Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,370
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Waxaa si rasmi ah caawa u bilaabanaya Tartan Aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, kaas oo sanadkiiba mar la qabto bisha Barakeysan ee Ramadaan. Tartanka oo ah mid xiiso badan ayaa waxaa ku baratamaya illaa 16 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir iyo qaar ka ka mid ah gobollada dalka. Illaa 4 Group ayaa loo qeybiyay degmooyinka, iyadoona horin walba ay ku wada jiraan illaa iyo 4 degmo. Degmooyinka Kaxda iyo Baraawe ayaa nasiib u yeeshay furitaanka Tartanka, kuwaas oo caawa isku arki doona Barnamamijka tartan aqooneedka Shabelle. Kaxda waa degmo ku taalla Muqdisho waxa ay dhacdaa koonfur galbeed ee gobolka Banaadir, waxaana koofureed ka xiga degmada Dharkenley. Sidoo kale waxaa dhanka galbeed ka xiga deegaankla Lafoole ee gobolka Sh/hoose, waqooyina degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. Baraawe waa magaalo xeebeed ku taalla gobolka Shabeelaha Hoose waa degmo taariikh dheer leh, koonfur waxaa ka xiga Jilib, galbeed Sablaale, bari badweynta Hindiya, woqooyina Marka. Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan u tafa xeydanaya ka qeyb galka Tartanka Caawa, iyadoona degmo walba ay isku diyaarineyso dhanka guusha. Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba gelinayaha shirkadda adeegga Korontada ee BECO iyo shirkadda Cabitaanada ee Kooka Koola. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigtay Sawirrada qaar ka mid ah saraakiil ka tirsanaa Al Shabaab oo ay sheegtay in ay isku soo dhiibeen Ciidamada dowladda Soomaaliya. NISA ayaa boggeeda Twitter-ka ku baahisay in todobaadyadii la soo dhaafay gobolka Gedo ay iska soo dhibeen illaa 9 sarkaal oo ka tirsanaa Al Shabaab. Hay’addu ma shaacin magacyada xubnahaasi, marka laga reebo Sawirrada labo sarkaal oo ay tilmaamtay in Xarakada Al Shabaab ay u qaabilsanaayeen maktabka Dacwada (Propagandada) iyo Maktabka Fursaanul Xizbiga “Sagaal (9) sarkaal oo Al Shabab ah ayaa asbuucii la soo dhaafay iska soo dhiibay gobolka Gedo. waxaa ka mid ah laba sarkaal oo kala qaabilsanaa Maktabka Dacawada( Propagandada) iyo Maktabka (Fursaanul Xizba)”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska NISA. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli muddooyinkii la soo dhaafay Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay sare u qaadeen howlgallada milatari ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  3. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-070519-sx.mp3 View the full article
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno shirka Garoowe uga socda madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, ayaa sheegaya in la isku afgartay in hal sano loogu daro madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf. Go’aankan ayaa imanaya kadib maalmo arrintan si aad ah la isugu hayey. Caasimada Online ayaa shalay qortay in dowladda diiday in ay u hogaansato heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-Sunna oo Xaaf siin lahaa 3 sano oo dheeri ah. Xaaf ayaa la sheegayaa in weli uusan aqbali halka sano oo uu doonayo laba sano, waxaana socda dadaal lagu qancinayo. Waxaa kale oo heshiiska ka mid ah in baarlamaanka ku sugan Cadaado ee Gacal Casir guddoomiyaha ka yahay uu sii joogo, lana soo celiyo. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in uu haatan wada hadal u socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweyne Xaaf iyaga oo ka wada hadlaya arrimaha labada dhinac, iyo inuu aqbalo yabooha dowladda. Madaxweyne Xaaf ayaa marar badan ka sheegtay faragelinta dowladda dhexe, isaga oo ka cabanayey in laga goostay lacagtii loogu talo galay. Arrintan ah in hal sano loogu dar, ayaa hadduu Xaaf aqbalo waxaa ay soo afjareysaa khilaaf u dhaxeeya hey’adaha Galmudug wax ka badan hal sano. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa sheegaya in uu shil gaari oo culus uu ka dhacay duleedka magaaladaasi. Shilkan gaari ayaa goordhweyd waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegannada Lafaruug iyo Xamaas oo ku yaala duleedka magaalada Berbera ee gobolka Saaxil. Shilkan ayaa waxa ka dhashay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo ilaa hadda aan la xaqiiji karin tirada rasmiga ah ee shilkaasi ku wax-yeelowday. Sida ay Caasimada Online wararka ku helayso waxa hadda socota daabulida meydadka iyo bad-baadinta dhaawaca. Shilkan ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo waaweyn oo loo yaqaano Waaraadka ama Candho-Meydle iyo Bas kuwa dad-weynaha ah oo ay leedahay shirkadda socdaalka ee Damal. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Wararka ay Goobjoog News ka heshay shirka Garoowe ayaa sheegaya in la isku afgartay in hal sano loogu daro madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf. Waxaa kale oo heshiiska ka mid ah in baarlamaanka ku sugan Cadaado ee Gacal Casir guddoomiyaha ka yahay uu sii joogo, lana soo celiyo. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in uu haatan wada hadal u socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweyne Xaaf iyaga oo ka wada hadlaya arrimaha labada dhinac. Madaxweyne Xaaf ayaa marar badan ka sheegtay faragelinta dowladda dhexe, isaga oo ka cabanayey in laga goostay lacagtii loogu talo galay. Arrintan ah in hal sano loogu daro waxaa ay soo afjareysaa khilaaf u dhaxeeya hey’adaha Galmudug wax ka badan hal sano. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad uu shalay gelinkii dambe dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab meel dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Balcad. Read More
  8. Wararka ay Goobjoog News ka heleyso shirka madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ugu socda Garoowe ayaa sheegaya in la isla soo qaadey, isla markaana is afgarad laga gaarey qodobo muhiim ah. Qodobadaas waxaa ku jira: Sameynta golaha iskaashiga dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah In dib loogu noqdo xeerarka doorashooyinka iyo Petroolka ee baarlamanka horyaala La dagaalanka argagixisada Arinta Galmudug( halsano in maamulka xaaf loogu daro, Baarlamankana Cadaado la soo celiyo, si taasu loo dhmaeeyo waxaa kulan gaar ah wada leh Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaf-ka Galmudug. Wadaxaajoodka Soomalilnad in la bilaabo. Wadashaqeynta Wasaaradaha. Wararkan wixii ku soo kordha, kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgalo adag oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadii ugu badnaa dhigtay waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada ay ahaayeen kuwo maalmihii ugu dambeeyay lagu tababarayay magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa habeenadii ugu dambeeyay baaritaano ka waday xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ay baarayaan gaadiidka iyo xaafadaha magaalada Muqdisho. Ciidamada Booliska ayaa sanadkii lasoo dhaafay lagu amaanay adkeynta amaanka magaalada Muqdisho, iyadoo Ramadaankii hore aysan wax qaraxy ah ka dhicin magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa xalay waxay Howlgal ka sameeyeen Xaafada ku teedsan Cali Kamiin ilaa Furayaasha ayaa waxaa lagu qab qabtay Dhallinyaro farabadan, Ciidamada dowladda ayaa 30-kii March howlgallo habeen waliba ah oo u badan guri guri inta badanna lagu beegsado Dhallinyarada waxaa ay ka billaabeen magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa isaga oo ku sugan magaalada Garowe wuxuu sheegay in 40-kii maalin ee lasoo dhaafay ay ku guuleysteen adkeynta magaalada Muqdisho. Caaismada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Rammadan Mubaarak: wali waxaan xasuusnahay oo aan marna qalbigayga ka go’in weedho uu igu yiri nin ka mid ahaa diplomats-iyiintii wax ka qaban qaabinayay shirkii Soomaalida loogu qabtay Kenya sanadkii 2002dii, waxaase iigu darnayd oo mar kasta oo la gaaro bisha Rammadaan si gaar ah dib ugu soo noqda xasuustayda weerihii u dambeeyay sheekadii aniga iyo ninkaas ina dhex martay. Bishii Oktoober bartamaheedii isla sanadkaas bay ahayd, maalmihii uu shirkaas bilowday, waxaan isugu nimid dhismaha wazaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya, intii uu ii waramayay ninkaas wax farxad i geliya marna iima sheegin, waxaana innagu soo fool lahaa bishii Nofeember oo horaanteeda (afarteeda ama shanteeda) ay ku beegnayd bishii barakaysnayd ee Ramadaan, markaan ka tagayay baan malaha si gocosha ah aadna moodayso inaan wali isaga la hadlayo ama aan sheekadii la sii wado waxaan iri “Waa soonkii 12aad oo ay ummdda Soomaaliyeed colaado iyo dagaalo ku soomayso!” markaasuu intuu garabka iga dharbaaxay si uu i sagootinayo oo dhowr talaabo albaabkii xafiiskiisa i soo dhaafiyay i yiri “Waan ka xumahay inaan sidaas ku iraahdo, adigu soonkii 12aad baad ka hadlaysaayee waad arki doontaa iyadoo soonkii 20aad colaado iyo dagaalo ku soonta!”…Maanta waxaa inoo curatay bishii barakaysnayd ee Ramadaan waana Soonkii 29aad!…Ramadaan Mubaarak!… Sida muuqata shirkan Garowe laysugu yimid wuxuu ku soo aaday shin-khayr, wuxuu ku soo aaday bishii barakaysnayd ee Rammadaanka!…bil ay muhiim tahay inuu qofka muslimka ah wanaagga labo jibbaaro, xumaanta iyo beentana ka fogaado, shacabkuna waxay qabaan rajo weyn oo ah inuu shirkaan ka duwanaan doono dhammaan shirarkii ka horeeyay ee dhex maray xukuumadda federal-ka iyo madaxda maamul goboleeddada, waxayna rajaynayaan in go’aannada ka soo baxaya shirka Garowe ka socda ay noqon doonaan kuwo looga gudbo danaha shaksiyadeed isla markaasna soo dedejiya in shirku garowsado sidii looga gudbi lahaa xaaladda qalafsan ee dadka iyo dalka ku suganyihiin, isla markaasna uu soonkaan noqdo kii is af-garadka iyo nabadda ay ka bilaabanayeen. Hasa yeeshee waxaa rajada natiijo wanaagsan oo shirka ka soo baxda ay dhab ahaan ku xirantahay hadba sida ay xukuumadda federal-ka ama madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaarihiisa KHeyre u tanaazulaan, iyadoo waliba sida laga war qabo ay xukuumadda federalka si weyn ugu tagri fashay awooddeeda lana oran karo dalka waxay dib ugu celisay heer uu mar hore so dhaafay oo ah sharci daro iyo in qofka madaxda ah uu ka sareyn karo sharciga. Waxaa iyadana xusid mudan in madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha ay iyaga noqdeen golihii xeer dejinta oo ay soo jeediyaan waxa qaynuun noqonaya iyo wixii aan noqonayn, golohooda waziiradana ay u ansixiyaan, lana inkiray hay’adihii shaqdaas lahaa, waana arrintaas sababta ugu weyn ee madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare KHeyre aysan khaladkooda u fahmi karayn. Waxaa iyadana tallaabo wanaagsan ah mowqifka ay qaateen maamul goboleeddada si ay u xaqiijiyaan in qawaaniinta dalka u taala lagu dhaqmo, xukuumaddana lala xisaabtamo, waayo golayaashii shacabka sida muuqata xukuumadda waxay ku soo hubsatay xabaasha, guddoomiyihii golaha shacabka Max’ed Cabdi-Raxmaan Mursal wuxuu si dadban laakiin muuqata u noqday ninka seddexaad ee golaha xukuumadda, waana midda keentay in golaha fulinta uu si aan baqdin ku jirin ay u bedelo qaabkii doorashada, diyaariyana sidii ay muddada u kororsan lahaayeen. Madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare KHeyre illaa iyo hadda sida muuqata shirka waxay ku joogaan qaab ay is leeyihiin ama ay doonayaan inay iska hor keenaana maamul goboleeddada. Maamullada Koonfur-Galbeed iyo Hir-SHabeelle oo iyagu la rumaysanyahay inay taageersanyihiin madax-weyne Farmaajo iyo xukuumadda KHeyre ayeey haboonaan lahayd inay ka fiirsadaan taageeradooda inay waafaqsantahay dastuurkii lagu heshiiyay, taasoo macnaheedu yahay inay danta ummadda ku jirto iyo in kale, waana inay ka fekeraan natiijada ka soo baxaysa inay ka go’aan golaha maamul goboleeddada, waayo waxay dhaawac ku keeni karaysaa isu soo dhowaanshihii dad-weynaha ku kala nool maamulada kala duwan. Muddo kororsi marna sharci kuma noqdo xaalad deg-deg ah oo uu wadanku galo, maxaa yeelay qawaaniinta dalka ayaa hagaya dhammaan xaaladaha dalka la soo gudboonaada, xaaladdaha degdegga ah waa qayb ka mid ah arrimaha dastuurka uu qeexayo,waliba dal kasta, waxaana sida mararka qaarkood dhacda aad arkaysaa dal xaalad degdeg ah soo rogaya laakiin soo maray sababaha sharciga ah ee dastuurku siiyay adeegsanayana awoodda uu qaynuunka u xaddiday ee xaaladdaas la dhamaanaysa iyadoo aan waxba muddo la kordhin…Donald Trump baaba caqli dhaamay oo hadalkii mid ka mid ah taageerayaashiisa oo yiri “Trump waxaa ka khasaaray labo sano oo Muller uu baaraayay sidaas daraadeed waa in loo gudaa labadaas sano” jeer soo dhigay tweeter-ka laba jeer, anigu maba is lahaynba nin ka sarrigasha Trump baa jira. Waxaa intaas oo dhan ka daran madax-weynaha iyo ra’iisal wazaaraha maba oggolaba in awood iyo is maamul hoose ay leeyihiin maamul-goboleeddada waxayna doonayaan inay marin habaabiyaan dadka shacabka oo intooda badan aysan wali fahmasanayn nidaamka lagu soo heshiiyay iyo waxa uu uga duwanyahay kii hore ee ay yaqaaneen, waxayna macanihii ku soo koobeen inu yahay nidaam wax kala qaybinaya oo keliya iyagoo aan marna sheegayn intiisa fiican iyo sida dadku wax u wada leeyihiin iyo in nidaamku diidayo awood marooqsi iyo keli talisnimo sida ay hadda rabaan inay dalka ku maamulaan Farmaajo iyo KHeyre iyo kuwa la fikirka ah. Waxaana sida hadda la ogyahay ay Farmaajo Kheyre hadda soo galeen heshiisyo aan waafaqsanayn dastuurka dalka waxayna markii horaba garbo duubeen golayaashii la xisaabtami lahaa, dagaalka ay ku jiraan waa mid indho sarcaadin ah inta ay wax uga fulayaan, waxyaabaha ay heshiisyada ku soo galeen waxaa ka mid ah badaha iyo dekadaha, kheyraadka dalka, dhammaantoodna waa heshiisyo wasakh ah oo aan la hor keeni karin umadda…Farmaajo wuxuu Itoobiya kula soo heshiiyay 4 dekedood oo Soomaaliya ah qaabkee buu ugula heshiiyay lama yaqaan, waan ognahay Itoobiya iyadii baa baqtinaysa oo dalkeedii maal gelin u raadinaysa… way ina weydiisan kartaa inay dekedaheen wax uga soo degaan kana dhoofsadaan annagoo kula heshiinayna hadba xaaladda suuqa sida ay tahay!…… KHeyre, shidaalkii dalka oo dhan buu suuq geeyay laakiin waxay su’aashu tahay talo aysan maamul goboleeddadu wax ka ogeyn, golayaasha kale ee dowladuna aysan ansixin waxba kama soconayaan, ama mugdi ha lagu soo heshiiyo ama arkab dushiisa ha lagu soo kala qorto, dadka Soomaaliyeed iyagay u taalaa siday badahooda iyo kheyraadkooda u ilaashan lahaayeen, walaacna kama qabaan inay ilaashan karaan… dowladaha raba inay saxiixyo dad daneystayaal ah ku boobaan kheyraadka ummadda waxba kama qaadayaan shacabka Soomaaliyeed. Way fiicnaan lahayd, aad bay u fiicnaan lahayd Farmaajo iyo saaxiibkiis KHeyre inay iimaanka isku sugaan oo dadka aysan kala fogeyn, waxaa hubaal oo aan cidna ka qarsoonayn maamul goboleeddadu waxay taaganyihiin meeshii u dambaysay oo ay uga go’i lahaayeen xukummadda federal-ka ah. DHibaatadaba waxay ka timid guddoomiyaha golaha shacabka Mursal oo kaalintiisii u hadiyadeeyay Farmaajo iyo KHeyre oo awooddoodii inay ku tagri falaan u saamaxay xummaan kasta oo timaadana isaga ayaa qayb ka ah, hadana shirka lama keenin, sababta laysaga reebayna ma uu garanayo…sida hadda wax ku socdaan waxay tagaysaa in wax Beesha Caalamka isugu yeera ay mar kale ay soo dhex galaan labada dhinac, taasin danta ummadda kuma jirto… Sow ma fiicnaan lahayn marka Farmaajo iyo saaxiibkiis KHeyre inay intaas fahmaan soonkaan uu noqdo kii ugu dambeeyay ee shacabka Soomaaliyeed ay ku soomaan is-qab-qabsi iyo khilaaf oo aan lagu darin soonkii soddonaad oo colaad iyo khilaaf iyo dagaal lagu soomo!… Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Puntland Post The post SHirka DF iyo Maamul Goboleeddada: Maamulada awwooddooda dastuurku siiyay ha garowsato xukuumadda federalka appeared first on Puntland Post.
  11. The U.S. army said on Monday evening that it had killed three al-Shabab militants in a precision airstrike in southern Somalia on Sunday. The U.S. Africa Command (AFRICOM) said in a statement that Sunday’s airstrike was in self-defense after al-Shabab fighters attacked Somali forces near Tortoroow. AFRICOM said the Somali forces were conducting an operation to disrupt the terrorist network in the area and to bolster local support for the government when they came under al-Shabab attack, adding that no civilians were injured or killed. Sunday’s airstrike is the latest in a series of similar missions by the U.S. forces in Somalia in collaboration with Somali and African Union forces in the Horn of Africa country. The strikes have largely targeted al-Shabab figureheads based in southern Somalia where the group still maintains a strong grip in some regions. View the full article
  12. South Africa has signed a deal to explore for oil in South Sudan, as part of a potential $1bn investment that the petroleum minister in the war-torn east African country hopes will eventually help to boost production. Source: Hiiraan Online
  13. Xiriirka kubbadda cagta Galmudug ayaa sheegay in uu socda qorshe ay ku doonayaan horomarinta kooxda kaga qey galaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo la rajaynayo in la qabto dhamaadka sanada 2019. “Waxaa iminka gacanta ku haynaa ilaa 30 ciyaartooy oo aan kasoo xulnay tartankii kubbadda cagta degmooyinka Galmudug ee aan qabnay bishii September 2018 waxaana kaloo u baahan nahay tiro kale ka dibna waxaana ka xulandoonaa xirfadlayaasha ugu tirada wanaagsan kuwaas oo guul u soo hooyi kara shacabka reer Galmudug” waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifitaax Cabdullahi Warsame (Badshaa). Sanadihii 2016 & 2017 oo ay kooxda Galmudug ka qeyb gashay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa waxa ay ku dhamaysteen kaalamaha ugu hoosaysa,iyadoo dadka reer Galmudug ay aad uga xumaadeen qaabka ciyaareedka llita ay kusoo bandhigeen garoomada kubbadda cagta caasimada Muqdisho oo tartanka marti geliyay. “Is badal weyn ayaan ku samayndoonaa kooxda Galmudug waa in aan wax badan ka barnaa casharadii hore ee kaalmihii liitay ee aan teegsanay labadii sano ee lasoo dhaafay iminka wasaarada ciyaaraha waxa ay xooga saaraysaa in ciyaartooyda matalaysa Galmudug laga soo xulo dhamaan deegaanada maammulkeena”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Bashiir Maxamed AW Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Galmudug. Iminka degmooyinka Galmudug waxaa ka socda dib u dhiska garoomada kubbadda cagta taas oo ay dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha ay u arkaan mid dabooli karta baahida ay qabaan ciyaartooyda matalaysa Galmudug maadaama ay tababar ku qaataan goobo aan u wanaagsan jirka ciyaaryahanada. “Isku tashi ayaan ku dhisanaynaa garoomada kubbadda cagta Galmudug waxaana xooga saaraynaa in qaar ka mid ah garoomada ay iminka shaqada ka socoto gudaha sanadkan xariga laga jaro,iyadoo loo dhisidoono qab casri ah” waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Bashiir Maxamed AW Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug. Dhinaca kale macalimiin badan ayaa doonaysa laylinta Galmudug waxaan horomuud u ah macalinkii hore xulka qaranka Maxamed Cabdulle Farayare,isagoo dhinaca faramsada kaalin weyn ka qaatay tartankii kubbadda cagta degmooyinka Galmudug sanadkii lasoo dhaafay 2018. “Macalin Farayare waxa uu kasoo jeedaa Galmudug hadii xitaa uu tababaraha 1aad noqonin waxaa qorshaynaynaa in uu door wacan ka ciyaaro soo xulista iyo dhiiri gelinta macalimiinta waxaanse u arkaa fursad weyn hadiiba uu naga o gaadlo qabashada shaqadaa madaama uu iminka qeyb weyn ka yahay waxaaada farsamada xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya”waxaa sidaas markale Goobjoog u sheega Cabdifitaax Cabdullahi Warsame oo guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Is Badalka Kooxda Galmudug W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. WASHINGTON – Nearly 400 former federal prosecutors have signed onto a letter saying President Donald Trump would have been charged with obstruction of justice if he were anyone other than the president. Source: Hiiraan Online
  15. Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maalintii seddexaad madaxda ugu sareyso dalka ay kulan la isku mari la’yahay ku leeyihiin magaaladaasi. Kulanka ayaa horey loo qorsheeyay inuu dhaco kaliya muddo labo maain ah, balse waxaa muuqata in wali la isku mari la’yahay qodobada qaar, taasi oo keentay in dib u dhac uu ku yimaado waqtiga kulanka. Seddex arin oo la isku fahmi waayay ayaa sababay in shirka uu galo maalintii seddexaad, waxaana la isku mari waayay arrimaha doorashooyinka, Kheyraadka dabiiciga iyo faragelinta dowladda Soomaaliya ay ku heyso dowlad goboleedyada. Dawlad gobaleedyada ayaa aad uga cabanaya faragalinta dawladda Faderaalku ay ku hayso arrimaha gudaha ee Galmudug iyo Jubbaland oo Iyana hadda doorasho looga madlan yahay. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu soo jeediyay in dowladda Soomaaliya ay dhaqan geliso heshiiskii qeybsiga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Xukuumadda Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah u aragta in sharciga Shidaalku uu meelmar noqdo, iyadoo aan waxba dibu eegis ah lagu sameynin, waxaana dadaal badan arrimahaas galinaya Raysalwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, sida aan xogaha ku heleyno. Wararka aan sidoo kale heleyno ayaa sheegaya in maamulada Jubbaland, Puntland & Galmudug ay xooga saarayaan sidii qorshe mideysan loogu heshiin lahaa. Iyadoo heshiiskaasi ay goobjoogayaal ka noqonayaan wakiilada Shacabka iyo kuwa caalamiga ah. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  16. Wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dowlad goboleedka Puntland Jaamaca Faarx Muuse ayaa sheegay in shaqaalaha Puntland inta badan la diiwaan galiyay loona sameeyay kaarar aqoonsi ah. Mudane Jaamaca Faarx Muuse oo ka hadlayey shaqaalaha rayidka ee Puntland ayaa sheegay “Shaqaalaha rayidka ah ee biometric lagu sameeyey ee hadda miisaaniyadda dowladda ku jira ee ay leedahay dowladda Puntland ilaa 5,500”. Dhanka dowladda federaalka ah , tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa la qorayey shaqaale aan rasmi aheyn, kuna jirin miisaaniyadda dowladda. Shaqaalaha rasmiga waa intii ay ka tagtay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh, tirada rasmiga ah ee shaqaalaha rayidka dowladda federaalka ah waa: 5,526 oo kala ah: Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, (D) 502, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Suicide attempts among refugees detained on Papua New Guinea’s Manus Island by Australia have reached epidemic proportions Source: Hiiraan Online
  18. Mitsubishi is making Japan’s 1st plane in 50 years. Source: Hiiraan Online
  19. Guddiga dhismaha Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa kulan mahad celin ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo dhaqaale lacageed ku taageeray dhismaha garoonka Mira Cawaale sanadkii lasoo dhafay 2018. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddiga ka dhageystay warbixin ku aadan halka uu marayo dhismaha garoonka Mire Awaare ee Magaaladda Garoowe,isagoo muujiyey ahmiyada garoonku uu u leeyhay dhallinyaradda Soomaaliyeed iyo is-dhexgalka bulshadda ay hormuudka u yihiin dhallinyaradda reer Puntland. Guddoomiyaha Guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare ahna guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland,Maxamed Cali Ciise Ciiro ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahadceliyay tageerada iyo garab istaaggida buuxda uu u muujiyay bahda ciyaarah maamulka Puntland iyo kaalintii muga laheyd oo ka qaatay dib u dhiska garoonka kubbadda cagta Mira Awaare. si kastaba labadii bil ee lasoo dhaafay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhagax dhigay labo garoon oo kubbadda cagta ah wuxuuna sheegay in maamulkiisa oo xooga saarayo qorshaha horomarinta kubbadda cagta Puntland. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulank Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Guddiga W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  20. Boorama (Caasimada Online) – Siyaasi Cali Khaliif Galeyr ayaa ka wada deegaanada maamulka Somaliland Doodo dad badan tuhunsan yihiin inay saameyn ku yeelan karaan Somaliland. Cali Khaliif Galeyr ayaa ka wada deegaanada maamulkaasi doodo ku saabsan in la wada leeyahay Somaliland iyo inkale, waxaana ka qeyb gala dadweyne badan oo ku sugan Somaliland. Doodahaasi waxaa Cali Khaliif ku wehliya Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulkaasi. Cali Khaliif oo ka qeyb galayay DOOD ku saabsan “Ma lawada leeyahay Somaliland” oo ka dhaceysay magaalada Boorama ayaa sheegay in Somaliland aysan wali noqon dal madax banaan. Wuxuu soo hadal qaaday markii xorriyadda ay qaateen gobolada waqooyi ee dalka, wuxuuna sheegay in afar maalin kadib markii xoriyadda ay heleen gobolada waqooyi inay ku bireen koofurta Soomaaliya. Islamarkaana wuxuu sheegay inaysan jirin dowlad aqoonsatay Somaliland markii ay ka xoroobeen gobolada waqooyi, sidoo kalana wuxuu cadeeyay inaysan jirin dowlad ay ictiraaf xiligaasi ay weydiisteen. Cali Khaliif iyo Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Gobollada Maamulka Somaliland ka wada doodo ay ciwaan uga dhigeen “Somaliland ma lawada leeyahay?”,waxaa ay horay ugu qabteen Magaalada Burco iyaga oo haddana ka wada Boorama. Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com
  21. A section of North Eastern leaders have thrown their weight behind the presidential ambitions of Deputy President William Ruto. Source: Hiiraan Online
  22. Al-shabaab ayaa sheegatay isniintii iney saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ku dileen gobolka Shabeellada dhexe gaar ahaan deegaan u dhaxeeya Balcad iyo Xawaadley. Qoraal ay faafiyeen waxaa ku jirtay iney dileen abaanduulihii guutadaha 2aad ee ciidamada ahaana ku-simaha taliyaha guutada Gaashaanle dhexe Cali Cariif iyo 10 kale. Isla qoladan waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas ay ku dhaawaceen ku-xigeenka abaanduulaha Cabdi Kariim Hilowle iyo sidoo kale iney gubeen 3 gaadiiid. Dhinaca kale, xukuumadda federaalka ah iyo hey’adaha amniga weli wax war ah kama soo saarin arrintan ay sheegatay Al-shabaab. Ma jiraan ilo madaxbannaan oo Goobjoog News u xaqiijiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com