-
Content Count
208,330 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Doha (Caasimada Online)-Axmed Ciise Cawad Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba aysan xubin ka noqon doonin isbaheysi ka dhan ah dalalka Qatar iyo Turkey. Wasiir Cawad oo ka qeybgalayay Siminaar lagu qabtay Mac-hadka Diblomaasiyadda ee hoostaga Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa sheegay in waddamada ku midoobey isbaheysiyada Badda Cas, Badda Carbeed iyo Gacanka Caqaba, ay isku dayayaan in ay SOomaaliya ka saaraan Isbaheysiga Badda cas. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay go’aanno ad adag ka qaadatay khilaafkii Waddamada Khaliijka islamarkaana ahaayeen go’aanno ku xirnaa madaxbanaanida Soomaaliya. Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in Soomaaliya ay sidoo kale ka guuleysatay caqabad ka soo wajahday dhinaca Kenya oo la xiriirtay Muranka Badda islamarkaana la dejiyay xaaladda go’aankana loo daayay Maxkamadda ICJ. Danjire Axmed ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay Xeebaha ugu dheer Afrika marka laga reebo Madagascar,waxaa uu xusay in dalkiisu u baahanyahay maalgashi iyo dib u dhis,waxa ugu horreeyana ay ka midyihiin dayactirka 8 Dekadood. Wasiirku waxaa kale oo uu madasha ka sheegay in Soomaaliya iyo 44 Dal kale oo Afrikaan ah ay ka shaqeynayaan mashruuc lagu sameynayo suuqa Afrika oo looga hortagayo abaaraha dhallinyaradana loogu abuurayo shaqo. Caasimada Online Xafiiska Qatar Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu qaaday guri sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland uu ka deganaa magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa bambaanooyin lagu weeraray guriga oo ku yaala degmada Dhoobleey, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Weerarkaasi ayaa lagu waramayaa inuu sababay dhimashada hal askari oo ka mid ahaa ciidamada Jubbaland iyo dhaawaca 7 kale oo ku sugnaa guriga, waxaana dadka dhaawacmay kamid ah taliyaha ciidamada Jubbaland ee deegaanka Taabto. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen rasaas ay ciidamada amaanka ku rideen dadka weerarka ka dambeeyay oo la sheegay inay ka baxsadeen halka ay weerarka ka geysteen. Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi bambaano, hayeeshee waxaa inta badan weerarada noocaas oo kale ah mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo dadka taageera. Maamulka degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee degmadaasi weli kama hadlin weerarkaas,balse Wararka saakey laga helayo degmadaasi Dhoobley ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay wadaan baaritaano. Al Shabaab ayaa horey u sheegtay masuuliyadda weeraro kala duwan oo lala eegtay saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana saraakiisha Jubbaland dhankooda ay sheegeen in xubnaha weerarkii Dhoobleey ka dambeeyay ay ka tirsanaayeen Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Dhoobleey Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wajahaya laba darran mid dooro, xilli aysan weli go’aan ka gaarin shirka la filayo in labada bisha May uu ka dhaco Garoowe ee dowladda iyo dowlad goboleedyada. Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyey in 2-da bisha May uu Garoowe ka furmi doono shirkan, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda maamul goboleedyada inay ka soo qeyb galaan. Si kastaba, waxaa jirtay inuu horey u baaqday shir uu madaxweyne Farmaajo ku casuumay madax goboleedyada oo la doonayey inuu Villa Somalia ka dhaco 19-22 April, kadib markii ay diideen ama ka cududr darateen qaar ka mid ah madax goboleedyada. Waxaa shirkaas sababo jadwal uga cudur daartay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, halka Xaaf uu ku gacan seeray maadaama weli uu dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo dowladda. Farmaajo iyo Kheyre, ayaa hadda wajahaya laba darran mid dooro. 1 – Haddii ay ka qeyb galaan shirka Garoowe, waxay u muuqan doonaan in siyaasad ahaan laga adkaaday, maadaama shirkoodii lagu gacan seeray laguna qasbay inay shir kale u tagaan magaalada Garoowe. 2 – Waxay wajahayaan cadaadiska beesha caalamka, waxaana haddii ay diidaan shirka ay u ekaan doonaan inaysan dooneyn in xal laga gaaro khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, xilli dhowaan madax goboleedyada ay wakiilada beesha caalamka kula kulmeen Nairobi, ugana dacwoodeen dowladda dhexe. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Farmajao iyo Kheyre ay maalmihii dhowaa dhowr mar ka shireen arintan, welina aysan wax go’aan ah gaarin, ayada oo ay ku adag tahay in labada qodob mid ay qaataan. Waxaa sidoo kale jirta in Saciid Deni uu shirkan ku dhowaaqay isaga oo aan marka hore la tashan madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, taasi oo xubno ku dhow Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online ay ku macneeyeen “cayaar siyaasadeed oo la doonayo in dowladda gool looga dhaliyo.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The leader of the Islamic State group has appeared for the first time in 5 years in a video released by the extremist group’s propaganda arm. The video released by Al-Furqan on Monday shows Abu Bakr al-Baghdadi appearing with a bushy grey and red beard, wearing a black robe with a beige vest and seated on the floor with what appears to be a machine gun propped up next to him. It is his first video appearance since he delivered a sermon at the al-Nuri mosque in the Iraqi city of Mosul in 2014. The SITE Intelligence group said al-Baghdadi acknowledged in the video the defeat in the battle for Baghouz, the group’s last stronghold in Syria, and discussed the bombings in Sri Lanka that killed more than 250 people. Qaran News
-
Taliyihii Xabsiga Gar Adag Iyo Taliye Xigeenkii Booliska Degmadaas Oo La Dillay + ” Xaaladii Ugu Danbaysay” Labo Taliye ayaa lagu dilay Degaanka Badweyn Oo U Dhaxeeya Gar Adag Iyo Oog Labadan Taliye Ayaa Ahaa Taliyihii Xabsiga Gar Adag Cabdilaahi Axmed Tallan Iyo Taliye Ku Xigeenkii Saldhiga Booliska Gar Adag . Labadan Taliye Ayaa Ka Yimi dhinaca Degmda Gar Adag Kadib Markii Nin Lagu Magacaabo Cali Ciid Oo Ay Xidheen Xabsiga Ceerigaabo Ku Geeriyooday. Wararka Dhimashada Taliyayaasha Ayaa Sheegaya In La Laayay Iyaga Oo Degaankaas Maraya Galbeedna U Socda . Saraakiisha Ayaa Maydkooda Waxaa Kusoo Baxay Ciidamada Booliska Gobalka Saraar.Saraakiishan Ayaa Kasoo Jeeda Gobalka Awdal Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray kulankii uu habeen hore madaxtooyada Soomaaliya kula yeeshay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen. Sheekh Shariif ayaa qoraal arrintaas ku saabsan oo uu soo dhigay bartiisa facebook, ku sheegay inuu madaxweynaha kala hadlay saddex qodob oo kala ah, xaaladda amniga dalka, xiriirka dowladda iyo maamul goboleedyada, iyo doorashada 2021. Hoos ka aqriso qoraalka Shariif Waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay nagu casuumay kulan qada-sharaf, iyo soo dhaweyn isugu jira oo aan sidoo kalena kaga wada hadalnay marxaladda uu maanta dalku marayo. Waxaan si gaar ah iskula soo qaadnay aniga iyo Madaxweynaha duruufaha amniga ee dalka ka jira iyo sida loo sixi karo, xiriirka sii xumaadey ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada iyo habka ugu wanaagsan ee loo xalin karo iyo xaqiijinta qabsoomidda doorashada 2020/2021 dalka ka dhacaysa. Madaxweynaha oo martiqaadka kulanka noo fidiyay waxaan kaloo la wadaagnay sida ay xisbiga Himilo Qaran la tahay in lagu xalin karo dhammaan tabashooyinka muuqda ee maanta dalka ka jira, wuxuuna naga ballan qaadey in doorashada 2020/2021 dalka ka dhacaysa ay u qaban doonaan si xor ah oo xalaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hogaamiyaha ISIS oo La sheegay in la dilay oo 5 Sanno kadib Muqaal soo duubay Hogaamiyaha Kooxda ISIS / Daacish Abubakar ayaa markii u horraysay muddo 5 sanno wuxuu ka soo muuqday muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada. Hogaamiyahan oo magaciisa rasmiga yahay Ibrahim Awwad Ibrahim Ali al-Badri, Dhalasho ahaana ka soo jeeda Ciraaq ayaa ku goodiyay inay aargoosan doonaan ka gadaal markii laga qabsaday dhammaan dhulkii ay ka haysteen wadamada Ciraaq iyo Suuriya. Al Baqdadi oo aan la arkin muuqiisa ilaa bishii julay ee sanadkii 2014ka ayaa muuqaal 18 daqiiqo ahaa oo laga sii daayay warbaahinta afkooda ku hadasha al-Furqan media network, waxa uu kaga hadlay guuldaradii kooxdiisu kala kulantay degaanka Baghuz oo ahayd goobtii ugu dambaysay ee ay kaga sugnaayeen wadanka Ciraq Sidoo kale wuxuu ka hadlay Qaraxyadii lagu laayayay boqolaal qof ee u dabaaldegayay ciidada Easterka ee Masiixiga ee wadanka Sirilaanka. dagaalo kooxdiisu ka wadaan wadamada Maali iyo Burkiino Faso ee qaarada Afrika Dagaalkii Baghus wuu dhamaaday, laakiin Dagaalo badan ayaa imaan soo socda” ayuu yidhi baqdaadi. Kooxda Daacish ayaa mar ka talin jirtay dhul ballaadhan oo ku yaala wadamada Ciraaq iyo Siiriya ka hore intii aan xoog looga xorayn. Qaran News
-
“Mukulaal kama xajiso madax dooli, Madaxweyne gobal na kama koro qaraabka beesha caalamka”. Beesha Caalamka= International Community= المجتمع الدولى waa magac loo adeegsado midawga iyo is raaca dawladaha, shucuubta iyo golayaasha Qaramada Midoobay ama go’aano loo dhanyahay oo kasoo baxay Jamciyada Quruumaha ka dhaxeysa ama Golaheeda Ammaanka! Lkn Siyaasiyiinta Somaalida ayaa u yaqaan Magac kale sida: markii Siyaasigu uu la kulmo Safiir ka tirsan dawladaha reer galbeedka ama hay’adaha fuliya mashaariicda midawga Yurub! In uu dadka u sheego; waxaan la kulmay Beesha Caalamka? Waxaan ka wada hadlnay Beesha Caalamka? Waxaan ku heshiinay Beesha Caalamka? Waxaan bishaaro ka wadaa Beesha Calamka iwm? Xarunta Beesha Caalamka ee Siyaasiyiinta Somaaliya ayaa aheed 1960 – 1990 Rooma, 1991 – 2016 Addis Absba, kadib na u wareegtay Abu Dhabai iyo Nairobi, lamana qiyaasi karo goorta ay meel kale u guuri-doonto maadama aan nahay bulsho reer guuraa ah? Maalmahaan waxaa la hadal hayey qaar ka mid ah Madaxda Gobalada oo kulamo kula qaatay Beesha Caalamka Nairobi iyaga oo ka ashtakoonaya dawladda federaalka! Xalay ayaan dhageystay Madaxweynha cusub ee Puntland Mudane Saciid Deni war-saxaafadeed uu ku qabtay Garoowe isaga oo ku eedeeyay dawladda federaalka in ay khilaaftay Dastuurka Federaalka, kuna xad gudubtay dawladihii gobalada iyo awood qeybsigii beelaha, loogana yeeray Garoowe si loo xisaabiyo iyo in uu ka qeyb-qaadan-doono xallinta khilaafka Galmudug? Madaxweynaha Puntland waxaan rabaa in aan weydiiyo su’aalo ah aqoon kororsi kaliya oo aan laheyn ujeedooyin kale; 1. Xamar oo aad ku dhalatay kuna barbaartay, ugana mid noqotay dawladda aad magaca iyo maamuuska ku yeelatay oo aad ku gaartay ilaa musharax Madaxweyne! Maxaad safarkaaga uga bilaabi wayday inta aadan Beesha Caalamka u aadin Abu Dhabai iyo Nairobi? 2. Cumrigaaga Madaxweynaha Puntland waa 3 bil jir kaliya kadib caleema-saarkaagii, bil ka mid ah waxaad ku maqneed Beesha Caalamka, laba bil kale waxaad ku mashquul-naneed dhismaha Xukuumada Puntland iyo Safaradii Qardho iyo Boosaaso! Goormee ogaatay khaladaadka Federaalku galay? Kadib markii la isku cafiyey, bog cusub na la furtay caleema-saarkaagii Garoowe, dhamaadkii Janaayo ee sanadkaan! Mise waxaad raacday File-kii uu ka tegay Madaxweyne Gaas? 3. Safiirada US, UK iyo UAE horay ayaad ugula kulantay Garoowe iyo Boosaaso ee macnaha iyo qiimaha ay u sameynayso reer Puntland in aad kula kulanto Abu Dhabai iyo Nairobi maxay tahay? 4. Dastuurka Qabyada Federaalka waxaa Hooyo u ah Puntland, mana jirto Maxkamad kale oo fasirta! Ee maxaad ku fasiri laheed Qodobka ah; “kulamada Beesha Caalamka waxaa leh kaliya Dawladda Federaalka”? 5. Hal-ku dhega ugu badan ee ay adeegsadaan Madaxda Puntland ayaa ah “dawladaha xubnaha ka ah dawkadda federaalka”! Puntland miyaa xubin ka ah federaalka? Mise federaalka ayaa xubin ka ah Puntland? 6. Awood qeybsiga dawladaha xubnaha ka ah federaalka! Qodob Dastuurka Qabyada ah ayaa tilmaamaya in dawladaha xubnaha ama beeluhu si siman u qeybsadaan xubnaha Aqalka Sare! Maxaa lagu fasiri karaa qeybta libaax ee ay qaadatay Puntland? 7. Puntland oo diiday bilawgii dhismihii Galmudug, kuna tilmaantay in ay khilaafsantahy Dastuurka Qabyada, kana yartay laba Gobal! Haddii ay hadda rabto in ay wax ka dhisto! Ma Madaxweyne Xaaf oo waqtigiisii dhamaaday ayey wadataa? Mise cid kale? Mise dhihi karnaa faragelintii ay ku eedeysay federaalka ayey iyaduna wadaa? 8. Haddii Madaxweyna Somaaliland uu rabo in uu dadkiisa aqoonsi uga helo Beesha Caalamka! Adiguna aad rabto in aad toos ugu xirto Puntland Beesha Caalamka! Maxaad ku kala duwantihiin? 9. Shirka aad ku baaqday ee Gobalada iyo Federaalka ee Garoowe 2 da May! Sidee ayaad dhex-dhexaad uga noqonee? Kadib markii aad eedeyn usii horumarisay Federaalka? Dooda su’aalahaan iyo kuwa kale waxa ay fure u yihiin Qaran la wada leeyahay oo ku taagan tiirar adag oo ka duwan kii naga burburay! W/Q: Dr. Maxamed Gacal Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
PRESS RELEASE World Finance Magazine awards Temenos “Best Islamic Banking & Finance Technology Provider” for second consecutive year Temenos’ market-leading software recognized by industry peers for its exceptional offering in Islamic banking DUBAI, United Arab Emirates, April 29, 2019/ — The 2019 Islamic Finance Awards, presented by World Finance Magazine, has announced that Temenos (SIX: TEMN) (www.Temenos.com) has won the ‘Best Islamic Banking & Finance Technology Provider’, for its breakthrough digital front office product, Temenos Infinity, and next generation core banking system, Temenos T24 Transact. For the second consecutive year, Temenos was recognized after demonstrating remarkable contributions to Shari’ah-compliant banking, finance and investing across the region. The World Finance Islamic Finance Awards bring together key players in the Islamic finance industry, and recognize the most successful operators in the field from around the globe. Shari’ah-compliant financial assets are forecasted to reach $3.8trn by 2023, up from $200bn in 2003. As the industry matures, the 2019 World Finance Islamic Finance Awards shine a light on the companies that are pushing its boundaries. The 2019 World Finance Islamic Finance Awards recognize the institutions that are setting the agenda on the international stage. Nominated by World Finance magazine readers and website users, Temenos Infinity and Temenos T24 Transact, Temenos’ pre-integrated, open, digital banking offering, provide exceptional features for Shari’ah compliance. This winning combination brings together the richest packaged functionality with the most innovative cloud-native technology, allowing banks to implement faster and more cost-effectively. Temenos was able to demonstrate outstanding product and service delivery, growth, market presence and governance. These were the main criteria in the evaluation by the judging panel. During the evaluation process, Temenos was commended by the World Finance Awards committee for the remarkable feedback received from subscribers regarding the solution’s flexibility in supporting both fully-fledged Islamic banks, as well as conventional banks with Islamic windows. Temenos’ products were identified as the leading solution for retail, commercial, investment and wealth management banking operations. Shari’ah-compliant features include Murabaha financing, diminishing Musharaka, Qard Hasan, Bai Al Salam, Istisna’a and parallel, and financing Ijara, Tawaruq, Itsisna’a and many other Islamic finance aspects. Jean-Paul Mergeai, Managing Director Temenos Middle East & Africa commented: “Temenos is delighted to once again receive the ‘Best Islamic Banking & Finance Technology Provider’ award from World Finance in recognition of our historical and continuous investment in Islamic finance. For over 20 years, Temenos has been supporting the Islamic finance community with flexible, scalable and innovative Shari’ah compliant solutions that have been specifically designed around the customer journey across any business line. Our close collaboration with Islamic sector has been rewarded with recent signings including Al Rajhi, the world’s largest Islamic bank, and Palestine Islamic Bank, the largest Islamic finance institution in Palestine. We look forward to continuing to empower Islamic banks with open, flexible and agile technology, enabling them to reap the benefits of end-to-end digitalization with Temenos Infinity and Temenos T24 Transact cloud native and cloud agnostic solutions.” Temenos’ winning combination of Temenos Infinity and Temenos T24 Transact not only enhances efficiency with automation and continuous deployment, but also offers differentiated customer service and solutions. Temenos was once again praised by industry peers for its remarkable features, including an Islamic Treasury module, Islamic Portfolio Management platform, Islamic Retail Banking platform, Islamic Product Builder. Distributed by APO Group on behalf of Temenos. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cabdifataax Ismaaciil Daahir oo mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga UPD ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aaddan xaaladda dalka. Ugu horreyn wuxuu ka hadlay sababtii ku kalliftay siyaasiyiin uu isaga ku jiray in ay ku shiraan dalka Kenya, islamarkaana ay halkaasi kasoo dhaleeceeyaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo. Wuxuu sheegay xildhibaanka in sababta ugu weyn ee ay Nairobi ugu shireen ay tahay, kadib markii ay dowladda federaalka culeys ka dhigtay in siyaasiyiinta ku shiraan Muqdisho islamarkaana ay cabiraan dareenkooda. Sidoo kale, xukuumadda ayuu sheegay in marar badan ay hor istaagtay shirar ay qabsan lahaayeen siyaasiyiin iyo sidoo kale xisbiyo, taasi bedelkeedana ay doorbideen iney ku shiraan dalka dibaddiisa. Dhanka kale, xildhibaan Cabdifataax ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag una baahan in laga samatabixiyo. Halkaan hoose ka daawo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Malayshiya beeleed hubaysan ayaaa shalay galab tuulada Gobab-maxan oo hoostimaada degmada Yagoori ee gobolka Sool ku dilay taliyaal ka tirsana ciidamada Booliiska iyo Asluubta ee Somaliland. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu xaqiijiyay in halkaasi la dilay taliyihii xabsiga degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag Gaashaanle Cabdullaahi Axmed Tallan iyo taliye xigeenkii saldhiga Booliiska degmada gar-adag 2Xiddigle Nuur Awcali Nuux. Muuse Biixi ayaa laamaha amniga Somaliland ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan kuwii ka dambeeyay dilka saraakiisha waxaana uu sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo fal noocaasi lamida ku kacda. Saraakiisha la dilay ayaa la sheegay in ay ka soo carareen gobolka Sanaag kadib markii lagu eedeeyay dilka nin ganacsade ah oo lagu dhex sumeeyay xabsiga degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi. Balse malayshiya-beeleed la hayb ah ganacsadaha la sumeeyay ayaa weerar jid-gooyo ah ku dilay xilli ay marayeen tuulada Gobab-maxan ee gobolka Sool. Dilka taliyaasha ayaa ku soo beegmayaa xilli maalin ka hor degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag lagu dilay laba qof oo shacab ah kuwaasi oo la sheegay in aano-qabiil loo dilay. PUNTLAND POST The post Taliyaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo lagu dilay gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah Aqoonyahanada caanka ka ah geyiga Soomaalida, ayaa maanta mar uu ka hadlayey kulan doodeed ay yeeshen dhalinyarada magaalada Berbera, wuxuu dhaliilo ujeediyey dowlada Somaliland. Prof Samatar ayaa dowladda Somaliland ku dhaliilay inay tahli kari weyday inay hal Saaxiiba ay ku yeelato wadamada caalamka. “28-kii sannadood wixii aynu is lahayn waxbaad isku daydeen aanay faa’iido keenin, waddan qudha oo Maanta ina aqoonsan oo aynu Saaxiib la nahay ma jiro, markaa in la iswaydiiyo sow maaha” ayuu yiri Prof Samatar. Dhinaca kale, Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa waxa la waydiiyey waxa uu ku kordhin karo siyaasadda Arrimaha dibedda Somaliland, haddii loo dhiibo xilka Wasaaraddaasi, wuxuuna yiri: “Anigu Somaliland umaan imanin, doorashadana ugama qayb-gelin inaan Wasiir noqdo, laakiin hadday timaaddo oo aan ogolaado, waxaan rabaa inaan ku guulaysto, ma doonayo inaan Xafiis iska fadhiyo la i yidhaahdo ‘Wasiir Samatar’, laakiin waxaan doonayaa inaan shaqadaa ku guulaysto oo aan iska dhameeyo, dabadeedna aan noloshayda iyo shaqadayda ku noqdo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa Anigu Shuruudo ayaan wataan haddii la igu yidhaahdo shaqada Arrimaha dibedda qabo, Nin Wasiirnimo doonaya ma ihi, laakiin haddii la yidhaahdo Waddankii baa kuu baahan waa Caadi, markaa Aniguna Shuruudo ayaan wataa si aan shaqadaa uga adkaado, markaa Madaxda Somaliland waxaan leeyahay Shuruudahayga ma ka soo baxaysaan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Hanti dhowrka guud ee Somaliland ayaa baaris Musuq-maasuq ka bilaabay Xafiisyada Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland. Wasaaradan uu Hanti dhowrku ka bilaabay baarista ayaa kamida Wasaaradaha ugu muhiimsan ee Somaliland. Hanti dhowrka guud, baaristan uu ka bilaabay Wasaarada ayaa si gaar ah waxa uu xooga u saaray Xafiiska maamulka iyo lacagaha ee wasaarada, kaasi oo ay ka qaaten dukumantiyo ku saabsan nidaamka maaliyadeed ee wasaarada u degsan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen shaqaale kamid ah Wasaarada. Xafiisyada kale ee Hanti dhowrka guud uu ka bilaabay baarista ayaa waxa kamida Xafiiska maamulka iyo lacagta ee waaxda tacliinta sare, isagoona dabagal ku haya xafiisyada wasiirka iyo agaasimaha guud, kuwaas oo leh Saxiixyada ay intooda badan ku baxaan qarashaadka Wasaaradu. Qaar kamid Bulshada reer Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore ugu baaqay Hanti dhowrka guud inuu baaris ku sameeyo Wasaarada waxbarashada, kuwaasi oo ku tilmaamay inuu Hay’addan ka jiro Musuq baahsan. Si Kastaba, Musuq-maasuqan ay ku kaceen Mas’uuliyiinta ugu sareysa Wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa saameyn weyn ku yeelanaya hanaanka waxbarasho ee dalka, marka laga imaado saameynta uu ku yeelan karo shaqaalaha wasaarada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
At least 17 people have died in communal violence triggered by a personal dispute in western Ethiopia, a report said Monday. The AMMA news agency said there were clashes Saturday and Sunday pitting the Gumuz ethnic group against the Amhara, the second largest in the country, in Benishangul Gumuz state. The director of communications, Asmahegn Asres, in neighbouring Amhara state, told AMMA that 11 Amhara and six Gumuz people were killed in the clashes and the toll could mount. The death toll could rise even further as there is a search mission underway to find missing bodies, with federal police and army units deployed in the area to prevent a recurrence of the violence,” the director was quoted as saying. “Around 25 houses have been burned in the ethnic violence which started as a personal dispute between two daily labourers,” he added. Communal clashes, typically sparked by disputes over land, are common in Ethiopia where a fast growing population has added to pressures on farmers in a country of sharp ethnic divisions. AFP Qaran News
-
Hoggaamiyaha ururka Daacish Abu Bakr al-Baghdadi ayaa shalay ka soo muuqday cajal Video ah kadib mudda 5 sano ah oo aan la arkin. Cajalka oo lagu baahiyay bogga loo yaqaan al-Furqaan ee ururka Daacish ayaa cinwaan looga dhigay” amiirka mu’miniinta” waxaana laga arkayaa al-Baghdadi oo aan weji daboolneyn balse ay la fadhiyaan xubno kale oo wejiyadooda qariyay. Muuqaalka oo soconaya mudda 18 daqiiqo ah ayaa al-Baghdadi ku hanjabayaa in loo aar-gudi doono xubno muhiim ah oo ururkiisa looga dilay dagaallada dalka Suuriya iyo kuwa kale oo sida uu sheegay la qafaashay. Wuxuu sheegay in ururkiisu ay 92 weerar ka fuliyeen 8 dal oo ku yaalla caalamka isagoo ku hanjabay in ay sii xoojinayaan weerarrada ka dhanka ah waxa uu ku tilmaamay “Cadowga Alle”. Al-Baghdadi ayaa weerarradii ka dhacay dalalka Sri Lanka iyo Saudi Arabia ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwa loogu aar-gudayo xubno muhiim ah oo laga dilay ururkiisa isagoo xusay in dagaalku yahay mid dheer “ dagaalka Islaamka iyo dadkiisu kula jiraan Kirishtanka iyo dadkiisa waa mid dheer” ayuu yiri. Cajalka uu soo duubay hoggaamiyahan 47 jirka ah oo Maraykanku madaxiisa ku raadinayo $25 malyan oo Dollar ayaa beeninaya warar u hore u soo baxay oo lagu sheegay in uu ku dhintay duqeymaha diyaaradaha Maraykanka. Dhinaca kale waxaa muuqaalkiisa ka carootay dowladda Maraykanka oo mar kale ku celisay in Daacish ay ku beegsan doonto meel kasta oo dunida kamid ah islamarkaana ay cadaaladda horkeeni doonta hoggaamiyihiisa al-Baghdadi. Muuqaalkan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee wejigiisa si furan loo arko ee laga soo duubay al-Baghdadi tan iyo 29 June 2014 xilligaasi oo muuqaal laga soo duubay uu dalka Iraq kaga dhawaaqay ururka Daacish isagoo isku magacaabay Imiirkii Mu’miniinta. PUNTLAND POST The post Al-Baghdadi: Dagaalka Islaamka iyo dadkiisu kula jiraan Kirishtanka iyo dadkiisa waa mid dheer appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka dhageyso Barnaamijka Qubanaha Warka Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-29042019-ss.mp3 View the full article
-
Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland government plans to award the importation of fuel and fuel products to Trifagura Pte. a Swiss based commodity and energy giant. According to reliable sources within the administration of President Muse Bihi Abdi, the Commerce, Industry and Trade minister, Mohamud Hassan Sa’ad, ” Sajan” a close confident of the president, a former comrade in arms and a relative, has managed to secure the new contract for the Swiss giant, whose annual turnover is over $58 Billion US. The minister recently critiqued the quality of fuel and fuel products being imported in to Somaliland by the several indigenous companies that currently hold the contracts. Our source confirm that the minister, who has been active in seeking deals across the globe, including a recent visit to Malaysia to strike a livestock deal, as well as, the proposed jointly owned Somaliland-United Arab Emirates livestock agency, has received the blessings of the presidency to go ahead with deal, which also includes the usual sub-contractors with strong ties to the administration. The current Somaliland companies who hold the fuel contract are, naturally, unimpressed with these new developments. It was only eight years ago that the previous administration of Ahmed Mohamed Mohamud ” Silaanyo” cancelled the long standing deal with Total France in order to encourage local economic development. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa sii xoogeystay dagaalka lagu hayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ayada oo saacadihii la soo dhaafa baraha bulshada lagu faafiyey warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu aqbalay codsi ahaa in la bedelo ra’iisul wasaaraha. Warkaan ayaa waxaa sidoo kale baahisay idaacadaha Kulmiye ee Muqdisho, waxayna sheegtay inay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow madaxtooyada ay kasoo xigatay inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu aqbalay in la bedelo Kheyre. Waxaa warka lagu sheegay inuu Farmaajo aqbalay badalitaanka Kheyre si loo dhiso xukuumad cusub, waxaana warku intaas ku daray in arrintan ay ka dambeysay shirar uu madaxweynaha la yeeshay siyaasiyiin mucaarad ah iyo madaxda maamul goboleedyada. Hayeeshee Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa wararkaas waxa uu ku tilmaamey kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin. “Warkani sal iyo raad malaha, waxaana looga fadhiyaa Idaacadi baahisey inay shacabka ka raalli geliyaan been abuurkan baalka marsan dhaqanka suubban iyo hufnaanta xogaha bulshada lala wadaagayo” yuu yiri Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada. Sidoo kale Caasimadda Online oo xiriir la sameysay Xafiisyada Madaxweynaha iyo midka Ra’isul wasaaraha ayaa ogaatay in arrintan ay gebi ahan tahay been abuur iyo arrin aan lasoo hadal qaadin. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre u magacaabey xilkaas waxa uu sheegay in ay afarta sano isla dhameysan doonaan, iyada oo laba sano oo ka mid ah ay khilaaf la’aan wadashaqeeyeen. Sharci ahaan madaxweynaha ayaan awood u lahayn inuu beddelo Ra’siial wasaare kalsooni ka helay baarlamaanka, waxaana kaliya lagu bedeli karaa inuu kalsoonida kala noqdo baarlamaanka, markii mooshin laga keeno ama uu isagu iskiis isu casilo iyo in xaalad uu gudan waayo xilka ay ku timaado, taasoo aan hadda muuqan ama suuragal ahayn xilligan. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in ololahan ka dhanka ah Kheyre oo dhowr bil socday ay horboodayaan siyaasiyiin iyo ganacsato ay isku heyb yihiin madaxweynaha oo aan la dhacsaneyn awoodda shaqo ee badan ee uu Farmoojo siiyay Ra’iisul Wasaarihiisa, marka ay timaado maamulka hay’adaha dowladda. Siyaasiyiintan iyo ganacsatadan ayaa u arka, maadaama ay madaxweynaha ku beel yihiin, in ay xaq u leeyihiin helidda qandaraasyada waa weyn ee dowladda ay bixiso, taasi oo ra’iisul wasaaraha aanu ku raacsaneyn, islamarkaana uu doonayo in loo maro nidaam sharci ah. Waxaa sidoo kale jirta in siyaasiyiinta, ganacsatada iyo xildhibaanada ku beesha ah madaxweynaha ay mar horeba heleen dhowr qandaraas oo qaarkood ay siiyeen wasiiro, hase yeeshee ay doonayaan wax kasii badan, ayaga oo ka carreysan amar kasoo baxay ra’iisul wasaaraha. Ra’iisul wasaaraha ayaa bishii Febraayo soo saaray wareegto uu ku sheegay in aysan jirin hay’ad ama wasaarad iskeed qandaraas u bixin karta iyada oo aan la soo marin golaha wasiirrada iyo hay’adaha ay khuseyso. Wareegtadan ayaa ahayd dhammaadka rajo ay ganacsatada iyo siyaasiyiinta madaxweynaha la heybta ah ay ka qabeen in Khayre lagu qanciyo. Ololaha xil ka qaadista ama bedelaadda Kheyre, ayaa maalmihii dhowaa aad uga socday baraha bulshada, hase yeeshee maadaama shacabka aysan inta badan rumeysan wararka baraha bulshada illaa ay ka xaqiijiso warbaahin magac leh, ayaa dadka wada ololahan ay isku dayeen inay warkan marsadaan idaacadaha ama website-yada caanka ah, si qal-qal siyaasadeed loo abuuro. Sida aan xogta ku helnay, idaacadda Kulmiye ayaa waxaa qiyaanay oo warka siiyey dad magac leh oo la isku haleyn karo kuwaas oo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah Kheyre, markii ay gadmi weysay beenta baraha bulshada. Waxaa yaab leh oo la is-weydiinayaa waxa kasoo galayaa dadkan inay dhowr bil ku hayaan “waxaa is-casilaya ama la beddelayaa Kheyre” haddiiba aysan awood u lahayn inay madaxweynaha saameeyaan ama mooshin ka abaabulaan Kheyre. Caaismada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka aanu ka helayno Gobolka Sanaag ayaa sheegay in deegaanka Gar-Adag lagu dilay Labo Taliye oo katirsan degmadaasi. Labadan Taliye ee la dilay ayaa kala ahaa Taliyihii Xabsiga Gar-Adag iyo Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska degmada. Sida ay Caasimada Online ku helayso wararka, Labadan Taliye ayaa waxa maalmihii u dambeeyay soo wajahday cabsi, kuwaasi oo dhuumasho kaga baxayey Magaalada Gar-Adag intii aan la dilin. Dilkan Taliyayaasha ayaa wuxuu daba socday kadib markii uu shalay xabsiga Ceerigaabo ku dhex dhintay Maxbuus lagu soo qabtay maan-dooriyaha Khamriga. Wararka kale aan helayno ayaa sheegaya in labadan taliye ay dilkooda ka dambeeyen Koox Meelishiyaad beeleed ah, kuwaasi oo ka soo jeeda reerka uu ka dhashay Maxbuuskii shalay ku geeryooday xabsiga Ceerigaabo. Labadan Taliye ayaa kasoo jeeda gobolada galbeedka Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal, iyada oo labadooduba ay yihiin Habar Cafaan. Taliyihii Xabsiga Gar-Adag, waxa uu kasoo jeeda beesha Xeeb-jire, Halka Taliye ku xigeenkii Rugta Booliska uu isagna kasoo jeedo beesha Reer-Xaamud. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Erigavo,( Qaran news)-Two Somaliland Police Officer were killed by unknown assailants whilst on duty in Sanaag. The two officers, the head of the Garadag Police detention center and the the deputy commander of the Garadag Police station were according to reports leaving the town after demonstrations pertaining to the death of prisoner who died in whilst in detention yesterday at Erigavo jail. Reports are sketchy at the present time, and it would appear that the officers were ambushed by an arm militia related to the prisoner who died in custody in Erigavo. Qarannews will report on any further information on the situation. As of yet, there has been no official comment from the Somaliland Police Force. Qarannews offers it’s sincerest condolences to the people of Somaliland, the families and the relatives of the murdered police officers. Qaran News
-
Wixii aad naftaad la jecel tahey wallaal kaana la jeclow sidaas baa lagu heli kara mujtamac caafimaad qaba . Sidaas beynu ku noqon Kartaa somaaliland isku duubaan oo mideysan . Waa in horumarka dagaaneed ay si iskumid isula jaan qaadaan oo la isa soo gaadh siiyo kuwa duruufa colaadduhu ama duruufa kale ee ale keeney dib u dhigeen . Somaaliland waa in laga ilaashaa waxa kasta oo kala irdheyn iyo kala fogaansho abuuraya . Waxa jira tabashooyin somaaliland dhex taala ama dhibaatooyin soomarey, cidna gar siin maayo cidna dusha u saarimaayo . wixii inaga xumaadey horeysa iyo danbeyso waa waxa laga xumaado . wixii dhibaato ka dhex dhacey reer somaliland waxa ay ahaayeen waxa qadar keenay dabcane ale keeney hadana meel kale laga soo abaabuley . Dadka dariska wadaaga way isku dhacdaan meel kasta ba dunida ha ka joogeene somalilandna kuwa waa kamid . laakiinse waxa baa jira aynu kaga duwa nahey xitaa somaaliyadaas aynu jaarkanhey waa kuwaa 30 sano is dilaya ee xal loo waayey .Somaaliland haddii ay dhibaato kadhacdo markiiba waa loo gurmadaa oo waa la damiyaa . Waxa jira siyaasiyiin kala fagaansho abbuura oo kicin , durid iyo xaalad abbuur farsameysan dhex dhigayaan somaliland . Waxa jira maamul xumo sinaan la’aan cadaalad daro laakiin maaha waxa laga wada tashadey oo beelo isla qaateen ee waa waxa u gaar ah kolba cida maamulka heysa . waxa dhinca kale jira tabasho aan xaqiida ku saleysneyn oo ku saabsan saaami qeybsiga gobolada kaasoo gobalada qaar ka cabanayaan , waxaase jira in gobolo qaar ugu saami qeybsi badani hadanaugu qeylo badan yihiin halka kuwa ugu duruuta adigi iska ammusanyihiin . Waxa fiican in si cadaalada ha waxa loo qeybiyo laakiinse waa marka daraasad lagu sameeyo ee la ogaado duruufahooda wakhiguna inoo saamaxaan . iyo gabgabadii somaaliland uma baahna dad Tvga u dacwadooda , ka bilaaba saami baa naga maqan iyaga oo aan hubsan in waxa dheeraad ihi lascodaa iyo in waxa ka maqanyihiin . waxa fiican in la gaadho marka duruufuhu inno saamaxaan saami qeybsiga . Waxa kale oo somaaliland dhib ku haya siyaasiyiin marba shaadh soo gashanaya oo qabiil soo hurinaya oo irbad naxali ah sita oo kolba cid ku duraya . Somaaliland uma baahna cid ukala abtirisa ee waxa ay u baahantahey cid waxa u qabata oo isku heysa dhamaan . Waxa kale oo aynu u baahantahey maamul si xaq iyo cadaalad ah ku yimaada si cadaalad ahna waxa inoogu qeybiya . Cabdi Xasan (Cabdi Sulux) Source
-
Popular Contributors