Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,333
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya aayaa saacadihii la soo dhaafay raashin gargaar gaarsIiyay dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mas’uuliyiinta gaaray deegaanadaasi ayaa ka warbixiyay gaargaarka ay gaasriyeen halkaasi. Dalxa ayaa sheegay in Sabiid iyo Caanool ay ka mid ahaayeen meelihii dadka Soomaaliyeed looga gurman jiray, xilliyadii adka ee uu soo maray dalka. Dhanka akale Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaliya Siciid Maxamed C/laahi oo ka mid ah wasiirada booqaday Shabeelaha ayaa sheegay in ka wasaarad ahaa ay xarumo caafimaad ka furan doonaan gobolkaasi, si daryeel iyo daawo ay u helaaan dadka raydika ah ee ku dhaqan halkaasi. Dhawaan Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo howlgallo ka wada K/ Soomaaliya ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaanada Sabiid iyo Caanoole. View the full article
  2. Buurhakaba (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa ku warramaya in xalay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed lagu dilay degmada Buurhakaba ee gobolkaasi. Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen sarkalkaasi, xilli uu ka soo baxay saldhigga Booliska ee degmadaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabelle u xaqiijiyay in raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka Al Shabaab ayaa shaaciyay in dilka kadib sarkaalkaasi ay ka furteen Qoray AK47 ah, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Buurhakaba ee K/ Galbeed Soomaliya. View the full article
  3. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dab habeenkii xalay ahaa ka kacay suuqa Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha, kaasi oo durba lagu guuleystay in la damiyo. Xarun ganacsi oo halkaas ku taallay ayaa la xaqiijiyey in dabkan uu ka kacay, waxaana dabdamiska iyo shacab badan oo halkaasi tagay ku guuleysteen iney damiyaan dabkan inta aanu meello badan sii gaarin. Dadkii lahaa xarumaha ganacsiga gaar ahaan kuwa gubtay ayaa saakay halkaasi jooga si ay u qiimeeyaan khasaaraha dabkaasi uu soo gaarsiiyay, sida uu inoo sheegay mid ka mid ah ganacsatada suuqaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/WAREYSI-GANACSADE-BAKAARAHA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu socdo qorshihii ugu dambeeyay oo magaalada Muqdisho loogu soo wareejinayo Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al Shabaab. Sarkaalka ayaa la sheegay inuu ahaa ku xigeenkii madaxii dacwadda Al Shabaab ee Gobolka Gedo oo lagu magacaabo C/Wahaab Axmed Maxamed kaasi oo dhawaan isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo. Isa soo dhiibitaanka C/Wahaab Axmed ayaa ka dambeeyay kadib markii cabsi ay soo wajahday, taasi oo ku aadan in dhibaato loo geysto, sida laga soo xigtay saraakiisha ku howlan baaritaankiisa. C/Wahaab ayaa waxay saaxiibo ay ahaayeen Axmed Coobo oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda, waxaana taasi ay keentay in isaga shaki badan laga qaado. Ku xigeenka madaxii Dacwadda Al Shabaab ee gobolka Gedo ayaa waxaa la sheegay in gurigiisa ay tageen xubno Al Shabaab ka tirsan, iyaga oo ka qaatay agab kala duwan si ay baaritaano dheeri ah ugu sameeyaan. C/Wahaab ayaa hadda ku xiran saldhiga ciidamada booliska ee degmada Garbahaareey, waxaana socda baaritaanka ay sameynayaan ciidamada amaanka ee gobolka Gedo. Waxaa la filayaa in sarkaalkaasi loosoo wareejiyo magaalada Muqdisho, oo horey loogu soo wareejiyay sarkaalkii ka horeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. NBA playoffs - Boston Vs Milwake - Golden State Vs Houston Source: Hiiraan Online
  6. Somali businessman Farhan Warfaa, 48, was a victim of torture when he was 17. It's been over thirty years since he last saw his abuser. Now Warfaa will finally face him in a US court thanks to universal jurisdiction laws that allow victims of torture to testify in the United States. Credit: Courtesy of Center for Justice and Accountability Source: Hiiraan Online
  7. Garowe (Caasimada online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in diyaar garowgii ugu dambeeyay uu ka socdo magaalada Garowe. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo dheeraad ah la geeyay hareeraha magaalada Garowe, halkaasi oo uu beri ka dhacayo shir ay yeelanayaan madaxda maamulada iyo dowladda Soomaaliya. Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ay gaaraan qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda, halkaasi oo uu ka furmi doono Shirweyne looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya. Madaxda maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa la xaqiijiyay inay maanta tagayaan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha ka socdo qaban qaabada soo dhaweyntooda. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ku casuumay magaalada Garowe, kadib markii shirar kala duwan ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirka ka furmaya magaalaa Garowe maalinta beri ah ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xal loga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka iyo tabashooyinka ay qabaan madaxda maamul goboleedyada. Dowladda Soomaaliya ayaa culees kala kulantay beesha caalamka, waxaana ugu dambeyn ay go’aan ku gaareen madaxda dowladda Soomaaliya inay shirkaasi ka qeyb galaan iyaga oo ka baqaya in isbaheysi cusub uu markale kusoo dhismo. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka tirsan Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxay kaga hadleyn xad gudubyo ay sheegeyn in lagula kacay Shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Wasaaradda taasoo lagu eedeeyey inuu sameeyey Wasiir Axmed Ciise Cawad. Shaqaalahaa iyo Diblomaasiyiintaas kulanka yeeshay ayaa ugu horey cambaareeyey Xudgudyo ay sheegeyn inuu ku kacay Wasiir Cawad, kuwaas oo ay ka mid yihiin: 1) – Inuu ku xadgudbay Sharciga Arrimaha Dibadda (Foreign Service low) kadib markii uu magacaabay Diplomaasiyiin gaarayo illaa 42 qof si hareer marsan sharciga Arrimaha Dibadda, dadkaas oo dhammaantood laga xulay banaanka dalka weliba aan aheyn Shaqaale Dowladeed una badan Soomaalida degto Kenya iyo Gelinka Shanaad. 2) – Inuu dayacay ama waqtigooda uu riday fursado waxbarasho oo ay ku deeqeen Dowlado Saaxiibo la ah Soomaaliya oo qaarkood ahaa Master Degree iyo PHD. 3) – Inuu ku kacay Musuq maasuq Maaliyadeed kadib markii uu Diplomaasiyiinta u diiday lacago ahaa Safar iyo Kharashaad kale oo ay xaq u lahaayeen. Shaqaalahaa iyo Diplomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Cawad kusoo eedeeyey illaa 7 Qodob oo uu ku kacay sida aad ka akhrisan kartaan War Saxaafadeedka ay soo saareyn. Sidoo kale Waxay soo bandhigeyn qaar ka tirsan Documentiyadii uu Wasir Cawad ku magacaabay xilal diplomaasiyadeed oo kala duwan.
  9. “Cabdiraxman Cirro Waxa Uu Xisbiga WADDANI U Samaystay In Uu Somaliland Ku Burburiyo” Waa Hadal Madhan Iyo Hawo Been Ah” Maxamed Baashe Xaji Xasan . Waxa iyana meel-ka-dhac kale ah “raggii gobta ahaa ee aan waxba hiban jirin marka doorasho la galo ee wasiirku carrabka ku dhuftay!”. Cirro in aannu Waddani kelidii lahayn, isna siin waxa ka marag kacaya hadalkii maalintii uu waddanka yimi uu ku yidhi “marka aan madaxda xisbiga la tashado ayaan shir haraa’id qabanayaa”. Hadalkiisa maantu waa go’aan xusbi saw ma aha? Maxaa loo qofaynayaa? Qodobka labaad ee gobannimada iyo gunnimada kala soorayaa ma aha afkii mas’uuliyiinta qaran iyo kii dhaqanka siyaasadda midna. Teeda kale doorashadii iyo in Muuse Biixi madaxweyne yahay muran kama noola, Cabdiraxmaan Cirrona hibasho kama uu muujin ee waxa uu ka hadlay go’aankii kharribnaa ee Kulmiye iyo UCID wada gaadheen ee ahaa in ay qabanayaan doorasho uu Waddani ka maqan yahay, taas oo u muuqata jar-iska-xoornimo aan loo meel deyin iyo go’aanka ay taas iyagu (Waddani) ka qaateen. Hore ayaan uga tibaax bixiyey in aamusnaantu u roon tahay inta badan mas’uuliyiinta sare sare ee xukuumadda Muuse Biixi oo mar kasta oo ay hadlaan wax dhooqeeya, xalna aan keenin ee wax uun sii murgiya ama xumeeya. Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga Waddaniyow ma geydaan aflagaaddadaas aan loo miidaanka deyin ee wasiirka dhaqanka, wacyigelinta iyo warfaafinta ka yeedhay, ogaadana in xil iyo mas’uuliyad dheeraad ahi dushiinna timi oo la idiin ka baahan yahay waayeelnimo buuxin karta dayaca ka soo baxay kaalintii hoggaaminta ee hay’adda fulinta oo dhalliilo aan la dhayalsan karini ka muuqdaan. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa go’aamiyey in dowladda ay ka qeyb-gasho shirka uu ku baaqay madaxweynaha Puntland ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Shirkaas oo la waqtiyeeyey labada bisha May, ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxaa ka arrinsanayey oo dood weyn uu ka dhex abuuray madaxda dowladda, oo marar badan ku fakaray inaysan ka qeyb galin. Sababta ugu weyn ee dowladda uga laba labeeneysay ka qeyb-galka shirkaas ayaa ahayd in haddii ay ka qeyb galaan shirka Garoowe, ay u muuqan doonaan in siyaasad ahaan laga adkaaday, maadaama madax goboleedyada ay diideen shirkii uu Farmaajo ku baaqay ee Muqdisho. Si kastaba, warar aan helnay ayaa sheegaya in dowladda ay go’aamisay inay ka qeyb-galayso shirkaas, ayada oo sababta ugu weyn ay tahay cabsi ay ka qabto in haddii ay ka baaqato ay madax goboleedyada kusoo dhisaan dowladda isbahaysi cusub oo caqabad kale ku noqdo. “Haddii inta aan ka baaqanno shirka, oo halkaas ibahaysi cusub lagu dhiso waa arrin dowladda aad u dhaawaceysa kadib dagalakii xoogganaa ee ay la gashay isbahaysigii hore” waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay sarkaal ka tirsan Villa Somalia. Isbahaysigii hore ee madax goboleedyada ayaa burburay kadib markii qaar ka mid ah madaxweynayaashii maamul goboleedyada ay xilka ka degeen halka qaar kalena ay la safteen dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Madaxweyne Muuse, Markii looga Tanaasuley, Doorashaddii Abu Qureeb iyo Sagaljet , ee u Goaanka geesinadda leh qaatey Gudoomiye Cirro, waxaa laga filaayey in hore loo socdo, oo uu Madaxweynuhu ururinta isku soo jiidka, walaaleenta Bulshadda sharafta badan ee Somaliland uu ka shaqeeyo, oo Runtii la is lahaa Maanta muuse waa waayo arag, waa waayeel wax badan soo maray, waxuu ka shaqayn doonnaa Mideynta shacabka Somaliland, Taasi may dhicin ilaa maanta waxaad mooddaa inuu Muuse ka shaqaynaayo, Kala qaybinta , Colaad hurinta, qoqobka iyo kala fogeynta Shacabka walaalaha ah ee reer Somaliland. Wiilwaal waxaa laga hayaa, Ragg walaal wuxuu ku dhaamo la waa. Muuse shaqadda ugu mihiimsan ee laga rabbaa waxay tahay Mideynta shacabka, waayo Quluub kala jeeddaa Qaran ma dhisto, Marka shacbigga Jamhuuriyadda barakeysan ee Somaliland Meel u wadda socdo ayaa Horomar la gaadhi karaa, Waxaana marag ma doonto ah in shacbka Somaliland yahay dad xariir ah, oo dhaqan u leh wadda noolaashaha Waxaa Yaab leh, in Wasiirka ku hadlaya afka madaxweynaha ee warfaafinta, uu 70% boqolkiiba Toddobaatan Shacabka Sharafta badan ee Somaliland Aflagaadeeyo oo ah taageerayaasha Xisbigga qaranka ee Waddani, Waa Madaxweyne Muuse oo ka dhex hadlaaya Wasiirka, ileen af aan kugu oolin ma qabatid, Taloow ma ogyahay in taageeradda Madaxweyne muuse tahay GOLJANNO ilaa GABILEY oo aan dhamaantood taageero u haynin. Kadib falalka Arxandarradda ah Dhulboobka ah ee lagula Kacay, haweenka iyo caruurta reer Xassan Dalab. Haamihii Shidaalka waxuu siiyey Dawladdo shisheeye oo ay wadda shaqaystaan, Ina Geelle arab, Wuxuu rabey inuu si hoose ugu gudbiyo Djibouti Xarrun Boqortooyo ayaa xarraf oo ah xaafaddiisa ka dhisayaa, mulkiilahii dhulkaas ee INa xassan dalab waa loo awood sheegtey. Laba Wiish oo Duug ah, ayaa Dekaddii berbera dadka looga dhigayaa iney shaqqo socoto UAE ayaa lacag la’aan lagu siiyey Madaarkii berbera 30 sanno ayaa Dpworld la siiyey dekkaddii berbera oo ahayd dhaqaalaha Somaliland Sixir Barrarku waa halkiisii Maciishaddu waa Qaali Dhaaf Mashruucii Jidka Berbera -Wajaale oo Fashilmey oo hadda wadadii horre la xoqxoqayo Arrimaha culculus ee u baahan in wax laga qabto, aad bay u badan yihiin, laakiin arrintii ugu Mudnayd ee ahayd in shacabka la walaaleeyo, la isku soo dhaweeyo oo aan wax wuxumaan ah la kala dhex dhigin, waxaad mooddaa in muuse aanu fikirba ka haysanin, muhimadda ay midnimaddu leedahay, Muuse ma ogga. Madaxweynuhu Garashadiisu waa Qaybyaaladd Kala kaybin, taasi Qarran Dhisi mayso Kayse Kaahin keysekahin@gmail.com. Fiiro gaar ah: Dhamaan maqaalada ku soo baxaa shabakadani ma aha kuwo ka socda ama matala shabakadani ee waa fikrada ka timaada akhrisayaasha sida ka kor ku xusan. Qaran News
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta mar uu ka hadlayey kulan doodeed ka dhacay magaalada Berbera, wuxuu ka hadlay halkuu ku dambeeyay heshiiskii u dhaxeeyey Khaatumo iyo Somaliland ee sanadkii 2017 ka dhacay magaalada Caynaba. Dr Galeyr ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu ilaa hadda fulin heshiiskii uu hore ula galay madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo, isagoona ka dhawaajiyey ujeedka ay u dalbadeen in la furo dastuurka Somaliland. “Heshiiskaanu Somaliland la saxeexnay ee magaalada Caynaba ku kala saxeexanay bishii October 20-keedi 2017-kii, Youtube-ku ku jira meel walbana waa yaala, ‘Baabu-ijtihaad-maftuux’, Haddii aad raadineysan, qodobadiisi kama wada hadli karo, waxa muhiim ah in aan isla ogolaanay in heshiiska la hirgeliyo, qodobka ugu dambeeyana wuxuu leeyahay, cidii maamuulka kan ka dambeysa qabata, waxa maslaxad loogu yahay, inay fuliyaan oo ay hirgeliyaan heshiiskaa, mana hirgelin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Hadaan leenahay Somaliland baanu-nahay ee cidii Somaliland iga sheeganeysa inay i qanciyaan ugama baahni, waa ahay Somaliland, cirka soo leefa”. “Bal cidda naga leh ee odhaneysa adiguna haraa baa tahay, ana mujaahid baan ahay, dadku hadeyna taariikh wada-laheyn oo wax la isla ogolyahay, balaayo waxay ka dhacday waxa hada nool wax iskuma hayaan, war taariikhda isku haynaa, bahashii haday abtirsiimo ku qorantahay, dee waxan isku nahay ma jirto, cid walba abtirsiintiisa iyo geeliisu aadaya”. Dhinaca kale, Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa la waydiiyey ‘haddii uu heshiiskaasi fuli waayo, muxuu noqonaya mustaqbalka Khaatumo’, wuxuuna yiri: “Inaan dagaal soo qaadi doono iyo inaanu tabliiq wadi doono taladaa dad baa leh, laakiin aniga la igu cabsi galin mayo himika ma dagaal baad nagu soo qaadeysa, hadey gartaan dadkaasi, go’aanka iyaga leh”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Warbixin cusub oo uu soo saaray, sanduuqa difaaca carruurta ee lagu magacaabo The Children’s Defense Fund, ayaa lagu sheegay in qiyaastii 13 malyan oo carruurta Maraynkan ah ay ku nool yihiin xaalad ka hooseeya heerka saboolnimada. Sanduuqan oo qaabilsan ilaalinta xaquuqda carrruurta , ayaa warbixintiisa ku sheegay, in 12malyan iyo 800 oo kun oo carruurta Maraykanka ah, ay ku nool yihiin heer ka hooseeya khadka saboolnimada, taasi oo u dhiganta in 5-tii carrruur ah ee Maraykanka joogtaba mid kamid ah ku nool yahay xaalad ka hoosaysa heerka saboolnimada. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay, in carruurta ku nool heerkaasi ay u nugul yihiin darbi-jiifnimada, daroogada iyo gaangiska, waxaana sanduuqu dowladda Maraykanka ugu baaqay, in ay taageero dhaqaale la garab istaagto qoysaska noloshoodu ka hoosayso heerka saboolnimada, si loo badbaadiyo carruurtooda. 3-dii carruur ah ee ku nool heer ka hooseeya saboolnimada 2 kamid ah waxay kas soo jeedan qoysaska Madowga ah ee Maraykanka, taasi oo u dhiganta in carruurta ugu badan ee ku nool heerkaasi ay yihiin kuwa Madowga ah, sida ku xusan warbixinta. Halkaan ka akhriso warbixinta oo dhan PUNTLAND POST The post Qiyaastii 13 malyan oo kamid ah carruurta ku nool Maraykanka ayaa noloshoodu ka hoosaysaa heerka saboolnimada appeared first on Puntland Post.
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasi Ismaaciil Hurre Baabaa oo ah siyaasiyiinta miisaanka leh ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in dawladda Imaaraadka Carabtu faro gelin u xaglinaysa Kulmiye ku hayso siyaasadda Somaliland iyo arrimaha doorashooyinka. Buubaa oo si dhaw ula socda siyaasadda gobolka iyo xulafooyinka ku lugta leh ayaa sheegay in ay jiraan ifafaalooyin muujinaya in Abu Dabay Shidaalinayso tallaabooyin aan haboonayn oo xukuumadda Kulmiye qaadayso iyo kuwo ay soo waddo. Ismaaciil Hurre Buubaa oo waraysi siinayay telefishanka Universal waxa uu odorosay socdaalkii madaxweyne Biixi iyo waxyaabihii xukuumaddu ka tidhi “Siyaasadda odoroskeedu waxay macno ku samaysa waaqacyo kala duwan oo laga yaabo in ay meelo siyaabo gooni ah uga kala dhaceen haddana cilaaqaad ka dhexeeyo,” ayuu yidhi Prof Buubaa. Waxa uu intaasi raaciyay waxyaabaha uga soo baxay dhacdooyin daba socday safarkii madaxweyne Biixi badhtamihii bishan ku tagay Imaaraadka Carabta. “Anigu waxaan u arka wasiirka arrimaha dibadda ee la socday madaxweyne Muuse Biixi socdaalkii uu ku tagay Imaaraadka hadalladii uu ku dhawaaqay iyo wasiirka Daakhiligu isaga oo markii dambe la fadhiya xisbiga UCID isaguna arrimo uu ku dhawaaqay in ay arrimo fara badan ka dhexeeyaan. Waa mid e wasiirka arrimaha dibaddu wuxuu inoo sheegay in arrimaha lagu soo heshiiyay Imaaraadka ay ka mid ahaayeen sidii loola dagaallami lahaa argagixisada, wasiirka daakhiliguna markii uu la fadhiistay UCID wuxuu sheegay in xisbiga WADDANI laga kaaftoomi karo oo xisbiga Kulmiye iyo xisbiga UCID ay kaligood qaban karaan doorasho” ayuu yiri Buubaab. Waxa uu intaas ku daray “Waxaa la ogsoon yahay arrintaasi in ay tahay arrin khalkhal iyo dhibaato weyn keeni karta aniga waxay ila tahay kolka la yidhaahdo Waddani waa la janibaya waxaanan u diyaar nahay argagixiso iyo wixii dhibaato sameeya shaqo ka qabano dawladda Imaaraadkana arrintaas baanu kala soo hadalnay cid kasta way u caddahay cidda loo jeedo iyo sida ay wax yihiin. Anaga oo ixtiraamayna walaalahayaga Carbeed ee Imaaraadka waxaanu aad iyo aad si dheer ugu sheegayna innaba in aanan u dulqaadan doonin wixii aanu aragno in ay burburinayso geeddi socodka dimuqraadiyadda ee dadkayagu doortay in uu noqdo sida aanu siyaasaddayada u maamulno.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  15. Inta aanan u gelin talooyinka aan siinayo Dowladda Federaalka ee ku aaddan wadahadalada ay la galeyso maamulka Somaliland ee ay wax ka dhistay Jabhaddii SNM ee qeybta ka ahayd dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, Aan marka hore ka waramo muhiimadda ay leeyihiin wadahadaladan iyo danta ay ka leeyihiinba kuwa majaraha u hayo maamulka Somaliland ee liddiga ku ah himiladii Soomaaliweyn ee na lagu soo barbaariyey. Wadahadaladan, Ayaa muhiimad gaar ah u leh Dowladda maadaama ay uga golleedahay sidii ay u fiyoobeyn lahayd qaar ka mid ah dadka reer Waqooyiga oo ay dhibaatooyin badani ka soo gaareen dowladdii u danbeysay ee uu madaxda ka ahaa AU Maxamed Siyaad Barre. Taasi oo sidoo kale dhibaatooyin kuwaasi la mid ah u geysatay beelo kale oo Soomaaliyeed oo haatan aan dalbaneyn in dalka la kala gooyo maadaama la dhibaateeyey. Wadahadaladan, Ayey sidoo kale Dowladda uga golleedahay in ay kula heshiiso maamulka Somaliland, Si uu uga qeyb noqdo hanaanka federaalka ee ka jira dalka oo haatanba ay ku jiraan dad badan oo reer Waqooyi ah, Si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka, Islamarkaana looga baxo kala qeybsanaanta iyo dhibaatooyinkii ka dhashay dagaalada sokeeye sida wax la’aanta baahsan oo kale. Qaddiyaddan, Ayaa waxaa sidoo kale daneynayo dhinacyo badan oo Soomaali ah sida dadka ku abtirsada beelaha Sool clan, Warsangali, Awdal Clan iyo waliba kuwa kale oo badan, Kuwaasi oo aan la dhacsaneyn qaabka ay Dowladda Federaalka u wajaheyso qaddiyaddan oo mararka qaar aad mooddo in maamulka Somaliland ay siineyso xaq uusan kaligii lahayn maadaama uusan ku hadli karin magaca dadka reer Waqooyiga oo dhan. Dadka ku abtirsada beelahaasi, Ayaan intooda badan dooneyn fikraddan gooni-isutaagga maadaama aysan waxba ka tabaneyn Soomaalida inteeda kale, Laakiin waxay waayeen hiil uga yimaada kuwa majaraha u hayo Dowladda federaalka. Maxaa dhici lahaa haddii dhowr sano ka hor la taageeri lahaa dadka ku abtirsada Khaatumo iyo Maakhir oo doonayey inay deegaanadooda ka dhistaan maamul hoostaga Dowladda Federaalka ? Ma garaneysaan waxa ku xanbaaray Prof. Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr inay u galaan maamulka Somaliland ee go’doonka ah ? Ma garaneysaan sababta keentay in la waayo shacab Soomaaliyeed oo meel isugu yimaada, Kuwaasi oo Dowladda Federaalka ku taageera wadahadalada ay ku jirto, Halka maamulka Somaliland ay daba socdaan taageerayaal badan oo waliba aad u xamaaseysan ? Waxaa sidoo kale jira daraf kale oo muhiim ah (beesha caalamka), Kaasi oo Isagana daneynayo wadahadaladan fadhiidka ah, Si loo helo heshiis guud oo loo dhan yahay. Darafkan, Ayaa ka baqayo in kala daadashada Soomaaliya ay fursad cusub siiso xooggaga Islaamiyiinta oo ay ka go’an tahay la wareegidda Soomaaliya oo dhan muddaday doontaba ha ku qaadatee, Si ay uga dhisaan maamul xooggan oo Islaami ah. Haddii aan markan u galo danaha guracan ee uu maamulka Somaliland ka leeyahay wadahadaladan. Anigu, Waxan qabaa inay tahay farsamo uu ku doonayo inuu kaga go’a Soomaaliya inteeda kale maadaama horay loogu soo fashilmay wadooyinkii kale ee la isticaamaalayey mudada dheer sida xodxodashada Caalamka IWM ah. Taasi oo runtii Caalamkiina ka gadmi weysey sababo badan oo jira awgood. Hadabo, Markii lagu soo hungoobay wadooyinkii kale, Ayaa la doorbiday in lala hadlo Dowladda Federaalka oo Iyada qudheedu dooneysey in la wada hadlo, Si looga helo ictiraaf fudud ama wax keeno ictiraaf danbe balse uma dhicin sidii la rabay. Waana sababtaasi sababta ay wadaxaajoodyadu u qaboobeen. Dowladda Federaalka, Ayaan diyaar u ahayn in ay ku khamaarto midnmada dalka iyadoo qancineysa maamul ama beel Soomaaliyeed. Sidan soo sheegeyba, Maamulka Somaliland kama dhexraadinayo wadahadaladan in laga heshiiyo waxyaabihii ay bi’iyeen dowladihii dalka soo maray, Ka dibna la wada dhisto wax la wada leeyahay. Bal waxa ay doonayaan waa qaabkii ay uga go’i lahaayeen Soomaaliya inteeda kale, Iyagoo markan u marayo wadahadallo iyo wadaxaajood maadaama lagu soo hungoobay qaabkii kale ee kali-socdka ahaa. Alahuma damir man qasamanaa. Marka hadalka soo koobo, Maamulka Somaliland wuxuu tijaabinayaa farsamooyinkii uu uga go’i lahaa Soomaaliya inteeda kale, Kuwaasi oo laga soo koobiyeey khidado lagu kala jaray dalal dhowr ah sida Suudaan oo kale. Balse waxa ay ilaaween in farsamooyinkaasi aysan ka shaqeyn karin Soomaalida dhexdeeda maadaama Soomaalidu ay ka duwan tahay dadyowgaasi. Tusaale ahaan, Soomaalidu waxay wadaagaan diin, af, dhaqan iyo waliba taariikh. Kala duwanaan la’aanta ka dhex jirta gudaha dadka Soomaalidu, Waxay keentay in Beesha Caalamku ay u aragto mishkiladdan mid daakhili ah, Taasi oo laga doonayo Dowladda Federaalka inay u raadiso xal rasmi ah oo lagu dhameeyo tabashada ay qabaan guud ahaan dadka reer Waqooyiga, Gaar ahaan beesh Isaaq oo aad uga tabaneyso taliskii Maxamed Siyaad. Waana sababtaasi sababta keentay in Somaliland la ictiraafi waayo. Nasiib wanaag, Dowladda Federaalka ayaa fahamsan farsamooyinka iyo wasaa’isha loo isticmaalayo qaabkii looga go’i lahaa Soomaaliya inteeda kale. Waxay sidoo kale fahamsan tahay in haddii albaabkan la furo ay noqon dooto dhamaadkii Soomaali oo uu dalkan kala furfurmi doono. Waana sababtaasi sababta aan u maleynayo inay dabadheereyneyso wadahadalada, Si loo gaaro marxalad la isticmaali karo waxyaabo kale oo aan wadahadalada ahayn. Haddii aan u soo laabto nuxurka qormadeyda oo aan talooyin ku siinayo Dowladda Federaalka oo ku aaddan wadahadalada ay la galeyso maamulka Somaliland ee u badan halka reer. Anigu, Waxaan qabaa in aad looga taxadiro qaabka loo galayo wadaxaajoodkaasi, Iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo u ekaan kara inay wadahadlayaan sidii labo dal oo kale, Taasi oo hadhow keeni karta shalaay iyo dhibaato aan laga soo waaqsan. Waxaan kaloo qabaa in wadahadaladaasi laga fogeeyo dhammaan shisheeye noocuu doonaba ha noqdee marka laga reebo dowrka fududeynta oo kaliya. Maadaama mishkiladdani ay tahay mid daakhili ah, Hadabo waa inay ku koobnaataa Soomaalida oo qura, Si looga fogaado khiyaanadii ku dhacday dowladda Suudaan oo kale. Taasi oo ay ku sameeyeen dalal Carab ah sida Masar oo kale. Si loo gaaro yoolka laga leeyahay wadahadaladan, Hadabo waa inay Dowladda Federaalku diyaarisaa qorshe dhameystiran oo ay ku wajaheyso guud ahaan dadka reer Waqooyiga, Gaar ahaan dadka taageersan maamulka Somaliland oo wax badan tabanayo. Qorshahaasi oo isugu jira raaligalin, awood qeybsi iyo waliba abuurid Soomaaliya cusub. Suurtagal ma’ahan runtii in af maran lala hortaagnaado dad wax tabanayo. Ugu danbeyn, Waxan kula talinayaa Dowladda inaysan aqbalin dhexdhexaadin shisheeye cidday doontaba ha ka timaadde. Waxan kaloo kula talinayaa inaysan marna ogolaan wax la yiraahdo afti gaar ah oo laga qaado dadka ku hoos nool maamulka Somaliland. Halka dhinaca kalena la soo dhaweynayo beelaha Sool clan, East Sanaag Clan, Awdal Clan iyo waliba kuwa kale ee ka soo horjeeda aragtida gooni-isutaagga si ugu danbeyn ay uga qeybqaataan Plan B-ga. Ugaadana inaan la isu cafin doonin marka ay wax soo gaaraan muqadasaadka Umadda Soomaaliyeeed sida diinta, midnimada dalka iyo waliba wadajirka dadweynaha Soomaaliyeed ee muslimka ah. Alaahumma hal balaqtu ? Alaahumma fashhad. W/Q: Maxamed Ibrahim iidka1@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Minneapolis (Caasimada Online) – Maxamed Nuur oo ah sarkaal Soomaali Mareykan ah oo horey uga tirsanaa booliska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa lagu helay dambi ah dilka darajada saddexaad iyo dil aan ku talo-gal ahayn oo uu gaystay gabar caddaan ah oo lagu magacaabi jiray Justine Ruszczyk Damond. Maxamed Nuur oo lasoo taagay maxkamadda Hennepin County, ayaa waxaa lagu waayey dilka darajada labaad ee dilka ku talo-galka ah, oo ka ciqaab badnaa lahaa kan lagu helay. Maxamed Nuur ayaa isaga oo naxsan wejiga gacmaha saartay markii xeer-beegtida ay aqrisay go’aanka ay ka gaareen dacwadaha lagu soo oogay. Waxaa durba gacmaha ka jeebeeyey booliiska oo u kaxeeyey xabsiga, waxaana la waqtiyeeyey in xukunka inta sano ee xabsiga uu ku jiri doono lagu rido sagaalka subaxnimo ee 7-da June 2019. Maxamed Nuur ayaa ah sarkaalkii ugu horreeyey ee booliska Minnesota ka tirsan oo lagu helay dambiga dil uu gaystay isaga oo waajibkiisa shaqo ku jira. Wuxuu wajahayaa xabsi u dhaxeeya 10 illaa 15 sano oo ah dambiga koowaad ee darajada saddexaad ee dilka iyo saddex illaa 5 sano oo ah dambiga dilka aan ku talo-galka ahayn. Madaxa booliiska Minneapolis, Medaria Arradondo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu aqbal go’aanka wuxuuna raali-gelin u diray qoyska iyo saaxiibada Damond. Maxamed Nuur ayaa dilay Damond markii uu tagey gurigeeda isaga oo ku baxay wicitaanka lambarka 911, wuxuuna xabadda ku furay markii ay dhankiisa usoo carartay, isaga oo sheegay inuu naftiisa u baqay. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  17. Wax garadka,dhalinyarada Iyo waayeelka reer Ceerigaabo ayaa si kulul uga gubtay Bandooda uu Muuse Biixi ku soo rogay degmada Ceerigaabo oo ah goob oonabdoon oo ayna ka jirin wax amni daro ah. Dad badan oo reer Ceerigaabo ah ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo Yeedhay Muuse Biixi mid lagu curyaaminaayo degmada, waxana ay arintani saamayn ku yeelan doontaa amniga oo sii xumaada marka xitaa la xakameeyo dadka ka ganacsada khayraadka. Waxana lagu wadaa in ay dadweyne badani arintaasi ka hadlaan maalinta Bari ah Qaran News
  18. (SLT-London)Waxa iyana meel-ka-dhac kale ah “raggii gobta ahaa ee aan waxba hiban jirin marka doorasho la galo ee wasiirku carrabka ku dhuftay!”. Cirro in aannu Waddani kelidii lahayn, isna siin waxa ka marag kacaya hadalkii maalintii uu waddanka yimi uu ku yidhi “marka aan madaxda xisbiga la tashado ayaan shir haraa’id qabanayaa”. Hadalkiisa maantu waa go’aan xusbi saw ma aha? Maxaa loo qofaynayaa? Qodobka labaad ee gobannimada iyo gunnimada kala soorayaa ma aha afkii mas’uuliyiinta qaran iyo kii dhaqanka siyaasadda midna. Teeda kale doorashadii iyo in Muuse Biixi madaxweyne yahay muran kama noola, Cabdiraxmaan Cirrona hibasho kama uu muujin ee waxa uu ka hadlay go’aankii kharribnaa ee Kulmiye iyo UCID wada gaadheen ee ahaa in ay qabanayaan doorasho uu Waddani ka maqan yahay, taas oo u muuqata jar-iska-xoornimo aan loo meel deyin iyo go’aanka ay taas iyagu (Waddani) ka qaateen. Hore ayaan uga tibaax bixiyey in aamusnaantu u roon tahay inta badan mas’uuliyiinta sare sare ee xukuumadda Muuse Biixi oo mar kasta oo ay hadlaan wax dhooqeeya, xalna aan keenin ee wax uun sii murgiya ama xumeeya. Cabdiraxmaan Cirro iyo xisbiga Waddaniyow ma geydaan aflagaaddadaas aan loo miidaanka deyin ee wasiirka dhaqanka, wacyigelinta iyo warfaafinta ka yeedhay, ogaadana in xil iyo mas’uuliyad dheeraad ahi dushiinna timi oo la idiin ka baahan yahay waayeelnimo buuxin karta dayaca ka soo baxay kaalintii hoggaaminta ee hay’adda fulinta oo dhalliilo aan la dhayalsan karini ka muuqdaan. Source
  19. Wasiirka warfaafinta ee xukumadda Muuse Biixi oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa cay Iyo aflagaado aan hore loogu baran siyaasiyiinta Somaliland hawada u mariyay gudoomiyaha Xisbiga Waddani.. Isaga oo arimo badan ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cirro waa Gun, waxa uu wali hibanayaa doorashadii madaxweynaha ee 80kun lagaga adkaaday, Siilaanyo 80 cod ah ayuu kaga tagay oo aanu juuq odhan. Waxana kale oo uu sheegay in doorashadii Barlamaanka la qabanaayo oo musharaxiintii Waddani ay tahay in ay iska soo sharaxaan Kulmiye Iyo UCID. La soco hadalada wasiirka dhawaan Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka baraha bulshada ee u dhaxeeyey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Injineer Yariisow iyo xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale maanta kasii socday facebook. Injineer Yariisow ayaa qoraal jawaab ah kasoo saaray qoraal uu Fiqi soo bandhigay oo uu ku sheegay inuu caddeymo u yahay “musuq-maasuq uu ku kacay maamulka gobolka Banaadir. Yariisow ayaa ku jawaabay isaga oo sheegay inay ahayd in Fiqi maxkamad lasoo taago, isaga oo ku eedeeyey inuu dambiyo kala galay shacabka Soomaaliyeed. “Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi danbigii uu shacabka ka galay oo aheyd in lagu maxkamadeeyo ayuu fowdo u joog noqday, ee haloo sheego in Caasimada Muqdisho aysan u baahneyn qaswade ku farxa qaraxyada argagaxisada” ayuu yiri Yariisow. Qoraal labaad oo uu soo dhigay facebook ayuu sidoo kale ku yiri Yariisow “Dhalinyarada Soomaaliyeed waxey rabaan horumar oo ma rabaan Qaswade Ahmed Moallim Fiqi, oo ah Qarax ku farxe iyo dhibsade horumarka Caasimada Muqdisho” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Saynab Cabdiwahaab Aadan oo ah hooyada dhashay Caa’isha Ilyaas gabadhii yareyd ee dilka iyo kufsiga loogu geystay magaalada Gaalkacyo ayaa mar kale dalbatay in ay caddaalad helaan. Saynab oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo(dowlad degaanka Soomaalida) ayaa sheegtay in qoyskeedu ka soo qaxeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib markii ay la kulmeen hanjabaado joogta islamarkaana ay u baqday carruurta inteedi kale. Sidoo kale hooyo Saynab ayaa mar kale ku celisay in ay caddaalad u helaan kufsigii iyo dilkii arxan-darrada ahaa ee Puntland loogu geystay gabdhoodii saqiirka ahayd. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Caa’isha hooyadeed oo sheegtay in ay carruurtii kale u baqday appeared first on Puntland Post.
  22. UN Secretary General, African Development Bank President agree to strengthen ties and push development agenda in Africa Abidjan, Côte d’Ivoire, 30 April 2019 – Development impact on the continent and security in the Sahel were among the top issues discussed in a recent meeting between United Nations Secretary General António Guterres and African Development Bank President Akinwumi Adesina in New York. Both leaders agreed that current efforts must succeed in Africa, or risk failing globally, and emphasized the need for deeper collaboration between their institutions to achieve the Sustainable Development Goals. Guterres signaled his strong support for the African Development Bank’s flagship ‘Desert to Power’ initiative, which is expected to provide electricity to 250 million people. He also offered to convene a special global meeting on Lake Chad, in consultation with Nigeria’s President Muhammadu Buhari. The “Desert to Power” program, a $10 billion initiative to build a 10 GW solar zone across the Sahel—the largest in the world, aims to develop and provide 10 GW of solar energy by 2025 and supply 250 million people with green electricity including in some of the world’s poorest countries. According to Adesina, “Secretary General Guterres and I had a highly productive engagement and committed to enhance strategic and operational partnerships between the UN and the African Development Bank. I am encouraged by the Secretary General’s generous support for the Bank’s development initiatives, which we are certain will bear fruit across the continent.” The two heads of institutions met following Adesina’s trip to the United States for the World Bank’s annual Spring meetings held in Washington DC. Adesina also briefed the Secretary General about ongoing discussions on the Bank’s General Capital Increase (GCI-7), designed to address Africa’s growing lending demands. The Secretary General committed to advocate “for the mobilization of adequate resources in order to further the Bank’s development goals.” Guterres and Adesina also discussed the Bank’s inaugural Africa Investment Forum, held last year in Johannesburg, South Africa, where projects worth US$38.7 billion secured investment interest. The Secretary General accepted the Adesina’s invitation to participate in the 2019 edition of the event, to be held in November in South Africa. Qaran News
  23. Taliyaha cusub G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa xilka ka qaaday taliyhii qeybta Booliiska gobolka Nugaal, G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa xilka looga qaaday taliyaha, waxaana xilkaasi si ku meel gaar ah loogu magacaabay G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal. G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed ayaa hore xilkan loo magacaabay 28 October 2018 waxaana uu xilka hayay mudda 6 bilood ah. taliyihii xilka laga qaaday Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay magacaabay xilal kala duwan oo aan dikreetooyinkooda warbaahinta lala wadaagin si ka duwan madaxdii isaga ka horraysay PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaaday taliyihii qeybta Booliiska gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  24. Shirkadda Telesom oo Daah-furtay Adeegga Cusub ee WAAFI Shirkadda Telesom ayaa maanta daah-furtay adeegga cusub ee WAAFI. Adeegga WAAFI oo ah adeeg casri ah oo kuu suurto gelinaya in aad “Hal Meel ka wada Hesho” dhamaan adeegyada kala duwan ee shirkadda Telesom bixiso sida Adeegga ZAAD, Xawaaladda TAAJ iyo Baanka Darasalaam. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday xarunta shacabka ee shirkadda Telesom, waxaana xafladaasi ka soo qayb-galay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Xoghayaha guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, boodhka shirkadda, saamileyda shirkadda, marti-sharaf kale iyo shaqaalaha shirkadda Telesom. Xafladdan waxaa ka hadlay Cabdisalaan Ismaaciil Nuur oo ah agaasimaha Horumarinta Ganacsiga ee shirkadda Telesom, waxaanu si faahfaahsan uga hadlay adeegga WAAFI iyo adeegyadda uu ka kooban yahay iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay macaamiisha Telesom ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariin Maxamed Iid ayaa isna sheegay in shirkadda Telesom ay marwalba ka go’an tahay inay bulshaddeeda u keento adeegyo casriya oo kala duwan kuwaasi oo wax weyn ka tari doona dhaqaalaha, caafimaad iyo Waxbarashadda Dalka. Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi – Wasiirka Teknoolajiyada iyo isgaadhsiinta, Iid Daahir Faarax oo ka mid ah saamilayda shirkadda Telesom, Sucaad Carmiye, Eng Cabdiqaadir Iiman Warsame iyo Nafiisa Yuusuf Maxamaed oo ah Agaasimaha Fulinta Nagaad, waxay masuuliyiintani shirkadda Telesom ku amaaneen adeeggan ay bulshaddda u soo kordhisay iyo waxaanay si qoto dheer uga nuuxnuuxsadeen qiimaha ay shirkaddu qaranka ugu fadhido. Halkan ka daawo masuuliyiintii ka hadlay Xafladda Daah-furka ee Adeegga WAAFI: https://www.youtube.com/watch?v=Bk-7pYWyMs4 Qaran News