-
Content Count
208,392 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Commander of the joint security forces in Galkayo, the capital of central Mudug region Major Khalif Nur Shil succumbs to his injuries on Sunday morning, medical officials confirmed. Shil was admitted to hospital following an attack by unknown gunmen last night as he left a mosque. Al-Shabaab has claimed responsibility for the assassination, which was the first in the divided city since the start of this ongoing Holy Month of Ramadan. Galmudug and Puntland states have formed the combined force with the support of Somali Federal Government and the UN last year to curb the insecurity incidents in the town. View the full article
-
Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta go’aan ka gaartay dacwada ay xeer-ilaalinta Puntland ku soo oogtay toban nin oo ku eedaysnaa kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan. Guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal Cabdinuur Jaamac Xuseen oo go’aanka ku dhawaaqay ayaa xukun dil toogasho ah ku riday saddex kamid ah eedaysanayaasha oo kala ah Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Saddexdaasi nin oo xeer ilaalintu ku soo eedaysay in ay kufsi wadareed u gaysteen kadibna ay dileen Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar aan qaangaarin islamarkaana ay khal-khal gelin amni iyo sumcad-dil u keeneen dowladda Puntland. Sidoo kale maxkamadda ayaa amartay in xorriyadooda dib loo siiyo todobada eedaysane oo kale kadib markii ay sheegtay in aan wax caddayma ah loo helin kiiska lagu eedeeyay. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta: Xukunka maxkamadda Garoowe ee kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
-
Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi ayaaa jawaab ka bixiyay hadallada wasiirrada madaxweyne Biixi kaga falceliyeen dooddii xisbiga WADDANI ee xaaladda degdegga ah waxaanu sheegay in hadalladaasi ahaayeen kuwo muujinaya tayo xumada wasiirrada madaxweyne Biixi. Waxa uu si gaar ah uga jawaabay hadallada wasiir Cabdillaahi Abokor oo uu tilmaamay in shaqadiisii dayacantay isna ku mashquulsan yahay hadallo shakhsi weerar ah oo meeqaamka wasiirnimo aad uga hooseeya. Xoghaye Khadar ayaa yidhi “Mashaakilaadka ugu waaweyn ee maanta dalkeena ka jira waxa ka mid ah shilalka gaadiidka; haddii aad eegto warbixintii boolisku soo saareen sanadkii 2017 waxa shil baabuur inagaga dhintay 2,585 oo qof. Waa arrin masiibo ah. Saaxiibkay Cabdillaahi Abokor(wasiirka gaadiidka) sanadkii koobaad ee uu joogay ee 2018 arrintaasi xoog bay u korodhay 3,457 qof ayaa shil gaadhi inagaga dhintay. Sababta shilalka baabuurtu u dhacaan waa wax caan ah oo la yaqaan saddex wax baana ugu muhiimsan oo dawladda laga doonaya oo wasaaradda u xilsaaran shaqadeeda tahay oo laga doonaya:- Waa in la hubiyo waddada baabuurku maraya in ay tahay mid leh tayadii uu baabuur dulmari lahaa; Qofka gaadhiga wadaa waa in uu leeyahay masuuliyaddii iyo garashadii xirfadda wadenimo ee ah in uu gaadhiga wado; In gaadhiga waddada maraya leeyahay caafimaad qabkii uu waddada ku mari lahaa.” Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in aanay saddexdaa arrimood iyo kuwa kale ee shilalka sababa aanay waxba ka qaban wasaaradda ku shaqada leh marka laga reebo maalmo dadka liisamadooda la eego oo waddooyinka cidhiidhi galiya laakiin, ay tahay sida xirfadda wadeyaasha loo hubiya tahay habka lagu bixiyo liisanka iyo imtixaanka laga qaado dadka la siinayo. Xoghaye Khadar ayaa intaasi raaciyay in wasiirkii masuuliyaddiisu ahayd wax ka qabashada shilalka baabuurtu ka sheekaynayo waxyaabo raqiis ah iyo shakhsi weerar “Nasiib darro wasiirkii arrinta u xilsaarna Muxuu ka sheekaynaya? Muxuu ku mashquulsan yahay? Wuxuu ka sheekaynaya hebel gurigiisa biyo looma doonto, wuxuu ka sheekaynaya hebel carruurtiisii ayuu igala baxsaday, wuxuu ka sheekaynaya hebel waxaas iyo waxaasa xilka looga qaaday, miyaanay ahayn wax aad iyo aad uga hooseeya waxa aynu ka filayno qof wasiir ah xaggee buu ku arkay reer dhan oo harraadan oo nin gurigiisa u biyo doonanaya, runtii waa waxyaabaha ayaan darrada ah ee muujinaya tayo xumada dawladda Muuse Biixi, waxaas oo dhanna marka la isku soo ururiyo waxay jawaab inaga siinayaan iyo sawir cad hoggaaminta madaxweynaheena maanta xilka haya, wasiir aan kartidii lahayn aqoontii lahayn farsamadii lahayn uu dadka dhimanaya ku badbaadin lahaa arrimahaasi waa wax aad iyo aad ugu hooseeya heerka wasiirnimo in aynu halkaas tagnana maaha waa in aynu kor u hadalno waa in aynu siyaasad iyo qorsheyaal ka hadalno maaha in aynu siyaasadda shakhsiyadayno,” ayuu yidhi xoghaye Khadar, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka iskgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu xiray gaari Hilux- ah oo la sheegay in uu saarnaa nin Turki ah, kaas oo dhaawac ahaan meesha looga qaaday. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in ninkani uu ahaa Injineer, waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay Mustafa. Ciidamo ka tirsan kuwa amamaanka aya gaaray goobta, kuwaas oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen. Kala soco wixii soo kordha radioshabelle.com View the full article
-
Fujayrah (Caasimadda Online) – Waxaa la soo werinayaa in qaraxyo waa weyn laga maqlay Dekedda magaalladda Fujayrah ee Imaaraadka Carabta, isla markaana ay gubanayaan Haamaha shidaalka ee yaallay Dekeddaasi. Xilliga uu weerarka dhacay waxaa goobta ku sugnaa diyaaradaha Mareykanka iyo Faransiiska sida ay goobjogayaal sheegeen. Masuuliyiinta goobta ay dhibaatadu ka dhacday ayaa beeniyay in Fujairah aysan ka dhicin wax qarax ah, iyagoo sheegay in Dakadda ay u shaqeynayso sida caadiga ah. Wargeyska Al-Mayadeen ee fadhigiisu yahay Lubnaan ayaa sheegay, in Warbaahinta maxaliga ah ay sheegayso in qaraxyo culus ay ka dhaceen dekedda Fujairah. Qaraxyada ayaa la maqlay inta u dhexeysa 4:00 subaxnimo iyo 7:00 subaxnimo saacada maxaliga ah, sidaana waxa lagu baahiyey wakaaladda wararka ee Reuters. Illaa iyo hadda ma cada khasaaraha ka dhashay, qaraxyadaasi iyadoo dowladda ay si xooggan ugu dadaashay xogta ku gadaaman qaraxyadii dhacay. Dhinaca kale war Goor dhow ay shaacisay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa waxaa lagu beeniyay wararka sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen Dekedda magaalladda Fujayrah ee dalkaasi,isla markaana waxaa ay ku eedeysay in ay ka dambeeyaan faafinta warkaan Ikhwanul muslimiinta Iran iyo Turkiga. Caasimada Online Xafiiska Dubai Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa sheegay in ay suurtagal tahay inay soo noqoto xuluufadii Siyaasadda ee gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, waxaanu ka sanqadhiyey inay xisbi ay ku midaysan-yihiin samaystaan marka axsaabta dib loo furo, isagoo sheegay in aanu jirin wax u diiday haddii ay u bixiyaan USP 2 Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Dee dadka qaarkii waxa laga yaabaa inay leeyihiin malaa waxa lasoo celinayaa jeegaantii ugu horaysay xaga siyaasadda ee Somaliland ka dhac-da oo la odhan jiray united Somali Party “USP” oo Awdal iyo Bariga fog ay labadaasi isku xidhmaan, taasi berigaana xalaal ayey ahayd iminkana wey xalaaloobi kartaa .” Isagoo intaasi ku ladhay “Annigu xisbi ayaan ku jiraa la yidhaah KULMIYE xisbigaa waan daafacaa intii tamartaydu ay tahay inuu xisbigu noolaado waan jecelay oo uu sii socdo oo uu xarago, qurux badan iyo karti badan uu iminka keeno waan jecelahay .” Dhanka kalene Prof Samatar ayaa sheegay in aanay wax uu diidayaa jirin beelaha daraf-yadu inay xisbi samaystaan marka axsaabta la furo “Laakiin wax ka joojinayaa ma jirto in xisbi cusub la helo USP-2 hala yidhaah-do ama magac kale haloo bixiyee wax ka joojinayaa ma jiro marka axsaabta la furo iyadoo taana aan rajaynayno inuu wakhtigeedii soo dhaw yahay in axsaabtii la furo oo dadku ay Xisbiyo cusub samaystaan.” Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka soo jeeda gobolka Awdal iyo Prof Cali Khaliif Galaydh oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa muddooyinkii u dambeeyay Somaliland ka waday wacyi gelin siyaasadeed oo ay ula baxeen tabliiq siyaasi ah kaas oo ay meelo badan kaga hadleen sansaanka siyaasadda Somaliland ee maanta iyo mustaqbalkaba. Source
-
(SLT-Fujayrah)-Waxaa la soo werinayaa in qaraxyo waa weyn laga maqlay Dekedda magaalada Fujayrah ee dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana ay gubanayaan Haamaha shidaalka ee yaallay Dekeddaasi. Dhowr ka tirsan Warbaahinta dalkaasi ayaa qoray in Diyaraadaha Dagaalka ee Maraykanka iyo Faransiiska dul heeheebayeen Dekedda markii uu dabka ka kacay. Ma kala cadda waxa xaqiiqdii sababay shilkaasi, waxayna warar dheeraad ah sheegayaan inuu qaraxu dhacay, kadib markii ay dab qabsadeen ugu yaraan 7 Haamaha Shidaalka. Illaa haatan, Dowladda dalka Imaaraadka Carabta wax hadal ah kama soo saarin shilkaasi, mana jiraan faahfaahino ku aadan khasaaraha suurto-galka ah. Dhinaca kale war Goor dhow ay shaacisay Wakaaladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa waxaa lagu beeniyay wararka sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen Dekedda magaalada Fujayrah ee dalkaasi, isla markaana waxaa ay ku eedeysay inay ka dambeeyaan Ikhwanul muslimiinta Iran iyo Turkiga. Source
-
Maxkamada Darajada Koowaad ee dagmada Garowe ayaa saaka go’aan ka soo saartay kiiskii dilkii Caa’isha Ilyaas Aadan, Gudoomiya maxkamadda Shiikh Cabdinuur ayaa ku dhawaqay in maxkamaddu dil toogasho ah ku xukuntay 3-da Eedaysane ee kala ah Cabdifataax Cabdirahman Warsame, Cabdisalaan Cabdirahman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige Maxkamadu waxa ay sidoo kale amartay in sida ugu dhakhsaha badan xoriyadooda loo siiyo 7-da eedaysane ee kale, iyadoo tilmaantay in maxkamadda horteeda la keeni waayey wax cadaymo ah oo raggaas ku saabsan. Puntland Post The post 3 nin oo dil toogasho ah lagu xakumay kiiskii Caa’sha appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Afghanistan)-Sarkaal u hadlay ciidanka ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay inay dabley hubyesna toogteen Saxafiyad lagu magacaabi jiray Mina Mangal oo ahayd Saxafiyad iyo La-taliyaha dhinaca Dhaqanka ee Barlamaanka Afghanistan. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalkaasi, Nasrat Raxiimi ayaa sheegay in Saxafiyadda la dilay, xilli ay ku sii jeeday Xafiiskeeda, mana kala cadda ujeedada rasmiga ee loo dilay. Boliska magaalladda Kabul waxay sheegeen inaysan kala caddayn inuu dilkeedu ahaa weerar Argagixiso iyo inuu ahaa mid ka dhashay muran taagnaa. Qoraal ay isbuucii hore soo dhigtay Baraha Bulshadda waxay Mina Mangal ku sheegtay inay heshay Farriimo cabsi-gelin dil ah, balse, lama aysan wadaagin Ciiddanka iyo Qoyskeeda faahfaahinta hanjabadaasi. Dhinaca kale, Kooxaha Daacish iyo Daalibaan midnaba ma sheeganin dilka Saxafiyadaasi oo horey uga shaqeyn jirtey Telefishin. Dalka Afganistan waxa uu ka mid yahay Waddamada dilalka ugu badan loogu geysto suxxufiyiinta, waxaana sannadkii hore lagu dilay 15 Suxufiyiin iyo Shaqaale Warbaahineed. Source
-
(SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa sheegtay in sababo amni ay u joojisay diyaaradaha rakaabka ee ka baxay garoonka Aden Cadde oo si toos ah uga caga dhiganayay magaalada Nairobi. Diyaaradaha Rakaabka ayaa hada mari doona garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajer si loo baaro ka hor inta aysan u duulin magaalada Nairobi. Wasaarada Amniga gudaha Kenya ayaa ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin xanibaada duulimaadka tooska ahaa ee Jimcihii dhaqan Galay. Balse agaasimaha waaxda badbaadada duulimaadka Kenya Captain ayaa tilmaamay in arintaan ay la xidhiidho sababo Amni. Wuxuu sheegay in xanibaadan ay socon doonto ilaa 9 August xiligaas oo dib u eegis lagu sameyn doono in xanibaada la qaadayo iyo In kale. Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in arintaan aysan la xiriirin sababo amni balse ay tahay mid siyaasadi ay ka Danbeyso. Source
-
(SLT-Garoowe)-Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ayaa xukun dil ah ku ridday raggii ku eedaysnaa kiiskii Caasho Ilyaas Aadan oo sanadkaan horraantiisii kufsi iyo dil loogu geeystay magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha maxkamadda Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhawaaqay xukunka. Ragga la xukumay ayaa kala ah: Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland. Maxkamadda ayaa sidoo kale fasaxday toddobo nin oo kale oo kiiskaan ku eedeeysnaa, kuwaas oo ay danbi ku wayday. Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kele sheegay in ragga la xukumay ay haystaan bil racfaan ah. Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo. Kiiska gabadhaan yar ee kufsiga iyo dilka loo gaystay ayaa caro weyn ka dhaliyey magaalada Galkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland. Dhammaadkii bishii February ee sanadkan ayaa meydkeeda laga helay magaalada Galkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi. Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in meydkan gabadhan yar la soo dhigay meel aan ka fogeyn xaafaddooda. Kufsiga loo geystay gabadhan yar ma ahan kii ugu horreeyay ee ka dhaca deegaanadaas oo waxaa ka horreeyay kufsi loo geystay gabdho kala duwan oo ka kala dhacay magaalooyinka Galdodgob, Galkacyo, Garowe, Guriceel, inkastoo qaar ka mid ah xabsiga loo taxaabay, hase yeeshee waxaan la ogeen sababta ku qaadi karta dadka ka dambeeya falkani foosha xun. Source
-
(SLT-Nairobi)-Waxaa soo baxaya walaac ay qabaan shacabka dalka Kenya kadib markii labadii toddobaad ee la soo dhaafay aan Madaxweyne Uhuru Kenyatta lagu arag meel fagaare ah. Uhuru Kenyatta ayaa makii ugu dambeysay waxa uu ka soo laabtay safar uu ku tegey dalka Shiinaha,waxaana baraha bulshada ay adeegsadaan shacabka Kenya hareeyay baafin ku saabsan halka uu ku dambeeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Waxaa lagu daabacay baraha bulshada baafin lagu doonayo in lagu ogaado halka uu ku dambeeyay Uhuru Kenyatta, iyadoo la soo daabacay #FindPresidentUhuru, mana ahan wax hore loogaga bartay Uhuru Kenyatta in laga waayo meel fagaare ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada dalka Kenya oo ku saabsan xaalada Madaxweyne Kenyatta. Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle-Work Zewde ay dhowaan booqasho ku tegeyso dalka Kenya. War ka soo baxay safaarada dowlada Ethiopia ay ku leedahay magaalada Niarobi ayaa lagu sheegay in Zewde ay booqasho maalin ah ku tegi doonto magaalada Nairobi maalinta Talaadada ah ee soo socota. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa ka jawaabtay hadal uu dhawaan yiri Raysul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed, kaasi oo ahaa inay Somaliland lumisay fursad ay ku imaan lahaayen magaalada Hargeysa, Raysul-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, oo jooga magaalada London ayaa ka hadlay arrintaasi, isagoona sheegay inaysan jirin wax dan ah oo ugu jirtay inay Hargeysa yimaadan Abiy Ahmed iyo Farmaajo. “Somaliland maaha meel la iska soo galo, maaha dal la iska yimaado ee waa dal nidaam leh, waa dal kala dambeyn leh, Farmaajo uma taliyo Somaliland ee waxaa ka taliya Mudane Muuse Biixi, oo ah Madaxweyne xogogaal u ah dalkiisa iyo dadkiisaba oo kalsoonida shacabkiisa haysta, Farmaajana waxaynu ka war qabnaa in aanu gacanta ku wada hayn Magaalada Muqdisho, markaas wax dan ah iyo faa’iido Somaliland ugu jirta imaanshaha Farmaajo ma jirto” ayuu yiri Wasiir Faratoon. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Faa’iido aynu garan weynay oo imaanshihiisa iska hor tageyna ma jirto, ee Farmaajo dalka wuxuu iman kara oo qudha isagoo qirsan madax banaanida, qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, haddii aynu nahay Somaliland waxaanu diyaar u nahay in aanu Somaliya ahaanu sidii laba dal oo jaara, oo wax badan iska kaashada, laakiin wax kale kama ogolin”. Dhinaca kale, Wasiir Faratoon ayaa waxa kale oo uu ka hadlaya socdaal uu dhawaan Hargeysa ku yimid Madaxweynihii hore ee Nigeria, wuxuuna yiri “Somaliland waa dal hore u socod iyo horumar ku jira, dabcan Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya ee dalka yimidna, aad iyo aad buu ugu qushuucay nidaamka dawladnimo nidaamka dimuqraadiyadeed iyo kala dambaynta dalka ka jira, Wufuud iyo Wefdiyo badan oo Wadamada kala duwan oo Caalamka ka tirsana inay yimaadan ayaanu ku rajo weyn nahay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Pakistan)-Ciidamada millatariga Pakistaan ayaa sheegay in ay bilaabeen darbi dhirirkiisa gaadhayo 50-kilometer oo lagu xidhayo xadka u dhaxeeya Iiraan iyo Pakistaan si loo xoojiyo Amniga. Moazzam Jah Ansari ayaa Jimcihii shalay ka hor sheegay xarunta baarlamaanka in mashruuca lagu dhisayo darbiga u dhaxeeya Gobolka Balochistan iyo Sistan iyo Baluchestan oo dhaca Iiraan lagu dhamestiri doono mudo sadex ama afar Sano Ah. Dhanka kale sargaalkaan ayaa sheegay in milatariga Pakistaan ay howlgalo ka bilaabeen gobolka Balochistan oo ay ku dileen 15 Dagaalyahan. Iiraan iyo Pakistaan ayaa bilaabay iskaashiga lagu xoojinayo amniga xadka labada dal kadib weeraro bilihii la soo dhaafay lagu dilay ciidanka amniga ee Dalalkaan. Wasiirka arimaha dibeda Pakistaan Shah Mehmood Qureshi ayaa sheegay bishii la soo dhaafay in xukuumada Islamabad ay bilowday dadaalo lagu xoojinayo Amniga Xadkeeda. Source
-
Garowe (SMN) – Maxkamadda darajada 1-aad ee G/Nugaal ayaa maanta xukun adag ku riday rag loo heysto kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas oo 12 jir aheyd. Illaa toban eedeysane oo lala xariirinayo falkaasi ayaa la soo hor istaajiyay fadhiga maxkamadda. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal Sheekh Cabdinuur oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sheegay in saddex ka mid ah raggaasi lagu helay Kiiska Caa’isho, halka 7 kale la sii daayay, kadib markii lagu waayey wax dambi ah. Saddexda qof oo lagu xukumay dil toogasho ayaa kala ah Cabdifataax Cabdiraxman Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige. Xukunkan ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in uu ka furan yahay Racfaan, haddii aysan eedeysanayaasha ku qanacsaneen go’aanka maxkamadda. 25-kii Febraayo ee sanadkan ayey aheyd markii Marxuumad Caa’isho Ilyaas Aadan Meydkeeda la soo dhigay afaafka hore Gurigooda oo ku yaallay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, inkastoo markii dambe Qoyskeedu ay isaga guureen halkaasi. View the full article
-
Maxkamadda Derajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa goor dhow waxa ay xukun dil ah ku riddey Saddex ka mid ah 10-kii qof ee loo haystay dilka iyo Kufsiga Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar 11-sano jir ah. Guddoomiyaha Maxkamaddan, Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhowaaqay xukunkan, waxaana dadka dilka lagu xukumay ay kala yihiin. C/fitaax C/raxmaan Warsame C/salaan C/raxmaan Warsame C/shakuur Maxamed Dige Maxkamadda ayaa fasaxday 7-dii kale ee kiiskan loo haystay, iyadoo dhanka kalena sheegtay in racfaan uu ka furan yahay muddo bil ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee dagmada Garowe Shiikh Cabdinuur ayaa Ku dhawaaqday go’aanka Maxkamada ee Ku Aadan Kiiska Caaisho Ilyaas Aadan. Waxaana seddex Eedaysane ee kala ah Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige waxaa lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso Punland. Dhageysiga dacwadaan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socotay deegaanada maamulka Puntland. Garsoorku waxa uu sheegay in Xukunka uu ka furan yahey Racfaan mudo Bil ah. Waxaa kale oo ay Maxkamadu fasaxdey 7 kale ee Eedaysanayaasha ahaa oo ay Ku tilmaamtey kuwo aan danbi lahayn. Qoyska Caaisha ayaa ka guuray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyagoo sheegay inay cadaalad ay ka waayeen Deegaanada Puntland, iyaga oo u guuray dalka Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay sababtii ay u joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kaa oo loo wareejiyey dhanka magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Kabtan Gilbert Kibe, agaasimaha guud ee hay’adda duulimaadka rayidka Kenya ayaa sheegay in sababo amni darteed ay duulimaadayada Wajeer ugu wareejiyeen waa sida uu hadalka u dhigaye. Kibe oo la hadlay wargeyska lagu magacaabo The Nation ayaa wuxuu sheegay in duulimaadyadaasi ay hakiyeen illaa 9-ka bisha August, kadibna ay dib u eegis ku sameyn doonaan si loo gaaro go’aan ah in la bilaabiyo iyo in sidan ay ku wadaan. Kenya ayaa u muuqata mid ka baxday heshiisyadii horey ay ula gaartay DFS, iyadoo DFS arrintasi ku tilmaantay mid siyaasadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in uu dhintey taliyahii ciidanka xasilinta magaalada Gaalkacyo Dhamme Khaliif Nuur Shiil. Rag hubesan ayaa isaga oo kasoo baxay masjid ku yaalla magaaladaasi oo uu kusoo tukaday Salaadda Taraawiixda dhowr xabad ku dhuftay, hase ahaatee ugu dambeyn dhaawicii soo gaaray ayuu u dhintay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Gaalkacyo. Dhanka kale, ciidamada xasilinta Gaalkacyo ayaa maanta waxa ay wadaan howlagal ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka magaalada, kuna raadinayaan raggii dilay taliyahooda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda derajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa waxaa la filayaa in maanta ay go’aan ka gaarto 10 nin oo ku eedeysan dilkii iyo kufsigii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caa’isha Ilyaas oo ahayd gabar yar oo 11-sano jirtay. Shalay ayaa maxkamadda waxaa la horkeenay eedeysanayaasha kiiskan, kuwaasi oo su’aallo badan halkaasi lagu weydiiyey, iyadoo dhanka kalena ay jiraan baaritaanno la sameeyey. Maxkamadda ayaa deegsaneysa baaritaan DNA ah, iyadoo loo yeeray madaxa xarunta baarista denbiyada ee Forensic Lab si ay u caddeyaan baaritaanka dheecaannada laga qaaday ragga xiran, kaasi oo ah hidde side. Kiiska Caa’isha ayaa muddo soo jiitamayey, waxaana maxkamadda looga fadhiyaa go’aan kama dambeys ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Berribaa waxa saaxiib aad isugu dheer ahaa laba sheekh ama caalim oo la kala odhan jirey SHAQIQ AL BULAKHI iyo IBRAHIM IBNU ATHAM. Shaqiiq Albulkhi ayaa ku yidhi Ibrahim Ibnu Adham “Ibrahimow saxiib waxaan doonayaa inaan shaqo tago oo waan dhoofayaa muddo dheerna waan maqnaanayaa ee sidaa igu ogow saaxiib”. Ibrahim Ibnu Adham oo aad u dareemaya boholyowga ku dhici doona marka uu saaxiibkii tacaniro ee uu ka fogaado ayaa ku yidhi saaxiibkii “ Ilaahay haku nabad yeelo Shaqiiqow waan dareemi doontaa fogaantaa aad iga fogaatay” wuuna macasalameeyey saaxiibkii. Shaqiiq Albulakhi kabaha ayuu iladay oo daabadii uu watay wuxuu u jeediyey xagii uu shuqulka ama shaqada ka doonanaayey wuuna jarmaaday markii uu cabaar socday ee uu dhawr caano maal socday ayaa uu geed hoos fadhiistay isagoo inuu yara nasto doonaya, geedkii wuxuu ku arkay shimbir labada baal mid jabanyahay, lug la’ , buulkeeda aan ka baxayn. Inyar ka dib waxa u timid shimbirtii shimbir kale oo afka wax ku sida waana ay dul fadhiisatay iyadoo afka ugu guraysa. Intaa ka dib Shaqiiq aadbuu isu bedelay wuxuuna bedelay go’aankiisii ahaa inuu shoqo tago waxana xiskiisa kusoo sunsumay ama kusoo degdegay go’aano uu naftiisa ku odhanaayo “waar Shaqiiqow shimbirtaa ma arkeysaa baalka la, lugta la, waaka Ilaahayba halkaa ku quudiyee adigana wuu ku quudino waxna ha shaqo tegine iskaga noqo dhulkaagii”. Muddo ka dib waa aduunyo iyo arimihiise wuxuu soo joogsaday halkii uu ka dhaqaaqay muddo ka hor.Markiiba waxa isha ku dhuftay oo u qaadan waayey oo ay af-kala-qaad ku noqotay rafiiqiisii IBRAHIM IBNU ADHAM markii uu arkay saaxiibkii oo caafimaad qaba, belo shidaysay aan sheegayn. waxaana uu ku yidhi “ saaxiib maxaa ku helay sowdigii jarmaaday ee inaad shuqul doonato wadnahaaga gallowda uga gooyey”. Shaqiiq waxa uu ku yidhi saaxiibkii “ saaxiib waa runtaa laakiin anigoo dhabihii shaqada igeyn lahaa tooraynaaya ayaa waxa i qabatay cadceed kulul oo waxaan hoos fadhiistay geed. Markii aan geedkii hoos fadhiistay waxaan arkay shimbir baal jaban, lug la’, oo fadhiida oo aan kici karayn, inyar ka dib waxaa u timid shimbir caafimaad qabta oo firfircoon waxa ayna wax siinaysay shibirtii bugtay, markaas ayaan is idhi walaahi ilaahay waakaa shimbirtaa baalka jaban ee lugaha la ee bugtayba halkaa ku quudinaayee maxaad isla daalini, adba waa lagi quudine iska noqo waxna ha is hawline.” Ibrahim markuu saaxiibkii intaa ka dhagaystay ayuu ku yidhi “ Saaxiib oo maxaad u dooratay shimbirta lugta la’ ee bukaanka ah oo aad u dooran weyday inaad noqoto ta caafimaadka ee firficoon ee wax quudinaysa.” markii ayuu shaqiiq go,aansaday inuu shaqaysto oo aanu cid wax ka sugin laakiin isagu uu noqdo ku dadka wax siiya. DABAYAAQADII Mar walba waa in aynu dooranaa xaga sare oo aynaan dooran xaga hoose. mar walba waa in aynu shaqaysanaa oo aynaan qayrkeen baryin. Qalinkii Cabdi Cawiye +252634115877 Hargeysa Somaliland Qaran News
-
Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalin oo wax badan kala socda siyaasadda dalka ayaa nasiib darro ku tilmaamay fashilkii ku yimid shirkii Garoowe uga socda madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada. Waxa uu tilmaamay in magaalada Garoowe ay isugu tageen madax isku carreysan oo markii horeba la fileyn iney wax xalliyaan. Si gaar ah wuxuu aqoonyahan Caalim u dhaliilay madaxda dowladda federaaka oo uu tilmaamay in looga baahnaa isku tanaasul. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/WAREYSI-CAALIM.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors