Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,398
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasi Maxamed Cali Yuusuf ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland. Xaflad ballaaran oo ka dhacday Hotel Diplomatic ee magaalada Muqdisho ayuu kaga dhawaaqay Musharax Maxamed Cali Yuusuf in uu u taagganyahay qabashada kursiga Jubbland, isagoona ku sheegay sababta ugu weyn ee ku qasabtay in ay tahay “Jubbaland darteed”. Maxamed Cali oo khudbad dheer ka jeediyay goobta ayaa ku dheeraaday ahmiyadda Jubbaland ay u leedahay in uu dhaco is-badal waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Xilligu waa uu ina khasbayaa oo xaaladdu waa ay ina khasbaysaa, labaduba waxay nagu riixayaan in is-beddel ka dhaco Jubaland, is-beddel xididdada ka yimaada oo siyaasadda Jubaland ciid-rogid ku sameeya, kaas oo aanan ahayn qof ku beddel qof ama koox ku beddel koox, is-beddel horseeda nolol lagu naaloodo, is-beddel siyaasaddiisu tahay caddaalad iyo sharciga oo sarreeya, dhaqaalihiisu yahay wax soo-saar iyo dheef-wadaag, dhaqankiisu yahay jacayl iyo walaaltinimo, si arrinkaas loo gaaro, doorashadu waa in ay noqoto mid u dhacdo Jubaland Darteed oo ayan noqon mid u dhacda qof iyo qoys dartood, dad-waynaha Jubaland oo mideeya cududdooda, calafkooda iyo caqligooda”. Musharraxa ayaa sheegay inuu horey uga soo noqday Jubbaland xildhibaan oo uu door ka soo qaatay dhismaha Jubbaland, xilligaa oo uu tilmaamay in uu si daacadnimo leh ugu soo shaqeeyay shacabka Jubbaland. “Waxaan ku dhiirraday inan isu-taago qabashada xilka ugu sarreeya Jubbaland anigoo ogsoon xilliga adag iyo xaaladda khalafsan oo gabi-ahaan ay Soomaaliya mareyso , annigoo fahansan in deegaankeenu uu yahay mid leh ahmiyad, taas oo kalifaya soo jiidashadda indhaha umaddaha caalamka .. annigoo yaqiinsan in hoggaanka uu waqtiga ka dhammaaday uu yahay mid ku fashilmay xilkii weynaa ee loo igmaday .. waxaan halkan ka sheegaya sababta aan ugu dhiirraday ka qeybgalka doorashadan inay tahay mid kaliya taas oo ah Jubbaland darteed”. ayuu yiri Maxamed Cali . Siyaasiga Maxamed Cali ayaa sidoo kale kula dardaarmay shacabka deegaan weynaha Jubbaland in ay midoobaan, kana fiirsadaan cidda ay tahay in ay ku aaminaan mustaqbalkooda, waxuuna sheegay in haddii isaga ay doortaan uu sameyn doono is-badal muuqda oo horumar u horseeda dhammaan bulshada Jubbaland. Waxuu sidoo kale ballan qaaday in Jubaland oo kuftay siyaasad ahaan, maamul ahaan, dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaan intaba uu kicinaayo sida uu hadalka u dhigay, waxuuna sheegay in dadkii xalaasha ahaa ee la kicin lahaana u keenayo si dadkeeda ay u gaaraan baraare iyo berya-samaad. 15-ka agoosto ee nagu soo addan ayaa lagu wadaa in ay doorashadii saddaxaad ka dhacdo maamulka Jubbaland xilli maamulka waqtigiisa sii dhammaanayo oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda dhexe uu cadaadis ku haayo musharixiinta taas oo intooda badan ku qasabtay in ay ku muujiyaan musharaxnimadooda meel ka baxsan deegaanada maamulka Jubbaland. Si kastaba madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan marnaba dhici doonin in doorashada Jubbaland ay dhaafto maalinta loogu tala galay, wax walbana ay ku dhici doonaan xilliga loo qorsheeyay.
  2. (SLT-Iran)-Madaxweynaha Iran Xassan Rouhani ayaa shacabkiisa iyo mucaaridkiisa ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen duulaanka uu Maraykanka ku hayo wadankooda. Rouhani ayaa sheegay in cunaqabateynta iyo cadaadiska uu Maraykanka saaray dalka Iran ay ka culus tahay marxaladii uu wadankaasi galay xiligii uu socday dagaalkii dheeraa oo ay la galeen Saddam Hussein (Ciraaq) 1980 illaa 1988kii. “Xataa xiligii dagaalkii Ciraaq ma jirin cadaadis noocaan ah oo lagu hayey Shidaalka caalamka aan u iib geyno iyo Bangiyada dalka Iran…” ayuu yidhi Rouhani oo sheegay in dhinaca kale shacabka Iran ay awood u leeyihiin inay iska difaacaan duulaanka xulafada Maraykanka hadii ay codkooda iyo cududooda mideeyaan. Baaqa Rouhani ayaa kusoo beegmaysa xili Madaxweynaha Iran uu cadaadis kala kulmayo xoogaga xagjirka ah ee kamid ah Dowlada Iran oo ku eedeenaya xukuumada inay ku fashilantay siyaasada arrimaha dibada. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isagu todobaadkan ku dhawaaqay cunaqabateyn horleh oo la saaray Warshadaha birta soo saara ee Iran, Shidaalka dalkaasi uu soo saaro iyo waliba dhamaan Bangiyada dalkaasi ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo Iran. Xukuumada Iran ayaa weli diidan inay wax wadahadal ah la gasho isla markaana sheegtay in Trump uu isagu burburiyey heshiiskii ay la saxiixdeen Beesha Caalamka sanadkii 2015, heshiiskaasi oo ay sheegeen inuu ahaa kan kaliya ee macquulka ah. Xulafada Trump ee xisbigiisa Jamhuuriga ee xidhiidhka laleh warshadaha hubka soo saara oo ay wehliyaan dalalka Sacuudiga, Israel iyo Imaaraatiga ayaa si weyn ugu ololeenaya in duulaan militari lagu qaado dalka Iran. Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojinayey ciidamada ka jooga bariga dhexe, diyaaradaha wax duqeeya ayaa gaaray saldhiga uu ku leeyahay Qatar, halka la filayo in dhawaan ay halkaasi gaaraan raxan maraakiibta dagaalka ah oo hada maraya Badda cas kuna siijeeda badda Carbeed. Taliyaha Ciidamada Jamhuuriga ee Iran Jeneraal Hossein Salami oo maanta oo Axad ah hortagay Baarlamaanka Iran ayaa warbixin kasiiyey xildhibaanda reer Iran dhaq dhaqaaqa militariga Maraykanka, isagoo sheegay in ciidamadiisa ay awood u leeyihiin inay iska difaacaan militariga Maraykanka oo uu sheegay in hadalada kasoo yeedhay Maraykanka ay tahay oo kaliya “cabsi gelinta” Iran. Source
  3. (SLT-Gaarisa)-Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay tiro kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo kadib markii ay isku dhaceen gaadhi bas ah iyo gaadhi kale oo nooca xamuulka qaada ah oo marayey wadada u dhaxaysa Bangala iyo Gaariska ee dalka Kenya. Shilkan Gaadhi ayaa xalay dhacay xili bas weyn oo siday dad rakaab ah oo tiradoodu gaadhayso 60 qof uu galay gaadhi weyn oo kuwa xamuulka ah oo taagnaa meel u dhaxaysa Bangala iyo Gaarissa. Gaadhiga Xamuulka qaada ayaa la sheegay inuu siday sibidh, waxaana markii basku uu jiidhay gaadhigaasi soo daatay muraayadihii iyo saqafkii baska oo gabi ahaanba go’ay. Shilkan gaadhi ee ka dhacay Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa dadkii ku dhaawacmay waxa loo qaaday Cusbitaalka Gaarisa oo lagula tacaalayo dhaawacyada ka soo gaadhay shilkaasi. Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Askar ka mid ah ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay isku dileen magaalada Muqdisho, waxaana la shaaciyay xogta la xiriira dagaal dhexmaray askarta. Afar kamid ah ciidamada dowladda Uganda ayaa la sheegay inay geeriyoodeen kadib markii ay dhexdooda isku rasaaseeyeen magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay dhamaantood kamid ahaayeen saraakiisha AMISOM. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Khilaaf uu soo kala dhex galay mid kamid ah askarta Uganda iyo kormeerihiisii, taasina waxay keentay in askariga uu toogto Kormeerihiisa iyo labo askari oo la joogtay. Falkaan ayaa ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyn askariga falka geystay la sheegay inuu naftiisa dilay, taasi oo si weyn looga hadal hayo xerada Xalane. Afhayeenka Ciidanka Difaaca Uganda Brig Richard Karemire, ayaa xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu intaas raaciyay in Saraakiisha Uganda ay baaritaan ku hayaan kiiskan ka dhacay magaalada Muqdisho. Ma sheegin waxa sababay falkan, sidoo kale ma sheegin magacyada Askarta isku leysay Xerada Xalane, waxaana uu ku gaabsaday in ay baaris ku sameynayaan. Waa Dhacdadii ugu horeysay oo sanadkaan 2019 ay ciidamada Uganda ay isku dilaan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdsho Caasimada@live.com
  5. The Federal Police of Ethiopia captures 9,711 Kalashnikov bullets from smugglers who were trying to bring into the capital, Addis Ababa. The bullets were captured from smugglers who were trying to bring into Wollo area of Amhara region and the capital, Addis Ababa. The smugglers were transporting the bullets in two vehicles departed from Harar area, eastern part of Ethiopia, according to report of Federal Police of Ethiopia aired on national broadcaster – ETV – this afternoon The bullets were seized this week by the federal police and customs officers at Alberekete customs post. The bullets were seized inside a car – Code 2- B28163 AA – Toyota Corolla vehicle and a van – code 3 -47593 Oro – high roof minibus. The police have arrested the people who were smuggling the bullets and investigation is currently underway, according to the report. In a related development, Ethiopian Customs Commission has announced that it has captured worth 2.4 million birr (around $84,000) contraband goods from smugglers this week at different customs posts. The items include sugar, shisha, mobile phone apparatus and metal products. Over the past few years it has become common to hear reports of illegal circulations of weapons, medicines, narcotic drugs, cash of different countries currencies and other manufactured goods. During the first nine months of Ethiopian Calendar started July 8, 2018, Ethiopian Customs Commission has captured around $30 million worth goods, including weapons, currencies of different countries, narcotic drugs and various goods, from contraband traders. The contraband goods smuggled into the country includes manufactured goods such as electronic and electrical goods, garments of various kinds, perfumes, cosmetics, pornography, habit forming drugs, armaments and others. Sudan, Eritrea, Kenya, and Djibouti are identified to be the main sources of these goods. Coffee, which is the country’s chief export item, a multitude of livestock, cereals of various types, animal skins, fuel and others are some of the goods smuggled out of the country. Source New Business Ethiopia Qaran News
  6. The re-establishment of the Rule of Law in post-conflict countries is a key issue for the protection of human rights and the promotion of democracy. To this end, linking and strengthening the legal chain, from police investigations to the courts including administration by prosecutors, is extremely important for the Rule of Law to reach all segments of society. Source: Hiiraan Online
  7. Mohammed bin Salman, Saudi Arabia’’s crown prince, on Friday defended China’s use of concentration camps for Muslims, saying it was Beijing’s “right”. Source: Hiiraan Online
  8. The U.S. claimed that Iran has been mobilizing proxies in Iraq and Syria to attack its forces, and its new deployments have stirred talk of war Source: Hiiraan Online
  9. Sudan’s Rapid Support Forces have seized 241 kilograms of gold from a Moroccan plane flying from the country’s River Nile state, which landed in the capital Khartoum. Major General Othman Mohamed said that only 93 kilograms of the gold on board the plane has an export license, while the legal status of the remaining quantity has not been clarified. The Major General explained: “We must deliver this large amount [of gold] to the Bank of Sudan, and then we will go on with the necessary legal procedures.” Mohamed did not name the private Moroccan company which had allowed the exportation of the gold, nor did he give further details. However, he pointed out that the status of the company in Sudan is legal and registered. Meanwhile, Moroccan news website Hespress reported that the plane was loaded with huge amounts of gold belonging to Moroccan company MANAGEM, which has long been active in the mining industry across the African continent. Sudan produces 100 tonnes of gold every year and gold mines are a major source of foreign currency in the country. However, it is believed that about 70 per cent of Sudan’s gold production is being smuggled out of the country, as producers try to circumvent regulations requiring gold to be sold to the central bank in local currency at a price much lower than that which can be reached on the black market. Sudan’s Rapid Support Forces declared that Thursday’s seizure of the gold was intended to protect the national economy and preserve the country’s resources and wealth. Hespress, however, claimed the Sudanese forces stopped the plane because it had not acquired permission to fly, not because of smuggling gold. MEM Qaran News
  10. Kampala- Ciidanka Uganda ayaa baaraya sababta keentay in askari ka tirsan ciidanka Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho uu u dilay sarkaal ka mida ciidanka AMISOM ka hor inta uusan isagu isdilin. Warar laga helay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu aad uga xanaajiyey sarkaalka la dilay waxaana sidoo kale rasaastaas ay dishay afar askari guud ahaan maalintii sababtida. Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Brig Richard Karemire ayaa sheegay in laba askari oo kaliya ay dhinteen baareyaashuna ay ka shaqeynayaan sababta keentay in askarigani uu dilka geysto. “Sababta wali lama oga. Waxaan dooneynnaa inaan ogaanno haddii uu waalnaa iyo haddii kaleba,” ayuu yiri Brig Karemire shalay. Dhacdadan ayaa ka dhacday saldhig weyn oo hawlgalka midowga Africa ku leeyihiin Soomaaliya iyadoo ciidanka Uganda ee Soomaaliya jooga ay yihiin kuwa ugu badan ee ciidankooda u soo diray Soomaaliya. Dalka ay kasoo jeedaan saraakiisha dhimatay wali lama shaacin. Toogashada ka dhex-dhacda ciidamada Uganda (UPDF) ayaan caadi ahayn marka ay hawlgal u joogaan meel ka baxsan dalkooda. Source: goobjoog.com
  11. Kampala- The army is investigating the circumstances under which one of its soldiers deployed in Mogadishu, Somalia, shot his administration officer dead before killing himself. Source: Hiiraan Online
  12. At least ten people have been killed in an accident along the Nairobi-Garissa Highway. Source: Hiiraan Online
  13. Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu aragti ahaan ka duwan yahay dadka shirkii magaalada Garowe ku tilmaamay inuu Fashilmay. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa mid bilow ah oo madaxda dalka ay kaga hadlayeen masiirka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana aysan jirin cid kale oo xal u raadin doonto ummadda oo aan madaxda aheyn. Wuxuu sidoo kale sheegay in shirkaasi uu bilow ahaa, islamarkaana markale ay madaxda isku imaan doonaan iyaga oo ka arinsanaya xaaladaha dalka Soomaaliya. “Runtii Shaqsi ahaan ma qabo sida loo fasiray iyo sida dadka uga deyrinaayaan, shirkaasi waa talaabtii ugu horeysay oo loo qaaday wadahadalka, waxaan ku kalsoonahay in arimaha noo yaalay si saraaxo leh looga hadlay”ayuu yiri Waare. Waxa uu rajo wanaagsan la muujiyey in markale dib la isugu soo laaban doono,waxaana uu sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay wax badan ka sugayaan, isla markaana wax walba wadahadal iyo heshiis lagu dhameyn doono. Mudo 7 Cisho ah oo xiriir ah ayaa Magalada Garowe waxaa ku shiray Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad goboleedyada, shirkaas oo lagu kala tegay, iyada oo aan wax natiijo ah aan kasoo bixin. Hoos ka dhageyso codka madaxweyne Waare. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/cod-1-waare-.mp3Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in aragti ahaan uu qabo in aanu fashilmin shirkii madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee Garoowe. Wuxuu tilmaamay in la arkay oo kaliya culeysyada jira inta ay la egyihiin iyo sidoo kale waxa loo baaha yahay in loo gudbo. Waare ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in la isku soo laabto mar kale oo laga shaqeeyo aayaha dalka iyo in la dhammeeyo wax walbo oo jira. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/cod-1-waare-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa ka dhacay shir ay yeesheen madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabelle iyo sidoo kale K/galbeed. Shirkan ayaa ahaa mid looga hadlay arrimo u badan ammaanka, xiriirka maamullada iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa ishkaashigooda. Shirka kadib waxaa laga soo saaray war-saxaafadeedkan: Source: goobjoog.com
  16. Most African countries have few to none forensic bureaus or institutions. Forensic science plays a vital role in the criminal justice system by providing scientifically-based information through the analysis of evidence. It is a big moment in Somalia’s history as a court in Garowe today used forensic DNA evidence to convict three men accused of the rape and murder of 12 year old Aisha Ilyas. This is the first time forensic DNA evidence is being used to land a conviction in Somalia. Ilyas was abducted on February 24 at a market in nothern Galkayo. Her body was found the next morning near her home. A post-mortem found that she had been gang-raped then strangled to death. The incident sparked mass demonstrations held across Puntland and the hashtag #JusticeforAisha was created. On Sunday, May 12, the men responsible for her rape and death were finally convicted thanks to forensic science. The Bureau of Forensic Science of Garowe, Puntland, Somalia, was officially inaugurated on Spetember 6, 2017, in Garowe, Puntland, Somalia. It is the first of its kind in Somalia. Funding for the bureau was by the Swedish government and was facilitated by the United Nations Population Fund. The bureau has three sections: forensic biology, forensic chemistry, and physical and trace evidence. According to the press release, crimes related to gender-based violence were of a priority since the inception of the bureau due to “habitual rapists” who were “let loose to prey in Puntland and other places in Somalia simply because there was no scientific proof linking these criminals to the horrific crimes they had committed”. Forensic DNA evidence worked by matching the DNA found at the crime scene with the DNA of the suspects. If a positive match is found, the suspect is thus linked to the crime scene and hence the crime. DNA evidence can be collected from semen, blood, skin cells, saliva, and hair with attached follicular tag, amongst others. The three men found guilty were sentenced to death. 7 others, mostly youths, were acquitted. The bureau is the sole operating forensic entity in Somalia. This reflects a similar situation in the African continent in general. Most African countries have few to none forensic bureaus or institutions. Forensic science plays a vital role in the criminal justice system by providing scientifically-based information through the analysis of evidence. Source: The African Exponent Header Image Credit: Forensics The post Forensic DNA Evidence Helps To Catch Rapists in Somalia for the First Time in History appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, gaar ahaan safaaradda ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijisay in Nin u dhashay dalkaas oo ahaa Engineer xagga dhismaha qaabilsan uu ku geeriyooday weerar loo adeegsaday Qarax oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Enigineerkaan Turkiga ka soo jeeday ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay nawaaxiga Isgoyska KM4, kaas oo Lagu Magacaabi jiray Mustafa. Waxaana uu dhaawaca qaraxaasi ka soo gaaray ugu geeriyooday Isbitaal loola cararay kadib qaraxa. Weerarkaan ayaa waxaa Masuuliyaddiisa dusha u ritay Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. View the full article
  18. Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay xaafadda Arjantiin, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ku dileen askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Booliiska ee DFS. Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in askariga la dilay uu saarnaa Mooto Bajaaj, islamarkaana dilka kadib ay halkaasi isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey. Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa goobta ka bilaabay howlgal aan weli la shaacin cidda lagu soo qabtay. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe ahaa mid soo hagaagayey, wallow 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay dhaceen falal amniga wax u dhimaya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Garowe (SMN ) – Shir saddex geesood ah oo madaxda maamullada Puntland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ay ku yeesheen magaalada Garowe ayaa Warmurtiyeed ka soo baxay waxaa lagu sheegay in shirkani uu yahay mid lagu xoojinayo iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah DFS, sida uu qabo qodobka 52-aad Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. Waxaa diirada lagu saaray shirkan xaqiijinta dhinacyada federaaleynta, amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, tayeynta hay’adaha dowladda, is weydaasrsiga xogaha iyo qbiradaha. Warmurtiyeedka ka soo baxay kulankan waxaa Saxaafadda la wadaagay Afhayeenka maamulka Puntland Jaamac Dabaraani. Shirkan saddex geesoodka ah ayaa ku soo beegmaya, xilli uu is af garan waaa ku soo dhammaaday shir weyne ay madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada maalmihii ugu dambeeyay M/Garoowe uga arrinsanayeen arrimaha Soomaaliya Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Labadaani degmo oo ku wada jira Group-ka C ayaa xalay ku loomay tartan aqooneedka bishada barakeysan ee Ramadaan. Waabari yo Wadajir oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay tartan aad loogu riyaaqay. Degmada Waabari oo guusha la hoyatay ayaa waxaa la weydiiyay 7 Su’aal, waxaana ka Jawaabeen dhammaan, sidoo kale waxa ay ka faa’iideysteen Sua’aal soo hareermartay dhigooda Wadajir, sidaasina waxa ay ku heleen 16 Buundo. Dhinaca kale tartamayaasha degmada Wadahir oo iyana la weydiisay 7 Su’aal ayaa waxa ay ka Jawaab celiyeen 5 ka mid ah, mana jirin ka faa’iideysi ay heleen, sidaasina waxa ay ku keensadeen dhibaco gaaraya 10, sida uu ka u dhawaawaqay natiijada guddoomiyaha guddiga tartanka Maxamed Axmed Jimcaale. Barnaamijka tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo haatan maraya meel xiiso badan ayaa waxaa caawa laguda gali doono Group-ka D oo ay ku wada jiraan degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jabjab, Kaaraan iyo Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Kulanka ugu horreeya ee caawa waxaa iska hor imaan doono degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jabjab, waana labo degmo oo taariikh ka sameeyay tartanka sanadkii hore, kadib markii ay tiigsadeen Finalka. Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle abaal marin qaali ah ku bixinaya shirkadaha Beco iyo Coca Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yaha Adult Commercial Secondary School. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo caawa kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan. Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada xooggna ee isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariixta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u yihiin sugidda amniga, dalka nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirro:- View the full article
  22. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay kulan ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho. Habeenkii xalay ahaa ayaa lagu wargeliyey xildhibaannada in maanta uu jiro kulankaan, islamarkaana inta joogta ay soo wada xaadiraan. Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka ayaa ah Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka jaangooynta iyo tayadhawrka Soomaaliyeed iyo sidoo kale ka doodista xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee Sanada 2017. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Kaaraan (SMN) – Sida Shabelle ay u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah Kooxo Hubeysan ayaa xalay waxa ay Xaafadda Argentine ee degmada Kaaraan ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada DFS iyagoo dhaawacay Askar kale. Wararka ayaa sheegaya in Askariga la dilay ay dableydaasi ka qaateen qorigii uu sitay. Waxaana la xaqiijiyay Kooxahaasi Hubeysan ay meesha wax ka dhaceen isaga baxsadeen kadib dilka. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha iyo laamaha Ammaanka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo ku aadan dilkaasi xalay ka dhacay gudaha degmada kaaraan ee ka dhanka ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Al Shabaab ayaa inta badan sheegta dilalka ka dhanka ah Ciidamada iyo Howlwadeenada dowladda Federaalka Soomaaliya. View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Arbacow ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah labada dhinac uu ku dhex maray deegaankaasi oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho. Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday ku dhawaad 30 daqiiqo, waxaana dad deegaanka ah ay Shabelle u sheegeen in la’isku aadeegsaday hubka nuucyadiiska kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee dhaq dhaqaaqyo Milatari ayaa waxaa la laga dareemayaa deegaanada Ceelasha Biyaha iyo Arbacow ee gobolka Sh/ Hoose. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaaq ah ku qaada fariisimaha Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. View the full article