliland saaka subaxdii. Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo war qoraal ah soo dhigay barta ay ku leeyihiin Twitter-ka ayuu Wasiirka Arimaha dibada Somaliland uu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Ambassador Shamsudin oo ah Wakiilka Qunsuliyada dalka Ethiopia ay ku leedahay Somaliland uu ku soo booqdo xafiiskiisa. Waxaanu intaasi ku daray Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon in Somaliland iyo Ethiopia ay yihiin laba dal oo wadaaga Nabadgalyada iyo Xasiloonida, isla markaana ay ka wadashaqeeyaan guud ahaan amaanka gobolka. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Maayirka Magaalada Jigjiga Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilkii ka qaaday Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure. Sidoo kale Wasiirka ayaa maareeyaha cusub ee golaha martida iyo wacyi galinta qaranka u magacaabey Maxamed Abuukar Axmed Ma’da oo ka mid ahaa wariyeyaasha warbaahinta dowladda. Xil ka qaadista Guure ayaa timid saacado un kadib markii idaacadda Kulmiye oo leeyahay ay baahisay war aan sax ahayn oo ku saabsan in madaxweyen Farmaajo uu aqbalay inuu beddelo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Warkaas ayaa waxaa beeniyey xafiisyada madaxweeynaha iyo ra’iisul wasaaraha, balse idaacadda Kulmiye waxay sheegtay inay ka xigatay ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia. Caasimada Online ayaa ogaatay in warkan ay Kulmiye siiyeen xubno ku kacsan ra’iisul wasaaraha oo ku beel ah madaxweynaha, islamarkaana idaacadda Kulmiye lagu qalday, ayada oo laga lahaa ujeedo lagu abuurayo qal-qal siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Garyaqaanka guud ee dowladda federaalka, Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa sheegay in hanti-dhowrka guud ee dowladda uusan wax sharci ahayn u lahayn inuu baaris ku sameeyo xisaabaadka maamulka gobolka Banaadir. Warqad kasoo baxday garyaaqaanka oo arrintan ku saabsan, ayaa ka dambeysay kadib markii guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalacla Muqdisho Injineer Yariisow uu talo-sharci weydiistay. Dr. Cusmana Cilmi ayaa talo soo-jeedintiisa ku sheegay in ay hanti-dhowrka Guud uu baari karo kaliya wixii dhaqaale ah ee federaalka uga yimaada maamulka gobolka Banaadir, balse uusan sharci u lahayn inuu baaro xisaabaadka kale ee maamulka gobolka, taasina ay tahay arrin u taalla hanti-dhowrka heer gobol. Waxa uu sheegay in uu Hanti-dhowrka Guud ee Qaranku ku ekaado baarista iyo dabagalka dhaqaalaha Dowladda dhexe ku kabto miisaaniyadaha maamullada gobollada oo uu ku jiro gobolka Bannaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho. Waxa uu usoo jeediyey maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Muqdisho ay ku gacansiiyaan hanti-dhowrka guud ee qaranka inuu baaro daba-galna ku sameeyo dhaqaalaha lagu kabo miisaaniyaddooda oo ay ka helaan dowladda dhexe. Garyaqaanka ayaa soo jeedintiisa qiil uga dhigay in xafiiska hanti-dhowrka guud qaranku yahay hear federaal, sida ku xusan qododka 114aad ee dastuurka loona baahan yahay in dhammaan maamullada dalka oo uu ka mid yahay gobolka Banaadir ay ula dhaqmaan si isku mid ah. Waxa uu sidoo kale ku dooday In dhammaan maamullada gobolladu ay leeyihiin hanti-dhowr u gaar ah oo u qabto shaqada hanti-dhowrka heer ederaal. Hoos ka aqriso warqadda garyaqaanka guud
  17. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa dib ula wareegtay xaruntii talefoonnada casriga ah ee dalka ee ku taallay degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir. Xaruntan oo uu qalabeeyay dalka Japan aakhirkii 1980-yadii waxay ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Zaynab Maxamuud Warsame, oo mataleysay degmada ay u taallo xarunta iyo gobolkaba, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay, soona dhoweyneyso in dhismahan dib loo dayactiro, looguna adeego shacabka. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, oo uu wehliyay wasiiru-dawlaha wasaaradda ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir gacantii ay ka geysteen in dhismahan dib loogu soo celiyo Wasaaradda, iyadoo arrintan qeyb ka tahay qorshaha 2019 ee ay wasaaraddu ku soo celineyso, isla markaana ku hsaqo-gelineyso qaar ka mid ah dhismayaashii ay hore u lahayd Wasaaraddu. Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha Wasaaradda ayaa sheegay in marka dhismahan dib loo dayactiro, lana qalabeeyo, uu noqon doono meel ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigi karaan hal-abuurkooda dhinaca teknolojiyada (National ICT Innovation Center). Xaruntan oo faracyo ku yeelan doonta caasimadaha dawlad-goboleedyada ayaa loogu talo galay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee lagu dhiirri-gelinayo hal-abuurka teknolojiyada, lana doonayo inay ka wada qeyb qaataan wasaaradaha kala duwan ee dawladda. “Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan diyaarinay sharciyadii iyo siyaasadihii dhiirrigelin lahaa hal-abuurka dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Waxaan dooneynaa markan in dhallinyaradu ka faa’iideystan fursadaha ka dhalan doona tartanka suuqa furan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena” ayuu yiri wasiirka. Qabyo-qoraalka Siyaasadda & Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ay dhowaan soo bandhigtay Wasaaraddu wuxuu xoogga saarayaa in teknolojiyada loo adeegsado horumarinta qeybaha kala duwan ee nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, beeraha, xoolaha, hal-abuurka dhallinyarada, iwm. Dhinaca kale, wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ayaa horraantii bishan dalka Swizterland kula kulmay madax ka kala socotay wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee dalalka Turkiga, Talyaaniga iyo Japan, iyagoo ka wada hadlay sidii loo soo celin lahaa wada-shaqeyn laga yeesho dhinacyada boostada, isgaarsiinta, iyo teknlojiyada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  18. Taariikhdii layaabka badnayd ee Halgamaa Xalane (Q1aad) Qalinkii iyo ururintii Cabdi Cawiye Wuxuu u xusul duubayey inuu xoriyad uu ku noolaado isaga iyo dadkiisuba taasoo maanta aan macnaheedu aad u macaanayn waayo dadka soomaaliyeed iyagaaba maanta xoriyad la’aan ku yaacaya macnaha tahriibta iyo u boqoolka dibada oo ta ugu weyn ee lagala kulmaa hahay xoriyad la’aan dhinaca diinta iyo dhaqanka wanaagsan ah. Suaal waa maxay xoriyadu? What is the freedom? Afeef: wadanigu reer maaha. Qofba sibuu u yaqaanaa maanta xoriyada iyo raaxada nolosha. Xoriyadduna waa inuu qofku ka xoroobo wax kasta oo garbaduub ku ah awoodda aadanaha iyo wax-soosaarkiisa jireed iyo maskaxeed labadaba, waxaa soo galaya inuu qofku iska rogo heeryada gumaysiga , meeshana uu ka saaro cadaadiska dusha ka saaran iyo Sandulleynta uu ku jiro. Waddaniyada xoogda badnayd iyo guubaabadii wax-garadka waxaa ka dhashay dhalinyaro naftood hurayaal ah oo wax kasta oo qaali ku ah u bixinaya waddanka , wax kastana wadanku uuga muhiim sanayahay, tusaale; Xalane waxa uu ahaa halyay soomaaliyeed , waxa uu soo arkay dhibaatada gumaysigu leeyahay , neecowda xoriyadda wuu la kowsaday , bal aan isla yara eegno taariikh kooban oo uu inooga tagay Xalane oo uu ka sheekeeyey AHUN madaxweynihii Somaliya Maxamed Siyaad Barre oo ka hadlaya taariikhda Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu yiri Aan ka taariikheeyo Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu ahaa nin askari ah oo Amxaaradu ku dishey Tog-wajaale; wuxuu ka mid ahaa horay joogtey; waxay ahayd koox ay cadowga is-hor fadhiyeen, waxaa dhacday in kooxdii la laayey; saddex qof keliya baa ka haray; meesha kooxdaasu joogtey oo ay go’doonka ku noqdeen waxay ahayd meeshii calanka Soomaaliyeed uu ku mudnaa; Maxamed Cabdulle Xalane markii raggii la baabi’yey oo ay ogaadeen in ayan meeshii hayn karin, inay colkoodii weynaa ku durkaan mooyee, ayuu wuxuu diidey calankii inuu meesha kaga tago. Markaas ayuu qaatay calankii oo xariggiisii soo degsaday si uus ula tago oo uusan gacan cadow ugu dhicin; Maxamed Cabdulle Xalane way arkayeen cadowgu, markaasay ku fureen boobe naftiisii gooyey; Maxamed isaga oo calankii ku duuban oo aan sii deynin ilaa ay nafta tii u dambeysey kabaxday ayuu la soo gurguurtey; naftiina waxay kaga baxday markuu calankii ku soo ridey godkii labaad; hadalkii markii naftii ka sii baxaysay uu reebay ee lama illoobaanka ah oo da’ walba da’da ka dambeysaa ay dhaxlidoonto wuxuu ahaa: CADDOWGU BIRLAB KAMA SAMAYSANA. Maxamed wuxuu ku soo simay colkii si uusan calanku cadow gacantiisa u gelin. Inkastoo naftiisii uu waayey ceebtii waa ka soo hoyiyey calankiisii Maxamed. Xasuusta uu reebay darteed, maanta nin dhintay iyo nin nool, waa isaga keliya, nin lagu xasuustaa Billad Dahab ah Maxamed Cabdulle Xalane, tan iyo maanta dalkeenna; waxaa kaloo lagu xasuustaa Xiddigle-nimo uu ku qaatay dagaal geesinnimo ah; tan saddexaad oo lagu xasuustaa waxa lagu magacaabay Xarunta Tabbbarka Kacaanka; Xarunta Xalane. Xarunta Hargeysa ee Xalane. Iyo inHa badan xarumo Xalane loogu magac daray oo ku yaala inta badan magaalooyinka waaweyn ee soomaalida. In la idiin ka taariikheeyey mooyee xaaladdeenna iyo tan cadowgu sida ay kala ahaayeen (xagga tirada hubka iyo raashinka), cadowgaa gumeysi xoog badan dabada ku hayey ‘Soomaali in la baabi’yaana taladoodu ahayd. Kuweennu godkii ay galeen say ugu jireen baa dagaalku ku dhammaaday; saddex bilood baa korkooda ku go’day. Anigu waxaan shaahid ka ahay inaan nimankii dhalinyarada ahaa oo dharkii iyo dhidid dhawrkiiba ka dhammaadeen ugu tagay godkii; cunnadooduna bariid garcadde ah bay ahayd, dawadana daciif baan ka ahayn. Haddana uma ay suuragelin cadow dalka inuu cagta soo dhigo. Waad ogtihiin waanad maqasheen baan u malaynayaa kuwaa dhaawac ah oo xabbadi ku taal inay inta qorigoodii qaateen ka baxeen isbitaalka oo ay yiraahdeen kolleyba haddaan dhimanaynno, intaan sariir ku dhiman lahayn; aan goobta ku dhimanno oo dagaal ku galeen sidaas kuna biskoodeen; waana joogaan qaarkood haddeer. Markii aan ugu tagay godadka oo aan iri qaarkood: “waryaa waa adiga qaawane sidee ugu adkaysanaysaa qorraxda iyo dhaxanta?”, waxay igu jawaabeen: “waxaa i illowsiiyey dhaxanta iyo qorraxda sharafkayga iyo waddankayga iyo immaankayga; ma xanuunsanayo: adaa moodey inaan xanuunsanayee ha ka biqin meeshayda laga soo geli mahayo iyadoon maydkayga laga tallaabsan”. Ogow geesigu marnaba ma dhinto hadii la dila magaciisaa sii noolaada immisa qof oo aan arag ayaa maanta yaqaana halgamaa Xalane soco qaybaha dambe…. Xigasho khadar xussen Mohamed Ibrahim Shire Ururintii iyo Qalinkii Cabdi Cawiye Tell +252634115877 Qaran News
  19. Muqdisho (SMN) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in Fikirka xagjirka ah uu ku cusub yahay Soomaaliya,islamarkaana uu yahay aragti la soo dhoofiyay. Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad nabada jecel,dhex dhexaadna ah shaqana ku lahayn Fikirka Xagjirka. Sidoo kale, waxaa shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada ka hadlay mas’uuliyiin ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),kuwaas oo sheegay muhiimadda ay leedahay in nabad lagu wada noolaado. Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa xilkii gudoomiye-nimo kaa qadaya gudoomiyihii Ururkaasi Maxamuud Cabdi Jaamac ( Xuuto ) Xarunta dhexe ee Ururkaaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa waxaa saaka kulan deg deg ah iskugu yimid guddida boodhka ee Ururka SOLJA kuwaas oo ujeedkoodu aheyd inay xilka ka qaadan Gudoomiyaha isla markaana ay ku doortan masuulkii bedeli lahaa Tirrada xubnaha saaka kulanka isku yimid ayaa ahaa 9 xubnood iyada oo tirrada guud ee Guddida boodhka SOLJA ay tahay 15 xubnood , waxaana uu kooramka shirku ku furmaa 8 xubnood Hadda-ba Intii aanay xubnaha guddida SOLJA bilaabin codeyntooda ayaa waxaa xarunta si kadis ah u soo galay odayaal ka tirsan saxafiyiinta Somaliland oo ergo u ahaa Gudoomiye Xuuto , waxaana ay codsadeen in hal maalin dib loogu dhigo codeynta xil ka qaadistiisa , taas oo ay ka aqbaleen guddidii goobta fadhiday . Guddida xil kaaqadista ku wada Gudoomiye Xuuto ayaa waxaa ay ku eedeynayaan gudoomiyaha Hanti Lunsi , xisaab xidh la,aan , maamul xumo iyo taladii SOLJA oo uu isku koobay . Guddida Boodhka ee Ururka SOLJA ayaa waxaa ay yahiin kuwa xaqa u leh inay xilka ka qaadan gudoomiyaha , gudoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha . Guddidii Maanta ee Ergada u ahayd Xuuto ayaa waxaa ka mid ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mudane Mukhaar Maxamed Cali. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
  21. Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in Fikirka xagjirka ah uu ku cusub yahay Soomaaliya,islamarkaana uu yahay aragti la soo dhoofiyay. Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad nabada jecel,dhex dhexaadna ah shaqana ku lahayn Fikirka Xagjirka. Sidoo kale, waxaa shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada ka hadlay mas’uuliyiin ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),kuwaas oo sheegay muhiimadda ay leedahay in nabad lagu wada noolaado. Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  22. Abdullahi Hassan Mohamed, a member of the Somali police force was slapped with death sentence after finding him guilty of murdering a bus driver outside Mogadishu last January. According to the prosecutors, Mohamed was detained at the crime scene in Siinka Dheera area located in the outskirts of Mogadishu. The military Court said the policeman committed the crime deliberately and he killed the victim identified as Mohammed Ismail. “The Court sentenced to death the police officer after finding him guilty of killing Mohamed Ismail Qabobe, who was a bus driver on 6th January 2019,” reads the court statement. Meanwhile, the military court judge stressed that the defendant can pursue an appeal. View the full article