Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,392
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay dilal iyo weeraro badan oo qaarkood lagu dilay dad rayid ahaa. Weerarada kala duwan ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn, waxaana dilka ugu horeeyay uu ka dhacay isgoyska Boondheere ee magaalada Muqdisho, iyadoo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa. Kooxaha hubeysan ee wiilka dhalinyarada dilay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana uu wiilka ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga yaqaan degmada Boondheere. Sidoo kale waxaa xalay bam gacmeed lagu weeraray maqaayad ku taala Tabeelaha Sheikh Ibraahim, waxaana weerarkaasi ka dhashay dhaawacyo soo gaaray dadka ku sugnaa maqaayada. Dadka ku dhaawacmay maqaayadda ku taala duleedka magaalada Muqdisho ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho, iyadoo halkasi lagu baxnaaninayo. Dhinaca kale kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa bam dhigay agagaarka xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, waxaana markii ay qaraxday kadib waxyeelo kala duwan ay kasoo gaartay dad rayid ahaa oo ku sugnaa goobta. Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaadeen xarun shirkadeed oo ku taala agagaarka Seybiyaano, waxaana iska hor imaad dhex maray ilaalada shirkada iyo kooxaha hubeysan ka dhashay geerida hal ruux. Waa weeraradii ugu badnaa oo tan iyo bilowga Bishaan Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay baaritaano ka wadeen magaalada maalmihii ugu dambeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. (SLT-Doha)-Dowlada Qatar ayaa ugu baaqday Xukuumada Sacuudiga inay xanibaada ka qaado muwaadiniinteeda si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka. Wasaarada diinta iyo awqaafta ee dalka Qatar ayaa war saxaafadeed ka soo baxay waxaa lagaga codsaday in sacuudiga uu u ogolaado Xujeyda reer Qatar ee Rajeynaya in ay soo gutaan mid ka mid ah waajibaadka Diiniga. Dowlada Qatar ayaa intaa ku dartay safarkaan uu waajib yahay si la mid ah dadka kale ee ka imaanaya wadamada dunida ee Xajinaya. Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhanka kale loogu baaqay in ay joojiso heyb sooca ay ku heyso shacabka Qatar. Labadan dal ee dariska ah ayaa waxaa dhexmaray qilaaf dhanka diblumaasiyada ah sanadkii 2017-dii. Xukuumada dooxa ayaa dhanka kale dalbatay in Sacuudiga uu u ogolaato muwaadiniinta Qatar in ee ku nool magaalada Makka iyo Madiina in ay is diiwaan galiyaan si ay uga qeyb qaataan acmaasha Cumrada iyo Xajka. Source
  3. Diyaaradda qaadday Axmed Madoobe oo Garowe ka duulaysa Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa goor dhoweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo kadib markii uu fashilmay shirkii wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee ka socday Garoowe. Qodobka ugu weyn ee shirkaasi fashiliyay ayaa sida ilo’ xog-ogaal ah xaqiijiyeen ka abuurmay iska hor-imaad Khamiistii ka dhacay magaalada Kismaayo oo dhexmaray ilaalada musharrax u tartamaya doorashada Jubaland iyo ciidanka amniga dowlad goboleedka Jubaland. Madaxweynaha Jubaland oo galabtii khamiista fadhiya shirka ayaa lagu wargeliyay dhacdada kadibna waxaa shirka ka dhacay buuq iyo muran u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland kaasi oo ku dhowaaday in ay isu gacan-qaadan. Murankaasi kadib sida la sheegay lagu kala dareeray shirka iyadoo aan mar dambe dib la isugu soo noqon kadib markii Axmed Madoobe iyo Xaaf ay diideen shirkaasi. Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxames Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu fara-gelin xooggan ku hayo maamuladooda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu laabtay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  4. Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo ay qaadayso dowladda Federaalka Soomaaliya. 31,500 oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi,taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah. Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi, isagoona fariin u diray ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka. “Goobaha lagu qabanayo imtixaankaasi ayaa kala ah 71,goobood magalaada Muqdisho ah iyo 34 goobood oo ah dowlad goboleedyada,waxaa muhiim ah in sanadkan ahmiyad gaar ah inoo lahaa in ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ay qeyb ka yihiin imtixaanka oo aan u helnay goobo gaar ah,fariinta ugu horeysa ayaa ah in ardayda aysan la imaanin telfoonada,lana ilaaliyo habraacyada,waalidiintuna ay ka taxdiraan caruurtooda,tan kale ciidamada amniga waxaan ku ammaanayna dadaalkoodi,iyo in ay sii xoojiyaan ardayduna ay u fududeeyaan howshooda”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS. Source: goobjoog.com
  5. Wararka ay Goobjoog News ka heleyso magaalada Garoowe uu ka socdey shirka dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah ayaa sheegaya inuu saaka dhoofay madaxweynaha Jubbalanad Axmed Mdoobe, isaga oo gaaray xaruntiisa Kismaayo. Mr. Madoobe oo ka biyo-diidanaa faragelinta Villa Somalia ee Jubbaland iyo khasaare ka dhacay garoonka Sayid Maxamed ee Kismaayo aya la celcelinayey 2-badii maalin ee tagtay. Shirka Garoowe waxaa horay u qaadhacay Galmudug, hadda waxaa isaga baxay Jubbaland, waxaa muuqato inuu fashil gaaray. Wararkan oo faah-faahsan kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Garowe (SMN) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ku soo warramaya in fashil uu ku dhow yahay shirka maalmihii u dambeeyay uga socday magaaladaasi madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka. Ilo xog xogaal ah oo ku sugan magaalada Garowe ayaa sheegaya xilli muran xoogan ka dhex aloosnaa dowladda dhexe iyo mamulka Galmudug, haatan uu is qab qabsiga uu ku soo biiray hoggaamiyaha maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa la sheegay in shirka dhexdiisa uu eed dusha uga tuuray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C./laahi Farmaajo oo ku aadan in uu wax ka ogyahay xiisada ka taagan magaalada Kismaayo ee u dhexeysa Ciidamada maamulkiisa iyo ilaalada Musharrax C/naasir Seeraar. Ilo aan rasmi aheyn ayaa sidoo kale ku warramaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe la filayo in maanta uu ambabaxo magaalada Kismaayo, islamarkaana gabi ahaan uu isaga baxo shirkaasi. Shirka ayaa u muuqda in uu ku soo idlaado is faham waa, iyadoo aan laga soo saarin wax Warmurtiyeed ah, waxaa suuragal ah in madaxweynaha maamulka Puntland oo gogosha shirkaasi fidiyay uu la hadlo Warbaahinta. Wixii soo kordha kala soco Radioshabelle.com View the full article
  7. Dowlad goboleedka Galmudug ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay saacadihii la soo dhaafay ku sheegtay inuu fashil ku yimid shirkii Garoowe, ee u dhaxeeyey dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Galmudug waxaa ay ku doodey in dowladda federaalka ah ay xagaldaacisay ajendaha shirka, isla markaana ay ixtiraami weysay shirkii Djibouti ee Galmudug iyo Ahlu sunna Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Galmudug: Source: goobjoog.com
  8. FG: sawirkan waa qarax hore Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in hadda uu qarax ka dhacay afaafka hore ee xarunta maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari. Qaraxa oo daqiiqado ka hor dhacay waxaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay ilaa 5 ruux oo qaarkood lagu sheegay shaqaalaha maxkamadda askar iyo dad shacab ah inkastoo aan faahfaahin dheeriya weli laga helin. Wararka qaar waay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday gaariga guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari Abukar Cabdinuur Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in uu qaraxa ku dhaawacmay taliyihii ciidanka ilaalada maxkamadd balse weli lama xaqiijin warkaasi. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho kulan ay ku yeeshaan xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan ayaa qorshuhu yahay in uu hortago wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka ayaa Golaha ka hor akhrin doono hindise sharciyeedka Daqliga oo ay soo diyaarisay wasaaradiisi. Sidoo kale Xildhibaanada BFS ayaa maanta soo gabagabeynaya ka doodista hindise sharciyeedka shirkadaha dalka oo hor yaalay muddo 9 bilood ah. Fahdigan ayaa noqonaya kii 13-aad oo qeyb ka ah Kaldhiga shanaad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. View the full article
  10. Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa goor dhow lagu wadaa inay ka ambabaxaan magaalada Garoowe. kaddib markii la sheegay inuu fashil ku dhamaaday shirkii dowladda [...] Source
  11. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa war-saxaafaddeed ay soo saartay uga hadashay go’aankii ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, go’aankaas oo lagu tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeysan, xiriirna lala sameyn doono hey’adaha ay khuseyso arrintaan. Halkaan ka Akhrisoo war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ka soo baxay. ” Dowlada Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay aad uga xuntahay go’aanka ay gaartay dowladdaKenyaeeahinduullimaadyadiitooskaahaaeeMuqdishoiyoNayroobimaanta loo leexiyay magaalada Wajeer, talaabadaas oo ay dowladdu u aragto mid culeys lagu saarayodhaqdhaqaaqamuwaadiniintaSoomaaliyeed. DFS waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirkaderisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isusocodkalabadashacab. DFS waxay u taagan tahay dhawrista sharafta iyo karaamada ummadeeda iyo qaranannimadeeda,waxaynaugubaaqaysaa dowladdaKenya in aydibufiirisotallaabadan culeyskakuahganacsigaiyoisusocodkalabadashacabeewalaalahaah. DFS waxay xiriir la sameyn doontaa hay’adaha ay khuseyso arrintan, iyadoo qiimeyneysa tallaabadakuhabooneeayqaadeyso. Mog-Nairobi-Press-Release-1 View the full article
  12. Garowe (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.” “Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo” Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, ku loo lamay degmooyinka Warta Nabadda iyo Xamar Weyne ee gobolka Banaadir. Labada degmo ayaa waxaa dhex maray tartan adag, kuwaas oo u dambeeyey Group B ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Warta Nabada ayaa la timid 12 buundo, halka Xamar Weyne oo ay guushu raacday ay keensatay dhibco gaaraya 14 . Xamar Weyne ayaa noqoneysa degmadii afaraad oo badisa, tan iyo markii uu bilowday tartanka. Caawa tartan aqooneedka Shabelle waxaa ku baratami doona degmada Shangaani ee G/ Banaadir iyo deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article
  14. Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa saaka oo Sabtiya mar kale u fadhiisatay dhegaysiga dacwadda loo haysto, 10 nin oo ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan oo 25-kii Febraayo ee sannadkan kufsi iyo dil loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Maxkamadda oo furantay 8:00am ee saaka oo sabtiya, ayaa la horkeenay 10 eedaysane oo loo haysto kiiska Caa’isha, waxaana hadda maxkamaddu dhegaysanaysa ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud dowladda Puntland, Maxamed Xareed Faarax oo akhrinaya dacwadda loo haysto eedaysanayaasha. Sidoo kale, qareennada u doodaya 10-ka eedaysane, ayaa mid-mid looga dhegaysan doonaa doodda ay ku difaacayaan eedaysanayaasha, ka ka hor inta aan maxkamaddu go’aan ka gaarin kiiska. Goobta maxkamaddu ka dhacayso, waxa haatan ku sugan mas’uuliyiin ka wasaaraaha Haweenka iyo Caddaalada dowladda Puntland, xubno ka socda laamaha garsoorka, qareenno, ehelada eedaysanayaasha, xubno ka socda qoyska marxuumad Caa’isha iyo dadweyne kale. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Garoowe: Rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas oo saaka mar kale maxkamad la soo taagay appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiyo Xuseen Axmed ayaa ka warbixisay weeraro saacadihii la soo dhaafay ka dhacay M/Muqdisho. Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa waxa ay ku sheegtay in bac yar oo lagu soo shubay baaruud ay ku qaraxday agagaarka xarunta CID-da. “Qofne waxaba kuma noqon isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayaa caadi ah” ayey tiri taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa ka dalbatay shacabka Soomaaliyeed in ay ku soo wargaliyaan laamaha amniga wax kasto oo ay ka shakiyaan. Dhanka kale Zakiyo Xuseen Axmed ayaa ka dhashay weerar lagu qaaday xarun ay shirkadda Hormuud ku leedahay xaafadda Seybiyaano ee dgemnada Hodan. Rag buracd ah ayey tilmaamtay in ay fuliyeen weerrajkaasi, islamarkaana ay Toogteen, halka nin sidoo kale ay dhacawen Gabar kale oo shacab ah. Sidoo kale waxa uu intaasi ku dartay in Ciidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen 2 ka mid ah Raggaasi iyo Hubkooda. Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maalmihii dambe waday howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee magaalada Muqdisho. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo ay qaadayso dowladda Soomaaliya, 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi,taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah. Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi,isagoona fariin u diray ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka. “Goobaha lagu qabanayo imtixaankaasi ayaa kala ah 71,goobood magalaada Muqdisho ah iyo 34 goobood oo ah dowlad goboleedyada,waxaa muhiim ah in sanadkan ahmiyad gaar ah inoo lahaa in ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ay qeyb ka yihiin imtixaanka oo aan u helnay goobo gaar ah,fariinta ugu horeysa ayaa ah in ardayda aysan la imaanin telfoonada,lana ilaaliyo habraacyada,waalidiintuna ay ka taxdiraan caruurtooda,tan kale ciidamada amniga waxaan ku ammaanayna dadaalkoodi,iyo in ay sii xoojiyaan ardayduna ay u fududeeyaan howshooda”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka. View the full article
  17. Muqdisho ( SMN)- Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/warka-subax-11052019.mp3 View the full article
  18. Muqdsho (Caasimadda Online)-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cajiib ah kaga hadlay amarka dowladda Kenya ee ku aadan in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho lagu baaro magaalada Wajeer. Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in diyaaradaha Nairobi tagaya lagu baarayo magaalada Wajeer, isaga oo sheegay in arintaasi looga jawaabi karo in diyaaradaha ka yimaada lagu baaro meel ka baxsan magaalada Muqdisho. Wuxuu su’aal ka keenay in haddii Kenya ay dooneyso in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho ku baarto magaalada Wajeer, Maxaa ku jaban in diyaaradaha ka yimaada magaalada Nairobi lagu baaro gobolka Baay. Wuxuu sidoo kale sheegay in lagu baari karo garoonka diyaaradaha ee Bali doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. “Maxey idinla tahay, haddii Dayaaradaha Nairobi tagaya lagu baaro Wajeer, kuwa Kenya ka imaanayana Bay ama Bali-doogle lagu soo baaro.?”ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo baarlamaanka kamid ah. Dowladda Kenya ayaa ka baxday heshiis ay horey ula jiray dowladda Soomaaliya kaasi oo ahaa in diyaaradaha ka baxa magaalada Muqdisho ay si toos ah u tagayaan magaalada Nairobi. Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay arintaan ayaa sheegtay inay tahay mid siyaasadeysan, islamarkaana ay baarayaan waxyaabaha keenay in Kenya go’aankaasi ay qaadato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. SIOUX FALLS, SD (KELO) -- A Lincoln High School student has already finished writing the speech she'll deliver before her classmates during graduation later this month. That's quite an academic achievement considering just a few years ago, she didn't know a word of English. Source: Hiiraan Online
  20. Turkish charity Diyanet Foundation put a smile on the faces of needy local families and Yemeni refugees in Djibouti when they delivered food aid on the occasion of the Muslim holy month of Ramadan Source: Hiiraan Online
  21. Security agencies on Friday destroyed contraband goods valued at Sh5 million in Mandera. Source: Hiiraan Online
  22. A record 41.3 million people were uprooted within their own countries last year due to conflicts and violence, data showed on Friday, with two-thirds displaced in just 10 countries including Syria, Colombia and Somalia. Source: Hiiraan Online
  23. The Turkish lira on Friday rose more than 3% after President Recep Tayyip Erdogan said the country would not buy the Russian-made S-400 missile defense systems, according to German newspaper Bild. Source: Hiiraan Online
  24. Washington (CNN)After President Donald Trump publicly appealed to Iran to call him amid heightened tensions with Tehran, the White House contacted the Swiss on Thursday to share a phone number the Iranians could call the President on, according to a diplomatic source familiar with the move. Source: Hiiraan Online