-
Content Count
208,405 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Turkish Embassy in Mogadishu says a Turkish citizen was killed Sunday following an explosion near the city’s busy K-4 junction. Source: Hiiraan Online
-
Madaweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdillahi Deni ayaa xeer madaxweyne ku magacaabay Afhayeenka Madaxtooda Punland. Madaxweynaha ayaa u macaabay Jaamac Yuusuf Jaamac( Dabaraani) inuu noqdo Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Putnland. Maxwenaha ayaa magacaabistaan u cuskaday xeerka Numbarkiisu yahay Lr may 12 2019 waxa uu afhayeenka Maxtooyada dowladda Putnland loo magacaabay Maxaweynaha dowladda Putnland. Markii uu arkay dastuurka dowladda Putnland . Markii uu tixgaliyay aqoonsigiisa khibradda uu leeyahay shaqo. waxuu xeeriyay. 1 waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac( Dabaraani) inuu noqdo Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Putnland 2 Xeerkaan waxa uu dhaqabn galayaa markuu madaxweynu saxiixo waa uuna saxiixay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa muddo 6 sano xaalad go’doon ah ku haya degmooyin ka tirsan Gobalada Bay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya, kadib markii laga saaray degmooyinka Gobaladaasi. Si lamid ah Dowladda Soomaaliya ayaa xaalad go’doon ah gelisay magaalada Muqdisho muddo dhowr bil ka hor kadib markii ay u xaal waysay amaanka Gobalka Banaadir. Al-Shabaab ayaa u diiday degmooyinka ay go’doomiyeen ee Bay iyo Bakool in ay gashay Maciishadda Qutul daruuriga ah iyo adeegyada kale ee Gobaladaasi looga baahanyahay, halka Dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho u diiday in ay soo gasho Qudaarta, Maciishadda Qutul daruuriga ah iyo adeegyada kale ee ka soo daga Dekadda Muqdisho, kuwaas oo markii ay soo dagaan aan isaga gudbi karin magaalada. Al-Shabaab adeegyada ama hantidada Ganacsatada ee sida dhuumaalaysiga ah ay ku soo geliayaan degaanada go’doonka saaraan waa ka gubaan hantidooda, halka Dowladda Soomaaliya ay dib ugu celiso ama ku baakinta goobta go’doonka ka bilaawdo waxaana halkaasi ku halaaba hantidii Ganacsatada Soomaaliyeed. Al-Shabaab dadka ku nool Gobaladaasi waxay u diideen in ay la geeyo Dawooyin iyo qalabka Caafimaadka, halka Dowladda ay wadooyinka ka xiratay una diiday dhaq-dhaqaaq dadka Xanuunsan, Dumarka Foolanaya iyo Ardayda Waxbarashada ee Gobalka Banaadir. Al-Shabaab dadka ku nool degaanada Bay iyo Bakool iyo Gaadiidka halkaasi ka shaqeeya waxay ka qaadaan wax ay ugu yeereen Zakawaad, halka Dowladda Soomaaliya ay Canshuur ka qaado dadweynaha magaalada Muqdisho. Al-Shabaab dadka ay ka qaadaan waxa ay ugu yeeraan Zakawaad kuma celiyaan laakiin waxay ugu badalaan in hantidooda loo adeegsado Qaraxyo, dilal iyo dagaalo, halka Dowladda Soomaaliya Canshuurta ay dadweynaha ka qaado u adeegsato bixinta adeegyadeeda sida Mushaaraadka Ciidamadii Shacabka wadooyinka ka xiri lahaa. Al-Shabaab dadka ay Ciidamadooda dilaan ma marsiiyaan Xukun Cadaalad ah waana sii daayaan dembiilayaasha dadka Shacabka ah dila markii ay ka raadinayaan Zakawaadka ama adeegyo kale, halka Dowladda Soomaaliya Ciidamada Booliiska dadka ay dilaan aysan Cadaaalad marsiinin markii ay Shacabka dilaan. Al-Shabaab dadka waxay ka qaadaan lacag aysan awoodin laakiin uguma badalaan adeegyo Bulsho, halka Dowladda Soomaaliya ay dadweynaha ka qaado Canshuur mana jirto wax adeeg Bulsho ah loogu badalo Canshuurtooda. Al-Shabaab dadka waa dilaan, waana qarxiyaan, halka Dowladda Soomaaliya ay aad u yar-yihiin dilalka ay Ciidamada fuliyaan markii loo eego Al-Shabaab mana jirto wax qaraxyo ah oo fuliyaan Ciidamada dowladda oo la ogyahay. Al-Shabaab dadka ka aragti duwan waxay ugu yeeraan Murtad, Gaal iyo waxyaabo kale waana dilaan, halka Dowladda kuwa ka aragti duwan ugu yeerto Qaran dumis, Qabiiliiste mararka qaarna waa xiraan waana la handadaa iyagoo u adeegsanaya Mucaarad. Isbar bar dhigaan ma’ahan inaa isku mid ka dhigayn Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Laakiin waxaan ka eegeynaa xaaladaha qaar ee dhanka maamul. Dowladda Soomaaliya waa nimaadka kaliya oo ay heshiis ku yihiin Umadda Soomaaliyeed aduunyada aqoonsantahay, hadii si fiican loo adeegsado waxay dan ugu jirta muwaadin kasta oo Soomaaliyeed hayeeshee hadda waddo sax ah cagta masaarin Xukuumadda maanta jirta. W/Q: Cabdiraxmaan Cali Ducaale Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Munaasabad ay sooo qabanqaabisay hayadda Hormuud Telecom Foundation oo lagu qabtay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa kun Carruur oo agoon ah waxa lagu guddoonsiiyey kaalmo loogu talagalay in qoysaska carruurtaasi ay u kaashadaan Afruka iyo ciidda. Cabdullaahi Nuur Cismaan guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in Lacagta loo qaybiyey carruurtan agoonta ah ay dhan tahay $100.000 (Boqol kun oo dollar) taas oo ah in Agoon kasta la siiyey $100 (Boqol Dollar) Cabdullaahi Nuur ayaa sidoo kale ka sheegay munaasabadda ay HTF ku daahfurtay Kaalmadan in caawinta carruurta agoonta ah ay tahay waajib bulsho oo weyn isaga oo xusay in Carruur badan oo agoon Soomaaliyeed ah ay u baahan yihiin caawin iyo garab istaag mar haddii ay waayeen aabeyaashood ayna ku bannaanaatay kaalin weyn. Maamulaha Xarunta Hormuud KM5 Cabdi Cali Maxamed oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay Hormuud Telecom ay weligeed caan ku eheed Saddaqada & kaalmeynta kuwa u baahan. Agoontaan oo laga soo kala xulay 21 Jamciyadood, ayaa ahaa Carruur aad u da’ yar, qoysaskooda iyo Jamciyadaha gacanta ku haya agoonta oo joogay munaasabadda ayaa Hormuud Telecom Foundation uga mahad celiyey Deeqdan iyagoo sheegay in caawintani ay kaalin wax ku ool ka qaadan doonto Afurka iyo farxadda ciidda ee carruurta agoonta ah ee helay kaalmadan. Qoysaska agoonta maanta guddoontay lacagta kaalmaada ah ee Hormuud Telecom Foundation oo kahadlay xafladda caawinta Kun Agoon ayaa sheegay in ay lacagta la siiyey ka caawin doonto Afurka iyo farxadda ciidda taas oo ay sheegeen in ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee ay hadda ka welwelsan yihiin qoysaska haysta carruurta agoonta ah oo ay yartahay cid caawisa. Hormuud Telecom Foundation ayaa waayadanba soo wadey Kaalmaha ay u fidineyso Dadka u baahan kaalmada, waxaana ugu dambeysay Deeqihii ay gaarsiiyeen Xabsiga Dhexe & Naafada Ciidanka Xoogga ee deggan Isbitaal Martiini.
-
Saraynta sharicgu wax kaleba maha waa in Muwaadinka u sareeya ilaa Madaxweynaha loo simanyahay sharciga. Waxaa maanta cad in Dastuurkii inaga dhaxeeyay uu jabay oo si cad ay u jabisay Waaxdii Fulinta oo Madaxweynuhu hoggaaminaayo, anigu ka hadli maayo hadalkii Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ee 18-ka May, kuma raacsani oo maalin Qaran ayaan anigu u aqoonsanahay, lakiin Xildhibaanku rayi ayuu leeyahay Waddan Dimuquraadi ah ayuu Xubin Baarlamaan ka yahay hadduu dood qabo iyo ciddii kale ee rayi qabtaba in la qanciyo amma lala doodo nidaamka aynu qaadanay ayaa wajibinaaya.. Xadhiga Xildhibaanka sidii loo maray, sifaha ilaa hadda lagu hayo Xabsiga iyo horgayntii Maxkamadda isagoo ka tinadaysan intuba waa Dastuur-jabin cad oo badheedha Golaha Wakiilada oo Guddida joogtada ahi matalaysaana maanta ayay cadeeyeen, waxa haddaba taas ka ratibmaaya Madaxweynaha oo amarka bixiyay in maamus ka xayuubin lagu soo oogo marka Golaha Wakiiladu kalfadhigiisu furmo kadibna uu nasiibkiisa ka qaado. Midha qudha ee saraynta sharciga soo celinaysa waa taas haddii saraynta sharcigu jiro weeye, haday sidaa ahaan waydo ma nihin Waddan Dimuquraadi ah waxaynu nahay Xukun Millatari ah, suurto galna maha in Dalku doorashooyin galo iyadoo sidan Dastuurkii loo laabay, miyaa ummadda laysku dilayaa haddii aanay shuruucdii taalay ee Madaxweynuhu Madaxweyne ku aha, ee Baarlamaanku sharci dajin ku aha ee Maxkamaduhu inoogu dhisnayeen haddii aan kii lagu dhaqmayn taasi waa anaa ka xoogwayn marka wixii inoo yaalay way laab mayaan.. Wa-bilalahi Tawfiiq.. Muniir Axmed Cigaal Sweden Qaran News
-
Muqdisho ( SMN)Halkaan Kala soco Jadwalka Isku Aadka Tartan Aqooneedka Shabelle ee Hreerka Group-yada. Jadwalka Tartanka Bisha Barakeysan Ramadaan ee Shabelle. Group A 2 Ramadaan Baraawe VS Kaxda 3 Ramadaan Hodan Vs H/Wadaag 10 Ramadaan Baraawe VS Hodan 11 Ramadaan Kaxda Vs H/Wadaag 18 Ramadaan Baraawe VS Howlwadaag 19 Ramadaan Kaxda VS Hodan Group B 4 Ramadaan Dharkeynley VS Wanlaweyn 5 Ramadaan X/Weyne VS Wardhiigleey 12 Ramadaan Dharkeynley VS X/Weyne 13 Ramadaan Wanlaweyn VS Wardhiigleey 20 Ramadaan Dharkeynleey VS Wardhiigleey 21 X/Weyne Vs Wanlaweyn Group C 6 Ramadaan Shibis VS Bargaan 7 Ramadaan Wadajir VS Waaberi 14 Ramadaan Shibis VS Wadajir 15 Ramadaan Bargaan VS Waaberi 22 Ramadaan Shibis VS Waaberi 23 Ramadaab Bargaan Vs Wadajir Group D 8 Ramadaan Cabdicasiis vs X/Jajab 9 Ramadaan Afgooye VS Kaaraan 16 Ramadaan Cabdicasiis VS Afgooye 17 Ramadaan X/Jajab VS Kaaraan 24 Ramadaan Cabdicasiis VS Kaaraan 25 Ramadaan Afgooye VS X/Jajab View the full article
-
Munaasabad ay sooo qabanqaabisay hayadda Hormuud Telecom Foundation oo lagu qabtay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa kun Carruur oo agoon ah waxa lagu guddoonsiiyey kaalmo loogu talagalay in qoysaska carruurtaasi ay u kaashadaan Afruka iyo ciidda. Cabdullaahi Nuur Cismaan guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in Lacagta loo qaybiyey carruurtan agoonta ah ay dhan tahay $100.000 (Boqol kun oo dollar) taas oo ah in Agoon kasta la siiyey $100 (Boqol Dollar) Cabdullaahi Nuur ayaa sidoo kale ka sheegay munaasabadda ay HTF ku daahfurtay Kaalmadan in caawinta carruurta agoonta ah ay tahay waajib bulsho oo weyn isaga oo xusay in Carruur badan oo agoon Soomaaliyeed ah ay u baahan yihiin caawin iyo garab istaag mar haddii ay waayeen aabeyaashood ayna ku bannaanaatay kaalin weyn. Maamulaha Xarunta Hormuud KM5 Cabdi Cali Maxamed oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay Hormuud Telecom ay weligeed caan ku eheed Saddaqada & kaalmeynta kuwa u baahan. Agoontaan oo laga soo kala xulay 21 Jamciyadood, ayaa ahaa Carruur aad u da’ yar, qoysaskooda iyo Jamciyadaha gacanta ku haya agoonta oo joogay munaasabadda ayaa Hormuud Telecom Foundation uga mahad celiyey Deeqdan iyagoo sheegay in caawintani ay kaalin wax ku ool ka qaadan doonto Afurka iyo farxadda ciidda ee carruurta agoonta ah ee helay kaalmadan. Qoysaska agoonta maanta guddoontay lacagta kaalmaada ah ee Hormuud Telecom Foundation oo kahadlay xafladda caawinta Kun Agoon ayaa sheegay in ay lacagta la siiyey ka caawin doonto Afurka iyo farxadda ciidda taas oo ay sheegeen in ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee ay hadda ka welwelsan yihiin qoysaska haysta carruurta agoonta ah oo ay yartahay cid caawisa. Hormuud Telecom Foundation ayaa waayadanba soo wadey Kaalmaha ay u fidineyso Dadka u baahan kaalmada, waxaana ugu dambeysay Deeqihii ay gaarsiiyeen Xabsiga Dhexe & Naafada Ciidanka Xoogga ee deggan Isbitaal Martiini. View the full article
-
Arinka iga soo maray dowladda Maraykanku maaha mid lagu soo Koobi karo qoraalkan, waayo waa Arrin soo jiitamayay 16 sano iyo 8 bilood, sagaal sano oo ka midana aan ku jiray liiska Xayiraadda Duulimaadka.Cinwaanka maqaalkan ayaan ka qaatay talo uu i siiyay barafosoor aanu saaxiib nahay oo igula taliyay inaan u bixiyo buug aan ka qoro qisadayda, waxa kale oo taladan i siiyay qareen ka mida qareenadayada oo isna yidhi qisadaadu waxay mudan tahay in buug laga qoro. Calaa ayati xaal waa sheeko dheer oo ku dawinan kumanaan xaashiyo oo laga qoray dacwadda uu Maraykanku ila maganaa si la iigu rido xabsi aan ku dhammaysto inta nolosha iiga hadhay, waa sheeko warinaysa sidaanu ugu dhabar adaygnay dagaal arxan daran oon kala go’ lahayn oo ay hayado dhowra oo Maraykani nagu qaadeen , laakiin ay ku fashilmeen, anagana Ilaahay na sugay, nagana badbaadiyay inaanu diintayada ku iibsano doolaro iyo raaxada gaaban ee dunida, Taa macnaheedu maaha inay arrimhu sahlanaayeen, waxay ahaayeen maalmo qadhaadh oo naga soo saaray cirada gadhkayga ka muuqata, laakiin wax walba waa rakhiis Ilaahay dartii, muslinkuna mar walba wuxuu beegsanayaa waa liibaanta aakhiro iyo raaxada janada ee waaraysa, Ilaahay ayaan ku mahadinayaa inuu i sugay , iguna kaalmeeyay xasilooni iimaaniya oon ku waajahay dowladda dunida ugu xoog badan oo si walba iskugu dayday inay i liiciso iskuna dhiibo, iyadoo adeegsanaysa hanjabaad, cabsiin iyo cadaadis nafsaaniya. Waxase Ilaahay mahaddii ah in kuwii muddaadaa dulmiga nagu hayay ay iyagu maanta isku madheen, Ilaahayna isku diray kuna salliday Taraam oo sumcaddii FBI da cagta mariyay ! Waxaan si kooban u dul mari doonaa waxyaabo akhlaaq darro ah oo ka mida sida Maraykanku iskugu dayay inuu ii sameeyo dambiyo laygu maxkamdeeyo , layna galiyo xabsi dheer. 1-Inay ku andacoodeen inaan anigu u fatwooday, lacagna u ururiyay, jamaacada na duco uga dalbay todoba qof oo ay dowladdu ku andcootay inay rabeen inay galaan Afqaanistaan sanadkii 2002 , inakstoo lix dadkaa ka mida la maxkamdeeyay kuwa ugu xabsi dheeraan lagu xukumay 18 sano, haddana dowladda Maraykanku waxay si fool xun ugu fashilantay inay arrinkan igu maxkamdeeyaan, laba ka mida oo ay u soo bandhigeen ina laga khafiifiyo xuklunka 18 sano ah haddii ay igu furaan markhaati labaduba way diideen, waxay ka doorteen xabsigaa dheer oo midkood soo dhamaystay.Waxay ahayd dhirbaaxo weyn oo ku dhacday xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Oregon iyo shaqaalihiisa daalimiinta ah. 2. Maraykanku wuxuu doonay inuu igu soo oogo dacwado mid walba ciqaabteedu gaadhayso tobonaan sano, wayse ku fashilmeen. 3. Waxa la isku dayay in loo hanjbao dad laga dalbay inay markhaati beena igu furaan, waxa ka mid ahaa laba walaal oo midna Marookaan midna Falastiini ah oo markay diideen laga qaaday kaadhka degenaasha (green card), midkood xabsiga ayuu iga soo wacay (collect call) wuxuu ii sheegay inay ku yidhaahdeen Kaariye been ka sheeg ama kaadhkaa lagaa qaadayaa wuxuu doortay inaanu been ka sheegin walaal muslina, labadoodaba Waa la mustaafiriyay, waxaan Allaah uga baryayaa inuu adduunka ku siiyo nolol wanaagsan aakhirana ku arsaaqo janatul firdowsa. 4. Nin kale oo carabana waxay u soo badhigeen inay siinayaan jinsiyadda Maraykanka hadduu been iga sheeo isna wuu ku diiday. 5. Maraykanku wuxuu isticmaalay dowlad kale si ay u helaan markhaati beena oo la igu maxkamadeeyo, qof muslina oo soo islaamay ayaa lagu sameeyay Jidh dil, laakiin walaalkaasi siduu ku sheegay waraysi ay ka qaaday warbaahinta dalka Iswiidhan, kuna qoran dacwad uu ka dhiibay dowladda Maraykanka wuu diiday inuu sheekhiisa been ka sheego, Allaah ayaan ka baryayaa inuu kuwii jidh dilay ku cadaabo naarta jahannamo. 6. Walaal Soomaaliya oo wax ka baranayay dal carbeeed ayay ugu tageen dalkuu joogay, kana waraysteen aniga iyo laba sheekh oo soomaaliya oo caana kana mida kuwa ay Soomaalidu aad u dhagaysto duruustooda, waxayna ka dalbeen inuu jaasuus u noqdo, laakiin wuu ka diiday, kamana qarin inuu I yaqaano, saaxiibna nahay, markiiba waxay u sheegeen in lagu daray dadka aan ku safari karayn hawada Maraykanka, Kanada ayuu is yidhi soo gal, deetana diyaaraddii uu la socday ayaa qasab lagu fadhiisiyay, ninkii Waxaa oo dhan lagu sameeyay muddo gaaban ka dib ayay soo daayeen, soo riwaayad maaha. 7. Basaas u dhashay dalka Masar ayay ii soo direen oo muddo ka hawl galay masaajidka aan imaamka ka ahaa, laakiin way ku fashilmeen, wuxuu iska dhigay inuu ka ganacsado hubka lacag jabana igaga iibinayo qore, waan ka diiday, sidoo kale waxaan u sheegay in intaan Maraykan joogay qori iyo bastoolad midna u iibsan xitaa si sharciya, taqriiban wiig ka dib ayuu igu soo noqday isagoo leh dhul weyn ayaan leeyahay ee aynu ku soo dhoogtano waan ku diiday, .Waxa cajiiba in ay basaaskan ugu ballan qaadeen inay ka cafiyiyaan dambiyo daroogo ah oo ay ku haysteen hadduu na basaaso, muuddo ka dib ayuu farriimo kaga tagay telefonka masaajidka, wuxuu a sheegay in lagu qasbay inuu aniga been iga sheego, bal eeg akhlaaq xumida hayadaha dambi baadhka Maraykanka, kuwaasi ayaa sheeganaya inay nadiif yihiin. 8. Tan baa ugu daran ee bal iyadana eeg, taqriiban 2003 ayaa maalin ka dib markaan akhriyay khudbaddii jimcaha ayaa waxa I salaamay nin caraba oo isku sheegay Hishaam Abuu Zubayda, wuxuu ii raaciyay inuu yahay Abuu Zubayda walaalkii, markiiba waan iskaga dhaqaaqay, dareemayna inay wax qaldan yihiin, waayo abuu Zubayda waa ninkii koowaad ee ka mida Qaaciidada ee Maraykanku ku qabteen Baakistaan qaraxyadii 2001 ka bacdi, warkiisana aad iyo aad loogu sheegayay warbaahinta caalamka. Muddo ka bacdi ayuu Hishaam afka furtay markay dowladdu ka baxday ballamihii ay u qaaday oo ay ka mid ahady inay siiyaan kaadhka degenaanshaha, wuxuu tafaasiil mug leh ka bixiyay siday FBI ugu soo dirtay inuu aniga iyo masaajidka basaaso, laakiin uu u caddeeyay in waxay u sheegeen been iyo masabid tahay, intuu uu na basaasayayna arkay in maadjidku aanu ahayn xero lagu tababaro mujahidiin, lacagna looga ururin. 9. Taqriiban 17 sano ayay dowladda dunida ugu weyni ku fashilantay inay igu hesho dambiyaday doonaysay oo ciqaabtoodu gaadhayso xabsi daayim iyo madaxaa ha ku furto, bal adba caqli baad leedahay fahan ammuurtan. 10. Shaki kuma jiro in fashilkan ku hoobtay hayadaha igu daba jiray fadeexadeeyay saraakiil sar sare oo is lahaa sallaanka dallacaada ku kora inaad maxkamdaysaan ina Kaariye, sidaa awgeed ayuu isku casilay madaxii FBI ee gobolka Oregon Jaarles maasiyoo oo ahaa ninkii bilaabay kayskayga. Waxana dhaba inuu arrinku isku baddelay shakhsi (personal) iyo aargoosi. 10. Baadhitaankan waxa lagu bixiyay malaayiin doolaro ah oo laga khasaariyay lacagta dadweynaha ee cashuurta ay bixiyaan lagu shaqo galiyo shaqaalah dowladda ee ay ka mid yihiin FBI du. 11. Waxa laga qoray kumaanaan qormooyin iyo warbixino, waxa laga duubay boqolaal saacadood oo coda oo iskugu jira hadalo si qarsoon la iiga duubay, khudbadahayga jimcaha iyo duruustayda. 12. Baadhitaankan jinsiyadda waxa ka qayb qaatay hayado dhowra, waxa uu si toosa u horyaalay xubno sare oo ka mida wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka (haddayba caddalad yaqaanaan) waxana gacanta ku hayay afar sarkaal oo fadhiya caasimadda Waashington, in kastoo kii bilaabay ka baxay sababo caafimaad oo aad u daran awgeed siday noo sheegeen. 13. Siduu yidhi qareenka caanka ah ee Stanley Cohen, dowladda Maraykanku waa “seven hundred bounds gorilla” oo macanheedu yahay gorille todoba boqol oo rodol ah oo laabta kaaga fadhiya, hanti iyo awoodba waxay u leeyihiin inay ku bixiyaan dagaalka qaanuuniga ee ay kula jiraan culimada iyo hogaanada muslinka ee ay ku asteeyaa waxay ula baxeen argagxisada iyo xagjirka diiniga ah. Ma anigaa been sheegay mise iyagaa been sheegay? Wargeys cunsuriya oo ka soo baxa magaladaan degaanaa ayaa qoray inaan xog qaldan siiyay marykanka markaan qaadanayay jinsiyaddooda, saxafiga qoray waa mid ku talax tagay muslim nacayb, se waxa dhaba in warkiisu yahay hal bacaad lagu dhisay oon ka qaawan xujo iyo daliil, arrinka saxina waa sidan: Warqadda codsiga ee jinsiyadda waxa ku yaal qodob odhanaya hore ma laguu xidhay inaad jabisay sharci dowladeed, jawaabtaan bixiyay waxay ahayd maya inkastoo sanadkii 1993 laygu xidhay dalka Baakistaan, sababtuna waxay ahayd in gardarro la ii xidhay, bal xidhataankayga uu ku yimid sidaan is leeyahay amar ay dowladda Maraykanku siisay dowladda Baakistaan oo ahaa in xabsiyada loo taxaabo dhalinyaradii muslinka ee ku noolayd magaalada Biishaawar. Si islaamnimada ka baxsan ayaa loo raafay, aniga iyo inan aljeeriyaana ayaa isku raacnay xafiiska socdaalka si aanu u qaadano warqadda bixitaanka, way diideen inay fiisaha noo kordhiyaa iyo inay noo ogolaadaan inay na siiyaan bixitaan midna, waxay markiiba noo taxaabeen saldhiga boliiska oonu habeen u hoyanay iyagoo na siin furaash iyo gogol midna, aroortii ayaa noloo taxaabay xabsi uu gumaystihii Ingiriisku dhisay, waxayn na galiyeen hool weyn oo ay ku jiraan 110 maxbuus iyagoon na sii gogol, laakiin maxaabiista qaarkood ayaa noogu deeqay gogol, Msulin waa Muslin ,Ilaahay ha ka abaal mariyo. Walaal xaafidul Qur’aan oo Urduniya ay noo dadaalay , laakiin wuxuu noo sheegay in qaadiga maxkamadda la siiyo lacag si laguu keeno maxkamadda, haddii kale halkaasi ayaad waligaa ku jiraysaa, lacagtii ayay siiyeen , maxkamadii sharci darrada ahayd iyo qaadigii daalimka ahaa ayaa lay hor keenay wuxuuna igu xukumay mustaafiris. Bal ii sheeg sharciga dowladeed een jabiyay ee laygu xidhay, amar Maraykna ayaa laaygu xidhay waxayna doonayaan inaan jabiyay qaanuunkii, iyagaa qaanuunka mar walba jabiya oo soo fara galiya afaarha iyo amuuraha dowladaha iyo shucuubta ay u xoog sheegtaan Sidaa awgeed ayaan ilaa iminka rumaysanahay inaan runta sheegay markaan qodobkaa kaga jawaabay maya. Tusaale kale, magaaladan Hargeysa een Joogo waxa sanadkii 1978 laygu xidhay saldhiga booloska ee ku yaala badhtamaha magaalada, waxaan ahayn dhalinyaradii Waxdada oo sirdoonkii Nabad Sugidda loo yaqaanay soo taxaabay, waxa habeen saqbadhkii naloo wareejiyay xaruntii nabad sugidda ee ku taalay dhakhtarka gadaashiisa ee dhinaca shacabka, iyadoo ay dhaxan tahay oonu xidhanahay dhar khafiifa ayaa inta nala fiigay oo gacmaha iyo luguha laysku xidhay, oo waliba qoryo nala dul joogo ayaa biyo qobow korka nagala shubay. Hogaankii sirdoonku wuxuu yidhi ” Waxaad ku dhacdeen dambiyo khatar ku ah badbaadada Qaranka, oo waxaad xubno ka tihiin urur qarsoodiyada, waxay isku dayeen inaanu qirano dambiga ay sheegayaan, laakiin waanu ku gacmo saydhnay. Haddaba ma lagu doodi karaa xabsiga Hargeysana waa qariyay, jawaabtu waa maya, waayo dee umaaan haysan iminkana uma haysto inaan shacri xalaala jabiyay, runtuna waxay tahay kuwii na xidhay ee dhibta u gaystay inamo yar yar oon labaatan jirba gaadhin ee ku haystay diin baad barataan ayaa sharciga jabiyay!! Gumaystuhu siduu doonuu u qeexaa shaciga iyo qaanuunka, ninka la gumaysanayo ee xaqiisa rabaana si xalaala ayuu sharciga u fasiraa, sidaa awgeed waxaan leeyahay iyagaa beenalayaal. Anaa dalbay inaan Jinsiyaadda u celiyo 1- Siday dowladdu ogtahay , qareenkayguna markhaati ka yahay anigaa dalbay inaan jinsiyadda iska celiyo, qareenadayda oo dhami waxay igula taliyeen ha celin, qaadiga laftiisu wuxuu yidhi maxaad uga tanaazuylaysaa jinsiyaddaada, saxiibo badan ayaa sidaa igula taliyay, laakiin naftaya iyo damiirkayga ayaa sidaa murtaax ku ahaa. Qaanuunka Maraykanku wuxuu dhigayaa ina qofna jinsiyaddiisa celin karain isagoo Maraykan dhex jooga, sidaa awgeed la iima ogolayn safarka diyaaradda, dalka Kanada way diideen inaan dalkooda soo galo ilaa aanu Maraykanka kala baxno, inaan Markab ku safro iyo inaan Mexico sii maro labadaba qreenka ayaa ka dayriyay oo yidhi si aamusan ayaa lagaaga takhulusi doonaa. 3- Qaabka kaliya ee ii furnaa waxa weeyi inay iyagu la noqdaan aniguna aan taasi ogolaado, dacwadna ka keenin, sidaasi ayaa ku qoran heshiiska . 4- Haddii kayskoodu xoog leeyahay maxay u ogolaadeen inaan ku safro baasaboorkooda oon iminka gacanta ku hayo una dirayo. 5- Waxa gacanta iigu jira oon isna u dirayaa warqad la yidhaa “Record of Abandonment of Lawful Permanent Resident Status” oon saxeexay 5/8/2019 anigoo joogay Hargeysa. 6- Taasi macnaheedu waa inaan anigu si xor oo ikhtiyaara uga tanaazulau oon celiyay “Degenaashaha Sharciga ah”. 7 Ugu dambayn markaanu dhammaysanay heshiiska ka hor intaan la saxeexin ayuu qareenka dowladdu soo codsaday in heshiiska lagu daro qodobkan “this agreement is in a favor of the United States of America and against Mr. Kariye”, waan ku gacan saydhay oon diiday, sidii ayay uga saareen, kuna ogolaadeen. 8- Maxay dowlaadu u ogalaatay waxyaabo badan oo muujinaya inuu kayskeedu jilicsan yahay, dadka qaanuunka darsaana soo faqi doonaa tooshna ku iftiimin doonaan. In badan ayaan is weydiinaya, talow ma saraakiil sar sare ayaa qaanuunka jabisay intay ku dhex jireen baadhitaankayga oo iyagaa la qarinayaa, sidaana ay ugu degdegayeen inaan sidii ugu dhaksaha badan uga tanaazulo jisiyadda. Mise qorsho kale ayay ila damacsan yihiin hadda. Gabagabo 1- Kollay dowladdu ku farximayso qoraalkan, runtiina waxa talo la igu siiyay inaanu sidaa ku kala khaatumaysano Maraykan, laakiin waa waajib inuu Muslinku gartiisa sheegto, waxaan is idhi gartaad ka wayday maxkamadaha Maraykan ku naqso baraha bulshada, walaaladaana la wadaag xaqiiqada jirta ee warbaahinta Maraykanka iyo dabadhilfkooda soomaalidu ka been sheegeen. 2- 17kaa sano een la soo tacaalay dhibta ay ii gaysatay dowladda Maraykanka waxaan u arkaa camal suuban oon rajaynayo inuu Ilaahay iigu cusleeyo miisaanka xasanaatka maalinta qiyaamaha. 3. Kama murugoonayo wixii i soo maray, haddii maanta laygu baddeli lahaa malaayiin doolaro ah iyo raaxda adduunkana (Ilaahay baan ku dhaartee ) kumaan beddesheen, hadday rag raasamaal adduunyo urursadeen oo faraqa ka buuxsadeen, anigana waa kan raasamaalkaygu oon Rabbigay ka baryayo inaan abaalkiisa ku helo janatul Firdowsa iyo Raalidiisa, rajo weyna baan ka qabaa Rabigay. 4.koollay cimriga intii tagtay ayaa ka badan inta hadhaye , Waxaan Rabi ka baryayaa inuu i sugo inta hadhay, iguna arsaaqo khaatimada aan hadh iyo habeenba ka baryo. 6. Waxaan qalbiga iyo carrabkaba uga mahad celinayaa walaalaha daafaha dunida ku kala nool ee sida walaaltinimada ah ii taageeray iguna soo harqiyay weedhaha qalbiga xoojinaya caziimadana dhisaya. 7. Sidaan ku sheegay khudbad jimce oon sanadkii 2008 kii ka akhriyay masaajidka weyn ee Abubakar Assidiiq ee magaalada Miyanaabolis, kuna sheegay khudbado dhowra oon ka akhriyay masaajidkaan imaamkaa ka ahaa,waxaan wali leeyhay msulimiinta iyo dhalinyarda ku nool Maraykan iyo Galbeedkuba ogaada inaad dhulkaa ku joogtaan cahdi iyo ballan, oo ayna idiin banaanayn inaad wax yeeshaan dadka aad la nooshihiin ee gaalada ah, iyagaa ammaan iyo nabad idin siiyay ee ha ka bixina ballantaa aad la gasheen, hadalkani nagama aha munaafaqo ee waa mowqifka fiqiga ah ee saxa . 8-Diintiina iyo astaan ummadeedkiina ilaashada oo ku fara adayga caqiidadiina, iskana ilaaliya siyaabaha lagu beddelayo asalada caqiidadiina iyo arkaanta diintiina. 9. Qof walba oo muslina waan saamaxay, mooyaana gaalo raaca na basaasayay iyagoo salaadda nagu daba tukanaya, khudbadaha jimcaha nala soo xaadiriya, waxaan ku leeyahay Allaah ayaa idin hoojiyay, aakhirna waxa inoo ballana Ilaahay hortiisa. 10. Kuwii na jirabay ee na dulmiyay ee ka mida dowladda Maraykanka waxaan iyagana ku leeyahay, Maxkamadda Ilaahay ee caadilka ah ayaan inoo ballana maalinta qiyaamha idinkoo ka qaawan xoogga aad maanta sheeganaysaan, waxaanan hubaa in kuwo badan oo idinka mida ama dhamaantiinba aad inta nolosha idiinka hadhay ku dambayn doontaan cudur nafsaaniya iyo raaxo la’aan idinka goysa dulmigaad gaysataan. وعند الله تجتمع الخصوم W/Q: Sheekh Maxamed Kaariye
-
(SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Taleex iyo KM4 ee wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho Sida wararku sheegayaan qaraxa waxa uu qabsaday gaadhi nooca loo yaqaano HILUX, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho. Inta la ogyahay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Injineer Turki ah oo watay gaadhiga, kaasoo dhaawac ahaan ugu geeriyooday Cisbitaalka Digfeer. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nooca qaraxa, wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu ahaa nooca gaadhiga lagu dhejiyo, halka warar kalena sheegayaan inuu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay. Ciidamada ammaanka oo gaadhay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa baadhitaan ka sameeyay goobta, iyagoo su’aalo weydiiyay howlwdeenadii ay marxuumka wada shaqeynta lahaayeen Source
-
Af-hayeenka cusub ee Puntland Jaamac Dabaraani Madaxweynaha dowladda Puntland, siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa galabta magacaabay, af-hayeenka cusub ee xukuumadda Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland, ayaa af-hayeenka xukuumadda lagu magacaabay, Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) oo kamid ah suxufiyiinta ugu caansan degaannada Puntland. Jaamac oo sidoo kale ah agaasimaha guud ee warbaahinta Dabaraani Media Inc, ayaa khibrad dheer u leh xirfadda saxaafadda isagoo ka soo shaqeeyay warbaahinno kala duwan. Magacaabistiisa ayaa loo arkaa mid wax badan ka beddeli doonta, xiriirka saxaafadda madaxa-bannaan iyo xukuumadda Puntland oo waayadan dambe sii xumaanayey. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Suxufi caana oo loo magacaabay af-hayeenka xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Caynaba)-Roob Dabaylo watay oo ka da’ay Degmada Caynaba ee Gobolka Saraar ayaa waxa ka dhashay khasaare. Inta la ogyahay, Laba Qof baa ku dhaawacmay Roobka dabalaylaha watay ee ka da’ay Caynaba, waxaana ku burburay dhismayaal dhowr ah. Dhismayaasha uu Roobku Roobku jingadda ka qaaday waxa ka mid ah Xarunta Dawladda Hoose ee Caynaba, halkaasi oo sidoo kale Xafiisyo ay ku lahaayeen Wasaaradaha Diinta Aw qaafta, Xisaabaadka Gobolka, Kastamka Caynaba, Hay’adda Barakacayaasha Qaranka iyo Xafiisyo kale oo Dawladeed. Maayarka Degmada Caynaba iyo Xildhibaanno ka mid ah Golaha deegaanka Caynaba oo soo kormeeray Goobaha waxyeelladu soo gaadhay, ayaa ka warramay waxyaabaha ay Arkeen iyo khasaaruhu inta uu leeg’yahay “Roob weyn buu ahaa oo dabaylo wata, waa Ilaahay Mahaddii haddaan Maanta la lahayn Qofbaa Meyd ah, laakiin waxa jira Nin iyo Inan uu dhalay ah oo dhaawac ah, Inantii waxa loola Cararray Burco..” ayuu yidhi Maayarka Degmada Caynaba, waxaanu intaa ku daray “Dhismayaasha Dawladda Hoose, guryo ay leeyihiin Dad kale oo Shacab ah, wax waxyeelo ah intaas ayaa jirta.” Maamulka Dawladda Hoose ayaa codsaday laga taageero dib u dhiska Xaruntooda uu Roobku dumiyey, waxayna si gaar ah farriin ugu direen Wasaaradda Arrimaha gudaha. Source
-
Qarax nuuciisa uu yahay midka la hoos geliyo Baabuurta ayaa goor dhaw oo duhurnimadan ah wuxuu ka dhacay isgoyska KM-4 gaar ahaan meel u dhaw Aargada. Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa haleelay Gaari HILUX oo ay wateen labo mid ka mid ah uu ahaa iyo Ajnabi. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay qaraxan inay ku dhaawacmeen labadii ruux ayagoo sheegay in ninka Ajinabiga ah uu u dhashay dalka Turkiga waxaana la sheegay inuu yahay Injineer iyo nin kale oo Somali ah oo gaariga ku waday. Dhaawaca raggan ayaa la dhigay mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula dabiibayo. Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa waxa ay wadaan baaritaan lagu ogaanayo halka gaarigan lagula soo xiray qaraxa iyo qofka bartilmaameedka ahaa. Waa qarixii ugu horeeyay ee nuuciisa ka dhaca Magaalada Muqdisho, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Saraynta sharicgu wax kaleba maha waa in Muwaadinka u sareeya ilaa Madaxweynaha loo simanyahay sharciga. Waxaa maanta cad in Dastuurkii inaga dhaxeeyay uu jabay oo si cad ay u jabisay Waaxdii Fulinta oo Madaxweynuhu hoggaaminaayo, anigu ka hadli maayo hadalkii Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ee 18-ka May, kuma raacsani oo maalin Qaran ayaan anigu u aqoonsanahay, lakiin Xildhibaanku rayi ayuu leeyahay Waddan Dimuquraadi ah ayuu Xubin Baarlamaan ka yahay hadduu dood qabo iyo ciddii kale ee rayi qabtaba in la qanciyo amma lala doodo nidaamka aynu qaadanay ayaa wajibinaaya.. Xadhiga Xildhibaanka sidii loo maray, sifaha ilaa hadda lagu hayo Xabsiga iyo horgayntii Maxkamadda isagoo ka tinadaysan intuba waa Dastuur-jabin cad oo badheedha Golaha Wakiilada oo Guddida joogtada ahi matalaysaana maanta ayay cadeeyeen, waxa haddaba taas ka ratibmaaya Madaxweynaha oo amarka bixiyay in maamus ka xayuubin lagu soo oogo marka Golaha Wakiiladu kalfadhigiisu furmo kadibna uu nasiibkiisa ka qaado. Midha qudha ee saraynta sharciga soo celinaysa waa taas haddii saraynta sharcigu jiro weeye, haday sidaa ahaan waydo ma nihin Waddan Dimuquraadi ah waxaynu nahay Xukun Millatari ah, suurto galna maha in Dalku doorashooyin galo iyadoo sidan Dastuurkii loo laabay, miyaa ummadda laysku dilayaa haddii aanay shuruucdii taalay ee Madaxweynuhu Madaxweyne ku aha, ee Baarlamaanku sharci dajin ku aha ee Maxkamaduhu inoogu dhisnayeen haddii aan kii lagu dhaqmayn taasi waa anaa ka xoogwayn marka wixii inoo yaalay way laab mayaan.. Wa-bilalahi Tawfiiq.. Muniir Axmed Cigaal Sweden Source
-
W. Q. Axmed Yuusuf Ducaale Xaajiga Alla ha u naxariisto, Qoyskuu ka baxay, Qaranka Somaliland iyo soomaali intey geeridiisu taabatayba Eebeheen samir iyo imaan hakasiiyo .Sideynu u xasuusanaynaa bir kumaan goyne aan usoo jeediyo wasiirka hawwlaha guud iyo guryeyenta mayorka iyo golaha degaanka hgsa, in ay dhul danta guud ah ugu deeqaan; Miidaan-naba Kdeedka Xaaji Cabdi kariim Xuseen ee HGSA ( Haji Abdulkareem Husein square of peace) (Miidaan Alxaag Cabdi Kareem Husein Li-Salaam). Banaankaasi doog ha lagu beero, koraasi sibidh ah oo kala fogfog halagu beero laydh ha la geliyo haddii ay suura gal noqotana badhtamka gidaar aan sidaa u sii dheerayn oo 2 ama 3dex jaranjaro leh oo aad u kooban, laguna qorey taariikhdiisa oo kooban ha lagu darro. kalgacalkaan u hayey Marxuumka intaas ayaan ku muujiyey soo jeedinteydana waa waxii alla kaga duwaa mus uu liyiinta aan magac *****. Qaran News
-
Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha oo todobaadkan ku saabsan shirkii magaalada Garoowe, waxaa marti ku ag gudoomiyaha dagllada bulshada rayidka ah ee Garoowe, Faysal Axmed Warsame. Read More
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegay in maanta kulan deg-deg ah ay iskugu imaaden Golaha Wakiilada Somaliland, kaasi oo ay ku eegayeen xariga xildhibaan Dhakool. Kulankan ayaa waxa si gaara iskugu yimid Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada, kuwaasi oo ku falan-qeynayey xariga ay ciidamada Somaliland kula kaceen Xildhibaan Dhakool oo ka tirsanaa xildhibaanada golahooda. Guddigan ayaa waxay sheegen in qaabka loo maray xariga xildhibaan Dhakool inuu yahay mid baal-marsan sharciga, iyaga oo Xukuumada Muuse Biixi ugu baaqey in sida ugu dhakhsaha badan xabsiga uga sii daayan xildhibaanka. Guddiga Joogtada ah ee kulanka deg-dega ah iskugu yimid, waxa kale oo ay ka hor-yimaaden dalab uga imaaday Madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo ku aadanaa in xasanaada xildhibanimo laga qaado xildhibaan Dhakool, si ay u xalaashato xarigiisa. Xildhibaan Dhakool ayaa shalay waxa la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa iyada oo uu Gudoomiyaha maxkamada G/Maroodi-jeex uu iska diiday dhageysiga dacwada lagu soo eedeyay xildhibaanka. Guddoomiyaha Maxkamada G/Maroodi-jeex, Cabdi Qawdhan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool aan xarigiisa loo marin sifo sharci, isagoona ka dhawaajiyey in xildhibaanka lasoo xiray isagoo Xasaanadii Xildhibaanimo laga qaadin. Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay dadaal ugu jirtaa siday xasanaada xildhibaanimo uga qaadi laheyd xildhibaan Dhakool, taasi oo ay ku xalaashaneyso xarigiisa sharci-darada ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
AFP Qatar has urged Saudi Arabia to remove “obstacles and restrictions” for its residents wishing to perform the hajj pilgrimage, as the two Gulf neighbours remain locked in a bitter diplomatic dispute. The call late Thursday follows Saudi Arabia, home to Islam’s holiest cities of Mecca and Medina, announcing electronic registration for Qatar residents to allow them to perform the Umrah or minor pilgrimage during the holy month of Ramadan. Qataris and foreign residents of the Gulf state would then be allowed to land at Jeddah or Medina airports, said a statement carried by the official Saudi Press Agency on Tuesday. BARRIERS But Qatar’s National Human Rights Committee said the new measure was “nominal” and insufficient, as air travel remained blocked and the only border post has been shut for almost two years. Its Ministry of Islamic Affairs, meanwhile, called on Saudi authorities “to lift all obstacles and restrictions imposed on Qatari citizens and residents wishing to perform their religious rituals.” ALSO READ Economy will test S.Africa’s Ramaphosa afresh Economy will test S.Africa’s Ramaphosa afresh How money, guns and brides fuel South Sudan’s cattle wars How money, guns and brides fuel South Sudan’s cattle wars ICC’s judgement in doubt over Bashir visit to Jordan ICC’s judgement in doubt over Bashir visit to Jordan Ban the boogie: Juba shuts nightclubs Ban the boogie: Juba shuts nightclubs The travel restrictions mean Qatari religious tour operators are unable to travel to Saudi Arabia to make the necessary arrangements for pilgrims, like other countries, the ministry said. The ministry also called for the removal of “discriminatory” measures against Qataris and residents of the Gulf state. Some 12,000 Qataris performed hajj in September 2016, but months later Saudi Arabia and its allies cut ties with Qatar and imposed a blockade over its alleged support for radical Islamic groups. A few dozen Qatari pilgrims have travelled independently to Saudi Arabia over the past two years, when the Saudis briefly opened the only border post between the two countries for pilgrims. The East African Qaran News
-
Popular Contributors