Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,332
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la sheegay in uu ku gacan-saydhay qorshe ay ula tageen xisbiyada Kulmiye iyo UCID oo maalmihii u dambeeyay waday dadaallo wada jir ah oo ay dabada kaga riixayaan qabsoomidda doorashada Golaha Wakiillada ee dhammaadka sanadkan oo warwar weyn laga qabo in ay wakhtigoodii ku qabsoomaan. Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa Axaddii kulan la qaatay shir-guddoonka Golaha Wakiillada kaas oo nuxurkiisu ahaa sidii Goluhu u dardar gelin lahaa ansixinta xeerarka khuseeya doorashooyinka ee hor yaalla. Waxa kulankaasi ka horeeyay kulamo labada xisbi la yeesheen Komishanka oo ku aaddana qodobo ay labada xisbi ku heshiiyeen. Ma Jiro war rasmi ah oo ay labada dhinac ka soo saareen waxa ka soo baxay kulankii Axaddii laakiin, warar xogogaal ah oo wargeyska Waaberi ka helay kulanka ayaa sheegaya in Shir-guddoonka Wakiilladu u sheegay masuuliyiinta ka socday Kulmiye iyo UCID in xeerarka doorashada khuseeya ee Golaha hor yaalla u xanniban yihiin xal u helidda Saami Qaybsiga kuraasta wakiillada. Shir-guddoonka ayaa la sheegay in ay labada xisbi u sheegeen in marka hore xal laga gaadho saami qaybsiga kuraasta wakiillada oo ah caqabad weyn oo doorashada hor taalla. Geesta kale waxa la sheegay in kulamo ay labada xisbi la qaateen Komishanka doorashooyinka loogu sheegay in aanay xukuumadda iyo Beesha Caalamku bixin dhaqaalihii looga baahna ee doorashada iyo abaabulkeeda ku baxayay. Dadka siyaasadda Odorosa ayaa u arka in dadaallada Kulmiye iyo UCID iskood u bilaabeen yihiin culays weyn oo xukuumadda kaga yimid dalalka doorashooyinka ka taageera Somaliland oo madaxweynaha u muujiyay digniin weyn oo ah in ay faraha kala baxayaan Somaliland haddii doorashadu dib u dhacdo. Xisbiga WADDANI ayaa isagu ku eedeeyay labada xisbi in aanay marnaba ka hadal waxa laga yeelayo caqabadaha tirada badan ee hor yaalla doorashooyinka. Xisbiyada waxa kala irdheeyay khilaaf 13 bilood soo jiitamayay oo ubucdiisu tahay in la kala diro Komishanka iyada oo caqabada labaad tahay in xal loo helo saami qaybsiga kuraasta wakiillada. Guddoomiyaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo ku xigeenkiisa 1-aad Axmed-yaasiin Sh Cali Ayaanle oo ka soo kala jeeda gobollada Awdal iyo Sool ayaa ka mid ah dadka sida weyn u danaynaya in la helo saami kuraasta wakiillada ah oo lagu wada qanacsan yahay. Gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland ayaa ah kuwa tabashada ugu weyn ka qaba kuraasta wakiillada. Ugu Dambeyn kulan hoggaanka xisbiga WADDANI yeeshay Axaddii ayaan laga soo saarin wax war ah laakiin, waxa la sheegay in kulanka uu hadheeyay werwer xisbigu ka qabo qaabka xukuumadda iyo labada xisbi u wadaan arrimaha doorashooyinka waxaana la filaya in maanta uu guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi saxaafadda u bandhigo mawqifka xisbiga ee arrimaha socday maalmihii u dambeeyay ee ku saabsan doorashooyinka. Source
  2. Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay mudda saddex bilood ah xaalad deg deg ah ku soo rogtay degmooyinka Ceel-afweyn, Gar-adag iyo Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud warsame Jaamac ayaa sheegay in xaalad deg deg ah madaxweynaha Somaliland ku soo rogay degmooyinkaasi kadib markii falal amni-darro ah ay ku soo noq-noqdeen maalmihii u dambeeyay. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada kala duwan ee Somaliland lagu amray in ay qaadin karaan tallaabo kasta oo lagu sugayo amniga magaalooyinka xaaladda deg dega lagu soo rogay. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Somaliland oo ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo amni mudda saddex bilood ah appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (SMN) – Kadib shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen odayaasha, culuma’udiinka, dhalinyarada iyo haweenka Beel Weynta Shiiqaal Jaziira iyo Beelaha Banaadiriga ayaa waxaa ay si isku mid ah uga dhiidhiyeen dhul boob ka socda deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho. Suldaan Nuur Xaaji, Nabadoon Maxamed Weli, Ugaas Axmadey iyo Suldaan Bin Cali oo si wadajir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay boob lagu hayo dhul ay ku leeyihiin deegaankaasi. Sidoo kale waxa ay uga digeen cid kasta oo ku howlan dhulka deegaanka Jasiira in aysan meel cidlo ah ku bixin Lacagtooda, maadaa dhulkaasi ay leedahahay Beel Weynta Shiiqaal Jaziira. Dhinaca kale Nabadoon Maxamed Weli ayaa Warbaahinta u akhriyay, go’anno ka soo baxay hoggaanka Beesha Shiiqaal. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/War-Cabdiqani-Dhulka.mp3 View the full article
  4. Doha (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo hadal ka jeedinayay shir uu soo qaban qaabiyay Machad ka faalooda arrimaha Diblumaasiyada oo hoostaga dowladda Qatar, kaas oo ciwaan looga dhigay “Geeska Africa” ayaa daboolka ka qaaday in Soomaaliya khilaafka ka dhex aloolsan wadamada Khaliijka ay ka qaadatay go’aan dhex dhexaad ah, islamarkaana weli ay huwantahay go’aankeedii shalay. Sidoo kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in go’aankaasi uu saameyn ba’an ku yeeshay, si kasta oo ay ahaatana aysan ka noqon doonin go’aankooda. “Waxaan rabnaa in aan u madax banaano go’aankeena iuo dhulkeena”sidaas waxa yiri Wasiir Cawad. Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa la sheegay in Soomaaliya ay ku cadaadinayaan sidii ay xiriirka ugu jari laheyd dowladda Qatar, hayeeshee waxaa go’aankaas ka biyo diiday Soomaaliya. View the full article
  5. Kismayo waa magaalo nabadgalayo dhammaystiran ay ka jirto, nabadda ka jirta ma ah mid dabiica ah oo dhaqan soo jireen ah ku samaystan ee waa mid karti iyo dedaal hoggaamineed ku samaysantay. Kismaayo marka laga tago tirada dadka deggan oo ka yar kuwa ku nool Moqdisho, haddana waxay kala mid tahay in ay Soomaali oo dhan ay daggantahay (Qabaailka) Waxaa ka jira ammaan aysan suurta gal u ahayn Alshabab oo inta badan 3 gobol ee Jubbaland haysta in ay qarax iyo dil ka sameeyaan. Sidoo kale, waxaa ka jira amni ka baxsan dhaqan malaashiyaad ku kici kara faldanbiyeed ka dhan ah bulshada magaalada. Awoodda amniga iyo qoriga hal gacan ayay ku jirtaa; waana gacanta maamulka jubbaland. Waxaan ku soo arkay askar dishbliin ka fiican kuwa badan oo aan arkey, ka duwan qaab labiska iyo muuqaalka; Ka duwan qaab dhaqameedka iyo howlgalidda. Ka duwan sida checkpoints wax loogu baaro. Hadalkii oo kooban waa magaalo hoggaanka Jubbland uu ku guulaystay in uu si sax ah u xasiliyo. Waxaad ogaata in uu amnigu qaali yahay, ninkii magaalo amni kadhigana uu mudan yahay ugu yaraan in loo qiro xitaa haddii la kala ra’yi duwanyahay. Arimaha siyaasadda Arimaha siyaasadda waxaa oday Ka ah M. Ahmed Madobe iyo dhowr qof oo kale. Waxayna kala yihiin: Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Warsme Darwish, wasiirka waxbarashada Macalin Maxamuud, wasiirka maaliyadda Cabdirashid Jire Qaline, wasiirka amniga Abdirashid Janan. Marka laga tago in uu Axmed yahay nin howlkarnimo, geesino iyo aftahanimo isku darsaday haddana ma leh hoggaamin siyaasadeed oo dhaafsiisan in uu awoodda gacanta ku haysto. Fahan fiican kama haysto sidii maamulka dowladda loo daadjin lahaa, sidii ganacsiga loogu sahli lahaa in uu bulaalo, sidii dadka loogu fasaxi lahaa in ay doodo siyaaasadeed, bulsho, iyo xisbiyo samaystaan. Sidoo kale, waxaa maqan dhaqanka muhiimka u ah hanaanka dowladda oo ah in la helo awoodda howl fulinta,barlamaanka iyo garsoorka oo kala madax banaan. Arinta ah in dhammaan shayga ugu yar iyo kan ugu weyn Axmed loo hoostago waxay khatar ku tahay samaysanka hay’ado aan shaqsi ku xirnayn ee si madaxbanaan shacabka ugu adeega. Haddii maanta uu Axmed meesha ka baxo, waxay u badantahay in ay magaaladu ama Jubbalandba ay fowdo ama jaha wareer galikarto maxaa yeelay ma jiraan nidaam diyaarsan oo ay tahay in uu shaqada sii wado. Maamulka halka qof ku dhisan caadi ahaan wuxuu la baxaa qofka. Sidaas darteed, waa in laga fikiraa sidoo loo samayn lahaa hay’ado shaqeeya oo aan qof ku xirnayn. Caddaaladda bulsho Markii aan garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ka dagay waxaa gudaha ku jiray dhowr tagsi, nasiib darro way iga buuxsmeen. Waxaa la ii sheegay In ay banaanka taaganyihiin tagaasii kale. Markii aan boorasdii soo jiitay ee aan banaanka imid waxaan ugu imid kuwa badan oo baakin ku jira. Mid ka mid ah tagaasiilaydii banaanka taagnayd ayaan wiidiiyay: maxaad gudaha u soo gali waysay? Wuxuu iigu jawaabay naloomo ogolo Haye maxay ahaayeen 3 tagsi ee gudaha ku jirtay? Waxaa iska leh askar! Arintaas maad ka dhiidhisaan? Saas ayaan kula tala jirnaa, laakiin waxaa laga yaabaa in ay nooga darto! Arin taas la mid ah waxaa ii sheegay nin aan saaxiib nahay oo magaalada Moqdishu dagan; waa nin aan run ku aqaano, laguna kal soonaan karo. Wuxuu igu yiri dhul ayaan xeebta Kismaayo ka iibsaday ilaa $50,000 iigu kacay, dhulkaas waxaan rabay in aan mustqabalka hoteel weyn ka dhiso. Nasiib darro, wuxuu yiri dhulkii waxaa ku habsday askar ka tirsan Jubbland oo yiri wax ka jira lama arko waxaad iibsatay ee hadda dib nooga laba iibso. Wuxuu yiri maamulka sare ayaan arintaas ugu dacwooday ilaa haddana waxba kama hagaagin. Arinta sedaxaad waxay tahay shaqooyinka dowladda iyo fursadaha kale ee soo baxa looma sino. Dad aan la sheekaystay oo magaalada degan waxay ii sheegeen in shaqooyinka wasaaradaha iyo fursadaha kale ee maamul ahaan u soo baxa ay go’aan ka gaaraan maamulka saare. Inta badan waxaa fursadahaas hela dadka ay isku haybta yihiin maamulka sare ee Jubbaland. Arintaas waxay dhaawac ku tahay caddaaladda ijtimaaciga oo ay tahay in la ilaaliyo. Taas macnaheedo kama dhigno in caddaaladda bulsho ay eber tahay. Saad la socotaan 7 askri oo laba nin oo ganacsata ah dishay ayaa loo dilay. Arintaas waxay ku tusaysaa in dareen ah in la ilaaliyo caddaaladda uu ku jiro maamulka, laakiin waan in la saxaa qaybta khaldan. Qaabka kali ah ee loo sixi karo waa in la helaa nidaam maamul iyo caddaladeed oo ka madax banaan shaqsi amarkiis ama go’aankiis. Ciidamada ajaanibta Magaalada waxaa ku sugan labo ciidan oo kala ah Itoobiyaan iyo kenyaan. Labada ciidan waxay si toos ula shaqeeyaan dowladda goboleedka jubbaland. Sida la ii sheegay wax xiriir ah lama leh dowladda federaalka ee Soomaaliya. Gababgabo, Axmed madoobe waxaa laga rabaa in uu fahmo muhimadda ay leedahay in salka loo aaso nidaam asaga la’aantii shaqayn kara oo dadka reer jubbland iyo soomaaliba ka faa’iidi karaan. Arintaas waxay suurtagal ku tahay in uu fahmo in arimaha maamulka iyo caddaaladda in la daadjin karo, loona dhiibi karo dad karti iyo aqoon u leh arimahaas dareen akhlaaqiyeed iyo mid bulshana uu ku jiro. Sidoo kale, waxaa laga rabaa in uu ogolaado in dhadhaqaaq siyaasadeed, saxaafadeed, iyo bulshaba dadku samaysan karaan ayaga oo aan cidna ka baqaynin sharciga mooyiin. Aniga oo caddaalad u hadlya waxaan ogahay in uu Axmed Madoobe ka karti badanyahay dhammaan musharaxiinta maanta rabta in ay jubbland madax ka noqdaan laakiin taas macnaheedo ma ah in raali laga ahaan karo qalafsanaan ah ama aniga ama horay u sii soco. Ahmed Abdihadi, Freelance Journalist and Political analyst Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan Si, Goobjoog News u soo daabacdo qoraalkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-Weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, meel ay joogaanba. Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyo sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dhabar adaygaan duruufaha nololeed ee kala duwan ee ay ku shaqeeyaan. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, xuskan xuskiisana ku gaadhsiiyo nabadqab, horumar iyo badhaadhe, waxaanu kula dardaarmay madaxweynuhu inay joogteeyaan saacadaha shaqada si waddaniyad iyo xilkasnimo ku dheehan tahayna u gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran hawlaha shaqo ah ee ay qaranka u hayaan. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Mas’uuliyiinta Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa ka hadlay Saraakiisha Somaliland ee Lagu Dilay Bariga Dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad degdeg ah kusoo rogay magaalooyinka; Ceerigaabo, Ceel-afwayn iyo Gar-adag, muddo saddex bilood ah. Muddadaasi ayaa waxaa halkaas ka shaqeyn doona amarka ciidamada oo kaliya, waxaana lagu waramayaa arrimo amni darteed. Degaannadaasi ayaa waxaa dhawr jeer oo hore ka dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal kala duwan, iyadoo kii ugu dambeeyay lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg-deg ah ku soo rogay qaybo ka mid ah gobolka Sanaag sida Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-Afweyn sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Afhayeenka madaxtooyadu. Xaaladda degdega oo socon doona muddo saddex bilood ayaa lagu soo rogay magaalada Ceerigaabo, Ceel Afweyn iyo Gar Adag. Wararka ayaa sheegaya in mudada ay xaalada degdega ku jirto deegaanadaas uu ka socon doono kaliya amarka Ciidamada. Tilaabaddan ayaa timid kadib markii maalintii shalay lama sarkaal oo ciidamada Somaliland ah oo ka hawl gali jiray Gar-adag lagu dilay degaanka Gobab maxan ee degmada Yagoori. Banaan baxyo rabshado watay ayaa shalay ka dhacay deegaanka Gar Adag, waxaana banaan baxaas uu ka dhashay markii nin maxbuus ahaa uu ku dhintay Xabsiga. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda-dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cabdilaahi Cabdi Koor oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 30/04/2019, shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Bohol ee gobolka Sanaag. Madaxweynuhu waxa uu ku sifeeyey marxuumka oday dhaqameed ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadaynta iyo dib u dhiska dalka, mudooyinkii u danbeeyeyna waxa uu ka mid ahaa ergadii madaxda dhaqanka ka koobnaa ee daminta colaadii u joogay deegaanka ceel-afweyn. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Madaxda-dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  11. Kenyan officials on Monday pledged stern action against members of the public lending support to terrorists along the volatile border with Somalia. Mohamed Birik, the northeastern regional commissioner, said that individuals or groups providing material or logistical support to Somalia-based al-Shabab militants will face the full force of the law. Birik revealed that security officers who were on a recent patrol mission in the expansive Boni forest stumbled upon 20 jerrycans stuffed with food that was buried underground. The government official said enhanced patrols inside the al-Shabab hideout of Boni forest that straddles Kenya and Somalia, revealed that members of the local community accomplished in terror attacks. “Our officers upon thorough inspection found that the jerrycans that were buried more than five feats underground were neatly packed with rice, sugar, beans and cooking oil,” Birik told reporters in Garissa. “This latest incident has confirmed our fears that we have in our midst local people who are aiding terror activities. I would like to issue a stern warning to the collaborators that they will be severely punished once they are identified,” said Birik. He urged members of the public to be on the high alert and report any suspicious characters in their midst. “I want to urge the public to be wary of the militants who want to gain entry into the country through the border during this rainy season,” said Birik. The official challenged local administrator like chiefs and their assistants to intensify vigilance and ensure that suspected terrorists and their sympathizers are apprehended. “The chiefs and their assistants are the eyes of the government on the ground. They are expected to know what is happening especially matters to do with security,” said Birik. Heavily armed militants who can walk a long distance on foot during the rainy season always take advantage of the poor infrastructure that undermines patrols along the Kenya-Somalia border. The government has since last year been recruiting police reservists to boost patrols in the terror hotspots. View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa Midowga Yurub kala wareegay Gaadiid loogu tala galaya Dabdamiska degmooyinka Hodan iyo Wadajir. Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda. Isagoo sheegay in Gaadiidkan ay kala wareegeen Midowga Yurub ka howlgeli doono degmooyinka Hodan iyo Wadajir oo laga hirgeliyey xarumaha gurmadka deg-degga ah. Eng. Yarisow ayaa xusay in gaadiidkani ay ka kooban yihiin booyaha biyaha qaada iyo gaadiidka dab-damiska oo ah mid casri ah, waxuna tilmaamay in maamulkiisu uu mudnaan dhow siinayo sidii adeegyada dabdamisku u noqon lahaayeen kuwa dhameystiran oo dabooli kara baahida shacabka. “Waxaan uga mahadcelinayaa Midowga Yurub oo maanta nagu wareejiyey gaadiid dabdamis oo agabkiisu u dhameystiran yahay, tanoo qeyb ka ah qorshaheena ku addan in degmooyinka Caasimaddu ay helaan adeegyada gurmadka, laguna bilaabayo labada degmo ee Hodan iyo Wadir oo xarumo laga furay”. Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Garrido Ruiz Fulgencio ayaa sheegay in mar walba diyaar u yihiin taageerada shacabka Soomaaliyeed, isla markaana qalabkani ay ugu talagaleen in lagu caawiyo bulshada Caasimadda. View the full article
  13. State officials, diplomats and security experts from some 57 countries are attending a conference on countering violent extremism which kicked off on Monday in the Somali capital, Mogadishu. The two-day forum which is organized by the Federal government of Somalia in collaboration with the Organization of Islamic Cooperation (OIC) will focus on reducing the threats of extremism. Somali Deputy Prime Minister, Khadar Gulaid has officially opened the conference by welcoming all the guests, delegates and participants of the meeting. The participants are member countries of the Organisation of Islamic Cooperation (OIC) including Bangladesh, Yemen, and Tunisia as Burkino Faso. Speaking at the event, Somali State Minister for Religious Affairs, Abdihakim Hassan called the participants to focus on means to unite Muslim communities. “We are living in a drastic time as a Muslim Ummah. It is an honour for Somalia to hold this conference at this time as the unity of the Ummah is needed,” he told the attendees. Abdirahman Said from Muslim World League who also spoke at the conference has congratulated Somali government for its commitment in combating extremism and violence. He condemned all acts of violent extremism saying it is against the teaching of Islam. “There is no place in Islam for terrorism and extremism. Dialogues have been established in various places by the Muslim World League to establish world peace as a sustainable unit for all,” he said. View the full article
  14. Marka (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen duleedka Degmada Qoryoolay ee Gobalka Shabeellada hoose. Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Doonburaale oo 30 KM u jira degmada Qoryoolay, halkaasi ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga ay gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah saraakiisha ugu sareysa Al-Shabaab ee maamulayay deegaanka Doonburaale, iyadoona sidoo kale ciidanka ay sii daayay boqolaal maxaabiis ah oo xirnaa Al-Shabaab. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in Deegaanka Doonburaale ay saldhig weyn uu ugu yaala Al-Shabaab, iyadoona halkaasi dadka ku dhibaateeya. Mudooyinkii dambe ayay aheyd markii ciidamada Xoogga iyo kuwa Mareykanka ay weerar ku qaadayeen saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobalka Shabellada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Su’aalo Kulul Oo Saxaafadu Ku Boobtay Gudoomiye Cirro Iyo Jawaabaha Uu Ka Bixiyey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad degdeg ah kusoo rogay magaalooyinka Ceerigaabo, Ceel-afwayn iyo Gar-adag, muddo saddex bilood ah. Muddadaasi ayaa waxaa halkaas ka shaqeyn doona amarka ciidamada oo kaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Dharkenley (SMN) -Kooxo hugeysan ayaa maanta Qof shacab ahaa ku dilay xaafadda Xoosh degmada Dharkenley ee gobollka Banadir. Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Erdhow, iyadoona raggii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka uuu ka mid ahaa Ergadii wax ka soo dooratay Xildhibaanada BFS ee ka soo jeed Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidamadda ammaanka oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Waa dilkii 2-aad oo 24 saac gudahood ka dhacaya Dharkenley, iyadoona xalay degmadaasi lagu dilay nin lagu magacabi jiray Maxamed Cali Nuur. View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa markii u horaysay ka hadlay mawqifkiisa khilaafka soo kala dhexgalay ganacsade Axmed Geelle Arab iyo dawladda Jabuuti iyo sidii xukuumadda Somaliland uga falcelisay waxaanu dhalliilay sidii xukuumaddu uga dareen celisay. Dr Waxa uu yidhi “Xisbigu dee ashkhaas maaha ee waa xisbi, arrinta Axmed Cismaan Geellena waxaan kala mawqif ahay tii xisbiga. Arrinta xisbigu wuu ka hadlay mawqifka uu xisbigu jeediyayna 100% waan taageersanahay waayo xisbigaan ka mid ahay anigu kolba cidda joogtana metelaysa xisbiga,” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro. Waxa uu intaasi raaciyay in xukuumaddu sidii ugu foosha xumayd u maamushay arrinta ganacsade Ina Geelle Arab “Xukuumaddu sidii ugu foosha xumayd bay arrinta u maamushay. Waxa looga baahna si caddaalad ah in ay u maamusho oo muwaadiniinteeda iyo cidda aan muwaadiniinta ahaynba loo xaqsooro. Sida aan ka dhegaysanayay qalabka warbaahinta Axmed Cismaan Geelle $20 Milyan baa loo sheeganayay oo ma dafirin ee wuxuu yidhi waa nalagu leeyahay isna waxa ka maqan $128 milyan xilkeedu in loo soo celiyo Axmed Cismaan Geelle lacagtaas xukuumaddu saaran yahay waayo dastuurku wuxuu qoraya muwaadinka nabadgalyadiisa iyo xoolihiisaba waxa ka masuul ah oo xil ka saaran yahay Xukumadda hase ahaatee xukuumaddu mawqifka ay ka qaadatay waad ogaydeen oo waxayba ku sheegeen tuug imikana odayaal baa arrinta ku jira waanan ku taageersanahay waxaan rajaynaya odayaashaasi in ay xal ka gaadhaan arrintaas,” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro. Source
  19. Nairobi (SMN) – Saraakiisha Kenya ayaa ballan qaaday in tallaabo adag oo ay ka qaadi doonaan xubnaha ka tirsan dadweynaha ee taageerada siiya dagaalyahannada Al Shabaab ee weerarada ka fuliya deegaanada ku yaalla xuduuda. Maxamed Birik, oo ah guddoomiyaha gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa sheegay in shakhsiyaadka lagu helo in ay siiyaan taageero Al Shabaab ay la kulmi doonaan xabsi iyo ganaax. Birik wuxuu shaaca ka qaaday in saraakiisha ammaanka ee ku sugan Keynta Boni ay qabteen raashiin iyo saanad kale oo loo waday Al Shabaab. Sarkaal ka tirsan xukuumadda ayaa sheegay in ciidamada dalka Kenya ay ku guuleysteen in ay ka hortagaan weerarro argagixiso oo la doonayay in dalkaasi laga fuliyo, kuwaas oo uu sheegay in laga soo abaabulay gudaha Soomaaliya. Waxa uu ku booriyay xubnaha dadweynaha in ay sameeyaan feejignaan sare oo ay soo sheegaan wixii ay ka shaakiyaan iyo qofkii iyaga dhexdooda ka maleegaya weerar. Xukuumadda Kenya ayaa waxay tan iyo sanadkii hore ka qortay gobolka Waqooyi Bari Ciidamo Boolis ah, si ay uga kortagaan weerarada uga yimaada dhinaca Soomaaliya. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shir jaraa’id oo suxufiyiintu si furan su’aalo ugu waydiiyeen ku qabtay xafiiskiisa waxaanu kaga hadlay arrimaha doorashooyinka, dhibaatooyinka bulshada Sicir Bararka iyo hoos u dhaca doollarka, tacadiyada xukuumaddu ku hayso bulshada iyo arrimo kale. Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa uu gaashaanka u daruuray dadaallada labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID ku doonayaan in ay qabtaan doorasho xisbiga WADDANI ka maqan yahay waxaanu wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyay in uu dabada ka riixayo arrin halis ku ah ammaanka Somaliland iyo wada jirka Umadda. “Waxa la yaab leh in ninka (Wasiirka arrimaha gudaha) leh doorasho laba xisbi ah baan Somaliland ka qabanaya ee qoriga dabka leh kula wareegaya ee maalin ba doonaya in uu meel ku dhejiya uu yahay wasiirkii ka masuulka ahaa amniga Qaranka. Arrintaasi sharcina maaha caqlina maaha sinabana ugama suuro geli karto Somaliland. Shacbigu waa yaabban yahay Beesha Caalamkuna way yaabban tahay. Waxaanu ka digayna arrintaas sii wadideeda. Waxa ka war qabtaan in labada xisbi Komishanka ku meeraysanayaan, in Komishankii madaxweynuhu u yeedhayaan, in ay baarlamaanka u tagayaan, arrintaasi waanu ka degayna waxaanu u aragna in ay tahay dab Somaliland lagu dhejinayo,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu sheegay in madaxweynuhu doortay in uu qayb ka mid ah bulshada madaxweyne u noqday “Waxa la yaab leh in Madaxweynihii aynu Qarankan u dooranay in uu hoggaamiyo oo dalka mideeyo uu ka door biday in uu bulshada qayb ka mid ah madaxweyne u noqdo. Haddii madaxweynihii Qaranku in uu Qarankan madaxweyne u noqdo ka door biday in uu Kulmiye iyo UCID madaxweyne u noqdo dalka intiisa kale madaxweyne la’aan mayso. Haddii Madaxweynuhu ka door biday oo ay waajibkiisa ahayd in uu dalkan doorasho Qaran u qabto oo axsaabtu u siman tahay oo uu go’aansaday in uu Kulmiye iyo UCID doorasho u qabto inta kalena doorasho la’aan mayso,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro Waxa kale oo uu farriin u diray bulshada Somaliland iyo Taageerayaasha xisbiga “Waxaan u sheegaya shacbiga iyo umadda reer Somaliland in haddii xukuumaddii iyo labadii xisbi yidhaahdeen shacbiga kala badh baanu ka tashanayna in aanay inta kalena talo la’aan doonin. Waxaan u sheegaya oo aan faraya dhammaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, haddii ay joogaan gobol, haddii ay joogaan degmo in aanay marnaba aqbalin diwaangelin iyo doorasho laba xisbi wataan, farriintaas ayaan gaadhsiinaya dhammaan taageerayaasha WADDANI,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Qoryooley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay Ciidamada dowladda iyo kuwa Cadaan ah ay ku qaadeen deegaanka Doonburaale oo qiyaastii 20 KM dhinaca koonfureed ka xiga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose. Ciidamada huwanta oo watay diyaarado dagaal ayaa la sheegay in ku taateen gudaha deegaankaasi oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Ciidamadu ay gubeen Maqaaxi ku taalla halkaasi, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Milkilihii goobtaasi ganacsi. Sidoo kale Ciidamada aya dab qabad siiyay illaa saddex Mooto oo la sheegay in ay lahaayeen dad dacwad sugayaal ah oo ku sugnaa xarumo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Doonburaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamadani ay horay u soo kaxeysteen nin Al Shabaab ugu xirnaa deegaankaasi. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkan, waxaana la Sheegay in Al Shabaab ay si nabdoon u baneeyeen halkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari laga dareemayo qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Sooomaaliya. View the full article
  22. Burco:(SL-)Cuqaasha Iyo Waxgaradka Degmada Qoryaale Oo Sida Fiinta Uga Qayliyay Gudi Beeleed Faro Galin Ku Haysa Maamulka Degmadaasi Source
  23. Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta dib ugu soo laabtay Magaalada Gaalkacyo kadib safar qaatay mudo oo ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Madaxweynaha Galmudug oo ka warbixiyay safarkiisa ayaa sheegay in uu Magaalada Nairobi uu kula kulmay madaxda beesha caalamka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood waxa uu sheegay in ay isla garteen madaxda beesha caalamka in Galmudug la siiyo taageero buuxda hadii aay ahaan laheed dhanka dhaqaalaha iyo amnigaba sida uu sheegay Madaxweyne Xaaf. Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sidoo kale Madaxda Dowlada Federaalka ugu baaqay in aay dadka iyo dadka u naxaan waxa uu sheegay in dhawaan shir Garoowe lagu qaban doono ayna ka qeyb gali doonaan waxa uu intaas ku daray in dalku uu u baahanyahay badbaado waxa uu alle uga baryay umada soomaaliyeed in ilaah roob siiyo madaama dalka ay abaar ba’ani ka jirto. Dhawaan ayey aheyd markii Maamul Goboleedyada ay Beesha caalamka la qaateen kulamo xasaasi ah oo isugu jiray kuwo guud iyo mid gaar oo la xiriira taageerada Beesha Caalamka, siyaasadda iyo khilaafka xilligan ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo hakad geliyay wada shaqeyntii labada dhinac. Ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Nairobi ayaa xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay kala hadleen Wakiilada Beesha Caalamka labo qodob oo kala ah. In macaamil gaar ah lala yeesho maamul goboleedyada, halkii taageerada loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka iyo in la sameeyo Road Map doorasho, maadaama ay sheegeen in aysan Xukuumadda weli diyaarin nooca doorashada. Waxaa kaloo Madaxda Maamul Goboleedyada ee ku sugan Nairobi u caddeeyeen Wakiilada Beesha Caalamka in aysan helin casuumaad kulankii la iclaamiyay ee dhici lahaa 19 April Shirka Amniga Qaranka, waxaana ay tilmaameen in ujeedadu aheyd in Ra’iisul Wasaaraha la shir tago Mareykanka in xiriirka maamulada iyo dowladda dhexe uu wanaagsan yahay. Dowladda Federaalka ayaa laga sugayaa in ugu dambeyn bisha June soo bandhigto hannaanka doorashada Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in dowladdu ay qorsheyneyso muddo kororsi. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  24. (SLT-Hargeysa)-Shirgudoonka labada gole baarlamaan ee Wakiilada iyo Guurtida ayaa waxaa ay kulan deg deg maalinta Khamiista ah isku yeedheen xildhibaanada labadaasi aqal Halkan hoose ka akhriso: Source