-
Content Count
208,345 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-020519.mp3 View the full article
-
March 29, 2017-kii, golaha shacabka BF ayaa ansixiyey xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, isaga oo maalinkaas qeybiyey buug ka kooban 9 qodob, si barnaamijkaas loo fuliyo waxay allifeen tubo illaa 4 ah: tubta siyaasadda loo dhan yahay, tubta amniga iyo caddaaladda, tubta dhaqaalaha iyo kobcinta maalka iyo tubta horumarinta arrimaha bulshada, waxaa laga sii dhex saaray illaa 285 halbeeg oo mid waliba shaqo wadato, si isla xisaabtanka, qiimeynta iyo tijaabada fashilkeeda aan Kheyrre loogu raacan, waxaa uu qorshaha u qeybiyey 26 wasaaradood, 9 hey’adood, 4 ciidanka amniga ah, 5 dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, xafiiska madaxweynaha iyo xafiiska ra’iisul-wasaaraha! Mar ra’iisul-wasaare Xasan la weyddiiyay wax qabadka xukuumadda nabad iyo nolol waxaa uu tilmaamay dhismaha xafiiska ra’iisul-wasaaraha, dejinta tubaha, diiwaan-gelinta ciidanka xoogga, curinta sharciyo, dib u habeynta dakhli aruurinta oo ay wasaaradda maaliyadda kaliya sameyso dakhli qabashada, dowladda dhexe gobolka Banaadir oo kaliya ayay canshuurta ka aruurisa. Haddaba, 2 sano kaddib, waxaa imtixaanaynaaa bal inuu fulay barnaamijkii xukuumadda nabad iyo nolol iyo in kale, innaga oo inta ugu muhiimsan dul istaagi-doonna. Gurmadka Abaaraha: Abaarta waa dhibaato joogta ah, abaarta iyo waxyeelladeedu waxay halis ku yihiin jiritaanka deegaanka, duunyada iyo nolosha, sannadkan 2019-ka waxaa ay nafaqo darro soo wejihi-doontaa 1.2m, barakaca waa 2.6m, oo gar-gaar degdeg ah u baahan yihiin 1.5m, cunto-yariyada waa 4.9m. Wasaaradda gargaarka tan iyo markii la dhisay ma sal-dhigan oo waxaa ka jirtay fowdo xagga maamulka ah, Dr. Maryan Qaasim ayaa ka tagtay iyada oo 7 bil joogta, qoraal barteeda Tweeterka ay soo dhigtey 15-ka November 2017, waxaa ay ku sheegtay “duruufo aniga khaas ii ah”, laakiin Dr. Maryan oo wareysi gaar ah siisay idaacadda Goobjoog ayaa tiri “department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay isbarbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneyn madax wareer badan ayaa laga qaadayaa”. Muddadaas kaddib 7 bil wasaaradda waxaa ay ahayd wasiir la’aan, waxaa la eedeeyey Maxamed Cumar Macallin oo ahaa xoghayihii guud ee wasaaradda, waxaa kale oo xabsiga la dhigay agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha ee wasaaraddan. Waxaa kale oo ay xukuumadda ku guul-darreysatay dejinta qorsheyaal cadcad oo looga tabaabusheysto abaaraha soo laalaabanaya, isla-markaana loo yareeyo nuglaashaha shacabka si looga hortago waxyeellada abaarta. Caddaaladda: Barnaamijka Xukuumadda nabad iyo nolol waxaa ku jiray inay ka go’an tahay soo-af-jarka dulmiga iyo tacaddiyada iyada oo ballanqaadday dhismaha nidaamka garsoorka, 2 sano kaddib dastuurkii waa qabyo, 6-da xubin ee dowlad goboleedyada lama meelmarin, weli lama dhisin golaha adeegga garsoorka, maxkamaddii dastuuriga ahayd oo baahi weyn loo qabo, meel laguma sheego sharcigii la-dagaallanka musuqa iyo guddiyada kale ee dastuuriga ah oo dhimman si loo helo adeeg caddaalad ah oo xor ah iyo baahinta adeegga hay’adaha garsoorka. Banaadir 3 degmo ayaan lahayn maxkamad, Shabeellada dhexe Jowhar marka laga reebo waa maxkamad la’aan, tusaale ahaan Balcad, Warshiikh, Cadale, Buulo-Xawaadley iyo Mahaddaay oo 1960-kii maxkamado lahaa aanay hadda lahayn, Shabeellada hoose wixii dacwo ah gobolkan Banaadir ayey la soo aadaan, Hiiraanna Buulo-burde, Jala-laqsi, Maxaas iyo Matabaan wax garsoor ah ma leh. Galmudug waa dowlad goboleed aan lahayn nidaam caddaalad, Jubbaland Kismaayo marka laga reebo wax maxkamad ah iyo xabsi midna kama jiraan labada gobol ee Jubbada dhexe iyo Gedo. Amniga: May 11, 2017, xukuumadda Khayre waxaa ay meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay in dowladda ay hawl-gelisay 1500 oo askari. Isla bishaas shir London ka dhacay waxaa la ogolaaday 22,000 Militari ah iyo 32, 000 booliis ah. Ciidamada hore sannad iyo bar kaddib waa la kala diray kaddib markii ay Muqdisho ka dhaceen dhacdooyin amni daro oo soo noqnoqday. 2017: In ka badan 1,700 ayaa Muqdisho keliya ku dhimatay, meelaha toos loo weeraray waxaa ku jiray: Hotel Dayax, Baar Italiano , Pizza House iyo Posh, Kaawo-godey, Warshaddii Nacnaca, Golaha Murtida & Maddadaalada, Kulliyadda Jaalle Siyaad, xarunta degmada Wadajir, wasaaradaha ciyaaraha iyo amniga, Saldhigga Waaberi, xabsiga dhexe ee Xamar, Zoobe, Naasa Hablood 2 iyo xarunta tababarka ee General Kaahiye. 2018: 200 wax ka yar oo hoos u dhac ah ayaa jirtay tirada dilalka sannadkii ka horreeyey, qaraxyada waaweyn waxay noqdeen 13 halka 2017 ay ahaayeen 24 qarax, meelaha ay qaraxyada ka dhaceen waxaa ka mid ah KM0, albaabka madaxtooyada, hotelka Weheliye, Isgoyska Sayidka, Wasaaraddaha Amniga & Arrimaha gudaha, Somali cafe, Xarunta Degmada Hawlwadaag, xarunta degmada Hodan, hotel Saxafi iyo Kaawo-godey. 2019: Tan iyo horraantii sannadkan waxaa Muqdisho keliya lagu dilay in ka badan 563 qof, waxaana soo batay qaraxa dhajiska ah, meelaha qaraxyo toos ah ka dhaceen waxaa ka mid ahaa: Daljirka Dahsoon, Makah Almukaramah, Mogadishu Mall iyo gobolka Banaadir, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, xaawo taako, Golaha Murtida & Maddadaalada, dugsiga sare ee booliska, iyo Isgoyska Jubba. Intaasi oo khasaaro ah waxaa ay Muqdisho ka dhaceen iyada oo ay magaalada gudaheeda joogaan: 7,000-10,000 oo militari ah, 6,000-9,000 oo booliis ah, 4,000 oo NISA ah iyo 3,500 oo asluub ah. Intii ay joogtay xukuumadda Kheyrre ama 2-badii sano, waxaa tagtay 3 taliye sirdoon ( C/llaahi Gaafow Maxamuud, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xuseen Cusmaan Xuseen), waxaa jooga taliyihii 4aad ee xoogga dalka( General Maxamed Aadan Axmed (Buud), Gen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) iyo Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), waxaa jooga oo kale booliiska taliyihii 4aad( Gen. Sheekh Xasan Xaamud, Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Bashiir Cabdi Maxamed halka abaanduulaha xoogga dalka iyo asluubta ay la joogaan mid weliba kii 3aad. Waxaa kale oo ka tagay ama la ceyriyey 22 wasiir, oo uu ugu dambeeyey wasiirka warfaafinta Daahir Geelle. Dhaqaalaha: Buug uu Kheyrre xildhibaannada u qeybiyey waxaa ku jiray himilada xukuumadda oo ah dabargoynta saboolnimada iyada oo loo marayo kobcinta dhaqaalaha, wax-soo-saarka, tacliinta caafimaadka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka sida: Xoojinta canshuura .Dib-u-hanashada hantida dalka. Dib –u-soo-nooleynta Shilinka Soomaaliga. Wasaaradda maaliyadda oo ka mid ah kuwa ugu shaqada badan xukuumadda Kheyrre waxay xoogga saartay deyn cafinta, iyo aruurinta dhaqliga gudaha, walow marar badan xoog ay soo saartay ay shaki abuurtay, bangiga dhexe ma soo saaro lacag, ma hubiyo negaanshaha ascaarta ama negaanshaha heerka sarrifka, canshuur kama qaadaan shirkadaha Telefoonnada, Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka ah. Ra’iisul wasaare Kheyrre iyo wasiirkiisa maaliyadda ayaa sheegay in ay xilka la wareegeen qasnadda dowladda oo maran, laakiin wasiirkii maaliyadda Maxamed Aden Fargeeti ayaa sheegay “Markii aan xilka wareejinayay, in ka badan 5-milyan oo dollar ayaa Qasnadda dowladda ku jirtay”, waxaa kale uu Fargeeti beeniyey magta deynta 100m ee Kheyrre sheegay isaga oo xaqiiyey iney 54m oo deyn ah ka tageen, waxaase uu raaciyay in ay jirtay lacag deyn ah oo aan la hubin oo baaris ku socotay. Marka loo noqdo miisaaniyadda sanad la ah ee xukuummadda qorsheynta bixinta deynta gudaha ama gashbaxa waa sida tan:- 2017 (7.8 milyan), 2018 (1.5 milyan), 2019 (1.5 milyan). Ra’iisul wasaare Xasan Kheyrre iyo xukuumaddiisa waxay ku faaneen koboca dhaqaalaha ee dalka, waxaase xusid mudan in labadii sano ee la soo dhaafay uu kobaca ka hooseeyey 2016-kii oo sannadkaan waxaa uu GDP ahaa 4.4, laakiin 2-badii sano uu joogay hoos ayuu u dhacay oo wuxuu gaaray 2017(2.3) iyo 2018(3.1)! Deyn Cafinta waxaa hay’adda lacagta adduunka IMF soo celiyey oo la galay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP waa dowladdii Xasan Sheekh. Dhanka canshuuraha, Ganacsatada waxaa ay dowladda iyo gobolka Banaadir ku eedeeyeen in ay ka baxeen ballan lagu galay dhismaha waddooyinka gobolka Banaadir oo ahaa sidan: Wasaaradda Maaliyadda: 25%, Maamulka Banaadir: 25% iyo ganacsatada gobolka Banaadir oo 50% ah.. Inkasta oo ra’iisul wasaare Kheyrre sheegay in wax mushaar ah aan lagu lahayn haddana madaxweyne Farmaajo ayaa qirtay in 3 bil aaney bixin mushaaraadka ciidanka, waxaa intaas dheer tiro intaas la’eg ayey lacagtii mushaarka ahayd ka maqan tahay shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee dowladda oo ay ku jiraan kuwa xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. La-dagaallanka Musuqa: Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa kaalinta ugu hooseysa dalalka musuqa adduunka, Inkasta oo xukuumadda Kheyrre ay sheegto la dirirka musuqa haddana baaris ay sameeyeen guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka waxaa lagu ogaaday in wasaaradda maaliyadda ay si aan sharci ahayn ku aruurisay lacago loona bixiyay, lacagahaas Waxaa laga soo aruuriyey shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada gaarka ah, waxaa kale oo wasaaradda maaliyadda lagu la’yahay lacag 20 Milyan ah oo Sacuudigu bixiyey iyo lacag curraar ah dhan $3 Malyan ah oo si aan waafaqsanayn sharciga kala wareejinta loo adeegsday, waxaana loo isticmaalay si aan waafaqsanayn Qaraarkii Miisaaniyadda 2018 uu golahu ku ansixiyey, waxaa sidoo kale aan jirin sharciyada hanti-dhowrka, xisaabiyaha guud iyo hey’adda la-dagaallanka musuqa. Sida uu sheegay Senator Faroole lacago ay dowladda ku bixisay beddeliddii maamulka Koofur Galbeed iyo Puntland haddana ay ku bixineyso Jubbaland, iyadoo horay ay u jirtay eedeymo ay dadweynaha sida iney jiraan lacago lagu bixiyey ridistii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari iyo biilal lagu bixiyo dad kataageera dowladda baraha bulshada. QOF IYO COD 2020: Himilada Xukuumadda; Hirgelinta hannaanka doorashada ee qof iyo cod sannadka 2020 si loo gaaro dimuquraaddiyad ku saleysan rabitaanka iyo awoodda doorasho ee shacabka Soomaaliyeed. 2 sano kaddib, lama dhammeystirin Dib u eegista dastuurka, oo lagu ogaan lahaa nooca Doorashada madaxweynaha ama mid baarlamaani ah mise shacab, qeexidda doorashada labada aqal, xadeynta xudduudaha doorashooyin, qof codeyn kara iyo mid aan codeyn karin, tirada kuraasta baarlamaanka, kala codeynta xisbiyada heer qaran iyo maamul goboleed iyo iswaafajinta shuruucda doorashada heer maamul goboleed iyo heer qaran. 2 sano kaddib, lama haayo sharciga doorashooyinka, sharciga diiwaan-gelinta shacabka iyo murashaxiinta, Sharciga muwaaddinka, , sharciga xudduudaha iyo Sharciga Dhismaha Guddiga la dagaallanka Musuqa, waxaa kale oo dhibaato ka jirtaa shaqaalaha doorashada, amniga iyo rabitaan siyaasadeed. DOWLAD WANAAGGA: Himilada Xukuumadda; Gaaridda dowlad wanaag iyo daahfurnaan ku saleysan hufnaan, taasina lama tijaabin. DIB-U-HESHIISIIN: Himilada Xukuumadda; soo afjaridda colaadaha, xukuumadda nabad iyo nolol waxay ay qabatay shir dib-u heshiisiin kaa oo aan weli la soo bandhigin mira dhalkiisa, weli waxaa socda dagaallo sokeeye, dowladda waxaa lagu dhaliilaa iney la dagaashay dowlad goboleedyadii. Ugu dambeyntii, sida ay sheegtay xogta waxaa jira fashil dhanka fulinta barnaamijka xukuumadda nabad iyo nolol labadii sano ee la soo dhaafay, haddiise aan la helin heshiis dhex-mara saamileyda siyaasadda Soomaaliya waxay noqoneysaa labada sano ee harsan “Dhado Roob Noqon weyday”! Waxaa diyaariyey Idaacadda Goobjoog
-
Some 1.7 million people in Somalia are expected to face crisis and emergency levels of food insecurity until June, following a second consecutive failed rainy season that has led to livestock losses and widespread crop failure, said the United Nations on Wednesday. Malnutrition rates are rapidly escalating due to the drought conditions and 954,000 children are anticipated to be acutely malnourished, said Stephane Dujarric, spokesman for UN Secretary-General Antonio Guterres. The UN humanitarian country team is preparing a drought response plan to address food gaps in the most severely affected areas and to prepare for substantial increases in needs between May and October, the spokesman told a regular press briefing. So far, Somalia’s 2019 humanitarian response plan, which is seeking 1.08 billion U.S. dollars, is only 19 percent funded. Insufficient funding has led to the scaling back of water, sanitation and hygiene activities despite serious water shortages across the country, he said. View the full article
-
European Union has trained twelve instructors drawn from Somali National Army (SNA) in order to boost the skills of the Somali army. The 6th Train-the-Trainers course to be delivered by the European Union Training Mission Somalia (EUTM-S) has been concluded on Monday, according to the statement by EU training mission. The mission said the EUTM-S Train-the-Trainers course aims to build a cadre of SNA instructors who will be able to gradually create a self-sustaining, independent and indigenous training capability in the SNA. According to the statement, the mission held a closing ceremony at General Daghadaban Training Centre (GDTC) in Mogadishu. The mission said the instructor underwent 14 weeks of challenging training. The course includes modules covering leadership, military tactics, crowd control, instructional techniques and human rights. 12 new Somali National Army (SNA) instructors qualified and now stand ready to deliver basic military training to other SNA troops. A number of dignitaries joined EUTM-S Mission Force Commander Brigadier General Matteo Spreafico for the ceremony, including the SNA Chief of the Staff Major General Abdi Assan Mohamed, SNA GDTC Commander Brigadier General Mohamed Mohamud Saney, and Deputy Land Force Commander Abdi Abdullahi Shere. EUTM-S was established in 2010 and works in partnership with the SNA and the Ministry of Defence to build the capacity of Somali defence institutions, using a ‘Three Pillar Approach’ of Training, Advising and Mentoring. View the full article
-
(SLT-Jigjiga)-Caadiyan xilalka sare ee dawladda ayaa loo kala ordaa, dad badaan oo quuddaraynaya ayaana tabaabushe iyo ol’ole adag u ugala sidii ay xil sare u qaban lahaayeen, balse waxaan idiin haynaa nin labo jeer wasiirnimo diiday haddana ku qancay in uu xil hoose qabto. Cabdirisaaq Cawil Muxumed oo caanku ah Cabdi-Cawil ayay soo martay labo fursadood oo uu wasiir uga noqon karay labo xukuumadood oo kala duwan oo Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ah. “Xiligii uu madaxweynaha ahaa Cabdullaahi Xasan wuu ii yeeray wuxuuna ii sheegay in uu ii magacaabayo wasiirnimo” balse waan ka cudurdaartay, markale ayay haddana fursad kale isoo martay intii ay xukuumaddan cusub xilka la wareegtay, iyadana waan ka cudur daarta,” ayuu yiri Cabdirisaaq. “Aslanba masuuliyad iyo xilka ma jecli,” ayuu intaas ku sii daray. Inkastoo Cabdirisaaq masuuliyadda iska diiday haddana marka noloshiisa dib loo milicsado wuxuu magac iyo maamuus ku yeeshay arrimo mutadawacnimo ah oo uu horay uga soo shaqeeyay, sida uu BBC u sheegay Baashe Maxamuud Axmed oo aqoon durugsan u leh ninkaasi. “Markii ay dawladdii Soomaaliya burburtay, dawladdii Itoobiyana ka dabo burburtay waxaa waxbarasho la’aan noqday oo waddooyinka iska taagtaagnaa dhallinyaradii magaalada Qabridahare aniga iyo dhallinyaro kale ayaana go’aansannay in aan iskuul furnanno oo dhallinyarada wax u dhigno” ayuu yiri Cabdirisaaq oo dib u milicsanaya billowgii sagaashameeyadii. “Markaas maanan ahayn macallimiin la tababaray oo xirfadle yaal ah, waxaana maamule noo ahaa Xasan Muxumed Tayse” ayuu intaas ku sii daray. Markii la aas-aasay maamulkii Dawlad Deegaanka Soomaalida waxaa Cabdirisaaaq iyo dhallinyaradii kale ee is xilqaamay lagu xareeyay kuuliyadda macalliniinta ee Harar, waxayna ku soo laabteen magaalada Qabridahar iyaga oo ah macallimiin rasmi ah oo mushaar qaata. “Kumaannaan khasaarin oo maanta dhallinyaradii waddada taagnayd waxaa ka soo baxay kuwo aan ku faanno” ayuu yidhi Cabdirisaaq. Loodadkii ay wax soo bareen dhallinyaradii is xilqaamaay waxaa ka mid ah kuwo hadda xilal sare ka haya Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya iyo kuwo siyaabo kale bulshada u anfacay. “Dadka uu Cabdirisaaq wax soo baray waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Axmed Xasan (Cabdi Hurre) oo hadda ah wasiirka Gaadiidka iyo Ganacsiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, wasiir ku xigeenka Maaliyadda Khadar Maxamed Rasaas iyo Axmed Muxumed Cabdi oo bare ka ahaan jiray jaamacadda Jigjiga balse hadda aqoon kororsi u jira Yurub,” ayuu yiri Cabdiqaadir Cabdullaahi oo ku magac dheer Cabdiqaadir King. “Macallin Cabdirisaaq muunad ayuu noo ahaa, macallinnimada ka sokowna waa nin diin iyo akhlaaq wanaagsan, waana nin dhaqanka iyo af Soomaaliga ku wanaagsan” ayuu yiri Baashe Maxamuud Axmed oo ka mid ah dhallinyarada uu macallinka u soo noqday ee waxbarashada heerka wanaagsan ka gaaray. Baashe ayaa isna ka mid ah dhallinyarada bulshada waxtara iyaga oo barnaamijyo wax ku ool ah kala shaqeeya hay’adaha gargaarka. Markii Cabdirisaaq ay u caddaatay in waxbarashadii magaalada Qabridahar ay cagaheeda ku istaagtay wuxuu dib u billaabay waxbarashada wuxuuna ilaa shahaada Masterta ku qaatay culuunta injineernimada. Intaas ka dibna wuxuu samaystay shirkad Dawladda iyo shacabkaba kala talisa arrimaha dhismaha. “Lacagta aan ka samaynayay shirkaddayda ayaa aad uga badnayd dhaqaale kaste oo xil dawladeed lagu helo, haddii aan xoolaha dadka la xadayn” ayuu yidhi Cabdirisaaq. Source
-
Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan aan caadi ahayn wadajir ah ka yeeshay go’aankii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu xaaladda deg deg ah ku geliyay degmooyinka Gar-adag Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo shir-guddoominayay kulanka ayaa mudanayaasha ka codsaday in ay cod u qaadan xeerka madaxweynuhu soo saaray ee xaaladda deg deg ah ku geliyay degmooyinka ka tirsan gobolka Sanaag. Intaasi kadib 107 mudane oo fadhiga soo xaadiray ayaa cod gacan-taag ah u qaaday ansixinta xeerka xaaladdda deg deg ah waxaana ogolaaday 40 xildhibaan oo keliya halka aqlabiyadii kale diideen balse guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in tirinta codadka la qalday isagoo dalbaday in mar kale dib loogu noqdo. Xildhibaannada ayaa dhankooda diiday in dib loogu celiyo codaynta xeerka iyadoo fadhiga uu isu rogay buuq iyo sawaxan ha yeeshee guddoomiye Baashe ayaa ku dhawaaqay in kulanku xiranyahay oo mar kale maalinta Sabtida la isu imaan doono. xildhibaannada ayaa si adag u diiday Dhinaca kale guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa bogaadiyay go’aanka Baarlamanka oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo “shacbiga iyo sharcidda loogu hiilliyay”. Halkaan ka daawo PUNTLAND POST The post Baarlamanka Somaliland oo diiday xaaladda deg deg ah ee Muuse Biixi geliyay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Qaza)-Israa’iil ayaa maanta sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay xalay weerareen dhisme millatari oo kooxda Xamas ay ku leedahay Marinka Gaza kadib markii buufinno sida bambooyin gacmo ku sameys ah looga soo weeraray. Kadib weerarkaas, ayaa ciidammada Israa’iil waxay sheegeen in laba gantaal looga soo tuuray Marinka Gaza, kuwaas oo qal-qal ka abuuray koonfurta Israel. Illaa hadda lama yaqaan halka ay gantaaladaas ku dhaceen iyo inay khasaare sababeen. Ilo-wareedyo amni ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in duqeymaha Israel ay ku dhaceen dhisme garabka hubeysan ee kooxda Xamas ku leeyihiin ay waqooyiga Gaza. Wararka ayaa sheegaya inuusan jirin wax khasaare nafeed ah, balse uu burbur gaadhay dhismaha. Dhacdooyibnkii ugu dambeeyey ayaa imanaya ayada oo Israel iyo Xamas ay 9-kii April gaareen xabad joojin ay dhex-dhexaadiyeen Masar iyo QM, taasi oo dib usoo celisay degenaanshihii. Israel iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa waxaa tan iyo sanadii 2008 dhex-maray saddex dagaal oo waa weyn. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo aan weli xilka wareejin ayaa qaaday tallaabo yaab leh markii uu ogaaday inuu wasaaradda ka tagayo. Maareeyee ayaa waxaa uu dib shaqada ugu soo celiyay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, kaasi oo shaqo joojin uu ku sameeyay. Wareegto ka soo baxay Xafiiska Wasiir Maareeye oo ku taariikheysneed 30-ka Bishii April, balse xog ana helnay ay sheegeyso in shalay la qoray, ayaa waxaa dib loogu howlgeliyay Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga,isla markaana shaqada laga joojiyay 10-kii Bishii February ee 2019, kadib markii loo jeediyay eedemo kala duwan. Wasiir Maareeye ayaa sheegay inay arrintaasi ka dambeysay markii uu talo soojeedin ka timid madaxweyne Farmaajo iyo go’aan ay isla qaateen Ra’iisal wasaare Kheyre. Wasiir Maareeye ayaa 10-kii Bishii Feberaayo Sanadkii 2018 shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Wasaaradaas Cabdullaahi Xayir Ducaale, isagoo ku eedeeyay musuq, balse sanad kadib wuxuu wasaaradda uga tegay sidii uu ugu yimid. Sidoo kale Wareegtada ayaa Cabdikariim Maxamuud Axmed waxaa loogu magacaabay in uu noqdon Agaasimaha Waaxda Liisamada iyo Diwaangelinta Shirkadaha, halka sidoo kalena Axmed Cali Xasan loo wareejiyay Agaasimaha Waaxda Warshadaha. Dad xog-ogaal ah ayaa Caasimadda Online u sheegay inuu Wasiirka Tallaabadaan qaaday markii xilka laga qaaday kadib sidaasna qaab farsameysan looga dhigay inay waraaqdaan soo baxday 30 April oo ah maalin ka hor markii xilka laga qaaday. Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka ayaa shalay xilkii laga qaaday,waxaana loo magacaabay Wasiirka Warfafinta Xukuumadda,kadib markii uu is Casilay Daahir Maxamuud Geelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddiga Doorashada Madax banaan ayaa magaalada Baydhabo ku shaaciyay in Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) uu ku guuleystay doorashada Kursiga Xildhibaannimo ee deegaan doorashadiisa tahay Koofur Galbeed. Xildhibaan Cali Afgooye aya helay dhammaan cododkii Ergada oo ahaa 51 cod, waxaana tani ay ka mid noqoneysa natiijooyinka doorashooyinka uu qabtay Guddiga doorashooyinka. “Bilooyinkii lasoo dhafaay ayaan waqti iyo juhdi ku bixiyay sidii aan u heli lahaa kursigan waxaana igu kalifay in aan wax u qabto dadka deegaankayga iyo dhalinyarada oo aad u saaxiibo u nahay”waxaa sidaas Goobjoog ugu wamay Xildhibaan Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye). Hadaba Waa Kuma Cali Afgooye Badnaa dadka Soomaaliyeed siyaasiga ku cusub saaxada siyaasada Soomaaliya waxa ay ku yaqaaneen dhinaca isboortiga,isagoo wiilkiisa magac iyo maqaam ka gaaray kooxaha yurub wuxuuna dhaliyay Muqtaar Cali Afgooye oo sanadii lasoo dhaafay koobkii aduunka ee ka dhacay ruushka kala qeybgalay xulka boqortooyada Sacuudi Carabiya,isagoo noqday ciyaaryahan ugu horeeyay ee Soomaali ah oo ka qeyb gala (World Cup). Mukhtaar Cali Afgooye ayaa kooxdii uu kusoo caan baxay ee Chelsea kula guuleystay Koobka da’yarta ee FA Youth Cup iyo Koobka da’yarta Horyaallada Yurub ee Uefa Youth Cup Sanadihii 2015-kii iyo 2016-kii. Muqtaar waxa uu sidoo kale u soo dheelay xulka Ingiriiska ee da’dooda ka hooseyso 17-sano. Wuxuu amaah ahaan ugu biiray Kooxda ka dhisan Horyaalka Holland ee Vitesse sanadii, isagoo u saxiixay heshiis joogto ah. “Waan ku farax sanahay guusha uu gaaray abaahay waxaan u rajaynaynaa in wax badan ka qabato xaalada Soomaaliya iyo in kaalin ka qaato horomarinta dhinacyada dhalinyarada iyo kubbadda cagta Soomaaliya maadaama uu yahay shaqsi aad u jecel isboortiga” waxaa Goobjoog ugu waramay Mukhtaar Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo aabihii xildhibaanada golaha shacabka kusoo biiray 27 April 2019. Maanta oo taariikhdu tahay 2-da May 2019, waxa uu guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka shahaada xildhibaannimo Gudoonsiiyay Xildihaan Cali Afgooye. Saaxiibada iyo qoyska ayaa guul iyo horomar u rajeeyay xildhibaan Cali Afgooye,iyagoo ugu duceeyay in Allaha u fududeeyo shaqada culus ee loo doortay. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Bashiir Maxamed Aw Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug oo marti ku ahaa Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog ayaa sheegay in aysan wax wada shaqeyn ah aysan kala dhaxaynin wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda dhexe loona baahan yahay in la siyaasadeen fursada horomarinta dhalinyarada iyo kobaca horomarka isboortiga deegaanada Galmudug. “Wasaaradeena waxa ay la shaqaysaa dhamaan qeybaha kala duwan ee horomarinta dhalinyarada iyo xiirarada dalka ka jira,balse wasaarada ciyaaraha fedraalka kama helino wax gacan qabasho” ayuu barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog u sheegay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug Bashiir Maxamed Aw Cali. Mudooyinkii danbe ma wanaagsaneen xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug,balse wasiir Bashiir waxa uu madaxda dalka ka codsaday in aan la siyaasdeen arimaha fursadaha dhalinyarada iyo horomarinta ciyaaraha deegaanka maamulka uu wasiirka ka yahay. “Wasaarada Ciyaaraha Dowladda dhexe waxaan ka rajaynaa in ay si wanaagsan u fahmi doonaan in isboortiga uu ka madaxbanaan yahay arimaha la isku hayo door wanaagsan ay ka qaataan taageerada iyo horomarinta dhalinyarada Soomaaliyeed”waxaa sidaas Xeyndaabka ugu waramay wasiir Bashiir Maxamed Aw Cali oo ah wasiira ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug. Halkan Ka Daawo Qeyb Ka Mid Ah Waraysiga Uu Goobjoog Siiyay Wasiir Bashiir Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa habeenkii xalay ahaa ka qeyb-galay munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigaayey Buug laga qoray Taariikhda Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasi oo uu qoray Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo kamida Golaha Wakiilada ee Somaliland. Madashan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Badiba Haldoorka iyo Waxgaradka Somaliland, Masuuliyiintii Xilalka kasoo qabtay Xukuumadii Madaxweyne siilaanyo iyo Masuuliyiinta Xukuumada haddaka tirsan oo ugu horeeyey madaxweyne ku xigeenku, sidoo kalena waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka, qaar kamida Mujaahitiintii SNM, Dhalinyaro iyo Haween aad u tiro badan. Guud ahaanba Haldoorkii iyo Madaxdii madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday Taariikhda faca-weyn ee uu leeyahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana midkastaaba ka sheekeeyey Dhacdooyin iyo Maraaxil kala duwan kuwaasi oo la xidhiidha waayihii Halganka SNM, wakhtiyadii Mucaaridnimada iyo intii uu Xukunka Somaliland hayeyba. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu ugu danbayntii munaasibadaasi oo xidhay ayaa dhankiisa soo bandhigay aqoonta uu u leeyahay Madaxweyne Siilaanyo, xiligii ay isbarteen iyo mudadii ay soo wada shaqeeyeen waayihii iyo duruufihii ay soo wada mareen, waxaana uu Xusay Madaxweyne ku xigeenku in Axmed Maxamed Siilaanyo ahaa Hogaamiye wanaagsan oo hal adayg leh taariikh wanaagsana laga dhaxlay, dhanka kale wuxuu sheegay inay meelo badan isaga eegyihiin sida Hooyooyinkood oo isku magac ah iyo taariikho kala duwan oo kale. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo ka socda xarunta Madaxtooyada ayaa lagu ansixiyey Sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta Siyaasadda oo Dib-u-eegis lagu sameeyay. Golaha Wasiirada ayaa la hor keenay sharcigan oo kulan degdeg ahaa dib loogu dhigay la-tashiyo u socday madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaana maanta ansixiyey Golaha Wasiirada, iyadoo loo gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya si uu u ansixiyo. Ansixinta Sharcigan ayaa lagu tilmaamay mid looga hordhacayo shirka wadatashiga ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin magaalada Garowe maalinta sabtida ee socoto, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay la tagayaan sharcigaas oo la soo meel mariyay. Illaa iyo hadda lama oga nooca doorasho ee dalka ka dhacaya sanadka 2020/2021, balse waxaa jiray aragtiyo kala duwan oo ku saabsan nooca doorasho ee Madaxda dowladda doonayaan inay dalka ka dhacdo, inkastoo aanay suura geli karin doorasho hal qof iyo hal cod. Sharcigan Xisbiyada ayaa oo hore loogu badhigay xisbiyada, laakiin sharciga Doorashooyinka ayaa dhalin doona muranka ugu weyn, iyadoo aan laga talogelin Maamul Goboleedyada iyo dhinacyada siyaasadda, waxaana lagu wadaa in looga doodo shirka Magaalada Garowe la filayo inuu ku dhex maro Maamul Goboleedyada iyo madaxda dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xudur (Caasimada Online) – Ciidamada daacadda u ah Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo u xiran dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa dagaal culus uu ku dhe-maray qeybo ka mid ah gobolka Bakool. Ciidamada daacadda u ah Roobow oo loo yaqaan Caaro Caaro ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay xaafadda Abay oo qiyaastii 18km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Xudur. Illaa iyo hadda wax faah-faahin ah lagama hayo khasaraaha ka dashay dagaalka labada dhinaca. Ciidamada daacadda u ah Roobow ayaa ku urursan agagaarka magaalada Xudur, waxaana weli la hir-gelin qorshe la doonayey in loogu biiriyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Heshiiska ay ugu biirayaan ciidamada dowladda ayaa qeyb ka ahaa kii dhex-maray dowladda iyo Roobow markii Mukhtaar uu isku soo dhiibay dowladda, hase yeeshee qorshahaas ayaa iminka u muuqda inuu fashilmay. Ciidamada taageersan Roobow ayaa la rumeysan yahay inay dib uga dideen dowladda wixii ka dambeeyey markii ay xiratay hogaamiyahooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somalia’s Al-Shabaab has paraded 10 soldiers from Southern regional state, Jubbaland at its stronghold town of El-Adde in Gedo region. The soldiers are said to have deserted from Bardere and Garbaharey in the Jubbaland state and joined the group which tries to topple Somalia’s UN-backed federal government. The group has released photos of the soldiers posted on the group-affiliated websites, showing the soldiers armed with AK-47 rifles in military clad in uniform sitting side by side in El-Adde town. The soldiers are reportedly surrendered to Al Shabaab after deserting from Jubbaland state army over unknown circumstances. Jubbaland authorities are yet to comment on the defection of its soldiers who are said to have deserted the state before joining the militant group. View the full article
-
The northeastern Federal state of Puntland said it has postponed a key meeting between the Somali government and the regional states set to kick off in Garowe city on Thursday, May 2. Sources at Puntland presidency revealed to Radio Shabelle that the forum has been delayed over technical reasons and is due to open on 5th May. The conference seeks to find a lasting solution to the political crisis in the country as the leaders of the Federal government and regional administrations are in deadlock over national issues, including resource sharing. Puntland president Said Abdullahi Deni who has been elected last January has called the meeting and invited all leaders to come to the negotiating table and iron out their differences. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Axmed Cadow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka, Gaar ahaan Kuwa Ka howlgala Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobalka Gedo, sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda. Yuusuf oo xiriira kale duwan la soo sameeyay Sarakiisha Ciidanka, iyadoona ay suuro gashay saakay in uu soo gaaro oo uu iska soo dhiibay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Magaalada Garbahaarey. 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland eek u sugan gobolka Gedo waxa ay soo bandhigeen ilaa 4 Ruux oo ay sheegeen inay ahaayeen Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab balse dowladda isku soo dhiibay. Xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa sii kordhaya. Shalay ayaa sidoo kale waxaa degmada Doolow ee gobolka Gedo isku soo dhiibay labo xubnood oo ka mid ah Ururka Al-Shabaab. Labadaas nin ayaa ka tirsanaa qeybta Jabhadaha ee Al-Shabaab, waxaana raggan ay wateen laba qori oo A-K47 ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
CONCORD, N.H. – A federal lawsuit says an asylum seeker from Somalia has been detained for 2 ½ years without a bond hearing and should be released. Source: Hiiraan Online
-
Xukuumadda Muuse Biixi Farsamo Xumada Af-Soomali Xumo Ayaa U Dheer” Muniir Axmed Cigaal “Xukuumadda Muuse Biixi Farsamo Xumada Af-Soomali Xumo Ayaa U Dheer” Muniir Axmed Cigaal In kasta oo aynu ku jirno bilihii khayrka laha Ramadaana sanka inoo saarantahay hadana Xaalada Dalkaygii Somaliland ku sugan yahay ayaa marar badan ku odhanaysa midh iyo laba ka dheh. Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ilaa bilawgii Xukunka ay qabteen laba sanno ku dhawaad Mucaarid iyo Muxaafid waxa marageeda laysku raacay inay farsamo xuntahay. Dhacdooyin badan oo maarayn kaliya u baahnaa ayay Xukuumadda Muuse Biixi is maqiiq ku gashay kuwaas oo natiijo la’aani ka dhalatay. Midan iminka ee Xaalada Deg Deg ah lagu galiyay Gobolkii Sanaag ayaa u danbaysay. Madaxweynuhu amar adag ayuu bixin laha lagu soo qabto danbilayaashi Sarakiisha laayay, adduunka oo dhan way ka dhacaan shilal noocan oo kale ahi, talaabadii ku haboonayd maha Bandow iyo awood Millatari oo ahayd halkii u danbaysay ee Madaxweynaha iyo Qaranku miciin san la hayeen… Duufaano iyo Dabaylo inamay rogin alle haynaga hayee,, layskumana rogman oo xaaladu faraha kamay bixin, koox shar wadayaal ah ayaa faldanbiyeed gaystay waxayna ahayd in la soo qabto oo cadaaladda la mariyo.. Midda kale waxa weeye farsamo xumadaas ayay Af-soomaali xumo ku darsatay Xukuumadeeni. Xalay waxa hadlay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye, dee anigu Wasiir Qaran la hadlaaya meesha kuma arkayn ee Nin ka soo kacay Marfash oo wixii Marfashka shubaaya ayuunban u arkaayay. Kulaha “Dadkii Gobta aha way qanci jireen “ Yaa markaa gun gunuunucaysa ah. ? Isagu markaana UDUB tii Guul wadaynta la daxalaysatay ayuu aha oo TV-ga Qaranka ayuu joogay, KULMIYE yihii Axmed Siilaanyo ee 2003-doorashada galayna Rer ma ahayn WADDANI-ga 2017-kii doroashada galayna rer ma ahayn oo Somaliland oo dhan ayuu aha.. Masuuliyiinta Xukuumaddeena iyo ilaa Madaxweynaha mararbadan aamuska u Khayr badan, waayo looma wada dulqaadan karo farsamo xumo iyo Af-somaali xumo wada socda.. Tusan .. Muniir Axmed Cigaal Sweden .. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Mareykanka ayaa shaaciyay inay u aargudeen askari ka tirsanaa ciidamadooda kaga sugan Soomaaliya oo horey Al Shabaab ay ku dileen Jubbada Hoose, kadib weerar ka dhacay Deegaanka Baar Sanguuni. Afhayeenka Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay dileen Dagaalame ka tirsanaa Alshabaab, kaasi oo qeyb ka ahaa Dagaalamayaal Alshabaab oo sannadkii hore weerar Hoobiyayaal ku qaaday Askar Maraykan ah oo ku sugnayd Deegaanka Baar Sanguuni. Kolonel Chris Karns oo la hadlay Wargeyska Military Times ayaa sheegay in ruuxa ay dileen lagu magavaabo C/llaahi Jibiyow, kaasi oo lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa duqeyntii Hoobiyaha ee bishii June sanadkii 2018 ka dhacday Jubbada Hoose. Askariga Maraykan ee ku dhintay weerarka ka dhacay deegaana Baarsanguuni ayaa lagu magacaabi jirey Saddex Alifle Alexander Conrad, iyadoo 4 kalena lagu dhaawacay weerarkii Jubbada Hoose. Afhayeenka AFRICOM waxa uu tilmaamay in Duqeyn diyaaradeed oo ay geysteen bishii la soo dhaafay ee April 19-dii ku dileen 2 Dagalaamayaal Alshabaab, oo mid ka mid ahaa C/llaahi Jibiyow oo madax ka ahaa Dagaalamayaal weeraro badan oo Hoobiyayaal ah ka geystay Gobalka J/Hoose. Askariga Maraykanka ee lagu dilay duqeyntii sannadkii hore ka dhacday Deegaanka Baar Sanguuni ee Alexander Conrad, ayaa ka tirsanaa ciidamada Mareykanka tan iyo sannadkii 2010-kii, isla markaana uu ahaa Soo-ururiyaha xogaha Sirdoonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo culus wali ka wada gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dagaalo u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidamada dowladda ay ka dhaceen gobolka. Ciidamada dowladda ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaanada Bariire iyo Sabiib ayaa weeraro iyo cadaadis joogto ah kala kulmay ururka Al Shabaab, waxaana Al Shabaab ay ka hadleen la wareegista deegaanka Bariire. Al Shabaab ayaa qoraal ay soo dhigeen baraha ay wararka ku faafiyaan waxay ku sheegeen inay wali gacanta ku hayaan deegaanka Bariire ee gobolka SHabeelaha Hoose, iyaga oo beeniyay in lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka. Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay arkayeen ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa DANAB, kuwaasi oo shalay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada ayaa waxay howlgalada ka wadaan deegaanada gobolka Shabeelada Hoose ee hoostaga Bariire iyo Sabiid, waxaana ay doonayaan inay Al Shabaab ay ka saaraan deegaanada ay kasoo qaadaan weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda. Sananadkii 2017 ayaa Ciidamada Dowladda Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka Bariire,hayeeshee dhowr bil kadib ay Ciidamada isaga baxeen,waxaana intaasi wixii ka dambeeyey gacanta ku hayey Ururka Al-Shabaab. Al shabaab ayaa dhankooda sheegay inay howlgalo ay kula dagaalamayaan ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors