Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,330
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. iyadoo sabtidii aynu soo dhaafnay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdilaahi Deni uu ku dhawaaqay shir wada tashi ah in ay isgu yimaadaan madaxda maamul goboleedyada [...] Source
  2. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse,ayaa ka hadlay dilkii loo geystay labada Sarkaal, iyo dilkii ka horeeyey ee labada qof ku dhinteen ee ka dhacay isla Gobolka Sanaag, Waxayna Xukuumadda ugu baaqeen inay waajibkeeda ka gudato, oo dadkii dilalka geystay sida ugu dhakhsaha badan gacanta ugu dhigto sida ugu dhakhsaha badan, waajibkoodana mariso Salaadiinta oo warbaahinta u waramay ayaa ugu horeyn Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ka hadlay arimahan ayaa yidhi “Dil aad iyo aad u fool xun, oo aan dhaqan inoo ahayn ayaa dhacay, ceeb baa dhacday, waana ayaan daro weyn in jidka loo galo oo la laayo saraakiil oo wax danbiya oo ay galeen ayna jirin, marka waa in dowladdu sida ug dhaqsiyaha badan ay gacanta ugu soo dhigtaa dadkii dilka geystay ee Saraakiisha laayey, walibana waa in Shacabkuna Dawladda iyo Ciidanka la shaqeeyaan, oo dadka dilka geystay ay soo sheegaan meel kasta oo ay joogaan, waana in dadkaas gacan ku dhiiglayaasha marka la soo qabto, waa in sharciga la hor keena, waxaan kale oo aan aad u cambaaraynayaa dilkii kan ka horeeyey ee isna labada qof ku dhinteen, Dawladduna nabada ha adkayso, oo cid kasta oo dhib iyo colaad wada gacan bir ah wax ha kaga qabato” Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse ayaa isna yidhi “Nabadu waa qaali, ee ILLAAHAY xaqa ha ina garansiiyo, mar walbana samaha iyo wanaaga aynu ka shaqeeynayno, colaad iyo fidnadana looma baahna, ee aynu ka dheeraano, Dawladdu mar walba nabada ha ilaaliso, cid kasta oo dhib wadana wax ha ka qabato, bishiii khayrka badnayd ee Shabcaan ayeynu ku jirnaa, oo inoo dhammaynaysa, bishii Ramadaan oo ah bisha ugu khayrka badan bilaha ALLE ayaa iyana inoo soo galaysa, ee ALLE khayr ha inoogu soo galiyo, oo ALLE xumaanta iyo shaydaankaba ha inaga qabto,Saraakiisha la dilayna waxay ahaayeen Saraakiil Qaran ee ALLE ha u naxariisto, jannadiina ha ka waraabiyo, inagana samir iyo imaan ha inaga siiyo, cidda dishayna waa in la soo qabtaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Munaasabada Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed oo maskax iyo muruqba geliyey dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna. Waxaan xasuusannahay dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyagoona saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna. Inkastoo shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeynayeen duruufo adag sanaddadii la soo dhaafay, haddana waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyagoona fashaliyey yoolka argagixisada Alshabaab ee ku aaddan kala dhantaalidda rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ka tacsiyeynayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee maskaxdooda iyo muruqooda iyagoo ugu adeegaya dalkooda iyo dadkooda ku naf waayey falalkii ay argagixsada soo maleegtay. Dowladdu waxa ay xoogga saartay dhammeystirka shirciga shaqaalaha oo xaqiijinaya in ay ku shaqeeyaan xuquuq dhammeystiran iyo deegaan shaqo oo fayoow. Sidoo kale, waxaan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaarad ku filan nolashooda, taasoo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna. Waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah, si aan u adkaynno xuquuqda shaqaalaha, horumarka iyo wada jirka umaddeenna. Puntland Post The post Madaxweynaha oo Dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Washington)-Wiil Soomaali ah oo askari ka ahaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu helay in uu dilay haweenay reer Australia ah oo aan hubaysnayn. Maxamed Nuur ayaa toogasho ku dilay Ruszczyk Damond oo qaabishay dhanka gaariga uu askarigu ku jiray iyada oo rabta in ay ku wargaliso in ay ka shakiday in guri ay daris yihiin oo Minneapolis ku yaalla uu kufsi ka dhacayo, arrintaasina waxay dhacday 15 Luulyo ee sannadkii 2017. Maxamed oo 33 jir ah ayaa toddobaadkii hore qiray in uu rasaasta furay isaga oo ka baqaya in isaga iyo askarigii la shaqaynayay weerar gaadmo ah lagu soo qaaday. Damond ayaa 40 sano jirtay waxayna ahayd macallimad dhigta jimicsiga yoga loo yaqaanno, waxayna ka soo jeeday magaalada Sydney. Dilkeeda ayaa cambaarayn caalami ah dhaliyay, Ra’iisulwasaarihii Australia ee wakhtigaasna Malcolm Turnbull wuxuu sheegay in dilkaasi uu yahay “mid aan ka daadagayn”. Maxamed oo gacamaha ka xiran ayaa xabsi loo taxaabay isla markii ay guurtidu ku heleen dambi heerka saddexaad ah iyo dil aan kas ahayn oo heerka labaad ah, xukunkaasina wuxuu dhacay Talaadadii. Waxaa lagu waayay dambiyadii halista ahaa ee dilka heerka labaad ah iyo in uu si ula kac ah u dilay. Guurtida ayaa dhagaysatay in gabadha oo haysatay dhalashada Maraykanka iyo midda Australia in ay dhimatay daqiiqado uun ka dib markii ay la hadashay ninkii ay u doonanayd. Gacaliyaheeda Don Damond ayay u sheegtay in booliis u yimid ka dib markii ay u wacday si ay ugu wargaliso macquulnimada in tacaddi galmo uu agteeda ka socdo. Balse wax dhib ah oo dariskeeda ka dhacay lama sheegin. Nuur oo ka sheekaynaya sidii ay wax u dhaceen ayaa sheegay in uu rumaystay in ay halis ku soo wajahantahay markii uu maqlay dhawaq isla markaasna arkay Damond oo gacanteeda midig taagaysa. Maxamed ayaa sheegay in askari Matthew Harrity oo ay wada shaqaynayeen uu ku dhawaaqay “”Oh Jesus!” uuna ku soo laabtay isaga oo buskooladdiisa la soo bixi raba “cabsina ay wajigiisa ka muuqato”. Maxamed wuxuu sheegay in markii ay u caddaatay in uu toogtay qof aan hubaysnayn ay la noqototay in ay dunida uga dhammaatay. Dacwad oogeyaasha ayaa su’aal galiyay dhabnimada dhawaqa uu Maxamed sheegay in uu maqlay, iyaga oo tilmaamay in isaga iyo askarigii la hawlgalayay uusan midna markii hore xusin wax dhawaaq ah oo ay ka maqleen goobta uu dilku ka dhacay. Baaritaankii la sameeyay ayaa sidoo kale muu jiyay in Damond aysan taaban gaariga askarta maadaama oo aan sawirka faraheeda laga helin. Gabadhan ayaa magaaladaas u tagtay si ay u guursato Don Damond oo ay wada socdeen. Baadheyaashii gacanta ku hayay kiiska gabadha ayaa u yeeray Damond oo ku sugnaa Las Vegas, Nevada, si ay ugu wargaliyaan in ay dhimatay gacalisadiisii. Maxkamadda ayuu ka sheegay in wicitaankii labaad uu ku ogaaday in askari booliiska ka tirsan uu toogtay gabadha. Damond ayaa sheegay “in taleefankii ugu xumaa ee uu abid diro” uu ahaa midkii uu hawsha gabadha ugu sheegayay qoyskeedii Australia ku sugnaa. Maxamed ayaa qaxootinimo ku tagay Maraykanka isaga oo qoyskiisa la socda waxayna dageen Minneapolis. Booliiska ayuu ku biiray sannadkii 2015kii, balse shaqada ayaa laga tiray ka dib markii lagu soo oogay dacwadda toogashada. Janeé Harteau oo markaas ahayd taliyihii booliiska ee Minneapolis ayaa iyadana shaqadeedii ku wayday arrinta Maxamed, guuldarradii dorashada ka soo foodsaartay duqa magaalada bilooyin ka dib ayaa iyagadana loo saariyay dilka uu Maxamed gaystay. Qoyska Damond ayaa dacwad ku furay magaalada iyo dhaw ruux oo booliiska ka tirsan iyaga oo dalbaday 50 milyan oo doolar oo magdhaw ah. Medaria Arradondo oo ah taliyaha booliiska Minneapolis ayaa raali galisay qoyska Damond iyo saaxiibbadeed isaga oo war qoraal ah soo saaray ka dib markii la shaaciyay xukunka Maxamed. “Arrintan ayaa runtii ahayd masiibo murugo badan oo saamaysay, qoyska, saaxiibbada, dariska, magaalada Minneapolis iyo dadka dunida oo dhan, si gaar ahna waxay u taabatay dadka dalka Australia”. Ayuu intaas ku sii daray. Source
  5. (SLT-Nairobi)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qalinka ku duugay sharci muran dhaliyay oo ku saabsan xaasaska badan ee la guursado. Sharciga ayaa markii hore ogolaa in ninku uu hal xaas yeesho, balse dhaqammada bulshooyinka Kenya qaarkood ayaa oogolaa in raggu ay dumar kale yelan karaan. Sharcigan isbadalka lagu samaynayo ayaa muran badan dhaliyay, waxaana taageeray ragga xildhibaannada ah oo u coddeeyay in raggu ay xaasas badan guursan karaan. Bishii hore xildhibaannada dumarka ah ayaa baarlamaanka isaga dareeray ka dib markii xubnihii ragga ahaa ay u codeeyeen in la badalo sharcigii hore ee halka xaas ogolaa. Waxay ku doodeen in go’aanka xaaskale lagu fasaxayo uu saamaynayo qoyska oo dhan, arrintaas oo ay ka mid tahay dhaqaalihii ay heli jirtay minwaynta. Sharcigan waxaa sidoo kale ka soo horjeedsday madaxda diinta Kiristaanka, waxayna ku baaqeen in madaxweynuhu uusan sixiixin sharcigaas, iyaga oo sheegay in uu wiiqayo mabaadiida Kiristaanka ee ku aadan guurka iyo qoyska. Sharciga guurka ayaa sannado badan laga soo doodayay hindiseyaashii horana guddiyada ayuu ka soo gudbiwaayay. Dooda iyo dib-u-eegist xeerka guurka ayaa socotay dhowr sanno. Dhowr jeer ayaa wax laga bedelay. Wuxuu xeerka cusub baabi’iyay guur dhaqameedka oo aan la diiwaangelin jirin islamarkaasna lagu kala tegi jiray iyada oo aan wax sharci ah la marin. Laakiin wuxuu sharciga meesha ka saaray qorsheha lagu doonayay in lagu mabnooco sooryada. Labo iyo dhediguna waa inay ugu yaraan jiraan 18 sanno si ay isu guursadaan. Xildhibaanadda ayaa diiday wax-ka-bedelka xeerka guurka ee guddiga oo dhigaya inay haweeneydu yeelato 30% hantida ninkeeda haddii odeygu geeriyoodo ama la furo. Xeerka cusub wuxuu hadda oggolaanayaa inay u sinaadaan dhaxalka hantida ee lamaanaha isqaba. Markii hore haweeneydu waxay ku qasbaneyd inay cadeyso wax ay ku biirisay hantida odeygeeda si ay dhaxalka uga yeelato. Waxaa laga cabsi qabaa in xeerka cusub in uu rabshad ka dhex dhaliyo haweenka la isla qabo maadaama uusan sharaxaad iyo faahfaahin ka bixin doonin sida haweenka la isla qabo u wadaagayaan dhaxalka geerida odeygooda kadib amaba haddii midood la furo. Source
  6. Hargeisa ,T(Qaran news)-President Muse Bihi Abdi has imposed a dusk to dawn curfew on the towns of Erigavo, El-afwein and Garadag in Sanaag and Saraar regions after the murder of two Somaliland Police and Custodial Corps Officers. The two officers were killed after demonstration to protest the death of a prisoner in custody at the Erigavo Central Jail. The deceased prisoner was placed under arrest by and processed by the two murder officers. The imposition of curfew by the President has to be approved by a joint session of both chambers of the Somaliland legislature. It is expected that the parliament will approve the measure of emergency law in the area for three months, and extraordinary powers for the Somaliland commanders in the field, army, police, security and other branches. Meanwhile the residents of Erigavo has ignored the dusk to dawn curfew and appear to be going about their normal daily business. It has also emerged that the two slain officers had requested additional support forces from the chain of command, but their request was either ignored or neglected. There are calls for the resignation of both the Home minister and the Commissioner of the Somaliland Police Force. In further development, the community of the slain officers, both hailed from Awdal region, have called for the government to locate and arrest the prime suspects within 24 hours. There has also been a noticeable exodus from the main urban areas of Awdal region by members of the community in which those alleged to have carried out this crime come from. Qaran News
  7. Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabaka Sida Puntland ayaa ku riday Xukun dil ah Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle), wixii xilligaas ka dambeeyay [...] Source
  8. Meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya waxaa maanta laga xusay maalinta shaqaalaha aduunka oo ku beegan 1 bisha May,219. Hadaba ahmiyad intee laeg ayay [...] Source
  9. Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay munaasabada lagu samaynay isku aadka tartanka kooxaha horyaalka heerka 2aad ee da’yarta iyo sidoo kale ciyaaraha iskuulada Gobolka Banaadir oo ay ka qeyb galayaan ilaa 14 iskuul waana sanadkii 4aad uu xiriirka tartanka hergelinayo,iyadoo hadafka laga yahay uu yahay in la helo ciyaartooy ku wanaagsan dhinaca wax barahada iyo ciyaaraha kubbadda cagta . Guddoomiyaha dhalinyarada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Maxamuud Xirse ayaa sharxaada ka bixiyay marxadii kala duwnaa uu soo maray horyaalka iskuulada iyo sanadka waxyaalaha ku cusub ay soo kordhiyeen waxaada horomarinta dhalinyarada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. Yuusuf Muxidiin Axmed oo ah xoghayaha guud ee xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa iskuulada ka qeyb galaya tartankan kula dardaarmay in ay garoomada la yimaadaan ciyaar ku dheehan anshax si looga helo ciyaartooy aad u xirfad saraysa oo ka qeyb qaadata kobaca kooxaha kubbadda cagta gudaha iyo heerarka kala duwan ee xulka qaranka Soomaaliya. Ismaaciil Suleymaan oo iminka u ciyaara kooxda L.L.P Jeenyo iyo Mahad Xuseen Basey oo isna ka mid ah naadiga Heegan ayaa qeyb ka ahaa xidigihii kusoo baxay tartanka,iyagoo sanadkii lasooo dhaafay 2018 Soomaaliya kaalinta 2aad la gaaray tartankii 17-jirada Bariga iyo Bartamaha Africa ee ka dhacay wadanka Burundi waxayna ciyaartooyda dhalinyarada iskuulada kula dardaarmeen in ay xoog saaraan waxbarashada iyo ka qeybgalka taramada kubbadda cagta gudaha. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa sheegay in sanadaha soo aadan ay xooga saaridoono horomarinta dhalinyarada guud ahaan Soomaaliya cid walbad oo doonaysa horomarka kubbadda cagta ay diyaar u yihiin ay soo dhawaynayaan. Guddomiyaha Garsoorka Soomaaliya ahna guddomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa sheegay in xiriirka kubbadda cagta dalka uu sanadba sanadka danbeeyo uu ku tilaabsanayo horomar loona baahan yahay in siwada jior loogu qeyb qaato si looga tartamada xiriirada kale ee caalamka. Gabagabdii munaasabada guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa u mahad celiyay iskuuladii ka qeyb qaatay sanadiihii lasoo dhaafay,isagoo sheegay mira dhalka tartanka da’yarta iskuulada laga arkay koobkii Bariga iyo baratamaha Afrika 2018 ee ka dhacay dalka Burundi iminka uu xiriirka qaatay qorshaha horomarinta dhalinyarada ee loo yaqaano (Grass Root). Si kastaba tartanka iskuulada Sanadkii lasoo dhaafay waxaa ku guulaystay xidigaha iskuulka 20-December waxaana isha lagu hayaa kooxdii loo caaleema saarihaa sanada 2019. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Isku Aadka Tartanka Iskuulada W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  10. 11-kii November 2018 ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabaka Sida Puntland ayaa ku riday Xukun dil ah Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle), wixii xilligaas ka dambeeyay ayay soo qaateen Qareenada difaacayay Eedeysanaha rafcaan kaasi oo la keenay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Side ee heer Federaal Fadhigeeda Muqdisho. Inkastoo kiiskan muran ka dhex abuuray degmada Gaalkacyo ee u kala qeybsan maamulada Gelmudug iyo Puntland kiiska Cabdirisaaq hadane Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ayaa isku howlay baaritaanka eedeymaha loo heysto oo ah arrimo arga-gixisanimo. Xafiiska Xeer Ilaalinta oo safar ku bixiyay baarista kiiskan ayaa 24-kii bishii Sedaxaad codsaday in la hor geeyo Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, laba isbuuc kadib Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Side ayaa sedax jeer oo kala ah 6-13-27 bishii na dhaaftay u fariisatay eedda Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle). Mudda 21-cisha ah oo ay Maxkamadda Sare kiiskan ku dhex jirtay, waxa ay Guddoonka Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ku bixiyeen dadaal fara badan oo ah hubinta Eedda arga-gixisanimo ee Eedeysanaha u xirnaa weliba horay loogu soo xukumay balse buray markii ay aqbashay rafcaanka Maxkamadda Sare. Xafiiska Xeer Ilaalinta oo codsiyada ugu badan lahaa ee dib u dhigista eedda ayaa 27-kii bishii tagtay soo jeediyay in aysan sii wadi Karin xaggooda eedda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in tallaabooyin amni oo la dul dhigo eedeysanaha iyadoo la fiirinayo danaha guud ee gobalka Mudug. Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta fadhigii ugu dambeeyay ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, waxa ay sheegeen in ay aqbalayaan wax kasta oo ay ku jirto danta guud ee dowladnimada iyo ilaalinta nabad galyada gaar ahaaneed ee degmada Gaalkacyo. 5-cisha kadib Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side ayaa go’aan ka soo saartay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, waxaana ay Maxkamadda Sare amartay in si deg-deg ah looga daayo xabsiga hadii aysan jirin dambiya kale, waxa ay sidoo kale amartay in uusan ka bixi Karin magaalada Muqdisho muddo 2-sano ah, ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku amartay ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad 5-sano iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo Xarunta Dambi Baarista Boliiska CID, sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida jenaraal Liibaan Cali Yarow. Kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii July 2017 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay waxay weerar ku qaadeen Xarakada Al-shabaab ee ku sugan deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban. Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa u suurtagashay iney la wareegaan deegaanka Bariire, mana la oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii dhacay. Xaaladda deegaanka Bariire ayaa deggan, balse ciidanku waxay wadaan howlgallo ay ku sameynayaan dhammaan furyaha ku yaalla deegaankaasi. Saraakiisha xoogga dalka ee hoggaamineysa ciidankan ayaan wax faah faahin ah ka bixin howlgalkan ay kula wareegeen deegaanka Bariire. Ciidanka dowladda ayaa horey uga baxay deegaankan oo ay Al-shabaab kala wareegeen, lamana oga in ay sii joogi doonaan iyo iney dib uga soo laaban doonaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Nicolás Maduro claimed his troops have thwarted a botched attempt to topple him masterminded by Venezuela’s “coup-mongering far right” and Donald Trump’s deranged imperialist “gang”. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi. Dagaal ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sababay in Al Shabaab lagala wareego deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo sanadihii ugu dambeeyay Al Shabaab ay maamulayeen. Ciidanka dowladda ayaa dhowr jeer sidaan oo kale Al-Shabaab kala wareegay degaanka Bariire, laakiin ciidanka dowladda ayaa looga bartay in ay kasoo baxaan deegaankaasi oo ah mid inta badan Al-Shabaab ay kusoo qaadaan weeraro joogto ah. Al Shabaab ayaa waxay waayeen gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana kamid ah deegaanada Sabiid iyo Caanoole oo muddo ay maamulayeen. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u balan qaaday ciidamada amaanka inay heli doonaan mushaaraadkooda iyo xuquuqda ay leeyihiin, balse looga baahan yahay inay Al Shabaab ka saaraan deegaanada Shabeelaha Hoose. Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa shaacisay in Al-shabaab dagaal looga saaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha,isla markaana weli uu socdo howlgal xoogan oo la doonayo in Al Shabaab laga saaro. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Sh/Hoose Caasimada@live.com
  14. MINNEAPOLIS (WCCO) — The guilty verdict of former Minneapolis police officer Mohamed Noor angered several of his supporters in the Minnesota Somali community, and delighted Australians. Source: Hiiraan Online
  15. An air strike near the Somali town of Afgoye killed four people, a relative of one of the victims said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin dheer ayaa laga qoray dayacaad dowladda Kenya ay ku sameysay qaar kamid ah ciidamada kaga sugan Soomaaliya oo la sheegay inay xanuunada maskaxda ka qaadeen dagaalada ay la galaan Al Shabaab. Dowladda Kenya ayey warbixintan ku eedeysay in Askarta waxyeellada ka soo gaarto dhimirka aysan helin daryeel fiican beddelkeedana ay la kulmaan shaqo ka eryid iyo cadaadis kale oo ay kala kulmaan dowladdooda. Christopher Katitu ayaa kamid ah ciidamada dowladda Kenya dayacday ee kusugan dalka Soomaaliya, waxaana Mar Katitu la sheegay inuu ku qornaa bar ilaalineed ku taala magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Intaas waxaa u dheer nolosha qoyskiisa oo uusan ka warqabin, xaaskiisa oo ka careysan,waxaana uu intii uu ku sugnaa barta Koontarool billaabay in uu isla hadlo halkaasna ka qaado xanuunka dhimirka. Dowladda ayaa fasax siisay, markii uu ku laabtay dalkiisa halkii ay ahayd in la geeyo Isbitaalna waxaa lagu siidaayay qoyskiisa isaga oo dhimirka la’. Katitu,oo 32 jir ah aya ayiri “ waxaa noloo diraa halkaas si aan dagaal u galno, nalooma diyaariyo sida la isaga daweeyo cudurrada dhimirka” Kudhawaad sanad oo uu ka maqnaa shaqada Ciidanka ayuu isku dayay in uu shaqadii dowladda dib ugu laabto laakiin waxaa loo sheegay in mar hore shaqada laga eryay islamarkaana uusan ahayn Askari ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF. Ciidamada Kenya ee uu tababaro Mareykanka kuna jira dagaalka AL-shabaab waxaa qaarkood loo tababaraa wax ka qabashada xanuunnada dhimirka laakiin dowladda Kenya uma sameyso xarumo ay ku shaqeeyaan saraakiisha Caafimaadka sida ay qortay Washington Post. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ay gaaraan qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada. 2-da bishan May oo ku beegan maalinta berri ah ayaa magaaladaasi waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo dhowaan uu ku dhaawaqay madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani. Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ayaa la filayaa in saacadaha soo aaddan ay halkaasi gaaraan, iyadoo dhanka kalena shirkan ay ku casuuman yihiin maamullada kale iyo sidoo kale madaxda sare ee dowladda dhexe. Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo ku aaddan xaaladda dalka iyo sidoo kale khilaafka madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti ayaa ugu baaqday Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya in ay dulqaad u muujiyaan shacabka culeys kasta oo soo wajaha, xilliyada ay ku jiraan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdisho. Marwo Basmo ayaa sheegtay in la guda gali doono xilliga Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare iyo Soonka, loona baahan in loo turo shacabka Soomaaliyeed Dhinaca kale Maxamed C/laahi Tuulax guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha degmooyinka looga baahan yahay in ay kalsooni ka sameystaan shacabka, si uu u hagaaga ammaanka M/Muqdisho. Hadalkan aya ku soo aadaya, xilli Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay Caasimadda ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir. View the full article
  19. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho. Howlgalkan ayeey ciidanka ku baarayeen guryaha iyadoo sidoo kalena la baarayey gaadiidka waddooyinka maraya. Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidanku ay soo qabteen dhallinyaro badan oo ugu dambeyn goob fagaare ah la isugu geeyey. Baaritaan kadib, inta badan waa lasii daayay dhallinyaradaasi, iyadoo saraakiisha howlgalkaasi hoggaamineysay ay dhallinyarada ka dalbadeen iney ciidamada ammaanka gacan siiyaan. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay wadeen howlgal ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Wasaaradda haweenka ee Puntland ayaa sheegtay in ay soo bandhigi doonaan dhowaan rag kufsi ka geystay deegaanno ka mid ah maamulkaasi. Aamino Cismaan Xaaji oo ah wasiirka wasaaraddaasi ayaa sheegtay in aysan u dulqaadan doonin cabsi iney ku noolaadaan haweenka Puntland. Waxay tilmaantay in gabdhihii ay aadi la yihiin iskuullada iyo sidoo kale Jaamacadaha, si taasi looga hortagana ay cadaaladda keenayaan rag badan oo falalkaasi loo haysto. Dhanka kale, waxay sheegtay in ay hayaan jawaabo cad oo ku aaddan baaritaanno lagu sameeyey rag loo soo qabtay kiisas kufsi ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/WASIIRKA-HAWEENKA-PUNTLAND.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (SMN) – Wasaaradad Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo ku aadan maalinta Shaqaale weynaha Adduunka u dirtay dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed. Sidoo kale Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa fasaxday shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha awgeed oo ku beegan maanta. Sadiiq Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlayay Warbaahinta yaa shaqaalaha Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo bogaadin,isagoo guul u rajeeyey shaqaalaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan. “Waxaan hambalyo u dirayaa shaqaale Weynaha Soomaaliyeed hambalyo ku aadan maalinta shaqaale weynaah adduunka,waxan leeyahay hambalyo,waxaana idin rajeynayaa guul iyo horumar,waxana idinku bogaadinaa in aad sare u qaadaan dadaalkiina dhanka shaqada,si aad horumar u gaartaan”. Ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa Kowda Bisha shanaad ee May ayaa dunida waxaa laga xusaa maalinta Shaqaale Weynaha caalamka,iyadoo guud ahaan caalamka uu siweyn u xuso,Soomaaliya ayaana kamid ah wadamada laga xuso maalintaasi. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya aayaa saacadihii la soo dhaafay raashin gargaar gaarsIiyay dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mas’uuliyiinta gaaray deegaanadaasi ayaa ka warbixiyay gaargaarka ay gaasriyeen halkaasi. Dalxa ayaa sheegay in Sabiid iyo Caanool ay ka mid ahaayeen meelihii dadka Soomaaliyeed looga gurman jiray, xilliyadii adka ee uu soo maray dalka. Dhanka akale Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaliya Siciid Maxamed C/laahi oo ka mid ah wasiirada booqaday Shabeelaha ayaa sheegay in ka wasaarad ahaa ay xarumo caafimaad ka furan doonaan gobolkaasi, si daryeel iyo daawo ay u helaaan dadka raydika ah ee ku dhaqan halkaasi. Dhawaan Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo howlgallo ka wada K/ Soomaaliya ayaa Al Shabaab kala wareegay deegaanada Sabiid iyo Caanoole. View the full article
  23. Buurhakaba (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa ku warramaya in xalay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed lagu dilay degmada Buurhakaba ee gobolkaasi. Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen sarkalkaasi, xilli uu ka soo baxay saldhigga Booliska ee degmadaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabelle u xaqiijiyay in raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka Al Shabaab ayaa shaaciyay in dilka kadib sarkaalkaasi ay ka furteen Qoray AK47 ah, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Baay iyo kan degmada Buurhakaba ee K/ Galbeed Soomaliya. View the full article
  24. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dab habeenkii xalay ahaa ka kacay suuqa Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha, kaasi oo durba lagu guuleystay in la damiyo. Xarun ganacsi oo halkaas ku taallay ayaa la xaqiijiyey in dabkan uu ka kacay, waxaana dabdamiska iyo shacab badan oo halkaasi tagay ku guuleysteen iney damiyaan dabkan inta aanu meello badan sii gaarin. Dadkii lahaa xarumaha ganacsiga gaar ahaan kuwa gubtay ayaa saakay halkaasi jooga si ay u qiimeeyaan khasaaraha dabkaasi uu soo gaarsiiyay, sida uu inoo sheegay mid ka mid ah ganacsatada suuqaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/WAREYSI-GANACSADE-BAKAARAHA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com