-
Content Count
208,378 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaraxan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay Maxkamada darajada 1aad ee gobolka Bari oo ku taala dhabarka dambe ee [...] Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa abaalmarinno qaali ah guddoonsiiyey Ardaydii kaalmaha sare ka gashay tartanka Qur’aanka kariimka ah ee heer qaran oo sanadkiiba mar la qabto laguna soo gebogebeeyey caasimadda Hargeysa. Munaasibad ballaadhan oo Ardayda kaalmaha sare ka galay tartanka heer qaran ee Qur’aanka kariimka ah oo xalay lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, culimada gacanta ku haysay tartanka Qur’aanka kariimka ah, xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimada iyo ardayda kaalmaha sare ka gashay tartankan oo ka socotay gobollada kala duwan ee dalka, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo da’yarta kitaabka Eebbe xifdiday, looguna mahadnaqayo waalidiinta, macallimiintooda iyo culimada tartanka qabatayba. Afarta Arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay, ayuu madaxweynuhu abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyey, waxana ay ardaydaasi kala yihiin, Cabdibaarri Cabdirashiid Siciid oo ka socda gobolka Maroodi-jeex oo kaalinta koowaad ku guulaystay, waxana uu madaxweynuhu guddoonsiiyey gaadhi cusub oo Nooha ah, halka Axmed Maxamuud Axmed oo ka socda gobolka Saaxil uu kaalinta labaad galay, iyada oo kaalinta saddexaadna uu galay Shucayb Cali Iidle oo ka socda gobolka Awdal. Maxamed Cabdiraxmaan Axmed oo socda gobolka Awdal, ayaa isaguna kaalinta Afraad galay, waxana ardayda kaalmaha koowaad iyo labaad galay baalmarinaha la guddoonsiiyey u dheer cumrada oo si lacag la’aan ah lagu geyn doono. Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo sheikh Maxamed Aadan oo kamid ah culimada gacanta ku haysay tartankan oo halkaas hadallo, ayaa bogaadiyey ardayda ku guulaysatay tartanka, waxana kula dardaarmeen inay sii wadaan barashada diinta iyo kitaabka Eebbe. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda abaalminaha kala duwan ka hadlay, ayaa bogaadiyey cidkasta oo kaalin ka ciyaartay barbaarinta ardayda qu’aanka qaybtay, isaga oo u rajeeyey ardaydaasi inay noqdaan culimo dalka iyo dadkaba anfacda, waxana uu yidhi, “Waxa Ilaahay mahaddii ah inaynnu maanta isugu nimaadno inaynnu bixinno abaalmarintii ardaydii qur’aanka dusha ka qaybtay, marka hore waan hambalyeynayaa macallimiintii, madarasadihii, wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo intii ka qayb qaadatay inay ardaydani heerkaas soo gaadhaan, waxan hambalyeynayaa dhammaan Ardayda yar yar, kuwa jis qaybay, kuwa nus qaybay, kuwa soddonkaba qaybay, kuwa kaalmaha hore qabay, dhammaantood ardayda qur’aanka qaybtay waan hambalyeynayaa, Ilaahayna waxaynnu u weydiinaynayaa inay qur’aanka qaybaan, qarankana wax u taraan, dadkana diinta ku hanuuninayaan oo ay culimo waaweyn noqdaan.” Tartanka qur’aanka kariimka ah oo si heer qaran ah looga qabto gobollada kala duwan ee dalka, ayaa ah kii toddobaad, waxana sannad walba bisha barakaysan ee Ramadaan gudaheeda abaalmarinno la guddoonsiiyaa ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka gasha tartankaas, waxaana ardaydaasi afur iyo casho sharaf loogu sameeyaa qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
(SLT-Garoowe)-Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in shirkii halkaasi uga socday mas’uuliyiinta maamul goboleedyada iyo madaxada dowladda ferderaalka ee Soomaaliya uu fashil ku soo dhamaaday isla markaana wax heshiis ah aan laga gaarin arrimo dhawr ah oo la isku haystay. Warar ay BBC-du heshay ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmad Madoobe) uu hadda ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, halkaasi oo ay diyaarad u taagnayd tan iyo shalay galab. Axmad Madoobe ayaa la filayaa in uu toos u abbaaro magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkiisa. Arrinta Galmudug Sidoo kale dhiggiisa Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna lagu soo waramayaa in laga yaabo in uu ka dhoofo magalaada Garoowe. Maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in uu shaaciyay in shirkaasi Garoowe uu fashilmay, waxana sida ku cad war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamulkaasi ay Galmudug ku eedeeynaysaa dowladda dhexe in ay diiday fulinta heshiiskii Jabuuti ku dhex maray maamulkaasi iyo maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Suunna, ayna wali faragelin ku hayso arrimaha maamulka Galmudug. Dowlad goboleedka Galmudug waxaa kale oo ay dowladda dhexe ku eedeysay in ay qaaday tallaabooyin lid ku ah arrimo dhawr ah oo ay ahayd in shirkaasi Garoowe lagu gorfeeyo, waxa uuna maamulkaasi tusaale u soo qaatay sharciga doorashooyinka, batroolka iyo arrimaha dastuurka iyo waliba in dowladdu ay xallin weyday khilaafka kala dhexeeyo maamulkaasi. Arrinta kale ee lagu xusay warka ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa ah arrinta maqaamka magaalada Muqdisho, oo sida Galmugud ay sheegtay ay dowladda dhexe diiday in shirkaasi lagu soo hadal qaado. Ilaa iyo haatan dowladda federaalka kama ayna hadlin eedeymaha Galmudug iyo in shirkaasi uu fashilmay balse madaxweynaha Puntland ee martida loo yahay ayaa maanta la filayaa in uu ka hadlo sida ay wax u dheceen iyo halka uu xaal marayo. Arrimaha la isku mari la’yahay ayaa sida la sheegaya waxaa ka mid ah xal u helidda khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo madaxda maamulka Galmudug iyo sidoo kale arrimo ay ka mid yihiin sharciga batroolka. Dhanka kale, maamulka Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeynaya faragelin uu sheegay in ay ku hayso doorashada maamulkaasi, waxana tusaale uu u soo qaatay dhacdo dhawaan ka dhacay garoonka magaalada Kismaayo. Muddo saddex bilood ah ayaa haatan ka hadhay xilligii loo qabtay in ay dhacdo doorashada madaxtinimada ee Jubbaland, balse ka hor intii aanan la billaabin hawshii isku-duba ridka doorashada ayaa waxaa durbaba soo baxaya muran la xiriira doorashadaasi. Soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland waxa ay ahayd in ay qabsoonto bishii la soo dhaafay ee Abriil, illaa haddana ma cadda xilliga kama dambeysta ah ee xulista lasoo afjarayo. Wuxuuse marka koowaadba muran ka taagan yahay habraaca xulitaanka xildhibaanada. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi ayaa dhawaan BBC-da u sheegay in go’aanka kama dambeysta ahi ee qofka xildhibaanka noqonaya uu leeyahay guddiga doorashada. Khamiistii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Kismaayo ku laabtay Cabdinaasir Seeraar Maax oo horey u ahaa afhayeenka Jubbaland, balse hadda sheegay in uu u tartamayo xilka madaxtinimada maamulkaasi. Balse imaanshihiisa ayaa waxaa ka dhashay israsaasayn dhex martay ciidamo daacad u ah Seeraar iyo kuwa Jubbaland, ka dib markii Seeraar lagu wargaliyay in la baarayo boorsooyinkii uu watay. Israsaaseyntaasi ayaa waxaa ku dhaawacantay afar askari, iyada oo Cabdinaasir Seeraar uu falkan ku eedeeyay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmad Madoobe). Hase yeeshee war qoraal ah oo kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in khalkhal la gelinayo amniga magaalada Kismaayo, waxaana eedda dusha looga tuuray dowladda federaalka. Illo lagu kalsoon yahay ayaa BBC-da u sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu shirkii Garoowe isaga baxay ka dib markii ay dhacday israsaasayntii Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa dhowaan sheegay in Muqdisho laga soo abaabulayo falal lagu waxyeeleynayo amniga Jubbaland. Shirka Garoowe ayaa Axaddii la soo dhaafay ka furmay halkaasi waxaana jirtay rajo ah in madaxda halkaasi ku sugan ay isu tanaasuli doonaan oo heshiis lagu kala saxiixan doono. Madaxdan toddobaadka ku shirayay Garoowe ayaa siyaasad ahaan waxa ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, waxaana khilaafkii hore ee u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada uga sii daray go’aanka golaha wasiirrada ee dowladda federaalka uu ku meelmariyay hindise-sharciyeedka doorashooyinka, arrintaa oo inta badan ay ka biyo diideen kooxaha mucaaradka ku ah dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Waxyaabaha haatan soo ifbaxay ee dowladd dhexe iyo maamul goboleedyadu aadka isugu khilaafeen waxaa ka mid ah tallaabada golaha wasiirrada dowladda federaalka ay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka doorashooyinka. Qodobka ugu muhiimsan ayaa aha qodob dhigaya in dowladda haatan jirta iyo baarlamaankuba ay xilka sii haynayaan haddii doorashooyinka dalka ay dib u dhacaan. Arrintan ayaa timid iyadoo bilihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay muddo kororsi la sheegay in madaxda dowladda federaalka ay ka fikirayaan, ayaa qodobka 56-aad ee hindise-sharciyeedka cusub lagu arkay isla arrintan. Qodobkaasi ayaa waxa uu si qayaxan u caddeynayaa in haddii ay dhici weyso doorashada xildhibaanada baarlamaanka duruufo soo kordhey awgood, in waqti kororsi loo samaynayo baarlamaanka . Farqada 7-aad ee isla qodobkan ayaa si cad u sheegaya in haddii baarlamaanka muddada loo kordhiyo, in madaxweynahana ay sidaas isla mudadaasi ugu kordheyso xilheynta madaxweynaha Soomaaliya. Bishii Juunyo ee sannadkii 2017 ayaa waxaa dhacay wax aysan dad badan filanynin, taasi oo ahayd in saddex dal oo ka mid ah dalalka ku bahoobay Khaliijka Carabta ay xiriirkii dublamaasiyadeed u jaraan dalka Qadar oo aad ugu dhawaa dowladda Soomaaliya. Dalalka Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ayaa xiriirka diblamaasiyadeed u jaray dalka Qadar oo ka mid ah dalalka saliidda hodanka ku ah, waxayna ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada. Soomaliya ayaa qaadatay go’an ah inay dhexdhexaad ka tahay muranka labada dhinac, balse Imaaraadka ayaa u arkayay dowladda inay u janjeerto dhinaca Qadar oo Turkiga uu taagersan yahay. Bartamihii Abril ee sanadkii 2018, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tani waxay timid ka dib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhawaad $10 malyan oo Iimaaraadku dayaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah. Murankii u dhaxeeyay waddamada Carbeed waxa uu saameyn weyn ku yeeshay Soomaaliya, oo waxaa dhacday in inta badan maamul goboleedyada ay la saftaan dowladda Imaaraadka Carabta oo ay geeska geliyaan dowladda federaalka oo dad badani u arkayeen in ay u janjeerto dhanka Qadar iyo Turkiga. Source
-
Guddoomiyaha xiririka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa 9-May gaaray magaalada Garoowe ee maamulka Puntland,iyagoo la kulmay mas’uuliyeenta xiriirka kubbadda cagta iyo wasaarada ciyaaraha bwaxayna labada dhinac kawada hadleen dhameystirka garoomada iyo horomarinta kubbadda cagta maamulka Puntland. Shalay gelinkii denbi guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab,Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ah guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xiriirka kubbadda cagta iyo Cabdullahi Cusmaan Daamey oo isna ah madaxa suuqgeenta Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug,iyagoo kormeer ku tagay garoonka Cabdullahi Ciise oo lagu wadao dayactir. Guddiga dhismaha iyi dayactirka garoonka kubbadda cagta Cabdulahi Ciise ayaa warbixin ka siiyay madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya halka uu marayo dhismaha iyo dib u dayactirka lagu wado. “Horay ayaan madaxda xiriirka kubbadda cagta kulamo kala duwan ula soo qaatay magaalada Muqdisho tani wax ay ka mid tahay balamihii aan soo wada glanay waxaan ka sugaynaa in aan wax badan oo horomar u ah kubbadda cagta Galmudug aan ka helino madaxda xiriirka Soomaaliyeed ” waxaa Goobjoog ugu waramay Cabdifataax Cabdullahi Warsame oo ah guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Galmudug. “Anaga sanadkan waxaa xooga saaraynaa in aan xiriirada kubbadda cagta Maamul Goboleedyada ka taageerno dhinacyada dhismayaasha garoomada iyo kubbadda cagta iyo dhisada kooxaha heerka kala duwan ka dibna aan u tababarno macalimiinta iyo garsoorayaasha,si maamul kasta dhalinyarada ku nool ay u helaaan horomarinta kubbadda cagta Soomaaliya t”waxaa sidaas Goobjoog u sheegay Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed oo ah guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Bare ayaa madaxda xiririka kubbadda cagta ka bogaadiyay howlaha ay ka qabtaan maamulka Galmudug,isagoo ku adkeeyay in ay si wanaagsan ay u fuliyaan balamaha iyo dhameestirka garoomada kubbadda cagta Galmudg. “Waxa aan idinku nimid in aan aragno halka ay wax idin marayaan ka dibna aan idinka saacidno waxyaabaha aad u baahantihiin sida dhameysirka garoomada kubbadda cagta,aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya diyaar ayaan u nahay 100% in aan idinkala shaqayno kubbadda cagta Galmudug si ay u gaarto meel aad u saraysa” waxaa sdiaa Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab. Si kastaba 2019-2021 madaxda xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya waxa ay qaateen siyaasad ah in horomarinta kubbadda cagta la gaarsiiyo dhamaan guud ahaan Soomaaliya si loo helo ciyaartooy tayo wanaagsan oo kaalin mugleh ka qaadata kobaca iyo natiijooyinka xulka qaranka dalka. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Faahfaahin horleh ayaa ka soo baxaysa, qarax saaka ka dhacay iridda hore ee maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari xarunteeda magaalada Boosaaso. Qaraxa oo sida la xaqiijiyay lala eegtay gaariga guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari, Abukar Cabdinuur ayaa waxaa ku dhaawacmay 7 ruux, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka magaalada Boosaaso. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira taliyaha ciidanka ilaalada maxkamadda, shaqaale ka tirsan maxkamadda, askar iyo dad shacab ah oo qaar dhaawacyadoodu liitan, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta caafimaadka. Guddoomiyaha maxkamadda ee gaarigiisa qaraxa lala beegtay, Abukar Cabdinuur ayaan sida la sheegayo gaariga saarneyn wakhtiga qaraxa lala beegsaday. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa iyo cid loo qabtay midna, sidoo kalena laamaha amniga ayaan weli ka hadlin dhacdadaasi. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Boosaaso)-8 qof ayaa ku dhaawacmay qarax xoog leh oo ka dhacay afaafka hore ee Maxkamada derejeda kowaad ee Gobolka Bari ee Magaaladda Boosaaso ee maamul gobolleedka Puntland. Qaraxan oo lala eegtay gaadhiga guddoomiyaha Maxkamadda Abukar Cabdinuur ayaa dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah garsoore, Taliyihiin Ilaalada Maxkamada, ciidamo iyo haween ku ganacsanayay albaabka hore ee Maxkamada. Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la dhigay cusbitaalka guud ee Magaalada, waxaana wararku sheegaya in laba ka mid ah dhaawaca ay xaaladoodu halis tahay. Ma jirto koox sheegatay masuuliyada weerarkaasi, sidoo kale ma jiro war ka soo baxay dhinaca dowladda Puntland oo ku saabsan qarax ka dhacay Maxkamada. Dhinaca kale, Qaraxa lala beegsaday ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkii hore, Maxkamada ciidamada ee Puntland ay xukumo dil iyo xabsiyo ku xukuntay rag lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirto maamulka Puntland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo shirkii ka socday magaalada Garowe uu muddo maalmo ah socday islamarkaana la isku fahmi waayay waxyaabaha qaar, ayaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka wuxuu ka hadlay waxyaabaha keenay in la is fahmi waayay. Xildhibaan Xasan Cabdi oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in shan qodob ay sabab u ahaayeen in shirkii magaalada Garowe uu fashil ku dhamaado. Wuxuu ugu horeyn sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya aysan muujin wax tanaasulaad ah oo ku aadan shirkii ka dhacayay magaalada Garowe, taasi oo keentay in lagu kala dareero, Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada sidda dhow ula socda Shirka ayaa qoraalkaan ka qoray Qodobadda lagu heshii waayay. 1-Faragelinta Galmudug, Taas oo qaadatay 5 cisho , natiijo la,aana ku dhamaatay. 2-Xeerka Doorashooyinka ee ay xukumadda ansixisay oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Dalka iyo heshiiskii baydhabo ee Dowladda iyo dowlad Goboledyada Jun 2018, Taas waa la isku mari waayay. 3-kheyraadka dalka Sharciga Batroolka oo Baarlamanka la geeyay iyadoo wax laga badaley Heshiski Dowladda fedaralka iyo dawlad goboleedyada ee ku saxiixedeen baydhabo Jun 2018, iyadana waa la isla meel dhigi waayay. 4_Deeqaha caalamiga Deeqaha Beesha caalamka magaca Soomaaliya lagu keeno si cadaalad dalka loogu qeybin lana siyaasadeeyo, iyadana waa la isku mari waayay. 5-Dhameystirka Dastuurka Dowladda ayaa wada dib u eegis dasturka iyadoo ay ka maqanyihiin xubnihii dawlad goboleedyada u matali laha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka ,xubnahas oo Dawlad Goboleedyada magacaabeen laakin in ay shaqa galan loo ogolaan,waa la isku afgaran waayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Paris)-Markab laga leeyahay Sacuudiga ayaa ka Shiraacday dekad ku taal waqooyiga Faransiiska iyadoo aysan saarneyn wax hub ah kadib markii hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay culeys Saareen. Hey,ada lagu magacaabo The Christian Action ayaa Khamiistii ka hor timid arintaan iyada oo u mareysa hab Sharci ah,waxaana ay sheegtay in hubkaan halis ku yahay amniga Caalamka. Dacwad ka dhan ah hubka Sacuudiga oo la geeyay Maxkamada ku taal Paris ayaa waxaa ka baxay garsooraha Faransiiska,balse Markabka Sacuudiga ayaa isla markii ka shiraacday xeebta Le Havre. Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in uu isbadal ku yimaado qorshaha markabkaan hubka u daabuli rabay Sacuudiga. Qareenka lagu magacaabo Laurence Greig oo matalayay hey,ada ACAT ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in markabkaan uu ka shiraacday Faransiiska isaga oo aan daabulin hubkii loogu talagalay in uu Qaado. Arintaan ayaa imaaneysa todobaadyo kadib markii Website faafiya siraha uu daabacay isaga oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Faransiiska in hub laga Iibiyay Boqortooyada Sacuudiga. Hubkaan oo isugu jiray Taangiyada dagaalka madaafiic iyo qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa loo adeegsaday dagaalka ka socda Yemen. aarneyn wax hub ah kadib markii hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay culeys Saareen. Hey,ada lagu magacaabo The Christian Action ayaa Khamiistii ka hor timid arintaan iyada oo u mareysa hab Sharci ah,waxaana ay sheegtay in hubkaan halis ku yahay amniga Caalamka. Dacwad ka dhan ah hubka Sacuudiga oo la geeyay Maxkamada ku taal Paris ayaa waxaa ka baxay garsooraha Faransiiska,balse Markabka Sacuudiga ayaa isla markii ka shiraacday xeebta Le Havre. Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay in uu isbadal ku yimaado qorshaha markabkaan hubka u daabuli rabay Sacuudiga. Qareenka lagu magacaabo Laurence Greig oo matalayay hey,ada ACAT ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in markabkaan uu ka shiraacday Faransiiska isaga oo aan daabulin hubkii loogu talagalay in uu Qaado. Arintaan ayaa imaaneysa todobaadyo kadib markii Website faafiya siraha uu daabacay isaga oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Faransiiska in hub laga Iibiyay Boqortooyada Sacuudiga. Hubkaan oo isugu jiray Taangiyada dagaalka madaafiic iyo qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa loo adeegsaday dagaalka ka socda Yemen. Source
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ay laga heleyo magaalada Garoowe uu ka socdey shirka dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah ayaa sheegaya inuu saaka dhoofay madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe, isaga oo gaaray xaruntiisa Kismaayo. Mr. Madoobe oo ka biyo-diidanaa faragelinta Villa Somalia ee Jubbaland iyo khasaare ka dhacay garoonka Sayid Maxamed ee Kismaayo aya la celcelinayey 2-badii maalin ee tagtay. Shirka Garoowe waxaa horay u qaadhacay Galmudug, hadda waxaa isaga baxay Jubbaland, waxaa muuqato inuu fashil gaaray. Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijiyey in kadib kulankii xalay, ay si kulul khadka taleefanka ugu wada hadleen Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, kaddib markii ay madasha shirka imaan waayeen madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Galmudug. Axmed Madoobe ayaa diiday in dowladda Soomaaliya ama beesha caalamka ay goobjoog ka noqdaan doorashada Jubaland, waxaana Madaxweynaha Puntland uu dadaal ku bixiyey sidii uu ugu qancin lahaa Madaxweynaha Jubbaland in uu ka tanaasulo qodobkaas, maadama go’aanka u danbeeya ee doorashadaas ay leeyihiin dadka deegaanadaas, isagoona tusaale u soo qaatay doorashadii ka dhacday Puntland ee isaga lagu doortay. Si kastaba Axmed Madoobe ayaa Deni ku diiday arrintaas. Sioo kale, Axmed Madoobe ayaa dhowr mar dalbaday in la helo damaanad-qaad dhanka beesha caalamka ah oo goobjoog ka noqda qodobada lagu heshiinayo, taas oo ay isku maan-dhaafeen madaxweyne Deni oo u aaminsan inuu asagu damaanad ka noqon karo wax walba oo shirkan ka soo baxa maadaama uu isagu gogoshan fidiyay, inkasta oo aanba wax heshiis ah la gaarin. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Waxaynu qabtii 2-aad taxanaheenan ku soo aragnay xogo badan oo ku saabsan shaqsiga uu yahay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Yuusuf Dirir, Musuq maasuqa ku gadaaman, hanaanka uu shaqada dawladda ku soo galay iyo sababaha isagoo musuq maasuq ku eedaysan loo dalacsiiyay ee looga dhigay illaaliyaha hantida qaranka isagoo isagii dhex jiifo eedo Musuq maasuq oo uu gaystay mudooyinkii iyo xilalkii kala duwanaa ee uu kasoo qabtay Dekeda Berbera. Waxaynu taxanaheenan maanta ku soo qaadanaynaa arimo layaableh oo ka dhex taagan Xafiiskan uu madaxda ka yahay ee Hanti dhawrka Qaranka Somaliland ee Hargeysa, gabood falada uu ku hayo Shaqaalaha Xafiiska, sida uu ugu tagrifalo Miisaaniyadda Xafiiska, lacagaha gaarka ah ee u sida gaarka ah u maamusho, kooxo gaar ah oo uu ku sir qarsado oo uu ka dhex samaystay shaqaalihiisa iyo Hanaanka qabyaladdeed ee uu mansabyada sare ee Xafiiska uu ugu taxay shaqsiyaad ay isku hayb yihiin oo shaqaalaha Hanti dhawrka ka tirsan arintaasi oo si weyn uga dhex guuxaysa Xafiiska Hanti dhawrka islamarkaana niyad jab ku riday aqoonyahano fursad u waayay inay aqoontooda Qaranka ugu shaqeeyaan. Aynu Ku Horayno Qaabka Uu Umusuq Maasuqo Miisaaniyadda Xafiiska Iyo Lacagaha Gaar Ah Ee Uu Ku Tagrifalo Ee Iska Maamusho. Waxa jira lacag dhan 7-Bilyan Oo Sl/Shilings ah oo labadii sanno ee u dambeeyay miisaaniyadda loogu daray, lacagtaasi oo gunno ahaan shaqaalaha loogu kordhiyay si ay uga maarmaan baahasho iyo inay laaluush ka qaataan Goobaha ay baadhayaan, lacagtaasi waxaa la ogaaday inaanay shaqaalaha gaadhin oo uu keligii ku tagrifalo oo uu iska maamusho. Lacagtaasi saddexdii bilood waxay noqonaysaa oo shaqaalaha loogu talo galay in shaqaalaha Gunno ahaan loo siiyo 1.8m(Hal Bilyan iyo Sideed Milyan Oo Sl/Shilin ah. lacagtaasi wax xisaab celin ah malaha,waxaana si toos ah iskaga maamusha Hanti Dhawre Axmed Yuusuf Dirir. Sidoo kale sanad kasta Waxa Shaqaalaha Hanti dhawrka loo qoondeeyay 400 Milyan oo SL/Sh ah oo gaar ah oo ay kharashaad uga dhigtaan Hawsha Xisaab Xidhka sannadka, lacagtaasi waxa loogu talo galay inay Hanti dhawrku ku kiraystaan Khubaro ka caawisa Xisaab xidhka Qaranka guud, waxa lacagtaasi si gaar ah iskaga maamusha Hanti Dhawre Axmed Dirir, waxaana la cunna oo aanu ogaanay saddex nin oo kale oo uu ka mid yahay Cali Bilyan iyo nin ay walaalo yihiin. Sidoo kalena xisaab xidh wanaagsan ma keenaan, shaqaalaha kalena waa laga qariyaa lacagtaasi. Sanad walba Baarlamaanku way kusoo celiyaan, maadaama oo aanay xilba iska saari Hanti dhawrku islamarkaana wax khuburo ah oo ka caawisana aanay adeegsan, waxay jaldiga ka badelaan oo ay koobiyaystaan Xisaabka Xidhka Xisaabaadka guud samaystaan waana arin iska caana oo si weyn looga war hayo. Mansabyadda Sare Ee Xafiiskiisa Iyo Qaabka Beelaysan Ee Uu Qarabadiisa Uga Buuxiyay. Dhamaan Shaqaalihii Khibradda lahaa buulka ayaa la wada dhigay, waxana loo kala saaray reer reer iyo kooxo, dhamaan waaxyaha iyo meelaha mihiimka ah waxaa loo dhiibay kooxo iskuwada beel ah oo ay hayb wadaag yihiin Cali Bilyan iyo Hanti dhawraha, dadka baadhisaha loo diraana waa inyar oo isku koox ah taasi oo dawladnimadii bahdishay, isla markaan niyad jab ku riday shaqaalaha Hanti dhawrka gaar ahaan ragga aqoonyahanka ee xafiisyadaasi ku sugan oo ay aqoontoodii dabartay Hanaanka qabiil ee la isku dalacsiiyo xafiiska hanti dhawrka. Wax Ka Ogaw Sida Uu Wali Axmed Dirir U Xoolaysanayo Iyo Hantidii Ugu Dambaysa Ee Uu Samaystay. 1 – Waxa uu wali Axmed Dirir ku guda jiraa hanti boobka Xoolaha Dawladda, Waxaana lahayaa Meherado waa weyn oo ganacsi oo aanu hore u lahayn oo uu hadda samaystay intii uu Xafiiska Hanti dhawrka joogay, kuwaasi oo ku kala yaala Magaalooyinka waa weyn ee Hargeysa, Berbera iyo waliba dalka imaaraatka carabta gaar ahaan Magaaladda Dubai. 2 Arinta ugu xiisaha badan ee aadka loo hadal hayo waxa ka mid ah inuu hanti dhawre Axmed Dirir Ganacsi waa weyn oo muuqda ka samaystay Magaalada Hargeysa, waxa ka mid ah Ganacsiga uu Hargeysa dhawaan ka samaystay Macrad baabuurta lagu iibiyo oo weyn oo kuyaala Barigga magaalada Hargeysa, kaasi oo caan ah oo aad dadka yaqaanaa ugu og yihiin, waxaana macradkaasi magaciisa layidhaa AL-XIGMA Motors, waxa uu u dhaw yahay Masjidka tabliiqiyiinta HARGAYSA ee Dhinaca Bariga HARGEYSA Waxaanu saaran yahay Laamayda Berbera u baxda. Waxaa jira huteelo iyo meherado kale oo uu samaystay intii uu Xilka Hanti dhawrka hayay. Waxa jira oo sawiradoodii warbaahinta lagaliyay fooqyo uga socda Badhtamaha Magaaladda Hargeysa oo ah dhulka qaaliga ah waxaanu dhulkaasi iibsaday dhawaan. Waxaanu idinla wadaagi doonaa dhawaan muuqaaladooda iyo lacagta uu siistay iyo waliba wakhtiga uu iibsaday. Waxaynu Isbarbar-Dhig Yar Ku Samaynaynaa Farqiga U Dhexeeya Xafiiska Xisaabaadka Iyo Hanti Dhawrka Oo Dhinaca Isku Haya, Wax Badanina Ka Dhexeeyo. Bal u fiirso oo akhri!!!! Xafiiska Xisaabaadka guud malaha wax miisaaniyad ah, mana jirto habayaraatee, Waxa kaba oo lacagta iyo Gunooyinka siiya Wasaaradda Maaliyadda, waxaanay qaataan Mushahar ahaan Shaqaalaha Xisaabaadku lacag dhan qofkiiba 5-milyan iyo dheeraad, iyagoo shaqeeya 7:Am illaa 2-PM(Galabnimo) oo xidhiidh ah. Majiro wax kala sooc ah oo ay ku sameeyaan Madaxdoodu, oo ku salaysa Cunsuriyad Qabiil iyo mid qof jeclaysi ku salaysan toona, sidaa dartee si siman oo dawladnimo ka muuqato ayaa loo hawlgaliyaa. Haddii aad booqato xafiiska Xisaabaadka waxaad dareemaysaa Niyad samida Shaqaalaha iyo sida ay u jirsanayaan Haybadda Dawladnimadda. Waxa sidaasi ka yeelay oo madaxdooda oo aan cadaalad daro ku maamulin, una kala abtirin ee aqoon iyo kartidooda ku dalacsiiya. Xafiiska Hanti Dhawraha Guud Axmed Yuusuf Dirir: waxa uu leeyahay lacag dhan 2-milyan oo Dollar iyo in kabadan sannadkii oo uu si gaar ah ugu tagrifalo oo aan wax xisaab celin ah iyo dabagal ah lahayn. Halka ay Nimanka masuuliyiinta ah ee hawsha ugu badan gala ee baadhista ugu badan sameeyaa ay qaataan Lacag yar oo laba Milyan ah sanadkii oo gunno ah, waxa halkaasi ka cad in lacagtii loogu talo galay raggaasi ay ku dhacdo jeebka Hanti dhawraha islamarkaana uu isagu musuq maasuqo, waana lacagtan uu meheraddaha iyo guryaha ka dhisanayo. Shaqaalah Hanti dhawrku waxay kujiraan war war culus iyo niyad jab uu gayaysiiya Hanti Dhawre Axmed Dirir, waxaana la isku dalacsiiyaa hanaan Qabiil iyo sida ay ugu kala abtirsiin dhaw yihiin Hanti dhawaraha Guud. Intoo badani masoo shaqo tagaan waxaana shaqaysa koox ay isku hayb yihiin hanti dhawraha oo qaab qabiil loo maalgaliyo,loona loo hawlgaliyo. Majiro cid u maqan iyo ceel u qodani toona shaqaalaha Hanti dhawrka. ………………………………………………………… Diblomaasi Haybe Xasan Jaamac (Hantiile2000@gmail.com) , London. Source
-
(SLT-Washington)-Wada-hadalladii arrimaha ganacsiga diirrada saarayay ee Washington uga socday Marekanka iyo Shiinaha ayaa ugu dambeyn guul darro ku dhammaaday, iyadoon wax natiijo ah laga gaadhin qodobbadii laga wada-hadlayay. Waxyaabaha shirka uu khuseeyay ee la isku fahmi-waayay waxaa ka mid ah sidii xal loogu heli lahaa badeecadaha kala duwan ee ay dowladda Shiinaha u soo dhoofiso dalka Maraykanka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa fikradaha Marekanku leeyahay ee ay xaddo dowladda Shiinaha. Kulankan oo markiisi horaba la qiyaasayay inan si dhow is afgarad looga gaarin ayaa sidoo kale waxyaabaha la isla soo qaaday ee aan go’aanka laga gaarin waxaa ka mid ah in Shiinaha uu furo suuqa ganacsi, waxaana xusid muddan Shiinaha suuqa ugu weyn ee uu heysto inuu yahay Marekanka. Marekanka wuxuu cadho weyn ka muujinaya in Shiinaha uu caadeystay inuu xaddo fikradaha Marekanku leeyahay , waxa laga doonayo Shiinaha ayaana ah inay sharciga caalamiga ah u hoggaansanaato. Isfaham-waaga shirkan uu ku dhammaaday ayaa sabab u noqday in canshuur dheeraad ah oo %25 ah lagu soo rago badeecadda ay Shiinaha keennan Marekanka. Source
-
(SLT-Liibiya)-Labo Saxafi oo u shaqeeya Telefishinka madaxa-bannaan ee Al-axraar ayaa la sheegay in la la’ yahay tan iyo bishan May 2-dii, sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ee badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ. Wararku sheegayaan inay ciiddanka u dacaadda ah Taliyaha lagu magacaabo Khaliifa Xaftar ay qafaasheen Suxufiyiintaasi, xilli ay tebinayeen warar ku aadan dagalka ka socda duleedka Tripoli. Mamaulka Telefishinka Al-axraar waxay sheegeen in Weriye Maxamed Alquruj iyo Sawir-qaade Maxamed Al-shibani bishan 2-dii laga qafaashay Koonfurta caasimadda dalkaasi ee Tripoli, isla markaana ay waayeen Xidhiidhka Suxufiyiintaasi iyo halka ay ku dambeyeen. Tan iyo markii la waayey Suxufiyiintaasi waxay dibadbaxyo ka bilowdeen magaalladda Tripoli oo lagu codsanayo sii-daynta Suxufiyiintaasi. Bishii Jenewery ee sannadkan, Sawir-qaade madax bannaan oo lagu magacaabi jirey Maxamed Bin Khaliifa ayaa la dilay isagoo warar ka tebinayey Tripoli. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay dilal iyo weeraro badan oo qaarkood lagu dilay dad rayid ahaa. Weerarada kala duwan ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn, waxaana dilka ugu horeeyay uu ka dhacay isgoyska Boondheere ee magaalada Muqdisho, iyadoo loo geystay wiil dhalinyaro ahaa. Kooxaha hubeysan ee wiilka dhalinyarada dilay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana uu wiilka ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga yaqaan degmada Boondheere. Sidoo kale waxaa xalay bam gacmeed lagu weeraray maqaayad ku taala Tabeelaha Sheikh Ibraahim, waxaana weerarkaasi ka dhashay dhaawacyo soo gaaray dadka ku sugnaa maqaayada. Dadka ku dhaawacmay maqaayadda ku taala duleedka magaalada Muqdisho ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka ee Muqdisho, iyadoo halkasi lagu baxnaaninayo. Dhinaca kale kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa bam dhigay agagaarka xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho, waxaana markii ay qaraxday kadib waxyeelo kala duwan ay kasoo gaartay dad rayid ahaa oo ku sugnaa goobta. Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaadeen xarun shirkadeed oo ku taala agagaarka Seybiyaano, waxaana iska hor imaad dhex maray ilaalada shirkada iyo kooxaha hubeysan ka dhashay geerida hal ruux. Waa weeraradii ugu badnaa oo tan iyo bilowga Bishaan Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay baaritaano ka wadeen magaalada maalmihii ugu dambeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Doha)-Dowlada Qatar ayaa ugu baaqday Xukuumada Sacuudiga inay xanibaada ka qaado muwaadiniinteeda si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka. Wasaarada diinta iyo awqaafta ee dalka Qatar ayaa war saxaafadeed ka soo baxay waxaa lagaga codsaday in sacuudiga uu u ogolaado Xujeyda reer Qatar ee Rajeynaya in ay soo gutaan mid ka mid ah waajibaadka Diiniga. Dowlada Qatar ayaa intaa ku dartay safarkaan uu waajib yahay si la mid ah dadka kale ee ka imaanaya wadamada dunida ee Xajinaya. Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhanka kale loogu baaqay in ay joojiso heyb sooca ay ku heyso shacabka Qatar. Labadan dal ee dariska ah ayaa waxaa dhexmaray qilaaf dhanka diblumaasiyada ah sanadkii 2017-dii. Xukuumada dooxa ayaa dhanka kale dalbatay in Sacuudiga uu u ogolaato muwaadiniinta Qatar in ee ku nool magaalada Makka iyo Madiina in ay is diiwaan galiyaan si ay uga qeyb qaataan acmaasha Cumrada iyo Xajka. Source
-
Diyaaradda qaadday Axmed Madoobe oo Garowe ka duulaysa Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa goor dhoweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe isagoo ku sii jeeda magaalada Kismaayo kadib markii uu fashilmay shirkii wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee ka socday Garoowe. Qodobka ugu weyn ee shirkaasi fashiliyay ayaa sida ilo’ xog-ogaal ah xaqiijiyeen ka abuurmay iska hor-imaad Khamiistii ka dhacay magaalada Kismaayo oo dhexmaray ilaalada musharrax u tartamaya doorashada Jubaland iyo ciidanka amniga dowlad goboleedka Jubaland. Madaxweynaha Jubaland oo galabtii khamiista fadhiya shirka ayaa lagu wargeliyay dhacdada kadibna waxaa shirka ka dhacay buuq iyo muran u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland kaasi oo ku dhowaaday in ay isu gacan-qaadan. Murankaasi kadib sida la sheegay lagu kala dareeray shirka iyadoo aan mar dambe dib la isugu soo noqon kadib markii Axmed Madoobe iyo Xaaf ay diideen shirkaasi. Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxames Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu fara-gelin xooggan ku hayo maamuladooda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo dib ugu laabtay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo ay qaadayso dowladda Federaalka Soomaaliya. 31,500 oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi,taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah. Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi, isagoona fariin u diray ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka. “Goobaha lagu qabanayo imtixaankaasi ayaa kala ah 71,goobood magalaada Muqdisho ah iyo 34 goobood oo ah dowlad goboleedyada,waxaa muhiim ah in sanadkan ahmiyad gaar ah inoo lahaa in ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ay qeyb ka yihiin imtixaanka oo aan u helnay goobo gaar ah,fariinta ugu horeysa ayaa ah in ardayda aysan la imaanin telfoonada,lana ilaaliyo habraacyada,waalidiintuna ay ka taxdiraan caruurtooda,tan kale ciidamada amniga waxaan ku ammaanayna dadaalkoodi,iyo in ay sii xoojiyaan ardayduna ay u fududeeyaan howshooda”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS. Source: goobjoog.com
-
Wararka ay Goobjoog News ka heleyso magaalada Garoowe uu ka socdey shirka dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah ayaa sheegaya inuu saaka dhoofay madaxweynaha Jubbalanad Axmed Mdoobe, isaga oo gaaray xaruntiisa Kismaayo. Mr. Madoobe oo ka biyo-diidanaa faragelinta Villa Somalia ee Jubbaland iyo khasaare ka dhacay garoonka Sayid Maxamed ee Kismaayo aya la celcelinayey 2-badii maalin ee tagtay. Shirka Garoowe waxaa horay u qaadhacay Galmudug, hadda waxaa isaga baxay Jubbaland, waxaa muuqato inuu fashil gaaray. Wararkan oo faah-faahsan kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (SMN) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa ku soo warramaya in fashil uu ku dhow yahay shirka maalmihii u dambeeyay uga socday magaaladaasi madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka. Ilo xog xogaal ah oo ku sugan magaalada Garowe ayaa sheegaya xilli muran xoogan ka dhex aloosnaa dowladda dhexe iyo mamulka Galmudug, haatan uu is qab qabsiga uu ku soo biiray hoggaamiyaha maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa la sheegay in shirka dhexdiisa uu eed dusha uga tuuray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C./laahi Farmaajo oo ku aadan in uu wax ka ogyahay xiisada ka taagan magaalada Kismaayo ee u dhexeysa Ciidamada maamulkiisa iyo ilaalada Musharrax C/naasir Seeraar. Ilo aan rasmi aheyn ayaa sidoo kale ku warramaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe la filayo in maanta uu ambabaxo magaalada Kismaayo, islamarkaana gabi ahaan uu isaga baxo shirkaasi. Shirka ayaa u muuqda in uu ku soo idlaado is faham waa, iyadoo aan laga soo saarin wax Warmurtiyeed ah, waxaa suuragal ah in madaxweynaha maamulka Puntland oo gogosha shirkaasi fidiyay uu la hadlo Warbaahinta. Wixii soo kordha kala soco Radioshabelle.com View the full article
-
Dowlad goboleedka Galmudug ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay saacadihii la soo dhaafay ku sheegtay inuu fashil ku yimid shirkii Garoowe, ee u dhaxeeyey dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Galmudug waxaa ay ku doodey in dowladda federaalka ah ay xagaldaacisay ajendaha shirka, isla markaana ay ixtiraami weysay shirkii Djibouti ee Galmudug iyo Ahlu sunna Halkan Ka Akhriso, Qoraalka Galmudug: Source: goobjoog.com
-
FG: sawirkan waa qarax hore Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in hadda uu qarax ka dhacay afaafka hore ee xarunta maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari. Qaraxa oo daqiiqado ka hor dhacay waxaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay ilaa 5 ruux oo qaarkood lagu sheegay shaqaalaha maxkamadda askar iyo dad shacab ah inkastoo aan faahfaahin dheeriya weli laga helin. Wararka qaar waay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday gaariga guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari Abukar Cabdinuur Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in uu qaraxa ku dhaawacmay taliyihii ciidanka ilaalada maxkamadd balse weli lama xaqiijin warkaasi. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho kulan ay ku yeeshaan xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulankan ayaa qorshuhu yahay in uu hortago wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka ayaa Golaha ka hor akhrin doono hindise sharciyeedka Daqliga oo ay soo diyaarisay wasaaradiisi. Sidoo kale Xildhibaanada BFS ayaa maanta soo gabagabeynaya ka doodista hindise sharciyeedka shirkadaha dalka oo hor yaalay muddo 9 bilood ah. Fahdigan ayaa noqonaya kii 13-aad oo qeyb ka ah Kaldhiga shanaad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa goor dhow lagu wadaa inay ka ambabaxaan magaalada Garoowe. kaddib markii la sheegay inuu fashil ku dhamaaday shirkii dowladda [...] Source
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa war-saxaafaddeed ay soo saartay uga hadashay go’aankii ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, go’aankaas oo lagu tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeysan, xiriirna lala sameyn doono hey’adaha ay khuseyso arrintaan. Halkaan ka Akhrisoo war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ka soo baxay. ” Dowlada Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay aad uga xuntahay go’aanka ay gaartay dowladdaKenyaeeahinduullimaadyadiitooskaahaaeeMuqdishoiyoNayroobimaanta loo leexiyay magaalada Wajeer, talaabadaas oo ay dowladdu u aragto mid culeys lagu saarayodhaqdhaqaaqamuwaadiniintaSoomaaliyeed. DFS waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirkaderisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isusocodkalabadashacab. DFS waxay u taagan tahay dhawrista sharafta iyo karaamada ummadeeda iyo qaranannimadeeda,waxaynaugubaaqaysaa dowladdaKenya in aydibufiirisotallaabadan culeyskakuahganacsigaiyoisusocodkalabadashacabeewalaalahaah. DFS waxay xiriir la sameyn doontaa hay’adaha ay khuseyso arrintan, iyadoo qiimeyneysa tallaabadakuhabooneeayqaadeyso. Mog-Nairobi-Press-Release-1 View the full article
-
Garowe (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.” “Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo” Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. View the full article
-
Popular Contributors