Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,322
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. “Mukulaal kama xajiso madax dooli, Madaxweyne gobal na kama koro qaraabka beesha caalamka”. Beesha Caalamka= International Community= المجتمع الدولى waa magac loo adeegsado midawga iyo is raaca dawladaha, shucuubta iyo golayaasha Qaramada Midoobay ama go’aano loo dhanyahay oo kasoo baxay Jamciyada Quruumaha ka dhaxeysa ama Golaheeda Ammaanka! Lkn Siyaasiyiinta Somaalida ayaa u yaqaan Magac kale sida: markii Siyaasigu uu la kulmo Safiir ka tirsan dawladaha reer galbeedka ama hay’adaha fuliya mashaariicda midawga Yurub! In uu dadka u sheego; waxaan la kulmay Beesha Caalamka? Waxaan ka wada hadlnay Beesha Caalamka? Waxaan ku heshiinay Beesha Caalamka? Waxaan bishaaro ka wadaa Beesha Calamka iwm? Xarunta Beesha Caalamka ee Siyaasiyiinta Somaaliya ayaa aheed 1960 – 1990 Rooma, 1991 – 2016 Addis Absba, kadib na u wareegtay Abu Dhabai iyo Nairobi, lamana qiyaasi karo goorta ay meel kale u guuri-doonto maadama aan nahay bulsho reer guuraa ah? Maalmahaan waxaa la hadal hayey qaar ka mid ah Madaxda Gobalada oo kulamo kula qaatay Beesha Caalamka Nairobi iyaga oo ka ashtakoonaya dawladda federaalka! Xalay ayaan dhageystay Madaxweynha cusub ee Puntland Mudane Saciid Deni war-saxaafadeed uu ku qabtay Garoowe isaga oo ku eedeeyay dawladda federaalka in ay khilaaftay Dastuurka Federaalka, kuna xad gudubtay dawladihii gobalada iyo awood qeybsigii beelaha, loogana yeeray Garoowe si loo xisaabiyo iyo in uu ka qeyb-qaadan-doono xallinta khilaafka Galmudug? Madaxweynaha Puntland waxaan rabaa in aan weydiiyo su’aalo ah aqoon kororsi kaliya oo aan laheyn ujeedooyin kale; 1. Xamar oo aad ku dhalatay kuna barbaartay, ugana mid noqotay dawladda aad magaca iyo maamuuska ku yeelatay oo aad ku gaartay ilaa musharax Madaxweyne! Maxaad safarkaaga uga bilaabi wayday inta aadan Beesha Caalamka u aadin Abu Dhabai iyo Nairobi? 2. Cumrigaaga Madaxweynaha Puntland waa 3 bil jir kaliya kadib caleema-saarkaagii, bil ka mid ah waxaad ku maqneed Beesha Caalamka, laba bil kale waxaad ku mashquul-naneed dhismaha Xukuumada Puntland iyo Safaradii Qardho iyo Boosaaso! Goormee ogaatay khaladaadka Federaalku galay? Kadib markii la isku cafiyey, bog cusub na la furtay caleema-saarkaagii Garoowe, dhamaadkii Janaayo ee sanadkaan! Mise waxaad raacday File-kii uu ka tegay Madaxweyne Gaas? 3. Safiirada US, UK iyo UAE horay ayaad ugula kulantay Garoowe iyo Boosaaso ee macnaha iyo qiimaha ay u sameynayso reer Puntland in aad kula kulanto Abu Dhabai iyo Nairobi maxay tahay? 4. Dastuurka Qabyada Federaalka waxaa Hooyo u ah Puntland, mana jirto Maxkamad kale oo fasirta! Ee maxaad ku fasiri laheed Qodobka ah; “kulamada Beesha Caalamka waxaa leh kaliya Dawladda Federaalka”? 5. Hal-ku dhega ugu badan ee ay adeegsadaan Madaxda Puntland ayaa ah “dawladaha xubnaha ka ah dawkadda federaalka”! Puntland miyaa xubin ka ah federaalka? Mise federaalka ayaa xubin ka ah Puntland? 6. Awood qeybsiga dawladaha xubnaha ka ah federaalka! Qodob Dastuurka Qabyada ah ayaa tilmaamaya in dawladaha xubnaha ama beeluhu si siman u qeybsadaan xubnaha Aqalka Sare! Maxaa lagu fasiri karaa qeybta libaax ee ay qaadatay Puntland? 7. Puntland oo diiday bilawgii dhismihii Galmudug, kuna tilmaantay in ay khilaafsantahy Dastuurka Qabyada, kana yartay laba Gobal! Haddii ay hadda rabto in ay wax ka dhisto! Ma Madaxweyne Xaaf oo waqtigiisii dhamaaday ayey wadataa? Mise cid kale? Mise dhihi karnaa faragelintii ay ku eedeysay federaalka ayey iyaduna wadaa? 8. Haddii Madaxweyna Somaaliland uu rabo in uu dadkiisa aqoonsi uga helo Beesha Caalamka! Adiguna aad rabto in aad toos ugu xirto Puntland Beesha Caalamka! Maxaad ku kala duwantihiin? 9. Shirka aad ku baaqday ee Gobalada iyo Federaalka ee Garoowe 2 da May! Sidee ayaad dhex-dhexaad uga noqonee? Kadib markii aad eedeyn usii horumarisay Federaalka? Dooda su’aalahaan iyo kuwa kale waxa ay fure u yihiin Qaran la wada leeyahay oo ku taagan tiirar adag oo ka duwan kii naga burburay! W/Q: Dr. Maxamed Gacal Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. PRESS RELEASE World Finance Magazine awards Temenos “Best Islamic Banking & Finance Technology Provider” for second consecutive year Temenos’ market-leading software recognized by industry peers for its exceptional offering in Islamic banking DUBAI, United Arab Emirates, April 29, 2019/ — The 2019 Islamic Finance Awards, presented by World Finance Magazine, has announced that Temenos (SIX: TEMN) (www.Temenos.com) has won the ‘Best Islamic Banking & Finance Technology Provider’, for its breakthrough digital front office product, Temenos Infinity, and next generation core banking system, Temenos T24 Transact. For the second consecutive year, Temenos was recognized after demonstrating remarkable contributions to Shari’ah-compliant banking, finance and investing across the region. The World Finance Islamic Finance Awards bring together key players in the Islamic finance industry, and recognize the most successful operators in the field from around the globe. Shari’ah-compliant financial assets are forecasted to reach $3.8trn by 2023, up from $200bn in 2003. As the industry matures, the 2019 World Finance Islamic Finance Awards shine a light on the companies that are pushing its boundaries. The 2019 World Finance Islamic Finance Awards recognize the institutions that are setting the agenda on the international stage. Nominated by World Finance magazine readers and website users, Temenos Infinity and Temenos T24 Transact, Temenos’ pre-integrated, open, digital banking offering, provide exceptional features for Shari’ah compliance. This winning combination brings together the richest packaged functionality with the most innovative cloud-native technology, allowing banks to implement faster and more cost-effectively. Temenos was able to demonstrate outstanding product and service delivery, growth, market presence and governance. These were the main criteria in the evaluation by the judging panel. During the evaluation process, Temenos was commended by the World Finance Awards committee for the remarkable feedback received from subscribers regarding the solution’s flexibility in supporting both fully-fledged Islamic banks, as well as conventional banks with Islamic windows. Temenos’ products were identified as the leading solution for retail, commercial, investment and wealth management banking operations. Shari’ah-compliant features include Murabaha financing, diminishing Musharaka, Qard Hasan, Bai Al Salam, Istisna’a and parallel, and financing Ijara, Tawaruq, Itsisna’a and many other Islamic finance aspects. Jean-Paul Mergeai, Managing Director Temenos Middle East & Africa commented: “Temenos is delighted to once again receive the ‘Best Islamic Banking & Finance Technology Provider’ award from World Finance in recognition of our historical and continuous investment in Islamic finance. For over 20 years, Temenos has been supporting the Islamic finance community with flexible, scalable and innovative Shari’ah compliant solutions that have been specifically designed around the customer journey across any business line. Our close collaboration with Islamic sector has been rewarded with recent signings including Al Rajhi, the world’s largest Islamic bank, and Palestine Islamic Bank, the largest Islamic finance institution in Palestine. We look forward to continuing to empower Islamic banks with open, flexible and agile technology, enabling them to reap the benefits of end-to-end digitalization with Temenos Infinity and Temenos T24 Transact cloud native and cloud agnostic solutions.” Temenos’ winning combination of Temenos Infinity and Temenos T24 Transact not only enhances efficiency with automation and continuous deployment, but also offers differentiated customer service and solutions. Temenos was once again praised by industry peers for its remarkable features, including an Islamic Treasury module, Islamic Portfolio Management platform, Islamic Retail Banking platform, Islamic Product Builder. Distributed by APO Group on behalf of Temenos. Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdifataax Ismaaciil Daahir oo mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga UPD ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aaddan xaaladda dalka. Ugu horreyn wuxuu ka hadlay sababtii ku kalliftay siyaasiyiin uu isaga ku jiray in ay ku shiraan dalka Kenya, islamarkaana ay halkaasi kasoo dhaleeceeyaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo. Wuxuu sheegay xildhibaanka in sababta ugu weyn ee ay Nairobi ugu shireen ay tahay, kadib markii ay dowladda federaalka culeys ka dhigtay in siyaasiyiinta ku shiraan Muqdisho islamarkaana ay cabiraan dareenkooda. Sidoo kale, xukuumadda ayuu sheegay in marar badan ay hor istaagtay shirar ay qabsan lahaayeen siyaasiyiin iyo sidoo kale xisbiyo, taasi bedelkeedana ay doorbideen iney ku shiraan dalka dibaddiisa. Dhanka kale, xildhibaan Cabdifataax ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag una baahan in laga samatabixiyo. Halkaan hoose ka daawo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Malayshiya beeleed hubaysan ayaaa shalay galab tuulada Gobab-maxan oo hoostimaada degmada Yagoori ee gobolka Sool ku dilay taliyaal ka tirsana ciidamada Booliiska iyo Asluubta ee Somaliland. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu xaqiijiyay in halkaasi la dilay taliyihii xabsiga degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag Gaashaanle Cabdullaahi Axmed Tallan iyo taliye xigeenkii saldhiga Booliiska degmada gar-adag 2Xiddigle Nuur Awcali Nuux. Muuse Biixi ayaa laamaha amniga Somaliland ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan kuwii ka dambeeyay dilka saraakiisha waxaana uu sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo fal noocaasi lamida ku kacda. Saraakiisha la dilay ayaa la sheegay in ay ka soo carareen gobolka Sanaag kadib markii lagu eedeeyay dilka nin ganacsade ah oo lagu dhex sumeeyay xabsiga degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi. Balse malayshiya-beeleed la hayb ah ganacsadaha la sumeeyay ayaa weerar jid-gooyo ah ku dilay xilli ay marayeen tuulada Gobab-maxan ee gobolka Sool. Dilka taliyaasha ayaa ku soo beegmayaa xilli maalin ka hor degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag lagu dilay laba qof oo shacab ah kuwaasi oo la sheegay in aano-qabiil loo dilay. PUNTLAND POST The post Taliyaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo lagu dilay gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Aqoonyahanada caanka ka ah geyiga Soomaalida, ayaa maanta mar uu ka hadlayey kulan doodeed ay yeeshen dhalinyarada magaalada Berbera, wuxuu dhaliilo ujeediyey dowlada Somaliland. Prof Samatar ayaa dowladda Somaliland ku dhaliilay inay tahli kari weyday inay hal Saaxiiba ay ku yeelato wadamada caalamka. “28-kii sannadood wixii aynu is lahayn waxbaad isku daydeen aanay faa’iido keenin, waddan qudha oo Maanta ina aqoonsan oo aynu Saaxiib la nahay ma jiro, markaa in la iswaydiiyo sow maaha” ayuu yiri Prof Samatar. Dhinaca kale, Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa waxa la waydiiyey waxa uu ku kordhin karo siyaasadda Arrimaha dibedda Somaliland, haddii loo dhiibo xilka Wasaaraddaasi, wuxuuna yiri: “Anigu Somaliland umaan imanin, doorashadana ugama qayb-gelin inaan Wasiir noqdo, laakiin hadday timaaddo oo aan ogolaado, waxaan rabaa inaan ku guulaysto, ma doonayo inaan Xafiis iska fadhiyo la i yidhaahdo ‘Wasiir Samatar’, laakiin waxaan doonayaa inaan shaqadaa ku guulaysto oo aan iska dhameeyo, dabadeedna aan noloshayda iyo shaqadayda ku noqdo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa Anigu Shuruudo ayaan wataan haddii la igu yidhaahdo shaqada Arrimaha dibedda qabo, Nin Wasiirnimo doonaya ma ihi, laakiin haddii la yidhaahdo Waddankii baa kuu baahan waa Caadi, markaa Aniguna Shuruudo ayaan wataa si aan shaqadaa uga adkaado, markaa Madaxda Somaliland waxaan leeyahay Shuruudahayga ma ka soo baxaysaan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hanti dhowrka guud ee Somaliland ayaa baaris Musuq-maasuq ka bilaabay Xafiisyada Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland. Wasaaradan uu Hanti dhowrku ka bilaabay baarista ayaa kamida Wasaaradaha ugu muhiimsan ee Somaliland. Hanti dhowrka guud, baaristan uu ka bilaabay Wasaarada ayaa si gaar ah waxa uu xooga u saaray Xafiiska maamulka iyo lacagaha ee wasaarada, kaasi oo ay ka qaaten dukumantiyo ku saabsan nidaamka maaliyadeed ee wasaarada u degsan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen shaqaale kamid ah Wasaarada. Xafiisyada kale ee Hanti dhowrka guud uu ka bilaabay baarista ayaa waxa kamida Xafiiska maamulka iyo lacagta ee waaxda tacliinta sare, isagoona dabagal ku haya xafiisyada wasiirka iyo agaasimaha guud, kuwaas oo leh Saxiixyada ay intooda badan ku baxaan qarashaadka Wasaaradu. Qaar kamid Bulshada reer Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore ugu baaqay Hanti dhowrka guud inuu baaris ku sameeyo Wasaarada waxbarashada, kuwaasi oo ku tilmaamay inuu Hay’addan ka jiro Musuq baahsan. Si Kastaba, Musuq-maasuqan ay ku kaceen Mas’uuliyiinta ugu sareysa Wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa saameyn weyn ku yeelanaya hanaanka waxbarasho ee dalka, marka laga imaado saameynta uu ku yeelan karo shaqaalaha wasaarada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  7. At least 17 people have died in communal violence triggered by a personal dispute in western Ethiopia, a report said Monday. The AMMA news agency said there were clashes Saturday and Sunday pitting the Gumuz ethnic group against the Amhara, the second largest in the country, in Benishangul Gumuz state. The director of communications, Asmahegn Asres, in neighbouring Amhara state, told AMMA that 11 Amhara and six Gumuz people were killed in the clashes and the toll could mount. The death toll could rise even further as there is a search mission underway to find missing bodies, with federal police and army units deployed in the area to prevent a recurrence of the violence,” the director was quoted as saying. “Around 25 houses have been burned in the ethnic violence which started as a personal dispute between two daily labourers,” he added. Communal clashes, typically sparked by disputes over land, are common in Ethiopia where a fast growing population has added to pressures on farmers in a country of sharp ethnic divisions. AFP Qaran News
  8. Hoggaamiyaha ururka Daacish Abu Bakr al-Baghdadi ayaa shalay ka soo muuqday cajal Video ah kadib mudda 5 sano ah oo aan la arkin. Cajalka oo lagu baahiyay bogga loo yaqaan al-Furqaan ee ururka Daacish ayaa cinwaan looga dhigay” amiirka mu’miniinta” waxaana laga arkayaa al-Baghdadi oo aan weji daboolneyn balse ay la fadhiyaan xubno kale oo wejiyadooda qariyay. Muuqaalka oo soconaya mudda 18 daqiiqo ah ayaa al-Baghdadi ku hanjabayaa in loo aar-gudi doono xubno muhiim ah oo ururkiisa looga dilay dagaallada dalka Suuriya iyo kuwa kale oo sida uu sheegay la qafaashay. Wuxuu sheegay in ururkiisu ay 92 weerar ka fuliyeen 8 dal oo ku yaalla caalamka isagoo ku hanjabay in ay sii xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah waxa uu ku tilmaamay “Cadowga Alle”. Al-Baghdadi ayaa weerarradii ka dhacay dalalka Sri Lanka iyo Saudi Arabia ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwa loogu aar-gudayo xubno muhiim ah oo laga dilay ururkiisa isagoo xusay in dagaalku yahay mid dheer “ dagaalka Islaamka iyo dadkiisu kula jiraan Kirishtanka iyo dadkiisa waa mid dheer” ayuu yiri. Cajalka uu soo duubay hoggaamiyahan 47 jirka ah oo Maraykanku madaxiisa ku raadinayo $25 malyan oo Dollar ayaa beeninaya warar u hore u soo baxay oo lagu sheegay in uu ku dhintay duqeymaha diyaaradaha Maraykanka. Dhinaca kale waxaa muuqaalkiisa ka carootay dowladda Maraykanka oo mar kale ku celisay in Daacish ay ku beegsan doonto meel kasta oo dunida kamid ah islamarkaana ay cadaaladda horkeeni doonta hoggaamiyihiisa al-Baghdadi. Muuqaalkan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee wejigiisa si furan loo arko ee laga soo duubay al-Baghdadi tan iyo 29 June 2014 xilligaasi oo muuqaal laga soo duubay uu dalka Iraq kaga dhawaaqay ururka Daacish isagoo isku magacaabay Imiirkii Mu’miniinta. PUNTLAND POST The post Al-Baghdadi: Dagaalka Islaamka iyo dadkiisu kula jiraan Kirishtanka iyo dadkiisa waa mid dheer appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka dhageyso Barnaamijka Qubanaha Warka Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-29042019-ss.mp3 View the full article
  10. Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland government plans to award the importation of fuel and fuel products to Trifagura Pte. a Swiss based commodity and energy giant. According to reliable sources within the administration of President Muse Bihi Abdi, the Commerce, Industry and Trade minister, Mohamud Hassan Sa’ad, ” Sajan” a close confident of the president, a former comrade in arms and a relative, has managed to secure the new contract for the Swiss giant, whose annual turnover is over $58 Billion US. The minister recently critiqued the quality of fuel and fuel products being imported in to Somaliland by the several indigenous companies that currently hold the contracts. Our source confirm that the minister, who has been active in seeking deals across the globe, including a recent visit to Malaysia to strike a livestock deal, as well as, the proposed jointly owned Somaliland-United Arab Emirates livestock agency, has received the blessings of the presidency to go ahead with deal, which also includes the usual sub-contractors with strong ties to the administration. The current Somaliland companies who hold the fuel contract are, naturally, unimpressed with these new developments. It was only eight years ago that the previous administration of Ahmed Mohamed Mohamud ” Silaanyo” cancelled the long standing deal with Total France in order to encourage local economic development. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa sii xoogeystay dagaalka lagu hayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayada oo saacadihii la soo dhaafa baraha bulshada lagu faafiyey warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay codsi ahaa in la bedelo ra’iisul wasaaraha. Warkaan ayaa waxaa sidoo kale baahisay idaacadaha Kulmiye ee Muqdisho, waxayna sheegtay inay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow madaxtooyada ay kasoo xigatay inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu aqbalay in la bedelo Kheyre. Waxaa warka lagu sheegay inuu Farmaajo aqbalay badalitaanka Kheyre si loo dhiso xukuumad cusub, waxaana warku intaas ku daray in arrintan ay ka dambeysay shirar uu madaxweynaha la yeeshay siyaasiyiin mucaarad ah iyo madaxda maamul goboleedyada. Hayeeshee Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa wararkaas waxa uu ku tilmaamey kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin. “Warkani sal iyo raad malaha, waxaana looga fadhiyaa Idaacadi baahisey inay shacabka ka raalli geliyaan been abuurkan baalka marsan dhaqanka suubban iyo hufnaanta xogaha bulshada lala wadaagayo” yuu yiri Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada. Sidoo kale Caasimadda Online oo xiriir la sameysay Xafiisyada Madaxweynaha iyo midka Ra’isul wasaaraha ayaa ogaatay in arrintan ay gebi ahan tahay been abuur iyo arrin aan lasoo hadal qaadin. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre u magacaabey xilkaas waxa uu sheegay in ay afarta sano isla dhameysan doonaan, iyada oo laba sano oo ka mid ah ay khilaaf la’aan wadashaqeeyeen. Sharci ahaan madaxweynaha ayaan awood u lahayn inuu beddelo Ra’siial wasaare kalsooni ka helay baarlamaanka, waxaana kaliya lagu bedeli karaa inuu kalsoonida kala noqdo baarlamaanka, markii mooshin laga keeno ama uu isagu iskiis isu casilo iyo in xaalad uu gudan waayo xilka ay ku timaado, taasoo aan hadda muuqan ama suuragal ahayn xilligan. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in ololahan ka dhanka ah Kheyre oo dhowr bil socday ay horboodayaan siyaasiyiin iyo ganacsato ay isku heyb yihiin madaxweynaha oo aan la dhacsaneyn awoodda shaqo ee badan ee uu Farmoojo siiyay Ra’iisul Wasaarihiisa, marka ay timaado maamulka hay’adaha dowladda. Siyaasiyiintan iyo ganacsatadan ayaa u arka, maadaama ay madaxweynaha ku beel yihiin, in ay xaq u leeyihiin helidda qandaraasyada waa weyn ee dowladda ay bixiso, taasi oo ra’iisul wasaaraha aanu ku raacsaneyn, islamarkaana uu doonayo in loo maro nidaam sharci ah. Waxaa sidoo kale jirta in siyaasiyiinta, ganacsatada iyo xildhibaanada ku beesha ah madaxweynaha ay mar horeba heleen dhowr qandaraas oo qaarkood ay siiyeen wasiiro, hase yeeshee ay doonayaan wax kasii badan, ayaga oo ka carreysan amar kasoo baxay ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul wasaaraha ayaa bishii Febraayo soo saaray wareegto uu ku sheegay in aysan jirin hay’ad ama wasaarad iskeed qandaraas u bixin karta iyada oo aan la soo marin golaha wasiirrada iyo hay’adaha ay khuseyso. Wareegtadan ayaa ahayd dhammaadka rajo ay ganacsatada iyo siyaasiyiinta madaxweynaha la heybta ah ay ka qabeen in Khayre lagu qanciyo. Ololaha xil ka qaadista ama bedelaadda Kheyre, ayaa maalmihii dhowaa aad uga socday baraha bulshada, hase yeeshee maadaama shacabka aysan inta badan rumeysan wararka baraha bulshada illaa ay ka xaqiijiso warbaahin magac leh, ayaa dadka wada ololahan ay isku dayeen inay warkan marsadaan idaacadaha ama website-yada caanka ah, si qal-qal siyaasadeed loo abuuro. Sida aan xogta ku helnay, idaacadda Kulmiye ayaa waxaa qiyaanay oo warka siiyey dad magac leh oo la isku haleyn karo kuwaas oo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah Kheyre, markii ay gadmi weysay beenta baraha bulshada. Waxaa yaab leh oo la is-weydiinayaa waxa kasoo galayaa dadkan inay dhowr bil ku hayaan “waxaa is-casilaya ama la beddelayaa Kheyre” haddiiba aysan awood u lahayn inay madaxweynaha saameeyaan ama mooshin ka abaabulaan Kheyre. Caaismada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka aanu ka helayno Gobolka Sanaag ayaa sheegay in deegaanka Gar-Adag lagu dilay Labo Taliye oo katirsan degmadaasi. Labadan Taliye ee la dilay ayaa kala ahaa Taliyihii Xabsiga Gar-Adag iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska degmada. Sida ay Caasimada Online ku helayso wararka, Labadan Taliye ayaa waxa maalmihii u dambeeyay soo wajahday cabsi, kuwaasi oo dhuumasho kaga baxayey Magaalada Gar-Adag intii aan la dilin. Dilkan Taliyayaasha ayaa wuxuu daba socday kadib markii uu shalay xabsiga Ceerigaabo ku dhex dhintay Maxbuus lagu soo qabtay maan-dooriyaha Khamriga. Wararka kale aan helayno ayaa sheegaya in labadan taliye ay dilkooda ka dambeeyen Koox Meelishiyaad beeleed ah, kuwaasi oo ka soo jeeda reerka uu ka dhashay Maxbuuskii shalay ku geeryooday xabsiga Ceerigaabo. Labadan Taliye ayaa kasoo jeeda gobolada galbeedka Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal, iyada oo labadooduba ay yihiin Habar Cafaan. Taliyihii Xabsiga Gar-Adag, waxa uu kasoo jeeda beesha Xeeb-jire, Halka Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska uu isagna kasoo jeedo beesha Reer-Xaamud. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. April 29, 2019 Warar hadda aanu ka helayno deegaanka gar-adag ee gobalka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in la dilay taliyihii Xabsiga degmada Gar Adag [...] Source
  14. Erigavo,( Qaran news)-Two Somaliland Police Officer were killed by unknown assailants whilst on duty in Sanaag. The two officers, the head of the Garadag Police detention center and the the deputy commander of the Garadag Police station were according to reports leaving the town after demonstrations pertaining to the death of prisoner who died in whilst in detention yesterday at Erigavo jail. Reports are sketchy at the present time, and it would appear that the officers were ambushed by an arm militia related to the prisoner who died in custody in Erigavo. Qarannews will report on any further information on the situation. As of yet, there has been no official comment from the Somaliland Police Force. Qarannews offers it’s sincerest condolences to the people of Somaliland, the families and the relatives of the murdered police officers. Qaran News
  15. Wixii aad naftaad la jecel tahey wallaal kaana la jeclow sidaas baa lagu heli kara mujtamac caafimaad qaba . Sidaas beynu ku noqon Kartaa somaaliland isku duubaan oo mideysan . Waa in horumarka dagaaneed ay si iskumid isula jaan qaadaan oo la isa soo gaadh siiyo kuwa duruufa colaadduhu ama duruufa kale ee ale keeney dib u dhigeen . Somaaliland waa in laga ilaashaa waxa kasta oo kala irdheyn iyo kala fogaansho abuuraya . Waxa jira tabashooyin somaaliland dhex taala ama dhibaatooyin soomarey, cidna gar siin maayo cidna dusha u saarimaayo . wixii inaga xumaadey horeysa iyo danbeyso waa waxa laga xumaado . wixii dhibaato ka dhex dhacey reer somaliland waxa ay ahaayeen waxa qadar keenay dabcane ale keeney hadana meel kale laga soo abaabuley . Dadka dariska wadaaga way isku dhacdaan meel kasta ba dunida ha ka joogeene somalilandna kuwa waa kamid . laakiinse waxa baa jira aynu kaga duwa nahey xitaa somaaliyadaas aynu jaarkanhey waa kuwaa 30 sano is dilaya ee xal loo waayey .Somaaliland haddii ay dhibaato kadhacdo markiiba waa loo gurmadaa oo waa la damiyaa . Waxa jira siyaasiyiin kala fagaansho abbuura oo kicin , durid iyo xaalad abbuur farsameysan dhex dhigayaan somaliland . Waxa jira maamul xumo sinaan la’aan cadaalad daro laakiin maaha waxa laga wada tashadey oo beelo isla qaateen ee waa waxa u gaar ah kolba cida maamulka heysa . waxa dhinca kale jira tabasho aan xaqiida ku saleysneyn oo ku saabsan saaami qeybsiga gobolada kaasoo gobalada qaar ka cabanayaan , waxaase jira in gobolo qaar ugu saami qeybsi badani hadanaugu qeylo badan yihiin halka kuwa ugu duruuta adigi iska ammusanyihiin . Waxa fiican in si cadaalada ha waxa loo qeybiyo laakiinse waa marka daraasad lagu sameeyo ee la ogaado duruufahooda wakhiguna inoo saamaxaan . iyo gabgabadii somaaliland uma baahna dad Tvga u dacwadooda , ka bilaaba saami baa naga maqan iyaga oo aan hubsan in waxa dheeraad ihi lascodaa iyo in waxa ka maqanyihiin . waxa fiican in la gaadho marka duruufuhu inno saamaxaan saami qeybsiga . Waxa kale oo somaaliland dhib ku haya siyaasiyiin marba shaadh soo gashanaya oo qabiil soo hurinaya oo irbad naxali ah sita oo kolba cid ku duraya . Somaaliland uma baahna cid ukala abtirisa ee waxa ay u baahantahey cid waxa u qabata oo isku heysa dhamaan . Waxa kale oo aynu u baahantahey maamul si xaq iyo cadaalad ah ku yimaada si cadaalad ahna waxa inoogu qeybiya . Cabdi Xasan (Cabdi Sulux) Source
  16. Sida dhaqanka Soomaalida ku jirta waxa jira xilliyo uu Beelaha qaar uu dhexdooda kala guursigu ka caaganyahay sababo ay ka mid ahaan karto xurgufo ka dhashay Guur hore ama dagaal soo dhexmaray awgeed , Balse dookhu qofna lama tashado’e wiil iyo gabadh isku reer hoose ahaa isla jeerkaasna ay reebanayd isguursigoodu marka leego xeerarka u yaalla reerkooda ayaa isjeclaaday , sida la wariyo taariikhdu waxay ahayd bilawgii Kun Sagaal boqol iyo sideetamaadkii , ninku wuxuu ka tirsanaa askartii ilaalada ka ahayd madaxtooyada Soomaaliya ee xilligaasi . Wiilka iyo gabadhaba waxa dambi weyn labadoodaba ku ah in la maqlo warkooda , wayna is rabaan , waxay u baahdeen qof la fahmi kara duruufta ku hareeraysan jacaylkooda garabna siiya , taladoodu waxay noqotay inay arrintooda la wadaagaan nin kale oo isna ay isku reeryihiin ,wayna u sheegeen xaalooda iyaga oo xalna ka raba . Muddo kooban ka dib ninkii talada laga sugayey wuxuu gabadhii ku soo celiyey war ah in isaga laftiisu uu iyada (gabadha) ka helay , sidaas darteedna ay laba arrimood kala dooran karto , midi waa in isaga ay ogolaato sidaasina uu ku guursado iyada oo ninka qorshaha ay wada wadaana meesha ka saaraysa , Talabaadna waa in haddii kale uu warkooda faafinayo oo iyadu ah dambi laga galay xeerarkii u yaallay reerkooda . Gabadhii arrintii way ku gacan saydhay , isna(Ninkii) sidii uu iyadaba u sheegay wuxuu warkii dhexgeeyey tolkii , ka dibna taasi waxay caqabad soo waajahday ay ku noqotay labadii isjeclaa , ninkii waxa uu ka tagay shaqadii sidoo kale waxa cambaareeyey qoyskii uu ka soo jeeday , marna sida la sheegay waxaaba xidhay niman ay ehel ahaayeen oo warka maqlay iyaga oo waddooyin kale u maraaya . Wiilkii markii uu ka soo baxay xabsiga inkasta oo aanan sixi Karin inta uu xidhnaa oo gabadhii iyaduna ay xabsi guri ugu jirtay qoyskeeda ayaa waxa suurogashay in iyaga oo taageero bannaanka ah ka helaaya dad uu warkoodu gaadhay oo jeclaystay inay garabsiiyaan waxa Xamar loogu dhigay Aroos kooban oo ay soo abaabuleen dad hiil u ahaa labadan is jantay, dabcan cadaadisna waxa ehelada lagu saaray inay isku daraan. Sheekadu waqtigaasi intayka gudubtay ehelada labadan lamaane ayey gaadhay bulshada kale qaybo ka mid ah qaarkood waxay cabir ka sameeyeen dareenkooda arrintan ku aadan waxaana ka mid ahaa dadkii ka hadlay sheekadan saddexda ruux ee kala ahaa, Abwaan Maxamuud Tukaale Cusmaan, Mullaxan iyo heesaa Saalax Qaasim Naaji iyo hoboladda Khadra Daahir Cige oo iyada ilaa mar horeba ay macno gaar ah u lahaayeen sheekooyinka nooca ahi . Maxamuud Tukaale ayaa sheekadan wuxuu ka allifay erayada heesta “Saadaasha Guur ” isaga oo Qisada saddex qaybood u kala dhigay ta koowaaad , wuxuu kaga hadlayaa inay layaab aan jawaab loo heli Karin ay noqon karto in qofku muddo dheer ka dib uun is arko isaga oo dareen jacayl u qaba qof uu ku ag koray kaasi oo aanu xisaabtaba hore ugu darsanin inuu qofkan sumad gaar ah u yeelan doono ugu dambayn.Taasi oo ka dhigayn in labadan ruux ee isjelcaaday ay waqti caruurnimo soo wadaqaateen balse uu dareenku ku dhashay mar dambe. Waxaanu yidhi oo heesta ku jirta isaga oo dareenka gabadha cabiraya “Layaabku siduu ku dhacay Maka’aan sabi kula barbaaray Sokeeye mid iigu xiga Ayuu suurado kalgacal Si aan loo qaadan Karin Jacayl Sibiq noogu yimi” ? Marxladda labaad ee ay sheekadu martay oo ahayd in ninkii ergada iyo talada loo dhiibtay oo ehelnimada ka sakow ay ninka si gaar ah saaxiibbo u ahaayeen inuu isagu gabadhii damcay oo iyaduna lama filaan noqotay iyo weliba dhibtii soo gaadhay ka dib ayuu gabadha u dareen hadlay abwaanTukaale : “Kalgacal samo weheshigii Waxa soo kala dhexgalay Mid kaloo kii aan rabay iila siman Saa’ waaba Dumaashigay Silsilado laygu xidhay Sunbaan cabayoo ka kacay Saqdii dhexe guurayoo Fakadayeey” Ugu dambayn waxay heestu sheegaysaa in guul uu arrinku ku biyo shubtay waana marka uu leeyahay abwaanku: ” Dadow Samir baan ku degay Say iyo raalliyo isqaba Say iyo raalliyo isqaba ayuu nagu simay Ilaah”. Heestan waxa laxameeyey Saalax Qaasim isaga ayaana hadda tumaaya kabanka , Khadra Daahir ayaana qaaday . Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Boliska magaalada Toronto ee dalka Canada waxay sheegeen inay 2 Eedeysane u soo xidheen dilkii Marxuum Faysal Maxamed Hees oo 33-jir ahaa, kaasi oo bishii December 19-dii ee sannadkii 2016-kii lagu dilay Deegaanka Etobicke ee duleedka Toronto. Eedeysane lagu magacaabo Caadil Zeno oo deggan maagalada Toronto ayey Booliska soo xidheen jimcihii la soo dhaafay, waxaana lagu soo oogay Fal-dembiyeedka dilka ee Heerka 1-aad. Booliska waxay kal oo sheegeen inay isa soo dhiibtay haweeney lagu magacaabo Monika Ibrahim oo 24-jir ah, loona yaqaano Rose Carter, kadib markii ay Boliska u jareen Warqadda Soo-qabashadeeda maalintii Sabtida ee la soo dhaafay. Haweeneydaasi oo isa soo dhiibtay maalintii Axadda ee shalay waxay wajihi doontaa dacwadda dilka heerka 1-aad. Labo Eedeysane oo lagu kala magacaabo Maxamuud Ducaale oo 27-jir ah iyo Axmed Cabdi Siyaad oo 26 jir ayaa Xabsiga ku jiray tan iyo sannadkii 2016-kii. Dilka Marxuum Faysal Maxamed Hees ayaa la sheegay inuu yahay qofkii 68-aad ee lagu dilo dalka Kanada sannadkii 2016-kii. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Injineer Cabdiraxmaan Yariisow iyo xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale maanta ka qarxay baraha bulshada. Markii ay soo baxday in Hanti Dhowraha Qaranka uu xayiray Akoonadii Maamulka Gobolka Banaadir isla markaasna lagu eedeeyey Gobolka Banaadir inuu diiday in baaritaan lagu sameeyeo ayaa waxaa arrintaas kasoo hadlay Xildhibaan Fiqi, waxayna aheyd bilowga dagaalka ka dhex qarxay labadaan mas’uul. Fiqi oo weerarka billaabay ayaa facebook soo dhigay: “Canshuurta Magaalada MUQDISHO intii ay jeeb xun geli lahayd ama si xun loo adeegsan lahaa, ama minishiibiyada qorayaha loo dhiibay ay hal dollar keen qof ku dili lahaayeen, mar haddii la diiday isla xisaabtankii iyo daahfurnaantii, inta isla xisaabtanku uu dhamaanayo walba shacabka xoolahooda haloo baajiyo. Tallaabada uu hantidhowruhu qaaday dadka MUQDISHO waa Soo dhoweynayaan, ciddii diida isla xisaabtanna waxaa la leeyahay “wax la qariyo qurun baa ku jira”. Guddoomiyaha Gobolku waa inuu ogolaadaa isla xisaabtanka iyo xisaab celinta, maadaama uu yahay Guddoomiye Villa Somalia laga Soo magacaabo, wax cudurdaar uma helayo canshuurta uu shacabka Xamar ka aruuriyo inaan lagu xisaabin.” Waxaa kadib weerar duco ku dhammaaday kusoo jawaabay Yariisow oo yiri: “Waxaa nasiib daro ah in Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi uu yiraahdo waxaa lagu noqonayaa 1991dii, halka aan annagana u taaganahay horumarka dalka oo aan dhalinyarada u diyaarineyno mustaqbal wanaagsan oo leh Nabad iyo Nolol. Fiqi Alle ha noo hanuuniyo si uu xaqa iyo horumarka dalka u arko. AAMIIN” Fiqi ayaa mar kale Yariisow ugu jawaabay: Fallaartani gilgilisho kaagama harayso mudane Guddoomiye Guddoomiye Abdirahman Omar Osman Yariisow waa dadaalay laakin tani ma ahan wax lagu difaaci karo diidmadaada In la xisaabiyo canshuurta shacabka gobolka Banaadir ay minishiibiyada aad qoryaha u dhiibtay, dharka ciidankana loo geliyey ay kaaga aruuriyaan. Canshuurta wax adeeg ah looguma qabto dadka laga qaado, In la ogaado jeebabka ay gasho iyo musuqa lagu bixiyo waa lama huraan, waxaana dhamaaday waqtigii maaweelada caruurta iyo isla xisaabtan la’aanta.. Waxa fiican Mudane Guddoomiye In aad jawaab ka bixiso warqadda hantidhowraha qaranka iyo eedaynta laguu Soo jeediyey ee ah inaad diiday xisaabcelintii canshuuraha gobolka Banaadir laga qaado, wixii kale oo aad sheegayso waqtigeeda iyo munaasabadeeda. Waa markii labaad oo labadaan Mas’uul uu dhexmaro dagaal dhanka Facebook-ga, waxaana la xasuustaa in hadda ka hor ay sidaan camal dhacday kadibna ay labadaan Mas’uul heshiiyeen markii ay soo kala dhex galeyn mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Dalka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay dadaal muuqda gelisay dib u soo nooleynta waxbarashada dowliga ah. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda dugsiyada dowliga ah iyo ardayda dhigata waxa uu ka dhageystay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed, iyadoona uu faray Xukuumadda in ay ka shaqeyso sidii ay ugu hirgelin lahayd dhammaan muwaadiniinteenna fursado waxbarasho oo tayo leh. “Waxbarashadu waa aasaaska qofka bini aadamka ah. Muhiimad weyn ayey noo leedahay in ubadkeenna aan u sameyno fursado waxbarasho oo tayo leh, mana ahayn maanta in aabbe iyo hooyo Soomaaliyeed ay ka walwalaan waxbarashada ubadkooda.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waqti kooban la qaatay ardayda dugsiga Wiil-waal, kuwaas oo u fadhiyey imtixaanka Hoose Dhexe, waxa uuna kula dardaarmay in ay rumeeyaan rajada qoyskooda iyo midda Qaran ee laga sugayo. Dhankooda, Ardayda uu booqday Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay in kormeer iyo qiimeyn uu ugu yimaado, waxa ayna sheegeen in dardaarankiisa iyo dhiirri gelinta uu u sameeyey ay qiimo weyn u leedahay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa kormeerkan ku weheliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Faysal Cumar Guuleed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  20. 18May 1991 waa maalintii ay Somaliland ka go,day Soomaliya inteeda kale, waana maalinta loo aqoonsaday inay tahay maalinta qaranimada Soomaliland. maalintani waa maalin ay isku soo baxaan bulshada qaybaheeda sida Ardayda,Gancsatadda, Shaqaalaha dawalada iyo Ciidamada. dadka dabaal dagayaa waxay maraan wadad wadnaha ee magaalada iyagoo salaan siinaya madaxda dawlada oo fadhiya madaxtooyadda horteeda , iyagoo ciidamuna loo tumay heesta Calanka Somaliland ayay maraan maxtooyadda horteeda kadibana ay halkaa salaam ku siiyaan madaxweynaha Somaliland iyo madaxada kale ee halkaas fadhida. haddaba sanadkani wuxuu sanadadii horre kaga duwanyahay madaxdu waxay fadhiisan jiratay madaxtooyadda horteeda lakiin sannakan waaa loo bineeyay dhisme aad u dheer oo ku horyaala Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta oo dhinaca bari ka saaran cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeisa, iyadoo goobtaa loogu talagalay in fadhiistaan madaxdda qarranka oo uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi halkaas oo loogu talagalay inuu ka khudbeeyo salaanta ciidamada iyo bulshadana uu ku qaato. haddaba goobtan loo asteeyay inuu fadhiisto Madaxweynuhu waxaa 100m wax kayar u jira goob ay yaalaan dad aan qaadi karin music iyo ciyaar iskaba daaye qofka ugalaya ama haya uu iska bixiyo kabaha si aan loo maqashiin wax sanqadha ah waana goobta layidhaa Goobta Adeega Gaarka Ah Ee Cisbitaalka Guud Ee Hargeisa afka qalaadna lagu yidhaho ICU Intensive Care Unit Of Hargeisa group of hospital. Goobtan adeega gaarka ee cisbitalka guud Hargeisa waa goob ay yaalan dad aad u jilcsan qqarkood madaxa dhiig kaga furanyahy, qaarkood oxygen ayaa ku xihan halaka qaarkalena ay koomo ku jiraan in kabadan todoba habeen iyagoo aan qaadi karin qaylada , sawaxanka bulshadda, khudbadaha madaxda ama gaardi ciyaarka ciidamadda kala duwan in la tix galiyaa ay mudantahy. Wabilaahi tawfiiq W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine Source
  21. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), xubno ka tirsan wasaaradda Maaliyadda iyo taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe). Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, gaar ahaan dib u dhiska Ciidanka iyo howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda dalka. “Waxaan maanta guddoomiyay shir aan isugu yeeray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradaha Gaashaandhigga & Maaliyadda oo aan uga hadleynay dib-u-habeynta ciidamada iyo howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga. DFS ayaa wada howlagllo lagu xaqiijinayo amniga dalka, kuwaas oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa maanta maareeye cusub u magaacabay golaha murtida iyo wacyi galinta qaranka. Xilkaasi ayaa waxaa loo magacaabay Wariye Maxamed Abuukar Ma’da, iyadoona laga qaaday, Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure oo horay u hayay Jagadaasi. Wariye Ma’da ayaa ah qabiir saxaafadeed oo in muddo ah ka soo shaqeynayay Warbaahinta maxaliga ah iyo tan dowladda intaba. View the full article
  23. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Warka-Habeen-29042019-vv.mp3 View the full article