Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,383
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qarax gaari ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhaw xarunta danbi baarista ee CID ee dagmada hodan ee gobalka Banaadir ,wararka ayaana tibaaxaya inuu qaraxa ahaa mid lagu dhajiyay gaari markii uu marayay xarunta meel u dhawna uu qarxay, Qaraxa ayaa ahaa mid aad looga maqlay qaar kamid ah dagmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho Ilaa iyo hadda waxa aan la ogeeyn qasaaraha ka dhashay qaraxa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Ra’iisul Wasaaraha kuxuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. “Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed Iyo ehelkii uu ka baxay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ku geeriyooday Hargeysa. Waxa uu astaan u ahaa nabadda & dib-u-heshiisiinta. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Allaaha u naxariistii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo dhashay dhammaadkii qarnigii 19aad ayaa kamid ahaa sama-taliska Soomaaliyeed iyo mawaadiniintii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay halgankii xoriyadda dalka. Goobjoog New Source: goobjoog.com
  3. ST. CLOUD — Suud Olat's parents never dreamed their children would earn bachelor's degrees, he said Tuesday. Source: Hiiraan Online
  4. Members of Winnipeg's Somali community held a small rally to speak out about deportations. Source: Hiiraan Online
  5. It is eight years since Osama bin Laden, the founder of al-Qaeda, was killed by US forces in the Pakistani town of Abbottabad. Source: Hiiraan Online
  6. The U.S. has reportedly developed a secret missile capable of surgical attacks on terrorist strongholds. The R9X missile, also called the “Ninja Bomb” or “Flying Ginsu,” is designed for pinpoint accuracy to take out terrorists without harming civilians. Source: Hiiraan Online
  7. TACSI ANIGOO KU HADLAAYA MAGACA QOYSKA ILMA CUMAR CABDI (ILMA CUMARYARE )WAXAAN TACSI U DIRAYAA EHELKII IYO QARAABADII IYO DHAMAAN UMADA SOOMAALILAND GEERID A KU TIMI HALYAYGII NABADAYNTA GEESKA AFRICA XAAJI CABDIKARIIN XUSEEN (CABDI WARAABE )OO KU GEERIYOODAY MAGAALADA HARGAYSA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN ILAAHAY JANADII HA GEEYO SAMIR IYO IIMAANA HAYNAGA SIIYO AAMIIN AAMIIN Sir Mohamud OMARYARE Qaran News
  8. MOGADISHU, May 10 (Xinhua) -- Kenyan troops serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Thursday carried out medical checks for residents of Dhobley in southern Somalia as part of efforts to improve relations with the locals. Source: Hiiraan Online
  9. NAIROBI, Kenya, May 10 – Police have lobbed teargas to disperse refugees who have been camping outside the United Nations High Commissioner for Refugees offices in Westlands. Source: Hiiraan Online
  10. New York (Caasimada Online) – Shabakadda The Intercept ee Mareykanka ayaa warbixin dheer ka qortay heshiis ku saabsan Soomaaliya oo dhex maray Erik Prince, oo ah aas-aasaha shirkaddii Blackwater ee ciidamada calooshood u shaqeystayaasha (Mercenaries) iyo Mohamed bin Zayed oo ah dhaxal-sugaha amiirka Abu Dhabi iyo hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta. Heshiiskan, oo markii dambe meel xun ku dhammaaday, ayaa ku salaysnaa ciidamo Soomaali ah oo Erik Prince uu aas-aasay balse uu maal-geliyey Mohamed bin Zayed, si ay ula dagaalaan burcadda badeeda Soomaalida ee aadka u xoogaystay wixii ka dambeeyey 2010—kii. Burcad badeedda ayaa dhaawac xooggan gaarsiiyey danaha Imaaraadka Carabta ee maraakiibta isticmaasha dekedda Dubai, taasi oo Imaaraadka ku qasabtay inay taallbo qaadaan. Erik Prince ayaa aas-aasay mashruuc gaar ah oo uu ka dhex-sameeyey shirkadda Reflex Response oo uu lahaa, waxaana uu shaqaaleeyey nin lagu magacaabo Lafras Luitingh oo horey uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee South Africa, markii ay xukumayeen caddaanka. Mashruucan ayaa waxaa lagu shaqaaleeyey ciidamo caddaan calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay dalka South Afrika, kuwaasi oo shaqeyn jiray xilligii caddaanka ee dalkaas. Prince iyo Luitingh ayaa wada aas-aasay ciidamada gaarka ah ee Puntland ee loo yaqaan Puntland Maritime Police Force (PMPF), si ay ula dagaalaamaan burcad badeedda. QM iyo ayaa diiwaan gelisay in shirkad uu aas-aasay Luitingh oo la siiyey qanadaraaska dhismaha ciidamada PMPF laguna magacaabo Saracen ay gaystay xadgudubyo waa weyn oo ka dhan ah xayiraadda hubka ee saaran ee Soomaaliya, iyo dad shacab ah oo la dilay. Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in mashruucan oo socday laba sano lagu aas-aasay ciidamo ka baxsan xeendaabka sharciga, islamarkaana si toos ah ugu xiran madaxweynaha Puntland. Ilo-wareedyo ayaa u sheegay The Intercept in saraakiil ka tirsan sirdoonka Imaaraadka Carabta ay boorsooyin ay ka jiraan lacag malaayiin dollar ah ay siiyeen Luitingh si uu shaqadan u fuliyo. Heshiiska Imaaraadka iyo Erik Prince oo qarsoodi ahaa, yaa soo shaac baxay markii Erik uu ku faanay shaqada uu qabtay isaga oo wareysii siiyey taleefishinka Fox News ee Mareykanka sanaddii 2012. Prince ayaa wareysiga Fox News raadiyey bishii Febraayo ee 2012, isaga oo siiyey nin lagu magacaabo Oliver North oo ay ciidamada iskala tirsanaan jireen, balse Fox News u ahaa taxliiliye arrimaha militariga ah. Waxa uu wareysiga ku amaanay ciidamada Puntland ee PMPF isaga oo shaaca ka qaaday in Imaaraadka ay ka dambeeyeen mashruuca. Dareenka dhanka warbaahinta ee kusoo jeestay, ayaa aad uga carreysiiyey dowladda Imaraaadka Carabta, sida laga soo xigtay mid ka mid ahd adka aadka ugu dhow Erik Prince. Mashruuca ayaa la joojiyey wax yar un kadib markii askari Soomaal ah uu dilay mid ka mid ah ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ee South African-ka, intii lagu guda jiray mid ka mid ah howl-galladii ugu horeeyey ee ciidamada PMPF. Askariga Soomaaliga ee dilka gaystay ayaa qaraabo la ahaa burcad badeed ay ciidamada caddaanka ee shirkadda Saracen horey ay dileen. Ciidamada Saracen ayaa bilowgiiba lagu dhex-milmay, taasi oo ahayd guul-darro ku timid xeerarka aas-aasiga ee ka hortagga sirdoonka, sida uu qiray sarkaal horey uga tirsanaa CIA-da oo wareysi bixiyey. QM ayaa goor dambe werisay in xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin ciqaab adag, dhaawacyo halis ah iyo dhimasho ay ka dhaceen xeradii lagu tababaray ciidamada PMPF ee South African-ka caddaanka ay maamulayeen. Robert Young Pelton oo Erik Prince kala shaqeeyey mahsruuca Soomaaliya kadibna ka caawiyey qorista buuga taariikh nololeedkiisa ayaa Prince ku qeexay nin mala’waal ku nool, oo leh maskaxda 12 jir, islamarkaana jaceyl isaga qaaday ciidamadii caddaanka South African-ka ee ka qeyb galay dagaaladii xumaa ee dalkaas. Pelton ayaa sheegay in markii uu Prince markii ugu horreysay tusay qarriiadda mashruuca ciidamada amniga PMPF, uu ogaaday in Prince uusan weligiis tegin Soomaaliya. Prince ayaa Pelton u sheegay in fikradda la dagaalanka burcad badeedda uu ka helay aqrinta buugga “Xeebta Burcad-Badeedda” ee laga qoray howl-gal sir ah oo Mareykanka ay sanaddii 1805 kula dagaalameen burcad badeeddii xeebaha Libya. Mashruucii uu sameeyey Erik Prince ee la-dagaalanka burcad badeeda ayaa waxaa si la mid ah mashruucyadiisii hore la degay wax is-daba marin maaliyadeed. Sida laga soo xigtay laba qof oo qeyb ka ahaa, ugu yaraan 50 milyan oo dollar oo loogu talo-galay ciidamada la dagaalanka burcad badeedda ayaa la waayey, waxaana kadib Imaaraadka ay go’aansadeen inay joojiyaan maal-gelinta mashruucan. Waxaa sidoo kale mashruuca lagu xaday oo aan mar dambe dib loo arag dhowr diyaarado dagaal, diyaarad xamuul, laba diyaarado qumaatiga u kaca ah iyo dhowr maraakiib. Ka hor inta aysan Imaaraadka ku amrin inuu mashruuca joojiyo, Prince ayaa waxa uu sarkaal sirdoon oo hore u xil saaray inuu baaritaan ku sameeyo barnaamijka ciidamada PMPF. Prince ayaa ogaaday in la waayey 38 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay u dhiibeen Luitingh, taasi oo loogu talo-galay ciidamada South African-ka. “Waxaan u sheegay Prince in Luitingh iyo ciidamada South African-ka ay lunsadeen 38 milyan oo dollar.” Waxaa sidaas yiri mid ka mid ahaan jira shaqaalaha Prince. Muddo lix bilood ah oo kasoo billaabata dabayaaqadii 2011, wargeyska New York Times ayaa kashifay in Maxamed Bin Zayed uu si tartiib ah uga joojiyey Prince masharuucii lka dagaalanka burcad badeedda, sababo la xiriira markii warbaahinta ay ka war heshay. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Hooyooyin Ay Indhahooda Ilmo Buuxisay Oo Ka Cabasho Xooggan Ka Muujiyay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ku magac dheeraa “Cabdi-Waraabe” oo ugu da’ waynaa golaha guurtida Somaaliland, da’diisana lagu sheegay in ay ahayd 121 sano ayaa maanta ku geeriyooday magaaladda Hargeysa. Xaaji Cabdi-Waraabe oo ahaa nin si wayn loogu xasuusto arrimaha dib u heshiisiinta, samataliska iyo isu soo dhawaynta bulshada, taariikh dheerna ku dhex lahaa, ayaa wuxuu sanadkii 1898-dii ku dhashay miyiga magaalada Hargaysa sida uu BBC-da u sheegay intii uu noolaa. Xaaji Cabdi-Waraabe oo sanadkii 2012-kii BBC-da uga warramay taariikh nololeedkiisa ayaa sheegay in uu yaraantiisii ku soo barbaaray miyaga, wuxuuna sheegay in 1940-kii loo doortay caaqilnimada beeshiisa, ayadoo xilligaas qofka caaqilka loo doranayo dhinacyo badan laga eegi jiray sida kartidiisa iyo nabaddoonimadiisa. Mar uu ka hadlay sababta loogu bixiyey naanaysta “Waraabe” ayaa waxa uu sheegay in asagoo kuray ah oo geel la jooga geelii laga dhacay, dabadeedna uu ka hari waayey raggii geela ka dhacay ilaa markii dambe uu ka soo dhiciyey ayagoo markii ay ka yaabeen hal adaygiisana ku yidhi waar kani waa “Waraabe”. Waxyaabaha lagu xasuusto taariikhda Xaaji Cabdi-Waraabe ee caanka noqday looguna aqoonsaday inuu ahaa nin nabadeed waxaa kamid ahaa in asagoo dhalin yaro ah rag ay tol ahaayeen ku tirtirsiyeen in uu u soo aaro aabihii oo ninkii dilay uu isaguna soo dilo. Waxaa markii la diray la socday nin kale oo ay ilama adeer yihiin oo la doonayey inuu hawshaa la soo fuliyo. Cabdi-Waraabe iyo ninkii la socday ayaa iyaga oo qori sita waxay martiyeen ninkii ay doonayeen in ay qudha ka jaraan. Ninka ay maaganaayeen markaa ma garanayn, hase yeeshee markii ay martiyeen si gobannimo leh ayuu u sooryeeyey oo u soo dhaweeyey. Markii uu u loogay ee ay raashinkii cuneen ayaa waxaa isa soo qabsaday roob weyn oo mahiigaan ah. Ninkii ay martida u ahaayeen ayaa aqalkii ubadkiisu ku jireen geliyey oo meel uga banneeyey. Roobkii oo da’aya ayay is waraystaan, balse mar dambe ayaa aqalkii ku darrooray, markaas ayaa ninkii saan ay caruurtiisu ku hurdeen intuu ka toosiyey raggii martida u ahaa uga dhigay darroorintii. Roobkii qaad waagiina beri, markii ay quraacdeen oo ay doonayeen in ay ka tagaan ayaa ninkii la socday Cabdi-Waraabe ku boorriyay inuu ninka toogto oo aabihii u aaro. Waxaa se lama filaan ku noqotay jawaabtii Cabdi-Waraabe. Wuxuu ugu hal celiyey “ma ninka in tiix biyo ahi i gaadho ii quudhi waayey ayaan xabad u quudhaa”? Go’aankaas uu qaatay Cabdi-Waraabe ayaa horseeday in sidaas gabadh lagu siiyo reerkii ay colaaddu ka dhaxaysayna ay sidaas ku heshiiyaan. Waxayna arrintaas u suurto galisay in asagoo yar uu beeshiisa caaqil u noqdo, iyo in uu hormuud u noqdo dadka nabadda ka shaqeeya. Cabdi-Waraabe ayaa intii uu noolaa BBC-da u sheegay in uu lasoo shaqeeyey madaxdii soo martay Jahuuriyadda Soomaaliya ee ay ugu horeeyey Aadan Cabdille Cismaan, Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Maxamed Siyaad Barre. Somaliland ayuu sidoo kale lasoo shaqeeyey madaxdii soo martay ee Cabdiraxmaan Tuur, Maxamed Ibraahim Cigaal, Daahir Riyaale Kaahin, Axmed Siilaanyo iyo madaxweynaha haatan talada haya ee Muuse Biixi. Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ahaa in uu aad iyo aad u hadal caddaa oo uu go’aan qaadasho lahaa, wuxuuna soo noqday guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland. Source
  13. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.” “Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo” Source
  14. The US military has killed 13 ISIL fighters in Somalia's semi-autonomous Puntland region in an air attack, it said, days after another raid killed three. Source: Hiiraan Online
  15. (SLT-Hargeysa)0Madax-dhaqameed Iyo Odayaal Ku Sugan Hargeysa Oo Si Adag Uga Hadlay Dad Lagu Laayay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Somaliland:Obituary Haji Abdi Hussein Yusuf, “Cabdi Waraabe”. Hargeisa,(Qaran news)-Haji Abdi Hussein Yusuf, one of Somaliland’s wisest and best known elders has died. Known throughout the Somali community as “Cabdi Waraabe” was thought to have been over a hundred years old at the time of his passing. Born on the outskirts of Hargeisa in the early part of the 20th century, the date is unknown since records were not kept at the time, Haji Abdi Hussein Yusuf began life as a nomad and has always considered himself a nomad. His father was a community elder and a chief, but like most children, the late Haji began to attend Quran school and to look after his family livestock. Haji Abdi Hussein Yusuf, like most Somali youngsters at his age, began to look after the smaller flock of his families livestock, the goats and the sheep. As he grew older, he was entrusted to look after the camels, often taking them on long drives to more fertile range with water. These camel treks lasted days and at times went as far the Hawd region. Haji Abdi Hussein Yusuf was always blessed with a strong and serene personality that served him well as he become older and set out in his adult life. A veritable treasure chest of Somali folklore, history, literature, Haji Abdi Hussein Yusuf, was to play a significant role in the rebirth of Somaliland after the ill-fated union with Somalia. A natural peacemaker, Haji Abdi Hussein Yusuf, helped to resolve many political and social crisis in Somaliland. As a member of the Somaliland House of Elders, “Guurti”, he helped to resolve issues ranging from internal armed conflicts, to land and livestock disputes to political impasses. A wise head and a superb natural intellect, Haji Cabdi Waraabe, will forever be known as a peacemaker. Qarannews would like to take this opportunity to send our condolences to his immediate family, friends, the people of Somaliland and to all the Somali people across the globe on his passing. It had been a long, fruitful and blessed life. Qaran News
  17. Allaah ayey mahad oo idili u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi; Aqristoow; waxaa maalintii Arbacada aheyd, taariikhduna ku beegneyd 8-da bishan Maajo (May) ee 2019-ka, markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya iyo Mareeykanka si sharci ah loogu codeeyey, qalinkana loogu duugay, mataaneynta caasimada ummada Soomaaliyeede Muqdisho, iyo caasimada gobolkan Minnesota ee Saint Paul. Gobolkan Minnesota waxaa lagu tilmaamaa, caasimada quba-joogta Soomaaliyeed, maadaama ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan, ee dalka dibadiisa ku nool, waa marka loo barbardhigo, meelaha kalee dalka dibadiisa ah, ee Soomaalidu ku kala nooshahay’e. Waa guul aad u weyn, muhiimna u ah guud ummada Soomaaliyeed, gaar ahaanna ummada Soomaaliyeed, ee gobolkan Minnesota ku nool, kuwaasoo muujiyey awoodooda shaqaale, mid siyaasadeed, iyo mid galaangal intaba. Waxeey guushani dhadhan gaar ahoo aad u macaan badan u leedahay, ammaanteedana iska leh, intii dadaalka dheer galisay, dhib iyo xagxagasho fara badanna uu ka soogaaray. Dadkaa waxaa ugu horeeya Al-Sheekh Dr. Imaam Xasan Jaamici, Qaasim Basuuri oo ah gudoomiyaha degmada lixaad ee Saint Paul (St Paul Ward 6 Council Member), iyo waxgaradkii kalee Soomaaliyeed, ee dadaalkaa ku garab istaagay. Qaar ka mid ah waxyaabaha laga faa’idayo mataaneynta labadan magaalo. Dab-Damisyo in loo qaado caasimadda Ummada Soomaaliyeed ee Muqdhosho. In Aambulans (Ambulances) in looqaado caasimada Ummada Booliska (Police) magaalada Saint Paul, oo tababaro siiya booliiska magaalada Muqdisho, sidaana ballan qaaday. Ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Mareeykanka, oo iska kaashanaya shaqo abuuris. Mashaariic waxbarasho, oo macaahid farsamo ay ku jiraanoo la abuurayo. …iyo kuwo kaloo fara badan. Taariikhda laga soomaray mataaneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Saint Paul Dadaalka mataaneynta caasimada gobolkan Minnesota ee Saint Paul, iyo caasimada ummada Soomaaliyeed ee Muqdisho, wuxuu soo socday in mudo ah.Waxaa waqti iyo dadaal dheerba ku bixiyey waxgarad Soomaaliyeed, hogaankeedaba halahaadeen shaqsiyaad wanaagaa hor boodayey’e. Nasiibdarro! Waxaa jiray koox kaloo Soomaali ah, kuwaasoo qaab qabyaaladeeysan uga soo hor jeestay mataaneynta magaalooyinka Saint Paul iyo Muqdisho. Waxeey dadaal, iyo olole farabadan ku bixiyeen, ineeysan marnaba suurtagalin mataaneynta labadan magaalo, iyagoo markaa u xaglinayey, in magaalada Saint Paul lala mataaneeyo, magaalo kaloo “Beel ahaan” kooxdaasi kasoo jeedaan.Waxeey waraaqo u kala direen, golaha magaalada Saint Paul, iyo waliba duqa maqaalada (Mayor of Saint Paul city) intaba, iyagoo magaalada Muqdisho iyo ummada Soomaaliyeede daganba ku caayay, ineey yihiin goob iyo dad argagixiso, iyagoo dhanka kalana ammaanayey magaaladaa kalee Soomaaliyeed, balse “Reerkoodu dago”. Waxeey baraha bulshada aflagaado, iyo waxkastoo meel ka dhac ku ahba u geeysteen, culumadii arintaa mataaneynta labadan magaalo hogaaminayay. Arintaa waxeey sababtay, in arintii mataaneynta labada magaalo, ee dadaalkeedii heer gabagabo ah marayay, dib u dhac kuyimaado, maadaama arinta buuq lagu furay, duqa magaaladana loo tusay, in arintani u keeni karto, fadeexo siyaasadeedoo soo afjari karta, mustaqbalkiisa siyaasadeed, maadaama uu “Argagixiso wax ku darsanayo!”. Nasiib wanaag! Ugu dambeyn waxaa guuleestay, inta jecel wanaaga iyo midnimada Ummada Soomaaliyeed. Taariikhdii kalee isku dayga mataaneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Minneapolis Maadaama gobolkan Minnesota yahay, meesheey ku nool yihiin Soomaalida ugu badane, dalka dibadiisa ku nool, marka loo barbardhigo meelaha kalee dalka dibadiisa ah, ee Soomaalidu ku nooshahay, ayaa la damcay in la mataaneeyo magaalada Minneapolis, ee Soomaalida gobolka Minnesota ugu sii badan yihiin, ganacsigooda ugu xooganina yaallo, iyo caasimada ummada Soomaaliyeed ee Muqdisho. Dadaalkaa waxaa bilaabay Soomaali is xil qaantay, kuwaasoo markaa kashaqeeynaysey dowlada gobolka, maadaama cid Soomaali ahoo la doortayba markaa jirin, hadeey ahaan laheyd heer xaafad ama dagmo, heer gobol, iyo heer qaran intaba. Dadaalkaa wuxuu soo socdaba, isagoo meel aad u wanaagsan, oo mira dhal ah maraya, ayaa waxaa la doortay “Shaqsi Soomaali ah”, oo markaa Soomaalidu si kal-iyo-laab ah, Soomaalinimo ugu wada gurmatay, maadaama uu ahaa qofkii Soomaali ahaa, ee ugu rajada wanaagsanaa in la doorto. Waxaa rajo laga qabay, inuu dadaalkaa mataaneynta labada magaalo, meeshiisa kasii wadi doono, goolkaana Soomaali oo dhan u wada dhalin doono, maadaama Soomaali oo dhami ugu wada gurmatay, si Soomaalinimo ah. Nasiibdarro! Maalintii la doortay, ayuu lasoo baxay wax Soomaalida guud ahaan aaney ka filaneyn. Maadaama loo doortay golihii magaalada Minneapolis, yahayna qofka kaliya, ee Soomaali ahe kujira golahaa, wuxuu dadaal u galay, siduu u kala tuuri lahaa, mideynta labadaa magaalee Muqdisho iyo Minneapolis. Ugu dambeyn wuxuu kala daadiyey dadaalkii mudada dheer Soomaalidu soo waday, wuxuuna meeshaba ka saaray, in la mataaneeyo magaalada Minneapolis iyo caasimada dalkeenee Muqdisho, isagoo markaa qaab qabyaaladeed ula dagaalayay. Wuxuu badalkeedii dadaal ku bixiyey, in la mataaneeyo magaalada Minneapolis iyo magaalo kaloo Soomaaliyeed, balse “Jufadiisu” dagto. Ugu dambeyn wuxuu golihii Minneapolis meel mariyey, mataaneynta magaaladii “Jufadiisa” dagto, ee uu ku badalayey caasimada ummada Soomaaliyeede Muqdisho. Sidaa ayey meesha uga baxday mataaneyntii Muqdisho iyo Minneapolis, sidaana “Shaqsigaa” ugu badalay magaaladaa “Reerkiisu” dagaan, balse sidaabaa taariikh madoow looga qoray. Waxaa intaa kasii daran, markii lawaday dadaalkan guuleeystaye ah, mideeynta magaalooyinka Muqdisho iyo Saint Paul, kooxda qabyaalada ugasoo horjeesatay,ee waraaqaha dacaayadaha meelkasta ukala dirayey, waxeey u xaglinayeen magaalo kaloo “Isla deegaankaa ah”, dagtana “Isla beeshaa” kuwaasoo shaqsigaa aan soo sheegney kasoo wada jeedaan. Ha noolaato midnimada, wadajirka, iyo is jaceynka ummadeena Soomaaliyeed. Mahadsanidiin Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 10/05/2019, Magaalada Hargeysa. waxaanu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa dhammaan tafiirta Reer Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf meel ay kala joogaanba. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Rukun ka mida Rukamada Qaranka Somaliland ku aas-aasmay, tusaale fiicana u ahaa dhammaan hal-doorka Somaliland, tan iyo maalintii uu kaalin qaadayna waxa lagu yaqaanay diin jacayl dad ururin iyo daacadnimo, wuxuuna caan ku ahaa nabadda iyo isu keenida bulshada isagoo saaxada ku soo galay odaynimo geyiga Somaliland wada gaadhay Marxuum xaaji Cabdikariim xuseen Yuusuf, wuxu ahaa oday halgan adag u soo galay aas-aaska Jamhuuriyadda Somaliland wuxuuna ka mid ahaa waayeelkii tirada yaraa ee u guntaday nabadeynta iyo dawlad dhiskii qaranka, wuxuu ahaa tiir ka mida aqalka guurtida Somaliland, wuxuuna ku suntannaa maalin iyo habeen inuu u hagar baxo geediga nabadda Somaliland, isagoo ahaa musdanbeed arrin kasta oo murugta loola noqdo, u odayeynta toosinta iyo tanaasulka siyaasiyiinta dalka, madaxdii qaranka soo hoggaamisayna uu la garab taagnaa talo iyo tusaale, waxaana lagu xasuusan doonaa samo-talis talo suuban. Ruugcadaa u soo rafaaday rumaynta qaranka Somaliland oo uu baal dahab ah ka galay sooyaalka taariikhdiisuna ku xusnaan doonto. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, dhammaan reer xaaji Cabdikariin, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Alle ha u naxariistee waxa oo goor dhawayd cisbitaalka Internation ee magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuun xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe). Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) ayaa xaalad caafimaad la jiifay cisbitaal oo laga dabiibayay muddooyinkii ugu dambeeyay. Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ahaa odayga ugu da’da weyn ayaa Somaliland ayaa marxalado badan kala soo dabaashay Somaliland waxaanu ku suntanaa dhismaha qaranka. Bahda Somalilandtoday waxa ay tacsi tiiranyo leh u diray ehelada uu ka baxay Marxuun iyo dhammaan ummada reer Somaliland. Source
  20. Shirka wada-tashiga ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada uga socda magaalada Garoowe ayaa maanta galay maalintiisi lixaad. Read More
  21. Allah ha u naxariisto Waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ahaa xildhibaanka ugu da'ada weyn Golaha Guurtida Somaliland. Read More
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.” “Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa maanta ku dhawaaqday inay joojisay duullimaadyadii tooska ah ee Muqdisho illaa Nairobi, iyadoo xustay in wixii maanta ka dambeeya ay diyaaraduhu mari doonaan Wajeer si baaris loogu sameeyo. Tallaabadan ayaa waxay ka mid ahayd qodobbo ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya sannadkii 2017-kii ugu heshiiyeen, inkastoo go’aankan cusub uu u muuqdo mid ay dowladda Kenya keligeed qaadatay, isla markaana aan la ogeyn ujeeddada rasmiga ah ee ay ka leedahay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu soo gaaray go’aanka Kenya ay ku joojisay dullimaadyadii tooska ah ee Muqdisho ka aadi jiray, ayna wixii ka dambeeya maanta diyaaradaha Xamar ka duula lagu baari doono Wajeer. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad [Oomaar] oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in warqad kasoo baxday waaxda socdaalka Kenya ay soo gaartay lagula ogeysiiyay go’aanka cusub ee ay Kenya qaadatay. “Aniga xitaa ma garanayo sababta ka dambeysa in Kenya ay go’aankan qaadato, balse dhankeenna waxaa socda la tashiyo arrintaan ku saabsan oo aan doonayno inaan uga jawaabno,” ayuu yiri Wasiir Oomaar oo sheegay in aanu xilligan warbahainta la wadaagi karin go’aanka ramsiga ah ee DF ay ka qaadanayso tallaabadan. Sidoo kale, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in arrimo amni ay la xiriirto tallaabadan cusub ee Kenya qaaday, isagoo ku faanay in amniga garoonka Muqdisho uu yahay mid ka wanaagsan garoomo badan oo caalami ah. Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya iney jirto dhaqaale xumo aad u weyn oo dowladda Kenya kasoo wajahday dakhligii uga soo xaroon jiray garoonka diyaaradaha Wajeer, iyadoo warbixin lagu daabacay Wargeyska Daily Nation lagu muujiyay in tan iyo markii dib loo billaabay duullimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi garoonka Wajeer uu khasaaray 19­kun oo Doollar. Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa in jawaab u dhiganta midda Kenya ay ka bixiso dhawaan, inkastoo aan la ogeyn jawaabtaas ay bixin doonto dowladda Soomaaliya, maadaama siyaasiyiintu ay sheegaan inay DF inta badan ka war-wareegto ciqaabidda dowladda Kenya. PUNTLAND POST The post Duullimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi oo la joojiyay appeared first on Puntland Post.
  24. Hargeysa (PP) ─ Isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxaa ku geeriyooday maanta marxuum Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf oo loo yiqiinay [Xaaji Cabdi Waraabe], kaasoo ka mid ahaa cuqaashii gacanta weyn ka geystay nabad-galyada Somaliland. Geerida marxuumka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xubno ka tirsan maamulka Somaliland oo ay ehel ahaayeen, waxaana la sheegay in muddo dhawr jeer ah la dhigay isbitaalka uu maanta ku geeriyooday si looga daweeyo xanuunno lasoo darsay. Marxuumka ayaa wuxuu ka mid ahaa cuqaasha ay ka go’do talada guud ee Somaliland, wuxuuna dhawr jeer oo hore ku guuleystay inuu xalliyo khliaafyo soo dhex-galay maamulladii Somaliland soo maray tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1992-kii. Sidoo kale, Marxuumka oo ku geeriyooday da’da 121 sano, ayaa wuxuu u soo joogay dhacdooyin kala duwan oo soo maray Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu maamulka Somailland kasoo qabtay jagada ah madaxii waaxda socdaalka, isagoo haddana ahaa xildhibaan ka tisran golaha guurtida maamulkaas. Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.” “Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo,” ayuu yiri Farmaajo. Marxuumka ayaa lagu wadaa in gellinka dambe ee maanta lagu aaso Koonfurta magaalada Hargeysa, waxaana lagu wadaa inay aaska ay ka qayb-galaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Somaliland. Ugu dambeyn, dadka falanqeeya Siyaasadda ayaa waxay sheegayaan in geerida marxuumka ay sabab u noqoto karto in la xallin waayo khliaafyada soo dhex-gala maamulka Somaliland, kuwaasoo xilliyada qaar la isku mari waayo. PUNTLAND POST The post Xaaji Cabdi Waraabe oo geeriyooday iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay appeared first on Puntland Post.