-
Content Count
208,370 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta Go’aan kasoo saartay Dacwad loo heystay Saraakiil katirsan Dakadda Muqdisho iyo Ganacsade. Maxkamada ayaa xukuntay inaysan wax danbi ah galin kadib markii ay ku guul dareysteen Xafiiska Xeer ilaalinta in ay Maxkamadda horkeenaan cadeymo ku filan in lagu helo eeda ay usoo jeediyeen muwaadiniintaas. Eedeysanayaasha dambiga lagu waayay ayaa waxay kala yihiin Axmed Cabdullaahi Samow, Gaashaanle Maxamed Maxamuud Xuseen, Cali Cilmi Geele,Ciise Faarax Camalow iyo Cali Dhuxulow, kuwaas oo Maxkamada Gobolka Banaadir ay horay ugu riday xukun saddex sano ah ka dib markii lagu eedeeyay isdaba marin dhanka canshuuraha. Sidoo kale, Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa amartay 5-Eedeysane in xuriyadooda dib loogu celiyo halka ay 2-Eedeysane oo maqanayaal ah ku celisay Dacwadoodo Maxkamadda Darajada 1-aad maadaama aan loo marin Habraaca Dacwadaha Dadka maqan sida soo qabasho ama Baafintii IWM. Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa aqriyay Go’aaanka Maxkamadda.
-
A rookie Ottawa police officer is suspended from duty after being arrested Friday morning and charged with sexual assault and forcible confinement. Source: Hiiraan Online
-
Ramadan, which begins on May 6 in most countries this year, is the holiest month in the Islamic calendar. It involves abstaining from eating, drinking, smoking and sexual relations from dawn to sunset... Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maanta magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka furmay shir u dhaxeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada waxaana looga hadlayaa Xaaladda Soomaaliya. Shirka ayaa xoogga lagu saarayaa Amaanka, Siyaasadda iyo dhaqaalaha waxaana sidoo kale la doonayaa in lagu xaliyo tabashooyinka Maamul Gobaleedyada ay ka qabaan hogaanka Soomaaliya. Caasimada Online oo la hadashay xubno badan oo katirsan Wafdiga Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ayaa ogaatay in rajo wayn aan laga qabin dhaqan galka waxyaabihii lagu heshiiyo. Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaan aad ugu dhow Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Kheyre isku afgarteen in la dhageesto cabashada maamul Gobaleedyada balse aan la dhaqan gelin loona qabto ballan qaadyo sidii hore u dhacday oo kale. Xubnahaan ayaa sidoo kale noo sheegay in waxa ay doonayaan Maamul Gobaleedyada iyo dowladda rabitaankeeda aysan isu dhawayn, sidoo kalane aysan dhanka Dowladda ka suurta gelin rabitaanka Maamul Gobaleedyada in ay fuliso. Qodobada ugu wayn ee la isku haayo waa Sharciga doorashada iyo qoondada dhaqaalaha ee Maamul Gobaleedyada oo aysan bixin dowladda Soomaaliya bilooyinkii la soo dhaafay labadana waa lagama taabtaan Kheyrre iyo Farmaajo. Sidoo kale waxyaabaha la isku haayo waa madaxbanaanida doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland taasna aysan ka suurta geli karin Dowladda Soomaaliya. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Ciise oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaas uu yahay waqti lumis dowladda Soomaaliyana aysan dhaqan gelin doonin waxyaabihii ka soo baxa shirka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan balse ma muuqato rajo wayn oo laga qabo Shirkaas. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin ayaa ugu baaqday saddexda xisbi qaran ee Somaliland inay muujiyaan isu tanaasulid lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo inay doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku qabsoomaan December 19, 2019. Wasiir Harriet, oo qoraal ka soo daba saartay su’aalo ku saabsan dimuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlka Somaliland oo toddobaadkii hore lagu weydiiyay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxay tidhi “Kaalmada Ingiriiska waxay qayb muhiim ah ka qaadataa taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ay ku jiraan horumarinta la xisaabtanka garsoorka iyo dhismaha amniga guud, xoojinta awooda farsmo ee guddiga doorashada iyo dhismaha isfahamka dawladda iyo saxaafadda oo loo marayo xeer saxaafadeed oo cusub.” Wasiir Harriet oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “Hase yeeshee, waxa weli jira caqabado badan oo aanu wada hadal kala leenahay dawladda Somaliland. Tusaale Iyada oo uu weli jiro faquuqa dumarka iyo beelaha laga tirada badan yahay, sida oo kalena uu sii socdo xadhiga aan loo meeldayeyn ee lagu hayo warfidiyeenka. Waxa aanu sida oo kale walaac ka qabnaa in aan wax horumar ah laga samaynin u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2019 ka, oo ay ka mid tahay meel marinta sharciyadda doorashooyinka baarlamaanka.” Wasiirul dawlaha Ingiriisku waxay hadalkeeda ku soo gunaanaday “Waxa aanu ugu baaqnay saddexda xisbi siyaasadeed in ay muujiyaan in ay weli ku jiraan ballankii ahaa dimuqraadiyadaynta, isu tanaasulidda lagama maarmaanka ahna isu sameeyaan si geeddiga si dhab ah hore loogu sii wado, loona xaqiijiyo in doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda oo ah 12 ka December 2019.” Source Geeska Qaran News
-
Even as federal forces were late last week deployed to contain ethnic violence in northern Ethiopia, there are reports of heated exchanges brewing between two regions in the country’s east. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in sifo sharci-darro ah lagu xidhay guddoomiyiha garabka dhalinyarada Waddani ismarkaana dhibaato xooggan loo gaystay markii la soo qabanayay. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidoo kale waxa ka hadlay muranka doorashooyinka iyo tallaabadii xisbiyadda KULMIYE iyo UCID ku gaadheen heshiiska, dhacdadii ka dhacday gobolka Sanaag ee lagu dilay labada taliye, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland waxa lagu soo dhaweeyay Olusegun Obasanjo oo Dalka Nigeria Madaxweyne ka soo ahaa 1999 illaa 2007-dii. Olusegun Obasanjo ayaa Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa waxa ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan-Saylici iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada. Siyaasigan oo caan ka ah Qaaradda Afrika isla-markaana lagu Xasuusto inuu Talada Dalka Nigeria oo uu muddo dheer gacanta ku hayey u wareejiyey si dimuqraadi ah, ayaa la sheegay inuu Somaliland ku yimid Casuumad uu ka helay Xukuumadda Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Madaxweynihii Hore Ee Dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland. Siyaasigan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba bilood gudahood ah Somaliland ku yimaadda booqasho, waxaana sidan oo kale booqasho ugu yimid Wasiirka Arrimaha dibedda Eriteria Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Ingiriiska ayaa cadaadis xoogan ku saareysa xukuumada Somaliland, sidii ay u qabsoomi lahaayen doorashooyinka golahayaasha wakiilada iyo deegaanka oo lagu wado inay qabsooman dhamaadka Sanadkan. Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda ee UK Harriett Baldwin, ayaa ugu baaqday saddexda xisbi qaran ee Somaliland iney muujiyan isu tanaasulid lagama maarmaan ah si loo qabto doorashooyinka Somaliland. Wasiir Harriett oo arrintaas qoraal kasoo saartay ayaa waxay tiri “Kaalmada Ingiriiska waxay qayb muhiim ah ka qaadataa taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ay ku jiraan horumarinta la xisaabtanka garsoorka iyo dhismaha amniga guud, xoojinta awooda farsmo ee guddiga doorashada iyo dhismaha isfahamka dawladda iyo saxaafadda oo loo marayo xeer saxaafadeed oo cusub” “Hase yeeshee, waxa weli jira caqabado badan oo aanu wada hadal kala leenahay dawladda Somaliland. Tusaale Iyada oo uu weli jiro faquuqa dumarka iyo beelaha laga tirada badan yahay, sida oo kalena uu sii socdo xadhiga aan loo meeldayeyn ee lagu hayo warfidiyeenka”. Waxayna intaa kusii dartay “Waxa aanu sida oo kale walaac ka qabnaa in aan wax horumar ah laga samaynin u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2019 ka, oo ay ka mid tahay meel marinta sharciyadda doorashooyinka baarlamaanka”. “Waxa aanu ugu baaqnay saddexda xisbi siyaasadeed in ay muujiyaan in ay weli ku jiraan ballankii ahaa dimuqraadiyadaynta, isu tanaasulidda lagama maarmaanka ahna isu sameeyaan si geeddiga si dhab ah hore loogu sii wado, loona xaqiijiyo in doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda oo ah 12 ka December 2019”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirru dawlaha Arrimaha dibadda Harriett Baldwin ayaa ugu baaqday saddexda xisbi qaran ee Somaliland inay muujiyaan isu tanaasulid lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo inay doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku qabsoomaan December 19, 2019. Wasiir Harriet, oo qoraal ka soo daba saartay su’aalo ku saabsan dimuqraadiyadda iyo xorriyatul qawlka Somaliland oo toddobaadkii hore lagu weydiiyay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxay tidhi “Kaalmada Ingiriiska waxay qayb muhiim ah ka qaadataa taageerada geedi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland oo ay ku jiraan horumarinta la xisaabtanka garsoorka iyo dhismaha amniga guud, xoojinta awooda farsmo ee guddiga doorashada iyo dhismaha isfahamka dawladda iyo saxaafadda oo loo marayo xeer saxaafadeed oo cusub.” Wasiir Harriet oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “Hase yeeshee, waxa weli jira caqabado badan oo aanu wada hadal kala leenahay dawladda Somaliland. Tusaale Iyada oo uu weli jiro faquuqa dumarka iyo beelaha laga tirada badan yahay, sida oo kalena uu sii socdo xadhiga aan loo meeldayeyn ee lagu hayo warfidiyeenka. Waxa aanu sida oo kale walaac ka qabnaa in aan wax horumar ah laga samaynin u diyaargarowga doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2019 ka, oo ay ka mid tahay meel marinta sharciyadda doorashooyinka baarlamaanka.” Wasiirul dawlaha Ingiriisku waxay hadalkeeda ku soo gunaanaday “Waxa aanu ugu baaqnay saddexda xisbi siyaasadeed in ay muujiyaan in ay weli ku jiraan ballankii ahaa dimuqraadiyadaynta, isu tanaasulidda lagama maarmaanka ahna isu sameeyaan si geeddiga si dhab ah hore loogu sii wado, loona xaqiijiyo in doorashooyinku ay ku dhacaan waqtigooda oo ah 12 ka December 2019.” Source
-
Popular Contributors