Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,349
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Garowe soo gaaray. madaxdii iyo waftiyadii Shirka qayb galilahaa waxaa ka maqan Madaxwaynaha Galmudug iyo [...] Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa ka hadashay Sharciga doorashooyinka oo Khamiistii shalay aheyd ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya. Waxa ay sheegtay in doorashada Soomaaliya ay ku dhaceyso waqtigii loogu talo galay loona qorsheeyey, waxaana ay ugu baaqday Dowlad Goboleedyada inaysan muujin walwal ku aadan in Madaxda hadda joogta ay sameystaan waqti kordhin. Siyaasiyiinta ayaa waxaa ay sheegtay inay yihiin kuwo cabsi weyn ku jirto, waxaana ay sheegtay in sharcigan uu noqon doona mid meel mara, isaga oo dhawaan la horgeyn doono Xildhibaannada Golaha Shacabka. Siyaasiyiin, qaar ka mid ah Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ayaa si wadajir ah waxa ay uga soo horjeesteen Sharciga Doorashooyinka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Xaliimo Yarey https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/Cod-1-Gudiga-doorashada-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Xukumada Muuse Biixi ayaa tahli kari weyday inay Golayaasha Barlamaanka & Guurtida Somaliland Jidhsiiso Mooshinkii Xukunka milateri ee ay fool eryaysay,Mooshinkaas oo Labada Gole si wadajira Ganafka ugu dhufteen markii cod la geliyey,Taas oo Xildhibaano tiro yari u codeeyeen in Bandoo Muddo Sadex bilooda lagu soo rogo Magaalooyinka Ceerigaabo,Gar-adag & Ceel-afweyn oo xaalado ad-adag oo nololeed ka jiraan. Mooshinkaas dhicisoobay oo loo balansanaa in mar kale xoog lagu jiidhsiiyo Maalinta Sabtida Golayaasha Guurtida & Wakiilada fadhi guud ayaa fashilmay markii uu dhaqaale la’aan u socon waayey ,Xukumada Muuse Biixina Tahli kari weyday inay Lacag ku bixiso dhaqaajinta Mooshinka,taas darteedna dib loo dhigay Codeynta ilaa waqti aan la cayimin.Ku darsoo xidlhibaanada Golaha Guurtida ayaa lagu wargeliyey inay Fasaxoodii iskaga galaan ilaa Amar danbe. Qaran News
  4. (SLT-Hargaysa)Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa galinkii hore ee Jimcaha la qaxweeyay shacabka Rer Axmed Dhagax ee Magaaladda Hargaysa. Hoos ka DAAWO Source
  5. haddii dhinacyo kala duwan ka eegno labadda way noqon kartaa, guul iyo guul-daro , siduu madaxweynuhu u dhigay ee u rabay way u dhacday dhankaasi marka ka eegno waa u guul, marka indhaha dadka kale ee mucaaradka ku ah ku eegna guul daray noqonaysaa. Siyaasaddu waa fursadaha ku soo maro oo laga faa’iidaysto, arrimaha ad-adag mararka qaarkood bay fursad kuu tahay oo talaabadaad samaysaa ku keeni karta guul siyaasadeed. Arrinta goluhu ka soo horjeesteen go’aanka madaxweynaha aan dhawr qodob ka dul istaago, waayo dad badan baa wali is waydiinaya sababta xildhibaanadu uga hor yimid, qaar badanna way fahansan yihiin halka arrintu ka xidhimi laadahay: Shaxday xukuumaddu dhigtay marka dul istaagno wali guul bay u tahay diidmada baarlamaanka iyo xisbiga WADANI ee taageeray, sababtuna waxay tahay; Labadda sarkaal ee la dilay waxay ka soo jeedaan Boorama, si Boorama oo wakhtigii doorrashada lagaga sareeyo u hantiyo ayaa talaabadan loo qaaday: 1. Reer Awdal talaabooyinkan uu madaxweynuhu qaaday way soo dhoweeyeen, mar hadii awalba sarkaal wuu u dhiman jirey gacan ka xaqdaran, haseyeeshee waxa uu madaxweynuhu talaabadan u sameeyey sidii uu Awdal uu taageero uga helo 2. Ciidamada kala duwanna talaabadani taageero weyn iyo inuu mar walba dhannkooga yahay ayuu tusay oo markii uu soo jeediyey idinku ka taliya deegaanadan dilku ka dhacay xagooga qiimeyn weyn bay ka tahay. Diidmada baarlamaanka: 1.Madaxweynuhu awoodiisa uu saraakiilkaasi ku qiimayey wuu sameeyey waxaase diiday xildhibaanadda, taas eeddii uu ku lahaan lahaa wuxuu iskaga leexiyey baarlamaanka waana sida uu doonayey ee ahaa eed iska leexin. 2. xildhibaanadii wuu qaawiyey oo awalba wax walba duuduub bay ku ansixin jireena sababta uga hor yimaadeen waa dhaameelkii baa meesha ka maqan, taasina waxay qaawisay baarlamaankii oo loo arkay in dantooda ka hor mariyaan danta caamka ah oo ay tahay hadii aad wax noo dhiibi waydo waanu ka hor iman kula shaqayn mayno. 3. jabkii uu WADANI la doonayey maanta la helay ka dib markii uu Cabdiraxmaan Cirro si toos ah uga horyimid go’aankaasi lagu sharfayey saraakiisha, isla markaana ku taageeray baarlamaanka, waxaanu arrintani hoos u dhigaysa gobolkii Awdal ee uu KULMIYE kaga badiyey, waana jadhka uu la rabay, taas guul bay xukuumadda u tahay. Sidaas darteed, guushii siyaasadeed ee uu rabay wuu ka gaadhay aragtidayda, muhiimaduna intaas bay ahayd iyo in gobolka Awdal uu kasbado iyo in baarlamaanka wuu qaawiyo. Waana markii ugu horeysay ee baarlamaan ka hor yimaadaan go’aan madaxweyne usoo gudbiyey, gole cusubna maaha ee gaalihii waligiiba duuduub ku ansixin jirey. Dhanka kale, guuldaro: dhinaca kale hadii aynu ka eegno guul daray u tahay talaabooyinkan uu qaaday madaxweynuhu. 1. Waxa guul daro u ah in taariikhda markii ugu horeysay go’aan madaxweyne ka hor yimaado baarlamaan uu aqlabiyadda xisbigiisu leeyahay, taasna waxa lagu qiimeeya taageerada uu madaxweynuhu ku yeelan karo bulshada maadama oo xildhibaanadu matalaan bulshadda. 2. Guul darada kale, in deegaanda dhibtu ka taagan tahay xaalada degdeg ah mooyee xal kale u waayey, taas oo ay jiri karaan kun xal oo sidan dhaanta oo uu ku waji lahaa. 3. Waxa kale oo halkaasi ka soo baxday in madaxweynuhu intii ugu dhow dhowayd sii kala fogaanayaan. W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
  6. (SLT-Hargaysa)Xildhibaanada Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida Somaliland oo maalinta beri ah go’aan rasmiya ka gaadhi lahaa xaaladda degdega ah ee madaxweyne Biixi, ku soo rogay degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag ayaa la fasaxay. Xoghayaha golaha guurtida Cabdnaasir Aadan Beegsi, ayaa sheegay in goluhu galo fasaxoodii caadiga ahaa ilaa amar danbe. Baarlamaanka ayaa shalay buuq ka dhashay ka dib markii xildhibaanada inta badan ay ka soo horjeesteen xaaladda degdega ah ee lagu soo rogay Ceerigaabo, Ceel-Afweyn iyo Gar-adag. Source
  7. (SLT-Muqdisho)Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Dalkaasi Soomaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey ayaa maanta waxaa ay ka hadashay qaabka ay u dhici doonto doorashada soo socota ee sanadka 2021-ka. Waxaa ay guddoomiye Xaliimo Yarey sheegtay in maalmaha soo aadan ay ku wajahan yihiin deegaanada Maamul gobaleedyada ka jira dalka. Sidoo kale waxaa ay ka hadashay qaabka ay doorasho ugu dhici doonto deegaanada gacanta ku hayaan Al-Shabaab iyo deegaanada ay ka taliyaan Soomaaliland. Guddoomiye Xaliimo yarey ayaa waxaa ay madaxda dalka u soo jeedisay baaq ku aadan sidii ay ugu turi lahaayeen shacabka iyo hirgelinta nidaamyada maamul ee dastuurka. Source
  8. (SLT-Istanbul)Masjidka ugu weyn waddanka Turkiga ayaa maanta loo dabaaldegay furitaankiisa xaflad ka dhacday magaalada Istanbul oo uu ka qayb galay madaxweyne Racep Tayyip Erdogan. Masjidka Camlica oo leh 6 munaaradood waxaa markiiba ku tukan karaa 6000 oo qof, wuxuuna ku yaalla meel buur dusheeda ah oo ku taalla qaybta Asia ee magaalada Istanbul. Masjidka Camlica ayaa soo bandhigaya kaalinta rasmiga ah ee Turkiga uu caalamka uga jiro iyo kaalinta Madaxweynaha islaamiga ah ee Racep Tayyip Erdogan. Afar kamid ah lixda minaaradood ee masjidka uu leyahay ayaa dheeririkoodu yahay 107.1 miitar taas oo loogu xusayo guusha milatari ee Seljuk sannadkii 1071-dii oo uu Turkiga ka adkaaday ciddamadii boqortooyaddii Krishtaanka ee Byzantine taas oo sare u qaaday awooddii Turkiga ee aheyd in uu maamulo Gacanka Anatolia. Masjidkan oo lagu dhisay boqol malyan oo doolar ayaa kamid ah mashaaricda waaweyn ee uu gacan ka geystay madaxweyne Erdogan iyadoo ay aad u soo dhaweyn doonan muslimiinta Turkiga oo isaga aad u taageero balse qolyaha isaga kasoo horjeedo ayaa tallaabadan ku tilmaamay in lacagta dadweynaha si khaldan loo khasaariyay. Source
  9. (SLT-Suuriya) Qaramada Midoobey ayaa ka codsatay dhammaan dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suuriya iyo dalalka ku lugta leh arrimaha Suuriya in aysan wax weerar ah ku qaadan xaafadaha ay dadka degan yihiin,xarumaha caafimaadka iyo Iskuulada, xilli dagaallo hor leh ay kasoo cusboonaadeen waqooy galbeed dalkaas. Isagoo la hadlayay Radio lugo badan u qaabilsanaha arrimaha banii’aadanimada Qaramada Midoobay ee dalka Suuriya Panos Moumtzis, ayaa BBC u sheegay in madaaficda iyo diyaaradaha dagaalka ay duqeymo ka geysanayeen goobaha ay ku xooggan yihiin mucaaradka gaar ahaan gobollada Idlib iyo Xums, halkaas oo ay ka dhaceen dagaalladii ugu darnaa. Goobaha ay hadda dagaallada dib ugu qarxeen waxay kamid yihiin deeganno sannadkii lasoo dhaafay ,Ruushka iyo Turkiga ay ku heshiiyeen in aanu wax howlgal ah laga fulin. Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ku dhawaad 140,000 qof ay ka qaxeen deeganadaasi saddexdii bilood ee lasoo dhaafay. Source
  10. (SLT-Nigeria)Dabley hubeysan ayaa hoggaamiye dhaqameed maxalli ah ka afduubtay degmada Daura ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen booliska. Ninkan la afduubtay ayaa kamid ah ehelka madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari. Muusa Cumar ayaa xalay ay dableydu ka afduubatay xilli uu ku sugnaa gurigiisa, sida uu Radio lugo badan u sheegay afahayeen u hadlay booliska gobolka Katsina. Deegaanka uu afduubka ka dhacay ayaa waxaa kasoo jeeda madaxweynaha Nigeria. Dableyda ayaa dhaawacday mid kamid ah booliska ilaalinayay ninkan. Xafiiska madaxweyne Buhari kama uusan hadlin weerarkaas. Inta badan, kooxaha wax qafaasha ee ka howlgala waqooyiga Nigeria ayaa codsadaa in la siiyo lacago madax furasho ah. Talaadadii, koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday labo tuulo oo ku yaalla gobolkan, waxaa ay ku dileen 14 qof. Dowladda Nigeria waxay sheegtay inay tallaabo qaadeyso balse waxay u muuqata in xaaladda ay faraha ka baxday. Source
  11. (SLT-Sudan) Xubin ka tirsan Millatariga Dalka Sudan ee Xukunka la wareegay ayaa sheegay in ciidammadu aysan ogolaan doonin in inta badan jagooyinka golaha maamulka ay la wareegaan shacabka xilli la doonayo in la dhiso dowlad kumeel gaar ah. Janaraal Saalax Cabdel Khaaliq waxaa uu sheegay in shacabka laga qeybgeli doono dowladda balse ay heli doonin jagooyin aan sidaasi u badneyn marka loo barbardhigo militariga. Waxaa uu sheegay inay cafis u fidinayaan hoggaamiyeyaasha go’aanka ah ee mucaaradka ee horkacayay dibadbaxyada. Wadahadallo u dhexeeyay mucaaradka iyo militariga ayaa ku dhamaaday guuldarromarkii laisku afgaran waayay arrinta ku aadan dhistaanka dowlad rayid ah. Shacabka Suudaan ayaa dibadbaxyo ay ku codsanayeen in talada loo dhiibo dowlad rayid ah ka dhigayay dalkaasi. Source
  12. (SLT-London)Buug uu qorey aqoonyahan ka howlgala jaamacad ku taalla Britain oo uu soo xigtay wargeyska The Nation, ee Kenya, ayaa ka sheekeynayo guulaha iyo guul-darrooyinka ciidammada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya. Buuggan waxaa lagu magacaabaa “Dagaalka nabadeynta Soomaaliya: Taariikhda Amison 2007-2017”, waxaana qoray Prof Paul D. Williams, oo ka howlgala Jaamacadda Oxford. Qoraaga waxaa uu qaatay fikirka ah in xasiloonida Soomaaliya “ay ku xiran tahay Soomaalida oo keliya”. Waxaa uu qoraagaa sheegay in loo baahan yahay in ciidammada nabad-ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM iyo dowldda federaalka Soomaaliya ay u dhaqmaan qaab suuragelinaya in lagu kalsoonaado. Prof Williams ayaa buuggiisa ku soo xigtay ra’yi ururin ay sameysay shirkadda Ipsos sanadkii 2016-ka, taas oo aan la daabicin xilligaasi. Waxay ra’yi ururintaas sheegtay in inta badan dadka Soomaalida ay ciidammada AMISOM ee Kenya iyo Itoobiya u arkaan inay xoog ku haystaan dhulkooda. Boqolkiiba 10 oo keliya dadkii la wareystay ayaa aaminsan in ciidammada Kenya ay Soomaaliya u tageen inay Soomaalida u daneeyaan. Boqolkiiba 9 oo keliya ayaa u arka ciidammada Itoobiya inay halkaasi u tageen inay Soomaaliya xasiliyaan. Balse aragtida laga qabo ciidammada Djibouti ayaa taas ka duwan, oo boqoliiba 52 waxay u arkaan inay niyad sami ku tageen Somaaliya. “Somaalida intooda badan waxay aaminsan yihiin in siyaasadda Kenya iyo Itoobiya ay ku saleysan tahay in dalka Soomaaliya uu ahaado dal daciif ah oo dadkiisa ay kala qeybsan yihiin,” ayuu yiri Prof William. “Argegixisada ayaa ka run badan” Qoraaga ayaa sheegay in AMISOM ay isku dayday inay hubiso kalsoonida lagu qabi karo oo waxay sameysay waax qaabilsan saxaafadda, balse taa waxaa minjaxaabiyay waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, sida kuwa Kenya oo soo saaro warsaxaafadeedyo been ah, iyagoo qariyo siday wax u dhacaan. Waxaa uu qoraaga soo xigtay weriye u dhashay Britain oo lagu magacaabo Tristan McConnel kaa oo shaagay “in dhaqanka Kenya ee ah inay been ku sheegto warsaxaafadeedyda ay soo saarto ay ka dhigan tahay in aan gaarnay heer laga xumaado oo ah in argegixisada loo arko inay ay ka run badan yihiin dowladda” Prof Williams ayaa farta ku fiiqay in warbixinnadii ay kenya ka soo saartay weerradii Ceel Cadde, 2016-ka, iyo Kulbiyo ee 2017-ka ay ahaayeen kuwa aan is waafaqi karin. Qoraaga ayaa sheegay in “si kasta oo ay AMISOM militeri ahaan guulo u gaaraan, xasiloonida Soomaaliya waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed ee laga gaaro dowladnimada heer qaran, mid gobol iyo mid magaalo”. “Madaxda siyaasadda ee Soomaaliya waxay ku fashilmeen inay dib u heshiiyaan, oo ay ku midoobaan hal ajenda oo ay Al-Shabaab uga adkaan karaan,” ayuu Prof Williams ku soo gaba-gabeeyay buuggiisa. Source
  13. (SLT-Hindiya) Dacwad oogeyaal reer Hindiya ah ayaa wadaadka dadka wacdiya ee Zakir Naik ku soo oogay dacwado la xidhiidha lacago sharci darro ah. Zakir oo dibad joog ah ayaa lagu eedeeyay in uu helay hanti sharcidarro ah oo gaadhaysa 28 milyan oo doolarka Maraykanka ah, balse eedayntaas ayuu diiday. Masuuliyiinta Hindiya ayaa sidoo kale ku eedeeyay in uu nacayb faafiyo isla markaasna kicinayo argagixisada. Zakir oo 53 jir ah ayaa faafiya aragtidiisa Islaamnimada ee uu ku dhagan yahay isaga oo ka sii daaya telefishinka Peace TV. Hindiya ayaa laga mamnuucay balse waxaa dunida kale ka daawada dad lagu qiyaasay 200 oo milyan oo ruux. Peace TV ayaa laga daadihiyaa Dubai waxaana iska leh Mu’asasadda Cilmibaarista Islaamka oo ah koox uu hoggaamiyo Zakir. Waxaa jira dalal kale oo telefishinkaas mamnuucay waxaana ka mid ah Bangladesh oo ku eedaysay in uu yahay meeshii uu ka shidaal qaatay mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee weerarka ku qaaday makhaayadda Dhaka ku taalla 2016, halkaas oo ay ku dhinteen 22 ruux. Xafiiska ED ee dalka Hindiya oo baaritaan ku sameeya dambiyada maaliyadeed, ayaa dacwad ka dhan ah Zakir geeyay maxkamad ku taalla Mumbai Khamiistii. Xafiiskaas ayaa maxkamadda u sheegay in uu ogaaday hanti malaayiin doolar gaaraysa oo dariiq sharci darro ah maray. “Khudbadaha Zakir ee kicinta leh ayaa dhallinyaro badan oo Muslimiinta Hindiya ka mid ah ku qaaday in ay weerarro argagixiso oo qaab daran qaadaan” ayuu maxkamadda u sheegay xafiiskaas dacwadda soo gudbiyay ee ED. Xafiiska ayaa ku eedeeyay in uu isticmaalay lacago laga helay “ilo shaki ku jiro” uuna ku gatay Hanti dalka Hindiya ku taalla, isla markaasna uu ku maalgaliyay “khudbado daandaansi ah” Zaik ayaa sheegay in uu lacagahaas ku helay si sharci ah. Waa kum Zakir Naik? Qaabka adadag ee Zakir uu u adeegsado diinta ayuu wakhti dheer muran ka taagnaa. Dad badaan oo al-Qaacida taacabsan oo la xiray ayaa saraakiisha u sheegay in uu saamayn badan ku lahaa. In uu dalka Britain galo ayaa laga mamnuucay sannadkii 2010, waxayna ku sababeeyeen “dabcigiisa aan la aqbali karin” iyo khudbadahiisa, sida ay wakhtigaas sheegtay wasiiraddii arrimaha gudaha oo hadda ah Ra’iisulwasaare Theresa May. Si kastaba ha ahaatee waxay indhaha caalamku qabteen bishii Luulyo ee sannadkii 2016 ka dib weerarkii darnaa ee lagu qaaday makhaayadda Holey Artisan ee magaalada Dhaka. Warbaahinta Bangladesh ayaa sheegtay in mid ka mid ah ragga weerarkaas gaystay uu ka shidaal qaatay khudbadihiisii. Qaybihii dambe ee isla bishaasna Bangladesh waxay mamnuucday Peace TV. Bishii Nofeembar ee sannadkii 2016 hay’adda argagixiso la dagaalanka ayaa cabasho rasmi ah ka gudbisay Zakir, iyada oo ku eedaysay in uu faafinayo nacayb diimeed iyo hawlo aan sharciga waafaqsanayn. Zakir ayaa Malaysia u wareegay 2017. Source
  14. Jigjiga (PP) ─ Ugu yaraan 11-qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen gobolka Siti ee dowlad-deeaanka Soomaalida dalka Itoobiya, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen dadkan oo aan waxba galabsan. Wasiirka Warfaafinta DDSI, C/llaahi Maxamed Mowliid oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dilkan ay geysteen dhallinyaro hubeysan oo kasoo jeeda Qowmiyadda Cafarta oo ka mid ah dadka deggen gobolkaas. “Dhalliyaro hubeysan oo ka tirsan Cafarta ayaa dilalkan geystay, runtiina wuxuu falkan salka ku hayaa dhulka la isku hayso si sharci ah ayaana loogu kala bixi doonaa, ciddii dhulkan yeelata ayaana lagu wareejin doonaa,” ayuu yiri wasiir Mowliid. Sidoo kale, Wasiirka oo la weydiiyay in falkan noocan oo kale uu dhawr jeer ooh ore soo laalaabtay iyo sababta wax looga qaban la’yahay ayaa sheegay inay ku jiraan qorshihii ay wax uga qaban lahaayeedn falkan, isla markaana ay uga hor-tegi lahaayeen inuu mar kale dhaco. “Xukuumadda DDSI iyo maamulka gobolkaba iyo dawladda faderaalka ahba masuuliyad ayaa ka saaran ilaalinta shacabka, waxaana ka shaqaynaynaa in arrintan oo kale aysan soo noqon” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray. Dhanka kale, Dadkaan shacabka ahaa ee lagu laayay Gobolka Sito ayaa gabi ahaantood ahaa Soomaali, waxaana falkan uu kusoo beegmay iyadoo shalay lasoo gaba-gabeeyay shir lagu nabadeynayay Soomaalida iyo Oromada oo dhawr jeer ay dagaallo ku dhex-mareen dalka Itoobiya. “Ma doonayno inaan ciidanka Liyuu booliiska ku amarno inay dagaal galaan, balse muhiimaddu waa inaan nidaam dastuuri ah marno oo sharcigu sida uu ogol yahay aan dadka wax ugu qabanno, haddii taas la waayana inaga ayay noo taallaa sidaan tallaabo u qaadi lahayn,” ayuu wasiirku ku jawaabay mar la weydiiyay inay amar ku bixinayaan in kooxaha falkaas geystay si awood ah lagu soo qabanayo. Ugu dambeyn, Sannadihii ugu dambeeyay waxaa DDSI ka socday falal loo geysanayo dad shacab ah, kuwaasoo intooda badan ahaa Soomaali, inkastoo ay jiraan dad qowmiyadaha kale kasoo jeeda oo dhibaatooyin loo geystay, waxaase socda dadaallo la doonayo in wax looga qabato falalkaas foosha xun. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo tiro dad ah ku Toogtay Dowlad-deegaanka Soomaalida – Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  15. (SLT-London)Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Facebook ayaa hadallo nacayb ku salaysan ku eedaysay Alex Jones oo daadihiya barnaamij ka baxa barta InfoWars oo siyaasaddeedu garabka midig tahay, tafatiraha bartaas ee UK Paul Joseph Watson iyo Milo Yiannopoulos oo horay tifaaftire uga soo noqday Breitbart News. Louis Farrakhan oo hoggaamiya Nation of Islam oo soo bandhigay aragti Yuhuudda ka dhan ah ayaa laga reebay dadka laga mamnuucay Facebook. Facebook ayaa horay u sii mamnuucay qolyaha Islaamka ka soo horjeeda ee UK ku sugan sida kooxda Britain First. Mamnuucitaankan u dambeeyay ayaa sidoo kale saamaynaya Instagram oo shirkadda Facebook ay leedahay. “Markaste waan mamnuucnaa shaqsiyaadka ama ururrada buunbuuniya ama dhiirigaliya rabshadaha iyo nacaybka, afkaartay doonaanba ha qabaan,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda Facebook. “Waa mid baaxadwayn hannaanka aan ku qiimaynno dadka meel uga dhaca shuruucda shirkadda, waana taas midda keentay go’aanka aan ciwaannadan ku xirnay maanta.” Kooxda la mamnuucay waxaa ka mid ah Paul Nehlen oo ku kalax tagay la waynida caddaannimada, Laura Loomer oo u ol’olaysa islaam nacaybka taas oo haysata dad badan oo baraha bulshada kaga taxam. Bishii Nofeembar ayay Luuma gacmaha iska xirtay iyadoo hortaagan dhismaha shirkadda Twitter ee magaalada New York, iyadoo ka cabanaysa in bartaas laga mamnuucay. Sikastaba ha ahaatee Facebook ayaa lagu dhaliilay in uu bixiyay digniin ku aadan tallaabada uu qaadayo, waxaana loo arkay in uu bixiyay fursad ay dadkaasi meelo kale ooga ballan sadaan dadkii ku xirnaa. Alex Jones ayaa Khamiistii Facebook kaga hadlay mamnuucidda lagu soo rogay “Meeshan waa la iga mamnuucayaa,” ayuu Yiannopoulos ku soo qoray Instagram-ka wuxuuna dadkii ku taxnaa u sheegay in ay emailkiisa rukuntaan ka hor inta uusan hawada ka bixin.” Afhayeen u hadlay Facebook ayaa sheegay in mamnuucitaankan uu qabanayo dhammaan raadadka ay dadkaasi ku leeyihiin Facebook iyo Instagram. Shirkadda ayaa sheegtay in ay tiri doonto, ciwaannada shaqsiga iyo kooxaha ee loo qaabeeyay in lagu matalo, isla markaasna aan la ogolaan doonin in dadka kale ee isticmaala ay faafiyaan xafladaha iyo kulamada ay qabsanayaan dadka shirkaddu mamnuucday. Source
  16. A Somali-American woman has become the first model to wear a hijab and full-body burkini in Sports Illustrated’s annual swimsuit issue. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Washington)Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ee waddanka Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay haatan ka hor ka soo badbaaday qabqablayaasha iyo maleeshiyaadka Soomaaliya, haatanna ay ka gudbi doonto mida madaxweyne Trump. Ilhaan ayaa talaadadii la soo dhaafay hadalkan jeedisay mar ay la hadleysay dumar madow ah oo asal ahaan Afrikaan ah oo isugu soo baxay bannaanka hore ee dhismaha aqalka Koongareeska Mareykanka. Dumarkani ayaa halkaasi isugu yimid si ay taageero ugu muujinayaan Ilhaan Cumar oo in muddo ahba ay is-hayeen madaxweyne Donald Trump. Ilhaan ayaa dhawaan hanjabaado dil ah la kulan tahay ka dib markii madaxweyne Trump uu bartiisa Tweeter-ka uu soo dhigay muuqaal Ilhaan la xiriirinayo weerarkii Al-Qaacidda ku qaaday Mareykanka 11-kii Sebteembar ee sanadkii 2001. Ilhaan ayaa ka mid ah labada gabdhood ee Muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ka mid noqday Aqalka Koongareeska dalkaasi Mareykanka. Dhawr jeer oo hore ayaa Ilhaan lagu eedeeyay in ay jeedisay hadallo lid ku ah dadka Yuhuudda ahi balse waa ay beenisay eedeymahaasi. “Ma aha oo kaliya in aan ka badbaaday coalad. Haddii aan maleeshiyaadka ka badabaday waxaan hubaa in aan ka badbaadi karo dadkan,” ayay tiri Ilhaan Cumar. ” Balse sababtu waxaa weeye meel kastaa oo aan tagaba, waxaan hubaa in aan wada soconno dhammaantiin oo aan gacmaha is-haysanno.” Ilhaan ayaa dhawaan u sheegtay in khilaafka kala dhaxeeya madaxweyne Trump uu salka ku hayo khilaafka Trump kala dhaxeeya Muslimiiinta, dadka soo galootiga ahi, haweenka iyo dadka madowga ah. “Khilaafka aniga iyo madaxweynaha [Trump] wax cusub ma ahan, waxaan aaminsanahay in khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka Muslimiinta ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka qaxootiga waddankan ku ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka madowga ah, khilaaf weyn uu ka dhaxeeyay isaga iyo dadka dumarka ah.” Ilhaan waxa ay sheegtay in iyada ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay dadkaasi oo waxa ay tiri “aniga waxaan ahay qof dadkaas oo dhan wadamatalo, marka aniga iyo asaga inaan isku dhacno waa wax mar hore soo bilowday.” Ilhaan waxa ay sheegtay in madaxweyne Trump uusan kaligeed halis galinee uu sidoo kale halis galiyay dadka iyada ay matasho iyadoo tiri: “wuxuu halis galiyay dadka qaxootiga ah ee raba inay waddankan [Mareykanka] soo galaan, halista uu galiyay dadka Muslimiinta, halista uu galiyay dadka madowga ah iyo dumarka sida uu uga hadlo halista ay keenayso.” Waxa ay intaasi ku dartay in Trump uusan ka fakarin dhibka uu hadalkiisa keeni karo “waa qof aanan ka fakarin hadalka uu isticmaalaayo iyo dhibaatooyinka uu keeni karo, iyadoo dadka uu ka dhigayo inay cadaw yihiin oo kale.” Ilhaan waxa ay tilmaantay in la soo gaaray waqtigii Trump laga qaadi lahaa xilka madaxtinimada. Horraantii bishii Abriil ayaa madaxweyne Trump waxa uu boggiisa Tweeter-ka ku qoray ‘hadal jeejees ah’ oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar. Sida uu sheegay wargeyska Daily Mail, madaxweyne Donald Trump oo oo ka hadlay kulan ay lahaayeen kooxda hoggaamisa siyaasadda Yuhuudda ee ku dhaqan Mareykanka ayaa Ilhaan Cumar u mahadceliyey isaga oo ku jeesjeesaya, waxa uuna yiri ‘…waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa’iil ma jecleyn, waan ka xumahay. Maya, Israa’iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa.” Wuxuu sidoo kale Xisbiga Dimuqraadiga ku eedeeyey inuu ogolaado in Yuhuud neceybka uu xisbigooda ku xidideysato. Ilhaan Cumar ayaa xilligaasi iyana dhankeeda u jawaabtay Trump, waxa ayna farriin Carabi ah oo ay soo dhigtay Tweeter-keeda ku tiri “Allahayoow, dadkeyga u dambi dhaaf aqoon la’aantooda.” Madaxweyne Trump ayaa aad loogu xusuustaa hadal uu jeediyay xiligii uu ku jiray ololaha doorashada, kaa oo uu ku weeraray Soomaalida ku nool dalka Mareykanka oo ahaa in falal argagixiso ay ku soo kordhiyen Minnesota, oo haddii isaga la doorto uu ka hortagi doono qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta Soomaalida. Waxaa kale oo aad loo xusuusta hadal caan baxay oo ay tiri Ilhaan oo ahaa in dadka Minnesota aysan soo dhaweynin qaxootiga oo keliya, balse sidoo kale ay u diraan Washington, oo ay ula jeedday in dadka iyaga matala ay u diraan baarlamaanka dalkaasi oo fadhigiisu yahay Washington. Isla markii la dhaariyay lhaan Cumar ayaa waxay farta ku fiiqday arrimo ay ka mid yihiin taageerada Trump uu siiyo dowladda Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, waxaana ay ku baaqday in Trump uu joojiyo taageerada uu siiyo xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen. Arrintaa ayay Ilhaan ku kasbatay taageero iyo cadaawad labaduba. Yuhuud Naceyb Bartamihii bishii Febraayo ee sanadkan, ayaa madaxweyne Donald Trump waxa uu Ilhaan Cumar ugu baaqay inay iscasisho, ka dib markii sida uu sheegay ay ereyo “Yuhuud naceyb” ah ay ku qortay barteeda Tweeter-ka. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada aqalka Kongreska ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegto in Ilhaan looga fadhiyo inay raalligeli ka bixiso hadalkaasi. Trump ayaa sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka. “Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump. Waxaa kale oo uu sheegay in raalligelintii ay bixisay Ilhaan Cumar ay tahay mid daciif ah, oo waxaaa uu intaa raaciyay in hadalka kasoo yeeray Ilhaan uu yahay mid ay si weyn u aaminsan tahay Warbaahinta Israa’iil ayaa wixii intaasi ka dambeeyay waxay si weyn uga hadlayeen Ilhaan Cumar, waxayna qaarkood ay ka qoreen faallooyin, qaarna ayba billaabeen warar ay ku doonayaan inay ku muujiyaan in Ilhaan ay tahay qof Yahuudda neceb. Tusaale ahaan wargeyska Hareetz ee ugu afka dheer Israa’iil ayaa qoray faallo dheer oo uu cinwaan uga dhigay: “Ilhaan Cumar waxay fahmi la’dahay sababta ay dadka Maraykanka u taageeraan Israa’iil”. Faalladan waxaa ku xusan in Ilhaan ay u maleynayso in lacag caddaan ah lagu helay taageeradaasi, waxaana maqaalka lagu xusay in Ilhaan aysan lahayn dareen siyaasadeed. Wargeyska ayaa sheegay in Ilhan ay sida Falastiiniyiinta u marin habawsan tahay oo ay u haysato in lacag oo keliya ay Israa’iil ku kasbatay taageerada Maraykanka, taas oo ay ku tilmaameen aragti aan fogeyn. Waxay faalladu sheegtay in loo baahan yahay in Ilhaan Cumar ay fahanto in dadka raacsan madhabta Evengelisti-ga ee Maraykanka ku badan, oo siyaasiyiintuna u badan yihiin, ay taageero buuxda u hayaan Israa’iil. Faalladu waxay intaasi ku dartay in kooxaha taageersan Israa’iil sida AIPAC, ay ka faa’ideystaan fursadahaasi, ee aanay iyagu marnaba mas’uul ka ahayn taageerada uu Maraykanka u hayo Israa’iil. Source
  18. Kismaayo (PP) ─ Maamul-goboleedka Jubbaland ayaa ku biiray dowlad-goboleedyada kasoo horjeestay sharciga doorashooyinka oo shalay ay ku sansixiyeen Muqdisho golaha wasiirada xukuumadda Somalia. Ansixintan ayaa waxaa horay uga hor-yimid, isla markaana sharci-darro ku tilmaamay ansixintiisa maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana haatan kusoo biiray maamulka Jubbaland. War-Saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in sharcigaas aan lagala tashan anisixintiisa dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah DFS, isla markaana uu yahay mid hannaan sharci-darro ah loo maray. Sidoo kale, Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeedkiisa ku sheegtay in marnaba aysan aqbaleyn go’aan kasta oo la gaaro oo dastuurka dalka kasoo horjeeda, waxaana beesha caalamka ay ka dalbadeen inaysan aqbaleyn go’aano ku tagrifal awoodeed ah oo ay dalka ku maamuleyso dowladda federaalka Somalia. AKHRISO; War-saxaafadeedka kasoo baxay Dowlad-goboleedka Jubbaland; PUNTLAND POST The post Jubbaland oo ku biirtay Maamulladii ka hor-yimid Ansixinta sharciga Doorashooyinka appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ayaa ka hor-yimid sharciga doorashooyinka dalka ee shalay ay ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya, kaasi oo uu ku qeexay “go’aan ay Dawlada Federaalka ahi ku afduubtay doorashooyinka Dalka” Hoos ka aqriso warsaaxafadeedka. Xisbiga Wadajir wuxuu canbaareynayaa go’aanka ay Dawlada Federaalka ahi ku afduubtay doorashooyinka Dalka. Sharciga Doorashooyinka ee ay xukuumaddu ansixisay waa mid inta badan qodobbadiisu iska hor imaanayaan, qaarkood dastuurka ka hor imaanayaan, ujeedka ugu danbeeyana yahay muddo kororsi loo sameeyo madaxda Federaalka. Sharciga doorashooyinka waa in uu waafaqsan yahay dastuurka dalka, hannaanka doorashana waa in uu ku yimaado talo wadaag dhexmara dowladda federaalka ah, Dawlad Gobolleedyada iyo Xisbiyada Siyaasadda. Dawlada Federaalka ahi waxay dhegaha ka furaysatay talooyinka kaga imaanaya Xisbiyada dalka iyo dawladaha xubanaha ka ah dowladda federaalka. Waxey si ula kac ah muddo labo sano iyo bar ah u gacan bidixeysay hannaanka dalka looga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ugu danbeyntii soo dhoob dhoobtay wax loogu yeeray sharci cinwaankiisa kore doorasho tahay, laakiin gudihiisu muddo kororsi qayaxan iyo awood maroorsi siyaasadeed ah. Xisbiga Wadajir waxaa u caddaatay walwalkii uu horey uga muujiyey in hoggaanka dalku uusan daacad ka ahayn awood wareejin si nabad ah ku dhacda iyo qabashada doorasho ay heshiis ku yihiin saamilayda siyaasadeed ee dalka, taa beddelkeedana ay doonayaan kali talis iyo xukun dheeraysi. Haddaba Xisbiga Wadajir wuxuu mar kale adkaynayaan baaqii ay xisbiyada Siyaasadda dalka horey u soo jeediyeen ee ahaa in xoogagga siyaasadeed ee dalka ay bisha June shirwayne qaran isugu yimaadaan.
  20. Muqdisho (SMN):–Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan oo laga sameeyay degmadda jannaale lagu soo qabtay Xubin Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha. Ciidanka amniga oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay xubin muhiim ah. ‘’Ciidanka amnigu wuxuu sii wadi doonaa hawlgallada qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Al-shabab’’ ayaa lagu yiri Qoraalka NISA. Ma’ahan markii ugu horeesay ee ay Hay’ada NISA shaaciso in ay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad ka tirsan al-shabab. Inkastoo aysan Hay’adda NISA shaacin Magaca Xubintan Alshabaab, ayaa inta badan Ciidamada Nabadsugidu waxaa ay sheegaan in ay soo qabteen Saraakiil Muhiim ah oo ka tirsan Alshabaab. View the full article
  21. Somaliland: Waddani Chair Praises Parliament For Rejecting Emergency Law Bill Hargeisa ,(Qaran news)-The chairof Somaliland’s Waddani Party, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” has praised the members of the joint parliamentary session for rejecting the proposed Emergency Law Bill. The joint session met on Thursday to vote on the bill submitted by the administration of President Muse Bihi Abdi, to be applied to the towns of Erigavo, El-Afwein and Garadag. The Emergency Law was requested by the administration in order to deal with recent murder of two Somaliland officers in Sanaag region. The Speaker of the parliament, Bashe Mohamed Farah, who chaired the joint session attempted to get a vote on the bill without a debate. After the first vote which was 41 members in favour of the bill out of 107 members present, a second count was attempted. However, whilst the votes were being counted, the Speaker abruptly suspended the session. The joint session is expected to resume on Saturday. Meanwhile, whilst addressing the media, Waddani chair and former Speaker of the parliament, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” praised the members of the joint session for rejecting the Emergency Law bill, which his words was, ” a sign of the governments’s failure to provide solutions to the issues facing Somaliland today, and if an emergency law is imposed on Sanaag, then where will be next? Awdal, Togdher or Marodi Jeh regions” Qaran News
  22. Golweyn (SMN):– Gudoomiyaha deeganka Golweyn ee gobolka shabellaha hoose Maxamed Shiikh Cusmaan (Islaawe) oo lahadlay Idaacada Shabelle ee Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay isku soo bax raab doon ah oo ay shacabka deegaankaasi Maanta ka dhigeen halkaasi. Gudoomiye Islaawe ayaa Tilmaamay in Alle Barigaasi ay ka qeyb qaadanayaan Boqolaal Shacab ah, kuwaas oo Raxmanka ka baryaya in uu ka dul faydo Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Deegaanka iyo Guud ahaan Dalka. Sidoo kale Culumadii ku sugnaa Isku soobaxa Roobdoonta ah ayaa u duceeyay Bulshada, waxaa ayna ku wacdiyeen in ay badiyaan alle ka cabsiga si looga gudbo dhibaatooyinka jira. Inta badan Deeganada Gobolka Shabellaha Hoose waxa ka jira Abaaro saameeyay dadka iyo Duunyadda, iyadoo Shacabka Gobolkaasi kunool ay Nolashoodu ku tiirsanayd awalba Beeraha iyo Xoolaha Nool. Sidoo kale Gobolka Shabellaha Hoose 10kii sano ee ugu Danbeeyay waxaa la dagey Colaado u dhaxeeya qabaa’iladda iyo kuwo hada ka dhax aloosan Alshabaab iyo Ciidamadda Dowladda. View the full article