Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,677
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The lawmakers of Somalia’s Federal parliament is debating on Saturday the Labour and manpower development bill. Radio Shabelle’s correspondent at the house says the MPs will discuss the first reading of the bill and possible amendment on the significant act before its approval. If it endorsed the bill will help reshape labor and manpower rights in the horn of the African nation, which is challenged by a high rate of unemployment. On the other hand, the speaker of the lower House Mohamed Mursal has strongly warned members against absentia during the business days. This came after previous parliamentary sessions were canceled due to lack of quorum. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay illaa saddex askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dileen gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Toogashada ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacday deegaanka Kurtun-Waareey ee gobolkaasi. Fagaaraha lagu toogtay askartaasi ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi. Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay Amiin Tifow oo 23 sana jir ah, Muxiidiin Maxamed Cabdiraxiin oo 36 sana jir ah iyo Cabdiwahaab Axmed Xasan oo 30 sana jir ah . Al-Shabaab ayaa tilmaamay in askartaasi ay ku qabteen dagaallo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay Fagaarahaasi ayaa hanjabaad u diray shaqaalaha iyo ciidamada dowladda Soomaaliya. Waxa ay sheegeen inay beegsan doonaan cid kasta oo la shaqeysa shisheeyaha, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa toogasho kale ka fuliyay degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu fuliyay nin lagu sheegay inuu Saaxir ahaa. Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Xasaney Axmed Kaaytoy , kaas oo 35 sano jir ahaa. Maalmihii la soo dhaafayAl-Shabaab ayaa kordhiyay falalka toogashada ah, waxaana Arbacadii iyo Khamiistii ay dileen illaa 10 qof oo ay ku eedeeyeen Basaasnimo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo ay xilalka kula wareegayeen gudoomiyaha gobolka Karkaar, taliyaha qaybta booliska gobolka iyo taliyaha [...] Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa dil iyo dhaawac uu askari ka tirsan ciidanka dowladda ka geystay magaalada Muqdisho. Toogashadan ayaa ka dhacday waddada isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dilka ayaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo kaxeynayay mootada nuuca loo yaqaano Bajaajta. Sidoo kale waxaa rasaasta uu furay askarigaasi ku dhawaacmay qof kale oo shacab ah oo ka agdhawaa halkaasi. Sida ay Caasimada Online u sheegeen dad Goobjoogayaal ah dhacdadan ayaa timid, kadib markii darawalka Bajaajta uu biyo wasaqeysan ku firdhiyay askariga dilka geystay, kaas oo la sheegay inuu ka carooday, kadibna uu rasaas ku furay Marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaatay goobta, balse waxaa la sheegay inuu baxsaday askarigii ka dambeeyay falkaasi. Ciidamada dowladda ayaa inta badan dilal ka dhan ah Bajaajleyda ka geysta Muqdisho, waxaana marar badan Caasimada ka dhacay banaanbaxo looga soo horjeedo dilalkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Qareenka guud ee kenya ayaa doonaya in maxkamadda ay daaqaddaa ka tuurto kiis ay soo gudbiyeen dad reer Kenya ah oo doonayo in dowladdooda ay ka baxdo kiiska la xiriira muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaliya. Kiiska ayaa waxaa gudbiyay labaatan sharci yaqaan oo uu hor kacayo Weldon Korir, kuwaasi oo ku doodaya in ka qeyb galka Kenya ee kiiskani uu ka hor imaadsanyhay sharciga dalka. Qareenka guud ee Kenya, Kennedy Ogeto, ayaa sheegaya kiiska ay geeyeen Kiriro wa Ngugi iyo labaatanka kale uu yahay mid iska ciyaar ah. Dacwad oogeyaasha ayaa waxaa matalyay qareen Kibe Mungai. Kenya ayaa Maxkamadda Cadaaladda ee Aduunka waxaa ka dacweeyay Soomaaliya bishii August ee sannadkii 2014-kii, kadib markii ay ku murmeen dhul badeed gaaraya ilaa 100,000 oo kilometre oo isku wareeg ah. Markaa kadib Kenya ayaa iyadana soo oogtay dacwad ay Soomaaliya isaga difaaceyso, iyada oo ku doodeeyso in Maxkamadda ICJ aysan awood u lahayn in kiiskan ay dhageeysato. Kenya ayaa ku doodeeysay in marka hore la raadiyo waddo kale oo lagu xalliyo khilaafka dhanka badda ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Soomaaliya. Maxkamadda ICJ ayaa 2-dii bsihii Febaraayo ee 2017-kii gaashaanka u daruurtay, taas oo ku doodeeyso in heshiiska is afgarshada uunsan xal u noqon Karin kiiska badda ee Soomaaliya. Kiriro iyo 19-ka kale ee sharci yaqaanada ah ayaa aaminsan ka qeeyb qaadashada Kenya ee kiiska badda ee loo asteeyay in la dhageeysto inta u dhxeeyso 9-ka September iyo 13-ka, uu wax ka baddeli karo xadkeeda iyo khariiraddeedaba. Waxa ay doonayaan in Maxkamadda Sare ay soo saarto qoraal amar ah oo ay ku joojinayso in ICJ ay dhageeysato kiiska badda ee Soomaliya kala dhexeeyo maadaamaa aysan haynin caddeymo sharci ah, sidoo kalan heshiiska is afgarshada ee la gaarayna uu mad-madaw ku jira. Labaatanka qareen ayaa waxay aaminsan yihiin in dawladda Kenya aysan horay usii wadi karin kiiskan iyadoo la eegayo sharciga kenya u yaalla. Garsoore Weldon Korir ayaa go’aanka gaari doona 11-ka bishan July. Labaatankan ayaa sheegay in Kenya aysan sii wadi dooonin ka qeeyb qaadashada dhageysiga Maxkamdda iyada oo aan ka baqayn in dhulkeeda lumo sidoo kalana ka cabsi qabin in dhulkeeda iyo madax-banaadideedaba gorgortan u gelin . Maxkamdda ayaa waxaa loo sheegay in inkastoo Kenya ay aqoonsantahay xukunka ICJ, haddana Kenya uu shaki uga jiro kiiskaasi. Dadka dacwadda geeyay ayaa waxay aaminsayihiin sababta ay uga hor yimaaden inay tahay inay suutro gal ahayn in dhammaan khilaafyada lagu xalliyo maxakamadaha. Dhibaatooyinka ama khilaafyada qaar ayaa waxa ay u baahan-yihiin in lagu xalliyo geedi socod dhanka siyaasadda ah amaba diblomaasiyadda ah taasi oo ay lagama maarmaan tahay in la’ is hor keeno muwaadiniinta waddamada khilaafka uu ka dhaxeeyo oo ay iyaga go’aanka ugu dambeeya gaaran. Arrintan la xiriirta xuduudda badda ayaa dhalisay khilaaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay. Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xsuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka. Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Bormanews Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo IGAD ayaa kala saxiixday heshiis lagu dhisayo guddiga Qaran ee xakameynta hubka fudud iyo rasaasta, kaas oo halis ku ah Kooxda Al-Shabaab. Lixda bilood ee soo socoto ayaa la sheegay in lagu dhisi doono guddigaasi oo xilligan muhiim u ah Soomaaliya. Guddiga ayaa ka shaqeyn doono, sidii ay dhammaan dowladda Soomaaliya ula wareegi laheyd hubka fud fudud iyo rasaasta. Sidoo kale guddigani ayaa hubka ka ilaalin doono inuu gacanta u galo Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan qeybo ka mid ah gudaha Soomaaliya Waxa kale oo ay la socon doonaan in aan hub laga gudbin, amaba laga soo gelin guud ahaan xududaha dalka. Dowladda iyo IGAD ayaa sidoo kale sheegay in shaqada guddigan ay ka mid noqon doonto qorshaha kala guurka ee AMISOM amniga ugu wareejineyso ciidamada Soomaaliya. Arrintan ayey IGAD sheegtay in Soomaaliya ay ka caawineyso in laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran. Soomaaliya oo haatan ka soo kabaneysa burbur lixaad leh ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha weli heysta hubka sharci darrada oo inta badan loo sii gudbiyo Kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama gudaha dalka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Boosaaso (SMN) – Xubnaha Guddiga xaqiiqa raadinta ahaa ee ka kala socday Xildhibaanada golaha shacabka iyo maamulka Koonfur galbeed oo gaaray magaala xeebeedka boosaaso ee xarunta gobolka bari waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi. Guddiga ayaa magaaladda boosaaso kulan kula qaatay bulshada kasoo jeeda deegaanadda koonfur Galbeed ee ku nool magaaladaasi iyagoo ka xog wareystay xaalka deegaanadda ay ku noolyihiin iyo hadii ay jiraan caqabado heysta iyagoo intaaasi ka dib kormeeray xabsiyada magaaladaasi oo ay dad eedeymo kala duwan loo heysto ay ku xiranyihiin,waxaana ka hadlay qaar ka mid bulshadii iyo waxgaradkii Kulanka ka qeybgay iyo sidoo kale xildhibaano. Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa kulan la qaatay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana ma mid ah wasiirka Dekadaha,Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha,Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo sidoo kale taliska qeybta booliska,waxaana kulanka inta uu socday aad looga hadlay dadka xabsiyada ku xiran iyo dembiyada loo heysto iyo sidoo kale in la kala saaro oo si deg deg dadka xiran maxkamad loo horkeeno si dembiilayaasha ay garsoor cadaalad ah u helaan kuwii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loo siiyo. Guddigan ayaa loo diray in ay warbixino xaqiiiqo raadin ah ka keenaan dhibaatooyinkii dadka Badan lagu laayay ee dhawaan ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  8. Kismaayo (SMN) – Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan hoggaanka Jubbalan ayaaa eedeyn u jeediyay guddiga doorashooyinka maamulkaasi. Ciilmooge oo la hadlayay Shabelle ayaa sheegay in guddigu uusan dhex dhexaad ka aheyn doorashada Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha ee Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in beesha caalamka oo kor joogta ka ah doorashooyinkaasi ay la socoto arrimahaasi. Musharrax Cabdullaahi Ciil Mooge Xirsi ayaa intaasi ku daray in inta badan hoggaanka dhaqanka Jubbaland ay ku sugan yihiin Muqdisho, islamarkaana ay isaga soo tageen magaala Xeebeedka Kismaayo, kadib caburin lagu sameeyay, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambgeyn waxa uu ugu baaqay guddiga doorashooyinka Jubbaland inay si cadaalad ah u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah. Dhawaan ayaa la filayaa in doorashada Madaxweynaha iyo tan Baarlamaanka ee Jubbaland lagu qabtay magaalada Kismaayo oo haatan looga dareemayo qaban qaabadeeda. View the full article
  9. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa sheegay in lagama maarmaan tahay midnimada Galmudug, si loo dhameystiro howlgalka Al-Shabaab looga saarayo deegaanada maamulkaasi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay dadaalka ay culumadu hoggaamineysay ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo dagaalkaasi. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay dhibaatada ay qabyaaladdu leedahay iyo saameynta xun ay bulshada ku reebto. Waxa uu farta ku fiiqay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga dagaallamo. View the full article
  10. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-06072019.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in markale maanta ay ku dhawaaqdo go’aan culus oo ku aadan xiriirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibada XFS ayaa saacadaha soo socda qaadaneyso go’aankan, sida ay xogta ku heshay Caasimada Online. Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiir Axmed Ciise (Cawad) ayaa lagu wargeliyay Wariyeyaasha kuwa gudaha iyo dibadda in ay ka soo qeyb galaan shir jaraa’id oo ay qabaneyso wasaaradda. Warkan ayaa lagu sheegay in lagu sheegay in shirka uu dhici doono Subaxa hore ee Sabtida oo maanta ah. Wararka qaara ayaa sheegaya in laga yaabo in wasiirka uu ku dhawaaqo doono go’aan ka dhan ah Keny oo uu haatan khilaaf xoogan kala dhexeeyo Soomaaliya. Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii xukuumadda federaalka Soomaaliya ay gabi ahaan xiriirkii u jartay dalka Guinea, oo si maqaam sare ah u soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixii Cabdi oo booqasho ku jooga dalkaasi. Go’aankan iyo kuwa dhawaaqistiisa ayaa waxaa ka fal-celiyay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood sheegay in waxba uusan soo kordhineyn, iyaga oo sabab uga dhigay in Guinea aysan wax xiriir ah oo sidaa u weyn markii horeba ay la laheyn Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Two Cuban doctors abducted along Kenya's troubled border with Somalia in April are alive, Cuban Health Minister Jose Angel Portal said on Friday. Source: Hiiraan Online
  13. Mudane ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa ka digey duqeymo uu sheegay in lala eegto deegaanno ay degan yihiin dad rayid ah. Xildhibaan Mahad Dhoore oo la hadlay Goobjoog, ayaa tusaale usoo qaatay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose oo dad rayid ah lagu dilay. Ciidamada Maraykanka iyo kuwa xoogga dalka ayuu sheegay in dhacdooyin badan oo shacab lagu diley ka fuliyeen Shabellaha Hoose, islamarkaana sanadkan ugu daran tahay waxyeellada lasoo gaarsiiyey rayidka. Wuxuu ku baaqay xildhibaan Dhoore in DFS looga baahan yahay baaritaan iney ku sameyso dhacdooyinka Shabellaha Hoose, si aanu shacabka u kicin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaan-koonfur-galbeed.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Hundreds of people have gathered in Bury to mourn a 12-year-old refugee schoolgirl who drowned in a local river, before the memorial turned into a protest outside her school. Source: Hiiraan Online
  15. (SLT- Tunisia)-Raysal Wasaaraha Tunisia Youssef Chahed ayaa xafiisyada dawladda ka mamnuucday xidhashada niqaabka kaas oo daboola wajiga oo idil marka laga reebo indhaha, sababo dhanka ammaanka ah. Amarkan ayaa soo baxay kaddib markii toddobaad gudihiis ay saddex weerar oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Tunis. Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay mamnuucista ka dhigto mid ku meel gaadh ah. Hoggaamiyihii mudda dheer xukumayey dalka Tunisia Zine al-Abidine Ben Ali ayaa niqaabka iyo xijaabka ka mamnuucay dhismeyaasha dawladda, balse waxay dib ugu soo laabteen markii xilka laga tuuray sannadkii 2011-kii. Xafiiska Mr Chahed ayaa Jimcihii soo saaray wareegto lagu mamnuucayo in hay’adaha dawladda uusan soo galin qof kasta oo wajigiisu daboolan yahay … sababo la xidhiidha ammaanka”. Source
  16. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida la filayo todobaadkan isku shaandheyn ku sameyn doona, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda Puntland. Xogo ay warbaahinta Puntland Post heshay ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu todobaadkan wasaaaradaha qaar u magacaabi doono agaasimayaal guud iyo agaasime-waaxeedyo cusub halka agaasimayaal badana ay seeftu la tegi doonto Qaar kamid ah hay’adaha dowladda ayaa sidoo kale la filaya in mas’uuliyiin cusub loo magacaabo waxaana hay’adahaasi kamid ah hay’adda Waddooyinka Puntland ee PHA oo fadhiid noqotay kadib markii maamul-xumo iyo musuq maasuq baahsan ragaadiyay. Waxaa kale oo sida la sheegayo madaxweynuhu guddoomiyaal cusub u magacaabi doona qaar kamid ah gobollada Puntland. PUNTLAND POST The post Isku shaandhayntii Deni oo soo deg degtay iyo rag seeftu qaadan doonto appeared first on Puntland Post.
  17. Xildhibaan Cabdi Xaashi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ku sheegay in madaxweyne Xaaf aanu xaq u lahayn u wakiilashada wasaaradda arrimaha gudaha DFS ee doorashooyinka Galmudug. Wuxuu sheegay in madaxweyne Xaaf qoraalkii uu soo saaray u muuqday mid shaqada baneeyey, islamarkaana mas’uuliyadda Galmudug ay haatan saaran tahay madaxweyne ku xigeenka. Xildhibaan Xaashi ayaa tilmaamay in qalad ay tahay wareejinta doorashada Galmudug, islamarkaana xad-gudub ay tahay wuxuu sameeyey madaxweyne Xaaf, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dhinaca kale, xildhibaanka ayaa sheegay in iyagu ay shaqada la wadi doonaan madaxweyne ku xigeenka Galmudug, maadaama xaaf uu iska wareejiyey shaqooyinkiisa. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaan-galmudug-1-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. (SLT-Qaza)-Millatariga Israa’iil ayaa rasaas ooda kaga qaaday shacabka Falastiin kuwaasi oo dibadbaxyo ka dhigay Jimcihii shalay magaalada Qaza. Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Ashraf al-Qedra, ayaa sheegay in 40 ay ku dhaawacmeen dibadbaxii shalay. Wuxuu intaa raaciyay in 22 ka mid dhaawac ka soo gaadhay rasaas nool oo toos loola beegsaday. Shacabka Falastiin ayaa Jimca kasta dhiga dibadbax ay ku dalbanayaan in loo soo celiyo xuquuqdii ay lahaayeen in dhulkooda loo soo celiyo. Source
  19. Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland General Yaasiin Cumar Dheere oo uu dhowaan magacaabay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa hanjabaad u diray [...] Source
  20. After many legal arguments and even allegations of doctoring, the defence has dropped its bid to have key video evidence thrown out in the manslaughter trial of Const. Daniel Montsion. Source: Hiiraan Online
  21. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu kaga hadlay xaaladda guud ee Galmudug. Xaashi ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda federaalka Soomaaliya xalinta tabashooyinka ay qabaan beelaha dega Galmudug, si loo helo Galmudug oo mid ah. Madaxweyne ku xigeenka ayaa tilmaamay in Ra’iisul wasaare Kheyre mashquul ku yahay dhinacyada Xaaf iyo sidoo kale Ahlu-sunna, ayna ka rajeynayaan inuu si toos ah ula fadhiisto dhinayacda kale ee harsan. Dhanka kale, Maxamed Xaashi oo aan wax ka weydiinnay maqaamka Cadaado ayuu sheegay in taasi aanay dood ka taagneyn oo ay tahay magaaladaasi xarunta baarlamaanka Galmudug. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/madaxweyne-ku-xigeenka-galmudug-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Khartoum)-Golaha millateriga Sudaan iyo isbahaysiga Mucaraadka ayaa ku heshiiyay inay wadaagaan awooda inta laga qabanayo doorasho. Labada dhinaca ayaa ku heshiiyay in la dhiso xukuumada wadaag oo maamulka sare ee xukumayaana uu noqdo mid wareegah, ugu yaraan muddo saddex sanno. Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in baadhitaan madax banaan lagu sameeyo dadkii tirada badnaa ee lagu dilay intii ay socdeen banaanbaxyadu. Heshiiskan ugu dambeeyay waxaa si ballaadhan u soo dhaweeyay banaanbaxayaasha dalbanayay in golaha millateriga uu xukunka ku wareejiyo dowladda rayid ah. Rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay wadankaasi ayaa waxaa ku dhintay 7 qof, halka 181 qof ay dhaawacyo soo gaadheen Source
  23. Xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka federalka ah ayaa maanta taariikhduna ku beegan tahay 6/7/2019 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan xarunta golaha shacabku [...] Source
  24. Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool. Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Xuddur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirrada caafimaadka, maaliyadda, amniga, degaanka, Xildhibaanno, Taliyayaasha Ciidanka xoogga Dalka iyo kan Darawiishta Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur, inuu wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Degmada, isla markaana uu Indha-indhayn ku sameyn doono sida ay u socdaan howlaha maamulka iyo Ciidamada. “Waxaan u nimid inaannu ogaanno howlaha Dowladda ee ka socda degaannada Gobolka , gaar ahaan Degmada xudur iyo inaan dardar gelinno, dhhiirri gelinno , sida shaqada ku socotana ogaanno, oo aynu ka jawaabno baahiyaha Xudur yaalla”, ayuu yiri Madaxweyne ,Lafa gareen. Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweyne Lafta gareen in ay wax ka qaban doonaan adeegyada Bulshada, gaar ahaan wax barashada iyo caafimaadka, isla markaana ay la kulmi doonaan, maamulka, ciidamada, hay’adaha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, si guud iyo si gaar ahna ay isu arki doonaan, Ciidamaduna ay ku samayn doonaan dib u dhis iyo tiro koob. Madaxweynaha ayaa Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta KG ku ammaanay dagaalka ay kula jiraan Argagixisada, inta uu joogana ay kooxda Al-Shabaab ka xoreyn doonaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Xuddur appeared first on Puntland Post.