Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,333
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga Doorashada Madax banaan ayaa magaalada Baydhabo ku shaaciyay in Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) uu ku guuleystay doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee deegaan doorashadiisa tahay Koofur Galbeed. Xildhibaan Cali Afgooye aya helay dhammaan cododkii Ergada oo ahaa 51 cod, waxaana tani ay ka mid noqoneysa natiijooyinka doorashooyinka uu qabtay Guddiga doorashooyinka. “Bilooyinkii lasoo dhafaay ayaan waqti iyo juhdi ku bixiyay sidii aan u heli lahaa kursigan waxaana igu kalifay in aan wax u qabto dadka deegaankayga iyo dhalinyarada oo aad u saaxiibo u nahay”waxaa sidaas Goobjoog ugu wamay Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye). Hadaba Waa Kuma Cali Afgooye Badnaa dadka Soomaaliyeed siyaasiga ku cusub saaxada siyaasada Soomaaliya waxa ay ku yaqaaneen dhinaca isboortiga,isagoo wiilkiisa magac iyo maqaam ka gaaray kooxaha yurub wuxuuna dhaliyay Muqtaar Cali Afgooye oo sanadii lasoo dhaafay koobkii aduunka ee ka dhacay ruushka kala qeybgalay xulka boqortooyada Sacuudi Carabiya,isagoo noqday ciyaaryahan ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ka qeyb gala (World Cup). Mukhtaar Cali Afgooye ayaa kooxdii uu kusoo caan baxay ee Chelsea kula guuleystay Koobka da’yarta ee FA Youth Cup iyo Koobka da’yarta Horyaallada Yurub ee Uefa Youth Cup Sanadihii 2015-kii iyo 2016-kii. Muqtaar waxa uu sidoo kale u soo dheelay xulka Ingiriiska ee da’dooda ka hooseyso 17-sano. Wuxuu amaah ahaan ugu biiray Kooxda ka dhisan Horyaalka Holland ee Vitesse sanadii, isagoo u saxiixay heshiis joogto ah. “Waan ku farax sanahay guusha uu gaaray abaahay waxaan u rajaynaynaa in wax badan ka qabato xaalada Soomaaliya iyo in kaalin ka qaato horomarinta dhinacyada dhalinyarada iyo kubbadda cagta Soomaaliya maadaama uu yahay shaqsi aad u jecel isboortiga” waxaa Goobjoog ugu waramay Mukhtaar Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo aabihii xildhibaanada golaha shacabka kusoo biiray 27 April 2019. Maanta oo taariikhdu tahay 2-da May 2019, waxa uu guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka shahaada xildhibaannimo Gudoonsiiyay Xildihaan Cali Afgooye. Saaxiibada iyo qoyska ayaa guul iyo horomar u rajeeyay xildhibaan Cali Afgooye,iyagoo ugu duceeyay in Allaha u fududeeyo shaqada culus ee loo doortay. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  2. Bashiir Maxamed Aw Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug oo marti ku ahaa Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog ayaa sheegay in aysan wax wada shaqeyn ah aysan kala dhaxaynin wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda dhexe loona baahan yahay in la siyaasadeen fursada horomarinta dhalinyarada iyo kobaca horomarka isboortiga deegaanada Galmudug. “Wasaaradeena waxa ay la shaqaysaa dhamaan qeybaha kala duwan ee horomarinta dhalinyarada iyo xiirarada dalka ka jira,balse wasaarada ciyaaraha fedraalka kama helino wax gacan qabasho” ayuu barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog u sheegay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug Bashiir Maxamed Aw Cali. Mudooyinkii danbe ma wanaagsaneen xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug,balse wasiir Bashiir waxa uu madaxda dalka ka codsaday in aan la siyaasdeen arimaha fursadaha dhalinyarada iyo horomarinta ciyaaraha deegaanka maamulka uu wasiirka ka yahay. “Wasaarada Ciyaaraha Dowladda dhexe waxaan ka rajaynaa in ay si wanaagsan u fahmi doonaan in isboortiga uu ka madaxbanaan yahay arimaha la isku hayo door wanaagsan ay ka qaataan taageerada iyo horomarinta dhalinyarada Soomaaliyeed”waxaa sidaas Xeyndaabka ugu waramay wasiir Bashiir Maxamed Aw Cali oo ah wasiira ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug. Halkan Ka Daawo Qeyb Ka Mid Ah Waraysiga Uu Goobjoog Siiyay Wasiir Bashiir Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa habeenkii xalay ahaa ka qeyb-galay munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigaayey Buug laga qoray Taariikhda Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasi oo uu qoray Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo kamida Golaha Wakiilada ee Somaliland. Madashan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Badiba Haldoorka iyo Waxgaradka Somaliland, Masuuliyiintii Xilalka kasoo qabtay Xukuumadii Madaxweyne siilaanyo iyo Masuuliyiinta Xukuumada haddaka tirsan oo ugu horeeyey madaxweyne ku xigeenku, sidoo kalena waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, qaar kamida Mujaahitiintii SNM, Dhalinyaro iyo Haween aad u tiro badan. Guud ahaanba Haldoorkii iyo Madaxdii madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Taariikhda faca-weyn ee uu leeyahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana midkastaaba ka sheekeeyey Dhacdooyin iyo Maraaxil kala duwan kuwaasi oo la xidhiidha waayihii Halganka SNM, wakhtiyadii Mucaaridnimada iyo intii uu Xukunka Somaliland hayeyba. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu ugu danbayntii munaasibadaasi oo xidhay ayaa dhankiisa soo bandhigay aqoonta uu u leeyahay Madaxweyne Siilaanyo, xiligii ay isbarteen iyo mudadii ay soo wada shaqeeyeen waayihii iyo duruufihii ay soo wada mareen, waxaana uu Xusay Madaxweyne ku xigeenku in Axmed Maxamed Siilaanyo ahaa Hogaamiye wanaagsan oo hal adayg leh taariikh wanaagsana laga dhaxlay, dhanka kale wuxuu sheegay inay meelo badan isaga eegyihiin sida Hooyooyinkood oo isku magac ah iyo taariikho kala duwan oo kale. Source
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo ka socda xarunta Madaxtooyada ayaa lagu ansixiyey Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta Siyaasadda oo Dib-u-eegis lagu sameeyay. Golaha Wasiirada ayaa la hor keenay sharcigan oo kulan degdeg ahaa dib loogu dhigay la-tashiyo u socday madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana maanta ansixiyey Golaha Wasiirada, iyadoo loo gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya si uu u ansixiyo. Ansixinta Sharcigan ayaa lagu tilmaamay mid looga hordhacayo shirka wadatashiga ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin magaalada Garowe maalinta sabtida ee socoto, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay la tagayaan sharcigaas oo la soo meel mariyay. Illaa iyo hadda lama oga nooca doorasho ee dalka ka dhacaya sanadka 2020/2021, balse waxaa jiray aragtiyo kala duwan oo ku saabsan nooca doorasho ee Madaxda dowladda doonayaan inay dalka ka dhacdo, inkastoo aanay suura geli karin doorasho hal qof iyo hal cod. Sharcigan Xisbiyada ayaa oo hore loogu badhigay xisbiyada, laakiin sharciga Doorashooyinka ayaa dhalin doona muranka ugu weyn, iyadoo aan laga talogelin Maamul Goboleedyada iyo dhinacyada siyaasadda, waxaana lagu wadaa in looga doodo shirka Magaalada Garowe la filayo inuu ku dhex maro Maamul Goboleedyada iyo madaxda dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa waxaa uu bogaadiyey xildhibaanada labada golle baarlamaan oo saaka iskugu yimid fadhi wada jir ah isla markaana diiday xaaladii deg deg aheyd, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Xudur (Caasimada Online) – Ciidamada daacadda u ah Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo u xiran dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa dagaal culus uu ku dhe-maray qeybo ka mid ah gobolka Bakool. Ciidamada daacadda u ah Roobow oo loo yaqaan Caaro Caaro ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay xaafadda Abay oo qiyaastii 18km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Xudur. Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama hayo khasaraaha ka dashay dagaalka labada dhinaca. Ciidamada daacadda u ah Roobow ayaa ku urursan agagaarka magaalada Xudur, waxaana weli la hir-gelin qorshe la doonayey in loogu biiriyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Heshiiska ay ugu biirayaan ciidamada dowladda ayaa qeyb ka ahaa kii dhex-maray dowladda iyo Roobow markii Mukhtaar uu isku soo dhiibay dowladda, hase yeeshee qorshahaas ayaa iminka u muuqda inuu fashilmay. Ciidamada taageersan Roobow ayaa la rumeysan yahay inay dib uga dideen dowladda wixii ka dambeeyey markii ay xiratay hogaamiyahooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Somalia’s Al-Shabaab has paraded 10 soldiers from Southern regional state, Jubbaland at its stronghold town of El-Adde in Gedo region. The soldiers are said to have deserted from Bardere and Garbaharey in the Jubbaland state and joined the group which tries to topple Somalia’s UN-backed federal government. The group has released photos of the soldiers posted on the group-affiliated websites, showing the soldiers armed with AK-47 rifles in military clad in uniform sitting side by side in El-Adde town. The soldiers are reportedly surrendered to Al Shabaab after deserting from Jubbaland state army over unknown circumstances. Jubbaland authorities are yet to comment on the defection of its soldiers who are said to have deserted the state before joining the militant group. View the full article
  8. The northeastern Federal state of Puntland said it has postponed a key meeting between the Somali government and the regional states set to kick off in Garowe city on Thursday, May 2. Sources at Puntland presidency revealed to Radio Shabelle that the forum has been delayed over technical reasons and is due to open on 5th May. The conference seeks to find a lasting solution to the political crisis in the country as the leaders of the Federal government and regional administrations are in deadlock over national issues, including resource sharing. Puntland president Said Abdullahi Deni who has been elected last January has called the meeting and invited all leaders to come to the negotiating table and iron out their differences. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Axmed Cadow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka, Gaar ahaan Kuwa Ka howlgala Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobalka Gedo, sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda. Yuusuf oo xiriira kale duwan la soo sameeyay Sarakiisha Ciidanka, iyadoona ay suuro gashay saakay in uu soo gaaro oo uu iska soo dhiibay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Magaalada Garbahaarey. 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland eek u sugan gobolka Gedo waxa ay soo bandhigeen ilaa 4 Ruux oo ay sheegeen inay ahaayeen Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab balse dowladda isku soo dhiibay. Xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa sii kordhaya. Shalay ayaa sidoo kale waxaa degmada Doolow ee gobolka Gedo isku soo dhiibay labo xubnood oo ka mid ah Ururka Al-Shabaab. Labadaas nin ayaa ka tirsanaa qeybta Jabhadaha ee Al-Shabaab, waxaana raggan ay wateen laba qori oo A-K47 ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. CONCORD, N.H. – A federal lawsuit says an asylum seeker from Somalia has been detained for 2 ½ years without a bond hearing and should be released. Source: Hiiraan Online
  11. Xukuumadda Muuse Biixi Farsamo Xumada Af-Soomali Xumo Ayaa U Dheer” Muniir Axmed Cigaal “Xukuumadda Muuse Biixi Farsamo Xumada Af-Soomali Xumo Ayaa U Dheer” Muniir Axmed Cigaal In kasta oo aynu ku jirno bilihii khayrka laha Ramadaana sanka inoo saarantahay hadana Xaalada Dalkaygii Somaliland ku sugan yahay ayaa marar badan ku odhanaysa midh iyo laba ka dheh. Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ilaa bilawgii Xukunka ay qabteen laba sanno ku dhawaad Mucaarid iyo Muxaafid waxa marageeda laysku raacay inay farsamo xuntahay. Dhacdooyin badan oo maarayn kaliya u baahnaa ayay Xukuumadda Muuse Biixi is maqiiq ku gashay kuwaas oo natiijo la’aani ka dhalatay. Midan iminka ee Xaalada Deg Deg ah lagu galiyay Gobolkii Sanaag ayaa u danbaysay. Madaxweynuhu amar adag ayuu bixin laha lagu soo qabto danbilayaashi Sarakiisha laayay, adduunka oo dhan way ka dhacaan shilal noocan oo kale ahi, talaabadii ku haboonayd maha Bandow iyo awood Millatari oo ahayd halkii u danbaysay ee Madaxweynaha iyo Qaranku miciin san la hayeen… Duufaano iyo Dabaylo inamay rogin alle haynaga hayee,, layskumana rogman oo xaaladu faraha kamay bixin, koox shar wadayaal ah ayaa faldanbiyeed gaystay waxayna ahayd in la soo qabto oo cadaaladda la mariyo.. Midda kale waxa weeye farsamo xumadaas ayay Af-soomaali xumo ku darsatay Xukuumadeeni. Xalay waxa hadlay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye, dee anigu Wasiir Qaran la hadlaaya meesha kuma arkayn ee Nin ka soo kacay Marfash oo wixii Marfashka shubaaya ayuunban u arkaayay. Kulaha “Dadkii Gobta aha way qanci jireen “ Yaa markaa gun gunuunucaysa ah. ? Isagu markaana UDUB tii Guul wadaynta la daxalaysatay ayuu aha oo TV-ga Qaranka ayuu joogay, KULMIYE yihii Axmed Siilaanyo ee 2003-doorashada galayna Rer ma ahayn WADDANI-ga 2017-kii doroashada galayna rer ma ahayn oo Somaliland oo dhan ayuu aha.. Masuuliyiinta Xukuumaddeena iyo ilaa Madaxweynaha mararbadan aamuska u Khayr badan, waayo looma wada dulqaadan karo farsamo xumo iyo Af-somaali xumo wada socda.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Sweden .. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Mareykanka ayaa shaaciyay inay u aargudeen askari ka tirsanaa ciidamadooda kaga sugan Soomaaliya oo horey Al Shabaab ay ku dileen Jubbada Hoose, kadib weerar ka dhacay Deegaanka Baar Sanguuni. Afhayeenka Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay dileen Dagaalame ka tirsanaa Alshabaab, kaasi oo qeyb ka ahaa Dagaalamayaal Alshabaab oo sannadkii hore weerar Hoobiyayaal ku qaaday Askar Maraykan ah oo ku sugnayd Deegaanka Baar Sanguuni. Kolonel Chris Karns oo la hadlay Wargeyska Military Times ayaa sheegay in ruuxa ay dileen lagu magavaabo C/llaahi Jibiyow, kaasi oo lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa duqeyntii Hoobiyaha ee bishii June sanadkii 2018 ka dhacday Jubbada Hoose. Askariga Maraykan ee ku dhintay weerarka ka dhacay deegaana Baarsanguuni ayaa lagu magacaabi jirey Saddex Alifle Alexander Conrad, iyadoo 4 kalena lagu dhaawacay weerarkii Jubbada Hoose. Afhayeenka AFRICOM waxa uu tilmaamay in Duqeyn diyaaradeed oo ay geysteen bishii la soo dhaafay ee April 19-dii ku dileen 2 Dagalaamayaal Alshabaab, oo mid ka mid ahaa C/llaahi Jibiyow oo madax ka ahaa Dagaalamayaal weeraro badan oo Hoobiyayaal ah ka geystay Gobalka J/Hoose. Askariga Maraykanka ee lagu dilay duqeyntii sannadkii hore ka dhacday Deegaanka Baar Sanguuni ee Alexander Conrad, ayaa ka tirsanaa ciidamada Mareykanka tan iyo sannadkii 2010-kii, isla markaana uu ahaa Soo-ururiyaha xogaha Sirdoonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Afgooye (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo culus wali ka wada gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dagaalo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidamada dowladda ay ka dhaceen gobolka. Ciidamada dowladda ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaanada Bariire iyo Sabiib ayaa weeraro iyo cadaadis joogto ah kala kulmay ururka Al Shabaab, waxaana Al Shabaab ay ka hadleen la wareegista deegaanka Bariire. Al Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigeen baraha ay wararka ku faafiyaan waxay ku sheegeen inay wali gacanta ku hayaan deegaanka Bariire ee gobolka SHabeelaha Hoose, iyaga oo beeniyay in lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka. Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay arkayeen ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa DANAB, kuwaasi oo shalay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada ayaa waxay howlgalada ka wadaan deegaanada gobolka Shabeelada Hoose ee hoostaga Bariire iyo Sabiid, waxaana ay doonayaan inay Al Shabaab ay ka saaraan deegaanada ay kasoo qaadaan weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda. Sananadkii 2017 ayaa Ciidamada Dowladda Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Bariire,hayeeshee dhowr bil kadib ay Ciidamada isaga baxeen,waxaana intaasi wixii ka dambeeyey gacanta ku hayey Ururka Al-Shabaab. Al shabaab ayaa dhankooda sheegay inay howlgalo ay kula dagaalamayaan ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Ceerigaabo ( SMN)Taliyaha Booliska Soomaaliland ayaa awaamiir siiyay Ciidamada fulinaya xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay deegaanno hoostaga Gobolka Sanaag. Sareeye Gaas Cabdullaahi Fadal Iimaan Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ayaa Warbaahinta la wadaagay awaamiir ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi kaas oo xaalad deg deg ah loogu soo rogayo deegaanada Gobolka Sanaag. Meelaha ay saameyneyso xaaladani deg deg ah ayaa waxaa ka jira colaad beeleedyo ka dhex aloosan Beelo walaalo ah oo Soomaaliyeed. Dhawaan ayaa 2 Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada maamulka Soomaaliland waxaa lagu dilay deegaanno ka tirsan Gobolka Sanaag sababo la xiriira aanooyin qabiil. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida/Wakiillada), ayaa saaka iskugu yimid fadhi aan Caadi ahayn oo lagaga doodayay xaalada deg-deg ah ee Madaxweyne Biixi ku soo rogay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag. Fadhigan hore waxa si wada jir ah ugu iclaamiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida, Siciid Jaamac Cali. Kulanka saaka waxaa ka soo xaadiray 107 xildhibaan, markii codeynta la bilaabay waxaa ogolaaday xaalada deg dega ah 40 xildhibaan, markii la doonayay in gacanta loo taago inta diidan ayaa guddoomiyaha Golaha wakiiladu fadhiga deg deg u xidhay iyada oo ay codeyntii socoto, buuq iyo sawax ayaa hadheeyay xaruntii Baarlamaanka, Sabtida ayaa dib loo balamay, hadda warbaahinta la hadlay Xildhibaanno aad u cadhaysan. Warkan oo faah-faahsan goordhaw kala soco Somalilandtoday Source
  16. Muqdisho ( SMN):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Mudane Xasan Cali Kheyre oo hadal ka jeedinayay munaasabad lagu maamuusayay maalinta shaqaalaha Aduunka oo ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in ay wax ka bedeli doonaan hanaanka loo qaato shaqaalaha dowladda Somalia. Mr Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay In Xukuumaddiisu meesha ka saari doonto in Masuuliyiinta Dowladdu shaqaalaha iyagu soo xulaan balse taas bedelkeed Tartan loo gali doono shaqada dowladda. Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqda Tallaabo kale oo Xukuumaddu u qaadeyso ka hortagga Musuqmaasuqa. View the full article
  17. Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaas ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay la waregeen xarun Bank oo ku taala magaalada Boosaaso. Ciidamada maamulka Puntland ayaa la wareegay xarunta Bangiga dhexe ee magaalada Boosaaso, waxaana xiisad laga dareemaya magaalada, maadaama ciidamada la sheegay inay careysan yihiin. Ciidamada maamulka Puntland ee maanta la wareegay xarunta Bangiga dhexe ayaa ka carooday mushaar la’aan heysatay ciidamada maalmihii ugu dambeeyay, waxaana ka hor inta aysan la wareegin bangiga ay rasaas ku fureen xarunta iyo agagaarkeeda. Intaasi kadib saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa tegay Xarunta Bangiga oo ay la wareegeen Ciidamada Gadooday, isaga oo ku qanciyey inay dib ugu laabtaan halkee ay ka yimaadeen,isla markaana mushaarkooda ay heli doonaan,sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada. Wararkii ugu dambeyey ee haatan laga helayo Magalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay dib u bilaawdeen howlihii Shaqo ee Bangiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso. Waa markii labaad oo ay gadoodaan Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,waxaana horay u gadooday Ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Galgala ee Gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  18. Garbahaareey ( Sh. M. Network):-illaa 10 askari oo kasoo goostay degmooyinka Baardheere iyo Garbahaarey ayaa iyagoo hubkooda wata isku dhiibay maamulka deegaanka Ceelcadde ayaa lagu sheegay War Qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internetka ku leeyihiin Al Shabaab. Maxamuud Maxamed Ibraahim, Aadan Axmed Jilacoow iyo Isxaaq Aadan Ibraahim ayaa kasoo goostay saldhigga ciidamada dowladda ee degmada Garbahaarey halka 7 kale ay ka goosteen dhanka degmada Baardheere waxaana dhammaantood lagu soo bandhigay xarunta maamulka Al Shabaab ee Gedo. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay DFS oo ku aadan Askartaan la sheegay in ay isku dhiibeen Xarakada Al Shabaab. View the full article
  19. Garoowe ( Sh. M. Network):-Waxaa dib u dhac uu ku yimid shir maanta la filayay in Siyaasiyiin iyo qaar ka tirsan Madax Goboleedyadu ku yeeshaan Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland. Sida aan ka heleyno ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Puntland waxaa la filayaa in 5-ta Bishaan May lagu qabto shirkaasi Magaalada Garoowe halkii maanta 2 May ku beegan shirku qabsoomo. Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka ay ka soo qeyb galayaan Madaxda sar sare ee DFS sida ay ku warrameen ilo lagu kalsoonaan karo. Dhinaciisa Axmed Maxamuud Xasan ( Axmed Baasto) oo aragtidiisa shirkaas ka warbixiyay ayaa sheegay mid aan sharci ahayn oo lagu majaxaabinayo aayaha dalka. View the full article
  20. (SLT-Addis Ababa)-Suxufiyiin iskaga kala yimid Aduunka ayaa isugu yimid caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa, halkaas oo uu uga bilaabmay shir saddex maalmood socon doona iyo dabaal dega maalinta madaxbanaanida Saxaafada Aduunka ee May 3 oo lagu qaban doono. Wariyeyaasha shalay shirku uga furmay dalka Ethiopia ayaa doodo yeeshay intii shirkaasi socday, waxaana diirada lagu saaray doorka saxaafadu ku leedahay bulshada iyo sidii looga fogaan lahaa hadalada nacaybka dhalinaya ee lagu baahiyo baraha bulshada. Intii shirkaasi socday ayaa la tilmaamay in heerka xirsafada saxaafada oo la dabaqaa ay yarayn karto hadalada nacaybka ah, sida uu sheegay Alistair King Smith oo arimaha dibada ee UK ugu qaabilsan u ololaynta saxaafad madaxbanaan. David Kaye, oo isna ah Wariyaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta xuquuqda iyo madaxbanaanida hadalka ayaa sheegay in dawlada iyo ururada bulshadu ay eegaan sidii meesha looga saari lahaa hadalada nacaybka abuuraya. Maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka ayaa waxa ku dhawaaqay Golaha guud ee Jimciyada Quruumaha ka dhacaysa bishii December 1993-kii, waxaana daba socday taloooyin shirar ay UNESCO qabatay loogu dabaal degay ilaa xiligaasi in May 3 ay noqoto maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka loo dabaal dego. Waxaana Ethiopia laga dabaal degayaa 26th guurada maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen UNESCO, Midawga Afrika iyo dawladda Ethiopia, waxaana la filayaa in shirkaasi lagaga hadlo wararka khaldan iyo badbaadada suxufiyiinta. Waxaana la xusay in sanadkii u dambeeyey la dilay 94 suxufi, halka sanadkii hore ay ahayd tirada suxufiyiinta la dilay 71 suxufi. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Wiil 16-jir ah oo aanay cidina la socon kana soo jeeda wadanka Guatemala ayaa xanuun dartii ugu dhintay mid ka mid ah xabsiyada ay dowlada Mareykanka ku ooday dadka soo Galootiga. Saraakiil ka tirsan dowlada ayaa arbacadii shalay sheegay in wiil loo badalay 20 kii bishan April xafiiska dib u dejinta qaxootiga ee gobolka Taxes. Afhayeenka xafiiska xanaanada caruurta aan waalidka laheyn Evelyn Stauffer ayaa sheegtay in waqtigaas wiilka aysan ka muuqan xumad iyo xanuun haya intaba. Balse subixii ku xigay ayaa waxuu dareemay Qando iyo madax xanuun loo dhigay isbitaal ku yaal aagaasi oo lagu dabiibay ka hor inta aanu geeriyoon maalintii Xigtay. Si kastaba ha ahaatee dowlada Mateykanka ayaa sheegtay in ay dib u baadhis ku sameyso sababta dhalisay geerida wiilkaan Qaxootiga. Source
  22. (SLT-London)-Xaakim Ingiriis ah ayaa aasaasihii shabakada siraha faafisa ee WikiLeaks Julian Assange ku xukumay 50 todobaad oo xabsi ah kadib markii uu ka fakaday damiin mudo hada laga joogo todoba sanadood oo uu ku sugnaa Safaarada dalka Ecuador. Garsooraha Deborah Taylor ayaa sheegtay in ay adag tahay in la qiyaaso qayb ka mid ah ciqaabta dembiga ah sida ay u bixisay in 47 sano jirkan xogaha qarsoon jabsada in lagu xukumo ugu badnaan hal sano oo xabsi ah. Waxaanay tilmaantay in Assange todoba sanadood oo uu joogay safaarada Ecuador, laguna tixgaliyey magangalyo doonimo ujeedadeedu tahay inuu ka baaqsado cadaalada. Ninkan timaha Cad ee Assange ayaa taagnaa isagoo gacmaha ka xidhan markii loo akhriyayay xukunkiisa, waxaana taageerayaashiisu ay la taagnaayeen afaafka Maxkamada Southwark Crown Court, iyagoo ku qaylinaya waa in la xukumaa siidaynta Assange. Muwaadinkan u dhashay dalka Australian ee Assange ayaa galay isagoo magangalyo doon ah Safaarada dal ku yaala Koonfurta America uu ku leeyahay London bishii June 2012-kii si uu uga baxsado kiisas la doonayey in su’aalo laga waydiiyo oo ahaa eedo kufsi. Waxaana Qareenka u doodayey Assange oo la yidhaa Mark Summers uu ka sheegay qolkii maxkamada ee dacwadu ka dhacaysay oo ay ku sugnaayeen suxufiyiinta iyo taageerayaasha WikiLeaks in Assange uu magangalyo ka dalbaday Safaarada Ecuador maadaama oo uu cabsi ka qabay in loo gacan galiyo Maraykanka. Source
  23. (SLT-Washington)-Magangelyo-doon Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Cali oo sabab la’aan u xidhnaa muddo 2 sanno ayaa la filayaa in la sii daayo. Iyagoo wakiil ka ah Maxamed Axmed Cali ayaa waxay Ururka Xorriyadda Maddaniga Maraykanka ee ACLU ee ka shaqeeya inay dhibanayaasha ka difaacaan Maxkamadaha ayaa la sheegay inay fureen dacwad ka dhan Madaxda Waaxyaha Caddaaladda, Ammaanka Gudaha, Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha ee dalkaasi iyo kuwo kale. Dacwadda ayaa lagu sheegay in Muwaadinka Soomaaliga uu iska xiran yahay, iyaado oaan marnaba la dhegeysanin Kiiska loo haysto. Hay’adda dacwadda u gudbisay ayaa sheegtay inuu Maxamed Axmed Cali iskiisa isaga soo dhiibay magaalladda San Diego sannadkii 2016-kii, isla markaana la xiray, loona gudbiyey xarumo dadka lagu hayo oo ku yaalla 6 Gobal. Maxamed Axmed Cali waxa u uka mid ahaa 92 qof oo Soomaali ah oo dacwad ka gudbiyey Dowladda Maraykanka, kadib, markii lagu jeebadeeyey Kuraasta Diyaarad muddo 2 maalmood ah sannadkii 2017-kii, xilli loo masaafurin lahaa Somalia. Dacwadaasi ayaana u muuqata mid ay Dowladda Maraykanka laashay, iyadoo Hay’addaha Federalka laga sugayo faahfaahin kiiskaasi iyo xadhiga Maxamed Axmed Cali Source