-
Content Count
208,345 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the civil societies resolved on Wednesday to work together to stabilize the country which has been facing security challenges for the past two decades. Source: Hiiraan Online
-
You can now hail a motorcycle service in the Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
UN says 1.7 million Somalis will face major food insecurity
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
UNITED NATIONS (AP) — The U.N. estimates 1.7 million people in Somalia will “face crisis and emergency levels of food insecurity until June” after a second consecutive bad rainy season caused livestock losses and failed crops. Source: Hiiraan Online -
“Xeer ilaaliyaha qaranka, waa nin aad u damaqasho iyo arxan badan” ayaa dhihi lahaa sida dadka qaar, haddaan ahay qof dareenka uu hago oo daqiiqadda markaas uu joogo sida dareenkiisa yahay u hadla, balse ma ahi. Waxaan ka hadlayaa sheeko ku saabsan video lasoo dhigay baraha bulshada oo uu muujinaya xeer-ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir, oo meel waddo ah inta u istaagay ku canaananaya una hanjabaya muwaadin Soomaaliyeed oo ku shaqeysta gaari dameer. Sida muuqaalka ka muuqata, Axmed Cali Dameer ayaa muwaadinka ku amraya inuu rarka ka yareeyo gaari dameerka, islamarkaana qaar ka mid ah loorarka uu inta meesha uga tago dib uga soo laabto. Mar walba waa wax wanaagsan in loo damqado xayawaanka, hase yeeshee damaqashada iyo sharciga waa kala laba. Axmed Cali Daahir waa sharci ilaaliyaha dalka ugu sarreeya, haddii isaga uusan sharciga ku dhaqminna ma jirto cid ku dhaqmayesa. Haddaba maxaa ka qaldanaa falkii Axmed Cali Daahir. 1 – Soomaaliya ma ka jiraa sharci dowladda ay dejisay oo dhigaya culeeska rar ee ugu badan ee la ogol yahay in xayawaanka ama si gaar ah dameeraha lagu raro? Jawaabta waa maya. Haddii muwaadinka lagu xadgudbay uu oran lahaa kama dejinayo rarka dameerka, Muxuu Axmed Cali Daahir sameyn lahaa? Axmed Cali Daahir ma awooday inuu ku yiraahdo muwaadinka, “haddii aadan ka dejin rarka dameerka, waxaa ku qabanaya sharciga noocaas ah, qodobka lambarkiisu yahay sidaas? Ogow, dunida wax kasta waa sharci. Maxaa u diidaya qof inuu inta qof kale dilo uu xorriyad isaga noolaado? Waa sharciga, waayo waxaa jira sharci dhigaya inana qof la dili karin. Sidaas darteed, wax kasta oo dunida aan laga ogoleyn waxay sidaas u yihiin waa inuu jiro sharci qoran oo diidaya. Wax walba oo dunida laga ogol yahayna, waxaa sidaas yeelaya waa inuusan jirin sharci diidaya. Tusaale, maxaa cabista qamriga xaaraan ka dhigay dalalka Islaamka oo kuwa reer galbeedka looga ogol yahay, waa kala duwanaanshaha labada sharci. Sidaas darteed, Axmed Cali Daahir wax sharciyad uma haysan xad gudubkii uu ku sameeyey muwaadinka. 2 – Axmed Cali Daahir wuxuu si aan asluubeysneyn oo awood sheegasho iyo hanjabaad isugu jirta u handaday muwaadin Soomaaliyeed isaga oo isu muujinaya inuu u damqaday dameer. Wuxuu muwaadinka Soomaaliyeed ku qasbay inuu sameeyo wax aan suurta-gal ahayn oo ah inuu ka tago qeyb ka mid ah rarkiisa oo uu dib ugu soo noqdo. Yaa damaanad qaaday in rarkii laga tagay halkooda loogu imanayo, oo aan la xadeyn? Ma ka fakaray Axmed Cali Daahir in Muqdisho iska daa badeeco aysan xitaa naftii aadanaha ku bad-baadeyn. Waxaa sidoo kale yaab lahaa, in Axmed Cali Daahir uu marka uu muwaadinka ka dejinayo dameerka rarka ay isaga iyo ciidankiisaba daawanayaan oo aysan xitaa caawineyn. Axmed Cali Daahir waxaa ka muuqata inuu si ku talo-gal ah u sameeyey ficilka, isaga oo ka raadinaya fursad uu isugu muujiyo nin damqasho leh, oo igu sawir ah. Wuxuu xitaa u diyaarsada kaamiro video looga duubo falkiisa. Haddii Axmed Cali Daahir ay daacad ka ahaan lahayd inuu xaywaanka u damqanayo, muxuusan kadib falkaas u qaban shir jaraa’id ama ugu dhaqaaqin sidii uu uga shaqeyn lahaa in lasoo saaro sharci xadidada culeeska rar ee la saaro xayawaanka. Xaqiiqda ah inaysan taas jirin, ayaa muujineysa in falkiisu ahaa ha lagaa sheego. Maxaa haboonaa? Markii Axmed Cali Daahir uu arkay culeeska rar ee saaran dameerka, waxay ahayd inuu muwaadinka istaajiyo, kadibna si dabacsan oo naseexo leh ula hadlo una sheego in wuxu xayawaan yahay, oo ay mudan tahay inuu u damqado, isaga oo aan u hanjabin ama aan amar siin. Waxay ahayd inuu u sheego in waqtigaas la joogay aysan macquul ahayn inuu rarkiisa ka kala tago, balse wixii markaas ka dambeeya uusan sidaas sameyn. Intaas kadib waxay ahayd in uu ka shaqeeyo in sharci laga soo sarao arrintan, kadibna ciddii ku xadgudubtaa lagu ciqaabo sharcigaas. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Alexandria (Caasimada Online) – Maxkamadda Rafcaanka Heerka 4-aad ee Gobalka Virginia ee dalkaasi waxaa la filayaa inay bishan May 13-da ka bilaabanto dhegeysiga Dacwad loo haysto Taliyihii Qeybta 5-aad ee Ciiddankii Milliteriga ee xilligii Dowladda Kacaanka ee saldhigooda ahaa Gobalka W/Galbeed ee dalkeenna. Taliyahaasi oo lagu magacaabo Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Kolonel Tuke”, ayaa waxaa soo eedeeyey Faarax Warfaa, kaasi oo haatan ku sugan magaalladda Hargeysa, balse la filayo in inuu Fiiso Khaas ah ku tago dalka Maraykanka. Dhibanaha oo haatan 48 jir ah ayaa sheegay inuu Taliyahaasi jir-dil iyo toogasho u geystay bishii December ee sannadkii 1989-kii, isagoo xilligaas 17-jir ahaa. Waxa uu intaasi ku daray in isaga markii la toogtay in looga tegay sidii qof geeriyooday oo kale, waa sida uu hadalka u dhigay. Mar uu ka hadlayey sababaha loo xiray, loona toogtay waxa uu tilmaamay in isaga iyo dhallinyaro kale lagu soo oogay inay xadeen Booyad nooca ay Ciiddanka ku kaydsadaan Biyaha, oo ay Dagaalamayaashii Jabhaddii SNM-ta la tageen. Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Kolonel Tuke” oo isaga sannadkii 1990-kii Tababar Milliteri loogu qaaday Maraykanka, ayaa u sii gudbay dalka Kanada oo uu ka helay Magangelyo Qaxootinimo. Balse, Dowladda Kanada waxay Taliyahaasi hore dib ugu celiyeen Maraykanka sannadkii 1992-kii, kadib, markii ay qaar ka mid ah Warbaahinta Kanada baahiyeen inuu Kolonel Yuusuf Tuke horey Tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha ka soo geystay Somalia. Hay’ad fadhigeedu yahay Maraykanka oo lagu magacaabo Xarunta Caddaaladda iyo Isla-xisaabtanka (Center for Justice and Accountability),waxay Bilowgii sannadihii 2000-aadka waxay dabagal iyo baaris kula dhaqaaqeen Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Kolonel Tuke” oo lagu eedeynayey inuu galay Gaboodfalka Dembiy-dagaal, waxayna Xarunta soo ogaatay inuu Kornel Tuke yahay qof haysta Kaarka Cagaaran ee Maraykanka (US green card holder), iyo inuu ku nool yahay magaalladda Aleskandariya ee Gobalka Virginia iyo inuu Ilaaliye dhanka Ammaanka ku shaqeysto, oo inta badan ilaaliye ka ahaa Garoonka Diyaaradaha Washington ee Dulles International Airport. Si kastaba ha ahaatee, Dhibanaha iyo Eedeysanaha ayaa la filayaa inay weji-ka-weji uga soo hor muuqan doonaan bishan 13-da Maxkamadda Rafcaanka ee Heerka 4-aad ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka.
-
Wasiirka Gaashaandhiga UK oo xilka looga qaaday sir uu dusiyay Gavin Williamson ayaa la eryay xilka wasiirka gaashaandhiga ee UK kadib baaritaan lagu ogaaday in uu bixiyay sir qaran oo la xidhiidhta shirks Golaha Amniga Qaranka. War laga soo saaray xafiiska Raysal wasaare Theresa May ayaa lagu sheegay in Williamson uu lumiyay kalsoonida Raysal wasaaraha. Baaritaanka ayaa dabo-socda kadib markii dibada loo dusiyay xog la xidhiidhta in shirka telfoonada ee Huawei loo oggolaado UK si ay gacan uga geysato dhismaha adeegga internetka UK ee 5G. Williamson oo ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Boqortooyada Ingiriiska ilaa 2017dii ayaa beeniyay in uu xogtaas dibada u dusiyay.Laakiin Raysal wasaare May ayaa u sheegtay wasiirka la eryay oo ay la kulantay xalay inay heyso cadeymo waa weyn oo muujinaya in uu yahay qofka xogta qarsoodida ah dibada dhigaya. Kahor inta aan xilka laga qaadin, wasiirka wuxuu diiday codsiga Raysal wasaaraha ee ahaa in uu iscasilo isaga oo sheegay inay taasi ka dhignaaneyso in uu aqbalay eedaha loo jeediyay. Wuxuu sheegay in uu kalsooni weyn ku qabi lahaa baaritaan qotodheer oo rasmi ah oo lagu ogaanayo qofka dusiyey sirta shirka golaha amniga qaranka. Penny Mordaunt oo horey u ahayd wasiirka horumarinta caalamiga ah ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee gaashaandhiga. Waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaa qabata Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si adag uga hadlay dilkii loo geystay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland. Mustafe Shiine ayaa Madaxweyne Biixi ku dhaliilay inuu xilka ka qaadi waayey Mas’uuliyiin uu sheegay inay ku fashilmeen sugidii Amniga, Isagoona ku tilmaamay xaalada deg-dega ah ee Muuse Biixi kusoo rogay deegaano katirsan Gobolka Sanaag, inay tahay mid indho-sarcaad ah oo ujeedo kale laga leeyahay. Mustafe Shiine ayaa sidoo kale wuxuu Muuse Biixi ugu baaqay inuu iska casilo xilka uu qaranka u hayo, isagoona ka dhawaajiyey inuu xilkii ku cuslaaday oo wadankiina uu galiyey xaalada adag oo halis ah, wuxuuna yiri: “Madaxweynuhu halkii uu amar bixin lahaa, isla markaana uu xilka ka qaadi lahaa Wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyihii booliska, iyo cidii nabad-gelyadu khuseysay, maadama oo labadan Sarkaal muddo shan cisho ku dhow soo cabanayeen oo ay lahaayen waa nala dilaya ee la ogaa loona gurman waayey, halkii ragaana xilka laga qaadi lahaa, kuwii dileyna amar lagu bixin lahaa oo lasoo xidhi lahaa, ayuu wuxuu aayar iska yidhi bandow baan galinayna gobolka Sanaag, taasi oo aan u arko arrin indho-sarcaad loogu dhigayo eheladii Marxuumka iyo dadka guud ahaan reer Somaliland” “Labadaa nin ee la dilay anigu waxan u arkaa inay dileen dad daalimiin ah oo ka xaq-daran, laakiin waxan arkaya haddana dowladii iyo Madaxweynihii qaranka ee dayacay labadan nin amaankoodii intay noolaayen, inuu hadana uu rabo inuu nagu maaweeliyo bandow ban soo rogay iyo orod, halkii ay aheyd inuu talaabooyin qaado oo maantaba xilka uu ka dajiyo ragan dayacay ee ay u soo sheegen in la dilaayo”. “Markaa intii wax loo qaban lahaa intay noolaayen markii la dilayna, intay toos u abaari laheyd raggii dayacay ayaa qab-qab la doonaya iyo war-saxafadeedyo lasoo saaro oo gobol baa bandow la galiyay la yidhaahdo, iyada oo aan la eegayn waxa ka imanaya” Wuxuuna intaas kusii daray “Marka bandowga la galinayo waa xaalad nabad-galyo oo caam ah ama musiibo caama ay dhacdo, midna ma dhicin, dadka waxbaa laga qaban karaa, dadka wax dilay waa in lasoo qab-qabtaa, kuwa kale ee reeraha ah ee deegaanka wada dagan waa in talaabo adag laga qaada oo xukuumiya, looma baahna in lala wareego maamulka gobolka oo la yidhaahdo maayirka iyo badhasaabka waxa xilkoodi wadaya Taliyayaal, oo xukunka la rabo in dad loogu dhuunto, oo la xidh-xidho laguna tacadiyo, markaa wax ka weyn baa ii muuqda aniga, aan aheyn labada nin ee la dilay”. “Madaxweynaha waxaad mooda in xilkii qaranku ku cuslaaday, kursigii uu ku fadhiyayna uu ku balaadhay, waxaan odhan lahaa ha iska casilo xilka uu qaranka u hayo, ma wadi karayo hadey sidaa tahay, dalkiina halis buu maanta ku jiraa, inuu baaba’o”. Mustafe Shiine ayaa wuxuu ugu dambeyntii sheegay in Bandowga Madaxweyne Biixi ku soo rogey deegaanada katirsan gobolka Sanaag, in looga dan-leeyahay cabudhinta taageerayaasha xisbiga Waddani, wuxuuna yiri: “Malaha himika mucaaridada culus ee ka timid xisbiga Waddani baa la leeyahay taageeradiisa Gobolka Sanaag ku badan oo la doonaya in loo mar-marsiyoodo, talaabooyinka Waddani ku dhawaaqayo in aan la qaadin ayaa laga hortagayaa oo Militeri loo isticmaalaya”. “Madaxweyne Muuse Biixi waxaan u sheegayaa ciidanku wuxuu awood leeyahay intay cadaalad jirto, Hadii askariga taangiga uu wataa Madaxweynihiisu cadaalad darro sameynayo oo dulmi iyo kibir falayo, waxba tari maayo taangigaasi, waxa ku filan qoriga uu sito inanka u dagaalamaya xuquuqdiisa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Somaliland Muuse Waa Kaa! Waxaan canbaareynayaa, Xadhiga Xaqdarrada ah ee Damiirxumadda ah, ee loo gaystey Hooyooyinka Danyarta ah, ee caruurtoodda Magafe ku haysto Liibiya, waa wax laga yaqyaqsooddo, Gefkaa loo geystey hooyooyinkaa, wax soo moodey in Madaxweyne Muuse uu ka caawiyo Cabashadooda, Waxaa ku fileyd oo keli ah Hooyo waxba idiinma qaban karno. Caqligii iyo Garashadii meeday? waxaan canbaareynayaa Xadhiga Gudoomiyaha Dhalinyardda Xisbiga qaranka ee Waddani DHAMME, oo ah sarkaal Xasaanadd leh, oo Dembi looga Dhigayo aragtitaadda facebook aad ku qortey , Madaxweynaha ayaa ka Xanaaqey, Taloow Muuse ma Ogyahay in Dastuurka uu madaxweynaha ku yahay u baneeyey XORRIYADDA HADALKA Fadlan Sharafta Jamhuuridda barakeysan ee Somaliland ha ku cayaarina, waa la ogyahay inaan Shacabku aqbali karin KELITALIYE iyo CAR-JUUQ-DHEH. Waxaan Canbaareynayaa Xaaladda Degdegga ah ee la doonaayo in Gobalka Sanaag la Saaro, waa dhacdo ugub ah, muddo 30 sanno ku dhow oo Somaliland jirtey ma dhicin,waa sax in cadaaladda la hor keeno ciddii ka danbeysay dilkii labadda Sarkaal ee ciidanka Qarranka, tacsina waxaan u dirayaa ehelkee iyo qaraabaddii iyo qarranka somaliland. Laakiin fashilka sugidda amaankoodda waxaa leh cidda xilka u haysa qarranka. marxuumiintu allah ha u naxariistee waxay dalbaneey ciidaan xoojin ah, dheg jalaq looma siin. in markaa fashilka xukuumadda ummad dhan Xaalad Degdega loo Geliyaa waa xaaraan. Waxaan canbaareynayaa xadhiga cabudhinta, jidhdilka loo geysto, Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland, Xadhiga COLDOON waa sheeko Facebook oo muuse Ka xanaaqey Distoorka ayaa u baneeyey qofkasta oo Somaliland Xarriyadda HADDALKA, Waxaa yaab leh, in Xukuumadda Madaxweyne Muuse ay mashquul ku tahay Facebook, iyo maxaa la iga sheegay. Madaxweyne Muuse biixi, wuu ku fashilmey Taladda Dalka, Muuse ma aha Madaxweyne Qarran oo Aragti Fog leh. waa Hogaamiye Kooxeed, Muuse waxuu ku fashilmey hooyooyinkaa u soo caowdey ee la xidhxidhaayo, waa Ogtihiin talaabadduu qaadda waa fashil ceeb iyo fadeexad. Doorashooyinka waa ku fashilmey ma qaban karro,Dalkii xaaladd degdeg ah ayuu geliyey oon hore u dhicin GUUSHA madaxweynaha, qabyaaladd iyo kala qabinta shacabka somaliland, Hanti boob, Dhulka Ina xassan Dalab, SIXIR BARAR, Biyo la’aan jirta Xarrun Boqortooyo ka dhiso Xaafaddiina Xarraf, Xadhig, Cabudhin, Xaaladd Degdeg ah waddanka geli, Dadka qaar ku sheeg waa argagixiso, waa Somaliweyn, waxyaabaas iyo kuwa ka sii liita ayuu Madaxweynuhu GUUL u arkaa. Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadeyso dadweynaha xiriirka la leh Al-shabaabka dagaallada iyo afduubka ka geysta Gobolka Soomaalida. Maxamuud Biriq oo ah madaxa amniga Gobolka Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in dadka shaqsiyaadka ama kooxaha taageerada farsamo u fidiya ay wajihi doonaan awoodda sharciga Kenya. Maxamud waxaa uu sheegay in dhawaan Ciidamada oo Roondo ka sameynayay Keynta Boonu ay gacanta ku dhigeen 20 caagadaha Jiirigaannada ah oo Cunto laga buuxiyay kuwaas oo dhulka lagu qariyay. Biriq ayaa sheegay in jirigaannada ay ku jireen Saliid, Sokor, Bariis, Digir iyo cuntooyin kale,kuwaas oo uu sheegay in shaqsiyaad degaanka ah ay u qarinayeen AL-shabaab. Waxaa uu maamullada degaanka u sheegay in ay yihiin Indhaha dowladda,waxaana uu ka dalbaday in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan. Maxamuud ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay ka faa’ideystaan xilli roobaadka oo ay fursad u helaan in dhul ballaaran ay ku lugeeyaan maaddaama Ciidamada dowladda aysan gaari karinwaddooyinka qaar ee burbursan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Ma Dhabaa In Badhasaabkii Gobolka Awdal Saqdii Dhexe Ee Habeen Hore Tikniko Lagaga Soo Guureeyay Boorama?, Dhaawac Noocee Ah Ayayse Arintaasi Dawladnimadda Ku Keenaysaa?. Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaadhay xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa noo xaqiijiyay in Habeen hore saqdii dhexe gaadiid Tikniko ah lagaga soo guureeyey Badhasaabkii Gobolkaasi Cabdi Shaqaabe. Arintan ayaa la ogaaday, islamarkaana soo shaac baxday kadib markii ay Shalay Warbaahinta Gobolkaasi ka hawlgashaa tagtay Xafiiska Gobolka Awdal si ay u soo xaqiijiyaan jiritaanka warkaasi, kadib markii uu Badhasaabku dadka telefoonka kala hadla uu u sheegayay inuu ku sugan yahay Boorama oo aanu dhanna uga bixin, waxaanay soo ogaadeen in Badhasaabkii iyo dadkii ehelkiisa ahaa ee halkaasi kula sugnaa in Habeen hore saqdii dhexe gaadiid tikniko ah guuri lagaga soo saaray Boorama. Arintan ayaa sida wararku ay sheegayaan ka dhalatay kadib markii laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Somaliland oo kasoo jeeda Gobolkaasi dil foolxun Doraad loogu gaystay Degmooyinka Gar-Adag iyo Ceel-Afweyn, islamarkaana ay dilkaasi fuliyeen maleeshiyo hubaysan oo ay isku hayb yihiin Badhasaabka Gobolkaasi Cabdi Shaqaabe, arintaasina ay saamayn kuyeelatay Amniga Badhasaabka, sidaana ay Xukuumaddu guure ugaga soo saartay Boorama. Haddaba waxay la isweydiinayaa, saamayn noocee ah ayay Talabadani ku yeelanaysaa Geedi socodkii iyo hanaankii horusocod ee Dawladnimada Somaliland. Waa markii ugu horaysay ee ay arin noocan oo kale ah ka dhacdo Somaliland intii ay jirtay. Dhinaca kale dad Hargeysa ku arkay badhasaabka ayaa shabakadda Wararka ee Caroog u xaqiijiyay. Qaran News
-
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ay Horyaalaan Laba Go’aan Oo Adag Inuu Qaato, Kuwaasi Oo Sahli Kara Inuu Isku Badbaadiyo, Kagana Baxo Xaaladda Adag Ee Soo Waajahday (Maxay Yihiin?”. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa horyaala labad daran mid uun inuu qaato kuwaasi uu kaga gudbi karo caqabadaha Amni iyo inuu dalka ku soo dabaalo Xaalad deganaanshiyo ah. Madaxweyne Biixi ayaa ka fiirsanaya inuu labaddan go’aan ee horyaala uu mid uun qaato kuwaasi oo ka dhashay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay. Madaxweyne Biixi ayaa war horyaala 1- Inuu Xilka ka Qaado Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Iyo Inuu waayo Kalsoonidii Reer Awdal ay Ku Qabeen Dawladdiisa. Labadan go’aan waa kuwo si gaar ah isha loogu hayo inuu ku ciiro saaxiibkiisii ay muddada dheer soo wada shaqaynayeen, Kursigan uu ku fadhiyo Muuse Biixi-na nafhur badan usoo galay iyo inuu isku diyaariyo buuq aamin daro oo kaga yimaada Shacbiyadda Gobolka Awdal. Arintan ayaa salka ku haysa oo ka dhalatay laba Sarkaal oo kasoo jeed Gobolka Awdal oo si foolxun ay maleeshiyo beeleed ugu dileen Degmadda Gar-Adag iyo Ceel Afweyne, dadkaasi oo ay ehel dhaw yihiin Wasiir Maxamed Kaahin. Sidoo kale Wasiir Maxamed kaahin ayaa aad loo saluugsan yahay doorkiisii masuuliyadeed uu ee saraakiishaasi ku bad baadin lahaa maadaama oo ay muddo saddex cisho ah kasoo gar gaar dalbayeen, waxaanay qabaan reer Awdal inuu Wasiirku door shariif ah ku leeyahay foolxumada dhacday, iyagoo eedayn u soo jeediyay Wasiirka. Dad badan ayaa aaminsan inuu Muuse Dawladdiisa ku badbaadin karo inuu Xilka ka qaado Maxamed kaahin si uu uga fakado kalsooni daro kaga timaada Dadyawga Gobolka Awdal oo isku xidhay inuu Muuse Biixi kala doorto inuu go’aan cad oo uu ku bogsiinayo arintan dhacday ku talaabsado iyo inay Reer Awdal go’aan ka qaataan Guud ahaa Qadiyadda Somaliland sida ay Warbaahinta ka sheegeen. Waxay reerkaasi hore u tabanayeen arimo door ah oo Magaca Somaliland kaga yimid oo ay samir ku badesheen, taasi oo ay saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta lasoo fadhiisteen. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyayaasha ciidamada Somaliland ee Milatariga iyo Bileyska ayaa goordhoweyd warbaahinta la hadlay, iyaga oo sheegay inay sida ugu dhakhsaha badan ay u fulinayaan go’aankii Madaxweynaha Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay xaalad deg deg ah kusoo rogey deegaano ka tirsan gobolka Sanaag oo bilihii u dambeeyay ay ku soo noq-noqonayeen falal Amni-darro. Taliyaha Ciidamada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taan iyo Taliyaha ciidamada Bileyska Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo maanta sida wada-jir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in cid kasta oo ka hor timaada awaamiirtaasi ay talaabo sharci ah ka qaadayan. Taliyayaashan ayaa sheegay in Saddexdaasi degmo ee xaalada deg-dega ah lagu soo rogay ay ka shaqeynayaan amarada ciidamada oo kaliya, iyagoona faray dadweynaha deegaamadaasi inay u hogaansamaan awaamiirtaas. Taliye Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ugu horeyntii ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa wuxuu yiri “Maadaama oo ciidamada loo xilsaaray nabadgalyada guud labadan ciidan iyo ciidamada kale ee qalabka sida iyo kuwa kale ee amniga iyagoo dhamaantoodba iskaashanaya oo gacan kala helaya inay hawlgal adag si ay nabadgalyada u sugaan ay galaan heegankaa”. “Ciidamadu waxay qaban karaan oo ay xayiri karaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka cid kasta oo looga shakiyo inay nabadgalyada khatar ku tahay. Waxay qaban karaan cid kasta oo ciidamadaa amniga sugaya is-hortaagta ama ficilo borobogaandhe ah ama kicin ah ku kacda”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa degmo kasta maamulkeeda iyo hawlaheeda gacanta ku haynaya saddexdaa bilood ciidamada qalabka sida ee ciidanka Milatariga iyo ciidanka Bileyska oo hay’adaha kale ee amniga kaashanaya, sadexdaasi degmo ay amarka u qaataan sida loo siiyo”. Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Milatariga Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo sidoo kale isagna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa wuxuu yiri “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo saaray xeer saddex degmo oo gobolka Sanaag ah xukun degdeg ah lagu soo rogay mudo saddex bilood ah, runtii dhulkaasi qaarna Sanaag yihiin qaarna Sool yihiin ilaa 2017 dhibaato ayaa ka taagnaa”. “Intaaba ciidamada somaliland haday bileys yihiin iyo haday milatari yihiinba hawl badan ayaa ku baxday oo dhib badan ayaa naga qabatay, dawladduna dhaqaale badan ayay galisay”. Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
-
Kooxda Barcelona ayaa lug lagashay kama dambeynta (final-ka) tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga. Barcelona ayaa cashar lama ilaawaan ah gagideeda Camp Nou ugu dhigtay kooxda Liverpool, kadib markii ay 3-0 ugu awood sheegatay kulankii lugta hore ee afar dhamaadka tartankan, iyadoo Lionel Messi-na uu wacdaro dhigay. Luis Suarez Luis Suarez ayaa goolka furitaanka qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay kooxdiisa Barcelona, halka Lionel Messi uu laba gool raaciyay qeybtii dambe, waxayna ahayd markii ugu horeysay oo Messi gool ka dhaliyo Liverpool. Lionel Messi Sidoo kale Messi ayaa kulankan gaaray goolkiisii 600 ee heerka kooxaha, wuxuuna barbareeyay Cristiano Ronaldo oo dhawaan gaaray. Kooxda Liverpool ayaa sameysay isku dayo dhowr ah oo qaarkood goolal loo filan karay, balse ma dhicin in ay soo taabato shabaqa Barcelona. Barcelona oo rajo weyn ka qabta in ay u soo baxdo kama dambeynta tartankan, ayaa kulanka dambe tagi doonta gagida Anfield, inkastoo Liverpool ay rajadeedu aad u liidato, hadana wax walba waa dhici karaan. Labadan kooxood ayaa kulanka dambe ciyaari doona todobaadka dambe maalinta Tallaadada 7-da bishan May 2019. PUNTLAND POST The post Barcelona oo u awood sheegatay Liverpool appeared first on Puntland Post.
-
Rep. Ilhan Omar (D-Minn.) on Tuesday criticized President Trump’s January 2018 remarks calling Haiti, El Salvador and some African nations “shithole countries.” Speaking alongside activist Angela Davis and other black progressives such as Rep. Ayanna Pressley (D-Mass.) at a rally outside the Capitol, Omar defended her birth country of Somalia. “And I also, also happen to be a refugee and an immigrant from what they call one of the shithole countries,” Omar told the crowd, according to a Facebook video. “The reality is, that shithole country raised a very proud, dignified person.” “Our circumstances might not always be perfect,” Omar continued. “But that doesn’t lessen our humanity, and I am not in the business of defending mine.” Tuesday’s rally was billed the #WeStandWithIlhan rally in support of Omar, who was the subject of recent criticism from conservatives and Trump himself over her comments about 9/11 and others about Israel. Omar, one of the first two Muslim women elected to Congress, was also the subject of a video tweeted by the president which interspersed her remarks about civil rights for Muslims in America after 9/11 with footage of the Twin Towers falling in the attacks. The freshman lawmaker was also the target of a display set up by Republicans in the West Virginia Statehouse that surrounded her photo with images of the 9/11 attacks and the text “Never forget” and “I am the proof — you have forgotten.” Democratic presidential candidates including Sens. Cory Booker (D-N.J.) and Bernie Sanders (I-Vt.) have accused Republicans of stoking Islamophobia with their criticism of the freshman Democrat. “The criticisms of Congresswoman Omar, what Donald Trump has been saying about her, is reprehensible, it is trafficking in Islamophobia, and it should be condemned by everyone,” Booker said last month. Source: The Hill
-
Golaha wasiirada Puntland oo shiraya 1 May 2019 Garoowe Shirkii golaha wasiirada Puntland ee todobaadlaha oo gelinkii dambe ee shalay ka qabsoomay caasimadda Garoowe, ayaa looga hadlay dhowr qodob oo kala ah: amniga, safarkii madaxweynaha ee dalka dibaddiisa, waxqabadkii xukuumadda ee todobaadkan iyo arrima kale. Madaxweynaha Puntland oo golaha warbixin ka siiyay safarkiisi dibadda, ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrima u soo qabsoomay safarkiisa, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkaasi. Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Maaliyadda, Kalluumeysiga, iyo Duulista hawada, Amniga iyo Warfaafinta ayaa iyagana shirka looga dhegaystay warbixinno la xiriira shaqooyinkooda . Sidoo kale, madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa golaha xukuumadda amray in si dhammaystiran ugu diyaar-garoban shirka wada-tashiga xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo Garoowe lagu qabanayo. Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post Qodobada looga hadlay shirkii todobaadlaha ee golaha wasiirada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Sidda dadka caadiga ah oo kale , Dawladuhuna waxay leeyihiin labba gacmood , labadaas gacmood oo kala ah gacan qabow iyo gacan kulul . Gacanta kulul ee dawladnimo waxaa laggu tilmaamaa adeegsigga cudud ciidan , xayiraad dhaqaale iyo muquunin awoodeed , hassa yeeshee gacanta qabow ee dawladnimo waxa weeyaan ,adeegsigga xirib siyaasadeeed , farsamooyin aqooneed iyo horumarin bulsho . Xaaladda Gobolka Sanaag . Denbiyadda iyo aqoonta ku saabsan marka lagga hadlayo , waxaa jirra qaaciidooyin xisaabeed oo la isticmaalo , kuwaasoo laggu soo saaro heerka uu marayo denbigu iyo helista xalka ku haboon . Qaacidada koowaad , Tiradda denbiyadda dhacay ayaa loo qaybiyaa tiradda dadwaynaha , ka dibna waxaa laggu sameeyaa is barbar dhig . Dhinaca kale , helista sababaha keenaya denbigu waxay kusoo baxdaa , daarasadaynta iyo falanqaynta denbiyadda dhaca iyadoo lagga eegayo . – Dhinaca Deegaanka , -Bulshadda , – Dhaqaalaha , iyo Caafimaadka . Hadaba hadii aynu xalaadan Sanaag usoo noqono , sababaha keenaya korodhka denbiyaddu waxay soo gelyaan qodobadan aynu soo sheegnay oo dhan . Sanaag Deegaan ahaan waa degaan dib uga dhacsan wadanka intiisa kale , Dhaqaaluhu wuu liitaaa , Bulshadda heerkeeda aqooneed iyo tacliimeed ma horimarsana , Caafimaad ahaana , waxaa ku batay Goboladda Barri oo dhan oo Sanaagna ku jirto Mukhaadaraadka kala duwan . Sidaa markay tahay , Gobolka Sanaag wuxuu u baahan yahay in Dawladdu u adeegsato gacanteeda qabow ee dawladnimo ( Soft Power) , sidaa awgeedna aanay adeegsan gacanteeda adag ee dawladnimo ( Hard power) . Si arrintaas loo xaqiijiyana waxaa muhiima . 1- In la dejiyo Istaajiyadda dawladeed ee gacanta qabow ee dawladadeed oo isugu jirta waqtiga dhaw iyo waqtiga dheer . 2- In la xoojiyo horumarinta haayadaha Nabadgelyadda Gobolka , sidda Booliska , Sirdoonka , Jeelasha iyo Garsoorkana , madaxda hogaaminaysaana ay noqdaan kuwo aan gebe ahaanba u dhalanin gobolkaas . 3- In la xoojiyo maamulka dawliga ah ee goboladaas , dib u dhiskiisa iyo horumarintiisana loo xilsaaro xubno ka tirsan goleyaasha oo muddo halkaas fadhiista . 4- Galaangalka bulshadda , turxaansaarista iyo isu soo dhawaynta qabaa’ilka . 5- iyo isticmaalka wacyi gelinta bulshadda haday noqoto dhinaca Miidiyaha , Culimadda, shir-hawleedyadda iyo abaabulka bulshadda . 6- La dagaalanka mukhaadaraadka iyo maandooriyaha . 7- Ugu danbayn hadii la doonayo xakamaynta denbiyadda iyo yarayntooda ,waxaa lagama maarmaan ah in Dhaqaalaha iyo aqoonta deegaanaddaa kor loo soo qaado , horumarkana loo adeegsado la dagaalanka denbiyadda , maxaa yeelay denbiyaddu waxay ku bataan aduunka oo dhan meelaha dib u dhacay . W/Q: Ahmed Nour Guruje Source
-
“Niyad-jabka shaqada laga qaado, dhiig-karka iyo hurda xumadu waxay keenaan dhimashada kediska ah”, Cilmi-baadhe Jarmal ah ayaa soo weriyey. Cilmi baadhistan waxaa lagu sameeyey ‘2000’ laba kun oo qof. Kuwaas oo horay u qabay dhiig-karka nooca heerkiisu sarreeyo. Sidoo kale, dadkaasi waxay hayeen shaqooyin niyad-jab iyo hurdo xumo ay ka qaadeen. Cilmi baadhsitu waxay cadaysay, “Saddex laab dadkaasi waxay u leedmeen wadno xanuun marka loo eego dadkii haayey shaqooyinka fudud horena u seexan jiray”. “Ugu badnaan 50% boqolkiiba konton, dadka waaweyni waxay qabeen dhiig-kar”, sidan waxaa yidhi, Dr. Gregg Fonarow, oo ka ah bare sare qaybta wadnaha ee jaamacadda California, Los Angeles. Shaqooyinka niyad-jabka keena, dhiig-karka iyo hurda xumado waxay xidhiidh la leeyihiin in ay keenaan wadna xanuunka, faaliga, wadna-is-staagga iyo kelyaha oo fadhiista (kidney failure), waxa sii raaciyey Dr. Fonaraw. Dr. Karl Heinz Ladwig, waa bare sare kana tirsan qaybta caafimaadka deegaanka ee jaamacadda Technical university for Munich. Waxa uu yidhi, “Hurdada waa in wakhti la siiyaa si’ jidhku u kaydsado tamar ku filan is-kagana saaro welwelka kasoo gaadhay shaqada adag, taas beddelkeeda hurdo la’aantu waxay keentaa in jidhku heliwaayo tamar-kaydsan(stored energy)”. Sidoo kale waxa uu raaciyey, “Daraasado badan oo kale waxay xaqiijiyeen in uu xidhiidh ka dhexeeyo shaqada aan nafsadda loo hayn, hurdo yaridda iyo wadna xanuunka, daraasadahanina may qeexin sida ay hurdo la’aantu u sababto xanuunada wadnaha”. Marka la eego daraasaddan, cilmi baadhayaashu waxay sheegeen in shaqada karaahiyada ah ee shaqaaluhu ka cabanayaan ay keento in shaqaaluhu uu dalbado waxyaabo ka maqan, laakiinse, loo shaqeeyuhu uu uga garaabi waayo; isaga oo cadaadis badan ku haaya inta badan shaqaalaha. Taasina ay dhaxalsiiso in shaqaaluhu uu dareemo dhiirrigelin la’aan uu kale kulmo booskiisa aakhirkana ay shaqadaasi keento stress joogta ah. Mika Kivimaki, waa bare sare oo ka tirsan Jaamacadda University College London, qaybta daraasadaynta xanuunada faafa (epidemiology), waxa uu walaac ka muujiyey halista caafimaad ee ay samayso shaqada adagi. Waxa uu yidhi, “Cilmibaadhisihii hore waxay xoogga saarayeen dhibaatada ay leedahay shaqada culayska ahi” Ugu danbayn waxaynu ka faa’iidaysanaynaa daraasaddan in aynu ka feejignaano isku buuqa tira-beelka ah iyo hurdo la’aanta joogtada ah inaga oo caafimaadkeena eeganayna. Sadam Osman kaabashFekerka aqoonyahanka:Hargeisa, SomalilandDegmada: Maxamed mooge. sadamkabash99@gmail.com Source
-
Soo dhoweyntii Daahir Maxamuud Geelle sagootin waa u ekayd!
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Aniga iyo Xasan Cali Geeseey ayaa Talaadadii shalay 9:00am waxa aan u tagnay Danjire Daahir Maxamuud Geelle oo maanta xilkii wasiirnimo kategey . Waxa aan ugu tagnay qaybta hoyga u ah oo kudhextaal wasaaradda Warfaafinta, si wanaagsan ayuu noo soo dhoweeyey, maaddaama aan u tagnay isaga oo aan weli shaqada soo gelin waxa aan wada fariisanay qolkiisa fadhiga, wax lacabo ayuu noo dalbay kaddibna howshii aan u soconay ayaan u sheegnay waana naga aqbalay, kaddibna sheeko u muuqatay sagootis oo aad u macaan ayuu noo billaabay! Lebbis aan Rasmi ahayn ayuu xirnaa, si kalsooni badan ku dheehan tahay ayuu wax badan oo kusaabsan Siyaasadda iyo saxaafadda noogu sheegay, hadallada wasiirka waxa aan ka fahmay qof ahaan in uu aad uga walaacsan yahay heerka ay wax marayaan iyo sida uu qof ahaan doonayo in xukuumaddu u shaqeyso. “Koobka haddii biyo lagu shubo oo uu nus yahay kawarrama haddii qof ku yiraahdo:-Nus ayuu soo dhaafi waayey! Qof kalana ku yiraahdo Nus ayuu soo gaaray?, Malaha waxa fiican qofka kuyiraahda waxa uu soo gaaray Nus, Suldada ama dowladdu waxa ay jeceshahay qofka yiraahda dowladduu howshii laga rabay Nus ayay qabatay balse ma jecla qofka yiraahda howshii laga rabay waxa ay soo dhaafi weysay Nus“. Su’aashaas ayuu ninba mar weydiiyey Xasan iyo Aniga, balse waxa naga yaabiyey sida uu u bayaamiyey mashaakilka iyo waxa taagan iyo sida xal kagaariddu u tahay gaabis, waxa uu nagala hadlay Wrabaahinta gaarka ah iyo waxa ay ugu fadhiso dhismaha dowladda Soomaaliyeed, waxa ay qaban karto iyo waxa warbaahinta dowladdu fulin karto balse lagayaabo in ay ku adkaadaan warbaahinta madaxa bannaan. Miis yar oo horyiil waxaa u saarnaa Nuqulka Buugga Fire and Fury oo Af carabi ku qoran, buuggaas waxaa qoray Michael Wolff, Fire and Fury waa Dab iyo Caro, taas ayaa aad iiga yaabisay, aniga oo dhiniciisa xigay ayaan soo qabtay buuggaas oo soo baxay 2018, markii uu arkay in aan isha la raacayo ayuu wax xoogaa faahfaahin iga siiyey, kaddibna waxa uu ku laabtay faahfaahin kusaabsan Warbaahinta iyo Siyaasadda. Waxa uu nooga sheekeeyey Warbaahinta Dadweynaha (Public Broadcast) iyo sida aanay suuragalba u ahayn in maanta dowladdu Radio Muqdisho ama Telefeshinka u rogto Warbaahin guud xilliga lagu jiro iyo xaaladda. Wax kale oo aad iiga yaabiyey qof ahaan ayuu nooga sheekeeyey waxaa kamid ahaa habka laga rabo xisbiga ama kooxda xukunka haya in ay u dhaqmaan kaas oo ah iskuwad iyo isku hayn, waxa uu tusaale u soo qaatay Oday reer u ahaa Nabaddoon oo maalin soo istaagay in uusan nabaddoon u ahayn Jufo kamid ah Beesha sidaas awgeedna ay tahay in Jufadaasi iska tagto oo reerka kabaxdo, Qabiilkii ayaa fariistay oo iskudayey in ay Nabaddoonka qanciyaan una sheegaan in uu reerka isku hayo iskuna wado balse waa diiday, waxa uuna ku adkeystay in uusan marna Jufadaas u ahaan doonin Nabaddoon! Odayaashii ayaa qaatay shir gaar ah waxa ayna go’aan ku gaareen in Nabaddoonka iyo Jufada uu diiddan yahay sinneyn haddii mid baxayana ay tahay in Nabaddoonku baxo maaddaama waxa xilka yimid ay isaga yihiin. Waa loo yeeray nabaddoonkii waxaana loo sheegay si wadajir ah in isaga xilka loo dhiibay iyada oo Jufada uu diiddan yahay ay beesha kamid tahay, sidaas awgeedna haddii uusan iskuwad iyo iskuhayn lahayn in isaga xilkii Nabaddoonnimo laga qaaday ayna tahay in uu raadsado cid uu qayb eryo qaybna nabaddoon u noqdo. Waxa uu Daahir noogu soo xiray in Dowladdu tahay iskuwad iyo isku hayn haddii ay taas weydana cidda tegi doonta ee fudud ay tahay iyada! Halkaas markuu marsiinayo ayaa qof la ballansanaa u yimid, kaddibna inta istaagay oo nasoo dhoweeyey ayuu na macasalaameeyey. Soo dhoweynta iyo hadalka Daahir Maxamuud Geelle waxa aan u fahamnay sagootin si aan u weydiinana waa garan weynay WQ: Axmed C. Guutaale Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Popular Contributors