Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,378
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. APO Group content is copyright free and can be republished at will. World Health Organization (WHO) PRESS RELEASE WHO denounces attack on health workers and ambulance in Libyan capital In April, 3 health workers were killed in Tripoli, and numerous first-line responders have struggled to reach the wounded without being injured themselves GENEVA, Switzerland, May 9, 2019/ — The World Health Organization today condemned in the strongest terms an attack on an ambulance in Tripoli, Libya, on Wednesday 8 May, that left 3 health workers injured, one severely. “This attack on an ambulance with visible logos is a shocking and intolerable violation of international humanitarian law,” said Dr Syed Jaffar Hussain, WHO Representative in Libya. “Not only did this attack injure key personnel, but the ambulance itself was taken away, thereby depriving patients of future care.” Since the conflict in Libya escalated in early April, 11 additional ambulances have been impacted or suffered collateral damage. In April, 3 health workers were killed in Tripoli, and numerous first-line responders have struggled to reach the wounded without being injured themselves. As the conflict continues into its second month, more than 400 people have died and over 2000 have been wounded. WHO has been supporting field hospitals and field ambulance teams in Libya since the beginning of the conflict. The Organization has also deployed emergency medical teams to key referral hospitals to perform surgeries in hospitals in and around Tripoli. WHO is also providing health facilities with medical supplies, including trauma kits with medicines for war injuries. “This flagrant breach of the basic rules of warfare could jeopardize the operations of field hospitals and ambulance teams, and deter dedicated health staff from performing their life-saving duties,” said Dr Ahmed Al-Mandhari, WHO’s Regional Director for the Eastern Mediterranean. “WHO cannot accept any actions that put health workers in harm’s way. Health staff in Libya are working to save lives and must be allowed to work without additional risk to their safety or well-being.” Distributed by APO Group on behalf of World Health Organization (WHO). SOURCE World Health Organization (WHO) Qaran News
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey inay qal-qal gelineyso ammaanka deegaanada uu maamulkaas ka taliyo, islamarkaana ay ka waddoo faro-gelin. War-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay qaadeyso mas’uuliyadda dhacdadii shalay ee Garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasi oo afar askari ay ku dhaawacmeen is-rasaaseyn ka dhacday. Is-rasaaseyntaas ayaa waxay dhex-martay ciidamada ammaanka garoonka iyo Ilaalada Musharax Cabdi Nasir Seeraar, oo ka mid ah musharaxiinta la loolameysa Axmed Madoobe. Seeraar oo horay u soo noqday Afhayeenka Jubbaland ayaa si weyn ula shaqeyn jiray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ka hor in aysan isku dhicin, waxaana uu ka mid yahay hadda musharaxiinta. “Dowlad goboleedka Jubbaland waxay masuuliyad ka saarantahay sugidda Amniga dalka iyo dadka reer Jubbaland , mana ogolaaneyso waxkasta oo carqalad ku ah kala danbeynta iyo nidaamka dowladnimo, Jubbaland waxay caddeynaysaa inay faragalin gurracan ku hayso hambsami u socodka hanaanka doorasho ee Jubbaland taas oo ay masuuliyadeeda qaadan doonto DFS fal kasta oo liddi ku ah amniga iyo dowladnimada JJubbalan” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka. Dhacdadii shalay ee garoonka Kismaayo ayaa sidoo kale la sheegay inay buuq ka abuurtay shirka dowladda iyo dowlad goboleedyada, kadib markii Axmed Madoobe uu madaxda dowladda ku eedeeyey inay soo direen Seeraar. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuusan ka qeyb-galin kulankii ugu dambeeyey ee xalay ka dhacay Garoowe. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka
  3. Abdirizak Ahmed Jama Xukuumadda iyo xisbiyada oo karaamadii ka xayuubiyey qaranka Somaliland. Laba professor oo waali cas u saaray xili aan loo fadhiyin iyo umadda oo isku ciil kaanbiyeysa halka tacabkoodii lala marayo. Waxaa hubaal ah in ay bulshada Somaliland maanta u muuqato in wadankii galay xaalad cakiran, oo ay lagama maarmaan tahay in laga wada arinsado. Aynu ku horeyno labada macalin ee waayahan wadanka dhexdiisa ka bilaabay, wax ay ugu yeedheen tabliiq siyaasi. Marka ugu horeysa labada macalin waxaa haysta dhibaato ama caado ku habsata macalimiinta- malaha qaarkood uun. Madaama ay macalimiintu inta badan wakhtigooda la qaataan dad aad ugu da’ yar ama aad uga aqoon iyo khibrad hooseeya, waxay dadka oo dhan moodaan in ay ardaydoodii yihiin, oo ay dadku ku qasban yihiin in ay iyaga dhegaystaan. Labadan macalin waxaa taa u sii dheer, in siyaasaddan ay leeyihiin dabliiq baanu ka nahay, ay iyada lafteeda ku saaqideen oo umaddu kawada war qabto waxay isla soo mareen. Waxaana la iswaydiin karaa qofku waxa uu damiin (saaqid) ku yahay, tabliiq maka noqon karaa! Waxay labaduba si wajigabax -nimo ah ugu guul daraysteen tan (siyaasadda) ay maanta ka tabliiqayaan. Iyadoo aanay jirin wax la taaban karo oo ay qarankan Somaliland ku soo darsadeen, dhib ay hore ugu geysteen mooyaane, ayey hadana waxaabay u hadlaan in midkooba Somaliland-ta dhan la miisaan yahay. Waxaad hadaladooda ku dhex arkaysaa (aniga iyo Somalilad). Cajiib! Goorma ayuu shaqsi inaga mid ahi, la miisaan noqday Somaliland-ta umadda oo dhami wada leedahay. Waxa weedhaha noocaas oo kale ah laga fili karaa qof isbidaya in uu tacab ka galay Somaliland. Inkastoo waxa aad u qabato dalkaaga ay iyaduba nusqaan ku tahay qofka sheegta ama ku faanfaana.Wixii umaddu kuu garato waa halkeeda. Labada maclin iyagu waxay Somaliland-ta taraan iska daayoo waxay umaddu ka war haysaa in aanay waxba ula hadhin sidii ay u curyaamin lahaayeen una daadifayn lahaayeen hamiga dadkooda. Wakhtigaa ay iyagu dagaalka kula jireen Somaliland, muwaadiniintii ka hortaagnaa ee Somaliland difaacayey, ayaan daro, sidooda roogag cas cas meel walba looma dhigin. Waxay ku ganacsan yihiin in ay umaddoodii wixii ay u qaban karayeen u qabteen. Intaas ayaa ku filan, waxaana kali ah ee ay rajaynayaan in ay Somaliland maalin uun dhaqaaqdo iyagoo nool. Macalimiintani wax ay inagu soo biiriyeen ma hayno. Waxa hubaal ah in lagu jiro wakhti aan waxba laga xishoon, lana xeerin.Waa wax runtii laga xishooda ah, in nin wayni umad hortood la soo istaaago aniga, aniga iyo aniga oo madhan. Sida warka lagu hayo waxay labada macalin wax kasoo barteen qaybo cilmiga dhaqaalaha ka mid ah, hadana Somaliland-taa la ciirciiraysa siday u maamulan lahayd dhaqaalaheeda yar ee ay hesho, ma aragno iyagoo leh waxaan u soo bandhigaynaa xal dhaqaale oo wadanka wax tar u leh. Muwaadin kasta oo reer Soamlaild ah, waxaa looga fadhiyaa in wxiii uu ku soo kordhin karo, waddankan cuna qabataynta noocyada badan ee dadban uu aduunwaynuhu saaray, uu ku soo kordhiyo. Umaddu waxay xusuusinaysaa labada macalin in dad badani ay garanayaan inta ay la hor tagtaan yihiin dhaliyarada Somaliland ee ay ugu yeedheen tabliiq siyaasad. Waxaa hubaal ah, oo la ogyahay in dad badani idinkaga fiican yihiin siyaasadda laakiin idinka macalinimada ayuun baa idin kilkilaynaysa. Waxaa umadda u muuqata in aad siyaasiyiin badan oo nooc walba leh aad la gasheen heshiisyo dhinacyo badan leh, kuwa gaara iyo qaar heer qaran ahba. Haddii siyaasiyiinta qaarkood ay awrtooda idinku kacsadeen, waa siyaasadan aad ku dawakhdeen iyo camaladeeda, ee ha u cadhoonina dadkiina. Wadankeenu meel fiican ayuu inoo marayaa, marka la eego itaalka shacabkeena, wax aad u badanina waa inoo hadhsan yihiin. Umaddu, Somaliland la wada leeyahay ayuu hamigoodu ka siman yahay. Waa la gaadhi hamigaa, waana lagu qasban yahay. Somaliland iyadoo aduunwaynaha xaqeedii ka baryeysa in ay iyada dhexdeedii xaquuq, cadaalad iyo sinaan iska duudsidaa ama iska baridaa, waa wax aan macno samaynayn. Caruurta ayaa bisaylkeeda gaadhay oo og manta, in aan cidina intay qof kale xaqeeda qaadato aanay ku ladayn. Hadafka ummadani leedahay waa mid ka fog halkan aynu maanta marayno. Waxaa suurto gal ah in xukuumadda maanta joogtaa ay la iman kari waydo ku dhac lagu saxayo wax kasta oo ay Somaliland kala tabanayso, laakiin mar ay ahaataba umaddan yoolkeedu waa in ay gaadho sinaan, cadaalad, walaaltino iyo qaran ul iyo diirkkeed ah. Sidaas darted, reer Somaliland meel uma hayaan, kamana mid noqon karaan, shaqsi, cid ama reerba laga yaabo in ay ku hamiyi karaan in ay inta kale xuqooda duudsiyaan. Labada macalin waa in ay fahmaan, tani (Somaliland) in ay wali tahay curdin aan gujo iyo hantaaqo xamili Karin. Iyadoo aduunwaynuhu cunaqatayn dadban ku hayo, ayey bulshowaynteeda oo u dhami ay hareeraha saf uga wada taagan yihiin, oo marka ay liicdo, ay ku noolaynayaan oo ku kabayaan maal gashi, cilmi gashi, caqli gashi iyo wax kastoo ay u heli karaan. Walaalayaal safka soo gala, waxaad wadankiina ku soo biirin kartaan, waa la idiinka fadhiyaa. Way muuqataa wakhtigan in ay jirto xukuumad tahli kari la’ in ay umadda midayso. Wakhtigan waxay umaddu guud ahaan, tabaysaa hogaan leh xirfad uu ku midayn karo shacabka walaalaha ah, si uu muwaadin kastaa danihiisa uga dhex arko wadankiisa. Wax, lagu tabco waxaa ugu qaalisan dadka oo la dhiso maskax ahaan. Waxaad moodaa, hogaanka talada hayaa in ayna u muuqan in ay taa tacab galiyaa. Balse iyagu ay horumarka u yaaqaanaan, daaro iyo dariiqyo la dhiso. Waxay umaddu u soo jeedinaysaa dawladdan sida habqanka ah hawlaheeda u gudata, in ay umadda wax waydiiyaan oo aanay talada dalka kaligood isku koobin. Waar, talada Somaliland qof iyo laba toona tunka uma ridan karaan. Waar, ma xamili kartaan miisaanka intaa leeg. Karti aad ku maarayn kartaan culayskaas bulshada uma muuqato. Waxay bulshada reer Somaliland ku soo tacabayeen wakhtiga dheer ee sideed iyo labaatanka sanadood qaatay, yeyna gacmihiina ku burburin. Xukuumadda, waxaa looga fadhiya in ay soo saarto umad isku duuban, isku jiidh ah, isku dareeen ah, iska raali ah, is ixtraamta oo qadarisa. Waxaa wax lala yaabo ah in xisbiyada qaranka iyo xukuumadu ay xal lagaga gudbo is marin waagan ay la iman kari la’ yihiin muddo labo sano ah. Waxay tani caalam siin kartaa fikrad ah, in aynaan tashan Karin, oo in aynu tashano karideeda aynaan lahayn. Qaranka Somaliland ma qabato in aad la soo horfadhidaan ma heshiin karno. Iyadoo ismarin waagan eediisu ay dhabarka u ridayaan xisbiyada iyo xukuumadduba, hadana waxuu xilka dhabta ahi saaran yahay xukuumadda. Umddu ma gaydo in garnaqsi iyo anaa gar leh lala soo hor taagnaado. Umaddu waxay xukuumadda manta joogta uga fadhidaa in ay qabsoonto doorashadu wakhtigii loo qabto. Waxa idiin yaala in aad milgaha dawladnimo ee la idiin dhiibtay aad sideeda umadda ugu ilaalisaan. Gaba gabo, Wadanku wuxuu manta taagan yahay xaalad cakiran oo u baahan in si mug leh looga wada arinsado. Meelaha wakhtigan xalka deg dega ah looga baahan yahay waxaa ka mid ah: Xukuumadda iyo xisbiyadii oo wada shaqayntoodii istaagtay. Wada hadaladii xukuumadda iyo Khaatumo oo iyaguna istaagay. Dhamaan hay’adihii dawliga ahaa oo wakhtigoodii wada dhacay, Tan Madaxwaynaha ayuun baa xalaal ah, inta kale waa sahrci daro. Iyadoo hawlaha miisaankaa leh ay inoo yaalaan, in aynu ku meeraysano arimo yar-yar waa inoo doqonimo. Bulshada Somaliland waa inay toosaan oo ay ka feejignaadaan arimahan isbarkaday ee ilaa imika xal muuqda loo la’ yahay. Maanta, Somaliland muwaadiniinteeda hiil ayey uga baahan tahay. Xilka qaran, waa inuu diraa shaqsi kasta oo reer Somaliland ah. Somaliland ha la badbaadiyo maanta. Alahayoow, shacabkan Somaliland ee xariirta ah, samirkooda iyo dulqaadkooda u sii siyaadi. Aamiin. Abdirizak Ahmed Jama Calgary rizakj@yahoo.com Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Kontoroolada Madaxtooyadda xayndaabkeeda ku yaalla, ayaa waxaa la dhigay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Militariga Soomaaliya, tan iyo markii ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan. Ciidankan oo aad u feejigan, islamarkaana Qoryaha la garwaaxsan ayaa lagu kordhiyay baraha Kontorool ee Sayidka, Ceel Gaabta iyo Tiyaatarka, halkaasi oo laga ilaaliyo Madaxtooyada. Gaadiidka ay wataan shaqsiyaadka ka tirsan dowladda ayaa waxa ay ku maraan Koontaroolada Madaxtooyadda ku dhaw in laga soo dago gaariga meel ka fog goobtii hore, kadibna qofka oo gacanta ku wata aqoonsiga uu u tago askarta. Saraakiisha Ciidanka Koofi Guduuda ayaa ciidanka amar ku siiyay inay rasaas ku furaan gaarigii soo dhaafa goobta ay taallo birta calaamada ah. Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya sababta loo adkeeyay ammaanka aagga Madaxtooyada inay tahay weeraro laga cabsi qabo inay geystaan Mintidiinta Al-Shabaab, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Kooxda Al Shabaab ayaa sida caadada aheyd waxa ay bisha barakeysan ee Ramadaan kordhiyaan Qaraxyada, Weerarada tooska ah ee xarumaha dowladda iyo dilalka loo geysanayo shacabka aan waxba galabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadashay arrin ay maamulka Soomaalida Itoobiya ka baahiyen Tv-ga dowladooda. Somaliland ayaa beenisay Rasaas tiro badan oo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu sheegay in lagu qabtay Degmada Wajaale, in laga soo iibsaday Somaliland. Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, Maxamed Cismaan X. Axmed (Indho-balac) oo maanta xafiiskiisa Warbaahinta kula hadlayey ayaa waxa uu beeniyey in Rasaasta laga iibsaday gudaha Somaliland, isagoona sheegay inay tahay arrin been abuur ah oo laga dhex samaynayo Somaliland iyo Itoobiya. Guddoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa wuxuu yiri “War ka baxay Tv-ga Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay Rasaas lagu qabtay Daanta Shishe ee Wajaale ee ay Maamusho Itoobiya, Rasaastasi oo ahayd 3,000-Xabo, taasi oo ay ku soo bandhigeen Tv-ga. Waraysi uu halkaa ka bixiyey kornaylka ka hadlayey Jigjiga, Dadkii lagu soo qabtayna waxay sheegeen buu yiri waxaanu ka soo iibsanay Wajaale, Daanta Somaliland”. “Annagu waxaanu mar walba ka shaqaynaynaa sidii loo ilaalin lahaa Nabad-galyada xuduudka labada Waddan ee Somaliland iyo Itoobya. Markii Rabshaduhu ka socdeen Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya, ee Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo hoggaanka kale ay wadeen hawlihii dib loogu soo celinayey Nabadgalyada deegaannada Soomaalida Itoobiya, Annagu qayb libaax ayaanu ka qaadanay haddaanu nahay Somaliland, annaga oo qabanay oo u celinay Lacag iyo Baabuur badan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Nama qabato in la yiraahdo Somaliland baa laga soo iibiyey rasaastaa, waxay ahayd Dawladuhu xog bay wadaagaane in Ciddii laga soo iibiyey iyo Ciddii gacanta ku haysay la helo ayay ahayd, laakiin waa laga qurux badan yahay in Idaacadda uun laga sheego. Annagu ma qabno in Somaliland ka timid Rasaastaasi, waxaanu qabnaa inay tahay been abuur laga samaynayo labada Waddan”. Dhowaan unbey aheyd markii Ciidammada Amniga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay Telefishanka Maamulkooda ka sheegen in Rasaas gaareysa 3,000-Xabo oo laga soo gatay gudaha Somaliland lagu qabtay Degmada Wajaale, gaar ahaan daanta Itoobiya Maamusho. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  6. Qalinkii Xassan Cumar Hoorri Mahadnaqu Allah ayaa u sugnaaday. Allaha, innagu galladay nimcada Islaamka. Allaha, innagu simay bisha Ramadaan ee tobankeeda hore naxariista tahay, tobanka dhexena denbi-dhaaf, iyo tobanka danbe ee Allah addoomihiisa ka xorreeyo naarta. Haddaba, 2016, Professor Yoshinori Ohsumi (Japan), waxaa uu ku guulaystay Abaalmarinta Nobel ee cilmiga Sayniska. Waxaana uu ku mutaystay xeeldheerida aqoonta fisiyoolojiga (physiology) ee lagu lafo-guro hawlgalka unugyada jidhka. Weliba isagoo ku sii talax tegay waaxda (Autophagy) ee “Isa-saxar-tirka Jidhka“. Billadda Nobel ee lagu ladho magac, milgo iyo maal, waxaa lagu qiimeeyaa tan ugu sarreysa ee lagu abaaliyo aqoon-ruugga lamaha kala duwan ee cilmiga. Dadka u tartama, ka sokow in ay aqoonta ka gaadhaan heerka ugu sarreeya, waxaa u sii dheer, tobanaan sannadood oo ay u soo babbac-dhigaan cilmi-baadhis qotto dheer, si ay u daah-furaan aqoon cusub oo waxtar ah. Sidaa awgeed, Prof. Yoshinori waxaa uu soo xaqiijiyay qadoodigu in uu jidhka ka nadiifiyo unugyada dhintay, kuwa naafoobay, kuwa gaboobay, kuwa sadhoobay iyo kuwa ay haleelshay aramidu sida Verus ama Bacteria. Cilmi baadhistu waxaa ay soo bandhigtay qadoodiga ama soomka in lagaga badbaado waxyeello cudurro halis ah sida Kansar (Cancer), Asaasaq (Dementia), Sonkor (Diabetes), Gabow, Wadne-xanuun, Dhimir-falluuq iyo Cudurrada Faafa. Waxaana ay si mug leh u falanqaysay aqoontan cusub oo ibo-furtay qaabka uu jidhku iskiis isugu nadiifiyo ama isu-saxar-tiro. Waxaana lagu iftimiyay in uu jidhku iskiis isu xalo kolka uu ka qado cuntada iyo cabidda, ugu yaraan 12 saacadood. Sidoo kale, diraasaddu waxaa ay ku talisay in nafta la qadiyo sannadkiiba 30 maalmood. Isla markaa, qofkii awooda in uu ku sii daro toddobaadkiiba 2 maalmood oo kala dheer. Halkaa, waxaa laga dheehan karaa aqoontii casriga ahayd in ay ku soo dhacday tubtii diinteennu innoo jidaysay, soomka bisha Ramadaan. Qofkii awoodaana in uu ku daro maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee sunnaha ah. Ugu danbeyntii, baadhista cilmiyeed, waxaa ay si adag uga digtay dheraggu in uu jidhka bado wahsi, kuna keydiyo hadhaa xanniba halbowlayaasha dhiigga, culaysna ku noqda dheefshiidka. Hadhowna soo kordhiya ama sii huriya cudurro halis ah. Prof. Yoshinori markii uu ka bogtay hidde-sidayaasha unugyada, kana faraxashay barashada jaan-tuska iyo qaabdhiskooda waxaa uu garowsaday qadoodigu in uu sal u yahay sida unugyadu isu nadiifiyaan. Sannadkii 1992 waxaa uu daabacay buug uu ku shaaciyay aqoonta uu dunida ku soo kordhiyay. Waxaana uu caddeeyay, “dadku in aanay tamar-dhigin xilliga ay afxidhan yahiin, balse, waxaa soomka uga sii kordha firfircooni dheeraad ah”. Waxaa iyana xigasho mudan, aqoonta (Autophagy) ama “Isa-saxar-tirka Jidhka” ee xilligan la soo gunnaanaday in ay soo jiitamaysay tan iyo 1935. Waagaa waxaa la daabacay diraasad lagu male-awaalay hoos u dhigga dheefta ama tamarta (calories) in uu jidhku ka helo caafimaad dheeri ah iyo cimri-dherar. Cilmi baadhis kale oo iyana lagu tijaabiyay raxan daayeero ah ayaa muujisay naruurada ka iman karta dhimista dheefta uu noolahu quutto. Waxaana ka soo baxday in ay le’deen 30% xayn daayeero ah oo muddo labaatan sannadood ah caloosha loo buuxin jiray. Hase ahaatee, Xayn kale oo dheeftoodu hoos loo dhigay 30% waxaa ka dhintay keliya 13%. Geerida kuwa dheragta la luudayay ayaa saddex-laab ka badnayd kuwii dheefta loo qorsheeyay. Durba waxaa xusuusteenna ku soo dhacaya xadiiskii Rasuulka (NNKHA) ee macnahiisu ahaa. “caloosha in saddex meelood loo qaybiyo, meel cuntada lagu rido, meelna cabidda, meelna loo dhaafo hawada si looga neefsado”. Soomka waxaa innoga horreeyay ummaddihii ay kutubtu ku soo degtay sida Tawraat (Yuhuud) iyo Injiil (Kiristaan). “Kuwa Xaqa Rumeeyow, Waxaa La Idinku Waajibiyey Soomka Sidii Loogu Waajibiyay Kuwii Idinka Horreeyey, Si Aad U Dhowrsataan.” Al Baqarah, aayadda 183. Sidoo kale, waxaa sooma dad badan oo haysta caqiidooyin anbad ah. Wadaadada Budhistaha (monks) wax cunto ah afka ma ay geliyaan inta u dhexaysa hadhimada ilaa waagu ka beryaayo. Sidaa darteed, ayay uga siman yahiin muuqaalka “firfircooni iyo weyd caafimaad qabta”. Prof. Yoshinori Ohsumi, 73 jir, waxaa uu Shahaadada Ph.D qaatay 1974. Tan iyo waagaa, waxaa uu wax ka dhigayay Jaamicadda Rockefeller, Maraykan, iyo Jaamicadda Tokyo ee Japan. Intaaba, waxaa uu ku foogganaa sidii uu uga niib keeni lahaa baadhitaanka cilmiyeed. Ugu danbeyntii, mar uu ku guda jiray shaybaadhka uu ku sidkay maskaxdiisa, qalbigiisa iyo nolashiisa., waxaa ku soo dhacday farriintii uu weligiiba u hanqal taagayey. “Hambalyo, waxaa aad ku guulaystay abaalmarinta Nobel.” “Caruurnimadii wax badan ayaan ku hammiyay abaalmarinta Nobel. Hase ahaatee, markii aan baadhista gudo galay, waxaa aan dib u laqay candhuuftaydii,” ayuu Yoshinori u sheegay warsidaha Guardian. “Markaan arkay yoolka loo tartamayo, ma filayn, in aan hanan karo, balse, waxaa iga go’nayd in aanan ka daalin baadhista”. Si kastaba ha ahaatee, aqoontu Allah ayay u sugnaatay Waxaana liibaanay qofkii u dheereeya fulinta waxii Allah uu faray, iskana dhowra waxii uu ka reebay. Ogow, haddii ay soo xaqiijiso aqoonta gaaban ee aadamahu iyo haddii ay ka gaabisoba, wax kastoo diintu innagu waajibisay waxaa ku jirta danteenna, if iyo aakhiroba. Xassan Cumar Horri, Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa (HID, waxaa aad Kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac Twitter #Horrimania.
  7. Boorama (Caasimada Online) – Professor Axmed Ismaaciil Samater iyo Prof Cali Khaliif Galaydh, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay in Somaliland la wada leeyahay iyo in kale. Prof. Samater ayaa sheegay in Somaliland la wada leeyahay, halka uu dhigiisa Prof. Cali Khaliif-na sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay. Samater oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Somaliland waa la wada leeyahay, anniga jawaabtaydu markaa waxaan u odhan karaa waa la wada leeyahay inta aanan u iman waxa dhiman dee horeba waa loo sheegay degmada meel ayey ku taalaa calaamadsan oo la yaqaano oo la yidhaah-do Somaliland .” Waxa intaasi ku sii daray “Waxanu wada leenahay gobanimadii Somaliland ay heshay ee loogu dhawaaqay bishii June 26 1960-kii, afartii qof ee saxeexayna magac-yadooda waa la yaqaanayoo Somaliland ballaadhkeeda ayey ka yimadeen afartii qof ee saxeexay, dhanka labaadna waxaan leeyahay haddii la wada leeyahay haddana wax badan ayaa dhiman, dadka xasuusan waaya wixii soo maray xusuusan waaya waxay isku kelifaan inay ku cel-celiyaan uun khaladaadiikii taariikhda ay kusoo mareen yeynaa sidaas noqonin Somaliland yaanay inaga beenoobin ee dadaalka hala kordhiyo.” Dhanka kalene, Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa isna dhankiisa sheegay in aanay jirin Somaliland la wada leeyahay oo inta la isku raacay la yidhi Somaliland aynu dhisno. “Anniga xusuustaytu hadduusan khaldanayn waar meel la isku raacay oo Somaliland ayaanu wada dhisanaa oo dalka ayaa la kala goynayaa dhukmanti jira annigu ma ogi , waan-ba maqalay meel annoo fadhiya lagaga khudbadaynayo Cali Khaliif-kan inala fadhiya ayaa wax ka saxeexay waar ma saxeexin .” ayuu yiri Isagoo haddalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaasi ku daray “Waar geel didii loogama hadho haddii aynu xisaabtamayno waar si dhab ah aynu u xisaabtano, distuurka maxaa ku yaal waar distoorku wax-yi maaha, aan dib u eegno waar wixii danteena ah aan ka eegano, distoorka nin kale igama sheegan karro qabiil igama sheegan karro, haddii uu iga sheektana waxba iskuma nihin, distoorkaana ma qaadanayo Somaliland kama mid noqonayo .” Ugu dambeyn Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa haddalkiisa kusoo afmaaray “Waxaan ku hiranaynaa waa wax wada lahaansha loo siman yahay, hadda looma sina haddaan wax wada lahaanshii loo sinayn , tii qabiilka ahayd ee qaraxa ahayd ee wax lagu qabysadayna meesha ma taal .” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  8. Mean Moms Rule’ waa buug ay qortay Denise Schipani oo ay uga hadleyso aragtideeda hooyannimo iyo sida ugu fiican ee carruur adag lagu barbaari karo. Denise waxay ka doodeysaa “Yaa carruurta u wanaagsan hooyo kulkulul iyo hooyo miskiin ah?” waxayna aragtideeda ku xoojineysaa in ay ilmaha u fiicantahay hooyo kulkulul oo ay sheegtay in ay soo saareyso carruur leh shakhsiyad adag oo madax-bannaan, una diyaarsan in ay wajahaan caqabadaha nolosha. Denise Schipani oo buugaan hooyooyinka ku siineysaa talooyin dhowr ah, waxay leedahay: Hooyo, cunuggaada xor ka dhig, balse bar dhaqammada ka reebban. Noqo hooyo hal adag, kulkulul, oo nidaam-raac ah. Gurigaada ka deji sharci iyo kala-dambeyn, adiguna noqo awood sharciyaddaas meel-mariso, lmahaadana isla ogaada sharci kaste iyo ciqaabta ka dhalan karta haddii uu jebiyo. Cunuggii uu sharcigaasi qabtana ku qaad ciqaabta ka degsan, una ciqaab habka ugu fiican oo ah in aad u diiddo waxyaabaha uu jecelyahay. Ha dayicin naftaada, oo sida aad uga fikireyso carruurtaada uga fikir quruxdaada. Cunuggaada ha u noqan booyaas isaga kaliya u shaqeysa. Carruurtaada ka dhowr suuraha tirada badan, waayo waxay cunuggaada ka dhigeysaa doqon baac ah, oo aan dad kale la dhaqmi karin, waxna aan la qeybsan karin. Cunuggaada ha u sameynin wax kaste oo uu rabo. Ilmahaada bar erayga MAYA, kuna adadkoow go’aankaada oo haka aqbalin in uu ooyin kaaga qaato wixii uu rabo. Kana fogoow in aad gar iyo gardarraba garab ugu noqoto cunuggaada, oo aad dartiis isugu dhacdaan deriska, qaraabada iyo macallimiintiisa. Haku qeylin carruurtaada. Haddii aad rabto in aad wax u sheegto ama canaanato, adiga oo u dhoolla-caddeynayana si kalsooni leh ugu sheeg wixii aad rabto, si uu hadalkaada ugu arko in uu isaga dan u yahay oo uusan ciqaab aheyn, kuna tababbar in ay hadalkaada sidiisa u qaataan, una dhaqan-geliyaan. Ilmahaadaada bar xuquuqda ay leeyihiin iyo waajibka saaran. Ku barbaari masuuliyad, oo mid kaste u dhiib shaqo uu qoyska ugu qeybsanyahay, una sameey jadwal, si uu u ogaado waqti kaste iyo waxa laga rabo, kuna barbaari in ay u kala dambeeyaan sida ay u kala weynyihiin, ayna isugu naxariistaan sida ay u kala yaryihiin. Hooyo, haddii aad sidaas noqoto ma tihid qof qalafsan ee waxaad tahay hooyo adag oo carruurteeda u horseedeysa mustaqbal fiican ayay Denise Schipani kusoo gebagabeyneysaa talooyinkeeda, waxayna ragga kula talineysaa in ay carruurtooda u xulaan hooyo nuucan ah, si ay aabbe ugu noqdaan carruur edebsan, nidaamsan oo in ay taliyaan iyo in loo taliyaba u sameysan, madax-bannaan, una diyaarsan in ay wajahaan caqabadaha adadag ee nolosha. Waxaa qoray: Hussein Sabrie Email: Husseinsabrie@gmail.com
  9. Maamulka Jubbaland ayaa eedeeyn kulul u jeediyay dowlada Federaalka Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay masuul ka aheyd shaqaaqad ka dhacday garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo oo u dhaxeeysay ciidamada Jubbaland iyo ciidamo ilaalo u ah Musharax Cabdinaasir Seeraar Maax. Hoos ka aqriso qoraalka. Puntland Post The post Jubbaland oo eedeeyn u jeedisay dowlada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  10. Energy security is essential to the long-term economic and social development of communities in the world’s poorest regions. In Somaliland we are unlocking the potential of its renewable energy resources to improve access to affordable, reliable electricity. Opportunity Somaliland has substantial energy resources – especially wind and solar – but this potential is largely under-utilised. Energy consumption per capita in Somaliland is among the lowest in Sub-Saharan Africa due to the very high cost of electricity, which is a significant obstacle to economic growth. The Energy Security and Resource Efficiency in Somaliland (ESRES) programme will improve access to affordable electricity for communities by diversifying energy sources through the promotion of renewables and the development of an appropriate policy and regulatory framework. Solution The ESRES programme is running a pilot with hybrid mini-grids supplied with renewable energy by independent power providers. Experience gained through the pilot is being used to create a funding platform to make investments in renewable energy less risky and increase adoption rates of renewable energy technologies within the private sector. We are responsible for the day-to-day management of the programme, developing regulatory standards and providing technical assistance to the Government of Somaliland. Outcome To date ESRES has supported the launch of six hybrid mini-grids that are expected to supply cheap electricity from renewable sources to more than 10,000 new consumers who previously could not afford it. Overall, Somaliland’s generating capacity will increase by 2MW while reduced reliance on diesel-powered generation will cut carbon emissions. The success of the programme will lead to increased investment in Somaliland’s green infrastructure, helping to alleviate poverty among its people while at the same time strengthening the country’s energy security. Energy planned Qaran News
  11. Akhri: Waa Kuma Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir(Doorkan Iyo Gudaha Xafiiskiisa)?. Q:3-Aad. Waxaynu qabtii 2-aad taxanaheenan ku soo aragnay xogo badan oo ku saabsan shaqsiga uu yahay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, Musuq maasuqa ku gadaaman, hanaanka uu shaqada dawladda ku soo galay iyo sababaha isagoo musuq maasuq ku eedaysan loo dalacsiiyay ee looga dhigay illaaliyaha hantida qaranka isagoo isagii dhex jiifo eedo Musuq maasuq oo uu gaystay mudooyinkii iyo xilalkii kala duwanaa ee uu kasoo qabtay Dekeda Berbera. Waxaynu taxanaheenan maanta ku soo qaadanaynaa arimo layaableh oo ka dhex taagan Xafiiskan uu madaxda ka yahay ee Hanti dhawrka Qaranka Somaliland ee Hargeysa, gabood falada uu ku hayo Shaqaalaha Xafiiska, sida uu ugu tagrifalo Miisaaniyadda Xafiiska, lacagaha gaarka ah ee u sida gaarka ah u maamusho, kooxo gaar ah oo uu ku sir qarsado oo uu ka dhex samaystay shaqaalihiisa iyo Hanaanka qabyaladdeed ee uu mansabyada sare ee Xafiiska uu ugu taxay shaqsiyaad ay isku hayb yihiin oo shaqaalaha Hanti dhawrka ka tirsan arintaasi oo si weyn uga dhex guuxaysa Xafiiska Hanti dhawrka islamarkaana niyad jab ku riday aqoonyahano fursad u waayay inay aqoontooda Qaranka ugu shaqeeyaan. Aynu Ku Horayno Qaabka Uu Umusuq Maasuqo Miisaaniyadda Xafiiska Iyo Lacagaha Gaar Ah Ee Uu Ku Tagrifalo Ee Iska Maamusho. 1. Waxa jira lacag dhan 7-Bilyan Oo Sl/Shilings ah oo labadii sanno ee u dambeeyay miisaaniyadda loogu daray, lacagtaasi oo gunno ahaan shaqaalaha loogu kordhiyay si ay uga maarmaan baahasho iyo inay laaluush ka qaataan Goobaha ay baadhayaan, lacagtaasi waxaa la ogaaday inaanay shaqaalaha gaadhin oo uu keligii ku tagrifalo oo uu iska maamusho. Lacagtaasi saddexdii bilood waxay noqonaysaa oo shaqaalaha loogu talo galay in shaqaalaha Gunno ahaan loo siiyo 1.8m(Hal Bilyan iyo Sideed Milyan Oo Sl/Shilin ah. lacagtaasi wax xisaab celin ah malaha,waxaana si toos ah iskaga maamusha Hanti Dhawre Axmed Yuusuf Dirir. 2. Sidoo kale sanad kasta Waxa Shaqaalaha Hanti dhawrka loo qoondeeyay 400 Milyan oo SL/Sh ah oo gaar ah oo ay kharashaad uga dhigtaan Hawsha Xisaab Xidhka sannadka, lacagtaasi waxa loogu talo galay inay Hanti dhawrku ku kiraystaan Khubaro ka caawisa Xisaab xidhka Qaranka guud, waxa lacagtaasi si gaar ah iskaga maamusha Hanti Dhawre Axmed Dirir, waxaana la cunna oo aanu ogaanay saddex nin oo kale oo uu ka mid yahay Cali Bilyan iyo nin ay walaalo yihiin. Sidoo kalena xisaab xidh wanaagsan ma keenaan, shaqaalaha kalena waa laga qariyaa lacagtaasi. Sanad walba Baarlamaanku way kusoo celiyaan, maadaama oo aanay xilba iska saari Hanti dhawrku islamarkaana wax khuburo ah oo ka caawisana aanay adeegsan, waxay jaldiga ka badelaan oo ay koobiyaystaan Xisaabka Xidhka Xisaabaadka guud samaystaan waana arin iska caana oo si weyn looga war hayo. Mansabyadda Sare Ee Xafiiskiisa Iyo Qaabka Beelaysan Ee Uu Qarabadiisa Uga Buuxiyay. 1. Dhamaan Shaqaalihii Khibradda lahaa buulka ayaa la wada dhigay, waxana loo kala saaray reer reer iyo kooxo, dhamaan waaxyaha iyo meelaha mihiimka ah waxaa loo dhiibay kooxo iskuwada beel ah oo ay hayb wadaag yihiin Cali Bilyan iyo Hanti dhawraha, dadka baadhisaha loo diraana waa inyar oo isku koox ah taasi oo dawladnimadii bahdishay, isla markaan niyad jab ku riday shaqaalaha Hanti dhawrka gaar ahaan ragga aqoonyahanka ee xafiisyadaasi ku sugan oo ay aqoontoodii dabartay Hanaanka qabiil ee la isku dalacsiiyo xafiiska hanti dhawrka. Wax Ka Ogaw Sida Uu Wali Axmed Dirir U Xoolaysanayo Iyo Hantidii Ugu Dambaysa Ee Uu Samaystay. 1 – Waxa uu wali Axmed Dirir ku guda jiraa hanti boobka Xoolaha Dawladda, Waxaana lahayaa Meherado waa weyn oo ganacsi oo aanu hore u lahayn oo uu hadda samaystay intii uu Xafiiska Hanti dhawrka joogay, kuwaasi oo ku kala yaala Magaalooyinka waa weyn ee Hargeysa, Berbera iyo waliba dalka imaaraatka carabta gaar ahaan Magaaladda Dubai. 2 Arinta ugu xiisaha badan ee aadka loo hadal hayo waxa ka mid ah inuu hanti dhawre Axmed Dirir Ganacsi waa weyn oo muuqda ka samaystay Magaalada Hargeysa, waxa ka mid ah Ganacsiga uu Hargeysa dhawaan ka samaystay Macrad baabuurta lagu iibiyo oo weyn oo kuyaala Barigga magaalada Hargeysa, kaasi oo caan ah oo aad dadka yaqaanaa ugu og yihiin, waxaana macradkaasi magaciisa layidhaa AL-XIGMA Motors, waxa uu u dhaw yahay Masjidka tabliiqiyiinta HARGAYSA ee Dhinaca Bariga HARGEYSA Waxaanu saaran yahay Laamayda Berbera u baxda. Waxaa jira huteelo iyo meherado kale oo uu samaystay intii uu Xilka Hanti dhawrka hayay. Waxa jira oo sawiradoodii warbaahinta lagaliyay fooqyo uga socda Badhtamaha Magaaladda Hargeysa oo ah dhulka qaaliga ah waxaanu dhulkaasi iibsaday dhawaan. Waxaanu idinla wadaagi doonaa dhawaan muuqaaladooda iyo lacagta uu siistay iyo waliba wakhtiga uu iibsaday. Waxaynu Isbarbar-Dhig Yar Ku Samaynaynaa Farqiga U Dhexeeya Xafiiska Xisaabaadka Iyo Hanti Dhawrka Oo Dhinaca Isku Haya, Wax Badanina Ka Dhexeeyo. Bal u fiirso oo akhri!!!! Xafiiska Xisaabaadka guud malaha wax miisaaniyad ah, mana jirto habayaraatee, Waxa kaba oo lacagta iyo Gunooyinka siiya Wasaaradda Maaliyadda, waxaanay qaataan Mushahar ahaan Shaqaalaha Xisaabaadku lacag dhan qofkiiba 5-milyan iyo dheeraad, iyagoo shaqeeya 7:Am illaa 2-PM(Galabnimo) oo xidhiidh ah. Majiro wax kala sooc ah oo ay ku sameeyaan Madaxdoodu, oo ku salaysa Cunsuriyad Qabiil iyo mid qof jeclaysi ku salaysan toona, sidaa dartee si siman oo dawladnimo ka muuqato ayaa loo hawlgaliyaa. Haddii aad booqato xafiiska Xisaabaadka waxaad dareemaysaa Niyad samida Shaqaalaha iyo sida ay u jirsanayaan Haybadda Dawladnimadda. Waxa sidaasi ka yeelay oo madaxdooda oo aan cadaalad daro ku maamulin, una kala abtirin ee aqoon iyo kartidooda ku dalacsiiya. Xafiiska Hanti Dhawraha Guud Axmed Yuusuf Dirir: waxa uu leeyahay lacag dhan 2-milyan oo Dollar iyo in kabadan sannadkii oo uu si gaar ah ugu tagrifalo oo aan wax xisaab celin ah iyo dabagal ah lahayn. Halka ay Nimanka masuuliyiinta ah ee hawsha ugu badan gala ee baadhista ugu badan sameeyaa ay qaataan Lacag yar oo laba Milyan ah sanadkii oo gunno ah, waxa halkaasi ka cad in lacagtii loogu talo galay raggaasi ay ku dhacdo jeebka Hanti dhawraha islamarkaana uu isagu musuq maasuqo, waana lacagtan uu meheraddaha iyo guryaha ka dhisanayo. Shaqaalah Hanti dhawrku waxay kujiraan war war culus iyo niyad jab uu gayaysiiya Hanti Dhawre Axmed Dirir, waxaana la isku dalacsiiyaa hanaan Qabiil iyo sida ay ugu kala abtirsiin dhaw yihiin Hanti dhawaraha Guud. Intoo badani masoo shaqo tagaan waxaana shaqaysa koox ay isku hayb yihiin hanti dhawraha oo qaab qabiil loo maalgaliyo,loona loo hawlgaliyo. Majiro cid u maqan iyo ceel u qodani toona shaqaalaha Hanti dhawrka. ………………………………………………………… Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London. Qaran News
  12. Hadallada Wasiirrada Madaxweyne Biixi Miyay Sii Kala Qaybinayaan Bulshada Somaliland? Todobaadadii u dambeeyay waxa kor u kacay xiisadda siyaasadda Somalilang gaar ahaana waxaa warbaahinta ku yooyootamay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo masuuliyiinta xukuumadda madaxweyne Biixi, waxaana wasiirrada xukuumadda qaarkood oo u holaday jawaabta mucaaradka ka soo yeedhay hadallo shakhsi weerar ah iyo kuwo bulshadu ka biyo diiday. Waxa ay arrintani timid iyada oo hore looga hayay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin in aanu dalku mucaarad lahayn. Wasiirka Wasaaradda War-faafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo 30 bishii April jawaab degdeg ah ka bixinayay hadallo guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ku dhalliilay xukuumadda ayaa ku tiraabay hadallo bulshadu si taban uga dareen celisay oo noqday lama filaan. Maxamed Muuse Diiriye ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa “Waxaan aqoonsanahay inay Cabdiraxmaan ay u dheeryihiin samaysigii uu Xisbiga WADDANI samaystay gelidii doorashada uu galay in aanay ka niyad ahayne Somaliland iyo burburkeeda uu u samaystay marka horeba,” waxa uu intaasi raaciyay in doorashooyinkii hore raggii geli jiray ahaayeen gob aqbasha natiijada laakiin, Cirro ilaa hadda aqbali la yaha “Raggii hore ee gobta ahaa ee doorashada geli jiray halkaas ayey ku hadhi jireen,“ ayuu yidhi wasiirku. Geesta kale Wasiirka Gaadiidka iyo jidadka Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo kowdii bishan Ramadaan War-baahinta la hadlay ayaa isna sheegay isagoo isir ahaan u xidhiidhinaya in saraakiisha Xisbiga WADDANI qaarkood ay xidhiidh la leeyihiin Xukumadda Xamar “Xisbiga WADDANI waxa jira Xubno badan oo xidhiidh toos ah la leh Dowlada Xamar oo uu kow ka yahay Xoghayahooda guud Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI waxaad ogtihiin inuu Hargeysa dhex-deeda ka yidhaah-do dhib kuma aha ayuu yidhi inuu farmaajo yimaado , isaga iyo raysal wasaare ku-xigeenku xidhiidh toos ah ayey leeyihiin isaga iyo nin kale oo Cabdilaahi Odowaa la yidhaah oo iminka Kuwait jooga oo Jamacada ka tegay xidhiidh toos ah ayey leeyihiin,“ ayuu yidhi wasiir Cabdillaahi Abokor. Madaxweyne Biixi oo hore u sheegay in la dhayayo xanaftii ka dhalatay doorashada dalka ka qabsoontay sanadkii 2017, waxaanu Madaxweynuhu bisha Ramadaan kow-deedii shacbiga ugu baaqay in ay mid-nimada iyo wada jirkooda ilaashadaan, haseyeeshee wasiirradiisa todobaadkii u dambeeyay saxaafadda la hadlay ayaa u muuqda kuwo taageerayaasha xisbiga WADDANI maskaxdooda ku celiyay xilligii ololaha doorashada oo kuraasta lagu kala riixanayay hadallo qadhaadh oo ilaa hadda laga soo kaban la yahay sidii bulshada Somaliland ugu kala qaybsantay hadallada siyaasiyiinta siiba kuwa Kulmiye oo WADDANI ku eedaynayay in uu Xamar xidhiidh la leeyahay. Qaran News
  13. More people displaced inside their own countries than ever before 10 May 2019, Geneva – A record 41.3 million people are displaced inside their own countries because of conflict and violence, according to a new report by the Internal Displacement Monitoring Centre (IDMC) of the Norwegian Refugee Council (NRC). The number of people living in internal displacement worldwide as of the end of 2018 is the highest it has ever been, according to the Global Report on Internal Displacement, launched today at the United Nations in Geneva. This is an increase of more than a million since the end of 2017 and two-thirds more than the global number of refugees. The record figure is the result of years of cyclical and protracted displacement, and high levels of new displacement between January and December 2018. IDMC recorded 28 million new internal displacements associated with conflict, generalised violence and disasters in 2018. Ongoing conflict in the Democratic Republic of the Congo and Syria, and a rise in intercommunal tensions in Ethiopia, Cameroon and Nigeria’s Middle Belt region triggered most of the 10.8 million new displacements linked to conflict and violence. Internally displaced people (IDPs) who tried to return to their homes in Iraq, Nigeria and Syria during the year found their property destroyed, infrastructure damaged and basic services non-existent. “This year’s report is a sad reminder of the recurrence of displacement, and of the severity and urgency of IDPs’ needs. Many of the same factors that drove people from their homes now prevent them from returning or finding solutions in the places they have settled,” said Alexandra Bilak, IDMC’s director. Extreme weather events were responsible for the majority of the 17.2 million new displacements associated with disasters in 2018. Tropical cyclones and monsoon floods led to mass displacement in the Philippines, China and India, mostly in the form of evacuations. California suffered the most destructive wildfires in its history, which displaced hundreds of thousands of people. A number of countries were affected by both conflict and disasters. Drought in Afghanistan triggered more displacement than the country’s armed conflict, and the crisis in north-eastern Nigeria was aggravated by flooding that affected 80 per cent of the country. “The findings of this report are a wake-up call to world leaders. Millions of people forced to flee their homes last year are being failed by ineffective national governance and insufficient international diplomacy. Because they haven’t crossed a border, they receive pitiful global attention,” said Jan Egeland, Secretary General of the Norwegian Refugee Council. “All displaced people have a right to protection and the international community has a duty to ensure it.” The report shows that internal displacement is an increasingly urban phenomenon. Warfare in cities such as Dara’a in Syria, Hodeidah in Yemen and Tripoli in Libya accounted for much of the displacement recorded in the Middle East in 2018. Urban centres such as Dhaka in Bangladesh are also the preferred destination for many people fleeing the effects of climate change. Such influxes present great challenges for cities and can aggravate existing risk factors. People who fled fighting in rural areas of Afghanistan and Somalia faced abject poverty, tenure insecurity and onward displacement from flooding and evictions in Kabul and Mogadishu. New ways of dealing with the issue are emerging in cities from Medellín in Colombia to Mosul in Iraq, where local governments and communities have taken the lead. “The fact that cities have become sanctuary to more and more internally displaced people represents a challenge for municipal authorities, but also an opportunity. Leveraging the positive role that local government can play in finding solutions to displacement will be key to addressing this challenge in the future,” said Alexandra Bilak. Qaran News
  14. Dowlada Kenya ayaa joojisay Diyaaradihii tooska ugasoo degayay Nairobo ee ka imaanayay Soomaaliya. Waxayna soo rogeen in Doyaaraduhu ay soo mraan Magaalada Wajeer halkaasoo lagusoo [...] Source
  15. Nairobi (Caaismada Online) – Dowladda dalka Kenya ayaa ka baxday heshiiskii ugu muhiimsanaa oo ay la gashay Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kaas oo ahaa in diyaaradaha rakaabka sida ee ka baxa magaalada Muqdisho ay toos uga dagaan Garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Caasimada Online ayaa ogaatay in maanta gelinkii dambe lagu wargeliyay dhamaan Shirkadaha duulimaadka Soomaaliya in aysan ka dagi karin Karoonka Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi sidii hore u dhici jirtay balse looga baahan yahay in ay sii maraan Garoonka diyaaradaha ee Wajeer. Xogta ay heshya Caasimada Online ayaa sheegaysa in Diyaaradaha ka baxa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay qasab ku tahay in ay maraan Garoonka Wajeer ee ku dhow Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya si halkaasi loogu sii baaro. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hore ugu heshiiyay in duulimaadka ka baxa magaalada Muqdisho aysan sii marin Wajeer oo ay toos uga dagtaan Garoonka magaalada Nairobi ee Joma Kenyatta sida duulimaadyada kale ee ka yimaada wadamada kale ee dunida. Arintaan ayaa u muuqato in ay muujineysa bur bur ku yimid heshiiskii ay galeen dalalka Soomaaliya iyo Kenya maadaama ay Kenya joojisay duulimaadka ka baxa Muqdisho in ay toos uga dagaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Ma jirto ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Shirkadaha duulimaadka Somaaliya oo markii horaba dhib badan ku qabay marista Garoonka diyaaradaha ee Wajeer. Waqti badan ayaa la sheegay in Soomaalida uu halkaasi kaga lumo sidoo kalane ay wajahaan dhibaatooyin kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Mogadishu (HOL) - The government of Kenya has reimposed a mandatory security check in Wajir for all flights leaving the Somali capital, according to a Notices to the Airman (NOTAM) released today by the Kenya Civil Aviation Authority. Source: Hiiraan Online
  17. Ciidamada booliska Somaliland ayaa caawa xabsiga u taxaabey xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland. Xildhibaanka ayaa ka soo jeeda gobolka Sool. Xildhibaanka ayaa shalay warbaahinta ka sheegay in maalinta 18-May ay tahay maalin u gaar ah beesha SNM.. Dadaalo lagu soo deeynayo xildhibaanka ayaa ka socdo ccaawamagaalooyinka Soomaaliland. Durba eedeeymo kala duwan ayaa loo jeedinayaa Soomaaliland oo ku aadan in xildhibaanka oo lahaa xasaanad ay ku xadgudubtay. Puntland Post The post Ciidamada Soomaliland oo xiray Xildhibaan ka soo jeedo sool appeared first on Puntland Post.
  18. Millitariga Maraykanka ayaa sheegay in ay Arbacadii duqeyn diyaaradeed ku dileen 13 xubnood oo ka tirsan malayshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland. Qoraal galabta ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka Qaaradda Afrika ee loo yaqaanno AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lala beegsaday saldhig ay Daacish ku leeyihiin buuraleyda Golis ee gobolka Bari lagu dilay 13 xubnood oo ka tirsan ururkaasi. Taliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in duqeynta oo lala kaashaday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax khasaare ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku sugan nawaaxiga la duqeeyay. Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa sannadkan sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah malayshiyaadka Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari ee Puntland. 14-kii bishii April ee sannadkan ayay ahayd markii diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay duqeyn ku dileen ku xigeenkii kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdixakiin Dhuqub xilli uu marayey aga’gaarka tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo sheegay in uu 13 xubnood oo ka tirsan Daacish ku dilay buuraleyda gobolka Bari ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  19. Kenya and the United States agreed on Wednesday to take a series of steps to deepen their economic ties, promote opportunities for US businesses and enhance their joint efforts to “degrade Al-Shabaab.” Source: Hiiraan Online
  20. A terror suspect in Mandera County was on Thursday released on bond after denying charges of collecting information for a cell and attempting to sneak out of the country to Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. The Bundestag has voted to extend three missions in Mali and Somalia for another year. But special forces deployments in Niger and Cameroon have drawn parliamentarians' ire. Source: Hiiraan Online
  22. The EU has provided 140,000 U.S. dollars in humanitarian funding to assist families severely hit by drought in Somalia. Source: Hiiraan Online
  23. Ilo’ xog-ogaal ah oo ku sugan madaxtooyada Puntland ee Garoowe, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in shirka wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ee Garoowe ka socda uu khilaaf cusub cagaha la galay, kadib markii galabta uu muran xooggan ka dhex qarxay, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe). Muranka oo gacan ka-hadal ku dhowaaday, ayaa labada mas’uul ka dhex bilowday kadib marki Axmed Madoobe oo shirka dhex fadhiya laga soo wacay magaalada Kismaayo, laguna wargeliyay in garoonka diyaaradaha Kismaayo uu ka socdo dagaal u dhexeeya ilaalo uu watay, musharrax ka yimid magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo, Cabdinaasir Seeraar iyo ciidanka Jubaland ee u xilsaaran sugidda amniga garoonka. Mudane Axmed madoobe ayaa kadib markii uu taleefonka dhigay, wuxuu si toos ah hadallo kulul ugu riday madaxweyne Farmaajo, isagoo xukuumadda Federaalka ku eedeeyay in ay magaalada Muqdisho ka soo dirtay Cabdinaasir Seeraar, si uu khal-khal iyo dagaal uga abuuro doorashada Jubaland, si lamid ah doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyadda wixii galabta ka dhacay magaalada Kismaayo uu guud ahaan qaadanayo madaxweyne Farmaajo, waxaana Axmed Madoobe madasha ka caddeeyay in uusan sii fadhiyi doonin shirka uu guddoominayo madaxweyne Farmaajo. Dhankiisa madaxweyne Farmaajo oo hadalka qaatay ayaa iska fogeeyay eedaynta mudane Axmed Madoobe, isagoo sheegay in aysan denbi ahayn in laga yimaado magaalada Muqdisho, balse madaxweynaha Jubaland ayaa hadalka ka dhexgalay waxaana ay isweydaarsadeen ereyo kulul oo usii gudbay weerar-shakhsiyeed, sida ay sheegeen xubno aan ka soo xiganay warkan. Muranka labada mas’uul oo meel adag gaaray, ayaa mudda daqiiqada hadalka kala-heli waayey, iyadoo ay ku sigteen in ay isu gacan-qaadaan, ha’yeeshee madaxdii kale ee shirka joogtay ayaa markii dambe soo kala dhex gashay muranka labada mudane. Sidoo kale, madaxweynaha Galmudug ayaa taageeray hadalka Axmed Madoobe, waxaana madasha ka sheegay in aan wax wada-hadal ah lala sii wadi Karin xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu ku eedeeyay in aysan waxba ka fulin doonin heshiisyada lala galo. Shirka ayaa galabta ku dhammaaday muran iyo weerar-shakhsiyeed, waxaana fashilmay waan-waan uu isku dayay madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu ku xalliyo khilaafka cusub ee madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiinta kale. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo la kala qabtay iyo shirkii Garoowe oo fashilmay appeared first on Puntland Post.