-
Content Count
208,354 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta ka hadlay ragg loo soo qabtay dilkii loo geystay labo sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Somaliland. Wasiir Kaahin ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey dadka loo soo qabtay falkaasi, isagoona si adagna uga jawaabay eedo uu dhowaan usoo jeediyey Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdirxamaan Ciro, wuxuuna yiri: “Saddex kamid ah dadkii dilay laba sarkaal gacanta lagu soo qabtay, toban qof oo taakulo iyo gacan ka gaystay badbaada dableydaasi waa la soo xiray, waxa kale oo la qabtay 4-gaadiid oo ay dilka ku fuliyeen iyo gaari kale markii uu falku dhacay taakuleeyey dablaydaasi, intaasba sharciga la horgeynaya” Wuxuuna intaas kusii daray “Marka uu dhaawac yimaado waxay aheyd inuu Gudoomiyaha xisbiga Wadani qaranka la safto, balse waxa jirta inuu qaranka ka safan yahay, wuxuu ka heluu leeyahay, isagoo shakhsiyaad u jeedo oo si kale ku mucaaradi lahaa ayuu uu aniga eedeeyey dadkaasi dambigalay ayey isir wadaagan, si uu iskugu dhufto beelaha walaalaha ah oo is leeyahay sidaas baad taageero ku halaysa” “Arrinkaasi waa la baarayaa oo baaritaanku kamid noqonaya Guddoomiye Cirro oo xogta uu helay inay xog jirta tahay iyo inuu ujeedadiisu banaanka usoo baxdo waa la baadhaya, waana ka xunahay isagoo xisbi qaran musharax u ahaa inuu sharciga ku gafo isagoo cid shakhsiyaad ah u jeedda ama dad kale u jeedda”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) said Thursday it has launched a training program on human rights for Somali security forces to enhance their compliance with international human rights law. Kareem Adebayo, AMISOM’s head of the protection, human rights, and gender unit, said the week-long training will focus on child rights and the dangers of recruiting children as soldiers in armed conflict. “Central to those mandates is the fact that AMISOM should discharge its mandate with due respect to the International Human Rights Law and the applicable International Humanitarian Law (IHL), and key to this is that children will not be used as fighters in Somalia, either by AMISOM or by Somalia security forces,” Adebayo said in a statement issued in Mogadishu. The training will be attended by officers from the Somali National Army (SNA), the Somali Police Force (SPF), the National Intelligence and Security Agency (NISA) and line ministries, both from the federal and states governments. The training, which is being conducted in accordance with the constitutional provisions of Somalia and AMISOM’s mandate from the African Union and the United Nations, comes as the implementation of the Somalia Transition Plan takes center stage. “The training reflects the Somali government’s commitment to upholding the policy that children belong to the school and deserve a peaceful and conducive learning environment,” Warsame Mohamed Hassan, director general in the ministry of defense, said. The AU mission has intensified training programs on human rights to prepare Somali security forces to assume the country’s security responsibility in accordance with the dictates of the Somalia Transition Plan and UN Security Council resolution 2431 of 2018. The UN resolution calls for a reduction of uniformed personnel and increased the presence of AU police in the country to support the expansion and maintenance of law and order as security responsibilities are transferred to Somali security forces. View the full article
-
The UN migration agency said Friday it plans to relocate some 24,000 internally displaced persons (IDPs) at risk of eviction to public sites in Baidoa, southwestern Somalia. International Organization for Migration (IOM) said the regional South-West State has provided public land to humanitarian partners for development and subsequent relocation of displaced families who find themselves at risk of eviction. “This effort by the authorities in Baidoa and South-West State is vital to ensuring that displaced people in Baidoa live in dignified conditions until they wish to return to their home areas, or integrate into the local community,” Rainer Gonzalez, IOM’s senior programs coordinator said in a statement. The organization said thousands of IDPs are under constant threat of eviction in the city of Baidoa which currently hosts more than 323,000 displaced people, many of whom live on private land without secure tenure agreements.According to statistics, more than 11,900 individuals were evicted in Baidoa without proper notice this year between January and March. An eviction risk assessment conducted in February by humanitarian partners revealed that 48 out of the 391 IDP sites hosting 5,170 households in Baidoa were at very high risk of eviction and 117 IDP sites hosting 12,697 households were at high risk. The UN migration agency said discussions and community consultations were held with the local leaders and communities from these 48 IDP sites in Baidoa town to identify those who would be interested in being relocated. “Of the 48 IDP sites involved, residents from 15 of them showed a willingness to be relocated,” said the IOM. IOM’s Kathryn Ziga, a camp management consultant said communities were shown the site and services available, including the security posts, plot sizes, water collection points, and lockable household latrines. “Relocation is voluntary. If they like what they see, they can decide to move,” Ziga said. View the full article
-
Somali Prime minister Hassan Ali Khaire has held a meeting with the president of Puntland state, Said Abdullahi Deni in Garowe city on Friday night. The meeting which took place at the regional state capital in Garowe focused on a range of issues concerning the country’s current situation. The meeting comes ahead of the planned consultative forum between Somali Federal government and its member states [Puntland, Galmudug, HirShabelle, Southwest, and Jubbaland]. The premier also met with Islan Isse, one of the respected traditional elders in Puntland at his house in Garowe, the host of the upcoming conference slated for May 5. View the full article
-
Somaliland: Home Minister Attacks Waddani Chair & Says Criminals Captured. Hargeisa,(Qaran news)-The Somaliland minister of Home Affairs, Mohamed Kahin Ahmed stated that three men accused of the murder of two Somaliland officers, Major Abdillahi Ahmed Tallan and Lieutenant Nur Aw Ali Nuh have been captured along with vehicles used in the assassination. The minister also confirmed that ten other men are currently in custody and are under active investigation on suspicion of planning, aiding and abetting the accused. In a press conference attended by the Chiefs of the Somaliland Defence and Police Forces, minister Kahin then preceded to attack Waddani chair, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” of according to the minister “using the tragedy for political reasons, and of trying to tie the would be assassins to me, because of community affiliation and of attempting to sow disharmony between the people of the two regions and communities..for not standing by the nation in this tragedy”. In his press conference, minister Kahin stated ” that any request of assistance from the two martyred officers had not reached his desk, was not aware of any requests. The matter was in the hands of the relevant senior officers in the area”. The minister continued in his press conference by stating that the ” proposed emergency law was intended for the three towns of Erigavo, El-Afwein and Garadag” and the proposal has not been abandoned. All in all, in a remarkable press conference in which the minister Kahin attempted to defend against or deflect any blame for the current situation, it is clear as the minister in charge of internal affairs, the issue of “duty of care” to his subordinates seems to have escaped his grasp. Neither the chair of Waddani, the Somaliland media, nor any true Somalilander takes any pleasure in this despicable act, and it doesn’t matter which community the perpetrators are from. They are criminals, pure and simple. However, as the minister and commanders responsible and currently in place, the”buck stops with you” there is no point in affixing blame to anyone else, either own up, apologize and promise to do better, or do the honourable and most unlikely thing, RESIGN. Somaliland: Home Minister Attacks Waddani Chair & Says Criminals Captured. Qaran News
-
(SLT-Switzerkand)-Dowladda Switzerkand ayaa xaqiijisay inay Ninkaasi oo Khadiib ka ahaa Masaajid ku yaalla dalka Switzerland la soo masaafuriyey. Masaafurintaasi ninkaasi ayaa la sheegay in lagala kulmay culays, kadib markii uu hore ugu adkeystay inuu yahay Muwaadin u dhashay dalka Ethiopia, balse Hay’addaha Socdaalka iyo Ammaanka ee dalkaasi, waxay soo xaqiijiyeen inuu yahay Muwaadin Soomaali ah. Warbaahinta Switzerland ee Swiss info channel waxay maanta ka soo xigatay Hay’adda Socdaalka dalkaasi in la masaafuriyey Ninkaasi oo aan magaciisa iyo sawirkiisa la shaacinin, kadib, markii lagu helay inuu ka dambeeyey qalalaaso ka dhacay dalkaasi sannadkii 2017-kii. Maxkamad ku taalla dalkaasi waxay 2 sanno ka hor amar ku bixisay in Khadiibkaasi la masaafuriyo, kadib, markii lagu helay inuu Khudbado aan sharci ahayn ka jeediyey Masjidka Al-nuur oo ku yaalla magaalladda magaalladda 6-aad ee ugu weyn dalkaasi ee Winterthur ee ku taalla W/Glabeed dalkaasi. Maxkamaddu waxay kaloo ka mamnuucday Khadiibka aanu dib u soo gelin Karin dalka Switzerland muddo muddo 10-sanno ah, waxayna Maxkamaddu amartay in albaabadda loo laabo Masjidka Al-nuur oo ay ku tilmaameen in Dhallinyarada lagu baro waxa ay Reer Galbeedka ugu yeedhaan Xag-jirnimada. Source
-
Baladweyne (Shabelle Media Network):– Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Xisbiga MidQaran oo kamida xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Dalka Ayaan Manta lagu qabtay magaaladda Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan, Waxaana munaasabada ka qeyb galay Odayaal dhaqameedyo, aqoonyahano, Siyaasiin, ururada Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaaladda Baladweyn ee Caasimada Gobolka Hiiraan. Dadkii madasha ka hadlay ayaa soo dhaweyay Xisbiga MidQaran oo kamida Xisbiyada siyaasadeed ee dhawaan la meel mariyay waxa aay shegeen in xisbigaan uu xisbiyada kale uga duwanyahay in hogaanka Xisbiga Dr Abdinur Sheikh Mohamed uu yahay aqoonyahan iyo siyaasi si dhow ula socda xaalada soomaaliya waxbadana dalka ka badali karo hadii uu xisbigaan guleeysto, sidoo kale dadkii munaasabada ka hadlay waxa aay shegeen in Dr Abdinur Sheikh Mohamed uu wax badan ka shaqeynayay arimaha waxbarashada soomaaliya, waxa uu waqti badan galiyay in nidaamka waxbarasho ee soomaaliya uu fariisto, isagoo lagu xusuusto xiligii uu ahaaa Wasiirka Waxbarashada soomaaliya iyo in uu Wax badan ka badalay nidamkii waxbarasho ee dalka ee xiligaasi. Nabadoon Shuuriye Xuseen Xayoow oo kamida nabadoonadii munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo Xisbiga MidQaran” Waan soo dhaweynayaa Xisbiga MidQaran Waxaan u rajeynayaa in uu wax badan kusoo kordhiyo dalka, waan ku kalsoonahay hogaanka Xisbiga oo ah nin waaya-araga aqoonyahan ah wadankana samata bixin Kara ” sidaasi Waxaa yiri ” nabadoon Shuuriye Xayoow” Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Xaawo Axmed Maxamed oo ku hadleysay Magaca Haweenka Gobolka iyadoo bogaadisay Xisbiga MidQaran iyadoo hogaanka Xisbiga kula dar-daarantay in aay xoojiyaan howlaha Xisbiga si soomaaliya aay uga gudubto nidaamka hadda aay wax ku qeysato oo aay sheegtay in soomaalida aay daashatay. Wasiir Xuxigeenka Dastuurka Maamulka Hirshabelle ahna Xildhibaan ka tirsan Maamulkaasi Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo kamid ahaa mas’uuliyintii kulanka lagu Casuumay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo in soomaaliya aay u guurto nidaamka xisbiyada waxa uu bogaadiyay hogaanka sare ee Xisbiga MidQaran Dr Abdinur Sheikh Mohamed, Isaga oo sheegay in Madaxda Xisbiga MidQaran aay xisbiyada kale uga duwanyihiin in aay yihiin aqoonyahano xaalada dalka la socda wax badana usoo joogay isagoo xusay in Madaxda Xisbiga aay yihiin kuwii samata bixin soomaaliya. soomaaliya ayaa u Muuqata mid u gureeysa nidaamka xisbiyada, iyadoo siyaasada soomaaliya muddo dheer lagu jaan goynayay nidaamka wax ku qeybsiga 4.5, dadka arimaha siyaasada falaqeeya ayaa bogaadiyay oo soo dhaweyay in siyaasada soomaaliya aay u guurto nidaamka xisbiyada iyagoo dhaliilay nidaamka wax ku jan-goynta qabiilka ee 4.5. Dowladda soomaaliya dhawaan waxa aay meel marisay nidaamka xisbiyada siyaasadeed ee dalka, Xisbiga MidQaran waxa uu kamid yahay xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ee la ansixiyay. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo kamid ah salaaadiinta ugu miisaanka weyn gobolka Awdal ayaa si adag uga hadlay dil dhawaan gobolka Sanaag loogu gaystay saraakiil ka tirsanaa ciidammada Somaliland, waxaanu Suldaanku sheegay in dilkaasi uu ahaa mid qorshaysan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa maanta kusoo biiray axsaabta siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya. Guddiga doorashooyinka ayaa maanta shahaado siiyay dhowr xisbi waxaana si gaar ah dadka usoo jiitay xisbi uu hogaaminaayo duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed, kaas oo ay sidoo kale ku jiraan siyaasiyiin badan oo horey xilal muhiim ah dalka uga soo qabtay. Xisbiga Awoodda Shacabka (People’s Power Party) waxaa sidoo kale ku jira siyaasiyiin hore, aqoonyahano, ganacsato iyo dad badan oo qiimo kuleh bulshada dhexdeeda . Thabit Cabdi ayaa la sheegay inuu arrimaha xisbigaan ku mashquulsanaa tan iyo bishii Janaayo ee 2018. Gudoomiye kuxigeenkii hore ee gobalka Banaadir Cabdulaahi Cilmi Xaaji Ereg, oo hadana ah gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awooda Shacabka ayaa maanta ka gudoomay guddiga doorashooyinka Qaranka shahaadada xisbiga. “Waxaan uga mahadcelinaya guddiga doorashooyinka Qaranka sida wacan ee ay howshaan u hageen, waxaan rajo badan ka qabnaa in loolanka siyaasadda ee Soomaaliya uu noqon doono Xisbiyo ku tartama adeega shacab, wax badan oo ku saabsan xisbiga Awoodda Shacabka waxaad dhamaantiin ku ogaan doonta munaasabada ugu soo horeysa ee Xisbiga ayuu yiri Xaaji Ereg, gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awoodda Shacabka. Dad badan ayaa aaminsan inuu xisbigaan heli doono rabitaan bulsho oo xoogan iyadoo laga cabir qaadanayo adeegyadii uu Thabit Cabdi u qabtay shacabka, mudadii uu hayay xilka gudoomiyaha gobalka Banaadir iyo sida ay wali shacab badan u jecel yihiin. Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa intooda badan isha ku haya in laga guuro hanaanka qabiilka ee 4.5, iyadoo loo gudbaayo in lagu tartamo nidaamka xisbiyada badan. Beesha Caalamka ayaa sidoo kale xoog iyo xoolo ku bixineysa in saamileyda siyaasada ee Soomaaliya, iney arrintaan ka dhabeeyaan. Dhamaad
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya tuugo cusub oo magaalada ka dillaacay kuwaas oo dhac u gaysaneyso shacabka oo maalmihii ugu dambeysay dhibaato ku hayay Xaafado ka mid ah degmooyinka Muqdisho. Tuugadan ayaa dhac ka gaysta magaalada xilliyadii habeenkii iyo maliinkiiba, waxayna shacabka ka dhacaan telefoonada halka qaar kamid ah ay waddooyinka u fariistaan shacabka. Qaar kamid shacabka Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in tuugada ay soo bateen maalmihii u dambeysay, isla markaasna inta badan ay dhac u gaystaan habeenkii. Dhibaatada ugu badan ayaa waxaa ay ka taagan tahay degmooyinka Wartanabadda iyo Howlwadaag, waxaana maalin cad dadka laga dhacaa Computer-da iyo Teleefanada gacanta. Shacabka Muqdisho ayaa ku ammaanay Ciidanka Booliska bilo ka hor tilaabo ka dhan aheyd Kooxaha Burcadda ah oo laga bilaabay degmooyin ka mid ah Muqdisho, taasoo keenay in gacanta lagu dhiggo tuugo badan. Soo laabashadda Kooxaha burcadda ah ayaa cabsi badan ku abuurtay Shacabka, waxaana ay ugu baaqeen Hay’addaha Ammaanka in Xaafaddaha Muqdisho lagu soo celiyo Ciidankii Booliska ahaa ee ku sugnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Wararka aanu hadda ka helayno deegaanada Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Somaliland ay gacanta kusoo dhigeen qaar kamid raggii diley labadii sarkaal ee dhowaan lagu dilay deegaano ka tirsan gobolkaasi. Warar xogogaala ayaa sheegaya in howlgalo ay fuliyeen Ciidamadu ay kusoo qabteen ku dhawaad 8-nin oo ku eedeysan dilkaasi, kuwaasi oo ku dhuumaleysanayey buurta Buur-dhaab ee gobolka Saraar. Ciidamada Boolisku ayaa waxa kale oo ay gacanta kusoo dhigeen 4-gaari oo ay wateen raggan la soo qabtay, iyaga oo weli baadi-goob ugu jira ragg kale oo firxada oo iyaguna ku eedeysan dilkaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Ciidamada Booliska Somaliland oo ku aadan howl-galadan ay ku soo qab-qabteen dableydii ka dambeysay dilkii labada sarkaal. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xarunta Xuquuqal Insaaku waxaay walaac ka qabtaa falka xoog ah ee lagaga saaray qoysas dhul ay degenaayeen oo la sheegay in loo qoondeeyey in laga dhiso madaxtooyo cusub. 17ka April 2019, booliiska iyo ciidanku waxaay si xoog ah uga saareen qoysaska dhulkan oo ku yaal koonfurta galbeed ee Hargeysa. Fiidyow la duubay xiligii dadka la saarayay iyo warysiyo ay qaaday Xaruntu waxaay u cadeeyeen in Booliisku isticmaalay xoog aan daruuri ahayn markii uu dadka saarayay islamarkaana uu xidhay dad deganaa dhulka. Booliisku ma haysan waaran maxkamadeed. Dhulka doodu ka jirto waxa dayr ku wareejiyay ciiidanka militariga iyada oo loo diyaariyay in madaxtooyo laga dhiso, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadu. Dadka la xidhay markii danbe waa la sii daayay dhamaantood. Warbixino caafimaad iyo waraysiyo ay qaaday Xaruntu waxaay ku ogaatay in dadka dhulka deganaa qaarkood dhaawac soo gaadhay markii laga saarayay. Maxamed Cali Bile, Agaasimaha Madaxtooyadu, wuxuu sheegay in dawladdu awood u leedahay inay la wareegto hanti gaar loo leeyahay hadii ay u baahato dawladdu. Wuxuu qiray in dhulku ahaa mid dad shacab ahi leeyihiin. “Dawwladdu muran kama qabto in dhulka shacab lahaa iyo inaan wax mag dhow ah la bixin,” ayay tidhi Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka. Qodobka 31aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu ilaalinayaa xaqa lahaanshaha hanti gaar ah. Dastuurku wuxuu sheegayaa hantida gaar loo leeyahay “lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana Ia bixinayo cawil-celin munaasib ah.” Dastuurku wuxuu waajib ka dhigayaa in la asnxiyo xeer “xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed.” “Hada ma jiro xeerkaasi, wax magdhow ahna lama siin dadka dhulka leh. Dawladdu hanaan ay u raacday dhul la weerigistaas ma jiro. Ciidan ayaa goobta la keenay iyana dayr ayay ku wareejiyeen dhul wayn oo 4 KM ah. Xoog ayaa lagaga saaray dadkii lahaa,” ayay ku dartay Yaasmin. “Falka caynkan oo kale ahi hore inooma soo marin. Qoysas ayaa dhulkooda debedda looga turay. Dhisidda qasri madaxtooyo maaha arin daruuri ah. In qoysasku helaan hoy ayaa ka mudan. Waxaayna dadkani u haystaan dhulka dhukumentiyo sharci ah oo lahaanshohooda sugaya. Dawladda waxa ku waajib ah inay sharciga raacdo,” ayay ku dartay. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda inay ixtiraamto xuquuqda lahaanshaha gaar ahaaneed ayna u ogolaato dadka dhulka lihi inay dib ugu soo noqdaan dhulkooda. Yasmin Omar H Mahmoud. Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Email: hrcsomaliland@gmail.com Source
-
Muqdisho (SMN ) – Illaa saddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana 27-kii bishii hore lagu soo doortay magaalada Baydhbo ee xarunta gobolka Baay ayaa manta lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ee M/ Muqdisho. Xildhibaanada la dhaariyay ayaa kala ah:- Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye), Nuur Siidow Baaba Xasan iyo Cali Cadow Maxamed. Intaasi kadib Mudanayaasha golaha shacabka ayaa waxaa loo qeybiyay wax ka bedalka sharciga Batroolka, si au u soo marsiiyaan Akhrinta labaad. Ugu dmabeyn Xildhibaanada ayaa guda galay u codeynta illaa 8 Musharrax oo isu soo taagay buuxinta labo xubnood oo ka banaan guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xilli maalma qura ay ka harsan tahay bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa diyaar garow xoogan laga dareemayaa suuqyada magaalada Muqdisho. Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ah ganacsatada ku dhaqan Caasimadda ayaa Shabelle uga warbixiyay, sida ay dadku isugu diyaarinayaan Bisha Ramadaan. Ganasadahani ayaa sheegay in Suuqu uu yahay mid saxmad badan, islamarkaana si wanaagsan ay u dukaameysanayaan macaashiisha. Dhanka kale Maxamed Axmed Maxamuud ayaa xusay in isbedal dhinaca qiimaha ah laga dareemayo raashiinka, bagaashka iyo Timirta. Waxaana uu sababeeyay sare u kacani u diyaar garowga bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan. Ramadaan oo ah bil ku weyn Ummadaha Islaamka ayaa dadka Muslimiinta ahi waxa ay isugu hamblyeynayaan bilashada bisha qeyrka badan ee Ramadaan. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta min 7 maalmood oo Rumaan ah ( xabsi ku sii hayn) u jartay saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Maxamed Sidiiq Dhamme. Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa waxana loo wareejiyay Xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa. Qoraa Siciid Maxamuud Gahayr ayaa oo ka mid ahaa dadkii maxkamadda ku sugnaa ayaa ka warbixiyay qaabkii ay wax u dhaceen waxaanu ku yidhi qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook: Source
-
Garowe (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaan magaalada Muqdisho ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Garowe ee u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul gioboleedyada dalka. Dadweynahani oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in loo baahan yahay Midnimo, isu tanaasul iyo wax wada qabsi. Sidoo kale waxa ay ku baaqeen in laga gudbo Mad Madowga haatan jira ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa la filaya in saacadaha nagu soo aadan ay shir wadatashi ah ku yeeshaan magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Halkan Hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Codad-dadweyne.mp3 View the full article
-
Popular Contributors