Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,375
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. On the same day former Minneapolis police officer Mohamed Noor was convicted last week of fatally shooting an unarmed civilian, another young Somali-American was graduating from the Minneapolis Police Academy. Source: Hiiraan Online
  2. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa eedaymihii ugu cuslaa u jeediyay xukuumadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Senator Mustafe Maxamuud Qodax oo ka mid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegay inaanay somaliand wax fursad ahi ugu jirin in Hargeysa ay ka soo wada dagaan Farmaajo iyo Abiy Ahmed. Senator Mustafe Maxamuud Qodax ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga jawaabay hada la soo yeedhay raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya oo ku saabsanaa in somaliland ay fursad u ahayd inay wada yimaadaan hogaamiyeyaasha somaliya iyo Itoobiya. Senator Mustafe Maxamuud Qodax ayaa hadalkiisa ku bilaabay:- Fursad noocee ah ayaa Somaliland ugu jirtay inay raysalwasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweyne farmaajo ka degaan Egal international airport? Raysal wasaare Abiy Axmed u daa nin dhalinyaro ah oo si weyn uga dhexmuuqda madaxda Africa ee kursiga jecel, shakina kuma jiro inuu sameeyay geesinimo iyo Kudhac dhabbaha u xaadhay isbedello iyo daahfur siyaasadeed (political breakthrough) oo wax weyn ka bedelay hab-nololeedka siyaasadeed ee bariga Africa. aniga oo ku salaynaya aragtidayda siyaasadeed ee xal-u-helida arimaha Soomaaliya iyo Somaliland, iima muuqdo wax wanaag ah oo ka dhalan lahaa booqashadaas, waxaanan ku sababaynayaa arimahan soo socda: 1- arinta soomaaliya iyo Somaliland waa mid u baahan diyaar garaw dhab ah oo labada dhinacba u heensaystaan wadahadalo fool ka-fool ah iyo ka go’ naansho siyaasadeed oo xal u noqon kara is mari waaga, iyadoo hindisaha booqashadanina uu u ekaa mid kayimi Raysalwasaaraha dalka Ethiopia islamarkaana aanu jirin qorshe dawlada soomaaliya (all the Somali political stakeholders) isku raacsanaayeen sida; waxyaabaha somaliland looga tanaasuli karo iyo wixii lamid ah. 2- inta badan dadka reer somaliland oo dawlada madaxweyne Farmaajo u arka inay la gashay dagaal cad oo dhinaca siyaasada iyo bulshadaba ah; sida warqadii kasoo baxday wasaarada qorshaynta ee qaadhaan bixiyayaasha lagaga dalbanayay inaanay wax gargaar ah oon soomaaliya soo marin somaliland la siinin, qaabkii ay dawlada soomaaliya u waajahday arrintii DP world iyo arimo kale oo dawlada soomaaliya u samaynaysay si aamusnaan ah laakiin maxsuulka laga dheehanayey arimo awood sheegasho ah oo dawlada soomaaliya ay ka samaynaysay fagaarayaasha siyaasadda ee caalamiga ah, taasoo batrool kusii shubaysay kala fogaanshaha labada dhinac. 3-madaxweynaha somaliland oo ah madaxweyne shacabku doortay suurogal umay ahayn inuu sidaa dhibta yar ugu soo dhaweeyo hargeysa madaxweynaha soomaaliya oo isagu booqasho ku tagayey gobolada woqooyi. Arimahaas iyo qaar kale oo aanan halkan kusoo koobi karin awgood ayaanay booqashadaasi natiijo wanaagsan u keenteen. Waxbyaabaha ka dhalan kari lahaa hadday dhacdo booqashadaasi aniga aragtidayda gaaban: A- in madaxweyne muuse biixi wajihi lahaa kacdoon dadweyne. B- in xisbiyada mucaaradka somaliland ay suurogal ahaan lahayd inay ku qaadaan dagaal hubaysan. C- iyo inuu xumaado xidhiidhka u dhexeeya Ethiopia iyo somaliland kadib marka Abiy Axmed laga dhoofiyo garoonka diyaaradaha Hargeysa iyadoo qiiqa taayirada gubanayaa magaalada hadheeyeen, taasoon marna raali galiseen ninka ugu awooda Badan madaxda bariga iyo badhtamaha Africa. Shin malaha haddaynu arintan ku kala aragti duwanahay waxa meelo badan oo anynu isku aragti ka nahay Wa billaahi tawfiiq Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Prof Axmed Ismaaciil Samater iyo Prof Cali Khaliif Galaydh, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Somaliland la wada leeyahay, waxaanu sheegay Prof Samater ayaa sheegay in Somaliland la wada leeyahay, halka uu dhigiisa Prof Cali Khaliif-na sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay. Ugu Horayn Prof Samater oo arrintaasi ka hadlaya ayaa sheegay sidan “Somaliland waa la wada leeyahay anniga Jawaabtaydu , markaa maxaan u odhan karaa waa la wada leeyahay inta aanan u iman waxa dhiman dee horeba waa loo sheegay degmada meel ayey ku taalaa calaamadsan oo la yaqaano oo la yidhaah-do Somaliland .” Waxaanu intaasi ku sii daray “Waxanu wada leenahay gobanimadii Somaliland ay heshay ee loogu dhawaaqay bishii Juun 26 1960-kii afartii qof ee saxeexayna Magac-yadooda waa la yaqaanayoo Somaliland ballaadhkeeda ayey ka yimadeen afartii qof ee saxeexay, dhanka labaadna waxaan leeyahay haddii la wada leeyahay haddana wax badan ayaa dhiman , dadka xasuusan waaya wixii soo maray xusuusan waaya waxay isku kelifaan inay ku cel-celiyaan uun khaladaadiikii taariikhda ay kusoo mareen yeynaa sidaas noqonin Somaliland yaanay inaga beenoobin ee dadaalka hala kordhiyo.”Ayuu yidhi Samater Dhanka kalene Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa isna dhankiisa sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay oo inta la isku raacay la yidhi Somaliland aynu dhisno “Anniga xusuustaytu hadduusan khaldanayn waar meel la isku raacay oo Somaliland ayaanu wada dhisanaa oo dalka ayaa la kala goynayaa dhukmanti jira annigu ma ogi , waan-ba maqalay meel annoo fadhiya lagaga khudbadaynayo Cali Khaliif-kan inala fadhiya ayaa wax ka saxeexay waar ma saxeexin .” Isagoo haddalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaasi ku daray “Waar geel didii loogama hadho haddii aynu xisaabtamayno waar si dhab ah aynu u xisaabtano , waar Distuurka maxaa ku yaal waar Distoorku wax-yi maaha waar aan dib u eegno waar wixii danteena ah aan ka eegano , waar Distoorka nin kale igama sheegan karro qabiil igama sheegan karro , haddii uu iga sheektana waxba iskuma nihin , Distoorkaana ma qaadanayo Somaliland kama mid noqonayo .” Ugu Dambeyn Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa haddalkiisa kusoo afmaaray “Waxaan ku hiranaynaa waa wax wada lahaansha loo siman yahay, hadda looma sina haddaan wax wada lahaanshii loo sinayn , tii qabiilka ahayd ee qaraxa ahayd ee wax lagu qabysadayna meesha ma taal .” Source
  5. aqristayaasha ku xeran Goobjoog News waxaan idin soo aruurinay dhacdooyinkii ugu waaweynaaa ciyaaraha Soomaaliya horayna waxaa idinku soo bandhigay saddexdii bil ee ka horeesay bisha April ee 2019. 01-April 2019-Wasaarada Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya dhismaha iyo heerka uu iminka marayo garoonka kubbadda cagta ee Dr Ayub Stadium ee Magaalada Baydhabo waxaana lagu wadaa in garoonka la saaro cowska macmilka. 02-April 2019-Laacibka reer Kenya ee weerar ugu dheela kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club Marcel Odhimabo ayaa lagu doonsiiyay abaal marinta xidigii ugu Wanaagsanaa kooxda dowaldda hoose wuxuuna u mahad celiyay maamulka iyo taageerayaasha Muqdisho City Club. 03-April 2019-Xoghayaha naadiga Muqdisho City Club Maxamed Cumar Xaashi ay kooxdiisa u guddoomay ruqsada ka mid noqosahada xiriirka Soomaaliyeed ee teeniska dheere. 04-April 2019-Cabdiraxmaan Xaamud oo ay da’diisa tahay 14 sano jir ayaa ku guuleystay abaal marinta Jack petchey award kadib markii uu kaalinta labaad uu ka galay tartanka Watford Open Graded Meetings 2019 da’da ka yar 15 sano. 05- April 2019-Orodyahan Cabdinuur Maxamed Garaad oo u tartamayay degmada Kaaraan ayaa kaalinta 1aad ka galay tartanka sanadlaha ah ee Muqdisho Marathon, isagoo ka guulaystay ciyaartooy badan oo ka socotay degmooyinka Gobolka Banaadir. 06-April 2019- Madax waynaha Maamulka puntland Saciid Cabdillahi Deni ayaa dhagax dhigay garoon kubada cagta oo ay yeelanayso magaalada bosaso maadama garoonki hore uu noqday xaafado dhexdood waxaa goob joog ka ahaa dhagax dhiga mas’uuliyeen ka socotay xiriirada kubbadda cagta Soomaaliya iyo kan maamulka Puntland. 07-April 2019-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa abaal mariyay ciyaartooydii kaalamaha hore ka galay Muqdisho Marathon oo ay ka galeeen wiilal iyo gabdho oo ka kala socday 17degmo. 08-April 2019 Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed ayaa si wadajir magalada Baydhabo xariga uga jiray xafiisayada ururada horomarinta kubbadda cagta kaas oo si wanaagsan loo qalabeeyay. 10-April 2019-Magaalada Muqdisho waxaa kulan kuwada qaatay safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa Asad iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye waxayna ka hadlaan horomarinta iyo kor u qaadida isboortiga Soomaaliya. 11-April 2019-Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cusman Yariisow ayaa degmada Xamar Jajab kusoo xeray tartan u socday32 iskuul waxaana qabsoomida tartanka lahaa maamulka idacaada ciyaaraha Goolfm. 12-April 2019-Maamulka isboortiga Gobolka Banaadir ayaa degmada Warta Nabada kusoo xeray tartan u socday dugsiyada sare ee degmada Warta Nabadda waxaana ciyartii kama dambeysta usoo daawaso tagay bulshada deegaanka,iyagoo si heer sare uga ka helay xirafada dhalinyaradii ka qeybgashay intii uu socday. 13-April 2019-Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland waxaa lagu soo gabagabeeyay tartanka horyaalka heerka 2aad waxaana Fiinaalka soo wada tiigsaday kooxaha kala ah FC Mudane iyo FC Dareeel waxaana koobkii quruxda badnaa hantay xidigaha FC Mudan. 14 April 2019-Goolhiyii hore kooxaha Horseed iyo Madbacada Qaranka iminka ah guddomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Garooje ayaa ka qeybgalay shirka goolhayaasha oo sanadka la qabto bisha April waxaana sanadkan lasoo bandhigay. 15-April 2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland Jaamac Faarax Muuse ayaa wareegto kasoo baxda xafiiskiisa lagu qeexay in guddomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland loo magacaabay Maxamed Cali Ciise (Ciiro) oo horay u ahaa tababarihii kooxda Puntland ee intii u dhaxaysay sanadihii 2016-2017,isagoo kooxda u qaaday koobkii 1aad ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sanadii 2016. 16-April 2019-Oradyahan Cabdi Daa’uud Rooble oo ka mid ah ciyaartooy u diiwaangashan Xiriir ciyaaraha fudud ee Soomaaliya ayaa kaalinta 1aad ka galay tartanka oradka dheer ee ka dhacay Denmark. 17-April 2019-Garsoorayaasha kubadda cagta Soomaaliya oo bilaabay ssticmaalka alada GPS lagu ogaanayo fay-qabka iyo heerka tababarka waxaana qalabka loo yaqanaa (On the Devices Monitoring Physical Fitness Performance) (GPS),iyado dhawaan laga hergeliyay qaarada Afrika. 18-April 2019-Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Canada kula kulmay ciyaartooydii hore xulka qaranka Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtar Cuti) iyo Maxamed Xaaji wuxuuna xilidhabaanka casuumada uu ka helay bahda isboortiga ee ku nool wadanka Canada. 19-April 2019-Xiriirka Cayaaraha Fudud ee Soomaaliya ayaa ka qayb galay shirwaynaha 28-aad ee Qaaradda Afrika waxaana Soomaaliya uga qayb galay Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud Drs Khadiijo Aadan Daahir Xiriirka cayaaraha Fudud ee qaaradda Afrika ayaa ka mid ah xiriirada sida weyn loogu amaano cayaaraha fudud ee 800 KM. 20-April 2019-Gudoomiyaha kooxd Elman Cabdirisaaq Faarax Garooje oo safar shaqo ku joogay dalka Finland ayaa la kulmay ciyaartooydii hore kooxda ee ku nool qurbaha,isagoo la wadaagay horomarka ay Elman samaysay sanadihii lasoo dhaafay iyo in ay kaalin ka qaataan doorkooda horomarinta Ciyaartooydii kulanka ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Gaduudow,Aweys Winkey Dacayey, Nuune, Muse, Baasuuke Siidka, 21-April 2019-Xiriirka kubbadda cagta oo tababar u soo xeray garsoorayaasha heerarka kala duwan tabarkan intii uu socday waxaa lagu baranayay isbadalada ku yimid shuruucda dhinaca garsoorka kubadda cagta, sare u qaadida iyo adeegsiga aalada casriga ah ee loo yaqaano GPS. 22-April 2019-Xidigihii saddexlayda bishii December 2018 ka dhaliyay xulka Jabuuti Feysal Axmed Xasan kana mid ahaa ciyaartooydii dalka u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka ayaa si rasmi ugu mid noqday naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club waxaana saxiixan laacibkan isha ku hayay kooxaha waaweyn ee dalka. 23-April 2019-Kooxda Halgan United ayaa markii labaaad oo xiriir ah waxa ay ku guulaysatay tartanka ciyaaraha kubadda cagta Soomaalida ee Ameerika tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay 20kooxood oo ka kala yimid magaalooyin ku yaal wadammada Mareykanka iyo Canada. 24-April 2019-Kooxda North London oo ka dhisan dalka UKayaa ku guulaystay ciyaaraha Old Boysoo sanadkan lagu qabtay dalka Finland waxaana tartanka ka qeybgalay ilaa 111 koox waxaana kooxda North Londan hogaaminyay guddomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Garooje. 25-April 2019-Feysal Xasan Axmed oo ka mid ahaa ciyaartooydii Soomaaliya u imaaday sanadkii laso dhaafay 2018 ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada ayaa kulankii ugu horeeyay uu kasoo Muuqday horyaalka Soomaaliya qaatay calaamada casaanka,inkastoo xidigan uu taageerayaasha kooxd dowladda hoose ee Muqdisho City Club uu ka raali geliyay falkaas. 26-April 2019- Kooxda Som United ee ka ciyaarta horyaalka heerka afaraad ee dalka Sweden ayaa gaartay gushii ugu horeesay ka dib markii ay 4-2 kaga adkaatay dhigeeda Ekero IK. 27-April 2019- Deegaanada Soomaalida degto ee dalka Kenya ayaa looga dhawaaqay xul kubadda ah oo markii ugu horreysay ka qeyb geli doono ciyaaraha horyaalka qaran ee Kenya. Xulkan oo loogu magac daray ‘Northern Wanderers’ ayaa la filaya inay dhaqan geliyaan qorshahooda ah inay soo bandhigaan ciyaar heer qaran ah isla markaasna ay fursad u siiyaan dhalinyarada gobolka si ay xirfaddooda guul uga gaaraan. 28-April 2019-Tababaraha Dekedda Yuusuf Cali Nuur (Yuu Cali) ayaa markale sheegay in ay kooxdiisa ay u qalanto in sanadkii saddexaad oo xariir ah in ay ku guulaysan karto horyaalka. 29-April 2019-Kulan ay isugu yimaadeen dhamaan ciyaartoyda kala duwan ee kooxaha heerka 1aad heerka 2aad iyo heerka 3aad ee Jubaland ayaa ka dhacay garoonka Waamo ee magaalada Kismaayo u jadeeda kulankaas ayaa waxaa lagu sheegay la shaqeeynta Xiriirka kubbadda cagta Jubaland waxayna bogaadiyeen horomarada ay wadaan madaxda xiriirka Kubbadda Cagta Jubaland. Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhacdooyinka Bisha April 2019 30-April 2019-Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo soo saaray isku aadka tartanka Iskuulada waxaana sanadkan ka qeybgalaya ilaa 14-iskuul Ciyaartooydii kasoo baxday tartanka waxa ay Sanadkii lasoo dhaafay 2018 Soomaaliya gaarsiiyeen fiinalaha tartanka da’yarta Afrika. Halkan Ka Daawo Dhacdooyinka Bisha April 2019 Oo Ay Goobjoog Diyaarisay Xogta Waxa ay gaar u tahay Goobjoog Sports W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinl39@gmail.com Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Col. Cumar Maxamuud Nimcaale ayaa madaxweyne Biixi u soo jeediyay inuu qaabilo Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Somaliya haddii ay mar danbe damcaan inay Somaliland yimaadaan. Oday Cumar Maxamuud Nimcaale ayaa ku tilmaamay Somaliland inay ku sugan tahay xaalad adag loona baahan yahay in la gaadhsiiyo madaxbanaani buuxda, waxaanu madaxweynaha mar labaad u soo jeediyay inuu awoodiisa isugu geeyo arimaha dibada iyo ciidamada milatariga. Col. Cumar Maxamuud Nimcaale oo u waramaayay Geeska Afrika ayaa u soo jeediyay madaxweynaha inuu dhagaysto Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya waxay la socdaan, waxaanu rajo weyn ka muujiyay dhex dhexaadin uu galo raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abby Ahmed, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “ Waxaan jeclahay had iyo goor waxii ku saabsan aqoonsiga Somaliland waxaan jeclahay inaan wax ka idhaahdo, sababta oo ah waxa kaliyaata ee aan aduunka maanta ugu jeclahay waxa weeye in Somaliland la ictiraafo, Somaliland maanta waxay ku jirtaa gunimo inkasta oo horumar wanaagsan la sameeyay oo la wado, oo warshado iyo wadooyinba la sameeyay hadana nolol kasta oo wanaagsan waxaanay u soconayn gun hadaad tahay kuu dhadhami mayso. Markaas raysal wasaarahan Itobiya iyo Farmaajo oo Hargeysa iman lahaa ayaa dib loo celiyay anigu waxaan qabaa sida dad badan oo reer Somaliland ah ay ka qabaan in aan la celin, ayay ila tahay, waxay ahayd in la eego nimankani waxay la socdaan aniga waxa igu sii adkeeyay inay yimaadaan wararka faraha badan ee aan ka maqlay raysal wasaaraha Itoobiya waa nin jecel oo ku magac baxay in dawladaha Geeska Afrika inay nolol ku wada noolaadaan oo heshiis ku wada noolaadaan oo aanay colaadi ka jirin ee uu gacanta isku wada saaro, waana ninka tuuladii Baadhama la odhan jiray ee kumanaanku kaga dhinteen iyaga iyo Eratariya si ay nabadi u dhalato ku celiyay ee gacanta ka saaray Eratariya, markaas waxaan anigu qaatayba in aanu iska yimaadeene inuu Farmaajo ka dhaadhiciyay colaada Somaliland iyo Somaliya waxa ka wanaagsan wax wada qabsi, iska horimaadna waxba lagu kala heli maayo, markaas inuu ka dhaadhiciyay inay ka fiican tahay inay heshiiyaan.” Waxa uu sheegay Cumar Nimcaale inay la tahay inay raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Somaliya Farmaajo isla qaateen in Somaliland waxay ku dhegantahay oo madaxbanaani ah loo daayo “ haddii cidi kula talisay madaxweynaha oo ay yidhaahdeen Farmaajo hadduu socdo dadkaa inagu kacaaya dad ku kacaaya ma jiraan, reer Somaliland waa ay ogyihiin in meelo badan la tagay oo meelo badan lagu wada hadlay markaas hadal ma diidana, Somaliland ayaa inagu kacaysaa waa qalad, haddii uu leeyahay waxa loo aqoonsanayaa haduu Farmaajo Hargeysa yimaado in Somaliland ay tahay gobal Somaliya ka mid ah taasna waa uu ku qaldan yahay ninka taladaas bixiyay ,hadalka waxaan ku soo gaabinayaa madaxweyne maalintii lagu doortay waanigii gurigaaga ku kulanay laba wax ayaan kugula taliyay wax alle iyo waxii ay Somaliland awood leedahay waxii ay dhaqaale leedahay meel kale ha marin ee laba wax gali, kow xornimo oo ictiraaf ku keen oo wufuud badan dir oo Yurub,Amerika iyo Afrikaba gaala baxa, talabaadna waxay ahayd ciidamada qalabka sida gaar ahaan milatariga wax aad hayso gali, imikana tiibaan ku leeyahay haddii fursad kale ay timaado oo raysal wasaarahaas Itoobiya anigu waan ku kalsoonahaye iyo Farmaajo ay yidhaahdaan aan nimaadno waxaan ku leeyahay umadda reer Somaliland sidaas ayay kaa rabaan.” Source
  7. (SLT-Yemen)-Cusbitaal ku yaala Masar iyo Saraakiil ka tirsan Safaarada Yemen ay ku leedahay Qaahira, ayaa ku hawlan iibinta xubno bani’aadam 2014-kii waxaana ku jiray boqolaal bukaan iyo didaaliin ka soo kala jeeda Yemen iyo Masar, sida lagu ogaaday baadhis ay Aljazeera samaysay. Waraysiyo iyo Documentiyo ay heshay Aljazeera, ayaa baadhista waxa ay muujisay saraakiil ku bixiyey waraaqo been abuur ah in dad ay ku heleen amaro ay ku bixiyeen xubnahaasi bani’aadam. Ganacsigan xubnaha bani’aadamka ayaa khatar ku ah dadka saboolka ah ee Yemen oo doonaya inay u socdaalaan Masar si ay u iibiyaan Kali si ay u helaan dakhli ay ku sii noolaadaan, ugu yaraan in mudo ah. Mid ka mid ah Yemenidani waa Axmed, kaas oo 2014-kii u sheegay saaxiibkii inuu ka helay xabad kaliya $5,000 dollar. Oo uu ogolaaday, una duulay qaahira. Inkastoo aanay yemen xiligaasi ahayn meesha dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ugu daran aduunku ay ka jiraan ee aanu dagaalku burburin boqolkiiba 80 shacabkeeda. Balse waxay ahayd dalka ugu saboolsan bariga dhexe, qayb ahaana shacabku ay sabool yihiin. Gudaha Yemen, iibinta xubnaha qofku maaha sharci daro. Balse dalka Masar in xubnaha qofka la iibiyaa waa sharci daro. Nabil al-Fadhil, oo ah madaxa ururka Yementa ee la dagaalama ka ganacsiga xubnaha banidaamaka ayaa sheegay in ay cadeeyeen 1,000 kiis oo xubno la iibiyey ah, balse ay intaasi ka badan yihiin oo ay yihiin tobonaan kun. “Kunkii aanu waraysanayba, 900 ayaa iibiyey kalyahooda – kadibna waxaanu ku noqonay yemen oo dilaaliintu ay raadinayaan dhibanayaal cusub,” sidaasi waxa yidhi al-Fadhil oo Aljazeera u waramayey dhamaadkii 2018. Source
  8. (SLT-Ottawa)-Asia Bibi oo ah Haweenay Kiristaan ah oo u dhalatay Dalka Pakistan, ayaa gaadhay dalka Kanada oo ay ka heshay Magangalyo. Haweenaydan ayaa sanadihii u dambeeyay oo dhan deris la ahayd Cabsi ay ka qabtay in la dilo, ka dib markii Dadka Muslimiinta ah ee Dalkaa ku nooli ku eedeeyeen inay Cayday Nebiyullaahi Muxamed (CSW). Asia Noreen oo loo yaqanay – Asia Bibi ayaa meel qarsoodi ah lagu hayey intii loo diyaarinayey Safarka ay Dalka Pakistan kaga qaxaysay, si ay ugu dhoofto Kanada oo ay Gaadhay, sida Warbaahinta Caalamku baahisay Arbacada shalay. Bibi ayaa Maxkamadda sare ee Pakistan ku xukuntay Xabsi, laakiin Looyarkeedii lawyer Saif ul Malook ayaa sheegay in gaadhay Dalka Kanada, halkaasi oo Qoyskeeda, gaar ahaan Labadeeda hablood garteen inay si nabadgalyo ah ugu noolaan karto. Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa bishii October ee sannadkii 2018 laashay Xukunkii Bibi ee ahaa xadhigga, waxayna arrintaasi Dalka Pakistan ka abuurtay Mudaharaaddo Rabshado watay. Wakhtigaa waxa Dawladda Pakistan Xidhay Khadim Hussain Rizvi oo ka mid ah Culimada Mayalka adage e Dalkaasi, kana mid ah Xisbiga Tehreek-e-Labbaik (TLP), ka dib markii lagu eedeeyay inuu abaabulay Dibad-baxyo lagaga soo horjeeday xukunka Bibi ee Maxkamaddu laashay, wixii intaa ka dambeeyayna waxa Dawladda xidh-xidhay Tobannaan Taageerayaasha Wadaadkaasi ah oo iyaguna Rabshado sameeyay. Source
  9. (SLT-Moscow)-Dowladda Ruushka ayaa dalkeeda ka ceydhisay laba diblumaasi oo u dhashay Sweden kadib markii xukuumada Stockholm ay diiday in Visaha ay u cusbooneysiiso Saraakiisha Ruushka. Af-hayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka Sofia Nahringbauer ayaa arbacada maanta ah sheegtay in dalkeeda uu si rasmi ah u diiday in Visaha dal ku jooga ah uu u kordhiyo diblumaasiyiinta Ruushka u jooga Shiinaha. Ruushka oo ka jawaabaya arintaan ayaa dalkiisa ka ceyriyay laba diblumaasi oo Sweden u joogay magaalada Moscow. Ms Nahringbauer ayaa diiday in ay jawaab ka bixiso in dowlada Sweden ay wax talaabo ah qaadi doonto iyo Inkale. Dhanka kale afhayeenka wasaarada arimaha dibeda ruushka Maria Zakharova oo warbaahinta kula hadashay Moscow Arbacadan ayaa talaabada ay qaadeen ku sheegtay in ay la xidhiidho diidmada ka timid Sweden. Dhacdooyinkaan ayaa imaanaya iyadoo labada dal mid mid kale uu ku tuhmayo in uu Basaasayo. Bishii Jenewery ayaa laamaha amniga Sweden waxay ku xireen magaalada Stockholm la taliye dhanka technology-da oo u dhashay dalkooda xilli uu casho la qaadanayay diblumaasiyiinta Ruushka. Sweden ayaa ku eedeysay in Ruushka uu u tababaray muwaadiniinta Sweden in falal basaas ah uu u Adeegsado. Source
  10. (SLT-Koofur Afrika)-Waxaa xalay la soo gabagabeeyay doorashadii Madaxtinimo ee ka socotay dalka Koofur Afrika, kaasoo ay ku tatamayeen hoggaanka Xisbiyada Siyaasadeed ee dalkaasi ka jira. Saddexda Xisbi ee kala ah Xisbiga talada haya ANC, Xisbiga D.A iyo Xisbiga saddexdii sano ee u danbeysay ololaha balaaran waday ee E.F ayaa ugu cad cadaa kuwa loolamayay ee loo saadaalinayo in midkood uu ku guuleysan doono doorashada madaxtinimo, waxaana natiijada la filayaa in lagu dhawaaqo maalinimada Sabtida ah. Sagaalka gobol ee Koofur Afrika ayay doorashada si isku mid ah uga socotay, waxaana sanaadiiqda codadka la dhigay meelaha ay bulshada ku badan tahay sida Isbitaalada, Iskuulada, Jaamacadaha iyo xarumo kale, iyadoo ugu dnabeyn xalay la soo xiray dhamaan goobihii cod bixinta. Dadka codadka dhiibanayay ayaa ahaa kuwo muddo ku siman Lix bilood ka hor isu diiwaan geliyay codeynta, iyadoo shalay fasax ay wada aahayeen Shacabka maadaama ay u eheyd maalin ay soo dooranayeen qofkii hoggaamin lahaa wadanka. Soomaalida ayaa la sheegay in sanadkan ay markii ugu badnaa ee codeynta ka qeyb qaataan, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in inta badan Soomaalidii codadka dhiibatay ay taageerayeen Xisbiga Sanadihii u dambeeyay talada hayay ee A.N.C. Si kastaba, waxey noqoneysaa 25 sano kadib markii u horeysay oo doorasho tan lamid ah ay ka dhacdo wadanka, iyadoo shacabka Koofur Afriika ay soo xasuusteen doorashadii uu ku guuleystay sanadkii 1994 Nelson Mandela. Source
  11. (SLT-Washington)-Dawladda Maraykanka ee Donald Trump oo cadaadis ku heysa xukuumadda Iran ayaa sheegtay inay cunaqabateyn kusoo rogeen dhamaan Birta ay Iran dunnida u suuqgeyso, Maraykanka ayaa horey u mamnuucay shidaalka uu dalkaasi soo saaro. Cunaqabateyntan cusub ayaa qoreysa in shirkadaha iyo wadamada aysan iibsan birta, aluminium iyo maarta (copper) ay Iran caalamka u suuq geyso. Qorshaha Maraykanka ayaa ah in dhaawac weyn loo geysto dhaqaalaha dalka Iran si cadaadis loo saaro xukuumada Tehran ama uu kacdoon dalkaasi uga dhasho, waxayna xulafada Maraykanka oo ay ku jiraan Sacuudiga, Isreal iyo imaaraatiga horey ugu hanjabeen inay qaadi doonaan tilaabo militari. Dhinaca kale dowlada Iran ayaa beesha caalamka siisay muddo 60 maalmood ah inay la yimaadaan tilaabo lagu bedbaadinayo heshiiskii Barnaamijka nukliyeerka oo ay saxiixeen 2015, heshiiskaasi oo uu ka baxay dalka Maraykanka oo kamid ahaa wadamadii wax ka saxiixay. Iran ayaa sheegtay inay dib u bilaabi doonto kobcinta Yuraaniyumka laga dhaliyo Quwada Nukliyeerka arrintaasi oo aan jabin doonin heshiiskii horey u saxiixday balse ah digniin ku socotada Beesha Caalamka in IRAN aysan usii adkeysan doonin cunaqabateynta Maraykanka, heshiiskii horey loo saxiixay ayaa ahayd in Iran joojiso barnaamijka nukliyeerka si looga qaado cunaqabateynta dhaqaale. Source
  12. PRESS RELEASE Move refugees in Tripoli out of harm’s way, urges UNHCR When the hostilities intensified late last night, refugees and migrants were trapped inside and unable to flee to safety UNHCR, the UN Refugee Agency is calling for refugees and migrants in detention centres in conflict areas in Tripoli to be immediately evacuated to safety, after an airstrike hit a target less than 100 metres away from Tajoura detention centre, where over 500 refuges and migrants are being detained. More than 500 people are currently being held in Tajoura, two of whom were injured and required medical assistance. When the hostilities intensified late last night, refugees and migrants were trapped inside and unable to flee to safety. Given the ongoing violence in Tripoli and the clear risk to lives, it is now more urgent than ever that those responsible for these centres allow the immediate release of people being held there so they can be moved to safety. “The risks are simply unacceptable at this point,” said Vincent Cochetel, UNHCR Special Envoy for the Central Mediterranean. “People inside detention centres in Tripoli are facing ever-increasing dangers, making it vital that we immediately move them out of harm’s way.” Since the onset of the conflict in Tripoli last 4 April, UNHCR has relocated over 1,200 persons from high-risk locations to safer areas. ‪However, some 3,460 refugees and migrants remain in detention centres near to conflict-affected areas. No evacuations have taken place out of Libya since 146 people were relocated to Italy on 29 April. UNHCR urges the international community to come forward with further offers of humanitarian corridors and relocation. UNHCR is also concerned at the use of detention centres for storing weapons and military equipment. Utilising civilian infrastructure in this manner constitutes a violation of international humanitarian law and must be avoided at all costs. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR). SOURCE United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News
  13. (SLT-Jigjiga)-Jabhada ONLF ayaa ka hadashay keydka gaaska dabiiciga ee gadhaya 1.6 Trillion Cubic Feet ee laga helay Deegaanka Hala-quraan ee dhulka Ismaamulka Soomaalida. Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Caddaani Hirmooge ayaa sheegay in shidaalkan la helay ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, balse ay ka fara maroojiyeen maamuladii hore ee DDSI, haatanse aysan jirin cid ka leexsan karta xuquuqdooda. Waxaa uu sheegay in dib loogu noqonayo heshiisyadii ay hore u saxiixeen maamuladii Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in kheyraadka dhulkaas ku jira ay manaafacsadaan dadka deegaanka. “Hantidan hanti Soomalaiyeed weeye, doorka dowladda Ismaamulka ay ku leedahay arrimaha gaaska iyo Batroolka, dowladda shacabka ay leeyihiin iyo doorka ay Jabhadu leedahayba waa iney cadaataa arintaas, heshiisyadii hore ee dadka Soomaaliyeed lagu dul minaayay ma soconayaan” ayuu yidhi Hirmooge. Afhayeenka Jabhada ONLF ayaa dhinaca kale sheegay in xubno ka mid ah hoggaankooda iyo Wasiirka Batroolka Itoobiya ay hal mar kulan ka yeesheen arinta shidaalka, isagoo tilmaamay iney u cadeeyeen walaaca ay ka qabaan in la iska qaato kheyraadkooda, iyadoo aan laga tala gelin shacabka iyo maamulka halkaasi ka jira. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhowaan sheegay in kheyraadka laga helo dalka Itoobiya si cadaalada loo qeybin doono, isagoo intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar. Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Itoobiya ayaa todobaadkan shaaca ka qaadday in Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain ee New Age (African Global Energy Ltd) ay deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka heshay keyd gaaska dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulka degmada Dharkeynley iyo saraakiisha ciidamada booliska degmadaasi ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay baaritaan ciidamada amaanka ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Dharkeynley. Ciidamada ayaa baaritaankaasi ku baadi goobayay shaqaale la sheegay inay la shaqeynayay shirkad bixisa Adeega Internet-ka oo lagu afduubtay degmada Dharkeynlay. Guddoomiyaha Maamulka degmada Dharkenley Abuukar Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada amaanka ay baadi goobayeen dadka afduubta geystay islamarkaana ay soo heleen qofkii la afduubtay. Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ay baxsadeen qaar kamid ah raggii gaystay afduubka kadib markii ay arkeen Ciidamada amaanka oo ku raad jooga balse ay soo qabteen gaarigii afduubka loo adeegsaday. Sidoo kale guddoomiyaha degmada Dharkeynleey ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen, darawalkii waday iyo askarii qayb ka ah raga afduubka gaystay. Waxa uu intaa ku daray gudoomiyaha in raggaani ay ahaayeen Shabakad horay uga jirtay degmada dharkeenley qofkii guri dhisanayana ay ka kaxeysan jireen Ingineerka si ay lacago baad ah uga qaadaan. Waa dhacdadii ugu horeysay oo ka dhacday degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir tan iyo sanadkaan 2019. Caasiimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Dawladda Maraykanka ayaa hakisay dadaalladii ay kula wareegaysay hadhaaga askartii laga laayay intii uu socday dagaalkii Kuuriya, iyadoo badhtanka lagaga jiro xilli uu go’ay xidhiidhkii uu dalku la laahaa Kuuriyada Waqooyi. Kuuriyada Waqooyi ayaa sannadkii hore wareejisay haraaga maydadka konton askari oo Maraykan ah oo la dilay intii u dhaxaysay 1950-1953 markaas oo dagaal socday. Arrintaas ayaa muujinaysay in uu soo hagaagayo calaaqaadka u dhaxeeya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un. Balse Wasaaradda Gaashaan dhigga ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay hakisay qorshahaas ka dib markii ay waxba ka soo naaso caddaan waayeen shirkii labada hoggaamiye ay yeesheen. Askar lagu qiyaasay 36,000 oo ciidammada Maraykanka ka tirsan ayaa ku geeriyooday dagaalkii Kuuriya, Maraykankuna wuxuu sheegay in aan wali meelna lagu ogayn in kabadan 7,700 askri. Ku dhawaad 5,300 oo askartaas ka mid ah ayaa lagu waayay gudaha Kuuriyada Waqooyi. Dadaalka labo geesoodka ah ee dib loogu soo celiyo haraaga maydadkii askarta Maraykanka ayaa qayb ka ahaa fulinta heshiisyadii ay gaareen Trump iyo Kim kulankoodii u horreeyay ee Singapore ka dhacay 2018. Balse xidhiidhkii ayaa hakaday ka wixii ka dambeeyay kulankoodii labaad ee Vietnam ay ku yeesheen sannadkan, kaas masuuliyiintan ay ku guuldarraysteen in ay wax horusocod ah ka gaaraan wadahadalkii barnaamijka nukliyeerka ah ee Pyongyang. Chuck Prichard oo u hadlay Defense POW/MIA Accounting Agency ayaa sheegay Arbacadii in masuuliyiinta Kuuriyada Waqooyi aysan wax xiriir ah la soo samayn tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii bishii Feebaraay dhacay. Source
  16. (SLT-Venezuela)-Xukuumada Venezuela ee Nicolas Maduro ayaa markii ugu horeysay xabsiga u taxaabtay mid kamid ah hogaamiyayaasha mucaaridka ee ka qeyb qaadanayey qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan. Hogaamiyahan la xiray oo lagu magacaabo Edgar Zambrano ayaa ah Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka dalkaasi oo ay aqlabiyadiisa heystaan xisbiyada mucaaridka ah, Guddoomiyaha Baarlamaanka Juan Guaido ayaa horey u sheegtay inuu yahay Madaxweyne kumeel gaadh ah. Juan Guaido iyo kooxaha mucaaridka ayaa todobaadkii hore isku dayey inay sameeyaan inqilaab militari oo ay ku fashileen, kadib markii ay taageero ka waayeen inta badan ciidamada dalkaasi Venezuela oo weli daacad u ah xukuumada Madaxweyne Nicolas Maduro oo isagu ku guuleystay doorashadii dalkaasi ka dhacday sanadkii tagay. Mucaaridka oo taageero ka helaya Maraykanka ayaa doonaya in xukunka laga tuuro Nicolas Maduro oo ay kasoo horjeedaan siyaasadiisa u jeen jeerta garabka biddix iyo dhinaca dadka saboolka ah ee reer Venezuela. Maduro oo isagu sheegay inuu heysto taageerada inta badan shacabka iyo militariga ayaa sheegay in kooxaha mucaaridka ay hogaamiyanayaan tujaarta dalkaasi horey uga soo talin jiray oo doonaya inay dalkaasi iyo khayraadkooda shidaalka u gacan geliyaan Maraykanka. Source
  17. (SLT-Muqdisho)-Wakaalada wararka u faafisa dowladda Qadar ee Qatar News Agency ayaa sheegtay in wadahadal dhinaca Talefoonka ah ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani. Labada mas’uul ayaa wadaahalkooda waxa uu la xidhiidhay Salaan iyo isu hambaleynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo maalinimadii Isniinta ee todobaadkan bilaabatay. QNA ma bixin faahfaahin intaasi dhaafsiisan oo ku aadan haddii uu jiro arrimo kale oo ay isla soo qaadeen Farmaajo iyo Tamim. Majirto wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyadda Soomaaliya oo la xidhiidha wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani. Qatar oo galaangal ku leh Siyaasada gudaha ee Soomaaliya ayaa taageero dhinacyo kala duwan leh siisa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana horaantii sannadkan ku deeqday lacag gaadheysa 20 milyan oo ah Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkan. Source
  18. (SLT-Myanmar)-17 qof oo ay ku jiraan Duuliyaha iyo 4 Shaqaalaha Diyaaradaasi ayaa dhaawacmay, kadib markii ay Diyaarad Rakaab oo laga lahaa dalka Bangaladesh ay ku dhacday Dhabaha ay Diyaaradaha caga-dhigtaan ee magaaladda Yangoon ee dalka Myanmar. Waaxda Duullimaadka Rayidka ee dalkaasi ayaa sheegtay inay Diyaaradda ka baxday dhabaha Garoonka, kadibna ay laba cad u kala jabtay. Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Bombadier Dash 8 waxaa saarnaa 29 qof oo rakaab iyo 4 shaqaale, wuxuuna Duuliyuhu sheegay in sababta ugu weyn ee shilkaasi dhliyey ahayd Cimilada oo aad u xumayd, isla markaana ay dabaylo xooggan dhacayeen. Wargeyska The Myanmar Times waxa uu soo bandhigay Sawirada Burburka Diyaaradda oo taalla dhul caws ah oo ku dhow dhabaha ay Diyaaraduhu soo caga-dhigtaan. Diyaaradaasi oo ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee Bangladesh ee Biman waxaa la socday Rakaab ka soo kala jeeda dalalka Bangaladesh, Myaanmaar, Shiinaha, Kanada, Faransiiska, Switzerland iyo Hindiya. Source
  19. (SLT-Khartoum)-Golaha Milateriga Suudaan ayaa ku adkaysanaya in shareecada islaamka ay aasaas u sii ahaato sharciga cusub ee dalka. Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa golaha u gudbiyay liis ay ku dalbanayaan dowlad ku meel-gaadh ah, kadib markii bishii Abriil xilka laga tuuray madaxweyne Cumar Al-Bashir. Laakiin 10-ka xubnood ee golaha milateriga ayaa sheegay in ay “shaki badan ka qabaan” fikirka ay soo jeediyeen iyo mudaaharaadyaasha oo ka gaabsaday sharciga Islaamka. Wadahadaladii u dhexeeyay milateriga iyo mucaaradka ayaan wax heshiis ah laga gaarin. Dalabka dibad-baxayaasha ayaa waxaa milateriga u gudbiyay Isbahaysiga xorriyadda iyo isbeddelka ee (DFCF), oo ka kooban isbahaysiga qolyaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda iyo xisbiyada mucaaradka. Arbacadii la soo dhaafay, Khalid Umar oo ah xubin ka tirsan isbahaysiga DFCF isla markaasna ah dadka ugu cadcad xisbiga Congresska Suudaan, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan diidmada nabadeysan ee ka dhanka ah xukumadda illaa ay u rumoobeyso riyadooda . Lt-Gen Shamseddine Kabbashi, oo ah afahayeenka Golaha Milleteriga ee sida ku meel gaarka ah uu haya talada dalkaasi (TMC) oo la wareegay xilka ka dib markii xilka laga qaaday Al Bashir ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay si wanaagsan u aqbaleen baaqooda. Dastuurka u yaala dalka Suudaan wuxuu hadda dhigayaa in Shareecada Islaamka ay tahay sharciga lagu xukumo dalkaasi. Dibadbaxayaashu waxay soo jeediyeen in awoodda loogu dhawaaqayo xaalad deg deg ah ee dalka ay ku ekaato golaha, hase ahaatee, golaha Milleteriga ee sida ku meel gaarka ah u haya talada dalkaasi waxay aaminsan yihiin in ay tahay mas’uuliyadda maamulka cusub oo aan weli la magacaabin. Waxay sidoo kale codsadeen in muddada ku-meelgaarka ay ah socoto ilaa afar sano, iyadoo millatariguna rumaysan yahay inay ku egtahay laba sano oo kaliya. Laakin si ay wadahadalo ugu dhameeyaan ismari waaga taagan, ayaa Sareeye Guud Kabbashi waxaa uu sheegay inay tahay in xili hore ay ka fekeraan sidii lix bilood gudahood ay u qaban lahayeen doorasho. Sarkaalka ugu sareeya Golaha millateriga ayaa horaan BBC-da u sheegay in aysan aqbali doonin gole rayid oo ku-meel-gaar ah, bayaankaasi oo keenay dhaleeceyn ballaaran. Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay aafafka hore ee saldhiga ciidammada Khartoum, iyaga oo ku ku baaqaya xukun rayid ah. Source
  20. Afgooye (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaankaasi. Deegaanka Bariire ayaa dhawaan lagala wareegay Al Shabaab waana markii labaad oo todobaad gudahiis ay weerar xoogan ku qaadeen xubno ka tirsan ururka Al Shabaab. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka xalay uu ahaa mid xoogan, waxaana uu bilowday kadib markii Al Shabaab ay rasaas ku bilaabeen ciidamo ku sugnaa halka laga difaaco deegaanka. Lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay waxaase dadka deegaanka ay sheegeen in dagaal muddo saacad ku dhow socday uu xalay ka dhacay Bariirre. Weerarka Al-shabaab ee Bariirre ayaa ku billowday sida ay sheegeen goobjoogayaal qoryaha culus,waxaana ku xigay iska hor imaad toos ah oo labada dhinac ku dhexmaray deegaanka. Saraakiisha Ciidamada DANAB ee deegaankaas dhawaan kala wareegay Al-shabaab ayaa sheegay in ay iska difaaceen duulaankii xalay ee Al-shabaab, islamarkaana dhankooda qasaaro ay ku gaarsiiyeen. Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya deegaanka Bariire ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku baadi goobayaan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee xalay weerarka kusoo qaaday. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  21. Muqdisho ( SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-09052019.mp3 View the full article
  22. Shirka magaalada Garoowe uga socda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ayaa galay maalintii 5-aad iyada oo aan wax la taaban karo la qaban. 2-badii maalin ugu dambeysay waxaa lagu mashquulsanaa arrinta dowlad goboleedka Galmudug, waxaana wada hadal arrintaasi ka lahaa madaxda dowladda federaalka ah iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf, wararka qaar ayaa sheegaya in arrimihii la isku heystay aan weli xal laga gaarin. Dhinaca kale, shirkan waxaa la filayaa in lagu dhiso gole iskaashi oo ay yeeshaan dowladda federaalka ah iyo dowladda dhexe, kaas oo ay ka shaqeyn doona arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha. Fikraddan waxaa lahaa oo soo-jeediyey dowlad goboleedyada kadib markii 2-badii sano ee la soo dhaafay oo fashilmay golaha amniga oo labada dhinac ay ku bahoobeen. Dowladda Xasan Sheekh waxaa ay leedahay Madasha Wadatashiga Qaranka, taas oo keentay in lagu heshiiyo arrimo badan oo ay ku jirtay doorashadii dadbaneyd ee la qabtay 2016/2017. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (SMN):– Xalay Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, ku loo lamay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaaga ee gobolka Banaadir. Tartamayaasha labada dhinac ayaa soo bandhigay tartan wanaagsan oo ku dhisan Aqoon, wadatashi iyo is faham intaba. Labadani degmo ayaa u dambeeyey Group A oo ay ku wada jireen illaa 4 degmo oo kala ahaa Kaxda, Baraawe, Hodan iyo Howlwadaag. Hodan ayaa la timid 6 buundo, halka Howlwadaag oo guushu ay raacday ay keensaTay dhibco gaaraya 14 , sida uu ku dhawaaqay natiijada guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale. Howlwadaag ayaa noqoneysa degmadii labaad oo badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka, waxaana ka horreeyay Kaxda oo guul ka gaartay dhiggeeda degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose. Caawa tartan aqooneedka Shabelle waxaa ku baratami doona degmooyinka Dharkenley iyo Wanlaweyn oo ku wada jira Groupka B ee tartanka. Sidoo kale labad degmo ayaa ka kala tirsan gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article
  24. Garoowe (SMN):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudan Xasan Cali Khayre ayaa Xalay ka qeyb galay kulan afur ah uu maamulka gobolka Nugaal u sameeyay wafidiga Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Garowe. Afurkan ay maamulka gobalku Ku Casuumeen Ra’iisulWasaare xassan ayaa waxaa ku wehlinayey wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Mas’uuliyiin Kale. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xalay booqday qaar kamid ah goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada Garowe, wuxuuna mid mid ula sheekaysatay dadkii ay kulmeen. Ra’iisul Wasaaraha oo dadka uu la kulmay ka dhagaystay talooyin iyo fikrado muhiim ah ayaa bogaadiyay wada shaqaynta ka dhexeysa shacabka iyo madaxdooda iyo nabad gelyadda ay iska kaa shanayaan. View the full article
  25. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu cadaadiyay inuu heshiisyo wax-ku-ool ah la galo maamullada ka jira dalka, kaddib kulan uu si qarsoodi ah kula qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Somalia. Danjire Donald Yamamoto ayaa ku boorriyay madaxweynaha DF inuu soo af-jaro dhammaan khilaafyada kala dhexeeya madaxda maamullada waddanka ka jira, kuawasoo uu sheegay inay qabaan tabooyin ku aaddan habka ay DF wax ku waddo. Kulanka Farmaajo iyo Yamamoto ayaa toddobaadkii hore si qarsoodi ah uga dhacay Muqdisho, iyadoo warbaahinta laga qariyay inay wax ka ogaato wixii looga hadlay, balse ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa soo dusiyay wararkan. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa wuxuu sheegay in khilaafyada DF kala dhexeeya madaxda maamul-goboleedyada ay curyaamiyeen hawlihii ay dowladdu qaban lahayd, taasna ay tahay caqabad weyn oo haysata. “Hawlaha dowladda waxay xilliyadii u dambeeyay ka socon waayeen khilaaf aan kala joogsi lahayn oo u dhexeeya madaxda maamul-goboleedyada iyo dowladda aan madaxda u ahay, waxaana isku dayayaa inaan khliaafyadaas soo af-jaro, si hawlaha ay dowladdu ay horay ugu socdaan labada sano ee ka hartay xukunkayga,” ayuu Farmaajo u sheegay Danjire Yamamoto. Dhanka kale, Danjiraha Mareykanka u jooga Somalia ayaa kulankan ka hor wuxuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula soo qaatay kulammo wajiyo badan lahaa madaxda maamul-goboleedyada, isagoo dhageystay dhammaan cabashooyinka ay qabaan. Kulammadan ayaa waxay keeneen in shir lagu qabto Garoowe, kaasoo ay goobjoogayaal ka yihiin dhammaan madaxda maamullada dalka ka jira iyo xubno ka socda beesha caalamka, inkastoo aanay weli kasoo bixin natiijo lagu qanci karo. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxay weli u muuqataa inay dhan isaga riixayso cabashooyinka ay maamul-goboleedyada qabaan qaarkood, inkastoo ay ogolaatay inay qaarkood ka tanaasul ka muujiso. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Famaajo oo lagu boorriyay inuu la heshiiyo madaxda Maamul-goboleedyada appeared first on Puntland Post.