-
Content Count
208,405 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ceelwaaq (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan Ceelwaaq ayaa kulamo ka wada gudaha degmadaasi. Kulamadan oo ah kuwa is daba joog ah ayaa waxaa uu la qaadanayaa saraakiisha Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya ee ku sugan halkaasi. Ujeedka ayaa ah sidii ay Jubbaland u xalin laheyd khilaaf u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo kuweeda. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay fashil uu ku soo dhammaadeen kulamadaasi, islamarkaana Ciidanka Milatariga Soomaaliya ay ka biyo diideedn in ay la shaqeeyaan kuwa maamulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Kenya uu Maxamuud Sayid Aadan kala hadlay arrimo la xariira howlgallada ka socda gobolka Gedo. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii dambe khilaaf xoogan uu ka dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ka howlgala K/Soomaaliya. View the full article
-
Cabdicasiis iyo Xamar Jajab oo caawa ku baratamaya Shabelle
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (SMN) – Tartan aqooneedka Shabelle oo caawa galaya habeenkiisa 7-aadayaa waxaa laguda gali doonaa Group-ka D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Group-kan ayaa waxaa ku wada jira degmooyin xul ah, sida Cabdicasiis, Xamar Jabjab, Kaaraan iyo Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Kulanka ugu horreeya ee caawa ayaa waxaa isaga hor imaan doono degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamar Jabjab oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Labadaani degmo ayaa horay taariikh uga sameeyay tartanka sanadkii hore, kadib markii ay tiigsadeen Finalka ama kama dambeysta tartanka, C/casiis ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad iyo halka labaad ay ku guuleystay degmada Xamar Jajab. Waa sanad kadib oo ay labaduba caawa mar kale ku kulmayaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan, tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan wada dadaal xoogan. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa shirkadaha Beco iyo Coca Cola. View the full article -
Muqdisho (SMN) -Odayaal iyo xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda deegaanada K/ Galbeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay ka warbixiyeen meesha ay marayaan dadaallada la doonayo in lagu soodaayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Waxgaradkan iyo siyaasiyiinta ayaa sheegay in haatan meel wanaagsan ay marayaan wada hadallada lagu doonayo in lagu soo daayo wadaadkaasi. Sidoo kale waxa ay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ay ka dalbadeen in muddo 15 cisho gudahood xorriyadiisa dib loogu soo celiyo Roobow. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Masuur oo ka mid ahaa Musharraxiinta u taagneyd hoggaanka maamulka K/ Galbeed ayaa bartamihii bishii December ee sanadkii hore laga soo xiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Maalmahii lasoo dhaafay waxaa si awood leh barta twitter-ka looga hadal hayay in la la’yahay madaxweynaha dalka Kenya, balse eedaymahii halkaas looga soo jeediyay waxaa ugu dambeyn kasoo jawaabay xafiiska madaxweynaha. Gabadha afhayeenka u ah Madaxweynaha ee Kanze Dena ayaa qoraalo badan ku shaacisay iney aad ula yaabtay waxa lagu daabacayo twitter-ka, iyadoo aysan jirin dhibaato jirta, sidoo kalana madaxweynaha uu ku guda jiro hawlahiisa shaqo. Wax cajiib ah ayey noqotay markii twitter-ka lagu soo qoray sheekooyin layaab leh oo muujinaya inuu maqan yahay madaxweyne Uhuru, waxeyna sameeyeen qoraal is afgarada ah oo u dhignaa sidan: #whereisuhuru and #findpresidentuhuru, taasoo macno ahaan u dhigan: “#aaway uhuru iyo #raadiya uhuru” Madaxweynaha lama arag tan iyo 23-kii April markaas uu u dhoofay dalka China, ujeedadiisuna waxey aheyd inuu ka raadsado deyn ay ku dhistaan qad tareen oo la sheegay iney qiyaastii ku baxeyso lacag malaayiin doolar ah. Dadka u dhashay wadanka ayaana qiray ineysan arkin madaxweynaha tan iyo markaas, taasna waa midda keentay hadal heynta baraha bulshada. Sidoo kale gabadha afhayeenka ah waxey sheegtay ineysan waxba ka jirin wararka sheegaya inuu Uhuru ugu safray China si uu deymo u weydiisto. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada golaha shacabka BFS oo uu haatan kulan uga socdo magaalada Muqdisho ayaa ka doodaya xeerka saxaafadda oo wax ka bedal lagu sameeyay iyo sidoo kale xisaab xirka miisaaniyadii diowladda ee 2017-kii. Kulankan oo qeyb ka ah kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka aya waxaa shir guddoominaya ku simaha guddoomiyaha golaha shacabka, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi C/weli Sheekh Ibraahim Muudey,waxaana goob joog ah illaa iyo 143 Mudane. Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu hor dhaariyay wasiirka cusub ee waasaradda ganacsiga warashada Soomaaliya Mudane C/laahi Cali Xasan,kas oo uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Wasiirkan ayaa bedalaya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo loo wareejiyay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Duhur-130519-sx.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Militeriga Uganda ayaa sheegay inuu baarayo shaqaaqo maalin kahor ka dhacday gudaha Xerada Xalane ee magaaladda Muqdisho, taas oo lagu dilay afar askari oo midkooda taliye sare ahaa. Afhayeenka ciidamada difaaca Uganda Richard Karemire ayaa xaqiijiyay in askari ka tirsan AMISOM uu dilay taliyihiisa, kadibna isaga is-dilay kahor inta aan gacanta lagu dhigin. Illo wareedyo ku sugan Xalane ayaa wargeyska Daily Monitor u sheegay in toogashada ay ku dhinteen illaa 4 askari, kuwaas oo dhamaantooda ka soo jeeda dalka Uganda, qeybna ka ahaa howlgalka AMISOM. “Dilkan weli ma cadda sababta ka dambeysa, waxaan dooneynaa in aan ogaanno in Askariga dhmirka looga jiray iyo in uu caafimaad qabay”. ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Uganda Richard Karemire. AMISOM weli ma aysan shaacin magacyada askarta isku dhex dishay xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ee laga xukumo ciidamada Midowga Africa ee howlgalka ka wada Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay oo askari ka tirsan AMISOM uu saaxiibadiisa ku toogto Soomaaliya, tan iyo intii uu howlgalka billowday sanadkii 2007. View the full article
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheire has toured the police headquarters in Mogadishu to hold talks with the police commissioners. During the meeting with the police officials, the premier lauded that the law enforcement agencies an essential role in improving the security of the city. The officials briefed the prime minister about the improvement gained in terms of the interactions between the law enforcement agencies and the public since the introduction of the hotline 991 to contact. Khaire has stressed the need to provide the best possible security to the public and dissuade would-be criminals with the deployment of uniformed and plain-clothed police officers. He commended the security officers for their commitments to beef up the security of the city. The prime minister also toured several checkpoints in the city to inspect the security condition. The tour of the prime minister comes as the government intensifying its security operations in and around Mogadishu. Somali Police Force and African Union Mission in Somalia (AMISOM) Police have been conducting joint patrols since the beginning of Ramadan, aiming at improving the security in the capital city, Mogadishu. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo hadal hayaa isbaheysiga cusub ee hadda ay sameysteen madaxda maamul goboleedyada Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Puntland oo hadda kusoo biirtay isbaheysiga. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan u gashay sidii ay dhankooda usoo wada mari lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada, balse waxaa caqabad adag ay kala kulmeen madaxda maamulada Jubbaland iyo Galmudug. Kadib markii lagu kala tagay shirkii magaalada Garowe, waxaa kulamo gaar gaar ah ay dhexmareen madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Puntland, HirShabeelle iyo Koofur Galbeed. Kulamadaasi ayaa looga arinsanayay arimo dhowr ah, waxaana kulanka ugu muhiimsan uu dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Puntland, kaasi oo keenay isbadal weyn keenay. Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa u muuqda mid wax badan ku badashay mowqifkii hore uu taagnaa, waxaana uu kamid noqday isbaheysi cusub oo ay yeesheen madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Puntland. Isbaheysiga cusub ayaanan la ogeyn waxa uu ka badali doono xaaladaha culeeska ee saaran dhanka dowladda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa isbaheysigan cusub wuxuu kaga dhigan yahay inuu ka yaraan doono culeeska ugu badan ee kaga imaanayay dhanka maamul goboleedyada, waxaana kaliya usoo haray Jubbaland iyo Galmudug. Axmed Madoobe iyo Xaaf waxaa dhankooda heysta culeesyo doorashooyinka kusoo fool leh la xiriira, waxaana ay guul aan badneyd kaga dhigan tahay dhanka dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The army is investigating the circumstances under which one of its soldiers deployed in Mogadishu, Somalia, shot his administration officer dead before killing himself. Source: Hiiraan Online
-
PRESS RELEASE Future of Power Whitepaper takes center stage at Africa Utility Week / PowerGEN 2019 Conference As the 19th edition of the Africa Utility week and PowerGEN event kicks off, GE unveiled a whitepaper today on Re-imagining the future of power in Sub-Saharan Africa CAPE TOWN, South Africa, May 13, 2019/ — Whitepaper highlights the future gamechangers in the energy landscape in Sub- Saharan Africa; Discusses the factors contributing to energy transformation and the enabling environment; Outlines the market’s response through region-specific case studies and the path forward. Global and regional energy industry trends are continuously shifting and stakeholders need to stay constantly informed to better understand the key drivers of change. As the 19th edition of the Africa Utility week and PowerGEN event kicks off, GE (NYSE: GE) (www.GE.com/Power) unveiled a whitepaper today on Re-imagining the future of power in Sub-Saharan Africa (https://invent.ge/2VyUJF7). This paper, developed by the Strategic Marketing unit of GE in Sub-Saharan Africa focuses on the changing trends and future direction of the energy industry as it explores the relevance and impact of key drivers both regionally and globally. Key themes discussed in the paper include decarbonization, decentralization and digitization as well as how they affect the current and future energy transformations in the region. The paper also sheds light on the rise of renewables including solar, wind and hydro and the place of geothermal in Sub Saharan Africa’s energy mix. The whitepaper also discusses energy sector management, financing and regulatory frameworks that create an enabling environment for the sector. Sub-Saharan Africa needs power and there is seemingly an over-dependence on governments to resolve this energy dilemma. Governments are faced with investment, policy and regulatory framework challenges that oftentimes hinder their ability to fulfill the responsibility of providing affordable and reliable power. With increasingly diverse funding from public and private sources, including innovative partnerships with private investors and independent power producers (IPPs), the current narrative that two out of three people in the region needs access to electricity is expected to change. “To solve Africa’s energy deficit and improve energy access, there is a clear need for solutions that foster collaboration through partnerships with governments, technology providers and the private sector” said Elisee Sezan, CEO for GE’s Gas Power business in Sub-Saharan Africa. “GE has been at the forefront of driving this collaboration which has resulted in significant milestone projects and solid partnerships that have successfully added more megawatts to the grid. We are delighted to lead this changing narrative on powering Africa forward and are committed to supporting energy initiatives to accelerate its progress” he added. Africa Utility Week brings together utilities, financiers and energy leaders from across the region to discuss and develop technical knowledge in the field of electricity generation, transmission and distribution. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday ayaa culimada ka codsaday Inay kala shaqeeyaan adkaynta nabadda, ka hortagga fidnooyinka, islamarkaana uu madaxweyne ahaan diyaar u yahay inuu si dhegaha u raariciyo talooyinka ay iyo wanooyinka ay culimadu soo jeediyaan oo ay ugu horrayso dabbaqidda Diinta Islaamku, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan dhigay halkii ay culimada waaweyni dhigeen, dardaarankiinniina waannu qaadannay oo ay kow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayoba dhinaca Diinta laga bilaabo oo Diinta la taageero oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga dalka si wada-jir ah loo ilaaliyo, ciddii khalkhal gelinaysa dalka xilkasta oo ay haysana in gacan bir ah lagu qabto.” Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Abaal Marino iyo hadiyado dhiirigelina Guddoonsiiyey Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirada Maamulladaasi ee qaybta ka ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee shirka wada-tashiga caasimadda Puntland ee Garoowe kaga qaybgashay. Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa abaalmarino dhiirigelina guddoonsiiyey Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, kuwaasi oo si hagar la’aan ah ula shaqeeyey isaga iyo weftigiisa muddadii ay Garoowe ku sugnayeen. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa weftiga labada Madaxweyne ku bogaadiyey shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabkooda, Isla markaana waxa ay hoosta ka xariiqeen in Puntland diyaar u tahay iskaashi iyo xiriir dhaxalgal ah oo sadexgeesood ah, kaasi oo dhexmara Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland. PUNTLAND POST The post Deni oo hadiyado guddoonsiiyay Waare iyo Lafta-gareen appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Laba hablood oo u dhashay dalka Canada, oo bishii hore laga sii daayey xabsi ku yaala Somaliland ayaa waxay maanta soo bandhigeen sidii loola dhaqmay mudadii ay ku xirnaayen xabsigaas. Labadan hablood oo warbaahinta dalka Canada u marameyay ayaa waxay u sheegay in si fool-xun loola dhaqmay intii xabsiga ay ku jireen. Labadan hablood ayaa waxa lagu kala magacaaba Maymona Cabdi oo da’deedu tahay 28-jir iyo Karima Watts oo 24-jir ah, ayaa la xidhay bishii January, kuwaasi ciidamada boolisku ay kasoo qabteen guri ku yaala Hargeysa, iyada oo bishii hore la sii daayey. Maymona Cabdi iyo Karima Watts ayaa markii hore waxay ka imaaden magaalada Ottawa ee dalka Canada, waxaanay maanta ka dageen garoonka diyaaradaha ee Toronto ee Pearson International Airport. Ugu horeyntiina, Maymona Cabdi ayaa iyada oo la hadleysa warbaahinta dalkaasi, waxay sheegtay inay rumaysantahay in lagu sii daayey kadib markii ay warbaahintoodu ay wax ka qoreen xariga iyo tacadiyada ay la kulmeen, waxayna tiri: “Waxaan dareemayaa xornimo farabadan. Hubaashi waxay ahayd waxa na soo maray wax adag. Anigu aadbaan u daalanahay oo aan u walaacsanahay”. Maymouna Cabdi ayaa waxa kale oo ay intaasi ku dartay in xafiiska qunsuliyada Canada ee halkaasi aanu u caawin iyaga sidii ay uga baahnaayeen. Waxaana warbixin diyaarsan oo ay aqriyeysay Maymouna Cabdi ay ku sheegtay in dad badani ay waydiinayeen sababta ay u tageen meel sidaas khatar u ah sida Somaliland oo kale. Iyadoona sheegtay inay u tageen waajibaad saarnaa oo ahaa inay caawiyaan dumar gabood-falo wajahayey. Karima Watts iyo Maymouna Cabdi ayaa waxay si wada-jir ah u sheegen inay la kulmeen dhibaatooyin iyo tacadiyo nafsi ahaaneed oo ka soo gaaray xabsiga, iyagoona ka dhawaajiyey in loo diiday in dawo iyo biyo loo keeno, iyadoona sidoo kale loo diiday inay helaan la talin sharci. Labadan hablood ayaa waxa hore loogu xukumay labo bilood iyo badh xarig ah, sida uu sheegay qareenkii u doodayey, kaasi oo sheegayna in dacwad oogihii kiisku aanu Maxkamada hor keenin wax cadeyn ah oo xaqiijinayey inay labadan hablood ay khamri cabeen. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ugandan soldier shoots his boss dead, kills self in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Ugandan army is investigating the circumstances under which one of its soldiers deployed in Mogadishu, Somalia, shot his administration officer dead before killing himself. A source in Mogadishu told the Daily Monitor that the soldier who ran amok was irked by the supervisor and that four soldiers in total died in the Saturday shooting incident. The Uganda People’s Defence Force (UPDF) spokesperson, Brig Richard Karemire, however, said only two soldiers perished and investigators are working to establish the motive of the errant soldier. “The motive isn’t yet known. We want to know whether he was insane or not,” Brig Karemire said by telephone Sunday. The incident happened at the main base, which is the central nerve of the African Union Mission in Somalia (Amisom), to which Uganda was the first and to-date still the largest troop contributor. INCIDENTS The identities of the deceased have not yet been released. Shootings among UPDF soldiers are uncommon when on a mission outside the country or at home. In recent times, most shootings by soldiers have targeted civilians, with a number attributed to love-gone-bad incidents and property wrangle. However, in 2016, Sgt Isaac Obua shot dead seven of his colleagues inside Makindye Military Police Barracks in Kampala. Pte Isaac Newton Okello was in December 2018 convicted for killing a pregnant woman, her husband, and son in Alebtong District and sentenced to 80 years imprisonment. In 2013, Sgt Robert Okiror attached to the 7th battalion in Kisoro District shot dead his girlfriend and household following a domestic brawl. In the same year, Pte Patrick Odoch killed 11 people near Bombo UPDF headquarters over similar reasons. Pte Odoch was later sentenced to a 90-year jail term. In December 2012, L/Cpl Herbert Rwakihembo, attached to the Military Police, shot dead his fiancée, Irene Namuyaba and two others at Luzira. View the full article -
Heshiiskii wadaaga khayraadka dabiiciga oo ay saxiixeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, kana dhacay Baydhabo June 5, 2018 waxaa lagu heshiiyey sida loo qeybsanayo dakhliga ka soo xarooda kheyraadka dabiiciga ah. Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa heshiiska wadaaga khayraadka dabiiciga ah oo hadda horyaalla golaha shacabka si loo ansixiyo. Akhriso, Heshiiska Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah: Shidaalka Badda: Sida ku qoran heshiiskii wadaaga khayraadka dabiiciga, dawladda federaalku waxay heli doontaa 55% dakhliga shidaalka laga soo saaro badda halka dowlad goboleedka ay heleyso 45%, dakhliga dambe waxaa qeybsan doona dowlad goboleedyada shidaalka soo saara iyo kuwa aan soo saarin, sidaasi waxaa lagu xusay heshiiskii qeybsiga kheyraadka ee Baydhabo oo haatan horyaalla golaha shacabka. Heshiiska waxaa ku jira in dowlad goboleedka shidaalka soo saarta ay dakhli ahaan heli-doonto 25% halka degmada ama gobolka sida gaar ah ay ugu yaallaan ceelasha saliidda ay helaan 10%. 10% kale ayaa waxaa nasiib u heli-doona dowlad goboleedyada aan shidaalka soo saarin. Dhinaca kale, shidaalka laga soo saaro dhulka ama berriga waxaa loo qeybsan doonaa, dowladda federaalka waxaa loo qoondeeyey dakhliga 30% halka dowlad goboleedka laga soo saaray shidaalka iyo gobolka sida gaar ah looga saaray ay kala qaadan-doonaan 30% iyo 20% siday u kala horreeyaan, halka dowlad goboleedyada aan soo saarin shidaalka ay xiso ahaan dakhliga heli-doonaan 20% . Haddii dhulka laga qodayo gaar loo leeyahay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka waxaa ay kala helayaa 40-40% halka degmada soo daarta ay heleyso 10% iyo dowlad goboleedyada aan soo saarin oo ah 10%. Dakhliga Bixinta Laysinada ay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada u qeybsan-doonaan 50-50 SPA: Shirkadda Somali Petroleum Authority (SPA) ayaa ka mas’uul ah bixinta laysinnada, la socodka iyo dhaqan-gelinta shuruucda shariga shidaalka iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Unknown gunmen have shot and killed a Somali government soldier and wounded another in Mogadishu attack on Sunday evening, eyewitnesses said. The assailants seized the AK-47 rifle from the slain soldier before escaping the scene in the capital’s Kaaraan district. The security forces reached the area of the attack and launched a search operation, but, no arrest was reported. The shooting comes amid tight security in the city as the government deployed additional police on the main streets of the capital to avert Al-Shabaab attacks during the Holy Month of Ramadan. View the full article
-
Wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse ayaa saaka kormeer ku tegay wadada u dhexeeya Jalam iyo Xarfo oo qiimayn ku socoto si dib loogu bilaabo mashruucii dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo. Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda ayaa lagu sheegay in wasiirku uu kormeer shaq ku tegay wadada u dhexaysa tuulada Jalam iyo degmada Xarfo oo qiimayn ku socoto si dib loogu bilaabo dhismaha laamiga xiriiriya magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo gaar ahaanna inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo halkaasi oo laamigu aad uga burburay. Wasiirka iyo khubaro la socotay ayaa kormeeray habka loo wado qiimeynta lagu sameynayo wadada waxaana ay xog-wareysi la yeesheen khubarada gacanta ku haya qiimeynta wadadaasi oo la qorshaynayo in dhowaan dib loo bilaabo dhismaheeda. Masaafada la doonayo in dib loo dhiso waa 80km oo ka tirsan laamiga Garoowe_Gaalkacyo waana inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo halkaasi oo uu aad uga burburay laamiga. Dowladda Jarmalka oo ku deeqday mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa 8 September 2018 ku dhawaaqday in ay joojisay mashruucasi kadib markii ay sheegtay in la musuq maasuqay. Halkan ka akhriso Balse Jarmalka ayaa mar kale 7 April ee sannadkan ballan-qaaday in uu dib u bilaabayo dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo kadib markii safiiradda u fadhida magaalada Muqdisho ay socdaal ku timid Puntland. Halkan riix Halkaan ka eeg sawirada kormeerka PUNTLAND POST The post Dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo oo qiimayn ku socoto appeared first on Puntland Post.
-
Armed Fighters belonging to the Somalia-based Al-Qaeda ally, Al-Shabaab have carried out an assault against a military manned by African Union forces in an area in the outskirts of Mogadishu, the country’s capital. The attack which took place in Arba’ow village on Sunday night has led a gunfight between the militants and AMISOM – African Union Mission in Somalia troops, according to local residents. The two sides exchanged heavy and light weaponry during the confrontation that was reported to have raged on for around 30 minutes. Moreover, the casualty figures of the attack remain unclear as there has been no statement from both Al-Shabaab and AMISOM. Calm has returned to the area on Monday morning, despite military movements by Somali and AU troops in the locality and nearby Elasha Biyaha village. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan Afur iyo casho isugu jira xalay u sameeyey culimada waaweyn ee reer Somaliland kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka. Kulankan uu madaxweynuhu u sameeyey culimada waaweyn ee dalka oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ujeeddadiisu ahayd sidii ay culimada dalka iyo madaxweynuhu isu xog-waraysan lahaayeen, ayaa waxa ka qayb-galay hormuudka culimaa’udiinka reer Somaliland, shirguddoonka golaha wakiillada, hoggaanka xisbiyada UCID iyo KULMIYE iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxana si furan la isugu weydaarsaday waanooyin iyo hogo-tusaalayn la xidhiidha sidii xukuumadda iyo culimadu u wada-shaqayn lahaayeen. Xubno kamid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, Sheekh Cabdirisaaq Albaani iyo culimo kale oo kulanka hadallo ka jeedisay, ayaa si weyn u ammaanay wada-shaqaynta iyo isku-xidhnaanta u dhaxaysa xukuumadda iyo culimada, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in kulamada noocan oo kale ahi ay xoojinayaan isku-duubnida iyo wada-tashiga qaybaha kala duwan ee bulshada. Sheekhul beledka gobolka Awdal, Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar oo hadal dhinacyo badan taabanaya oo waano, waxsheeg iyo wacdi isugu jira kulanka ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday qiimaha nabadda iyo wada-jirka bulshadu leeyahay, waxana uu axsaabta qaranka ku waaniyey inaan la dhaawicin ammaanka iyo isku-duubnida shacabka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Axsaabtu tartankooda ha tartamaan, laakiin dawladnimada yaanay wax yeelin oo yeynaan qalin-daarin, qofkuna isaga oo ra’yigiisa wanaaggiisa u cabbiraya, haddana ka ilaashado nidaamka dawliga ah, waxana ay ahayd waxyaabaha aynnu Koonfur kaga duwanayn, waxannu isku ognahay nabadgelyada inaynu ilaashanno, dalkeenna waxaynu ku joognaa oo aynnu ku dhisannahay waa nabadgelyo, adduunkuna wuxuu inagu ammaanaa nabadgelyada aynnu haysanno.” Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna culimada ugu baaqay inay xukuumadda kala shaqeeyaan kor-u-qaadista wacyiga bulshada, kana qayb-qaataan hirgelinta iyo dhaqangelinta wax kasta oo ay shacabka faa’iido ugu jirto. Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo hadal ka jeediyey kulanka uu madaxweynuhu u sameeyey culimada, ayaa ku dheeraaday doorka ay culimadu ku leeyihiin wacyigelinta bulshada iyo kor u qaadista Diinta Islaamka, waxana uu yidhi, “Culimadu kaalin weyn ayey kaga jirtaa wacyigelinta bulshada iyo ilaalinta anshaxa guud iyo dawladnimada, iyaga oo u xilsaaran barista ubadkeenna, diinta Islaamka iyo guud ahaanba bulshadeenna iyaga oo u xilsaaran barista ubadkeena Diinta Islaamka iyo guud ahaanba bulshadeena inay ku barbaariyaan Diinta kuna wacyigeliyaan, waxana hawsha ugu ballaadhani tahay inay iskeen garab taagaan maalinta ay dhibaato timaaddo.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa, ayaa culimada ka codsaday Inay kala shaqeeyaan adkaynta nabadda, ka hortagga fidnooyinka, islamarkaana uu madaxweyne ahaan diyaar u yahay inuu si dhegaha u raariciyo talooyinka ay iyo wanooyinka ay culimadu soo jeediyaan oo ay ugu horrayso dabbaqidda Diinta Islaamku, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan dhigay halkii ay culimada waaweyni dhigeen, dardaarankiinniina waannu qaadannay oo ay kow ka tahay in Diinta loo gargaaro oo wixii la qabanayoba dhinaca Diinta laga bilaabo oo Diinta la taageero oo ay ku xigto in nabadda iyo amniga dalka si wada-jir ah loo ilaaliyo, ciddii khalkhal gelinaysa dalka xilkasta oo ay haysana in gacan bir ah lagu qabto.” Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaado-sharafyo guddoonsiiyey guddi culimo ah oo soo afmeeray diyaarinta iyo isku-dubba-ridka manhaj midaysan oo yeelan doonaan maddarasadaha kala duwan ee ka jira Somaliland. Source
-
Popular Contributors