Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,333
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Xeeri Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka William Barr ayaa Arbacadii shalay hortagay Congresska si uu u difaaco sidii uu u maareeyey warbixin 22kii bishii March uu u soo gudbiyey dambi baaraha gaarka ah ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee sanadkii 2016kii. Barr ayaa sheegay in go’aanka uu warbixin kooban kaga qoray warbixinta dheer uu ahaa mid isaga u gaar ah. Barr waxa uu diiday su’aalo laga weydiiyey sida uu u sawiray waxyaabihii baadhista Mueller ka soo baxay. Dhageysigan oo uu ka muuqday cadaawad xisbiyada u dhaxaysa ayaa Dimoqraadiyiintu ay su’aalo kulkulul ka weydiiyeen warbixintii afarta bog ahayd ee uu ku soo koobay warbixintii dambi baaraha gaar ah iyo waliba cabasho daba socotay oo Meuller uu isaga u gudbiyey. Dimoqraadiga ayaa Barr ku eedeeyey si hoos u dhigay caddeymihii habdhaqankiii Trump isaga oo dadaal ugu jiray inuu sabab u yeelo go’aankiisii muranka dhaliyey ee uu doonayey inuu madaxda kaga dhigo mid ka maran inuu caddaaaladda horjoogsaday. Source
  2. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-020519-sax.mp3 View the full article
  3. (SLT-London)-Gavin Williamson ayaa la eryay xilka wasiirka gaashaandhiga ee UK kadib baaritaan lagu ogaaday in uu bixiyay sir qaran oo la xidhiidhta shirks Golaha Amniga Qaranka. War laga soo saaray xafiiska Raysal wasaare Theresa May ayaa lagu sheegay in Williamson uu lumiyay kalsoonida Raysal wasaaraha. Baaritaanka ayaa dabo-socda kadib markii dibada loo dusiyay xog la xidhiidhta in shirka telfoonada ee Huawei loo oggolaado UK si ay gacan uga geysato dhismaha adeegga internetka UK ee 5G. Williamson oo ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Boqortooyada Ingiriiska ilaa 2017dii ayaa beeniyay in uu xogtaas dibada u dusiyay.Laakiin Raysal wasaare May ayaa u sheegtay wasiirka la eryay oo ay la kulantay xalay inay heyso cadeymo waa weyn oo muujinaya in uu yahay qofka xogta qarsoodida ah dibada dhigaya. Kahor inta aan xilka laga qaadin, wasiirka wuxuu diiday codsiga Raysal wasaaraha ee ahaa in uu iscasilo isaga oo sheegay inay taasi ka dhignaaneyso in uu aqbalay eedaha loo jeediyay. Wuxuu sheegay in uu kalsooni weyn ku qabi lahaa baaritaan qotodheer oo rasmi ah oo lagu ogaanayo qofka dusiyey sirta shirka golaha amniga qaranka. Penny Mordaunt oo horey u ahayd wasiirka horumarinta caalamiga ah ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee gaashaandhiga. Waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaa qabata. Source
  4. Jowhar (Caasimada Online)-Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa amar kasoo saaray ganacsatada deegaanada Hirshabeelle ee u dacwad taga deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Xubnaha ganacsatada ayaa la sheegay inay u dacwad tagaan ururka AL Shabaab, taasi ayaana keentay in maamulka gobolka SHabeelaha Dhexe uu kasoo saaro amarkaasi. Guddoomiyaha Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa amarkaasi kusoo rogay shacabka gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana uu sheegay in ganacsatada marka ay kasoo laabtaan Al Shabaab inay xukumi doonaan. Ciidamada Amniga ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayuu amar ku siiyay in ay qab qabtaan Ganacsatada la shaqeysata Al-shabaab ama xiriirka la wadaagta sida uu hadalka u dhigay. Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Ganacsadihii aada Al-shabaab uusan ka soo noqon iyagana la joogo, haddii uu soo laabtana uu maaamulka Gobolka tallaabo ka qaadayo. Al Shabaab ayaa u kala garqaada ganacsatada iyo xubnaha dacwadaha isku qabta ee kusugan deegaanada ay dowladda Soomaaliya maamusho. Arrintan ayaa imaneysa iyada oo Al-shabaab Maxkamad ay leeyihiin ku taallo degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe taas oo 50KM dhinaca galbeed uga beegan Jowhar badanaana halkaas tagaan dadka isku qabsada dhulalka sida beeraha iyo guryaha. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  5. Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharciga doorashooyinka qaranka, oo muddo la sugayey. Isla fadhigaas waxaa ay sidoo kale meel-mariyeen Sharciga Axsaabta Siyaasadda oo Dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga doorashada ayey aheyd in mar hore ay soo gudbiso xukuumadda, taasi oo ku xiran arrimo badan. Wararkan oo faahfaahsan, kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Sawir hore ee ciidamada Puntland oo gadooday Cutubyo ka tirsan ciidanka Birmad dowladda Puntland oo ka cabanayaa mushahar la’aan, ayaa saaka mudda kooban la wareegay xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Qof kamid ah shacabka magaalada, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in ciidanka halkaasi qabsaday ay rasaas xooggan ridayeen, taasina ay hakisay isu’socodkii dadweynaha ee nawaaxiga Bankiga dhexe, islamarkaana ay khal-khal iyo jaah-wareer ku abuurtay shacabka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. “Markii hore waxaan moodnay dagaal laba dhinac u dhexeeya, dad badan ayaana guryahooda ku cararay. Xataa anigu shaqo ayaan u socday markii rasaastu bilaabatay dib ayaan guriga ugu cararray, runtii khal-khal bay na geliyeen weliba isu’ socodkii gaadiidka baa xirmay” ayuu yiri qof goob-jooge ah. Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan ciidanka gadooday, ayaa isna warbaahinta Puntland Post u sheegay in ay dib uga baxeen xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo ay mudda kooban haysteen , kadib markii taliyahooda oo goobta tegay uu u ballan-qaaday, in ay mushaharka iyo xuquuqda kale ee ka maqan si dhakhso ah u heli doonaan. “Dee waxaan u sheegnay in mushaharka iyo xuquuqda naga maqan nala siiyo, haddii kale aanan fasaxayn shaqada Bankiga, isaguna waa noo ballan-qaaday in aan xaqayaga heli doono sida ugu dhakhsaha badan, markaas baan ka baxnay xarunta Bankiga” ayuu yiri sarkaalka. Xaaladda ayaa hadda ku soo laabatay si caadiya, kadib markii ciidanka lagu qanciyay in ay heli doonaan mushaharka iyo xuquuqda kale ee ka maqan, ayna banneeyeen xarunta Bankiga dhexe ee dowladdu ku leedahay magaalada Boosaaso. Tan iyo markii la doortay madaxweyna Puntland Siciid Cabdullaahi deni ,waa markii labaad oo ay gadoodaan ciidamada Puntland iyadoo horay u gadoodeen ciidankii joogay tuulada Galgala laakiin kolkii dambe lagu qanciyay in ay xuquuqdooda heli doonaan. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Ciidan gadooday oo qabsaday xarunta Bankiga dhexe ee dowladda appeared first on Puntland Post.
  7. Garowe (Caasimada Online)-Wafdi hordhac ah oo ka socda dowladda Soomaaliya aya gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaasi oo dhawan uu ka furmo doono shir u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu maanta dib u dhac uu ku yimid shir la filayay inuu ka furmo magaaladaasi, kaasi oo u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada. Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirkaasi uu furmi doono maalinta Sabtida ah, sida xogaha aan heleyno, iyadoo wafdiga dowladda ee gaaray Garowe ay kulamo hordhac ah la qaateen madaxda Puntland. Shalay Magalada Garoowe waxaa tegay wufuud horudhac ah oo ka kala socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha, waxaana sidoo kale socda wadatashiyo ay sameynayaan Madaxda dalka oo ku aadan qorshaha ay shirkaasi la tegayaan. Madaxda maamul goboleedyada ayaanan dhankooda tagin magaalada Garowe, waxaana la filayaa inay qaarkood tagaan maalinta beri ah, sida wararka aan heleyno ay sheegayaan. Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa Madaxda ugu sareysa dalka inay shirkaasi ka qeyb galaan, xilli ay jirtay in dhowr mar Madaxweyne Farmaajo shir wadatashi ah uu ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ka baaqsadeen. Shirkaasi ayaa qorshaha waxa uu yahay in lagu xaliyo tabashada ay qabaan madaxda dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  8. QARAMADA MIDOOBAY (AP)- Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaaseysa in 1.7 million oo dad Soomaaliyeed ah inay wajahayaan colaado iyo cunno xumo illaa bisha June kaddib markii laba xilli oo isku xigta aan roob la helin taasoo sababtay in xoolaha ay le’daan dalaggiina bixi waayo. Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in tani ay kor u qaadeyso 10% cunno xumida jirta. Wuxuu afhayeenku intaas ku daray in heerka nafaqo-darro uu aad sare ugu kacay sababo la xiriira abaaraha ka jira dalka iyadoo sida afhayeenku sheegay 954,000 carruur ah laga cabsi qabo inay wajahaan xaalad nafaqa-darro waxaana tiradaas ka mid ah 174,600 oo ah carruur oo si aad u daran nafaqa-darro u hayso. Dujarric wuxuu sheegay in koox ka socota Qaramada Midoobay ay diyaarineyso qorshe wax looga qabto cunno xumida inta u dhaxeysa bilaha May iyo October laakiin wuxuu sii raaciyey in loo baahan yahay dadaallo mideysan oo arrintaan wax looga qabanayo. Source: goobjoog.com
  9. WikiLeaks founder Julian Assange was sentenced to 50 weeks in prison on Wednesday for jumping bail in Great Britain in 2012. Source: Hiiraan Online
  10. Maalin ka hor madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay degmooyinka Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-afweyn oo dhammaantood ka tirsan gobolka Sanaag. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay in mudda saddex bilood ah xaalad deg deg ah lagu soo rogay degmooyinkaasi kadib falal amni-darro oo ku soo noq-noqday. Mudada saddexda bilood ah waxaa halkaasi ka shaqeyn doona amarka ciidamada oo keliya waxaana la faray in ay qaadaan tallaabo kasta oo lagu sugayo amniga degmoooyinkaas. Go’aanka Muuse Biixi wuxuu ku soo beegmay kadib markii malayshiya-beeleed hubaysan ay dil u geysteen laba sarkaal oo ka tirsan Booliiska iyo Asluubta Somaliland taasina ma ahan mid gobolka Sanaag ku cusub oo hore waxaa hab qabiil loogu dilay saraakiil sar sare oo ciidamada ah. Sidoo kale gobolka hore waxaa uga dhacay dagaal beeleedyo lagu hoobtay oo in mudda ah ka socday balse dagaalkii ugu dambeeyay ayaa sida la sheegay waxa ku dhintay in ka badan 80 ruux iyadoo Muuse Biixi xilka hayo mana jirin xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay xilligaasi. Haddaba maxaa wakhtigaan keenay in xukuumadda Muuse Biixi xaalad deg deg ah ku soo rogto degmooyina kor ku xusan? Dadka la socda xiyaasadda Muuse Biixi ee ku wajahan gobolka Sanaag oo aan su’aashaasi hor-dhignay ayaa isku raacay in laba qodob ay sal u yihiin go’aanka Muuse Biixi uu xaaladda deg dega ku geliyay degmooyinkaasi. 1: Wixii ka dambeeyay safarkii Muuse Biixi iyo Siciid Deni ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa socday qorshe jabhadda Caarre ee fadhigeedu yahay magaalada Qardho ay si dhuumaalaysi ah xarumo ciidan uga samaysanaysay buurta lagu magacaabo “Hal-dhaadan” oo qiyaastii 30 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Ceerigaabo si haddii ay Puntland kala kulmaan go’aan lama filaan ah ay halkaasi ugu wareegan. Dhulka buuraleyda ah ee “Hal-dhaadan” waa meel istiraatiijiya oo ay adagtahay in laga saaro haddii jabhadda Caarre ay ku xoogaysato taasi oo ay sii dheertahay in dhulkaasi ay beeshiisu degto oo aan lagula dagaallami Karin. Inkastoo aan hadda si hubaal ah loo ogayn inta ay le’egyihiin ciidamada buurta galay ee ka tirsan jabhadda Caarre haddana arrintaasi waxay cabsi iyo khal-khal ku beertay maamulka Muuse Biixi oo dareemay in gudaha loogu jiro. Waxaa sii dheer kacdoonka beelaha halkaasi dega oo aaminsan in Muuse Biixi uga shubtay doorashadii ka dhacday Somaliland taasi oo haddii dagaal qarxo shidaal ku sii dhidaysa sidaasi darted madaxweyne Biixi wuxuu ku qancay in uu xaalad deg deg ah soo rogo inta uu jabhaddaasi meel iska saarayo. 2: Qodobka labaad ee Muuse ku kallifay xaaladda deg deg ah waa dilkii labada sarkaal oo isna kiciyay carada shacabka ku nool gobolka Awdal gaar ahaanna magaalada Boorame maadaama hab qabiil loo dilay saraakiil dowladeed haddana aan la qaban ciddii ka dambaysay dilkaasi. Mr Biixi ayaa doonaya in uu shacabka magaalada Boorame ku indha-sarcaadiyo hawlgalka uu ka bilaabay gobolka Sanaag ee looga hortagayo khatarta Caarre isagoo shacabka degmadaasi iyo guud ahaan gobolka Awdal u tusaya in koxodii dilka geysatay lagu raad-joogo. Dhinaca kale go’aanka Muuse Biixi ayaa u muuqda mid taageero u abuuraya jabhadda Caarre maadaama haddii shacabka la cadaadiyo ay suurta-gel tahay in dad kale oo horleh ku biiraan jabhadda oo ay halkaasi cudud dheeriya ka hesho. PUNTLAND POST The post Maxaa ku qarsoon xaaladda deg deg ah ee Muuse Biixi ku soo rogay gobolka Sanaag? appeared first on Puntland Post.
  11. In a big win for India, the United Nations Security Council has designated Jaish-e-Mohammed chief Masood Azhar as a global terrorist. He was named a global terrorist by the UNSC 1267 Al-Qaeda Sanctions Committee on Wednesday after China lifted its hold on a proposal in this regard by the United States, United Kingdom and France. Source: Hiiraan Online
  12. March 29, 2017-kii, golaha shacabka BF ayaa ansixiyey xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, isaga oo maalinkaas qeybiyey buug ka kooban 9 qodob, si barnaamijkaas loo fuliyo waxay allifeen tubo illaa 4 ah: tubta siyaasadda loo dhan yahay, tubta amniga iyo caddaaladda, tubta dhaqaalaha iyo kobcinta maalka iyo tubta horumarinta arrimaha bulshada, waxaa laga sii dhex saaray illaa 285 halbeeg oo mid waliba shaqo wadato, si isla xisaabtanka, qiimeynta iyo tijaabada fashilkeeda aan Kheyrre loogu raacan, waxaa uu qorshaha u qeybiyey 26 wasaaradood, 9 hey’adood, 4 ciidanka amniga ah, 5 dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, xafiiska madaxweynaha iyo xafiiska ra’iisul-wasaaraha! Mar ra’iisul-wasaare Xasan la weyddiiyay wax qabadka xukuumadda nabad iyo nolol waxaa uu tilmaamay dhismaha xafiiska ra’iisul-wasaaraha, dejinta tubaha, diiwaan-gelinta ciidanka xoogga, curinta sharciyo, dib u habeynta dakhli aruurinta oo ay wasaaradda maaliyadda kaliya sameyso dakhli qabashada, dowladda dhexe gobolka Banaadir oo kaliya ayay canshuurta ka aruurisa. Haddaba, 2 sano kaddib, Goobjoog News waxaa ay imtixaameysaa bal inuu fulay barnaamijkii xukuumadda nabad iyo nolol iyo in kale, innaga oo inta ugu muhiimsan dul istaagi-doonna. Gurmadka Abaaraha: Abaarta waa dhibaato joogta ah, abaarta iyo waxyeelladeedu waxay halis ku yihiin jiritaanka deegaanka, duunyada iyo nolosha, sannadkan 2019-ka waxaa ay nafaqo darro soo wejihi-doontaa 1.2m, barakaca waa 2.6m, oo gar-gaar degdeg ah u baahan yihiin 1.5m, cunto-yariyada waa 4.9m. Wasaaradda gargaarka tan iyo markii la dhisay ma sal-dhigan oo waxaa ka jirtay fowdo xagga maamulka ah, Dr. Maryan Qaasim ayaa ka tagtay iyada oo 7 bil joogta, qoraal barteeda Tweeterka ay soo dhigtey 15-ka November 2017, waxaa ay ku sheegtay “duruufo aniga khaas ii ah”, laakiin Dr. Maryan oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa tiri “department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay isbarbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneyn madax wareer badan ayaa laga qaadayaa”. Muddadaas kaddib 7 bil wasaaradda waxaa ay ahayd wasiir la’aan, waxaa la eedeeyey Maxamed Cumar Macallin oo ahaa xoghayihii guud ee wasaaradda, waxaa kale oo xabsiga la dhigay agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha ee wasaaraddan. Waxaa kale oo ay xukuumadda ku guul-darreysatay dejinta qorsheyaal cadcad oo looga tabaabusheysto abaaraha soo laalaabanaya, isla-markaana loo yareeyo nuglaashaha shacabka si looga hortago waxyeellada abaarta. Caddaaladda: Barnaamijka Xukuumadda nabad iyo nolol waxaa ku jiray inay ka go’an tahay soo-af-jarka dulmiga iyo tacaddiyada iyada oo ballanqaadday dhismaha nidaamka garsoorka, 2 sano kaddib dastuurkii waa qabyo, 6-da xubin ee dowlad goboleedyada lama meelmarin, weli lama dhisin golaha adeegga garsoorka, maxkamaddii dastuuriga ahayd oo baahi weyn loo qabo, meel laguma sheego sharcigii la-dagaallanka musuqa iyo guddiyada kale ee dastuuriga ah oo dhimman si loo helo adeeg caddaalad ah oo xor ah iyo baahinta adeegga hay’adaha garsoorka. Banaadir 3 degmo ayaan lahayn maxkamad, Shabeellada dhexe Jowhar marka laga reebo waa maxkamad la’aan, tusaale ahaan Balcad, Warshiikh, Cadale, Buulo-Xawaadley iyo Mahaddaay oo 1960-kii maxkamado lahaa aanay hadda lahayn, Shabeellada hoose wixii dacwo ah gobolkan Banaadir ayey la soo aadaan, Hiiraanna Buulo-burde, Jala-laqsi, Maxaas iyo Matabaan wax garsoor ah ma leh. Galmudug waa dowlad goboleed aan lahayn nidaam caddaalad, Jubbaland Kismaayo marka laga reebo wax maxkamad ah iyo xabsi midna kama jiraan labada gobol ee Jubbada dhexe iyo Gedo. Amniga: May 11, 2017, xukuumadda Khayre waxaa ay meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay in dowladda ay hawl-gelisay 1500 oo askari. Isla bishaas shir London ka dhacay waxaa la ogolaaday 22,000 Militari ah iyo 32, 000 booliis ah. Ciidamada hore sannad iyo bar kaddib waa la kala diray kaddib markii ay Muqdisho ka dhaceen dhacdooyin amni daro oo soo noqnoqday. 2017: In ka badan 1,700 ayaa Muqdisho keliya ku dhimatay, meelaha toos loo weeraray waxaa ku jiray: Hotel Dayax, Baar Italiano , Pizza House iyo Posh, Kaawo-godey, Warshaddii Nacnaca, Golaha Murtida & Maddadaalada, Kulliyadda Jaalle Siyaad, xarunta degmada Wadajir, wasaaradaha ciyaaraha iyo amniga, Saldhigga Waaberi, xabsiga dhexe ee Xamar, Zoobe, Naasa Hablood 2 iyo xarunta tababarka ee General Kaahiye. 2018: 200 wax ka yar oo hoos u dhac ah ayaa jirtay tirada dilalka sannadkii ka horreeyey, qaraxyada waaweyn waxay noqdeen 13 halka 2017 ay ahaayeen 24 qarax, meelaha ay qaraxyada ka dhaceen waxaa ka mid ah KM0, albaabka madaxtooyada, hotelka Weheliye, Isgoyska Sayidka, Wasaaraddaha Amniga & Arrimaha gudaha, Somali cafe, Xarunta Degmada Hawlwadaag, xarunta degmada Hodan, hotel Saxafi iyo Kaawo-godey. 2019: Tan iyo horraantii sannadkan waxaa Muqdisho keliya lagu dilay in ka badan 563 qof, waxaana soo batay qaraxa dhajiska ah, meelaha qaraxyo toos ah ka dhaceen waxaa ka mid ahaa: Daljirka Dahsoon, Makah Almukaramah, Mogadishu Mall iyo gobolka Banaadir, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, xaawo taako, Golaha Murtida & Maddadaalada, dugsiga sare ee booliska, iyo Isgoyska Jubba. Intaasi oo khasaaro ah waxaa ay Muqdisho ka dhaceen iyada oo ay magaalada gudaheeda joogaan: 7,000-10,000 oo militari ah, 6,000-9,000 oo booliis ah, 4,000 oo NISA ah iyo 3,500 oo asluub ah. Intii ay joogtay xukuumadda Kheyrre ama 2-badii sano, waxaa tagtay 3 taliye sirdoon ( C/llaahi Gaafow Maxamuud, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xuseen Cusmaan Xuseen), waxaa jooga taliyihii 4aad ee xoogga dalka( General Maxamed Aadan Axmed (Buud), Gen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) iyo Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), waxaa jooga oo kale booliiska taliyihii 4aad( Gen. Sheekh Xasan Xaamud, Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Bashiir Cabdi Maxamed halka abaanduulaha xoogga dalka iyo asluubta ay la joogaan mid weliba kii 3aad. Waxaa kale oo ka tagay ama la ceyriyey 22 wasiir, oo uu ugu dambeeyey wasiirka warfaafinta Daahir Geelle. Dhaqaalaha: Buug uu Kheyrre xildhibaannada u qeybiyey waxaa ku jiray himilada xukuumadda oo ah dabargoynta saboolnimada iyada oo loo marayo kobcinta dhaqaalaha, wax-soo-saarka, tacliinta caafimaadka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka sida: Xoojinta canshuura .Dib-u-hanashada hantida dalka. Dib –u-soo-nooleynta Shilinka Soomaaliga. Wasaaradda maaliyadda oo ka mid ah kuwa ugu shaqada badan xukuumadda Kheyrre waxay xoogga saartay deyn cafinta, iyo aruurinta dhaqliga gudaha, walow marar badan xoog ay soo saartay ay shaki abuurtay, bangiga dhexe ma soo saaro lacag, ma hubiyo negaanshaha ascaarta ama negaanshaha heerka sarrifka, canshuur kama qaadaan shirkadaha Telefoonnada, Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka ah. Ra’iisul wasaare Kheyrre iyo wasiirkiisa maaliyadda ayaa sheegay in ay xilka la wareegeen qasnadda dowladda oo maran, laakiin wasiirkii maaliyadda Maxamed Aden Fargeeti oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay “Markii aan xilka wareejinayay, in ka badan 5-milyan oo dollar ayaa Qasnadda dowladda ku jirtay”, waxaa kale uu Fargeeti beeniyey magta deynta 100m ee Kheyrre sheegay isaga oo Goobjoog News u xaqiiyey iney 54m oo deyn ah ka tageen, waxaase uu raaciyay in ay jirtay lacag deyn ah oo aan la hubin oo baaris ku socotay. Marka loo noqdo miisaaniyadda sanad la ah ee xukuummadda qorsheynta bixinta deynta gudaha ama gashbaxa waa sida tan:- 2017 (7.8 milyan), 2018 (1.5 milyan), 2019 (1.5 milyan). Ra’iisul wasaare Xasan Kheyrre iyo xukuumaddiisa waxay ku faaneen koboca dhaqaalaha ee dalka, waxaase xusid mudan in labadii sano ee la soo dhaafay uu kobaca ka hooseeyey 2016-kii oo sannadkaan waxaa uu GDP ahaa 4.4, laakiin 2-badii sano uu joogay hoos ayuu u dhacay oo wuxuu gaaray 2017(2.3) iyo 2018(3.1)! Deyn Cafinta waxaa hay’adda lacagta adduunka IMF soo celiyey oo la galay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP iyo deyn cafiska. Dhanka canshuuraha, Ganacsatada waxaa ay dowladda iyo gobolka Banaadir ku eedeeyeen in ay ka baxeen ballan lagu galay dhismaha waddooyinka gobolka Banaadir oo ahaa sidan: Wasaaradda Maaliyadda: 25%, Maamulka Banaadir: 25% iyo ganacsatada gobolka Banaadir oo 50% ah.. Inkasta oo ra’iisul wasaare Kheyrre sheegay in wax mushaar ah aan lagu lahayn haddana madaxweyne Farmaajo ayaa qirtay in 3 bil aaney bixin mushaaraadka ciidanka, waxaa intaas dheer tiro intaas la’eg ayey lacagtii mushaarka ahayd ka maqan tahay shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee dowladda oo ay ku jiraan kuwa xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. La-dagaallanka Musuqa: Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa kaalinta ugu hooseysa dalalka musuqa adduunka, Inkasta oo xukuumadda Kheyrre ay sheegto la dirirka musuqa haddana baaris ay sameeyeen guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka waxaa lagu ogaaday in wasaaradda maaliyadda ay si aan sharci ahayn ku aruurisay lacago loona bixiyay, lacagahaas Waxaa laga soo aruuriyey shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada gaarka ah, waxaa kale oo wasaaradda maaliyadda lagu la’yahay lacag 20 Milyan ah oo Sacuudigu bixiyey iyo lacag curraar ah dhan $3 Malyan ah oo si aan waafaqsanayn sharciga kala wareejinta loo adeegsday, waxaana loo isticmaalay si aan waafaqsanayn Qaraarkii Miisaaniyadda 2018 uu golahu ku ansixiyey, waxaa sidoo kale aan jirin sharciyada hanti-dhowrka, xisaabiyaha guud iyo hey’adda la-dagaallanka musuqa. Sida uu sheegay Senator Faroole lacago ay dowladda ku bixisay beddeliddii maamulka Koofur Galbeed iyo Puntland haddana ay ku bixineyso Jubbaland, iyadoo horay ay u jirtay eedeymo ay dadweynaha sida iney jiraan lacago lagu bixiyey ridistii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari iyo biilal lagu bixiyo dad kataageera dowladda baraha bulshada. QOF IYO COD 2020: Himilada Xukuumadda; Hirgelinta hannaanka doorashada ee qof iyo cod sannadka 2020 si loo gaaro dimuquraaddiyad ku saleysan rabitaanka iyo awoodda doorasho ee shacabka Soomaaliyeed. 2 sano kaddib, lama dhammeystirin Dib u eegista dastuurka, oo lagu ogaan lahaa nooca Doorashada madaxweynaha ama mid baarlamaani ah mise shacab, qeexidda doorashada labada aqal, xadeynta xudduudaha doorashooyin, qof codeyn kara iyo mid aan codeyn karin, tirada kuraasta baarlamaanka, kala codeynta xisbiyada heer qaran iyo maamul goboleed iyo iswaafajinta shuruucda doorashada heer maamul goboleed iyo heer qaran. 2 sano kaddib, lama haayo sharciga doorashooyinka, sharciga diiwaan-gelinta shacabka iyo murashaxiinta, Sharciga muwaaddinka, , sharciga xudduudaha iyo Sharciga Dhismaha Guddiga la dagaallanka Musuqa, waxaa kale oo dhibaato ka jirtaa shaqaalaha doorashada, amniga iyo rabitaan siyaasadeed. DOWLAD WANAAGGA: Himilada Xukuumadda; Gaaridda dowlad wanaag iyo daahfurnaan ku saleysan hufnaan, taasina lama tijaabin. DIB-U-HESHIISIIN: Himilada Xukuumadda; soo afjaridda colaadaha, xukuumadda nabad iyo nolol waxay ay qabatay shir dib-u heshiisiin kaa oo aan weli la soo bandhigin mira dhalkiisa, weli waxaa socda dagaallo sokeeye, dowladda waxaa lagu dhaliilaa iney la dagaashay dowlad goboleedyadii. Ugu dambeyntii, sida ay sheegtay xogta waxaa jira fashil dhanka fulinta barnaamijka xukuumadda nabad iyo nolo labadii sano ee la soo dhaafay, hadiise aan la helin heshiis dhex mara saamileyda siyaasadda Soomaaliya waxay noqoneysaa labada sano ee harsan “Dhado Roob Noqon weyday”! Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa shaaca ka qaaday kulan aan horey loo shaacin oo uu dalka Qatar kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Buubaa oo isagoo Hargeysa jooga waraysi siiyay Telefishanka Universal, wuxuu isagoo kulankaas ka hadlaya uu yidhi “ Waa ay ii qorshaysnayd inaan tago Turkiga iyo Qatar laakiin waxa isku soo hagaagay markaan Qatar joogay iyo booqasho kadis ah oo uu ku yimi madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo wayna jirtay mar haddii uu meesha joogo inaan arimaha wada eegno, gaar ahaan arimaha aan anigu dhankayga u baaciyay waxay ahayd maanta Somaliland dal iyo dawlad ahaanba halkay joogto degenaashaha ka taagan” Buubaa ayaa sheegay inuu Farmaajo u sheegay inaysan jirin Soomaaliweyn, wuxuuna yiri “Waxaan u sheegay waxii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed laysku odhan jiray in aanay jirin ee laba wadan oo Somaliland iyo Somaliya ah oo lixdankii isku yimi inay midiba gooni u taagan tahay in si wanaagsan loo kulmo oo loo wada hadlo oo arimaha murugsana muruga laga saaro.” Buubaa ayaa dhinaca kale uu ka Jawaabay su’aal laga waydiiyay inaanu awood u haysan uu kula kulmo Madaxda dawladda Soomaaliya. “Arintu maaha dawlad la hadal waa qof shaqsi ah oo Maxamed Farmaajo la yidhaahdo oo imika madaxweyne ah oo ay noqotay inaan iska hor nimi oo aanu wada hadalnay kala waji dadbi mayno, waan is waraysanaynaa waxbaanu is waydiinaynaa dadkuna inuu nuglaado oo had iyo gooraale marka laysku yimaado uu u arko in adiga lagaa gacan sareeyo, adiga lagu isticmaalayo, adigu aad tahay qofka aan cid wax gaadhsiin karin, adiga uun wax lagugu shubanaayo anigu waxaan u arkaa diciifnimo siyaasadeed.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Congress held a historic hearing on Medicare for all on Tuesday, opening with an emotional testimony from activist and lawyer Ady Barkan, who is dying of terminal ALS. We speak to Representative Ilhan Omar about yesterday’s hearing and her support for overhauling the country’s healthcare system in favor of Medicare for all. We also talk to her about ongoing efforts to impeach President Donald Trump, which she says she supports. Source: Hiiraan Online
  15. The 6th Train-the-Trainers course to be delivered by the European Union Training Mission Somalia (EUTM-S) ended on 30 April and was marked with a closing ceremony at General Daghadaban Training Centre (GDTC) in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  16. MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the civil societies resolved on Wednesday to work together to stabilize the country which has been facing security challenges for the past two decades. Source: Hiiraan Online
  17. MINNEAPOLIS (WCCO) – A Somali-American police organization says it believes that “institutional prejudices” played a significant role in the conviction of ex-Minneapolis police officer Mohamed Noor. Source: Hiiraan Online
  18. You can now hail a motorcycle service in the Somali capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  19. The ACLU of New Hampshire is suing the U.S. government on behalf of a man they say has been in immigration detention for more than two years. Source: Hiiraan Online
  20. UNITED NATIONS (AP) — The U.N. estimates 1.7 million people in Somalia will “face crisis and emergency levels of food insecurity until June” after a second consecutive bad rainy season caused livestock losses and failed crops. Source: Hiiraan Online
  21. The U.S. military has killed an al-Shabaab militant it says participated in an attack against American forces that left a U.S. soldier dead and four other Americans wounded. Source: Hiiraan Online
  22. “Xeer ilaaliyaha qaranka, waa nin aad u damaqasho iyo arxan badan” ayaa dhihi lahaa sida dadka qaar, haddaan ahay qof dareenka uu hago oo daqiiqadda markaas uu joogo sida dareenkiisa yahay u hadla, balse ma ahi. Waxaan ka hadlayaa sheeko ku saabsan video lasoo dhigay baraha bulshada oo uu muujinaya xeer-ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir, oo meel waddo ah inta u istaagay ku canaananaya una hanjabaya muwaadin Soomaaliyeed oo ku shaqeysta gaari dameer. Sida muuqaalka ka muuqata, Axmed Cali Dameer ayaa muwaadinka ku amraya inuu rarka ka yareeyo gaari dameerka, islamarkaana qaar ka mid ah loorarka uu inta meesha uga tago dib uga soo laabto. Mar walba waa wax wanaagsan in loo damqado xayawaanka, hase yeeshee damaqashada iyo sharciga waa kala laba. Axmed Cali Daahir waa sharci ilaaliyaha dalka ugu sarreeya, haddii isaga uusan sharciga ku dhaqminna ma jirto cid ku dhaqmayesa. Haddaba maxaa ka qaldanaa falkii Axmed Cali Daahir. 1 – Soomaaliya ma ka jiraa sharci dowladda ay dejisay oo dhigaya culeeska rar ee ugu badan ee la ogol yahay in xayawaanka ama si gaar ah dameeraha lagu raro? Jawaabta waa maya. Haddii muwaadinka lagu xadgudbay uu oran lahaa kama dejinayo rarka dameerka, Muxuu Axmed Cali Daahir sameyn lahaa? Axmed Cali Daahir ma awooday inuu ku yiraahdo muwaadinka, “haddii aadan ka dejin rarka dameerka, waxaa ku qabanaya sharciga noocaas ah, qodobka lambarkiisu yahay sidaas? Ogow, dunida wax kasta waa sharci. Maxaa u diidaya qof inuu inta qof kale dilo uu xorriyad isaga noolaado? Waa sharciga, waayo waxaa jira sharci dhigaya inana qof la dili karin. Sidaas darteed, wax kasta oo dunida aan laga ogoleyn waxay sidaas u yihiin waa inuu jiro sharci qoran oo diidaya. Wax walba oo dunida laga ogol yahayna, waxaa sidaas yeelaya waa inuusan jirin sharci diidaya. Tusaale, maxaa cabista qamriga xaaraan ka dhigay dalalka Islaamka oo kuwa reer galbeedka looga ogol yahay, waa kala duwanaanshaha labada sharci. Sidaas darteed, Axmed Cali Daahir wax sharciyad uma haysan xad gudubkii uu ku sameeyey muwaadinka. 2 – Axmed Cali Daahir wuxuu si aan asluubeysneyn oo awood sheegasho iyo hanjabaad isugu jirta u handaday muwaadin Soomaaliyeed isaga oo isu muujinaya inuu u damqaday dameer. Wuxuu muwaadinka Soomaaliyeed ku qasbay inuu sameeyo wax aan suurta-gal ahayn oo ah inuu ka tago qeyb ka mid ah rarkiisa oo uu dib ugu soo noqdo. Yaa damaanad qaaday in rarkii laga tagay halkooda loogu imanayo, oo aan la xadeyn? Ma ka fakaray Axmed Cali Daahir in Muqdisho iska daa badeeco aysan xitaa naftii aadanaha ku bad-baadeyn. Waxaa sidoo kale yaab lahaa, in Axmed Cali Daahir uu marka uu muwaadinka ka dejinayo dameerka rarka ay isaga iyo ciidankiisaba daawanayaan oo aysan xitaa caawineyn. Axmed Cali Daahir waxaa ka muuqata inuu si ku talo-gal ah u sameeyey ficilka, isaga oo ka raadinaya fursad uu isugu muujiyo nin damqasho leh, oo igu sawir ah. Wuxuu xitaa u diyaarsada kaamiro video looga duubo falkiisa. Haddii Axmed Cali Daahir ay daacad ka ahaan lahayd inuu xaywaanka u damqanayo, muxuusan kadib falkaas u qaban shir jaraa’id ama ugu dhaqaaqin sidii uu uga shaqeyn lahaa in lasoo saaro sharci xadidada culeeska rar ee la saaro xayawaanka. Xaqiiqda ah inaysan taas jirin, ayaa muujineysa in falkiisu ahaa ha lagaa sheego. Maxaa haboonaa? Markii Axmed Cali Daahir uu arkay culeeska rar ee saaran dameerka, waxay ahayd inuu muwaadinka istaajiyo, kadibna si dabacsan oo naseexo leh ula hadlo una sheego in wuxu xayawaan yahay, oo ay mudan tahay inuu u damqado, isaga oo aan u hanjabin ama aan amar siin. Waxay ahayd inuu u sheego in waqtigaas la joogay aysan macquul ahayn inuu rarkiisa ka kala tago, balse wixii markaas ka dambeeya uusan sidaas sameyn. Intaas kadib waxay ahayd in uu ka shaqeeyo in sharci laga soo sarao arrintan, kadibna ciddii ku xadgudubtaa lagu ciqaabo sharcigaas. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  23. Alexandria (Caasimada Online) – Maxkamadda Rafcaanka Heerka 4-aad ee Gobalka Virginia ee dalkaasi waxaa la filayaa inay bishan May 13-da ka bilaabanto dhegeysiga Dacwad loo haysto Taliyihii Qeybta 5-aad ee Ciiddankii Milliteriga ee xilligii Dowladda Kacaanka ee saldhigooda ahaa Gobalka W/Galbeed ee dalkeenna. Taliyahaasi oo lagu magacaabo Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Kolonel Tuke”, ayaa waxaa soo eedeeyey Faarax Warfaa, kaasi oo haatan ku sugan magaalladda Hargeysa, balse la filayo in inuu Fiiso Khaas ah ku tago dalka Maraykanka. Dhibanaha oo haatan 48 jir ah ayaa sheegay inuu Taliyahaasi jir-dil iyo toogasho u geystay bishii December ee sannadkii 1989-kii, isagoo xilligaas 17-jir ahaa. Waxa uu intaasi ku daray in isaga markii la toogtay in looga tegay sidii qof geeriyooday oo kale, waa sida uu hadalka u dhigay. Mar uu ka hadlayey sababaha loo xiray, loona toogtay waxa uu tilmaamay in isaga iyo dhallinyaro kale lagu soo oogay inay xadeen Booyad nooca ay Ciiddanka ku kaydsadaan Biyaha, oo ay Dagaalamayaashii Jabhaddii SNM-ta la tageen. Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Kolonel Tuke” oo isaga sannadkii 1990-kii Tababar Milliteri loogu qaaday Maraykanka, ayaa u sii gudbay dalka Kanada oo uu ka helay Magangelyo Qaxootinimo. Balse, Dowladda Kanada waxay Taliyahaasi hore dib ugu celiyeen Maraykanka sannadkii 1992-kii, kadib, markii ay qaar ka mid ah Warbaahinta Kanada baahiyeen inuu Kolonel Yuusuf Tuke horey Tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha ka soo geystay Somalia. Hay’ad fadhigeedu yahay Maraykanka oo lagu magacaabo Xarunta Caddaaladda iyo Isla-xisaabtanka (Center for Justice and Accountability),waxay Bilowgii sannadihii 2000-aadka waxay dabagal iyo baaris kula dhaqaaqeen Kolonel Yuusuf Cabdi Cali “Kolonel Tuke” oo lagu eedeynayey inuu galay Gaboodfalka Dembiy-dagaal, waxayna Xarunta soo ogaatay inuu Kornel Tuke yahay qof haysta Kaarka Cagaaran ee Maraykanka (US green card holder), iyo inuu ku nool yahay magaalladda Aleskandariya ee Gobalka Virginia iyo inuu Ilaaliye dhanka Ammaanka ku shaqeysto, oo inta badan ilaaliye ka ahaa Garoonka Diyaaradaha Washington ee Dulles International Airport. Si kastaba ha ahaatee, Dhibanaha iyo Eedeysanaha ayaa la filayaa inay weji-ka-weji uga soo hor muuqan doonaan bishan 13-da Maxkamadda Rafcaanka ee Heerka 4-aad ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka.