Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,378
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay , Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Soomaaliya, Mudane Qin Jian. Bilowgii kulankaba, Agaasime Shirwac waxa uu guddoomay casuumaad rasmi ah oo ku socotay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ka timid dhiggiisa China si uu uga qeybgalo kulanka wadatashiga heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo lagu qaban doono bisha June dalka China. Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si gaar ah dhinacyada iskaashiga iyo wax wadaagga istiraatiijiyadeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article
  2. Jamaame (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo dhinaca circa ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Jubbooyinka ee K/Somalia. Dqeymahan ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday xarumo Al Shabaab ay ku leeyihiin degmooyinka Jamaame iyo Jilib ee gobolladaasi. Lama oga illaa iyo haatan heybta diyaaradaha dagaal ee duqeynta ka fuliyay magaalooyinkaasi. Sidoo kale ma cada khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa duqeymo ka fuliya deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland. View the full article
  3. Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa la yimid xeelad cusub oo aan suurtagal aheyn inay dhacdo, taasoo ku saabsan doorashada Xildhibaanada maamulkaas oo la filayo in dhawaan lasoo xulo si ay u dhacdo Doorashada Madaxweynimo. Magaalada Kismaayo iyo deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Jubaland wali waxaa ka taagan khilaaf ku saabsan qaabka loo soo xuli doono xildhibaanada cusub ee Jubaland ee dhowaan la dooran doono. Guddiga doorashada Maamulkaas oo ah mid uu magacowday Axmed Madoobe, uuna ugu talagalay inay u sameeyaan sida uu rabo, ayaa soo jeediyey arrin ay si weyn uga hor imaadeen Odayaasha dhaqanka ee soo xuli lahaa Xildhibaanada. Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Jubaland Xamse Cabdi Barre oo uu keensaday Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay in Guddiga Doorashada uu leeyahay go’aanka ugu dambeeyo ee qofka Xildhibaanka noqonayo. Xamse ayaa sheegay in halkii boos ee xildhibaanba, ay odayaasha beelaha ay guddiga usoo gudbin doonaan magacyada saddex qof, kadibna uu guddiga uu ka xulan doono mid ka mid ah seddexdaas qof. Odayaasha dhaqanka ayaa taas aad uga hor-yimid, kuna qeexay musuq-maasuq la doonayo in lagu sameeyo habka doorashada xildhibaanada. Guddiga Doorashada ayaa ka shaqeenayo sidii Xildhibaano looga soo dhigi lahaa shakhsiyaad uu wato Axmed Madoobe si uu mar kale u noqdo Madaxweynaha maamulkaas. Axmed Madoobe ayaa Jubblanad ka dhigay sida shirkad uu isaga leeyahay oo uu ka sameenayo wixii uu doono, waxaana laga cabsi qabaa inay arrintaan keento burbur ku imaado Maamulkaas maadaama beelo badan ay u arkaan Axmed Madoobe hoggaamiye xoog ku heysto maamulkaas oo aan dooneyn inay dhacdo doorasho xalaal ah. Caasiimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (SMN) – Degmooyinka Dharkenley iyo Wanlaweyn oo ka kala tirsan ee gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ayaa caawa ku madlan tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle. Labada degmo ayaa ku wada jira Group-ka B ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Dharkenley iyo Wanlaweyn ayaa haatan wada diyaar garow ku aadan ka qeyb galka barnaamijka Caawa. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article
  5. Wararka uu warsidaha Puntlandi.com uu ka helayo degmada Iskushuban ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday Argagixisada [...] Source
  6. Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-090519.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (SMN):-Wasiirka Maaliyadda (XFS) Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan ducaalle Beyle ayaa sheegay in dowlada ay wado dadaal ku aadan sidii Somalia looga cafin lahaa Deymaha lagu leeyahay. Wasiir Beyle ayaa tilmaamay hadii Somalia laga cafiyo deymaha in dalku uu gaarayo horumar wanaagsan,wuxuuna faahfaahin ka bixiyey sida deymahaasi Soomaaliya loogu yeeshay iyo Dalalka lacagta kuleh. Bankiga Aduunka (World Bank) IMF iyo Bank Horumarinta Africa ayuu sheegay in Soomaliya ay ku leeyihiin lacag dhan Hal Bilyan oo doolar, lacagtaas oo ay qaadatay intii udhaxeeysay 1975-tii illaa 1985 oo dhamaan lagu fuliyay mashaariic kala duwan. Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ayaa sheegay in Wadamadda Carabta Sida Sanduuqa lacagta carabta ee Dubai, Sanduuqa horumarinta carabta iyo bank hormarinta islaamka in ay Somalia ku leeyihiin lacag gaareysa 4079 Milyan. isaga oo carabka ku dhuftay in Dalalka Carabta iyo Hey’adaha la shaqeya ee looyaqaan Non Paris Clup ay iyana leeyihiin 666 milyan. Wasiir Beyle ayaa carabaabay in Dowladaha Mareykanka,Canada iyo Yurup ay yihiin kuwa Somalia lacagta ugu badan ku leh. View the full article
  8. Kufsiga waa mid ka mida xadgudubyada bani’aadamka loo geysto, kuwa ugu xun, wuxuuna ku dhacaa dumar iyo caruur wiilal iyo gabdhaba leh. Dhaqan ahaan Soomaalida kufsiga waxa uu ka mid yahay danbiyada aanan si kore loo sheegin, inkastoo dunidan horumarteyba la sheego in ay sanado badan qaadato in dadka la kufsadaahi ay ka hadlaan. Hadaba masuuliyad intee la eg ayaa ka saran maamulada deeganada ay falalkan ka dhacayaan muxuuse yahay sharciga lagu qaado dhagar qabayaasha danbiyadan geysta? Waxaan arrimahaasi oo dhan ku lafa-guri doonnaa barnaamijka Bandhiga VOA oo ay soo diyaarisay soona jeedinayso Falastiin Axmed Iiman. Read More
  9. Dowladda Itoobiya ayaa dahawaan waxa ay shaaca ka qaaday in dhulka dowladd deegaanka Itoobiya laga helay Gaas gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet. Shirkad dhinaca Tamarta [...] Source
  10. Muqdisho (SMN):-Iyadoo Lagu jiro Maalmihii Ugu Horeyay ee Bisha Ramadaan ayaa Xiliyadan oo kale waxaa dadka Danlayda ah iyo kuwa Naafada ah soo wajaha Xaalad Nololeed oo qalafsan, maadama aysan lahayn awoodii Dhaqaale ee ay ugu sii Tabaabushaysan lahaayeen Afurka Ramadaanka iyo baahiyaha kale ee Bishan kusoo kordha Qoysaskooda. Shirkadda Hormuud waxaa ay Sanadkasta Bisha Ramadaan Kaalmaha Hore Ka Gashaa Taakulaynta Dadka Masaakiinta ah iyo Kuwa Baahiyaha Gaar ah Qaba. Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa maanta waxa ay deeq ka kooban Bur, Sonkor, Bariis, Saliid, Cabitaan, iyo Timir ay gaarsiisay maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar. Deeqda la gaarsiiyey maxaabiista waxaa ka mid ahaa Sidoo kale xoolo nool oo gaaraya Shan (5) neef oo geel ah, iyo dharkii ciida ee maxaabiista. Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Asluubta Soomaaliya Cabdikariin Cali Afrax ayaa u mahadceliyey Maamulka Guud iyo Shaqaalaha Shirkadda Hormuud, waxa uuna Sidoo kale Bulshada Soomaliyeed ka Codsadey in lagu Daydo hormuud, oo laga Warqabo Dadka ay Ka maqantahay Xoriyadu ee kujira Xabsiga Dhexe. Dhanka kale Shirkadda Hormuud Telecom Foundation waxaa ay isla maanta Booqatay Isbitaalka Martiini oo ay Ku jiraan Naafaddii Ciidamadda Xooga, waxaa ayna Naadafada u qaybiyeen Lacago Kaash ah, iyagoo ugu bishaareeyay in ay u dhiman tahay Deeq Kale. Cabdulahi Nuur Cismaan oo ah Madaxa Hay’adda Hormuud Telecom Foundation.ayaa sheekay in aysan ka caajisi doonin garab qabashadda masaakiinta. Ugu Danbeyntii Mid Kamid ah Naafada Ciidamada Xooga ee kusugan Isbitalka Martiini ayaa ka mahadceliyey Garashada Hormuud ee Xiligan Adag. Waxaa Jira dad aan Awood u lahayn in ay Si fudud ku helaan Waxyaabaha Daruuriga u ah Nolasha Aadanaha, Kuwaaso ay Xiligan Ramadaanka ugu Darantahay Caqabadaha iyo Culaysyadda kala soo Gudboonadda Dhinaca Nolasha. View the full article
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa laga billaabo bisha Luuliyo ee sanadkan wuxuu aad u dhimayaa lacagaha uu magdhaw ahaanta usiiyo dowladda Kenya oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, sida uu qoray wargeyska Business Daily ee ka soo baxa dalka Kenya. Warbaahinta Kenya ayaa sheegeysa in wasaaradda Maaliyadda Kenya ay dhintay miisaaniyadda Ciidamada dowladda taas oo laga fahmi karo in Kenya ay billaabeyso la bixidda Ciidankeeda jooga Soomaaliya. Kenya ayaa sida uu sheegaya wargeyskani waxa ay fileysaa in Midowga Yurub ay ka hesho ku dhawaad 49.5 milyan oo doolar, lacagtaa oo u dhiganta mid boqolkiiba 41.17 ka yar lagactii magdhaw ahaan Kenya loo siiyay sanadkan, taa oo gaareysay 84.12 milyan oo doolar. Sidoo kale waxaa la filayaa in laga billaabo bisha Luuliyo ee sanadka 2020-ka, Midowga Yurub uu lacagahaasi gaarsiin doono 34.65 milyan oo doolar, iyadoo sanadka xigana la gaarsiinayo 29.69 milyan oo doolar. Dowladda Kenya ayaa sanadkan Midowga Yurub ka dooneysa lacago badan oo magdhaw ah marka loo eego kharashkii loo qoondeyay afartii sano ee la soo dhaafay. Wasaaradda maaliyadda Kenya ayaa toddobadii bilood ee la soo dhaafay Midowga Yurub ka heshay lacago magdhaw ah oo ka dhigan boqolkiiba 44.2 kharashkii dowladda Kenya ay sanadkan u qoondeysay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya. Kenya waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga 4,000 oo Askari kuwaas oo 2011kii oggolaansho la’aan soo galay Soomaaliya, sanadkii 2012kiina ku biiray Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socda. Caasiimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN):-Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa ku heshiiyay inay iska-kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga dhigo gobolka Geeska Africa meel xasiloon. Go’aankan ayaa lagu shaaciyay war qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo Kenya maalintii shalay kadib kulan labo maalmood qaatey oo ka dhacay magaaladda Washington. Mareykanka ayaa bogaadiyay kaalinta Kenya ay ka qaadanayso xasilinta Soomaaliya, iyo howlgalka Midowga Africa ee AMISOM oo mudo 10 sano ah ka socda dalka. Kenya iyo Mareykanka ayaa sidoo kale ku heshiiyay iyagoo kaashanaya Gollaha amaanka in xayiraado la saaro Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee ka dagaalamaya Soomaaliya, si loo wiiqo awoodooda. View the full article
  13. Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE, ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, kaasoo keenay in shir [...] Source
  14. Xildhibaan Siciid Diiri oo horay uga soo mid noqday Baarlamaanka Puntland ayaa dhaan Dabagaale ku tilmaamay shirka ka socda magaalada Garoowe, waxaan uu eedeen ujeediyay [...] Source
  15. Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab iyo wafdi uuu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee maamulka Puntland waxaan kaga sii horeeyay Jamaal Xaashi Tuure oo ka tirsan xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya. Tan iyo markii dib loo doortay guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab iyo xubanaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya 15-November 2018 waxa ay balanqdeen in ay horomarinta kubbadda cagta la gaarsiindoono guuda ahaan Soomaaliya si loo helo kooxo iyo xulka qaran oo aad u adag . “Socdaalkeena ugu weyn ee Puntland waxa uu ku saabsanyahay in aan soo kormeerno xafiisyada xiriirka kubbadda cagta iyo garoomada ka dibna hadii aan waqti u helno in aan la kulano madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni si aan ula wadaago qorshaha horomarinta kubbadda cagta Puntland”waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Cabdiqani Saciid Carab guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya. Socdaalka Puntland oo ku joogo guddoomiye Cabdiqani waxaa ku wehliya Cabdi Cusman Daameey oo ah madaxa suuqgeenta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda iyo injineero qiimaya garoomada kubbadda cagta maamulka Puntland si ciyaartooyda ay u helaan goobo wanaagsan ay ku dheelaan kubbadda cagta. “Guddoomiye ku soo dhaawoow Puntland imaatinkaaga waxa uu inoo yahay mid aan aan u aragno in aan sii dardargelino wada shaqeynta horomarinta ku dhisan ee xiriirada kubbadda cagta Soomaaliya iyo kan maamulkeena Puntland waxaanse filaynaa in booqashadaada ay inoo noqoto mid aan ku tiigsano himilooyinka aan lee nahay mustaqbalka dhaw”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland Maxamed Cali Ciise (Ciiro). 7dii bil ee lasoo dhaafay waxaa maamul Goboleedyada gaaray wafuud kala duwan oo ka socotay xiriirka kubbadda cagta dalka,iyagoo soo daraaseenayay baahida iyo caqbadaha haysta xiriirada kubbadda cagta maamul Goboleedyada. “2018-2021 waxaa qaadanay qorshaha horomarinta kubbadda cagta guud ahaan wadanka iyo in aan gaarsiino dhalinyarada Soomaaliyeed ee jecel ciyaaritsa kubbadda cagta fursahada ay u baahanyihiin sida dhisiada garoomada casriga ee lagu dheelo iyo qalabyada lagu ciyaaro tartamada”waxaa Goobjoog sidaas ugu waramay Cabdullahi Sheikh Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. 08-April 2019 Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed ayaa si wadajir magalada Baydhabo xariga uga jiray xafiisayada ururada horomarinta kubbadda cagta kuwaas si wanaagsan loo qalabeeyay waxayna ka mid tahay balanqaadyadii uu sameeyeen madaxda xiriirka. Si kastaba bahda ciyaaraha Puntland ayaa madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ka sugaya in ay ka dhabeeyaan balanqaadyada iyo ajandayaasha ay u imaadeen Puntland,iyagoo kula dardaarmay in xailyaan baahida ay qabaan dhalinyarada jecel ciyaaritsa kubbadda cagta ee ku nool deegaanada maamulka Puntland. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  16. Kenya and the United States agreed on Wednesday to take a series of steps to deepen their economic ties, promote opportunities for US businesses and enhance their joint efforts to “degrade Al-Shabaab.” The initiatives were announced in a statement issued by the two countries at the conclusion of their two-day “bilateral strategic dialogue” in Washington. The statement, however, offered few details on new undertakings resulting from the discussions led by Foreign Minister Monica Juma and senior State Department officials. In regard to security matters, for example, the statement said “the United States commended the sacrifice of the Kenya Defence Forces in Somalia,” but it used general terms only to describe future initiatives. It added, “Both sides committed to enhance counterterrorism, defense, and maritime surveillance security cooperation through intelligence sharing and capacity building. It also said, “The two governments reaffirmed their commitment to degrade Al-Shabaab and agreed to work with UN Security Council partners to sanction Al-Shabaab and other terror groups operating in the Horn of Africa.” TRADE In the economic sphere, Kenya and the US said they would “accelerate bilateral talks to expand cargo opportunities” under the existing Open Skies Agreement between the countries. The statement also made reference to a pair of projects being launched by the US Trade and Development Agency and intended to help US companies invest in Kenya. The US trade agency will soon host meetings between Kenyan officials and US business executives, focused on emergency management and communications systems. “The visit occurs as the government of Kenya seeks to upgrade the country’s emergency communications systems and improve responses to natural disasters in remote areas,” the trade agency said in a separate statement. “US companies have cutting-edge technologies that can meet these needs, which will be featured throughout the visit.” PROCUREMENT Kenyan officials will also go to Washington to learn about the trade agency’s Global Procurement Initiative. It seeks to assist public procurement entities in developing countries to better determine the full costs of goods and services over the entire life cycle of a contract. “This leads to smarter, longer-term investments with overall savings to the government, and also levels the playing field for US firms in international tenders,” the US trade agency said. Wednesday’s announcement on the outcome of the bilateral strategic talks contained a pledge to “maximize Kenya’s use of trade benefits under the African Growth and Opportunity Act, and explore a future bilateral trade and investment framework.” The two countries also agreed to continue talks on proposed US business investments in infrastructure projects in Kenya, including projects to modernize the Kenyan government’s telecommunications network. OTHER PROJECTS The statement noted US commendation of Kenya’s commitment to establishing a National Public Health Institute. Kenya’s launch of a Coast Guard Service was also lauded by the US side. That move will help develop the “blue economy” and “safeguard a free, open, and prosperous Indian Ocean region,” the joint statement said. The two countries signed an updated “Security Governance Joint Country Action Plan” to enhance bilateral cooperation on anti-corruption efforts, the statement added, but it gave no details on what those efforts would involve. Kenya’s announced commitment to register all refugees also won praise from the US in the joint statement. The announcement added that the US will work with Kenya to help ensure that refugees have access to health care, education, and jobs. The statement was silent, however, on Kenya’s reported decision to shut down the 28-year-old Dadaab refugee complex that currently hosts more than 200,000 Somali refugees. View the full article
  17. Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay waqtiga la qaban doono shirka deyn cafinta Soomaaliya. Wuxuu sheegay in shirkaasi la qaban doono horraanta sanadka soo socda ee 2020-ka, Muddo Lix bil ahna la kor-joogteyn doono Soomaaliya. Dhanka kale, wasiir Bayle ayaa sharaxaad ka bixiyey sida lacagaha loogu kala leeyahay Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/COD-BEYLE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. The US has accused the United Arab Emirates of interference in several Arab countries, including Somalia, fuelling conflict and disputes. United States Senator, who is also the chairman of the Senate Foreign Relations Committee, said his country is keeping an eye on UAE’s role in the current violence in Libya, Sudan, and Somalia. A new report on the security situation in Africa has revealed the interference of the United Arab Emirates has caused mistrust between the countries and affected East Africa regional integration. The UAE has recently signed port agreements with two regional states in Somalia, a move that further deepened political crisis in the Horn of Africa nation, according to the report. Somali government stood a neutral position on the Gulf diplomatic row in 2017 and rebuffed pressure to cut off ties with Qatar. View the full article
  19. Shirkii madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta galay maalintii shanaad, waxaan laysku mari la,yahay qaar kamid ah qodobadii laga doodayay. Madaxda [...] Source
  20. Magaalada Kismaayo iyo deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Jubaland wali waxaa ka taagan khilaaf ku saabsan qaabka loo soo xuli doono xildhibaanada cusub ee Jubaland ee dhowaan la dooran doono. Read More
  21. Daraasad ay sameysay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa lagu ogaaday in baraha internetka ee wasaaradaha dawladda ay intooda badan ku qoran yihiin af Ingiriisi, halka afka Soomaaliga uu yahay afka labaad. Daraasaddan oo la sameeyay bishii Diseembar 2018 ayaa sheegeysa in 18 ka mid ah baraha internetka ee 26ka wasaaradood ay af Ingiriisi ku qoran yihiin, halka 12 kaliya ay leeyihiin qeyb Soomaali ah. Iyadoo Wasaaradda Boostada ay tahay wasaaradda kaliya ee website-keeda uu leeyahay qeyb af Carabi ah, inkastoo wasaaradaha qaarkood uu tarjumidda markaasba sameynayo google, taas oo aan ahayn tarjumaad sax ah. Wasaaraddu waxay ugu baaqeysaa wasaaradaha inay soo dhammeystiraan xogaha u saaran barahooda si shacabka Soomaaliyeed ula socon karaan waxqabadkooda. Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka UK u fadhiyay magaaladda Muqdisho, Ben Fender ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya Dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada dalka, xilli labada dhinac uu shir uga socdo magaalada Garoowe. Ben Fedner oo waraysi siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay inuu rajaynayo in iskaashi uu dhexmaro dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ah oo lagu heshiiyo dhamaystirka dastuurka, doorashada, amniga iyo qaybsiga khayraadka. Dowladda UK ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo Mareykanka uu ku jiro oo madaxda ku shirsan Garoowe ku cadaadinaya inaysan halkaas kasoo tagin ayaga oo aan heshiis gaarin. Waxa uu sidoo kale ka hadlay cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom. “Sir ma ahan, in Uk iyo beesha caalamku ay ka xumaadeen sidii loo maareeyay eryidii Haysom, Waxaan dareenay in sidaas ayan ahayd in sidaas ula dhaqmaan hay’ad ay iskaashi ka dhaxeeyo” ayuu yiri Safiirka “Waxaan soo dhawaynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan Qaramada Midoobay u magacowdo Ergaygeedii Soomaaliya, balse waxaa jira hannaan loo maro shaqaalaysiinta, waxaan filayaa in howshaasi meel fiican marayso ” ayuu sii raaciyay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa kalmad ku saabsan lix tallo oo muhiim ku ah inta aad sooman tahay waxa soo jeedinaya Sheekh Maxamed Cumar Dirir ee ka faaiidaysi wanaagsan Source
  24. Heavily armed Al-Shabab militants were reported to have launched a daring assault on a military base belonging to Somali government forces stationed in Barire town, located in Lower Shabelle. The fighters encountered a fierce resistance they tried to storm the army outpost, which was recently recaptured by Somali government troops backed by AU soldiers. The attack occurred Wednesday evening. A local resident confirmed to Radio Shabelle that the Al-Shabaab combatants attacked the village from different directions the onset of the night as people gather in their homes to breaking their fasting. The commanders of the troops in the area say they have beefed up security following the take-over and vowed to continue flushing out Al-Shabab from its remaining strongholds in Lower Shabelle region. View the full article