-
Content Count
208,373 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreeyay baaritaan ku bilaabay shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah shaqaalaha Dowladda. Baaritaankan ayaa bilaawday axaddii, waxaana lagu bilaabay shaqaalaha Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya iyadoo ay maanta wali sii socoto. Dadka lala kulmay ayaa la waydiiyay su’aalo badan oo qaarkood aad u adkeeyeen lamana oga sababta dhalisay waxaana la sheegay in baaritaankaan la marsiin doono dhamaan shaqaalaha Dowladda. Qof kasta oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda arimaha bulshada ayaa la weydiiyay, goorta uu dowladda kamid noqday, cidda keentay, qabiilkiisa, iyo in uu ogolaado in la baaro dhamaan Akoonadiisa Internete-ka sida Facebook, Whatsapp, Massenger, Imo, Viber, Email iyo adeegyada kale ee Internete-ka. Dadka qaar ayaa markii intaas laga baaro la waydiinayay hadii ay jirto qof ay qaraabo yihiin ama ay is yaqaanan oo katirsan Al-Shabaab, islamarkaana xariir la soo sameeya, sidoo kale waxaa dadka la waydinayay in uu qaban karo shaqo kasta oo loo diro iyo hadii uusan qaban karin, waxaa la waydiinayay “ma qaban kartaa shaqa kasta oo laguu diro xataa arimaha amniga” shaqaalaha ayaa ku jawaabay haa intii hada martay baaritaankaan. Sidoo kale shaqaalaha baaritaanka maray ayaa loo sheegay in aysan arrintan qofna la wadaagin xataa kuwa la shaqeeya ee dowladda katirsan iyo qoyskiisa. Lama oga sababta arintaan keentay balse waxay walaac ku abuurtay shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya. Arintaan ayaa abuurtay in dowladda Soomaaliya ay ka shaki ka qabto shaqaalaheeda taasna ay keentay in la baaro. Ilaa ma jirto Ciidamo kamid noqday baaritaanka waxayna wararku sheegayaan in aysan Ciidamadu ku jirin baaritaankaan. Si rasmi ah looma oga sida uu xaal noqon doono iyo halka ay wax ku dambeyn doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Warsaxaafadeed Xarunta Xuquuqal Insaaku waxaay walaac ka qabtaa dad xoog lagaga saaray dhul madaxtooyo loo qoondeeyey Xarunta Xuquuqal Insaaku waxaay walaac ka qabtaa falka xoog ah ee lagaga saaray qoysas dhul ay degenaayeen oo la sheegay in loo qoondeeyey in laga dhiso madaxtooyo cusub. 17ka April 2019, booliiska iyo ciidanku waxaay si xoog ah uga saareen qoysaska dhulkan oo ku yaal koonfurta galbeed ee Hargeysa. Fiidyow la duubay xiligii dadka la saarayay iyo warysiyo ay qaaday Xaruntu waxaay u cadeeyeen in Booliisku isticmaalay xoog aan daruuri ahayn markii uu dadka saarayay islamarkaana uu xidhay dad deganaa dhulka. Booliisku ma haysan waaran maxkamadeed. Dhulka doodu ka jirto waxa dayr ku wareejiyay ciiidanka militariga iyada oo loo diyaariyay in madaxtooyo laga dhiso, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadu. Dadka la xidhay markii danbe waa la sii daayay dhamaantood. Warbixino caafimaad iyo waraysiyo ay qaaday Xaruntu waxaay ku ogaatay in dadka dhulka deganaa qaarkood dhaawac soo gaadhay markii laga saarayay. Maxamed Cali Bile, Agaasimaha Madaxtooyadu, wuxuu sheegay in dawladdu awood u leedahay inay la wareegto hanti gaar loo leeyahay hadii ay u baahato dawladdu. Wuxuu qiray in dhulku ahaa mid dad shacab ahi leeyihiin. “Dawwladdu muran kama qabto in dhulka shacab lahaa iyo inaan wax mag dhow ah la bixin,” ayay tidhi Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka. Qodobka 31aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu ilaalinayaa xaqa lahaanshaha hanti gaar ah. Dastuurku wuxuu sheegayaa hantida gaar loo leeyahay “lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana Ia bixinayo cawil-celin munaasib ah.” Dastuurku wuxuu waajib ka dhigayaa in la asnxiyo xeer “xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed.” “Hada ma jiro xeerkaasi, wax magdhow ahna lama siin dadka dhulka leh. Dawladdu hanaan ay u raacday dhul la weerigistaas ma jiro. Ciidan ayaa goobta la keenay iyana dayr ayay ku wareejiyeen dhul wayn oo 4 KM ah. Xoog ayaa lagaga saaray dadkii lahaa,” ayay ku dartay Yaasmin. “Falka caynkan oo kale ahi hore inooma soo marin. Qoysas ayaa dhulkooda debedda looga turay. Dhisidda qasri madaxtooyo maaha arin daruuri ah. In qoysasku helaan hoy ayaa ka mudan. Waxaayna dadkani u haystaan dhulka dhukumentiyo sharci ah oo lahaanshohooda sugaya. Dawladda waxa ku waajib ah inay sharciga raacdo,” ayay ku dartay. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda inay ixtiraamto xuquuqda lahaanshaha gaar ahaaneed ayna u ogolaato dadka dhulka lihi inay dib ugu soo noqdaan dhulkooda. Yasmin Omar H Mahmoud. Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Email: hrcsomaliland@gmail.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan oo hadal ka jeedinayey munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka jawaabey eedaymo siyaasiinta xisbiga Waddani u jeediyeen Xukuumada Muuse Biixi. Wasiir Abokor ayaa ugu horeyntii ka jawaabay eedaymo uu Ciidammada Amniga u jeediyey Ismaaciil Aadan Cismaan oo xukuumadii Daahir Rayaale kasoo noqday Wasiirka Arrimaha gudaha, wuxuuna yiri: “Ismaaciil oo shalay sheeganayey inuu ahaa Wasiirkii ugu muddada dheeraa Somaliland, Boolisku way ogyihiine Ismaaciil wuxuu ahaa Wasiirkii ugu foosha xumaa ee Xilka Wasaaradda Arrimaha gudaha laga qaado. Ismaaciil Wuxuu ahaa Wasiirkii Ciidammada SPU ka cunay lacagtii habeen dhaxa ee la siiyey ay ku mudaharaadeen, ka bacdina xilka lagaga qaaday”. Wasiirka ayaa sidoo kale ka jawaab celiyay eedaymo uu hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali X.Xasan u jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi, wuxuuna yiri: “Xirsi Cali Xaaji Xasan markuu ahaa Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi baa soo weeraray Carruurtayda iyo Gurigayga, talada Gurigayga lagu soo weerarray isagaa bixiyey, iyadoo si nabad-galyo ah la ii qaban kari lahaa. Wakhtigaa Aniga 12 Xabo oo Rasaas ah ayaa laga riday, laakiin xilligii Xirsi in ka badan 700 Rasaas ah ayaa Gurigayga lagu riday, amarkana isagaa bixiyey”. “Maantana wuxuu haleeli kari waayay inuu Hargeysa Carruurtiisa ku hayo, Laakiin Anigu Nina ma daba socdo, Xirsi wuxuu ahaa Ninkii Inanta Nadiira Maxamed ay 7 Bilood u xidhnayd, iyadoon la marin Maxkamad, haddana Maanta ayuu doonayaa inuu yidhaahdo Ciidan baa wax xidhay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Boorka kulanka la joojiyay Xukuumadda Puntland ayaa madaxweynaha Soomaaliya ka joojisay , kulan dadweyne oo uu xalay ku qaban lahaa, hotel ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Kulankan oo sida boorkiisa ku xusan ay soo qaban-qaabisay, xarunta cilmi-baarista ee Center For Policy Alternatives oo fadhigeedu yahay Garoowe, ayaa sida la sheegay ku saabsanaa, hannaanka doorashooyinka dalku wajahayo iyo doorka bulshada rayidka ah. Balse, warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dabada ka riixayay kulankaasi uu qorshe hoose ka watay, balse ay ka sii war heshay xukuumadda Puntland, islamarkaana ka joojisay. Ilo’ xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Xafiiska madaxweyne Farmaajo oo dabada ka riixayay kulankaasi, uu doonayay in uu ku soo bandhigo ismuujin siyaasadeed iyo taageerayaal la soo abaabulay, kuwaasi oo aad ugu sacabbiya madaxweynaha, si weji-gabax loogu rido xukuumadda Puntland,xilli aan weli laga heshiin khilaafka labada dhinac. Sidoo kale, kulankaasi ayaan lagu war-gelin mas’uuliyiinta Puntland, inkastoo sida la sheegay ay ka sii war hayeen. PUNTLAND POST The post Garoowe: Madaxweyne Farmaajo oo laga joojiyay kulan dadweyne appeared first on Puntland Post.
-
Three weeks ago, crowds of mostly Sidama women held a protest to demand Sidama’s constitutional right for a state and expressed dissatisfaction with the delay in organizing the referendum. Unless the regional and federal governments act in little more than two months, more radical action may be taken. While the Sidama people await a response, the implication of Gaado Furra demonstration and two previous Gaados—at Hawassa International Stadium, and Gaado II which was a three days stay-home protest—are that this issue must be swiftly addressed. If the referendum is not held before July 19, Sidama people may push for unilateral self-declaration, a position that was backed by Sidama Zone’s government. The July 18, 2018 decision was made after all 19 woredas and 2 city administrations in the zone voted to push the case for a Sidama state. Through the demonstrations, Sidama people have shown its peaceful opposition to the government failure to undertake referendum. The protest was named Gaado Furra after the ancient Sidama queen. The message on April 9 was that the government must listen to the people and Sidama expect their sacrifices to be finally rewarded with self-rule of their own state. Placards said: “We love Ethiopia but we ask Sidama people’s right”, and “We Sidama support federalism and oppose unitarianism”. The young, mothers, and even grandmothers carried signs stating: “We will not forget the loss of our children, husband and brothers life while marching for referendum”. The march showed women can go to the streets and fight for the community’s right. This latest protest is expected to be the final signal to the government to respect its constitution. The Sidama people have been repeatedly demanding their own region for last 27 years since EPDRF came to power. The latest response has been silence, although the constitution says a referendum should be conducted within a year. Youth movement Ejjeetto is driving the campaign. Under the federation’s founding document, to achieve statehood, two-thirds of the legislature of the relevant district must vote for the move, and then the next tier of government, in this case the SNNPRS administration, must organize a “referendum” within one year of receiving the request. Sidama is Ethiopia’s most populous zone and the autonomy demand goes back many generations. The Sidama are a Cushitic people whose territory was conquered during Shewan military campaigns in late 1800s. A large majority are Christian and they make-up around half of the population of Hawassa, which is the capital of SNNPRS and Sidama Zone. SNNPRS, which amalgamated five provinces of the Derg military regime overthrown in 1991, has 56 ethnic communities that comprise around one-fifth of Ethiopia’s 100 million people. The country’s smallest region, Harari, has less than 200,000 people, compared to the approximately four-million strong Sidama, according to a 2015 estimate. There are nine regions listed in Article 47 of the Constitution, which also details the process for forming a new regional state. The federal government is responsible for all laws governing elections and the National Electoral Board of Ethiopia (NEBE) for conducting all national and regional elections. NEBE has not yet decided a date During discussions with Sidama elders, academics, and others, the Prime Minister showed his government’s commitment to address the question. Yet NEBE has not yet decided a date nor responded to a letter requesting assistance from SNNPRS Council office. NEBE spokesperson Soleyana Shimeles said on April 23 that the Sidama question requires further preparation because it is the first referendum on statehood. The Council could have decided the date it was going to organize the referendum and notified NEBE, asking only for logistical support. Chief of Sidama Zone Administration, Karre Chawicha and the Council representatives pressed NEBE, but they came back empty handed. The delay is apparently partly as the board is in the process of being reestablished. But there is no formal need for negotiation with or recognition from the central government. The Ethiopian constitutional arrangement, unlike many, does not give any power to the federal authority to decide on the formation of new regions. So ultimately, Sidama people could unilaterally declare their own state because of the unjustified delay in providing assistance for a referendum Ethiopia Insight Qaran News
-
US forces conducted an airstrike on Sunday, May 5, in southern Somalia, killing three al-Shabaab militants, the U.S. Africa Command said on Saturday. Sunday’s airstrike was conducted in coordination with Somali forces, and was the second by the U.S. forces in two weeks. The attack was carried out in the vicinity of Tortoroow. Africom said its assessment had showed that no civilians were killed on injured in the airstrike. The agency hailed the coordination between the U.S. and Somali forces. “This airstrike is an example of the niche capabilities we provide our Somali partners as they take the fight to al-Shabaab,” said U.S. Marine Corps Maj. Gen. Gregg Olson, U.S. Africa Command director of operations. “Our precision strike capabilities support our Somali partners as they continue to lead operations against the terrorist network.” Africom pledged to continue working together with Somali forces to rid the country of terrorists, even as it prepares for the exit of foreign troops. “U.S. Africa Command will continue to work with its partners to transfer the responsibility for long-term security in Somalia from AMISOM to the Federal Government of Somalia and its Member States. In support of the Federal Government of Somalia, U.S. forces will use all effective and appropriate methods to assist in the protection of the Somali people, including partnered military counter-terror operations with the Federal Government of Somalia, AMISOM, and Somali National Army forces,” Africom said. Source: CGTN Africa
-
© Greg Nash Conservatives slam Omar over Gaza tweet: 'How many times will Omar rush to the defense of terrorists? Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ka socda shirka madaxda Dowladda Soomaaliya iyo maamul Gobaleedyada, waxaana wararku ay sheegayaan in aan ilaa hadda la isku mari la’yahay hal qodob oo ah qodobka kaliya ee Shirkaan horudhaca ah. Sida aan xalay werinay waxaa shirka shalay oo dhan looga hadlay qodobka khilaafka dowladda iyo maamulka Galmudug, gaar ahaan madaxweyne Xaaf kadib markii madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay soo jeediyeen inta aan la guda gelin shirka in marka hore laga hadlo khilaafka Dowladda iyo Galmudug kadibna la galo tabashooyinka kale oo ay ka siman yihiin dhamaan maamul Gobaleedyda. Maanta ayaa mar la isku dayay in qodobka Xafa gadaal loo dhigo, lagana hadlo arrimaha wada quseeya dhinacyada, hase yeeshee waxaa taas diiday Xaaf. Waxaa kadib dib loo guda galay arrinta Xaaf. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ogolaaday inay la heshiiyeen Xaaf, hase yeeshee waxaa kadib la isku mari waayay aragti ay soo jeediyeeen saddexda Madaxweyene Gobaleed taas oo aheyd in dowladda Soomaaliya u hogaansanto qodobadii heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-Sunna ee shirkii Jabuuti ka dhacay. Kheyre iyo Farmaajo ayaa diiday in ay qorsahhaas taageeraan, sababtoo ah Xaaf markaas waxay u ogolaaneysaa inuu Madaxweyne sii ahaado Afar sano oo heshiiskaas ka bilaabaneysa ama 3 sano oo hadda dhiman. Farmaajo iyo Kheyre ayaa ogolaaday inay la heshiiyaan Xaaf, islamarkaana dowladda ay dagaalka ka dayso, balse waxay ku adkeysteen in waqtigiisa kasoo billowdo xilligii uu beddelay Cabdikariin Guuleed, sidaas darteedna ay qasab tahay in sanadkan doorasho dhacdo. Qodobkan oo ah qodob ay ku adkaysanayaan madax goboleedyada in xal laga gaaro marka hore, ayaa caqabad ku noqday in ajandayaasha kale ee Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu jiro muran iyo doodo xoog leh oo arintaasi ka taagan waxaana macquul ah in shirka lasoo afjaro ayada oo aan xilka Xaaf go’aan laga gaarin. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Balcad (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal maanta gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab, meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay weerar ku qaadeen fadhiisin ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab oo ku yaalla goobta lagu magacaabo Ceel-Geelow una dhow degaanka Yaaqle. Dagaal qaraar oo halkaasi ka dhacay kadib ayaa la sheegay in ciidamada dawladda ay dib usoo gurteen. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay in baabuur ay saarnaayeen saraakiil ay ku qarxiyeen miinooyinka dhulka lagu aaso. Wararka hordhaca ayaa sheegaya in ilaa afar askari ay dhinteen. Sida ay sheegayaan wararka dhinaca amniga waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba ka mid ah saraakiisha ciidanka iyo xubno ka tirsan ciidamada dawladda. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay ku dileen abaanduulihii guutada labaad ee ciidamada xooga dalka oo magaciisa lagu sheegay Cali Khaliif iyo ku xigeenkiisii oo magaciisa lagu koobay Cabdikariin Hilowle. Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka maanta ay ku dileen 11 kamid ah ciidamada xooga dalka, isamarkaana ay ku gubeen seddex kamid ah gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan. Deegaanka maanta dagaalka uu ka dhacay ayaa ku dhow deegaanka Xawaadleey oo horaantii bishii Maarso Al Shabaab ay qabsadeen. Waa weerarkii ugu horeeyay oo Al Shabaab ay qaadeen bishaan Ramadaan oo maanta kow aheyd. Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Balcad Caasimada@live.com
-
Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad uu maanta gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab, meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad. Read More
-
NewAGE has discovered 1.6 trillion cubic feet of natural gas in a locality called Elkuran, according to the private weekly newspaper in Ethiopia, The Reporter. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in sanadkaan Shirkadaha Diyaaradaha ee qaada Xujeeda loo sameyn doono tartan furan oo ku aadan ciddii qaadan laheyd qandaraaskaas. Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya oo war saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in shirkadaha daneenayo fursadaan ay u furan tahay inay soo gudbistaan codsiyadooda ugu dambeyn 9-ka Bishaan. Wasaaradda ayaa sheegtay in codsiyada ay Shirkadaha soo gudbistaan ay go’aan ka gaari doonaan guddi ka socdo Wasaaradda oo ka kooban Culimada iyo Bulshada rayidka ah. Tallaabadan ayaa ka dhigan in daabulida Xujeyda aaney ku koobnaaneyn oo kaliya shirkadaha Jubba Airways, Daallo Airlines, Freedom iyo East Africa oo oo sanadkii hore ay Dowladda u xirtay Mashruuca lagu geynayo dalka Sucuudiga Soomaalida Xajineysa. Halkaan hoose ka akhriso Guddiga shaqadaan loo xil saaray C/Xakiin Xasan Ibraahim Ashkir Wasiiru dowlahha Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya. Sheekh Cali Maxamuud Xasan Wajiis (Cali Wajiis) Culumo Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow-Culumo Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere-Culumo Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed-Culumo Maxamed Cabdi Xaliim Sheekhoow-Bulshada Rayidka Xamdi C/raxmaan Ismaaciil-Bulshada Rayidka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
GAROWE (HOL) - The conference between Federal and State government leaders has entered its second day. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Masar, Ambassador Hamdi Loza iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku yimid Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Mudane Cabdulqaadir Cumar Jaamac iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, Mudane Liibaan Yuusuf Cusmaan ayaa madaarka Hargeysa ee Cigaal International ku soo dhoweeyay wafdigan ka socday dawlada Masar. Wafdigan uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Masar Ambassador Hamdi Loza, ayaa booqasho dhowr maalmood ah ku joogi doona Somaliland. Wafdigan ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Hargeysa waxay kulamo kala duwan la yeelan doona Madaxda Somaliland, iyagoona booqashooyin muhiima samayn doona mudada ay ku suganyihiin Caasimada Somaliland. Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibeda ee Masar ayaa ka mid ahaa Masuuliyiin Masaari ah oo sannadkan gudihiisa uu Wasiir ku-xigeenka Caafimaad Somaliland kula kulmay Magaalada Qaahira, isagoo xiligaasi ahaa Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda. Socdaalka ay maanta ku imaaden Somaliland Wafdigan uu hogaaminayo Ambassador Hamdi Loza ayaa ku soo beegmaya xili uu shalay magaalada Hargeysa u soo gaadhay Wefdi uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Mr Olusegun Obasanjo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Saacado ka hor xidhashada Ramadaanta. Hadalkii maanta uu jeediyay Madaxweyne Muuse waxa uu u ekaa mid ka yimid madaxweyne wakhtigiisu gabaabsi yahay oo ay haystaan kacdoono shacab. Sida ka muuqatay madaxweyne Muuse markii uu la hadlaayay reer Sanaag waxa uu u dhacaayay in go’aankii buray ee xukunka degdega ah uu dhaawac ku keenay kalsoonidii shacabka ka soo jeeda deegaankaasi, isagoo dadkana uga digay inay dhageystaan nimaan hadhow u furi doonin. Mudane Muuse waxa kale oo aad uga waaniyay qaranimada iyo wadajirka shacabka qolyaha warbaahinta iyo kuwo uu ku sheegay aftahamo dadka waxgelin kara, waxana uu u ekaa in warbaahintii iyo aftamahamada kaleba ay shacabka iyo xukuumaddii kale fogeeyeen, waxana uu u dhignaa hadalkaa Biixi in xukuumad ahaan ay tahli kari waayeen in ay kasbadaan kalsoonidii shacabka Somaliland. Durba waxa sida cadceeda u soo if baxday in Kornaylada bahwadaagta ahi ay ku fashilmeen inay kasbadaan,islamarkaana mideeyaan shacabka reer Somaliland, waxana ay u ekaadeen kuwo qaadi kari la’ mucaaridada hor u dhaca ah ee ka soo burqanaysa aqoon yahanka isugu jira kuwo qayb ka ah taageerdii uu xilka ku yimid madaxweyne Biixi,qaar aan markii horeba la socon iyo masuuliyiinta xisbiga weyn ee WADANI oo iyagu maalmahan galkii seefta ka soo saaray. Si kastaba xaalku ha noqdee anigu waxa hadalka madaxweynuhu I xasuusiyay khudbadii ugu danbeysay ee Jaale Siyaad amaba tii ay maalmihii ugu danbeysay wadeen madaxweynayaal badan oo ay galaafteen kacdoonadii carabtu, sida Qadaafi, Xusni Mubaarik iyo Albashiirkii dhawaa. Mustafe Isa ShiineWaxa hadalka madaxweynuhu i xasuusiyay khudbadii ugu danbeysay ee Jaale Siyaad Qaran News
-
Waxaa magaalada Garowe ka soconaya maalintii 2aad shirka wadatashiga qaran ee madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleeyda iyo maamulka gobolka Banaadir. Ajendaha shirka lama soo bandhigin, waxaana socdo wadatashiyo u dhaxeeya madaxda federalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada oo la xiriirka hindise sharciyeedyo dhowaan la meel-mariyey sida axsaabta iyo doorashooyinka. Waxaa kale oo ay dood ka jirtaa arrimaha dastuurka, Kheyraadka sida shidaalka iyo xuduudaha taasi oo dhaceysa in xalkooda ay muddo qaadato. Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isul wasaarihiisa Kheyre ayaa lagu cadaadinayaa iney qaataan dhabbo cusub oo dalka lagu hagayo dhanka siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa sanadkii afaraad caasimada Muqdisho ka furay tartanka kubbadda cagta Iskuulada Gobolka Banadir oo ay ka qeybgalayaan ilaa 14 Iskuul waxaana munaasabada lagu waynayay furitaanka iyo dhiiri gelinta dhalinta ka qeybgalaysa tartankan lagu qabtay garoonka Banaadir ee degmada Cabdi Casiis,iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyeenta xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka. Guddoomiyaha dhalinyarada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Xirse Maxamuud oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in sanadkan uu tartanka wax badan ka badalanyahay sanadihii hore Iskuulkii ku guulaystana uu Xiriirka ka helayo abaal marino qaali ah. Guddomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir ahna guddoomiyaha garsoorka Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa waalidiinta caruurta ka qeybgalaysa tartanka Iskuulka kula dardaarmay in ay ilmahooda ku dhiiri geliyaan ka qeybqaadashada tartamada ciyaaraha Soomaaliya. Guddomiyaha Xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa u mahad celiyay iskuuladii ajiibay ka qeybgalka ciyaaraha Iskuulada wuxuuna intaa ku daray in xiriirka uu iminka qaatay siyaasada ah in la helo ciyaartooy ku wanaagsan dhinac wax barashada iyo kubbadda cagta si dhalinyarada doonaysa ciyaaritsa kubbadda cagta loo dhiso mustaqbalka ciyaareed wanaagsan. saddexdii sano ee lasoo dhaafay uu xariirka hergeliyay tartanka da’yarta waxaa kasoo baxay tiro badan oo xirfadlayaal ah iminka waxa ay qeyb ka yihiin kooxaha kubbadda cagta gudaha iyo xulka qaranka Soomaaliya waxaana lagu xasuustaa da’yartii 17-jirada ee kaalinta 2aad ka galay ciyaarihi Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018 ee ka dhacay wadanka Burundi. Basma Caamir Shakeeti oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka Gobolka Banaadir ayaa ciyartooyda ka qeyb galeysa tartanka kula dardaarantay in ay soo bandhigaan ciyaar wanaag. Si kastaba kulankii furitaanka waxaa wada dheelay iskuulada kala ah Cali Xuseen iyo Al Ansaar waxaana 2-1 ku guusha qaatay xidigaha Cali Xuseen oo ku yaalo degmada Wadajir. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qaabka Oo U Furmay Tartanka Iskuulada 2019 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors