-
Content Count
208,366 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (Caasimada Online)-Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeysay shirka magaalada Garowe kaga furmayo madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka. Shirkaasi ayaa ah midkii ugu adkaa oo ay yeeshaan dhinacyada ku shiraya maanta magaalada Garowe, waxaana looga hadlayaa amaanka, dhaqaalaha, siyaasadda, qeybsiga Kheyraadka, deeqaha caalamka iyo arinta ugu daran oo ah doorashooyinka. Waxaa la filayaa in shirka uu gelinka dambe ee maanta uu ka furmo magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana socda diyaar garow iyo shirar gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda ku sugan magaalada Garowe. Ra’iisul wasaare kheyre ayaa magaalada Garowe kula shiray madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, isaga oo ka doonayo inay taageero kaga helaan shirka xasaasiga ah ee ka dhacaya magaalada Garowe. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow ayaa la sheegay dhankiisa inuu ku sugan magaalada Garowe, islamarkaana uu ka qeyb galayo shirka ka dhacaya magaaladaasi. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa socday qaban qaabada shirka, waxaana uu shirkaan baaqday labadii iyo Afartii Bishaan, iyadoo maanta gelinka dambe la filayo in shirka uu furmo. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo badan la geeyay hareeraha magaalada. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
(SLT-Hakari)-Afar askari ayaa la dilay, 2 kalena waa la dhaawacay, kadib markii Ciiddanka Turkiga iyo Maleeshiyadda Kurdishka ee YPG uu dagaal ku dhex maray DegmaddaTel Rifaat ee Waqooyiga Suuriya iyo weerar Hoobiyayaal lala beeegsaday saldhig ay Millateriga ku leeyihiin Gobalka Hakari ee K/bari ee Turkiga. Askarta la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Sarkaal ay darajadiisu ahayd Gaashaanle, halka Sarkaal kale oo Gaashaanle Sare ahaa uu si xun ugu dhaawacmay weerarkaasi. Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa lagu xaqiijiyey khasaaraha soo gaaray Ciiddankooda, balse waxay sheegtay inay qadaeen weerar aar-goosi ah, kuna dileen 28 ka tirsan Maleeshiyadda YPG iyo kuwa PKK. Source
-
(SLT-Vietnam)-Hogaamiyaha dalka Vietnam ayaanan lagu arkin meel fagaara ah ku dhowaad seddex toddobaad, taas oo keentay in walaac laga muujiyo xaaladiisa caafimaad. Madaxweyne Nguyen Phu Trong oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga haya talada dalka ee shuuciga, ayaa la waayay meel uu qabtay kadib markii uu xanuunsaday, 14-kii bishii Abriil ee sanadkan. Shakiga laga qabo cafimaadka madaxweynaha ayaa sii xoogeystay jimcihii la soo dhaafay ka dib markii madaxweyne Nguyen Phu Trong oo 75 jir ah uusan ka soo qeybgelin aaska madaxweynihii hore ee dalkaasi Le Duc Anh. Warbaahinta dawladda ma ay sharaxin sababta uu u maqnaa madaxweyne Trong, oo la filayay inuu hoggaamiyo aaska. Afhayeen u hadlay dawladda ayaa aaska ka hor sheegay in shaqada badan iyo cimilada ay saameeyeen xaalada caafimaad ee madaxweynaha. Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Trong uu si dhaqsi ah shaqada ugu soo laaban doono. In la qariyo arrimaha la xiriira caafimaadka hoggaamiyeyaasha xisbiga iyo sarakiisha dawladda, ayaa waxay yihiin waxyaabaha lagu muujiyo in dalkaasi Vietnam u yahay dal xasiloon oo hoos taga maamulka hal xisbi sida uu sheegaya Giang Nguyen oo ah tifaatiraha wararka ee laanta BBC-da ee dalka Vietnam. “Bishii Nofeembar ee sanadkii tagay, dalka Vietnam waxa uu meel mariyay sharci sir ka dhigaya caafimaadka hoggaamiyeyasha saree e xisbiyada iyo sarakiisha dawladda si la isugu dayo in madaxdaasi laga badbaadiyo wararka been abuurka ah iyo waxa lagu tilmaamo ‘weerarrada ka dhanka ah dowladda’ ee ay geysanayaan xoogagga mucaaradka ah,” ayuu intaa ku daray Giang Nguyen. Inkastoo uu da’ noqday madaxweyne Trong, haddana waxaa sii sara-kacay shacbiyaddiisa wixii ka dambeeyay ololihii ka dhanka ahaa musuq-maasuqa oo u horseeday in la xirxiro wasiirro ka tirsan dawladii hore iyo sarakiil boolis ah. Madaxweyne Trong ayaa bishii Febraayo dalka Vietnam kula kulmay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, xilligaasi oo dalkiisa ay ku wadahadlayeen hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi. Source
-
East Africa military spending tops $2.9b, with new hardware
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
East Africa’s military spending rose by $200 million last year to $2.9 billion, as countries sought to modernise their hardware. Source: Hiiraan Online -
(SLT-Addis Ababa)-Dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday ismaamulka amxaarada ee dhaca waqooyiga Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowlada Addis-ababa. Waxaan xaqiijin karnaa in ay hada socoto baadi goobka dad maqan oo la la’yahay iyo kuwo ku waxyeeloobay weerarkii isniintii, sidaasi waxaa AFP u sheegay Geleta Hailu oo ah agaasimaha dhanka warfaafinta ee ismaamulka Benishangul Gumuz. Mr Hailu ma uusan xusin inta ruux ee ku dhimatay weerarkaan balse waxaa uu tibaaxay in 80 qof dad ka badan ay ku dhaawacmeen. Dagaalkaan oo la aaminsan yahay in uu ku saleysan yahay dhanka qabaa’ilka ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 100 qooys. Illaa iyo hada lama aqoonsan maleeshiyada geysatay weerarkaan balse waxaa uu imaanayaa kadib dagaal dhexmaray qowmiyada Gumuz iyo Amhara oo ay ku dhinteen 21 qof todobaadkii la soo Dhaafay. Source
-
(SLT-Qaza)-Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Qasa ayaa sheegtay inay Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda duqeyn ba’an ka geysteen qeybo ka tirsan magaalada Qasa, iyadoo mid ka mid ah weeraradaasi lagu dilay Hooyo Xaamilo ah oo la oran jirey Falastiini Abu Arar oo 37-jir ahayd iyo cunageeda ooh al sanno ahaa. Duqeynta lagu dilay Hooyadaasi iyo ilmaheeda ayaa waxa uu ka dhcaay Deegaanka Zeytuun ee Bariga magaalada Qasa, iyadoo duqeyn kalena lagu dilay Marxum la oran jirey Cimaad Naasir oo 22-jir ah, iyadoo 19-kalena lagu dhawaacay. Dagaalamayaasha XAMAAS iyo Jihaad Islaami waxay iyagana ilaa 200 Gantaal ku duqeeyeen magaallooyin iyo Tuullooyin ku yaalla Koonfurta Yuhuudda Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda waxaa la sheegay inay duqeeyeen 70 bar-tilmaameed oo ku yaalla Marinka Qasa. Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maamulka Falastiin waxay ugu baaqeen Golaha Ammaanka ee QM inay si wadajir ugu baaqaan Yuhuudda inay joojiyaan duqeymaha ay ku hayaan Marinka Qasa. Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe waxay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka, iyadoo QM ku baaqday deganaansho. Source
-
Garowe (SMN) – Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa si aad ah u soo dhaweeyay socdaalka Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu shalay ku tagay magaaladaasi. Qaar ka mid ah shacabka reer Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin imaatinka Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay la dhacsan yihiin, islamarkaana ay la garab tagnaan doonaan taageero lixaad leh. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) oo xalay ku hoyday Garowe ayaa maanta ka qeyb galaya shir wadatashi ah oo lagu wado in maanta uu ka furmo magaaladaasi, kaas oo u dhexeeya dowladda dhexe iyop dowlad goboleedyada dalka. View the full article
-
(SLT-Algeria)-Taliska Millatariga Aljeeriya ayaa Sabtidii shalay amar ku bixiyey in la xidho Saciid Bouteflika oo la dhashay Madaxweynihii hore ee xilka ka degay Cabdicasiis Bouteflika, waxaa sidoo kale xubnaha la xidh-xidhay kamid ah labadii taliye ee hore usoo qabtay Hay’ada Sirdoonka Bachir Athmane Tartag iyo Mohamed Mediene. Saciid Bouteflika ayaa lagu tilmaami jiray ninkii ugu awooda badnaa dowladii hore isla markaana la taliye usoo ahaa Walaalkiis, waxaana la sheegaa in tan iyo 2013 uu isagu dalka u taliyey kadib markii uu Xanuunsaday Cabdicasiis Bouteflika. Tilaabadan ayaa ah mid militariga dalkaasi doonayo inuu ku qanciyo shacabka kacdoonka ka wada Aljeeriya oo Jimcihii lasoo dhaafay qabtay mudaharaadka oo hada socda muddo 11 toddobaad ah. Cabdicasiis Bouteflika ayaa isagu xilka ka degay 2dii April, balse shacabka ayaa weli codsanaya in gebi ahaan la bedalo nidaamka dowlada Aljeeriya oo ay sheegeen inay weli xilal hayaan xubnihii lasoo shaqeeyey dowladii hore. Xariga Saciid Bouteflika ayaa sidoo kale ah mid la doonayo in lagu xakameeyo awooda badan oo ay yeesheen xubno kamid ah qoyska iyo Qabiilka hogaamiyihii hore Cabdicasiis Bouteflika oo xilal sare ka hayey xukuumada. Macada in ay shacabka ku qanci doonaan tilaabadan ugu danbeysay oo ay militariga qaadeen, wuxuuna go’aankan kusoo aaday xili Jimcihii lasoo dhaafay Banaanbaxyadii ka dhacay caasimada Aljeeriya ay shacabka ku codsanayeen inuu xilka isaga dego hogaamiyaha militariga dalkaasi Jeneraal Axmed Gaid Salah, arrintaasi oo la rumeysan yahay inay ku khasabtay taliyaha militariga inuu xir xiro xubnaha ku dhawaa qoyska Madaxweynihii hore. Source
-
Muqdisho ( SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-sanad-guurada-05052019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shaqaalaha iyo maamulka Shabelle ugu hambalyeeyay sanad guurada 17-aad ee Aaska Aaska Radio Shabelle. Agaasime C/nuur ayaa xusay in Shabelle ay u soo dhabar adeegtay dhibaatooyin badan oo ay goob joog u soo ahaayeen dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu geesiyaal ku tilmaamay shaqaalaha iyo maamulka Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo muujiyay karti iyo dulqaad. Dhanka kale waxa uu tacsi u diray dhammaan Wariyeyaashii la dilay ee ka tirsanaa howlwadeenada Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. Hambalyo ka imaaneysa madax, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo gaareysa xarunta shabakadda Warbaahinta Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( SMN)-Halkan ka Dhageyso Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Tacadiyadii kala duwanaa ee ay soo martay Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Bar__Tacdiyadii-Shabelle-060518-Beri.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Abuukar Sheekh Maxamuud (Sky) Agaasimaha shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa hambalyo ku aadan 17 sano guuradii ka soo wareegtay Aaska Aaska Shabelle u diray dhammaam dhageystayaasha iyo shacabka Somaliyeed. Agaasime Sky ayaa tilmaamay in aragtida shacabka ay sal u aheyd guulaha ay gaartay muddadii ay jirtay Idaacadda Shabelle. Sidoo kale waxa uu alle uga baryay Wariyeyaashii ka Geeriyooday Shabelle in Naxariistiisii Janno uu ka waraabiyo. Shabelle waxaa ay hawada soo gashay 6-dii May ee 2002-dii, waxaana tiirarka aan ku shaqeyno ka mid ah ka run sheegida baahida bulshada iyo baahinta xaqiiqda jirta. View the full article
-
Somaliland ayaa Soo jeedisay in dalka Sweden u ka qayb qaato dhexdhexaadinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo dhowr sano hakad ku jiray. Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa sheegay in dalka Sweden ay uu kaalin muhiim ah ka qaadan karo dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Wasiir Cawad oo la hadlay idaacadda dawladda ee dalkaas ayaa sheegay in dalka Sweden uu waayo-aragnimo fiican u leeyahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah, waxa aanu tusaale u soo qaatay kaalinta dhexdhexaadnimo ee uu dalkaasi isugu keenay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo. Waxa aanu tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya Dhinaca kalana weriye Muuna Ismaaciil Jaamac oo ka tirsan idaacadda Sweden ayaa mar ay isla arrintan kala xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sweden waxa ay ogaatay in dalkaasi uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay sidaas Somaliland iyo Soomaaliya wadajir u doonayaan. Sida oo kale Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo isagana ay idaacaddu wax ka weydiisay soo jeedinta CAWAD ayaa sheegay in Sweden ay diyaar tahay, balse ay keliya u baahan tahay go’aan ay labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya arrintan ku aqbalaan. Weriyuhu waxa uu sheegay in uu isku dayey in uu dawladda Soomaaliya arrintan kala xidhiidho balse aanay u suurtagelin oo dowladda Soomaaliya inuu wax war ah ka helo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wadaad Muslim ah oo sannadkii 2017 lagu helay falal uu ku kicinayo rabshado dalka Switzerland ayaa ugu dambeyn la musaafuriyey kaddib markii la caddeeyey in dhalashadiisu tahay Soomaali. Ninkan ayaa hadda dib loogu celiyey Soomaaliya, Sida ay xaqiijisay dowladda Switzerland. Hannaanka lagu musaafurinayo ninkaan lagu sheegay inuu ahaa wadaad nacaybka faafiya ayaa dood badan dhaliyey sababo la xiriira inuusan lahayn sharci sax ah oo uu dalka ku joogo isagoo diiday inuu la shaqeeyo saraakiisha laanta socdaalka. Markii hore waxaa ninkani loo maleeyey inuu yahay Itoobiyaan laakiin ugu dambeyn waxaa la xaqiijiyey inuu yahay Soomaali. Laba sano ka hor, maxkamad ayaa amartay eryidda ninkaan kaddib markii lagu helay dambi ah inuu ku qabanayey Isu-imaatin masjidka An’Nur sidoo kalena waxaa laga mamnuucay inuu dib u soo galo dalkaas muddo 10 sano ah. Masjidka qilaafka dhaliyey ee ku yaalla woqooyi-bari Switzerland ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyey in lagu xag-jireeyo dhallinyarada. Saxaafadda ayaa ogaatay in lix qof oo ka mid ahaa dadka ku xiran masjidkan ay aadeen Syria si ay ugu biiraan kooxaha Islaamiyiinta ah. Source: goobjoog.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xubno ka tirsan ururka Al Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo dhawaan Al Shabaab lagala wareegay. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay xili dambe ururka Al SHabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka Bariire, oo muddo badan ay Al Shabaab maamuli jireen. Dagaal saacado qaatay ayaa ka dhacay Bariire, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegeen in Al Shabaab jihooyin badan ay ka weerareen deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi badan ay soo wajahday, waxaana Dagaalkii xalay uu sababay khasaaro kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay. Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka ay kala kulmeen Al Shabaab, islamarkaana dhankooda khasaaro badan uusan soo gaarin. Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka Al Shabaab xalay ay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka SHabeelaha Hoose, waxaana Al shabaab ay weerareen saldhigyo badan oo ku yaala Shabeelaha Hoose. Afar maalin ka hor ayaa Al Shabaab lagala wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa marar badan la wareegay gacan ku heynta deeganka Bariire, laakiin dib ayay isaga baxayeen, waxaana kadib dib u qabsanayay Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa maanta ka furmaya shirka madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada. Inkasta oo abaabulayaasha shirka aysan weli wax ajande ah oo shirka looga hadlayo soo bandhigin, haddana Caasimada Online ayaa xubno ku sugan shirka ay la wadaageen qaar ka mid ah qodobada ugu xasaasisan ee la isku hayo marka shirka uu furmo. Waxaa ka mid ah sidii heshiis laga gaari lahaa qodobka 51aad ee dastuurka dalka. Qodobkan ayaa waxaa uu qeexayaa xiriirka Iskaashiga dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Qodobkan ayaa waxaa hoos imanaya qoodbo dhowr ah, sida siyaasadda, oo looga hadlayo cidda leh awoodda jaangoynta nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa, doorshooyinka maamullada yo dhismaha maamullada dowladaha hoose, ayada oo maamullada ay ku eedeeyeen dowladda inay isa siineyso awood aysan lahayn. Waxaa sidoo kale shirka looga hadalayaa Kheyraad-Qeybsiga, qodobkan ayaa ka hadlaya shuruucda kheyraad qeybsiga oo ay hadda xukuumaddu gacanta ku heyso, balse maamullada ay doonayaan in laga qeyb galiyo. Ma jiro wax kheyraad ah oo iminka la qeybsanayo, hase yeeshee waxaa maamullada ay ka fakarayaan mustaqbalkan. Muhiimadda qodobkan ayaa soo shaac baxday kadib shirkii London ee shidaalka Soomaaliya, ayada oo maamullada ay aad u danayanayaan inay go’aan ku yeeshaan kheyraadka dalka. Arrimo kale ee shirka lagu soo qaadi doono ayaa waxaa ka mid ah xaaladda ammaanka dalka iyo abaaro laga cabsi qabo inay dalka ku dhuftaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Maanta oo Axad ah waxaa magaalada Garowe ka furmaya shirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, kaasi oo maalmihii ugu dambeeyay qaban qaabadiisa ay socotay. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya aya la filayaa inuu furo shirkaasi ka dhacaya magaalada Garowe, waxaana ku sugan madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Qodobo dhowr ah ayaa looga hadlayaa kulanka maanta ka dhacaya magaalada Garowe, waxaana ugu muhiimsan in la isku fahmo qodobo ay kamid yihiin doorashada dalka iyo hanaanka loo marayo. Hoos ka Akhriso qodobada shirka maanta looga hadlayo:- 1: Dhinaca siyaasada iyo cida xaqa u leh inay jaangooyso nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa markii ay dhamaato xilheynta Madaxda dowladda federaalka. 2: in Heshiis buuxa laga gaaro Qodobka 51aad ee dastuurka kaas oo cadeynaya heerarka iyo xiriirka Iskaashi ee dhexmara Dowladda iyo Dowlad goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. 3: Sidoo kale Madaxda ayaa shirkooda waxa ay uga hadlayaa arrimo la xiriira dhinaca abaaraha, iyada oo Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ka digeen cabsi laga qabo abaar ku dhufato Gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya. 4: Qodobada ugu xasaasin ayaa waxaa ka mid ah qeybsiga Kheyraadka, iyada oo shuruucda ay gacanta ku heyso Xukuumadda Soomaaliya,waxaana laga wada hadi doonaa sidii shuruucdaas loo hirgelin lahaa. Si kastaba shirka Maanta oo Axad ah ka furmaya Magalada Garoowe ayaa noqonaya shirkii ugu xasaasisanaa ee dhexmara Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada tan iyo markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Using satellite data, NASA scientists learn more about the giant vortex (not the picture) that grows annually near Somalia, Africa. Called the Great Whirl, it may be large enough to have significant impact on India’s monsoon season. It may also be bigger than Colorado. ( Pixabay ) Source: Hiiraan Online
-
Shirka wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada, ayaa saaka ka furmaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shirka waxaa ka qayb-gelaya madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha, dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo xubno ka socda daneeyaasha Beesha caalamka. Qodobada shirkan looga hadli doono waxaa kamid ah: amniga Qaranka, dhammasytirka Dastuurka dalka, qaybsiga khayraadka iyo hannaanka cadaaladda. Balse, waxaa jira qodob kale oo ay mudnaan gaar ah siinayaan, madaxda dowlad goboleedyada, islamarkaana kamid ah arrimaha salka u ah khilaafkii hore ee labada dhinac. Qodobkaasi, waa qaybsiga deeqaha caalamku bixiyo ee lagu soo qaado magaca Soomaaliya iyo hannaanka ay u maamusho xukuumadda Federaalka. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka cabanaya in aysan qaybtooda ka helin deeqaha laga soo qaado caalamka, iyagoo xukuumadda ku eedeynaya in ay si qaldan u maamusho deeqahaasi. Dadka sida hoose ula socda arrimahan, ayaa sheegaya in malaayiin lacaga oo magaca Soomaaliya xukuumaddu ku soo qaaday, aysan si saxa u gaarin dowlad goboleedyada. Sidoo kale, waxay aaminsan yihiin in su’aasha ugu adag ee madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre lagu weydiin doono shirkan ay noqon doonto, habka ay u maamuleen malaayiinta Dollar ee deeq-bixiyaashu ku caawimeen Soomaaliya, balse aan gobolada dalka la gaarsiin? Su’aashaasi haddii ay si daah-furan uga jawaabi waayaan madaxda xukuumadda Federaalka, waxay xoojin doonta dalabka dowlad goboleedyada oo doonayo in si toos ah loo siiyo deeqaha caalamku bixiyo. PUNTLAND POST The post Su’aasha ugu adag ee Farmaajo iyo Kheyre lagu weydiin doono shirka Garoowe? appeared first on Puntland Post.
-
Human rights organisations worry that the UNHCR may be helping refugees return to war zones and, as an enabler of repatriation, helping Kenya violate refugees' rights. Source: Hiiraan Online
-
Mandheera (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in rag hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada leeyihiin oo ku yaala duleedka magaalada Mandheera. Saldhiga la weeraray ayaa ku yaala inta u dhaxeysa deegaanka Carabiya iyo degmada Mandheere ee dalka Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo saacado qaatay, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo halka weerarka uu ka dhacay ayaa sheegaya in ururka Al Shabaab halkaasi ay ku dileen ciidamo ka tirsan dowladda Kenya, iyado aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee weerarka ka dhashay. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay la wareegeen muddo kooban gacan ku heynta saldhiga ay weerareen, walow markii dambe ay isaga baxeen, sida dadka deegaanka laga soo xigtay. Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in saldhiga Ciidamada Kenya ee ku yaalla Meel u dhow Magalada Mandheera ay weerareen,isla markaana ay la wareegeen. Sarakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari dalkaasi weli kama hadlin weerarka Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga ciidamadooda ku leeyihyiin inta u dhaxeysa Magaalada iyo deegaanka Carabiya. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka Dowladda federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada uga furmaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kadib markii uu fashilmay qorshe ka dhan ahaa. Sida aan xogta ku helnay madax maamul goboleedyada, gaar ahaan kuwa Puntland, Jubaland iyo Galmudug oo dowladda ay isku kacsan yihiin, ayaa ku gacan seeray in Yariisow uusan ka qeyb-galin shirka. Waxa ay ku doodeen in gobolka Banaadir uusan xubin ka ahayn maamullada federaalka, sidaas darteedna uusan go’aan ku lahayn shirka. Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan inta uusan Xamar ka tegin ku adkaystay ka qeyb-galka Yariisow ee shirka, haddii kale uusan isagana imaneyn. Kheyre oo kusii sugnaa Garoowe labadii maalin ee tagay ayaa madaxda diidanaa Yariisow ku qanciyey inay aqbalaan dalabka madaxweynaha, taasi oo lagu guuleystay, waxaana Yariisow uu shalay ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha ee tagay Garoowe. Maamullada ayaa inta aysan iman xukuumadda nabad iyo nolol marar badan gees u riixay guddoomiyayaashii hore ee gobolka Banaadir, hase yeeshee dowladda Farmaajo ayaa taas wax ka beddeshay, kana qeyb-galisay dhammaan shirarka dowladda iyo maamul goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors