-
Content Count
208,330 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sida dhaqanka Soomaalida ku jirta waxa jira xilliyo uu Beelaha qaar uu dhexdooda kala guursigu ka caaganyahay sababo ay ka mid ahaan karto xurgufo ka dhashay Guur hore ama dagaal soo dhexmaray awgeed , Balse dookhu qofna lama tashado’e wiil iyo gabadh isku reer hoose ahaa isla jeerkaasna ay reebanayd isguursigoodu marka leego xeerarka u yaalla reerkooda ayaa isjeclaaday , sida la wariyo taariikhdu waxay ahayd bilawgii Kun Sagaal boqol iyo sideetamaadkii , ninku wuxuu ka tirsanaa askartii ilaalada ka ahayd madaxtooyada Soomaaliya ee xilligaasi . Wiilka iyo gabadhaba waxa dambi weyn labadoodaba ku ah in la maqlo warkooda , wayna is rabaan , waxay u baahdeen qof la fahmi kara duruufta ku hareeraysan jacaylkooda garabna siiya , taladoodu waxay noqotay inay arrintooda la wadaagaan nin kale oo isna ay isku reeryihiin ,wayna u sheegeen xaalooda iyaga oo xalna ka raba . Muddo kooban ka dib ninkii talada laga sugayey wuxuu gabadhii ku soo celiyey war ah in isaga laftiisu uu iyada (gabadha) ka helay , sidaas darteedna ay laba arrimood kala dooran karto , midi waa in isaga ay ogolaato sidaasina uu ku guursado iyada oo ninka qorshaha ay wada wadaana meesha ka saaraysa , Talabaadna waa in haddii kale uu warkooda faafinayo oo iyadu ah dambi laga galay xeerarkii u yaallay reerkooda . Gabadhii arrintii way ku gacan saydhay , isna(Ninkii) sidii uu iyadaba u sheegay wuxuu warkii dhexgeeyey tolkii , ka dibna taasi waxay caqabad soo waajahday ay ku noqotay labadii isjeclaa , ninkii waxa uu ka tagay shaqadii sidoo kale waxa cambaareeyey qoyskii uu ka soo jeeday , marna sida la sheegay waxaaba xidhay niman ay ehel ahaayeen oo warka maqlay iyaga oo waddooyin kale u maraaya . Wiilkii markii uu ka soo baxay xabsiga inkasta oo aanan sixi Karin inta uu xidhnaa oo gabadhii iyaduna ay xabsi guri ugu jirtay qoyskeeda ayaa waxa suurogashay in iyaga oo taageero bannaanka ah ka helaaya dad uu warkoodu gaadhay oo jeclaystay inay garabsiiyaan waxa Xamar loogu dhigay Aroos kooban oo ay soo abaabuleen dad hiil u ahaa labadan is jantay, dabcan cadaadisna waxa ehelada lagu saaray inay isku daraan. Sheekadu waqtigaasi intayka gudubtay ehelada labadan lamaane ayey gaadhay bulshada kale qaybo ka mid ah qaarkood waxay cabir ka sameeyeen dareenkooda arrintan ku aadan waxaana ka mid ahaa dadkii ka hadlay sheekadan saddexda ruux ee kala ahaa, Abwaan Maxamuud Tukaale Cusmaan, Mullaxan iyo heesaa Saalax Qaasim Naaji iyo hoboladda Khadra Daahir Cige oo iyada ilaa mar horeba ay macno gaar ah u lahaayeen sheekooyinka nooca ahi . Maxamuud Tukaale ayaa sheekadan wuxuu ka allifay erayada heesta “Saadaasha Guur ” isaga oo Qisada saddex qaybood u kala dhigay ta koowaaad , wuxuu kaga hadlayaa inay layaab aan jawaab loo heli Karin ay noqon karto in qofku muddo dheer ka dib uun is arko isaga oo dareen jacayl u qaba qof uu ku ag koray kaasi oo aanu xisaabtaba hore ugu darsanin inuu qofkan sumad gaar ah u yeelan doono ugu dambayn.Taasi oo ka dhigayn in labadan ruux ee isjelcaaday ay waqti caruurnimo soo wadaqaateen balse uu dareenku ku dhashay mar dambe. Waxaanu yidhi oo heesta ku jirta isaga oo dareenka gabadha cabiraya “Layaabku siduu ku dhacay Maka’aan sabi kula barbaaray Sokeeye mid iigu xiga Ayuu suurado kalgacal Si aan loo qaadan Karin Jacayl Sibiq noogu yimi” ? Marxladda labaad ee ay sheekadu martay oo ahayd in ninkii ergada iyo talada loo dhiibtay oo ehelnimada ka sakow ay ninka si gaar ah saaxiibbo u ahaayeen inuu isagu gabadhii damcay oo iyaduna lama filaan noqotay iyo weliba dhibtii soo gaadhay ka dib ayuu gabadha u dareen hadlay abwaanTukaale : “Kalgacal samo weheshigii Waxa soo kala dhexgalay Mid kaloo kii aan rabay iila siman Saa’ waaba Dumaashigay Silsilado laygu xidhay Sunbaan cabayoo ka kacay Saqdii dhexe guurayoo Fakadayeey” Ugu dambayn waxay heestu sheegaysaa in guul uu arrinku ku biyo shubtay waana marka uu leeyahay abwaanku: ” Dadow Samir baan ku degay Say iyo raalliyo isqaba Say iyo raalliyo isqaba ayuu nagu simay Ilaah”. Heestan waxa laxameeyey Saalax Qaasim isaga ayaana hadda tumaaya kabanka , Khadra Daahir ayaana qaaday . Source
-
(SLT-Hargeysa)-Boliska magaalada Toronto ee dalka Canada waxay sheegeen inay 2 Eedeysane u soo xidheen dilkii Marxuum Faysal Maxamed Hees oo 33-jir ahaa, kaasi oo bishii December 19-dii ee sannadkii 2016-kii lagu dilay Deegaanka Etobicke ee duleedka Toronto. Eedeysane lagu magacaabo Caadil Zeno oo deggan maagalada Toronto ayey Booliska soo xidheen jimcihii la soo dhaafay, waxaana lagu soo oogay Fal-dembiyeedka dilka ee Heerka 1-aad. Booliska waxay kal oo sheegeen inay isa soo dhiibtay haweeney lagu magacaabo Monika Ibrahim oo 24-jir ah, loona yaqaano Rose Carter, kadib markii ay Boliska u jareen Warqadda Soo-qabashadeeda maalintii Sabtida ee la soo dhaafay. Haweeneydaasi oo isa soo dhiibtay maalintii Axadda ee shalay waxay wajihi doontaa dacwadda dilka heerka 1-aad. Labo Eedeysane oo lagu kala magacaabo Maxamuud Ducaale oo 27-jir ah iyo Axmed Cabdi Siyaad oo 26 jir ayaa Xabsiga ku jiray tan iyo sannadkii 2016-kii. Dilka Marxuum Faysal Maxamed Hees ayaa la sheegay inuu yahay qofkii 68-aad ee lagu dilo dalka Kanada sannadkii 2016-kii. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Injineer Cabdiraxmaan Yariisow iyo xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale maanta ka qarxay baraha bulshada. Markii ay soo baxday in Hanti Dhowraha Qaranka uu xayiray Akoonadii Maamulka Gobolka Banaadir isla markaasna lagu eedeeyey Gobolka Banaadir inuu diiday in baaritaan lagu sameeyeo ayaa waxaa arrintaas kasoo hadlay Xildhibaan Fiqi, waxayna aheyd bilowga dagaalka ka dhex qarxay labadaan mas’uul. Fiqi oo weerarka billaabay ayaa facebook soo dhigay: “Canshuurta Magaalada MUQDISHO intii ay jeeb xun geli lahayd ama si xun loo adeegsan lahaa, ama minishiibiyada qorayaha loo dhiibay ay hal dollar keen qof ku dili lahaayeen, mar haddii la diiday isla xisaabtankii iyo daahfurnaantii, inta isla xisaabtanku uu dhamaanayo walba shacabka xoolahooda haloo baajiyo. Tallaabada uu hantidhowruhu qaaday dadka MUQDISHO waa Soo dhoweynayaan, ciddii diida isla xisaabtanna waxaa la leeyahay “wax la qariyo qurun baa ku jira”. Guddoomiyaha Gobolku waa inuu ogolaadaa isla xisaabtanka iyo xisaab celinta, maadaama uu yahay Guddoomiye Villa Somalia laga Soo magacaabo, wax cudurdaar uma helayo canshuurta uu shacabka Xamar ka aruuriyo inaan lagu xisaabin.” Waxaa kadib weerar duco ku dhammaaday kusoo jawaabay Yariisow oo yiri: “Waxaa nasiib daro ah in Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi uu yiraahdo waxaa lagu noqonayaa 1991dii, halka aan annagana u taaganahay horumarka dalka oo aan dhalinyarada u diyaarineyno mustaqbal wanaagsan oo leh Nabad iyo Nolol. Fiqi Alle ha noo hanuuniyo si uu xaqa iyo horumarka dalka u arko. AAMIIN” Fiqi ayaa mar kale Yariisow ugu jawaabay: Fallaartani gilgilisho kaagama harayso mudane Guddoomiye Guddoomiye Abdirahman Omar Osman Yariisow waa dadaalay laakin tani ma ahan wax lagu difaaci karo diidmadaada In la xisaabiyo canshuurta shacabka gobolka Banaadir ay minishiibiyada aad qoryaha u dhiibtay, dharka ciidankana loo geliyey ay kaaga aruuriyaan. Canshuurta wax adeeg ah looguma qabto dadka laga qaado, In la ogaado jeebabka ay gasho iyo musuqa lagu bixiyo waa lama huraan, waxaana dhamaaday waqtigii maaweelada caruurta iyo isla xisaabtan la’aanta.. Waxa fiican Mudane Guddoomiye In aad jawaab ka bixiso warqadda hantidhowraha qaranka iyo eedaynta laguu Soo jeediyey ee ah inaad diiday xisaabcelintii canshuuraha gobolka Banaadir laga qaado, wixii kale oo aad sheegayso waqtigeeda iyo munaasabadeeda. Waa markii labaad oo labadaan Mas’uul uu dhexmaro dagaal dhanka Facebook-ga, waxaana la xasuustaa in hadda ka hor ay sidaan camal dhacday kadibna ay labadaan Mas’uul heshiiyeen markii ay soo kala dhex galeyn mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay dadaal muuqda gelisay dib u soo nooleynta waxbarashada dowliga ah. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dugsiyada dowliga ah iyo ardayda dhigata waxa uu ka dhageystay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed, iyadoona uu faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso sidii ay ugu hirgelin lahayd dhammaan muwaadiniinteenna fursado waxbarasho oo tayo leh. “Waxbarashadu waa aasaaska qofka bini aadamka ah. Muhiimad weyn ayey noo leedahay in ubadkeenna aan u sameyno fursado waxbarasho oo tayo leh, mana ahayn maanta in aabbe iyo hooyo Soomaaliyeed ay ka walwalaan waxbarashada ubadkooda.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waqti kooban la qaatay ardayda dugsiga Wiil-waal, kuwaas oo u fadhiyey imtixaanka Hoose Dhexe, waxa uuna kula dardaarmay in ay rumeeyaan rajada qoyskooda iyo midda Qaran ee laga sugayo. Dhankooda, Ardayda uu booqday Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay in kormeer iyo qiimeyn uu ugu yimaado, waxa ayna sheegeen in dardaarankiisa iyo dhiirri gelinta uu u sameeyey ay qiimo weyn u leedahay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa kormeerkan ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
18May 1991 waa maalintii ay Somaliland ka go,day Soomaliya inteeda kale, waana maalinta loo aqoonsaday inay tahay maalinta qaranimada Soomaliland. maalintani waa maalin ay isku soo baxaan bulshada qaybaheeda sida Ardayda,Gancsatadda, Shaqaalaha dawalada iyo Ciidamada. dadka dabaal dagayaa waxay maraan wadad wadnaha ee magaalada iyagoo salaan siinaya madaxda dawlada oo fadhiya madaxtooyadda horteeda , iyagoo ciidamuna loo tumay heesta Calanka Somaliland ayay maraan maxtooyadda horteeda kadibana ay halkaa salaam ku siiyaan madaxweynaha Somaliland iyo madaxada kale ee halkaas fadhida. haddaba sanadkani wuxuu sanadadii horre kaga duwanyahay madaxdu waxay fadhiisan jiratay madaxtooyadda horteeda lakiin sannakan waaa loo bineeyay dhisme aad u dheer oo ku horyaala Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta oo dhinaca bari ka saaran cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeisa, iyadoo goobtaa loogu talagalay in fadhiistaan madaxdda qarranka oo uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi halkaas oo loogu talagalay inuu ka khudbeeyo salaanta ciidamada iyo bulshadana uu ku qaato. haddaba goobtan loo asteeyay inuu fadhiisto Madaxweynuhu waxaa 100m wax kayar u jira goob ay yaalaan dad aan qaadi karin music iyo ciyaar iskaba daaye qofka ugalaya ama haya uu iska bixiyo kabaha si aan loo maqashiin wax sanqadha ah waana goobta layidhaa Goobta Adeega Gaarka Ah Ee Cisbitaalka Guud Ee Hargeisa afka qalaadna lagu yidhaho ICU Intensive Care Unit Of Hargeisa group of hospital. Goobtan adeega gaarka ee cisbitalka guud Hargeisa waa goob ay yaalan dad aad u jilcsan qqarkood madaxa dhiig kaga furanyahy, qaarkood oxygen ayaa ku xihan halaka qaarkalena ay koomo ku jiraan in kabadan todoba habeen iyagoo aan qaadi karin qaylada , sawaxanka bulshadda, khudbadaha madaxda ama gaardi ciyaarka ciidamadda kala duwan in la tix galiyaa ay mudantahy. Wabilaahi tawfiiq W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine Source
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), xubno ka tirsan wasaaradda Maaliyadda iyo taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe). Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, gaar ahaan dib u dhiska Ciidanka iyo howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda dalka. “Waxaan maanta guddoomiyay shir aan isugu yeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradaha Gaashaandhigga & Maaliyadda oo aan uga hadleynay dib-u-habeynta ciidamada iyo howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga. DFS ayaa wada howlagllo lagu xaqiijinayo amniga dalka, kuwaas oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa maanta maareeye cusub u magaacabay golaha murtida iyo wacyi galinta qaranka. Xilkaasi ayaa waxaa loo magacaabay Wariye Maxamed Abuukar Ma’da, iyadoona laga qaaday, Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure oo horay u hayay Jagadaasi. Wariye Ma’da ayaa ah qabiir saxaafadeed oo in muddo ah ka soo shaqeynayay Warbaahinta maxaliga ah iyo tan dowladda intaba. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Habeen-29042019-vv.mp3 View the full article
-
Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay, in saddex dab-demis iyo booyad loo soo iibiyay caasimadda Garoowe dib looga celiyay, kadib markii khilaaf ka buurmay, qoraal uu bartiisa Facebook ku daabacay duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse. Duqa degmada Garoowe, ayaa qoraal uu Sabtidii daabacay ku sheegay, in ay diyaar yihiin saddex dab-demis iyo gaari booyada oo loo soo gaday caasimadda Garoowe, waxaana iska kaashaday sida uu qoraalka ku xusay dowladda hoose oo bixisay %80 lacagta ku baxday iyo shirkadda isgaarsiinta Golis oo bixisay %20 kamid ah lacagtaasi. Halkan ka akhriso Haddaba, ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in mas’uuliyiinta shirkadda Golis ay ka caroodeen qoraalka duqa degmada, maadaama sida ay sheegeen dhammaan lacagta ku baxday gaadiidkan ay bixisay shirkadda isgaarsiinta Golis, halka qoraalkiisa uu ku xusay in ay bixisay %20 kamid ah lacagta. Kadib habeenkii Sabtida, markii la akhristay qoraalka duqa degmada Garoowe, ayaa mas’uuliyiinta shirkadda Golis ay amar ku bixiyeen in dib magaalada Boosaaso loogu celiyo, gaadiidkan dab-demiska oo wakhtigaasi ku xeraysnaa, garaash ku yaalla degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal oo la doonayey in subaxnimadii Axadda Garoowe la keeno. Mas’uul ka tirsan shirkadda Golis, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in dhammaan lacagta ku baxday dab-demisyadan iyo booyadda la socota ay bixisay shirkaddooda oo ka soo iibisay dalka Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyay in aysan gebi haanba jirin cid kale oo hawshaasi ku wehelisay. Sida ay xogtu sheegayso, mas’uuliyiinta shirkadda Golis, ayaa si cad u diiday in ay dab-demisyada ku wareejiyaan duqa degmada Garoowe, iyagoo shardi ka dhigay in uu raalli-gelin buuxda ka bixiyo qoraalkiisa, islamarkaana uu bulshada horteeda ka caddeeyo, in dab-demisyada ay soo gaday shirkadda Golis oo aan dowladda hoose shuqul ku lahayn. Sidoo kale, waxaa haatan magaaalada Garoowe ka socda dadaal ay wadaan; ganacsato, waxgarad iyo mas’uuliyiin-dowladeed oo lagu xallinayo, khilaafka u dhexeeya shirkadda Golis iyo duqa degmada Garoowe oo meel fog kala taagan, si loo soo celiyo dab-demisyadii caasimadda mar kaabiga u soo jirsaday balse lagala noqday. Caasimadda Garoowe oo si xawli ah u kobcaysa, ayaa dhibaato weyni ka haysataa dhinaca dab-demisyada, waxaana marar hore dad ku dhinteen dabab ka kacay meherado ganacsi iyo dukaanno oo ku yaalla magaalada. PUNTLAND POST The post Xog: Dab-demisyo loo soo iibiyay caasimadda Garoowe oo dib loogala noqday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Somalia ayaa dib ula wareegtay xaruntii Talefoonnada casriga ah ee Waddanka ee ku taallay degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir. Xaruntan oo uu qalabeeyay dalka Japan aakhirkii 1980-yadii waxay ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Zaynab Maxamuud Warsame, oo mataleysay degmada ay u taallo xarunta iyo gobolkaba, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay, soona dhoweyneyso in dhismahan dib loo dayactiro, looguna adeego shacabka. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdi Cashuur Xasan oo uu wehliyay wasiir-u-dawlaha wasaaradda ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir gacantii ay ka geysteen in dhismahan dib loogu soo celiyo Wasaaradda, iyadoo arrintan qayb ka tahay qorshaha 2019-ka ee ay wasaaraddu ku soo celineyso, isla markaana ku hsaqo-gelineyso qaar ka mid ah dhismayaashii ay hore u lahayd Wasaaraddu. Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha Wasaaradda ayaa sheegay in marka dhismahan dib loo dayactiro, lana qalabeeyo, uu noqon doono meel ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigi karaan hal-abuurkooda dhinaca teknolojiyada (National ICT Innovation Center). Xaruntan oo faracyo ku yeelan doonta caasimadaha dawlad-goboleedyada ayaa loogu talo galay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee lagu dhiirri-gelinayo hal-abuurka teknolojiyada, lana doonayo inay ka wada qeyb qaataan wasaaradaha kala duwan ee dawladda. “Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan diyaarinay sharciyadii iyo siyaasadihii dhiirrigelin lahaa hal-abuurka dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada. Waxaan dooneynaa markan in dhallinyaradu ka faa’iideystan fursadaha ka dhalan doona tartanka suuqa furan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeenna,” ayuu yiri wasiirka. Qabyo-qoraalka Siyaasadda & Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ay dhowaan soo bandhigtay Wasaaraddu wuxuu xoogga saarayaa in teknolojiyada loo adeegsado horumarinta qeybaha kala duwan ee nolosha, sida waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, beeraha, xoolaha, hal-abuurka dhallinyarada, iwm. Ugu dambeyn, Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka ayaa horraantii bishan dalka Swizterland kula kulmay madax ka kala socotay wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee dalalka Turkiga, Talyaaniga iyo Japan, iyagoo ka wada hadlay sidii loo soo celin lahaa wada-shaqeyn laga yeesho dhinacyada boostada, isgaarsiinta iyo teknlojiyada. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Boostada Dowladda Somalia oo dib ula soo Wareegtay Xaruntii Telefonnada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo kormeeray Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay dadaal muuqda gelisay dib u soo nooleynta waxbarashada dowliga ah. Farmaajo ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dugsiyada dowliga ah iyo ardayda dhigata waxa uu ka dhageystay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed, iyadoona uu faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso sidii ay ugu hirgelin lahayd dhammaan muwaadiniinteenna fursado waxbarasho oo tayo leh. “Waxbarashadu waa aasaaska qofka bini aadamka ah. Muhiimad weyn ayey noo leedahay in ubadkeenna aan u sameyno fursado waxbarasho oo tayo leh, mana ahayn maanta in aabbe iyo hooyo Soomaaliyeed ay ka walwalaan waxbarashada ubadkooda.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waqti kooban la qaatay ardayda dugsiga Wiil-waal, kuwaas oo u fadhiyey imtixaanka Hoose Dhexe, waxa uuna kula dardaarmay in ay rumeeyaan rajada qoyskooda iyo midda Qaran ee laga sugayo. Dhankooda, Ardayda uu booqday Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay in kormeer iyo qiimeyn uu ugu yimaado, waxa ayna sheegeen in dardaarankiisa iyo dhiirri gelinta uu u sameeyey ay qiimo weyn u leedahay. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kormeerkan ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo sheegay inay muhiim tahay inay ubadka Soomaaliyeed helaan Waxbarasho… appeared first on Puntland Post.
-
Xukumadda Somaliland ayaa wadda shirkad ajanabi ah oo lagu magacaabo trafigura oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva,ee dalka Switzerland taas oo ay ku wareejinayso keenista shidaalka ee guud ahaan Somaliland, kaas oo ay hore u keeni jireen ganacsato muwaadiniin reer Somaliland ah, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud Xasan Sacad “Saajin” ayaa sheegay todobaadkan in waddanka la keeno shidaal aan u fiicnayn caafimaadka bulshada, kaas oo uu ugu sii gogol-xaadhayay sidii shirkaddan ajanabiga ah loogu wareejin lahaa keenista shidaalka, Masuuliyiin ka tirsan xukumadda Somaliland oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaradda ganacsiga Mudane Saajin ayaa shirkaddan kula heshiiyay in laga siiyo Saami “Share” Wasiirka ganacsiga Somaliland ayaa ay saaxiib dhow yihiin Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyagoo heerkoodii waxbarasho meel ku soo wadda qaatay sidda uu warbaahinta u sheegay wasiirku, halka dhanka kalena ay yihiin Xidid, taas oo u fududaysay gaadhida go,aamo badan. Talaabadan Xukumaddu ku wareejinayso keenista shidaalka ayaa waxaa hoos socda heshiisyo qarsoon oo shirkaddaasi laga siinayo dad gaar ah oo ay madaxtooyada Somaliland waddato. Ganacsatada shidaalka keenta Somaliland ayaa markii ay ka war-heleen qorshahan ay xukumaddu waddo si wayn ugu cadhoodhay iyaga oo ka biyo diiday talaabadan mar kale gacanta loogu galinyo keenista shidaalka shirkad shisheeye ah ka dib markii siddeed sanno ka hor la laalay heshiiskii shirkadda Total oo ahayd shirkadd ajaanib ah oo muddo dheer kooto ugu xidhnayn keenista shidaalka dalka, Xukumadda Somaliland oo ay waajib ku tahay dhiirigalinta, Kobcinta ganacsatada waddanka ayaa taas badalkeeda ku qaaday dagaal curyaamin dhaqaale ah. Qaran News
-
(SLT-Gar-adag)-Warar hadda naga soo gaadhaya deeganka Gar-adag ee gobalka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in la dilay taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska degmada Gar-adag. Labada taliye ee la dilay ayaa la sheegay in magaalada Gar-adag kaga baxeen qaab dhuumasho ah kadib markii magaladaasi ay ka bilaabmatay mudaharaad-yo lagaga soo hor jeeda muwaadin magaaladaasi u dhashay oo shalay ku dhex dhintey xabsiga magaalada Ceerigaabo Wararka ayaa sheegaya in labadan taliye ay dileen meelishiyaad beeleed ka soo jeeda reerka uu ka soo jeedo marxuumka shalay dhintey kuwaas oo u galay deeganka Bancade oo u dhaxeeya Gar-adag iyo Magaalada OOG Source
-
Ankara (Caasimada Online) – Maareeyihii Tiyaatarka qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ahna milkiilaha Idaacadda Kulmiye ayaa ka hadlay xil ka qaadis deg deg aheyd oo maanta lagu sameeyay. Abwaan Guure oo ku sugan dalka Turkey ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xil ka qaadista lagu sameeyay, isaga oo sheegay in xilka laga qaaday isagoo dalka ka maqan. Abwaanka ayaa sheegay in xilka uu yahay mid meerto ah, islamarkaana uu xilka uu wareejin doono marka uu kusoo laabto magaalada Muqdisho. Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka ayaa xilka laga qaaday kadib markii idaacadda Kulmiye ay baahisay warbixin la xiriirtay in madaxweynaha Soomaaliya uu aqbalay in xilka laga qaado ra’iisul wasaaraha, iyadoo warkaasina uu been abuur ahaa. “Waa ku Faraxsanahay Xilka leyga qaaday waana soo dhoweynayaa Insha Allaah markaan Dalka ku Soo laabtana waa wareejinayaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Agaasimihii hore ee Golaha Murtida iyo Madadaallada. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Idaacadda Kulmiye warkaasi been abuurka ah ay u hoos geliyeen xubno ka tirsan madaxtooyada kuwaasi oo mucaaradsan Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxa ayaamaha fooda inagu soo haya magaalada Hargeisa lagu soo bandhigayaa buug laga qoray madaxweynahii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Buugani oo daah furkiisa la isku arki doono waxa lagaga hadli doonaa taariikhdii Iyo waayahii uu soo maray Axmed Siilaanyo taasi oo ay aad uga dhex muuqan doonto halgankii dalka loo soo maray Iyo maalintii uu ku lahaa Iyo sidoo kale shantii sanadood la doortay ee uu madaxweynaha ka ahaa Somaliland Iyo labadii sanadood ee loo kordhoyay. La soco sheekada xafladaasi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa soo faragelisay Khilaafka dhanka Sharciga ah ee u dhaxeeyo Hanti Dhowraha Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Xafiiska Hanti Dhowrka Qaranka uu xaq u leeyahay inuu baaritaan ku sameeyo Dhaqaalaha ay Dowladda dhexe ku kabto Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir . Wasaaradda ayaa Madaxda Gobolka Banaadir ku amartay inay Xafiiska Hanti Dhowrka u ogolaadaan Baaritaankaas isla markaasna lagu garab siiyo. Waraaqda kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kusoo aadeyso xilli Xafiiska Hanti Dhowraha Qaranka uu xayiraad kusoo rogay Dhammaan Akoonada Maamulka Gobolka Banaadir. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku doodayey inuusan Xafiiska Hanti Dhowraha awood u laheyn inuu baari dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee Maamulkaas. Sababta uu Maamulka Gobolka Banaadir u diiday in lala xisaabtamo ayaa lagu sheegay kadib markii lixdii bilood ee ka horeysaan lixdaan bil lagu helay Musuq maasuq xooggan iyo lacago badan oo la lunsaday isla markaasna ay haddana ka cabsanayaan in lasoo bandhigo musuq maasuqa ka jiro Maamulka Gobolka Banaadir. Waxaa maamulkA Gobolka Banaadir lagu eedeeyay iney ku maqantahay $16milion oo dollar, oo la waayay cida qaadatay iyo meesha lagu bixiyay sida ay isku raaceen guddiga Maaliyada ee Baarlamaanka iyo Hanti-dhowrka guud. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Waraaqda kasoo baxay Wasaaradda Arirmaha Gudaha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inuu xabsiga isku dilay basaas u dhashay dalka Imaaraadka Carabta oo dhowaan dalkaas lagu qabtay. Ninkan iyo nin kale oo lala qabtay ayaa sidoo kale looga shakisnaa inay ku lug lahaayeen dilkii Wariye Jamaal oo u dhashay dalka Sacuudiga, kaasoo lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay baarayaan sida uu ninkan u awooday inuu is-dilo, maadaama lagu hayey xabsi gooni ah oo cidna aysan la wadaagin. Waxaa la tuhmayaa inuu adeegsaday dharkiisa, gaar ahaan dharka jiifka si uu isku dilo. Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta gal tahay in ninkan xabsiga ay ku dileen dad laga yaabo inaysan dooneyn inuu sir bixiyo maadaama la qabtay. Dhawaan ayey aheyd markii Turkiga uu sheegay inuu Imaaratka Carabta kala shaqeynayo sidii macluumaad looga heli lahaa dadka u dhashay Imaaraatka ee magengelyada siyaasadeed ku joogo Turkiga. Kaashuqji ayaa la dilay sannadkii lasoo dhaafay markii Sucuudiga uu koox u diray Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in ragga dilay weriyaha ay xiriir dhaw la lahaayeen dalka Imaaraatka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xilkii ka qaaday Agaasimaha golaha murtida iyo madadaalada qaranka Soomaaliya Abwaan Cabdullaahi Cismaan Guure. Wasiir Daahir Gelle ayaa xilkaasi u magacaabay Maxamed Abuukar Ma’da oo kamid ah wariyaasha warbaahinta dowlada. Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in sababta xilka loo qaaday Guure ay tahay kadib war maanta ka baxay idaacad uu milki ahaan u leeyayay ee Muqdisho oo ku aadanaa in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay in xilka laga qaado Ra’isilwasaare Kheyre. Baraha bulshada ayaa si aad ah looga hadal hayaa warkaasi maanta ay baahisay idaacad maxali ah oo ku taalo Muqdisho. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa beeniyay warkaasi uu ku sheegay in uu yahay mid aan waxba ka jirin. Puntland Post The post Maariiyihii tiyaatarka qaranka oo xilkii laga qaaday appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Ambassador Shamsudin Axmed, kadib markii safiirku uu booqasho ku tagay xafiiska wasiirka arimaha dibada Somaliland saaka subaxdii. Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo war qoraal ah soo dhigay barta ay ku leeyihiin Twitter-ka ayuu Wasiirka Arimaha dibada Somaliland uu ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Ambassador Shamsudin oo ah Wakiilka Qunsuliyada dalka Ethiopia ay ku leedahay Somaliland uu ku soo booqdo xafiiskiisa. Waxaanu intaasi ku daray Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon in Somaliland iyo Ethiopia ay yihiin laba dal oo wadaaga Nabadgalyada iyo Xasiloonida, isla markaana ay ka wadashaqeeyaan guud ahaan amaanka gobolka. Source
-
Popular Contributors