-
Content Count
208,405 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka Isboortiga Degmada Shibis ayaa diyaarinaya koox dhallinyaro ah oo mustaqbalka ka qeyb qaadanaysa horomarka kubbadda Kolayga Soomaaliya ciyaartooydan oo da’dooda u dhaxaysa 10-18jir ayaa yoolkooda yahay in meel wanaagsan xirfada kubbadda kolayga heer koox ilaa heer qaran. Daa’uud Axmed Dheere waa ciyaaryahan hore kubbadda kolayga kooxda dowladda Hoose ee Muqdisho City waana tababaraha caruurtan u bilaaway mashruuca horomarinta da’yarta ee degmada Shibis wuxuuna hadafkiisa yahay in degmada kasta oo Gobolka Banaadir ay hesho kooxo kala duwan oo dhinaca Kolayga. Guddomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda kolyaga Cabdullahi Nuuur Maxamed (Cadaani) ayaa Goobjoog u sheegay in degmada Shibis ay tahay isha kaliya ee wax soosaarka ciyaaryartooyda da’aada kala duwan ee kubbadda kolayga tiro badan oo kasoo baxday halkan aya iminka qeyb ka yihiin naadiyada heerka 1aad iyo xulka qaranka kubbada kolayga Soomaaliya. Cumar Cali Axmed oo ka mid ah odayaasha degmada Shibis ayaa xili kasta u daawasho tago tababarka dhalinyaradan wuxuuna Goobjoog u sheegay in arimahan oo kale ay kaalin wanaagsan ka qaadanayaan is-dhaxgalka bulshada ku nool degmada iyo dhinacyada Amniga iyo horomarka. Qaar ka mid ah ciyaartooyda ka faa’ideeysanaya fursadan ayaa iyaga qudhooda la hadlay Goobjoog,iyagoo ku hami weyn in xirfada kubbadda kolayga ay meel wanaagsan ka gaaraan iyo in ay ka qabtaan tartamada lagu qabto gudaha degmada. Waalidiinta qaar oo aan la kulnay ayaa u mahad celiyay macaliimiinta iyo maamulka isboortiga degmada Shibis,iyagoo caruurtooda ku dhiiri geliyay in ay si wanaagsan u qaataan casharada la siinayo si ay mustaqbalka ay ugu mid noqdaan waajibaadka xulka qaranka kubabdda Kolayga Soomaaliya. Guddoomiyaha Isboortiga Degmada Shibis Saciid Maxamed Shiikh (Bootaale) oo ka mid ahaa ciyaartooydii hore kolayga Soomaaliya ayaa sheegay in dhisidda dhalinyarada oo kale ay kaalin wanaagsan ka qaadanayso horomarka kooxaha ka dhisan dalka,hadafka laga lee yahay ay tahay in door wacan ka ciyaaraan xulka qaran. Si kastaba degmada Shibis labadii sano lasoo dhaafay waxa ay horkac wanaagsan ka samaysay tartamadda kolyaga dhinaca gabdhaha iyo wiilasha,iyagoo degmada u soo hooyay koobab kala duwan,halka kubbadda cagta ay kaalinta 2aad ka galeen tartankii kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir 2018. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan kooxda dhalinyaro ee loo diyaarinayo degmada Shibis iyo Xulka W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa dhammaan ururada Jaalliyadaha iyo bulsha weynta Qurbajoogga Somaliland ee daafaha caalamka inay oogaan Xuska Sannad-guurada 28aad ee ka soo wareegtay markii ay bulshada Somaliland ku dhawaaqeen inay dib ula soo noqdeen madaxbanaanidooda 18-kii May 1991 taasoo halku dhegga sanadkan loo qaatay yahay “Ummaddii isku maana ayaa meel wada gaadha.” “Waxa aannu si gaar ah u bogaadinaynaa dhammaan Jaalliyadaha Somaliland ee sannad walba sida wadaninimada, wadajirka iyo iskaashiga leh u xaqiijiya inay qabtaan xusas qarameedada dalkooda 18 May iyo 26 June dhammaan wadamada caalamka ee ay joogaan ee Galbeedka Yurub, Woqooyiga Maraykanka, Woqooyiga/Bariga Afrika, Koonfurta/Galbeedka Afrika, Gacanka Carbeed ama Khaliijka, Koonfurta/Bariga Eeshiya, iyo Ustaraaliya.” “Waxa aannu mahad celin iyo hambalyo u diraynaa Jaalliyadaha Somaliland ee wadamada qaarkood ee iyagu soo hormariyay qabashada xuska bisha Barakaysan ee Ramadaan ee ku soo beegantay awgeed, iyo inta badan Jaalliyadaha ee haatan ku hawlan ama ku jira u diyaar garawga iyo abaabulka munaasibadaha xuska u debbaal degga maalinta qaran ee 18 May kuwaasoo ay ka mid yihiin ururada ardayda Somaliland ee waxbarasho jaamacadeed u jooga dalal kala duwan. Waxa aannu ku boorrinaynaa dhammaan ururada, gudiyada jaalliyadaha iyo Qurbajoogga Somaliland guud ahaan inay oogaan xus qarameedka May, lana debbaal degaan qarankooda isla taariikhda 18 May 2019 si waafaqsan qodobada hawl-tilmaameedka qabashada xusaska ee Wasaaradda Arrimaha Debaddu ugu talo gashay inay ku dhaqmaan Jaalliyaduhu.” “Dhinaca kale, Hay’adda Qurbajoogga Somaliland sida ay hore ugu baaqday Gudiyada Jaalliyadaha, uguna qorshaysay, waxa aanu markale ku dhiirrigelinaynaa inay uga faaidaystaan fursadda munaasibadaha xuska wacyigelinta bulshada iyo inay dhaqaale ururin u sameeyaan waxqabadada baahiyaha mudnaanta leh ee qaybaha bulshada Somaliland oo qayb ka ah Mashruuca “Qurbajoog Waxqabad Qaran” kaasoo ay Hay’adda Qurbajooggu u qorshaysay Jaalliyado kala duwan inay soo taageraan baahiyo kala duwan oo la xidhiidha dhinacyada adeegyada waxbarashada, naafada iyo dadka baahiyaha gaarka ah leh, caafimaadka, caawinta danyarta iwm. Waxa tani qayb ka tahay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad oo aan ku dadaalayno inaan kordhinno 10% doorka Qurbajoogga ee xagga maalgashiga, iyo xagga adeegyada bulshada iyo mashaariicda danta guud ee qaranka.” “Maalmaha qaran ee 18 May iyo 26 June waa laba xus qarameed oo suntay taariikho fac weyn oo dalkeennu leeyahay kuwaasoo kala ah heliddii xorriyadda aan ka qaadannay Boqortooyadii Ingiriiska 26 June 1960-kii, iyo dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida dalkani maanta haysto 18-kii May 1991. Xagga qurbaha, ka sokow xilka iyo waajibaadka innaga saaran inaan xusno maalmo dastuuri ah iyo taariikhda dalkeenna oo ubadkeenna qurbaha ku dhashay u baahan yihiin inay aqoon u yeeshaan dalkooda, sidoo kale, waa fursado qaali ah oo aan uga faaiidaysanno wacyigelinta beesha caalamka, inaan dunida u bandhigno taariikhda dhabta ah ee dalkani leeyahay, xaqiiqada jirta, iyo qadiyadda madaxbanaanida JSL. Waa fursado aan uga faaiidaysanno inaan xogta dalkeenna la wadaagno dhinacyo kale, inaan kasbanno saaxiibo cusub, iyo xidhiidho caalami ah oo codkooda iyo caqligooda innagu taageera dadaalka 28-jirsaday ee ictiraaf raadinta iyo geedi socodka horumar buuxa oo qarankeennu gaadho.” “Gebogebadii, waxa aan hambalyo u dirayaa dhammaan Jaalliyadaha Somaliland ee kala jooga daafaha caalamka, waxanan ugu baaqayaa dhammaan bulsho weynta Qurbajoogga Somaliland inay xoojiyaan midnimadooda, wadajirkooda iyo waxtarkooda midaysan ee dalkooda JSL sida uu ka turjumayo halka aan sannadkan u qaadannay sannad-guuradan ee ah “Ummaddii isku maana ayaa meel wada gaadha” WA BILLAAHI TAWFIIQ Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland Wasaarada Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JSL Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland Source
-
(SLT-Ottawa)-Laba hablood oo Canadian ah oo laga sii daayey xabsi ku yaala Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in loola dhaqmay badhqan aad u foolxun. Labadan gabdhood ayaa la kala yidhaa Maymuuna Cabdi, oo 28 jir ah iyo Karima Watts oo 24 jir, oo bileyska Somaliland ay soo xidheen bishii January, balse markii dambe la sii daayey bishii April ee sanadkan 2019-ka. Labada hablood ee Maymuuna Cabdi iyo Karima Watts ayaa markii hore ka yimid magaalada Ottawa ee dalka Canada, waxaanay maanta ka dageen garoonka diyaaradaha ee Toronto ee Pearson International Airport. Ciidamada bileyska ee magaalada Hargeysa ayaa xidhay 19-kii January iyagoo ku eedaynaya inay cabeen khamri. Waxaana lagu riday xukun inkastoo la soo daayey 23-kii April ee sanadkan. “Waxaan dareemayaa xornimo farabadan. Hubaashi waxay ahayd waxa na soo maray wax adag,” ayay u sheegtay Maymuuna Cabdi wariyeyaashii ku sugnaa madaarka wax yar ka dib markii ay dalkaasi Canada ay gaadheen, waxaanay intaasi ku dartay “Anigu aadbaan u daalanahay oo aan u walaacsanahay.” Maymouna Cabdi ayaa rumaysan in lagu sii daayey kadib markii ay warbaahintu ay wax ka qoreen xadha foosha xun ee ay la kulmeen. Waxaanay intaasi ku dartay in xafiiska qunsuliyada Canada ee halkaasi aanu u caawin iyaga sidii ay uga baahnaayeen. Waxaana labadan gabdhood lagu xukumay laba bilood iyo badh oo xabsi ah. Waxaanu sheegay Qareen Mubaarik Maxamuud oo u doodayey hablahani in dacwad oogihii kiisku aanu maxkamada hor keenin wax cadayn ah oo sheegaya in habluhu ay khamri cabeen. Waxaana warbixin diyaarsan oo ay akhriday Maymouna Cabdi ay ku sheegtay in dadku ay waydiinayeen sababta ay u tageen meel sidaas khatar u ah sida Somaliland oo kale. Waxanay sheegtay in ay u tageen labaduudu waajibaad saarnaa oo ahaa inay caawiyaan dumar gaboodfalo wajahayey. Waxaanay Karima Watts iyo Maymouna Cabdi ay sheegeen inay la kulmeen dhibaatooyin iyo gaboodfao nafsi ahaanee oo ka soo gaadhay xabsiga, waxaanay tilmaantay in la duudsiiyey in dawo loo keeno, la talin sharci oo ay helaan iyo xataa funto iyo biyo inay helaan. Source
-
(SLT-Yemen)-Qaramada midoobay ayaa sheegtay Axaddii shalay in ka bixitaanka Maleeshiyada Xuutiyiinta ee Dekedaha Muhiimka ah ee Yemen ay ku dhacday si waafaqsan qorshii lagu heshiiyay. War qoraal ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayuu Guddoomiyaha u qaaabilsan Qaramada Midoobay isku duwidda qorshahan, Michael Lollesgaard, waxa uu ku sheegay in dhamaan sadexda dekadood ay kormeer ku sameeyeen markii ay ka baxayeen milatariga, oo ay la wareegayeen ciidamada ilaalada xeebaha. Waxa uu sheegay in maalmaha soo socda xoogga la saari doono sidii dekeddaha looga nadiifin lahaa qalabka militari, miino sifeynna loogu sameyn lahaa. Qaramada Midoobay ayaa u xil saarneyd inay xaqiijiso wajiga hore ee ka bixitaanka Xuutiyiinta dekedahan, taasoo loo arko inay fure u tahay soo afjaridda colaadda afar jirsatay ee Yemen ka oogan. Ka bixitiaanka kooxda Xuutiyiinta ayaa bilaabatay Sabtigii, sida ku xussan heshiis ay dowladda ay taageeraan isbaheysiga Sacuudiga uu hor kacayo iyo Maleeshiyada Xiitiyiinta ee Iran ay taageerto ay ku gaadeen dalka Sweden bishii December ee sanadkii tagay. Dekedda Xudeyda ayaa ah meesha ay ka soo degaan 70% gargaarka iyo badeecadaha Yemen loo dhoofiyo. Colaada Yemen ka jirtay 4ta sano ayaa dalkaasi gelisay mushkilad dhinaca bani aadnimada ah. Qiyaastii 60, kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalada, qarkana u saartay malaayiin dadka reer Yemen ah macluul. Ku dhawaad 3 malyun oo qof ayaa ku barkacay, laba meelood meel dadkaasna waxey u baahanyihiin gargaar deg deg ah. Source
-
(SLT-Florida)-Ugu yaraan 3 qof ayaa lagu toogtay meel ka baxsan Xeebta loo nasasho tago ee Madaxweyne Trump oo ku taalla magaalada Miyaami ee Gobalka Florida ee dalka Maraykanka. Booliska Miyaami ayaa sheegay inuu ugu yaraan hal qof lagu dilay toogashadaasi, kadib markii uu muran dhex maray dhallinyaro ku sugnaa meel ka soo horjeeda Hotelka Donald Trump ee the Trump International Beach Resort oo ku yaalla magaalladdaasi. Haweeney 19-jir ah oo lagu dhawaacay toogashadaasi ayaa la sheegay in loola cararay Isbitaalka Adventura, mana kala cadda xaalladeeda. Goobjooge ayaa sheegay inuu dagaalku u dhexeeyey labo kooxood oo ka tirsan kuwa qaada heesaha Raabka, isla markaana uu mid ka mid ah ku dhex geeriyooday gaarigii uu watay. Booliska magaalaada Miyaami waxay kaloo sheegeen inay ku raad-joogaan 3 Eedeysane oo ku hubeysnaa Qoriga AK 47 iyo dhowr Bistooladood. Source
-
(SLT-Myanmar)-Duuliye u dhashay dalka Myanmar ayaa qaaday tallaabo geesinimo leh,markii ay cilad soo wajahdey diyaarad rakaab oo uu waday, wuxuu sameeyay in diyaaradda uu ku dejiyay garoon diyaaradeed iyadoo ay u bixi waayeen lugaha hore ee diyaarada. Captain Myat Moe Aung oo ahaa duuliyihii diyaarada ayaa garoonka diyaaradaha labo jeer ku dul wareegayay isagoo doonayay in lugaha ay u fidsamaan,hase yeeshee markii dambe ayuu go’aansaday inuu diyaarada dejiyo isagoo raacaya talooyin ay siinayeen dadka haga diyaaradaha. Diyaaradan oo nooceedu ahaa Embraer 190 ayaa dhammaan dadkii saarnaa aysan waxyeelo soo gaarin waxaana laga soo dejiyay diyaarada iyagoo bed qaba. Diyaaradan ayaa ka soo duushay magaalada Yangon waxana markii ay ku soo dhowaatay magaalada Mandalay ay awoodi weysay diyaarada in lugaha u baxaan. Wasiirka gaadiidka dalka Myanmar Win Khant ayaa ku tilmaamay howsha uu qabtay duuliyaha inay ahayd mid weyn. Muddo toddobaad ah dhacadaan waa tii labaad oo dhinaca diyaaaradaha ee ka dhacda dalka Myanmar ,waxaana Arbacadii aynu ka soo gudubnay ay diyaarad ka baxday waddada garoonka diyaaradaha magaalada Yangon waxaana uu dhaawac ka soo gaadhay illaa iyo 17 ruux oo diyaarada saarnaa. Source
-
(SLT-Dubai)-Afar markab oo ganacsi ah ayaa ayaa lagu qaaday weerar lagu minjaxaabinayo iyaga oo maraya meel u dhaw biyo xadeedka Isutagga Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka. Weerarkan la sheegay ayaa ka dhacay Gacanka Cumaan, sida lagu xusay warka Imaaraadka ka soo baxay, balse wasaaraddu ma aysan faahfaahin qaabka uu weerarkaasi u dhacay. Ma jirto cid ku dhimatay ama ku dhaawacantay. Waxaa cirka isku sii shareeraysa xiisadda ka taagan aagaas oo marin u ah shidaalka, maalmihii u dambeeyayna Maraykanka ayaa aagaas u diray maraakiib dagaal oo dheeri ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa isku dayga weerarkan minjo xaabinta ah ku tilmaantay “halis soo korodhay” beesha caalamka ayayna ugu baaqday “in ay ka hor tagto ficilo noocaas oo kale ah” oo mustaqbalka dhaca. Horraantii Axaddiina madaxda magaalada Fujairah ee dalka Imaaraadka ayaa diiday warar ay saxaafaddu qortay oo sheegay in uu qarax ka dhacay dakadda. Weerarkan Imaaraadka ka soo yeeray ayaase imaanaya iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Iiraan oo ay daris yihiin iyo dalka Maraykanka oo toddobaadkan geeyay maraakiib dagaal oo uu ugu yeeray “tilmaan dhab ah oo muujinaysa” halista ciidammada Maraykanka ee gobolkaas ku sugan kaga imanaysa dhanka Iiraan. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasi Maxamed Cali Yuusuf ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland. Xaflad ballaaran oo ka dhacday Hotel Diplomatic ee magaalada Muqdisho ayuu kaga dhawaaqay Musharax Maxamed Cali Yuusuf in uu u taagganyahay qabashada kursiga Jubbland, isagoona ku sheegay sababta ugu weyn ee ku qasabtay in ay tahay “Jubbaland darteed”. Maxamed Cali oo khudbad dheer ka jeediyay goobta ayaa ku dheeraaday ahmiyadda Jubbaland ay u leedahay in uu dhaco is-badal waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Xilligu waa uu ina khasbayaa oo xaaladdu waa ay ina khasbaysaa, labaduba waxay nagu riixayaan in is-beddel ka dhaco Jubaland, is-beddel xididdada ka yimaada oo siyaasadda Jubaland ciid-rogid ku sameeya, kaas oo aanan ahayn qof ku beddel qof ama koox ku beddel koox, is-beddel horseeda nolol lagu naaloodo, is-beddel siyaasaddiisu tahay caddaalad iyo sharciga oo sarreeya, dhaqaalihiisu yahay wax soo-saar iyo dheef-wadaag, dhaqankiisu yahay jacayl iyo walaaltinimo, si arrinkaas loo gaaro, doorashadu waa in ay noqoto mid u dhacdo Jubaland Darteed oo ayan noqon mid u dhacda qof iyo qoys dartood, dad-waynaha Jubaland oo mideeya cududdooda, calafkooda iyo caqligooda”. Musharraxa ayaa sheegay inuu horey uga soo noqday Jubbaland xildhibaan oo uu door ka soo qaatay dhismaha Jubbaland, xilligaa oo uu tilmaamay in uu si daacadnimo leh ugu soo shaqeeyay shacabka Jubbaland. “Waxaan ku dhiirraday inan isu-taago qabashada xilka ugu sarreeya Jubbaland anigoo ogsoon xilliga adag iyo xaaladda khalafsan oo gabi-ahaan ay Soomaaliya mareyso , annigoo fahansan in deegaankeenu uu yahay mid leh ahmiyad, taas oo kalifaya soo jiidashadda indhaha umaddaha caalamka .. annigoo yaqiinsan in hoggaanka uu waqtiga ka dhammaaday uu yahay mid ku fashilmay xilkii weynaa ee loo igmaday .. waxaan halkan ka sheegaya sababta aan ugu dhiirraday ka qeybgalka doorashadan inay tahay mid kaliya taas oo ah Jubbaland darteed”. ayuu yiri Maxamed Cali . Siyaasiga Maxamed Cali ayaa sidoo kale kula dardaarmay shacabka deegaan weynaha Jubbaland in ay midoobaan, kana fiirsadaan cidda ay tahay in ay ku aaminaan mustaqbalkooda, waxuuna sheegay in haddii isaga ay doortaan uu sameyn doono is-badal muuqda oo horumar u horseeda dhammaan bulshada Jubbaland. Waxuu sidoo kale ballan qaaday in Jubaland oo kuftay siyaasad ahaan, maamul ahaan, dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaan intaba uu kicinaayo sida uu hadalka u dhigay, waxuuna sheegay in dadkii xalaasha ahaa ee la kicin lahaana u keenayo si dadkeeda ay u gaaraan baraare iyo berya-samaad. 15-ka agoosto ee nagu soo addan ayaa lagu wadaa in ay doorashadii saddaxaad ka dhacdo maamulka Jubbaland xilli maamulka waqtigiisa sii dhammaanayo oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda dhexe uu cadaadis ku haayo musharixiinta taas oo intooda badan ku qasabtay in ay ku muujiyaan musharaxnimadooda meel ka baxsan deegaanada maamulka Jubbaland. Si kastaba madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan marnaba dhici doonin in doorashada Jubbaland ay dhaafto maalinta loogu tala galay, wax walbana ay ku dhici doonaan xilliga loo qorsheeyay.
-
(SLT-Iran)-Madaxweynaha Iran Xassan Rouhani ayaa shacabkiisa iyo mucaaridkiisa ugu baaqay in ay u midoobaan sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen duulaanka uu Maraykanka ku hayo wadankooda. Rouhani ayaa sheegay in cunaqabateynta iyo cadaadiska uu Maraykanka saaray dalka Iran ay ka culus tahay marxaladii uu wadankaasi galay xiligii uu socday dagaalkii dheeraa oo ay la galeen Saddam Hussein (Ciraaq) 1980 illaa 1988kii. “Xataa xiligii dagaalkii Ciraaq ma jirin cadaadis noocaan ah oo lagu hayey Shidaalka caalamka aan u iib geyno iyo Bangiyada dalka Iran…” ayuu yidhi Rouhani oo sheegay in dhinaca kale shacabka Iran ay awood u leeyihiin inay iska difaacaan duulaanka xulafada Maraykanka hadii ay codkooda iyo cududooda mideeyaan. Baaqa Rouhani ayaa kusoo beegmaysa xili Madaxweynaha Iran uu cadaadis kala kulmayo xoogaga xagjirka ah ee kamid ah Dowlada Iran oo ku eedeenaya xukuumada inay ku fashilantay siyaasada arrimaha dibada. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo isagu todobaadkan ku dhawaaqay cunaqabateyn horleh oo la saaray Warshadaha birta soo saara ee Iran, Shidaalka dalkaasi uu soo saaro iyo waliba dhamaan Bangiyada dalkaasi ayaa sheegay in uu diyaar u yahay inuu wadahadal la galo Iran. Xukuumada Iran ayaa weli diidan inay wax wadahadal ah la gasho isla markaana sheegtay in Trump uu isagu burburiyey heshiiskii ay la saxiixdeen Beesha Caalamka sanadkii 2015, heshiiskaasi oo ay sheegeen inuu ahaa kan kaliya ee macquulka ah. Xulafada Trump ee xisbigiisa Jamhuuriga ee xidhiidhka laleh warshadaha hubka soo saara oo ay wehliyaan dalalka Sacuudiga, Israel iyo Imaaraatiga ayaa si weyn ugu ololeenaya in duulaan militari lagu qaado dalka Iran. Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojinayey ciidamada ka jooga bariga dhexe, diyaaradaha wax duqeeya ayaa gaaray saldhiga uu ku leeyahay Qatar, halka la filayo in dhawaan ay halkaasi gaaraan raxan maraakiibta dagaalka ah oo hada maraya Badda cas kuna siijeeda badda Carbeed. Taliyaha Ciidamada Jamhuuriga ee Iran Jeneraal Hossein Salami oo maanta oo Axad ah hortagay Baarlamaanka Iran ayaa warbixin kasiiyey xildhibaanda reer Iran dhaq dhaqaaqa militariga Maraykanka, isagoo sheegay in ciidamadiisa ay awood u leeyihiin inay iska difaacaan militariga Maraykanka oo uu sheegay in hadalada kasoo yeedhay Maraykanka ay tahay oo kaliya “cabsi gelinta” Iran. Source
-
(SLT-Gaarisa)-Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay tiro kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo kadib markii ay isku dhaceen gaadhi bas ah iyo gaadhi kale oo nooca xamuulka qaada ah oo marayey wadada u dhaxaysa Bangala iyo Gaariska ee dalka Kenya. Shilkan Gaadhi ayaa xalay dhacay xili bas weyn oo siday dad rakaab ah oo tiradoodu gaadhayso 60 qof uu galay gaadhi weyn oo kuwa xamuulka ah oo taagnaa meel u dhaxaysa Bangala iyo Gaarissa. Gaadhiga Xamuulka qaada ayaa la sheegay inuu siday sibidh, waxaana markii basku uu jiidhay gaadhigaasi soo daatay muraayadihii iyo saqafkii baska oo gabi ahaanba go’ay. Shilkan gaadhi ee ka dhacay Magaalada Gaarisa ee dalka Kenya ayaa dadkii ku dhaawacmay waxa loo qaaday Cusbitaalka Gaarisa oo lagula tacaalayo dhaawacyada ka soo gaadhay shilkaasi. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Askar ka mid ah ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay isku dileen magaalada Muqdisho, waxaana la shaaciyay xogta la xiriira dagaal dhexmaray askarta. Afar kamid ah ciidamada dowladda Uganda ayaa la sheegay inay geeriyoodeen kadib markii ay dhexdooda isku rasaaseeyeen magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay dhamaantood kamid ahaayeen saraakiisha AMISOM. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Khilaaf uu soo kala dhex galay mid kamid ah askarta Uganda iyo kormeerihiisii, taasina waxay keentay in askariga uu toogto Kormeerihiisa iyo labo askari oo la joogtay. Falkaan ayaa ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyn askariga falka geystay la sheegay inuu naftiisa dilay, taasi oo si weyn looga hadal hayo xerada Xalane. Afhayeenka Ciidanka Difaaca Uganda Brig Richard Karemire, ayaa xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu intaas raaciyay in Saraakiisha Uganda ay baaritaan ku hayaan kiiskan ka dhacay magaalada Muqdisho. Ma sheegin waxa sababay falkan, sidoo kale ma sheegin magacyada Askarta isku leysay Xerada Xalane, waxaana uu ku gaabsaday in ay baaris ku sameynayaan. Waa Dhacdadii ugu horeysay oo sanadkaan 2019 ay ciidamada Uganda ay isku dilaan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdsho Caasimada@live.com
-
The Federal Police of Ethiopia captures 9,711 Kalashnikov bullets from smugglers who were trying to bring into the capital, Addis Ababa. The bullets were captured from smugglers who were trying to bring into Wollo area of Amhara region and the capital, Addis Ababa. The smugglers were transporting the bullets in two vehicles departed from Harar area, eastern part of Ethiopia, according to report of Federal Police of Ethiopia aired on national broadcaster – ETV – this afternoon The bullets were seized this week by the federal police and customs officers at Alberekete customs post. The bullets were seized inside a car – Code 2- B28163 AA – Toyota Corolla vehicle and a van – code 3 -47593 Oro – high roof minibus. The police have arrested the people who were smuggling the bullets and investigation is currently underway, according to the report. In a related development, Ethiopian Customs Commission has announced that it has captured worth 2.4 million birr (around $84,000) contraband goods from smugglers this week at different customs posts. The items include sugar, shisha, mobile phone apparatus and metal products. Over the past few years it has become common to hear reports of illegal circulations of weapons, medicines, narcotic drugs, cash of different countries currencies and other manufactured goods. During the first nine months of Ethiopian Calendar started July 8, 2018, Ethiopian Customs Commission has captured around $30 million worth goods, including weapons, currencies of different countries, narcotic drugs and various goods, from contraband traders. The contraband goods smuggled into the country includes manufactured goods such as electronic and electrical goods, garments of various kinds, perfumes, cosmetics, pornography, habit forming drugs, armaments and others. Sudan, Eritrea, Kenya, and Djibouti are identified to be the main sources of these goods. Coffee, which is the country’s chief export item, a multitude of livestock, cereals of various types, animal skins, fuel and others are some of the goods smuggled out of the country. Source New Business Ethiopia Qaran News
-
The re-establishment of the Rule of Law in post-conflict countries is a key issue for the protection of human rights and the promotion of democracy. To this end, linking and strengthening the legal chain, from police investigations to the courts including administration by prosecutors, is extremely important for the Rule of Law to reach all segments of society. Source: Hiiraan Online
-
The U.S. claimed that Iran has been mobilizing proxies in Iraq and Syria to attack its forces, and its new deployments have stirred talk of war Source: Hiiraan Online
-
Sudan’s Rapid Support Forces have seized 241 kilograms of gold from a Moroccan plane flying from the country’s River Nile state, which landed in the capital Khartoum. Major General Othman Mohamed said that only 93 kilograms of the gold on board the plane has an export license, while the legal status of the remaining quantity has not been clarified. The Major General explained: “We must deliver this large amount [of gold] to the Bank of Sudan, and then we will go on with the necessary legal procedures.” Mohamed did not name the private Moroccan company which had allowed the exportation of the gold, nor did he give further details. However, he pointed out that the status of the company in Sudan is legal and registered. Meanwhile, Moroccan news website Hespress reported that the plane was loaded with huge amounts of gold belonging to Moroccan company MANAGEM, which has long been active in the mining industry across the African continent. Sudan produces 100 tonnes of gold every year and gold mines are a major source of foreign currency in the country. However, it is believed that about 70 per cent of Sudan’s gold production is being smuggled out of the country, as producers try to circumvent regulations requiring gold to be sold to the central bank in local currency at a price much lower than that which can be reached on the black market. Sudan’s Rapid Support Forces declared that Thursday’s seizure of the gold was intended to protect the national economy and preserve the country’s resources and wealth. Hespress, however, claimed the Sudanese forces stopped the plane because it had not acquired permission to fly, not because of smuggling gold. MEM Qaran News
-
Kampala- Ciidanka Uganda ayaa baaraya sababta keentay in askari ka tirsan ciidanka Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho uu u dilay sarkaal ka mida ciidanka AMISOM ka hor inta uusan isagu isdilin. Warar laga helay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu aad uga xanaajiyey sarkaalka la dilay waxaana sidoo kale rasaastaas ay dishay afar askari guud ahaan maalintii sababtida. Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Brig Richard Karemire ayaa sheegay in laba askari oo kaliya ay dhinteen baareyaashuna ay ka shaqeynayaan sababta keentay in askarigani uu dilka geysto. “Sababta wali lama oga. Waxaan dooneynnaa inaan ogaanno haddii uu waalnaa iyo haddii kaleba,” ayuu yiri Brig Karemire shalay. Dhacdadan ayaa ka dhacday saldhig weyn oo hawlgalka midowga Africa ku leeyihiin Soomaaliya iyadoo ciidanka Uganda ee Soomaaliya jooga ay yihiin kuwa ugu badan ee ciidankooda u soo diray Soomaaliya. Dalka ay kasoo jeedaan saraakiisha dhimatay wali lama shaacin. Toogashada ka dhex-dhacda ciidamada Uganda (UPDF) ayaan caadi ahayn marka ay hawlgal u joogaan meel ka baxsan dalkooda. Source: goobjoog.com
-
Kampala- The army is investigating the circumstances under which one of its soldiers deployed in Mogadishu, Somalia, shot his administration officer dead before killing himself. Source: Hiiraan Online
-
At least ten people have been killed in an accident along the Nairobi-Garissa Highway. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu aragti ahaan ka duwan yahay dadka shirkii magaalada Garowe ku tilmaamay inuu Fashilmay. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa mid bilow ah oo madaxda dalka ay kaga hadlayeen masiirka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana aysan jirin cid kale oo xal u raadin doonto ummadda oo aan madaxda aheyn. Wuxuu sidoo kale sheegay in shirkaasi uu bilow ahaa, islamarkaana markale ay madaxda isku imaan doonaan iyaga oo ka arinsanaya xaaladaha dalka Soomaaliya. “Runtii Shaqsi ahaan ma qabo sida loo fasiray iyo sida dadka uga deyrinaayaan, shirkaasi waa talaabtii ugu horeysay oo loo qaaday wadahadalka, waxaan ku kalsoonahay in arimaha noo yaalay si saraaxo leh looga hadlay”ayuu yiri Waare. Waxa uu rajo wanaagsan la muujiyey in markale dib la isugu soo laaban doono,waxaana uu sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay wax badan ka sugayaan, isla markaana wax walba wadahadal iyo heshiis lagu dhameyn doono. Mudo 7 Cisho ah oo xiriir ah ayaa Magalada Garowe waxaa ku shiray Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad goboleedyada, shirkaas oo lagu kala tegay, iyada oo aan wax natiijo ah aan kasoo bixin. Hoos ka dhageyso codka madaxweyne Waare. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/05/cod-1-waare-.mp3Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in aragti ahaan uu qabo in aanu fashilmin shirkii madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee Garoowe. Wuxuu tilmaamay in la arkay oo kaliya culeysyada jira inta ay la egyihiin iyo sidoo kale waxa loo baaha yahay in loo gudbo. Waare ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in la isku soo laabto mar kale oo laga shaqeeyo aayaha dalka iyo in la dhammeeyo wax walbo oo jira. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/05/cod-1-waare-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa ka dhacay shir ay yeesheen madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabelle iyo sidoo kale K/galbeed. Shirkan ayaa ahaa mid looga hadlay arrimo u badan ammaanka, xiriirka maamullada iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa ishkaashigooda. Shirka kadib waxaa laga soo saaray war-saxaafadeedkan: Source: goobjoog.com
-
Most African countries have few to none forensic bureaus or institutions. Forensic science plays a vital role in the criminal justice system by providing scientifically-based information through the analysis of evidence. It is a big moment in Somalia’s history as a court in Garowe today used forensic DNA evidence to convict three men accused of the rape and murder of 12 year old Aisha Ilyas. This is the first time forensic DNA evidence is being used to land a conviction in Somalia. Ilyas was abducted on February 24 at a market in nothern Galkayo. Her body was found the next morning near her home. A post-mortem found that she had been gang-raped then strangled to death. The incident sparked mass demonstrations held across Puntland and the hashtag #JusticeforAisha was created. On Sunday, May 12, the men responsible for her rape and death were finally convicted thanks to forensic science. The Bureau of Forensic Science of Garowe, Puntland, Somalia, was officially inaugurated on Spetember 6, 2017, in Garowe, Puntland, Somalia. It is the first of its kind in Somalia. Funding for the bureau was by the Swedish government and was facilitated by the United Nations Population Fund. The bureau has three sections: forensic biology, forensic chemistry, and physical and trace evidence. According to the press release, crimes related to gender-based violence were of a priority since the inception of the bureau due to “habitual rapists” who were “let loose to prey in Puntland and other places in Somalia simply because there was no scientific proof linking these criminals to the horrific crimes they had committed”. Forensic DNA evidence worked by matching the DNA found at the crime scene with the DNA of the suspects. If a positive match is found, the suspect is thus linked to the crime scene and hence the crime. DNA evidence can be collected from semen, blood, skin cells, saliva, and hair with attached follicular tag, amongst others. The three men found guilty were sentenced to death. 7 others, mostly youths, were acquitted. The bureau is the sole operating forensic entity in Somalia. This reflects a similar situation in the African continent in general. Most African countries have few to none forensic bureaus or institutions. Forensic science plays a vital role in the criminal justice system by providing scientifically-based information through the analysis of evidence. Source: The African Exponent Header Image Credit: Forensics The post Forensic DNA Evidence Helps To Catch Rapists in Somalia for the First Time in History appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, gaar ahaan safaaradda ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijisay in Nin u dhashay dalkaas oo ahaa Engineer xagga dhismaha qaabilsan uu ku geeriyooday weerar loo adeegsaday Qarax oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Enigineerkaan Turkiga ka soo jeeday ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay nawaaxiga Isgoyska KM4, kaas oo Lagu Magacaabi jiray Mustafa. Waxaana uu dhaawaca qaraxaasi ka soo gaaray ugu geeriyooday Isbitaal loola cararay kadib qaraxa. Weerarkaan ayaa waxaa Masuuliyaddiisa dusha u ritay Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. View the full article
-
Popular Contributors