Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,369
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (Xinhua) -- The U.S. army said on Monday evening that it had killed three al-Shabab militants in a precision airstrike in southern Somalia on Sunday. Source: Hiiraan Online
  2. Garowe (SMN) – Waxaa magaalada Garowe weli ka soconaya shirka Wadatashiga Qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleeyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Madaxweynaha Jamahuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoominaya shirkan ayaa warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo dhaqaale ee dagaannada waxa uu ka dhageystay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada. Kaddib intaas, madaxdu waxa ay guda galeen in ay ka wada hadlaan arrimaha masiiriga ah ee dalka oo ay ugu muhiimsan tahay xoojinta wada shaqeynta, horumarinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka Al Shabaab. Jawiga guud ee shirka ayaa u muuqda mid xoojinaya isu soo dhawaanshaha Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Goboleedyada, iyadoona aysan ka muuqan shirka gacan saddexaad oo ku dhex jirta hoggaanka Soomaalida, waana arrin si weyn loo hadal hayo, rajana ay ka muujiyeen qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed shirkan uu miro dhal wanaagsan ku yeesho dadaallada horumarineed ee dalka. Waxaase jira weli qodobo ismari waa uu ka taaganyahay , oo qaarkood ay soo hor dhigeen Madax Goboleedyada Puntland , Jubbaland iyo Galmudug Masuuliyiinta dowladda Somalia. Arrimahaas ayaa waxaa ka mid ah in dowladda Somalia ay u soo jeediyeen Maamulada aan kor ku soo xusnay in ay joojiso fara galin ay sheegeen in ay ku heyso Galmudug. Waxaana la soo warinayaa in Madaxweynaha Somaliya iyo RW Xasan Cali Kheyre Labaduba aqbaleen in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf hase ahaatee waxaa Madaxda dowladda federaalka Somalia ay gaashaanka u daruureen in Madaxweyne Xaaf uu Galmudug majaraha u sii haayo 3 Sano oo hor leh iyagoo xoojiyay in waqti kororsi aan la aqbali Karin sida ay tilmaamayaan ilo wareedyo Shabelle ay ka heshay Madasha Shirka. View the full article
  3. Balcad (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Yaaqle oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo socday dhowr saacadood ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegtay in ay ku dileen Abaanduulihii Guutada labaad ee Ciidamada dowladda Gaashaanlle Dhexe Cali Cariif , kuna dhaawaceen ku xigeenkiisa Cabdikariim Hilowle. Sidoo kale Al Shabaab ayaa baahiyay in dagaalkani ay ku dileen illaa 11 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda war faah faahsan dowladda federaalka Soomaaliya kama bixin dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan,sida ay soo warinayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi. View the full article
  4. Boosaaso (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo saacadihii la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland. Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay xubno ka tirsan Daacish oo ku sugnaa dhulka Buuraleyda ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ururka Daacish ka soo gaaray duqeyntaasi Dhanka kale war ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa waxaa looga hadlay duqeymo diyaaradahoodu ay ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow oo hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. AFRICOM ayaa shaacisay in duqeyntaasi ay ku dileen illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi. Inta badan Mareykanka ayaa koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ka fuliya weeraro ka dhan ah Al Shabaab iyo faraca Daacish ee Soomaaliya. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa shir guddoomiyey shirka kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka oo Sadexdii biloodba mar lagu qabto magaalada muqdisho. Shirka ayaa waxaa looga Wada hadlay intii uu socday Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Wax yaabahii Qabsoomay & Sidii loo dardar galin lahaa Dhismaha Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka ee qabyada ah. Wasaarada Qorshaynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqalaha ayaa Soo bandhigtay warbixin heerka uu marayo Diyaarinta iyo Qorista QHQ9aad ee dalku uu yeelanayo 2020-2024. Waxaa shirkan ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adaah kaladuwan ee Dowladda Soomaaliya,sida wasiiro,agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo madaxa kale oo caalami ah kuwaasi oo qeyb ka ah shirkan sedx bilood laha ah ee inta badan looga hadlo horumarinta mashaariicda Kaabayaasha Dhaqaalaha ee dalka. View the full article
  6. Muqdisho ( SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-07052019.mp3 View the full article
  7. Gedo (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigtay tirada Saraakiisha Al Shabaab ka tirsan ee todobaadkaan isku dhiibay ciidamada xooga dalka. Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in sagaal kamid ah saraakiisha Al Shabaab ay isku dhiibeen ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka Gedo, kuwaasi oo xilal kala duwan u hayay Al Shabaab. NISA ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirada labo kamid ah saraakiisha Al Shabaab ee isku dhiibay ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka Gedo. Labo ka mid ah Raggaas oo sawirradooda lagu baahiyay Bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu kala sheegay in ay kala hayeen xilalka maktabka Dacawada Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba). NISA ayaa marar badan shaacisay in howlgalo ciidamada amaanka ay sameeyeen lagu qabtay saraakiil ka tirsan Al Shabaab, walow aanan lasoo bandhigin magacyadooda iyo sawiradooda. Balse waa markii ugu horeysay muddo kadib hay’adda NISA ay soo bandhigto sawirada xubno ka tirsan Al Shabaab oo isku dhiibay ciidamada xooga. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
  8. The Second Memories of Mogadishu Conference was held in Ottawa, Canada on Saturday May 4, 2019. MoM was found a year ago in Rome by small Somali Diaspora group who have previously met in another event called “Storytelling Somalia”. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (PP) ─ Hay’adaha Amniga Somalia ayaa bilaabay inay baaris ku sameeyaan shaqaalaha rayidka ah ee DF, baaritaannada oo la sheegay inay salka ku hayaan shaqsiyadda qofka sida xogtiisa. Baaritaankan ayaa bilaawday maalintii Axadda ahayd, iyadoo lagu bilaabay shaqaalaha wasaaradda shaqada shaqaalaha, waxaana qaarka mid ah ay u sheegeen warbaahinta in la weydiiyay su’aalo adag. “Qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda shaqada iyo shaqalaaha DF waxaa la weydiiyay su’aalo ay ka mid ahaayeen; xilliga uu dowladda ka mid noqday, cidda keentay, qabiilkiisa iyo inuu ogolaado in la baaritaanno kala duwan lagu sameeyo barihiisa bulshada sida; Facebook, Whatsapp, IMO, Massenger, Viber, E-mail iyo adeegyada kale ee baraha Internete-ka uu ku leeyahay,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalihii baaritaann lagu sameeyay. Sidoo kale, Dadka qaar ayaa su’aalahaas kaddib la weydiinayay hadii ay jirto qof ay qaraabo yihiin ama ay is-yaqaanan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, isla markaana xariir la soo sameeya. Waxaa shaqaalaha rayidka ah eee DF la waydinayay inuu qaban karo shaqo kasta oo loo diro iyo haddii uusan qaban karin, waxaana shaqooyinkaas ka mid ah sida ay sheegeen shaqaalihii la baaray in hawlo amni ay qaban karaan, inkastoo aan loo sheegin, waxay ku jawaabayeen inay qaban karaan. “Waxaa nalagu war-geliyay inaanan cidna la wadaagi karin su’aalaha nala weydiiyay xitaa shaqaalaha kale ee dowladda, runtiina cadaadis in nagula hayo ayay u muuqatay arrintaan,” ayuu hadalkiisa ku daray ruuxa ka tirsan shaqaalaha dowladda oo magaciisa qariyay sababo amni awgood. Dhanka kale, Lama oga sababta arrintaan keentay, balse waa tallaablo ku abuurtay shaqalaha rayidka ah ee DF walaac xooggan. Waxaana tani ay u muuqataa in DF aysan kalsooni buuxda ku qabin shaqaalaha wasaaradaha ka shaqeeya, kuwaasoo qaarkood muddo dheer ka shaqeynayay xarumaha kala duwan ee dowladda. Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga askar baaritaan noocan oo kale kala kulmay hay’adaha amniga dowladda, balse wararka hordhaca ah ayaa lagu sheegay inaysan jirin ciidammo baaritaankan la marsiinayo. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo billowday inay su’aalo adag weydiiso shaqaalaheeda rayidka ah appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (PP) ─ Warbixin kasoo baxay taliska cidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM), ayaa lagu faah-faahiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanku ka fuliyey deegaano ka tirsan Koonfurta Somalia gaar ahaan gobolka shabeellaha Hoose. Qoraalka AFRICOM, ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kuwa Somalia kaashanaya ay 05-tii bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo ay la beegsadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas. Sidoo kale, Mareykanka ayaa sheegay inay baarayaan inay duqeyntaas wax ku noqdeen dad shacab ah iyo in kale, isla markaana qiimeyn ballaaran ay ku sameynayaan khasaaraha guud ee ka dhashay. “Duqeyntaas waxay ahayd mid aan Dowladda Somalia ku taageerayno, si ay ula dagaalanto Al-shabaab, isla markaana ay u wiiqanto awoodooda, innagoo ku dilnay saddex ka tirsan xoogagga Al-Shabaab,” ayuu warbixintaan ku yiri agaasimaha dhinaca ammaanka ee AFRICOM, Jen. Gregg Olson. Agaasimaha AFRICOM, ayaa hadalkiisa ku daray inay inay sii wadi doonaan hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xusay in duqeyntaan ay ka mid ahay duqeymo badan oo lagu dilay xubno iyo saraakiil ka tirsan kooxda Al-shabaab. Dhanka kale, Mareykanka ayaa sanadkan lagu jiro ee 2019-ka wuxuu si aad ah u kordhiyay weerarrada cirka ah uu ka fuliyo Soalia, waxaana 26-kii bishii la soo dhaafay ee Abriil uu duqeyn la beegsaday saldhigyo kooxda daacish ku leedahay beeraha Golis ee gobolka Bari ee maamulka Puntland. Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa dhawaan sheegay in toddoba sanno ay ku qaadan doonto soo af-jaridda kooxda Al-shabaab oo muddo toban sano ka badan isku dayaysay inay gacanta ku dhigto Somalia oo dhan si ay ugu soo rogto ku dhaqanka diinta Islaamka. PUNTLAND POST The post Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM oo sheegay inay duqeeyeen xeryo ay lahayd Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  11. Garowe (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu baajiyay kulan madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu kaga qeyb gali lahaa magaaladaasi. Kulankaasi ayaa ahaa mid dadweynaha Puntland uu madaxweyne Farmaajo uu kagala hadli lahaa Hanaanka doorashada dalka iyo Doorka Bulshada ay ku leeyihiin, waxaana kulanka la sheegay in Hay’ad Puntlad laga leeyahay ay soo qaban qaabisay. Waxaa kulanka soo qaban qaabiyay Hay’ad magaceeda lagu sheegay Center For Policy Alternatives, hayeeshee ay abaabulka kulankaasi lahayd Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga doonayay in looga hadlo hanaanka doorashada dalka iyo kaalinta dadweynaha. Lama oga sababta go’aanka joojinta kulankaasi ay u qaadatay Puntland waxaase soo baxaya warar sheegaya in kulankaas aan lagu wargelin mas’uuliyiinta dowlad Goboleedka Puntland. Xalay ayaa Magaalada Garoowe waxaa aad looga hadal hayay kulankaas uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo balse Puntland ay joojisay, waxaana taasi ay qeyb ka aheyd khilaafka xilligaan dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada. Madaxtooyadda Soomaaliya ilaa iyo hadda kama hadlin kulanka xalay la joojiyey ee uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo kaas oo uu la yeelan lahaa Bulshada qaar ee Magaalada Garoowe,kaas oo lagu joojiyey amar kasoo baxay Madaxda Sare ee Puntland. Sidoo kale Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Puntland, taasi oo la xiriirta joojinta kulanka ka dhici lahaa magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  12. On the outskirts of Riyadh, Saudi Arabia is building what it sees as the future of its energy production. Source: Hiiraan Online
  13. In the past decade, thousands of Eritreans looking to improve their lives in Europe have become stranded in Libya. Source: Hiiraan Online
  14. UN experts are investigating missile strikes near Libya's capital that were likely fired by Chinese-made drones and point to possible involvement by the United Arab Emirates, according to a confidential report seen by AFP on Monday. Source: Hiiraan Online
  15. The U.S. government has revoked the U.S. citizenship of the former imam of Portland’s largest mosque after he arrived in Somaliland last week. Source: Hiiraan Online
  16. (CNN)Speaker Nancy Pelosi recently offered a very blunt assessment of what Democrats need to do in 2020 to ensure a peaceful transition of power in Washington: Win "big." Source: Hiiraan Online
  17. Turkish authorities have scrapped the result of a vote for Istanbul mayor that was lost by the candidate backed by the president, Recep Tayyip Erdoğan, in response to calls by his AK party for a rerun. Source: Hiiraan Online
  18. Minister of Immigration Ahmed Hussen told a parliamentary committee details of his government's plan to better regulate immigration consultants. (Frank Gunn/Canadian Press) Source: Hiiraan Online
  19. Ramallah (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas u yaboohay 10 bilyan oo dollar si uu aqbalo qorshaha Mareykanka ee loogu magac daray “heshiiska qarniga”, kaasi oo si rasmi ah magaalada Qudus ku wareejinaya Yahuudda, waxaa sidaas wariyey wargeyska Al-Akhbaar ee dalka Lebanon. Wargeyska ayaa weriyey in kulan dhex maray Abbas iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Mohammed Bin Salman loogu soo bandhigay hoggaamiyaha Faalstiiniyiinta faah-faahin ku saabsan heshiiska Mareykanka, loogana codsaday inuu aqbalo. Sida warbixinta ay tiri, Bin Salman ayaa weydiiyey Abbas “Waa imisa miisaaniyadda dadka kugu hareereysan sanadkii? Abbas ayaa kadib ku jawaabay “Ma ahi amiir, si aan u yeesho dad igu hareereysan.” Bin Salman ayaa kadib u yaboohay 10 bilyan oo dollar muddo 10 sano ah, haddii uu aqbalo qorshaha Mareykanka oo ay ku jirto in dowladda Falastiin ay ka guurto magaalada Jerusalem, islamarkaana xarun ka dhigato Abu Dis. Abbas ayaa la sheegay inuu diiday yabooha Bin Salamn kuna qeexay “dhammaadka noloshayda siyaasadeed” Saraakiisha Falastiin ee ku sugan magaalada Ramallah ayaa diiday inay ka jawaabaan shaac kaa qaadista arrintan. Qorshaha Mareykanka oo aan weli si rasmi ah loo ogeyn ayaa wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner waxa uu sheegay in shaaca laga qaadi doono kadib bisha Ramadan. Waxaa aad loo rumeysan yahay in qorshahan ay qeyb ka tahay in Falastiiniyiinta ay ka tanaasulaan magaalada Qudus, laguna wareejiyo Yahuudda. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horey Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka federaalka ah ayaa bishii March 2018-kii waxa uu dalka ka mamnuucay shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka, taasi oo maamusha dekadaha Boosaaso iyo Berbera. Qaraar ay labada Aqalka ansixiyeen ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in heshiisyada waawayn sida arrimaha maalgashiga iyo dibadda ay kaliya geli karto dowlada dhexe “oo mas’uul ka ah dalka oo idil”. DP World ayaa xiligaasi lagu eedeeyay in ay ku tumatay madaxbanaanida, siyaasada iyo qaranimada Soomaaliya, inkasta oo maamulka shirkadaasi ay gaashaanka ku daruureen eedeymahaasi. Tan iyo markii uu sharcigaasi soo baxay, madaxweyne Farmaajo oo loo gudbiyay wali ma uusan qalinka ku duugin, taasi oo su’aallo ku forara sababaha ku riixay ay ka dhasheen. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa ugu dambeyntii ka jawaabay waxa tan iyo waqtigaasi uu Farmaajo u saxiixi la’yahay xeerkaasi. Khadar oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaadey in xukuumada iyo madaxtooyadda aysan wax lug ah ku lahayn go’aankaasi, oo uu ku tilmaamay “mid ay curiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka”. Mudanayaasha ayaa hindisahaasi isku dabariday markii Somaliland, DP World iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshis saddex geesood ah oo lagu balaarinayo marsada Berbera iyo saldhig halkaasi laga hirgelinayo. “Madaxweynuhu wuxuu u saxiixi la’yahay in aysan sii fogaan walaalaheen [maamulka] Somaliland iyo in wadahadalka aysan saameyn arrintaasi,” ayuu u sheegay Tv-ga Goobjoog, isaga oo raaciyey “Sharcigaasi waa mid uu curiyey Golaha Shacabka, ma jirto wax lug oo ay ku leedahay xukuumada ama madaxweynaha uu wax kala socdo, xitaa saldhiga wax xog ah oo aan ka hayno ma jirto. Talaabada dalka looga mamnuucay shirkada DP World oo ay kasoo horjeesteen inta badan maamulada ayaa la sheegay in ay gedaal ka riixaysay Qadar oo saameyn ku leh maamulka Farmaajo. Dooxa oo xiyaarad cirka iyo dhulka ah ay kusoo rogeen wadamada Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulafooda markii lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagixisada, wallow ay dhinac isaga leexisay. Xukuumada Farmaajo oo mowqif dhex-dhaxaadnimo ah ka qaadatay Khilaafka Khaliijka ayaa lagu dhaliilay in ay u xag-lisay dhinaca Qadar oo taageero maaliyadeed iyo siyaasadeed siisa Villa Soomaaliya. Dhowaan ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad uu ka dhawaajiyay in xukuumada Farmaajo aysan marnaba ku biirayn isbaheysi ka dhan ah dowladaha Qadar iyo Turkiga. Garowe Online
  21. Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad uu shalay gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad. Read More
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreeyay baaritaan ku bilaabay shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah shaqaalaha Dowladda. Baaritaankan ayaa bilaawday axaddii, waxaana lagu bilaabay shaqaalaha Wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya iyadoo ay maanta wali sii socoto. Dadka lala kulmay ayaa la waydiiyay su’aalo badan oo qaarkood aad u adkeeyeen lamana oga sababta dhalisay waxaana la sheegay in baaritaankaan la marsiin doono dhamaan shaqaalaha Dowladda. Qof kasta oo kamid ah shaqaalaha Wasaaradda arimaha bulshada ayaa la weydiiyay, goorta uu dowladda kamid noqday, cidda keentay, qabiilkiisa, iyo in uu ogolaado in la baaro dhamaan Akoonadiisa Internete-ka sida Facebook, Whatsapp, Massenger, Imo, Viber, Email iyo adeegyada kale ee Internete-ka. Dadka qaar ayaa markii intaas laga baaro la waydiinayay hadii ay jirto qof ay qaraabo yihiin ama ay is yaqaanan oo katirsan Al-Shabaab, islamarkaana xariir la soo sameeya, sidoo kale waxaa dadka la waydinayay in uu qaban karo shaqo kasta oo loo diro iyo hadii uusan qaban karin, waxaa la waydiinayay “ma qaban kartaa shaqa kasta oo laguu diro xataa arimaha amniga” shaqaalaha ayaa ku jawaabay haa intii hada martay baaritaankaan. Sidoo kale shaqaalaha baaritaanka maray ayaa loo sheegay in aysan arrintan qofna la wadaagin xataa kuwa la shaqeeya ee dowladda katirsan iyo qoyskiisa. Lama oga sababta arintaan keentay balse waxay walaac ku abuurtay shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya. Arintaan ayaa abuurtay in dowladda Soomaaliya ay ka shaki ka qabto shaqaalaheeda taasna ay keentay in la baaro. Ilaa ma jirto Ciidamo kamid noqday baaritaanka waxayna wararku sheegayaan in aysan Ciidamadu ku jirin baaritaankaan. Si rasmi ah looma oga sida uu xaal noqon doono iyo halka ay wax ku dambeyn doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Warsaxaafadeed Xarunta Xuquuqal Insaaku waxaay walaac ka qabtaa dad xoog lagaga saaray dhul madaxtooyo loo qoondeeyey Xarunta Xuquuqal Insaaku waxaay walaac ka qabtaa falka xoog ah ee lagaga saaray qoysas dhul ay degenaayeen oo la sheegay in loo qoondeeyey in laga dhiso madaxtooyo cusub. 17ka April 2019, booliiska iyo ciidanku waxaay si xoog ah uga saareen qoysaska dhulkan oo ku yaal koonfurta galbeed ee Hargeysa. Fiidyow la duubay xiligii dadka la saarayay iyo warysiyo ay qaaday Xaruntu waxaay u cadeeyeen in Booliisku isticmaalay xoog aan daruuri ahayn markii uu dadka saarayay islamarkaana uu xidhay dad deganaa dhulka. Booliisku ma haysan waaran maxkamadeed. Dhulka doodu ka jirto waxa dayr ku wareejiyay ciiidanka militariga iyada oo loo diyaariyay in madaxtooyo laga dhiso, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadu. Dadka la xidhay markii danbe waa la sii daayay dhamaantood. Warbixino caafimaad iyo waraysiyo ay qaaday Xaruntu waxaay ku ogaatay in dadka dhulka deganaa qaarkood dhaawac soo gaadhay markii laga saarayay. Maxamed Cali Bile, Agaasimaha Madaxtooyadu, wuxuu sheegay in dawladdu awood u leedahay inay la wareegto hanti gaar loo leeyahay hadii ay u baahato dawladdu. Wuxuu qiray in dhulku ahaa mid dad shacab ahi leeyihiin. “Dawwladdu muran kama qabto in dhulka shacab lahaa iyo inaan wax mag dhow ah la bixin,” ayay tidhi Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud, gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka. Qodobka 31aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu ilaalinayaa xaqa lahaanshaha hanti gaar ah. Dastuurku wuxuu sheegayaa hantida gaar loo leeyahay “lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana Ia bixinayo cawil-celin munaasib ah.” Dastuurku wuxuu waajib ka dhigayaa in la asnxiyo xeer “xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed.” “Hada ma jiro xeerkaasi, wax magdhow ahna lama siin dadka dhulka leh. Dawladdu hanaan ay u raacday dhul la weerigistaas ma jiro. Ciidan ayaa goobta la keenay iyana dayr ayay ku wareejiyeen dhul wayn oo 4 KM ah. Xoog ayaa lagaga saaray dadkii lahaa,” ayay ku dartay Yaasmin. “Falka caynkan oo kale ahi hore inooma soo marin. Qoysas ayaa dhulkooda debedda looga turay. Dhisidda qasri madaxtooyo maaha arin daruuri ah. In qoysasku helaan hoy ayaa ka mudan. Waxaayna dadkani u haystaan dhulka dhukumentiyo sharci ah oo lahaanshohooda sugaya. Dawladda waxa ku waajib ah inay sharciga raacdo,” ayay ku dartay. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysa dawladda inay ixtiraamto xuquuqda lahaanshaha gaar ahaaneed ayna u ogolaato dadka dhulka lihi inay dib ugu soo noqdaan dhulkooda. Yasmin Omar H Mahmoud. Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Email: hrcsomaliland@gmail.com
  24. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan oo hadal ka jeedinayey munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ka jawaabey eedaymo siyaasiinta xisbiga Waddani u jeediyeen Xukuumada Muuse Biixi. Wasiir Abokor ayaa ugu horeyntii ka jawaabay eedaymo uu Ciidammada Amniga u jeediyey Ismaaciil Aadan Cismaan oo xukuumadii Daahir Rayaale kasoo noqday Wasiirka Arrimaha gudaha, wuxuuna yiri: “Ismaaciil oo shalay sheeganayey inuu ahaa Wasiirkii ugu muddada dheeraa Somaliland, Boolisku way ogyihiine Ismaaciil wuxuu ahaa Wasiirkii ugu foosha xumaa ee Xilka Wasaaradda Arrimaha gudaha laga qaado. Ismaaciil Wuxuu ahaa Wasiirkii Ciidammada SPU ka cunay lacagtii habeen dhaxa ee la siiyey ay ku mudaharaadeen, ka bacdina xilka lagaga qaaday”. Wasiirka ayaa sidoo kale ka jawaab celiyay eedaymo uu hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali X.Xasan u jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi, wuxuuna yiri: “Xirsi Cali Xaaji Xasan markuu ahaa Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi baa soo weeraray Carruurtayda iyo Gurigayga, talada Gurigayga lagu soo weerarray isagaa bixiyey, iyadoo si nabad-galyo ah la ii qaban kari lahaa. Wakhtigaa Aniga 12 Xabo oo Rasaas ah ayaa laga riday, laakiin xilligii Xirsi in ka badan 700 Rasaas ah ayaa Gurigayga lagu riday, amarkana isagaa bixiyey”. “Maantana wuxuu haleeli kari waayay inuu Hargeysa Carruurtiisa ku hayo, Laakiin Anigu Nina ma daba socdo, Xirsi wuxuu ahaa Ninkii Inanta Nadiira Maxamed ay 7 Bilood u xidhnayd, iyadoon la marin Maxkamad, haddana Maanta ayuu doonayaa inuu yidhaahdo Ciidan baa wax xidhay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com