-
Content Count
214,921 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (AFP) - Five people, including three civilians, were killed in a gun battle in Somalia on Monday after al-Shabab militants opened fire on a checkpoint in the capital Mogadishu, officials said. Source: Hiiraan Online
-
COLAADA DEEGAANADA CEEL-AFWEYN IYO AGAGEERKEEDA DADKEENII WAY KU MADHEEN , GURMADNA INAGUMA YARA E , MA MASHRUUC BAA TOLOW WAA YAABE ? !!! Image ( MASUULIYIINTA DAWLADA IYO ODAY DHAQAMEEDKII DEEGAANADAA EE INTAAS OO GOOR ARINKAAS GALAY EE WAXBA U QABSOOMI WAAYEEN MAANTA YAANAY GALIN , HANA ISKA CASILAAN MASUULIYADAHA AY HAYAAN ) Ceel-Afweyn waxa ay u baahan tahay; 1- Gurmad dhiiga dadka iyo colaada lagu qaboojiyo, 2- Fulin waxii lagu heshiiyey cidii jabisay lagu qaado, 3- Go’aan Kama dambays ah oo laga soo saaro Amniga iyo nabadgalyada dalka waxa ka masuul ah xukuumada oo ay tahay in ay ka hortagto waxkasta oo amni daro ku keenaya dadka reer somaliland si ay u ilaaliso dhiigooga iyo dhaqnaantooda oo ay ugu noolaadaan nabadgalyo iyo xasilooni waarta. Xaalada deegaanada Ceel-Afweyn iyo agagaarkeedu waa boog ku taalla qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo aan si wanaagsan loo bogsiin , Somalidu waxa ay ku maah-maahdaa xisaabi hadii ay xidhmi waydo wax baa ka maqan ama waxbaa ku dheeraad ah , haddaba dhibaatada soo noqnoqotay ee boqolaalka qof ku dhinteen boqolaalka kalena ku dhaawacmeen ma mid xal loo waayeybaa? Ilama aha in xal loo waayey ee milil guudkii lama dhayo e meeshaa waxa ku jira ee dadka dhiigooga u qabanayaa waxa ay iila muuqataa in marwalba iyada oo wax qabyo yihiin la yidhaahdo waala heshiiyey, waayo hadii heshiis aan hugun hoose iyo cadaalad daro aan cidi tirsanayn waa lagu kala bogsan lahaa baan qabaa , inkasta oo waxa meesha ka socdaa camal shaydaan yahay. Waxa aan u soo jeedinayaa dadka walaalaha ah , ilmaabtiga ah , habrawadaaga ah , walaalaha ah ee ilmaadeerka ahi in ay colaada joojiyaan oo aanay halkaa dhaafin , dad meel kala tagaya am ihidin, cadaw kala cadgoosanaya ma tihidin ee waxaa aad tihiin ab iyo isir iswada dhalay oo Alle swt goob kuwada beeray oo iyagu kala beermay. Somalidu barigii hore wacadka oo ah heshiiska way ilaalin jirtay , dhaarta iyo qawlka la is yidhaahdo cidhib xumadeeda ayaa ay dadku baqan jireen oo dad waxa ay galaan aan ka bixin ayey ahaan jirtay , umad dhaqankeeda iyo culimadeeda iyo dawladnimadeeda ilaalisa ayey ahaan jireen laakiin hada mooyi si la noqday. Waxa aan soo jeedinayaa Dadweynaha iyo Dawladaba in aan laga niyad jabin walaaleheena shaydaanku isku qaatay ee dhiigoogu qubanayo ee waa in aynu u gurmanaa oo aan caruur iyo ciroole cidi ka hadhin maanta arinkaa sidii loogu guntan lahaa ee dhibtaasi ay halkaa ugu istaagi lahayd, Waayeelka, aqoonyahanka, culimada, dhalinyarada , haweenka iyo guud ahaan dadka reer somaliland iyo umada muslimka ahiba waa in ay ku kala guntataa dhibaatada ku soo noqnoqotay walaalaha Ceel-Afweyn. Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa dhamaan dadka ka soo jeeda beelaha is dilaya iyo dadkeena kale ba , in aan la buunbuunin dhibaatada iyo mashaqada xun ee halkaa ka dhacday si aanay u noqon fidmo umada kale oo dhan gaadha oo aanay u fidin , ee waa in carab wanaagsan iyo caqli wanaagsan lagaga hadlaa arinkaa Ceel-Afweyn oo cagta loo dhigaa. Waxa aan u soo jeedinayaa masuuliyiinta ka soo jeeda deeganadaa ee ku fashilmay in ay dadkoogii in ay wax ka qabtaan , waxgarad iyo kuwa masuuliyada maamul leh ee qaabilsan nabadgalyada guud iyo ta deegaankaasiba in ay is casilaan maadaama ay ku guulaysan waayeen in ay dadkoogii nabadgalyo iyo xasilooni ku qancin Kari waayeen oo aan cidina u qabsoomayn dhibtiina istaagi wayday. Waxa aan iyagana u soo jeedinayaa odayada dhaqanka iyo waxgaradka deegaankaasi in ay faraha ka qaadaan hawshaa nabadaynta deegaanadaa maadaama aanay dadkoogii u qabsoomayn dhibaatadiina ay noqotay mid aan dhamaanayn oo iska daa deegaanadaasiye looga baqayo in ay Somaliland inteeda kale gaadho oo cabsi wayn galisay guud ahaan qarankii. Waxa aan u soo jeedinayaa xukuumada iyo goleyaasha qaranka ee somaliland in ay qaadaan talaabooyin maamul oo isbadel muuqda ka dhaliya deeganadaa ay dhibaatadu haysato , iyada oo xooga la saarayo marka ugu horeysa in la kala qaboojiyo oo la baajiyo dhiiga dadka walaalaha ah , marka labaad cidii jabisay heshiisyadii la galay laga qaado talaabo adag , cidii u saxeexdayna jeelasha lagu guro si nabadgalyo loo dhaliyo waarta oo ay fulin dawladeed u muuqato. Marka ugu dambaysa Waxa aan u soo jeedinayaa guud ahaan dadka Somaliland in ay gurmadaan oo wanaag ku gurmadaan oo duco ku gurmadaan oo caqli ku gurmadaan oo aduunyo ku gurmadaan oo arin ku gurmadaan oo fadhiga laga kaco oo aan cidna lala safan ee meeshaasi cadaalad iyo run bay u baahan tahaye dhayda laga cadeeyo waxa meesha ku jira oo lagu Alle bariyo si aanay dhibtaasi inoogu soo noqon insha Allah. Allow kala qabooji oo baaji dhiiga dadkayga iyo dhiilada colaadeed Muhamed Dhimbiil Mohamed Abdi Jama Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-08072019-OK.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay safarkii wafdigu hogaaminayey ay ku tageen caasimada dalka Gini ee Conakry. Madaxweyne Biixi oo shalay qudbad u jeedinayey dadweyne badan oo ku soo dhaweeyay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu kaga warbixiyey waxyaabihii uga soo qabsoomay safaradii uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Gini. Muuse Biixi ayaa sheegay in dowlada Gini ay ka aqbashay inay Midowga Afrika geyso qadiyada gooni isku taaga Somaliland, wuxuuna yiri “Wafdigii aan hoggaaminayey waxaanu socdaal rasmiya ku soo marnay Dalka la yidhaahdo Guinea Conakry (France Equatorial), waxaanu sii marnay Dalka Ethiopia waxaanu kala kulanay labada meeloodba wax wanaagsan iyo Yuhuun fiican iyo qaddarin”. “Dalka Itoobiya waxaanu joognay 24-saacadood afar iyo labaatankaa saacadoodba waxaanu ku aragnay labadii wasiir ee ugu waa weynaa, Wasiirkii Arrimaha Dibada iyo kii Maaliyada waxaa kale oo Talefoonka nagula soo hadlay isagoo kormeer ku jira Taliyaha cusub ee Ciidamada Itoobiya oo dhan, taasina waxay muujinaysaa milgaha iyo qaddarinta Somaliland loo hayo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Dawladdii aanu u tagnay si weyn bay noo soo dhaweysay, waxaanay gudoonsatay inay qaddiyadeena keento AU, Madaxweyne Alphana waa ka garaabay hiilna waa ku haystaa Afrikada galbeed waxay doonaysaa arrintaa inay gudagasho”. “Ninka arrintaa galay Diinta islaam uun baa na kulmisa iyo diirkaa madow, isku af ma nihin Faransiis bay ku hadlaan, Ingiriisi baynu ku hadalnaa, isma gaadhno isma dhex galno kaynu dhiig iyo dhaqan, toll, seedi, xidid ahayna waxaas buu inoo quudhay bal kawrama labadaa caqli”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
RIIX halkani si aad u akhrisatid qoraalkani Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Mr. Maxbuub ayaa sheegay in IGAD ay boggaadineyso heshiiska ay magaalada Dhuusamareeb ku kala saxiixdeen dowlada dhexe iyo ururka Ahlu sunna,sidoo wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay in Ahlu-Sunna ay oggolaatay in ciidamadeeda ay ku biiriso kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed. “Waan soo dhaweyneynaa howlaha ka socda dowlad goboleedka Galmudug iyo ku biiristii ciidamada Ahlu-Sunna ee ciidamada dowladda Soomaaliya,waana garabtaagan nahay,waxaana ugu baaqayaa dadka ku nool deegaanada Galmudug inay halkaasi ka sii wadaan howlaha dib u heshiisiinta ah, si guulo waa wayn loo gaaro” ayuu yiri Maxbuub Macalin Xoghayaha guud ee IGAD. Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in tallaabadan ay dowladda dhexe u suurta galinayso in ay la wareegto guud ahaan amniga dalka, iyo in si buuxda looga xoreeyo kooxaha nabad diidka ah qaybaha ay dalka kaga hareen . Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan si rasmi ah Ahlu-Sunna ugala wareegay ciidamaddii hoostagayay, si loogu biiriyo kuwa dowladda. Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida ayaa diiwaan gelin ku bilaabay ciidamadaasi. arrintan ayaa qayb ka ah guulo ay dowladda federaalka ka gaartay Khilaafaadkii ka jiray maamulka Galmudug oo dhawaan galaya doorasho. View the full article
-
Marka (Caasimadda Online) – Ciidanka amaanka ee ka howlgala magaalada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay soo qabteen Afar ruux Qarax waday. Dadka lagu qabtay Qarax ayaa kusoo dhex qariyey Jawaan ay ku jirtay Galay, sida ay sheegeen Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Xoogga ee kusugan magaaladaas. Dadka lagu qabtay qaraxaas oo la sheegay in ay ahaayeen Afar ruux ayaa labo kamid ah waxa ay ahaayeen Dumar midu Uur leedahay, halka labada kalana ay rag ahaayeen. Sidaani oo kale ayaa Todobaadkii hore waxay Ciidamadu Bar Koontorool oo laga galo degmada Marka ku qabteen gaari Dameer Qudaar siday oo lagu soo dhex qariyey waxyaabaha Qarxa, waxaana la sheegay in ay waday Haweeney siweyn looga yaqaanay magaalada Marka oo ka ganacsa jirtay Qudaarta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xudur (SMN) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mukhtaar Sheekh C/raxmaan, ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool. Mudane; Mursal, ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka xannaanada Xoolaha, Wasiirka gargaarka iyo maareynta musoobooyinka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa guddoomiyaha Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen) Wasiirro , Xildhibaanno horay ugu sugnaa Magaalada Xuddur, maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane; Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen ) ayaa ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu mahad celiyay booqashada ay ku tageen Xuddur iyo sida waddaniyadda leh ee uu wax ula qeybsanaya Shacabka ku dhaqan Koofur Galbeed. Gudoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan , ayaa ujeeddada safarkooda ay ku tageen Xuddur ku sheegay, in ay Bulshada halkaasi ku dhaqan u kuur galaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha jirana ay ka jawaabaan. Wuxuu Guddoomiye Mursal, ammaan ballaaran usoo jeediyay, Madaxweyne Lafta gareen iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo horay ugu sugnaa Xuddur, wuxuuna ku tilmaamay mas’uuliyiin u heellan Shacabkooda, mar walbana u taagan horumarinta degaannada Koofur Galbeed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-08072019.mp3 View the full article
-
At least three people including a police man were killed and five others injured after a vehicle loaded with explosives went off at a security checkpoint in Mogadishu on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa maanta ka hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay dalka Gini iyo xiisada kala dhexaysa DF Somaliya. Axmed Yaasiin ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya uu dagaal qarsoodiya uu kula jiro Somaliland, isla markaana uu hadda si cad u soo if-baxay dagaalkaasi. Axmed ayaa waxa kale uu sheegay in dowlada federaalka Somaliya aysan waxba yeeli karin xiriirada ay Somaliland la leedahay caalamka, isagoona socdaalka Gini uu ku tagay Madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid loo baahna oo soo kordhiyey xiriir cusub. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa arrimahaasi ka hadlay, wuxuuna yiri “Tan iyo markii uu Farmaajo noqday Madaxweynaha Somaliya, dagaal buu kula jiray Somaliland, cadawada fog iyo xaasidnimada farmaajo ee hadda soo baxday, awalba wey inagu socotay, oo wey qarsoonayd, dharigana waxaa kulka ka keena waa dabka, markaas Farmaajo iyo Maamulkiisaba waxaa cadaawadan ka keenay waa u quudhitaan ay inoo quudhi la yihiin dawladnimadeena iyo waxaynu qabsanay”. “Farmaajo waxba uma dhimi karo xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka, wax alaale wuxuu inaga qaadayana ma jirto hadduu Safiiro iyo Madaxweynayaalba iskugu yeedho isaga ayey nusqaan iyo karaamo daro ku tahay”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Xidhiidhka aynu la yeelanay Gini waa mid inoo soo kordhay, Socdaalka Madaxweynahana waa mid loo baahnaa, waana in albaab kasta oo danteenu ku jirto garacnaa oo aqoonsigeena cid kasta iyo dal kastaba u soo bandhignaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE Sudan: UN experts denounce Internet shutdown, call for immediate restoration The Human Rights Council has unequivocally condemned measures that intentionally prevent or disrupt access to information online GENEVA, Switzerland, July 8, 2019/ — UN human rights experts* have denounced measures taken by the authorities to shut down the Internet in Sudan, saying it stifles free expression and association. “In the past few weeks, we have continued to receive reports on Internet blocking of social media platforms by the Transitional Military Council,” the experts said. “The Internet shut down is in clear violation of international human rights law and cannot be justified under any circumstances. We urge the authorities to immediately restore Internet services. The Human Rights Council has unequivocally condemned measures that intentionally prevent or disrupt access to information online, and recommended all States to cease and refrain from such measures.” Noting that peaceful demonstrations to demand democratic transition continue to take place in the country, the experts highlighted that the Internet shutdown adversely impacted peoples’ human rights. “The internet shutdown forms part of a larger effort to stifle the free expression and association of the Sudanese population, and to curtail the ongoing protests,” the experts said. “Internet services have been shut down several times since the beginning of the year, the last time on 10 June only days after security forces violently dispersed a sit-in and killed and injured more than a hundred protesters.” “Access to information and communication services is crucial at times of protests. Restricting or blocking access to Internet services not only adversely affects the enjoyment of the rights to freedom of expression, assembly and participation, but it also has severe effects on protesters demands’ regarding economic and social rights,” the experts added. Reportedly, Sudanese internet provider Zain-SDN was found to have the most extensive blocking scheme, covering all key social platforms, followed by MTN, Sudatel and Kanartel. The UN human rights experts stand ready to provide any assistance to the authorities in this context Distributed by APO Group on behalf of Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR). SOURCE Office of the UN High Commissioner for Human Rights (OHCHR Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow safar dhulka ah ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdigiisa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey Xildhibaano, Wasiiro, mas’uuliyiinka tirsan Galmudug iyo boqolaal dadweyne ah. Khayre ayaa fagaare la’isugu keenay shacabka ku dhaqan Gaalkacyo goor dhow kula hadli doono halkaasi. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Ra’iisul wasaaruhu kulamo gaar gaar ah uu ka bilaabo gudaha magaaladaasi. Kulamadan ayaa intooda badan diirada lagu saari doonaa dhibaatooyinka amni ee ka jira magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan nabad galyada gobolka Mudug. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa safarkan uga soo ambabaxay magaalada Cadaado ee gobolka Galgauud, isagoo aan la kulmin waxgaradka magaaladaasi. Odayaasha dhaqanka ayaa la sheegay inay ka biyo diideen kulanka Khayre, waxaana ay ku eedeeyeen inuu uga baxay ballama uu horay ula galay. Arrintan ayaa salka ku heysa muranka weli ka taagan halka lagu qabanayo doorashada iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug oo dowladda federaalku iclaamisay in labaduba ay ka dhacayaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (SMN) –Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow safar dhinaca dhulka ah ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha waxaa Gaalkacyo ku soo dhaweeyey, mas’uuliyiin ka tirsana Galmudug iyo qaar ka mid ah shacabka magaaladaasi. Khayre ayaa la filayaa in kulamo uu ka bilaabo halkaasi, kuwaas oo looga hadlayo nabadda gobolka Mudug. Ra’iisul wasaaraha ayaa horay booqasho ugu bixiyey deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo guulo ku soo dhammaaday. View the full article
-
Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool. Gudoomiyaha , ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka xannaanada xoolaha, Wasiirka gargaarka iyo maareynta musoobooyinka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa guddoomiyaha Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen) Wasiirro , Xildhibaanno horay ugu sugnaa Magaalada Xuddur, maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane; Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen ) ayaa ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu mahad celiyay booqashada ay ku tageen Xuddur iyo sida waddaniyadda leh ee uu wax ula qeybsanaya Shacabka ku dhaqan Koofur Galbeed. Gudoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan , ayaa ujeeddada safarkooda ay ku tageen Xuddur ku sheegay, in ay Bulshada halkaasi ku dhaqan u kuur galaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha jirana ay ka jawaabaan. Wuxuu Guddoomiye Mursal, ammaan ballaaran usoo jeediyay, Madaxweyne Lafta gareen iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo horay ugu sugnaa Xuddur, wuxuuna ku tilmaamay mas’uuliyiin u heellan Shacabkooda, mar walbana u taagan horumarinta degaannada Koofur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland. James Swan iyo wafdigiisa waxaa Puntland ku soo dhaweeyey Madaxweyne Siciid Cabdullahi (Deni) oo ku qaabilay xafiiskiisa. Labada mas’uul ayaa yeeshay kulan gaar ah, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda, horumarinta iyo gargaarka bani’aadanimo. Madaxweynaha maamulka Puntland oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen isaga iyo James Swan. “Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa” Ayuu yiri Deni. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyey in ay ka maamul ahaan ku faraxsan yihiin doorka ay ka qaadanayaan nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowladd-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray. Waxaan sidoo kale u cadeynay inaan diyaar unahay inaan kaalinta nagu haboon ka qaadano Geedi-socodka loogu jiro Soomaaliya inay meeshay hada joogto meel ka fiican gaarto” ayuu yiri mar kale Madaxweynuhu. Waa safarkii ugu horreeyay ee wakiilka cusub ee QM James Swan uu ku tagay Garowe, kaas oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
