-
Content Count
208,345 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gudoomiye Ciro Oo Hadhimo-Sharafeed ku maamusay Cali Khaliif & Prof.Axmed Ismaciil Samatar + Sawiro Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI wuxu Hadhimo-sharafeed u sameeyey Prof.Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeydh. Kulankan oo madaxda Xisbigu ka soo qeyb-gashay ayey kaga wada-hadleen xaaladda dalka iyaga oo isla soo hadal qaadey helidda Somaliland la wada leeyahay oo labada dhinacba sheegeen in ay tahay midda Somaliland ku badbaadeyso. Qaran News
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Daahfurka tartanka Qandaraaslayda raashinka Ciidamada Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiiro Dowlaha Maaliyadda ahna ku-simaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiir ku xigeenka maaliyadda, Agaasimeyaasha guud wasaaradaha Maaliyada iyo Gaashaandhiga, saraakiil ciidan iyo guddi ka shaqeynaya kala saarirada shirkadaha u tartamaya, waxaana lagu qabtay xarunta wasaaradda Maaliyadda. Diiwaan gelinta shirkadahaan ayaa loo maray hab daah furan sida uu sheegay Wasiiru dowlaha Maaliyadda Soomaaliya ahna ku simaha wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, waxaana ujeedkiisu yahay tartankaan in lagu xaqiijiyo daah furnaanta iyo tayada adeega la qabanayo. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa waxa uu soo dhaweeyay in qandaraasyadaan oo qaranka muhiim u ah loogu tartamo si furan. U tartamida qandaraasyada iyo howlaha kale ee qaranka ayaa hoggaamin karta xoojinta kalsoonida bulshada iyo hufnaanta howlaha ay qabanayaan shirkadaha ama shaqsiyaadka ku soo baxo si siman oo caddaalad ku dhisan.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ay weheliyaan xubno qoyskiisa ah ayaa hebeen saddexaad guure kaga soo baxay Magaalada Boorama, kadib markii uu maqlay dilka loo geystay laba sarkaal oo ciidanka Qaranka ka tirsan ee kasoo jeeday Awdal, kuwaas oo ay dablay hubaysin ku disshay Degeeno ku dhow degmada Yagoori. Badhasaabka Awdal oo isagu kasoo jeeda deeganada lagu laayey labadaa sarkaal ayaa la sheegay in ay sababaha uu uga soo boqoolay ay tahay cabsi soo wajahday, waxaana ka sheegay inuu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa ilaa haddda . Siyaasi Cabdinaasi Buuni oo ka hadlay arrintaasi ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn , waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan: “Waxa ayaan darro ah Badhasaabkii gobolka Awdal markuu maqlay dhac-dadaasi foosha xun ee dhacday inuu isaguna gobolkii kasoo anba baxo waa su’aal is weydiin leh waa su’aal masuuliyad daradeeda leh , ayuu matelayey Qaran ayuu matelayey, Qaran ayey u dhinteen ragga la laayey isna qaran ayuu matelayaa gobol Somaliland ah oo kamid ah goboladii ugu Taariikhda wanaagsanayd ayuu Badhasaab nasiib wanaagiisa ka ahaa waxa la gudboonay inuu bulshadii iyo ehelkii laga tegay ee soo yaacay markii ay maqleen waalidadoodii in lagu laayeye cid ladaasi Bariga Taliyayaashii intuu soo abaabuluu soo qaaduu gawaadhi kusoo kaxeeyo Madaxweynihii Qaranka u muukeeni oo muu odhanin waa kan dadkii eheladii ee Madaxweyne ka tacsiyadee , gobolkii kumuu noqon oo bulshadii iyo fariin umuudirin ilayn waa xidhiidhiyihii Dowladii iyo gobolkii , halkan ayuu ku soo nastay oo uu yimi , waxaasi masuuliyad mahaa Madaxweyne .” Dhanka kalene Siyaasi Buuni ayaa tusaale usoo qaatay sidii ay Dowladii hore u mareeyeen mashaqooyin kala duwan oo dhacay,isagoo sidoo kalene soo qaatay dhac-dii gobolka Awdal iyo Ex Badhasaab Ramaax “Waxa lagu yaqanaa Madaxweyne Xukuumaddii kaa horeeyey oo Xukuumaddii Riyaale ay kamid ahayd dhac-dooyinkii foosha xumaa ee ka dhacay wadada sidii Dowlad-nimada lahayd ee ay Dowladuna uga waajibaad qaadatay , shacbiguna ay u hoggaansameen , dhacdo taas lamid ah ayaa jirtay oo badhasaabkii Awda Ramaax lagu soo weeraray gurigiisii lagu dilay laba askari iyadoo maydkoodu yaalo ayuu subaxnumadii shaqo tegay .” Geesta Kalene Siyaasi Cabdinaasi Buuni ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu xilka ka qaado Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali , isagoo ku eedeeyey inuu dayacay masuuliyadii uu Qaranka u yahay “Waxaanu Madaxweyneha leenahay ninka masuuliyda daradaa sameeyey talaabo deg deg ah ayaa Madaxeeyne lagaaga baahan-yahay in aad ka qaado maanta Masuulka gobolka Awdal kuu matalayey ee ahayd adiga iyo shacbigaa inuu biriishkii isku kiin xidhayey ahaa ee nabad gelyada ka turjumayey ee astaanta Qaranka ahaa inuu halkan kusoo nasto saddex cisho ka hor markii uu dhac-dada maqlay, taasi masuuliyada maaha .” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa qaadacay oo ka hor yimid qaabka loo meel mariyay Ansixinta Xeerka Doorashooyinka oo ay meel mariyeen shalay Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya. Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Madaxda Sare dalka ku eedeeyay in ay si bareer ah ugu tunteen Dastuurka ayna isku garyeeleen go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah ee dalka sida dhameystirka dastuurka qabyada ah, Qaabeynta howlaha doorashooyinka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka dalka, iyo xasilinta Amniga dalka. Hoos ka aqriso Puntland Post The post Gal-Mudug oo ka hortimid ansixinta xeerka doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxa uu ka hadlay kulan ay shalay si wada-jir ah u yeeshen labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland. Gudoomiye Ciro ayaa bogaadiyey xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka oo saaka iskugu yimid fadhi wada-jir ah isla markaana diiday xaaladii deg-deg aheyd ee uu soo rogay Madaxweyne Muuse Biixi. Ciro oo warbaahinta kula hadlayey gudaha Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “Waxaan saxaafada u horyimid inaan bogaadiyo baarlamaanka Somaliland, Labadiisa aqalba Golaha guurtida iyo golaha wakiilada oo qaatay talaabo taariikhiya, talaabadaas oo ah inay diideen inay ansixiyaan xukunkii Militeri ama xukunkii deg-dega ahaa ee lagu soo rogayey Gobolka Sanaag”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xukunkaa deg-degii kuma koobnaaden Gobolka Sanaag waxa ku xigi lahaa gobolada kale, Awdal baa ku xigi laheyd, markaa inaad shacbiga la dareen noqoteen waan idinku bogaadinayaa, waxaad u hiilisen guud ahaanba dadkii ku noola gobolka Sanaag, degmooyinkiisa lagu soo rogayey xukunka Militeri ee kala ahaa Gar-Adag, Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo”. Ugu dambeyntiina, Gudoomiye Ciro ayaa waxa uu baaqyo kala duwan u jeediyey Xukuumada Muuse Biixi, Shacabka iyo Ciidamada Somaliland, wuxuuna yiri: “Waxaan xukuumada uga digeynaa inay isku deydo xukun Militeri o aan goleyaashu xalaaleyn oo aan sharci aheyn inay shacbiga ku fuliso, waxa kale oo dhamaan shacbiga reer somaliland gobol kasta oo ay jooganba ugu baaqeyna inay ilaashadan xasiloonidooda iyo nabad-galyadooda. Ciidamada Somaliland waxan ugu baaqeyna inay sharciga u hogaansamaan, inay shacbigooga u tudhaan iyo inay ka fogaadan talaabo kasta xasilooni daro iyo amni daro ka dhalin karta dalka”. Si kastaba, Hadalkan Gudoomiye Ciro ayaa kusoo beegmaya xili u fadhigii labada gole ee barlamaanka Somaliland uu ka dhashay buuq, taasi oo sababtay in aanu Gudoomiyaha golaha wakiiladu ku dhawaaqin natiijada rasmiga ah ee codeyntaas, kaasi oo fadhigaasi kusoo dhamaaday natiijo la’aan iyada oo loo balamay kulan kale maalinta Sabtida. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
CANBAARAYN XADHIGA Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada heer qaran ee Xisbiga Waddani Aniga oo ka shidaal-qaadanaaya xeerarka Caalamiga ah ee Xaquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ee dhaqan galay sanadkii 10.12. 1948 gaar ahaan qodobada 1,2,3,5,7,9,10,11,13 faqradaha 1 & 2; sidoo kale qodobada 18,19, iyo 20. Iniga oo ka duulaya Axdiga Xuquuqda Aadamaha dadyowga Midowga Afrika ee dhaqan galay 21.10.1986, gaar ahaan qodoboda 2,3,4,5,6,7,8,9,10,11, 12. Inigoo isna tixraacaya Axdiga Xuquuqda Aadamaha ee Midowga Yurub ee dhaqan galay 1.6.2010, gaar ahaa qodobadiisa 3,5, 6-faqradaha1,2,3 xarfaha A,b,c, d & e, qodobka 7-aad faqradaha 1 & 2; qodobka 9-aad faqradaha 1&2; qodobka 10-aad faqradaha 1&2; qodobka 11-aad faqradaha 1& 2. Aniga si gaar ah u qaderinaaya sida uu qeexayo Dastuurka Jamjuuriyadda Somaliland, Cutubkiisa Seddexaad qodobada 21-aad iyo 36-aad ee tilmaamaya Xuquuqda iyo Waajibaadka Muwaadinka ee lama taab taanka ah. Dhammaan qodobada kor ku xusan ee ay kow ka yahiin Xeerarka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay, Axdiga Xuquuqda Aadamaha ee Dadyowga Midowga Afrika, Axdiga Xuquuqda Aadamaha Midowga Yurub, iyo qodobada 21-36 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland waxay gebi ahaantood sid cad u qeexayaan xasaanada iyo xuquuda Bani-aadamka. Xuquuqda Aadamaha ayaa u qaybsan laba qaybood oo kala ah: 1- Mid Ilaahay aadamaha gaar u siiyey sida ku noolaanshaha xornimada iyo nabadgelya shakhsiga 2- Qayb ka dhalatay horumarka iyo ilbaxnimada uu aadamuhu horseedka ka yahay sida: Xoriyadda hadalka Cabdiridda Xoriyadda fikirka Xoriyadda dhaqdhaqaaqa Xoriyadda Caqiida ama diinta Xoriyadda ka mid noqoshada ururada siyaasadeed, ganacsi, aqooneed, xirfadeed iwm Xoriyadda ka qaybgalka ururada horumarinta bulshada Xoriyadda cod-bixinta oo shakhsiga la doorankaro isna wax dooran karo. Waxaa dhamaan xeerarkan aan kor ku sheegay ka wada digayaan in aan sinaba qofka Bani aaadamka ah loogula dhaqmi karin sifo ka baxsan xeerarka caalamiga iyo shuruucda Dastuurka qaranka. haddii aan maxkamad sharci ah horteeda loogu cadeyn fal-dambiyeed uu ciqaab iyo xadhig ku mutaysan karo. Sidaa marka xaalku yahay waxa qawaaniinta caalamka ka reeban in lagu xad-gudbo xuquuqda shakhsiga taas oo ay xaaraan tahay in aan awood dowladeed iyo mid ciidan, aan qofna xoriyadiisa looga xayuubin karin, xabsina loogu ridi karin gaar ahaan Gudoomiye xisbi qaran oo xasaanadiisa wata oo aan la qaban isaga oo denbi faraha kula jira. Waxaa xukuumadda cod dheer loogu sheegayaa in Gudoomiye Moxamed dhame xoriyadiisa si deg deg ah ugu soo celiso. Sida xukuumadda talada haysaa jejceshahay Xisbiyada mucaaridka laguma sandulayn karo. Waxaanu maanta magaca muwaadinka u gudbinay dhamaan haydaha udooda xuquuqul insaanka ee wadanka ingiriiska ka hawlgala ku waas su’aalo ka waydiin doona Xadhigiisa Xukuumada dhawaan. waxaana ka mid ah hayadahaas kuwan hoose: 1- Amnesty International. … 2-Bail for Immigration Detainees. … 3-Campaign for Freedom of Information. … 4-Charter 88. … 5-Electronic Frontier Foundation. … 6-European Human Rights Centre (EHRC) … 7-Human Rights Watch. … 8- Islamic Human Rights Commission Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
-
Shares A (blue) H9 T cell infected with the (yellow) human immunodeficiency virus An end to the Aids epidemic could be in sight after a landmark study found men whose HIV infection was fully suppressed by antiretroviral drugs had no chance of infecting their partner. The success of the medicine means that if everyone with HIV were fully treated, there would be no further infections. Among nearly 1,000 male couples across Europe where one partner with HIV was receiving treatment to suppress the virus, there were no cases of transmission of the infection to the HIV-negative partner during sex without a condom. Although 15 men were infected with HIV during the eight-year study, DNA testing proved that was through sex with someone other than their partner who was not on treatment. Tests on London patient offer hope of HIV ‘cure’ “It’s brilliant – fantastic. This very much puts this issue to bed,” said Prof Alison Rodgers from University College London, the co-leader of the paper published in the Lancet medical journal. Earlier studies have also shown the treatment protects heterosexual couples where one partner has HIV. She added: “Our findings provide conclusive evidence for gay men that the risk of HIV transmission with suppressive ART [antiretroviral therapy] is zero. Our findings support the message of the international U=U campaign that an undetectable viral load makes HIV untransmittable. “This powerful message can help end the HIV pandemic by preventing HIV transmission, and tackling the stigma and discrimination that many people with HIV face. “Increased efforts must now focus on wider dissemination of this powerful message and ensuring that all HIV-positive people have access to testing, effective treatment, adherence support and linkage to care to help maintain an undetectable viral load.” Click here to read moreEnd to Aids in sight as huge study finds drugs stop HIV transmission | Aids and HIV | The Guardian Qaran News
-
Martial law will never be successful in the eastern parts of Somaliland because of the current SLD decree which is not based on legal basis. Somaliland would rather stay mutually together or break apart like the rest of the Somali states into clans if aggression by the central government continues against both the eastern and the western parts of the country. After all Somaliland is a coalition of clans and if one clan tries to assert its wealthier regional power on another, then the other partners will protest and rise up against any injustice. The recent incident where two Somaliland military offices were murdered by locals from Garadag doesn’t justify the decree of the Somaliland president. The officers were murdered in Oog which comes under SOOL region. Worst of all is that the SLD Houses of Parliament voted against the martial law imposed on Sanaag and yet the speaker of the parliament refused the yes vote of 39 against the rest of the 109 members . The speaker requested for repeating the vote, later closed the session and left the parliament building calling for another voting session on Saturday the 4rth of May 2019. There had always been accusations of Kulmiye party bribing the parliament members to gain support in its parliament motions for political or economic gains. Some had confirmed to me that they have received $15,000 to vote for the Berbera DPWorld (UAE) permission to operate the port which was popularly opposed by the Somaliland public. The coming Saturday vote could be rigged like before, but it could divide the nation. Both the UAE military base or the revenues from Berbera Port DPWorld operations could be futile if used against the people of Sanaag and Awadal. Medeshi Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si weyn uga hor-yimid xeerka doorashooyinka dalka oo ay maanta meel-mariyeen golaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay, wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in Puntland ay si cad uga horjeeddo, ansixinta xeerka doorashooyinka dalka ay meel-mariyeen golaha xukuumadda Soomaaliya, maadaama sida ay Puntland sheegtay aan laga heshiin. Sidoo kale, war-saxaafadeedka waxaa lagu caddeeyay in Puntland ka soo horjeeddo , diyaarinta iyo wax ka beddelka xeerka batroolka dalka oo xukuumadda Federaalka wax ka beddel ku samaysay iyadoo aan laga wada-tashan , sida ay Puntland sheegtay. Dowladda Puntland ayaa uga digtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay isku gaar yeesho, talada iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka, sida geeddi-socodka iyo dhammaystirka Dastuurka, hannaanka xasilinta iyo amniga dalka, qeybsiga awoodaha& khayraadka iyo habka doorashooyinka. Puntland waxay sheegtay in haddii aan qodobadaasi la tix-gelin ay ka dhalan doonto, kala fogaansho iyo khilaaf keeni kara dib u dhac ku yimaada dhammaystirka geeddi-socodka dhismaha dowlad Federaal ah oo la isla ogolyahay. Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka
-
Dowladda Puntland ayaa si cad u diidday, xeerka lagu sheegay kan doorashooyinka dalka oo ay maanta meel-mariyeen golaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay, wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in Puntland ay si cad uga horjeeddo, ansixinta xeerka doorashooyinka dalka ay meel-mariyeen golaha xukuumadda Soomaaliya, maadaama sida ay Puntland sheegtay aan laga heshiin. Sidoo kale, war-saxaafadeedka waxaa lagu caddeeyay in Puntland ka soo horjeeddo , diyaarinta iyo wax ka beddelka xeerka batroolka dalka oo xukuumadda Federaalka wax ka beddel ku samaysay iyadoo aan laga wada-tashan , sida ay Puntland sheegtay. Dowladda Puntland ayaa uga digtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay isku gaar yeesho, talada iyo go’aannada masiiriga ah ee dalka, sida geeddi-socodka iyo dhammaystirka Dastuurka, hannaanka xasilinta iyo amniga dalka, qeybsiga awoodaha& khayraadka iyo habka doorashooyinka. Puntland waxay sheegtay in haddii aan qodobadaasi la tix-gelin ay ka dhalan doonto, kala fogaansho iyo khilaaf keeni kara dib u dhac ku yimaada dhammaystirka geeddi-socodka dhismaha dowlad Federaal ah oo la isla ogolyahay. Halkan ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka hortimid xeerka lagu sheegay kan doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Maanta aniga iyo wiil aan shaqo wadaag nahay (Camera Man) oo hor mareyna illinka hore ee Villa Somalia, kana nimid jihada Zayidka, ayaa la kulannay dhacdo maankenna gali weysay, aadna noo xanuujisay. Waxey aheyd xilli aan shaqo ka nimid, waxaan saarneen gaari, ciidanka ayaa nagu wargeliyay in jidku xiranyahay mar aan foodda kusii heyno Zayidka, gaariga inta iska fasaxnay ayaan lugaheenna isticmaalnay si aan u gaarno goobteenna shaqada. Xilligu waxuu ahaa mid kulul oo saacadda ayaa kusii siqeysay 12:30Pm (Duhurnimo), mar aan kusii dhownahay illinka hore ee Villa Somalia waxay dhagaheenna mar qura maqleen sawaxanka Hooyooyin bannaan baxaya, goobta waxaa buuxay ciidan, markaa ku dhawaannay dibad bixii ayey hooyooyinka naga codsadeen in aan muqaal ka duubno, waxey noo sheegeen in ay yihiin Hooyooyin ay ka geeriyoodeen ciidamada xoogga oo heysta ilmo agoon ah muddo lix bil ahna aan mushaar qaadan. Aad ayaan u calool xumaaday, qaarkood illin ayaa kusoo istaageysay marka ay nala hadlayeen, qaar ayaa dhabarka ku sitay ilmo yar yar, cad-ceedda ayaana aheyd mid aad u kulul. Ayagoo warkii noo wado ayaa meesha waxaa soo maray madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, Hooyooyinkii ayaa isku gadaamay gaarigii madaxweynaha, ciidankii dhoobnaa goobta ayaa kusoo yaacay oo xoog uga hor-wareejiyay, sidaas ayuu ku gudbay waddadii. Anigoo aad ula fajacsan dhibka ay sheeganayaan hooyooyinkaan, qudheydana illin igusoo istaagtay ayey indhaheygu sii qabanayeen gawaaridii galbineysay madaxweyne Farmaajo oo sii mirqaya. Waxa kaliya aan u awoodnay waxey aheyd in Cameradda aan wadanay aan kaga duubno muuqaal muujinaya dareenkooda, codkeygana ku saacido, balse taa waxaa ka biya diiday ciidankii goobta joogay, waxaana ugu dambeyn naga qancay hooyooyinkii oo indhahooda ku arkay in aanan u meel mari karin codsigooda. Markaan tagay goobteydii shaqada salkana dhulka la helay ayaa mar qura ilmeeyay, anigoo soo xasuusanayay dhibka heystay hooyooyinkaas xambaarsanaa ilmaha agoonta ah, qofka kaliya ee wax u qaban karay ay masuuliyadda ka saarneedna uu hortooda ku dhaqaaqay. Waxaan go’aansaday in aan qoraal ku cabbiro dareenka goobta, sida ay wax u dhaceen, waxey indhaheygu qabteen iyo sida aan u caawin waayay hooyooyinkaas. Mudane madaxweyne masuuliyadda aad qaadday Aakhiro ayaa wax lagaa weydiin doonaa, falkaan aan maanta arkayna ma ahan mid dhiirrigelinaya ciidanka xoogga, agoonta isheydu qabaneysay ee qorraxda dhoobneedna cuqubadooda ilaaheey Soomaali uma qabto. W/Q: Farxiyo Muraad
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya sababihii keenay Iscasilaadda Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle waxaana Caasimada Online ay ogaatay in Iscasilaadda Wasiir Geelle ay sababeen 4 qodob oo waa wayn taas oo sababtay in Wasiirka shaqada ka tago. Caasimada Online ayaa ogaatay khilaafka Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu soo jiitamayay muddo dhowr bilood ah islamarkaana ay ugu adkeyd maalmihii ugu dambeeyay. Qodobada ugu waa wayn ee sababay Iscasilaadda Wasiirkii Warfaafinta Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ayaa lagu soo koobay qodobada kala ah. Muran ka dhashay talo soo jeedin uu shirka Golaha Wasiirada ka dhax sheegay Daahir Maxamuud Geelle, taas oo ay aheyd in Weerarka iyo Collaadinta laga joojiyo Maamul Gobaleedyada Soomaaliya dowladana ay dhawaysato tabashadoodana la dhameeyo. In caburinta iyo go’doominta laga qaado Siyaasiinta Mucaaradka ku ah Dowladda Soomaaliya lana siiyo fursad ay ku qabsadaan shirar maadaama dalka uu qaatay nidmaanka Axzaabta. Sidoo kale Geelle ayaa dalbaday in talooyinka doorashada ku saabsan laga qayb geliyo Xisbiyada iyo Maamul Gobaleedyada balse waxaa ka dhashay doodo kulul arintaasi. Amar ka soo baxay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo lagu faray Wasiir Geelle inuu xilka ka qaado Maareeyihii Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure kadib Markii Idaacaddiisa ay baahisay war aan sax aheyn Wasiir Geelle-ne uu diidanaa amarkaas uu ku tilmaamay mid aan sax aheyn. Wasiirka ayaa qabay aragti aheyd in Abwaan Guure uu iska wareejiyay Maamulka Idaacadda qaladna ay tahay in Xilka looga qaado war ay baahisay Idaacad uusan maamul ka aheyn balse lagu amray inuu fuliyo shaqadaasi. Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ayaa u arkay inuu galay qalad wayn hadii lagu amray Xil ka qaadista Abwaan Guure wax kalane ay imaan doonaan sidaas darteedna uusan sugin amar kale oo qalad ah ama uusan jecleysan. Sheekh Daahir Maxamuud Geelle oo ah Siyaasi aqoonyahaan ah ayaa la sheegay inuu yahay qunyar socod aan la jaan qaadi karin hogaanka Dowladda Soomaaliya ee maanta talada haaya islamarkaana ay ahayd wax la sii ogaa in uu mar uun iska casili doono hadii aan xilka laga qaadin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal dheer kaga hadlay Sharciga doorashooyinka qaranka oo golaha wasiirada ay meel mariyeen isaga oo soo bandhigay waxa sharciga ku qoran. Wuxuu sheegay in qodobada qaar ee ku jira sharcigaasi ay si cad u sheegayaan Shakiga ah in dib u dhac ku imaanayo doorashada soo socota, waxaana uu madaxda dalka u sheegay in looga baahan inay si cad u dalbadaan waqti kordhin, iyadoo aysan meelo kale soo marin. Qoraalkiisa ayaa u qornaa Sidan:- Qodobka 56aad ee sharciga doorashooyinka ee la sheegay in maanta Xukuumadu ansixiyey wuxuu ka hadlayaa Dib-u dhaca doorashooyinka, waxaana lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Baarlamaanka muddada loo kordhiyo, haddii ay doorashadu qabsoomi waydo. Qodobku wuxuu dhigayaa “Haddii ay suurtagali weydo doorashooyinka guud ee xubnaha baarlamaanka dalku in ay qabsoomaan duruufo adag oo jira awgeed, xubnaha Baarlamaanka xilka haya ayaa sii haynaya xilka Sharci-dajinta inta duruufahaas adag laga gudbaayo doorashaduna ka qabsoomayso, duruufaha adagna waxaa ka mid noqon kara in aanay doorashadu farsamo ahaan qabsoomi karin.” “Sidaa awgeed marka duruufaha adag dhacaan, Guddiga Doorashooyinku waxaa ay la tashanayaan Madaxda Dowladda Federaalka ah oo uu ugu horeeyo Madaxweynuhu waxaayna Baarlamaanka u gudbinayaan qoraal xambaarsan duruufaha adag iyo asbaabta kelliftay in doorashooyinka dib loo dhigo.” Waa sii wadeenoo waxay dhaheen “Intaas ka dib, Guddiga Doorashooyinku waxaa uu ku dhawaaqayaa in ay doorashadii dib u dhacday, Muddada cusub ee doorashooyinka baaqday ku dhici karaan, waxaa cayimaya Guddiga kadib marka uu qiimayn ku sameeyo xaaladda iyo muddada duruuftaas lagaga bixi karo” Waxaaba ka sii daran Madaxweynihiina in loo kodhiyey muddadii oo wuxuu qodobku leeyahay “Haddaba, Muddada xil-haynta ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku waxa ay la kordhaysaa muddada cusub ee Goleyaasha Sharci-dejinta maaddaama ay doorashadu xilligeedii ku qabsoomi wayday.” Oo sharcigii doorashooyinka oo intaa oo muddo ah loo fadhiyey ma in muddo kordhin (extension) loo sameeyo Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ayuu ku soo dhamaaday. Oo waxaas oo dhib ah iyadoon la marin “War ha na loo kordhiyo maa iska tiraahdaan” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Emir of Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani on Tuesday received the heads of delegations participating in the the 16th Ministerial Meeting of the Asia Cooperation Dialogue (ACD) in Doha. The delegations included officials from Saudi and Bahrain, the first official visit by the two Gulf countries’ officials to Qatar since they launched a blockade on the small state in early June 2017. Kuwaiti Assistant Foreign Minister for Asian Affairs, Ali Sulaiman Al-Saeed, welcomed Saudi and Bahrain’s participation, stressing on the importance of holding the ACD meeting in Qatar to enhance cooperation between Asian countries and finding solutions to the problems facing the dialogue process to resolve the blockade. Remarking on his country’s efforts to help resolve the Gulf crisis, Al-Saeed said: “Kuwait is exerting efforts at the highest levels. His Highness the Emir, Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, has made efforts that are known to everyone. However, the issue requires positive dealing with our initiatives.” Prior to his meeting with the heads of the delegations, Al Thani said on Twitter that the ACD “will lay new foundations to benefit from the diversity and great potential of the continent in promoting integration and positive competition among members of this important system Middle East Monitor Qaran News
-
Magaalada Garowe waxaa ka socda Abaabulkii u dambeeyey Gogosha uu Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani uu u dhigay Hogaamiyayaasha Soomaaliya. Waxaa la diyaariyey guud ahaan goobihii [...] Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay Arimaha Amniga ee Jubbaland isagoo sheegay in xaalada Jubbaland mar walba la saadalinayay in xalkeeda iyo nabadgalyadeedu dheeranayso. Waxa uu sheegay in sababta ay tahay kala duwanaanshaha qabaa’ilka deegaanka balse dadaaladii iyo dib u heshiisintii la sameeyay ay wax badan ka tartay wadajirka iyo isku duubnida Bulshada taas oo ilaa hada loo baahan yahay joogtaynteeda si aan dib loogu noqon. Axmed Madoobe ayaa sheegay in looga soo duulay Muqdisho, islamarkaana ay socdaan xaalado Amniga lid ku ah iyo qulqulatooyin laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho, taas oo cida ku lugta leh ay masuuliyadeeda iyo waxa ka yimaada qaadayso. Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay Jubaland ka waddo arrimo ammaanka lidi ku ah oo laga soo abaabulayo Magaalada Muqdisho oo la doonaayo in dadka Shacabka ah dhibaato loo geysto. Madaxweynaha Jubbaland ayaa u muuqda in uu banaanka soo dhigay inuu xoogeystay Khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Thursday it has launched a training program on human rights for Somali security forces to enhance their compliance with international human rights law. Source: Hiiraan Online
-
NIGERIAN TROOPS huddle around their captain for a briefing. Several rest their rifle muzzles in the sandy ground, which could block and damage them. During the assault on a terrorist training camp, many forget their training, firing wildly and running off their line of advance. After capturing it, they mill about and ignore the booms of incoming artillery. Finally they are brought up short by an angry Scotsman, who shouts: “Ibrahim, you’re dead!” Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors