-
Content Count
208,369 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Radio Shabelle, a leading independent local FM station, is celebrating its 17th anniversary of existence on Sunday to mark the day when the Radio first came to air on 6th May 2002 in Merca, the capital of Somalia’s southern Lower Shabelle region. The anniversary was due to commemorate May 6, but, held one day prior to its time due the Muslim Holy Month of Ramadan, which is expected to begin Monday. During the past 17 years, it has been feeding both local and international communities with information about the wars, droughts, economy, environment, education and daily events in the Horn of Africa country that has been without effective central institutions since 1991 when warlords overthrew former dictator Mohammed Siad Barre. The director of the station, Abukar Mohamud has congratulated the whole staff members and the audience at large on the occasion and wished Allah’s mercy on those who lost their lives while in the line of duty. Mohamed said Radio Shabelle was launched to cater the much-needed information to the listeners in Somalia and give the Somali people a comprehensive picture of the political, cultural and economic state of their country, letting them have the opportunity to express their freedom of speech on the important social and political issues in their country. Villa Somalia, the country’s presidential palace, political parties and members of the public sent a cable of congratulations to the President of the Radio on the anniversary. Shabelle Media Network [SMN] and its website, Shabelle.net will be remembered for the tangible role it took in covering the severe droughts in southern Somalia in 2005. The radio, now based in Mogadishu, the Somali capital, who have long been known with the radio drama QOMAMO (Remorse) that reached out thousands of young militias in the country. The radio drama exposed the ugliness of being an armed militiaman and used by warlords who cared about nobody but themselves and their wealth. Hundreds of armed men repented, laid down their arms and joined the rest their average people because of Shabelle radio play that touched the real lives of armed militias in Somalia. Shabelle FM expands to all over the world as people are now able to listen to the news and programs through live stream. Shabelle Media Network Mogadishu, 6th May 2019. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Miino dhulka lagu aasay ayaa qabsatay gaari ay dad Shacab ah saarnaayeen oo marayey duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose. Sida ay Caasimadda Online warka ku heshay Gaarigaan la qarxiyey ayaa waxaa saarnaa dad shacab ah oo kasoo raacay deegaanka Cabdow dibile ee duleedka degmada Afgooye. Gaarigaan ayaa wuxuu kusoo jeediyey Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, wuxuuna ahaa nooca ay soomaalida u tahay Hoomey ama Caaasi. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inuu qaraxaas ka dhashay khasaaro xoog leh oo soo gaaray dadkii Shacabka ahaa ee saarnaa inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dadkii saarnaa gaarigaas oo la sheegay inuu intiisa badan gubtay. Qaraxyada miinada lagu aaso ayaa marar badan waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellada Hoose, iyadoona khasaaraha ugu badan uu soo gaaro dadka shacabka ah. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdsiho (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shaqaalaha iyo maamulka sare ee Shabelle oo maanta xusaya sanad guurada 17-aad ee ka soo wareegtay aas aaska Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Shabelle ay tahay Hormuudka Warbaahinta dalka, maadama dhidibadda loo muday iyadoo aysan jirin Warbaahin badan. Sidoo kale guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kula dardaarmay maamulka Shabelle in ay sii wadaan dadaalka ay kor ugu qaadayaan wacyiga bulshada Soomaaliyeed. Shabelle intii ay jirtay waxaa ay soo martay marxalado kala duwan, daruufo aad u qalafsan oo xittaa la’isku dayay in lagu aamusiyo, balse himiladaasi aysan suurtagalin. View the full article
-
Africa's first standard-gauge electrified railroad began operating in January 2018. The Ethiopia-Djibouti Railway Line stretches 752 kilometers, from the Ethiopian capital Addis Ababa to the Red Sea port of Djibouti. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Waxaan hambalyo ku aaddan sannad guurada 17aad ee aasaadka Radio Shabelle u dirayaa dhammaan maamulka iyo shaqaalaha idaacadda oo muddadaas kusoo shaqeeyay duruufo adag. Muddada ay shaqeynaysay Idaacaddan waxaa iyaga oo shaqo maalmeedkooda ku guda jira la dilay 14 kamid ah shaqaalaha oo ay 3 kamid ah ahaayeen agaasimeyaal. Eebe ha u naxariisto dhammaantood. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an adkaynta xuquuqda Dastuuriga ah ee xorriyadda hadalka, waxayna diyaar ula tahay in ay bahda warbaahinta kala shaqe eyso sidii loo ilaalin lahaa bad-qabka wariyeyaasha, caddaaladdana loo horgeyn lahaa kuwa ku xadgudba. W/Q:-Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed. View the full article
-
Caracas (Caasimadda Online) – Diyaarad ah nuuca qumaatiga ku kaca oo ay leeyihiin Ciidanka militari-ga dalka Venezuela ayaa bur-burtay waxaana ku dhintay Todobo qof oo saarnaa, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca. Diyaaradda ayaa ka duushay Magaaladda Caasimadda ah ee Caracas waxayna u socotay Caojedes ee Bartamaha dalka ku yaala balse wax yar uun ka dib markii ay duushay ayey ku dhacday meel aan sidaas uga fogeyn caasimadda. Waxaa billowday baaritaan lagu ogaanayo waxa shilka sababay. Madaxweyne Nocolas Maduru oo ku suganaa gobolka ay diyaaraddu usocotay ayaa daawanayay dhoolotus is xigxigay oo ciidanku ay dhigayeen, qudbad uu Tilifeshinka ka jeediyay ayuu ku sheegay in Ciidanka Venezuela ay muujinayaan sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka hortagaan gardaradda Mareeykanka. Dadka dhacdadaan ku dhintay ayaa isugu jira Laba Janaraalo, Laba kabtan, Seddex Korneyl, Seddex Xidiglayaal iyo Askar kale. Caasimada Online Xafiiska Caracas Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-050519.mp3 View the full article
-
A police reservist was injured on Saturday night when suspected Al-Shabaab militants raided Hareri Hosle village in Mandera. Source: Hiiraan Online
-
Shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland. Shirkan waxaa furay madaxweynaha dowladda federaalka ah, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka qeybgalaya ra’iisul wasaare Xasan Cali iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira. Waxaa shirkan inta uu socdo looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka, Dastuurka, ammaanka iyo sidoo kale cadaaladda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The European Union (EU) plans to hold a major regional economic conference for eastern African countries to foster peace and promote sustainable development in the region, an EU diplomat said Saturday. Fulgencio Garrido Ruiz, the EU charge d’affaires to Somalia, said the conference, organized jointly with the World Bank and the Ethiopian government, will be held in July in Addis Ababa, the Ethiopian capital. “The focus will be to address regional infrastructure in the energy and transport sectors; trade, including the development of the financing sector, value chains, and the regulatory environment; and human capital development through the improvement of education and skills,” Ruiz said in Mogadishu during celebrations marking Europe Day. Ruiz said the planned conference comes amid good progress in relations between Ethiopia, Eritrea, and Somalia, paving way for even greater cooperation. The thawing of relations among Somalia, Ethiopia, and Eritrea has seen the restoration of diplomatic relations with Ethiopia and Eritrea re-opening embassies in each other’s capitals. Ruiz said the historic agreement between Ethiopia and Eritrea, and the tripartite bringing both countries together with Somalia offer unprecedented opportunities and open a pathway to a new era of cooperation. “Transforming the region will not only require political commitment and leadership but also sound economic strategies to keep pace with the expectations of the people of the region,” he said. View the full article
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Goordhow Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ka furay shirka Wadatashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka,kuwa maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,waxaana hoolka ku sugan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Madaxweynaha Jubbaland,Madaxweynaha Hirshabeelle,Madaxweynaha Koonfur Galbeed,Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynaha Puntland oo Madaxda isugu yeeray Shirakn. Wararka ayaa sheegaya in shirka looga hadlayo qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto, Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in jadwalka loogu tala galay kulanka uu yahay maanta illaa caawa, balse laga yaabo inuu dheeraado, marka loo eego qodobada xasaasiga ah ee la isku haayo. Arrimaha sida gaarka ah shirkan looga hadlayo waxaa ka mid ah arrimaha Dastuurka, gaar ahaan qodobada u baahan xal siyaasadeed, wadashaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada iyo u diyaar garowga doorashooyinka guud ee dalka. Hoos ka akhriso qodobada shirkaan oo dhameystiran 1- In heshiis laga gaaro Qodobka 51aad ee dastuurka oo ka hadlayo Xiriirka Iskaashiga Heerarka Dawladaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qodobkaan oo ay soo hoos galayaan inta badan waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay sida; Siyaasadda: Waxaa laga hadli doonnaa cidda xaqa u leh jaangoynta nuuca doorasho ee dalka ka dhaceyso, doorshooyinka maamullada yo dhismaha maamullada dowladaha hoose. Kheyraad-Qeybsiga: Qodobada miiska saran ee ugu kulul ayaa sidoo kale waxaa kamid ah shuruucda kheyraad qeybsiga oo ay xukuumaddu gacanta ku heyso. Iminka ma jirto wax kheyraad ah oo la qeybsan doono, balse hergelinta shuruucdaas ayaa ah waxa laga wad hadli doono. 2- Abaaraha dalka ka jira: Sida ay sheegayaan odoros ay sameeyeen hay’adaha QM, waxaa cabsi laga qabaa in abaar daran ay ku dhufato inta badan gobollada dalka. Madaxda ayaa la filayaa in qodobkan uu u noqdo mid kamid ah wax yaabaha ay ka hadlayaan.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor-dhow Magaalada Garoowe ka furay shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka,Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Shirkan waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ,Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Ugu horreyn guddoomiye Yariisow ayaa shaqaalaha iyo maamulka sare ee Shabelle la wadaagay hambalyada sanad guurada 17-aad ee aas-aaskeeda. Eng. Yariisow ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in marxalado adag oo uu dalka soo maray iyo kuwa gaar u ah Idaacadda Shabelle ay ku soo shaqeysay. Shabelle oo haatan 17 jir satay ayaa ku tallaabsatay muddadii ay jirtay hormaro kala duwan oo dhanka Warbaahinta ah, waxaana dhawaan si toos ah hawada u soo gali doona TV-ga Shabelle oo laga daawan doono dunida dacaladeeda. View the full article
-
Al-Shabaab oo afduubtay Mas’uul sare oo ka tirsan Jubbaland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Buurdhuube (Caasimadda Online) – Sida ay wararka ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, kooxo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubtay Mas’uul sare oo ka tirsan Maamulka Jubbaland. Mas’uulka la afduubtay ayaa wuxuu ahaa Madaxii Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee u qaabilsanaa Gobalka Gedo. Marka ay kooxda Afduubanayeen Mas’uulkaan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ku mashquulsanaa diyaarinta imtixaanka Dugsiyada Sare ee wasaaradda Waxbarashada Maamulka Jubbaland. Mas’uulkaan la afduubtay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Maxamed Ibraahim, wuxuuna ka yimid Buurdhuube oo ka tirsan Gobolka Gedo. Kooxda Al-Shabaab ayaa Maxamed kala dagay gaari uu saarnaa, Weli illaa hadda si rasmi ah looma ogo halka ay AL-Shabaab geeyeen Mas’uulkaan la afduubtay. Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo iyo saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin afduubka Madaxii Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee u qaabilsanaa Gobolka Gedo. Sidoo kale Kooxda Al-Shabaab kama aysan hadlin afduubka loo geystay Madaxii waxbarashada Maamulka Jubbaland ee Gobolka Gedo. Wararka ugu dambeeyo ee soo gaarayo Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu socdo wadahadal lagu doonayo inay Al-Shabaab kusoo daayaan Mas’uulkaan iyadoo loo marayo odayaal ay isku beel yihiin oo ka tirsan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Buurdhuube Caasimada@live.com -
Shirka wada-tashiga ee madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dawladdaha xubanaha ka ah Federaalka ayaa daqiiqado ka hor ka furay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe. Shirka waxaa furay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qayb ka ahaa, Ra’iisul Wasaare Kheyre, madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo duqa Muqdisho. Shirkan oo ay martigelisey Puntland ayaa gundhigiisu yahay wadatashiga dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah. PUNTLAND POST The post Shirkii Garowe oo furmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdishop (SMN) – Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Wadajir Mudane Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa sanad guurada 17-aad ugu hambalyeeyay Radio Shabelle . Shadoor ayaa tilmaamay in Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay door muuqdo ku leedahay bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu xusay in muddadii ay jirtay ay la soo kulantay dhibaatooyin xoogan oo ay ka mid tahay tacadiyo iyo dilal loo geystay qaar ka mid ah shaqaalaheeda. Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay la wadaagaan shaqaalaha iyo maamulka Shabelle dabaal daga maalinta aas aaska ee 6 May. Siyaasiga Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa horay uga mid ahaa howlwadeenadii soo maray Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland Maxamed Cawad ayaa markii u horeysay soo jeediyey in dalka Sweden ay kaalin muhiim ah ka qaadan karto dhex-dhexaadinta wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Wasiir Cawad oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa ka dhawaajiyey in Sweden ay waayo-aragnimo fiican u leedahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah. Cawad oo wareysi siiyey idaacadda dawladda ee Sweden ayaa waxa uu tusaale u soo qaatay kaalinta dhex-dhexaadnimo ee Sweden ay isugu keentay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo, isagoona tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Somaliland. Warar kale oo aanu helayno ayaa sheegaya in Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden ay ogashahay oo ay diyaar u tahay inay dhex-dhexaadiso Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay midaas si wada jira u rabaan dowladda Soomaaliya iyo Somaliland. Dhinaca kale, Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo ka hadlay soo jeedinta Wasiir Cawad ayaa isaguna sheegay in loo baahanyahay go’aan ay arrintan ku aqbalaan labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Jilib (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo iyo dagaal toos ah oo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Jubada Dhexe oo ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa waxaa ay sheegeen duqeyn dhinaca cirka ah lala beegsaday Gari uu la socday Sarkaal Amniyaatka Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir oo lagu Magacaabo Khaalid Abuukar Xasan. Sidoo kale weerar labaad ayaa waxaa ay sheegene in lala beegsaday Saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe,isla markaana lagu dilay 16 qof oo isugu jira Saraakiil iyo ilaaladooda. Lama oga khasaaraha weerarada ku gaaray Ciidamadii isbaheysanayay, iyadoo markii dambe ay dib uga soo gurteen goobaha howlgalada ay ka fuliyeen. Ma jirto wali wax war ah oo Mareykanka uu ka soo saaray weerarka oo la rumeysan yahay in diyaaradahooda ay fuliyeen, iyadoo Shabaabna aysan ka hadal waxa ka jira wararka sheegaya in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay howlgalka xalay. Si kastaba, Mareykanka ayaa sanadkan kaliya ilaa iyo 35 weerar ka geystay dalka, kuwaasoo Saraakiishooda ay sheegeen iney ku dileen inkabadan 300 oo Shabaab ah, waxaana weerarada ay u badnaayeen kuwo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha leheyn ee Droness-ka. Dhinaca kale dagaal culus ayaa duleedka degmada Bu’aale waxa uu ku dhexmaray ciidamada huwanta iyo kuwa Al-Shabaab,waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalkaas, iyada oo lagu soo waramayaa in Al-Shabaab ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan. Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo saarin weerarka xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, iyada oo weerarada noocaas oo kale ah ay inta badan ay fuliyaan Ciidamada Mareykanka eek u sugan Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Jilib Caasimada@live.com
-
Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa maanta booqasho ku tagaya magaalada Hargeisa, Obasanjo waxaa uu madax ka yahay hey’ad fadhigeedu yahay Koonfur Afrika ee Brenthurst Foundation. Brenthurst Foundation ayaa war ay soo saartey ku sheegtay in Obasanjo tagayo Hargeisa kadib markii ay codsi ka heleen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, isaga oo halkaasi kula kulmi-doona saraakiil kala duwan. Madaxweyne Olusegun Obasanjo waxaa kale uu booqasho ku iman-doonaa magaalada Muqdisho, isaga oo u kuur-geli-doonna inuu is-dul istaago xaqiiqooyin kala duwan. Brenthurst Foundation waxaa ay isku sheegtay hey’ad ka shqeysa horumarinta dhaqaalaha Afrika, waxaa ayna la shaqeyneysay dalalka Afrikaanka ilaa 2004-tii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhageyso wasiirka wasaaradda amniga maamulka Jubaland oo sheegay in inciidanka looga baahan yahay in shaqada ay hayaan ay laba jibaaraaninta inta lagu gudajiro bisha barakeysan ee Ramadaan lana dagaalamaan wax waliba oo amni darro ah. sidoo kale wasiirka ayaa ciidanka kula dardaarmay in ay la dagaalaman dadka mehrada fura bisha Ramadaan ee cuntada lagu sameeyo dhamaan ciidankana looga baahan yahay in ay soomaan aanan la arag askari afuran lana ilaaliyo in bisha amniga. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/Wasiirka-Amniga-Jubbaland-oo-ciidanka-Booliiska-kula-dardaarmay-adkeynta-amniga.mp3 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Kulan Maxamed C/raxmaan Cali Siiriin ayaa Walaac baddan ka muujiyay Sharciga Doorashooyinka ee ay dhowaan ansixiyeen Golaha Wasiiradda Soomaaliya. Siiriin ayaa yiri “Waa Talaabbo aan dhiirogalineeyno Sharciga Doorashooyinka inna la sameeyo iyo sharciga nidaamka axsaabta badan Lakiinse Arrimaha Masiiriga ah waa inna laga yeesho Talo loo dhan yahay ee inta ee quseeyso taladda laga qeybgaliyo” Guddoomiye Maxamed Siiriin, waxa uu sidoo kale soo dhaweyay shirka Madaxda Soomaaliyeed kaga furmay Garoowe, isaga oo yiri “Waxaa bogaadineeynaa Dhamaan dadaalada Maamul gobolleedyada iyo Dowladda Federaalka ugu jiraan Xal u helidda arrimaha quseeyo Doorashooyinka, iyo Dastuurka waxaana ku baaqaynaa Wada-hadaladda Madaxda Soomaaliyeed inay noqdaan kuwa joogta a” Siiriin ayaa sidaas kale waxa uu mahad celiyey Beesha Caalamka ee Somalia la garab taagan dib-u udhiska dowladnimadda Somalia. Ugu Danbeyn Mudane Maxamed Siiriin ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed innay is-cafiyaan iyo Inaan Allah subxaana watacaala aan u laabanno Bisha Barakeysan ee Ramadan, wuxuu ku dhiragalina Shacabka Soomaaliyeed innay afuriyaan Walaalahooda danyarta ah ee aan awooddin afurka bisha Ramadan.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa dalka Sweden u ka qayb qaato dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, oo dhowr sano hakad ku jiray. Wasiirka horumarinta maalgashiga ee Somaliland mudane Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo muddooyinkii u dambeeyey hawlo shaqo ku marayey qaar ka mid ah dalalka yurub ayaa sheegay in dalka Sweden ay uu kaalin muhiim ah ka qaadan karo dhexdhexaadinta wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Wasiir Cawad oo la hadlay idaacadda dawladda ee dalkaas ayaa sheegay in dalka Sweden uu waayo-aragnimo fiican u leeyahay hawlaha dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasiga ah, waxa aanu tusaale u soo qaatay kaalinta dhexdhexaadnimo ee uu dalkaasi isugu keenay dawladda Yemen iyo ururka Xuutiyiinta ee uu dagaalku ka dhexeeyo. Waxa aanu tilmaamay in dalka Sweden uu sidaas oo kale gacan uga geysan karo dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya. Dhinaca kalana weriye Muuna Ismaaciil Jaamac oo ka tirsan idaacadda Sweden ayaa mar ay isla arrintan kala xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sweden waxa ay ogaatay in dalkaasi uu diyaar u yahay in uu dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, haddii ay sidaas Somaliland iyo Soomaaliya wadajir u doonayaan. Sida oo kale Anderes Osterberg oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Sweden oo isagana ay idaacaddu wax ka weydiisay soo jeedinta CAWAD ayaa sheegay in Sweden ay diyaar tahay, balse ay keliya u baahan tahay go’aan ay labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya arrintan ku aqbalaan. Weriyuhu waa uu sheegay in uu isku dayey in uu dawladda Soomaaliya arrintan kala xidhiidho laakiin aanay u suurtagelin. Source
-
Popular Contributors