-
Content Count
208,405 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha Xukumadiisa ayaa markale indho indhayn socdaal ah ku maray dhulka Roobabku wax yeeleeyeen Magaaladda Hargaysa. Sannadkii hore ayuunbay ahayd markii Dad daadad ku qaadeen Hargaysa dhexdeeda uu Madaxweynuhu indho indhayn ugu tagay, waxaana kamid ah qoys caruur uu kala tagay Dadku, xaafadda Daami oo dhaamkeedu Dad liqay iyo goobo kale. Isla Caawa waxaa magaaladda Hargaysa ka da-ay roob keenay dhimasho iyo dhaawac sidii caada ahayd Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha gudaha iyo saraakiisha Ciidanka ayaa Soo indho indheeyay, waxaana muuqata awood darrada Xukuumadda Muuse Biixi oo sannadkii labaad dhacdooyin isku mid Ah isku Si u wajahaysa. Source
-
(SLT-Hargaysa) Roob xoogan oo mahiigan ah oo Caawa Fiidkii Wakhtiga xiligii Afurada ka da’ay Magaaladda Hargaysa ayay ka dhasheen Khasare xoogan. Inta la hubo ilaa 5-Ruux ayaa u geeriyooday waxyeelada Roobka, halka tiro kalena dhaawacyo soo gadhwen, Sidoo kale waxa khaasare ku yimi Dhismayaal isugu jira Huteelo iyo Guryo . Wakhtiga Oo goor habeen ah awgeed waa suurto gal in Khasaaruhu intaas ka badnaado. Dhibaatada Ugu daran ee Magaaladda Hargaysa haysata ayaa ah dhulkii biyo marrenada oo xidhmay iyo Magaaladda Oo aan lahayn wax diriinij ah amma meel biyuhu ka baxaan oo maraan taas oo khasaaraha ugu badan ka dhasho. Geesta kale shirkasaha Laydhka oo iyana aan habays nayn ayay mar kasta oo Roob yimaado Dad ku dhintaan. Source
-
Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa kulan la qaatay safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Ben Fender oo uu weheliyo madaxa Xafiiska UK ee Somaliland Mr Stuwart Brown. Madaxda xisbiga WADDANI iyo Danjireyaasha Ingiriiska ayaa ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee Somalilang gaar ahaana xaaladdii Degdegga ahayd ee meelo ka mid ah Sanaag iyo xadhigga soo noqnoqday ee masuuliyiinta xisbiga, xildhibaannada iyo saxaafadda. Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa kulanka ku wehelinayay guddoomiyaha ku meel gaadhka ah Xil Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali X . Xasan, xoghayaha guud Khadar Xuseen, xoghaye ku xigeenka Jamaal Jaamac iyo xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha Cabdiqaadir Iidle Waaxda War Faafinta ee xisbiga WADDANI Hargysa.Somaliland Source
-
(SLT-Hargaysa)Qoysas danyar oo ku nool xaafad ka mid ah Hargeysa ayaa sheegay in nin madaxweynaha Somaliland ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Cumar Biixi Cabdi iyo wiil uu abti u yahay ay ku haystaan dhulka ay deggan yihiin. Madaxweynaha Somaliland ayay ka codsadeen in uu ka qabto xubnahan ka tirsan qoyskiisa oo ay ku eedeeyeen in ay dulminayaan. Ninka ay walaalaha yihiin madaxweynaha ayay sheegeen in uu Qurbaha uga yimi si uu dhulkooda u qaato. Dhinaca la eedeeyay ilaa hadda kama jawaabin. Dhawaan ayuunbay ahayd markii buuq ilaa hadda taagani ka dhashay dhul Madaxweynuhu Sheegay in Madaxtooyo cusub laga dhisaayo taas oo Haween maato ah tacadi badan loogu gaystay. Source
-
When I worked in Somalia from 2016 to 2018 supporting provision of military assistance to forces combating al-Shabaab, most discussions with international partners acknowledged that our efforts could not ultimately defeat the jihadist group. As part of the plan for transitioning security Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda waxbarashada dawladda Soomaaliya ayaa joojisay gabi ahaan imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare. Wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo ka soo muuqday warbaahinta dowlada ayaa ku dhawaaqay in imtixaanka la joojiyay. Wasiirka ayaa sheegay in la arkay imtixaankii lagu kala gadanayo suuqyada islamarkaasina ardaydu ay sii heeystaan qishka maadooyinka ay galayaan. 27-ka bishaan ayuu iclaamiyay wasiirka in intixaanka dib loogali doono. Waxa uu sheegay in la xakameeyn doono imtixaanka islamarkaasinna inta uu imtixaanku socdo hawada laga saari doono Baraha ay bulshadu ku xariirto. Sabtidii la soo dhaafay ayeey u fadhiisteen in ka badan 30 kun oo arday ah imtixaanka shahaadiga dugsiga sare. Hoos ka daawo Muuqaalka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowlada Soomaaliya oo joojisay imtixaankii dugsiyada sare ee dalka appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa caawa ku dhawaaqay in Wasaaraddu ay joojisay gebi ahaanba imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka oo maalmahan ay Wasaaradda ka qaadaysay ardayda dugsiyada sare ee dalka. Wasiirka oo caawa Warbaahinta Qaranka kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in wixii hada ka dambeeya la joojiyay imtixaankii socday, isla markaana la baabi’iyay dhamaan maadooyinkii ay ardayda saddexda maalin ee la soo dhaafay galeen. Wasiir goodax ayaa xusay in laamaha ammaanku ay baaritaan ku sameyn doonaan dad la sheegay inay qish bixiyeen oo imtixaanka ku saabsan, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono. Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in timxaanka 27-ka bishan May dib loo qaadi doono. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa in ayaa joogiyay Imtixaankii Shaadiga ahaa, dugsiga sare kaas oo dib loo gali doono 27 ka bisha may 2019ka. GoobjoogNews ayaa heshay nuqulo ka mid ah Imtixaankii barri la gali lahaa, Imtixaankaan oo dadku ay isku dirayeen, gaar ahaan ardayda, taas oo loo sababeynayo inuu darteed wasiirku u is taajiyay . wasaaradda waxbarashada ayaa ku guul dareysatay iney joojiso qishka ay helaan ardayda sanadkaan iyo sanadadii hore. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Caawa ku dhawaaqay in la joojiyey Imtixaankiii Dugsiyada Sare oo ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya sida ay goor dhow qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. War kasoo baxay Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in imtixaanka uu markale dib u bilaaban doono 27-ka Bishan May balse inta ka sokeyso uu istaagayo xilli ardayda Dugsiyada Sare ay mudo Saddex Maalmood ah imtixaanka galayeen . Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa amray in la joojiyo Imtixaanka Berri ilaa xal looga helayo Qishkii baxay iyo sababtii keentay. In kastoo Wasiirka uusan soo bandhigin sababaha loo joojiyey Imtixaanka Dowladda ayaa hadana Saddexdii Cisho ee la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay qishka maadooyinka ay imtixaankiisa ardaydu gelayaan taas oo keentay in la hakiyo. Dad badan oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ayaa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada waxaa ay ku eedeynayeen inay mas’uul ka tahay in Imtixaanka habeen iyo Maalin Baraha Bulshada lagu faafiyo. Dhinaca waxaa jira sheegaya in CID looga yeeray Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka ee dowladda Soomaaliya si wax looga waydiiyo arimahaan taagan ee ku saabsan Imtixaanka.
-
ALEXANDRIA, Va. (AP) — A northern Virginia man who served decades ago as a colonel in the Somali Army is facing accusations in a federal courtroom that he tortured and killed those perceived as enemies of the government. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeeya dhamays-tirka qorsha dayn cafita dalka oo meel gebo gebo ah maraya. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda ayaa guddoomiye looga dhigay guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada maaliyadda, Boostada, Kalluumaysiga, qorshaynta, dekadaha, wasiiru dowlaha maaliyadda iyo guddoomiyaha Bangiga dhexe. Guddiga ayaa labadii todobaadba mar waxa ay yeelanayaan kulan looga hadlayo meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka iyo dardar gelintiisa si ugu dambayn dalka daynta looga cafiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (AFP) - Somalia has for the first time used DNA evidence to obtain a criminal conviction, sentencing three men to death on Sunday for the gang-rape and murder of a 12-year-old girl, the Bureau of Forensic Science said. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors