Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,345
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ceerigaabo ( SMN)Taliyaha Booliska Soomaaliland ayaa awaamiir siiyay Ciidamada fulinaya xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay deegaanno hoostaga Gobolka Sanaag. Sareeye Gaas Cabdullaahi Fadal Iimaan Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa Warbaahinta la wadaagay awaamiir ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi kaas oo xaalad deg deg ah loogu soo rogayo deegaanada Gobolka Sanaag. Meelaha ay saameyneyso xaaladani deg deg ah ayaa waxaa ka jira colaad beeleedyo ka dhex aloosan Beelo walaalo ah oo Soomaaliyeed. Dhawaan ayaa 2 Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada maamulka Soomaaliland waxaa lagu dilay deegaanno ka tirsan Gobolka Sanaag sababo la xiriira aanooyin qabiil. View the full article
  2. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida/Wakiillada), ayaa saaka iskugu yimid fadhi aan Caadi ahayn oo lagaga doodayay xaalada deg-deg ah ee Madaxweyne Biixi ku soo rogay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag. Fadhigan hore waxa si wada jir ah ugu iclaamiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida, Siciid Jaamac Cali. Kulanka saaka waxaa ka soo xaadiray 107 xildhibaan, markii codeynta la bilaabay waxaa ogolaaday xaalada deg dega ah 40 xildhibaan, markii la doonayay in gacanta loo taago inta diidan ayaa guddoomiyaha Golaha wakiiladu fadhiga deg deg u xidhay iyada oo ay codeyntii socoto, buuq iyo sawax ayaa hadheeyay xaruntii Baarlamaanka, Sabtida ayaa dib loo balamay, hadda warbaahinta la hadlay Xildhibaanno aad u cadhaysan. Warkan oo faah-faahsan goordhaw kala soco Somalilandtoday Source
  3. Muqdisho ( SMN):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Mudane Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusayay maalinta shaqaalaha Aduunka oo ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in ay wax ka bedeli doonaan hanaanka loo qaato shaqaalaha dowladda Somalia. Mr Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay In Xukuumaddiisu meesha ka saari doonto in Masuuliyiinta Dowladdu shaqaalaha iyagu soo xulaan balse taas bedelkeed Tartan loo gali doono shaqada dowladda. Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqda Tallaabo kale oo Xukuumaddu u qaadeyso ka hortagga Musuqmaasuqa. View the full article
  4. Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaas ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay la waregeen xarun Bank oo ku taala magaalada Boosaaso. Ciidamada maamulka Puntland ayaa la wareegay xarunta Bangiga dhexe ee magaalada Boosaaso, waxaana xiisad laga dareemaya magaalada, maadaama ciidamada la sheegay inay careysan yihiin. Ciidamada maamulka Puntland ee maanta la wareegay xarunta Bangiga dhexe ayaa ka carooday mushaar la’aan heysatay ciidamada maalmihii ugu dambeeyay, waxaana ka hor inta aysan la wareegin bangiga ay rasaas ku fureen xarunta iyo agagaarkeeda. Intaasi kadib saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa tegay Xarunta Bangiga oo ay la wareegeen Ciidamada Gadooday, isaga oo ku qanciyey inay dib ugu laabtaan halkee ay ka yimaadeen,isla markaana mushaarkooda ay heli doonaan,sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada. Wararkii ugu dambeyey ee haatan laga helayo Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay dib u bilaawdeen howlihii Shaqo ee Bangiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso. Waa markii labaad oo ay gadoodaan Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,waxaana horay u gadooday Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Galgala ee Gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  5. Garbahaareey ( Sh. M. Network):-illaa 10 askari oo kasoo goostay degmooyinka Baardheere iyo Garbahaarey ayaa iyagoo hubkooda wata isku dhiibay maamulka deegaanka Ceelcadde ayaa lagu sheegay War Qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internetka ku leeyihiin Al Shabaab. Maxamuud Maxamed Ibraahim, Aadan Axmed Jilacoow iyo Isxaaq Aadan Ibraahim ayaa kasoo goostay saldhigga ciidamada dowladda ee degmada Garbahaarey halka 7 kale ay ka goosteen dhanka degmada Baardheere waxaana dhammaantood lagu soo bandhigay xarunta maamulka Al Shabaab ee Gedo. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay DFS oo ku aadan Askartaan la sheegay in ay isku dhiibeen Xarakada Al Shabaab. View the full article
  6. Garoowe ( Sh. M. Network):-Waxaa dib u dhac uu ku yimid shir maanta la filayay in Siyaasiyiin iyo qaar ka tirsan Madax Goboleedyadu ku yeeshaan Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland. Sida aan ka heleyno ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Puntland waxaa la filayaa in 5-ta Bishaan May lagu qabto shirkaasi Magaalada Garoowe halkii maanta 2 May ku beegan shirku qabsoomo. Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka ay ka soo qeyb galayaan Madaxda sar sare ee DFS sida ay ku warrameen ilo lagu kalsoonaan karo. Dhinaciisa Axmed Maxamuud Xasan ( Axmed Baasto) oo aragtidiisa shirkaas ka warbixiyay ayaa sheegay mid aan sharci ahayn oo lagu majaxaabinayo aayaha dalka. View the full article
  7. (SLT-Addis Ababa)-Suxufiyiin iskaga kala yimid Aduunka ayaa isugu yimid caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, halkaas oo uu uga bilaabmay shir saddex maalmood socon doona iyo dabaal dega maalinta madaxbanaanida Saxaafada Aduunka ee May 3 oo lagu qaban doono. Wariyeyaasha shalay shirku uga furmay dalka Ethiopia ayaa doodo yeeshay intii shirkaasi socday, waxaana diirada lagu saaray doorka saxaafadu ku leedahay bulshada iyo sidii looga fogaan lahaa hadalada nacaybka dhalinaya ee lagu baahiyo baraha bulshada. Intii shirkaasi socday ayaa la tilmaamay in heerka xirsafada saxaafada oo la dabaqaa ay yarayn karto hadalada nacaybka ah, sida uu sheegay Alistair King Smith oo arimaha dibada ee UK ugu qaabilsan u ololaynta saxaafad madaxbanaan. David Kaye, oo isna ah Wariyaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda iyo madaxbanaanida hadalka ayaa sheegay in dawlada iyo ururada bulshadu ay eegaan sidii meesha looga saari lahaa hadalada nacaybka abuuraya. Maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka ayaa waxa ku dhawaaqay Golaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhacaysa bishii December 1993-kii, waxaana daba socday taloooyin shirar ay UNESCO qabatay loogu dabaal degay ilaa xiligaasi in May 3 ay noqoto maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka loo dabaal dego. Waxaana Ethiopia laga dabaal degayaa 26th guurada maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen UNESCO, Midawga Afrika iyo dawladda Ethiopia, waxaana la filayaa in shirkaasi lagaga hadlo wararka khaldan iyo badbaadada suxufiyiinta. Waxaana la xusay in sanadkii u dambeeyey la dilay 94 suxufi, halka sanadkii hore ay ahayd tirada suxufiyiinta la dilay 71 suxufi. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Wiil 16-jir ah oo aanay cidina la socon kana soo jeeda wadanka Guatemala ayaa xanuun dartii ugu dhintay mid ka mid ah xabsiyada ay dowlada Mareykanka ku ooday dadka soo Galootiga. Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa arbacadii shalay sheegay in wiil loo badalay 20 kii bishan April xafiiska dib u dejinta qaxootiga ee gobolka Taxes. Afhayeenka xafiiska xanaanada caruurta aan waalidka laheyn Evelyn Stauffer ayaa sheegtay in waqtigaas wiilka aysan ka muuqan xumad iyo xanuun haya intaba. Balse subixii ku xigay ayaa waxuu dareemay Qando iyo madax xanuun loo dhigay isbitaal ku yaal aagaasi oo lagu dabiibay ka hor inta aanu geeriyoon maalintii Xigtay. Si kastaba ha ahaatee dowlada Mateykanka ayaa sheegtay in ay dib u baadhis ku sameyso sababta dhalisay geerida wiilkaan Qaxootiga. Source
  9. (SLT-London)-Xaakim Ingiriis ah ayaa aasaasihii shabakada siraha faafisa ee WikiLeaks Julian Assange ku xukumay 50 todobaad oo xabsi ah kadib markii uu ka fakaday damiin mudo hada laga joogo todoba sanadood oo uu ku sugnaa Safaarada dalka Ecuador. Garsooraha Deborah Taylor ayaa sheegtay in ay adag tahay in la qiyaaso qayb ka mid ah ciqaabta dembiga ah sida ay u bixisay in 47 sano jirkan xogaha qarsoon jabsada in lagu xukumo ugu badnaan hal sano oo xabsi ah. Waxaanay tilmaantay in Assange todoba sanadood oo uu joogay safaarada Ecuador, laguna tixgaliyey magangalyo doonimo ujeedadeedu tahay inuu ka baaqsado cadaalada. Ninkan timaha Cad ee Assange ayaa taagnaa isagoo gacmaha ka xidhan markii loo akhriyayay xukunkiisa, waxaana taageerayaashiisu ay la taagnaayeen afaafka Maxkamada Southwark Crown Court, iyagoo ku qaylinaya waa in la xukumaa siidaynta Assange. Muwaadinkan u dhashay dalka Australian ee Assange ayaa galay isagoo magangalyo doon ah Safaarada dal ku yaala Koonfurta America uu ku leeyahay London bishii June 2012-kii si uu uga baxsado kiisas la doonayey in su’aalo laga waydiiyo oo ahaa eedo kufsi. Waxaana Qareenka u doodayey Assange oo la yidhaa Mark Summers uu ka sheegay qolkii maxkamada ee dacwadu ka dhacaysay oo ay ku sugnaayeen suxufiyiinta iyo taageerayaasha WikiLeaks in Assange uu magangalyo ka dalbaday Safaarada Ecuador maadaama oo uu cabsi ka qabay in loo gacan galiyo Maraykanka. Source
  10. (SLT-Washington)-Magangelyo-doon Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Cali oo sabab la’aan u xidhnaa muddo 2 sanno ayaa la filayaa in la sii daayo. Iyagoo wakiil ka ah Maxamed Axmed Cali ayaa waxay Ururka Xorriyadda Maddaniga Maraykanka ee ACLU ee ka shaqeeya inay dhibanayaasha ka difaacaan Maxkamadaha ayaa la sheegay inay fureen dacwad ka dhan Madaxda Waaxyaha Caddaaladda, Ammaanka Gudaha, Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha ee dalkaasi iyo kuwo kale. Dacwadda ayaa lagu sheegay in Muwaadinka Soomaaliga uu iska xiran yahay, iyaado oaan marnaba la dhegeysanin Kiiska loo haysto. Hay’adda dacwadda u gudbisay ayaa sheegtay inuu Maxamed Axmed Cali iskiisa isaga soo dhiibay magaalladda San Diego sannadkii 2016-kii, isla markaana la xiray, loona gudbiyey xarumo dadka lagu hayo oo ku yaalla 6 Gobal. Maxamed Axmed Cali waxa u uka mid ahaa 92 qof oo Soomaali ah oo dacwad ka gudbiyey Dowladda Maraykanka, kadib, markii lagu jeebadeeyey Kuraasta Diyaarad muddo 2 maalmood ah sannadkii 2017-kii, xilli loo masaafurin lahaa Somalia. Dacwadaasi ayaana u muuqata mid ay Dowladda Maraykanka laashay, iyadoo Hay’addaha Federalka laga sugayo faahfaahin kiiskaasi iyo xadhiga Maxamed Axmed Cali Source
  11. (SLT-Washington)-Xeeri Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka William Barr ayaa Arbacadii shalay hortagay Congresska si uu u difaaco sidii uu u maareeyey warbixin 22kii bishii March uu u soo gudbiyey dambi baaraha gaarka ah ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee sanadkii 2016kii. Barr ayaa sheegay in go’aanka uu warbixin kooban kaga qoray warbixinta dheer uu ahaa mid isaga u gaar ah. Barr waxa uu diiday su’aalo laga weydiiyey sida uu u sawiray waxyaabihii baadhista Mueller ka soo baxay. Dhageysigan oo uu ka muuqday cadaawad xisbiyada u dhaxaysa ayaa Dimoqraadiyiintu ay su’aalo kulkulul ka weydiiyeen warbixintii afarta bog ahayd ee uu ku soo koobay warbixintii dambi baaraha gaar ah iyo waliba cabasho daba socotay oo Meuller uu isaga u gudbiyey. Dimoqraadiga ayaa Barr ku eedeeyey si hoos u dhigay caddeymihii habdhaqankiii Trump isaga oo dadaal ugu jiray inuu sabab u yeelo go’aankiisii muranka dhaliyey ee uu doonayey inuu madaxda kaga dhigo mid ka maran inuu caddaaaladda horjoogsaday. Source
  12. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-020519-sax.mp3 View the full article
  13. (SLT-London)-Gavin Williamson ayaa la eryay xilka wasiirka gaashaandhiga ee UK kadib baaritaan lagu ogaaday in uu bixiyay sir qaran oo la xidhiidhta shirks Golaha Amniga Qaranka. War laga soo saaray xafiiska Raysal wasaare Theresa May ayaa lagu sheegay in Williamson uu lumiyay kalsoonida Raysal wasaaraha. Baaritaanka ayaa dabo-socda kadib markii dibada loo dusiyay xog la xidhiidhta in shirka telfoonada ee Huawei loo oggolaado UK si ay gacan uga geysato dhismaha adeegga internetka UK ee 5G. Williamson oo ahaa wasiirka gaashaandhiga ee Boqortooyada Ingiriiska ilaa 2017dii ayaa beeniyay in uu xogtaas dibada u dusiyay.Laakiin Raysal wasaare May ayaa u sheegtay wasiirka la eryay oo ay la kulantay xalay inay heyso cadeymo waa weyn oo muujinaya in uu yahay qofka xogta qarsoodida ah dibada dhigaya. Kahor inta aan xilka laga qaadin, wasiirka wuxuu diiday codsiga Raysal wasaaraha ee ahaa in uu iscasilo isaga oo sheegay inay taasi ka dhignaaneyso in uu aqbalay eedaha loo jeediyay. Wuxuu sheegay in uu kalsooni weyn ku qabi lahaa baaritaan qotodheer oo rasmi ah oo lagu ogaanayo qofka dusiyey sirta shirka golaha amniga qaranka. Penny Mordaunt oo horey u ahayd wasiirka horumarinta caalamiga ah ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee gaashaandhiga. Waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaa qabata. Source
  14. Jowhar (Caasimada Online)-Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa amar kasoo saaray ganacsatada deegaanada Hirshabeelle ee u dacwad taga deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Xubnaha ganacsatada ayaa la sheegay inay u dacwad tagaan ururka AL Shabaab, taasi ayaana keentay in maamulka gobolka SHabeelaha Dhexe uu kasoo saaro amarkaasi. Guddoomiyaha Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa amarkaasi kusoo rogay shacabka gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana uu sheegay in ganacsatada marka ay kasoo laabtaan Al Shabaab inay xukumi doonaan. Ciidamada Amniga ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayuu amar ku siiyay in ay qab qabtaan Ganacsatada la shaqeysata Al-shabaab ama xiriirka la wadaagta sida uu hadalka u dhigay. Axmed ayaa sidoo kale sheegay in Ganacsadihii aada Al-shabaab uusan ka soo noqon iyagana la joogo, haddii uu soo laabtana uu maaamulka Gobolka tallaabo ka qaadayo. Al Shabaab ayaa u kala garqaada ganacsatada iyo xubnaha dacwadaha isku qabta ee kusugan deegaanada ay dowladda Soomaaliya maamusho. Arrintan ayaa imaneysa iyada oo Al-shabaab Maxkamad ay leeyihiin ku taallo degmada Gamboole ee Gobolka Shabeellaha dhexe taas oo 50KM dhinaca galbeed uga beegan Jowhar badanaana halkaas tagaan dadka isku qabsada dhulalka sida beeraha iyo guryaha. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  15. Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharciga doorashooyinka qaranka, oo muddo la sugayey. Isla fadhigaas waxaa ay sidoo kale meel-mariyeen Sharciga Axsaabta Siyaasadda oo Dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga doorashada ayey aheyd in mar hore ay soo gudbiso xukuumadda, taasi oo ku xiran arrimo badan. Wararkan oo faahfaahsan, kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Sawir hore ee ciidamada Puntland oo gadooday Cutubyo ka tirsan ciidanka Birmad dowladda Puntland oo ka cabanayaa mushahar la’aan, ayaa saaka mudda kooban la wareegay xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Qof kamid ah shacabka magaalada, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in ciidanka halkaasi qabsaday ay rasaas xooggan ridayeen, taasina ay hakisay isu’socodkii dadweynaha ee nawaaxiga Bankiga dhexe, islamarkaana ay khal-khal iyo jaah-wareer ku abuurtay shacabka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. “Markii hore waxaan moodnay dagaal laba dhinac u dhexeeya, dad badan ayaana guryahooda ku cararay. Xataa anigu shaqo ayaan u socday markii rasaastu bilaabatay dib ayaan guriga ugu cararray, runtii khal-khal bay na geliyeen weliba isu’ socodkii gaadiidka baa xirmay” ayuu yiri qof goob-jooge ah. Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan ciidanka gadooday, ayaa isna warbaahinta Puntland Post u sheegay in ay dib uga baxeen xarunta Bankiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo ay mudda kooban haysteen , kadib markii taliyahooda oo goobta tegay uu u ballan-qaaday, in ay mushaharka iyo xuquuqda kale ee ka maqan si dhakhso ah u heli doonaan. “Dee waxaan u sheegnay in mushaharka iyo xuquuqda naga maqan nala siiyo, haddii kale aanan fasaxayn shaqada Bankiga, isaguna waa noo ballan-qaaday in aan xaqayaga heli doono sida ugu dhakhsaha badan, markaas baan ka baxnay xarunta Bankiga” ayuu yiri sarkaalka. Xaaladda ayaa hadda ku soo laabatay si caadiya, kadib markii ciidanka lagu qanciyay in ay heli doonaan mushaharka iyo xuquuqda kale ee ka maqan, ayna banneeyeen xarunta Bankiga dhexe ee dowladdu ku leedahay magaalada Boosaaso. Tan iyo markii la doortay madaxweyna Puntland Siciid Cabdullaahi deni ,waa markii labaad oo ay gadoodaan ciidamada Puntland iyadoo horay u gadoodeen ciidankii joogay tuulada Galgala laakiin kolkii dambe lagu qanciyay in ay xuquuqdooda heli doonaan. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Ciidan gadooday oo qabsaday xarunta Bankiga dhexe ee dowladda appeared first on Puntland Post.
  17. Garowe (Caasimada Online)-Wafdi hordhac ah oo ka socda dowladda Soomaaliya aya gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaasi oo dhawan uu ka furmo doono shir u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu maanta dib u dhac uu ku yimid shir la filayay inuu ka furmo magaaladaasi, kaasi oo u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada. Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirkaasi uu furmi doono maalinta Sabtida ah, sida xogaha aan heleyno, iyadoo wafdiga dowladda ee gaaray Garowe ay kulamo hordhac ah la qaateen madaxda Puntland. Shalay Magalada Garoowe waxaa tegay wufuud horudhac ah oo ka kala socda Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha, waxaana sidoo kale socda wadatashiyo ay sameynayaan Madaxda dalka oo ku aadan qorshaha ay shirkaasi la tegayaan. Madaxda maamul goboleedyada ayaanan dhankooda tagin magaalada Garowe, waxaana la filayaa inay qaarkood tagaan maalinta beri ah, sida wararka aan heleyno ay sheegayaan. Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa Madaxda ugu sareysa dalka inay shirkaasi ka qeyb galaan, xilli ay jirtay in dhowr mar Madaxweyne Farmaajo shir wadatashi ah uu ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ka baaqsadeen. Shirkaasi ayaa qorshaha waxa uu yahay in lagu xaliyo tabashada ay qabaan madaxda dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  18. QARAMADA MIDOOBAY (AP)- Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaaseysa in 1.7 million oo dad Soomaaliyeed ah inay wajahayaan colaado iyo cunno xumo illaa bisha June kaddib markii laba xilli oo isku xigta aan roob la helin taasoo sababtay in xoolaha ay le’daan dalaggiina bixi waayo. Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in tani ay kor u qaadeyso 10% cunno xumida jirta. Wuxuu afhayeenku intaas ku daray in heerka nafaqo-darro uu aad sare ugu kacay sababo la xiriira abaaraha ka jira dalka iyadoo sida afhayeenku sheegay 954,000 carruur ah laga cabsi qabo inay wajahaan xaalad nafaqa-darro waxaana tiradaas ka mid ah 174,600 oo ah carruur oo si aad u daran nafaqa-darro u hayso. Dujarric wuxuu sheegay in koox ka socota Qaramada Midoobay ay diyaarineyso qorshe wax looga qabto cunno xumida inta u dhaxeysa bilaha May iyo October laakiin wuxuu sii raaciyey in loo baahan yahay dadaallo mideysan oo arrintaan wax looga qabanayo. Source: goobjoog.com
  19. WikiLeaks founder Julian Assange was sentenced to 50 weeks in prison on Wednesday for jumping bail in Great Britain in 2012. Source: Hiiraan Online
  20. Maalin ka hor madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay degmooyinka Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-afweyn oo dhammaantood ka tirsan gobolka Sanaag. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay in mudda saddex bilood ah xaalad deg deg ah lagu soo rogay degmooyinkaasi kadib falal amni-darro oo ku soo noq-noqday. Mudada saddexda bilood ah waxaa halkaasi ka shaqeyn doona amarka ciidamada oo keliya waxaana la faray in ay qaadaan tallaabo kasta oo lagu sugayo amniga degmoooyinkaas. Go’aanka Muuse Biixi wuxuu ku soo beegmay kadib markii malayshiya-beeleed hubaysan ay dil u geysteen laba sarkaal oo ka tirsan Booliiska iyo Asluubta Somaliland taasina ma ahan mid gobolka Sanaag ku cusub oo hore waxaa hab qabiil loogu dilay saraakiil sar sare oo ciidamada ah. Sidoo kale gobolka hore waxaa uga dhacay dagaal beeleedyo lagu hoobtay oo in mudda ah ka socday balse dagaalkii ugu dambeeyay ayaa sida la sheegay waxa ku dhintay in ka badan 80 ruux iyadoo Muuse Biixi xilka hayo mana jirin xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay xilligaasi. Haddaba maxaa wakhtigaan keenay in xukuumadda Muuse Biixi xaalad deg deg ah ku soo rogto degmooyina kor ku xusan? Dadka la socda xiyaasadda Muuse Biixi ee ku wajahan gobolka Sanaag oo aan su’aashaasi hor-dhignay ayaa isku raacay in laba qodob ay sal u yihiin go’aanka Muuse Biixi uu xaaladda deg dega ku geliyay degmooyinkaasi. 1: Wixii ka dambeeyay safarkii Muuse Biixi iyo Siciid Deni ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa socday qorshe jabhadda Caarre ee fadhigeedu yahay magaalada Qardho ay si dhuumaalaysi ah xarumo ciidan uga samaysanaysay buurta lagu magacaabo “Hal-dhaadan” oo qiyaastii 30 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Ceerigaabo si haddii ay Puntland kala kulmaan go’aan lama filaan ah ay halkaasi ugu wareegan. Dhulka buuraleyda ah ee “Hal-dhaadan” waa meel istiraatiijiya oo ay adagtahay in laga saaro haddii jabhadda Caarre ay ku xoogaysato taasi oo ay sii dheertahay in dhulkaasi ay beeshiisu degto oo aan lagula dagaallami Karin. Inkastoo aan hadda si hubaal ah loo ogayn inta ay le’egyihiin ciidamada buurta galay ee ka tirsan jabhadda Caarre haddana arrintaasi waxay cabsi iyo khal-khal ku beertay maamulka Muuse Biixi oo dareemay in gudaha loogu jiro. Waxaa sii dheer kacdoonka beelaha halkaasi dega oo aaminsan in Muuse Biixi uga shubtay doorashadii ka dhacday Somaliland taasi oo haddii dagaal qarxo shidaal ku sii dhidaysa sidaasi darted madaxweyne Biixi wuxuu ku qancay in uu xaalad deg deg ah soo rogo inta uu jabhaddaasi meel iska saarayo. 2: Qodobka labaad ee Muuse ku kallifay xaaladda deg deg ah waa dilkii labada sarkaal oo isna kiciyay carada shacabka ku nool gobolka Awdal gaar ahaanna magaalada Boorame maadaama hab qabiil loo dilay saraakiil dowladeed haddana aan la qaban ciddii ka dambaysay dilkaasi. Mr Biixi ayaa doonaya in uu shacabka magaalada Boorame ku indha-sarcaadiyo hawlgalka uu ka bilaabay gobolka Sanaag ee looga hortagayo khatarta Caarre isagoo shacabka degmadaasi iyo guud ahaan gobolka Awdal u tusaya in koxodii dilka geysatay lagu raad-joogo. Dhinaca kale go’aanka Muuse Biixi ayaa u muuqda mid taageero u abuuraya jabhadda Caarre maadaama haddii shacabka la cadaadiyo ay suurta-gel tahay in dad kale oo horleh ku biiraan jabhadda oo ay halkaasi cudud dheeriya ka hesho. PUNTLAND POST The post Maxaa ku qarsoon xaaladda deg deg ah ee Muuse Biixi ku soo rogay gobolka Sanaag? appeared first on Puntland Post.
  21. In a big win for India, the United Nations Security Council has designated Jaish-e-Mohammed chief Masood Azhar as a global terrorist. He was named a global terrorist by the UNSC 1267 Al-Qaeda Sanctions Committee on Wednesday after China lifted its hold on a proposal in this regard by the United States, United Kingdom and France. Source: Hiiraan Online
  22. March 29, 2017-kii, golaha shacabka BF ayaa ansixiyey xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, isaga oo maalinkaas qeybiyey buug ka kooban 9 qodob, si barnaamijkaas loo fuliyo waxay allifeen tubo illaa 4 ah: tubta siyaasadda loo dhan yahay, tubta amniga iyo caddaaladda, tubta dhaqaalaha iyo kobcinta maalka iyo tubta horumarinta arrimaha bulshada, waxaa laga sii dhex saaray illaa 285 halbeeg oo mid waliba shaqo wadato, si isla xisaabtanka, qiimeynta iyo tijaabada fashilkeeda aan Kheyrre loogu raacan, waxaa uu qorshaha u qeybiyey 26 wasaaradood, 9 hey’adood, 4 ciidanka amniga ah, 5 dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, xafiiska madaxweynaha iyo xafiiska ra’iisul-wasaaraha! Mar ra’iisul-wasaare Xasan la weyddiiyay wax qabadka xukuumadda nabad iyo nolol waxaa uu tilmaamay dhismaha xafiiska ra’iisul-wasaaraha, dejinta tubaha, diiwaan-gelinta ciidanka xoogga, curinta sharciyo, dib u habeynta dakhli aruurinta oo ay wasaaradda maaliyadda kaliya sameyso dakhli qabashada, dowladda dhexe gobolka Banaadir oo kaliya ayay canshuurta ka aruurisa. Haddaba, 2 sano kaddib, Goobjoog News waxaa ay imtixaameysaa bal inuu fulay barnaamijkii xukuumadda nabad iyo nolol iyo in kale, innaga oo inta ugu muhiimsan dul istaagi-doonna. Gurmadka Abaaraha: Abaarta waa dhibaato joogta ah, abaarta iyo waxyeelladeedu waxay halis ku yihiin jiritaanka deegaanka, duunyada iyo nolosha, sannadkan 2019-ka waxaa ay nafaqo darro soo wejihi-doontaa 1.2m, barakaca waa 2.6m, oo gar-gaar degdeg ah u baahan yihiin 1.5m, cunto-yariyada waa 4.9m. Wasaaradda gargaarka tan iyo markii la dhisay ma sal-dhigan oo waxaa ka jirtay fowdo xagga maamulka ah, Dr. Maryan Qaasim ayaa ka tagtay iyada oo 7 bil joogta, qoraal barteeda Tweeterka ay soo dhigtey 15-ka November 2017, waxaa ay ku sheegtay “duruufo aniga khaas ii ah”, laakiin Dr. Maryan oo wareysi gaar ah siisay Goobjoog News ayaa tiri “department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay isbarbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneyn madax wareer badan ayaa laga qaadayaa”. Muddadaas kaddib 7 bil wasaaradda waxaa ay ahayd wasiir la’aan, waxaa la eedeeyey Maxamed Cumar Macallin oo ahaa xoghayihii guud ee wasaaradda, waxaa kale oo xabsiga la dhigay agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha ee wasaaraddan. Waxaa kale oo ay xukuumadda ku guul-darreysatay dejinta qorsheyaal cadcad oo looga tabaabusheysto abaaraha soo laalaabanaya, isla-markaana loo yareeyo nuglaashaha shacabka si looga hortago waxyeellada abaarta. Caddaaladda: Barnaamijka Xukuumadda nabad iyo nolol waxaa ku jiray inay ka go’an tahay soo-af-jarka dulmiga iyo tacaddiyada iyada oo ballanqaadday dhismaha nidaamka garsoorka, 2 sano kaddib dastuurkii waa qabyo, 6-da xubin ee dowlad goboleedyada lama meelmarin, weli lama dhisin golaha adeegga garsoorka, maxkamaddii dastuuriga ahayd oo baahi weyn loo qabo, meel laguma sheego sharcigii la-dagaallanka musuqa iyo guddiyada kale ee dastuuriga ah oo dhimman si loo helo adeeg caddaalad ah oo xor ah iyo baahinta adeegga hay’adaha garsoorka. Banaadir 3 degmo ayaan lahayn maxkamad, Shabeellada dhexe Jowhar marka laga reebo waa maxkamad la’aan, tusaale ahaan Balcad, Warshiikh, Cadale, Buulo-Xawaadley iyo Mahaddaay oo 1960-kii maxkamado lahaa aanay hadda lahayn, Shabeellada hoose wixii dacwo ah gobolkan Banaadir ayey la soo aadaan, Hiiraanna Buulo-burde, Jala-laqsi, Maxaas iyo Matabaan wax garsoor ah ma leh. Galmudug waa dowlad goboleed aan lahayn nidaam caddaalad, Jubbaland Kismaayo marka laga reebo wax maxkamad ah iyo xabsi midna kama jiraan labada gobol ee Jubbada dhexe iyo Gedo. Amniga: May 11, 2017, xukuumadda Khayre waxaa ay meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay in dowladda ay hawl-gelisay 1500 oo askari. Isla bishaas shir London ka dhacay waxaa la ogolaaday 22,000 Militari ah iyo 32, 000 booliis ah. Ciidamada hore sannad iyo bar kaddib waa la kala diray kaddib markii ay Muqdisho ka dhaceen dhacdooyin amni daro oo soo noqnoqday. 2017: In ka badan 1,700 ayaa Muqdisho keliya ku dhimatay, meelaha toos loo weeraray waxaa ku jiray: Hotel Dayax, Baar Italiano , Pizza House iyo Posh, Kaawo-godey, Warshaddii Nacnaca, Golaha Murtida & Maddadaalada, Kulliyadda Jaalle Siyaad, xarunta degmada Wadajir, wasaaradaha ciyaaraha iyo amniga, Saldhigga Waaberi, xabsiga dhexe ee Xamar, Zoobe, Naasa Hablood 2 iyo xarunta tababarka ee General Kaahiye. 2018: 200 wax ka yar oo hoos u dhac ah ayaa jirtay tirada dilalka sannadkii ka horreeyey, qaraxyada waaweyn waxay noqdeen 13 halka 2017 ay ahaayeen 24 qarax, meelaha ay qaraxyada ka dhaceen waxaa ka mid ah KM0, albaabka madaxtooyada, hotelka Weheliye, Isgoyska Sayidka, Wasaaraddaha Amniga & Arrimaha gudaha, Somali cafe, Xarunta Degmada Hawlwadaag, xarunta degmada Hodan, hotel Saxafi iyo Kaawo-godey. 2019: Tan iyo horraantii sannadkan waxaa Muqdisho keliya lagu dilay in ka badan 563 qof, waxaana soo batay qaraxa dhajiska ah, meelaha qaraxyo toos ah ka dhaceen waxaa ka mid ahaa: Daljirka Dahsoon, Makah Almukaramah, Mogadishu Mall iyo gobolka Banaadir, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, xaawo taako, Golaha Murtida & Maddadaalada, dugsiga sare ee booliska, iyo Isgoyska Jubba. Intaasi oo khasaaro ah waxaa ay Muqdisho ka dhaceen iyada oo ay magaalada gudaheeda joogaan: 7,000-10,000 oo militari ah, 6,000-9,000 oo booliis ah, 4,000 oo NISA ah iyo 3,500 oo asluub ah. Intii ay joogtay xukuumadda Kheyrre ama 2-badii sano, waxaa tagtay 3 taliye sirdoon ( C/llaahi Gaafow Maxamuud, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xuseen Cusmaan Xuseen), waxaa jooga taliyihii 4aad ee xoogga dalka( General Maxamed Aadan Axmed (Buud), Gen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) iyo Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), waxaa jooga oo kale booliiska taliyihii 4aad( Gen. Sheekh Xasan Xaamud, Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Bashiir Cabdi Maxamed halka abaanduulaha xoogga dalka iyo asluubta ay la joogaan mid weliba kii 3aad. Waxaa kale oo ka tagay ama la ceyriyey 22 wasiir, oo uu ugu dambeeyey wasiirka warfaafinta Daahir Geelle. Dhaqaalaha: Buug uu Kheyrre xildhibaannada u qeybiyey waxaa ku jiray himilada xukuumadda oo ah dabargoynta saboolnimada iyada oo loo marayo kobcinta dhaqaalaha, wax-soo-saarka, tacliinta caafimaadka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka sida: Xoojinta canshuura .Dib-u-hanashada hantida dalka. Dib –u-soo-nooleynta Shilinka Soomaaliga. Wasaaradda maaliyadda oo ka mid ah kuwa ugu shaqada badan xukuumadda Kheyrre waxay xoogga saartay deyn cafinta, iyo aruurinta dhaqliga gudaha, walow marar badan xoog ay soo saartay ay shaki abuurtay, bangiga dhexe ma soo saaro lacag, ma hubiyo negaanshaha ascaarta ama negaanshaha heerka sarrifka, canshuur kama qaadaan shirkadaha Telefoonnada, Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka ah. Ra’iisul wasaare Kheyrre iyo wasiirkiisa maaliyadda ayaa sheegay in ay xilka la wareegeen qasnadda dowladda oo maran, laakiin wasiirkii maaliyadda Maxamed Aden Fargeeti oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay “Markii aan xilka wareejinayay, in ka badan 5-milyan oo dollar ayaa Qasnadda dowladda ku jirtay”, waxaa kale uu Fargeeti beeniyey magta deynta 100m ee Kheyrre sheegay isaga oo Goobjoog News u xaqiiyey iney 54m oo deyn ah ka tageen, waxaase uu raaciyay in ay jirtay lacag deyn ah oo aan la hubin oo baaris ku socotay. Marka loo noqdo miisaaniyadda sanad la ah ee xukuummadda qorsheynta bixinta deynta gudaha ama gashbaxa waa sida tan:- 2017 (7.8 milyan), 2018 (1.5 milyan), 2019 (1.5 milyan). Ra’iisul wasaare Xasan Kheyrre iyo xukuumaddiisa waxay ku faaneen koboca dhaqaalaha ee dalka, waxaase xusid mudan in labadii sano ee la soo dhaafay uu kobaca ka hooseeyey 2016-kii oo sannadkaan waxaa uu GDP ahaa 4.4, laakiin 2-badii sano uu joogay hoos ayuu u dhacay oo wuxuu gaaray 2017(2.3) iyo 2018(3.1)! Deyn Cafinta waxaa hay’adda lacagta adduunka IMF soo celiyey oo la galay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP iyo deyn cafiska. Dhanka canshuuraha, Ganacsatada waxaa ay dowladda iyo gobolka Banaadir ku eedeeyeen in ay ka baxeen ballan lagu galay dhismaha waddooyinka gobolka Banaadir oo ahaa sidan: Wasaaradda Maaliyadda: 25%, Maamulka Banaadir: 25% iyo ganacsatada gobolka Banaadir oo 50% ah.. Inkasta oo ra’iisul wasaare Kheyrre sheegay in wax mushaar ah aan lagu lahayn haddana madaxweyne Farmaajo ayaa qirtay in 3 bil aaney bixin mushaaraadka ciidanka, waxaa intaas dheer tiro intaas la’eg ayey lacagtii mushaarka ahayd ka maqan tahay shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee dowladda oo ay ku jiraan kuwa xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. La-dagaallanka Musuqa: Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa kaalinta ugu hooseysa dalalka musuqa adduunka, Inkasta oo xukuumadda Kheyrre ay sheegto la dirirka musuqa haddana baaris ay sameeyeen guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka waxaa lagu ogaaday in wasaaradda maaliyadda ay si aan sharci ahayn ku aruurisay lacago loona bixiyay, lacagahaas Waxaa laga soo aruuriyey shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada gaarka ah, waxaa kale oo wasaaradda maaliyadda lagu la’yahay lacag 20 Milyan ah oo Sacuudigu bixiyey iyo lacag curraar ah dhan $3 Malyan ah oo si aan waafaqsanayn sharciga kala wareejinta loo adeegsday, waxaana loo isticmaalay si aan waafaqsanayn Qaraarkii Miisaaniyadda 2018 uu golahu ku ansixiyey, waxaa sidoo kale aan jirin sharciyada hanti-dhowrka, xisaabiyaha guud iyo hey’adda la-dagaallanka musuqa. Sida uu sheegay Senator Faroole lacago ay dowladda ku bixisay beddeliddii maamulka Koofur Galbeed iyo Puntland haddana ay ku bixineyso Jubbaland, iyadoo horay ay u jirtay eedeymo ay dadweynaha sida iney jiraan lacago lagu bixiyey ridistii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari iyo biilal lagu bixiyo dad kataageera dowladda baraha bulshada. QOF IYO COD 2020: Himilada Xukuumadda; Hirgelinta hannaanka doorashada ee qof iyo cod sannadka 2020 si loo gaaro dimuquraaddiyad ku saleysan rabitaanka iyo awoodda doorasho ee shacabka Soomaaliyeed. 2 sano kaddib, lama dhammeystirin Dib u eegista dastuurka, oo lagu ogaan lahaa nooca Doorashada madaxweynaha ama mid baarlamaani ah mise shacab, qeexidda doorashada labada aqal, xadeynta xudduudaha doorashooyin, qof codeyn kara iyo mid aan codeyn karin, tirada kuraasta baarlamaanka, kala codeynta xisbiyada heer qaran iyo maamul goboleed iyo iswaafajinta shuruucda doorashada heer maamul goboleed iyo heer qaran. 2 sano kaddib, lama haayo sharciga doorashooyinka, sharciga diiwaan-gelinta shacabka iyo murashaxiinta, Sharciga muwaaddinka, , sharciga xudduudaha iyo Sharciga Dhismaha Guddiga la dagaallanka Musuqa, waxaa kale oo dhibaato ka jirtaa shaqaalaha doorashada, amniga iyo rabitaan siyaasadeed. DOWLAD WANAAGGA: Himilada Xukuumadda; Gaaridda dowlad wanaag iyo daahfurnaan ku saleysan hufnaan, taasina lama tijaabin. DIB-U-HESHIISIIN: Himilada Xukuumadda; soo afjaridda colaadaha, xukuumadda nabad iyo nolol waxay ay qabatay shir dib-u heshiisiin kaa oo aan weli la soo bandhigin mira dhalkiisa, weli waxaa socda dagaallo sokeeye, dowladda waxaa lagu dhaliilaa iney la dagaashay dowlad goboleedyadii. Ugu dambeyntii, sida ay sheegtay xogta waxaa jira fashil dhanka fulinta barnaamijka xukuumadda nabad iyo nolo labadii sano ee la soo dhaafay, hadiise aan la helin heshiis dhex mara saamileyda siyaasadda Soomaaliya waxay noqoneysaa labada sano ee harsan “Dhado Roob Noqon weyday”! Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa shaaca ka qaaday kulan aan horey loo shaacin oo uu dalka Qatar kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Buubaa oo isagoo Hargeysa jooga waraysi siiyay Telefishanka Universal, wuxuu isagoo kulankaas ka hadlaya uu yidhi “ Waa ay ii qorshaysnayd inaan tago Turkiga iyo Qatar laakiin waxa isku soo hagaagay markaan Qatar joogay iyo booqasho kadis ah oo uu ku yimi madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo wayna jirtay mar haddii uu meesha joogo inaan arimaha wada eegno, gaar ahaan arimaha aan anigu dhankayga u baaciyay waxay ahayd maanta Somaliland dal iyo dawlad ahaanba halkay joogto degenaashaha ka taagan” Buubaa ayaa sheegay inuu Farmaajo u sheegay inaysan jirin Soomaaliweyn, wuxuuna yiri “Waxaan u sheegay waxii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed laysku odhan jiray in aanay jirin ee laba wadan oo Somaliland iyo Somaliya ah oo lixdankii isku yimi inay midiba gooni u taagan tahay in si wanaagsan loo kulmo oo loo wada hadlo oo arimaha murugsana muruga laga saaro.” Buubaa ayaa dhinaca kale uu ka Jawaabay su’aal laga waydiiyay inaanu awood u haysan uu kula kulmo Madaxda dawladda Soomaaliya. “Arintu maaha dawlad la hadal waa qof shaqsi ah oo Maxamed Farmaajo la yidhaahdo oo imika madaxweyne ah oo ay noqotay inaan iska hor nimi oo aanu wada hadalnay kala waji dadbi mayno, waan is waraysanaynaa waxbaanu is waydiinaynaa dadkuna inuu nuglaado oo had iyo gooraale marka laysku yimaado uu u arko in adiga lagaa gacan sareeyo, adiga lagu isticmaalayo, adigu aad tahay qofka aan cid wax gaadhsiin karin, adiga uun wax lagugu shubanaayo anigu waxaan u arkaa diciifnimo siyaasadeed.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. Congress held a historic hearing on Medicare for all on Tuesday, opening with an emotional testimony from activist and lawyer Ady Barkan, who is dying of terminal ALS. We speak to Representative Ilhan Omar about yesterday’s hearing and her support for overhauling the country’s healthcare system in favor of Medicare for all. We also talk to her about ongoing efforts to impeach President Donald Trump, which she says she supports. Source: Hiiraan Online
  25. The 6th Train-the-Trainers course to be delivered by the European Union Training Mission Somalia (EUTM-S) ended on 30 April and was marked with a closing ceremony at General Daghadaban Training Centre (GDTC) in Mogadishu. Source: Hiiraan Online