Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,353
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdishop (SMN) – Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Wadajir Mudane Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa sanad guurada 17-aad ugu hambalyeeyay Radio Shabelle . Shadoor ayaa tilmaamay in Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay door muuqdo ku leedahay bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu xusay in muddadii ay jirtay ay la soo kulantay dhibaatooyin xoogan oo ay ka mid tahay tacadiyo iyo dilal loo geystay qaar ka mid ah shaqaalaheeda. Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay la wadaagaan shaqaalaha iyo maamulka Shabelle dabaal daga maalinta aas aaska ee 6 May. Siyaasiga Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa horay uga mid ahaa howlwadeenadii soo maray Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. View the full article
  2. Shirka Wada-tashiga Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladdaha Xubanaha ka ah DFS ayaa hadda ka Furay qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland. Shirka waxaa Furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka [...] Source
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland Maxamed Cawad ayaa markii u horeysay soo jeediyey in dalka Sweden ay kaalin muhiim ah ka qaadan karto dhex-dhexaadinta wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Wasiir Cawad oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa ka dhawaajiyey in Sweden ay waayo-aragnimo fiican u leedahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah. Cawad oo wareysi siiyey idaacadda dawladda ee Sweden ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay kaalinta dhex-dhexaadnimo ee Sweden ay isugu keentay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo, isagoona tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Somaliland. Warar kale oo aanu helayno ayaa sheegaya in Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ay ogashahay oo ay diyaar u tahay inay dhex-dhexaadiso Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay midaas si wada jira u rabaan dowladda Soomaaliya iyo Somaliland. Dhinaca kale, Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo ka hadlay soo jeedinta Wasiir Cawad ayaa isaguna sheegay in loo baahanyahay go’aan ay arrintan ku aqbalaan labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  4. Jilib (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Jubada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa waxaa ay sheegeen duqeyn dhinaca cirka ah lala beegsaday Gari uu la socday Sarkaal Amniyaatka Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir oo lagu Magacaabo Khaalid Abuukar Xasan. Sidoo kale weerar labaad ayaa waxaa ay sheegene in lala beegsaday Saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,isla markaana lagu dilay 16 qof oo isugu jira Saraakiil iyo ilaaladooda. Lama oga khasaaraha weerarada ku gaaray Ciidamadii isbaheysanayay, iyadoo markii dambe ay dib uga soo gurteen goobaha howlgalada ay ka fuliyeen. Ma jirto wali wax war ah oo Mareykanka uu ka soo saaray weerarka oo la rumeysan yahay in diyaaradahooda ay fuliyeen, iyadoo Shabaabna aysan ka hadal waxa ka jira wararka sheegaya in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay howlgalka xalay. Si kastaba, Mareykanka ayaa sanadkan kaliya ilaa iyo 35 weerar ka geystay dalka, kuwaasoo Saraakiishooda ay sheegeen iney ku dileen inkabadan 300 oo Shabaab ah, waxaana weerarada ay u badnaayeen kuwo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ee Droness-ka. Dhinaca kale dagaal culus ayaa duleedka degmada Bu’aale waxa uu ku dhexmaray ciidamada huwanta iyo kuwa Al-Shabaab,waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaas, iyada oo lagu soo waramayaa in Al-Shabaab ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan. Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo saarin weerarka xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, iyada oo weerarada noocaas oo kale ah ay inta badan ay fuliyaan Ciidamada Mareykanka eek u sugan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Jilib Caasimada@live.com
  5. Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa maanta booqasho ku tagaya magaalada Hargeisa, Obasanjo waxaa uu madax ka yahay hey’ad fadhigeedu yahay Koonfur Afrika ee Brenthurst Foundation. Brenthurst Foundation ayaa war ay soo saartey ku sheegtay in Obasanjo tagayo Hargeisa kadib markii ay codsi ka heleen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, isaga oo halkaasi kula kulmi-doona saraakiil kala duwan. Madaxweyne Olusegun Obasanjo waxaa kale uu booqasho ku iman-doonaa magaalada Muqdisho, isaga oo u kuur-geli-doonna inuu is-dul istaago xaqiiqooyin kala duwan. Brenthurst Foundation waxaa ay isku sheegtay hey’ad ka shqeysa horumarinta dhaqaalaha Afrika, waxaa ayna la shaqeyneysay dalalka Afrikaanka ilaa 2004-tii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Dhageyso wasiirka wasaaradda amniga maamulka Jubaland oo sheegay in inciidanka looga baahan yahay in shaqada ay hayaan ay laba jibaaraaninta inta lagu gudajiro bisha barakeysan ee Ramadaan lana dagaalamaan wax waliba oo amni darro ah. sidoo kale wasiirka ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay la dagaalaman dadka mehrada fura bisha Ramadaan ee cuntada lagu sameeyo dhamaan ciidankana looga baahan yahay in ay soomaan aanan la arag askari afuran lana ilaaliyo in bisha amniga. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/Wasiirka-Amniga-Jubbaland-oo-ciidanka-Booliiska-kula-dardaarmay-adkeynta-amniga.mp3 Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Kulan Maxamed C/raxmaan Cali Siiriin ayaa Walaac baddan ka muujiyay Sharciga Doorashooyinka ee ay dhowaan ansixiyeen Golaha Wasiiradda Soomaaliya. Siiriin ayaa yiri “Waa Talaabbo aan dhiirogalineeyno Sharciga Doorashooyinka inna la sameeyo iyo sharciga nidaamka axsaabta badan Lakiinse Arrimaha Masiiriga ah waa inna laga yeesho Talo loo dhan yahay ee inta ee quseeyso taladda laga qeybgaliyo” Guddoomiye Maxamed Siiriin, waxa uu sidoo kale soo dhaweyay shirka Madaxda Soomaaliyeed kaga furmay Garoowe, isaga oo yiri “Waxaa bogaadineeynaa Dhamaan dadaalada Maamul gobolleedyada iyo Dowladda Federaalka ugu jiraan Xal u helidda arrimaha quseeyo Doorashooyinka, iyo Dastuurka waxaana ku baaqaynaa Wada-hadaladda Madaxda Soomaaliyeed inay noqdaan kuwa joogta a” Siiriin ayaa sidaas kale waxa uu mahad celiyey Beesha Caalamka ee Somalia la garab taagan dib-u udhiska dowladnimadda Somalia. Ugu Danbeyn Mudane Maxamed Siiriin ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed innay is-cafiyaan iyo Inaan Allah subxaana watacaala aan u laabanno Bisha Barakeysan ee Ramadan, wuxuu ku dhiragalina Shacabka Soomaaliyeed innay afuriyaan Walaalahooda danyarta ah ee aan awooddin afurka bisha Ramadan.
  8. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa dalka Sweden u ka qayb qaato dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo dhowr sano hakad ku jiray. Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa sheegay in dalka Sweden ay uu kaalin muhiim ah ka qaadan karo dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiir Cawad oo la hadlay idaacadda dawladda ee dalkaas ayaa sheegay in dalka Sweden uu waayo-aragnimo fiican u leeyahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah, waxa aanu tusaale u soo qaatay kaalinta dhexdhexaadnimo ee uu dalkaasi isugu keenay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo. Waxa aanu tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya. Dhinaca kalana weriye Muuna Ismaaciil Jaamac oo ka tirsan idaacadda Sweden ayaa mar ay isla arrintan kala xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sweden waxa ay ogaatay in dalkaasi uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay sidaas Somaliland iyo Soomaaliya wadajir u doonayaan. Sida oo kale Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo isagana ay idaacaddu wax ka weydiisay soo jeedinta CAWAD ayaa sheegay in Sweden ay diyaar tahay, balse ay keliya u baahan tahay go’aan ay labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya arrintan ku aqbalaan. Weriyuhu waa uu sheegay in uu isku dayey in uu dawladda Soomaaliya arrintan kala xidhiidho laakiin aanay u suurtagelin. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Prof. Samatar Oo Si Adag Uga Hadlay Qadiyada Labada Sarkaal Ee Lagu Khaarajiyey Gobolka Sanaag, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Turkiga ayaa joojisay munaasabad jaaliyadda Somaliland ku qabsan lahaayeen magaalada Ankara oo ahayd xuska 18 may. People wave flags as soldiers and other military personnel of Somalia’s breakaway territory of Somaliland march past during an Independence day celebration parade in the capital, Hargeisa on May 18, 2016. / AFP / MOHAMED ABDIWAHAB (Photo credit should read MOHAMED ABDIWAHAB/AFP/Getty Images) Sababta ayaa lagu sheegay kadib markii safaaradda Soomaaliya ee Turkigu codsatay in la joojiyo Dabaal degga 18 May. Lama ogo in Turkigu joojin doono munaaaabad kale oo jaaliyadda Somaliland ku qaban doono magaalada Istanbuul oo 18 may lagu xusayo. Turkiga ayaa hadda gadh wadeen ka ah wadahadalada gaabiska ku jira ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Xukuumadda Somaliland wali kama hadal tallaabadan ay qaaday dawladda Turkigu Source
  11. Dallada ay ku midaysanyihin Ururada aan dowliga ahayn ee Puntland ee (PUNSAA) ayaa baaq iyo Talo u soo jeediyey Madaxda dalka ee Garowe shirku ugu [...] Source
  12. (SLT-Iran)-Maxkamada dalka Iran ayaa xabsi ku xukuntay Hossein Fereydoun oo la dhashay Madaxweynaha xilka haya ee Hassan Rouhani. Maxkamada ayaan faah faahin danbiyada lagu soo eedeeyey Hossein Fereydoun oo kamid ah Lataliyayaasha sare ee Madaxweynaha, kiiskan ayey taageerayaasha Madaxweynaha ku tilmaameen mid siyaasadeysan oo la doonayo in lagu dhaawaco Madaxweyne Rouhani. Sanadkii 2017 ayaa mar la xiray Hossein Fereydoun oo lagu soo eedeeyey danbiyo la xariira musuq maasuq iyo lunsasho hanti Qaran, waxaana xiligaasi lagu siidaayey damiin, bishii Feberaayo ee sanadkan ayaa la bilaabay Maxkamadeyntiisa, walow aan warbaahinta loo soo bandhigin nuxurka kiiskan oo aan xog badan laga hayn. Hossein Fereydoun ayaa isagu sheegay inuu kasoo horjeedo xukunkan lagu riday isagoo sheegay inuu racfaan ka qaadan doono. Kiiskan ayaa la rumeysan yahay inay ka danbeeyaan hogaamiyayaasha xagjirka Iran oo doonaya inay ku ceebeeyaan arrintan Madaxweyne Hassan Rouhani oo kamid ah siyaasiyiinta qunyar socodka ah ee wadankaasi. Ninkan Hossein Fereydoun ayaa kamid ahaa kooxdii kasoo shaqeysay Heshiiskii lagu joojiyey Barnaamijka Nukliyeerka Iran oo ay sanadkii 2015 wada saxiixeen Beesha Caalamka iyo xukuumada Rouhani, heshiiskaasi oo ay si weyn uga soo horjeedeen xagjirka Iran ayaa waxaa markii danbe laalay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Source
  13. Garowe (Caasimada Online)-Waxaa socota qaban qaabadii ugu dambeysay shirka magaalada Garowe kaga furmayo madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka. Shirkaasi ayaa ah midkii ugu adkaa oo ay yeeshaan dhinacyada ku shiraya maanta magaalada Garowe, waxaana looga hadlayaa amaanka, dhaqaalaha, siyaasadda, qeybsiga Kheyraadka, deeqaha caalamka iyo arinta ugu daran oo ah doorashooyinka. Waxaa la filayaa in shirka uu gelinka dambe ee maanta uu ka furmo magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana socda diyaar garow iyo shirar gaar gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda ku sugan magaalada Garowe. Ra’iisul wasaare kheyre ayaa magaalada Garowe kula shiray madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed, isaga oo ka doonayo inay taageero kaga helaan shirka xasaasiga ah ee ka dhacaya magaalada Garowe. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow ayaa la sheegay dhankiisa inuu ku sugan magaalada Garowe, islamarkaana uu ka qeyb galayo shirka ka dhacaya magaaladaasi. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa socday qaban qaabada shirka, waxaana uu shirkaan baaqday labadii iyo Afartii Bishaan, iyadoo maanta gelinka dambe la filayo in shirka uu furmo. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo badan la geeyay hareeraha magaalada. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah Caasimada online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  14. (SLT-Hakari)-Afar askari ayaa la dilay, 2 kalena waa la dhaawacay, kadib markii Ciiddanka Turkiga iyo Maleeshiyadda Kurdishka ee YPG uu dagaal ku dhex maray DegmaddaTel Rifaat ee Waqooyiga Suuriya iyo weerar Hoobiyayaal lala beeegsaday saldhig ay Millateriga ku leeyihiin Gobalka Hakari ee K/bari ee Turkiga. Askarta la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Sarkaal ay darajadiisu ahayd Gaashaanle, halka Sarkaal kale oo Gaashaanle Sare ahaa uu si xun ugu dhaawacmay weerarkaasi. Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa lagu xaqiijiyey khasaaraha soo gaaray Ciiddankooda, balse waxay sheegtay inay qadaeen weerar aar-goosi ah, kuna dileen 28 ka tirsan Maleeshiyadda YPG iyo kuwa PKK. Source
  15. (SLT-Vietnam)-Hogaamiyaha dalka Vietnam ayaanan lagu arkin meel fagaara ah ku dhowaad seddex toddobaad, taas oo keentay in walaac laga muujiyo xaaladiisa caafimaad. Madaxweyne Nguyen Phu Trong oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga haya talada dalka ee shuuciga, ayaa la waayay meel uu qabtay kadib markii uu xanuunsaday, 14-kii bishii Abriil ee sanadkan. Shakiga laga qabo cafimaadka madaxweynaha ayaa sii xoogeystay jimcihii la soo dhaafay ka dib markii madaxweyne Nguyen Phu Trong oo 75 jir ah uusan ka soo qeybgelin aaska madaxweynihii hore ee dalkaasi Le Duc Anh. Warbaahinta dawladda ma ay sharaxin sababta uu u maqnaa madaxweyne Trong, oo la filayay inuu hoggaamiyo aaska. Afhayeen u hadlay dawladda ayaa aaska ka hor sheegay in shaqada badan iyo cimilada ay saameeyeen xaalada caafimaad ee madaxweynaha. Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Trong uu si dhaqsi ah shaqada ugu soo laaban doono. In la qariyo arrimaha la xiriira caafimaadka hoggaamiyeyaasha xisbiga iyo sarakiisha dawladda, ayaa waxay yihiin waxyaabaha lagu muujiyo in dalkaasi Vietnam u yahay dal xasiloon oo hoos taga maamulka hal xisbi sida uu sheegaya Giang Nguyen oo ah tifaatiraha wararka ee laanta BBC-da ee dalka Vietnam. “Bishii Nofeembar ee sanadkii tagay, dalka Vietnam waxa uu meel mariyay sharci sir ka dhigaya caafimaadka hoggaamiyeyasha saree e xisbiyada iyo sarakiisha dawladda si la isugu dayo in madaxdaasi laga badbaadiyo wararka been abuurka ah iyo waxa lagu tilmaamo ‘weerarrada ka dhanka ah dowladda’ ee ay geysanayaan xoogagga mucaaradka ah,” ayuu intaa ku daray Giang Nguyen. Inkastoo uu da’ noqday madaxweyne Trong, haddana waxaa sii sara-kacay shacbiyaddiisa wixii ka dambeeyay ololihii ka dhanka ahaa musuq-maasuqa oo u horseeday in la xirxiro wasiirro ka tirsan dawladii hore iyo sarakiil boolis ah. Madaxweyne Trong ayaa bishii Febraayo dalka Vietnam kula kulmay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, xilligaasi oo dalkiisa ay ku wadahadlayeen hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi. Source
  16. East Africa’s military spending rose by $200 million last year to $2.9 billion, as countries sought to modernise their hardware. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Addis Ababa)-Dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday ismaamulka amxaarada ee dhaca waqooyiga Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowlada Addis-ababa. Waxaan xaqiijin karnaa in ay hada socoto baadi goobka dad maqan oo la la’yahay iyo kuwo ku waxyeeloobay weerarkii isniintii, sidaasi waxaa AFP u sheegay Geleta Hailu oo ah agaasimaha dhanka warfaafinta ee ismaamulka Benishangul Gumuz. Mr Hailu ma uusan xusin inta ruux ee ku dhimatay weerarkaan balse waxaa uu tibaaxay in 80 qof dad ka badan ay ku dhaawacmeen. Dagaalkaan oo la aaminsan yahay in uu ku saleysan yahay dhanka qabaa’ilka ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 100 qooys. Illaa iyo hada lama aqoonsan maleeshiyada geysatay weerarkaan balse waxaa uu imaanayaa kadib dagaal dhexmaray qowmiyada Gumuz iyo Amhara oo ay ku dhinteen 21 qof todobaadkii la soo Dhaafay. Source
  18. (SLT-Qaza)-Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Qasa ayaa sheegtay inay Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda duqeyn ba’an ka geysteen qeybo ka tirsan magaalada Qasa, iyadoo mid ka mid ah weeraradaasi lagu dilay Hooyo Xaamilo ah oo la oran jirey Falastiini Abu Arar oo 37-jir ahayd iyo cunageeda ooh al sanno ahaa. Duqeynta lagu dilay Hooyadaasi iyo ilmaheeda ayaa waxa uu ka dhcaay Deegaanka Zeytuun ee Bariga magaalada Qasa, iyadoo duqeyn kalena lagu dilay Marxum la oran jirey Cimaad Naasir oo 22-jir ah, iyadoo 19-kalena lagu dhawaacay. Dagaalamayaasha XAMAAS iyo Jihaad Islaami waxay iyagana ilaa 200 Gantaal ku duqeeyeen magaallooyin iyo Tuullooyin ku yaalla Koonfurta Yuhuudda Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda waxaa la sheegay inay duqeeyeen 70 bar-tilmaameed oo ku yaalla Marinka Qasa. Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maamulka Falastiin waxay ugu baaqeen Golaha Ammaanka ee QM inay si wadajir ugu baaqaan Yuhuudda inay joojiyaan duqeymaha ay ku hayaan Marinka Qasa. Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe waxay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka, iyadoo QM ku baaqday deganaansho. Source
  19. Garowe (SMN) – Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa si aad ah u soo dhaweeyay socdaalka Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu shalay ku tagay magaaladaasi. Qaar ka mid ah shacabka reer Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin imaatinka Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay la dhacsan yihiin, islamarkaana ay la garab tagnaan doonaan taageero lixaad leh. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) oo xalay ku hoyday Garowe ayaa maanta ka qeyb galaya shir wadatashi ah oo lagu wado in maanta uu ka furmo magaaladaasi, kaas oo u dhexeeya dowladda dhexe iyop dowlad goboleedyada dalka. View the full article
  20. (SLT-Algeria)-Taliska Millatariga Aljeeriya ayaa Sabtidii shalay amar ku bixiyey in la xidho Saciid Bouteflika oo la dhashay Madaxweynihii hore ee xilka ka degay Cabdicasiis Bouteflika, waxaa sidoo kale xubnaha la xidh-xidhay kamid ah labadii taliye ee hore usoo qabtay Hay’ada Sirdoonka Bachir Athmane Tartag iyo Mohamed Mediene. Saciid Bouteflika ayaa lagu tilmaami jiray ninkii ugu awooda badnaa dowladii hore isla markaana la taliye usoo ahaa Walaalkiis, waxaana la sheegaa in tan iyo 2013 uu isagu dalka u taliyey kadib markii uu Xanuunsaday Cabdicasiis Bouteflika. Tilaabadan ayaa ah mid militariga dalkaasi doonayo inuu ku qanciyo shacabka kacdoonka ka wada Aljeeriya oo Jimcihii lasoo dhaafay qabtay mudaharaadka oo hada socda muddo 11 toddobaad ah. Cabdicasiis Bouteflika ayaa isagu xilka ka degay 2dii April, balse shacabka ayaa weli codsanaya in gebi ahaan la bedalo nidaamka dowlada Aljeeriya oo ay sheegeen inay weli xilal hayaan xubnihii lasoo shaqeeyey dowladii hore. Xariga Saciid Bouteflika ayaa sidoo kale ah mid la doonayo in lagu xakameeyo awooda badan oo ay yeesheen xubno kamid ah qoyska iyo Qabiilka hogaamiyihii hore Cabdicasiis Bouteflika oo xilal sare ka hayey xukuumada. Macada in ay shacabka ku qanci doonaan tilaabadan ugu danbeysay oo ay militariga qaadeen, wuxuuna go’aankan kusoo aaday xili Jimcihii lasoo dhaafay Banaanbaxyadii ka dhacay caasimada Aljeeriya ay shacabka ku codsanayeen inuu xilka isaga dego hogaamiyaha militariga dalkaasi Jeneraal Axmed Gaid Salah, arrintaasi oo la rumeysan yahay inay ku khasabtay taliyaha militariga inuu xir xiro xubnaha ku dhawaa qoyska Madaxweynihii hore. Source
  21. Muqdisho ( SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-sanad-guurada-05052019.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa shaqaalaha iyo maamulka Shabelle ugu hambalyeeyay sanad guurada 17-aad ee Aaska Aaska Radio Shabelle. Agaasime C/nuur ayaa xusay in Shabelle ay u soo dhabar adeegtay dhibaatooyin badan oo ay goob joog u soo ahaayeen dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu geesiyaal ku tilmaamay shaqaalaha iyo maamulka Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo muujiyay karti iyo dulqaad. Dhanka kale waxa uu tacsi u diray dhammaan Wariyeyaashii la dilay ee ka tirsanaa howlwadeenada Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. Hambalyo ka imaaneysa madax, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo gaareysa xarunta shabakadda Warbaahinta Shabelle. View the full article
  23. Muqdisho ( SMN)-Halkan ka Dhageyso Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Tacadiyadii kala duwanaa ee ay soo martay Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Bar__Tacdiyadii-Shabelle-060518-Beri.mp3 View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Abuukar Sheekh Maxamuud (Sky) Agaasimaha shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa hambalyo ku aadan 17 sano guuradii ka soo wareegtay Aaska Aaska Shabelle u diray dhammaam dhageystayaasha iyo shacabka Somaliyeed. Agaasime Sky ayaa tilmaamay in aragtida shacabka ay sal u aheyd guulaha ay gaartay muddadii ay jirtay Idaacadda Shabelle. Sidoo kale waxa uu alle uga baryay Wariyeyaashii ka Geeriyooday Shabelle in Naxariistiisii Janno uu ka waraabiyo. Shabelle waxaa ay hawada soo gashay 6-dii May ee 2002-dii, waxaana tiirarka aan ku shaqeyno ka mid ah ka run sheegida baahida bulshada iyo baahinta xaqiiqda jirta. View the full article
  25. Somaliland ayaa Soo jeedisay in dalka Sweden u ka qayb qaato dhexdhexaadinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo dhowr sano hakad ku jiray. Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa sheegay in dalka Sweden ay uu kaalin muhiim ah ka qaadan karo dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Wasiir Cawad oo la hadlay idaacadda dawladda ee dalkaas ayaa sheegay in dalka Sweden uu waayo-aragnimo fiican u leeyahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah, waxa aanu tusaale u soo qaatay kaalinta dhexdhexaadnimo ee uu dalkaasi isugu keenay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo. Waxa aanu tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya Dhinaca kalana weriye Muuna Ismaaciil Jaamac oo ka tirsan idaacadda Sweden ayaa mar ay isla arrintan kala xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sweden waxa ay ogaatay in dalkaasi uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay sidaas Somaliland iyo Soomaaliya wadajir u doonayaan. Sida oo kale Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo isagana ay idaacaddu wax ka weydiisay soo jeedinta CAWAD ayaa sheegay in Sweden ay diyaar tahay, balse ay keliya u baahan tahay go’aan ay labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya arrintan ku aqbalaan. Weriyuhu waxa uu sheegay in uu isku dayey in uu dawladda Soomaaliya arrintan kala xidhiidho balse aanay u suurtagelin oo dowladda Soomaaliya inuu wax war ah ka helo. Goobjoog News Source: goobjoog.com