-
Content Count
208,340 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho shan xisbi oo ka mid ah xisbiyada ugu miisaanka culus dalka ayaa waxay kasoo saareen baaq wadajir ah, kaasoo ay, kaasoo ku aadanaa arrimaha amniga iyo siyaasadda dalka. Xisbiyada baaqa wadajirka ah soo saaray ayaa waxay kala ahaayeen; UPD, Himilo, Wadajir, NDP iyo Ilays, waxaana war-saxaafadeedkooda oo dhawr qodob ka kooban ay diiradda ku saareen arrimaha amniga dalka, iyo sidoo kale xaaladda siyaasadeed oo meel aan la filayn gaartay. Sidoo kale, Bayaanka ayaa looga dalbaday dowladda Somalia inaysan dhicin wax muddo kororsi ah, isla markaana doorashada madaxtinimada Somalia ay ku dhacdo waqtigeeda oo aysan ka dib dhicin. Dhanka kale, Arrimaha Amniga mar ay ka hadleen ayay Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo Dowlad-goboleedyada uga dalbadeen inay si wadajir ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-sShabaab, isla markaana ay sameeyaan ciidammo suga amniga dalka. Ugu dambeyn, Xisbiyada dalka ayaa waxay dhawaan isugu yimaadeen kulan uu qabtay xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Sheekh Shariif, iyagoo si aad ah u dhaliilay dowladda, kana dalbaday inay wax qabato ammaanka, isla markaana ay caddeyso nooca ay noqon doonto doorashada dhici doonta. Haddaba, AKHRISO; Bayaanka ay wadajirka u soo saareen xisbiyada siyaasadeed ee dalka PUNTLAND POST The post Xibiyada siyaasadeed ee dalka ka jira oo soo saaray Maanta War-murtiyeed Wadajir ah appeared first on Puntland Post.
-
Waxaan hambeyeynayaa Shaqaale weynaha Soomaalilaand meelkasta oo ay joogaan waxaanan ku hambalyeynayaa Maalinta shaqaalaha Adduunka 1may 2019 , sanado badan ku gaadha caafimaad iyo cimri dherer. Shaqaaluhu waa dhiiga dhaqaajiya shaqada, waa Wajiga shaqada, waa quruxda shaqada, waanna Lafdhabarta hawlaha shaqada, sida loo daryeelo ayuunbay shaqada iyo waxqabadkoodu ku xidhan yahay waxaan soo jeedin lahaa in shirkadkasta oo waddanka ka shaqaysa iyo dawladuba ay shaqaalahooda u Gargaaraan oo ay siiyaan Adeegyadda qofka shaqaalaha ahi xaqa u leeyahay sida Caafimaadka , Fasaxa, Wakhtiyadda Dheeraadka ah ee ay Shaqeeyaan kana ilaaliyaan Waxkasta oo ka mamnuuca qofka shaqaalaha ah sidoo kalena siiyaan waxkasta oo sharciga shaqaalaha ee heer caalami uu xuquuq u siiyey kana reebaan waxkasta oo sharcigu u diiday. Waxaan in badan arkayay Shaqaale weynaha soomaaliland oo aan lahayn Urur ay ku midaysan yihiin dhammaantood insha Allah waan se rajeynayaa in la sammayn doonno waxaanan in badan qorsheeyay inaan ku dhawaaqo se wali waxba iima suura galin Caqabado jira awgood, waanse waddayaa ilaa intaan arkaayo urur ay ku midaysan yihiin, muhiimaddu waa in shaqaale kasta hello xuquuqdiisa iyo waxa ka maqan iyo waxa isaga xaq loogu leeyahay si dhinackastaa xaqiisa iyo xuquuqdiisa u hello. Haddaba adigu haddii aad shaqaale tahay Maxaa kaaga meel yaalla midawga shaqaale weynaha? Sanadguuro wanaagsan dhammmaantiin. Gmail: Farxaanmxd@gmail.com Facebook: Rakad Mxd Sultan Qaran News
-
Hargeisa, (Qaran news)-The Chief of the Somaliland Defence Forces, Major-General Nuuh Ismail Tani and the Commissioner of the Somaliland Police Force, Major-General Abdillahi Iman Fadal gave a joint press conference in Hargeisa to talk about the imposition of Emergency Law in the three towns Erigavo, El-Afwein and Garadag. Speaking to the gathered press, the Generals gave a briefing over the tragic events of the last few days which led to the death of two Somaliland officers from Police and Custodial Corps. The two offers were slain in an ambush by unknown assailants. The two generals outlined the nature of the Emergency Law, which according to them will leave the administrations of the three towns in their hands of the Military, Police and other branches of the security services. The Generals appealed for the residents of the three towns and all Somalilanders to work with the security services to maintain law and order and strengthen the peace in the country. The Generals also appealed for the Somaliland media to be more accurate in their reports and to inflame the situations with unconfirmed news. However, it is worth noting that despite the appeal from the two commanders, it is precisely because of the lack of disclosure from the administration that leads to speculations and supposition on behalf of the media. If the administration and the armed forces were more forthcoming by issuing clarification and press briefings it would be easier for the media to be more accurate in their reports. The last few years has seen continues conflict in that part of Somaliland between neighboring communities which has severely tested the administration and armed forces to the limit. Sadly, before the tragic murder of the two officers, thanks in part to extensive negotiations led by the government, community elders and activist, the situation appeared to be taken a turn for the better. Unfortunately, the recent tragic events have now spread the tentacles of the conflict across Somaliland. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidammada booliska Somaliland ayaa sheegay in sababta ay u xidheen Maxamed Siddiiq Dhamme oo ah guddoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI ay tahay ka dib markii uu ka hor yimid amarkii madaxweynaha, isla markaana uu dadweynaha gobolka Sanaag uu ku dhiirrigaliyay kicin-dadweyne. Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis Maxamed ayaa sheegay in sifo sharci ah loo maray xadhiga sarkaalkaas mucaaridka ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa waxaa maanta xabsiga loo taxaabey ku dhawaad 30 hooyooyin ah, kuwaasi oo dawladda Somaliland ka codsaday in laga caawiyo sidii ubadkooda oo uu haysto Magafaha Liibiya loogu soo dayn lahaa. Hooyooyinka xabsiga loo taxaabey ayaa iskugu yimid mid ka mid ah waddooyinka suuqa Hargeysa, iyagoo sitay boodhadh ay ku qoran yihiin; “Waxaan ka codsanaynaa dawladda sharafta leh inay wax nagala qabtaan sidii aan uga soo saari lahayn dhalinyarada godka madow ee Liibiya ku jirta” Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Rayte oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland kana soo jeeda gobalka Sanaag gaar ahaan magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa uu ka hadley xaalada deg deg ah ee madaxweyne Muuse Biixi shalay ku soo rogay magaalada deegano ka tirsan gobalka Sanaag . Xildhibaanka oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in aanay sax aheyn xaalada deg deg ah ee gobalka Sanaag lagu soo rogay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Maanta oo taariikhdu tahay 1da May 2019, waxa magaalada Muqdishu ku kulmay hogaamiyayaasha xisbiyada NDP, Himilo Qaran, Ilays, Wadajir, iyo UPD. Xisbiyadu waxay si qoto dheer diiradda u saareen amniga qaranka, dhamaystirka dastuurka, doorashooyinka 2020, nidaamka xisbiyada badan, iyo ilaalinta xoriyadaha dastuuriga ah. Xisbiyadu waxay ku baaqayaan: Amniga In dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyadu ay isla fahmaan istiraatiijiyad iyo qorshe amni qaran oo dalka lagu xasilinayo, laguna dhisayo ciidamo qaran oo awood u yeesha in ay mas’uuliyadda amniga dalka la wareegaan. In dawladda dhexe ay gacan ka siiso dawlad goboleedyada xoraynta dhulka kooxaha argagixisada ah gacantooda ku jira lagana siiyo qoondooyin saanadda iyo hubka dawladda dhexe loogu deeqo. In maqaamka caasimadda sida ugu dhaqasaha badan go’aan laga gaaro, gobolka Banaadirna loo dhiso maamul dadkiisu soo doortaan oo la wareega sugida amaanka gobolka. In amniga dalka iskaashi buuxa ay ka yeeshaan dawladda dhexe, dawlad goboleedyada, shacabka Soomaaliyeed iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera dhinaca amniga. Dastuurka a. In sida ugu dhaqsaha badan loo soo afmeero waxyaalaha u baahan in go’aan siyaasadeed iyo wadaxaajood ay ka gaaraan saamileyda siyaasadeed sida maamul goboleedyada, dawlada dhexe iyo xisbiyaddu. In ka qeybgalka wadatashiga dastuurka kaalin muhiim ah laga siiyo xisbiyadda siyaasadeed ee heer qaran si taasi u horseeddo xoojinta nidaam dimoqraadi ah oo ku dhisan axsaabta badan. In dawlada dhexe iyo maamul goboleedyadu ka heshiiyaan waxyaalaha muhiimka u ah dhameystirka dastuurka sida qeybsiga kheyraadka iyo federaalaynta nidaamka maamulka maaliyada. iwm. In laga dheeraado in dastuurka laga dhigo mid cid ama shakhsiyaad dano gaar ah leh ay ku jaangooyaan damacooda iyo danahooda gaarka ah. In dib loo billaabo wadahadalka Somaliland iyo Dawladda Dhexe maadaama ay tani muhiim u tahay dhammaystirka dastuurka iyo midnimada dalka. Doorashada In doorashada lagu qabto waqtigii loo asteeyay lagana fogaado muddo kordhin ama wax kasta oo sababi kara in uu dib u dhac ku yimaado geedi -socodka dimoqraadiyada dalka. In doorashooyinka ay ku tartamaan xisbiyo qaran oo dhiirigeliya loolan ku dhisan afkaar xor ah & barnaamijyo siyaasadeed. In xisbiyadu xafiisyo ka furtaan deegaan doorasho kasta oo ay si xor ah u cabbiraan afkaartooda mar kasta iyo meel kasta si waafqasan dastuuraka iyo shuruucda dalka u yaal. In la dhamaystiro shuruucda ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka si loo hubiyo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. In sida ugu dhaqsaha badan looga heshiiyo nooca doorashada la geli doono 2020/2021 si looga baaqsado mugdi ku yimaada hanaanka geeddi-socodka doorashooyinka ayadoo xisbiyada qaran ay qeyb ka yihiin go’aan gaaridda. In mudnaan la siiyo muhimmadda ay leedahay dhexdhexaadnimada Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo kartidooda ku aadan qabashada doorasho hufan oo ay xisbiyo badan ku tartamaan. Xisbiyada Siyaasadda In golayaasha go’aanada masiiriga ah ee dalka iyo dadka taabanaya lagu gaarayo ay qeyb ka ahaadaan xisbiyada qaran oo kaalin muhiim ah kaga jira xoogagga siyaasadeed ee dalka. In Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) sida ugu dhaqsaha badan ay u guda-galaan diiwaangelinta rasmiga ah ee xisbiyada soo buuxiya shuruudaha diiwaangelinta rasmiga ah. In dib loo eego Sharciga Xisbiyada Siyaasadda si loo waafajiyo Sharciga Doorashooyinka ee xukuumadda laga sugayo in ay Baarlamaanka hor keento. Xorriyadaha Dastuuriga Ah In loo hogaansamo sareynta sharciga lana dhowrro damaanad qaadka dastuuriga ah ee ku aadan xoriyadaha iyo xuquuqda aadamaha. In saaxada siyaasadda Soomaaliya la furfuro oo laga dheeraado caburinta siyaasiyiinta fikirkooda ka dhiibanaya xaaladaha siyaasadeed ee dalka. In loo ogolaado bulshada rayidka ah in ay si madaxbanaan u gutaan waajibaadkooda ku aadan toosinta iyo talo bixinta xaaladda dalka. In saxaafada loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda ku aadan in ay ummada usoo tebiyaan dhacdooyinka siyaasadeed iyo kala duwanaanshaha fikirka dadka ku loolamaya saaxadda siyaasada. In la xurmeeyo lana hubiyo xaqa muwaadiniintu u leeyihiin cabbirida rayigooda iyo in ay isu imaan karaan, geli karaan una ololeyn karaan xisbi, qadiyad ama fakar siyaasadeed oo waafaqsan shuruucda dalka. Kulanka Garowe Xisbiyaddu waxay dhiiri gelinayaan qabsoomidda kulanka Garowe ee dhex mari doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada. Xisbiyaddu waxay rajeynayaan in kulanka ay ka soo bixi doonaan go’aano wax ka tara geedi socodka dimoqraadiyadda dalka iyo xasilinta dawladinimada Soomaaliya. DHAMAAD Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaasha xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana kadib ay qodobo kasoo saareen xaaladda dalka. Waxaa kulanka ka qeyb-galay Shariif Sheekh Axmed, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Xasan Sheekh Maxamuud, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo madax ka ah xisbiyada kulanka kala qeyb-galay ee kala ah; NDP, Himilo Qaran, Ilays, Wadajir, iyo UPD. Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, dastuurka dalka iyo dhameystirkiisa, doorashooyinka 2020 iyo sharuudaha doorashooyinka oo dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in meel mariso. Kadib dhammaadkii kulanka, ayaa hogaamiyaasha Xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay baaq ugu jeediyeen dowladda Soomaaliya. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somali Armed Forces on Wednesday morning captured the strategic town of Barire in Lower Shabelle. During the 7:30 am operation, the brave Somali forces successfully liberated the town from the terrorist group, ending their ruthless control of the town. Barire is a key town and its liberation serves as a big blow to the terrorist group who operated illegal checkpoints where they extorted and harassed passengers on public transportation plying the route which links Mogadishu and parts of the region. In his congratulatory message, the Chief of Defense General Dahir Adan Elmi Forces said; “I would like to take this opportunity to congratulate the Armed Forces on the liberation of Barire and for a job well done.” The CDF reassured the Somali public that the national forces were committed to defeating terrorism and restoring peace and the rule of law across the country. While maintaining their offensive against the enemy, the gallant Somali forces also continue to help local citizens in liberated areas by providing them with food, water medicine and other necessary stuff, raising optimism and hope among the locals. The liberation of Barire comes in the wake of the seizure of Sabiid, another key town in the Lower Shabelle region. The ongoing offensive in Lower Shabelle is part of the government’s commitment to liberate areas that remain under the control of the terrorist group, and to restore law and order in the country.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay go’aankii uu maanta isku casilay wasiirkii warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle. Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego. Fiqi ayaa sheegay in Daahir Geelle uu tusaaleeyey in xukuumadda Nabad iyo Nolol aysan munaasab ku ahayn shakhsi bisayl siyaasadeed leh sidiisa oo kale, waxna u sheegay kuwa badan ee karaamadoodii ku bedeshay xilal quureed. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi uu soo dhigay facebook. Wasiir Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle, wuxuu ka mid ahaa wasiirada fara ku tiriska ah ee dawladnimada iyo dimuqraadiyaynta dalka aragtida ka leh. Waxaan ugu hambalyaynayaa In uu gartay mudane Daahir Geelle ka sii mid ahaanshihiisa xerada xukuumadda xadrada In aysan munaasab ku ahayn shakhsi bisayl siyaasadeed leh sidiisa oo kale, wuxuu tusaaleeyey waxna u sheegay kuwa badan ee karaamadoodii ku bedeshay xilal quureed. Waxaan hubaa In Mustaqbal ka weyn baytul cankabuudkii uu kaa horeeyo oo aad dalka iyo dadka ugu shaqayn karto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta loo magacaabey wasiirka warfaafinta, Maareeye waxaa uu ka soo jeedaa gobollada waqooyiga Soomaaliya, waxaa uu muddo dheer ahaa ganacsade. Shirkii Mbagathi kadib, waxaa uu noqday Xildhibaan, sidoo kale wasiirka warfaafinta ayuu ka ahaa xukuumaddii Cali Maxamed Geedi. 2012-kii, Waxaa uu ka mid ahaa Xildhibaannada ugu saameynta badnaa, kadib 2 January 2015, waxaa loo magacaabay wasiirka warfaafinta ee xukuumaddii Cumar Cabdirashid December 10, 2016: Wasiir Maareeye oo ku guuleystay Kursiga Xildhibaannimo ee golaha shacabka ee Doorashada ka dhacday Muqdisho. January 4, 2018: Waxaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, maanta ayaa markii 3aad loo magacaabey wasiirka warfaafinta. Eng. Cabdullahi Xasan, wasiirka cusub ee ganacsiga: waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1964-tii, waxaa uu Jaamacadda umadda ka qaatey BSC degree ee Civil Engineering November 15, 1984, waxaa uu sidoo kale 1990-kii dhameeyay Master-ka. Shaqooyinkiisa waxaa ugu muhiimsanaa isagoo macalin dugsi sare ka noqdey 1985-tii, isaga oo bare ka ahaa Jaamacadda Umadda 1986-1990-kii. Waxaa uu sidoo kale ka shaqeeyay hey’ado caalami ah iyo kuwa gudaha ah sida Daryeel BulshoGuud, Eng. Cabdullahi Xasan Cali 25-kii sano ee ugu dambeeyay waxaa uu ku dhexjiray bulshada rayidka ah iyo howlaha banii’aadnimada, waxaa uu wax badan caawiyey lana shaqeeyay ilaa 44 hey’ad oo waxbarasho oo Iskuulo iyo Jaamacado isugu jira. Eng. Cabdullahi hadda waa aasaasaha iyo madaxa Center for Education and Development (CED) Xogtan Waxaa Leh Goobjoog News, Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u magacaabay Wasiirka Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya. Magacaabistan ayaa timid, kadib markii uu maanta is casilay wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow si degdeg ah u magacaabay xilka Wasiirka Warfaafinta, taasoo saacado ka hor uu iska casilay Daahir Maxamuud Geelle. Xilka Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii Ganacsiga oo dhawaan xilkaan loo dhiibay. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa loo Magacaabey Cabdullaahi Cali Xasan. Waxana tani ay kusoo aadeysaa xilli saacado uun ay kasoo wareegtay markii uu xilka iska casiley Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa horay xilkaan mar horey u soo qabtay,waxaana hadda uu ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Daahir Maxamuud Geelle oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego. Wasiirka ayaa sheegay in kadib 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurta-gali weyday in aragtidiisa siyaasadeed uu dowladda ku biiriyo, sidaas darteed ay fududahay inuu isaga xilka ka tago oo tan madaxda sare la dayao. Waxyaabaha uu xusay ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda dowladda iyo habka dowladda ay ula macaamisho mamaul goboleedyada dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u magacaabay Wasiirka Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’isl wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan cali Kheyre ayaa goordhow magacaabay wasiirka wafaafinta Soomaaliya uu maanta baneeyay Daahir Maxamuud Gelle. Ra’isilwasaare Kheyre ayaa Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u magacaabay wasiirka warfaafinta oo ahaa wasiirka ganacsiga Soomaaliya. Sidoo kale Ra’isilwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Eng. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya. Daahir Maxamuud Gelle ayaa ku dhawaaqay maanta in uu iiskacasilay xilka wasiirka warfaafinta SSoomaaliyaisaga oo is casilaadiisa u sababeeyay kala argti duwanaasho isaga iyo Ra’isilwasaaraha ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ra’isilwasaaraha Soomaaliya oo durba magacaabay wasiirka warfaafinta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirkii Warfaafinta Somaila, Daahir Maxamuud Geelle oo xilka hayay muddo 11-bilood ah ayaa sheegay in sababo dhanka fikirka ah uu isaga casilay shaqadii uu u hayay xukuumadda Somalia. Geelle ayaa sheegay in isaga iyo madaxda Dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isku fahmi waayeen hawlo badan oo markii uu xilkaan loo magacaabayay uu doonayay inuu wax ka badalo ay noqon wayday mid u hir-gasha sidii uu doonayay. “Hawlaha aan aniga iyo madaxda dalka isku fahmi waynay waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibadda iyo weliba shaqooyinka gaarka ah ee wasaaradda warfaafinta oo aan doonayay inaan isbedel weyn ku sameeyo,” ayuu yiri Daahir Geelle. Sidoo kale, Wuxuu sheegay in haddii ay suuro-geli waayeen inaan isbeddelkii aan ku hanweynaa uu go’aanksaday inuu xilka iska casilo, si dadka kale uu u siiyo fursad ay xafiiska ku qabtaan. Wasiirkii hore ee Warfaafinta oo la weydiiyay qodobbada ay madaxda dalka isku fahmi waayeen ayaa si aad ah uga gaabsaday, basle wuxuu si guud u sheegay inay yihiin kuwo ku saleysan siyaasadda dalka guud ahaan iyo sidoo kale siyaasadaha gobollada dalka iyo tan arrimaha dibadda. “Anigu ma doonayo inaan afka ku ballaariyo waxyaabihii aan isku qabannay aniga iyo madaxda dalka, balse waxaan leeyahay is-casilaadeyda waxaa soo da-dajiyay is-faham-darro dhanka hawlo uu doonayay inuu wax ka beddelo,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirkii hore ee warfaafinga Somalia. Mar wariyeyaashu ay weydiiyeen waxay ugu jawaabeen madaxda dalka ee uu istiqaaladiisa u gudbiyay, ayuu sheegay inaysan jirin wax jawaab ah oo uu weli ka helay, balse uu sugayo inay jawaab soo siiyaan dhawaan. “Dowladda hadda jirta muddo ayaan la shaqeynayay, waxaanan madaxda dalka uga mahad-celinayaa furasddii ay ii siiyeen inaan muddo 11-biood ah joogo xafiiska, waxaana caddeynayaa in xilkii aan xukuumadda u hayay uu halkaas ku eg-yaha. Intii madaxda la beddeli lahaana waxaan go’aansaday inaan anigu booska banneeyo,” ayuu mar kale yiri wasiirka is-casilay. Ugu dambeyn, Ra’iiul Wasaaraha Somalia ayaa durba ka jawaabay inuu u magacaabo wasiirka warfaafinta wasiirkii hore ee ganacsiga, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo horay xilkan u soo qabtay. Wasiirkan is-casilay wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay oo isku casila inaysan suuro-gelin qorshayaashii uu doonayay inuu wax ka beddelo markii uu xilka la wareegayay. PUNTLAND POST The post Wasiirkii Warfaafinta Somalia oo sharraxay Sababihii keenay inuu xilkiisii iska-casilo appeared first on Puntland Post.
-
Xukumada Muuse Biixi oo Xabsiga dhigtay Masuul sare oo ka tirsan Xisbiga Waddani Ciidamada amaanka Somaliland ayaa waxaa ay goor dhaweyd xabsiga dhigeen gudoomiyihii garabka dhalinyarada ee xisiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Masuuliyiin xisbiga mucaarida ah ee Waddani ka tirsani Ilaa hada ciidamada Boolisku kamay hadal sababta ay u xidheen sarkaalkan ka tirsan xisbiga Waddani balse waxa la sheegay in xadhigiisa loo malaynayo inuu daba socod maqaal uu shalay warbaahinta ku baahiyay kaas oo uu ku dhaliilayo madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi talaabadda uu bandooga ugu soo rogay gobolka sanaag. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimadda Online) – Inka yar 24 saac gudahooda ayaa waxaa gobalada dalka iska soo dhiibay Saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo markii hore ka barbar dagaalamayay Al-Shabaab. Gobalada ay Saraakiisha iyo Dagaalamayaasha iska soo dhiibeen ayaa waxaa ka mid ah Gobalada Hiiraan iyo Gedo. Xubnaha isa soo dhiibay ayaa waxaa qeyb ka ah Ku xigeenkii Madaxa Dacwada Al-Shabaab ee Gobalka Gedo Cabdi Wahaab Axmed Maxamed, sidoo kale labo dagaalame ayaa iska soo dhiibay degmada Doolow ee Gobalka Gedo, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud. “Degmada Doolow ee Gobolla Gedo waxaa iska soo dhiibay labadan nin oo kamid ahaa kooxda Al-Shabaab gaar ahaan qeybtooda Jabhadaha loo yaqaan, waxaa lagu kala magaacaa Farxaan Cabdi Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Maxamuud ragaan iyo laba qori oo A-K47 ah oo ay wateen oo ay la soo goosteen waxaa gacanta ku haya ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ee Gobolka Gedo gaar ahaan kuwa ka hawlgala Degmadda Doolow ragan waxaa lagu sameyn doona dhaqan cellin” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Nabadsugidda Jubbaland. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay iska soo dhiibeen deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka hiiraan. Waxaana sii kordhaya xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya Ciidamada Xoogga dalka,kadib markii ay ciidamada Militariga Soomaaliya ay kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalada dalka. Saraakiisha iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab ee isasa soo dhiibaya ayaa waxaa la filayaa in la keeno magaalada Muqdisho, iyadoona ilaa iyo hada aan la ogeyn sababta keentay in ay isasa soo dhiibaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab. Dadka falanqeeyaha arimaha Amniga ayaa sheegaya in sababta ugu badan ee ay Al-Shabaab ay isku soo dhiibayaan ay tahay kadib markii ay kordhen duqeymaha ay diyaaradaha mareykanka ka fulinayaan Gobalada dalka oo ay joogaan xubnaha Al-Shabaab. Sidoo kale sababta keentay inay isisoo dhiibaan Saraakiisha iyo Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu micneeyey khilaaf xoogan uu u dhexeeya saraakiisha iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab, iyadoona saameynta laga dareemayo Deegaanada ay ka maamulaan gobalada dalka. Labadaas arrin oo is biirsaday ayaa sababatay inay Al-Shabaab galaan xaalad kala carar ah iyo is aaminaad la’aan soo kala dhex gashay waxaana soo dhaweyn fiican u sameysay Dowladda Soomaaliya oo iyada dooneyso inay kooxdaan burburto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaca ka qaaday inuu xilkaas iska casilay. Wasiirka ayaa is-casilaaddiisa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA. Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego. Wasiirka ayaa sheegay in kadib 11 bilood oo uu xilka hayey ay suurta-gali weyday in aragtidiisa siyaasadeed uu dowladda ku biiriyo, sidaas darteed ay fududahay inuu isaga xilka ka tago oo tan madaxda sare la dayao. Waxyaabaha uu xusay ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda dowladda iyo habka dowladda ay ula macaamisho mamaul goboleedyada dalka. Go’aanka uu qaatay ayuu sheegay inuu yahay mid aan deg deg ahayn, balse uu muddo ku taamayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia’s Information Minister on May 1 resigned his position in government citing differences with the federal government under President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo. The government or presidency has yet to confirm the decision. Gelle was appointed by Prime Minister Ali Hassan Khayre in his first cabinet in 2017. Khayre had been appointed by Farmaajo who won elections earlier that year. The Ministry of Information informs the public about government policy plans and implementation and supports improvements to knowledge and education of the public. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta XFS Mudane Daahir Maxamuud Gelle ayaa maanta ku dhawaaqay in uu is casilay. Wasiir Geelle oo la hadlay VOA-da ayaa is casiladiisa u sababeeyay aragti duwanaan u dhexeysa isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in go’aankan uusan aheyn mid deg deg ah, islamarkaana uu ka soo ka fakiray. 11 bil kaliya yuu xilkan hayay wasiirkii hore ee warfaafinra Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle. View the full article
-
Popular Contributors