-
Content Count
208,340 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ay weheliyaan xubno qoyskiisa ah ayaa hebeen saddexaad guure kaga soo baxay Magaalada Boorama, kadib markii uu maqlay dilka loo geystay laba sarkaal oo ciidanka Qaranka ka tirsan ee kasoo jeeday Awdal , kuwaas oo ay dablay hubaysin ku disshay Degeeno ku dhow degmada Yagoori. Badhasaabka Awdal oo isagu kasoo jeeda deeganada lagu laayey labadaa sarkaal ayaa la sheegay in ay sababaha uu uga soo boqoolay ay tahay cabsi soo wajahday, waxaana ka sheegay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa ilaa haddda . Siyaasi Cabdinaasi Buuni oo ka hadlay arrintaasi ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn , waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan:“Waxa ayaan darro ah Badhasaabkii gobolka Awdal markuu maqlay dhac-dadaasi foosha xun ee dhacday inuu isaguna gobolkii kasoo anba baxo waa su’aal is weydiin leh waa su’aal masuuliyad daradeeda leh , ayuu matelayey Qaran ayuu matelayey, Qaran ayey u dhinteen ragga la laayey isna qaran ayuu matelayaa gobol Somaliland ah oo kamid ah goboladii ugu Taariikhda wanaagsanayd ayuu Badhasaab nasiib wanaagiisa ka ahaa waxa la gudboonay inuu bulshadii iyo ehelkii laga tegay ee soo yaacay markii ay maqleen waalidadoodii in lagu laayeye cid ladaasi Bariga Taliyayaashii intuu soo abaabuluu soo qaaduu gawaadhi kusoo kaxeeyo Madaxweynihii Qaranka u muukeeni oo muu odhanin waa kan dadkii eheladii ee Madaxweyne ka tacsiyadee , gobolkii kumuu noqon oo bulshadii iyo fariin umuudirin ilayn waa xidhiidhiyihii Dowladii iyo gobolkii , halkan ayuu ku soo nastay oo uu yimi , waxaasi masuuliyad mahaa Madaxweyne .” Dhanka kalene Siyaasi Buuni ayaa tusaale usoo qaatay sidii ay Dowladii hore u mareeyeen mashaqooyin kala duwan oo dhacay,isagoo sidoo kalene soo qaatay dhac-dii gobolka Awdal iyo Ex Badhasaab Ramaax “Waxa lagu yaqanaa Madaxweyne Xukuumaddii kaa horeeyey oo Xukuumaddii Riyaale ay kamid ahayd dhac-dooyinkii foosha xumaa eek a dhacay wadada sidii Dowlad-nimada lahayd ee ay Dowladuna uga waajibaad qaadatay , shacbiguna ay u hoggaansameen , dhacdo taas lamid ah ayaa jirtay oo badhasaabkii Awda Ramaax lagu soo weeraray gurigiisii lagu dilay laba askari iyadoo maydkoodu yaalo ayuu subaxnumadii shaqo tegay .” Geesta Kalene Siyaasi Cabdinaasi Buuni ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu xilka ka qaado Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali , isagoo ku eedeeyey inuu dayacay masuuliyadii uu Qaranka u yahay “Waxaanu Madaxweyneha leenahay ninka masuuliyda daradaa sameeyey talaabo deg deg ah ayaa Madaxeeyne lagaaga baahan-yahay in aad ka qaado maanta Masuulka gobolka Awdal kuu matalayey ee ahayd adiga iyo shacbigaa inuu biriishkii isku kiin xidhayey ahaa ee nabad gelyada ka turjumayey ee astaanta Qaranka ahaa inuu halkan kusoo nasto saddex cisho ka hor markii uu dhac-dada maqlay, taasi masuuliyada maaha .” Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay dilkii loo geystay labo sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Somaliland. Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in Xukuumadu ay ka qaadeyso talaabo adag Dableydii dhowaan dishay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Taliye ku-xigeenkii Booliiska Degmadaasi. Wasiirka oo hadal ka jeedinayey deegaankii lagu aasayey labada Sarkaal ee la dilay ayaa waxa uu ka sheegay inay Odayaasha ay isku deegaanka yihiin raggii dilka geystay inay waajib ku tahay inay gacan ka geystaan soo qabashadooda, haddii ay ku gacan-saydhaana bedelkooda iyaga loo xiri doono. “Odayaasha Beeshan (Gar-adag) waa waajib saaran inay hawshan dhinacooda ka qabtaan, Gacan ku dhiiglaha kii naga qariya ayuun baanu ku xidhaynaa” ayuu yiri Wasiirku. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiir Kaahin “Tuugu ehel malaha, Gacan ku-dhiigluhuna ehel malaha. Xukuumadda ayay waajibkeeda tahay inay arrinkaa si adag uga qabato, mana suurto-galayso inaanu si sahlan idiin nidhaahno waxbaanu qabanaynaa oo aanu qaban wayno. Dilka loo geystay Saraakiisha wuxuu dhaawac ku yahay Qarankeena”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Shirweynaha wada-tashiga, jihaynta qorshayaasha iyo baahiyaha Haweenka Puntland oo mudda afar maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa maanta soo xirmay. Shirkan oo ay qaban-qaabisay wasaaradda horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska dowladda Puntland, ayaa waxa ka soo qeyb galay in ka badan 200 oo haween ah, kuwaasoo ka kooban xubno ka tirsan Haweenka Puntland ku metela Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kuwa ka tirsan golayaasha dowladda Puntland, wasiiradii hore ee wasaaradda Haweenka Puntland, Haween ka socday sagaalka gobol ee Puntland, Haweenka dhaqaatiirta ah, kuwa ganacsatada ah, qareennada, beeraleyda iyo xoola-dhaqatada. Wasiirka horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland, Aamino Cismaan Xaaji jaamac oo ka hadlaysay xiritaanka shirkan, ayaa sheegtay in mudadii uu shirku socday si weyn looga hadlay caqabadaha kala duwan ee haysta Haweenka, ka hortagga tacaddiyada loo geysto iyo ilaalinta xuquuqdooda , gaar ahaanna Haweenka ku nool degaannada fog-fog iyo dhulka miyiga ah. Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegtay in nuxurka shirka ka soo baxay uu sal u noqon doono, jihaynta qorshah shanta sano ee wasaaradda Haweenka Puntland iyo dhammaan qorshayaasha hay’adaha kale ee dowladda eek u shaqo leh arrimaha Haweenka. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi deni oo shirka soo xiray ayaa dhankiisa xaqiijiyay in xukuumaddu ay sidooda u dhaqan-gelin doonto qodobada ka soo baxay shirkan, isagoo ballan-qaaday in uu shirka golaha wasiirada horgeyn doono, si loogu rogo go’aan xukuumadeed. Ugu dambeyntii, shirka ayaa waxa ka soo baxay baaq ku jihaysan kordhinta doorka Haweenka ee dhinacyada siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha, ganacsiga iyo ka hortagga tacaddiyada loo geyso Haweenka. Halkaan ka daawo baaqa oo Caasho Geelle Diiriye akhrinayso PUNTLAND POST The post Shirweynaha Haweenka Puntland oo Garoowe ku soo xirmay appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye Cirro Oo Farriin Adag U Diray Xukuumadda KULMIYE Iyo Laamaha Amaanka “Waxaannu Xukuumadda Uga Digayaa Xukun Milateri Oo Aan Golayaashu Xalaalayn Inay Shacabka Ku Fuliso “Dr Cirro Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa labada Gole ee Baarlamaanka ku boggaadiyey go’aankii diidmada ahaa ee ay ka qateen xukunka Milateri ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku soo rogtay gobolka Sanaag, taasi oo ay labada gole ka codsatay inay u codeeyeen, balse labada gole ayaa fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen maanta cod aqlabiyad ah ku diiday dalabka Xukuumadda iyo xaalada deg deg ah ee ay ku soo rogtay Gobolka Sanaag. Siddoo kale Guddoomiye Cirro ayaa digniin adag u diray xukuumadda iyo laamaha amniga oo uu sheegay inay waxay golayaashu diideen dhaqan-geliyaan , isagoo sidaa ku sheegay Saxaafadeed uu ku qabtay Hoyga uu ka degan yahay magaaladda Hargeysa,waxaanu haddalkiisu u dhigaan sidan “Waxaan warbaahinta u hor imi in aan Boggaadiyo Baarlamaanka Somaliland labadiisa aqalba Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada oo maanta qaatay tallaabo taariikhiya , tallaabadaas oo ah inay diideen inay ansixiyaan maanta xukunkii milateri ama xukunkii deg deg ahaa ee lagu soo rogay gobolka Sanaag, baarlamaanka waxaan ku boggaadinayaa in tallaabadaasi ay ahayd mid ay sharciyada ugu hiiliyeen mid ay shacbiga ugu hiiliyeen.” Waxaanu intaasi ku sii daray Guddoomiye Cirro “Waxaannu shacabku xasuus-naan doonnaa tallaabadda taariikhigga ah ee aad qaadeen, waxaad u hiiliseen dhammaan shacabka reer Somaliland, waayo xukunka degdeg ahi kuma koobnaadeen gobolka Sanaag oo goboladda kale ayaa ku xigi lahaa oo Awdal baa ku xigi lahayd. Marka maanta shacabka aad la dareen noqoteen waan idinku boggaadinayaa, Waxaad u hiiliseen dhammaanba dadkii ku noola gobolka Sanaag ee degmooyinkiisa lagu soo rogayay xukunka milateri ee kala ahaa, Gar-adag, Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo.”Ayuu yidhi Cirro Dhanka kalena Guddoomiye Cirro ayaa Xukumadda Madaxweyne Biixi uga digtay inay xukun Milateri oo aanay xaalaalayn golayaasha Guurtida iyo Wakiilladu inay dul dhigto shacbiga,”Waxaannu xukuumadda uga digaynaa xukun milateri oo golayaashu xalaalayn oon sharci ahayn inay shacabka ku fuliso, waxaan kale oo shacabka reer Somaliland gobolkasta oo ay joognaa ugu baaqayna in ay ilaashaddan xasiloonidooda iyo nabadgel-yadoodda. Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaannu ugu baaqaynaa inay sharciga u hoggaansamaan inay shacabkoodda u tudhaan iyo inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo xasiloonni –darro iyo amni-darro ka dhallin karta dalka.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Abuukaate Zakariye Yuusuf oo wareysi siiyey Idaacadda BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa xusay in Golaha Wasiirada ay u baahan yihin in la hor geeyo Baarlamaanka. Abuukaataha ayaa ku dooday in sharciga uu qabo haddii Golaha Wasiirada ee la hor geeyey Baarlamaanka isla markaasna la ansixiyey la badalo in ka badan laba meelood ay waajib tahay in kalsooni cusub looga raadiyo Baarlamaanka Soomaaliya. ” Sharciga wuxuu qabaa in marka hore si wadajir ah Golaha Wasiirada loo horgeeyo Baarlamanka Soomaaliya , markii ay helaan ogolaanshaha Golaha Shacabka sidaas ayey ku shaqo galayaan, haddii markaas ka dib laba meelood meel ay baxaan ama la badalo wasiiradii hore loo ansixiyey, Caqliga iyo sharciga intaba waxay tahay in mar kale Golaha Shacabka la horgeeyo si ay u helaan kalsooni” Ayuu yiri Abuukaate Zakariye Yuusuf. Wasiiradii uu soo magacaabay Ra’isulwasaare Xasan Kheyre ayaa waxaa siyaabo kala duwan Liiska uga baxay oo xilkii baneeyey Wasiiro gaarayo illaa 10 oo kala ah: 1) Daahir Geelle, Wasiirkii Warfaafinta. 2) Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Debadda. 3) Cabdi Faarax Saciid (Juxa) Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta. 4) Cabdicasiis Laftagareen, Wasiirkii hore ee Warshadaha 5) Axmed Mursal, Wasiirkoo hore ee Gaanshaandhigga. 6) Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Wasiirkii hore ee Waxbarashada. 7) Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil, Wasiirkii hore ee Dastuurka oo dhawaan dhintay Allaha u naxariistee 8) Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga 9) Cabdifataax Geesey oo ahaa Wasiirkii hore ee Howlaha Guud. 10) Cabaas Siraaji (Allaha u naxariistee) Wasiirkii hore ee Howlaha Guud. 11) Maryqan Qaasim, Wasiirkii hore ee Gargaarka. Abuukaate Zakariye ayaa sheegay in Xildhibaanada mucaaradka ah aysan ku baraarugsaneyn arrintaas balse ay kaliya yihiin mucaarad aan diyaar u aheyn inay wax saxaan. Wuxuu sheegay in Baarlamaankii iyo Golihii Wasiirada ay noqdeen kuwa isku mid oo aysan jirin maskax diyaar u ah inay soo jeediso sharcigaan lagu xadgudbayo. Wuxuu Maxkamadaha ugu baaqan inay arrintaan soo farageliyaan isla markaasna ay ku dadaalaan in la saxo sharciga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa mas’uuliyiin cusub magacaabay Halkan hoose ka akhriso Source
-
Muqdisho (PP) ─ Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen shaciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Ujeedka sharciga doorashooyinka ayaa ah in lagu maamul doorashooyinka golayaasha sharci dajinta iyo madaxwaynaha Jamhuuriyadda, laguna hir-gelinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka maran cabsi gelin iyo ceeb oo dhan, loona maamulay si madax bannaan, dhex-dhexaad ah, sugan, hufan oo isla xisaabgan leh kuna salaynsan hab-raac sharci oo dhaqan gal ah, in uu cadeeyo awoodda iyo waajibaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo in lagu qeexo laguna tilmaamo nidaamka doorashooyinka dalka. Sharciga ay maanta xukuumaddu meel-marisay ayaa loo gudbinayaa golaha sharci dejinta dalka si ay u ansixyaan, iyadoo sharcigna uu ka mid ahaa ilaa saddex qodob oo ay mucaaradku dalbadeen inay dowladdu wax uga qabato sida ugu dhaqsiyaha badan. Kulanka Golaha Wasiirrada DF oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel-mariyay sharciga Xisbiyada Siyaasadda dalka oo dib-u-eegis lagu sameeyay. Dhanka kale, Ansixinta sharciga doorashooyinka Qaran ee dalka iyo sharciga xisbiyada siyaasadda ee dib-u-eegista lagu sameeyay ayaa qayb ka ah hal-beegyada tubta siyaasadda loo dhanyahay ee lagu guuleystay. Ugu dambeyn, Xildhibaanno dhawr ah oo ka hadlay sharciyadan maanta la meel-mariyay ayaa waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan, iyagoo kula taliyay baarlamaanka inay si qoto-dheer u eegaan sharcigan, ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u meel-mariyaan. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirrada DFS oo Meel-mariyay laba sharci oo uu ku jiro midka Doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi [Baadiyow] oo ka mid ah la-taliyeyaasha Ra’iisul Wasaaraha Dalka ee dhinaca dib-u-heshiisiinta ayaa sheegay in mucaaradnimadu aysan ahayn wax xun, isagoo ku baaqay inay heshiiyaan siyaasiyiinta kala aragtida duwan. Dr. Baadiyoow oo la hadlay mid ka mid ah telefishinada Afka Soomaaliga ku hadla ayaa sheegay in mucaarad iyo muxaafad ay dalka wada leeyihiin, isla markaana looga baahan yahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan amniga iyo horumarka dalka. “Siyaasiyiinta waa inay heshiiyaan oo aysan is haruufin, mucaaradka in aan loo arkin inuu xun yahay dowladaha dimoqraadiga mucaaradka iyo muxaafadka dalka ayay wada leeyihiin, kii shalay mucaarad ahaa, berri ayuu madax noqonayaa,” ayuu yiri Dr. Baadiyow oo ku khilaafay sida madaxda Dowladda Federaalka Somalia u weeraraan siyaasiyiinta mucaaradka. Dhanka kale, Wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo shalay inta aan loo dooran xilka madaxweynenimada uu ahaa mucaarad dhaliilana uu soo jeedin jiray, haatan uu yahay madaxweynaha dalka. “Madaxweyne Farmaajo shalay wuxuu ahaa mucaarad, maanta Madaxweyne ayuu dalka ka yahay, marka waxaa la rabaa mucaaradnimada inaan xumaan loo arkin, dalalka dimoqraadiyada ka jirta mucaaradnimada waxay ku jirtaa qeyb ka mid ah dowladnimada”ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyow oo xilligan lagu tilmaamo inuu ka mid yahay taageerayaasha Dowladda Madaxweyne Farmaajo, halka dowladdihii hore uu mucaaradi jiray. Dr. Baadiyoow ayaa ku baaqay in la joojiyo nidaamka keli-taliska, sidoo kalena la joojiyo guul-wadeynta iyo in shacabka la isku soo bixiyo markii ay siyaasiyiintu isku qabtaan fikir lagu xallin karo wadahadal iyo is-tixgelin. Ugu dambeyn, Dowladda uu Madaxweyne Farmaajo ayaa mucaaradka kasoo horjeeda u adeegsata hadallo qallafsan, waxayna ku tilmaamo Qaran-dumis, dowlad diid iyo erayo kale. PUNTLAND POST The post Mid ka mid ah la-taliyeyaasha RW Somalia oo sheegay in mucaaradka DF la siiyo tixgelin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Warta Biyo-qabadka Degmada Waaberi oo Maamulka Gobolka Banaadir uu dayactir ballaaran ku sameeyey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Warta Biyo-qabadka KM4 ay kamid tahay meelaha ugu badan ee biyuhu fariistaan iskagana gudbaan Caasimadda, isla markaana uu Maamulkiisu xoogga saaray sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha xili roobaad oo goobtan dhiga biyo fara badan oo saameeya dadka iyo deegaanka ka ag-dhow. “Maamulka Gobolka Benaadir oo in muddo ah ku howllanaa sidii xal loogu heli lahaa saameynta roobabka ayaa isku howllay howlgelinta xarumo muhiim ah oo biyo qabadka Caasimadda saldhig u ahaa, gaar ahaan Degmada Waaberi, agagaarka N4 waxay kamid tahay meelaha ay saameynta ballaaran ku yeeshaan roobabka, waad la socotaan in xiliga roobka uu xirmo jidka Garooonka”. Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka Benaadir uu la tacaalayo wax-ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay bulaacadaha, isagoo xusay in xiliga dhow uu qorshuhu yahay in Caasimaddu ay yeelato goobo ay biyuhu isaga gudbaan, maadaama dayactiro lagu sameeyo goobo badan oo saldhigan jireen biyuhu. “Magaalada Muqdisho waa ay lahaan jirtay Tubooyin qaada biyaha roobka iyo tubooyin bixiya wasakhda (Sewage). Qaarkood wa shaqeeyaan hadda oo qeybo ka mid ah magaalada ayey biyha ka saaraan. Si walba ha ahaatee, xilli roobaad kasta waxaa magaalada Muqdisho soo gaara dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay, Jidadka waaweyn oo qaarkood burbura iyo nadaafadda deegaanka oo xumaata, waana taas midda aan rabno in waqtiga dhow xal loo helo”. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muhiimad gaar ah siinaya xal-u-helidda dhibaatada ay ku hayaan daadadka roobka ee burburiya waddooyinka iyo isku socodka magaalada. Waxuna maamulku qorshaynayaa in waqtiga dhow arrintaa xal loo helo si loo ilaaliya Fayo dhowrka Caasimadda. Ugu dabmeyn, Munaasabadda xariga looga jarayay Biyo-qabadka Degmada Waaberi ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeennada Maaliyadda, Howllaha Guud, Guddoomiyaha Degmada Waaberi iyo masuuliyii kale. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maanta Xariga ka jaray Warta Biyo-qabadka KM-4 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Munaasabad lagu maamuusayay Aas Saskii Midowga Yurub ayaa maanta waxa ay ka dhacday xarunta Xalane oo dhinaca ku heysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalada Muqdisho. Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir, madax ka tirsan Midowga Yurub diblumaansiyiin iyo xubno ka socday dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa ka qeyb galay xafladdaasi dabaal daga ah. Ugu horreyn khudbad dheer oo ka hadlaysay waxqabadka Midowga Yurub Soomaaliya ee dhinacyada arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo amniga waxaa goobta ka jeediyay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah madaxa arrimaha siyaasada iyo saxaafadda ee Ururka Midowga Yurub, wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan taageeradooda Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay munaasabaddani ayaa ugu Hambalyeeyay mas’uuliyiinta iyo xubnaha Kale ee Midowga Yurub maalintii ugu horeysay oo ay midoobeen dalalkaasi. Dhanka kale mar ay su’aallo ka weydiisay Idaacadda Shabelle Wasiir Cawad waxqabadka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxa uu tilmaamay in Ururkani uu taageero xoogan siiyo dowladda federaalka ah ee Soomaliya. Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka fuliya mashaariicyo dhowr ah oo muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed. View the full article
-
Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya uu dhowaan beddeli doono agaasimada madaxtooyada Dr. Aamina Saciid Cali. Aamina, ayaa waxa sida aan xogta ku helnay lagu beddelayaa nin lagu magacaabo Nuur Diiriye Fuursade, oo ay ehel yihiin xaaska madaxweyne Farmaajo, Zaynab Cabdi Macallin. Sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, magacaabista Nuur ayaa waxaa aad ugu ololeynaya oo muddo ka shaqeynayey Cumar Faaruuq Cabdi Macallin oo la dhashay Zaynab Cabdi Macallin. Nuur Diiriye Fuursade ayaa waxa uu qabaa Xuriyo Aadan Yuusuf oo habaryar u ah Zaynab iyo Cumar Faaruuq, lana dhalatay hooyadooda Bishaara Aadan Yuusuf. Ilaa iyo hadda lama yaqaan sababta loo go’aansaday in la beddelo Dr. Aamina Saciid Cali, oo dadka ka shaqeeya madaxtooyada ay aad ugu amaaneen howsheeda iyo shaqsiyaddeeda. Nuur Diiriye Fuursade ayaa waxa uu kasoo jeeda beesha Sacad ee Habar-Gidir oo sidoo kale ay Dr. Aamina, ay kasoo jeedo. Haddii la magacaabo wuxuu noqon doonaa agaasimihii afaraad ee madaxtooyada kadib, Cali Saciid Fiqi, Fahad Yaasiin iyo Dr. Aamina. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
New York (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad gaaraya 1.7 milyan oo qof ay cunto yari iyo xaalad degdeg ah gudaha dalka Soomaaliya marka la gaaro bisha Juun ee sanadkan aynu ku jirno. Stephane Dujarric,afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa arbacadii shalay aheyd sheegay in sanadkii labaad oo xiriira aanu Soomaaliya ka da’in roob taasina ay sababtay in ay xoolo fara badan dhintaan sidoo kalena uu hoos u dhaco wax soo saarka dalagga beeraha. Sarkaalkan u hadlayay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay kordheen tirada caruurta la ildaran nafaqa-darrada kaasoo uu sheegay in ay gaareen 954,000 oo caruur ah. Stephane ayaa intaa ku daray in kooxda gargaarka ee Qaramada Midoobay ay isu diyaarinayaan sidii looga jawaabi lahaa abaarahan ku soo wajahan Soomaaliya isaga intaasi ku daray in ugu horeyn ay cunto gaarsiin doonaan meelaha ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen. Ugu danbeynna Afhayeenka ayaa sheegay in qorshaha haatan ee ahaa in Soomaaliya loo raadiyo lacag dhan 1.08 Bilyan oo dollarka Mareykanka ah laga helay saami gaaraya 19% taasi oo sababtay meelaha qaar biyo lagu gaarsiiyo lagana fuliyo howlo nadaafadda iyo fayo-dhowrka la xiriira. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Warta Biyo-qabadka Degmada Waaberi oo Maamulka Gobolka Banaadir uu dayactir ballaaran ku sameeyey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Warta Biyo-qabadka KM4 ay kamid tahay meelaha ugu badan ee biyuhu fariistaan iskagana gudbaan Caasimadda, isla markaana uu Maamulkiisu xoogga saaray sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha xili roobaad oo goobtan dhiga biyo fara badan oo saameeya dadka iyo deegaanka ka ag-dhow. “Maamulka Gobolka Benaadir oo in muddo ah ku howllanaa sidii xal loogu heli lahaa saameynta roobabka ayaa isku howllay howlgelinta xarumo muhiim ah oo biyo qabadka Caasimadda saldhig u ahaa, gaar ahaan Degmada Waaberi, agagaarka N4 waxay kamid tahay meelaha ay saameynta ballaaran ku yeeshaan roobabka, waad la socotaan in xiliga roobka uu xirmo jidka Garooonka”. Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka Benaadir uu la tacaalayo wax-ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay bulaacadaha, isagoo xusay in xiliga dhow uu qorshuhu yahay in Caasimaddu ay yeelato goobo ay biyuhu isaga gudbaan, maadaama dayactiro lagu sameeyo goobo badan oo saldhigan jireen biyuhu. “Magaalada Muqdisho waa ay lahaan jirtay Tubooyin qaada biyaha roobka iyo tubooyin bixiya wasakhda (Sewage). Qaarkood wa shaqeeyaan hadda oo qeybo ka mid ah magaalada ayey biyha ka saaraan. Si walba ha ahaatee, xilli roobaad kasta waxaa magaalada Muqdisho soo gaara dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay, Jidadka waaweyn oo qaarkood burbura iyo nadaafadda deegaanka oo xumaata, waana taas midda aan rabno in waqtiga dhow xal loo helo”. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muhiimad gaar ah siinaya xal-u-helidda dhibaatada ay ku hayaan daadadka roobka ee burburiya waddooyinka iyo isku socodka magaalada. Waxuna maamulku qorshaynayaa in waqtiga dhow arrintaa xal loo helo si loo ilaaliya Fayo dhowrka Caasimadda. Munaasabadda xariga looga jarayay Biyo-qabadka Degmada Waaberi ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeennada Maaliyadda, Howllaha Guud , Guddoomiyaha Degmada Waaberi iyo masuuliyii kale. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – 12 tababariyaal ah oo laga soo xulay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa la siiyay tababar lagu kobcinayo aqoontooda iyo xirfadahooda kaasoo uu siinayo Ururka Midowga Yurub. Koorsadan oo loogu magic daray layli tababariyaasha islamarkaana socoatay 14 Isbuuc ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Isniintii lasoo dhaafay xerada Jeneraal Daghadaban ee magaaladda Muqdisho. Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dedaallada dib u dhiska iyo taayeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Tababarka waxaa kamid ahaa hogaaminta, xeeladaha militeriga, xakameynta xaaladaha degdega iyo dhowrida arrimaha xuquuqda aadanaha, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub. Midowga Yurub ayaa tan iyo 2010 tababar siinayay ciidamada dowladda Soomaaliya, oo hadda isku diyaarinaya in dhawaan ay mas’uuliyadda amniga dalka kala wareegaan AMISOM. View the full article
-
Bariire (SMN) – Ugu Yaraan 2 qof ayaa ku geeriyootay oo la sheegay in ay ahaayeen Darawal iyo Caawiyihiisii oo la socday Gaari Nuuca Homey-da loo yaqaanno ah oo uu haleelay Qarax Miino oo dhigay qiyaastii deegaan 1 Km u jira deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada DFS ay kala wareegeen Dagaalamayaasha Al Shabaab. Gaariga Qaraxu haleelay oo ku soo jeeday Magaalada muqdisho ayaa la sheegay in Khudrad uu ka soo qaaday deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada DFS oo haatan maamulaya gacan ku heynta deegaanka Bariire ee saacadihii la soo dhaafaay ay la wareegeen ayaa iyaguna lagu soo warramayaa in howlgallo xoogan ka wadaan halkaasi. Lama soo warin illaa iyo iminka cid lagu soo qab qabtay howlgalladaasi oo saraakiishu sheegeen in ay ku baadi goobayaan xubno ay ku sheegeen haraadiga Al Shabaab ee deegaankaasi sida ay hadalka u dhigeen saraakiil ka tirsan Ciidamada DFS ee la wareegay deegaankaas oo shabelle ay la xiriirtay. Xaaladda deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa degan iyadoona si tartiib tartiib ay u soo noqonayaan dhaqdhaqaaqyadii deegaankaasi kadib markii shalay ay isaga barakaceen shacabkii degenaa halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay meel mariyeen Hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Ujeedooyinka sharciga doorashooyinka qaranka ayaa ah in lagu maamul doorashooyinka golayaasha sharci dejinta iyo madaxwaynaha jamhuuriyadda, laguna hir gelinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka maran cabsi gelin iyo ceeb oo dhan, loona maamulay si madax bannaan, dhex-dhexaad ah, sugan, hufan oo isla xisaabgan leh kuna salaynsan hab-raac sharci oo dhaqan gal ah, in uu cadeeyo awoodda iyo waajibaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo in lagu qeexo laguna tilmaamo nidaamka doorashooyinka dalka. Hindise Sharciyeedka ay maanta xukuumaddu meel marisay ayaa loo gudbinayaa golaha sharci dejinta dalka si ay u ansixyaan. Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu meel mariyay sharciga xisbiyada siyaasadda dalka oo dib-u-eegis lagu sameeyay. Ansixinta Hindise Sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyo sharciga xisbiyada siyaasadda dalka ee dib-u-eegista lagu sameeyay ayaa qeyb ka ah halbeegyada Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ee lagu guuleystay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-020519.mp3 View the full article
-
March 29, 2017-kii, golaha shacabka BF ayaa ansixiyey xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, isaga oo maalinkaas qeybiyey buug ka kooban 9 qodob, si barnaamijkaas loo fuliyo waxay allifeen tubo illaa 4 ah: tubta siyaasadda loo dhan yahay, tubta amniga iyo caddaaladda, tubta dhaqaalaha iyo kobcinta maalka iyo tubta horumarinta arrimaha bulshada, waxaa laga sii dhex saaray illaa 285 halbeeg oo mid waliba shaqo wadato, si isla xisaabtanka, qiimeynta iyo tijaabada fashilkeeda aan Kheyrre loogu raacan, waxaa uu qorshaha u qeybiyey 26 wasaaradood, 9 hey’adood, 4 ciidanka amniga ah, 5 dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, xafiiska madaxweynaha iyo xafiiska ra’iisul-wasaaraha! Mar ra’iisul-wasaare Xasan la weyddiiyay wax qabadka xukuumadda nabad iyo nolol waxaa uu tilmaamay dhismaha xafiiska ra’iisul-wasaaraha, dejinta tubaha, diiwaan-gelinta ciidanka xoogga, curinta sharciyo, dib u habeynta dakhli aruurinta oo ay wasaaradda maaliyadda kaliya sameyso dakhli qabashada, dowladda dhexe gobolka Banaadir oo kaliya ayay canshuurta ka aruurisa. Haddaba, 2 sano kaddib, waxaa imtixaanaynaaa bal inuu fulay barnaamijkii xukuumadda nabad iyo nolol iyo in kale, innaga oo inta ugu muhiimsan dul istaagi-doonna. Gurmadka Abaaraha: Abaarta waa dhibaato joogta ah, abaarta iyo waxyeelladeedu waxay halis ku yihiin jiritaanka deegaanka, duunyada iyo nolosha, sannadkan 2019-ka waxaa ay nafaqo darro soo wejihi-doontaa 1.2m, barakaca waa 2.6m, oo gar-gaar degdeg ah u baahan yihiin 1.5m, cunto-yariyada waa 4.9m. Wasaaradda gargaarka tan iyo markii la dhisay ma sal-dhigan oo waxaa ka jirtay fowdo xagga maamulka ah, Dr. Maryan Qaasim ayaa ka tagtay iyada oo 7 bil joogta, qoraal barteeda Tweeterka ay soo dhigtey 15-ka November 2017, waxaa ay ku sheegtay “duruufo aniga khaas ii ah”, laakiin Dr. Maryan oo wareysi gaar ah siisay idaacadda Goobjoog ayaa tiri “department dhisan ama wasaarad ha ahaato waan ka shaqeyn karaa, laakiin shaqada markii ay isbarbaryaac tahay wax walbo isku qasan yihiin, waxba kala baxsaneyn madax wareer badan ayaa laga qaadayaa”. Muddadaas kaddib 7 bil wasaaradda waxaa ay ahayd wasiir la’aan, waxaa la eedeeyey Maxamed Cumar Macallin oo ahaa xoghayihii guud ee wasaaradda, waxaa kale oo xabsiga la dhigay agaasimihii waaxda dib u dejinta barakacayaasha ee wasaaraddan. Waxaa kale oo ay xukuumadda ku guul-darreysatay dejinta qorsheyaal cadcad oo looga tabaabusheysto abaaraha soo laalaabanaya, isla-markaana loo yareeyo nuglaashaha shacabka si looga hortago waxyeellada abaarta. Caddaaladda: Barnaamijka Xukuumadda nabad iyo nolol waxaa ku jiray inay ka go’an tahay soo-af-jarka dulmiga iyo tacaddiyada iyada oo ballanqaadday dhismaha nidaamka garsoorka, 2 sano kaddib dastuurkii waa qabyo, 6-da xubin ee dowlad goboleedyada lama meelmarin, weli lama dhisin golaha adeegga garsoorka, maxkamaddii dastuuriga ahayd oo baahi weyn loo qabo, meel laguma sheego sharcigii la-dagaallanka musuqa iyo guddiyada kale ee dastuuriga ah oo dhimman si loo helo adeeg caddaalad ah oo xor ah iyo baahinta adeegga hay’adaha garsoorka. Banaadir 3 degmo ayaan lahayn maxkamad, Shabeellada dhexe Jowhar marka laga reebo waa maxkamad la’aan, tusaale ahaan Balcad, Warshiikh, Cadale, Buulo-Xawaadley iyo Mahaddaay oo 1960-kii maxkamado lahaa aanay hadda lahayn, Shabeellada hoose wixii dacwo ah gobolkan Banaadir ayey la soo aadaan, Hiiraanna Buulo-burde, Jala-laqsi, Maxaas iyo Matabaan wax garsoor ah ma leh. Galmudug waa dowlad goboleed aan lahayn nidaam caddaalad, Jubbaland Kismaayo marka laga reebo wax maxkamad ah iyo xabsi midna kama jiraan labada gobol ee Jubbada dhexe iyo Gedo. Amniga: May 11, 2017, xukuumadda Khayre waxaa ay meelmarisay qorshaha xasilinta Banaadir, waxaa la sheegay in dowladda ay hawl-gelisay 1500 oo askari. Isla bishaas shir London ka dhacay waxaa la ogolaaday 22,000 Militari ah iyo 32, 000 booliis ah. Ciidamada hore sannad iyo bar kaddib waa la kala diray kaddib markii ay Muqdisho ka dhaceen dhacdooyin amni daro oo soo noqnoqday. 2017: In ka badan 1,700 ayaa Muqdisho keliya ku dhimatay, meelaha toos loo weeraray waxaa ku jiray: Hotel Dayax, Baar Italiano , Pizza House iyo Posh, Kaawo-godey, Warshaddii Nacnaca, Golaha Murtida & Maddadaalada, Kulliyadda Jaalle Siyaad, xarunta degmada Wadajir, wasaaradaha ciyaaraha iyo amniga, Saldhigga Waaberi, xabsiga dhexe ee Xamar, Zoobe, Naasa Hablood 2 iyo xarunta tababarka ee General Kaahiye. 2018: 200 wax ka yar oo hoos u dhac ah ayaa jirtay tirada dilalka sannadkii ka horreeyey, qaraxyada waaweyn waxay noqdeen 13 halka 2017 ay ahaayeen 24 qarax, meelaha ay qaraxyada ka dhaceen waxaa ka mid ah KM0, albaabka madaxtooyada, hotelka Weheliye, Isgoyska Sayidka, Wasaaraddaha Amniga & Arrimaha gudaha, Somali cafe, Xarunta Degmada Hawlwadaag, xarunta degmada Hodan, hotel Saxafi iyo Kaawo-godey. 2019: Tan iyo horraantii sannadkan waxaa Muqdisho keliya lagu dilay in ka badan 563 qof, waxaana soo batay qaraxa dhajiska ah, meelaha qaraxyo toos ah ka dhaceen waxaa ka mid ahaa: Daljirka Dahsoon, Makah Almukaramah, Mogadishu Mall iyo gobolka Banaadir, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, xaawo taako, Golaha Murtida & Maddadaalada, dugsiga sare ee booliska, iyo Isgoyska Jubba. Intaasi oo khasaaro ah waxaa ay Muqdisho ka dhaceen iyada oo ay magaalada gudaheeda joogaan: 7,000-10,000 oo militari ah, 6,000-9,000 oo booliis ah, 4,000 oo NISA ah iyo 3,500 oo asluub ah. Intii ay joogtay xukuumadda Kheyrre ama 2-badii sano, waxaa tagtay 3 taliye sirdoon ( C/llaahi Gaafow Maxamuud, C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xuseen Cusmaan Xuseen), waxaa jooga taliyihii 4aad ee xoogga dalka( General Maxamed Aadan Axmed (Buud), Gen, Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, S/Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) iyo Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), waxaa jooga oo kale booliiska taliyihii 4aad( Gen. Sheekh Xasan Xaamud, Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid, Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Bashiir Cabdi Maxamed halka abaanduulaha xoogga dalka iyo asluubta ay la joogaan mid weliba kii 3aad. Waxaa kale oo ka tagay ama la ceyriyey 22 wasiir, oo uu ugu dambeeyey wasiirka warfaafinta Daahir Geelle. Dhaqaalaha: Buug uu Kheyrre xildhibaannada u qeybiyey waxaa ku jiray himilada xukuumadda oo ah dabargoynta saboolnimada iyada oo loo marayo kobcinta dhaqaalaha, wax-soo-saarka, tacliinta caafimaadka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka sida: Xoojinta canshuura .Dib-u-hanashada hantida dalka. Dib –u-soo-nooleynta Shilinka Soomaaliga. Wasaaradda maaliyadda oo ka mid ah kuwa ugu shaqada badan xukuumadda Kheyrre waxay xoogga saartay deyn cafinta, iyo aruurinta dhaqliga gudaha, walow marar badan xoog ay soo saartay ay shaki abuurtay, bangiga dhexe ma soo saaro lacag, ma hubiyo negaanshaha ascaarta ama negaanshaha heerka sarrifka, canshuur kama qaadaan shirkadaha Telefoonnada, Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka ah. Ra’iisul wasaare Kheyrre iyo wasiirkiisa maaliyadda ayaa sheegay in ay xilka la wareegeen qasnadda dowladda oo maran, laakiin wasiirkii maaliyadda Maxamed Aden Fargeeti ayaa sheegay “Markii aan xilka wareejinayay, in ka badan 5-milyan oo dollar ayaa Qasnadda dowladda ku jirtay”, waxaa kale uu Fargeeti beeniyey magta deynta 100m ee Kheyrre sheegay isaga oo xaqiiyey iney 54m oo deyn ah ka tageen, waxaase uu raaciyay in ay jirtay lacag deyn ah oo aan la hubin oo baaris ku socotay. Marka loo noqdo miisaaniyadda sanad la ah ee xukuummadda qorsheynta bixinta deynta gudaha ama gashbaxa waa sida tan:- 2017 (7.8 milyan), 2018 (1.5 milyan), 2019 (1.5 milyan). Ra’iisul wasaare Xasan Kheyrre iyo xukuumaddiisa waxay ku faaneen koboca dhaqaalaha ee dalka, waxaase xusid mudan in labadii sano ee la soo dhaafay uu kobaca ka hooseeyey 2016-kii oo sannadkaan waxaa uu GDP ahaa 4.4, laakiin 2-badii sano uu joogay hoos ayuu u dhacay oo wuxuu gaaray 2017(2.3) iyo 2018(3.1)! Deyn Cafinta waxaa hay’adda lacagta adduunka IMF soo celiyey oo la galay heshiiskii Article IV oo suurtogeliyey inay IMF Soomaaliya ka saxeexato heshiisyadii SMP waa dowladdii Xasan Sheekh. Dhanka canshuuraha, Ganacsatada waxaa ay dowladda iyo gobolka Banaadir ku eedeeyeen in ay ka baxeen ballan lagu galay dhismaha waddooyinka gobolka Banaadir oo ahaa sidan: Wasaaradda Maaliyadda: 25%, Maamulka Banaadir: 25% iyo ganacsatada gobolka Banaadir oo 50% ah.. Inkasta oo ra’iisul wasaare Kheyrre sheegay in wax mushaar ah aan lagu lahayn haddana madaxweyne Farmaajo ayaa qirtay in 3 bil aaney bixin mushaaraadka ciidanka, waxaa intaas dheer tiro intaas la’eg ayey lacagtii mushaarka ahayd ka maqan tahay shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee dowladda oo ay ku jiraan kuwa xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. La-dagaallanka Musuqa: Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa kaalinta ugu hooseysa dalalka musuqa adduunka, Inkasta oo xukuumadda Kheyrre ay sheegto la dirirka musuqa haddana baaris ay sameeyeen guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka waxaa lagu ogaaday in wasaaradda maaliyadda ay si aan sharci ahayn ku aruurisay lacago loona bixiyay, lacagahaas Waxaa laga soo aruuriyey shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada gaarka ah, waxaa kale oo wasaaradda maaliyadda lagu la’yahay lacag 20 Milyan ah oo Sacuudigu bixiyey iyo lacag curraar ah dhan $3 Malyan ah oo si aan waafaqsanayn sharciga kala wareejinta loo adeegsday, waxaana loo isticmaalay si aan waafaqsanayn Qaraarkii Miisaaniyadda 2018 uu golahu ku ansixiyey, waxaa sidoo kale aan jirin sharciyada hanti-dhowrka, xisaabiyaha guud iyo hey’adda la-dagaallanka musuqa. Sida uu sheegay Senator Faroole lacago ay dowladda ku bixisay beddeliddii maamulka Koofur Galbeed iyo Puntland haddana ay ku bixineyso Jubbaland, iyadoo horay ay u jirtay eedeymo ay dadweynaha sida iney jiraan lacago lagu bixiyey ridistii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Jawaari iyo biilal lagu bixiyo dad kataageera dowladda baraha bulshada. QOF IYO COD 2020: Himilada Xukuumadda; Hirgelinta hannaanka doorashada ee qof iyo cod sannadka 2020 si loo gaaro dimuquraaddiyad ku saleysan rabitaanka iyo awoodda doorasho ee shacabka Soomaaliyeed. 2 sano kaddib, lama dhammeystirin Dib u eegista dastuurka, oo lagu ogaan lahaa nooca Doorashada madaxweynaha ama mid baarlamaani ah mise shacab, qeexidda doorashada labada aqal, xadeynta xudduudaha doorashooyin, qof codeyn kara iyo mid aan codeyn karin, tirada kuraasta baarlamaanka, kala codeynta xisbiyada heer qaran iyo maamul goboleed iyo iswaafajinta shuruucda doorashada heer maamul goboleed iyo heer qaran. 2 sano kaddib, lama haayo sharciga doorashooyinka, sharciga diiwaan-gelinta shacabka iyo murashaxiinta, Sharciga muwaaddinka, , sharciga xudduudaha iyo Sharciga Dhismaha Guddiga la dagaallanka Musuqa, waxaa kale oo dhibaato ka jirtaa shaqaalaha doorashada, amniga iyo rabitaan siyaasadeed. DOWLAD WANAAGGA: Himilada Xukuumadda; Gaaridda dowlad wanaag iyo daahfurnaan ku saleysan hufnaan, taasina lama tijaabin. DIB-U-HESHIISIIN: Himilada Xukuumadda; soo afjaridda colaadaha, xukuumadda nabad iyo nolol waxay ay qabatay shir dib-u heshiisiin kaa oo aan weli la soo bandhigin mira dhalkiisa, weli waxaa socda dagaallo sokeeye, dowladda waxaa lagu dhaliilaa iney la dagaashay dowlad goboleedyadii. Ugu dambeyntii, sida ay sheegtay xogta waxaa jira fashil dhanka fulinta barnaamijka xukuumadda nabad iyo nolol labadii sano ee la soo dhaafay, haddiise aan la helin heshiis dhex-mara saamileyda siyaasadda Soomaaliya waxay noqoneysaa labada sano ee harsan “Dhado Roob Noqon weyday”! Waxaa diyaariyey Idaacadda Goobjoog
-
Some 1.7 million people in Somalia are expected to face crisis and emergency levels of food insecurity until June, following a second consecutive failed rainy season that has led to livestock losses and widespread crop failure, said the United Nations on Wednesday. Malnutrition rates are rapidly escalating due to the drought conditions and 954,000 children are anticipated to be acutely malnourished, said Stephane Dujarric, spokesman for UN Secretary-General Antonio Guterres. The UN humanitarian country team is preparing a drought response plan to address food gaps in the most severely affected areas and to prepare for substantial increases in needs between May and October, the spokesman told a regular press briefing. So far, Somalia’s 2019 humanitarian response plan, which is seeking 1.08 billion U.S. dollars, is only 19 percent funded. Insufficient funding has led to the scaling back of water, sanitation and hygiene activities despite serious water shortages across the country, he said. View the full article
-
European Union has trained twelve instructors drawn from Somali National Army (SNA) in order to boost the skills of the Somali army. The 6th Train-the-Trainers course to be delivered by the European Union Training Mission Somalia (EUTM-S) has been concluded on Monday, according to the statement by EU training mission. The mission said the EUTM-S Train-the-Trainers course aims to build a cadre of SNA instructors who will be able to gradually create a self-sustaining, independent and indigenous training capability in the SNA. According to the statement, the mission held a closing ceremony at General Daghadaban Training Centre (GDTC) in Mogadishu. The mission said the instructor underwent 14 weeks of challenging training. The course includes modules covering leadership, military tactics, crowd control, instructional techniques and human rights. 12 new Somali National Army (SNA) instructors qualified and now stand ready to deliver basic military training to other SNA troops. A number of dignitaries joined EUTM-S Mission Force Commander Brigadier General Matteo Spreafico for the ceremony, including the SNA Chief of the Staff Major General Abdi Assan Mohamed, SNA GDTC Commander Brigadier General Mohamed Mohamud Saney, and Deputy Land Force Commander Abdi Abdullahi Shere. EUTM-S was established in 2010 and works in partnership with the SNA and the Ministry of Defence to build the capacity of Somali defence institutions, using a ‘Three Pillar Approach’ of Training, Advising and Mentoring. View the full article
-
Popular Contributors