-
Content Count
208,393 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ma Laga yaabaa, Dhaqanka Socdaa In Uu Sii Kala Erdheeyo Shacabka? Qalinkii Xassan Cumar Hoorri Habeenkii Jimcaha, 11kii May, waxaa uu ku suntan yahay amin lagu bariiqday dastuurkii, lana wiiqay raasalmaalkii dalka oo ahaa nabad, xornimada erayga iyo dimuqraadiyad. Sida la sheegay, ciidamada amnigu waxaa ay gurigiisa ku jebiyeen Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, una taxaabeen xabsiga, isagoo huwan Xasaanad Qaran. Hawlgallada noocan ah oo soo noqnoqday, dhibbanayaashu waxaa ay ku doodaan in lagaga baaqsan lahaa yeedhmo keliya oo uga timaada hay’adaha nabadgelyo. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, waxaa uu sheegay Xildhibaanka in lagu soo eedeeyay cabbiraadda ra’yigiisa. Qabashadiisa, sidii loogu weeraray qoyskiisa hortiisa, iyo isku dayga Sabtidii lagu horgeeyay Maxkamadda, si loo xalaashado xadhigiisa, waxaa uu Guddoomiyahu ku asteeyay, gebi ahaan, kuwo baalmarsan dastuurka. Waxaana uu ku ladhay, in la iska hortaagay in uu maxbuuska ku booqdo Taliska Ciidanka Denbi-baadhista, taasoo uu ku tilmaamay qoddob kale oo lagu jebiyay Dastuurka Jamhuuriyadda Somaaliland. Dhawaaqa Guddoomiyahii Barlamaanka oo ah Masuulka Saddexaad ee Qaranka waxaa uu ka marag kacayaa sida sharcigu u fooraro taasoo keentay in ay janjeedhsato taladii qaranku. Waa maxay dawladnimada aan sheegannaa, marka Guddoomiyahii Golaha, askari uu iska hortaago booqashada xildhibaan sharci-darro ku xidhan? Miyaanay jirin cid la xisaabtanta masuuliyiinta sidan ugu takrifalaya awoodda, mise ciddii la xisaabtami lahayd ayaa soo amartay? Mase la garan karaa, dal iyo dibedba, waxyeelada soo gaadhaysa waxii ummaddu ay soo yabyabaysay 30ka sannadood? Sida uu sheegay Janaraal Fooxle, ma erayadi Dhakool oo aan cidna dheg u jalaqsiin ayaa kicin iyo colaad hurinaya, mise xad-gudubkan qof gob ah aanu ku sii joogi karayn? Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska, Jan. Cabdiraxmaan Liibaan “Fooxle” waxaa uu warbaahinta ku faafiyay in ay qabteen Xildhibaan “Dhakool” iyadoo loo cuskaday qoddobada 49 iyo 79 ee Dastuurka JSL. Qoddobadaa, Guddoomiyahu Barlamaanku waxaa uu ku sheegay in ay yahiin kuwo sugaya dhowrsanaanta xildhibaanada. Waxaana caddaatay in ay jaban tahay dacwaddii la soo maleegay markii Maxkamadda Gobolku ka qaban weyday, una qeexday in aanay awood u lahayn dhegaysigeeda. Sidaa ayaana ku cad qoddobada u soo xigtay Janaraal Fooxle, balse, indhahiisu aanay qaban. Qod 49aad: 1. Xildhibaan Qaran looma qaban karo arrin uu golaha soo hor-dhigay ama uu ra’yigiisa ku cabbiray. 2. Waxaa lagu soo eedayn karaa wixii cay ama aflagaado. 3. Iyadoo aan oggolaansho laga helin Golaha, waxaa reebban in lagu fuliyo baadhis, waraysi, qabasho, xidhid ama tallaabo kale oo la xidhiidha ciqaab. 4. Tallaabo ayaa laga qaadi karaa haddii uu faraha ku la jiro fal denbiyeed iyadoo si degdeg ah loo ogeysiinayo Golaha. 5. Waxaa waajib ah in uu Golahu hubsado in ay toosan tahay tallaabada laga qaadayo xildhibaanka. Qod. 79aad: 1. Xildhibaan waxaa lagu oogi karaa dacwad dembi ah haddii la qabto isagoo faraha kula jira faldembiyeed (Flagrante Delicto) uu ku mutaysan karo ugu yaraan saddex sanno oo xadhig ah. Lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo xabsi, ilaa laga xayuubiyo dhawrsanaanta xilka. 2. Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa oogi kara dacwadda lagu eedaynayo ka dib markii ay dhowrsanaanta ka xayuubiyaan saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha. Dhegeysiga dacwadda waxaa awood u Ieh Maxkamadda Sare ee Cadaaladda. Haddaba, dadweynahu waxaa ay isweydiinayaan, sharciga uu xildhibaan Dhakool ku galabsaday dakanaha intaa leeg ee kelifay dastuurka in indhaha laga laliyo. Ma isla sharcigaa ayaa xasaanadda siiyay Siyaasi Ismaaciil “Yare” Aadan, isagoo toddobaadkan madal kaga dhawaaqay Muuse Biixi Cabdi in aanu u aqoonsanayn Madaxweyne? Dhanka kale, Cali Gurey ayaa degelka Facebook soo dhigay aflagaado laga yaqyaqsado. Waxaana uu qoray, ” Xildhibaanku markii uu yimid Hargeysa in uu xaarku ka dareerayay xaglaha. In uu yahay kabo-qaad calooshii u shaqayste ah. Iyo in uu gun yahay.” Haddaba, miyaanay u eekayn, sideedaba, xildhibaanda darfahu, ilaa guddoomiyaha, in aanay lahayn wax xasaanad ah. Balse, xasaanadda dhabta ay tahay tan ay ku tookhayaan Ismaaciil Yare, Janaraal Fooxle iyo Mudane Cali Gurey. Saacado ka dib, Cali gurey waxaa uu qoray in uu rumeysan waayay xadhiga Xildhibaan Dhakool. Waxaana uu raaciyay, “hadalkii Dhakool maaha in mushkilad wayn loo arko. Guddida Anshaxa in loo daayo ayaan qabaa oo raaligelin uu isagu laftiisu ka bixiyo hadalkiisii meel-ka-dhaca iyo aflegaadada ahaa”. Cali kolay xidhig ka dheere ayaa xaalka ka bixinaya. Mise waa ragga laysanka u lahaa? Ladhkan soo kacay, malaha, waxaa uu daarran yahay doodaha “tabliiqi Siyaasadeed” ee ka furmay Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Burco. Dooddu waxaa ay ka tarjumaysa dareenka beelaha darfaha ee haybinaya Somaaliland hanata maanka iyo quluubta dhammaan muwaadiniinta. Waxaana ay sii xoojinaysaa dimuqraadiyaddii, is xurmeyntii, madax-bannaanidii erayga, nabadeyntii iyo is dhexgal la isku calool xaadho. Dad badan ayaa u malaynaya xildhibaan Dhakool in laga raacay safar “Tabliiqi Siyaasadeed” oo uu dhowaan kula saanqaaday Madaxweyne Cali Khaliif Galaydh iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ay ku tageen magaalada Burco. Mise, waxaa jira qorshe qarsoon oo lagu carinayo Beelaha Bariga Fog oo xillagan qoorta soo dhiibtay, kuna taamaya in ay kaa qayb qaataan dhismaha dalkooda. Doodaha socda waxaa u riyaaqay bulshadaa inteed badan. Balse, waxaa jirta tiro ku hawlan in ay dhicisoodo. Ogow, 16 bilood ayaa xukuumadda looga fadhiyay xurmeynta iyo fulinta heshiiska dastuuriga ah ee ay wada galeen Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” iyo Madaxweyne Cali khaliif Galaydh. Heshiiska oo Barlamaanku ansaxiyay waxaa uu dan u yahay dhammaan shacabka Somaaliland. Guuxa iyo dabaylaha soo kacay, waxaa aan ka xusayaa Boqor Cismaan “Buur Madow” oo dhowaan kaga tiraabay Abu Dhabai in xilka laga qaado Guddoomiyaha Barlamaanka loona dhiibo “qof uu xilku dhibayo”. Ma waxaa uu ka wadaa qof Beeshe Dhexe ah? Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna ka digay Barlamaanka in aanu hoggaanka u qaban qof isxanbaar ku yimid. Isna ma daantaa ayuu la rabaa? Xildhibaan Axmed Maxamed Nacnac ayaa isna si adag warbaahinta uga sheegay in uu Madaxweynahu dalka ka qabto kana masaafuriyo Prof. Cali Khaliif iyo Prof Samatar oo uu ku sheegay “Tabliqiyiin meel baas ka socda” oo dalka burburinaya. Isku soo xoore, xukuumadda waxaa xil ka saaran yahay in ay tallaabo adag ka qaado galka dacwadda Xildhibaan “Dhakool”. In lagu oogo waxii uu eed leeyahy, haddii kale, in degdeg loogu soo celiyo sharftiisii iyo xornimadiisii. Ma aan filayo in lagu qancayo in la iska xidho Xildhibaan Xasaanad leh, hadhowna, la iska soo daayo. Haddii eed loo waayo, cadaaladdu waxaa ay ku jirtaa madaxdii godka ku hubsatay, in lagu hubsado halkii ay dhigeen. Haddii kale waxaa ay noqon doonta waddo halaq. Ugu danbeyntii, Xukuumadda Somaaliland waxaa la gudboon in ay ku mintiddo fursadahan muuqda, kuwaasoo haddii ay lumaan, aan soo noqon doonin. Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha JSL waxaa uu shacabku ka sugayaa in uu isu soo jiido dadkii ku kala irdhoobay doorashadii, in uu korkiisa ku soo xanbaaro inta u soo hanqal taagaysa dhismaha Somaaliland inna wada deeqda, iyo in uu isku sii hayo inta badan ee ku jirta xayndaabka dawladnimo. Wax kasta ka horna in uu dalka ka qabto falalka iyo dadka sii kala fogaynaya shacabka. Waxaa aan filayaa in la gaadhay xilligii aan ka kori lahayn milil kor laga dhayo, balse, loo baahan yahay in la dillaaciyo boogta. Sidaa ayay jirtaa dawada iyo daanta Qaranku. Xassan Cumar Hoorri, Machadka Dimuqraadiyadda Geeska Africa (HID), waxaa aad Kala xidhiidhi kartaa hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac Twitter #Horrimania. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland waxaa guud ahaan kusoo dhamaaday Shir looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Madaxda maamul goboleedyadda iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasoo socday Muddo 10 maalmood ah. Shirkaan ayaa markii ugu horreysay waxaa lagu ballamay in looga hadlo Arrimaha doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo Khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda qaarkood. Shirkaan ayaa ka dhashay kulan Nairobi ay ku yeesheen Madaxda maamul goboleedyadda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo ku ballamay in Madaxweyne Dani uu isku yeero Madaxda maamul goboleedyadda iyo Labadda Mas’uul ee ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Inkastoo uu shirkii Garowe kusoo dhamaaday Fashil iyo heshiis la’aan haddana waxaa su’aal ka taagan tahay doorkii ay shirkaasi ka qaateen guul iyo guuldaraba Madaxweynayeyaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. Xubno ka qeyb galay Shirkii Garowe ayaa xaqiijiyay in labadda Madaxweyne aysan door ka qaadan Shirkaasi Arrimihii looga hadlaayay oo dooda ugu badan ay dhexmartay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxda dowladda dhexe. Shan maalmood waxaa shirar gaar ah ku jiray Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug, kuwaasoo looga hadlaayay Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda Jubbaland iyo Galmudug. Markii loo gudbay qodobadda Arrimaha dib u eegista Dastuurka, xeerka doorashooyinka iyo deeqaha beesha Caalamka ay siiso Soomaaliya, waxaa marna dooda ku saabsan qeybahaasi ka qeyb qaadan Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed. Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Madaxweynayeyaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed uu kaga lumay Waqti joogitaanka Magaalada Garowe, islamarkaana ay habooneyd in ka baaqdaan oo ay howlaha kale ee maamulkooda ay qabsaddaan, Maadaama wax walba ay heshiis kula yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Madaxda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shirka kusoo bandhigin baahiyaha ka jira degaanada ay maamulaan, maadaama qaarkoood ay ku jiraan Go’doon oo ay adag in la isku kala gudbo. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa kursiga waxaa geysay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ku bixisay dhaqaalle badan, taasoo xataa sababtay in lasoo xiro shaqsiyaad kula tartamayay kursiga oo looga cabsaday in ay guuleystaan, waxaana jirta in uusan taageero ka heysan Shacabka marka laga reebo dowladda oo kursiga geysay. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo horay dhowr jeer dowladda uga soo horjeestay ayaa lagu kiciyay Khalalaase sababay in Xildhibaanda Hirshabeelle oo Xamar dhaqaallo looga dhiibay in ay ugu hanjabaan in ay xilka ka qaadi doonaan, taasoo markii ugu dambeysay sababtay in hoos yimaado dowladda dhexe si shuruud la’aan ah uuna kasoo baxo Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay labadda Madaxweyne ka hor inta uusan bilaaban Shirka, waxaana labadda Madaxweyne ka muuqatay in aysan sinaba dowladda dhexe aysan ula xisaabtami karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
DUBAI, United Arab Emirates — The United Arab Emirates says that four commercial ships “were subjected to sabotage operations” after false reports circulated in Lebanese and Iranian media outlets saying there had been explosions at one of the nation’s seaports. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib shirkii magaalada Garowe. Madaxweynaha dowled-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku soo Sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo muddo sagaal cisho ah Garoowe u joogey shirkii Wada-tashiga Madaxda dowladda dhexe iyo dowled-gobaled yada ee Soomaaliyeed. Sagootinta weftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowlad Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho asagoo wax natiija ah aan ka soo gaarin shirkii uu la lahaa madaxda dowlad-gobaledyada kaas oo qeyb ka ahaayeen madaxda dowled-gobaledyada, Raiisal wasaaraha iyo gudoomiyaha gobalka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Marka hore ilaahay bisha ramadaan khayrkeeda ha ina siiyo. Waxaan dhagaystay goaanka ay soo saareen golaha wakiilada somaliland maanta 12kii bisha may 2019 ee ku sii daynayaan qabashada xildhibaanka falaagoobay ee dhakool. Gudida golaha wakiiladu waxay soo qaateen qodobka 49 ee dastuurka qaranka somaliland. Qodobku wuxuu ka kooban yahay todoba farqadood. Maaha in aad kala dhex baxdo waxa dooda oo keliya toosinaya ee inaad daristo farqad kasta oo qodobkaa ku jirta. FARQADA 1aad xubin golaha wakiilada loo qaban maayo waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu golaha soo hordhigay ama arimo rayi uu ka dhiibtay. Dhakool ma wuxuu golaha hor keenay 18 may waa maalin madaw mana aqoonsani oo rayi ka dhiibtay kadibna shir jaraaid buu qabtay. Mise shir jaraaid oo xayndaabka somaliland ka baxsan ayuu qabtay oo aan golaha iyo somaliland midna khusayn. gudida joogtadu kama jawaabin laakiin waan ka sugaynaa. Anigu waxaan rumaysnahay wuxuu golaha dhex fadhiyi karaa marka goluhu ku raacsan yahay waxa dhakool aminsan yahay ee uu ka hadlay. FARQADA 2aad waxaa ka reeban xukunkaas faqrada kowaad wixii cay ama aflagaado ah ee xubintu gaysato. Dhakool aflagaado iyo wax ka xun ma gaystay. FARQADA 3aad ma banaana in laga qaado xubinta golaha talaabo baadhitaan ama waraysi ama qabasho ama xidhitaan ama talaabo kale oo ciqaab la xidhiidha iyadoo ogolaasho helo golaha wakiilada mooyaane. GARQADA afraad waxa xubinta talaabo laga qaafi karaa hadii lagu qabto isagoo dambi faraha kula jira. Markaana waxa waajib ah in golaha si degdeg ah loo ogaysiiyo. Markii ciidamada amaanku qabteen waxaa waajib ku ahaa inay golaha markkiba ogaysiiyaan. FARQADA 5aad golaha waxa ku waajib ah inuu hubiyo in talaabada laga qaaday xubintu ay tahay mid toosan. Maanta gudida joogtadu way badheen hadalkii dhakool ee ahaa 18ka may waa maalin madaw oo beelo la xasuuqay. Waxayna ogoladeen inuu golaha ku jiro oo xasaanada loo daayo. Wax talaabo ah oo ay ka qaadeena ma jirto FARQADA 6aad hadii goluhu aanu fadhiyin waxa waajib ah in ogolaashaha talaabada laga qaadayo xubinta laga helo gudida joogtada ah ee golaha wakiilada. Golaha waxa la soo hordhigayaa kal fadhiga xiga Dhakool ma aminsana somiland ma aminsana maalinta xuska 18ka may . Wuxuu ku tilmaamay maalin madaw. Maalin reer gaar ahi leeyahay. Ma sii fadhiyi kara golaha qaranka somaliland leedahay. FARQADA 7aad dacwAdaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa. Golaha wakiilada somaliland waxa igmaday muwaadiiniinta reer somaliland ee aaminsan maalinta qaranka somaliland 18ka may. Dhakool oo aminsan inay maalin madaw tahay in maalin xasuuq tahay, in maalinta dhulka la xaadho tahay ayaa gudida joogtada ah ee golaha wakiilada iyo baashe oo adeer u ah dhakool ogolaadeen inuu xasaanadii loo daayo. Iyagoon wax talaabo ah ka qaadin falkii xumaa ee uu ku kacay dhakool. WA BILAAHI TAWFIIQ Mahdi Roble Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay Injineer Turkish ahaa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen Soomaali ku sugneyd goobta. Qaraxa ayaa ahaa nooca Dhejiska waxaana lagu xiray gaari HILUX ah oo uu watay Injineer Turki ah, iyadoo si gaar ah gaariga ugu qarxay ka soo horjeedka Jaamacada City ee Magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayey ku sheegtay in ninka la dilay uusan ahayn Ijineer balse uu ahaa sarkaal ciidan oo ka howl-gali jiray saldhigga Turkiga. “Al-Shabaab ayaa qarax ku dilay sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga oo ka howlgelayay saldhigga Meleteri ee Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri qoraalka. Injineerka Turkiga oo dhaawac ahaan goobta looga qaaday, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Turkidu Maamulaan ee Digfeer, halkaas oo xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay. Al-Shabaab ayaa sababta ay u beegsatay injineerka ku sheegtay inuu ka mid ahaa saraakiisha saldhigga milatari, hase yeeshee ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya in Injineerku uu ahaa ciidamo. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay bartilmaameydsan doonaan saraakiisha kale ee u dhashay dalka Turkiga kuwaasi oo ku sugan magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka Al Shabaab. Al-Shabaab ayaa ku eedeysay dowladda Turkey inay qeyb ka yihiin dowlado ay sheegeen inay duulaan ku yihiin dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The Turkish Embassy in Mogadishu says a Turkish citizen was killed Sunday following an explosion near the city’s busy K-4 junction. Source: Hiiraan Online
-
Madaweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdillahi Deni ayaa xeer madaxweyne ku magacaabay Afhayeenka Madaxtooda Punland. Madaxweynaha ayaa u macaabay Jaamac Yuusuf Jaamac( Dabaraani) inuu noqdo Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Putnland. Maxwenaha ayaa magacaabistaan u cuskaday xeerka Numbarkiisu yahay Lr may 12 2019 waxa uu afhayeenka Maxtooyada dowladda Putnland loo magacaabay Maxaweynaha dowladda Putnland. Markii uu arkay dastuurka dowladda Putnland . Markii uu tixgaliyay aqoonsigiisa khibradda uu leeyahay shaqo. waxuu xeeriyay. 1 waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac( Dabaraani) inuu noqdo Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Putnland 2 Xeerkaan waxa uu dhaqabn galayaa markuu madaxweynu saxiixo waa uuna saxiixay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa muddo 6 sano xaalad go’doon ah ku haya degmooyin ka tirsan Gobalada Bay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya, kadib markii laga saaray degmooyinka Gobaladaasi. Si lamid ah Dowladda Soomaaliya ayaa xaalad go’doon ah gelisay magaalada Muqdisho muddo dhowr bil ka hor kadib markii ay u xaal waysay amaanka Gobalka Banaadir. Al-Shabaab ayaa u diiday degmooyinka ay go’doomiyeen ee Bay iyo Bakool in ay gashay Maciishadda Qutul daruuriga ah iyo adeegyada kale ee Gobaladaasi looga baahanyahay, halka Dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho u diiday in ay soo gasho Qudaarta, Maciishadda Qutul daruuriga ah iyo adeegyada kale ee ka soo daga Dekadda Muqdisho, kuwaas oo markii ay soo dagaan aan isaga gudbi karin magaalada. Al-Shabaab adeegyada ama hantidada Ganacsatada ee sida dhuumaalaysiga ah ay ku soo geliayaan degaanada go’doonka saaraan waa ka gubaan hantidooda, halka Dowladda Soomaaliya ay dib ugu celiso ama ku baakinta goobta go’doonka ka bilaawdo waxaana halkaasi ku halaaba hantidii Ganacsatada Soomaaliyeed. Al-Shabaab dadka ku nool Gobaladaasi waxay u diideen in ay la geeyo Dawooyin iyo qalabka Caafimaadka, halka Dowladda ay wadooyinka ka xiratay una diiday dhaq-dhaqaaq dadka Xanuunsan, Dumarka Foolanaya iyo Ardayda Waxbarashada ee Gobalka Banaadir. Al-Shabaab dadka ku nool degaanada Bay iyo Bakool iyo Gaadiidka halkaasi ka shaqeeya waxay ka qaadaan wax ay ugu yeereen Zakawaad, halka Dowladda Soomaaliya ay Canshuur ka qaado dadweynaha magaalada Muqdisho. Al-Shabaab dadka ay ka qaadaan waxa ay ugu yeeraan Zakawaad kuma celiyaan laakiin waxay ugu badalaan in hantidooda loo adeegsado Qaraxyo, dilal iyo dagaalo, halka Dowladda Soomaaliya Canshuurta ay dadweynaha ka qaado u adeegsato bixinta adeegyadeeda sida Mushaaraadka Ciidamadii Shacabka wadooyinka ka xiri lahaa. Al-Shabaab dadka ay Ciidamadooda dilaan ma marsiiyaan Xukun Cadaalad ah waana sii daayaan dembiilayaasha dadka Shacabka ah dila markii ay ka raadinayaan Zakawaadka ama adeegyo kale, halka Dowladda Soomaaliya Ciidamada Booliiska dadka ay dilaan aysan Cadaaalad marsiinin markii ay Shacabka dilaan. Al-Shabaab dadka waxay ka qaadaan lacag aysan awoodin laakiin uguma badalaan adeegyo Bulsho, halka Dowladda Soomaaliya ay dadweynaha ka qaado Canshuur mana jirto wax adeeg Bulsho ah loogu badalo Canshuurtooda. Al-Shabaab dadka waa dilaan, waana qarxiyaan, halka Dowladda Soomaaliya ay aad u yar-yihiin dilalka ay Ciidamada fuliyaan markii loo eego Al-Shabaab mana jirto wax qaraxyo ah oo fuliyaan Ciidamada dowladda oo la ogyahay. Al-Shabaab dadka ka aragti duwan waxay ugu yeeraan Murtad, Gaal iyo waxyaabo kale waana dilaan, halka Dowladda kuwa ka aragti duwan ugu yeerto Qaran dumis, Qabiiliiste mararka qaarna waa xiraan waana la handadaa iyagoo u adeegsanaya Mucaarad. Isbar bar dhigaan ma’ahan inaa isku mid ka dhigayn Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Laakiin waxaan ka eegeynaa xaaladaha qaar ee dhanka maamul. Dowladda Soomaaliya waa nimaadka kaliya oo ay heshiis ku yihiin Umadda Soomaaliyeed aduunyada aqoonsantahay, hadii si fiican loo adeegsado waxay dan ugu jirta muwaadin kasta oo Soomaaliyeed hayeeshee hadda waddo sax ah cagta masaarin Xukuumadda maanta jirta. W/Q: Cabdiraxmaan Cali Ducaale Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Munaasabad ay sooo qabanqaabisay hayadda Hormuud Telecom Foundation oo lagu qabtay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa kun Carruur oo agoon ah waxa lagu guddoonsiiyey kaalmo loogu talagalay in qoysaska carruurtaasi ay u kaashadaan Afruka iyo ciidda. Cabdullaahi Nuur Cismaan guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in Lacagta loo qaybiyey carruurtan agoonta ah ay dhan tahay $100.000 (Boqol kun oo dollar) taas oo ah in Agoon kasta la siiyey $100 (Boqol Dollar) Cabdullaahi Nuur ayaa sidoo kale ka sheegay munaasabadda ay HTF ku daahfurtay Kaalmadan in caawinta carruurta agoonta ah ay tahay waajib bulsho oo weyn isaga oo xusay in Carruur badan oo agoon Soomaaliyeed ah ay u baahan yihiin caawin iyo garab istaag mar haddii ay waayeen aabeyaashood ayna ku bannaanaatay kaalin weyn. Maamulaha Xarunta Hormuud KM5 Cabdi Cali Maxamed oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay Hormuud Telecom ay weligeed caan ku eheed Saddaqada & kaalmeynta kuwa u baahan. Agoontaan oo laga soo kala xulay 21 Jamciyadood, ayaa ahaa Carruur aad u da’ yar, qoysaskooda iyo Jamciyadaha gacanta ku haya agoonta oo joogay munaasabadda ayaa Hormuud Telecom Foundation uga mahad celiyey Deeqdan iyagoo sheegay in caawintani ay kaalin wax ku ool ka qaadan doonto Afurka iyo farxadda ciidda ee carruurta agoonta ah ee helay kaalmadan. Qoysaska agoonta maanta guddoontay lacagta kaalmaada ah ee Hormuud Telecom Foundation oo kahadlay xafladda caawinta Kun Agoon ayaa sheegay in ay lacagta la siiyey ka caawin doonto Afurka iyo farxadda ciidda taas oo ay sheegeen in ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee ay hadda ka welwelsan yihiin qoysaska haysta carruurta agoonta ah oo ay yartahay cid caawisa. Hormuud Telecom Foundation ayaa waayadanba soo wadey Kaalmaha ay u fidineyso Dadka u baahan kaalmada, waxaana ugu dambeysay Deeqihii ay gaarsiiyeen Xabsiga Dhexe & Naafada Ciidanka Xoogga ee deggan Isbitaal Martiini.
-
Saraynta sharicgu wax kaleba maha waa in Muwaadinka u sareeya ilaa Madaxweynaha loo simanyahay sharciga. Waxaa maanta cad in Dastuurkii inaga dhaxeeyay uu jabay oo si cad ay u jabisay Waaxdii Fulinta oo Madaxweynuhu hoggaaminaayo, anigu ka hadli maayo hadalkii Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool ee 18-ka May, kuma raacsani oo maalin Qaran ayaan anigu u aqoonsanahay, lakiin Xildhibaanku rayi ayuu leeyahay Waddan Dimuquraadi ah ayuu Xubin Baarlamaan ka yahay hadduu dood qabo iyo ciddii kale ee rayi qabtaba in la qanciyo amma lala doodo nidaamka aynu qaadanay ayaa wajibinaaya.. Xadhiga Xildhibaanka sidii loo maray, sifaha ilaa hadda lagu hayo Xabsiga iyo horgayntii Maxkamadda isagoo ka tinadaysan intuba waa Dastuur-jabin cad oo badheedha Golaha Wakiilada oo Guddida joogtada ahi matalaysaana maanta ayay cadeeyeen, waxa haddaba taas ka ratibmaaya Madaxweynaha oo amarka bixiyay in maamus ka xayuubin lagu soo oogo marka Golaha Wakiiladu kalfadhigiisu furmo kadibna uu nasiibkiisa ka qaado. Midha qudha ee saraynta sharciga soo celinaysa waa taas haddii saraynta sharcigu jiro weeye, haday sidaa ahaan waydo ma nihin Waddan Dimuquraadi ah waxaynu nahay Xukun Millatari ah, suurto galna maha in Dalku doorashooyin galo iyadoo sidan Dastuurkii loo laabay, miyaa ummadda laysku dilayaa haddii aanay shuruucdii taalay ee Madaxweynuhu Madaxweyne ku aha, ee Baarlamaanku sharci dajin ku aha ee Maxkamaduhu inoogu dhisnayeen haddii aan kii lagu dhaqmayn taasi waa anaa ka xoogwayn marka wixii inoo yaalay way laab mayaan.. Wa-bilalahi Tawfiiq.. Muniir Axmed Cigaal Sweden Qaran News
-
Muqdisho ( SMN)Halkaan Kala soco Jadwalka Isku Aadka Tartan Aqooneedka Shabelle ee Hreerka Group-yada. Jadwalka Tartanka Bisha Barakeysan Ramadaan ee Shabelle. Group A 2 Ramadaan Baraawe VS Kaxda 3 Ramadaan Hodan Vs H/Wadaag 10 Ramadaan Baraawe VS Hodan 11 Ramadaan Kaxda Vs H/Wadaag 18 Ramadaan Baraawe VS Howlwadaag 19 Ramadaan Kaxda VS Hodan Group B 4 Ramadaan Dharkeynley VS Wanlaweyn 5 Ramadaan X/Weyne VS Wardhiigleey 12 Ramadaan Dharkeynley VS X/Weyne 13 Ramadaan Wanlaweyn VS Wardhiigleey 20 Ramadaan Dharkeynleey VS Wardhiigleey 21 X/Weyne Vs Wanlaweyn Group C 6 Ramadaan Shibis VS Bargaan 7 Ramadaan Wadajir VS Waaberi 14 Ramadaan Shibis VS Wadajir 15 Ramadaan Bargaan VS Waaberi 22 Ramadaan Shibis VS Waaberi 23 Ramadaab Bargaan Vs Wadajir Group D 8 Ramadaan Cabdicasiis vs X/Jajab 9 Ramadaan Afgooye VS Kaaraan 16 Ramadaan Cabdicasiis VS Afgooye 17 Ramadaan X/Jajab VS Kaaraan 24 Ramadaan Cabdicasiis VS Kaaraan 25 Ramadaan Afgooye VS X/Jajab View the full article
-
Munaasabad ay sooo qabanqaabisay hayadda Hormuud Telecom Foundation oo lagu qabtay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho ayaa kun Carruur oo agoon ah waxa lagu guddoonsiiyey kaalmo loogu talagalay in qoysaska carruurtaasi ay u kaashadaan Afruka iyo ciidda. Cabdullaahi Nuur Cismaan guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in Lacagta loo qaybiyey carruurtan agoonta ah ay dhan tahay $100.000 (Boqol kun oo dollar) taas oo ah in Agoon kasta la siiyey $100 (Boqol Dollar) Cabdullaahi Nuur ayaa sidoo kale ka sheegay munaasabadda ay HTF ku daahfurtay Kaalmadan in caawinta carruurta agoonta ah ay tahay waajib bulsho oo weyn isaga oo xusay in Carruur badan oo agoon Soomaaliyeed ah ay u baahan yihiin caawin iyo garab istaag mar haddii ay waayeen aabeyaashood ayna ku bannaanaatay kaalin weyn. Maamulaha Xarunta Hormuud KM5 Cabdi Cali Maxamed oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay Hormuud Telecom ay weligeed caan ku eheed Saddaqada & kaalmeynta kuwa u baahan. Agoontaan oo laga soo kala xulay 21 Jamciyadood, ayaa ahaa Carruur aad u da’ yar, qoysaskooda iyo Jamciyadaha gacanta ku haya agoonta oo joogay munaasabadda ayaa Hormuud Telecom Foundation uga mahad celiyey Deeqdan iyagoo sheegay in caawintani ay kaalin wax ku ool ka qaadan doonto Afurka iyo farxadda ciidda ee carruurta agoonta ah ee helay kaalmadan. Qoysaska agoonta maanta guddoontay lacagta kaalmaada ah ee Hormuud Telecom Foundation oo kahadlay xafladda caawinta Kun Agoon ayaa sheegay in ay lacagta la siiyey ka caawin doonto Afurka iyo farxadda ciidda taas oo ay sheegeen in ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee ay hadda ka welwelsan yihiin qoysaska haysta carruurta agoonta ah oo ay yartahay cid caawisa. Hormuud Telecom Foundation ayaa waayadanba soo wadey Kaalmaha ay u fidineyso Dadka u baahan kaalmada, waxaana ugu dambeysay Deeqihii ay gaarsiiyeen Xabsiga Dhexe & Naafada Ciidanka Xoogga ee deggan Isbitaal Martiini. View the full article
-
Arinka iga soo maray dowladda Maraykanku maaha mid lagu soo Koobi karo qoraalkan, waayo waa Arrin soo jiitamayay 16 sano iyo 8 bilood, sagaal sano oo ka midana aan ku jiray liiska Xayiraadda Duulimaadka.Cinwaanka maqaalkan ayaan ka qaatay talo uu i siiyay barafosoor aanu saaxiib nahay oo igula taliyay inaan u bixiyo buug aan ka qoro qisadayda, waxa kale oo taladan i siiyay qareen ka mida qareenadayada oo isna yidhi qisadaadu waxay mudan tahay in buug laga qoro. Calaa ayati xaal waa sheeko dheer oo ku dawinan kumanaan xaashiyo oo laga qoray dacwadda uu Maraykanku ila maganaa si la iigu rido xabsi aan ku dhammaysto inta nolosha iiga hadhay, waa sheeko warinaysa sidaanu ugu dhabar adaygnay dagaal arxan daran oon kala go’ lahayn oo ay hayado dhowra oo Maraykani nagu qaadeen , laakiin ay ku fashilmeen, anagana Ilaahay na sugay, nagana badbaadiyay inaanu diintayada ku iibsano doolaro iyo raaxada gaaban ee dunida, Taa macnaheedu maaha inay arrimhu sahlanaayeen, waxay ahaayeen maalmo qadhaadh oo naga soo saaray cirada gadhkayga ka muuqata, laakiin wax walba waa rakhiis Ilaahay dartii, muslinkuna mar walba wuxuu beegsanayaa waa liibaanta aakhiro iyo raaxada janada ee waaraysa, Ilaahay ayaan ku mahadinayaa inuu i sugay , iguna kaalmeeyay xasilooni iimaaniya oon ku waajahay dowladda dunida ugu xoog badan oo si walba iskugu dayday inay i liiciso iskuna dhiibo, iyadoo adeegsanaysa hanjabaad, cabsiin iyo cadaadis nafsaaniya. Waxase Ilaahay mahaddii ah in kuwii muddaadaa dulmiga nagu hayay ay iyagu maanta isku madheen, Ilaahayna isku diray kuna salliday Taraam oo sumcaddii FBI da cagta mariyay ! Waxaan si kooban u dul mari doonaa waxyaabo akhlaaq darro ah oo ka mida sida Maraykanku iskugu dayay inuu ii sameeyo dambiyo laygu maxkamdeeyo , layna galiyo xabsi dheer. 1-Inay ku andacoodeen inaan anigu u fatwooday, lacagna u ururiyay, jamaacada na duco uga dalbay todoba qof oo ay dowladdu ku andcootay inay rabeen inay galaan Afqaanistaan sanadkii 2002 , inakstoo lix dadkaa ka mida la maxkamdeeyay kuwa ugu xabsi dheeraan lagu xukumay 18 sano, haddana dowladda Maraykanku waxay si fool xun ugu fashilantay inay arrinkan igu maxkamdeeyaan, laba ka mida oo ay u soo bandhigeen ina laga khafiifiyo xuklunka 18 sano ah haddii ay igu furaan markhaati labaduba way diideen, waxay ka doorteen xabsigaa dheer oo midkood soo dhamaystay.Waxay ahayd dhirbaaxo weyn oo ku dhacday xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Oregon iyo shaqaalihiisa daalimiinta ah. 2. Maraykanku wuxuu doonay inuu igu soo oogo dacwado mid walba ciqaabteedu gaadhayso tobonaan sano, wayse ku fashilmeen. 3. Waxa la isku dayay in loo hanjbao dad laga dalbay inay markhaati beena igu furaan, waxa ka mid ahaa laba walaal oo midna Marookaan midna Falastiini ah oo markay diideen laga qaaday kaadhka degenaasha (green card), midkood xabsiga ayuu iga soo wacay (collect call) wuxuu ii sheegay inay ku yidhaahdeen Kaariye been ka sheeg ama kaadhkaa lagaa qaadayaa wuxuu doortay inaanu been ka sheegin walaal muslina, labadoodaba Waa la mustaafiriyay, waxaan Allaah uga baryayaa inuu adduunka ku siiyo nolol wanaagsan aakhirana ku arsaaqo janatul firdowsa. 4. Nin kale oo carabana waxay u soo badhigeen inay siinayaan jinsiyadda Maraykanka hadduu been iga sheeo isna wuu ku diiday. 5. Maraykanku wuxuu isticmaalay dowlad kale si ay u helaan markhaati beena oo la igu maxkamadeeyo, qof muslina oo soo islaamay ayaa lagu sameeyay Jidh dil, laakiin walaalkaasi siduu ku sheegay waraysi ay ka qaaday warbaahinta dalka Iswiidhan, kuna qoran dacwad uu ka dhiibay dowladda Maraykanka wuu diiday inuu sheekhiisa been ka sheego, Allaah ayaan ka baryayaa inuu kuwii jidh dilay ku cadaabo naarta jahannamo. 6. Walaal Soomaaliya oo wax ka baranayay dal carbeeed ayay ugu tageen dalkuu joogay, kana waraysteen aniga iyo laba sheekh oo soomaaliya oo caana kana mida kuwa ay Soomaalidu aad u dhagaysto duruustooda, waxayna ka dalbeen inuu jaasuus u noqdo, laakiin wuu ka diiday, kamana qarin inuu I yaqaano, saaxiibna nahay, markiiba waxay u sheegeen in lagu daray dadka aan ku safari karayn hawada Maraykanka, Kanada ayuu is yidhi soo gal, deetana diyaaraddii uu la socday ayaa qasab lagu fadhiisiyay, ninkii Waxaa oo dhan lagu sameeyay muddo gaaban ka dib ayay soo daayeen, soo riwaayad maaha. 7. Basaas u dhashay dalka Masar ayay ii soo direen oo muddo ka hawl galay masaajidka aan imaamka ka ahaa, laakiin way ku fashilmeen, wuxuu iska dhigay inuu ka ganacsado hubka lacag jabana igaga iibinayo qore, waan ka diiday, sidoo kale waxaan u sheegay in intaan Maraykan joogay qori iyo bastoolad midna u iibsan xitaa si sharciya, taqriiban wiig ka dib ayuu igu soo noqday isagoo leh dhul weyn ayaan leeyahay ee aynu ku soo dhoogtano waan ku diiday, .Waxa cajiiba in ay basaaskan ugu ballan qaadeen inay ka cafiyiyaan dambiyo daroogo ah oo ay ku haysteen hadduu na basaaso, muuddo ka dib ayuu farriimo kaga tagay telefonka masaajidka, wuxuu a sheegay in lagu qasbay inuu aniga been iga sheego, bal eeg akhlaaq xumida hayadaha dambi baadhka Maraykanka, kuwaasi ayaa sheeganaya inay nadiif yihiin. 8. Tan baa ugu daran ee bal iyadana eeg, taqriiban 2003 ayaa maalin ka dib markaan akhriyay khudbaddii jimcaha ayaa waxa I salaamay nin caraba oo isku sheegay Hishaam Abuu Zubayda, wuxuu ii raaciyay inuu yahay Abuu Zubayda walaalkii, markiiba waan iskaga dhaqaaqay, dareemayna inay wax qaldan yihiin, waayo abuu Zubayda waa ninkii koowaad ee ka mida Qaaciidada ee Maraykanku ku qabteen Baakistaan qaraxyadii 2001 ka bacdi, warkiisana aad iyo aad loogu sheegayay warbaahinta caalamka. Muddo ka bacdi ayuu Hishaam afka furtay markay dowladdu ka baxday ballamihii ay u qaaday oo ay ka mid ahady inay siiyaan kaadhka degenaanshaha, wuxuu tafaasiil mug leh ka bixiyay siday FBI ugu soo dirtay inuu aniga iyo masaajidka basaaso, laakiin uu u caddeeyay in waxay u sheegeen been iyo masabid tahay, intuu uu na basaasayayna arkay in maadjidku aanu ahayn xero lagu tababaro mujahidiin, lacagna looga ururin. 9. Taqriiban 17 sano ayay dowladda dunida ugu weyni ku fashilantay inay igu hesho dambiyaday doonaysay oo ciqaabtoodu gaadhayso xabsi daayim iyo madaxaa ha ku furto, bal adba caqli baad leedahay fahan ammuurtan. 10. Shaki kuma jiro in fashilkan ku hoobtay hayadaha igu daba jiray fadeexadeeyay saraakiil sar sare oo is lahaa sallaanka dallacaada ku kora inaad maxkamdaysaan ina Kaariye, sidaa awgeed ayuu isku casilay madaxii FBI ee gobolka Oregon Jaarles maasiyoo oo ahaa ninkii bilaabay kayskayga. Waxana dhaba inuu arrinku isku baddelay shakhsi (personal) iyo aargoosi. 10. Baadhitaankan waxa lagu bixiyay malaayiin doolaro ah oo laga khasaariyay lacagta dadweynaha ee cashuurta ay bixiyaan lagu shaqo galiyo shaqaalah dowladda ee ay ka mid yihiin FBI du. 11. Waxa laga qoray kumaanaan qormooyin iyo warbixino, waxa laga duubay boqolaal saacadood oo coda oo iskugu jira hadalo si qarsoon la iiga duubay, khudbadahayga jimcaha iyo duruustayda. 12. Baadhitaankan jinsiyadda waxa ka qayb qaatay hayado dhowra, waxa uu si toosa u horyaalay xubno sare oo ka mida wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka (haddayba caddalad yaqaanaan) waxana gacanta ku hayay afar sarkaal oo fadhiya caasimadda Waashington, in kastoo kii bilaabay ka baxay sababo caafimaad oo aad u daran awgeed siday noo sheegeen. 13. Siduu yidhi qareenka caanka ah ee Stanley Cohen, dowladda Maraykanku waa “seven hundred bounds gorilla” oo macanheedu yahay gorille todoba boqol oo rodol ah oo laabta kaaga fadhiya, hanti iyo awoodba waxay u leeyihiin inay ku bixiyaan dagaalka qaanuuniga ee ay kula jiraan culimada iyo hogaanada muslinka ee ay ku asteeyaa waxay ula baxeen argagxisada iyo xagjirka diiniga ah. Ma anigaa been sheegay mise iyagaa been sheegay? Wargeys cunsuriya oo ka soo baxa magaladaan degaanaa ayaa qoray inaan xog qaldan siiyay marykanka markaan qaadanayay jinsiyaddooda, saxafiga qoray waa mid ku talax tagay muslim nacayb, se waxa dhaba in warkiisu yahay hal bacaad lagu dhisay oon ka qaawan xujo iyo daliil, arrinka saxina waa sidan: Warqadda codsiga ee jinsiyadda waxa ku yaal qodob odhanaya hore ma laguu xidhay inaad jabisay sharci dowladeed, jawaabtaan bixiyay waxay ahayd maya inkastoo sanadkii 1993 laygu xidhay dalka Baakistaan, sababtuna waxay ahayd in gardarro la ii xidhay, bal xidhataankayga uu ku yimid sidaan is leeyahay amar ay dowladda Maraykanku siisay dowladda Baakistaan oo ahaa in xabsiyada loo taxaabo dhalinyaradii muslinka ee ku noolayd magaalada Biishaawar. Si islaamnimada ka baxsan ayaa loo raafay, aniga iyo inan aljeeriyaana ayaa isku raacnay xafiiska socdaalka si aanu u qaadano warqadda bixitaanka, way diideen inay fiisaha noo kordhiyaa iyo inay noo ogolaadaan inay na siiyaan bixitaan midna, waxay markiiba noo taxaabeen saldhiga boliiska oonu habeen u hoyanay iyagoo na siin furaash iyo gogol midna, aroortii ayaa noloo taxaabay xabsi uu gumaystihii Ingiriisku dhisay, waxayn na galiyeen hool weyn oo ay ku jiraan 110 maxbuus iyagoon na sii gogol, laakiin maxaabiista qaarkood ayaa noogu deeqay gogol, Msulin waa Muslin ,Ilaahay ha ka abaal mariyo. Walaal xaafidul Qur’aan oo Urduniya ay noo dadaalay , laakiin wuxuu noo sheegay in qaadiga maxkamadda la siiyo lacag si laguu keeno maxkamadda, haddii kale halkaasi ayaad waligaa ku jiraysaa, lacagtii ayay siiyeen , maxkamadii sharci darrada ahayd iyo qaadigii daalimka ahaa ayaa lay hor keenay wuxuuna igu xukumay mustaafiris. Bal ii sheeg sharciga dowladeed een jabiyay ee laygu xidhay, amar Maraykna ayaa laaygu xidhay waxayna doonayaan inaan jabiyay qaanuunkii, iyagaa qaanuunka mar walba jabiya oo soo fara galiya afaarha iyo amuuraha dowladaha iyo shucuubta ay u xoog sheegtaan Sidaa awgeed ayaan ilaa iminka rumaysanahay inaan runta sheegay markaan qodobkaa kaga jawaabay maya. Tusaale kale, magaaladan Hargeysa een Joogo waxa sanadkii 1978 laygu xidhay saldhiga booloska ee ku yaala badhtamaha magaalada, waxaan ahayn dhalinyaradii Waxdada oo sirdoonkii Nabad Sugidda loo yaqaanay soo taxaabay, waxa habeen saqbadhkii naloo wareejiyay xaruntii nabad sugidda ee ku taalay dhakhtarka gadaashiisa ee dhinaca shacabka, iyadoo ay dhaxan tahay oonu xidhanahay dhar khafiifa ayaa inta nala fiigay oo gacmaha iyo luguha laysku xidhay, oo waliba qoryo nala dul joogo ayaa biyo qobow korka nagala shubay. Hogaankii sirdoonku wuxuu yidhi ” Waxaad ku dhacdeen dambiyo khatar ku ah badbaadada Qaranka, oo waxaad xubno ka tihiin urur qarsoodiyada, waxay isku dayeen inaanu qirano dambiga ay sheegayaan, laakiin waanu ku gacmo saydhnay. Haddaba ma lagu doodi karaa xabsiga Hargeysana waa qariyay, jawaabtu waa maya, waayo dee umaaan haysan iminkana uma haysto inaan shacri xalaala jabiyay, runtuna waxay tahay kuwii na xidhay ee dhibta u gaystay inamo yar yar oon labaatan jirba gaadhin ee ku haystay diin baad barataan ayaa sharciga jabiyay!! Gumaystuhu siduu doonuu u qeexaa shaciga iyo qaanuunka, ninka la gumaysanayo ee xaqiisa rabaana si xalaala ayuu sharciga u fasiraa, sidaa awgeed waxaan leeyahay iyagaa beenalayaal. Anaa dalbay inaan Jinsiyaadda u celiyo 1- Siday dowladdu ogtahay , qareenkayguna markhaati ka yahay anigaa dalbay inaan jinsiyadda iska celiyo, qareenadayda oo dhami waxay igula taliyeen ha celin, qaadiga laftiisu wuxuu yidhi maxaad uga tanaazuylaysaa jinsiyaddaada, saxiibo badan ayaa sidaa igula taliyay, laakiin naftaya iyo damiirkayga ayaa sidaa murtaax ku ahaa. Qaanuunka Maraykanku wuxuu dhigayaa ina qofna jinsiyaddiisa celin karain isagoo Maraykan dhex jooga, sidaa awgeed la iima ogolayn safarka diyaaradda, dalka Kanada way diideen inaan dalkooda soo galo ilaa aanu Maraykanka kala baxno, inaan Markab ku safro iyo inaan Mexico sii maro labadaba qreenka ayaa ka dayriyay oo yidhi si aamusan ayaa lagaaga takhulusi doonaa. 3- Qaabka kaliya ee ii furnaa waxa weeyi inay iyagu la noqdaan aniguna aan taasi ogolaado, dacwadna ka keenin, sidaasi ayaa ku qoran heshiiska . 4- Haddii kayskoodu xoog leeyahay maxay u ogolaadeen inaan ku safro baasaboorkooda oon iminka gacanta ku hayo una dirayo. 5- Waxa gacanta iigu jira oon isna u dirayaa warqad la yidhaa “Record of Abandonment of Lawful Permanent Resident Status” oon saxeexay 5/8/2019 anigoo joogay Hargeysa. 6- Taasi macnaheedu waa inaan anigu si xor oo ikhtiyaara uga tanaazulau oon celiyay “Degenaashaha Sharciga ah”. 7 Ugu dambayn markaanu dhammaysanay heshiiska ka hor intaan la saxeexin ayuu qareenka dowladdu soo codsaday in heshiiska lagu daro qodobkan “this agreement is in a favor of the United States of America and against Mr. Kariye”, waan ku gacan saydhay oon diiday, sidii ayay uga saareen, kuna ogolaadeen. 8- Maxay dowlaadu u ogalaatay waxyaabo badan oo muujinaya inuu kayskeedu jilicsan yahay, dadka qaanuunka darsaana soo faqi doonaa tooshna ku iftiimin doonaan. In badan ayaan is weydiinaya, talow ma saraakiil sar sare ayaa qaanuunka jabisay intay ku dhex jireen baadhitaankayga oo iyagaa la qarinayaa, sidaana ay ugu degdegayeen inaan sidii ugu dhaksaha badan uga tanaazulo jisiyadda. Mise qorsho kale ayay ila damacsan yihiin hadda. Gabagabo 1- Kollay dowladdu ku farximayso qoraalkan, runtiina waxa talo la igu siiyay inaanu sidaa ku kala khaatumaysano Maraykan, laakiin waa waajib inuu Muslinku gartiisa sheegto, waxaan is idhi gartaad ka wayday maxkamadaha Maraykan ku naqso baraha bulshada, walaaladaana la wadaag xaqiiqada jirta ee warbaahinta Maraykanka iyo dabadhilfkooda soomaalidu ka been sheegeen. 2- 17kaa sano een la soo tacaalay dhibta ay ii gaysatay dowladda Maraykanka waxaan u arkaa camal suuban oon rajaynayo inuu Ilaahay iigu cusleeyo miisaanka xasanaatka maalinta qiyaamaha. 3. Kama murugoonayo wixii i soo maray, haddii maanta laygu baddeli lahaa malaayiin doolaro ah iyo raaxda adduunkana (Ilaahay baan ku dhaartee ) kumaan beddesheen, hadday rag raasamaal adduunyo urursadeen oo faraqa ka buuxsadeen, anigana waa kan raasamaalkaygu oon Rabbigay ka baryayo inaan abaalkiisa ku helo janatul Firdowsa iyo Raalidiisa, rajo weyna baan ka qabaa Rabigay. 4.koollay cimriga intii tagtay ayaa ka badan inta hadhaye , Waxaan Rabi ka baryayaa inuu i sugo inta hadhay, iguna arsaaqo khaatimada aan hadh iyo habeenba ka baryo. 6. Waxaan qalbiga iyo carrabkaba uga mahad celinayaa walaalaha daafaha dunida ku kala nool ee sida walaaltinimada ah ii taageeray iguna soo harqiyay weedhaha qalbiga xoojinaya caziimadana dhisaya. 7. Sidaan ku sheegay khudbad jimce oon sanadkii 2008 kii ka akhriyay masaajidka weyn ee Abubakar Assidiiq ee magaalada Miyanaabolis, kuna sheegay khudbado dhowra oon ka akhriyay masaajidkaan imaamkaa ka ahaa,waxaan wali leeyhay msulimiinta iyo dhalinyarda ku nool Maraykan iyo Galbeedkuba ogaada inaad dhulkaa ku joogtaan cahdi iyo ballan, oo ayna idiin banaanayn inaad wax yeeshaan dadka aad la nooshihiin ee gaalada ah, iyagaa ammaan iyo nabad idin siiyay ee ha ka bixina ballantaa aad la gasheen, hadalkani nagama aha munaafaqo ee waa mowqifka fiqiga ah ee saxa . 8-Diintiina iyo astaan ummadeedkiina ilaashada oo ku fara adayga caqiidadiina, iskana ilaaliya siyaabaha lagu beddelayo asalada caqiidadiina iyo arkaanta diintiina. 9. Qof walba oo muslina waan saamaxay, mooyaana gaalo raaca na basaasayay iyagoo salaadda nagu daba tukanaya, khudbadaha jimcaha nala soo xaadiriya, waxaan ku leeyahay Allaah ayaa idin hoojiyay, aakhirna waxa inoo ballana Ilaahay hortiisa. 10. Kuwii na jirabay ee na dulmiyay ee ka mida dowladda Maraykanka waxaan iyagana ku leeyahay, Maxkamadda Ilaahay ee caadilka ah ayaan inoo ballana maalinta qiyaamha idinkoo ka qaawan xoogga aad maanta sheeganaysaan, waxaanan hubaa in kuwo badan oo idinka mida ama dhamaantiinba aad inta nolosha idiinka hadhay ku dambayn doontaan cudur nafsaaniya iyo raaxo la’aan idinka goysa dulmigaad gaysataan. وعند الله تجتمع الخصوم W/Q: Sheekh Maxamed Kaariye
-
Popular Contributors