-
Content Count
208,391 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
As part of its ongoing series, Radio Ergo visited a camp for the displaced in Jowhar and found many households headed by children. Some of them are orphans, whilst others have parents incapable of making ends meet without their children working. The children take on whatever jobs they can find. Source: Hiiraan Online
-
The third in a trio of federal cases brought by the San Francisco-based Center for Justice and Accountability (CJA) on behalf of victims and survivors of Siad Barre’s rule in Somalia will go to trial on May 13, almost 15 years after it was filed and more than 30 years since the events at issue took place. Plaintiff Farhan Warfaa brought this suit against defendant Colonel Yusef Abdi Ali (a.k.a. “Tukeh”) in the Eastern District of Virginia, where Ali has been living for more than two decades. Judge Leonie Brinkema and a jury to be selected next week will hear four days of evidence and argument from the parties, with a verdict expected on or after May 17. The three cases have provided unique opportunities for the plaintiffs to seek recognition for the harm they suffered decades ago, and represent an effort to ensure that foreign perpetrators of torture and other violations of international law do not find safe haven in the United States. Source: Hiiraan Online
-
Once controlled by the Islamist militant group Al-Shabaab, the port city of Mogadishu is more than just the capital of Somalia — it’s also a symbol of reconstruction in an East African country wracked by civil war. Source: Hiiraan Online
-
The governing African National Congress (ANC) is expected to be returned to office in South Africa's parliamentary election, but with a reduced majority. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (HOL) - Somaliland's chief elder, Haji Abdi Hussein Yusuf "Haji Abdi Warabe” has passed away in Hargeisa on Friday. The 'Wise Chief' was a reported 122 years old at the time of his death, making him one of the oldest centenarians in the world. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (HOL) - Somaliland's chief elder, Haji Abdi Hussein Yusuf "Haji Abdi Warabe” has passed away on Friday at the Hargeisa International Hospital. The 'Wise Chief' was a reported 122 years old at the time of his death, making him one of the oldest centenarians in the world. Source: Hiiraan Online
-
Qarax gaari ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhaw xarunta danbi baarista ee CID ee dagmada hodan ee gobalka Banaadir ,wararka ayaana tibaaxaya inuu qaraxa ahaa mid lagu dhajiyay gaari markii uu marayay xarunta meel u dhawna uu qarxay, Qaraxa ayaa ahaa mid aad looga maqlay qaar kamid ah dagmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho Ilaa iyo hadda waxa aan la ogeeyn qasaaraha ka dhashay qaraxa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha kuxuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. “Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed Iyo ehelkii uu ka baxay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ku geeriyooday Hargeysa. Waxa uu astaan u ahaa nabadda & dib-u-heshiisiinta. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Allaaha u naxariistii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo dhashay dhammaadkii qarnigii 19aad ayaa kamid ahaa sama-taliska Soomaaliyeed iyo mawaadiniintii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay halgankii xoriyadda dalka. Goobjoog New Source: goobjoog.com
-
TACSI ANIGOO KU HADLAAYA MAGACA QOYSKA ILMA CUMAR CABDI (ILMA CUMARYARE )WAXAAN TACSI U DIRAYAA EHELKII IYO QARAABADII IYO DHAMAAN UMADA SOOMAALILAND GEERID A KU TIMI HALYAYGII NABADAYNTA GEESKA AFRICA XAAJI CABDIKARIIN XUSEEN (CABDI WARAABE )OO KU GEERIYOODAY MAGAALADA HARGAYSA BISHAN RAMADAAN EE BARAKAYSAN ILAAHAY JANADII HA GEEYO SAMIR IYO IIMAANA HAYNAGA SIIYO AAMIIN AAMIIN Sir Mohamud OMARYARE Qaran News
-
MOGADISHU, May 10 (Xinhua) -- Kenyan troops serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Thursday carried out medical checks for residents of Dhobley in southern Somalia as part of efforts to improve relations with the locals. Source: Hiiraan Online
-
NAIROBI, Kenya, May 10 – Police have lobbed teargas to disperse refugees who have been camping outside the United Nations High Commissioner for Refugees offices in Westlands. Source: Hiiraan Online
-
New York (Caasimada Online) – Shabakadda The Intercept ee Mareykanka ayaa warbixin dheer ka qortay heshiis ku saabsan Soomaaliya oo dhex maray Erik Prince, oo ah aas-aasaha shirkaddii Blackwater ee ciidamada calooshood u shaqeystayaasha (Mercenaries) iyo Mohamed bin Zayed oo ah dhaxal-sugaha amiirka Abu Dhabi iyo hoggaamiyaha dadban ee Imaaraadka Carabta. Heshiiskan, oo markii dambe meel xun ku dhammaaday, ayaa ku salaysnaa ciidamo Soomaali ah oo Erik Prince uu aas-aasay balse uu maal-geliyey Mohamed bin Zayed, si ay ula dagaalaan burcadda badeeda Soomaalida ee aadka u xoogaystay wixii ka dambeeyey 2010—kii. Burcad badeedda ayaa dhaawac xooggan gaarsiiyey danaha Imaaraadka Carabta ee maraakiibta isticmaasha dekedda Dubai, taasi oo Imaaraadka ku qasabtay inay taallbo qaadaan. Erik Prince ayaa aas-aasay mashruuc gaar ah oo uu ka dhex-sameeyey shirkadda Reflex Response oo uu lahaa, waxaana uu shaqaaleeyey nin lagu magacaabo Lafras Luitingh oo horey uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee South Africa, markii ay xukumayeen caddaanka. Mashruucan ayaa waxaa lagu shaqaaleeyey ciidamo caddaan calooshood u shaqeystayaal ah oo u dhashay dalka South Afrika, kuwaasi oo shaqeyn jiray xilligii caddaanka ee dalkaas. Prince iyo Luitingh ayaa wada aas-aasay ciidamada gaarka ah ee Puntland ee loo yaqaan Puntland Maritime Police Force (PMPF), si ay ula dagaalaamaan burcad badeedda. QM iyo ayaa diiwaan gelisay in shirkad uu aas-aasay Luitingh oo la siiyey qanadaraaska dhismaha ciidamada PMPF laguna magacaabo Saracen ay gaystay xadgudubyo waa weyn oo ka dhan ah xayiraadda hubka ee saaran ee Soomaaliya, iyo dad shacab ah oo la dilay. Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in mashruucan oo socday laba sano lagu aas-aasay ciidamo ka baxsan xeendaabka sharciga, islamarkaana si toos ah ugu xiran madaxweynaha Puntland. Ilo-wareedyo ayaa u sheegay The Intercept in saraakiil ka tirsan sirdoonka Imaaraadka Carabta ay boorsooyin ay ka jiraan lacag malaayiin dollar ah ay siiyeen Luitingh si uu shaqadan u fuliyo. Heshiiska Imaaraadka iyo Erik Prince oo qarsoodi ahaa, yaa soo shaac baxay markii Erik uu ku faanay shaqada uu qabtay isaga oo wareysii siiyey taleefishinka Fox News ee Mareykanka sanaddii 2012. Prince ayaa wareysiga Fox News raadiyey bishii Febraayo ee 2012, isaga oo siiyey nin lagu magacaabo Oliver North oo ay ciidamada iskala tirsanaan jireen, balse Fox News u ahaa taxliiliye arrimaha militariga ah. Waxa uu wareysiga ku amaanay ciidamada Puntland ee PMPF isaga oo shaaca ka qaaday in Imaaraadka ay ka dambeeyeen mashruuca. Dareenka dhanka warbaahinta ee kusoo jeestay, ayaa aad uga carreysiiyey dowladda Imaraaadka Carabta, sida laga soo xigtay mid ka mid ahd adka aadka ugu dhow Erik Prince. Mashruuca ayaa la joojiyey wax yar un kadib markii askari Soomaal ah uu dilay mid ka mid ah ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ee South African-ka, intii lagu guda jiray mid ka mid ah howl-galladii ugu horeeyey ee ciidamada PMPF. Askariga Soomaaliga ee dilka gaystay ayaa qaraabo la ahaa burcad badeed ay ciidamada caddaanka ee shirkadda Saracen horey ay dileen. Ciidamada Saracen ayaa bilowgiiba lagu dhex-milmay, taasi oo ahayd guul-darro ku timid xeerarka aas-aasiga ee ka hortagga sirdoonka, sida uu qiray sarkaal horey uga tirsanaa CIA-da oo wareysi bixiyey. QM ayaa goor dambe werisay in xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin ciqaab adag, dhaawacyo halis ah iyo dhimasho ay ka dhaceen xeradii lagu tababaray ciidamada PMPF ee South African-ka caddaanka ay maamulayeen. Robert Young Pelton oo Erik Prince kala shaqeeyey mahsruuca Soomaaliya kadibna ka caawiyey qorista buuga taariikh nololeedkiisa ayaa Prince ku qeexay nin mala’waal ku nool, oo leh maskaxda 12 jir, islamarkaana jaceyl isaga qaaday ciidamadii caddaanka South African-ka ee ka qeyb galay dagaaladii xumaa ee dalkaas. Pelton ayaa sheegay in markii uu Prince markii ugu horreysay tusay qarriiadda mashruuca ciidamada amniga PMPF, uu ogaaday in Prince uusan weligiis tegin Soomaaliya. Prince ayaa Pelton u sheegay in fikradda la dagaalanka burcad badeedda uu ka helay aqrinta buugga “Xeebta Burcad-Badeedda” ee laga qoray howl-gal sir ah oo Mareykanka ay sanaddii 1805 kula dagaalameen burcad badeeddii xeebaha Libya. Mashruucii uu sameeyey Erik Prince ee la-dagaalanka burcad badeeda ayaa waxaa si la mid ah mashruucyadiisii hore la degay wax is-daba marin maaliyadeed. Sida laga soo xigtay laba qof oo qeyb ka ahaa, ugu yaraan 50 milyan oo dollar oo loogu talo-galay ciidamada la dagaalanka burcad badeedda ayaa la waayey, waxaana kadib Imaaraadka ay go’aansadeen inay joojiyaan maal-gelinta mashruucan. Waxaa sidoo kale mashruuca lagu xaday oo aan mar dambe dib loo arag dhowr diyaarado dagaal, diyaarad xamuul, laba diyaarado qumaatiga u kaca ah iyo dhowr maraakiib. Ka hor inta aysan Imaaraadka ku amrin inuu mashruuca joojiyo, Prince ayaa waxa uu sarkaal sirdoon oo hore u xil saaray inuu baaritaan ku sameeyo barnaamijka ciidamada PMPF. Prince ayaa ogaaday in la waayey 38 milyan oo dollar oo Imaaraadka ay u dhiibeen Luitingh, taasi oo loogu talo-galay ciidamada South African-ka. “Waxaan u sheegay Prince in Luitingh iyo ciidamada South African-ka ay lunsadeen 38 milyan oo dollar.” Waxaa sidaas yiri mid ka mid ahaan jira shaqaalaha Prince. Muddo lix bilood ah oo kasoo billaabata dabayaaqadii 2011, wargeyska New York Times ayaa kashifay in Maxamed Bin Zayed uu si tartiib ah uga joojiyey Prince masharuucii lka dagaalanka burcad badeedda, sababo la xiriira markii warbaahinta ay ka war heshay. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ku magac dheeraa “Cabdi-Waraabe” oo ugu da’ waynaa golaha guurtida Somaaliland, da’diisana lagu sheegay in ay ahayd 121 sano ayaa maanta ku geeriyooday magaaladda Hargeysa. Xaaji Cabdi-Waraabe oo ahaa nin si wayn loogu xasuusto arrimaha dib u heshiisiinta, samataliska iyo isu soo dhawaynta bulshada, taariikh dheerna ku dhex lahaa, ayaa wuxuu sanadkii 1898-dii ku dhashay miyiga magaalada Hargaysa sida uu BBC-da u sheegay intii uu noolaa. Xaaji Cabdi-Waraabe oo sanadkii 2012-kii BBC-da uga warramay taariikh nololeedkiisa ayaa sheegay in uu yaraantiisii ku soo barbaaray miyaga, wuxuuna sheegay in 1940-kii loo doortay caaqilnimada beeshiisa, ayadoo xilligaas qofka caaqilka loo doranayo dhinacyo badan laga eegi jiray sida kartidiisa iyo nabaddoonimadiisa. Mar uu ka hadlay sababta loogu bixiyey naanaysta “Waraabe” ayaa waxa uu sheegay in asagoo kuray ah oo geel la jooga geelii laga dhacay, dabadeedna uu ka hari waayey raggii geela ka dhacay ilaa markii dambe uu ka soo dhiciyey ayagoo markii ay ka yaabeen hal adaygiisana ku yidhi waar kani waa “Waraabe”. Waxyaabaha lagu xasuusto taariikhda Xaaji Cabdi-Waraabe ee caanka noqday looguna aqoonsaday inuu ahaa nin nabadeed waxaa kamid ahaa in asagoo dhalin yaro ah rag ay tol ahaayeen ku tirtirsiyeen in uu u soo aaro aabihii oo ninkii dilay uu isaguna soo dilo. Waxaa markii la diray la socday nin kale oo ay ilama adeer yihiin oo la doonayey inuu hawshaa la soo fuliyo. Cabdi-Waraabe iyo ninkii la socday ayaa iyaga oo qori sita waxay martiyeen ninkii ay doonayeen in ay qudha ka jaraan. Ninka ay maaganaayeen markaa ma garanayn, hase yeeshee markii ay martiyeen si gobannimo leh ayuu u sooryeeyey oo u soo dhaweeyey. Markii uu u loogay ee ay raashinkii cuneen ayaa waxaa isa soo qabsaday roob weyn oo mahiigaan ah. Ninkii ay martida u ahaayeen ayaa aqalkii ubadkiisu ku jireen geliyey oo meel uga banneeyey. Roobkii oo da’aya ayay is waraystaan, balse mar dambe ayaa aqalkii ku darrooray, markaas ayaa ninkii saan ay caruurtiisu ku hurdeen intuu ka toosiyey raggii martida u ahaa uga dhigay darroorintii. Roobkii qaad waagiina beri, markii ay quraacdeen oo ay doonayeen in ay ka tagaan ayaa ninkii la socday Cabdi-Waraabe ku boorriyay inuu ninka toogto oo aabihii u aaro. Waxaa se lama filaan ku noqotay jawaabtii Cabdi-Waraabe. Wuxuu ugu hal celiyey “ma ninka in tiix biyo ahi i gaadho ii quudhi waayey ayaan xabad u quudhaa”? Go’aankaas uu qaatay Cabdi-Waraabe ayaa horseeday in sidaas gabadh lagu siiyo reerkii ay colaaddu ka dhaxaysayna ay sidaas ku heshiiyaan. Waxayna arrintaas u suurto galisay in asagoo yar uu beeshiisa caaqil u noqdo, iyo in uu hormuud u noqdo dadka nabadda ka shaqeeya. Cabdi-Waraabe ayaa intii uu noolaa BBC-da u sheegay in uu lasoo shaqeeyey madaxdii soo martay Jahuuriyadda Soomaaliya ee ay ugu horeeyey Aadan Cabdille Cismaan, Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Maxamed Siyaad Barre. Somaliland ayuu sidoo kale lasoo shaqeeyey madaxdii soo martay ee Cabdiraxmaan Tuur, Maxamed Ibraahim Cigaal, Daahir Riyaale Kaahin, Axmed Siilaanyo iyo madaxweynaha haatan talada haya ee Muuse Biixi. Xaaji Cabdi-Waraabe ayaa waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ahaa in uu aad iyo aad u hadal caddaa oo uu go’aan qaadasho lahaa, wuxuuna soo noqday guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.” “Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo” Source
-
The US military has killed 13 ISIL fighters in Somalia's semi-autonomous Puntland region in an air attack, it said, days after another raid killed three. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland:Obituary Haji Abdi Hussein Yusuf, “Cabdi Waraabe”. Hargeisa,(Qaran news)-Haji Abdi Hussein Yusuf, one of Somaliland’s wisest and best known elders has died. Known throughout the Somali community as “Cabdi Waraabe” was thought to have been over a hundred years old at the time of his passing. Born on the outskirts of Hargeisa in the early part of the 20th century, the date is unknown since records were not kept at the time, Haji Abdi Hussein Yusuf began life as a nomad and has always considered himself a nomad. His father was a community elder and a chief, but like most children, the late Haji began to attend Quran school and to look after his family livestock. Haji Abdi Hussein Yusuf, like most Somali youngsters at his age, began to look after the smaller flock of his families livestock, the goats and the sheep. As he grew older, he was entrusted to look after the camels, often taking them on long drives to more fertile range with water. These camel treks lasted days and at times went as far the Hawd region. Haji Abdi Hussein Yusuf was always blessed with a strong and serene personality that served him well as he become older and set out in his adult life. A veritable treasure chest of Somali folklore, history, literature, Haji Abdi Hussein Yusuf, was to play a significant role in the rebirth of Somaliland after the ill-fated union with Somalia. A natural peacemaker, Haji Abdi Hussein Yusuf, helped to resolve many political and social crisis in Somaliland. As a member of the Somaliland House of Elders, “Guurti”, he helped to resolve issues ranging from internal armed conflicts, to land and livestock disputes to political impasses. A wise head and a superb natural intellect, Haji Cabdi Waraabe, will forever be known as a peacemaker. Qarannews would like to take this opportunity to send our condolences to his immediate family, friends, the people of Somaliland and to all the Somali people across the globe on his passing. It had been a long, fruitful and blessed life. Qaran News
-
Popular Contributors