-
Content Count
208,405 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
NAIROBI, May 14 (Reuters) - Somalia’s economy continues to recover, with growth expected to strengthen to 3% in 2019 from 2.8% in the previous year, while inflation could ease to 3% from 3.2% over the same period, the International Monetary Fund said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Bariire (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay deegaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay labo jiho ka weerareen deegaankaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Milatariga Soomaaliya. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi oo la sheegay in uu xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac. Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weeraro kaga yimid dhanka Al Shabaab. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weeraradaasi. Dhawaan ayaa aheyd markii Ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanka Bariire oo muddo ay ka talinayeen dagaalyahannada Al Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa xalay tartan aqooneedka Shabelle ku tartamay degmooyinka Cabdicasiis iyo Xamar Jajab oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Labadaani degmo ayaa sidoo kale ka wada tirsanaa Group-ka D ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan. Tartamayaasha Cabdicasiis ayaa waxaa la weydiiyay todobo Su’aal, waxaana ay ka Jawaabeen afar ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka faa’iideysteen Su’aal kale oo soo hareer martay dhigooda Xamar Jajab, sidaasina waxa ay ku heleen 10 Buundo. Xamar Jajab oo iyana la weydiiyay todobo su’aal ayaa waxa ay ka jawaab celisay shan ka mid ah, sidaasina waxa ay ku keensatay dhibco gaaraya 10. Guddoomiyaha guddiga tartanka aqooneeda Shabelle Maxamed Axmed Jimcaale oo ku dhaawaqay natiijada ayaa sheegay in labada degmo ay galeen barbar dhac. Dhinaca kale waxaa caawa tartan aqooneedka Shabelle ku ballansan degmooyinka Kaaraan iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/ Hoose. Degmooyinkan oo ku wada jira Group-ka D ee tartanka ayaa ah kuwa ugu dambeeya Groupkaasi. Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle waxaa iska kaashanaya shirkadaha Beco iyo Coc-Cola. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Wasiirka wasaaradda amniga maamulka Putland Cabdisamad Maxamed Galan oo ka hadlayay amniga mBoosaaso ayaa sheegay in ay wadaan qorshe wax looga qabanayo xaaladda amni ee magaaladaasi. Wasiir Galan ayaa tilmaamay in ay diyaariyeen gawaari ka qeyb qaadan doonto qorshaha xaiijinta amni ee guud ahaan gobolka Bari. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay in gacan bur ah lagu qabto amniga M/ Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii dambe falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen deegaano hoostaga dowlad goboleedka Puntland. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xalay ku dhawaaqay in Wasaaraddu ay joojisay gebi ahaanba imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare dalka oo maalmahan ay Wasaaradda ka qaadaysay ardayda dugsiyada sare ee dalka. Wasiirka oo Warbaahinta dowladda kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in wixii hada ka dambeeya la joojiyay imtixaankii socday, isla markaana la baabi’iyay dhamaan maadooyinkii ay ardayda saddexda maalin ee la soo dhaafay galeen. Wasiir goodax ayaa xusay in laamaha ammaanku ay baaritaan ku sameyn doonaan dad la sheegay inay qish bixiyeen oo imtixaanka ku saabsan, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono. Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in timxaanka 27-ka bishan May dib loo qaadi doono, islamarkaana si aad ah loo adkeyn doono. Sidoo kale waxa uu xusay in muddada uu socdo Imtixaanka hawada laga saari doono Internet-ka, si aan baraha bulshada la’iskula wadaagin Qish iyo wax la mid ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/05/Warka-Subax-14052019-ss.mp3 View the full article
-
Lawyers are emerging the biggest beneficiaries in the maritime boundary fight between Kenya and Somalia with revelations that the Treasury paid Sh300 million to Nairobi’s legal team handling the dispute. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin u dhashay beelaha Mogadishu Clan oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno iyo xubno horey xilal usoo qabtay ayaa billaabay dhaq dhaqaaq ay ku baajinayaan shir todobaadkaan lagu wado in uu ka dhaco magaalada Muqdisho. Xubnaha isku dayaya inay shirkan baajiyaan ayaa waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Wasiirka amniga Soomaaliya Maxames Abuukar Islow, Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Siyaasiga Salaad Cali Jeelle. Shirkaan oo ay yeelanayaan Odayaasha Beelaha Mogadishu Clan ayaa looga hadli rabaa Cunaqabataynta saaran magaalada Muqdisho, dilalka ay fuliyaan Ciimada Booliska Soomaaliya iyo maqaamka Gobalka Banaadir, waxa uuna daba joogaa Shir kale oo todobaadkii hore ka dhacay Gobalka Banaadir. Cali Maxamed Geedi iyo mas’uuliyiinta kale ayaa wada dadaalo ay kula kulmayaan Wabar Guud iyo Odayaal kale, si ay uga codsadaan baajinta Shirkaaan oo lagu mucaaradayo Dowladda Soomaaliya. Wali kulanka mas’uuliyiintaam iyo odayaasha ma qabsoomin, balse waxaa la sheegay in ay wada-hadleen islamarkaana uu jiro ballan ay qabsadeen oo kulan kale ah. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in Siyaasiintaan ay dirsatay si loo joojiyo Shirka oo hoos u dhigi kara sumcadda Dowladda, haddii ay kulmaan odayaasha Beelaha Mogadishu Clan ee cabashada ah. Sidoo kale Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa la sheegay in uu kamid yahay odayaasha ku howlan joojinta Shirkaan. Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Mogadishu Clan oo ay hormuud u yihiin Abgaal iyo Habar-gidir ayaa la filayaa in ay ka hadlaan islamarkaana go’aano ka gaaraan dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho oo saameen ballaaran ku yeeshay dadka dagan Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
image.png Madaxaweyne-nimadiyo Maskabkiyo xilkaaguba Ma muquunis uun baa? Ma miskiinka darafkee Muska reerka joogiyo Magantaada xidho baa? Ma masaar afweynoo Muruqmaalka liitiyo Maxasta uun jaraysaa? Ma fallaadh mariidliyo Mishigaan duryamayoo Masalaha ag yaallaa? Mise waaba miiniyo Madaafiicda goobtiyo Militeri hariiryo leh? Ma mas iyo abees iyo Jilbis milil afuufoo Madaxtooyo korisoo Muska Xaraf ag jiifaa? 1) Ismaaciil Yare wuxuu yidhi “Anigu Muuse madaxweyne uma aqoonsani kuna odhan maayo” 2) Guri Barwaaqo: Waa ninkii aflagaadeeyey Mujaahid Sayyid Maxammed Cabdulle Xassan, kuna sifeeyey nin aan Muslim ahayn, sidoo kale dafiray taariikhdii daraawiishta oo ku tilmaamay wax aan jirin oo dhib mooyee aan waxba laga dheefin. Waa ninkii aflagaadeeyey hablaha Ciidagale oo weliba ka qoray buugga (Satanic Verses) ee waddanka khalkhalka gelin gaadhay ee mudahaaradyada iyo shiraraka Jaraa’id ee isdaba joogga ah sababi jirey ee qabiilooyinka madaxa isu gelin gaadhay. Madaxweynaha “Jamhuuriyadda” ma aqoonsani iyo 18ka May ma aqoonsani keebaa denbi ah, keebaanse ahayn? Keebaan dastuurka waafaqsanayn oo xadgudub ku ah, keebaanse ahayn? Waa maxay sharciga qabtay Dhakool ee aan qaban labadan nin ee kale? Ma Dhakool baa amniga khatar ku noqday oo dad kiciyey mise ninka buugga ku qoray aflagaadada ee qabiilooyinka foodda isu gelin gaadhay kana tallaabay xadkii anshaxa ee Soomaalida iyo kan Islaamkaba? Siyaad Barraa xaqdarro samayn jirey ma sidanay dhashay? Maxamuud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@yahoo.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka saaxiibada caalamka loogu yareeyo ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa laba garab u kala jabay, lana kala saftay dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Arrintan ayaa waxaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam kadib markii uu ka tagay shirkii fashilmay ee Garoowe, kuna laabtay magaalada Kismaayo. “Waa wax aad laga xumaado in beesha caalamka ay kala qayb-qaybsanto, isla markaana ay qayb ka noqoto dhibaatada haatan ka taagan dalka Soomaaliya” ayuu yiri Axmed Madoobe. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dalalka Yurub ay la safan yihiin maamul goboleedyada halka dowladda Mareykanka ay la safan tahay dowladda federaalka. Kulan galabkii axadda ka dhacay qaybta VIP-da ee garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu kasoo laabtay Madaxweynaha Soomaaliya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa la sheegay in safiirada Yurub ku eedeeyeen madaxweynaha fashilka shirka Garoowe, halka Mareykanka uu inta badan ka gaabsanayey eedeynta dowladda, ama taageero uu u muujinayey. Dalalka ayaa sidoo kale horey ugu kala qeybsamay arrimaha Soomaaliya, kadib markii dowladda ay cayrisay ergeygii QM, markaasi oo dalalka Yurub ay aad uga carroodeen halka Mareykanka taageero uu u muujiyey dowladda. Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haysta dhalashada Mareykanka, waxaana uu taageero weyn ka haystaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Tehran (Caasimada Online) – Iran iyo Mareykanka ayaa qarka u saaran dagaal, waxaana socda daan-daansi xooggan oo Mareykanka ku samaynayo Iran, xilli laga cabsi qabo inuu weeraro. Mareykanka ayaa maraakiibka xambaara diyaaradaha dagaalka u diray badda gacanka, isaga oo ku dooday inuu ka hor-tagayo halis kaga imanaysa Iran. Maamulka madaxweyne Trump ayaa maraakiibta gacansiga Mareykanka ee maraya badda gacanka uga digay in Iran ay weerar kusoo qaadi karto. Wargeyska Washington Post ayaa qoray in la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka John Bolton, oo ah xagjir neceb islaamka, uu Iran u dhigayo dabin daan-daansi, islamarkaana la doonayo inay xabadda billowdo si weerar loogu qaado. Dhinaca kale, Iran ayaa sheegta in hal gantaal oo kaliya uu ka adag yahay Markab dagaal oo Mareykanka uu geeyey badda gacanka, oo haddii ay ku dhuftaan dhulka ay la sami karaan. Markabkan oo lagu magacaabo Abraham Lincoln looguna talo-galay in lagu cabsiiyo Iran, ayaa waxa uu madaxweyne Trump u diray bariga dhexe, wuxuuna dhowaan ka gudbay marinka Suez, si loogu digo Iran. Lama yaqaan, sababta Mareykanka ay u abuurayaan halis aan jirin, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay gadaal ka riixayaan Israel iyo Saudi Arabia, halka John Bolton oo ah nin muddo u ololeynayey in la weeraro Iran uu hadda yahay la-taliyaha amniga qaranka. Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana la saadaalin karin sida wax noqon karaan, ayada oo Donald Trump uu yahay madaxweyne fud-fudud oo wax kasta ay ka suurta galaan. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay shirkii kusoo dhamaaday magaalada Garowe ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu horeyn nasiib daro ku tilmaamay in madaxda dowladda Soomaaliya ay la heshiin waayeen madaxda dowlad goboleedyada, kadib markii muddo todobaad ah shir uu kaga socday magaalada Garowe. Wuxuu yiri Haddii ay madaxdii dawlada federaalka la heshiin waayeen Dawlad goboleedyadii, xagey doonayan in ka taliyaan?, taasi oo ah su’aal ku wajahan madaxda dowladda. “Waa ayaan dari wayn in shirkii Garawe lagu soo kala dareeray. Haddii ay madaxdii dawlada federaalka la heshiin waayeen Dawlad goboleedyadii, xagey doonayan in ka taliyaan? Muqdisho oo keli ahbaa? Muqdisho ilaa imisa ayey sii xamili kartaa” “Wadooyin xiran, shacab cabursan oo cod matala lahayn, canshuur xad dhaaf oo aan xisaab xir lahayn, in laga guro oo aan dib wax loo gelin, in laga abaabulo duminta dawlad Goboleedyada. Waxay ila tahay in la joogo xiligii ay Muqdisho xisaabtami lahayd” ayuu yiri Warsame. Shirkii ka dhacay magaalada Garowe ayaa sababay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay ku kala dhaqaaqaan iyadoo aysan wax heshiis ah ka gaarin qodobadii ay ka wada hadleen. Waxaana hadda muuqda isbaheysi cusub oo ay sameysanayaan madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa hor-yaalla heshiiska wadaaga khayraadka dabiiciga ah, si loo ansixiyo. Heshiiskii wadaaga khayraadka dabiiciga oo ay saxiixeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, kana dhacay Baydhabo June 5, 2018 waxaa lagu heshiiyey sida loo qeybsanayo dakhliga ka soo xarooda kheyraadka dabiiciga ah. Akhriso, Heshiiska Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah: Shidaalka Badda: Sida ku qoran heshiiskii wadaaga khayraadka dabiiciga, dawladda federaalku waxay heli doontaa 55% dakhliga shidaalka laga soo saaro badda halka dowlad goboleedka ay heleyso 45%, dakhliga dambe waxaa qeybsan doona dowlad goboleedyada shidaalka soo saara iyo kuwa aan soo saarin, sidaasi waxaa lagu xusay heshiiskii qeybsiga kheyraadka ee Baydhabo oo haatan horyaalla golaha shacabka. Heshiiska waxaa ku jira in dowlad goboleedka shidaalka soo saarta ay dakhli ahaan heli-doonto 25% halka degmada ama gobolka sida gaar ah ay ugu yaallaan ceelasha saliidda ay helaan 10%. 10% kale ayaa waxaa nasiib u heli-doona dowlad goboleedyada aan shidaalka soo saarin. Dhinaca kale, shidaalka laga soo saaro dhulka ama berriga waxaa loo qeybsan doonaa, dowladda federaalka waxaa loo qoondeeyey dakhliga 30% halka dowlad goboleedka laga soo saaray shidaalka iyo gobolka sida gaar ah looga saaray ay kala qaadan-doonaan 30% iyo 20% siday u kala horreeyaan, halka dowlad goboleedyada aan soo saarin shidaalka ay xiso ahaan dakhliga heli-doonaan 20% . Haddii dhulka laga qodayo gaar loo leeyahay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka waxaa ay kala helayaa 40-40% halka degmada soo daarta ay heleyso 10% iyo dowlad goboleedyada aan soo saarin oo ah 10%. Dakhliga Bixinta Laysinada ay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada u qeybsan-doonaan 50-50 SPA: Shirkadda Somali Petroleum Authority (SPA) ayaa ka mas’uul ah bixinta laysinnada, la socodka iyo dhaqan-gelinta shuruucda shariga shidaalka iyo arrimo kale. Idaacadda Goobjoog
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland, Cabdikariin Axmed Xinif, ayaa kusoo biirey dagaalka afka ah ee u dhaxeeya Xukuumada Muuse Biixi iyo xisbiga Waddani. Guddoomiye Xinif oo maanta warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa, ayaa waxa uu si adag uga jawaabay eedeymo ay xukuumada u jeedeyiin Mas’uuliyiin ka tirsan Xibsiga mucaaridka ah ee Waddani, wuxuuna yiri “Rag badan oo shalay halkaa ka hadlayey, markay Kulmiye joogeen iyaguna ma xumayn, Kulmiye-na xumayn, waxa imika u muuqdaa xilalka markay hayeen umay muuqanin, laakiin markaas ayaa laga rabay inay yidhaahdaan ‘Waxaasi wuu innaga khaldan yahay’ Marka aan xukuumadda ka tirsan-nahayna aan amaano oo khaladkeedu ii muuqan waayo, markaan dibedda ka joogana ii noqoto abaar, Ceeb bay ku tahay dadnimada”. “Raggaa waxa ka mid ahaa Rag lahaa Muuse Biixi haddaanu talin garanayn Anaga ha noo yeero, xitaa Madaxweyne ma odhanin, hadalkaa qosol ayuun baan kaga jawaabi karayaa”. Wuxuuna intaas kusii daray Xinif “Cabdiraxmaan-cirro inuu Waddanka Madaxweyne ka noqdo Mar uun, laakiin Waddadii ma hayaan, waddadii isna ma hayo, kuwan la joogana ku duwi waaye, Waddo kale ayay hayaan. Xaq buu u leeyahay, waanu la jecel nahay, iinsha-allaah wuu noqon doonaa, laakiin Waddadii ma hayo, markaa waxaan leeyahay Guddoomiye Cabdiraxmaan Waddada ku soo baydh”. Guddoomiye Xinif ayaa ugu dambeyntii wuxuu sheegay in Siyaasintii hore uga tirsanaa Xukuumadihii Kulmiye ee maanta ka tirsan xisbiga Waddani, inaysan waxba ku soo kordhin doonin xisbigaas oo ay dumin doonan. Muddooyinkii u dambeeyay waxa sii xoogeysanayey dagaalka afka ah ee u dhaxeeya Xisbiga Waddani iyo Xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo warbaahinta isku marinayay hadalo kulul iyo eedeymo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in uu xirmay gabi ahaanba garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen. Garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne ayaa xirmay kadib markii roobab xoogan ay ka da’een gobolka Hiiraan, kaasi oo biyo dhigay garoonka diyaaradaha oo caro madow (Dhoobo) ah. Sanad walbaa xiligaan oo kale waxaa xirma garoonka diyaaradaha ee magaalada Beledweyne, waxaana keenaya inaan xiliga Roobab aysan jirin diyaar garoow, islamarkaana wax dhismo ah lagu sameyn. “Runtii roobkii Guga daadad uu watay iyo Carro ayaa xiray Garoonka diyaaradaha Baladweyne maalmahaan ma aheyn mid Shaqeeya,qofkii Xamar u socda Gaari ayuu Guriceel ku tegayaa si uu Diyaarad uga soo raaco” ayuu yiri qof ka mid ah dadka reer Baladweyne. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dadka doonaya inay kasoo baxaan magaalada Beledweyne inay tagaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay diyaarad kasoo raacaan. Amaanka wadada dhulka ay ee xiriirisa Muqdisho iyo Beledweyne ayaanan wanaagsaneyn, taasi oo keentay in dadka deegaanka ay diyaarad ku yimaadaan magaalada Muqdisho. Labo sano kadib maamulka Hirshabeelle ayaanan ku guuleysan inay dhistaan garoon diyaaradeed oo caalami ah, iyadoo kaliya ay Jaay (Dhagxaan) ku shubeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar. Caasimada Online Xafiiska Hirshabeelle Caasimada@live.com
-
Madaxweyne Deni shir jaraa’id Garoowe 14 May 2019 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka warbixiyey Shirkii Iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS. “Qodobka ugu xasaasisanaa shirkii wuxuu ahaa in loo baahday in lahelo gole siyaasadeed oo ay rabeen Dowladdaha Xubanaha ka ah DFS, runtiina Madaxweyne Farmaajo wuu qiray arrintaas in dastuurku ogol yahay, muhiimadda shirka waxay ahayd, in laysu yimaaddo, la kulmo, lawada hadlo, laakin wax is afgarad ah majirin, waxaana sabab u ahayd in loo baahday waqti badan”.Ayuu yri Madaxweynaha Puntland. Sidoo Kale Madaxweyne Deni ayaa xusay waxayaabaha ay isku khilaafsan yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha xubanaha ka ah DFS. “Dowladdaha xubanaha ka ah DFS. waxay si cad u sheegeen in masiirka dalka loo baahan yahay in talo laga wada yeesho. Xeerka doorashooyinka oo waxyaabaha masiirka ah, runtii wuxuu ahaa wax aan lala socon, oo la rabay in heshiis laga gaaro, waxay ahayd doodaha shirka”. “Doodda kale waxay ahayd, qeybsiga kheyraadka dalka oo Baatroolku kamid yahay, dalka Soomaaliyeed wuxuu soo maray burbur, dadka Soomaaliyeed waxay ku kala duwan yihiin wax badan, si loo mideeyo ayaa federaalka loo qaatay, si aan mar kale ay naan ugu laaban dhibaatooyinkii dagaallada sokeeye iyo is aaminaad la’aanta”. Madaxweynaha ayaa baaq u diray Madaxda DFS iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah. “Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS waa kuwo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waa in ay ka shaqeeyaan midnimada ummda Soomaaliyeed, waa in lawada hadlo hadii xataa la kala aragti duwan yahay, waxyaabaha la isku afgaran waayo in dib loo dhigo lagana wada hadlo kuwa aan lagu muran saneen”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadkay sababta ay Puntland Iskaashi ula yeelatay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed. “Hore waxaan Iskaashi ula lahayn Jubbaland iyo Galmudug, haatanna Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed, waxaan uga faa’iidaysanay in wada shaqeyn lahelo, Hirshabeelle dhaqaale ayaa naga dhexeeya, Koonfur-galbeedna sidoo kale”.Ayuu Yiri Madaxweyne Deni. Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa aad ugu mahadnaqay dhammaan shacab weynaha Puntland, gaar ahaan shakhsiyaadkii ka qayb qaatay soo dhoweynta wafuuddii kala duwanayd ee soo gaaray Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu shacabka ugu baaqay in mar waliba la ilaaliyo jiritaanka iyo nidaamkii Puntland lagu aas aasay. Halkan ka daawo shirka jaraa’id oo dhammaystiran. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo si faahfaahsan iga hadlay arrimaha fashiliyay shirkii Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
There have been substantial discoveries of oil and gas in East Africa and the Indian Ocean in the last decade, but the full potential of the region has yet to be realised, as Tom Collins reports. Source: Hiiraan Online
-
Abu ‘Abdurahman Mahad Warsame, a senior Shabaab official, addresses the issue of jihadist violence directed at Muslims in a newly released audio message. Shabaab’s propaganda arm, Al Kata’ib Media, produced the recording, which is accompanied by English subtitles. Warsame alternates between Arabic and Somali throughout his lecture, which is peppered with references to Islamic texts. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors