-
Content Count
208,391 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa isugu tagay hogaamiyaal leh Awood siyaasadeed aragtidoodana ay aad u kala fogtahay, waxayna xaaladda u muuqatay in Shirkaas aysan heshiis ku gaari karin dhinacyadii Kulmay. Falanqeeyaasha Arimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka in Garowe ay ku kulmeen hogaamiyaal mid kasta wata dan gaar ah, islamarkaana aysan midkoodna ka suurta gelin tanaasul iyo dabacsanaan Siyaasadeed, waxayna arintaasi hormuud u noqotay Guul darrada Shirkii Garowe. “Hogaamiyaasha Shirkii Garowe u dhexeeyay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Gobaleedyada waxay isku maan-dhaafeyn arimo aan ka tarjumeynin dan guud balse u muuqda kuwa dan gaar ah ka tarjumaya” aqoon-yahaan Xersi Iimaan oo la hadlay Caasimada Online. “Hogaanka Dowladda Soomaaliya ma yaqaanaan Tanaasul iyo in ay yihiin madaxdii dalka oo ay u dhaqmaan sida Hooyo” ayuu yiri Xersi Iimaan oo mar wareysi siiyay Caasimada Online Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in ay raadinayaan sidii ay ku soo laaban-lahaayeen, balse aysan ka fekeraynin maslaxad guud iyo in dalka uu hore u socdo Sidoo kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ayaa lagu eedeeyay in aysan ku salaynin doodooda arimo ka hadlaya dan guud balse ay ka fekerayn sidii ay ku soo laaban lahaayeen hogaanka maamuladaasi ama ay usii maamuli lahaayeen. Markii la isu geeyo dhamaan hogaamiyaasha halkaasi ku kulmay iyo sida ay wax u wadaan ayaa waxaa muuqata in Soomaliya ay ku sii dhacayso ceel-fog oo aan dhowayn lamana oga cida ka hor istaagi doonto dhibaatada dalka loo hor-seedayo taas oo ka imaaneysa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Around 60 migrants most of them from Bangladesh have died after their boat capsized in the Mediterranean Sea after it left Libya for Italy, the Tunisian Red Crescent said Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Tunis (SMN) – Dooni siday dad fara badan oo isugu jiray Qaxooti iyo kuwo Muhaajiriin ah ayaa ku qalibantay biyaha badda Mediterranean,gaar ahaan xeebaha ku yaalla dalka Tunisia,halkaasi oo ay ku dhinteen illaa 65-ruux. Hadal maalinimadii shalay ay sii deysay Hey’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR) ayaa lagu sheegay in la soo badbaadiyay 16-Qof oo saarnaa doontaasi ,kadib markii ay gurmad u sameeyeen rag kalluumeysato ah. Afar ruux oo Meyd ah ayaa la helay ,iyadoo ay socdaan howlgallo lagu raadinayo dadkii wax ku noqday doonida qalibantay,sida ay xaqiijiyeen Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta. Sida laga soo xigtay warar ay baahisay wakaaladda wararka ee dalka Tunisia TAP ayaa sheegaya in doontaasi ay siday 70- qoo oo Qaxooti iyo Muuhaajiriin isugu jira, kuwaas oo aan la shaacin dalalka ee ka soo kala jeedaan. Balse warar hoose ayaa sheegaya in inta badan dadkani ee ka yimaadeen dalal ka tirsan Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto . Waa shilkii ugu xumaa ee dhaca bilahan,waxaana dadka saarnaa doonta ka mid ahaa kuwo u dhashay dalalka Bangladesh–Morocco. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo Idaacadda Shabelle la hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay go’aankii Kenya ay ku joojisay Duulimaadkii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqisho iyo Nairobi. Dadweynahan ayaa tilmaamay in shacabka labada dal aysan wax dan ah ugu jirin go’aankaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Kenya tallaabada ay qaaday bedalkeeda loo baahan yahay in la joojiyo qaadka laga keeno Nairobi. Hadalkan ayaa imaanaya, xili shalay dowladda Kenya ay gabi ahaan joojisay Duulimaadkii Muqdsho iyo Kenya, iyadoona tallaabadaasi ay si weyn u cambaareysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Garowe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib shirkii madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada uga socday garowe. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale iyadoo soo dhawayn kadib Madaxweynahu uu Saxaafada kula hadlay Aqalka Madaxtooyada. Waxaa uu sheegay in shirkii Garowe dirada lagu saarayay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin Arimaha Siyaasada iyo sidii siyaasada wadanka salka loogu dhigi lahaa, isla markaana loo soo afjari lahaa kala fikir duwananta jirtay, balse aysan madaxda Dowlada Federaalku arintaas diyaar u ahayn taasna ay sababtay in shirku uu Natiijo la’aan ku dhamaado. Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in dib u eegista Dastuurka iyo qaabka loo wado oo aan ka turjumaynin maslaxada dalka ay qayb ka ahayd wada hadalada, basle aysan dhicin in heshiis rasmi ah laga gaaro, iyadoo madaxda Dowlada Federaalku ay ka cago jiidayeen. “Dastuurka dib u habayntiisa waa arrin ka wada dhaxaysa Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada lakiin ay madaxda Federaalku u arkeen wax iyaga kaliya ay ka go’aan gaari karaan”ayuu yiri Axmed madoobe Mar uu ka hadlayay Arrimaha Doorashooyinka dalka ayuu xusay in aysan Dowlada Federaalku ahmiyad badan u haynin, iyadoo ay ka baxday heshiiskii Baydhabo ee qaybsiga khayraadka iyo heshiiskii laga gaaray arimaha doorashooyinka isla markana aanay jirin wax heshiis lagu yahay oo la xiriira doorashooyinka 2020-ka lagu waday in ay dalka ka dhacaan. Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu xusay in aan hal maalin ah lagu daraynin doorashooyinka Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada isla markana wararka been abuurka ah ee la xiriira in Jubbaland iyo Galmudug ay doonayaan wakhti kororsi ay yihiin kuwa aanay waxba ka jirin oo shacabka lagu marin habaabinayo. Arimaha Amniga wuxuu xusay Madaxweynahu in aan heshiis lagu ahayn sidii dalka looga xorayn lahaa Al-Shabaab isla markana cid walba ay masuuliyad ka saaran tahay sugida amniga deeganadeeda maadama Dowladii Federaalku ayna diyaar u ahayn la dagaalkanka Argagixisada isagoo xusay in dhamaan Heshiisyadii la xiriiray Amniga ay Dowladu dhinac martay. gaba gabadii Madaxweynahu wuxuu shacabka Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay ilaaliyaan oo nabada ay haystaan ay ku fara adaygaan Dowlada Federaalkuna ay qorshaynayso sidii dagaalo sokeeye deegaanka ay uga dhici lahayeen taas oo dib u dhac weyn ku keenaysa hormarka ay hiigsanayaan iyo Dowladnimadooda, Madaxweynahu wuxuu sheegay in shaqsiyaad Hoteelo Xamar ku yaala lagu biilo lagu dhiiri galinayo sidii xabad ay uga ridi lahayeen Jubbalan iyadoo looga gol leeyahay carqaladayda Doorashooyinka iyo Dowladnimada Jubbaland ee u baahan sii taaba galinta iyo in aan dib loo celin wuxuu sheegay in cid walba nabadgalyada ay masuuliyad ka saaran tahay Ugu dambeyn Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa noqday Madaxdii u horeysay ee Maamul Goboleedyada ee isaga soo taga Garowe, kaddib markii Shirkii maalmahan socday uu ku dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin qodobadii laga doodayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shibis iyo Bargaan oo caawa ku baratamaya tartanka Shabelle
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Tartan aqooneedka Shabelle oo caawa galaya habeenkiisa shanaad ayaa waxaa la guda geli doonaa tartanka u dhexeeya degmooyinka ku wada jira Group-ka C ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Groupkan ayaa waxaa isku arki doona Shibis, deegaanka Bargaan, Wadajir iyo Waabari. Waxaa ugu horreeya oo kulanka caawa isku hardin doono degmada Shibis ee G/ Banaadir iyo deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud . Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan isu diyaarinaya ka qeyb galka barnaajinka faca weyn ee tartan aqooneedka Shabelle. Xalay oo la soo gabagabeeyay tartanka degmooyinka ku wada jira Group-ka B ayaa waxaa ku loolamay Xamar Weyne iyo Warta Nabadda, waxaana ay guushu raacday Xamar Weyne. Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba gelinaya Shirkadaha BECO iyo Coca-Cola. View the full article -
Waxaa geilnkii danbe ee maanta garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo degay wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Eng. C/llaahi Cali Xasan, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Soo dhoweynta wasiirka ayaa waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan golaha wasiiradda, xildhibaanada labada aqal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka oo soo dhoweynta wasiirka cusub u kala harin. Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo warshadaha oo markii la magacaabayay howlo shaqo ugu maqnaa Nairobi ayaa hadal kooban oo uu dadkii soo dhoweeyay kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ugu mahad celiyay soo dhoweynta diiran maadaama iyadoo bil ramadan tahay waqtiggooda soo hureen. Eng. C/llaahi wasiirka cusub ayaa la filavaa in maalmaya soo socda uu si rasmi ah xilka ula wareego. Taariikh kooban iyo waxqabadkii wasiirka cusub Eng. Cabdullahi Cali Xasan wuxuu ka mid yahay aqoonyahanada Soomaaliyeed ee bulshadiisa waxtarka muuqda u qabtay xiliyadii adkaa ilaa haddana u istaagan haqabtirka baahida bulshada Soomaaliyeed. Dhinaca aqoontiisa iyo waxqabadkiisa marka laga soo tago waa waxaa lagu tiriyaa inuu yahay shaqsi diinta ku dhegan waxaana si weyn loogu xasuustaa inta badan in uu waqtigiisa u soo huray u adeegidda shacabka Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee nidaam la’aanta iyo dhibaatooyinka xanuunka badan lagu guda jiray. Mudadii aadka u fogeyd ee uu ku lug lahaa arimaha samafalka iyo gargaarka bani’aadanimada waxa uu wax la taaban karo u qabtay shacab farabadan oo Soomaaliyeed oo aad u liitay kuwaaasi oo u badnaa haween, caruur iyo dad da’ ah. Waxaa xusid mudan in waxyaabihii uu dalka ka fuliyay sida mashaariicda wax ku oolka ah ee la xiriira arimaha gargaarka degdegga ah oo muhiim u ah badbaadinta nolosha dadka rayidka ah ee saameeyeen abaarihii iyo dagaaladii aadka u darnaa ee xiligaasi dalka ka jiray.Wuxuu ka mid ahaa maamulkii sare iyo madaxii fulinta mashaariicda Daikonia, Bread for the World iyo oo markii danbe loo badalay Daryeel Bulsho GUUD, mudadii uu ka soo shaqeyay hay’adaha waxa uu ku lug lahaa fulinta in ka badan 70 mashruuc oo wax ku ool ah oo isagu jiray dhinaca gargaarka degdegga ah, waxbarashada, wax soosaarka beeraha, biyaha, korontada iyo dhismaha suuqyada, shaqo abuurista iyo kuwa kale oo kor loogu qaadaayo nolosha dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Eng. Cabdullahi Cali Xasan markii uu aasaasay Hay’adda waxbarashada iyo horumarinta ee CED ayaa hay’adda waxa ay ku guuleysatay iney daboosho baahida dad badanoo Soomaaliyeed oo ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomoaliya. Mudadii aadka u fogeyd ee Eng. Cabdullahi Cali Xasan Agaasimaha ka ahaa Hay’adda CED waxay fulisay in ka badan 83 mashruuc kuwaasi oo si buuxda wax uga badalay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.Eng. Abdullahi mudadii uu ahaa Agaasimaha CED wuxuu ku guuleystay in CED la shaqayso oo taageero iyo maalgelin ay ka hesho dalalak deeqda bixiya, Hey’adaha hoos taga Qaramada Midoobay iyo kuwo caalami ah oo ay ka mid yihiin Dowladaha Holland, Ingiriiska, Sweden, Maraykanka, Norway, Denmark, Finland, Jarmalka iyo Hey’ado Qaramada Midoobay sida FAO, UNDP, UNHCR, UN-OCHA, UNICEF, UNDEF iyo Hey’adaha caalamiga ah ee kala ah: Oxfam, CARE INTERNATIONAL, SOMALI STABILITY FUND (SSF) & EUROPEAN UNION (EU). Mashaariicda ay fulisay hay’adda CED uu hormuudka ka ahaa ahaa Eng. Cabdullahi Cali Xasan celcelis ahaan waxaa lagu qayaasaa in ay wax ka badaleen nolosha in ka badan 4.2 milyan oo qof Soomaali ah oo ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ugu danbeyntii, Eng. Abdullahi ayaa waxaa uu ka mid ahaa murashaxiintii madaxweyne ee 2017-kii, balse u tanaasulay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo xiligii lagu jiray ee kala guurka. W/qoray: Cali Muhiyaddiin Cali Muxiyaddiin@hotmail.com
-
Hargeysa (SMN) – Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada S/land ayaa maanta la horgeeyay maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ee maamulkaasi. Guddoomiyaha Maxkamadda oo lagu magacaabo Cabdi Qawdh ayaa gabi ahaan gaashaanka u daruuray in uu furo dacwadda loo heysto Xildhibaankaasi. Waxa uu sheegay in weli aan laga xayuubin xasaanada Xildhibaanimo, sidaa darateedna aanu jirin sharci u ogolaanaya in uu Maxkamadeeyo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada ammaanku ay dib ugu celiyeen Xildhibaan Dhakool halkii uu ku xirnaa. Xariga Xildhibaanka ayaa yimid, kadib markii uu ka horyimid xuska 18 May oo ah markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. View the full article
-
Garowe (SMN) – Waxaa gabi ahaan fashil ku soo dhammaday shirkii wadatashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uga socday magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Shirkan oo qaatay muddo lix maalin ah ayaa saacadihii hore ee saaka lagu kala tagay, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah. Qodobada la’isku mari waayay ayaa waxaa ka mid ah xaaladda Galmudug, arrimo ku aadan Batroolka iyo doorashooyinka dalka. Sidoo kale Madaxweyneyaasha Jubbaland, Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka soo soo laabtay Garowe, iyadoona saacadaha soo socda la filayo in madaxda kale ay ka soo ambabaxaaan magaaladaasi. Khilaafka ka dhashay shirkan ayaa sii xoojinaya muranka siyaasadeed ee u dhexeeya DFS iyo dowlad goboleedyada dalka, lamana oga wax xigi doona. Shirkani ayaa waxaa intii uu socday ka qeybgalay Madaxweynaha, Ras’iisul wasaaraha, Hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Galmudug, Puntland, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir. View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-110519.mp3 View the full article
-
Ankara will continue to assist and motivate Turkish companies to take part in the growing Ethiopian agro food industry, said Turkey’s Ambassador to Ethiopia and the African Union, Yaprak Alp. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Dalka Sweden ayaa su’aal geliyey waxa Dawladdiisu u aqoonsan wayday Somaliland. Magnus Oscarsson oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaaka Sweden ayaa sheegay inuu booqasho ku yimid Somaliland, isla-markaana arkay Nabadgalyada ka jirta Somaliland, lana kulmay Madaxweynaha Somaliland, sidaa darteedna uu Dawladdiisa Sweden waydiinayo sababta ay aqoonsi u siin la’dahay Somaliland, maaddaama buu yidh ay buuxisay nidaamkii Dawladnimo ee looga baahnaa Dal raadinaya in Dawladaha Caalamku ictiraafaan. Xildhibaankan oo ka qayb-galay Xuska 18-ka May oo Jaaliyadda reer Somaliland ee Dalkaasi wakhtigeeda ka soo hor-mariyeen ayaa hadal uu xildhibaanku halkaa ka yidhi wuxuu ku bilaabay sidan “Waxaan tagay Hargeysa, waxaan soo arkay Nabadgalyada, waxaan la kulmay Madaxweynaha Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaan waydiinayaa Dawladda Sweden iyo Shacabka, maxaynu u aqoonsan waynay Somaliland..” Source
-
At least 8 people have been wounded in a grenade explosion took place in Bosaso, a port city in Somalia’s Puntland state on Saturday morning. A witness said the blast was heard outside a court compound in the town, wounding eight, including soldiers. There was no immediate claim of responsibility for the bomb attack, but, such incidents are attributed to Al-Shabaab and Islamic State militants operating in Bari region. US military said Thursday it killed 13 ISIS members during an airstrike in the region, the latest in a series of increasing raids against the militant groups. View the full article
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo saakay u dhoofay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa ka hadlay Shirka maalmihii la soo dhaafay uga socday Magaalada Garoowe Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo Gobolka Banadir. Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in Shirka uu ku soo dhammaaday si aan Ummada Soomaaliyeed u wanaagsaneyn,hayeeshee mar uu la heshiin doono. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug inay diideen in laga hadlayo arrimaha Doorashooyinka qaranka iyo sharciga batroolka oo Xildhibaanada Baarlamaanka hor yaalla. Xaaf oo warbaahinta kula hadlayay Garoonka diyaaradaha Garowe ayaa sheegay in Al-shabaab ay Canshuur ka qaadaan suuqa Bakaaraha sidoo kalena ay Maxkamadaha wax ku xukumaan ku yaallaan Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka ah ayuu sheegay in ay diidday in ay u jixin jix u sameyso dadka iyo dalka,waxaana uu ku eedeeyay fashilka uu ku dhamaaday shirka Garowe. Arrimaha doorashooyinka, qeybsiga Kheyraadka iyo arrinta Galmudug ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen waxyaabaha la isku fahmi waayay dowladda federaalka ahna sababta leedahay. Waxaa uu rajo ka muujiyay in shir kale la isugu yimaado islamarkaana wadahadal laga yeesho arrimaha la isku fahmi waayay ee lagu soo qaaday shirkii todobaadka ka socday Garowe. Madaxweyne Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya,waxaana ka sagootiyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe Madaxweynihii hore ee Puntlanad Cabdiraxmaan Sheekh Faroole, xubno ka tirsan Golaha Barlamaanka qaranka iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal uu dhawaan yidhi Raysalwasaare-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo ahaa inay Somaliland iska lumisay fursad ka dib markii ay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ka diiday inuu Hargeysa yimaado isagoo uu weheliyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Raysalwasaare-xigeenka oo dhawaan waraysi siiyay weriye Khaalid Foodhaadhi oo ka tirsan Telefishanka Goob-joog, wuxuu sheegay inay Somaliland dayacday fursadaas. Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, ayaa sheegay inaanay jirin wax dan ah oo Somaliland ugu jirtay inuu Farmaajo yimaado. Wasiir Faratoon oo isagoo jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska, oo uu wargeyska Geeska Afrika weydiiyay sida ay xukuumadda Somaliland u aragto hadalkaas Raysalwasaare-xigeenka Soomaaliya, wuxuu yidhi “Halkani [Somaliland] maaha meel la iska soo galo, maaha dal la iska yimaado, ee waa Dal nidaam leh, waa Dal kala dambayn leh, Farmaajo uma taliyo Somaliland ee waxaa ka taliya Mudane Muuse Biixi, oo ah Madaxweyne xogogaal u ah dalkiisa iyo dadkiisaba, oo kalsoonida shacabkiisa haysta, Farmaajana waxaynu ka war qabnaa in aanu gacanta ku wada hayn Magaalada Muqdisho, markaas wax dan ah iyo faa’iido Somaliland ugu jirta imaanshaha Farmaajo ma jirto, faa’iido aynu garan weynay oo imaanshiisa iska hor tagayna ma jirto, ee Farmaajo dalka wuxuu iman kara oo qudha isagoo qirsan madax banaanida, qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, haddii aynu nahay Somaliland waxaanu diyaar u nahay in aanu Somaliya ahaanu sidii laba dal oo jaara, oo wax badan iska kaashada, laakiin wax kale kama ogolin” Isagoo ka hadlaya baaq uu Ingiriisku u diray xisbiyada Somaliland oo ah inay isu tanasulaan si ay doorasho u qabsoonto wuxuu yidhi “Hadda anagu waxaan ku sugan nahay Dalka Ingriiska, dabcan Ingiriisku waa dal aynu leenahay xidhiidh aad u dhaw, Ingriiska oo qudhana maaha ee Dalal badan oo aynu xidhiidh dhaw leenahay ayaa raba inay Doorashadu inoo dhacdo, Doorashada oo inoo dhacdaana inaga ayey dani inoogu jirtaa, ee cid kale dani uguma jirto, markaas wax walbana waxay inoogu dhammaan doonaan sida ugu wanaagsan, labada Xisbi ee UCID iyo Kulmiye iyagu go’aan ayey gaadheen, oo iyagu waa u diyaar Doorashada, ee Xisbiga Waddani-na waxaan ku rajo weyn nahay inuu Doorashada diyaar u noqdo”. Wasiir Faratoon oo ka hadlaya socdaan uu dhawaan Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya ku yimdii Somaliland, wuxuu yidhi “Somaliland waa dal hore u socod iyo horumar ku jira, dabcan Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya ee dalka yimidna, aad iyo aad buu ugu qushuucay nidaamka dawladnimo nidaamka dimuqraadiyadeed iyo kala dambaynta dalka ka jira, Wufuud iyo Weftiyo badan oo Wadamada kala duwan oo Caalamka ka tirsana inay yimaadan ayaanu ku rajo weyn nahay”. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka, kaasi oo ay qaadayso dowladda Federaalka Soomaaliya. 31,500 oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi, taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Waxaa markii ugu horeysay imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee Dowladda Soomaaliya ka qeybgalay arday indo la’ oo gaarayo illaa 28 arday oo isugu jiray Gabdho iyo Wiilal. 22 kamid ah Ardaydaas araga la’ ee maanta Imtixaanka u fadhiisatay ayaa waxay kasoo qalin jabiyeen Dusiga indhoolayaasha ee Al-Nuur kaasoo ay gacanta ku heyso Shirkadda Hormuud qeybteeda Hormuud Foundation. Guddoomiyaha hey’adda Hormuud Foundation oo sharraxaad ka bixiyey xaaladda Arday ayaa sheegay aydaydu ay marxalad adag wax kusoo barteen, wuxuu intaas ku daray in School-ku uu ka kooban yahay Dugsi Hoose Dhexe kaliya sidaas daraadeedna ay Hey’addu bixiso Kharashka & lacagaha ay Dugsiyada sare ku dhigtaan, wuxuuna intaas ku daray in sanadkaan la hir gelin doono Dugsi sare, uuna haatan dhismihiisu ka socdo Deegaanka Daarusalaam. Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo kormeer ku tagay goobaha Imtixaanka ka socdo ayaa Shirkadda Hormuud uga mahadceliyey sida ay uga shaqeysay inay Maanta imtixaanka soo fadhiistaan arday badan oo indhoolayaal ah kuwaas oo wax kusoo bartay Machadka Indhoolayaasha ee Al-Nuur oo ay kafaala qaaday Shirkadda Hormuud. Machadka Al-Nuur ee Indhoolayaasha ayaa waxaa wax ku barto arday badan oo indhoolayaal ah kuwaas oo ku jiro heerarka Hoose, Dhexe iyo Sare ee waxbarashada.
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf Dheri, oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay khilaafka Xisbiyada ee ku saabsan Doorashada iyo Komishanka, waxaanu sheegay in Komishanka Doorashooyinku aanay rabin inay Doorasho qabtaan, ama ay xilka sii hayaan, balse laga dambeeyo, oo lagu qasbayo inay meesha sii joogaan, waxaanu tilmaamay inay Xukuumaddu dabada ka riixayso. Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf Dheri, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Xisbiga Waddani hore ayuu u caddeeyey mawqifkiisa ku saabsan Doorashada iyo Komishankan, Komishankan Doorashooyinkana anagu hore ayaanu u sheegay in aanan ku kalsoonaan karin, Doorasho dambe oo aanu ku aaminaynaa aanay jirin, runtiina Komishankani waa u diyaar inay is casilaan, laakiin Xukuumadda ayaa dabada ka riixaysa, oo aan rabin inay meesha baneeyaan, Doorasho dhacaysana ma jirto, labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID-na doorasho ma gali karaan, waliba Doorasho Xisbiga saddexaad ee Waddani ka maqan yahay ma gali karaan, I jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis, ee Xukuumadda waxaan leeyahay si meesha uga baxaan waxaa la isku hayo, Komishankan aad dabada ka riixaysaan ha ina dhaafan, oo aynu helno Komishan loo siman yahay oo cadaalad ku shaqeeya, ee faraha kala baxa arimaha Doorashada iyo Komishanka”. Mar uu ka hadlaayey Maceeshada ayaa wuxuu yidhi “Ganacsatadii siday doonto ayey yeelaysaa, oo qiimaha doonto ayey ku kordhinaysaa Maceeshada sarifkii oo jabay, waxayna Ganacstadu isku helaan ka qabaan Xukuumadda, oo hubaal ahaan aan haysan awood ayey wax kaga qabato, dadkiina wey dulman yihiin, oo iyadoo bishii Ramadana lagu jiro ayey haddana Maceeshadii qaali ku tahay, taasna looma baahnayn”. Dhinaca kale wuxuu Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf Dheri,tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, iyo dhammaan Shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdi Waraabe. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo deegaanka Toon oo dhinaca Koonfureed kaga beegan caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo shalay geeriyooday. Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum xildhibaan Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo kamid ahaa haldoorka iyo tiir-dhexaadka ugu miisaanka culus qaranka Somaliland iyo guud ahaan deegaannada Soomaalidu degto, ayaa waxa ka qayb-galay badiba haldoorka magaca iyo maamuuska ku leh Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba bulshada afka Soomaaliga ku hadasha, madax-dhaqameed, garaaddo, salaadiin, ganacsato, siyaasiyiin iyo shacab tiro badan oo meelo kala duwan oo dunida ah isaga yimi, waxana janaasada laga akhriyey hadallo ku saabsan samo-talisnimadii uu marxuumku caanka ku ahaa iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu kusoo qaatay nabadayntii iyo Aas-aaskii Jamhuuriyadda Somaliland. Xubno isugu jira madax-dhaqameed, siyaasiyiin, wasiirro iyo safiirro dalalka deriska ka yimi iyo kuwo xubno ka ah xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, qaar kamid ah hoggaanka axsaabta qaranka iyo waxgarad kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood si isku mid ah u sharraxay kaalintii mucda lahayd ee uu marxuumka Xaaji Cabdikariin kasoo ciyaaray nabadaynta iyo walaalaynta shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba bulshada Afka Soomaaliga ku hadasha, waxana ay ka markhaati kaceen adkaysigiisii iyo sidii uu ugu ban baxay danta guud. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kelmado kooban oo uu ku sharraxayo taariikhda marxuum Xaaji Cabdikariin ka jeediyey janaasada dusheeda, ayaa sheegay inuu marxuumku waqtigiisii iyo noloshiisiiba u huray islaaxa iyo walaalaynta bulshada, waxana uu Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, waxana uu yidhi, “Xaaji Cabdi taariikhdiisa daqiiqado laguma soo koobi karo, wixii Af Soomaali yaqaannaana waa wada og yihiin, ajanabiga Soomaalida la shaqeeya ee yaqaannaana waa og yihiin oo taariikhdiisa qoraal iyo muuqaalba waa lagu hayaa. Xaaji Cabdi waxa aynnu kusoo koobaynaa waxa uu ahaa samo-wade murti-dhaadhi ah, dad wad leh, ummadda isu jiida, intii uu noolaana noloshiiisa u huray nabadayn, walaaltinimo iyo islaax ku dhammaystay, Ilaahayna waxaynu ugu rajaynayaa inuu qabriga u nuuro, jannadii Firdowsana ka waraabiyo.” Marxuum Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo cimrigiisa lagu qiyaasay in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) sano, ayaa xubin ka ahaa golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu ahaa astaan nabadeed oo waqtiyo adag qaranka kala soo dabbaashay marxalado qallafsan oo lasoo maray, iyada oo dadka maanta Aaskiisa ka qaybgalay uu kamid ahaa madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxweyne-ku-xigeenno hore, isimmo iyo garaaddo ka yimi dalalka deriska iyo haldoor tiro badan oo reer Somaliland. Source
-
W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Sida wararka Garowe ka imanaya ay sheegayaan shirka DF iyo madaxda maamul goboleeddada waxaa ka dhacay muran ku dhowaaday in laysu gacan qaado oo dhex maray madax-weynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed- Madoobe), madaxa-weynaha maamul goboleedka Jubbaland, taasoo runtii ah mid aan marna la qaadan karayn!… Axmed-Madoobe, haddii uu garan waayay oo uu ku ixtiraami waayay Farmaajo wax kasta uu yahayba inuu yahay madax-weynihii Soomaaliya ma wuxuu garan waayay isagoo waliba wadaad ah inuu soomanyahay?! Ma wuxuu garan waayay in bishii rammadaan ee barakaysnayd lagu jiro?!… ma wuxuu garan waayay inuu ixtiraamo oo uu xaq dhowro malaayiinta shacabka Soomaaliyeed ee iyaga u haysta mas’uuliyiinta ee rajada ka qabay kana dhur sugayay iyaga?!…Farmaajo khayr kuma aynaan arag laakiin haddii uu ku soo baxay nidaam doorasho haba ahaato mid baarlamaan waxay ahayd Axmed-Madoobe inuu ilaaliyo magaca iyo waxa ay ummaddu wadaagto, waxayna ahayd in laga qaado tallaabo qaynuun haddii aan la awoodinna in maamulka shirka ay ka qaadaan tallaabo xagga anshaxa ah!… Waa KHalad!…Farmaajo waa madax-weynihii dalka, wuxuuna leeyahay mudanaan dastuuri ah oo ay tahay inuu mas’uul kasta iyo muwaadhin kasta ku ixtiraamo, in mudnaantaas la siiyana waxay ka mid tahay ilaalinta iyo hab-raaca dastuuriga ah!… Horay waxaa inoo soo maray Cabdi-Raxmaan Cabdi-SHakuur oo leh “…laakiin annagii martida naloo ahaa inaan sharciga wax ku doono!…” taasoo sida muuqata uu ula jeeday madax-weynaha, waxaana shaki la’aan ah in dad badan oo siyaasadda dalka saamayn ku leh aysan fahamsanayn waxa ay dowladnimmadu tahay, una baahanyihiin taba-bar qoto dheer oo la xiriira shaqadooda iyo waxa la kala mudanyahay… Haddii sida warar ka imaanaya shirki ka dhacay Garowe ay dhab yihiin in la kala qabtay madax-weynaha iyo Axmed-Madoobe si muran la’aan ah waxaa denbiga leh Axmed-Madoobe … Waxaas ma aha wax loo dul qaadan karo, mana aha arrin u cuntamaysa dadka Soomaaliyeed ee wali la kufaa-kacaya sidii ay qaranimmadooda dib ugu soo yagleeli lahaayeen. Madax-weynaha waa la dhaliili karaa siyaasaddiisa, fikirkiisa, shaqadiisa, iyadoo waliba la cadaynayo, ama waa lagu qabsan karaa ama looga hor immaan karaa arrimo qaynuun ah iyadoo qaynuunka loo soo marayo, laakiin laguma gefi karo sida aan loogu gefi Karin muwaadhin kasta oo kale, waxaana intaas u dheer mudnaanta dheeriga ee uu dastuurka sida gaarka ah u siiyaya oo ah inuu huwanyahay sharafta ummadda iyo dalka!… DHanka kale, Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, waxa meesha ka dhacay isaga aabbe iyo hooyo ka ah, isaga iyo ra’iisal wazaarihiisa KHeyre, labo sano oo ay xilka hayeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed ama ha ahaadaan madaxda maamul-goboleeddada ama kuwo kale oo iyaga ka fikrad duwan waxay ula dhaqmayeen sidii siyaasiyiin dal ay xoog ku qabsadeen, waxayna ku maamulayeen xoog, khayaano, kala-qaybin, isku dir… qaynuun iyo xeerna wadanka oo dhan bay ka laaleen, waxayna qaynuunkii u qaateen mansabka iyo jagada la yiri ugu adeega qaynuunka!…Meelo badan markaad dhaqankooda siyaasadeed ka fiiriso waxaad dareemaysaa inay isku dareen labo nidaam siyaasadeed; midkii guumeystayaashii oo ahaa Qaybi oo Xukun, oo xataa golihii shacabka labo ayeey ka dhigeen kuwo muqarrabiin ah oo la soo dhoweeyay oo waziiro laga dhigay, ama dad ay wateen loo shaqaaleeyay, ama mushaar aysan lahayn laysaga qoray iyo kuwo la fogeeyay oo xataa gunnadii (Allowance) ay lahaayeen laga ilaashay, wixii nidaam uu dalka lahaa oo dhanna way la dirireen oo waxay ku dadaaleen nidaam iyaga si gaar ah ugu adeegaya, walina wadaan inay xididdada u siibaan xeer kasta oo ay ummaddu lahayd haddii uusan danahooda gaarka ah u adeegeyn! Nidaamka labaadna waa mid shabaha dabeecad ahaan kii Kacaankii Oktoober xagga marin habaabinta, dacaayadda, iyo inay sharciga u aqoonsanyihiin oo keliya waxay iyaga rabaan, xoog sheegashana aysan ka marnayn. Waxaa siyaasiyiinta la gudboon inay gartaan ixtiraamka dhexdooda ah iyo is-tix gelin kasta oo iyaga dhex marta inay noqonayso xudunta midnimmada iyo xiriirka ka dhexeeya shacabka, taasina waxay ku imaan karaysaa ilaalinta qawaaniinta iyo xeerarka ummaddu dhigatay, ixtiraamka dhaqanka iyo anshaxa ummaddu leedahay, waana middaas sirta qarsoon ee ka dambaysa awoodda iyo xoogga ay ummad kasta oo horumartay ku faanto!…Xukuumadda federal-ka faragelinta ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Koonfur-Galbeed oo kale haddii ay doonayso inay maamul goboleeddada oo dhan kula dhaqanto taasi waxay horseedaysaa kala fogaanshaha xukuummadda federal-ka iyo gobollada, waxaase haboon oo doorka ugu wanaagsan ee xukuumadda federal-ka ay qaadan karto uu yahay inay kor joogto ka noqoto doorashooyinkaas haddii aysan bannaanka ka joogi karin, laakiin ay ku qasabto maamul goboleedka inuu sameeyo hay’adihii gar-soorka ee go’aanka ka gaari lahaa haddii uu khilaaf yimmado!…laakiin inay iyada keento madax-weynaha maamul goboleedka sida ka dhacday Koonfur-Galbeed. Waxaa sidoo kale aan suuro gal noqonayn xukuumad aan iyadaba lahayn gole shacab iyo maxkamaddii sare oo madax banaan sidee bay qaynuun uga hadashaa oo ay ku maamushaa nidaamka siyaasadeed oo uu dal leeyahay?! Waxaa sida laga war qabo illaa iyo hadda aysan xukuumadda Farmaajo iyo KHeyre ay diidanyihiin Aqalka Sare, kaasoo colaadda ay u qabaan sabab looga dhigay inay laaluush ku qancin waayeen inta badan xubnaha aqalka sare iyo gudoomiyaha Cabdi Xaashi Cabdullaahi sida ka dhacda golaha shacabka iyo Gudoomiye Mursal, marka madax-weynaha in lala murmo, in lagu af celiyo isagaa u sabab ah!…Farmaajo iyo KHeyre waxyay la dagaalameen hay’adihii madaxa bannaanaa ee isu dheeli tirayay awoodaha siyaasadeed ee dowladda marka maxaa diidaya in maamul-goboleeddada ay walaacaan oo ku kalsoonaan waayaan dowldda?!…Cahdiyada iyo xeeraka ay ummaddu wada dhigato ama ay ku heshiiso waa tiirarka ay ku taaganyihiin nidaamyada siyaasadeed ee dalka lagu maamulo, haddii la dumiyana waxa soo baxaya waa la garan karaa, waa siyaasad wareersan oo aan jiho lahayn, waa is qab-qabsigaas joogtada ah ee aan dhammaadka lahayn, iyo shirarkaas aan natiijada lahayn … Golaha SHacabka iyo gudoomiyo Max’ed Mursal, ha ogaadaan shacabka inay danbi ka galeen dalkiina ay dib ugu celiyeen qaynuun la’aan!…Waana siday ahaan jirtay markii dastuurka laga tago!….. PUNTLAND POST The post Waa haddaan dastuurka la raacin … appeared first on Puntland Post.
-
The Somali government has expressed regret over Kenya’s decision to re-impose Wajir stopover for flights from Mogadishu. Kenya Civil Aviation Authority on Thursday confirmed the reimposition of the Wajir stopover for all flights from Mogadishu for security checks. In response, the Somali government termed the decision as ‘politicized’ one. In a statement by Somali Ministry for Civilian Aviation, the government said the decision was not good for neighborly relations. The Somali government said it understood that the move is intended to restrict movements of Somali citizens. The ministry stated that the matter will be referred to the relevant authorities to assess the appropriate response. The Somali government has urged the Kenyan government to ‘reconsider’ decision which will restrict trade and people from the two countries. While direct flights from Mogadishu to Nairobi which takes about one hour and 20 minutes will need nearly two- and- half hours, with the screening stretching it by an hour. Although Kenya does not import as much as it exports to Somalia, cargo handlers and non-governmental organizations also will be affected by the new directive. Wajir security stopover which was introduced during the reign of President Mwai Kibaki was lifted in 2017 after leaders from Somalia and Kenya discussed the issue in Nairobi. View the full article
-
Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa mar kale dib u dhigtay dhegaysiga dacwadda loo haysto rag ku eedaysan kiiskii Caa’isha Ilyaas Aadan. Maxkamadda oo saaka dhegaysatay dacwadda xeer-ilaalinta iyo difaaca qareennada u doodaya eedaysanayaasha ayaa ku dhawaaqday in kiiska dib loo dhigay oo mar kale la dhegaysan doono maalinta berriya oo Axad ah. Guddoomiyaha maxkamadda ayaa amray in ay maxkamadda hor-yimaadan madaxda xarunta baarista denbiyada ee Forensic Lab si ay sharraxaad buuxda uga bixiyaan caddaymaha ay ku heleen eedaysanayaasha laga qaaday dheecaannada hidda-sidaha DNA ee loo adeegsaday baarista kiiskan. Balse xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan oo cuskanaya xeerka kufsiga Puntland ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in mas’uuliyiinta Forensic-ga lagu wareysan karo oo keliya kulan xiran oo aan dadweynaha loo ogolaan. PUNTLAND POST The post Dhegaysiga kiiska Caa’isha Ilyaas oo mar kale dib loo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors