-
Content Count
208,349 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan ayaa 16-kii bishii april sheegay in lasoo gabagabeeyay kiis kufsi ku saabsan oo lagu wareejiyay. Waxa uu sheegay in ay baaris dheer ku sameeyeen kiiska kufsi iyo dil Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaan Aadan oo ahayd gabar 12-jir. Xeer ilaaliyaha guud ayaa intaa ku daray in macluumaadkooda ay ku wareejin doonaan Hay’adda Dambi baarista Puntland, si ugu soo diyaariso galdacweed dhameystiran. Aw Cusmaan ayaa dalbaday in aan cadaaladda horgeynteeda lagala gamban dambiilayaasha ka dambeeya kiiskaan oo ah mid ugub ku ah dhulka Soomaalida. Maanta ayay wararku sheegayaan in la guda galayo maxkamadeynta ragga loo heysto kiiska kufsiga iyo dilkii xigay ee loo geystay Caaisho Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-sano jir. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dano gaar ah oo siyaasadeed ay ka dambeeyaan kiisaska kufsiga ah oo kusoo beegmay kolkii uu xafiiska la wareegay. Guddi katirsan Puntland ayuu sheegay in uu u xilsaaray, si ay usoo ogaadaan sababta iyo shaqsiyaadka ku lugta leh, si cadaaladda loo horgeeyo. Qoyska Caaisho Ilyaas ayaa dhamaadkii bishii April ka barakacay Magaalada Gaalkacyo, sababo la xiriira hanjabaad ay sheegeen in ay kala kulmeen qoysaska dadka u xiran kiiskoo waxaa dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo oo lagu dalbanayay in ay cadaaladda helaan qoysaska dadkooda la waxyeeleeyay. Puntland Post The post Dadkii ka dambeeyay Kufsi iyo dilkii Caaisha oo la maxkmadeeynayo appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacado kadib uu gaaro magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Waxaa magaalada kaga sii horeeyay ra’iisul wasaaraha dalka iyo wafdi ka socda madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasi oo magaalada Kulamo gaar gaar ah kula qaatay madaxda maamul goboleedyada. Amaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaalada ilaa garoonka diyaaradaha magaalada Garowe, waxaana la sugayaa wafdiga madaxweynaha. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu ka furo magaalada Garowe shirka u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo tabashooyin badan qaba. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shalay gaaray Garowe, waxaana xalay halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay Madaxda maamul goboleedyadda ee ku sugan Garowe, kulamadaasi oo looga hadlayay sidii shirkaan waxyaabaha kasoo baxa ay kaga duwanaan lahaayeen shirarkii hore. Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad cusub ka dhalatay sharci doorasho oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ee dowladda Federalka Soomaaliya, kaasi oo inta badan dowlad goboleedyada ay diideen qodobada qaar oo sharcigaasi ku jiro. La soco waxii kasoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Koox ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada ayaa qorsheyneysa inay ka hirgeliso dalkaas Madxaf lagu keydiyo taariikhda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmonton. Qaban-qaabiyaasha iyo muwaaddiniinta asalkoodu yahay Soomaalida ee arrintaan isku xilqaamay ayaa rajeynaya in Madxafku uu gacan ka geysan doono in la baro dadka Soomaaliyeed ee jooga magaalada Edmonton dhaqankooda gaar ahaan dhallinyarada magaaladaas ku sugan ee aan waligood arkin Soomaaliya. Qaban-qaabiyaasha ayaa aaminsan in Madxafkaan oo ah kii ugu horreeyey oo Soomaali ka hirgeliso dalka Canada uu wax badan ka qaban-doono dhaqanka iyo dhaxalka dadka Soomaaliyeed. “Xaqiiqdu waxay tahay inaan ogoonno cidda aan nahay, Waxa aan haysan jirnnay iyo waxa innaga lumay,” Sidaana waxaa tiri agaasime Naciima Hayle.” Madxafku ma laha taariikh la furayo laakiin madaxa dhaqanka bulshada Jibril Ibrahim ayaa sheegay inay rajeynayaan qabashada daahfurka Madxafka xilliga xagaaga. Waxaa xaruntiisa laga dhigi doonaa dhismaha Bosco Foundation ee deegaanka Balwin halkaasoo bulshada Soomaaliyeed ay xarun ku leedahay. “Waxaan dooneynaa ineynaan u isticmaalin meeshaan oo kaliya dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Alberta laakiin sidoo kale waxaa jira carruur badan oo ku dhashay Alberta kuna barbaaray halkaan kuwaasoo aan waxba ka ogeyn taariikhda iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ibrahim. Haddii aadan aqoon meeshii aad ka timid ma taqaanid meesha aad u socoto.” Dadka Soomaaliyeed ee dalka Canada ku sugan waxay leeyihiin taariikh iyadoo badankood ay dalkaas ku yimaadeen qaxootinnimo kaddib dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay 1991dii, tiro dad Soomaaliyeed ah ayaa Canada yimid sannadihii 1960 iyo 1970 iyagoo ah arday ay soo dirtay dowladdii Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland kulamo gaar gaar ah kula qaatay madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo ra’iisul wasaaraha dalka. Kulamadaasi ayaa looga hadlayay shirka maanta ka furmayo magaalada Garowe iyo ogaanshaha tabashooyinka ay qabaan madaxda maamul goboleedyada oo horey loogu soo gudbiyay dowladda Soomaaliya. Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in kulamo gaar ah ay dhexmareen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana kulankaasi uu qaatay saacado badan. Kadib waxaa kulamo gaar ahaa yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle oo kusugan magaalada Garowe, waxaana maanta la filayaa inuu ku biiro madaxweynaha Galmudug. Shirka maanta ka furmayo magaalada Garowe ayaa la qorsheynayay inuu furmo Labadii Bishaan May, balse dib u dhac ayaa ku yimid, waxaana uu saacadaha soo socdo ka furmayaa magaalada Garowe. Ujeedada Shirarka gaar gaarka ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Garowe ayaa lagu sheegay in lagu gorfeeyay sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaabaha kasoo baxa shirka maanta dhacaya. Waxaa ra’iisul wasaaraha dalka loo gudbiyay in laga doonayo dhaqan gelinta shirka maanta iyo waxyaabaha kasoo baxa, maadaama dowladda Soomaaliya marar badan aysan dhaqan gelin waxyaabihii kasoo baxay shirarkii hore. La soco waxyaabaha kasoo kordha shirka maanta ka furmaya magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Qaraxa ayaa dhacay wakhti dambe oo ku beegan 1:00am ee xalay xilligaasi oo aan magaalada looga baran in qaraxyo ka dhacaan islamarkaana dadka badankoodu ay hurdeen. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino nooca boodada loo yaqaan ah oo lagu aasay kadinka guriga taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala G/sare Cabdiraxmaan Qadaafi. Taliyaha ayaa sida la xaqiijiyay ka badbaaday qaraxa lamana soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxaasi balse gurigiisa ayaa burbur ka soo gaaray. Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala iyo ku xigeenkiisa ayaa magaalada Boosaaso ka deggan laba guri oo isku-dheggan kuwaasi oo uu xalay saameeyay qaraxa. Laamaha amniga dowladda Puntland ee gobolka Bari ayaan dhankooda weli ka hadlin qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso. PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Taliye ka tirsan Puntland oo ka badbaaday qarax gurigiisa lala eegtay appeared first on Puntland Post.
-
Somali journalists joined their colleagues across the globe in marking the World Press Freedom Day on Friday by calling on the country's lawmakers to approve the current media law to help guide their operations. Source: Hiiraan Online
-
Camlica Mosque, which has a combination of Ottoman and Seljuk architectural style, can accommodate 63,000 worshippers. Source: Hiiraan Online
-
jibouti's Ministry of National Education awarded the international school of Turkey's Maarif Foundation as best school of this education term. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka dalbaday in uu la shaqeeyo Dowladda uu hogaamiyo isagoo ka dalbaday in hal qodob oo kaliya uu hada ka baajiyo ama ka xaliyo. Caasimada Online ayaa ogaatay in Farmaajo uu Sheekh Shariif Sheekh uu ka dalbaday in uu ka baajiyo mooshin xilka looga qaadayo Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo si qarsoodi ah u diyaariyeen Xildhibaano ka badan 110 Xildhibaan oo mucaarad ah. Farmaajo ayaa Shariif u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameyn doonto Isbadalo dhanka Siyaasadda iyo amaanka ah maadaama uu waqti haayo, sidoo kalane ay wajahayso dhibaatooyin dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo dibadda ah, sidaas darteedna uu ka dalbanayo inuu Shariif uu hor istaag ku sameeyo mooshinka Kheyre ka dhanka ah oo ay abaabulayaan Xildhibaano Mucaarad ah. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in uu isku dayi doono baajinta Mooshinkaas inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, waxaana heer gabo gaba ah maraya kulamadii uu la qaatay Xildhibaanada Mooshinka wada. Shariif ayaa markaas kadib la kulmay Xildhibaano ka badan 60 Xildhibaan, kuwaas oo hormuud u ah Mooshinka waxaana la sheegayaa in ay isku afgarteen baajinta Mooshinkaasi. Xildhibaanadan ayaa qaarkood ku jira xisbiga Himilo Qaran ee Shariif. Xildhibaanada uu la kulmay Sheekh Shariif ayaa waxa uu u sheegay in waqtiga oo gaba-gaba ah iyo shaqooyin badan oo yaala in laga baaqsado Mooshinka ay wadaan oo ay xaq u leeyihiin balse aysan sabab u noqon eedeyn uga timaada shacabka Soomaaliyeed hadii ay ridaan Raysal Wasaaraha oo ay horyaalaan shaqooyin badan. Xildhibanadaan ayaa qaatay Talada Shariifka oo aheyd in Mooshinka laga baajiyo islamarkaana uusan waxba qaban karin Raysal Wasaare kale oo hada la keeno sidaas darteedna Xukuumadda la daayo. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadcliyay Shariif Sheekh Axmed dadaalkii uu sameeyay. Arintaan ayaa u muuqata in halkaasi uu ku dhamaaday Mooshinkii la damacsanaa in Xilka looga qaado Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, waxayna Dowladda fursad u siin doontaa sii wadashaqada shaqada hortaala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa xalay qaraxyo lagu weeraray guryo ay magaalada Bosaaso ka degan yihiin labba sarkaal oo katirsan ciidamada Puntland, kana hawlgala buuraha gal-gala. qaraxyadan oo laga maqlay inta bgadan magaalada ayaan geysan wax khasaare nafeeda hase ahaate waxay burbur xoogan u geysteen guryihii lala beegsaday. Labadan qarax ayaa dhacay xili ay dadku hurdeen, waxayna kusoo aadayaan iyadoo Dawlada puntland waayadii u danbeeyey xooga saaraysay xaqiijinta amaanka magaalada Bosaaso, waxaana magaaladaas mudo billo ah ku sugan taliyaha ciidamada booliska Puntland General Muxiyadiin Axmed Aw-Musse. Puntland post The post Qaraxyo aan khasaara nafeed geysan oo ka dhacay Bosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa u hoggaansamay amar kasoo baaxa kooxda Al-Shabaab oo loogu sheegay inay kaamirada qarsoon ee CCTV ka fujiyaan goobahooda ganacsiga. Al-Shabaab ayaa ganacsatada u sheegtay in kaamirada CCTV ee ku jeeda wadooyinka caasimadda, siiba Wadadda muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama oo inta baxan qaraxyadu ka dhacaan, ay gebi ahaanba fujiyaan. Ganacsatada ayaa loo ogolaaday kaliya in gudaha xarumahooda ganacsiga ay ku dhejistaan kaamirada, si ay uga ogaadaan ama ugala socdaan tuugada, balse aysan marnaba kaamirada kusoo jeedin waddooyinka. Baaritaan uu arrintan ku sameeyey taleefishinka Universal ayaa xaqiijisay in xarumaha Bankiyada, Hoteelada iyo Carwooyinka iyo ganacsiyada waa weyn ay wada aqbaleen amarkii kooxda Al-Shabaab. Sababta Al-Shabaab ay amarkan usoo saartay ayaa lagu macnaeeyey inay kaga hortageyso in kaamerooyinkan CCTV ee ku dhegan xarumaha Ganacsiga, siiba kuwa wadooyinka ku jeeda ay duubeen muuqaallo marka dib loo daawaday sahlay in la daba galo gawaari ku qaraxday wadooyinkaasi, kadibna lagu soo qabtay dadkii ka dambeeyay qaarkood oo maxkamad lasoo taagay. Tallaabada Al-Shabaab ayaa u sahlaysa inay weeraro cusub ka fuliyaan magaalada ayaga oo aan ka cabsi qabin daba-gal, waxaana la sheegay in hay’adaha Amniga Dowladda Somalia aysan weli la iman kaamirooyin u gaar ah. Hoos ka daawo warbixinta arrinta
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaari magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku biiraya wafdi uu hogaaminayo Ra’isilwasaare Kheyre iyo madaxda maamul Goboleedyada oo shalay gaaray Garoowe. Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo madaxweyne Farmaajo ayaa ka socoto Garoowe. Madaxda maamul Goboleeeyada dalka ayaa kulan ku yeelanaya magaalada Garoowe. Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa safar dhanka dhulka ah lagu wadaa in uu ku gaaro Garoowe. Ugu dambeeyntii xalay waxaa Garoowe ka soconayay kulamo gooni gooni ah oo u dhaxeeyay Ra’isilwasaare Kheyre iyo madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan Garoowe. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Laba sannadood iyo bar oo la isku maaweelinayay Hiigsiga 2016, oo ay laf dhabar u ahayd in doorasho guud oo qof iyo cod ah la qabto kaddib, madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay VOA July 2015 ayaa sheegay in caqabado jira darteed aan doorasho hal qof iyo hal cod la qaban karin 2016, balse ay ka tashan doonaan sida wax loo dooran doono. Qirashadiisa in aysan doorasho suura gal ahayn waxay ahayd lama huraan, balse siyaasiyiinta qaar kuma dhiiran kari lahayn in wax ay u arkaan fashil siyaasadeed ay fagaare ka qirtaan. Qirasho keliya kuma joojinee wuu ka dhabeeyay in uu wada tashi geliyo habka ugu habboon ee uu kala guur nabad ah ku dhici karro. Kala guurkii si nabad ah oo guul ah buu u dhacay. Labadii sannadood iyo barkii hadda waa la joogaa. Maamulka Farmaajo hindise sharciyeed doorasho oo qof walba oo doorasho iyo xaalka dalka wada fahamsan, uusan qaabka uu yahay hadda ku oggolaan karin ayay ansixiyeen, maamulada qaar iyo xisbiyada durba diideen ayadoo aan la ogeyn wuxuu ka dhihi doonno baarlammaanka labadiisa aqal. Laba sanno iyo bar ku dhowaad doorashadii dhacday kaddib, duruufihii iyo caqabadihii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka sheekeeyay in ay sii adkaadaan mooyee waxba iskama beddelin. Sharciga oo u eg mid si aan hore loo arag isugu milaya laba nidaam madaxweyne iyo nidaam baarlamaani ah, wuxuu qeexayaa qaabka loogq bixi karo haddii duruufaha jira ay hor istaagaan doorasho. Qaabkaasi waa muddo kororsi oo ka bilowda baarlammaanka, madaxweynahana ugu biyo shubta si “automatic ah” asagoo aan far nuuxin, kordhinna dalban. Mid waa la hubaa: Doorasho ma dhici karto. Xasan Sheekh wuxuu keennay qaab suuragelin kara oo ugu yeeray “doorasho dadban”. Maamulka Farmaajo waxay keenneen qaab looga gudbi karro duruufahaas oo aan aniga ugu yeeray “muddo kororsi dadban”. Dadbaa dhihi doonna qodobkaas wuxuu la mid yahay kuwa sharciyada caalamiga ku jira ee lagu maareeyo duruufaha oo loo yaqaanno “contingency clauses”. Contigency clause oo la abuuro mar ay contigency jirto, fasiraad kale ma laha oo aan ahayn inuu qorshe yahay! Ma qabo in Xasan Sheekh ama Farmaajoba ay ku fashilmeen in ay doorasho suura geliyaan, arragtideyda waxay ila tahay in doorasho qof iyo cod ah aan hadaf laga dhigin waqtiyadaan dhow! W/Q: Hassan Adam Hosow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Ajandaha Kulanka ayaa ah u Codeynta Murashaxiinta u taagan buuxinta labada Xubnood ee ka banaan Guddiga la socodka Dastuurka. Waxaa xilalkaaan isku soo sharaxay gudoomiyaha guddiga dastuurka labada aqbal Cabdi Xasan Cawaaale Qeeybdiid waxaana uu dal baday in uu isaga buuxiyo booskaasi. Waxaa la sii xiray wadooyinka soo gala xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Baarlamaanka oo kulan yeelanaya appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay guriga Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland. Qaraxa ayaa ahaa miino lagu aasay darbiga guriga sarkaal Puntland u qaabilsan dhanka Buuraha Galgala oo ku yaala magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Dadka deegaanka oo ku sugan magaalada Boosaaso waxay sheegayaan in qaraxa uu burbur u geystay guriga sarkaalka, waxaana la maqlayay rasaas ay ridayeen ilaaladiisa qaraxa kadib. Halka qaraxa uu ka dhacay oo ah barta laga galo Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaa tagay Ciidamo katirsan Booliiska Puntland oo xiray waddooyinka, iyaga oo halkaasi baaritaano ka bilaabay. Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ee tagay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa xaqiijiyay in ay jiraan Khasaare ka dhashay Qaraxaasi, islamarkaana uu burburiyay guriyo ku dhawaa goobta uu ka dhacay. Wali laamaha Ammaanka maamulka Puntland faahfaahin kama bixin Qaraxa xalay ka dhacay Boosaaso, waxaana ay sheegeen in baaritaanka kadib ay saxaafadda la wadaagi doonaan waxyaabaha kasoo baxa. Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan oo si weyn looga maqlay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Wardheer (Caasimada Online) – Qoyska Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar yar oo lagu kufsaday laguna dilay magaalada Gaalkacyo, ayaa degay magaalada Wardheer ee gobolka Soomaalida dalka Itoobiya. Saynab Cabdiwahaab Aadan oo warbaahinta kula hadashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo(dowlad degaanka Soomaalida) ayaa sheegtay in qoyskeedu ka soo qaxeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kadib markii ay la kulmeen hanjabaado joogta islamarkaana ay u baqday carruurta inteedi kale. Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay u baqday in gabdhaheeda kale la marsiiyo waddadii ay martay Caa’isha, sidaas darteedna ay lasoo carartay. Sidoo kale hooyo Saynab ayaa mar kale ku celisay in ay caddaalad u helaan kufsigii iyo dilkii arxan-darrada ahaa ee Puntland loogu geystay gabdhoodii saqiirka ahayd. Hadalkeeda ayaa ku soo beegmay xilli weli xukuumadda Puntland aysan cadaaladda horkeenin dadka ku eedaysan kufsigii iyo dilkii Caa’isho oo si weyn u gilgilay quluubta bulshada Soomaaliyeed. Halkaan ka daawo
-
Booliiska Somaliland ee gobolka Sool ayaa xalay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi ku xiray Abukar Cabdi Geelle oo soo noqday guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland. Xubno ka tirsan qoyska guddoomiyihii hore ee gobolka Sool ee Puntland Abukar Cabdi ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in Booliiska degmada Laascaanood ay xalay xabsiga dhigeen Abukar balse aan weli loo sheegin eedaha loo haysto. Sidoo kale qof kamid ah saaxiibadiisa oo isna xaqiijiyay warkaan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Somaliland ee gobolka Sool ay Abukar u haystaan in uu magaalada Laascaanood ka waday ol’ole ka dhan ah Somaliland oo lagu taageerayo xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Abukar ayaa xilligii uu guddoomiyaha ka ahaa Puntland lagu xasuusta hadallo kulul oo uu warbaahinta u marin jiray maamulka Somaliland iyadoo wakhtigaasi ay degaanka Tukaraq ka aloosneyd xiisad u dhexaysay Puntland iyo Somaliland. Abukar ayaa xilka guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland iska casilay bishii October ee 2018 isagoo markii dambe dib ugu laabtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Waxaase uu maalmihii u dambeeyay qoraallo lagu taageerayo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka soo qorayey gudaha degmada Laascaanod. PUNTLAND POST The post Somaliland oo xabsiga dhigtay mas’uul hore oo ka tirsanaa Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa ugu baaqay Soomaalida iyo Qowmiyadda Cafarta inay ka wada hadlaan qaboojinta xiisad colaadeed oo la sheegay inay ka jirto degaannada xuduudda labada maamul ee dalka Itoobiya. War saxafadeed uu soo saaray ururka ONLF maanta waxa uu ku sheegay inay cambaaraynayaan dilal dhacay dhowaan oo loo gaystay 13 qof oo Soomaali ah. ONLF waxay kaloo war saxaafadeedkaasi ku sheegtay in xuddunta colaaddu tahay saddex degmo oo ay leedahay Soomaalidu oo la raaciyey dhinaca Kililka Cafarta sannadkii 2014-ka xilligaas oo Itoobiya uu ka talinayey maamulkii hore. Dhinaca kalena, Dawladda Maamulka Soomaalida ayaa ku eedaysay dablay hubaysan oo Cafar ah inay dileen 11 Soomaali ah. Dilkaasi kadib ayaa la sheegay in dhalinyarao Soomaali ah ay xireen khadka tareenka ee isku xira Jabuuti iyo Itoobiya. Dadaal ay doonayeen ciidamada Itoobiya in khadkaasi lagu furo ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku dhintay hal qof, sida ay ilo wareedyo u sheegeen VOA. Mas’uul u hadlay Soomaalida degaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadka Cafartu ay sidoo kale dhaawaceen 17 xoolalay Soomaali ah. Maamulka Cafarta waa ay beeniyeen eedaha ka yimid Maamulka Soomaalida. Sarkaal u qaabilsan dhinaca isgaarsiinta Maamulka Cafarta ayaa VOA u sheegay in booliiska Cafartu aysan joogin degaankaas. Maamullada Cafarta iyo Soomaalida ayaa kala sheegta lahaanshaha saddex degmo. Cafarta mas’uuliyiintoodu waxay sheegeen in xal ka gaarista saddexda degmo inay gacanta ugu jirto guddiga heer federaal ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
At least eleven civilians, many of whom pastoralists, were killed by members of the Afar regional state special forces, Mustefa Omer, president of Somali regional state confirmed to Addis Standard. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors