-
Content Count
208,391 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
ismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maalintii 3aad ay ka taagan Xiisad dagaal oo u dhaxaysa Ciidamo Taabacsan Milateriga Soomaaliya oo ilaalo u ah qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee ku sugan Kismaayo. Sidoo kale Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay u abaabulan yihiin qaab Ciidamo beeleed ah, Islamarkaana ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan kadib markii ay magaalada Kismaayo gashay xaalad kale oo dhanka amaanka ah. Ciidamada ugu badan dhaq-dhaqaaqa wada ayaa ka amar qaata Af-hayeenkii hore ee maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar, oo sidoo kale ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee doorashada Sanadka 2019. Ciidamada amaanka maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in dhankooda ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo xoog leh waxayna isku ballaariyeen Xaafado katirsan magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee Jubbaland. Gaadiidka dagaalka ee maamulka Axmed Madoobe ayaa laga soo saaray Xarumaha Ciidamada, waxayna qaarkood la geliyay heegan iyadoo dhinaca kale dibadda loo soo saaray Ciidamo xareesnaa oo katirsan Maamulka Jubbaland, kana amar qaata Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. Xiisadaan ayaa salka ku heysa arimaha doorashooyinka Jubbaland iyo Ciidamo dheeraad ah oo ay keensadeen Musharaxiinta qaarkood. Kismaayo ayaa u muuqato markale ay luguha la galayso xaalad dagaal oo salka ku heysa hogaanka Maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Goobjoogayaal ku sugnaa halka lagu dhaawacay taliyaha ayaa waxa ay sheegeen in 3 nin oo dhalinyaro ah, ay weerareen taliyaha xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadii Taraawiixda mana jirin ilaalo la soctay sargaalka. Read More
-
Ethiopian President Sahle-Work Zewde is scheduled to make a one-day visit to Kenya on Tuesday for talks with President Uhuru Kenyatta. Source: Hiiraan Online
-
28 arday oo indho la' ayaa ku jiray 31,500 arday sanadkan u fariisatay imtixaanka dugsiga sare ee ay qaaddo Dawladda Federalka ee Somalia Read More
-
Roobabka gu’ga oo laxaad leh ayaa xalay miray, degaanno badan oo ku yaalla gobollada Karkaar, Nugaal, Sool iyo Mudug oo hore kulayl iyo baaro daran ka jireen. Dhul ballaaran oo ka kala tirsan gobollada Karkaar,Mudug, Nugaal iyo Sool ayaa xalay roobsaday, sida ay warbaahinta Puntland Post u sheegeen dad ku sugan degaanno kala duwan oo gobolladaasi ah. Meelaha roobsaday waxaa kamid ah magaalooyinka; Garoowe, Qardho, Laascaanood, dooxooyinka Nugaal, jeexdimaha dhoodida Sool iyo Ciidka Mudug Magaalada Garoowe hiraabtii hore (Suxuurtii) saaka, waxaa ku da’ay mayay(bariise) ka dulka-hooryeeyay, gufaacadii uu soo kiciyay gud-gudihii xalay maaruqay gobollada Sool iyo Karkaar. Roobka oo si jawi deggan oo aan dabayl wadan u da’yay ayaa biyaha waray gudaha magaalada iyo dooxooyinka ku xeeran. Sidoo kale weli waxaa cirka ku marriiman daruuro biyaysan iyo fadad cas oo dhibcaynaya. Garoowe iyo saaka PUNTLAND POST The post Roobabka gu’ga oo xalay iyo saaka ka da’ay qaar kamid ah gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Sida wararka Garowe ka imanaya ay sheegayaan shirka DF iyo madaxda maamul goboleeddada waxaa ka dhacay muran ku dhowaaday in laysu gacan qaado oo dhex maray madax-weynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed- Madoobe), madaxa-weynaha maamul goboleedka Jubbaland, taasoo runtii ah mid aan marna la qaadan karayn!… Axmed-Madoobe, haddii uu garan waayay oo uu ku ixtiraami waayay Farmaajo wax kasta uu yahayba inuu yahay madax-weynihii Soomaaliya ma wuxuu garan waayay isagoo waliba wadaad ah inuu soomanyahay?! Ma wuxuu garan waayay in bishii rammadaan ee barakaysnayd lagu jiro?!… ma wuxuu garan waayay inuu ixtiraamo oo uu xaq dhowro malaayiinta shacabka Soomaaliyeed ee iyaga u haysta mas’uuliyiinta ee rajada ka qabay kana dhur sugayay iyaga?!…Farmaajo khayr kuma aynaan arag laakiin haddii uu ku soo baxay nidaam doorasho haba ahaato mid baarlamaan waxay ahayd Axmed-Madoobe inuu ilaaliyo magaca iyo waxa ay ummaddu wadaagto, waxayna ahayd in laga qaado tallaabo qaynuun haddii aan la awoodinna in maamulka shirka ay ka qaadaan tallaabo xagga anshaxa ah!… Waa KHalad!…Farmaajo waa madax-weynihii dalka, wuxuuna leeyahay mudanaan dastuuri ah oo ay tahay inuu mas’uul kasta iyo muwaadhin kasta ku ixtiraamo, in mudnaantaas la siiyana waxay ka mid tahay ilaalinta iyo hab-raaca dastuuriga ah!… Horay waxaa inoo soo maray Cabdi-Raxmaan Cabdi-SHakuur oo leh “…laakiin annagii martida naloo ahaa inaan sharciga wax ku doono!…” taasoo sida muuqata uu ula jeeday madax-weynaha, waxaana shaki la’aan ah in dad badan oo siyaasadda dalka saamayn ku leh aysan fahamsanayn waxa ay dowladnimmadu tahay, una baahanyihiin taba-bar qoto dheer oo la xiriira shaqadooda iyo waxa la kala mudanyahay… Haddii sida warar ka imaanaya shirki ka dhacay Garowe ay dhab yihiin in la kala qabtay madax-weynaha iyo Axmed-Madoobe si muran la’aan ah waxaa denbiga leh Axmed-Madoobe … Waxaas ma aha wax loo dul qaadan karo, mana aha arrin u cuntamaysa dadka Soomaaliyeed ee wali la kufaa-kacaya sidii ay qaranimmadooda dib ugu soo yagleeli lahaayeen. Madax-weynaha waa la dhaliili karaa siyaasaddiisa, fikirkiisa, shaqadiisa, iyadoo waliba la cadaynayo, ama waa lagu qabsan karaa ama looga hor immaan karaa arrimo qaynuun ah iyadoo qaynuunka loo soo marayo, laakiin laguma gefi karo sida aan loogu gefi Karin muwaadhin kasta oo kale, waxaana intaas u dheer mudnaanta dheeriga ee uu dastuurka sida gaarka ah u siiyaya oo ah inuu huwanyahay sharafta ummadda iyo dalka!… DHanka kale, Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, waxa meesha ka dhacay isaga aabbe iyo hooyo ka ah, isaga iyo ra’iisal wazaarihiisa KHeyre, labo sano oo ay xilka hayeen siyaasiyiinta Soomaaliyeed ama ha ahaadaan madaxda maamul-goboleeddada ama kuwo kale oo iyaga ka fikrad duwan waxay ula dhaqmayeen sidii siyaasiyiin dal ay xoog ku qabsadeen, waxayna ku maamulayeen xoog, khayaano, kala-qaybin, isku dir… qaynuun iyo xeerna wadanka oo dhan bay ka laaleen, waxayna qaynuunkii u qaateen mansabka iyo jagada la yiri ugu adeega qaynuunka!…Meelo badan markaad dhaqankooda siyaasadeed ka fiiriso waxaad dareemaysaa inay isku dareen labo nidaam siyaasadeed; midkii guumeystayaashii oo ahaa Qaybi oo Xukun, oo xataa golihii shacabka labo ayeey ka dhigeen kuwo muqarrabiin ah oo la soo dhoweeyay oo waziiro laga dhigay, ama dad ay wateen loo shaqaaleeyay, ama mushaar aysan lahayn laysaga qoray iyo kuwo la fogeeyay oo xataa gunnadii (Allowance) ay lahaayeen laga ilaashay, wixii nidaam uu dalka lahaa oo dhanna way la dirireen oo waxay ku dadaaleen nidaam iyaga si gaar ah ugu adeegaya, walina wadaan inay xididdada u siibaan xeer kasta oo ay ummaddu lahayd haddii uusan danahooda gaarka ah u adeegeyn! Nidaamka labaadna waa mid shabaha dabeecad ahaan kii Kacaankii Oktoober xagga marin habaabinta, dacaayadda, iyo inay sharciga u aqoonsanyihiin oo keliya waxay iyaga rabaan, xoog sheegashana aysan ka marnayn. Waxaa siyaasiyiinta la gudboon inay gartaan ixtiraamka dhexdooda ah iyo is-tix gelin kasta oo iyaga dhex marta inay noqonayso xudunta midnimmada iyo xiriirka ka dhexeeya shacabka, taasina waxay ku imaan karaysaa ilaalinta qawaaniinta iyo xeerarka ummaddu dhigatay, ixtiraamka dhaqanka iyo anshaxa ummaddu leedahay, waana middaas sirta qarsoon ee ka dambaysa awoodda iyo xoogga ay ummad kasta oo horumartay ku faanto!…Xukuumadda federal-ka faragelinta ay ku samaysay doorashadii ka dhacday Koonfur-Galbeed oo kale haddii ay doonayso inay maamul goboleeddada oo dhan kula dhaqanto taasi waxay horseedaysaa kala fogaanshaha xukuummadda federal-ka iyo gobollada, waxaase haboon oo doorka ugu wanaagsan ee xukuumadda federal-ka ay qaadan karto uu yahay inay kor joogto ka noqoto doorashooyinkaas haddii aysan bannaanka ka joogi karin, laakiin ay ku qasabto maamul goboleedka inuu sameeyo hay’adihii gar-soorka ee go’aanka ka gaari lahaa haddii uu khilaaf yimmado!…laakiin inay iyada keento madax-weynaha maamul goboleedka sida ka dhacday Koonfur-Galbeed. Waxaa sidoo kale aan suuro gal noqonayn xukuumad aan iyadaba lahayn gole shacab iyo maxkamaddii sare oo madax banaan sidee bay qaynuun uga hadashaa oo ay ku maamushaa nidaamka siyaasadeed oo uu dal leeyahay?! Waxaa sida laga war qabo illaa iyo hadda aysan xukuumadda Farmaajo iyo KHeyre ay diidanyihiin Aqalka Sare, kaasoo colaadda ay u qabaan sabab looga dhigay inay laaluush ku qancin waayeen inta badan xubnaha aqalka sare iyo gudoomiyaha Cabdi Xaashi Cabdullaahi sida ka dhacda golaha shacabka iyo Gudoomiye Mursal, marka madax-weynaha in lala murmo, in lagu af celiyo isagaa u sabab ah!…Farmaajo iyo KHeyre waxyay la dagaalameen hay’adihii madaxa bannaanaa ee isu dheeli tirayay awoodaha siyaasadeed ee dowladda marka maxaa diidaya in maamul-goboleeddada ay walaacaan oo ku kalsoonaan waayaan dowldda?!…Cahdiyada iyo xeeraka ay ummaddu wada dhigato ama ay ku heshiiso waa tiirarka ay ku taaganyihiin nidaamyada siyaasadeed ee dalka lagu maamulo, haddii la dumiyana waxa soo baxaya waa la garan karaa, waa siyaasad wareersan oo aan jiho lahayn, waa is qab-qabsigaas joogtada ah ee aan dhammaadka lahayn, iyo shirarkaas aan natiijada lahayn … Golaha SHacabka iyo gudoomiyo Max’ed Mursal, ha ogaadaan shacabka inay danbi ka galeen dalkiina ay dib ugu celiyeen qaynuun la’aan!…Waana siday ahaan jirtay markii dastuurka laga tago!….. W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland Xasan Gaafaadhi, oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa ayaa sheegay inay jiraan Shabakado xulafo ah oo dhibaato weyn ku haya nabad-galyada Somaliland. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kooxahani ay ka koobanyihiin dad badan oo la yaqaano iyo kuwa kale oo aan la aqoon. Gaafaadhi ayaa waxa uu Kooxahani ku sheegay wuxuu ugu yeeray ‘Casaabado’, isagoona ka dhawaajiyey inay kamid yihiin kooxahaasi Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo dad ajaanib ah. Wasiirka ayaa ku eedeyay kooxahaasi inay ka dambeeyan xasarado badan oo amni-darro oo ka dhaca deeganada Somaliland. Wasiir Gaafaadhi oo arrimaha ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Casaabado Abaabulan oo nooco badan isugu jira oo Cid walba leh, Madax-dhaqameed leh, shaqaale leh, Ganacsato leh, Dad ajaanib ah oo Shisheeya ah leh, ayaa dhibaato ku haya fulinta Sharciga Qaranka, masuulna ka ah Xasarado iyo dhibaatooyin badan oo dhaca”. “Casaabadahaasi waa Casaabado dhibaato weyn ku haya nabadgalyada, waxay ka Ganacsadaa wuxuu isugu jiraa wax la yaqaano iyo waxaan la aqooninba”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu leenahay Dadkaa maanta iftiinkaa haya, wixii ay geysteena waxay ila tahay meel ay la tagaan in aanay jirin, siyaasiyiin baa ku jirta, markaa maaha wax la fudaydsan karo, Ciidanka Qaranka, Booliska iyo Xukuumadduba waxay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan sidii ay Dadkaa u iftiimin lahaayeen ee ay Sharciga u horkeeni lahaayeen”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jubbaland Maxamed Naasir Guuleed Xasan ayaa war kasoo saaray amniga murashaxiinta Madaxweynaha maamulka Jubbaland, xilli dhawaan lagu waddo in Kismaayo lagu qabto doorashadda Madaxweynaha Jubbaland. Taliyaha ayaa xusay in aan la ogolaan doonin in murashxiinta qaarkood ay amniga Magaalada Kismaayo ay qalqal galiyaan, islamarkaana ay abuuraan xaalad nabadgaliyo daro. Taliyaha ayaa sheegay in Jubaland aysan aqbali doonin in ciidamada hubeysan lagu haysto magaalada, taasi oo caqabad ku ah amniga magaalada, sida uu sheegay. Waxaa uu sheegay in suggitaanka amniga murashaxiinta ay iska kaashan doonaan Ciidanka AMISOM ee ku sugan degaanada maamulka Jubbaland iyo Ciidanka Booliska Magaalada Kismaayo. Waxaa uu tilmaamay in ugu dambeyntii in la diyaariyay Ciidamo gaar ah oo ka shaqeyn doona Ammaanka goobaha ay ka dhaceyso doorashadda Jubbaland. Ciidamada Jubaland iyo kuwa murashax Cabdi Naasir Seeraar ayaa isku dhac uu ku dhex maray garoonka Kismaayo khamiistii, halkaasi oo afar askari ay ku dhaawacmeen. Jubaland ayaa falkaas ku eedeysay dowladda federaalka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dalka Sweden ayaa su’aal geliyey sababta ay Dawladdiisu ugu aqoonsan wayday Somaliland dal-jira. Magnus Oscarsson oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaaka Sweden ayaa sheegay inuu booqasho ku tagey caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa, isagoona ka dhawaajiyey inuu indhihiisa kusoo arkay Nabad-gelyada ay ku naaloneyso Somaliland. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Somaliland intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, isagoona kulamo kala duwan la yeeshay qaar kamid Madaxda Somaliland. Oscarsson ayaa Dowladiisa Sweden iyo Shacabkooda weydiiyey sababta ay u aqoonsan laadahay Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in Somaliland ay buuxisay nidaamkii dawladnimo ee looga baahna dal baadi-goobaya inuu ictiraaf buuxa ka helo dowladaha Caalamka. Xildhibaankan katirsan Baarlamanka Sweden oo ka hadlayey munaasibad ay 18-May ku xusayeen jaaliyada Somaliland ee dalkaasi Sweden, ayaa wuxuu yiri “Waxaan tagay Hargeysa, waxaan soo arkay Nabadgalyada, waxaan la kulmay Madaxweynaha Somaliland. Markaa waxaan waydiinayaa Dawladda Sweden iyo Shacabka, maxaynu u aqoonsan waynay Somaliland”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta sare ee Xukumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ciqaab adag la kulmi doonaan dad lagu eedeeyay inay imtixaanaad been abuur ay ku faafinayaan baraha Bulshada. Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in shaqsiyaadkaasi sharciga lala tiigsan doono, haddii gacanta lagu dhigo, maadaama ay waxyaabo aan jirin ka faafinayaan wasaaradda islamarkaana ay ku marin habaabinayaan dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay, waxay ku sheegtay in imtixaanaadka lagu faafiyay baraha bulshada ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona laheyn. “Wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta sare waxay digniin u direysaa dadka caadeystay in ay ku faafiyaan baraha bulshada,imtixaanada been abuurka ah oo aan sal iyo raad toona laheyn islamarkaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed”ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. “Haddaba annagoo ka duuleyna arrintaasi ayaan waxaan idinku wargelinayaa in shaqsigii lagu qabto isagoo faafinaya imtixaan been abuur ah in wasaaraddu la tiigsan doonto sharciga” ayaa lasii raaciyay qoraalka wasaaradda. Sidoo kale wasaarada ayaa ugu baaqday ardayda in ay ku kalsoonaadaan naftooda ayna badiyaan aqriska cashirada ay imtixaamka ku galayaan, iyada oo Mustaqbal wanaagsan u rajaysay ardayda Soomaaliyeed. “Waxaan ka codsaneynaa dhammaan ardayda u fadhiisanaysa imtixaanka qaranka in ay diirrada saaraan wax aqriska islamarkaana ay ku kalsoonaadaan naftooda Waxaan idin rajeynaynaa natiijo wacan waxaa tihiin mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay wasaarada Waxbarashada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kenya has suspended direct flights from Somalia’s capital Mogadishu to Nairobi for security reasons but Somalia has asked for reconsideration, saying the decision was politically motivated. The BBC reported on Friday that the flights had been suspended and that planes will now land in Wajir for security checks. Kenya’s Interior ministry was not immediately available for comment on the matter but Captain Gilbert Kibe, Director-General of the Kenya Civil Aviation Authority, told the Nation that the decision was “purely for security reasons”. On phone on Saturday, he said the suspension will last until August 9 when a review will be carried out and a decision made on whether to maintain or lift it. ‘POLITICAL MOTIVATION In a statement on Friday, however, Somalia’s Ministry of Transport and Civil Aviation asked Kenya to reconsider the decision, saying it was bad for their strong relations. Somalia said it was “deeply concerned” by the move and regretted that Kenya was being “unneighbourly”; it said the move was against “our tenets of good neighbourliness and strong relations”. “The Federal Government of Somalia believes this action places undue burden on Somali citizens and other travellers,” the statement said. “This act also creates [an] unnecessary barrier on trade and movement of people between the two countries.” Somalia said it asked Kenya to reconsider the decision in line with its mandate to “protect and safeguard its sovereignty and the dignity and wellbeing of its citizens”. “The FGS will, in the meantime, work with all relevant authorities to resolve this issue and take appropriate action as deemed necessary,” the statement said. PAST POLICY In 2006, Kenya imposed a strict security policy requiring flights from Mogadishu to land in Wajir for security checks before heading to any other part of the country. The idea, Kenya argued, would ensure the safety of passengers and cargo, as Al-Shabaab militants had taken control of vast areas of the country. In September 2016, Kenya and Somalia signed an agreement to lift the ban, after both sides certified security arrangements for departing flights at Aden Abdille International Airport, formerly known as Mogadishu International Airport. Kenya took about four months to implement the agreement signed that year. It turned out that Kenya signed the deal to protect the miraa business – at the time, Somalia had threatened to ban the sale of miraa from Kenya. The then Meru Governor Peter Munya, who is now Trade Cabinet Secretary, travelled to the breakaway region of Somaliland and offered to influence its recognition if it assured miraa sales. BORDER ROW Kenya and Somalia were recently engaged in a row over their border – an Indian Ocean maritime territorial dispute escalated with claims that Mogadishu auctioned oil and gas blocks in a contested area. As a result, the Kenyan government asked Somali ambassador Mohamoud Ahmed Nur alias Tarzan to return to his country for consultations and summoned its own envoy to Somalia, Lt-Gen (Rtd) Lucas Tumbo. In March, a search for an out-of-court solution hit a snag, paving the way for a legal battle at the International Court of Justice (ICJ). Nairobi therefore put together final touches on papers for the case which will begin in September in The Hague. In 2016, Kenya failed to convince the ICJ that it was not within its jurisdiction to determine the matter. Source: Daily Nation
-
” Kumaa jecel xaaji cabdi ” . Xaaji Cabdi Adoon ayuu ahaa kala mida adoomaha kale lahaanshaha 5 dareeme ee aadmigu wax ku dareemo , caqliga iyo garaadkana dadka ayuu kala sinaa , hasa yeeshee wuxuu kaga duwanaa sheegista uu sheego xaqa uu caqligiisu suureeyo iyo diidista dulmiga caqligiisu garto . Qofka ay dhab ka tahay jacaylka Xaaji Cabdi iyo Sooyaalkiisuna maaha qofka sheeko wanaagsan , Gabay wanaagsan , hees wanaagsan iyo tilmaan wanaagsan ka sheega taarkiikhdii xaajiga , hassa yeeshee waa qof kasta oo inta ku dhaw xaqa u sheega , dulmiga ka qabta , kuna dhaca in uu si cad u tilmaamo gefka iyo khaladaadka ay samaynayaan ehelkiisu , hadii aad ku qanacsantahay xaqdaro ay ku talaabsanayaan inta kugu xeerani amaba aad ka xishoonayso tilmaamista gardarada ay qoyskaagu samaynayaan , ma jeclid xaaji cabdi hasa yeeshee ruwaayad ayuun baad matalaysaa . Source
-
Arinka iga soo maray dowladda Maraykanku maaha mid lagu soo Koobi karo qoraalkan, waayo waa Arrin soo jiitamayay 16 sano iyo 8 bilood, sagaal sano oo ka midana aan ku jiray liiska Xayiraadda Duulimaadka.Cinwaanka maqaalkan ayaan ka qaatay talo uu i siiyay barafosoor aanu saaxiib nahay oo igula taliyay inaan u bixiyo buug aan ka qoro qisadayda, waxa kale oo taladan i siiyay qareen ka mida qareenadayada oo isna yidhi qisadaadu waxay mudan tahay in buug laga qoro. Calaa ayati xaal waa sheeko dheer oo ku dawinan kumanaan xaashiyo oo laga qoray dacwadda uu Maraykanku ila maganaa si la iigu rido xabsi aan ku dhammaysto inta nolosha iiga hadhay, waa sheeko warinaysa sidaanu ugu dhabar adaygnay dagaal arxan daran oon kala go’ lahayn oo ay hayado dhowra oo Maraykani nagu qaadeen , laakiin ay ku fashilmeen, anagana Ilaahay na sugay, nagana badbaadiyay inaanu diintayada ku iibsano doolaro iyo raaxada gaaban ee dunida, Taa macnaheedu maaha inay arrimhu sahlanaayeen, waxay ahaayeen maalmo qadhaadh oo naga soo saaray cirada gadhkayga ka muuqata, laakiin wax walba waa rakhiis Ilaahay dartii, muslinkuna mar walba wuxuu beegsanayaa waa liibaanta aakhiro iyo raaxada janada ee waaraysa, Ilaahay ayaan ku mahadinayaa inuu i sugay , iguna kaalmeeyay xasilooni iimaaniya oon ku waajahay dowladda dunida ugu xoog badan oo si walba iskugu dayday inay i liiciso iskuna dhiibo, iyadoo adeegsanaysa hanjabaad, cabsiin iyo cadaadis nafsaaniya. Waxase Ilaahay mahaddii ah in kuwii muddaadaa dulmiga nagu hayay ay iyagu maanta isku madheen, Ilaahayna isku diray kuna salliday Taraam oo sumcaddii FBI da cagta mariyay ! Waxaan si kooban u dul mari doonaa waxyaabo akhlaaq darro ah oo ka mida sida Maraykanku iskugu dayay inuu ii sameeyo dambiyo laygu maxkamdeeyo , layna galiyo xabsi dheer. 1-Inay ku andacoodeen inaan anigu u fatwooday, lacagna u ururiyay, jamaacada na duco uga dalbay todoba qof oo ay dowladdu ku andcootay inay rabeen inay galaan Afqaanistaan sanadkii 2002 , inakstoo lix dadkaa ka mida la maxkamdeeyay kuwa ugu xabsi dheeraan lagu xukumay 18 sano, haddana dowladda Maraykanku waxay si fool xun ugu fashilantay inay arrinkan igu maxkamdeeyaan, laba ka mida oo ay u soo bandhigeen ina laga khafiifiyo xuklunka 18 sano ah haddii ay igu furaan markhaati labaduba way diideen, waxay ka doorteen xabsigaa dheer oo midkood soo dhamaystay.Waxay ahayd dhirbaaxo weyn oo ku dhacday xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Oregon iyo shaqaalihiisa daalimiinta ah. Maraykanku wuxuu doonay inuu igu soo oogo dacwado mid walba ciqaabteedu gaadhayso tobonaan sano, wayse ku fashilmeen. Waxa la isku dayay in loo hanjbao dad laga dalbay inay markhaati beena igu furaan, waxa ka mid ahaa laba walaal oo midna Marookaan midna Falastiini ah oo markay diideen laga qaaday kaadhka degenaasha (green card), midkood xabsiga ayuu iga soo wacay (collect call) wuxuu ii sheegay inay ku yidhaahdeen Kaariye been ka sheeg ama kaadhkaa lagaa qaadayaa wuxuu doortay inaanu been ka sheegin walaal muslina, labadoodaba Waa la mustaafiriyay, waxaan Allaah uga baryayaa inuu adduunka ku siiyo nolol wanaagsan aakhirana ku arsaaqo janatul firdowsa. Nin kale oo carabana waxay u soo badhigeen inay siinayaan jinsiyadda Maraykanka hadduu been iga sheeo isna wuu ku diiday. Maraykanku wuxuu isticmaalay dowlad kale si ay u helaan markhaati beena oo la igu maxkamadeeyo, qof muslina oo soo islaamay ayaa lagu sameeyay Jidh dil, laakiin walaalkaasi siduu ku sheegay waraysi ay ka qaaday warbaahinta dalka Iswiidhan, kuna qoran dacwad uu ka dhiibay dowladda Maraykanka wuu diiday inuu sheekhiisa been ka sheego, Allaah ayaan ka baryayaa inuu kuwii jidh dilay ku cadaabo naarta jahannamo. Walaal Soomaaliya oo wax ka baranayay dal carbeeed ayay ugu tageen dalkuu joogay, kana waraysteen aniga iyo laba sheekh oo soomaaliya oo caana kana mida kuwa ay Soomaalidu aad u dhagaysto duruustooda, waxayna ka dalbeen inuu jaasuus u noqdo, laakiin wuu ka diiday, kamana qarin inuu I yaqaano, saaxiibna nahay, markiiba waxay u sheegeen in lagu daray dadka aan ku safari karayn hawada Maraykanka, Kanada ayuu is yidhi soo gal, deetana diyaaraddii uu la socday ayaa qasab lagu fadhiisiyay, ninkii Waxaa oo dhan lagu sameeyay muddo gaaban ka dib ayay soo daayeen, soo riwaayad maaha. Basaas u dhashay dalka Masar ayay ii soo direen oo muddo ka hawl galay masaajidka aan imaamka ka ahaa, laakiin way ku fashilmeen, wuxuu iska dhigay inuu ka ganacsado hubka lacag jabana igaga iibinayo qore, waan ka diiday, sidoo kale waxaan u sheegay in intaan Maraykan joogay qori iyo bastoolad midna u iibsan xitaa si sharciya, taqriiban wiig ka dib ayuu igu soo noqday isagoo leh dhul weyn ayaan leeyahay ee aynu ku soo dhoogtano waan ku diiday, .Waxa cajiiba in ay basaaskan ugu ballan qaadeen inay ka cafiyiyaan dambiyo daroogo ah oo ay ku haysteen hadduu na basaaso, muuddo ka dib ayuu farriimo kaga tagay telefonka masaajidka, wuxuu a sheegay in lagu qasbay inuu aniga been iga sheego, bal eeg akhlaaq xumida hayadaha dambi baadhka Maraykanka, kuwaasi ayaa sheeganaya inay nadiif yihiin. Tan baa ugu daran ee bal iyadana eeg, taqriiban 2003 ayaa maalin ka dib markaan akhriyay khudbaddii jimcaha ayaa waxa I salaamay nin caraba oo isku sheegay Hishaam Abuu Zubayda, wuxuu ii raaciyay inuu yahay Abuu Zubayda walaalkii, markiiba waan iskaga dhaqaaqay, dareemayna inay wax qaldan yihiin, waayo abuu Zubayda waa ninkii koowaad ee ka mida Qaaciidada ee Maraykanku ku qabteen Baakistaan qaraxyadii 2001 ka bacdi, warkiisana aad iyo aad loogu sheegayay warbaahinta caalamka. Muddo ka bacdi ayuu Hishaam afka furtay markay dowladdu ka baxday ballamihii ay u qaaday oo ay ka mid ahady inay siiyaan kaadhka degenaanshaha, wuxuu tafaasiil mug leh ka bixiyay siday FBI ugu soo dirtay inuu aniga iyo masaajidka basaaso, laakiin uu u caddeeyay in waxay u sheegeen been iyo masabid tahay, intuu uu na basaasayayna arkay in maadjidku aanu ahayn xero lagu tababaro mujahidiin, lacagna looga ururin. Taqriiban 17 sano ayay dowladda dunida ugu weyni ku fashilantay inay igu hesho dambiyaday doonaysay oo ciqaabtoodu gaadhayso xabsi daayim iyo madaxaa ha ku furto, bal adba caqli baad leedahay fahan ammuurtan. Shaki kuma jiro in fashilkan ku hoobtay hayadaha igu daba jiray fadeexadeeyay saraakiil sar sare oo is lahaa sallaanka dallacaada ku kora inaad maxkamdaysaan ina Kaariye, sidaa awgeed ayuu isku casilay madaxii FBI ee gobolka Oregon Jaarles maasiyoo oo ahaa ninkii bilaabay kayskayga. Waxana dhaba inuu arrinku isku baddelay shakhsi (personal) iyo aargoosi. Baadhitaankan waxa lagu bixiyay malaayiin doolaro ah oo laga khasaariyay lacagta dadweynaha ee cashuurta ay bixiyaan lagu shaqo galiyo shaqaalah dowladda ee ay ka mid yihiin FBI du. Waxa laga qoray kumaanaan qormooyin iyo warbixino, waxa laga duubay boqolaal saacadood oo coda oo iskugu jira hadalo si qarsoon la iiga duubay, khudbadahayga jimcaha iyo duruustayda. Baadhitaankan jinsiyadda waxa ka qayb qaatay hayado dhowra, waxa uu si toosa u horyaalay xubno sare oo ka mida wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka (haddayba caddalad yaqaanaan) waxana gacanta ku hayay afar sarkaal oo fadhiya caasimadda Waashington, in kastoo kii bilaabay ka baxay sababo caafimaad oo aad u daran awgeed siday noo sheegeen. Siduu yidhi qareenka caanka ah ee Stanley Cohen, dowladda Maraykanku waa “seven hundred bounds gorilla” oo macanheedu yahay gorille todoba boqol oo rodol ah oo laabta kaaga fadhiya, hanti iyo awoodba waxay u leeyihiin inay ku bixiyaan dagaalka qaanuuniga ee ay kula jiraan culimada iyo hogaanada muslinka ee ay ku asteeyaa waxay ula baxeen argagxisada iyo xagjirka diiniga ah. Ma anigaa been sheegay mise iyagaa been sheegay Wargeys cunsuriya oo ka soo baxa magaladaan degaanaa ayaa qoray inaan xog qaldan siiyay marykanka markaan qaadanayay jinsiyaddooda, saxafiga qoray waa mid ku talax tagay muslim nacayb, se waxa dhaba in warkiisu yahay hal bacaad lagu dhisay oon ka qaawan xujo iyo daliil, arrinka saxina waa sidan: warqadda codsiga ee jinsiyadda waxa ku yaal qodob odhanaya hore ma laguu xidhay inaad jabisay sharci dowladeed, jawaabtaan bixiyay waxay ahayd maya inkastoo sanadkii 1993 laygu xidhay dalka Baakistaan, sababtuna waxay ahayd in gardarro la ii xidhay, bal xidhataankayga uu ku yimid sidaan is leeyahay amar ay dowladda Maraykanku siisay dowladda Baakistaan oo ahaa in xabsiyada loo taxaabo dhalinyaradii muslinka ee ku noolayd magaalada Biishaawar. Si islaamnimada ka baxsan ayaa loo raafay, aniga iyo inan aljeeriyaana ayaa isku raacnay xafiiska socdaalka si aanu u qaadano warqadda bixitaanka, way diideen inay fiisaha noo kordhiyaa iyo inay noo ogolaadaan inay na siiyaan bixitaan midna, waxay markiiba noo taxaabeen saldhiga boliiska oonu habeen u hoyanay iyagoo na siin furaash iyo gogol midna, aroortii ayaa noloo taxaabay xabsi uu gumaystihii Ingiriisku dhisay, waxayn na galiyeen hool weyn oo ay ku jiraan 110 maxbuus iyagoon na sii gogol, laakiin maxaabiista qaarkood ayaa noogu deeqay gogol, Msulin waa Muslin ,Ilaahay ha ka abaal mariyo. Walaal xaafidul Qur’aan oo Urduniya ay noo dadaalay , laakiin wuxuu noo sheegay in qaadiga maxkamadda la siiyo lacag si laguu keeno maxkamadda, haddii kale halkaasi ayaad waligaa ku jiraysaa, lacagtii ayay siiyeen , maxkamadii sharci darrada ahayd iyo qaadigii daalimka ahaa ayaa lay hor keenay wuxuuna igu xukumay mustaafiris. Bal ii sheeg sharciga dowladeed een jabiyay ee laygu xidhay, amar Maraykna ayaa laaygu xidhay waxayna doonayaan inaan jabiyay qaanuunkii, iyagaa qaanuunka mar walba jabiya oo soo fara galiya afaarha iyo amuuraha dowladaha iyo shucuubta ay u xoog sheegtaan Sidaa awgeed ayaan ilaa iminka rumaysanahay inaan runta sheegay markaan qodobkaa kaga jawaabay maya. Tusaale kale, magaaladan Hargeysa een Joogo waxa sanadkii 1978 laygu xidhay saldhiga booloska ee ku yaala badhtamaha magaalada, waxaan ahayn dhalinyaradii Waxdada oo sirdoonkii Nabad Sugidda loo yaqaanay soo taxaabay, waxa habeen saqbadhkii naloo wareejiyay xaruntii nabad sugidda ee ku taalay dhakhtarka gadaashiisa ee dhinaca shacabka, iyadoo ay dhaxan tahay oonu xidhanahay dhar khafiifa ayaa inta nala fiigay oo gacmaha iyo luguha laysku xidhay, oo waliba qoryo nala dul joogo ayaa biyo qobow korka nagala shubay. Hogaankii sirdoonku wuxuu yidhi ” Waxaad ku dhacdeen dambiyo khatar ku ah badbaadada Qaranka, oo waxaad xubno ka tihiin urur qarsoodiyada, waxay isku dayeen inaanu qirano dambiga ay sheegayaan, laakiin waanu ku gacmo saydhnay. Haddaba ma lagu doodi karaa xabsiga Hargeysana waa qariyay, jawaabtu waa maya, waayo dee umaaan haysan iminkana uma haysto inaan shacri xalaala jabiyay, runtuna waxay tahay kuwii na xidhay ee dhibta u gaystay inamo yar yar oon labaatan jirba gaadhin ee ku haystay diin baad barataan ayaa sharciga jabiyay!! Gumaystuhu siduu doonuu u qeexaa shaciga iyo qaanuunka, ninka la gumaysanayo ee xaqiisa rabaana si xalaala ayuu sharciga u fasiraa, sidaa awgeed waxaan leeyahay iyagaa beenalayaal. Anaa dalbay inaan Jinsiyaadda u celiyo 1- Siday dowladdu ogtahay , qareenkayguna markhaati ka yahay anigaa dalbay inaan jinsiyadda iska celiyo, qareenadayda oo dhami waxay igula taliyeen ha celin, qaadiga laftiisu wuxuu yidhi maxaad uga tanaazuylaysaa jinsiyaddaada, saxiibo badan ayaa sidaa igula taliyay, laakiin naftaya iyo damiirkayga ayaa sidaa murtaax ku ahaa. Qaanuunka Maraykanku wuxuu dhigayaa ina qofna jinsiyaddiisa celin karain isagoo Maraykan dhex jooga, sidaa awgeed la iima ogolayn safarka diyaaradda, dalka Kanada way diideen inaan dalkooda soo galo ilaa aanu Maraykanka kala baxno, inaan Markab ku safro iyo inaan Mexico sii maro labadaba qreenka ayaa ka dayriyay oo yidhi si aamusan ayaa lagaaga takhulusi doonaa. 3- Qaabka kaliya ee ii furnaa waxa weeyi inay iyagu la noqdaan aniguna aan taasi ogolaado, dacwadna ka keenin, sidaasi ayaa ku qoran heshiiska . 4- Haddii kayskoodu xoog leeyahay maxay u ogolaadeen inaan ku safro baasaboorkooda oon iminka gacanta ku hayo una dirayo. 5- Waxa gacanta iigu jira oon isna u dirayaa warqad la yidhaa “Record of Abandonment of Lawful Permanent Resident Status” oon saxeexay 5/8/2019 anigoo joogay Hargeysa. 6- Taasi macnaheedu waa inaan anigu si xor oo ikhtiyaara uga tanaazulau oon celiyay “Degenaashaha Sharciga ah”. 7 Ugu dambayn markaanu dhammaysanay heshiiska ka hor intaan la saxeexin ayuu qareenka dowladdu soo codsaday in heshiiska lagu daro qodobkan “this agreement is in a favor of the United States of America and against Mr. Kariye”, waan ku gacan saydhay oon diiday, sidii ayay uga saareen, kuna ogolaadeen. 8- Maxay dowlaadu u ogalaatay waxyaabo badan oo muujinaya inuu kayskeedu jilicsan yahay, dadka qaanuunka darsaana soo faqi doonaa tooshna ku iftiimin doonaan. In badan ayaan is weydiinaya, talow ma saraakiil sar sare ayaa qaanuunka jabisay intay ku dhex jireen baadhitaankayga oo iyagaa la qarinayaa, sidaana ay ugu degdegayeen inaan sidii ugu dhaksaha badan uga tanaazulo jisiyadda. Mise qorsho kale ayay ila damacsan yihiin hadda. Gabagabo 1- Kollay dowladdu ku farximayso qoraalkan, runtiina waxa talo la igu siiyay inaanu sidaa ku kala khaatumaysano Maraykan, laakiin waa waajib inuu Muslinku gartiisa sheegto, waxaan is idhi gartaad ka wayday maxkamadaha Maraykan ku naqso baraha bulshada, walaaladaana la wadaag xaqiiqada jirta ee warbaahinta Maraykanka iyo dabadhilfkooda soomaalidu ka been sheegeen. 2- 17kaa sano een la soo tacaalay dhibta ay ii gaysatay dowladda Maraykanka waxaan u arkaa camal suuban oon rajaynayo inuu Ilaahay iigu cusleeyo miisaanka xasanaatka maalinta qiyaamaha. Kama murugoonayo wixii i soo maray, haddii maanta laygu baddeli lahaa malaayiin doolaro ah iyo raaxda adduunkana (Ilaahay baan ku dhaartee ) kumaan beddesheen, hadday rag raasamaal adduunyo urursadeen oo faraqa ka buuxsadeen, anigana waa kan raasamaalkaygu oon Rabbigay ka baryayo inaan abaalkiisa ku helo janatul Firdowsa iyo Raalidiisa, rajo weyna baan ka qabaa Rabigay. 4.koollay cimriga intii tagtay ayaa ka badan inta hadhaye , Waxaan Rabi ka baryayaa inuu i sugo inta hadhay, iguna arsaaqo khaatimada aan hadh iyo habeenba ka baryo. Waxaan qalbiga iyo carrabkaba uga mahad celinayaa walaalaha daafaha dunida ku kala nool ee sida walaaltinimada ah ii taageeray iguna soo harqiyay weedhaha qalbiga xoojinaya caziimadana dhisaya. Sidaan ku sheegay khudbad jimce oon sanadkii 2008 kii ka akhriyay masaajidka weyn ee Abubakar Assidiiq ee magaalada Miyanaabolis, kuna sheegay khudbado dhowra oon ka akhriyay masaajidkaan imaamkaa ka ahaa,waxaan wali leeyhay msulimiinta iyo dhalinyarda ku nool Maraykan iyo Galbeedkuba ogaada inaad dhulkaa ku joogtaan cahdi iyo ballan, oo ayna idiin banaanayn inaad wax yeeshaan dadka aad la nooshihiin ee gaalada ah, iyagaa ammaan iyo nabad idin siiyay ee ha ka bixina ballantaa aad la gasheen, hadalkani nagama aha munaafaqo ee waa mowqifka fiqiga ah ee saxa . 8-Diintiina iyo astaan ummadeedkiina ilaashada oo ku fara adayga caqiidadiina, iskana ilaaliya siyaabaha lagu beddelayo asalada caqiidadiina iyo arkaanta diintiina. Qof walba oo muslina waan saamaxay, mooyaana gaalo raaca na basaasayay iyagoo salaadda nagu daba tukanaya, khudbadaha jimcaha nala soo xaadiriya, waxaan ku leeyahay Allaah ayaa idin hoojiyay, aakhirna waxa inoo ballana Ilaahay hortiisa. Kuwii na jirabay ee na dulmiyay ee ka mida dowladda Maraykanka waxaan iyagana ku leeyahay, Maxkamadda Ilaahay ee caadilka ah ayaan inoo ballana maalinta qiyaamha idinkoo ka qaawan xoogga aad maanta sheeganaysaan, waxaanan hubaa in kuwo badan oo idinka mida ama dhamaantiinba aad inta nolosha idiinka hadhay ku dambayn doontaan cudur nafsaaniya iyo raaxo la’aan idinka goysa dulmigaad gaysataan. وعند الله تجتمع الخصوم Source
-
Fwd: Gormuu oogaday Omar Al-ashiir In uu Sudan qabsaday …..
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Gormuu oogaday Al-bashiir In uu Sudan qabsaday malintii inqalabku Dhacay Madaxweynihii hore ee Sudan Major General Omer Hassan Ahmed AL-bashir wuxuu ku dhashay tuulada Hosh Banaga Shandi 1-January1944. Waxbarashadisii dugsiga hoose ila sare wuxuu ku soo qaatay magaalada Shandi ee ku taala waqooyiga Khartoum.Sanadkii 1960 ayuu si rasmi ah ugu biiray ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan. 1967 wuxuu ka qalinjabiyay kuliyada toobarka ciidamada islama markaana qatay darajada xidigle. Sanadkii 1981 wuxuu barasho sare kusoo qaatay oo xaga ciidamada ah Egayptian Military Academy. Sanadkii 1983 wuxuu waxbarasho kale oo dhanka ciidamada ka helay wadanka Malaysia ilaa ha gaadhay Shahadada Master Degree oo xaga talisla ciidamada ku takhasusay. wxuu ka qayb galay dagaalkii masar iyo isareal 1973 . Wuxuu ka soo shaqeeyay safarad sudan ee UAE Militraty Attache . Sanadkii 1975.Wuxuu noqday Taliyaha ciidamada dalayada ku booda (Parachute). Wuxuu nasiib u helay in uu noqdo Hogamiyihii inqalaki 30 jun 1989 dhacay ee xarakata islaamka ka danbeeysay (Natioanl Islamic Front). Waxa lagu tiriyaa in uu xubin ka ahaa xarakata islamiyiinta ee hoogamiye ka ahaa Dr Xasan Abdala Turabi. inkastoo afganbiga laga soo shaqeeyay oo la dhamaystiray qorshiisa, isagu wuxuu ahaa sarkalkii ugu sareeyay darajo ahaan xarakata Islamiyiinta ama saraakisha milatariga ee inqalabka wada mid ahaa kaalintiisuna waxay ku akeed in u hor kaco saraakisha yaryar.Inqalabka inyar ka hor hawlo shaqo ayuu goblolka Kurdufaan ee galbeeedka sudan, laba cisho ka hor oo ku begneeyd 27 jun 1989 ayuu yimid khartuum sii uga qayb qaato hawsha inqaalibka oo dhaman diyaar ah. Subaxdii 30 jun sacaadu markaya heed 3.AM ayuu kaligii galay xerada taaliska guud ee cidamada si uu amar us siiyo dhaaman ciidamaad dalka kuna war geliyo in dalka la wareegeen militargu . isaga inta ayay aheed shaqdaiisu.Sarakiishii yar yareed ayaa hawsha badankeeda sii diyaariyay dhamaantoodna waxay kala qabsadeen hawlihii iyo goobihii lookala cayimay sida idaacada iyo Tvga airport xarumaha dawlada, iyo ugaadhsiga Sarkiisa dawalada ugu sareeysay ilaa Ra,siil wasarihii dawlada Sadiq Al-mahdi oo dhamaantood lasoo wada xidhay. Afganbigii waa najaxay sidi loo qorsheeynaya auu u wada dhacay. qiasada Cajiibka ah waxaya heed markii uu ogaady Al-bashir in dalakii gacantiiisa ku jiro. goormuu oogaday in uu madaxweyne noqday..,, Waraysi uu siiyay wariyaha caanka ah ee Ahmed Bilaal, sanadkii 2002 wuxu ka sheekeeyay Al-bashir qisadii malintaa inqaliibka.wuxuu yidhi ,Markii aan galay xarunta guud ee ciidamada runtii maan ogeen waxa dhici doona waxan galay xafiiska taliiska guud kaligay abaaro 3 am subaxnimo . markaan soo gadhay albaaka ayuu askarigii waardiayadaha ahaa ii joojiyay oo i yidhi waa kuma . Waa yara naxay waxaan idhi waaa General cumar albashiir wuxu yidhi soo gal,haduu odhan lahaa maxaad rabtaa gortan xaaladu waa fashil anigua waan xidhanahay. Waxan dareemay Markaa in amar la siiyay askariga in aan so galo oo uu i ogyahay imaatinkayga halkan markaan soo galay ayaan arkay sarkaal asxaabtayda ahaa oo i sugayaa, Markaa waan fahmay xaalada, Saxiibkay wuxuu igu yidhi kursiga ku fadhiiso phoniyaha kula hadal taliyaasha ciidamada amar sii kuna wargeli in dalkii aan la weerganay. Sidii ban amar ku siiyay taliyaashi ciidamada , inta badan wayna soo dhaweeyeen. Sacada markay aheed Abaara 7 subaxnimo on iska fadhiyo kursigaygii wali wax war aan haynin cidna noo iman , waxan furay TV meel xafiiska yaalay , waxaba ku jiraa anoo ka hadlaayaa TV-gii sudan, Cajiib, waxan ka socotaa warakii inqalaabka iyo anoo akhriyaaya khudbadii inqaalabka shacab weeynihii wargeliyay dawladii SADIQ AL-MAHDI la afganbiyay. record kan waxa la iga qaaday 2 cisho ka anagoo joogna meel qarsoodi lagu duubay, sarkaal ba qaaatay cajaladaasi waamna iska ilaaway. “Markaas ayaan oogaday in wadanka aan qabsnay oo xukunkii la weergnay inqaalabkiina hirgalaya”Madaxweyne Cumar Al Bashiir aan aahay… Abdinasir Ahmed UK Qaran News -
The decision by the Kenyan government to re-direct all Nairobi bound flights into Wajir Airport before landing at Jomo Kenyatta Airport; Nairobi is nothing short of an exercise Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargaysa) Fanaanka caanka ah ee Sir. Maxamuud Cumar Cabdi ayaa Qaranka Ka Tacsi Yadeeyay Geerida Marxuum Xaji Cabdi Yuusuf Xuseen (Cabdi Waraabe ) oo maanta Aasqaran loogu sameeyay Magaaladda Hargaysa . Dhanbaal Tacsi oo uu soo gaadhsiiyay Shabakadda wararka ee Somalilandtoday ayaa u dhignaa sidan. “ Anigu ku hadlaaya magaca Qoyska Ila Cumar Cabdi ehelkii iyo qarabadii iyo Qaranka Somaliland guud ahaan ka tacsi yadaynayaa geerida ku timi Halyaygii nabada Geeska Afrika Xaji Cabdi Xuseen Yuusuf oo runtii geeridiisu taabatay dhammaan ummadda afka Soomaaliga ku hadasha. Wakhti khayr badan ayuu dhintay alle Jannooyinkiisa haku casuumo Qaranka Somaliland na samir iyo iimaan haka siiyo . Aamiin …Aamiin Source
-
MOGADISHU, (Xinhua) -- The Somali government on Saturday faulted Kenya for its decision to reintroduce flight stopovers in Wajir, northeast Kenya, for all flights from Mogadishu, saying the move restricts movements of Somali citizens. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay Nairobi ku yeeshaan kulan deg deg ah oo ku saabsan Shirkii Natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee Garoowe, sida ay ogaatay Caasimda Online. Shirkaan oo la filayo in uu dhaco Todobaadkaan ayaa la sheegay in uu dhax-mari doono qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada dalka iyo qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka oo ugu horreeyaan wakiilo ka socda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa maanta u duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya markii uu ku dhawaaqay in uu fashil ku soo dhamaaday Shirkii Garowe. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu wadaa in uu dhowaan u Amba-baxo magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweyne Xaaf ayaa Caasimada Online u sheegay in Xaaf uu Nairobi kulan kula qaadan doono Xubno ka tirsan UN-ka, Mareykanka Ingiriiska, iyo Midowga Yurub waxa uuna kala hadli doonaa Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Khilaafka Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada. Warar kale ayaa sheegaya in kulamada ka dhacay Nairobi ay noqon karaan gaar gaar oo ay Wakiilada Beesha Caalamka si gaar gaar ah u qaabilaan madaxda Dowlad Gobaleedyada Soomaaliya si wax looga waydiiyo arrimaha Soomaaliya. Beesha Caalamka ayaa geed u fadhi ah Xaaladda Soomaaliya waxaana la sheegayaa in ay aad ISHA ugu heysay Shirka Garoowe inkastoo aysan wali ka hadlin, hadane waxaa jiray walaac ay UK ka muujisay Shirka oo maalmo dheeraad ah qaatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muslims in Mandera County have asked the Government to reopen the Kenya-Somalia border point to ensure the free flow of goods and services. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors