-
Content Count
208,371 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xidigaha Rajo Football Club iyo Gees Afrika ayaa kulan ciyaareed xiiso badan oo loogu soo baxayay ka mid noqshada horyaalka Soomaaliya olalaha soo aadan kuwada dheelay garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan labada dhinac ayaa taageerayaaashii kasoo qeyb galay usoo bandhigay ciyaar ku dheehan farsamo,balse 2-0 guusha ku qaatay xidigaha Rajo Football Club. Cabdullahi Cilmi Maxamuud oo horay usoo ciyaaray kooxda Rajo FC iminka ah guddomiyaha kooxda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay shaqada ay qabteen macalimiinta iyo ciyaartooyda kooxdiisa wuxuuna taageerayaasha u diray in dadaalka ay iminka samayeen iyo mid ka saraysa ay kusoo bandhigidoonaan horyaalka Soomalia Preimer League kol ciyaareedka soo aadan. Degmada Waaberi oo ay kooxda ka dhisantahay ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa la geeyay koobka horyaalka Somalia Premier League iyo kan degmooyinka Gobolka Banaadir maadaam kooxda uu hogaamiyo Tababare Yuu-Cali ee Dekedda ay labo sano xariir ay guulaystay horyaalka Soomaaliya,halka degmada Waaberi ay iyagana iminka ay haystaan ciyaaraha degmooyinka 2017-2018 Shariif Faarax Xayle oo ka mid ah dhalinyarada sida weyn ula socota kobaca iyo guulaha degmada Waaberi dhinaca ciyaaraha ayaa hamblayo u diray maamulada kooxaha ka dhisan degmada shaqada wanaagsan ay qabteen Abshir Cabdi Abshir oo ah layliyaha kooxda Rajo ayaa sheegay in halkaan kusoo da’daal waqti dheeri soo socday iminka ay labajiraan maadama ay naadiga 20-kii sano lasoo dhaafay ay qeyb ka aheyd ka ciyaaritsa horyaalka heerka 2aad Soomaaliya Qaar ka mid ah ciyaartooyda Rajo Football Club oo wajiyadooda laga dareemay farxad ayaa iyagada qudhooda inoogu waramay dareenkooda iyo sida ay u arkaan u soo gudbitaanka horyaalka Somalia. Kooxaha Rajo iyo Raadsan ayaa u gubay horyaalka Somalia Premier League xili ciyaareedka soo aadan Raadsan waa kooxda hantay horyaalka heerka 2aad ee Division 1 Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saasan Arinkaa W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Saciid oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog ayaa wuxuu sheegay in sanadahan dambe ay aad u yaraadeen dhimashada hooyada iyo dhallaanka. Wuxuu sheegay in dalka uu u baahan yahay haween aqoon badan u leh dhalmada haweenka si loo yareeyo qataraha ka imaan kara xilliga dhalmada. Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in gobollada dalka ay ka hirgeliyeen iskuullo lagu baranayo xirfadda umuliso-nimada si loo badbaadiyo hooyada iyo dhallaanka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/WASIIR-KUXIGEENKA-WASAARADA-CAAFIMAADKA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa ku qaabilay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Danjire Hamdi Loza, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga iyo sidoo kale arrimihii ugu dambeeyay gobolka iyo dunida. Soomaaliya waxa ay doonaysaa inay hore ugu dhaqaajiso xiriirka kala dhexeeya Masar dhinacyada kala duwan si kor loogu qaado wax wadaagga istiraatiijiga iyo in la qoto dheereeyo iskaashiga dhan kastaba leh, oo ay ka mid yihiin ammaanka, milatariga, waxbarashada iyo ganacsiga. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
-
Muqdisho (SMNN ) – Waxaa caawa si rasmi ah u bilaabanaya tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Tartanka oo sanadkan leh xiiso badan ayaa waxaa ku loolamaya illaa 16 Degmo oo kala tirsan gobollada dalka. Maxamed Axmed Maxamed Jimcaale Agaaasime ku xigeenka Idaacadda Shabelle, ahna guddoomiyaha guddiga ee tartanka ayaa ka warbixiyay qaabka ay isugu dhacayaan degmooyinka ka qeyb galaya Barnaamijka. Sidoo kale Jimcaale ayaa carabka ku dhuftay in Caawa lagu furayo tartanka degmooyinka Baraawe iyo Kaxda oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/ Hoose. Shabelle waa Idaacaddii ugu horreysay ee bilowda tartan Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana sanadkan taaba galinaya shirkadaha Beco iyo Kooka Koola. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/ccc.mp3 View the full article
-
Garowe (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada Bisha barakaysan ee Ramadaan “Waxaan dhammaan shacabka muslimiinta ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaayaa bilaawga bisha barakaysan ee Ramadaan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idiin dhib yareeyo Ramadaanka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in bishaan uga faa’iideestaan in ay isu soo dhawaadaan, dalkana u duceeyaan, waxa uuna Allah ka rejeeyay in bishaan Barakaysan ay dhamaato dalka oo Barwaaqa ah. View the full article
-
Muqdisho ( SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-06052019.mp3 View the full article
-
Garoowe (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Mudane Maxamed Candullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in ay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha ammaanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Shacabka kula dar-daarmay in laamaha Amniga gacan lagu siiyo siday waajibaadkooda ugudan lahaayeen ayna u sugi lahaayeen Amniga,isagoo Hay’adaha Amnigana ugu baaqay inay u turaan Shacabkooda. View the full article
-
Somaliland: Situation Still Tense In The Aftermath Of Murdered Officers. The fallout from the assassination of the two Somaliland Officers, Major Abdillahi Ahmed Tallan and Luietenant Nur Aw Ali Nuh by a group of armed men near Garadag continues to reverberate across Somaliland. In an extraordinary press conference, Home Minister Mohamed Kahin Ahmed stated that some of the alleged criminals have been apprehended, along with their vehicles and other suspects who may have assisted in the plot to kill the two officers. However, as of yet, there has been no sight of the alleged suspects, their alleged vehicles or weapons. Meanwhile the community which both deceased officers hailed from has been up in arms. According to the community elders, the administration appears to be dragging it’s feet with regard to resolving this issue. The murder of the two officers has cast a large shadow over the administration, with ministers attacking opposition party leaders and nurturing paranoid delusions about their links to the tragedy, whilst military and police commanders appear to be putting the blame on the Somaliland media. To add to this debacle, the Emergency Law Bill put before the joint session of parliament seems to have disappeared down a black hole, and the President appears to have carried on with the imposition of martial law in Erigavo, El-Afwein and Garadag. It is hoped that with advent of Ramadan, cooler heads will prevail. But, one thing is certain, this is not finest hour for the administration of President Muse Bihi Abdi and the institutions of Somaliland. Qaran News
-
AlxamdulAllah waa bishii khayrka iyo ajarka badnayd oo Illahay inagu soo simay markale. immisaa bishii hore joogay oo maanta khayrkaa maqan oo dhimstay. Waa in aynu mahad naqnaa mar walba. Bisha ramadaanta waxa loo baahanyahay inaad ilaaliso cuntadaada si aanu kuu dhicin in aad ku xanuunsato afurka ama suxuurta. ama aanad u dareemin daal iyo dacar kaa dhigta mid caajisa oo xitaa cibaadada ka gaabiya. ha cunin cuntooyinka ay leh Dufanka iyo sonkorta badan. ha cunin ama yareyso cuntooyinka ay ku badan yahay dufanku sida saambuuska, sandwichka IWM Iska ilaali inaad cabitaan badan cabto bilowga afurka. hadii aad haysato liin dhanaan ku yara tuuji sharaabka ama shaah bigeys ah waxa ay kaa ilaalin cilad inay kugu kacdo. ha cunin cuntooyinka ha cunin cuntooyinka ay ku badan tahay duxda iyo sonkorta. ha cunin ama yareyso cuntooyinka ay ku badan tahay saliida sida saambuuska. ha cunin cuntooyinka ay ku badan tahay cusbadu. bisha Barakaysan ee ramadan waxa haboon inaad cuntooyinka aad cunaysaa wax badan aanay ka gedisnaan tii aad hore u cuni jirtey ,waxana haboon in cuntadaadu noqoto mid miisaaman si aanu jidhkaagu u khalkhalin una waayin nafaqadiisa . kolka fiiriyo saacadaha dhaadheer ee laga soomayo wadamo badan sanadkan waxa haboon inuu qofku ku suxuurto cuntooyinka kakan (Adag) maxaa yeelay cuntooyinka kakan waxay caloosha ku jirtaa muddo 8 saacadood ah, cuntooyinka kakan (adag) waxa ka mida sarreenka ,digirta ,bariiska,daqiiq, heed, galey IWM. Cabitaanada ku haboon afurka waxa ka mida. dhamaan khudaarta dabiiciga ah ee la shiidey. liin la tuujiyey ( liin dhanaan). avocado la ridqay. xabxab ama qare. Cambe babay. Shaah aan sonkor badan lahayn iyo xansharka oo ah ka ugu fiican ee caloosha ku ilaaliya xaladeeda wanaahsan. Kuwani waa cabitaanada ugu fiican xiliga afurka mana sababaan wax cilad ama dacara. Calooshaada ha ku wada mashquulin afurka waayo hadii aad aad isakaga dibiriso afurka salaadna ma tegi kartid socodna ma geli kartid mana shaqayn kartid. La soco qaybaha dambe…… Qalinkii Cabdi Cawiye +252634115877 Qaran News
-
On-the-record update on the drought situation in Somalia Below average rains since last October have resulted in the rapid deterioration of the humanitarian situation in Somalia leaving an estimated 2.2 million people, almost half of which are internally displaced persons, in urgent need of food. Quote from Victor Moses, NRC´s Country Director in Somalia. “The humanitarian situation has deteriorated at an alarming rate as a result of the drought. Widespread crop failure and a decline in livestock productivity are pushing communities in the worst-affected areas into acute food insecurity. Children are among the worst-affected and hundreds and thousands are already suffering from malnutrition. “Urgent funding is required now to allow aid agencies to immediately scale up response and avoid a full-scale humanitarian disaster.” Latest Update: According to the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA), drought conditions in the 2018/19 Deyr rainy season have led to an increase in the number of people designated as “food insecure” in Somalia since October of last year. The number of people in acute food insecurity crisis phase or worse (IPC 3 & 4) has spiked by ten per cent to more than 1.7 million by April, which is more than double the 2016/17 drought period and is expected to reach 2.2 million by July. Almost half of these (43 per cent) are internally displaced persons. The severe drought conditions are leading to further internal displacement with nearly 44,000 people estimated to have moved from rural areas into urban centres this year. Around 2.6 million people are internally displaced across the country. Humanitarians have reported an increase in number of admissions for the treatment of moderate acute malnutrition (MAM) between January and March 2019. Urgent treatment is needed for some 954,000 children anticipated to be acutely malnourished in 2019, including 174,600 severely malnourished. Worst affected areas are in Northern and Central Somalia including Somaliland, Puntland, Mudug, Hiraan, Galgaduud and Bay regions. Since February 2019, both upstream and downstream water levels of the Shabelle and Juba rivers have remained very low. In some areas, river beds have dried up completely, due to drier-than-normal weather and high temperatures. More than 2.6 million Somalis are internally displaced due to armed conflict, insecurity and drought. More than 33,000 people were reported to be newly-displaced in the first quarter of 2019. 4.6 million people are in need of humanitarian assistance, including an estimated 2.7 million children. The 2019 Humanitarian Response Plan for Somalia requires $1.08 billion and is currently funded to 19 per cent so far this year. NRC in Somalia: NRC has been operational in Somalia since 2004 and supports vulnerable people through food, livelihoods, WASH, shelter and education programmes and offers advice and counselling for those in need of legal support. NRC assisted 675,000 people in need across Somalia in 2018. Qaran News
-
Somaliland: Former Nigerian President Obasanjo On Visit To Somaliland. The former Nigerian President Olasegun Obasanjo has arrived in Somaliland on a working visit as part of the Brenthurst Foundation. The former Nigerian leader was received by the Somaliland President Muse Bihi Abdi in Hargeisa. Former President Obasanjo first come to power in a Nigeria after the assassination of General Murtala Mohammed in a failed coup attempt. General Obasanjo, as he was then, transferred power to an elected civilian government, led by the late Shehu Shagari in 1982. During his retirement, former President Obasanjo was part of the group know as the Commonwealth Eminent Persons who worked towards ending apartheid in South Africa. He was one of the few people allowed to visit the late Nelson Mandela in prison. In a remarkable political comeback, former President Obasanjo was elected back into office in 1999 and served as president until 2007. The visit to Somaliland is part of the Brenthurst Foundation which works with countries in Africa on economic development. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shaaciyay in Somaliland ay lumisay fursad ay si wadajir ah magaalada Hargeysa ugu tagi lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisu wasaaraha Ethiopia. Mr Guuleed ayaa sheegay in markii la dooranayay madaxweyne Farmaajo ay olole doorasho ay ka socdeen Somaliland, laakiin markii dambe ay soo baxday fursad ay madaxda dowladda Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Abiy ku tagi lahaayeen magaalada Hargeysa. “Markii madaxweyne Farmaajo la doortay kadib waxaa jirtay doorasho ay ku mashquulsaneyd Soomaaliland. Annagu aragtideenna waxay ahayd in saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani kii la doortaba in aannu la shaqeyno lana sii amba qaadno wadahadalladii horay u socday, mid aannu gaar u taageersaneyn ama aan niyadda ka rabnayna ma jiro” “Markii dambena waxaa toos u wada xiriiri jiray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Biixi, xiriirkooduna wuxuu wanaagsanaa ilaa laga soo billaabo bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii”, ayuu yiri Mahdi Maxamed Guleed oo wareysi siiyey Goobjoog TV. Wuxuu sheegay in Somaliland ay diiday booqasho wadajir ah oo madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya ku tegi lahaayeen magaalada Hargeysa. “Waxaan kuu sheegayaa in dhawaan ay Soomaaliland lumisay fursad dahabi ah oo ahayd in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyne Farmaajo ay rabeen in iyagoo wada socda ay ka dagaan Hargeysa” “Laakiin markii madaxweynaha Soomaaliland iyo maamulkiisa ay wada tashadeen ma aysan suurtoobin, ilaa haddana dhankeenna diyaar baan u nahay inaan mar walba tagno, ha noqoto Farmaajo oo kaligiis ah ama isagoo uu la socdo Abiy”, ayuu yiri Ra’iisal Wasaare ku xigeenka oo markii ugu horeysay kashifay Qorshahan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Walaalayaal dhamaantiin waxaan idin leeyahay Ramadaan Kariim, waxaan inyar kaga hadli doona bisha ramadaan ee ilaahay inugu faral yeelay inaynu soono. Bisha Ramadaan waa bil qaali ah oo ahmiyad weyn ku fadhida, mudanna in laga faa’iidaysto oo la kasbado kheyraadkeedda iyo barakooyinka ay wadato, taas oo ku xidhan dadaal iyo niyad wanaagsan,waa bil khayr badan oo Shayaadiinta la xidh-xidho. Bisha Ramadaan ee caawa innoo bilatay waa bisha 9-aad ee bilaha Hijriga ah,waxana la sharciyeeyey oo la waajib yeelay bishii Shacbaan ee sannadkii labaad ee Hijriyada. Bisha Ramadaan waa bil uu Illaahay subxaanna watacaalaa, u doortay inay ahaato bil loo soomo oo loo af-xidhnaado Illaahay dartii oo laga dheeraado cuntada,cabbidda iyo denbiga kale oo dhan oo lagu koobnaado qur’aan karin, isu-naxariisasho, is-caawin iyo badashadda cibaadada iyo xuska iyo xusuusnaanta rabbi. Cibaadadu waata Alle subxaana watacaalaa inoo abuuray oo Alle mooyee ma jiro cid kale oo xaq lagu caabudaa “Uma aan abuurin Jinka iyo Insiga inay i caabudaan mooyaane wax kale, kama rabo risiq iyo inay i quudiyaan,Illaahay ayaa Raasiq ah,oo leh quwad xoog leh.” Cibaadadu waa dhamaan wax Alla wixii qofka ka soo fula ee uu ku kaco ama sameeyo ee isugu jira waxa uu niyadda ka doono iyo waxa uu qowl ama hadal ahaan u yidhaahdo ama waxa uu hawl ahaan ama ficil ahaan u sameeyo ee ula yimaaddo “Waxad tidhaahdaa(Nebi Allow), salaaddayda iyo camalkayga dar Alleed,iyo noloshayda iyo dhimashadayduba Alle ayay u sugan yihiin,oo wax shariig ah ma lahe, sidaas ayaa layna amray, waxaanan ahay Muslimiinta ka ugu horreeya. Cibaadada Alle innagu waajib yeelay waxa ka mid ah Soonka, waa Rugniga 4aad ee Arkaanta Islaamka,waxnna qofku isu af-xidhayaa dar Alle oo cuntada iyo cabbidda iyo hadaladda laq-wigga ah oo dhan baa wuu ka tagayaa. Alle gefafka aynu ka galnay waa inaga dhaafi karaa, laakiin, gefafka aynu iska galnay way adag tahay in la inaga dhaafo ilaa qofkii aad ka gashay ku cafiyo. Alle waxaynu ka baryeynaa inuu innagu simmo gudashaddeeda iyo dhammaystirkeedda, awoodiisanna innoogu dembi dhaafo. Khadar Dirir Qaran News
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgallo joogta ah habeennadan ka wada magaalada Muqdisho ayaa xalay waxay howlgal ka sameeyeen degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Howlgalkan ayaa inta uu socday waxaa lagu soo qabtay dhallinyaro aad u badan, kuwaasi oo la geeyey xarumo ku yaalla degmadaasi si baaritaanno loogu sameeyo. Sida ay inoo xaqiijiyeen dhallinyaro ka mid ahaa dadkii howlgalkaan lagu qabtay, baaritaanno kadib dhammaantood waa lasii daayey. Saraakiisha Booliiska ee howlgalladan hoggaamineysa ayaa sheegay in ulajeedkoodu uu yahay sidii ammaanka magaalada Muqdisho loo xaqiijin lahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sii-hayaha Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa salaan diiran u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed iyadoo ay bilanayso bisha barakeysan ee Ramadaan. “Anigoo ku hadlaya magaca dhammaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo adduuka dacalladiisa u rajeynayaa bisha barakeysan ee Ramadaan oo nabad ah,” ayuu yiri Md. Zenenga. “Kani waa waqti muhim u ah sannadka oo ay qoysaska iyo bulshadu isu yimaadaan, ka fikiraan waxa dhab ahaan mecno u leh nolosha, una duceeyaan oo taageero u fidiyaan dadka danyarta ah. Sidoo kale waa waqti la heshiiyo la isna cafiyo.” “Soomaaliya ha hesho farxad, nicmo iyo raynrayn bishan barakeysan ee Ramadaan – Ramadan kareen, Ramadaan wanaagsan.” Source: goobjoog.com
-
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa shalay oo Axad ahay ah ku qaabilay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Danjire Hamdi Loza, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga iyo sidoo kale arrimihii ugu dambeeyay gobolka iyo dunida. Soomaaliya waxa ay doonaysaa inay hore ugu dhaqaajiso xiriirka kala dhexeeya Masar dhinacyada kala duwan si kor loogu qaado wax wadaagga istiraatiijiga iyo in la qoto dheereeyo iskaashiga dhan kastaba leh, oo ay ka mid yihiin ammaanka, milatariga, waxbarashada iyo ganacsiga. Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Isniin ah ayaa guud ahaan dalalka Islaamka ah waxaa laga sooman yahay maalinta Koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka islaamka ah, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan. Farmaajo ayaa kula dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed in ay adkeeyaan walaaltinimadooda, taakuleeyaan dadka danyarta ah, lana shaqeeyaan laamaha ammaanka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale Shacabka kula dar-daarmay in laamaha Amniga gacan lagu siiyo siday waajibaadkooda ugudan lahaayeen ayna u sugi lahaayeen Amniga,isagoo Hay’adaha Amnigana ugu baaqay inay u turaan Shacabkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa ku dhawaaqay inay heshiis muhiim ah la galeen beesha Biyamaal oo degta deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Beesha Biyamaal iyo Ururka Al Shabaab ayaa ka heshiiyay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, dagaaladaasi oo hub ay ku kala qabsadeen labada dhinac. Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay heshiiskaasi inuu ahaa mid labada dhinac ay gaareen, waxaana kamid ah in beesha Biyamaal ay ciidamadeeda kala soo baxdo dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa beesha Biyamaal laga doonayaa inay ku dhawad 200 oo qori ku wareejiyaan Al Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka lagu baahiyay baraha Al Shabaab wararkooda lagu faafiyo. Sidoo kale waxaa beesha Biyamaal laga doonayaa inay ciidamada beeshooda ah ka saaraan safka hore ee Ciidamada AMISOM. Al Shabaab ayaa dhankooda balan qaaday inay Beesha Biyamaal u celin doonaan dhamaan waxii hanti ahaa ee laga qaatay beesha intii ay socdeen dagaalada ka dhacayay deegaanada Shabeelaha Hoose. Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose ugu magacaaban Al Shabaab ayaa sheegay inay ka dalbanayaan beelaha Soomaaliyeed inay ku biiraan dhanka Al Shabaab islamarkaana heshiisyadaasi oo kale la galaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa farriin uu xalay soo saaray muslimiinta dunida ku hambalyeeyay, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo maanta koow ah. Farriintan oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee aqalka cad, ayaa Trump si cajiib ah uga hadlay fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan. “ Waxaan salaam diirran u dirayaa dhammaan muslimiinta u dabbaal-degaya bisha Ramadaan” ayaa Trump ku bilaabay farriintiisa. Mr Trump ayaa sheegay in Ramadaan tahay, markii Qur’aanka kariimka ah lagu soo dejiyay nebi Muxamed SCW, oo qoysaska iyo bulshooyinka muslimka ah ay ku maamusaan Qur’aan akhris, khushuuc iyo salad. “Ramadaanta, muslimiintu waxay soomaan laga bilaabo waaberka ilaa makhribka iyagoo Qur’aanka akhriya, shaqooyin wanaagsan qabta, dadka kalena u samafala, waxaana ay arrimahaasi u samaynayan, si ay u gaaraan safarka noloshooda ee ku jihaysan in ay naxariista Alle helaan” ayuu yiri Trump. “Bishan gudaheeda, dhammaanteen waxaan haysannaa fursad aan kaga fekerno nimcooyinka Alle na siiyay, waa in aan si wadajir ah uga shaqeynaa saaxiibnimada iyo kalgacaylka dhexdeenna ah, waxaan xaqiijin karnaa bulsho ku nool isku duubni iyo ixtiraam” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyntii, wuxuu farriintiisa ku geba-gabeeyay in isaga iyo xaaskiisa Melania, ay khayr badan u rajaynayaan muslimiinta dunida ee ay u bilatay Ramadaan. Halkaan ka akhriso farriinta PUNTLAND POST The post Trump: Waxan haysanna fursad aan kaga fekerno nimcooyinka Alle na siiyya appeared first on Puntland Post.
-
Golle ay ku mideysan yihiin xubno ka tirsanaa baarlamankii horre ee Puntland 2014-2019 ayaa shir ay isugu yimaadeen magaalada GAROWE kasoo saarey bayaan talo soo jeedin ah oo ku socda madaxda shirku uga socdo magaalada GAROWE. Bayaankan oo ka kooban dhawr qodob waxay mudanayaashii horre ee Puntland kula dardaarmey madaxda Soomaalida inay isu tanaasulaan kana soo saaraan shirka waxa dalka iyo dadkaba dan u ah. Halkan ka akhristo bayaanka PUNTLAND POST The post Bayaan tala-soojeedin ah oo ku socda shirka Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors