Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,340
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xamar Jajab (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda loogu geystay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Askariga la dilay ayaa ka mid ahaa Ciidamada laanta Canshuuraadka ee loo yaqaano Minashiibiyo, waxaana la sheegay in uu ka howlgali jiray Suuqa Beerta ee degmada Waabari. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay fuliyeen rag ku hubeysanaa Bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Dhanka kale saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyay dilkaasi. Dilalka ka dhanka ah Askarta ayaa maalmihii dambe ku soo badanayay Muqdisho, kuwaas oo inta badan ay sheegtaan Al Shabaab. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – 11-kii November 2018 ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabaka Sida Puntland ayaa ku riday Xukun dil ah Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle), wixii xilligaas ka dambeeyay ayay soo qaateen Qareenada difaacayay Eedeysanaha rafcaan kaasi oo la keenay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Side ee heer Federaal Fadhigeeda Muqdisho. Inkastoo kiiskan muran ka dhex abuuray degmada Gaalkacyo ee u kala qeybsan maamulada Gelmudug iyo Puntland kiiska Cabdirisaaq hadane Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ayaa isku howlay baaritaanka eedeymaha loo heysto oo ah arrimo arga-gixisanimo. Xafiiska Xeer Ilaalinta oo safar ku bixiyay baarista kiiskan ayaa 24-kii bishii Sedaxaad codsaday in la hor geeyo Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, laba isbuuc kadib Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Side ayaa sedax jeer oo kala ah 6-13-27 bishii na dhaaftay u fariisatay eedda Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle). Mudda 21-cisha ah oo ay Maxkamadda Sare kiiskan ku dhex jirtay, waxa ay Guddoonka Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ku bixiyeen dadaal fara badan oo ah hubinta Eedda arga-gixisanimo ee Eedeysanaha u xirnaa weliba horay loogu soo xukumay balse buray markii ay aqbashay rafcaanka Maxkamadda Sare. Xafiiska Xeer Ilaalinta oo codsiyada ugu badan lahaa ee dib u dhigista eedda ayaa 27-kii bishii tagtay soo jeediyay in aysan sii wadi Karin xaggooda eedda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in tallaabooyin amni oo la dul dhigo eedeysanaha iyadoo la fiirinayo danaha guud ee gobalka Mudug. Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta fadhigii ugu dambeeyay ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, waxa ay sheegeen in ay aqbalayaan wax kasta oo ay ku jirto danta guud ee dowladnimada iyo ilaalinta nabad galyada gaar ahaaneed ee degmada Gaalkacyo. 5-cisha kadib Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side ayaa go’aan ka soo saartay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, waxaana ay Maxkamadda Sare amartay in si deg-deg ah looga daayo xabsiga hadii aysan jirin dambiya kale, waxa ay sidoo kale amartay in uusan ka bixi Karin magaalada Muqdisho muddo 2-sano ah, ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku amartay ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad 5-sano iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo Xarunta Dambi Baarista Boliiska CID, sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida jenaraal Liibaan Cali Yarow. Kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii July 2017 View the full article
  3. Garbahaarey (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo saacadihii la soo dhaafay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah G/Gedo Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay ka dhaceen Tuulooyinka Libaaxlow, Shabeelow, Kurtuun Dhooble iyo War Cade oo dhammaan hoostaga degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeyntani lala beegsaday xarumo Al Shabaab ay ku leeyihiin halkaasi. Lama oga heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyay, mana cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, sida ay soo warinayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Waa sidee xaaladda caruurta ku nool waddooyinka Muqdisho ee ka xoogsata shaqooyin ay ka mid yihiin Caseytna Kabaha iyo dhaqida Baabuurta, mise u baahan yihiin dhiiro galin iyo in ay niyad dhis ka helaan Bulshada? Wariyaha Shabelle C/qani Bashiir Xuseen ayaa soo jeedinaya Warbixin ku aadan xaaladda nololeed ee Caruurtaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warbixin-Cabdiqani-Caseeyaha-1-5-2019.mp3 View the full article
  5. Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Shiiikh Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu xilkii iska casilay. Wasiirka ayaa is-casilaaddiisa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA. Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka iska casilo. Majiro war ka soobaxay xafiiska Ra’isilwasaaraha Soomaaliya oo is casilaadaan looga hadlay. Puntland Post The post Wasiirkii warfaafinta Soomaaliya oo Is casilay appeared first on Puntland Post.
  6. MOGADISHU (Xinhua) -- Somali security forces have recaptured the strategic town of Bariire in southern region from extremist group al-Shabab militants, the government said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  7. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen deegaanno ka mid ah gobolkaasi. Duqeyntan ayaa waxay diyaaradahan la eegteen deegaanno hoostaga degmooyinka Garbahaarey iyo Cadalle ee gobolkaasi, waxaana halkaa ku sugnaa xubno ka mid ah Xarakada Al-shabaab. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in diyaaradahan meelaha ay duqeeyeen ay kala yihiin Warcaddey, Kurtun Dhooble iyoLibaaxlow. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay duqeyntan, iyadoo dhanka kalena aan la ogeyn diyaaradaha duqeyntan fuliyey dalka laga leeyahay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Garbahaarey (SMN) – Illaa lix xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab ayaa maanta siyaabo kala duwan isugu soo dhiibay Ciidamada dowladda federaalkas Soomaaliya. Xunahan ayaa waxaa ku jira labo sarkaal oo iska soo dhiibay gobolka Gedo, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan kuwa Milatariga Soomaliya oo ka howlgal degmada Doolow ee gobolkaasi. Magacyada saraakiishaasi ayaa lagu kala sheegay Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud Sidoo kale saraakiisha Ciidamada dowladda aya intaasi ku daray in xubnahani ay la soo goosteen hubkoodii. Labo sarkaal oo kale oo ka tirsan Al Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in ay isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda ee ku sugan degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere ee isla gobolka Gedo, inkastoo aan la shaacin magacyada raggaasi. Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaliya ayaa ku warramaya in labo ka tirsanaa Al Shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada nabad sugida dowladda ee ka howgala gobolkaasi. Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay Cabdinaasir Maxamed iyo Cali Dhuux Maxamed. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan xubnahaasi la sheegay in AY ka soo goosteen dhankooda. View the full article
  9. (SLT-Muqdisho)-Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor-dhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyre. Daahir Maxamuud Geelle ayaa is-casilaaddiisa sabab uga dhigay kala duwanaansho dhinaca fikirka ah oo u dhaxeysa isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya. Source
  10. Bariire (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bariire oo qiyaastii 65 KM galbeed ka xiga magaalada Muqdisho Ciidamada oo dagaal xoogan ku qaaday deegaankaasi ayaa gabi ahaan ka saaray Xarakada Al Shabaab. Taliyaha Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa xaqiijiyay la wareegitaanka Bariire, waxaana uu tilmaamay in haatan Ciidamada dowladdu baaritaano ay ka wadaan gudaha deegaankaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamadu ay ku sii siqayaan deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Ilo deegaanka ah ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in Ciidamadu ay hadda kaabiga ku hayaan degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda aya kordhiyay howlgallada ka dhanka aha Al Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  11. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdihlaahi (Cirro), ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in aanay ka qayb qaadan diiwaangalinta dhawaan komishanku uu doonayo inuu dalka ka qabto isaga oo ku eedeeyay doorashada lagu galaayo inay laba xisbi oo kaliyaati galayaan. Sida oo kale guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in madaxweyne Biixi uu doortay in uu dadka dalka qayb ka mid ah madaxweyne u noqdo, isla markaasna qaybta soo hadhay aanay noqonayn bilaa madaxweyne.waxa uu si adag uga hadlay xaalada dalka isaga oo xukuumada ku eedeeyay inay qaaday wadadii kalitaska ugana digay in waanay wadadaasi Somaliland ka soconayan. Waxa uu arimahan ka sheegay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay tacsi uu u diray ehelada saraakiishii lagu laayay gobalka Sanaag “Waxaan tacsi qaran u dirayaa saraakiishii ciidanka Somaliland ee danbiilayaashu ku dileen gobalka Sanaag, qaranka iyo ehelkoodii iyo xaasaskoodiina waan ka tacsiyaynayaa waxa waajib ah in sharciga la horkeeno danbiilayaashaas waxaanse ka xumahay sida la sheegay in saraakiishaasi muddo shan cisho ah ay gurmad ka dalbanayeen Maxamed Kaahin oo ku mashquulsanaa doorashada labada xisbi qabanayaan, waxaan kaloo tacsi u dirayaa oday inagu weyn Suldaan Cabdilaahi Cabdi Koore oo ka mid ahaa odayaashii nabadaynta gobalka Sanaag oo ka soo baxay Sanaag markii arintani dhacday oo dhexda gaadhi kula dhacay kadibna geeriyooday.” Xaalada Somaliland Somaliland maanta waxay maraysaa marxalad adag oo aan ka qarsoonayan indhaha shacbiga reer Somaliland iyo indhaha beesha caalamka,Somaliland waxa ay ahaan jirtay oo lagu tilmaami jiray laanbad ka ifaysa Geeska Afrika, waxa ay heshay magaca iyo maamuus wanaagsan waxa ayaan daro ah in maanta karaamo beel ka mudantahay dad badan oo karaamayn jiray, karaamadaas iyo laanbada laga damiyayna waxa masuul ka ah oo sabab u ah xukuumada xisbiga KULMIYE, waxaad maanta ka warqabtaan xukuumadii KULMIYE waxa ku maqan dhamaan hantidii ma guurtada ahayd ee shacbigu lahaa, hantidii way socotay maanta waxaynu ka hortaaganahay nafihii shacbiga Somaliland. Dalka waan ka maqnaa xoogaa waxaan ka dhoofay iyada oo shacbigu ay la tiicayaan sicirbarar xadhkaa goostay waxaan soo noqday iyada oo wali shacbigu tiiraanyadii iyo cabashadii uu qabo, waxaan soo noqday iyada oo la yidhi doolarkii tobanka kun ahaa sideed kun ayuu tagay, dadkii doolarka haysan jiray mar kaliyaata ayay gacantooda ka waayeen halkii doolarba laba kun oo shilin, maceeshadii iyo badeecadii midna qiimahoda hal santi lagama dhimin,. Taas macnaheedu waxa weeye qof kastaa waxa uu waayay 20% waxii uu haystay dadkii mushaharkoodu uu ahaa lacagta Somaliland oo ay ugu badnaayeen dadka wax dhisa, dhismuhuna waa shaqo siiyaha ugu weyn Somaliland dhismihii waa uu istaagay sarifka awgii, waxaana ku dhacay dad badan shaqo beel, walina tiiraanyadaasi way taagan tahay xukuumadii qorshe la iman lahayd lagu badbaadiyana waxay ku mashquulsan tahay ku tacadiga shacbigeedii oo saxaafadu ugu horayso, kala qaybinta bulshada iyo dhul boob. Maadaama oo ay Ramadaan soo dhawdahay xukuumaduna ay waajibkeedu ahaa qorshe arinta lagu furdaaminaayo hase yeeshee aanu soo muuqan qorshe ay soo wado waxaan u soo jeedinaya shacbiga Somaliland inay iyagu isku naxariistaan oo qof waliba maadaama oo ay ramadaana inoo soo galayso uu jaarkiisa ogaado oo waxii uu ku tari karaayo uu ku taro, maanta shaqaalaha iyo ciidamada mushaharkoodu kuma filna, waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa dhalinyaro is xilqaantay oo la sheegay in ay qaadhaan u ururinayaan qoysaska balbalaadhan ramadaanta, maadaama kaalintii ay xukuumadu gabtay ganacsatadana waxaan ku boorinayaa inay shacbigooda u naxariistaan. Arimaha Doorashooyinka Waxa aad ka warqabteen xisbiga Waddani inuu doorashadii ka tanaasulay markii komishanku uu ku dhawaaqay, intii ka danbaysay sanad iyo dheeraad waxa Waddani uu fadhiyay miiska wada hadalka ee asxaabta, waxaan u fadhinay in doorasho wakhtigeedii ku qabsoonta aynu helno, qabyada doorashadana la qabyo tiro oo ay ugu horayso cidii doorashada inoo qaban lahayd ama siidhwadayaashii ama garsoorayaashii ama komishankii oo si siman asxaabtu u soo xuleen dhexdhexaadna ah, waxaan filaynay sanad iyo badhkaas in arinta saami qaybiga oo go’aankeeda laga filaayay madaxweynaha ay wali ka soo bixi la’dahay guntigii madaxweynaha, xeerkii baarlamaanka ee doorashada in la ansaxiyo iska daaye wali golaha lama hordhigin, kootadii dumarka iyo dadka laga tiro badan yahay wali lama hirgalin, miisaaniyadii doorashadu ma jirto iyada oo intaas ay qabyo tahay iyad oo wadahadalkii asxaabtu ay socdaan waxaad ogtihiin in laba xisbi ay qol cidla ah isla galeen oo ay yidhaahdeen anaga ayaa doorasho qabsanayna arintaasi waa riyo maalmeed aan sinaba Somaliland uga hirgalayn. Walaalayaal waxa layaab leh ninka leh doosho ayaan qabanayaa ee Somaliland qoriga dabka ah kula wareegaya ee maalinba doonaya inuu meel ku dhajiyo inuu yahay wasiirkii ka masuulka ahaa amniga qaranka, arintaasi sharcina maaha caqlina maaha sinaba ugama suurtoobi karto Somaliland shacbigu waa yaaban yahay, beesha caalamkuna waa ay yaaban tahay, waxaan ka digaynaa arintaas sii wadisteeda, waxaad ka warqabtaan in labada xisbi ay Komishanka ku meeraysanayaan in komishankii madaxweynuhu u yeedhiyo in labada xisbi baarlamaanka tagayaan arintaas waxaanu ka digaynaa inay tahay dab Somaliland lagu dhajinaayo, waxa layaab leh in madaxweynii qarankan aynu u dooranay inuu hogaamiyo oo dalka uu mideeyo uu ka doorbiday inuu bulshada qayb ka mid ah madaxweyne u noqdo, hadduu madaxweynii qaranku inuu qarankan madaxweyne u noqdo uu ka doorbiday KULMIYE iyo UCID inuu madaxweyne u noqdo dalka intiisa kale madaxweyne la’aan mayso, hadii uu madaxweynuu ka doorbiday oo ay waajibkiisa ahayd inuu dalkan doorasho qaran u qabto oo asxaabtu u siman tahay oo uu go’aansado inuu KULMIYE iyo UCID inta kalena doorasho la’aan mayso, waxaan u sheegayaa shacbiga iyo umadda reer Somaliland in hadii xukuumadii iyo laba xisbi hadii ay yidhaahdeen dalka kala badh ayaanu ka tashanaynaa in aanay inta kalena talo la’aan doonin, waxaan u sheegayaa oo aan farayaa dhamaan taageerayaasha xisbiga Waddani haday joogaan gobal,degmo iyo goob In aanay marnaba aqbalin diiwaangalin iyo doorasho ay laba xisbi wataan, fariintaas ayaan gaadhiinayaa dhamaan taageerayasha xisbiga Waddani. Waxa aad ka warqabtaan intii ay xukuumadani jirtay inay tahay xukuumadii ugu tacadiga badnayd saxaafada,ganacsatada, samafalayaasha imikana waxay ku dartay hooyooyinka iyo umulihii arintaasi waxay muujinaysaa inay Somaliland qaaday tubtii digtaatooriyada waxaanan ka digayaa in aanay halkan digtaatooriyadi ka suurto galayn boqortooyana ka suurto galayn, mudadaas kooban hadaan ka soo qaado sanadkan oo kaliyaata 2019-ka waxa la xidhay inkabadan 15 saxafi, waxa albaabada loo xidhay Foore, waxa hanjabaad iyo digniin la siiyay tilifishano ka mid ah Somaliland oo uu ka mid yahay Saab iyo Star arintaas sii socodkeedu waxa uu dhalin karaa gadood shacbi, digtaatooriyadu dunida oo dhan way soo martay halkay ku danbeeyeena waad ogtahay. Waxaanu ka digaynaa in xukuumadu ay dhaqankaas badasho shacbiga ay masuulka ka tahayna ay hagardaamada ka dayso saxaafada dastuurku uu u baneeyay madaxbanaanidana ay madaxbanaanidooda siiso dalkana cadaalad ay ku hogaamiso. Wada hadalka Somaliland iyo Somaliya Adduunyadu taariikh ayay wada leedahay dawladnimadu waxay ku dhisan tahay aaminaada shacbigu aamino dawladiisa,waa arin ay dhamaan dalalku soo mareen dadka shacbiga ah markuu aamino dawladiisa iyo haayadihiisa dhamaan waxa uu u hogaansamaa amarada iyo shuruucda ka soo baxa laakiin marka uu lumiyo aaminaada xukuumada waxa bilaabma burbur dalalkaas waanay soo wada mareen. Xukuumada Somaliland iyada oo leh 50% shacbiga waan ka maarmay oo aan rumaysanahay in 50% ay tirsanaysaana aanay kalsooniba ku qabin waxaan qabaa in aanay ahayn wakhtigii ugu haboonaa ee ay ahayd inay Wadahadaladii Somaliland bilaabmaan anaga oo mabda’ ahaan ogol xisbi ahaan in la wada hadlo laakiin waxa ka horeeya inaan gurigeena hagaajino oo shabiga midayno in tacadiga,xeerjabinta,kutumashada shuruucda, xadhiga iyo jidhdilka shacbiga aynu markaas badalno oo inaga oo gudaha ka midaysan ayaynu gali karnaa aan la hadalno dalal kale, wakhtigay ku haboonaato in wadahadal la gaadho waxa loo baahan yahay in qorshii hore wax laga badalo loo xulo dad ka midho dhalin kara wadahadal kasta oo la galaayana waa inay u dhamaadaan matalayaasha shacbigu oo uu ka mid yahay xisbiga Waddani. Guddoomiye Cirro ayaa ay warbaahintu waydiisay su’aalo badan waxaana su’aalahaas ka mid ahaa hadii ay komishanka doonayaan in la kala diro sabaabta ay ugala bixi waayeen xubintii xisbiga Waddani ku lahaa oo wali ka mid ah? Todobada xubnoodba waanu eedaynay xubintayadu waa ay wanaagsantahay oo todobada ka mid maaha maanu odhan, markaas waxaanu jecelnahay todobaduba inay tagaan oo taayaduna ay ku jirto, imikana waxaanu taaganahay todobaduba ha tagaan. Qaran News
  12. Muqdsiho (SMN) – Munaasabada Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed oo maskax iyo muruqba geliyey dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna. Waxaan xasuusannahay dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyagoona saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna. Inkastoo shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeynayeen duruufo adag sanaddadii la soo dhaafay, haddana waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyagoona fashaliyey yoolka argagixisada Alshabaab ee ku aaddan kala dhantaalidda rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ka tacsiyeynayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee maskaxdooda iyo muruqooda iyagoo ugu adeegaya dalkooda iyo dadkooda ku naf waayey falalkii ay argagixsada soo maleegtay. Dowladdu waxa ay xoogga saartay dhammeystirka shirciga shaqaalaha oo xaqiijinaya in ay ku shaqeeyaan xuquuq dhammeystiran iyo deegaan shaqo oo fayoow. Sidoo kale, waxaan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaarad ku filan nolashooda, taasoo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna. Waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah, si aan u adkaynno xuquuqda shaqaalaha, horumarka iyo wada jirka umaddeenna. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa si kooban uga hadlay xaaladda degdegga ah ee madaxweynaha Somaliland ku soo rogay magaalooyinka Ceerigaabo, Ceelafweyn iyo Garadag waxaanu sheegay in uu arrintaasi saxaafadda ka maqlay haddana aanu wax tafaasiil ah ka bixinayn mawqifkiisa arrintan ku aaddan. “Adeeraw sidaad xaaladdaa degdegga ah u maqashay uun baan aniguna uga maqlay warbaahinta waxa jawaab ahna hada ka bixin maayo,” sidaas ayuu maayar Ismaaciil Xaaji Nuur u sheegay suxufi Badri Koosaar oo ka tirsan telefishanka Eryal oo khadka telefoonka kula hadlay. Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbarow ayaa VOA-da u sheegay in ay hirgalinayaan xaaladda degdegga ah oo qayb ka ah dadaallada lagu sugayo ammaanka inta la soo qabanayo dablay hubaysan oo Salaasadii dilay laba sarkaal oo boolis ah. Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda in aanay hayn xal ka duwan bandowda uu galiyay qaybo ka mid ah gobolka Sanaag waxaana arrintan ganafka ku dhuftay xisbiga WADDANI. Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun ayaa baarlamaanka ugu baaqay in aanay kulankooda Khamiista ku ansixin xaaladdan degdegga ah. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor-dhow ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda ra’iisul Xasan Cali Kheyre. Daahir Maxamuud Geelle ayaa is-casilaaddiisa sabab uga dhigay kala duwanaansho dhinaca fikirka ah oo u dhaxeysa isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Daahir uu bilihii dhowaa aad uga soo horjeeday siyaasadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-010519.mp3-vv.mp3 View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Ciidamada Booliska Soamliland ayaa xabsiga u taxaabay guddoomiyaha Garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme sida ii xaqiijiyay afhayeenka xisbga WADDANI. Weli ma cadda sababta loo xidhay laakiin afhayeenka ayaa ii sheegay in Dhamme maalintii shalay qoray maqaal uu ku dhaliilayo madaxweyne Biixi, taasna ay u malaynayaan in loo xidhay. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse, ayaa ka hadlay dilkii loo geystay labada Sarkaal, iyo dilkii ka horeeyey ee labada qof ku dhinteen ee ka dhacay isla Gobolka Sanaag, Waxayna Xukuumadda ugu baaqeen inay waajibkeeda ka gudato, oo dadkii dilalka geystay sida ugu dhakhsaha badan gacanta ugu dhigto sida ugu dhakhsaha badan, waajibkoodana mariso. Salaadiinta oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo ka hadlay arimahan ayaa yidhi “Dil aad iyo aad u fool xun, oo aan dhaqan inoo ahayn ayaa dhacay, ceeb baa dhacday, waana ayaan daro weyn in jid loo galo, oo la laayo Saraakiil CIidan oo wax dambiya oo ay galeen jirin, markaas Dawladdu waa inay sida ugu dakhsaha badan gacanta ugu soo dhigtaa dadkii dilka geystay ee Saraakiisha laayey, walibana waa in Shacabkuna Dawladda iyo Ciidanka la shaqeeyaan, oo dadka dilka geystay ay soo sheegaan meel kasta oo ay joogaan, waana in dadkaas gacan ku dhiiglayaasha marka la soo qabto, waa in sharciga la hor keena, waxaan kale oo aan aad u cambaaraynayaa dilkii kan ka horeeyey ee isna labada qof ku dhinteen, Dawladduna nabada ha adkayso, oo cid kasta oo dhib iyo colaad wada gacan bir ah wax ha kaga qabato”. Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse ayaa isna yidhi “Nabadu waa qaali, ee ILLAAHAY xaqa ha ina garansiiyo, mar walbana samaha iyo wanaaga aynu ka shaqeeynayno, colaad iyo fidnadana looma baahna, ee aynu ka dheeraano, Dawladdu mar walba nabada ha ilaaliso, cid kasta oo dhib wadana wax ha ka qabato, bishiii khayrka badnayd ee Shabcaan ayeynu ku jirnaa, oo inoo dhammaynaysa, bishii Ramadaan oo ah bisha ugu khayrka badan bilaha ALLE ayaa iyana inoo soo galaysa, ee ALLE khayr ha inoogu soo galiyo, oo ALLE xumaanta iyo shaydaankaba ha inaga qabto,Saraakiisha la dilayna waxay ahaayeen Saraakiil Qaran ee ALLE ha u naxariisto, jannadiina ha ka waraabiyo, inagana samir iyo imaan ha inaga siiyo, cidda dishayna waa in la soo qabtaa”. Source
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online helayso, ayaa sheegaya in magaalo katirsan deegaanada Somaliland ay goordhoweyd ka bilowdeen mudaharaad balaadhan. Badhtamaha magaalada Boorama ayaa hadda waxa ka bilowday mudaharaad balaadhan oo ay dhigayaan dadweynaha reer Borama, kuwaasi oo ka biyo-diidan in talaabo adag ay Xukuumada Biixi ka qaadi waayey dadkii ka dambeeyay dilkii labada sarkaal. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in dadweynahan ay taayiro ku gubeen wadooyin muhiim ah oo ku yaala badhtanka magaalada, iyagoona madaxa ku xidhnaa maro cas. Dadweynahan ayaa ka gadoodsan dilkii gobolka Sanaag loogu geystay Saraakiil katirsan Ciidanka Somaliland oo kasoo jeeday deegaan ahaan Gobolka Awdal. Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay kusoo rogay xaalad deg-deg ah degmooyinka ka tirsan Gobolka Sanaag, taasi oo ay daba socotay kadib dilkii Saraakiisha katirsanaa ciidanka Somaliland. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Taliyeyaasha Ciidammada Booliska Iyo Millatary-ga Somaliland Oo Ka Hadley Xaladii Deg Deg Aheyd Ee Shalay Madaxweyne Biixi Soo Saarey, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa hambalyo ku aadan maalinta fasaxa shaqaalaha Adduunka May, 01, 2019 u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan [...] Source
  21. The UK-funded Energy Security and Resource Efficiency in Somaliland (ESRES) programme is giving more people across Somaliland access to affordable, clean and renewable energy. Source: Hiiraan Online
  22. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar aysan la socon in Abwaan Cismaan C/laahi Guure uu ahaa ninki lahaa fikradda iskaa wax uqabsada cusub ama “is xilqaan” oo ah ololaha ugu weyn ee ay dowladda maanta jirtaa ku dhistay qaar kamid ah xarumahi burburay ee dowladda. Waxay ahaataba, Abwaan Guure maanta waa la coleystay oo waxaa isaga oo dalka dibadda uga maqan laga qaaday xilkii agaasimaha golaha murtida!. waxaan maqli jiray ‘Kacaanku ilmihiisa yuu cunnaa’ Saxiibbayaal waxaan fursad uhelay maanta in aan qadka taleefoonka kula sheekeysto Abwaan Guure maareyihii hore golaha murtida Qaranka oo shalay xilki laga qaaday. Abwaan Guure ayaan ugu horeeyn weydiiyay sida ay wax u dhaceen? wuxuu iigu jawaabay ” Shalay saacaddu marka ay ahayd 1-di duhur-nimo waqtiga Muqdisho ayaa waxaa idaacadda Kulmiye (KNN) ka baxay war ku saabsan in uu socdo wadahadallo u dhaxeeya madaxda mucaaradka ,Maammul goboleedyada iyo Madaxweynaha oo ah in la baddalo RW Khayre. Abwaan Guure wuxuu yiri “qiyaastii wax yar kahor 1:30 waqtiga Muqdisho waxaa isoo wacay RW Khayre oo careysan wuxuuuna i faray in aan shaqada ka eryo wariyaha warka sheegay iyo agaasimaha idaacadda, islamarkaana aan raaligelin ka bixiyo warkaasi ka baxay Idaacadda”. Abwaan Guure wuxuu yiri “waxaan u sheegay raysil-wasaaraha in aan anigu awood u lahayn in aan shaqada ka eryo wariye ka shaqeeya KNN, kol haddii aanan hadda mas’uuliyadda idaacadda haynin, teeda kale idaacaddu xeer ayay leedahay, dalkana sharciga warbaahinta ee baarlamaanka la mariyay ayaa xaq usiinaya wariyaha in uusan sheegin ilo-wareedkiisa ilaa ay maxkamad ka codsato marka la horgeeyo. Abwaan Guure wuxuu yiri “ ugu yaraan 10 daqiiqo oo aan murmeynay waxba kalama dheefin, isaga oo careysan ayuuna Taleefoonka igu dhigay. kadib wax ka yar 5 daqiiqo waxaa isoo wacay Wasiirka warfaafinta Mudane. Daahir Maxamuud Geelle wuxuuna igu yiri “ Saxiib Abwaan Guure waxa aan kuu sheegayo ogoow wax lug ah kumma-lihi, laakin waa ammar la’iisiiyay, waxa uu ka soo baxay raysil-wasaare Khayre oo ifaray in aan xilka kaa qaado ee sidaa ula soco”! Abwaan Guure waxaan ku iri buu yiri “ Hagaag, mudane wasiir waajibkaaga guddo, waxaad iga dambeysaba waa deyrta maanta ahe, adiguba idaacad waad leedahay, xilna dalka waad ka haysaa ee la soco”. Intaas marki aan Daahir is dhaafsanay kadib wax aan dhameyn 10 daqiiqo gudahood waxaa warka xil kaqaadisteyda oo si deg deg ka muuqdo loo qoray, loogu daabacay wakaaladda wararka ee SONNA ee oo ku hadasha afka xukuumadda. Marka aan leeyahay deg deg ka muuqdo waxaa masuuliyadda leyga qaaday lagu sheegay agaasimihii golaha ‘martida’ halki ay ahayd golaha ‘murtida’!. FG: Waa inti aan ka qoray Abwaan Guure, dhinac kale warkooda mahayo, mana helin wali. W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi @hanoolaato.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI wuxu si adag uga soo horjeestay xaaladda deg-dega ah ee la geliyey ee deegaanada gobalka Sanaag. Xisbigu waxa kale oo uu jawaab adag ka bixiyey hadalkii Wasiirka Warfaafinta Somaliland, waxaana uu sheegay in hadalkaasi xurmo darro iyo meel ka dhac ba uu ku ahaa qaranka Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah go’aan ka soo saartay kiiskii Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo labo jeer oo hore Puntland ku xukuntay dil toogasho. Maxkamadda sare ee ciidmada Soomaaliya ayaa maanta amartay in si deg-deg ah xabsiga looga sii daayo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, hadii aysan jirin dambiyo kale oo loo haysto, waxay sidoo kale amartay in uusan ka bixi karin magaalada Muqdisho muddo labo (2) sano ah. Sidoo kale Maxkamadda ayaa ku amartay ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad shan sano (5) iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo xarunta dambi baarista Boliiska (CID), sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Janaraal Liibaan Cali Yarow. Puntland iyo Ina Calool Geel Markii ugu horeysay xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ayaa 17-kii November 2012 magaalada Gaakacyo ku qabatay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo la sheegay in uu ahaa madaxii dhaqaalaha iyo saadka Al-shabaab ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay xiliga la qabtay in uu waday boorso ay ku jiraan walxaha qarxa islamarkaana uu qirtay inuu yahay Al-shabaab. Maxkamadda ciidamada Puntlnad ayaa 2-kii March 2013 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil ku diray xukun dil ah, waxaana xukunkaasi sababay in labo qof shacab ah oo reer Puntland ah lagu afduubo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug. Kadib doorashadii Madaxweyne Gaas 2014-kii, ayaa xasbiga laga siidaayay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) , waxaana qaab nabad ah la isku dhaafsaday Calool Geel iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu haystay Koonfurta Gaalakcyo. Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa lagu eedeeyay siideyntii sii kadib inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale isku dhacyadii dhexmaray Puntland iyo Galmudug. Sidoo kale ina Calool Geel ayaa mar la sheegay in lagu dilay weerarkii 28-kii September 2016 ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen meel bariga uga beegan Gaalkacyo, kaas oo lagu beegsaday koox lagu tuhunsanaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab. Puntland ayaa markale 23-kii July 2017 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) iyo saddex qof oo kale ku qabatay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada sirdoonka Puntland iyo Galmudug, kaas oo laga fuliyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Puntland ayaa markale xukun dil ah ku riday 12-kii bishan November, 2018 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel), sida uu sheegay Gudoomiyaha maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland G/sare Cawil Axmed Faarax. Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa 13-kii bishan November, 2018 ka dhacay mudaharaad kooban oo ay dhigeen dad u badan dhalinyaro, kaas oo looga soo horjeeday xukunka Puntland ku riday Cabdirasaaq Xuseen Tahliil oo ay ku sheegeen in uu ahaa nin ganacsade ah. 17-kii November 2018 ayaa Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo dil toogasho ku xakunaa laga duuliyay magaalada Boosaaso, isagoo lagu wareejiayay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana amarkaas bixiyay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Ugu dambeyna Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo dhowr jeer u fariisatay kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa maanta sii daysay. PUNTLAND POST The post Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo la sii daayay, laguna amray in uusan 2 sano ka bixin Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  25. Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug ayaa magalada Galkacyo kawada ololaha Cashuurta Gaadiidka ee sedex bilood-laha ah . Ciidanka ilaalada Cashuurha ee dowlada Puntland Ayaa [...] Source